25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Cabdicasiis Lafta Gareen oo beelaha Digil iyo Mirifle ka waayey wax taageero ah

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka niyad jabay sida ay u socdaan arrimaha doorashada ,gaar ahaan rabitaanka Digil iyo Mirifle.

Lafta Gareen ayaa ilaa 4 jeer ku hungoobay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee Digil iyo Mirifle, waxaana la sheegay iney taasi walaac badan ku abuurtay.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in Digil iyo Mirifle qaadan karin madaxweyne magac u yaal ah oo uu ula jeedo Cabdicasiis Lafta Gareen.

Qaar ka mid ah xubnihiisa ololaha doorashada ayaa laga soo xigtay in markii ay diideen in odayaashu ay la kulmeen Lafta Gareen iney bilaabeen in dad iska caadi ah ay arrimaha qabiilada kala shiraan.

Tiro labo jeer ah ayaa laga diiday Baydhabo iney ka dhacaan isu soobax loo abaabulay in lagu taageero Lafta Gareen, dadka deegaanka ayaana diiday oo u arka nin maqaar saar ah oo u shaqeynaya shaqsiyaad iyo beelo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney lacag badan ku bixineyso sidii loo dooran lahaa Lafta Gareen, laakiin ilaa hada waxey ka iibin la’a yihiin bulshada reer Koonfur Galbeed.

Nabadoon Caliyoow Isaaq ayaa yiri “Xildhibaanada waa la iibsan karaa laakiin rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed lama iibsan karo, sidaa ha ogaato Dowlada dhexe”.

Diidmada Digil iyo Mirifle ay diideen musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa laga yaabaa iney badasho mowqifka Villa Soomaaliya ee doorashada Koonfur Galbeed, madaama ay masuuliyad daro tahay in shacabka lagu qasbo qof ay diidan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Taliyihii ciidamada xoogga Jen. Gorod oo arrin ay DF u wakiilatay ku guuleystay

Balanbale (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada xooga dalka Generaal Cabdiweli Jaamac Warsame Gorod ayaa sheegay inuu ku guuleystay heshiisiinta beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

General Gorod, ayaa sheegay in dadaaladii ugu dambeeyay ee ay ka wadeen degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ay ugu suuro gashay inay ku guuleystaan dhexdhexaadinta beelaha halkaasi ku dagaalamay.

Arintaasi waxaa isaga iyo xubno kale u wakiishay dowladda Soomaaliya, iyadoo la doonayay in heshiis rasmi ah la kala dhex dhigo beelo marar badan ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Balanbale.

Beelahaasi ayaa isku haya arimo la xiriira dhul daaqsimeed iyo ceel biyoodyo, waxayna iska dileen dad badan, sida odayaasha dhaqanka ay sheegeen.

Wuxuu taliyaha sheegay in dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo u badan meletari la geyn doono deegaanada lagu dagaalamay, si ay kaga qeyb qaataan xaqiijinta amaanka deegaanka.

“Waxaa lagu heshiiyay in ciidamada la kala qaado, kadib waxaa loo gudbi doonaa waxii yaraa ee lagu dagaalamay in la xaliyo, qorshe dowladda u dajisay ee hub ka dhigis ah waa mid dowladda ku xiran, waxaa meel walbaa la dhigayaa ciidamo nabadda ilaaliya meletariga ayayna u badnaanayaan”ayuu yiri Gen Gorod.

Caasimada online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

KHILAAF ka dhex-oogan MURSAL iyo MUUDEEY oo bannaanka usoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bannaanka u soo baxay kaladuwanaanshaha aragtida guddoonka golaha shacabka ee kusaabsan kala diristii Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La  xisaabtanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaliya, waxaana saacadihii danbe baraha bulshada la soo dhigay doodo Sharci ah oo go’aankaas la xiriira.

Gudoomiye kuxigeenka Koowada ee Golaha Shacabka C/Wali Ibraahim Muudeey, ayaa 28-kii bishan kala diray Guddiga Maaliyada sababao la xiriirtay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka, Sidaaw waxaa qabo Xildhibaano.

Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyada oo Gudoonku  sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah La Taliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabada uu qaaday Muudeey, isagoo xusay in xeer hoosaadka baarlamaanka dhigayo in Gudidga Malaiyada ay kala diri karaan oo kaliya Golaha Shacabka.

“Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa”, waxaa sidaas Facebookisa ku soo qoray Jaamac.

Qoraalkan, ayaa u muuqd mid jawaab u ah qoraal ay barteeda Facebook soo dhigtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, iyadoo sheegtay in Mursal imaanshihiisa aaney waxba ka badaleynin mowqifka uu qaatay Muudeey.

Khadiijo Diiriye oo sidoo kale ah Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ayay  aad isugu dhowyihiin dhinaca siyaasadda Kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka C/Wali Muudeey.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo 18-kii Augosto sanadan Gudoomiye Mursal u magacaabay La Taliyeihiisa sare, laba maalin kadib markii laga qaaday Xilka Taliye Kuxigeenka NISA, ayaa fariin Jawaab ah ka soo diray Turkiga, isgaoo ay wada socdaan Mursal.

Arintan, waxey banaanka u soo saartay Khilaafka curdunka ah ee u dhexeeya Mursal iyo Muudeey, Mursal ayaa xafiiska fadhiya oo kaliya wax ku dhow 7 Bilood, maadaama xilka AFhayeenka baarlamaanka uu iska casilay Jawaari oo cadaadis xoogan uga yimid dhanka Xukuumada, sida uu hore uga dhawaajiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ciidamada DF oo dhaqan shacabka ka careysiiyay ka billaabay Xamar + Video

Muqdisho (Caasimada online) – Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga fal celiyay dhaqan cusub oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka bilaabeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Askarta oo ah kuwo cusub ayaa bilbaabay inay toogtaan dhalinyarada lagu eedeeyo inay dhacaan mobeylada ay dadweynaha wataan, waxaana la arkayay marar badan iyaga oo muuqaalo ka duubaya dhalinyarada dhiig baxaysa.

Dhaqankaasi ayaa dad badan oo Soomaaliyeed siyaabooyin kala duwan uga falceliyeen waxaana ay sheegeen inuu yahay mid cusub oo fool xumo ku ah ciidanimada iyo dhaqanka Soomaalida.

Dadka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dhalinyarada mobeylada dhaca isla goobta lagu toogto, laakiin dadka dilalka geysta ay ka baxsadaan goobta iyadoo waliba ciidamada ay joogaan mararka qaar.

Waxay sidoo kale ay sheegeen in dadka cadowga ah ee dhibaatada geysta lagu hayo saldhigyada, laakiin dhalinyaro laga yaabo inay daruufo arintaan u geysteen in isla goobta lagu toogto.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa kasoo muuqday muuqalaada qaar, iyaga oo dhalinyarada la toogtay oo dalbanaya  in la badbaadiyo ay u diidayaan in goobta laga qaado.

Wali magaalada Muqdisho kama dhicin in la toogto ruuxa geysta dilka dadka shacabka iyo madaxda dowladda, laakiin waxaa inka badan seddex jeer dhacday in la toogto dhalinyaro mobeylo dhaceysa.

Walow ciidamada ay wax badan ka qabteen dhaca joogtada ee laga geysan jiray Suuqa Bakaaraha, haddana isla Suuqa bakaaraha waxaa ka dhacda in dad lagu dilo, kuwii dilayna ay ka baxsadaan goobta.

