25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Muuse Biixi oo amar siiyay ciidamada Somaliland iyo Puntland oo ka walaacsan

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera, socdaalkaasi ayaana qeyb ka ah safar labo todobaad qaatay oo uu ku tagay deegaanada Somaliland.

Isaga oo saraakiisha ciidamada kula hadlayay magaalada Berbera ayuu sheegay inuu amar ku bixinayo in ciidamada Somaliland ay heegan adag galaan, waxaana uu fariintaasi u diray  ciidamada ku sugan deegaanada dhanka xuduuda.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu ku laaban doono magaalada Hargeysa isaga oo isku shaandheyn ku sameynaya golaha Wasiirada maamulkiisa.

Arinta la hadal hayo ayaa ah inuu amar siiyay ciidamada ku sugan deegaanada gobolka Sool, gaar ahaan ciidamada ku jira difaaca aaga Tukaraq.

Puntland ayaa walaac ka muujisay amarkaasi la siiyay ciidamada ku sugan aaga Tukaraq, waxaana xubno ka tirsan Puntland ay sheegeen inay arintaasi keeni karto in dhiig kale uu ku daato gobolka Sool.

Marar badan ayay labada dhinac ku dagaalameen gobolka Sool, laakiin waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay socday waan waan arimahaasi lagu dhameynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]

Heshiiska Nairobi: Mar kale miyaa SOMALIA la qiyaani rabaa? (Maxaadan ogeyn)

Nairobi (Caasimada Online) – Somalia waxa ay aqbashay in ay qeyb ka noqoto heshiis ay dowladaha  Kenya, France, Madagascar, Seychelles and Djibouti ku wadaagayaan mukhaabaraad badda ah si looga hortago kalluumeysiga sharci darada ah iyo wasakhda lagu shubo xeebaha badweynta India.

Arbacaddii ayey wadamadaas kor ku xusan wada saxiixeen heshiiskaas, walow Somalia oo qeyb ka ahayd shirkii dhawaan Nairobi ku soo gabagaboobay ee Blue Economy aysan wali heshiiska qallinka ku duugin.

Hase ahaatee, waxaa jira su’aalo badan oo ka dhalanaya ogolaanshaha Somalia ee ah in ay qeyb ka noqoto heshiiskaas wadaaga mukhaabaraadka badweynta Hindiya. Maxaa ka mid ah?

Yaa ka soo shaqeeyey heshiiskan?

Sida la’isku raacsan yahay, wadamada waxa ay siyaasadooda arrimaha dibadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay galayaan ku saleeyaan danihiisa “National Interest”, hadaba, sidee ku yimi hindishan oo ayaa daaha gadaashiisa ka riixaya?

Waxaa dhici karta haddii aan la’iska indha tiro arrintaas oo aan la’iska baandheyn in Kenya tahay cidda soo dhoodhoobtay heshiiskan oo halis ku noqon kara dalkeena.

Sidee ayuu saxiixa heshiiskan ku sameyn karaa muranka badda ee Somalia iyo Kenya u dhexeeya?

Wali maxkamadda cadaaladda ee aduunka (ICJ) waxaa ka socota dacwadda kiiska Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, taas oo jirta, waxaa dhici karta in Kenya ka dhex aragtay hindisahan in ay ku indha sarcaadiso kiiskaas oo heshiiskaas uu wiiqo halka ay Somalia ka taagan tahay dacwadda.

Somalia ma u baahan tahay in ay sharci yaqaano kala tashato arrintan inta aysan saxiixin heshiiskan?

Caadiyan wadamada inta aysan gelin heshiisyo ku keeni kara cawaaqib xumo qaran, waxa ay sameeyaan xuuraansi iyo rog rogid dhinac walba oo ku saabsan faa’idada iyo khasaaraha ka dhalan kara heshiisyada ceynkaas ah.

Gunaanad

Dowladda Somalia waxaa la gudboon in ay fiiro dheer u yeelato heshiiskan oo aysan ku gelin madax madax. Sidoo kale waxaa la gudboon in ay tashi ka gasho oo iyada oo fiirineysa kiiska Badda ee maxkmadda yaal sida uu u sameyn karo oo aan sidii Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur meel mugdi ah looga saxiixin warqad dhawr sadar ah oo dalka halis ku noqon karta sidii dhacday 2009.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected] 

Xildhibaanada mucaaradka oo maanta Muqdisho kusoo dhaweeyay MURSAL

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa dalka Turkey ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay xildhibaano badan oo baarlamaanka mid ah, waxaana xildhibanada ay ahaayeen kuwo u badan mucaaradka.

