28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Dowladda Imaaraadka oo go’aan cusub ka qaadatay weeraradii XUUTIYIINTA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in isbahysiga uu sacuudiga hogaamiyo uu joojiyay weerarada ka dhanka ah mucaaradka Xutiyiinta ee ku sugan magaalada Hodeida.

Imaaraadka ayaa qeyb ka ahaa isbaheysiga taageerayay dowlada Yemen markii ay qabsanayeen magaalada Hodeida.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xabad joojintaan looga gol’leeyay in ay meel maraan dadaallada wadahadallada nabadeed ee ay waddo Qarama Midoobay.

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa kulama la yeelanayay dhinacyada isku haya dalka si loo joojiyo dagaalka.

Mr Gargash ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalada lagu doonayo in xoogagga Xutiyiinta looga saaro magaalada Hodeida.

Dekadda magaalada Xudeydah ayaa ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected] 

Sannad walba waxaan u dabaal dagnaa 1-da Luulyo innaga oo kala qeybsan

Midowgii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya sanadii 1960-kii oo hadda laga joogo 58 sano wali waxaa socda in soomaalida  cadaw geedu doonayo in uu dhulkooda la wareego sidaasi waxaa yiri Danjire Maxamed Caalim oo la hadlay barnaamji toos ah oo siyaasadda lagu falanqeeyo.
Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxay abuurmatay markii ay midoobeen labadii Gobol ee ka kala xuroobay gumaysigii Talyaaniga iyo kii Ingiriiska sanadkii 1960kii, xorriyadda iyo israaca labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxaa saldhig u ahaa Soomaalinimo, Jacayl iyo Hilow ay isu qabeen walaalihii gumeysigu kala qoqobay.
Dareenka wadaniyadduna waxa uu ahaa xilligaa mid aad u sareeya, ummadda Soomaaliyeedna waxaa ka go’nayd inay mar uun ka hoos baxaan nidaamka adoonsiga ee dhiig miiradka ah.
Waxay kaloo ku haminayeen Soomaalidu sidii loo xoreyn lahaa gobollada wali gumeysiga ku hoos jira ee NFD, Somali Galbeed iyo Xeebta Jabuuti, waxaana ka go’neyd  in aan halganka la joojin tan iyo inta Soomaali-weyn la xoreynayo oo la midaynayo (The Greater Somalia).
Maxaa xal inoo ah markaad  dib u tixraacdo  Taariikhdii xornimada soomaaliyeed 1-7.1960 iyo Midowga dadka soomaaliyeed ee xiligaas.
Jamhuuriyadda Soomaaliya ama dokumenti qeexaya qaabka awood qaybsiga midowga kadib, lagama fakarin waxa dhici kara haddii khilaaf yimaado, saameynta uu ku yeelan karo midnimada, iyo qaabka khilaafka loo maarayn lahaa, xalna looga gaari lahaa si loo badbaadiyo midowg dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Fikirkii. (One State One City) wuxuu dhintay 1991dii taasina waa inay ogaadaan mas’uuliyiinta dowlada Faderaalka hogaamisa. Falanqeyn taydu waxay Farta ku fiiqaysaa maxaa xal u ah  dadka ku nool dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dawlad dadkeedii anuu heshiis ahayn oo hal magaalo dagan inay tiraahdo midnimada Soomaaliya ayaan masuul ka nahay  waa nasiib daro iyadoo wax midaysan aaney  jirin waqtiga  aan hadda joogno.
Waa in su’aal  la iska  waydiiyaa maxaa khaldan oo dadka shacabka soomaaliyeed beenta loogu sheegayaa Iyadoo wax midnimo heshiis lagu ahayn, sanad walbana waxaan u dabaal dagnaa 1-da luulyo oo been ah, inagoo mideysan, heshiis ah, islamarkaana maamul uu naga dhaxeeyo ayeey tahay inaan u daabal dagno 1-da Luulo,waa maalin ka turjumeysa midnimo iyo wax wada qabsi iyadoo xor laga yahay nuuc walbo oo gumeysi ah.
Waa in dib loogu noqdaa in la saxo dawladnimada shacabka soomaaliyeed doonayaan iyo nooca midnimo ee ay doonayaan.
Khiyaanada dowladaha deriska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya waa in hagardaamada iyo dabinka  ay inoo dhigayaan inaan ka hortgano  qorshahoodu waa  boobka  dhulka Soomaaliyeed waa inaan  ka hor tagnaa anagoo heshiis ku ah dhincyada aasaasiga ah ee aan soo xusay.
Muhiimadda waxaa weeye, in 58 sano guurada ka soo wareegatay xornimadii inaynu ka baranno in laga fogaado isqabqabsiga siyaasadeed iyo colaadda dhammaadka lahayn ee Soomaalida dhexdooda taalla ku dhowaad 30 sano,
Annagoo waqtiga ka faa’iideysanayna waa in fataraaruqa aan ku beddalnaa in la wada hadlo, hadii dadka degan dhulka la yiraah jamhuuriyadda soomaaliya  ay isku afgartaan in xalka nabada lagu helayo  Somaliland ma go’deen in dawladnimo loo aqoonsadana ma raadiseen.
Midnimo dadka soomaaliyeed waa mid si buuxda kaga hortageyso cadaawada iyo dhul boobka ah  ay hogaaminayaa  dowladaha   kenya iyo itoobiya waa inaan Qaadano Go’aan Geesinimo leh si aan awoodeenii u soo ceshano.
W/Q: Danjire Mahamed Caalim
Email: [email protected]  