Hoos ka daawo Dhacdadii ugu dambeysay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muxuu saddex sano ka hor Maxamed BIN SALMAN weydiistay EHUD BARAK?

Jerusalem (Caasimada Online) – Dhaxal Sugaha Sacduuiga Maxamed Bin Salmaan ayaa si dadban usoo dhaweeyay ra’iisul wasaarihii Yahuuda Ehud Barak sanadkii 2015, isaga oo ka dhigayay inuu ka iibinayo Tiknoolajiyadda Computer-ada , sida uu baahiyay wargeyska Daily Haaretz ee kasoo baxa Israel.

Shaqsiyaad matalayay Maxamed Bin Salmaan oo xiligaasi ahaa ku xigeenka labaad ee dhaxal sugaha Boqortooyada, ayaa taleefan kula hadlay Ehud Barak oo isagana ahaa ra’iisul wasaaraha Israel intii u dhaxeysay 1999 ilaa 2001.

Wuxuu xiligaasi doonayay Maxamed Bin Salmaan caawinaada Barak oo aheyd inuu ka caawiyo adeega Tiknoolaji ee u saamaxaya inuu dhageysto taleefanada xubnaha boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Iyada oo laga duulayo wada sheekeysigii sanadkii 2015 dhexmaray labada dhinac, ayaa wargeyska wuxuu yiri ” Barak ayaa door ka qaatay hirgelinta Shirkad uu lahaa, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday shirkado badan oo Israel leedahay oo daneynayay Tiknoolajiyadda Sacuudiga”

Warbixino uu soo saaray ra’iisul wasaarihii xiligaasi ee Yahuuda oo marar badan matalayay wasaaradda arrimaha dibadda iyo Wasaaradda Difaaca, ayaa sheegay “Inuu diiday dalab Taleefoon oo kaga yimid Imaaraatka Carabta”

Sacuudiga ayaa marar badan weydiistay Yahuuda Soft weero u sahlaya inay si dhow u dhageystaan codadka taleefanada ay adeegsadaan shaqsiyaadka ay doonaan inay weeraraan

Caasimada Online
Xafiiska Jerusalaan
[email protected]

CC Shakuur war baan kuu hayaa (Shimbirkii ka haray kuwii kasoo duulay Yurub)

Qaab dhismeedka bani’aadamka waxaa ugu muhiimsan MADAXA, oo hadii uu wareero Qofku waxaa lagu tilmaamaa in uu waalan yahay,sidaas ayaa loo yiraahdaa ALLOW MADAXA NOOGA ILAALI.Waxyaabaha ugu daran ee qofka wareeriyo waxaa ugu horeeya MASEYRKA, oo hadii uu maseyr ku galo waxaad tahay uun Qof waalan. Dawadaaduna waa in aad hesho ama ka guuleysato wixii maseyrka keenay, taasina hadda ma muuqato waxeyna u baahantahay in waqti la siiyo.

Hadaba, Hadii aad la yaabanyahay, Wanaaga ay wax ku socdaan, iyo halbeega cabirkiisu aqligaaga ka weyn yahay, waa barnaamuj aad looga fakaray laguna fariisiyey siyaasad xeeldheer oo aan horey looga baran Geeska Afrika. Balse waxaa jira tabo badan oo lagu aarsado, ma aha oo kaliya in aad noqoto mid ku jahawareersan wadadii uu u mari lahaa hadafkiisa,iyo waliba in aad jawaab ka bixiso hadal walba oo soo yeera.

TANI WAA XIKMAD aan is leeyahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur  wey anfaceysaa:

– Waa baa waxaa jiray  shinbiro ku noolaa wadamada qabow sida Yurub, waqtiga winterka ama qaboobaha waxey soo aadi jireen Afrika, shimbir ka mid ah shibirihii ayaa go’aan saday in uu waqtiga qaboobaha joogo  Yurub oo uusan ka soo tagin.

Kadib waxaa dhacay in Barafkii soo daatay, Baalashiina ay ka qoyeen, kadibna waxa uu ku soo dhacay dhulka, Sac meel ku xiran hoostiisa ayuu ku dhcay, Sacii ayaa Xaarweyn dusha ka saaray shimbirkii.

Shimbirkii wuxuu ku fakaray in ay u dhamaatay oo uu dhimanayo, balse Xaarkii wuxuu ka helay diirimaad iyo kuleyl. Kkadibna inta uu madaxa la soo baxay ayuu wuxuu bilaabay in uu qayliyo ama hadaaqo, bisad weyn ama Yaanyuur meesha mareysa ayaa dhawaaqii maqashay inta ay ku soo leexatay ayey ka soo saartay Xaarkii weynaa ee uu shimbiku ku dhexjiray, kadibna wey cuntay.

Hadaba maxey tahay xikmadda qoraalkan yar.

1 – Go’aanka aad qaadato yuusan noqon mid dadka kaa reeba. (Waayo shimbika wuxuu qaatay go’aan ka reebay shimbihii kale).

2 – Hadii qof dhib kuu geysto ha u qaadan in uu yahay cadowgaaga (waayo Saca xaarweyn ayuu dusha ka saaray shimbirta balse diirimaad bay ka heshay oo cadowgeeda ma aheyn).

3 – Qof walba oo adigoo murugeysan ama dhib ku jira kaa soo saaro ha u qaadan in uu yahay saaxiibkaa.

waxaa laga yaabaa in uu cadowgaaga noqdo (waayo Bisadii ama mukulaashii markey ka soo saartay Xaarkii weynaa ee shinbirta dusha ka saarnaa ma noqon saaxiibkeed ee waxey noqotay cadow weyna cuntahay)

Habada, hadii aad meel wanaagsan dooneyso aamusnaantaada ha badato, oo afkaaga xir. (If you’re warm and happy in a pile of shit, keep your mouth shut.)

W/Q: Eng. Bashir Hassan Farah
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Guddoonka BF Somalia oo kasoo horjeeda “ilaalinta” maamulka maaliyadda

Warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaha, iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda (GMMQXHD) ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo dooda la hor istaagay waxay shaaca ka qaadeen baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto musuqmaasuqa hareereyay dhaqangelinta (Implementation) Miisaaniyadda 2018 iyo guud ahaan maamulka maaliyadda Qaranka. Shaki kuma jiro in Guddiga Maaliyadda dhibaato badan ka soo maray helitaanka iyo habeynta xogta xisaab xirka ku faahfaahsan warbixinta waafaqsan maamulka Dowladeed. Laga bilaabo Jannaayo 2017 ilaa maanta, Wasaaradda Maaliyadda lagama hayo xisaab xir rasmi ah oo la tix-raaci karo, taaso astaan u ah maamulxumo iyo musuqmaasuq. Waa musiibo Qaran in Guddoonka BFS ka soo horjeedo gudashada xilka Ilaalinta Maamulka Maaliyadda Dalka.

Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa la qaybiyay kalfadhiga Barlamaanka 20kii Nofember 2018. Wareysi uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda ka sokow, Jawaabta Wasiirka Maaliyadda waxaa la qaybiyay lana jeediyay Kalfadhiga Barlamaanka 24 Nofember 2018. Sidaa darted, danta dalka iyo dadkaba waxay ku jirtaa in BFS gunaanado si daahfuran doodda si loo xaqiijiyo hagaajinta maamulka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, iyo Hantidhowraha Guud. Kala diridda Guddiga oo loo cuskaday sababo aad u liita oo takrifal ah  waxay dhirrigelineysa fowdo iyo burburka nidaamka dowladnimo iyo inaan waxba laga qaban musuqmaasuqa caqabadda ku ah nabadda iyo taabbagalka dowladda Soomaaliya.

