26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Abiy Ahmed oo Muuse Biixi ku ciqaabaya xiriir uu la sameeyey Gaas, Xasan Sheekh iyo Madoobe

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imanaya dowladda Ethiopia kadib markii ay soo baxday qorshe qarsoon oo lagu carqaladeynayo dowladda federaalka ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidaas u sheegay Caasimada Online.

Xogtan xasaasiga ah ee aan helnay ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu dhowaan amray in xafiiskii Somaliland ee magaalada Addis-Ababa loo raro magaalada Diri Dhaba, taasi oo qeyb ka ah tallaabooyin lagu ciqaabayo dowladda Muuse Biixi. Ethiopia ayaa sidoo kale dhowaan la baxday qunsulkeedii Hargeysa.

Ilo-wareedyada la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in tani ay tahay dharbaax lama filaan ah oo madaxweynaha Somaliland kaga timid Abiy Ahmed, oo sidoo kale ciidamada Liyu Boolis usoo diray xuduudda si ay u kala dhex-galaan beelaha Dhulbahante ee dagaalamaya, taasi oo Somaliland ka carreysiisay.

Sida aan xogta ku helnay, Abiy Ahmed ayaa rumeysan in Somaliland ay xasilooni darro siyaasadeed ku abuureyso dowladda dhexe ee Muqdisho.

Ethiopia, ayaa sida aan xogta ku helnay ogaatay, in Muuse Biixi uu xiriir hoose la sameeyey Axmed Madoobe, Cabdi Weli Gaas iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo qorshuhuna yahay in loo midoobo cadaadis ka dhan ah dowladda Farmaajo.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa la sheegay inuu xiriir dhow la leeyahay, uuna haysto taageerada madaxweynaha dowladda Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed qudhiisa.

Farmaajo ayaa la sheegay inuu lahaa fikradda uu Mustaf Cagjar ku dhex-dhexaadinayo beelaha Dhulbahante ee ku dagaalamaya gobolka Soo lee Somaliland ay sheegato, kuwaas oo lagu heshiisinayo magaalada Jig-Jiga, taasi oo sidoo kale dharbaaxo kale oo siyaasadeed ku noqotay dowladda Muuse Biixi.

Muuse Biixi, oo sida la sheegay garwaaqsaday dhaawaca siyaasadeed ee dagaalka beelaha Dhulbahante uu gaarsiiyey, ayaa isku halaynaya afhayeenka baarlamanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo beeshaas kasoo jeeda, isagoo doonaya inuu dhex-dhexaadiyo Dhulbahante, qorshahaas oo ilaa hadda aan lagu guuleysan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

K/Galbeed: Xildhibaano si iskood ah madaxweyne u dooranaya iyo xiisad cusub oo ka billaabatay Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay Maalin ka hor ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada la filayey inay dhacdo shanta Bishaan ayaa waxaa soo baxayo warar sheegayo inay Xildhibaano qorsheenayaan doorasho dhacdo shanta Bishaan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya iney doortaan Madaxweyne shanata bisha December oo shalay dib looga dhigay taas oo mar kale la mudeeyay 19-ka Bishaan.

Xildhibaanada ayaa sheegay in shaqsiyaad doonaya dano gaar iyo Murashaxiin gaar ah ay dib u dhigeyn doorashada sidaas darteedna aysan ogolaan karin mudada dheeraadka ah ee lagu daray jadwalka doorashada.

Siyasiyiinta qaar oo la hdlay wariyal ku sugan Baydhabo ayaa shegay in walaac ay qaban ay tahay in waqtiga doorahsda xiligan laga dhigay ee 19-ka Bishaan ay inta badan xubnaha matalaa beesha caalamka ay u baxayaan ciida kirismaska oo dabayqada bishaan ah.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa noqotay mid foodo ah waxaana dib loo dhigay illaa 3 jeer oo kala duwan taasoo aan illaa hadda la ogeyn sababta rasmiga ah.

Waxaa jiro warar sheegayo inay qorshahaan wadato dowladda Federaalka Soomaaliya ayna dooneyso inay meesha ka saarto musharixiinta Qaar.

Wararka qaar ayaa sheegayo inay dowladda dooneyso inay Meesha ka saarto Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur isla markaasna ay Guddiga Doorashada ku qasbeyso inay is casilaan si loo soo dhiso Guddi cusub isla markaasna loo dajiyo shuruudo cusub oo Roobow u diidayo inuu ka qeybgalo doorashada.

Waxaa la filayaa inay maalmaha soo socdo is casilaan qaar ka tirsan Guddiga Doorashada, waxaadna aqbaaraadkaas kala socon doontaan Caasimadda Online.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Qarax ka dhacay isgoys ku dhow BF iyo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa mid gaari loogu xiray shaqsi la sheegay in uu ka mid yahay shaqaalaha mid ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, oo weli aan xog rasmi ah laga bixin.

Dad goobta tegay ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay goob ay ciidamada dowladda gaadiidka ku baaraan, waxana ku dhintay shaqsigii watay oo la sheegay in gaariga loogu soo xiray.

Isgoyska Sayidka ayaa ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna ka mid yahay meelaha laga maamulo ammaanka Villa Somalia. Waxaa sidoo kale ku dhow oo isgoyska dhinac saaran xarunta baarlamanka.

Waxaa sidoo kale isgoyskan dhinac ka saaran xarunta Otto Otto ee xarumaha wasaaradda amniga iyo arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sababtii uu Xasan Sheekh garoonka diyaaradaha ugu jeex-jeexay heshiiskii uu la galay Siilaanyo (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan oo ka mid ahaa ergadii Somaliland ee ka qayb gashay shirkii Djibouti ka qabsoomay December 2014 ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu jeex-jeexay heshiis uu dalka Djibouti kula saxeexday madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed
Siilaanyo.