Sawirro: Farmaajo oo Villa Somalia ku qaabilay wasiiro ka socda dowladda Jabuuti

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdiga ka socday Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho kaga qeyb galay xuska maalinta xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo israacii Waqooyi iyo Koonfur ee 1-da Luuliyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah iyo himilooyinka wadajirka ah ee ay xambaarasanyihiin, isagoona sheegay in farxad-wadaaga, iska warqabka, dheef iyo dhib isla qeybsiga labada dal uu ku saleeysan yahay taariikhda qotoda dheer ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa yiri; “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida walaaltinimada leh ee aad noogala soo qeyb gasheen sanad guurada 58aad ee ka soo wareegtay xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo midwoga labada gobol. Jabuuti waa dal aanu walaalo nahay, mar walbana garab iyo taageero noo ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle kaalintii uu ka geystay nabadeynta iyo dowlad dhisidda Soomaaliya, wuxuuna qiray in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn uga hayaan hiilka walaaltinimo.

Wafdiga ka socday dalka Jabuuti ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, fannaaniin ka tirsan Kooxda Xarbi ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Jabuuti iyo saraakiil ciidan.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliyana waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida. 

Qalbi Dhagax oo kashifay koox kala ilaalisay isaga iyo madaxda sare ee Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo laga sii daayey Xabsiga ayaa banaanka soo dhigay sir badan oo qarsooneyd.

Qalbi dhagax ayaa tilmaamay in markii la xiray aysan waxba ka ogeyn madaxda ugu sareyso dalka isla markaasna ay jirto kooxda kala qarisay isaga iyo Madaxda ugu sareyso.

Qalbi Dhagax oo wareysi siiyey Wariye Coldaan ayaan si rasmi ah u shaacin magaca kooxda uu sheegay inay ka dambeysay xarigiisa.

Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa horey u sheegtay in xariga Qalbi Dhagax uu go’aankeeda qaatay Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Sanbaloolshe.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Wariye Coldoon soo dhigay bartiisa Facebook kaasoo ahaa wareysi dhexmaray isaga iyo Qalbi Dhagax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Xildhibaano isku beel ah oo isku koobay arrinta Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ka soo horjeestay hadal uu shalay saxaafadda la wadaagay Danjiraha Ethiopia u fadhiya Somalia Jamaaludiin Mustafa.

Xildhibaanada ayaa Danjiraha ku eedeeyay haddal uu sheegay oo ahaa in sii deynta Sarkaalka ONLF Cabdirkariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ay ku timid codsi Ethiopia kaga yimid dowladda Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanadan oo haddalka Danjiraha kadib kulan yeeshay ayaa sheegay in Danjire Jamaaludiin Mustafa uu ka been sheegay xaqiiqda dhabta ah.