Shaki kuma jiro in 10ka Xildhibaan ee 4 maalmood kaddib Barlamaanka ka sheegay inaysan wax ka ansixin Warbixinta Guddiga uu saameyay Musuqmaasuqa aafeyay Dowladnimada Soomaaliya. Waajibka Guddoonka Barlamaanka waa ilaalinta habsami u socoshada xilgudashada xildhibannada Barlamaanka iyo Guddiyadiisa loo abuuray inay fuliyaan shaqooyin joogto ah oo lagu higsanayo maamul wanaag.  Waxaa xusuus mudan in Wakiillo ka socda Bankiga Adduunka (WB) oo dabajooga wax ka qabashada Maamulxumida Maaliyadda Soomaaliya ay xiriir wada shaqeyn iyo tababar u fidiyeen Guddiga Maaliyadda si ay ugu baraarujiyaan gudashada xilkooda ku aadan ilaalinta Maamulka hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuqumaasuqa. Waa nasiib darro in Guddoonka BFS hor istaago gudashada xilkaas. Waxaa maadeys noqday in Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee BFS yiraahdo Isticmaalka Emailka (IT) ma ahan xalaal ama lama oggola.

Hal Xildhibaan oo matalaya ilaa 50 kun muwaadiniin ah wuxuu awood iyo xaq u leeyahay inuu soo bandhigo musuqmaasuqa iyo khaladaadka Laanta Fulinta lagu tuhunsan yahay, lana sameeyo dabagal iyo baaris. Soomaaliya waxaa soo maray dowlad Rayid ah oo Ciidammada dalka xukunka uga tuureen eex iyo maamulxumo darted iyo dowlad Militeri ah oo Jabhado hubeysan xukunka uga tureen cadaalad darro iyo musuqmaasuq darteed. Soomaaliya kuma dhalan karto, kumana noolan karto dariiq lagu burburay.

  1. Qodobo gogoldhig ah: 
  1. Dowlad kasta waa inay ku shaqeysa Miisaniyad sharci ah oo laga ansixiyay Wakiillada Shacabka (Barlamaanka ama Gole deegaan). Dowladdu ma qaadi karto canshuur iyo khidmo, mana qaadan karto amaah haddii uusan jirin sharci u oggolanaaya. Sidoo kale, Dowladdu ma bixin karto kharaj aan horey sharci ugu oggolaan.
  2. Helitaanka Deeqda kabidda Miisaaniyadda waa howl u baahan dadaal siyasadeed iyo mid maamul oo dhib badan.
  3. Dhaqangelinta Miisaaniyadda waxaa u xilsaaran Laanta Fulinta (Executive Branch), gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda;
  4. BFS wuxuu u xilsaaran yahay ansixinta Miisaaniyadda ku tala galka ah, la socoshada, dabagalka, iyo baarista dhaqangelinta Miisaaniyadda la ansixiyay iyo oggolaanshaha wax ka beddelkeeda haddii loo baahdo, iyo ugu dambeyn ansixinta xisaab xir sannadeedka uu Hantidhowraha Guud soo xaqiijiyay in dhaqangelinteeda waafaqsan tahay sharciga Miisaaniyadda, Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha.
  5. Wasaaradda Maaliyadda ayaa laga rabaa inay si joogto ah ugu gudbiso BFS xog hufan, dhammeystiran maalin kasta, usbuuc kasta, bil kasta iyo sannad kasta. Hase yeeshe, xaqiiqada waxay tahay in Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ay ka cagajiidayaan u hoggaansanaanta sharciga gudbinta iyo la wadaagidda xogta BFS iyo Shacabka waqti munaasib ah. Bankiga Dhexe waxaa laga rabaa inuu gudbiyo xisaab xirka dhaqdhaqaaqa Xisaabta Khasnadda Dowladda (Treasury Account). Hantidhowraha Guud waa Hay’ad kaabeysa xilgudashada BFS.
  6. Shacabka Soomaaliyeed ma rumeysan karo in Madaxda Dowladda Federaalka daacad ka yihiin la dagaalanka Musuqmaasuqa ilaa laga dhammeystirayo Dastuurka Qabyada ah, laga helayo Garsoor madaxbannaan, laga dhaqangelinayo sharciyada madaxbannanida Hantidhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, Guddiga Xuquuqul Insaanta, isla markaana laga joojinayo xildhibannanada loo magaacaabayo Golaha Wasiirrada ama la laaluushayo.

Madaama ay muuqato in Wasaaradda Maaliyadda baalmartay warbixinta Guddiga Maaliyadda ama u bareertay olole jaahwareerin, waxaa halkaan hoose ku qodobeysan nuxurka Warbixinta ka kooban 14 bog oo aysan ku jirin lifaaqyo ku xusan, waxaana loona qaybin karaa 2 qaybood:

