25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo: Wadaad caana oo Muuse Biixi ugu digay inuu joojiyo wixii Somaliland ay ku burbur buri laheyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyay inuu dhul boob uu ka wado magaalada Hargeysa, waxaana qeyla dhaan iyo digniin kasoo saaray culumada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sheikh Aadan Siiro oo ka mid ah culumada ugu caansan Somaliland ee bulshada tixgeliso ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu wado dulmi uu tilmaamay inaysan ku kicin dowladdii Kacaanka oo ay eedo ka tirsanayaan, isla markaana aanu loo dul qaadan doonin wax uu ku sheegay dulmiga madaxweyne Muuse Biixi.

“Nin sharci ku fadhiya oo madaxweyne ah, nin documenti haysta oo maxkamad afar jeer u xukmisay, dhulkiisa dhan 2200 in xoog kaga qaado oo weliba yiraahdo madaxtooyo ayaan ka dhigayaa, haddii diin jirto, damiir, dadnimo iyo karaamo jirto, wax la aqbali karo ma ahan” ayuu yiri Sheekh Aadan Siiro oo sheegay inaysan arrintaan oo xitaa uusan ku dhaqmin taliskii dowladdii Kacaanka.

Wuxuu sheegay Sheekh Aadan Siiro in arrintaani ay horseedi karto burburka iyo jiritaanka Somaliland, haddii dulmiga la isku fiirsadana lagu kala qaxi doono iyo kala tag hor leh in ay dhici do onto.

Ugu danbeyntii Sheekh Aadan Siiro ayaa ugu digay madaxweynaha Somaliland in uu ka daayo boobka shacabka iyo dadka jilcan.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

 

Goorta uu CC SHAKUUR ku laabanayo Muqdisho oo shaaca laga qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxman Cabdi Shakuur Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay dibad joog ka ahaa magaalada Muqdisho ayaa la shaaciyay waqtiga uu kusoo laabanayo magaalada.

Xisbiga Wadajir ayaa shaaciyay in 10 December ee sanadkaan hogaamiyaha Xisbigaasi uu kusoo laaban doono magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa bilihii ugu dambeeyay.

C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa si adag u dhaliilsan hogaanka dalka, waxaana uu meelo badan kaga hadlay dhaliilaha ay leedahay dowladda Soomaaliya, isaga oo mar walbaa barta uu ku leeyahay Facebook ku naqdiya dowladda.

“Hogaamiyaha Wadajir, Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame oo idin ku soo wajahan reer Muqdisho 10 December 2018” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee xisbiga.

Cabdi Shakuur oo muddooyinkii ugu dambeeyay joogay magaalada Nairobi ayaa si adag kaga hadlay isbadalka geeska Africa isaga oo sheegay in Soomaaliya aysan dan badan ugu jirin isbadalka geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ONLF oo shaaciyay waxay ka doonayaan Ethiopia iyo qorshaha safarka Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa diyaar garow balaaran uu ka jiraa magaalada Jigjiga oo maanta la filayo inuu gaaro hogaamiyaha Jabhadda ONLF oo muddo badan dagaal kula jirtay Ethiopia.

Wafdiga uu hogaaminayo hogaamiyaha ONLF ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuuna qeyb ka ahaa safarkiisa heshiiskii ay la galeen dowladda Ethiopia.

Calanka dowlad Deegaanka iyo astaanta ONLF ayaa si weyn loogu xardhay waddooyinka waaweyn ee magaalada Jigjiga, halkaasi oo maanta hogaamiyaha uu tagi doono, waxaana kaga horeeyay boqolaal askar ka tirsan ONLF.

Hogaamiyaha ONLF ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka doonayaan xaqii ay muddo u dagaalamayeen inay helaan, maadaama heshiiskooda uu qeyb ka ahaa in xuquuqdooda la siiyo.

Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale.

Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada ka socda dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

Cecilia Kabube “Muqdisho meel ammaan ah ma jirto dilalkana waa iska caadi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa howgalka Zambia ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Cecilia Kabube ayaa hoos u dhigtay amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyay laamaha amaanka guulo ay ka sheeganayeen.

Haweeneydaan waa hogaamiyaha dhowr ciidan oo kamid ah booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo qeyb ka qaata xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho iyo howlgalada ay sameeyaan ciidamada.

Haweeneyda ayaa waxaa wariyaal ka socday Africa ay kula kulmeen magaalada Muqdisho, iyada oo hogaamineysay ciidamo ka kooban Soomaaliya, Ghana,Seire Leone ,Kenya iyo kuwo kale.

Kadib wareysi ay bixisay ayay ku sheegtay inay adag tahay marka ciidamada ay howlgal ka sameynayaan magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in xaaladda amaan aysan mar walbaa hagaagsaneyn.

“Waa howl adag, qof la aamini karo ma jiro, ma taqaanid qofka doonaya in uu ku dilo, mararka qaar kuwo boolis isu ekeysiiya ayaa dilaya biri mageydada, ma aamino booliska, iyaguna nama aaminaan, ilaa aan muddo dheer isla shaqeyno, waxaa ay wataan gaadiid u gaar ah,annagana waxaan wadannaa gaadiid noo gaar ah.”ayay tiri haweeyneydaan.