Waxa ay sheegen in sii deynta Qalbi Dhagax ay tahay mid u gaara dowlada Ethiopia balse madaxa ciida looga dhoorayo dowlada Somalia oo horay u gashay khalad, sida ay haddalka u dhigeen.

Xildhibaanadan waxa ay tilmaameen in Danjire Jamaaludiin Mustafa ay dowlada Somalia ka dalbatay in sii deynta Qalbi Dhagax dusha loo saaro dowlada Somalia, si looga qafiifiyo culeyska.

Waxa ay sheegen in dowlada Somalia ay la xumaatay dhiibista Qalbi Dhagax, isla markaana ay la’ dahay qaab ay uga dabaalato maadaama uu ficil ka tagay, sida ay haddalka u dhigeen.

Xildhibaanadan oo sidoo kale qoraal ku muujiyay aragtidooda ku aadan haddalka Danjire Jamaaludiin Mustafa ayaa cadeeyay in Danjiraha uu qaabka haddalka ka shabahaayo Gen. Gebra oo laga laalay Somalia.

Xildhibaanadan oo ay kamid yihiin Mahad Salaad, C/raxmaan Odawaa iyo Axmed Fiqi, isla markaana kasoo jeeda hal beel, ayaa cadaalad darro iyo danqasho la’aan ku sheegay ficilka lagu dhiibay Qalbi Dhagax iyo hanaanka ay dowlada Ethiopia u martay.

Xildhibaanada aadka u dhaliilsan haddalka Jamaaludiin Mustafa ee lagu difaacayo Dowlada Somalia kana soo jeeda halka beel ayaa noqonaaya Xildhibaano mar waliba u taagan is hortaaga dowlada Somalia, halka Xildhibaanada kale ay yihiin kuwa aan faragalin howlaha aan khuseyn.

Sidoo kale, Seddexdaan Xildhibaan ayaa arrinta Qalbi Dhagax ka hadlaayay tan iyo markii loo gacan galiyay Ethiopia waxa ayna tani su’aalo badan ka dhex abuurtay shacabka Soomaaliyeed.

Geesta kale, eeda Xildhibaanada ayaa kusoo beegmeysa xili ay dowlada Somalia dafirtay dhiibista C/kariin Qalbi Dhagax, halka Ethiopia ay ka sheegtay in deysmadeeda ay kaalin weyn ka qaadatay DFS.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Ganacsade caan ahaa oo caawa lagu dhex gowracay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir lagu gowracay Ganacsade magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ganacsatada Suuqaasi.

Ganacsadaha la gowracay ayaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa kuwa ugu caansan Degmada gaar ahaan Suuqa Xoolaha, waxa uuna sababsaday gacanta Ganacsade kale oo ay wada shaqeyn kala dhexeysay.

Dadka ku sugnaa suuqa uu gowraca ka dhacay ayaa sheegay in marxuumka iyo ruuxa wax gowracay uu ka dhexeeyay muran aan la ogeyn waxa uu ka bilowday.

Mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Marxuumka uu ka tagay waxyar un ka hor,isla markaana wax ka yar saacad loogu keenay meydkiisa.

Waxa uu sheegay in maalmahaani marxuumka uu dacwad ka ahaa ruuxa wax gowracay, hase yeeshee maanta uu dhacay falkaasi foosha xun.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaaya dilalka gowraca oo ay isku geysanayaan ragga uu ka dhexeeyo muranka sida dhulka iyo ganacsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

10 Soomaali ah oo Turkiga loogu xiray in FETHULLAH Gulen ay xiriir la yeesheen

Ankara (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka u faafisa Wadanka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in Ciidamada Dowladdu ay xabsiga dhigeen Arday Soomaaliyeed oo latuhunsanyahay in ay Xiriir la leeyihiin Wadaadka lagu magacaabo Fitaaxullahi Guleen ee lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Afgambigii fashilmay ee Turkiga ka dhacay15 julay 2016 kii.

Ugu yaraan 29 Ruux oo ay ka midyihiin Ciidamo shaqadda ku jira ayaa lagu xiray wadanka turkiga Sababo ku aadan xiriirka la tuhunsanyahay in ay la leeyihiin Ururka Argagixisadda loo Aqoonsaday ee Fetaxullah guleen., ayuu Booliisku sheegay Sabtigaan. Dadka la xiray waxaa ka mid ah 13 Askari oo shaqadda ku jiray intii ay Howlgaladdu socdeen. Melaha Dadka laga xirayna waxaa ka kid ah Caasiamdda ah Ankara.