  1. 8da Bog ee ugu horreeya waxay qeexayaan maamulxumada iyo ku tumashada sharciga maamulka Miisaaniyadda iyo Xisaabaadka ee loo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda. Waxaa xusid mudan in warbixinta Guddiga aysan sheegeyn lacag la xaday, waxayna dalbeysaa in Hantidhawraha Guud soo baaro dakhliga iyo kharajka aan waafaqsaneyn Sharciga.
  2. 6da Bog ee ugu dambeeya waa shax muujineysa: Is barbardhigga dakhliga ku tala galka ah iyo kan soo xarooday 8 bilood; 2. Kharajka ku talagalka ahaa, Kharajka Isbeddelka  Wasaaradda Maaliyadda sameysay iyo kharajka dhabta ee baxay 8 bilood. Shaxda waxaa ku cad:
  3. Ku talagalka Dakhliga iyo kharajka Guud ee Miisaaniyaddad 2018 wuxuu yahay $274,630,191.
  4. Dakhliga Guud ee dhabta ah oo ka kooban Gudaha iyo Dibedda oo soo xarooday 8 bilood Jannaayo ilaa Agoosto wuxuu yahay $156,717,203.53.
  5. Dakhliga Guud ee dhimman 4 bilood (Setember ilaa Disember 2018) waa $117,912,987.48. Shaxda ayaa muujineysa Madaxyada Dakhliga gudaha iyo dibedda ka soo galeen iyo wixii hoos u dhac iyo koror ahba. Xisaabta kor ku qoran waxay muujineysa hoos u dhac guud ee dakhliga ku talagalka 2018.
  6. Shaxda Kharajka waxay muujineysa in Wasaaradda Maaliyadda isbeddel ku sameysay Qoondooyinka Kharajka ku talagalka Miisaaniyadda la ansixiyay 2018, taaso sharcidarro ah.
  7. Kharajka baxay 8da bilood Jannaayo ilaa Agoost 2018 waa $ 152,582,958.
  8. Farqiga dakhliga iyo kharajka dhabta ah ee 8 bilood waa $156,717,203.52152,582,958= Haraa $ 4,134.245.52.
  9. Hoos u dhaca dakhliga guud waxaa ka dhashay hakinta bixinta kharajyo la oggolaaday. Taas waxay keeneysaa hoos u dhaca waxqabadka dowladda iyo kororka deynta gudaha. Arrintaas waxay fasireysa in hay’ado badan ee Dowladda Federaalka aysan helin kharajka howl socodsiinta (Running Cost). Lama oga deynta DF qabto.
  10. Guddiga wax kama sheegin arrimo badan ee la xiriira Maamulka Maaliyadda dibedda iyo Gudaha sida habka wax iibsiga dowladda, canshuur dhaafka dekedda, Qandaraasyada, heshiisyada lala galay shirkado ajnabi ah ee Dowladda Iidheh u sameynaya, Mashaariicda, iyo wareejinta dhex marta DF iyo Dowlad Goboleedyada.
  • Qeexidda Maamulxumada Warbixintu tilmaantay:
  1. Xisaab Xirkii 2017 oo weli laalan.
  2. Bankiga Dhexe oo si sharci darro ah ula wareegay awoodda amar bixinta kharajka ee Xisaaabiyaha Guud iska leeyahay.
  3. Lacago laga soo ururiyay hay’ado gaar loo leeyahay (Rayid ah) oo Wasiirka Maaliyadda maamulayo si aan waafaqsaneyn sharciga xagga soo ururinta iyo xagga bixinta kharajka.
  4. Canshuur la rabay in laga qaado hay’adaas gaarka loo leeyahay oo aan weli la hirgelin.
  5. Lacag dhan 20 milyan doolar oo Boqortooyada Sacuudiga bixisay hase yeeshe aan ka muuqan Miisaaniyadda 2018.
  6. Lacag dhan 3 milyan doolar oo laga wareejiyay si sharci aheyn Madaxa Miisaaniyadda “Adeegga Dowladda” loona isticmaalay si aan sharci aheyn.
  7. Deeqda kabidda Miisaaniyadda aan la helin, loona baahan yahay xogwarran.
  8. Lacagtii loo qoondeyay “Keyda lama Filaanka/Curaarta” oo dhan $2,532,866.86 oo 5% loo isticmaalay ujeedoo ka duwan tii loogu talagalay.
  9. Lacago Mashaaric loogu tala galay oo aan loo isticmaalin ujeedadii loogu talo galay.
  10. Fulin la’aan go’aammadii ku lifaaqnaa ansixinta Miisaaniyadda 2018 sida dhowrista awoodda kala wareejinta xafiisyada dhexdooda, soo gudbinta warbixinta maaliyadda bil kasta iyo warbixinta 10 biloodka, soo gudbinta sharcigii canshuuraha, keyda lama filaanka ah, liiska deymaha gudaha ee Dowladda lagu leeyahay, iwm.
  11. Fulin la’aan go’aankii ahaa in Barlamaanka Federaalka la horkeeno Miisaaniyadaha Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho).
  12. Qoondooyin dheeraad ah ee loo qoray Hay’ado ka tirsan Dowladda taaso ka baxsan Oggolaanshihii Miisaaniyadda 2018.
  13. Bixin la’aan lacag dhan $ 8,400,000 oo loo qoondeyay xildhibannadii iyo shaqaalihii hore ee Barlamaanka Federaalka, lacagtaasoo qaar si khaldan loo isticmaalay, isla markaana xildhibannadii iyo xuquuqdii shaqaalihii lahaa aan ilaa maanta la siin.
  14. Inaan la diiwaan gelin Ciidammada dalka marka la reebo 5,400 ciidan, taaso hortaagan taagerada dibedda. Islaa markaa, Wasaaradda Maaliyadda ma fulin in askariga la diiwan geliyo loo kordhiyo mushaarka $ 50.00 (konton) bishii.
  15. Inaan la dhowrin mudnaanta kala hormarinta kharaj bixinta.
  16. Maamulka Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho) oo musuqmaasuq ballaaran iyo fowdo maamul ka taagan tahay. Gobolka ma lahan Miisaaniyad ku talagal iyo Gole matala Shacbiga deegaanka oo ilaaliya maamulka hantida Ummadda. Wasaaradda Maaliyadda waxay siisaa Gobolka Benadir 15% dakhliga ka soo xarooda Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, Gobolka wuxuu toos u qaada canshuuro kala duwan. Warbixintu waxay caddeyneysaa in muddo 6 bilood ah – Jannaayo ilaa Juunyo 2018, Gobolka Benadir soo galay dakhli dhan $17, 713,086.26 waxaana baxay kharaj dhan $16,776,631.80, oo aan inta badan wax dokumenti ah laga hayn ama aan lagu bixin hab waafaqsan sharciga xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda. Lacagta haraaga ah waa $ 936,454.46
  17. Khasnajiga Dowladda Hoose ee Gobolka Benadir wuxuu Bankiga Dhexe ka soo qaday lacag dhan $ 5,972,085.82, lamana arag wax caddeynaya in dadkii loo soo qaaday la siiyay ama la gaarsiiyay.
  18. Mushaarka shaqaalaha Gobolka Benadir oo laga gooyo 30% sabab la’aan.
  19. Jiritaanka Shaqaale mushaar ka qaata meelo kala duwan ama shaqaale aan jirin ama aan la aqoon shaqada ay qabtaan oo mushaar ka qaata Gobolka Benadir iyo Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale Hay’ado ayaa lacag ka qaata Gobolka Benadir.
  1. Jawaab celinta Wasaaradda Maaliyadda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.A –

    Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga Dhexe Drs. Maryam Cabdullahi Yusuf waxay caddeysay in $5 milyan oo ka mid ah $ 20 milyan ee Boqortooyada Sacuudiga ku deeqday 2017 lagu soo wareejiyay Khasnadda Dhese ee DF Bisha 9aad (Setember) 2018, halka $ 15 milyan ay weli ku jirto Xisaab Gaar ah ee Bankiga Dhexe ku qoran. Caddeyntaas waxay rumeyneysaa warbixinta Guddigga. Su’aasha taagan waxay tahay madaama hoos u dhac dakhli jiro, maxaa lacagtaas loogu soo wareejin la’yahay khasnadda dhexe ee dowladda?B – Ilaa hadda, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdidraxman Ducaale Beyle ma soo bandhigin xog beddeleysa warbixinta Guddiga Maaliyadda ee BFS. Jawaabta laga sugayay waxay aheyd inuu soo bandhigo xisaab xirka 2017 iyo xisaab xirka 8 bilood 2018. Kaddibna qodob qodob uga jawaabo warbixinta.

Wasiirku wuxuu ku dhaqaaqay olole jaahwareerin, dhaleeceyn iyo kicin. Hal ku dhegga Wasiirka wuxuu noqday in warbixinta ay qoreen shakhsiyad, daneystayal (canaasiir) dano gaar ah leh (conflict of Interests). Sidaa darted, warbixintu been abuur tahay asagoo aan wax caddeyn ah bixin. Wasiirku wuxuu is moogeysiyay in Xildhibannanada ay waajib ku tahay inay mashaaric iyo qandaraasyo u raadiyaan deegankooda iyo dadkooda sida uu asaguba ugu raadinayo horumar Gobolka iyo dadka uu matalo. Laanta Fulinta ayaa laga rabaa inay wax qabadkeeda waafajiso sharciga iyo nidaam.

Qoraalka 6da bogga ah ee Wasiirka Maaliyadda ka jeediyay BFS iyo wareysiyo uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda waxaa ka buuxa hanjabaad, cambaareyn, is ammaan, quursi, iyo indho sarcaad. Wasiirku welwel abuuris iyo kicin darted wuxuu ku andacooday in warbixinta Guddiga Maaliyadda ay dalka dhibaatoo gelineyso, lana rabay in asaga laga warqaato, lagu kalsoonaado, lagana dambeeyo. Dhibka dalka ka taagan waa musuqmaasuq, maamulxumo, ku tumashada xorriyada iyo xuquuqda muwaadinka, cadaalad darro, iyo curyaaminta howlaha BFS iyo Hay’adaha Madaxabannan.