“Waxa na ilaaliya waa cibaadada,dhaqan ayey u tahay saraakiisha halkan in ay cibaadeystaan, ma jirto meel amaan ah Muqdisho gudaheeda,dhimashada caadi ayey ka tahay, rasaasta xilli kasta ayaad maqleysaa, Qaraxyada ayaa la mid ah,” ayey hadalkeeda raacisay Kabube.

Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inay ku guuleysteen xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, balse waxaa dhacayay dilal qorsheysan oo kooxaha ka horjeeda dowladda ay geysanayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wariye laba todobaad ku xirnaa Muqdisho oo shaaciyay sababtii uu u xirnaa

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah xorriyaddiisa dib ayaa sheegay in uu u xirnaa sifo sharci daro ah.

Wariyaha oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inuu u xirnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow oo uu ku eedayay inuu kasoo horjeeday xorriyada hadalka.

Nuur Imaaciil Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo cuskaday xarigiisa, isla markaana wax danbi ah lagu waayay.

Wuxuu u mahad celiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ka mid yahay iyo Xildhibaan Saadaq Macallin C/kariin, wariyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo sii deyntiisa ka qeyb qaatay.

Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, wuxuuna baraha bulshada uu kusoo bandhigaa afkaartiisa ku aadan dulduleelada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Senator shaaciyay qorshe yaab leh: Guddiga doorashada K/Galbeed oo is-casilaya iyo madaxweyne laga keenayo Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Xuseen Sheikh Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa si adag kaga hadlay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo iyo arimaha ka taagan magaalada Baydhabo, oo uu sheegay in qorshe halis ah laga leeyahay, si xukunka loogu gacan galiyo shaqsi Xamar laga soo magacaabo

Senetor Xuseen ayaa sheegay inay jiraan meelo badan oo u baahnaa ciidamadaasi in la geeyo, isaga oo tilmaamay in wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye looga baahan yahay ciidamadaasi oo aan Baydhabo looga baahneyn.

“Waxaa socday waxyaabo badan oo daliil u ah qorshaha xukuumadda ay ku carqaladeyneyso doorashada Koonfur Galbeed, waxaa tusaale u ah ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, ciidamadaasi wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa u baahan”ayuu yiri Xuseen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in cadaadiska saaran guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu sababi karo inay is casilaan, taa badalkeedana dowladda ay dooneyso inay shaqsi ay magacowday geyso magaalada Baydhabo oo doorasho aysan ka dhicin.

“Guddiga culees badan ayaa lagu hayaa, waxaa laga yaabaa inay iscasilaan, waxaan aragnaa in halkaasi doorasho xalaal ah aysan kasoo soconin, xukuumadda waxay rabtaa qof ay magacaabatay inay meesha Geyso, waxaana ku baaqeynaa in arintaasi laga waantoobo”ayuu yiri Xildhibaanka ka tirsan golaha aqalka sare.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Sanoter-ka in Doorashada Baydhabo ka dhaceysa aysan u muuqan mid wanaagsan,wuxuuna dadka reer Koonfur Galbeed u rajeeyay inay u Midoobaan sidii Doorasho xalaal ah ay u dhici laheyd.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso doorashada Koofur Galbeed, iyadoo 19 Bishan December lagu balansan yahay inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Daawo Video: Muuse Biixi oo si xun u aflagaadeeyey madaxweyne Farmaajo

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale weerar afka ah ku qaaday, oo aflagaadeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo shaaciyay hal arin oo Soomaalida ay u kala duwan tahay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu dhaliilayo siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ee arimaha Somaliland, isaga oo eedeyn u jeediyay madaxweynaha dalka Farmaajo, oo uu ku sheegay “nin aan caqli lahayn”

Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaysan jirin mideysnaan la’aan Soomaalida dhexdeeda balse ay jiraan kaliya in lagu kala duwan yahay dhanka hogaanka iyo dowladnimada.

“Soomaali wey mideysan tahay, dhaqanka ayay ka mideysan tahay, Diinta, Ganacsiga Afka iyo Walaalnimada ayay kamideysan yihiin, kaliya waxaan ku kala duwan nahay xagga xukunka, maxay tahay midnimada kale ee uu raadinayo Farmaajo”ayuu yiri Muuse.

Isaga oo sii hadlaya ayuu soo hadal qaaday goorta ay rasmi ahaan wadahadal dhab ah la yeelan doonaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan la hadleynaa dowladda Farmaajo markuu mideeyo, Xamar, Kismaayo, Garowe, Jowhar iyo Baydhabo, isagoo intaa soo mideyn, ma jirto sabab uu ku yiraa Soomaali ayaan mideynayaa”ayuu hadalkiisii kusii daray Muuse Biixi.

Tan iyo markii xiriir wanaagsan uu dhex maray madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo madaxweynaha Eritrea, waxaa qeylo dhaan badan ay kasoo yeertay madaxda maamul goboleedyada oo la moodo in albaabo badan laga soo xiray.