Si gooni ah 16 arday oo 10 ka mid ah ay Soomaali yihiin, Sadax kamid ahna ay Jabuutiyaan yihiin, 2 Arday oo u dhashay Dalka Guinea iyo Arday Suuriya u dhashay ayaa la xiray waxaana laga soo qabtay Gobolka Mersin, sida ay ku warrantay Anadolu. Lama sheegin magacyadda Ardaysa Soomalida ah lamana bixin Aqoonsi kale oo ay leeyihiin. Ardaydaan waxaa ay dhiganayeen jaamacadda Mersin waxaana soo xiray Booliiska oo weeraray guryihii ay daganaayeen. Booliisku waxay wali badi goobayaan Todobo ruux oo lala Xiriirinayo ururka lamamnuucay ee fetullah Gulem.

Fitaaxulaahi guleen, waa Wadaad fadhiisu yahay Wadanka Mareeykanka waxaana Dowladda turkigu ay ku eedeeysay in uu ka dambeeyay Afgambigii Fashilmay ee Military-gu isku dayeen in ay Xilka uga tuuraan Rajib Tayib Ordogan, 2016kii. Wadaadkaani waxaa uu leeyahay Ururro u badan kuwo wax barashadda ka shaqeeya turkiga gudihiisa iyo Dibadaba. Waxaana qayb ka ahaa shirkado Soomaaliya ka shaqaynayay oo Dowladda Soomaaliya ay Dalka ka eriday iyadoo turkiga ku gacan siineeysa dagaalka wadaadka iyo taageerayaashiisa ka dhan ka ah.

Arday badan oo Soomaali ah ayaa wax ka barta wadanka Turkiga, waxayna cabsi wadnaha farta saareen markii markii Afgambigu uu wadanka ka dhacay inkastoo aysan Qatar badan la kulmin. Hase ahaatee Warka kusaabsan ardayda turkiga lagu xiray ayaa ah War naxdin iyo sas ku ah Soomaalida waxbarashadda u jooga wadanka Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]

Farmaajo: Ha aqbalinina in la idinka hor keeno dowlad kasta oo idiin dhalato

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Farmaajo: Marna Ha Ogolaanina Dowlad Kasta oo Timaada in La idiinka Horkeenno

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta munaasabadda 1da Luulyo darteed shacabka Soomaaliyeed kula hadlayey garoonka kubadda cagta ee Koonis ayaa shacabka kula dardaarmay in aan madaxdooda lagu dirin.

Madaxweyne Farmaajo oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yri “Ugu dambeyntii, shacabka Soomalaiyeed waxaan kula dar-daarmayaa, haddii aad  tihiin cududdii umadda Soomaaliyeed, marna ha ogolaanina dowlad kasta oo timaada in la idiinka horkeenno, maxaa yeelay idinka ayaa ka faa’idaya, caruurteenna ayaa ka faa’ideysa, caafimaad ayaa laga heli, adeeggii dowladda ayaa laga raba”.

Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo waxaa uu sidoo kale ka hadlay wadaniyadda, isaga oo sharaxaad ka bixiyay tusaalooyin badan oo wadniyadda ah, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “ Waddanimmo ayaa laga rabaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waddiyaddu hadal ma aha”, waddiyadduu waa ficil, wadanidayadduu waa in aad dalka difaacato, waddaniyadduu waa inaad dowladdaadu dhowrato, wadaniyaddu waxaa weeye inaad canshuur bixiso, wadaniyadda meesha ugu sahlan wadankaaga inaad qashinka ka uruuriso weeye, wadaniyaddu waa inaad qabiilka ka fogaato iyo waxa idiin kala qeybinaayo oo horay isticmaarka u Isis nagu kala qeybianayaan, waxaa noo ballan ah sanad sanadkiisa horumar muuqda inaan gaarno inaga oo isku duuban, oo walaalo ah”.