Wasiir Beyle waa qaadan waayay in xildhibannada dhalliileen wax qabadkiisa, mana muujin inuu ku qanacsan yahay hadafka qotada dheer ee laga leeyahay xilka ilaalinta (Oversight) BFS ku leeyahay Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda. La Xisaabtanka dowladda waa howl u baahan sharci u hoggaansanan, aqoon, iyo daahfurnaan dhab ah.

Wasiirku wuxuu sheegtay in shacbigu kalsooni ku qabo, IMF ammaantay, xildhibannada diyaariyay Warbixintana ay muujiyeen biseyl la’aan, iskuna khaldeen dakhli iyo deeq. Wasiirku wuxuu Xildhibannada xusuusiyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo asagaba ammaan mudan yihiin. Waa halis in dhirrigelinta siyasadeed ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ula jeedo in dadaalka la kordhiyo loo qaato ammaan wax qabad.

Wasiirku wuxuu ku dooday inaan weli la xirin Xisaabaadka Miisaaniyadda 2018, taaso ah fadeexo weyn, waayo waajibka shaqo waa in maalin iyo bil kasta la sameeyo xisaab xir, hay’adaha shaqada ku lehna lala socodsiiyo. Wasiirku wuxuu qirtay in lacag dhan $3 milyan laga bixiyay Madaxa 105-03 kaddibna lacagtaas dib loogu soo celiyay iyo in lacag tabarucaad ah laga qaaday Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bankiyada loona isticmaalay howlgelinta Xarunta Warbixinta Maaliyadda (Financial Reporting Center), asaguna maamulay, taaso ah sharcidarro. Wasiirku ma hubsan in ka Wasiir ahaan ku urursan karin magaca dowladda tabarucaad, kaddibna u isticmaali karin siduu rabo. Dowladdu shaqo kuma laha tabarrucaad (Iskaa wax u qabso) dadweynaha haddii aysan Dowladdu shirka ku aheyn, markaaso loo baahan yahay in nidaam gaar ah loo sameeyo.

Guulaha Wasiirku sheegtay waxaa ka mid ah:

  1. In dhammaan dakhliga dowladda lagu shubo khasnadda dhexe ee Dowladda taaso been noqotay kaddib markii lacag dhan $ 15 milyan doolar ee la helay 2017 aan weli lagu soo wareejin Khasnadda Dhexe ee Dowladda. Tan labaad, Wasiirka ayaa qirtay in malaayin doolar oo deeqbixiyayaasha ay bixiyeen aysan ku soo dhicin Khasnadda Dhexe, madaama aan Dowladda lagu kalsooneyn. Qoraal ka soo baxay khubaro ka shaqeysa Bankiga Adduunka (WB) iyo Qarammada Midoobay (UN) waxay sheegeen in wax ka yar 4% deeqda Beesha Caalamka ku bixiso Soomaaliya la soo marsiiyo Khasnadda Dowladda.
  2. In Dakhliga Gudaha ku talagalka 8 bilood ahaa $ 104 Milyan, lana soo xareeyay $ 112 milyan. Isla Markaa Wasiirku wuxuu sheegay in Kharajka la bixiyay 8 bilood noqday $147 Milyan doolar, taaso muujineysa in loo baahan yahay xisaab xirka Dakhliga Gudaha iyo dibedda si loo qiimeeyo dhaqangelinta Miisaaniyadda.
  3. Wasiirku oo raba inuu beeniyo hoos u dhaca dhabta ah ee dakhliga guud, wuxuu qoraalkiisa ku yiri: “Shakhsiyadkaan ayaa warbixintooda ku tilmaamay in guud ahaan dakhliga dowladda hoos u dhac ku yimid, waxay tilmaameen  in canshuuraha shaqaalaha dowladda aanu fadhin hase yeeshe waxaysan eegin isbadalka  ma mid koror ah baa mise waa mid hoos u dhac ah, waxaan soo rognay in dhamaan canshuur laga qaato shaqaalaha ka shaqeeya mashaaricda iyo dhamaan gunnooyinka dowladda bixiso  sida xeerka uu qabo; ku talagalka  canshuurta shaqaalaha  ee 8 bilood ayaa ahayd 3.23 milyan doolar halka ay soo xerootay 3.7 milyan doolar, runtii arrintan  waa arrin mudan bogaadin.” Farqi ayaa u dhexeya hoos dhac guud iyo hoos u dhac/kor u kac hal Madax. Warbixintu kama hadlin canshuurta shaqaalaha aanu fadhin. Waa tusaale muujinaya is ammaan iyo ka badbadin.

24 Nofember 2018, Wasaaradda Maaliyadda waxay soo saartay Warsaxaafadeed ay ku soo dhoweyneyso go’aanka Barlamaanka Federaalka ku tirtiray warbixintii Guddiga Maaliyadda Barlamaanka ee ku saabsaneyd Maamulxumada Miisaniayadda 2018. Warsaxafadeedku wuxuu sheegayaa sababaha loo tirtiray warbixinta inay yihiin in Miisaaniyadda 2018 weli xirmin, inaan la raacin habraacii Barlamaanka iyo in Wasaaradda Maaliyadda si buuxda u burisay nuxurka Warbixinta. Saddex sababood midkoodna sax ma ahan. Waxaa soo ifbaxaya dhaqan dal iyo dad dhan ku burbureen.

Dr. Maxamud M Culusow
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Seddex qodob dartood oo doorashada Puntland ay dib ugu dhici karto (Aqri)

Garowe (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland ayaa Walaac  badan ka qaba in doorashada Puntland ay dib uga dhacdo xiliga loo balansan yahay oo ah Siddeeda bisha Janaayo ee sanadka 2019.

Madaxweynaha talada iminka haya C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa doonaya inuu markale kusoo laabto hogaaminta maamulka Puntland oo uu ka talinayay sanadihii ugu dambeeyay.

Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa qaba in ay yar tahay rajada laga qabo in doorashada Puntland ay ku dhacdo waqtigeeda, waxaana uu sheegay in qodobo dhowr ah aysan saamaxeyn.

Arrinta koowaad ayuu ku sheegay inay tahay inaan la magacaabin ilaa iyo hadda guddiga doorashada iyo guddiga xalinta Khilaafaadka oo xal ka gaari lahaa murunada ka dhasha doorashada Puntland.

Wuxuu sidoo kale shaki weyn ka qabaa in guddi doorasho oo hadda la dhisaa inaysan ka shaqeyn doonin cadaaladda doorashada deegaanada Puntland, sida uu hadalka u dhigay siyaasi Muuse Jaamac.

Arrinta labaad ee keeni karta dib u dhaca doorashada ayuu ku sheegay inay tahay faragelinta xukuumadda hadda jirta ee Gaas ay ku heyso howlaha doorashada sida soo xulistii xildhibaanada iyo maroorsiga awooddii isimidu ku lahaayeen ka qeyb qaadashada iyo xulida xildhibaanada beelaha ku matalaya golaha wakiilada.