Guddoomiye Maxamed Mursal, ayaa ka sheegay magaalada Istanbul ee dalka Turkey in wax uu ka qaban doono arinta la xiriirka khilaafka ka dhashay kala derista guddiga maaliyadda baarlamaanka.

“Waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina Xildhibaanada Sharafta leh, waan idin kaga mahad celinayaa sida walaaltinimada ah ee aad ii soo dhaweyseen, wixii shaqo ah guri ayaan leenahay halkaasi ayaan uga hadleynaa, halkaan wax shaqo ah ugama hadleyno waad mahadsan tihiin soo dhaweyntiina.” Ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay inay ku farsan yihiin inay kusoo dhaweeyaan magaalada Muqdisho guddoomiyaha baarlamaanka, oo wareysihii uu siiyay VOA u muuqday mid uu Mucaaradka kula safnaa.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur , Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xildhibaano kale ayaa kamid ahaa xildhibaanada soo dhaweeyay, waxaana ay sheegeen inay sugayaan natiijada balanqaadyada uu sameeyay Guddoomiyaha.

Xiisad ayaa ka dhalatay kala deristii guddiga maaliyadda baarlamaanka iyadoo maanta maalintii seddexaad uu baaqday shirkii golaha shacabka.

Mucaaadka ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Maxamed Cabdi Waare oo si weyn u dhaliilsanaa Siyaasadda Kheyre iyo Farmaajo, walow markii dambe uu la heshiiyay, lamana oga sida xaalka guddoomiyaha baarlamaanka uu noqon doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Video laga duubay Macron oo Maxamed Bin Salmaan siinaya digniin

Buenos Aires (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron ayaa muuqaal laga duubay isaga oo u digaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, markaasi oo si lama filaan ah ay kaamirada u qabatay.

Labada dhinac ayaa wada-hadal aan rasmi ahayn uu ku dhinac yeeshay shirka dalalka dhqaalaha adduunka ugu sarreeya ee G-20 oo ka socda dalka Argentina.

Macron ayaa la maqlay isaga oo leh “Waan walaacsanahay, waan walaacsanahay….waan kuu sheegay”

“Haa, waad ii sheegay” ayuu ku jawaabay Amiir Maxamed, “Aad baad u mahadsan tahay”

“Marnaba ima dhageysatid” ayuu yiri Macron.

“Maya, dabcan waan ku dhageystaa” ayuu ku jawaabay Maxamed Bin Salmaan, oo dhoola caddeynaya kadib markii uu dareemay in kaamiro ay duubeyso.

“Sababtoo ah waan kuu sheegay. Aad ayey muhiim kuugu ahayd” ayuu yiri Macron oo dhoola caddeynaya ka hor inta uusan billaabin inuu ka durqo amiirka.

Macron ayaa markaas yiri wax aan la maqal, balse Maxamed Bin Salmaan ayaa ku jawaabay “Waa caadi, wax waan ka qaban karaa”

Xoogaa kadib ayaa Macron la maqlay isaga oo leh “Waxaan ahay nin ka dhabeeya wixii uu yiraahdo”

Lama yaqaan waxa ay ku saabsaneyd sheekadooda balse madaxtooyada Faransiiska ee Élysée Palace ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay muddo shan daqiiqo ah wada-hadleen, islamarkaana Macron uu Amiirka u gudbiyey farriin adag oo ku saabsan dilka weriye Jamaal Khaashuqji iyo inuu xal u helo dagaalka Yemen.

Hoos ka daawo muuqaalka

Muxuu C/fataax Shaaweey kasoo doonay Ingiriiska oo horey ugu diiday sharci?

0

London (Caasimada Online) – C/fataax Ibrahim Cumar Shaaweey oo hadda ah agaasime ku xigeenka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa booqasho ku yimid magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo sanado ka hor dowladda Ingiriiska ay u diiday inay siiso sharciga deganaanshaha UK.

Mr. Shaaweey oo hadda casuumaad dowladeed ku yimid ayaa booqashadiisa ay tahay mid uu magaalada London ugu qeyb gelaayo aqoon kororsi ku saabsan arrimaha socdaalka.

Shirkaan ayaa ka qeybgalaaya wakiilo ka socda Immigration-da dalal dhowr ah oo qaarada Afrika ah, waxaana uu madalayaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia.

C/fataax Shaaweey ayaa mudo sanado ah ku noolaa magaalada London, isagoo dowladda Ingiriiska ka waayay deganaanshaha ama sharciga dadka magangelyo doonka ah ama kuwa baxsadka ah ee arrimo jira awgood dalalkooda ugu soo barara, hase ahaatee sanado kadib isaga tegay UK, isagoo dalkii ku laabtay.