Daawo Muuse Biixi

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Sacuudiga miyuu bedelay mowqifkii QATAR?: Boqor Salman oo tallaabo cusub oo aan la fileynin qaaday

Kuwait (Caasimada Online) – Diblumaasiyiin xog ogaal ah ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa dalka Kuwait in xoghayaha Guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu booqan doono magaalada Doha ee dalka Qatar, isaga oo ka wakiil ah Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan.

Ujeedada Booqashada Xoghayaha uu ku tagayo magaalada Doha ayaa ah in Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad inuu ku casuumo ka qeyb galka Shirka golaha iskaashiga Khaliijka.

Shirka ayaa la qorsheynayay in 9 December uu ka furmo magaalada Damaam ee bariga dalka Sacuudi Carabiga, laakiin xogaha ayaa sheegaya in hadda lagu qaban doono Dalka Cuman, oo tariiq wanaagsan ku leh dhexdhexaadinta khilaafka wadamada Khaliijka.

Ujeedada shirka looga badalay magaalada Damaam ayaa ah in lagu dajiyo xiisadda soo bilaabatay sanadkii 2017 islamarkaana la xaqiijiyo guulaha iyo ujeedooyinka shirka laga leeyahay.

Dowladda Kuwait, ayaa dadaal badan ku bixisay in shirkaasi la qabto iyadoo ay xaadir yihiin madaxda dalka Qatar, waxaana hadda la doonayaa in xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu ku qanciyo boqorka dalka Qatar in shirkaasi uu ka qeyb galo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Qatar Khaalid Al Jarallah ayaa sheegay in shirka la qaban doono waqtigiisa iyada oo ay ka qeyb galayaan dhamaan wadamada ku bahoobay golaha iskaashiga Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

George HW BUSH: Maxay Soomaaliya ku xusuusataa madaxweynaha taariikhda gaarka ah ku leh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore e Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas, isaga oo 94 jir ah.

Busha waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda booqday Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynihii amray in ciidamada Mareykanka ay galaan Soomaaliya December 5, 1992-kii.

Bush Sr ayaa ahaa madaxweynehii 41-aad ee Mareykana intii u dhaxeysa 1989-kii ilaa 1993-kii, waxaana waqtigiisa lagu xasuustaa dhammaadka Dagaalkii Qaboobaa, dagaalkii koowaad ee Iraq ee ka dhanka ahaa Sadaam Xuseen iyo faro-gelintii uu ka sameeyey Soomaaliya.

Maxay ahayd faro-gelintii Soomaaliya?

Hawlgalkii ciidamada Militariga Mareykanka ee Soomaaliya (1992-93) ee qeybta ka aha dadaaladii bili’aadannimo iyo nabad ilaalnta ee ay caalamka Soomaaliya ka bilaabeen xagaagii 1992 waxa uu soo gabagaboobay 1005.

Farogalintaas waxaa xigay dagaalkii loo yaqaanay dagaalkii Muqdisho ee dhacay 3-4 October 1993, waxaa ku dhintay 18 ka mid ahaa ciidamadii Mareykanka halka sidoo kale boqolaal maleeshiyo Soomaali ah iyo shacab ay ku dhinteen.

Dhacdooyinka horseeday farogalinta sanadkii 1992 waxa ay ahaayeen afgambigii lagu sameeyey kalitaliye Maxamed Siyad Barre oo ay rideen isbahaysi jabhado ah. Waxaa kaddib dagaalamay labadii qab qable ee ugu awoodda badnaa Cali Mahdi Maxamed iyo Maxamed Faarax Caydiid.

Bishii Abriil 1992 waxaa Soomaaliya soo gaaray hawlgalkii gargaarka. Hase ahaatee, fulinteeda waxa ay noqotay mid adag taas oo ay sabab u ahayd in  maleeshiyaadkii Soomaalida ay tixgalin waayeen xabad joojinta halka ay si ballaaran u dhacayeen una afduubayeen kolonyooyinkii cunta gargaarka ah waday.

Madaxweynihii Mareykanka George H.W. Bush (Ee maanta geeriyooday) ayaa u soo jeediyey Qaramada Midoobe in Mareykanka u diro Soomaaliya ciidamadiisa dagaalka si ay u difaacaan shaqaalaha gargaarka. Qaramada Midobe wey aqbashay soo jeedintii Bish, bishii Diseembar 9-keedii 1992, ciidamo gaaraya 25000 oo Mareykan ah ayaa bilaabay in ay soo gaaraan Soomaaliya.

Hawlgalkii Ciidamada waxa ay bilowgiiba la kulmeen caqabado. Maqnaanshihii hoggaan qaran oo Soomaali ah iyo dhibaatooyinkii jidadka Muqdisho ka dhacayey maalin walba waxa ay curyaamiyeen hawlgaladdii amniga. Isaga oo aan ku qancin natiijadii hawlgalka, Madaxweynihii cusbaa ee Mareykanka Bill Clinton waxa uu amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka.