Dr. Xuseen Bulxan oo hadal ka jeediyay kulan Hargeysa ka dhacay oo lagaga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuu sheegay in Soomaaliya wakhtigaas ka cadhootay in dalka Djibouti lagu soo daro wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya si ay Djibouti u noqoto xidhaaga dhinaca heshiiska jebiya.

Dr. Bulxan oo arrintaas ka hadlaayay wuxuu yidhi “Tii ahayd dawlad kale ma doonayno ayaanu aniga iyo Yuusuf (Yuusuf Garaad) ku heshiinay in Djibouti noqoto xidhaaga haddii wada hadalada Istanbul socon waayo, anaana fikrada soo dhigay markii la diiday wax kale ayaan idhi Djibouti halagu daro.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Bulxan yidhi “Markii aanu ula tagnay ayaa la yidhi ma doonayno Djibouti inaad soo gelisaan oo anaga iyo Djibouti ayaad isku kaayo dilaysaan. Cabdikariim (Cabdikariim Guuleed, wasiirkii daakhiliga ee Xasan Sheekh] markuu diiday ayaanu nidhi ma adigaa Cabdikariimoow Madaxweyne ah mise Xasan Sheekh, markii
Xasan loo dhiibay nuqul, ayaa Cabdikariim intuu cararay ku yidhi Xasan Sheekh arrinkaas diid, Xasan Sheekh ayaa Wasiir Maxamed Biixi isna ku yidhi sidii, dabadeed Maxamed Biixi ayaa ku yidhi Xasan Sheekh madaxweyne arinkan aad leedahay ka saar ma arrinka Djibouti ayaad doonaysaa inaan ka saarno markaas ayuu arrinkii fashilmay oo uu
Ismaaciil Cumar Geelana kor u soo fadhiistay waayahay ee ku daayay ayuu yidhi waanu saxeexay. Madaarkii ayuu Xasan Sheekh ku jeex jeexay heshiiskii, sidaan warar rasmi ah ku helay.”

Qodobada sannadkaas 2014 ay Somaliland iyo Soomaaliya ku heshiiyeen
ayaa kala ahaa:

1. Dardargalinta wada hadalada iyo in loo yeelo waqti ku jaan go’an

2. Fulinta wixii lagu heshiiyay iyo in la dardar geliyo mashaariicda dib u dhiska iyo howlaha bini’aadanimo, lana siyaasadeyn.

3. Fulinta heshiiskii hawada ee labada dhinac ku heshiiyeen.

4. In Wada hadalka lagu soo daro ama laga qeyb galiyo Xeeldherayaal iyo dawlado saxiib ah.

5. Ilaalilnta xuquuda aadanaha, iskaashi labad dhinac dhex mara, in meel looga soo wada jeesto argagixisada iyo budhcad badeedka.

6. In kulanka xiga uu dhaco 26-27 Febraayo ee 2015 kana dhaco Istanbul.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Arag Sawirro: Bin Salmaan oo lagu bah-dilay shirkii G-20, geesna la isaga riixay

Buenos Aires (Caasimada Online) – Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu bah-dilay laguna takooray shirkii dhaqaalaha ee G-20, kaddib markii la’iska fogeeyey xiligii la galayey sawirka guud ee golaha.

Maxamed Bin Salmaan ayaa la istiaajiyey geeska ugu fog safka sawirka, waxa uuna u muuqda mid la inkirayey.

Ka soo muuqashadii shirka ee Maxamed Bin Salman waxa ay dhalisay muran tan iyo dilkii qunsuliyada Sucuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar loogu gaystay wariye Khaashuqji, la-yaabna ma ahayn sidii loola dhaqmay.

Markii sawirku dhamaaday, dhaxal sugaha oo ah hoggaamiyaha talada ka go’do ee Sucuudiga waxa uu durbadiiba ka dagay masraxa isaga oo aan qofna gacan qaadin, xilli ay ka muuqatay yaxyax.

Waxaa bartamaha taagnaa Madaxweynaha Argentina Mauricio Macri oo sanadkan martigaliyey shirka.

Macri waxa uu horey sheegay in eedemaha loo haysto Maxamed Bin Salmaan ee dilka wariyaha in ay hoggaamiyeyaasha caalamka shirka labada maalin soconayey uga hadli doonaan. Sucuudiga waxa ay sheegeen in dilka Khashoggi uusan Maxamed Bin Salmaan waxba ka ogeyn.

Madaxweynaha Russia iyo Maxamed Bin Salmaan waxa ay is dhaafsadeen KU DHAC caan noqotay xilli ay fariisaneyn labadooda kursi ee is xigay.

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Columbus, Ohio
[email protected]

DHAGEYSO: Lafta-Gareen: “Xildhibaanada BF qaska ha ka joojiyaan Baydhaba”

0

Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharrax madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Lafta-Gareen, ayaa ka hadlay Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Warbaahinta ka hadal haya Ciidamada ay dowladda dhexe geysay Baydhaba.

C/Casiis,waxaa uu sheegay in Xildhibaannada Federaalka ay shaqadoodu tahay in xaqa degaannada ay matalaan ka keenaan dowladda dhexe ee aysan ku mashquulin dowlad Goboleedyada gaar ahaan Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda dhexe geyneyso Magaalada Baydhaba ay codsadeen maamulka Koofur Galbeed.

Lafta-Gareen ayaa sheegay in amniga dalka ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe,islamarkaana Ciidanka horay u joogay Baydhaba iyo kuwa hadda la geeyayba ay leedahay dowladda Federaalka ah.