Soomaaliya waxaa ay xuseysaa sanad guuradii 58aad ee 1 Luulyo oo ah maalintii xuriyadda gobollada Koonfurta ee midnimada Jamhuuriyadda dimoqoraadiga ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Jaamacadda City oo laga qalinjabiyey iyo ardayda oo khudbado taariikhi ah ka jeediyey

Shalay oo ay taariikhdu ku asteysaneyd 30-ka bisha Juunyo waxaa markii ugu horreeysay laga qalinjabiyey Jaamacadda City ee magalaada Muqdisho.
Jaamacadda City oo la saas aasay 2012-kii ayaa muddo kooban ku hanatay kalsoonida bahda waxbarashada saree e dalka iyada oo noqotay mid ka mida kuwo bixiya waxbarashada ugu tayada sarreeysa.
Xafladdii qalinjabinta oo ahayd mid aad u heer sareysa ayaa waxaa ka sooq qeybgalay madax sar sare oo ka tirsan dowladda Federalka, kuwo hore iyo aqoonyahanno caan ah.
Waxaa ka mid ahaa madaxda gudoonka Barlaamnka Mohamed Mursal Abdirahman, wasiirka kalluumeysiga Abdirahman Mohamed Abdi Hashi, gudoomiye ku xigeenka aqalka sare Abshi Ahmed Mohamed (Bukhaari), godoomiyaha gobolka Benadir ahna duqa magaalada Mudqisho Abdirahman Omar Ismaan (Eng Yariisow), Xildhibaano iyo General Jaamac Maxamed Qaalib.
Xafladdaas waxaa khudbado taariikhiga ka jeediyey marka laga yimaado madaxdii ka soo qeybgashay gudoomiyeyaashii midowga ardayda Jaamacadda Fadumo Abdi Ali iyo Abdihamid Ali Abdirahman.
Khubadadaha waxa ay ku kala jeediyeen luuqadaha Af Soomaaliga iyo Ingirrisiga.
Khudbaddii Faadumo Abdi Ali
Khudbadda Xafladda Qalinjabinta
Sabti, 30-Jun-2018
Hordhac iyo Mahadnaq
Madaxda iyo Masuuliyiinta, Ardeyda qalinjabiyaasha, waalidiinta, Professors iyo Madaxda Jaamacadda, dhamaan marti sharafta guud Mudanayaal, Marwooyin, waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka Assalama Calaykum.
Ugu horayn, waxay mahad balaaran u sugnaatay Allah SWT oo maalintan qiimaha badan caafimaad iyo nabad nagu soo gaarsiiyay. Allah SWTiyo waalidiinteenna oo nagu hagay in aan dooranno Jaamacad aan kaliya ahayn Jaamacad laakin ah goobta diyaarinta jiil u diyaarsan hab-nololeedka iyo u adeegista bulshada si aqoon iyo xirfad ku dheehantahay.
Waxaan si sharaf iyo maamuus leh ugu hanbalyeenayaa qof walba oo nagu garab istaagay sidii dadaalka iyo dhiirigalinta lahayd ee ay maanta noogu rumowday riyo aan riyoonay 5 sanno ka hor taas oo ugu danbayntii maanta ay halkan kuwada farxayaan waalid, ardey, barayaal iyo jaamacadda guud ahaan.
Safarka waxbarashadu wuxuu ahaa mid aad u dheer, ad adeeg, dulqaad iyo hammi fogna ay ahayd sahayda kaliya ee looga gudbi karay, Anigoo kuhadlaya afka Ardeyda maanta halkan ku qalinjabinaysa,Marti sharafta iyo dhamaan Masuuliyiinta waxaan idin leenahay soo dhawaada oo inagula farxa maalintan quruxda badan oo ah maalin aad arkaysaan aqoonta, ilbaxnimada, tayada iyo mustaqbalka ifaya ee kasoo baxaya Jaamacadda City islamarkaana ah mirihii iyo dhabaradeegii Ardeyda ee sanado badan.
Anagoo wadajir ah , waxaan bogaadin iyo mahadcelin aan ku koobnayn erayo kaliya lawadaagaynaa hooyo, aabbe iyo waalidiinta sugayay farxadda maalintan quruxda badan iyo daawashada mustaqbalka dalka ee halkan kasoo baxaya. Allah cimrigiina ha dheereeyo, waxaad noo ahaydeen garab iyo gaashaan xilli walba, duruuf walb iyo meel walba.