Juun 1993 markii la gaaray, 1,200 oo ciidamo Mareykan ah ayaa ku haray Soomaaliya oo gacan ka helayey ciidamo ka kala yimi 28 dal oo kale oo ku shaqeenayey amarka UN-ta. Xaaladdii markii horeba ahayd mid aan xasillooneyn ayaa waji kale yeelatay markii la dilau 24 askarta Pakistan ah oo baaritaan ku waday goobo hubka la dhigo. UN-ta waxa ay si aan rasmi ahayd ugu eedeysay maleeshiyadii Caydiid iyaga oo meelmariyey qaraar dhigayey in la cabsi galiyo kuwii lahaa mas’uuliyadda xasuuqaas.

Labadii toddobaad ee xigay, ciidamada Mareykanka iyo UN-ta waxa ay weerarro lagu bartilmaameedsanayo xoogagga Caydiid sameeyeen laakiin kuma guuleysan in ay soo qaabtaan Jananka. Dabayaaqadii Agoosto waxaa Soomaaliya soo gaaray 400 oo ka mid ah ciidamada Raanjariska Mareykanka si ay u soo qabtaan Caydiid. Ciidamada gaarka waxa ay sameeyeen lix hawlgal ilaa iyo bishii Sebteembar waxa ayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan qaar ka mid ah xulufadii Caydiid.

Oktoobar markii ay 3 ahayd 1993, Mareykanka waxa ay isku aadiyeen isku daygii toddobaad si ay u soo qabtaan Caydiid iyo saraakiishiisii sar sareyd. Hadafka waxa uu ahaa Hotel-ka Olympic ee Muqdisho halkaas oo la qabay in ay ku shirsanaayeen. Hawlgalka oo lagu rabay in lagu soo qabto Caydiid ayaa loogu talagalay dagaal yar oo ay qaadaan ciidamada Commandos-ta Mareykanka halka Ciidamada Mareykanka ee Delta Force ilaaliyaan soonka balse uma dhicin sidii qorshaha ahaa. Mashaqada waxa ay bilaabatay markii la soo riday diyaaradda Black Hawl Down oo hawlgalka qeyb ka ahayd lagu soo riday meel u dhaw Hotel-ka. Ciidamada Mareykanka waxa ay la kulmeen dagaal ba’an. Waxaa la soo riday diyaarad labaad oo Black Hawk Down ah saacad kaddib. Boqolaal dagaalyahanada Soomaalida ayaa soo buux dhaafiyey jidadka sidaasna waxaa go’doon ku galay ciidamada Mareykanka.

Kaddib 17 saacadood oo dagaal ah xiriir ah, ciidamadii Mareykanka ee is badbaadinayey waxaa soo badbaadiyey ciidamadii Caalamiga ahaa. Dagaalkaas waxaa ku dhintay 18 askari oo Mareykan ah waxaana ku dhaawacmay 84 kale. Dhinaca Soomaalida, ugu yaraan 300 ayaa dhaawacmay oo ay u badnaayeen shacab dagaalka qabsaday. Walow la qab qabtay Caydiid saaxiibadiis,hadana hawlgalka khasaarihii shacabka ee uu geystay awgeed waxaa lagu tilmaamay mid guuldarreystay.

Muddo yar kaddib dhacdadaas Muqdisho, Clinton waxa uu dhammaan ciidamadiisa Mareykanka ka saaray Soomaaliya. Sanad kaddib, Ciidamadii UN-ta xataa waa la saaray, iyaga oo dalka ku dhaafay dagaal sokeeye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Nairobi: Shirkii Somaliland oo loo gooyey iyo sawirkii ay Hargeysa dooneysay in ay bixiso oo fashilmay

Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Somaliland ayaa jimcihii shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabatay shirka maalgashiga Somaliland, waxaana ka qayb galay afar wasiir oo ka tagay magaalada Hargeysa. Shirkan waxa soo qaban qaabiyay xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxa ka baaqday xubno ka tirsan dawladda Kenya oo hore Somaliland ay shaacisay inay ka qayb geli doonaan.

Wasiirka ganacsiga Kenya Mr. Peter Munya ayaa hore loo sheegay inuu ka qayb galayo furitaanka shirkan. Laakiin Wasiir Munya iyo xildhibaano ka tirsan dawladda Kenya oo la filayay inay shirka ka qayb galayaan ayaa ka baaqday shirkaas maalgashiga Somaliland.

Si rasmi ah looma sheegin sababta keentay inay Wasiirka Kenya iyo masuuliyiinta kale ka baaqdaan shirkan ama xitaa inay jirto in markii horeba ay ballan-qaadeen imaansho. Waxase shirka ka hadlay guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Kenya James Meru.

Wasiirada ka socday dawladda Somaliland oo kala ahaa Wasiirada arrimaha dibadda Yasiin Faratoon, ganacsiga Maxamed Xasan Sacad, Qorshaynta Cawaale Ibraahim Shirwac iyo macdanta Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa shirkaas ka jeediyay  khudbado kala duwan oo ay ganacstada Kenya ugu baaqayeen inay maalgashadaan Somaliland.

Guddoomiye-xigeenka rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa isna shirka ka qayb galay isagoo ka hadlay doorka ganacsgada Somaliland.