Arrinta dadka London ee aqoonta u leh C/fataax Shaaweey ay isweydiinayaan ayaa ah in dowladdii shalay sharciga u diiday in ay maanta casuumaad visa ah soo siiso isagoo weliba mas’uul ah.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online London

Lafta Gareen oo beeshiisa ka waayey garab dhaqaale

Baydhabo (Caasimada Online) – Wuxuu ahaa kulan wajigabax ah, mana uusan fileynin in sidaas ay ula dhaqmi doonaan beesha Hariin ,laakiin lama filaan ayuu la kulmay musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay joojisay taageero maaliyadeed oo ay siineysay musharax Cabdicasiis Lafta Gareen, kadib markii ay hoos u dhacday rajada laga qabo inuu guuleysto.

Dood badan ayaa ka timmid sida uu Lafta Gareen ugu guuleysan karo doorashada dhici doonta 5ta bishaan December, waxaana aan xogta ku helnay in Dowlada dhexe ay dib u gurasho sameysay ,madaama ay adkaatay in Digil iyo Mirifle laga gado Cabdicasiis Lafta Gareen , oo gobalka taariikh madoow kuleh.

Musharax Lafta Gareen ayaa asbuucan la fariistay ganacsatada iyo waxgaradka beesha uu ka dhashay ee Hariin ee ku sugan Baydhabo waxaana uu weydiistay taageero maaliyadeed, laakiin kama uusan helin jawaabtii uu rabay.

Mid ka mid ah ganacsatadii kulanka ka qeyb gashay oo diiday in aan magaciisa xigano ayaa u sheegay Caasimada Online inuu Lafta Gareen dalbaday lacag dhan $300,000 (Saddex boqol oo kun oo dollar).

Wuxuu sheegay inuu aad ugu celceliyay “Balan ayaa rag iiga baxeen, dadka qaar isku haleyn ma galaan” iyo ereyo kale oo loo fahmay inuu ula jeedo Dowlada dhexe.

Ganacsatada beesha Hariin ayaa sheegay in aaney hada awoodin iney wax dhaqaale ah ku taageeraan Lafta Gareen, iyagoo ku dooday inuusan markii hore isku sharaxin talada beeshiisa. Nin ka mid ah odayaashii meesha ka hadlay ayaa yiri “Qoladii kusoo dirtay ha dhameystirto howsha”

Waxaa la sheegay in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ay taasi niyad jab iyo rajo beel kusii riday. Kulankaan lagu hugoobay ayaa kusoo aadaya iyadoo ay maalmo uun ka harsan tahay doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Ganacsadaha ugu weyn reer Puntland oo isku sharxay madaxweyne

0

Garowe (Caasimada Online) – Eng Maxamed Cismaan Cali Maad oo kamid ah ganacsatada ugu waaweyn Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in uu isu tagay Xilka Madaxtinimo ee Puntland.

Musharaxan ayaa ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa xili dambe iyadoo ay jireen rag ka horeeyay oo la arkayay iyagoo samynaya olale ay ku doonayan xilkaas in ay ku hantaan.

Maxamed Cismaan ayaa deggan Imaaradka iyo Ingiriiska waxaana ganacsigiisa marka laga soo tago Yurub Imaraadka iyo Soomaaliya uu ka shaqeeya Bartamaha iyo Galbeedka Afrika.inkastoo uu saaxibo badan ku laha siyaasadda haddana waa markii ugu horaysay ee uu sheego in uu u tartamayo xilkaas Madaxtinimo isla markana ay ku kaliftay sida uu ku sheeegay shaacintiisa marku arkay xaaladda dalka marayo..

Mar qura ayaa dabayaaqadii bishaan November lagu arkay magalooyinka waaweyn ee Puntland Sawirada Musharaxan maalqabeenka ah.

Puntland oo dhisan in ka badan 20 sanno weli kama gudbin nidaamka qabiilka oo lagu soo doorto Madaxweynaha waxana isku dayo badan oo lagu doonayay in uu ka hirgalo Nidaamka Xisbiyada Badan uu noqday mid fashilmay.Musharaxan ayaa sxb dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaliya AUN Cabdullahi Yusuf Axmed isla markaana ahaa Asaasihii Puntland iyo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulkaas, wuxuuna Marxuumka ku muujiyay Musharaxan Maxamed Cismaan Cali Maad Buugiisi Halgan iyo Hagardaamo isagoo kaalintii ugu weynayd ka qaatay Xaaladihii Caafimad ee Marxuumka lagula tacaalayay.