Arrinta seddexaad ee keeni karto dib u dhaca doorashada ayuu ku sheegay inay tahay in Gaas uu xildhibaano badan la doonayo inuu ka dhigo dumar, si uu hadhow u helo codadkooda, taasina ay abuuri doonto iska hor imaad.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

Shirka bixitaanka AMISOM oo Muqdisho ka furmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah ku yeelanaya taliyaasha ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, iyaga oo ka arinsanaya qorshaha bixitaanka ciidamada AMISOM.

Taliyaasha ciidamada AMISOM oo gaaraya lix Taliye una kala dhashay dalalka Uganda, Ethiopia, Kenya, Jabuuti iyo Burundi ayaa shirkooda Muqdisho ka furmaya kaga hadlaya qorshahooda ugu dambeeya ee bixitaanka ciidamada AMISOM.

Kulanka ayaa yimid kadib booqashadii Muqdisho ay ku yimaadeen xubnaha guddiga nabad galyada iyo amaanka ee Midowga Africa, kuwaasi oo tagay magaalooyinka qaar ee dalka iyaga oo u kuurgalayay xaaladda amaan ee Soomaaliya.

Maxamed Idiris oo ah guddoomiyaha wafdiga soo gaaray magaalada Muqdisho oo ka kooban 27 xubnood ayaa sheegay in safaro ay ku tageen magaalooyinka qaar inay gelisay rajo wanaagsan oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka AMISOM.

Kulanka maantaka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa taliyaasha ay kasoo saari doonaan qorshaha ugu dambeeya ee ay ciidamada AMISOM uga bixi doonaan Soomaaliya 2019 ilaa 2021.

Kulanka Taliyayaasha kaddib waxaa xigi doona kulan ay yeelanayaan Waddamada Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo iyana ka hadlaya habka ugu wanaagsan ee AMISOM uga baxeyso Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Kheyre oo wasiiradiisa kusoo rogay amar u baahan in la fuliyo ka hor dhamaadka 2018

Muqdisho (Caasimada Online) – 
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo guddoomiyay kulankii maanta ee golaha wasiirrada ayaa faray dhammaan wasiirrada xukuumadda in kahor dhammaadka bisha December ay dhamaystiraan hawlaha uga harsan qorsha hawleedka sannadka 2018-ka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dhammaystirka qosha howleedka sannadkaan ay fududaynayso in si fudud loogu gudbo qorshayaasha qaran ee sannadka 2019.

Kulanka golaha wasiirrada ee maanta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhammaan warbixinno iyo hal-beegyada tubaha ee qorshuhu ahaa in fulintooda lagu guulaysto sannadkaan dhammaadka ah.

Ciidamada Somaliland ee Tukaraq oo Puntland looga goostay gaari gaashaaman

Sool (Caasimada Online) – Gaadhi gaashaaman ayaa lagala goostay ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Tuka-raq gaar ahaan guutada koowaad.

Gaadhigan oo uu saarnaa qori Dhashiike ah ayaa ahaa Haadhtoob ( LANDCRUISER  4.5)waxaana la baxsaday darawalkii waday, sida ay ku waramayaan wararku sheegayaan, darawalkan gaadhiga la baxsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaacil Maxamed Yogol  (Budul) oo Hargeysa ka soo jeeda.

Waxaana fiidkii xalay tilifishanka maamul gobaleedka Puntland ka soo muuqday gaadhigan gaashaaman iyo askarigii darawalka ahaa oo qori ku gaashaaman kaas oo baabuurka barbar taagnaa.

Sarkaal ka tirsan ciidanka maamul gobaleedka Puntland Ismaacil Warsame ayaa ka hadlay gaadhiga iyo askariga ula yimi “Waxa halkan noogu yimi gaadhi waraaj ah oo uu wato hal sarkaal oo ciimada jiida hore ee Somaliland fadhiya,waxaanu usheegaynaa qolada ka sokaysa iyo kuwa ka shisheeyaba in wax natiijo ah aanay jirin, ninkaasina uu kaligii gaadhiga watay.”

Waxa ay wararku intaas ku darayaan in gaadhigan gaashaaman darawalkii waday inuu yahay ninkan la galay maamul gobaleedka Puntland, waxaana baxsigani uu ugu suurto galay kadib marii si qorshaysan uu ula dhuuntay xiligii duhurka oo inta badan ee ciidanku ay ahaayeen kuwo   nasasho ku jiray.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa jiida hore ee Tukraq ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamul gobaleedka Puntland oo dhawar jeer oo hore uu  dagaal ku dhex maray sandkan jiidaas, dagaaladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinacba ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

“Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu sannadkii heli karaa $2,500” Farmaajo & Kheyre oo looga digay bixinta…

Naiorbi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin Dawaar ayaa talo wax ku ool ah u diray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku saabsan Kheyraadka Badda ee dalka.

Faarax Macallin waxa uu madaxda dalka uga sarreysa u sheegay in ay ka faa’ideystaan kalluunka Soomaaliya oo ay sameystaan ciidamo ilaaliya badda.

Talada siyaasiga reer Kenya ayaa ku soo aadday xilli Madaxweyne Farmaajo iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ee xukumadda ay Nairobi uga qeybgaleen shirka loo yaqaan Blue Economy oo ay madax badan isugu yimaadeen.

Faarax Macallin waxa uu yiri: “Shirka Blue Economy-ga oo kaliya, lacagta sanadkii qofka Soomaaliga cel celis ahaan u soo gashaa waxa ay noqon kartaa $2,500 oo Dollar taas oo sii laba laabmi karta 15-ka sano ee soo socda. Ma aha in ay siiyaan shatiyada/xuquuqda kalluumeysiga shirkada shisheeye. Farmaajo/Kheyre fadlan horumariya waaxdaas oo ciidamo aad leedihiin ku ilaaliya xeebta.”

Xilli aysan wali dowladda u soo jeesan waaxda beeraha maadama ay amni darro ka jirto labada shabeelle hadana Kalluumeysiga waxaa loo arkaa ilaha dhaqaale ee dalka ugu saameynta badan mustaqbalka dhaw.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa la filayaa in ay dhawaan ku dhawaaqdo shatiyo ay siin doonto shirkado caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

FARMAAJO oo shaaciyey sababta ku qasbaysa inuu xiriir la yeesho ITOOBIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday sababta ku qasbeysa inuu xiriir wanaagsan la yeesho dowladda Itoobiya.

Isaga oo la hadlayey Soomaalida Nairobi ayuu Farmaajo sheegay in nabad lala sameeyo Itoobiya ay muhiim u tahay xasiloonida Soomaaliya, la’aanteedna aysan Soomaaliya ka dhaceyn xasilooni.

Waxa uu sheegay in Soomaalida aysan waxba isku qabin, oo burburka Soomaaliya uu ka yimid dibedda, gaar ahaan markii ay dagaalameen Soomaaliya iyo Itoobiya, oo labada dhinac ay jabhado isku abuureen.

“Dhibka Soomaalida wuxuu ka imanayaa Itoobiya, waa sida beer oo kale, oo beerta marka ay biyaha ka bataan waa in laga xiraa kanaalka biyaha, ee caqli maaha in la yiraahdo kanalka biyaha ha furnaado, beerta ayaan ka dhurayaa biyaha, weligaa waad gureysaa biyaha” ayuu yiri Farmaajo.

“Kanaalkeena dhibaatada waa Itoobiya, waxaana rabnaa inaan xirno, sidaas darteed inaan la heshiino waa muhiim, haddaan la heshiin weligeen dhibaatada waan ku jiraynaa” ayuu yiri.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad u dhaliilay isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaga oo sheegay Itoobiya ay tahay cadow aysan ahayn in lasoo dhoweysto.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Muxuu xeer hoosaadka BF ka dhahayaa kala dirista guddiyada? (Aqri sharciga)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Hoosaadka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ku xusan in golaha uu dhisayo guddiyada(ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa.