Somaliland ayaa dhowaanahan gudbineysay farriimo ay ku muujineyso inay isu soo dhowaanayaan dowladda Kenya, oo sida dal oo kale oo loola macaamilayo, hase yeeshee shirka Nairobi ayaa muujinaya sida xaaladdi sidaas ahayn.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

Mursal oo si aan laga fileyn uga hadlay ciidamadii ay DF Somalia gaysay Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa si aan la fileyn kaga hadlay ciidamada dowladda Soomaaliya shalay ay geysay magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in madaxweynihii Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ka tagay ciidamo badan oo tayaysan kuwaasi oo xaqiijin kara amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wuxuu sheegay in arin aan la aqbali karin inay tahay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, maadaama horey ay u joogeen ciidamo badan oo ku filan amaanka deegaanada doorashada ay ka dhaceyso.

“Deegaanka dowlad ayaa ka jirta, Shariif Xasan markuu meesha ka tagayay wuxuu ka tagay ciidamo badan oo tayeysan kuwaasi oo amaanka xaqiijin kara, ciidamadaasi inay sugaan amniga doorashada wey ku filan yihiin”

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay in dadkii ka dambeeyay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo lagula xisaabtami doono, waxii ka yimaada.

“Marka wax kaloo dheeri ah ma jirto, ciddii ka dambeysay amarka ciidamada lagu geeyay magaalada Baydhabo iyadaa lagula xisaabtamayaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawir laga qaaday kulanki Lafta-gareen iyo Jawaari oo diray farriin cajiib ah

Baydhabo (Caasimada Online) – Musharaxa dowladdu wadato ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, gudoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga Cabdixakiin Fiqi ayaa ku kulmay magaalada Beydhabo.

Kulanka dhexmaray saddexda mas’uul wax walba oo ay ka hadleen, haddii ay ahaan lahayd arrimaha doorashada, siyaasadda iyo mustaqbalka Koonfur Galbeed waxaa ka saameyn badatay oo bulsho la yaabtay goobta ay ku kulmeen iyo qaabkii ay u taalay.

Hoos ka eeg goobta uu kulanka ka dhacay iyo sida ay u egtahay

Maxaa kuu muuqda?

Goob yar oo ay ku hereereysan tahay ama ku oodan carrada/ciidda difaaca laga dhigto! Cajiib, waa Baydhabo, xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed oo sidaas u ekaan karta meel ay ku kulmayaan labeentii bulshada maamulkaas iyo Soomaalida.

Farriin noocee ah ayey u direysaa bulshada Koonfur Galbeed?

Sawirkaas iyo kuwa kale ee la mid ka ah waxa ay caadiyan u dirayaan bushada reer Koonfur Galbeed in ay doortaan hoggaamiye samatabixya oo ka saara xaaladda amni daro ee ka jirta maamulkaas gaar ahaan Baydhabo.

Waa sax, shacabka iyaga maanta ma leh dookha oo ma awoodaan In toos u doortaan hoggaanka ay rabaan balse waxa ay ku cadaadin karaan xildhibaanada matala halka xildhibaanada qudheeda ay arkaan xaaladda ka jirta mamaulkaas iyo qofka mudan in ay keenaan.

Dhawr musharax oo ay ka mid yihiin Robow iyo Laftagareen ayaa ku loolamaya xilka Madaxweyne ee Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Khadiija Maxamed Diiriye way saxneyd: Xukuumada ayaa maamusha MURSAL

Markii ay wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ahna xildhibaan, Khadiija Maxamed Diiriye ay sheegtay in guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uusan wax ka bedeli karin go’aanka uu ku xigeenkiisa ku kala diray guddiga maaliyadda, dad baan ayey la-yaab ku noqotay.

Hadalkeeda ayaa yimid ayada oo aad loo rumeysan yahay in Mursal ay keensatay xukuumadda, oo uusan qaadi karin go’aan ka dhan ah ra’iisul wasaaraha. Hase yeeshee wareysi uu siiyey VOA ayuu Mursal ku caddeeyey in wax walba oo laga xanto ay sax yihiin.

Mursal ayaa diiday inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan kala dirista guddiga, wuxuuna sheegay inuu Muqdisho tegi doono, oo uu eegi doono warqadda lagu kala diray guddiga kadibna ku dhawaaqi doono go’aankiisa.

Su’aasha ayaa ah warqadda miyuusan weli arkin Mursal, mase waxa uu shaki ka qabaa sax ahaanshaheeda, haddiise ay sidaas jirto muxuu u bixiyey wareysi, oo uu ugu gaabsan waayey inuu marka uu warqadda arko kaliya uu jawaabi karo. Waxaa muuqata inuu doonayo inuu muujiyo inaan xafiiska Kheyre laga maamulin, haddana uusan ku dhiiran karin inuu sidaas caddeeyo.

Mursal ayaa sheegay inuusan ogolaan doonin in la sameeyo arrin ka baxsan sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamanka, balse mar la weydiiyey waxa uu arrintaas sharciga ka qabo waxa uu diiday inuu caddeeyo.

Waxaa la weydiiyey “muxuu xeer hoosaadka ka qabaa in la kala diro guddiga” wuxuuna yiri “waxaan eegi doonaa xeer-hoosaadka” guddoomiyaha ma waxa uu inoo sheegayaa inuusanba aqoon xeeer-hoosaadka golaha uu maamulo oo uu u baahan yahay inuu eego?