Maxamed Cismaan ayaa u muuqda Musharaxa ugu da’da weyn inta hadda sharaxan waana aqoonyahan bartay Cilmiga Ingineeriyada.Shaacinta Ganacsadahan weyn ayaa wax badan ka badalaysa qaabka saadaalintii hore ee Doorashada Puntland marka loo eego xaladda ka jirta gudaha Puntland.

Dhanka dhaqanka oo iyagu leh Go’aanka soo saarista xildhibaanka ayaa sidoo kale la tilmaamaya in Ganacsahan maalqabeenka ah uu gacan saar la leeyahay.

Dowladda oo ciidamo kale gaysay Baydhabo xilli kuwi hore lagu muransan yahay

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliya ayaa saaka mar kale la geeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed oo maalintii shalay aheyd ciidan dowladda ay gaysay.

Ku dhawaad 100 Askari oo ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya ayaa Diyaarad looga qaaday Garoonka Aadan Cadde, waxaana goor dhaweyd ay ka dagtay Magaalada Baydhabo.

Ciidankaan oo Boolis ah ayaa loogu talo galay suggida ammaanka Magaalada Baydhabo, halkaasi oo la filaayo maalinta Arbacada ah inay ka qabsoonto doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.

Ciidamadan ayaa daba socda ciidankii shalay la geeyay Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo la dajiyay goobo ka mid ah Magaalada oo amnigeeda ay ka sugayaan.

Saraakiil ka tirsan Booliska Somaliya ayaa xaqiijiyay ciidanka la geeyay Magaalada Baydhabo saaka inay yihiin kuwa Booliska ee Muqdisho laga qaaday.

Hadal hayn badan ayaa ka taagan ciidankaan dowladda ay ku daabuleyso magaalada Baydhabo, inkastoo Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay ciidamadaasi inay dalbadeen Maamulkooda ayna u baahan yihiin ciidan ammaanka sugidiisa kala qayb qaata Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Golaha wasiirada Itoobiya oo oggolaaday dhismaha ciidamada badda dalka

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha xukuumadda Itoobiya ayaa isku raacay sharci qabyo ah oo ku saabsan dhismaha ciidamada badda iyo horumarinta hay’addaha amniga.

Sharcigaan oo ah mid cusub ayaa la hor keenay galaha xukuumadda Itoobiya iyagoona cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharcigaan oo loo gudbin doono baarlamaanka si dhankoodana u ansixiyaan, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

Sharcigaan ayaa dhigaayo in la dhiso ciidamo xooggan oo badda ah, waxayna noqoneysaa taariikhda Itoobiya oo bad laheyn markii ugu horeysay ee ciidamo badda loo sameeyo.

Qoraal (akhriso) kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in golaha xukuumadda ansixiyeen hindise sharciyeedkaan cusub ee qeexaya dhismaha ciidamo xooggan oo badda ah iyo horumarinta laamaha amniga.

Qoraalka Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay qaab dhismeedka ciidamada cusub ay mudan tahay in dib loo eego qaabka loo dhisayo, kuwaasi oo ay ku jiraan kuwa badda, wuxuuna sheegay in ciidamadaan ay noqon doonaan kuwo la tixgeliyo mustaqbalka.

Cali Muxiyaddiin
Caasimada Online

Gaas oo soo saaray qoraal muhiim ah oo ku saabsan doorashada Puntland, kuna dhawaaqay…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta soo saaray qoraal ku saabsan habka soo xulista xildhibaanada cusub ee baralamanka Puntland iyo xilliga doorashada maamulkaas.

Gaas ayaa ka dalbaday beelaha Puntland inay si waafaqsan dastuurka Puntland usoo xushaan dhammaan xubnaha uga mid noqonaya golaha wakiilada Puntland, inta ka horeysa 1-ka bisha December ee soo socota, una soo gudbiyaan guddiga ansixita.

Gaas ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in kalfadhigga koowaad ee golaha cusub uu billaaban doono kowda bisha Janaayo ee sanadka 2019.

Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay dhici doonto 8-da bisha Janaayo 2019, sida markii horeba uu qorshuhu ahaa.

Qoraalka Gaas ayaa meesha ka saaray cabsidii laga qabay iyo eedeymihii musharaxiinta mucaaradka ee ahaa in Gaas uu doonayo in doorashada uu dib u dhigo, oo waqtiga uu korarsado.

Hoos ka aqri warqadda Gaas

 

Fiqi oo shaaciyey 5 qodob oo uga baxay wareysigii guddoomiye Mursal

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo shan qodob oo uga baxay wareysi uu guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan siiyey idaacadda VOA. Hoos ka aqriso.