Qodobkaas sida ku xusan, guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu leeyahay soo-jeedin, laakin dhisidda iyo baab’inta intaba waxaa leh aqalka golaha shacabka.

Mar haddii isla qodobkaas lagu sheegay in golaha ay guddiga uun dhisayaan, isla markaana aaney shaqo ku laheyn madaxda guddiyada, qodob 58aad ee isla Xeer Hoosaadka waxaa uu ka sheekeynayaa sida ay tahay in guddiyada ay guddoon u yeeshaan, qaabka doorashada iyo sida warbixinnada u gudbiyaan.

Qodobka 57aad waxaa uu xusayaa shaqada guddiyada oo ay ku jiraan: In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado, In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso.  In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada, In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso iyo  In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobadaas Xeer Hoosaadka Oo Faah-faahsan:

Qodobka 56-aad: Xeerarka Guud

  1. Hannaanka sharciyeed ee Golaha Shacabka waxaa uu saameeyaa guddiyada si la mid ah sida uu Golaha Shacabka u saameeyo.
  2. Golaha Shacabku waxaa uu dhisaa oo ogoolaanayaa guddiyo (ayna ku jirin madaxda guddiyada), isla markaana waxaa uu qeexaa waajibaadka shaqo ee guddiyadaas, kadib marka uu gudoomiyaha Golaha Shacabku soojeediyo asagoo la tashanaya ku xigeenadiisa.
  3. Guddigu waxaa uu arrin khaas ah oo leh waqti cayiman aawadeed ugu soo darsan karaa xubnihiisa qof aan horey uga mid ahayn guddiga, kadib marka xubnaha guddigu arrintaas isla aqbalaan. Xubinta lagu soo daray guddiga waay ka qeyb gali kartaa fadhiyada guddiga lakiin malaha xuquuqda cod bixinta ee arimaha uu guddigu go,aanada ka gaarayo.
  4. Marka ay jiraan duruufo, guddiyadu waxaa ay isla isticmaali karaan qalabka iyo adeegyada kale ee la heli karo.
  5. Guddomiyaha Golaha Shacabku, asagoo la tashanaya ku xigeenadiisia, waxa uu magacaabaa guddiyo u xilsaaran in ay qabtaan howlo gaar ah, warbixintoodana u soo gudbiya Guddoonka Golaha Shacabka , si loo horgeeyo Golaha Shacabka. Haddii hal shaqo ay ka wada dhaxayso dhowr guddi, guddiga arrinka masuulka ka ah iyo guddiyada hawshu kala dhaxayso waa inaay isku waafaqaan waqti xaddidan oo ku haboon gudbinta aragtiyadooda. Haddii ayna gaarin waqti xaddidan waxaa waqtiga go,aaminaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka, asaga Guddoonka sidaas ku wargalinaya.

Qodobka 57-aad: Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka

Waajibaadka Shaqo ee Guddiyada Golaha Shacabka, marka lagu daro shaqooyinka ayaga u khaaska ah ee xeer-hoosaadkani farayo, waxay ahaanayaan sida soo socota.

  1. a) In ay fuliyaan shaqo kasta oo uu Golaha Shacabka u xilsaaro,
  2. b) In ay baaraan, ka doodaan,talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la hor keeno Golaha Shacabka
  3. c) In ay keenaan sharci kasta oo qabyo ah ama qaraaro qabyo ah oo ku saabsan waxyabaha ay shaqadoodu tahay, marka laga reebo hindise sharciyeed la xiriira miisaaniyadda sanadlaha iyadoo ay isku raaceen ugu yaraan10 xubnood ee Guddiga
  4. d) In ay Golaha Shacabka u soo jeediyaan sharciyo qabyo ah (hidiso sharciyeed) oo ay tahay in xukuumada loo faro in ay kafaalo qaado.
  5. e) In ay talo siiyaan guddiga misaaniyada iyo Maaliyadda, lacagta iyo illaalinta hantida qaranka arimaha ku saabsan mudnaanta miisaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos timaado.
  6. f) In ay baaraan talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha guddiyada shaqadu kala dhaxeyso.
  7. g) In ay ka talo bixiyaan ama ay cadeeyaan arrimaha Golaha Shacabka u soo gudbiyo.
  8. h) In ay keenaan doodo barlamaanku ka yeesho oo ah arrimaha faa’iidadu ugu jirto ummada.
  9. i) In ay qiimeeyaan, kormeeraana habka loo qabto iyo habka loo hirgaliyo sharciyada iyo qorshayaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso.
  10. j) In ay dib-u-eegis ku sameeyaan qorshaha kharashaadka waqtiga dhow, dhexe iyo kan fog-ba ee ha’yadda ama ha’yadaha loo xilsaaray.
  11. k) In ay bilaabaan baaritaan la xiriira shaqada guddi kasta u xilsaaran yahay
  12. l) In ay sameeyaan cilmi baaris ku saabsan shaqada guddi kasta u xilsaaranyahay
  13. m) In ay sameeyaan dadaal kasta oo ay kula falgelayaan kuna kasbanayaan bulshada rayidka ah,
  14. n) In ay Golaha Shacabka ku wargaliyaan shaqooyinkooda.

Qodobka 58-aad: Guddoonka Guddiyada

  1. Guddi kasta ee Golaha Shacabka waa inuu yeeshaa Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen iyo xoghayn oo ah hogaanka guddigaa.
  2. Xubin kasta oo ka mid ah guddoonka guddiga waa in laga dhex doortaa xubnaha gudiga dhexdooda laguna doortaa cod aqlabiyad ah oo ka yimid xubnaha guddiga.
  3. Gudoomiyaha guddiga ayaa saxiixaya go’aanada guddiga. Hadii Gudoomiyaha maqanyahay waxaa shaqadiisa qabanaya gudoomiye ku xigeenka, hadii labadooda maqanyihiin waxaa howshaoda qabanaya xoghayaha guddiga, hadii isana maqanyahay, Guddigu qof ayay iska dooranayaan oo sii wada howsha Guddiga. Waxaana la ogaysiinayaa Gudoomiyaha Guddiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wasiir Khadiijo oo dab ku shiday khilaafka gudiga maaliyadda ka taagan

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo dibadda ugu maqan howlo u gaar ah aanay waxba ka bedeli doonin kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudeey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda iyo Miisaniyadda.

Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku tiri” “Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey”

Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo ka soo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ka soo horjeedo kala dirida Guddiga Maaliyadda.

Inkastoo la sheegay inay sharci darro tahay kala dirida uu Guddoomiye C/weli Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda, hadana waxaa la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Guddoomiye Mursal oo qudhiisa lagu xagliyo inuu u janjeero dhanka Xukuumadda oo la rumeysan yahay inay gadaal ka riixeysay. qorshaha lagu kala diray Guddiga Maaliyadda.

Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyadoo guddigu sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub

Tallaabadan ayaa ka dhigan in dhammaan xubnihii Guddigaas oo u badnaa Mucaaradka in la kala diray, taasoo muujineysa inay sabab u tahay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kala dirista Guddigan ay Xukuumadda gadaal ka riixeysay, kaddib markii ay kala kulantay Guddiga Maaliyadda cadaadis.