Musharax Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana dad badan ay  aaminsan yihiin in dowladda federalka Soomaaliya ay wadato.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Casiis laftagareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Shirkado Amisom ka haystaa qandaraas oo ku talagal ah u wasaqeeya xeebaha Muqdisho (Arag)

0

Muqisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaa wajahaysa wasqayn xad dhaaf ah oo ay mu kacayaan shirkado ku shaqaysta Hagaajinta Nadaafadda oo qaarkood ay AMISOM Qandaraas ka qaateen, Kawaanlayaan iyo kooxo kale oo Iskood isu abaabulay oo gaadiidka qashanka wada lacag uga qaata goobaha ay wasaqaynayaan.

Deegaannada sida joogta ah loo wasaqeeyo waxaa kamid ah Xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda oo lagu daadiyo qashan laga keeno gudaha Xalane iyo magaalada inteeda kale kaas oo ay geeyaan shirkado Qandaraaslayaal la shaqaysta AMISOM iyo shirkado kale.

Wasaqaynta magaalada ayaa loo adeegsadaa Booyado iyo Baabuur kale oo waawayn oo qashan kasoo daabula gudaha Xalane kuna shuba dhinacyada waddada Jazeera, gudaha Badda iyo agagaarka Saldhigga Ciidanka ciidanka lagu tababaro ee Turk-som.

Taliska Saldhigga Booliiska Wadajir ayaa si ay u baaraan xiray laba wade iyo labo caawiye oo waday laba booyadood oo ay leedahay Shirkadda Sahan oo kamid ah shirkadaha qandaraaska ka haysta AMISOM, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyaga oo ku guda jira ficillada wadaqaynta caasimadda

Haraadiga iyo qashanka Kawaan Xoolaha lagu qalo ee ku yaalla agagaarka xeebta Jazeero ayaa sidoo kale joogto loogu daadiyaa deegaanka Jazeera.

Xeebta Gubadlay ee degmada Kaaraan ayaa kamid ah goobaha sida joogtada ah loo wasaqeeyo, iyada oo qashanka gaadiidku ay ku rogaan oo xad dhaaf ah uu dhibaato ba’an ku hayo xeebta liido ee ay shacabka Soomaaliyeed u dalxiis tagaan.

Waxaa kale oo jira Kooxo ka faa’iidaysta wasqaynta caasimadda oo gaadiika qashanka keenaya lacag uga qaata wasaqaynta deegaanka.

Xildhibaan sheegtay sabab cajiib ah oo doorashada K/G loo geeyay 19-ka bisha

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sabab cajiib ah u yeeshay qorshaha 19 December loo geeyay doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Ujeedada laga leeyahay doorashada Koofur Galbeed ee dhamaadka December ayay ku sheegtay in la doonayo in korjoogto la’aan la rabo in doorashadaasi ay ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Waxay ku eedeysay xukuumadda Soomaaliya inay ka dambeyso arinta oo ay dooneyso in wakiilada Beesha caalamka oo aan joogin doorashada inay ka dhacdo magaalada Baydhabo, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sheegtay in dadka ajaaniibta ee jooga Soomaaliya ay aadayaan fasaxa Kirismaska, sidaasina ay kaga maqnaan karaan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Amaanka magaalada ayay dhinaca kale sheegtay inay qalqal galin karaan ciidamadii badnaa ee dhawaan la geeyay magaalada Baydhabo, iyadoo ka digtay in ciidamadaasi ay qeyb ka noqdaan qorshaha qalqalin gelinta amaan ee Baydhabo.

Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa shalay markii seddaxaad dib u dhigay doorashada iyaga oo ku dooday in aysan heysan agab doorasho oo ku filan iyo wakiillada Beesha Caalamka oo aan ku iman karin waqtiga ka harsan doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

Dowladda UK oo shaacisay mowqifkeeda aqoonsiga Somaliland iyo arrimo kale

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirul dawlaha Britain u qaabilsan arrimaha horumarinta dalalka barwaaqo sooranka Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in Ingiriisku Somaliland kala shaqeeyo arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka gobalka, waxaanay sheegtay inay Madaxweyne Biixi dhawaan kala hadashay arrimaha ammaanka gobalka. Laakiin Wasiir Baldwin waxay aqoonsiga qaddiyadda Somaliland ay ku soo riixday in lagu dhammeeyo wada hadal Soomaalida dhex mara, wadamada gobalkuna aqoonsadaan.

Xildhibaan Jim Cunningham oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee dalka Ingiriiska, ayaa baarlamaanka Ingiriiska wuxuu Wasiir Harriet ku weydiiyay su’aal ahayd waxyaabaha ay dawladda Somaliland kagala hadashay wada hadaladii u dambeeyay ee dhinacyada ammaanka gobalka iyo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Wasiir Harriet Baldwin ayaa ku jawaabtay sidan “Waxaan Madaxweyne Biixi kala hadlay arrimaha ammaanka; socdaalkaygii 7 Oktoobar ee Hargeysa. Somaliland door muhiim ah ayay kaga jirtaa la dagaalanka khatarta  argagixisada ee gobalka. Ingiriisku wuxuu Somaliland siiyaa kaalmo dhawr dhinac ah oo ay ku jiraan xoojinta awooda Somaliland  si  meesha looga saaro hadidaada argagaxisada, in caddaymo la ururiyo dambiilayaashana la xidho iyadoo lagu salaynayo xurmaynta xuquuqal insaanka iyo saraynta sharciga.

Dawladda UK, waxay taageersatanahay dedaalada Somaliland ee ku aaddan inay gacan ka gaysato ammaanka gobalka iyadoo la  shaqaynaysa Booliska, garsoorka iyo bulshada rayidka ah.

Waxaanu ka walaacsanahay isku dhacyadii sannadkan horaantiisii ka dhacay magaalada Tukaraq, waxaanu si adag ugu dhiirigelinaynaa hoggaaminayaasha dhammaan dhinacyada inay khilaafaadka ku xaliyaan nabadgelyo kalana shaqeeyaan dhexdhexaadinta ay wadaan urur goboleedka IGAD.