WARKA GUDDOOMIYUHU WAA CAD YAHAY:

Waxaan dhagaystay waraysi idaacadda VOA-du ay la yeelatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Xil. Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo hadda ku sugan dalka Turkiga, laguna wado inuu Muqdisho soo gaaro maalinca berito ah. waraysigu wuxuu ku saabsanaa go’aankii guddoomiye KXG koowaad uu ku kala diray guddiga maaliyadda 28 November 2018.

Guddoomiye Maxamed Mursal waraysigiisa wuxuu ku caddeeyey dhowr arrimood arrimood oo muhiim ah:

  1. In la ilaalin doono dastuurka iyo xeerhoosaadka golaha shacabka ayna noqon doonaan kuwa hagi doona go’aan ka gaarista arrinta taagan.
  2. Wuxuu muujiyey Madax banaanida Barlamaanka, mana jirto caqli keeni kara in barlamaanka la hoosgeeyo golaha fulinta ayuu ku daray.
  3. Arrinta kala drista guddiga, wuxuu caddeeyey; in xeerhoosaadku wuxuu qabo la raaci doono, haddii uu qabo in guddoonku kala diri karo guddiga sidaas ayey noqonaysaa, haddii uusan qabinna in guddoonku kala diri karo guddigana guddigii ma noqonayo mid la kala diray, mar walba waxaa na hagaya xeerhoosaadka. asagaana wax kala saaraya.
  4. Guddoomiye ku xigeenka koowaad go’aankiisa wixii uu ku saleeyey iyo waxyaabihii ay soo saareena weli inuusan arkin isla markaana uusan aqrin ayuu sheegay, sidaas awgeed marka uu yimaado Muqdisho uu arki doono.
  5. In Golaha Shacabka oo fadhigii loo diiday in uu fariisan doono ayuu ku soo gabagabeeyey, hawlihiisiina wadan doono.

Guddoomiye Mursal wuxuu waraysigiisa kooban ku muujiyey mas’uuliyad, xilkasnimo, aqoon dhanka sharciga dalka iyo inuu go’aanka u soo celiyo Golaha shacabka oo ay ku jiraan 276 Xildhibaan, waxaan rajaynaynaa in uu dhammaan doono khilaafka lagu soo dhextuuray Barlamaanka iyo kawa kale ee taaganba.

 

Dhageyso wareysi: Mursal oo si rasmi uga hadlay kala diristii guddiga maaliyadda

Istanbul (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wareysi uu siiyey idaacadda VOA uga hadlay kala diristii guddiga maaliyadda baarlamanka ee uu ku dhowaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cabdi Weli Muudeey.

Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse waxa uu diiday inuu sheego waxa sharciga uu arrintaas ka qabo

Guddoomiyaha oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay inuu berri tagi doono magaalada Muqdisho, eegi doona warqadda lagu kala eryey guddiga iyo sharciga baarlamanka, kadibna bixin dooni jawaab cad oo ku saabsan arrintan.

Mursal ayaa u muuqday inuusan ku dhiiri karin inuu ka hor-yimaado xukuumadda, islamarkaana uusan dooneyn in loo arko qof xukuumadda ka baqaya, taasi oo jawaabtiisa ka dhigtay mid aan caddeyn.

Shalay ayaa wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiija Maxamed Diiriye oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka, si aad ahna ugu dhow xukuumadda ay sheegtay in Mursal uusan waxba ka beddeli karin go’aanka Muudey.

Xoghayaha guddiga maaliyadda ee la kala diray Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa isna maalintii la kala diray guddiga sheegay inuu la hadlay Mursal, oo uu u sheegay in ay sharci darro tahay in la kala diro guddiga.

Hoos ka dhageyso wareysiga Mursal

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Guddoomiye Mursal waxa uu haystaa fursad uu isaga masaxo arrinta lagu xanto

Waa mas’uul haya xil aad u sarreeya. Laakiin sirta furan ee suuqa u taalla, oo runna noqon karta sida uu kursigaas ku helay marka la eego; sidoo kalena been noqon karta, waa in uu yahay qof kursi la keensaday, oo aanan u madax bannaaneyn go’aanada uu sharciyan gaari karo, ama qeyb ka noqon karo.

Maanta oo ay Golihii Shacabka ka taagan tahay mushkilad ku saabsan jiritaanka iyo shaqada Guddiga Maaliyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka, Guddoomiye Mursal wuxuu heystaa fursad aad u weyn oo uu shacabka Soomaaliyeed ugu muujin karo in baarlammaanka uu yahay meel uu nidaam ka jiro, asaguna uu yahay mas’uul go’aanadiisa u madax bannaan!