Waa markii u horeysay ee Guddoonka Golaha shacabka kala diro Guddi ka mid ah Golaha oo u xilsaaran la xisaabtanka hey’adaha dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoonka BF awood ma u leeyahay inuu kala diro guddi ka mid ah golaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo iyo doodo ayaa ka yimid sharciyadda uu Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey uu ku kala diray Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa cuskanaya qodobo sharciyeed, taasoo ah in Guddoonka aanu awood u laheyn inuu kala diro Guddi ka mid ah Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddiyada Golaha Shacabka waxaa soo jeediya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo la tashanaya kuxigeenadiisa kadibna waxaa ogollaada Golaha Shacabka sida ku cad Qodobka 56aad, Faqradiisa 2aad ee Xee rhoosaadka Golaha Shacabka.

Sida lagu magacaabay oo kale, waxaa guddiga lagu kala diri karaa marka uu Guddoomiyaha soo jeediyo, Golahana uu aqbalo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka, horayna u soo noqday Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaankii KMG ayaa sheegay in haddii go’aan la gaarayo ay tahay midka Golaha uu gaaro.

“Haddii go’aan ama qaraar la gaari karo waa midka Golaha uu gaaro, go’aan uu Gole shacab gaaro ayaa lagu kala diri karaa, Guddi ha noqdo ama Guddoomiye ha noqdo, go’aan gaaris arrinteeda la hal maasha waxaa is ka leh Golaha Shacabka, asiga ayaa awood u siinaya cid kasta ha noqotee”ayuu yiri Maxamed Cumar Dhalxa.

C/weli Muudey ayaa sheegay inuu Guddiga kala diray, kaddib markii uu la tashtay Guddoomiye kuxigeenka labaad, isla markaana uu Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda soo kala dhex galay khilaaf.

Go’aanka kala dirida Guddiga Maaliyadda ayaa sabab u ah, kaddib markii Guddiga dhowaan soo bandhigay warbixin lagu sheegay in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda, isla markaana ay laanta Fulinta sameysay wax is daba marin iyo lacago la lunsatay.

Dadka odorasa arrimahan oo kale ayaa sheegaya in khilaafka Baarlamaanka dhexdiisa uu sababi karo in mar kale Golaha noqdo mid qalalaaso siyaasadeed, kaasoo saameyn ku yeesha kulamadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Guriga laga soo abaabulay weerarkii Gaalkacyo oo la ogaaday iyo rag la qabtay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka ee maamulka Galmudug ayaa shaaciyay inay ogaadeen gurigii laga soo abaabulay weerarkii lagu qaaday xarunta wadaadka C/Welli Cali Cilmi Yare.

Taliska ciidamada booliska ee Galmudug ayaa sheegay in howlgal labadii maalin ee lasoo dhaafay laga waday magaalada Gaalkacyo ay ku ogaadeen halka laga soo qorsheeyay weerarka iyo gurigii ay ku sugnaayeen ragga weerarka geystay.

Sidoo kale Taliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag kale oo la rumeysan yahay inay abaabulka weerarkaasi wax ka ogaayeen, kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ragga la qabtay oo hadda baaris ay ku socoto ayaa waxaa soo gashay xog la xiriirta inay soo dhaweeyeen ragga weerarka ka dambeeyay iyaga oo ka keenay meel ka baxsan magaalada Gaalkacyo.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhimatay Qaraxyadii ka dhacay xarunta xerta ee Wadaadka Cabdiweli, waxaana la qabtay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo dhaawac ah.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kale oo ay ku raad joogaan dad kale oo tuhunka weerarka uu soo galay.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

Sarkaalkii abaabulay qaraxi hotel Saxafi oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada online) – Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay ruuxii ka dambeeyay abaabulka Qaraxii hotel Saxafi.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ruuxa la qabtay uu ahaa maskaxdii abaabushay weerarka oo sagaalkii bishaan ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo rayid ahaa oo uu ku jiray wiilka uu Dhalay C/rashiid Shire Ilqeyte oo ahaa milkiilaha Hotelka oo isna seddex sano ka hor isla hotelka lagu dilay.

Walow NISA qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in la qabtay ruuxaasi, haddana ma aysan sheegin magaca iyo halka laga soo qabtay ruuxa ka dambeeyay abaabulka qaraxii Hotel Saxafi.

Hay’adda ayaa sheegtay in ruuxaasi la horkeeni doono dhawaan sharciga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo dhaliishay shirkadd FAVORI kana fiirsaneysa HESHIISKA ay kula jirto

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo heshiiskii shirkada Favori kaga howlgashay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa sheegay in heshiiska  Shirkadda Favori uu dhacayo sanadka soo socdo, waxaana ka hor inta aan la saxiixin mid cusub uu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono waxqabadka shirkadda.

Wasiirka wuxuu sheegay in shirkada aysan qaban qaar kamid ah qodobadii hore loogu heshiiyay oo ay ku jiraan dhismaha Terminal labaad, dukaamo laga dhiso banaanka garoonka diyaaradaha iyo qodobo kale.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda ay wax badan qabatay, laakiin aysan dhaqan gelin heshiiskii lala galay 100%, isaga oo sheegay inay jiraan cabashooyin shacabka kasoo gaarayay.

Wasiir Oomaar ayaa xusay in heshiiska cusub ee lala galayo Favori uu noqonayo mid si wanaasgan looga fiirsaday, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono midka hadda dhamaadka ah.

Sharikadda Favori ayaa Garoonka Aadan Cadde la wareegtay sanadkii 2013kii, waxaana xilligaas jiray muran badan oo la xiriiray in heshiiskaas aan la geyn Golaha shacabka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warqadii uu Mahad Cawad qoray oo keentay in la kala diro guddiga maaliyadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka golaha shacabka ayaa sheegay in la kala diray guddiga miisaaniyada, maalliyadda, qorsheynta iyo la xisaabtanka ee golaha ayadoo gudoonka uusoo dhisi doono gudi cusub.

Warqad kasoo baxday guddoonka oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Cabdi Weli Muudeey ayaa lagu sheegay in kala deristan ay ka dambeysay kadib markii xubnaha guddiga ay ku xadgudbeen xeer hoosaadka baarlamanka, islamarkaana khilaaf uu ka dhex dhashay xubnaha..

Muudeey waxa uu yiri waxaan guddiga kala diray

1 – Markii caddaatay khilaafka ka dhex jira guddoonka guddiga, oo gaaray heer fool xun.

2 – Markii ay xubnaha isku khilaafeen golaha hortiisa, oo aaney muuqan wadashaqeyn ay ku guraan waajibkooda,

Caasimada Online ayaa ogaatay labada sabab ay kor ku xusan uu Muudey cuskaday kadib laba warqad oo ay kala qoreen guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka Mahad Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux.

Cawad ayaa warqaddiisa eedeyn ba’an ugu jeediyey xubnaha guddiga, oo ay ka mid ahaayeen xeerar lagu xadgudbay, wada-shaqeyn la’aan xubnaha dhexdooda ah iyo xubno ka mid ah guddiga oo cabasho usoo gudbiyey.

Warqadda Buux soo saaray oo iyana ku timid codsi uu u jeediyey Mahad Cawad, waxaana lagu sheegay in soo gudbinta warbixintii musuq-maasuqa ku eedeysay xukuumadda aan loo marin habraaca saxda ah.

Hoos ka arag warqadda Cawad oo saddex bog ah iyo tan Buux ooh al bog ah.