Warbixin guud hormarka Jaamacadda City ee fursadaha waxbarasho iyo diyaarinta jiilka umadda.
Bishii September ee sanaddii 2013, annagoo qof qof u soconna ayaan kusoo biirnay Jaamacadda City, maanta waxaan noqonay qoys meel walba iska dhamaystira oo uu ardey kasta jecelyahay in uu sii joogo sanado kale oo badan, taasna waxaa sabab u ah hannaanka wanaagsan ee ka guulgaarista waxbarasho tayo leh, ii ogalaada in aan hortiinna si wadajir ah ugu mahadcelinno macalimiintii iyo professorkii naga dhigay maanta waxaan nahay, nana huwiyay masuuliyadda cilmiga.

• Tayada waxbarashada ee ay Jaamacadda City caanka ku tahay waa mid aan maanta heerkan kusoo gaarnay, shaqooyin iyo fursado dal iyo dibad ah aan ku helnay noona saamaxday in aan noqonno ardey lajaanqaadi karta Ardeyda dhigeenna ah ee dunida ku nool kana soo muuqda fagaarayaasha hormarinta bulshada.

• Waan ku bogaadinayaa kuna amaanayaa Jaamacadda sida wanaagsan ee ay muhiimad gaar ah usiiyeen Dawladda Ardeyda taasoo leh qaybo kala duwan ee ay ardeyda ku bartaan hogaaminta iyo ismaamulka , hormarin iyo samafalna ugu sameeyaan ardeyda iyo guud ahaan bulshada. Wadashaqayntii Jaamacadda waxay noo ahayd dhiirigalin,khibrad iyo barbaarin wanaagsan.

• Marwalba Madaxda Jaamacadda waxay ahaayeen kuwo nagu dhiirigaliya lahaanshaha Jaamacadda, wax wadaqabsi iyo iyo isku duubnaan, taasoo ardeyda walba ka dhigtay in uusan marti ka ahayn hawlaha,hormarka iyo hiigsiga Jaamacaddeena.

• Waxaa hubaal ah , maalintii aan badankeen Jaamacadda kusoo biiraynay in aanan lahayn hammi dhaafsan heerka 1aad ee waxbarashada, oo inteena badan xitaa aynaan fahansaneen kuliyaddaha iyo nooca aqoon ee ay maanta Soomaaliya u baahantahay. Waxaan ku amaanayaa muddadii 5 sano ahayd in ay waxbarashada Jaamacadda ay noo furtay indhaha, maantana badankeen uu hammigeena yahay ilaa tacliinta sare ee PHD.

Gabo gabo iyo dhiirigilin (masuuliyadda ka Ardeyda ahaan ee hormarinta nafteenna, Jaamacadda iyo guud ahaan bulshada).
Si aan unoqonno kuwo u qalma dadaalkii iyo garab istaagii nalagu bixiyay waalid iyo Jaamacadba, waa in aan ka dhabaynaa kana guul gaarnaa arimaha soo socda;
• Noqoshada haldoor lagu daydo oo ka tarjuma tayada iyo habdhaqanka wanaagsan ee aan baranay si aan wax uga badalno waxna ugu soo kordhino aqoonta bulshada iyo guud ahaan Umadda.

• Dardarta tartanka cilmig, aqoonta iyo hormarka qaaradda, muhiimadda dhallinyarnimada, wadaniyadda iyo daljaceylka.

• Waxaa nasaaran in aan garab istaag iyo dhiirigalin u noqonno jiilka inaga danbeeya kuna dhiirigalinno dulqaadka waxbarashada iyo tacliinta.

• Maanta oo kale, Munaasabad kale ayaan ku kulmi doonnaa inagoo ay nasaarantahay masuuliyad kale iyo mansab kale, aynu isbadal iyo hormarin la imaano shakhsi iyo umad ahaanba.

Mahadnaq ay ku dheehantahay sharaf iyo Cizi ayaan u jeedinaynaa Maamulka iyo guud ahaan Jaamacadda. Allah ha idinka Abaalmariyo Guusheena.