Ingiriisku ma aqoonsana madaxbanaanida Somaliland. Mawqifkayaga mudada dheera waa halkiisii, oo ah in Soomaalidu ay heshiis ka gaadhaan arrinta Somaliland iyagoo wada hadal u maraya  iyo inay wadamada gobalku horseed ka noqdaan aqoonsiga natiijada wada hadalkaas.”

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected] 

Hanaanka wada-tashiyada xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiin & teknolojiyada oo la furay (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u daah-furtay hannaanka wada-tashiga xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka, iyadoo munaasabaddaasi ay ka soo qeyb galeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Maareeyaha HIQ, Md. Cabdi Sheekh Axmed ayaa sheegay in hannaanka wada-tashiyadu ay yihiin nidaamka ay Hay’addu u mari doonto marka ay soo saareyso xeerar lagu nidaamiyo adeegyada noocyada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada, dadweynaha iyo daneeyeyaasha kalena looga dalbanayo inay talooyinkooda ku biiriyaan ka hor intaanan la dhaqan-gelinin.

Maareeyaha ayaa intaasi ku daray in Hay’addu soo diyaarisay xeer-nidaamiyeyaal iyo dokomintiyo kale oo ay ka mid yihiin Habraaca Sharciyada (Rules of Procedures) oo qeexaya sida loo soo gudbin karo talooyinka la xiriira xeer-nidaamiyeyaasha, Xeer-nidaamiyaha Lambarrada (Numbering Regulation), Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Interconnection Regulation), iyo Ogeysiiska Dadweynaha ee Xeer-nidaamiyaha Isku-xirka (Public Notice), Waajibaadka iyo Qaabka ay u ekaaneysoo rukhsadda shirkadaha Isgaarsiinta (License Template – Telecom Company), Jaantuska Qoondeynta Hirarka Qaranka (National Frequency Allocation Table), iyo Tilmaamaha Fasaxa Qalabka electronic ee dalka lagu adeegsanayo (Type Approval Guidelines) oo loogu talo galay in lagu kontoroolo tayada qalabka electroniga ah ee dalka lagu adeegsanayo.

“Waxaan dareensanahay in fekerka hay’ad suuqa nidaamisa (regulator) ay dalkeena ku cusub tahay. Waxaa sidoo kale wax cusub ah in hay’addaas ay soo saarto xeer-nidaamiyeyaal dadweynuhu talo ka dhiiban karaan. Sidaasi darteed, waxaan ka codsaneynaa in daneeyeyaasha oo dhan ay soo gudbiyaan talooyinkooda, qaab waafaqsan Habraaca Sharciyada, mana aha oo kaliya inaan dhageysaneyno shirkadaha isgaarsiinta oo kaliya,” ayuu yiri Maareeyuhu.

Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Md. Cusmaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka, ayaa labaduba ku bogaadiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay billowday dhaqan-gelinta Sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo u mareysa xeer-nidaamiyeyaal.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Maxamuud Xayir iyo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Md. Daahir Maxamuud Geelle, oo sheegay in wasaaradahoodu ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Boostada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka maadaama ay jiraan dhinacyo badan oo ay iska kaashan doonaan sida canshuuraha iyo maareynta hirarka, sida uu qabo Sharciga Saxaafadda Soomaaliya oo sheegaya in marka Wasaaradda Warfaafintu rukhsadda siiso shirkad warbaahineed in Wasaaradda Boostadu ay siin doonto shirkaddaas hirarkii ay ku shaqeyn lahayd.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo si rasmi ah u furay wada-tashiyadan ayaa ku ammaanay hoggaanka, Guddiga iyo shaqaalaha HIQ sidii ay ugu guuleysteen inay dhisaan hay’ad awood u leh inay gudato waajibka ka saaran nidaaminta suuqa isgaarsiinta.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in isgaarsiinta ay ahmiyad gaar ah u leedahay Xukuumaddan maadaama ay tahay mid saameyn ku leh dhammaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha iyo nolosha dalka. Wasiirka oo arrintaas tusaale ka bixinaya ayaa yiri “shirkadaha waxay ka faa’iidayaan in ay ka baxaan fowdadii suuqa ka jirtay; macaamiisha waxay ka faa’iidayaan inay helaan adeeg wanaagsan sida in shirkaduhu isku xirmaan oo hal taleefoon aad kula hadli karto dalka oo dhan, dawladduna waxay ka faa’iidi doontaa in dakhligeedu uu kordho, kaasoo qeyb ka mid ah dib loogu celinayo suuqa si loogu dhiso kaabayaasha isgaarsiinta,” ayuu yiri wasiirku.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ay saameyn karaan xeer-nidaamiyeyaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada, sida shirkadaha isgaarsiinta dalka oo ay ka mid yihiin: Hormud, SomTel, NationLink, Golis, SomNet, iyo SomLink; Ururka Bankiyada Soomaaliyeed iyo xubnahooda; shirkadaha diiwaangeliya dotSO, shirkadaha telefishinada, ururrada jaamacadaha, iyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee xiriirka la leh xeerarkan.

Fiqi “Somalia waqtigan ma xamili karto hogaamiyaal calooshood la cayaar ah”

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin oo kamid ah Xildhibaanada sida weyn u mucaaradsan Siyaasadda ay ku shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale weerar culus ku qaaday Madaxda ugu sareyso.