Sidoo kale mushkilad kale oo aan si toos ah loo ogeyn go’aanka uu ka qaatay ayaa ka taagan gobolkiisa.

Fursadaha iyo go’aanada masiirkaaga jaangoynaya haddii ay ku baal maraan, ma tihid mas’uul, keliya waxaa tahay mushaar qaate haya xil maamuus! Hoggaamiyaasha ugu magaca dheer taariikhda caalamka ma aha kuwa muddada ugu dheer hayay xilalka, ee waa kuwa qaatay go’aanno aan lagu dhiiran karreyn.

Guddoomiye adiga uun is shaabadeey maanta!

W/Q: Hassan Adam Hosow 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DF oo CIIDAMO ka dejisay Baydhab iyo xildhibaanada K/Galbed oo kacay + Video

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa aad uga carrooday ciidamo magaalada Baydhabo ay maanta ka dejisay diyaarad ay xukuumadda Soomaaliya kasoo dirtay magaalada Muqdisho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamadan oo ah in ka badan 100 askari ay diristooda la xiriirto doorashada Koonfur Galbeed ee dhacaysa shanta bisha December.

Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadan ay qeyb ka noqon doonaan sugidda amniga doorashada.

Si kastaba, Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ee maanta hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay afduub ku sameyso dooraashada.

“Ciidankan maanta la keenay waxay horseedi doontaa in madaxda Soomaaliya lagu kaco, waayo hogaamiye kasta oo dadkiisa dhibaateeyaa wuu baxayaa” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Hoos ka daawo Aadan Madoobe, sawirrada ciidamadana waa kasii hooseeyaan

Safiirka IMAARAATKA oo shaaciyay qorshe ay bilaha soo socdo damacsan yihiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Danjiraha Imaaraatka ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cismaan Al Hammadi ayaa kulanka uu la yeeshay wakiilka QM ee Soomaaliya ku yeeshay inuu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka Imaaraatka iyo Xafiiska Siyaasadda QM ee Soomaaliya.

Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Imaaraatka Carabta ee kor u qaadidda Xasiloonida, amaanka iyo horumarinta Soomaaliya ay sara u qaadi doonaan bilaha soo socdo, taasina ay tahay qorshe ay damacsan yihiin.

Imaaraatka iyo Soomaaliya ayaa xiriirkooda uu mugdi galay waxii ka dambeeyay markii lacag ka timid Dubai lagu qabtay Aadan Cadde, iyadoo kahorna go’aan laga gaaray Shirkadda DP world oo heshiisyo la gashay Puntland iyo Somaliland.

Qaramada Midoobay ayaa Imaaraatka ku amaantay taageeradii ay siiyeen dowladda Soomaaliya, waxaana wakiilka QM ee Soomaaliya ka dalbaday caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

Imaaraatka ayaa marar badan lagu eedeeyay inuu ku xad gudbay madax banaanida dalka Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay dacwado badan ka geystay golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia oo soo saaray war muhiim ah

WAR-SAXAAFADEED

URURKA SHIRKADAHA ISGAARSIINTA SOOMAALIYA OO SI WADA JIR AH MARKALE UGA BAAQAYA IN LA ILAALIYO DANAHA QARANKA

Mugadishu, November 29, 2018 – URURKA SHIRKADDAHA ISGAARSIINTA SOMAALIYEED (USIS) oo ah ay ku mideysan yihiin Shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada iyo Internet-ka ee hoos ku xusan, ayaa Kulankooda Billaha ah uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada Adeegyada Isgaarsiinta & Tiknoolajiyada ee dalka iyo halka uu marayo

Gabagabadii kulanka wuxuu Ururku soo saaray Bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

  1. Dhamaan Xubnaha Ururka waxay walaac ka muujinayaan wadashaqeyn la`aanta joogtada ah ee ka dhaxeysa Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee ka dhalatay go`aanadii Wasiirka Wasaaradda ugu magacaabay xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka si aan waafaqsaneyn Sharciga.
  1. Xubnaha Ururka waxay ku wargalinayaan dhamaan Ummadda Soomaliyeed, Xukuumadda Federaaliga ah, Golayaasha Baarlamaanka, iyo inta daneysa arrimaha Isgaarsiinta, in aysan qeyb ka aheyn Shirka loogu yeeray “Wada-tashiga Xeer-nidaaminta ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka” ee Wasaaraddu abaabuleyso si ay sharciyad ugu sameyso Xubnaha Guddigii Sare ee maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee markii hore ku yimid sida sharcidarada ah.
  1. Ururku wuxuu ka digayaa mar kale cawaaqib xumada ka dhalan doonta go`aanada la rabo in lagu gaaro magaca Hay`adda sida dhismo guddiyo maareeya howlaha Hay`adda, dejin tariifooyin iyo istcimaalka hirarka Isgaarsiinta iyo cabiro khaldan ee habraaca bixinta xuquuqa dalka.
  1. Ururka Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) wuxuu mar kale cod dheer ku sheegayaa in magacaabista xubnaha ee Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay si toos ah uga hor imaneyso Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad
  1. Ururku wuxuu mar kale baaq u dirayaa Xukuumadda Somaaliyeed iyo inta u taagan danaha dalka iyo dadka in laga hortago marin habaabinta hadafkii Sharciga iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira si loo xaqiijiyo xalaal-noqoshada Hay`adda Isgaarsiinta Qaranka.