Khudbaddii dhaxal galka ahayd ee uu jeediyey Abdihamiid Mohamed Abdirahman
Dear professors, staff, Honored guests, families and fellow graduates, It is an incredible honor to represent the class of 2018 as a graduate speaker, and on behalf of the graduating class of 2018, I say to everyone welcome and thank you for celebrating this special day with us.
Fellow graduates, this is a time to reflect upon the 5 year long journey that we have just finished, which represents what at times has been one of the most challenging and rewarding experiences of our lives as we now start our journeys as the custodians of our nation’s youth and future. Our presence here is a testament to each person’s perseverance and strength of character; whether we are the ones graduating or whether you are in the cheer squad on behalf of those graduating. It is important to thank those present and those who could not be here with us today, for all our families- their support, love and guidance over the last 5 years and hopefully their continued support for the years to come. To the professors, you have done your part, and to our highly esteemed administrators-for your respect and taking care of us with love, we say to them all-May Allah reward you.
It is through our time at CU that we have made lifelong friends with people that have supported and inspired us to grow and succeed. Many of whom will continue to be an important part of our lives for years to come. I would personally like to thank the amazing friends that I have made throughout my journey. It has been a pleasure to study with so many passionate people and to work with outstanding volunteers through groups such as clubs and in a student government at large, that have been my continued inspiration to complete my studies and be the great leader I hope to be.
Furthermore, this opportunity to study at CU has been a life changing experience. CU, being the modern offspring and the first institution of its kind, its founders believe that education is light and key to growth, change and improvement and their contribution to the development of education is distinctly evident. CU has a firm foundation of values and principles which have inspired and motivated us to excel. The stated values of integrity, respect, rational inquiry and personal excellence have always been a personal focus for us throughout our time at university. The learning environment at CU has been particularly supportive, flexible and relevant to me and skills we have learned at University have already crossed over easily into the workplace and have enhanced our professional life. The teaching qualities of our CU teachers have ensured that we exceeded our academic expectations, thank you.
Education they say is the key to success; I add that a transformative education is a candle that will light our paths when darkness shows its ugly face- that is the true essence of the simple motto of our university- KNOWLEDGE IS LIGHT- this is the education CU provided in this beautiful city of Mogadishu. Dear fellow graduates with this advantage of knowledge that we possess comes with an enormous responsibility- the responsibility to use and apply this knowledge to improve the status of our social community and contribute extensively to nation building.
In the end, congratulations to the class of 2018. One thing is for sure, that I am going to miss all your beautiful faces and I know we are all going to go far in life but I wish each and every one of you the best of luck in your future endeavors, so this is our moment, let’s own it and celebrate to the fullest.

Daawo video: Qalbi-Dhagax oo shaaciyey xaqiiqda sii dayntiisa iyo xarigii hore

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Cabdikariin Shiikh  Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan laga sii daayey Xabsi ku yaal Dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay saxaafadda kala hadlay sababtii loo xiray iyo cidda xirtay.

Cabdikariin Qalbi Dhagax ayaa ugu horeyn Shacabka soomaaliyeed ugu mahad celiyey sidii ay u garab istaageen isagoo sheegay inay arrintaas muujisay sida ay shacabka Soomaaliyeed u mideysan yihiin.

Wuxuu sheegay inay Shacabka soomaaliyeed si weyn u garab istaageen markii la xiray.

“Shacabka Soomaaliyeed ee aad uga dhiidhiiyay jariimadii ay ashqaas yar i geysatay, waxay muujiyeen damiir walaalnimo oo Soomaali oo dhan mideeyay oo runtii taariikh lama ilaawaan ah, oo ku tuseysa in dadka Soomaaliyeed ay walaalo yihiin meel kasta ay joogaan”ayuu yiri Qalbi Dhagax oo si taxadar iyo degenaan ku jirtay u hadlay.

Wuxuu tilmaamay inay xarigiisa ka dambeyeen shakhsiyaad dambiilayaal ah oo ku sugan Xamar.