Mar uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlayey soo dhaweyntii Jigjiga loogu sameeyo hoggaamiyaha ONLF ayuu sheegay Fiqi inaysa Soomaaliya hadda xamili karin waxa uu ugu yeeray Hoggaamiyaal calooshood la cayaar ah sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook:

?? Dadka mabaadi’da leh waxay noolaadaan boqolaal sano si kasta oo ay u itaal-daran yihiin, kuwa ka Soo horjeedaana u xoog badan yihiin, kuwa danleyda ah ee aan mabaadi’da lahayna boqol jeer ayaa la aasaa oo ay dhintaan.

Maanta ayey Jigjiga ka rumowday, waxaan bogaadinayaa sida sharafta leh ee ay Maanta dadka Soomaaliyeed ee dhulkaas ku nool ay uga marqaati kaceen halgankii jabjadda ONLF isla markaana isu Soo baxaas weyn ugu sameeyeen hogaanka u sareeya jabhadaas.

Waxay Soomaali u baahan tahay hogaamiyaal aragti dheer xambaarsan oo ka shaqeeya midnimada umadda Soomaaliyeed, waqtigaan Soomaali ma xamili karo hogaamiyaal calooshood la cayaar ah oo daba ordaaya danahooda yaryar oo qura.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xog: Ka hor shirka London, wax ka ogow Soma Oil and Gas iyo qandaraaska shidaalka dalka Soomaaliya

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa ay Febraayo 7, 2019-ka, bixin-doontaa qandaraas balook- yo dhan 206 oo ku saabsan baarista shidaalka ku jira xeebaha koonfurta Soomaaliya, shirka waxaa uu ka dhici-doonaa London.

Qormadan waxaan ku baareynaa shirkadda Soma Oil and Gas oo qeyb ka ah qandaraasyada faa’ido iyo khasaaro.

Sidee Loo Samdeeyey?

Shirkadda Soma Oil and Gas waxaa lagu rejister-gareeyay Company House-ka dalka UK April 2013. Waxaa sameeyay ragga magacyadooda hoos ku qoran, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheikh uu tagay Uk 2013 kii:

Michael Howard oo madax ka ahaa Xisbiga Conservatives, UK ,The Earl of Clanwilliam oo xubin ka ahaa Aqalka Lords ee Ingiriiska (Boqortooyada UK), Robert Allen Sheppard oo Mareykan  ah, oo u soo shaqeeyay shirkado badan ee shidaal soo-saarayaal ahaa, ayna ka mid tahay British Petroleum, oo billowgii shirkadda ka ahaa Maareeyaha Guud (Chief Executive Officer), Basil Shiblaq, oo ahaa Ku-Xigeenka Maareeyaha Guud ee Shirkadda, wuxuu lee yahay khibrado aad u dheer oo maalgelinta khayraad ka dabiiciga ah. Horay wuxuu soo sameeyay shirkadda Ophir ee baarta shidaalka. Waa Lubnaani Masiixi ah.

Lahaashaha Shirkadda:

Lahaashaha shirkadda waxay ku salaysan tahay saamiyo ay kala lee yihiin badan keeda ragga kor ku qoran. Waxaa mudan in la sheego dad Soomaali ah inay ku jireen saamilayda, oo uu k mid ahaa Xasan Cali Khayre, oo ahaa agaasimaha gobolka (Regional Director) oo fadhigiisa ahaa Nairobi. Xasan Cali Khayre wuxuu ka baxay shirkadda hawsheeda markii loo magacaabay Raiisul Wasaaraha Soomaaliya.

Isbeddelka Maamulka Shirkadda:

Maamulka shirkadda dhowaan waa isbeddelay: Ragga kor ku qoran waxay 16 July 2018 si siman uga ruqseesteen agaasime-nimada. Hadda shirkadda waxaa weli agaasime-yaasha cusub ka mid ah William Richard Anderson (oo awal ahaan jiray CEO ga shirkadda). Is-beddelada cusub waxay ifafaale u yihiin Shirkadda Soma Oil and Gas in ay shirkad kale ku -dhex milantay oo xataa magaceeda is-beddelay. Waxaa dhici karta inay isu-diyaarinayso inay gasho Consortium oo magac cusub loo sammaynayo, ama ay leedahay oo aan annaga ogeynin. Mid waa hubaal: inay shirkadda isbeddel cusub ku socdo iminka.

Khibradda iyo maaliyadda shirkaddaan:

Shirkaddaan oo loo aasaasay inay Somalia oo kali ah ka shaqayso, wax khibrad ah ama maaliyad ah oo u yiilay meel ma jirin. Waa shirkad cusub oo loogu talo galay inay Soomaali ka shaqo gasho, lacag dayman ah, ama dad maal leh laga soo qeyb-geliyo oo laga siiyo saamiyo. Waxaa loogu talo galay heshiiska Soomaaliya ay la gasho in lagu maal-raadsado oo ka dibna hawlihii loo baahnaa la qabto. Maal-raadinta shirkadda waxay gaartay inay ka soo qeyb-galaan saami-ahaan bilyoneerka Ruushka ah ee Alexander Djaparidze. Waxaa kaloo shirkadda boor keeda ku soo biiray 2015 William Richard Anderson oo shirkado badan ka soo shaqeeyay; oo ay ka mid yihiin Euroasia Drilling Company, Geokinetics International Holdings iyo Prime Natural Resources Inc. Raggaas maal iyo khibrado way ku soo kordhiyeen shirkadda.

Shaqada shirkadaan ay ka qabatay Soomaaliya:

Afar bilood ka dib aasaaska shirkadda Soma Oil and Gas, shirkadda waxay timid Xamar 6da Agoosto, 2013, goor taasoo ay la saxiixatay Soomaaliya Heshiiska loo yaqaan “Heshiiska Khiyaarka Saysmikada (Seismic Option Agreement). Heshiiskan wuxu lee yahay sidaan:

Soma Oil and Gas waajibaad keeda (obligations)

Shirkadda Soma Oil and Gas waa inay ka baartaa badda Somaliya sal keeda shidaal. Waa inay samaysaa sahanka saysmikada (seismic survey). Qarashka ku bixi lahaa hawshaas waa inay la timaaddaa.