–DHAMAAD–

Cabdicasiis Lafta Gareen oo beelaha Digil iyo Mirifle ka waayey wax taageero ah

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in musharax Cabdicasiis Lafta Gareen uu ka niyad jabay sida ay u socdaan arrimaha doorashada ,gaar ahaan rabitaanka Digil iyo Mirifle.

Lafta Gareen ayaa ilaa 4 jeer ku hungoobay inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee Digil iyo Mirifle, waxaana la sheegay iney taasi walaac badan ku abuurtay.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in Digil iyo Mirifle qaadan karin madaxweyne magac u yaal ah oo uu ula jeedo Cabdicasiis Lafta Gareen.

Qaar ka mid ah xubnihiisa ololaha doorashada ayaa laga soo xigtay in markii ay diideen in odayaashu ay la kulmeen Lafta Gareen iney bilaabeen in dad iska caadi ah ay arrimaha qabiilada kala shiraan.

Tiro labo jeer ah ayaa laga diiday Baydhabo iney ka dhacaan isu soobax loo abaabulay in lagu taageero Lafta Gareen, dadka deegaanka ayaana diiday oo u arka nin maqaar saar ah oo u shaqeynaya shaqsiyaad iyo beelo kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay iney lacag badan ku bixineyso sidii loo dooran lahaa Lafta Gareen, laakiin ilaa hada waxey ka iibin la’a yihiin bulshada reer Koonfur Galbeed.

Nabadoon Caliyoow Isaaq ayaa yiri “Xildhibaanada waa la iibsan karaa laakiin rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed lama iibsan karo, sidaa ha ogaato Dowlada dhexe”.

Diidmada Digil iyo Mirifle ay diideen musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa laga yaabaa iney badasho mowqifka Villa Soomaaliya ee doorashada Koonfur Galbeed, madaama ay masuuliyad daro tahay in shacabka lagu qasbo qof ay diidan yihiin.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Taliyihii ciidamada xoogga Jen. Gorod oo arrin ay DF u wakiilatay ku guuleystay

Balanbale (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada xooga dalka Generaal Cabdiweli Jaamac Warsame Gorod ayaa sheegay inuu ku guuleystay heshiisiinta beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

General Gorod, ayaa sheegay in dadaaladii ugu dambeeyay ee ay ka wadeen degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ay ugu suuro gashay inay ku guuleystaan dhexdhexaadinta beelaha halkaasi ku dagaalamay.

Arintaasi waxaa isaga iyo xubno kale u wakiishay dowladda Soomaaliya, iyadoo la doonayay in heshiis rasmi ah la kala dhex dhigo beelo marar badan ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Balanbale.

Beelahaasi ayaa isku haya arimo la xiriira dhul daaqsimeed iyo ceel biyoodyo, waxayna iska dileen dad badan, sida odayaasha dhaqanka ay sheegeen.

Wuxuu taliyaha sheegay in dhawaan ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo u badan meletari la geyn doono deegaanada lagu dagaalamay, si ay kaga qeyb qaataan xaqiijinta amaanka deegaanka.

“Waxaa lagu heshiiyay in ciidamada la kala qaado, kadib waxaa loo gudbi doonaa waxii yaraa ee lagu dagaalamay in la xaliyo, qorshe dowladda u dajisay ee hub ka dhigis ah waa mid dowladda ku xiran, waxaa meel walbaa la dhigayaa ciidamo nabadda ilaaliya meletariga ayayna u badnaanayaan”ayuu yiri Gen Gorod.

Caasimada online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

KHILAAF ka dhex-oogan MURSAL iyo MUUDEEY oo bannaanka usoo baxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bannaanka u soo baxay kaladuwanaanshaha aragtida guddoonka golaha shacabka ee kusaabsan kala diristii Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La  xisaabtanka Golaha Shacabka Baarlamaanka Somaliya, waxaana saacadihii danbe baraha bulshada la soo dhigay doodo Sharci ah oo go’aankaas la xiriira.