Kasoo gudub, mar la weydiiyey cidda awoodda leh inay kala dirto guddiga, waxa uu sheegay in guddiga ay kala diri karto ciddii sameysay, uuna ku baxayo sidii uu ku yimid. Waa jawaab wanaagsan, balse markii la weydiiyey cidda guddiga sameysay, wuu ku dhiiran waayey inuu sheego, sababtoo ah waxaa halkaas laga heli lahaa jawaabta dadku is-weydiinayaan.

Tii ugu yaabka badneyd ayaa ahayd markii la weydiiyey “Maxaad sameyneysa haddii marka aad Xamar tagto aad ogaato in kala dirista guddiga ay sharci darro tahay oo aysan waafaqesneyn xeer hoosaadka?” waxay ahaan lahayd jawaab wanaagsan inuu yiraahdo “Haddii kala dirista aysan waafaqsaneyn sharciga waan diidi doonaa”, balse Mursal waa uu diiday inuu jawaab bixiyo.

Wareysiga uu siiyey VOA, waxa uu Mursal ugu talo-galay inuu ku muujiyo inuusan xukuumadda la-hayste u ahayn, balse waxa uu taa beddelkeeda ku xaqiijiyey in xaqiiqdii laga maamulo xafiiska Kheyre. Khadiijie Diiriye waa ay saxneyd, Mursal waxaa laga maamulaa xafiiska Kheyre.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, United States

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Musharaxiinta Puntland oo soo saaray qoraal xasaasi oo jawaab u ah go’aankii Cabdi Weli Gaas + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Puntland ayaa ka jawaabay qoraalkii madaxweyne Gaas uu shalay soo saaray, waxayna soo saareen war-saxaafadeed ka kooban dhowr qodob. Hoos ka aqriso.

War saxaafadeed:

Annaga oo ah Musharrixiinta madaxweyne ee Puntland doorashada 2019 isuguna jira ku dalka jooga iyo kuwo maqanba, waxaannu kulamo gaar ah ka yeelaney xaaladda Puntland, Doorashada 2019, iyo dhismaha guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka. Markaan aragnay warqadda ka soo baxday madaxweynaha xilku ka dhammaanaayo ee ku saabsan soo xulidda Xildhibaannada golaha wakiillada.

Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada. 

Waxaa marag ma doonta ah in soo xulidda xildhaibaannada beelaha sanadkan la gashey khilaaf aan waligii ka dhacin Puntland, taas oo si ku talagal ah uu madaxweynaha talada hayaa u maleegaayo waana wax aan taariikhda Puntland hore u soo marin.

Wuxuuna si ku talaggal ah Musharax-Madaxweyne Cabdi-weli Mohamed Ali Gaas u dejiyey in ay xubno badan oo wata liisas is-khilaafsan iyo saxiixyo isimmo/nabadoono kala duwan ka yimaadaan beelo kala duwan, si uu madaxweynuhu ugala dhex baxo kuwa isagu uu rabo. Waxaana u meel marinaaya guddi keligiis uu soo xulanaayo kuna magacaabay: Guddiga Xalinta Khilaafadka iyo Ansixinta Xildhibaanada.

Waxaa wax aad looga xumaado ah oo aan sina loo aqbali Karin in qabiil kala sooc ba’an uu madax weynuhu kula dhex jiro beelaha xildhibaannada iska soo xulaya qaarka uu u arko in uu qabiil ahaan uga xoog roon yahay, uu xubnohooda cidduu rabo ku qorto si cadna isaga indha tiro saxiixyada nabadoonnada iyo isimmada beelahaas. Waxaa kale oo jirta in qabiillada uu madaxweynuhu u arko in aysan xoog badan lahayn ama isimmadoodu meelo fog jiraan oo aan Garowe imaan karin uu si toos ah qofkuu rabo u marsado guddiga khilaafaadka.

Hadaba waa in la helaa guddi dhex-dhexaad ah oo ay isku waafaqsan yihiin dhammaan musharrixiinta oo ku jiro madaxweynaha oo isna musharraxnimo ku dhawaaqay. Haddii Gudigaasi (Vetting committee) uusan ahayn mid dhexdhexaad ah, ama tayo fiican, ama aqoon iyo waayo aragnimo wayn aanu lahayn xaalada dhaqan iyo midda siyaasadeed ee Puntland Waxaa ka dhalankara dhibaatooyinkasoosocda;

1. Madax banaanid iyo kalsoonida guddiga lagu qabo oo la waayo. Mar haddii aan laga tala galin mushaxariinta oo uu ku tagrifalo soo magacaabiddooda Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya.

2. In ay noqdaan kuwo ku shaqeeya rabitaanka Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo kaliya.

3. In ay soo saaraan liiska xildhibaanada uu rabo Musharrax Gaas oo kali ah.

4. In la liiskana laga saaro xildhibaano badan oo si sax ah beelahodu u soo gudbiyeen. Haddii madaxwaynaha sii degaayaa dantiisa ka arki waayo.