Waa inay soo ururisaa xogahii hore oo ay ka soo gadataa shirkadaha haaya xogahaasi. Xogaha waxaa ka mid ah xogaha jiyo-fisikada (magnetic and gravimetric iyo seismic), reboorada ceelasha, well logs iyo reboorada jioolojiyeed.

Waa inay Wasaaradda Batroolka ka dhex sammeeyaan Qolka Xogaha, si xogaha cusub iyo kuwii hore loogu kaydiyo iyo loogu darso.

Waa inay sameeyaan Qiimaynta Gobolka ee Shidaalka (Regional Evaluation for oil and gas in onshore and marginal areas of Somalia).

Sannadkii 2014 waxaa lagu daray heshiiska inay siiyaan mushaharad soo jiidan karta khubaro ka hawl gala wasaaradda (Capacity ga shaqaalaha oo la kordhiyo).

Dawladda Federaalka xil keeda ku aaddan heshiiska Seismic Option waa sidee?

Dawladda waa inay bixiso 12 balook oo baaris iyo soo-saar shidaal ah, oo ay Soma Oil and Gas ay ka dhex miranayso badda ay baartay oo la eg 114,000 km2.

Shirkadda Soma Oil and Gas waxay ka shaqaynaysaa baarista /soo-saarka shidaalka iyada ama shirkado kale oo ay iyada keensatay.

Waxaa loo oggol yahay inay shirkado ka khibrad ama ka maaliyad badan inay keensato oo ay kula gasho heshiis.

Si ay waajibaad keeda uga soo baxdo, Soma Oil and Gas waxay ka gadatay shirkadda CGG xogaha duugga ah oo waayahii hore la soo uruuriyay. Waxay kaloo keensatay shirkadda RPS oo qiimaynta dhulka iyo badda iyo sida shidaal looga heli karo u sammaysay. Ugu dambayn, shirkadda Soma Oil and Gas waxay la timid shirkad u sammaysa Saysmikada badda oo lagu magacaabo SeaBird oo waddanka China laga lahaa. Shirkadahaas 3da ah ayaa Soma Oil and Gas shaqada u qabtay.

Soma Oil and Gas heshiiska intii laga rabay way gudatay oo ah a, b, c, d iyo e. Somaaliya weli ma bixin 12 balook oo lagula gali lahaa Heshiiska Soo-saar Wadaagga (Production Sharing Agreement). Weli Soma Oil and Gas way ka sugaysaa inay Soomaaliya gudato waajib keeda ah bixinta balook yada.

Heshiiska Soma Oil and Gas iyo Soomaaliya xaggee ka xun yahay?

Weligaa dooro/digaag ma lagaaga gatay geel? Heshiiska waa sidaas. Soma Oil and Gas waxaa ka baxay lacag Doolar Mareekan ah 21 Milyan qiyaasta (in kastoo ay sheeganayso Doolar Mareekan 43 Milyan). Si kastaba ha ahaatee, lacag taas ama 21 ama 43 laguma beddelan karo 12 balook. Soma Oil and Gas waxaa faaiido u ah xataa 2 balook, laakiin in la siiyo 12 balook waa dooro ku gado hal geel ah.

Cashuurta Capital Tax Gain:

Soma Oil and Gas waxay timid Somalia mar laga baqayo badda Somalia, iskaba daayee in sahan iyo in la niyaysto shidaal laga qodo. Taas way ku ammaanan tahay Soma Oil and Gas. Dhinaca kale, waxay muujisay suurta-gal nimada in shidaal laga baaro badda Soomaaliya. In kastoo dadaal kaas ay sammaysay, haddana inta iyo mugga ay mudan tahay isla-shaqayn teeda waa inaan qiyaas ka haysano. Ma siin karno inay baaraan, kana soo saaraan shidaal 12 balook, ama 6 balook ama xataa 4 balook. Gorgortan xoog leh oo xanbaarsan maslaxadda waddanka waa in la tusiyaa shirkadda Soma Oil. Haddii 6 balook aan siino inay ka shaqeeyaan oo shirkado Farm-in ay keenaan, faaiidada ay ka helaan waa inaan cashuur ka qaadnaa, cashuur taas oo la dhaho Capital Gain Tax, la eg 35-50% faaiidada farm-in ka ay ka helaan.

Goobjoog News

Erdogan oo maray wacad ku aadan magaalada Qudus

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa wacad ku maray in dowladiisa ay ka hortagi doonto in leyrarka laga damiyo magaalada Barakeysan ee oo Israel ay xooga ku heysato ee Qudus.

Isaga oo ka hadlay furitaanka kulanka 34 ee Guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay magaalada Istanbul ayuu sheegay inay difaaci doonaan dadka reer Falastiin ee dhulkooda xooga lagu heysto.

“Inta Muslimiinta difaacayaan xuquuqda, Cadaalada iyo xorriyadda, Falastiin wey sii jiri doontaa, Taariiqdeena ma ahan mid noo dhigeysa waxa dhacay oo kaliya, laakiin waa ilo cashar oo nagu horseedaya inaan xoogeysano nana dhiiri gelinaya”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Madaxweyne Erdogan ayaa salaan u diray “Dhalinyarada iyo haweenka Falastiin ee u dhabar adeegaya difaacidda Jerusalem, iyo qaxootiga Falastiiniyiinta oo ilmada ay kaga daadaneyso inka badan 70 sano gudaha guryahooda”

“Waxaan u dirayaa salaan qaas ahaaneed dhulka ilbaxnimada iyo Nabadda, Falanstiin iyo QUDUS-ta wanaagsan, Wadnaha Islaamka Caalamka”ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkey Mr Erdogan.