Gudoomiye kuxigeenka Koowada ee Golaha Shacabka C/Wali Ibraahim Muudeey, ayaa 28-kii bishan kala diray Guddiga Maaliyada sababao la xiriirtay saameynti iyo doodii ka dhalatay warbixintii Guddiga Maaliyadda ka soo saareen musuq maasuq lagu sameeyay miisaaniyadda dalka, Sidaaw waxaa qabo Xildhibaano.

Qoraal ka soo baxay Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa lagu kala diray Guddiga, iyada oo Gudoonku  sheegay inuu soo dhisi doono Guddi cusub

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ah La Taliye sare oo ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa sharci darro ku tilmaamay talaabada uu qaaday Muudeey, isagoo xusay in xeer hoosaadka baarlamaanka dhigayo in Gudidga Malaiyada ay kala diri karaan oo kaliya Golaha Shacabka.

“Guddoomiyaha golaha shacabka BJF wuxuu waajib ka saaranyahay ilaalinta xeerhoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka, dooda ka dhalatey kala diridda Guddiga Maaliyadda ma waafaqsana Xeer Hoosaadka golaha, maadaama golaha xilka u dhiibtey isla golaha ayaa awood u leh kala diristiisa”, waxaa sidaas Facebookisa ku soo qoray Jaamac.

Qoraalkan, ayaa u muuqd mid jawaab u ah qoraal ay barteeda Facebook soo dhigtay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, iyadoo sheegtay in Mursal imaanshihiisa aaney waxba ka badaleynin mowqifka uu qaatay Muudeey.

Khadiijo Diiriye oo sidoo kale ah Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ayay  aad isugu dhowyihiin dhinaca siyaasadda Kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka C/Wali Muudeey.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo 18-kii Augosto sanadan Gudoomiye Mursal u magacaabay La Taliyeihiisa sare, laba maalin kadib markii laga qaaday Xilka Taliye Kuxigeenka NISA, ayaa fariin Jawaab ah ka soo diray Turkiga, isgaoo ay wada socdaan Mursal.

Arintan, waxey banaanka u soo saartay Khilaafka curdunka ah ee u dhexeeya Mursal iyo Muudeey, Mursal ayaa xafiiska fadhiya oo kaliya wax ku dhow 7 Bilood, maadaama xilka AFhayeenka baarlamaanka uu iska casilay Jawaari oo cadaadis xoogan uga yimid dhanka Xukuumada, sida uu hore uga dhawaajiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Ciidamada DF oo dhaqan shacabka ka careysiiyay ka billaabay Xamar + Video

Muqdisho (Caasimada online) – Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aad uga fal celiyay dhaqan cusub oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka bilaabeen qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Askarta oo ah kuwo cusub ayaa bilbaabay inay toogtaan dhalinyarada lagu eedeeyo inay dhacaan mobeylada ay dadweynaha wataan, waxaana la arkayay marar badan iyaga oo muuqaalo ka duubaya dhalinyarada dhiig baxaysa.

Dhaqankaasi ayaa dad badan oo Soomaaliyeed siyaabooyin kala duwan uga falceliyeen waxaana ay sheegeen inuu yahay mid cusub oo fool xumo ku ah ciidanimada iyo dhaqanka Soomaalida.

Dadka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in dhalinyarada mobeylada dhaca isla goobta lagu toogto, laakiin dadka dilalka geysta ay ka baxsadaan goobta iyadoo waliba ciidamada ay joogaan mararka qaar.

Waxay sidoo kale ay sheegeen in dadka cadowga ah ee dhibaatada geysta lagu hayo saldhigyada, laakiin dhalinyaro laga yaabo inay daruufo arintaan u geysteen in isla goobta lagu toogto.

Masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa kasoo muuqday muuqalaada qaar, iyaga oo dhalinyarada la toogtay oo dalbanaya  in la badbaadiyo ay u diidayaan in goobta laga qaado.

Wali magaalada Muqdisho kama dhicin in la toogto ruuxa geysta dilka dadka shacabka iyo madaxda dowladda, laakiin waxaa inka badan seddex jeer dhacday in la toogto dhalinyaro mobeylo dhaceysa.

Walow ciidamada ay wax badan ka qabteen dhaca joogtada ee laga geysan jiray Suuqa Bakaaraha, haddana isla Suuqa bakaaraha waxaa ka dhacda in dad lagu dilo, kuwii dilayna ay ka baxsadaan goobta.

Hoos ka daawo Dhacdadii ugu dambeysay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]