5. In ay meel ka dhac weyn ku tahay issimada dhaqanka Puntland, taas oo cadaawad iyo khilaaf xooggan horseedi karta sidoo kalana abuuri karta khal khal,amni xumo iyo dhaawac soo gaara wadajirka dadka Puntland.

Talo soo jeedin;

1. Waa in shuruudaha gudiga iyo awoodahooda la isku waafaqo oo Musharaxiinta, Issimada, Dowladda iyo ay iisku raacaan.

2. In laga wada tashado magacaabista guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo kala Saaridda Xildhibaanada, si looga hortago is qabqabsi iyo ku tagri fal masiirka umadda.
3. In xubnahaguddigunoqdaankuwoisudheelitiran Kana kooban gobolada Puntland.

4. In guddiga aysan ka mid noqon Karin shaqalaha dowladda, la taliyayaasha iyo kuwa ka shaqeeya xaafiisyada madaxda sare ee dowladda si loo ilaaliyo madaxbanaanidda guddiga.

5. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon Karin qofku cad ama u ololeeya musharax gaar ah.
6. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon qof ay maxkamadi dembi ku xukuntay.

Dhinaca kale;

I. Laga bilaabo markii uu madaxweynaha Puntland si toos ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne oo mar kale u tartamaayo 2019ka, (November 29, 2018 Dhahar), in uusan samayn Karin xaqna u lahayn arrimahaan hoos ku qoran:
a. In aan musharrax Cabdi-weliMaxamad Cali Gaas uusan xoolaha/hantida guud ee ummadda uusan doorasho u isticmaali Karin si toos iyo si dadban midna
b. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaan ciddii ay khusayso u sheegeynaa in Musharax Cabdi-weli M C Gaas uusan wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono.
c. In Musharax A/weli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi Karin ama xil ka qaadi Karin qof.
d. Waxaannu wasaaradda maaliyadda Puntland iyo dhammaanciddii ay khusayso u sheegeynaa in madaxweyne Cabdi-weli M C Gaas uusan wax maaliyad ah saxiixi Karin, isaga iyo ciddii arrintaas khilaaftaana uu sharcigu qabandoono.
e.In Musharax A/weli Gaas laga bilaabo maalintuu iclaamieyey musharaxnimadiisa uusan xil magacaabi karin ama xil ka qaadi karin qof.

Ugu danbayn waxaan Isimmada, Culumaauddiinka, ciidamada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland ugu baaqaynaa in xilligaan kala guurka ahay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii awalba looga bartay adkaynta amnigooda, wadajirkooda iyo horumarkooda sigaar ahna u garab istaagaan ciidamada amniga, waana taas midda aan guusha kugaari karno.

Alle idanki guul shacabka Puntland.

Murashaxiinta soo saaray war-saxaafadeedkaan:

1. Dr. AadanMaxamadCiise(Gaadaale)
2. Eng. CabdirizaaqCabdullahiJaamac(Jannagale)
3. General KhaliifCiiseMudan
4. Eng. MaxamuudKhaliifXasan (Jabiye)
5. Eng. MaxamadCabdullahiXuseen (Shortaaye)
6. Siciid Cabdullahi (Deni)
7. Gen. Saciid Mohamed Hirsi (Saciid Dheere)

Tirada ciidamada dowlada ay geysay Baydhaba oo la ogaaday (Faah-faahin)

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay weli socdan ciidamada dowladda Soomaaliya ay geyneyso magaaladaasi.

Waxaa maanta gaaray magaalada Baydhaba diyaarad kale oo sida ciidamo ka tirsan Booliska Federaalka, iyadoo shalay galab la soo weriyey inay sidoo kale ka degtay diyaarad siday ciidamadii labaad ee halkaasi la geeyo.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey inay dowladda Somalia geystay magaalada Baydhaba ciidamo gaaraya 200 askari oo ay ku jiraan 50 askari oo saaka ka degay garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba, waxaana warar xogogaal ahi sheegayaan in tirada ciidamada loo dirayo Baydhaba ay gaareyso 300 askari.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dalbadeen ciidamada uga yimid dowladda Federaalka ee magaalada Muqdisho laga keenay si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga magaalada Baydhaba, laakiin waxaa ka hor yimid xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Hoggaamiyaha ONLF oo si weyn loogu soo dhoweeyey Addis-Ababa

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha Ururka ONLF iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

ONLF ayaa ku horay looga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbadel Ballaaran oo ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana lagu waddaa in ay  wada hadal la yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan oo ka kooban 20 Xubnood,waxaa uu qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay ay ku laabtaan Itoobiya hayeeshee dib ayey u dhacday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Madaxweynaha Dowlad degaanka,ku xigeenkiisa,Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya iyo xubno kale ayaa ku qaabilay Garoonka Diyaradaha ee Hilton.

OLNF waxaa ay dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya tan iyo 1984tii xilligaas oo la aas aasay, heshiiska cusub ee Itoobiya iyo ONLF ayaa waxaa ka mid ahaa in ay hubka dhigaan,hadafkoodana ku gaaraan siyaasad nabadeed.