Wuxuu ugu yeeray dhamaan muslimiinta inaysan ku dhicin dabinada “Shirqoolada” loo dhigayo, isaga oo kaga digay in looga faa’ideyso kala aragti duwanaantooda.

“Waa inaan gelin qalbiyadeena xuduudo cusub iyo darbiyo adag, iyadoo xuduudaha nagu hareereysan ay dhiig ku daadanayaan”ayuu hadalkiisa kusii daray Erdogan.

Caasimada online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

Hal ujeedo oo ka dambeysa dhagxaanta lagu gooyey isgoyska Soobe maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Isgoyska Soobe “14 October” oo dad badan ay ku dhinteen sanadkii hore ayaa waxaa lagu xiray dhagxaan badan, iyadoo la joojiyay gaadiidkii halkaasi ku kala leexan jiray.

Dhagxaanta lagu xiray bartamaha Isgoyska ayaa suuragal ka dhigeyn in gaadiidka doonaya dhanka xaafadaha Degmada Wadajir inay ka leexdaan isgoyska, maadaama dhagxaan lagu xiray, balse waxay soo mari karaan wareeg dheer.

Ujeedada ugu weyn ee halkaasi dhagxaanta loogu xiray ayaa xogaha aan heleyno waxay tahay in la doonayo in lagu yareeyo mashquulka badan ee ka dhasha gaadiidka ku kulma halkaasi.

Saraakiisha waddooyinka ee dowladda ayaa ka gaabsaday inay xog badan ka bixiyaan cidda bixisay amarka dhagxaanta loo dhigay isgoyska iyo ujeedada laga leeyahay, balse waxay sheegeen in la doonayo in mashquulka badan ee gaadiidka lagu yareeyo.

Waxaa halkaasi ku kulma gaadiidka ka yimaada dhanka Isgoyska banaadir, kuwa ka yimaada isgoyska KM4 iyo kuwa ka yimaada dhanka Wadajir, waxaana ka dhasha ciriiri badan, maadaama gaari walbaa uu doonayo inuu leexdo ama uu gudbo.

Gaadiidka u leexan jiray dhanka Xaafadaha Degmada Wadajir ayaa hadda heysta kaliya fursad ay kaga leexan karaan wasaaradda arrimaha dibadda horteeda, iyaga oo sii maraya laami yaraha Soobe.

Dad badan ayaa dhaliilay qorshahan waxaana  ay sheegeen inay qeyb ka tahay xiritaankii waddooyinka oo ay sameyn jireen madaxda dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

Daawo: Wadaad caana oo Muuse Biixi ugu digay inuu joojiyo wixii Somaliland ay ku burbur buri laheyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa lagu eedeeyay inuu dhul boob uu ka wado magaalada Hargeysa, waxaana qeyla dhaan iyo digniin kasoo saaray culumada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sheikh Aadan Siiro oo ka mid ah culumada ugu caansan Somaliland ee bulshada tixgeliso ayaa sheegay in madaxweynaha Somaliland uu wado dulmi uu tilmaamay inaysan ku kicin dowladdii Kacaanka oo ay eedo ka tirsanayaan, isla markaana aanu loo dul qaadan doonin wax uu ku sheegay dulmiga madaxweyne Muuse Biixi.

“Nin sharci ku fadhiya oo madaxweyne ah, nin documenti haysta oo maxkamad afar jeer u xukmisay, dhulkiisa dhan 2200 in xoog kaga qaado oo weliba yiraahdo madaxtooyo ayaan ka dhigayaa, haddii diin jirto, damiir, dadnimo iyo karaamo jirto, wax la aqbali karo ma ahan” ayuu yiri Sheekh Aadan Siiro oo sheegay inaysan arrintaan oo xitaa uusan ku dhaqmin taliskii dowladdii Kacaanka.

Wuxuu sheegay Sheekh Aadan Siiro in arrintaani ay horseedi karto burburka iyo jiritaanka Somaliland, haddii dulmiga la isku fiirsadana lagu kala qaxi doono iyo kala tag hor leh in ay dhici do onto.

Ugu danbeyntii Sheekh Aadan Siiro ayaa ugu digay madaxweynaha Somaliland in uu ka daayo boobka shacabka iyo dadka jilcan.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

 

Goorta uu CC SHAKUUR ku laabanayo Muqdisho oo shaaca laga qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxman Cabdi Shakuur Warsame oo muddooyinkii ugu dambeeyay dibad joog ka ahaa magaalada Muqdisho ayaa la shaaciyay waqtiga uu kusoo laabanayo magaalada.

Xisbiga Wadajir ayaa shaaciyay in 10 December ee sanadkaan hogaamiyaha Xisbigaasi uu kusoo laaban doono magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa bilihii ugu dambeeyay.

C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa si adag u dhaliilsan hogaanka dalka, waxaana uu meelo badan kaga hadlay dhaliilaha ay leedahay dowladda Soomaaliya, isaga oo mar walbaa barta uu ku leeyahay Facebook ku naqdiya dowladda.

“Hogaamiyaha Wadajir, Mudane Abdirahman Abdishakur Warsame oo idin ku soo wajahan reer Muqdisho 10 December 2018” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee xisbiga.

Cabdi Shakuur oo muddooyinkii ugu dambeeyay joogay magaalada Nairobi ayaa si adag kaga hadlay isbadalka geeska Africa isaga oo sheegay in Soomaaliya aysan dan badan ugu jirin isbadalka geeska Africa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ONLF oo shaaciyay waxay ka doonayaan Ethiopia iyo qorshaha safarka Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa diyaar garow balaaran uu ka jiraa magaalada Jigjiga oo maanta la filayo inuu gaaro hogaamiyaha Jabhadda ONLF oo muddo badan dagaal kula jirtay Ethiopia.

Wafdiga uu hogaaminayo hogaamiyaha ONLF ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wuxuuna qeyb ka ahaa safarkiisa heshiiskii ay la galeen dowladda Ethiopia.

Calanka dowlad Deegaanka iyo astaanta ONLF ayaa si weyn loogu xardhay waddooyinka waaweyn ee magaalada Jigjiga, halkaasi oo maanta hogaamiyaha uu tagi doono, waxaana kaga horeeyay boqolaal askar ka tirsan ONLF.

Hogaamiyaha ONLF ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka doonayaan xaqii ay muddo u dagaalamayeen inay helaan, maadaama heshiiskooda uu qeyb ka ahaa in xuquuqdooda la siiyo.

Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale.

Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada ka socda dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
[email protected]

Cecilia Kabube “Muqdisho meel ammaan ah ma jirto dilalkana waa iska caadi”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa howgalka Zambia ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Cecilia Kabube ayaa hoos u dhigtay amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyay laamaha amaanka guulo ay ka sheeganayeen.

Haweeneydaan waa hogaamiyaha dhowr ciidan oo kamid ah booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo qeyb ka qaata xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho iyo howlgalada ay sameeyaan ciidamada.

Haweeneyda ayaa waxaa wariyaal ka socday Africa ay kula kulmeen magaalada Muqdisho, iyada oo hogaamineysay ciidamo ka kooban Soomaaliya, Ghana,Seire Leone ,Kenya iyo kuwo kale.

Kadib wareysi ay bixisay ayay ku sheegtay inay adag tahay marka ciidamada ay howlgal ka sameynayaan magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in xaaladda amaan aysan mar walbaa hagaagsaneyn.

“Waa howl adag, qof la aamini karo ma jiro, ma taqaanid qofka doonaya in uu ku dilo, mararka qaar kuwo boolis isu ekeysiiya ayaa dilaya biri mageydada, ma aamino booliska, iyaguna nama aaminaan, ilaa aan muddo dheer isla shaqeyno, waxaa ay wataan gaadiid u gaar ah,annagana waxaan wadannaa gaadiid noo gaar ah.”ayay tiri haweeyneydaan.

“Waxa na ilaaliya waa cibaadada,dhaqan ayey u tahay saraakiisha halkan in ay cibaadeystaan, ma jirto meel amaan ah Muqdisho gudaheeda,dhimashada caadi ayey ka tahay, rasaasta xilli kasta ayaad maqleysaa, Qaraxyada ayaa la mid ah,” ayey hadalkeeda raacisay Kabube.

Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inay ku guuleysteen xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, balse waxaa dhacayay dilal qorsheysan oo kooxaha ka horjeeda dowladda ay geysanayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Wariye laba todobaad ku xirnaa Muqdisho oo shaaciyay sababtii uu u xirnaa

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Wariye Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah xorriyaddiisa dib ayaa sheegay in uu u xirnaa sifo sharci daro ah.

Wariyaha oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inuu u xirnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisoow oo uu ku eedayay inuu kasoo horjeeday xorriyada hadalka.

Nuur Imaaciil Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin sabab loo cuskaday xarigiisa, isla markaana wax danbi ah lagu waayay.

Wuxuu u mahad celiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ka mid yahay iyo Xildhibaan Saadaq Macallin C/kariin, wariyeyaal iyo mas’uuliyiin kale oo sii deyntiisa ka qeyb qaatay.

Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa ka mid ah wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, wuxuuna baraha bulshada uu kusoo bandhigaa afkaartiisa ku aadan dulduleelada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]

Senator shaaciyay qorshe yaab leh: Guddiga doorashada K/Galbeed oo is-casilaya iyo madaxweyne laga keenayo Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Xuseen Sheikh Maxamuud oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa si adag kaga hadlay ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo iyo arimaha ka taagan magaalada Baydhabo, oo uu sheegay in qorshe halis ah laga leeyahay, si xukunka loogu gacan galiyo shaqsi Xamar laga soo magacaabo

Senetor Xuseen ayaa sheegay inay jiraan meelo badan oo u baahnaa ciidamadaasi in la geeyo, isaga oo tilmaamay in wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye looga baahan yahay ciidamadaasi oo aan Baydhabo looga baahneyn.

“Waxaa socday waxyaabo badan oo daliil u ah qorshaha xukuumadda ay ku carqaladeyneyso doorashada Koonfur Galbeed, waxaa tusaale u ah ciidamada la geeyay magaalada Baydhabo, ciidamadaasi wadada Afgooye iyo Muqdisho ayaa u baahan”ayuu yiri Xuseen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in cadaadiska saaran guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu sababi karo inay is casilaan, taa badalkeedana dowladda ay dooneyso inay shaqsi ay magacowday geyso magaalada Baydhabo oo doorasho aysan ka dhicin.

“Guddiga culees badan ayaa lagu hayaa, waxaa laga yaabaa inay iscasilaan, waxaan aragnaa in halkaasi doorasho xalaal ah aysan kasoo soconin, xukuumadda waxay rabtaa qof ay magacaabatay inay meesha Geyso, waxaana ku baaqeynaa in arintaasi laga waantoobo”ayuu yiri Xildhibaanka ka tirsan golaha aqalka sare.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Sanoter-ka in Doorashada Baydhabo ka dhaceysa aysan u muuqan mid wanaagsan,wuxuuna dadka reer Koonfur Galbeed u rajeeyay inay u Midoobaan sidii Doorasho xalaal ah ay u dhici laheyd.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay joojiso faragelinta ay ku heyso doorashada Koofur Galbeed, iyadoo 19 Bishan December lagu balansan yahay inay doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]