Madaxweyne TAARIIKH ku leh Soomaaliya – George HW Bush – oo geeriyoody

Houston (Caasimada Online) – Madaxweynehii hore e Mareykanka George HW Bush ayaa ku geeriyooday gurigiisa ku yaalla magaalada Houston ee gobolka Texas, isaga oo 94 jir ah.

Bush Sr ayaa ahaa madaxweynehii 41-aad ee Mareykana intii u dhaxeysa 1989-kii ilaa 1993-kii, waxaana waqtigiisa lagu xasuustaa dhammaadka Dagaalkii Qaboobaa iyo dagaalkii koowaad ee Iraq ee ka dhanka ahaa Sadaam Xuseen.

Bush waa aabaha Goerge W Bush, oo isna noqday madaxweynaha Mareykanka 2001-2009.

Inkasta oo xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaaneysay sanadahan, haddana waxa uu kasoo dhex muuqaanayey bulshada.

Bishii April ayaa la dhigay isbital kadib markii dhiigiisa uu galay infakshan, hase yeeshee waa laga soo saaray. Bush ayaa sidoo kale laga daweeyey cudurka Parkinson ee jirka qofka ka dhiga mid jareeya ama lulma.

Waxa uu geeriyooday toddoba bil kadib geeridii xaaskiisa.

Kowdii bishii Janaayo ee sanaddii 1993-kii waxa uu booqasho ku yimid Soomaaliya, 19 malamood un ka hor inta uusan xafiiska ka tegin, wuxuuna booqday Muqdisho, Baydhaba iyo Shabeellaha Hoose, oo uu kula kulmay ciidamadii Mareykanka.

Busha waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda booqday Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale ahaa madaxweynihii amray in ciidamada Mareykanka ay galaan Soomaaliya December 5, 1992-kii.

Bush oo ku sugan Somalia, lana jooga ciidamadiisa (Photo by Larry Downing/Sygma/Sygma via Getty Images)Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Doorashada madaxweyne ee KOONFUR GALBEED oo mar kale dib loo dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhawaan la magacaabay ayaa Maanta markale shaaciyay in ay dib u dhacday waqtiga ay dhici laheyd doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashada ayaa qorshuhu ahaa inay dhacdo 5-ta Bishan Decembar oo ku began Arbacada soo socota hayeeshee markale dib loo dhigay dhowr sababood oo ay soo bandhigeen Guddiga.

Doorashada ayaa la sheegay inay dhici doonto 19 December.

 

CC SHAKUUR oo xog yaab leh ka bixiyay ciidamadii la geeyay BAYDHABO

Baydhabo (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa xog cusub ka bixiyay ciidamada dowladda ay geysay magaalada Baydhabo oo dhawaan doorasho ay ka dhaceyso.

Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo ay yihiin ciidamadii sanad ka hor weeraray gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Ciidamadaasi ayuu sheegay in ciidamadaasi kaliya ay yihiin ciidamadii oo magacii NISA laga badalay islamarkaana la geeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

“Waxaan xog ku helay in ciidanka lagu sheegay in ay Boolis yihiin ee Badhabo loo daabulay ay yihiin kuwii hoygayga soo weeraray 17 December e sanadkii hore, kuwaasoo dilay 5 wiil oo ilaaladayda ahayd, xabaal wadareedna ku aasay”

“Keliya waxaa laga bedelay magacii iyo dharkii NISA oo waxaa loo geliyey dhar Booliska. Shaki iigama jiro in ay fidno iyo fadqalalo Baydhabo ka abuurayaan. Sanad ka hor ayaan shacabka uga dignay ujeedka gurracan ee kooxda Villa Somalia. Waa Ilaaheey mahadii in dadka badankii ay haatan soo baraarugeen”

“Fariinteenu waa sahal. Nacasnimo talinta caynkaan oo kala ah, waxa keli ah ee lagu celin karaa waa awood shacab oo abaabulan midna ah” ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur oo si weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Muuse Biixi oo amar siiyay ciidamada Somaliland iyo Puntland oo ka walaacsan

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera, socdaalkaasi ayaana qeyb ka ah safar labo todobaad qaatay oo uu ku tagay deegaanada Somaliland.

Isaga oo saraakiisha ciidamada kula hadlayay magaalada Berbera ayuu sheegay inuu amar ku bixinayo in ciidamada Somaliland ay heegan adag galaan, waxaana uu fariintaasi u diray  ciidamada ku sugan deegaanada dhanka xuduuda.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu ku laaban doono magaalada Hargeysa isaga oo isku shaandheyn ku sameynaya golaha Wasiirada maamulkiisa.

Arinta la hadal hayo ayaa ah inuu amar siiyay ciidamada ku sugan deegaanada gobolka Sool, gaar ahaan ciidamada ku jira difaaca aaga Tukaraq.

Puntland ayaa walaac ka muujisay amarkaasi la siiyay ciidamada ku sugan aaga Tukaraq, waxaana xubno ka tirsan Puntland ay sheegeen inay arintaasi keeni karto in dhiig kale uu ku daato gobolka Sool.

Marar badan ayay labada dhinac ku dagaalameen gobolka Sool, laakiin waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay socday waan waan arimahaasi lagu dhameynayo.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
[email protected]