Qalbi dhagax ma uusan sheegin magacyada dadkii ka dambeeyey xarigiisa balse wuxuu tilmaamay inay dambiilayaal yihiin.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

AXMED MADOOBE oo ku baaqay arrin cajiib ah oo la xiriirta gobollada waqooyi

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo boqolaal dad ah kula hadlayay fagaayo ku yaala magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland kana hadlayay munaasabad loogu dabaal dagayo 1-da Bisha Luulyo oo ah markii gobolada Koofureed ay Xornimada qaateen iyo midowgii Gobolada Koofureed iyo kuwa waqooy.

Xornimadii Gobolada Waqooyi 26 June ayuu Madaxweynahu sheegay in ay ahayd Maalin aan la dhayalsan karin oo dareenka Bulshada ku xoogan iyo midowgii labada Gobol iyo Xornimada Koonfurta Koowda Luulyo oo ku timid rabitaanka dadkeena iyo ahmiyada wadajirku uu leeyahay.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in Midnimadaas iyo Madaxbanaanida Qaranka ay maanta wax badan iska badaleen wuxuu hoosta ka xariiqay in kala qaybsanan aysan waxba soo kordhinaynin oo aanay jirin cid si gaar ah wax uga faa’iidi karta.

Dhamaan Dadka ku nool Koonfurta Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in maanta la joogo xiligii Gobolada Waqooyi la xaal marin lahaa oo wixii ay tabanayaan ay tahay waajib in lagala hadlo oo la qanciyo maadama ay yihiin xudunta iyo asalka Xornimada iyo Midnimada Qaranka..

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yiri” Waxaa la joogaa xiligii dadka ku nool gobolada Koonfurta Soomaaliya ay xaal marin lahaayeen walaalahood Gobolada Waqooyi oo ku aadan wixii ay tabanayaan ayna tahay waajib in lagala hadlo oo la qanciyo maadama ay yihiin xudunta iyo asalka Xornimada iyo Midnimada Qaranka.

Madaxweynaha oo la hadlayay dadweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in amaanka ka jira deegaanka ay ku faro adaygaan wuxuu ugu baaqay in midnimo iyo wadajir loo baahan yahay si horay loogu socdo.

Dhinaca kale Siyaasada wadanka ayuu Madaxweynahu sheegay in mudo ay ahayd mid aan ku dhisnaynin qiyamka oo laga yaabo in qof walba siduu doono uu yeelo taas oo wadajirka dhaawac u gaysan karta.

Dowlada Federaalka ah ayuu ku booriyay in aysan iska indho tirin Masuuliyadaha saaran ee isku haynta dadka iyo ilaalinta wadajirkooda.

Xalay ilaa iyo maanta ayaa munaasabada 1 Luulyo laga xusay Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyadoona maanta oo kale dadka Soomaaliyeed ay u dabaal dagaan markii gobolada Koofureed ay Xornimada qaateen iyo midowgii Gobolada Koofureed iyo kuwa waqooy.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Donald Trump oo madaxweynaha Somalia Farmaajo usoo diray fariin

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa farriin hambalyo ah oo ku saabsan munaasabadda xoriyadda 1-da Luulyo u soo diray dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka , ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

Mudane Madaxweyne, anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka  waxaan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed u soo gudbinayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda.

Trump ayaa sheegay Mareykanka uu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay dadka iyo dowladda Soomaaliya si ay isaga kaashadaan mustaqbal ifaya., wuxuuna intaas ku daray in wadashaqeynta labada dal lagu dhisi karo xasilooni, nabad iyo Soomaali barwaaqo ah oo dan ugu jirto labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu u sheegay Trump inuu heli doono taageerada Mareykanka ee ku aadan nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

“Ka wada shaqeynta dhismaha deganaansho, nabad iyo barwaaqo in Soomaaliya u hesho waa danta labada qaran, waana sii wadaynaa taageerada dhabihii arrintaas lagu gaari lahaa”. ayaa lagu soo gabegebeeyay qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso farriinta Trump uu usoo diray Farmaajo

Dear Mr. President:

On behalf of the United States of America, I wish you and the people of Somalia a joyous 58th anniversary of independence.

The United States looks forward to continuing its partnership with the people and government of Somalia to work toward a brighter future. Working together to build a stable, peaceful, prosperous Somalia is in the interest of both of our nations. You will continue to have our support on this path.

Sincerely,

Donald J. Trump

End text.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Farmaajo oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira wada-hadalka Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay colaada u dhexeysa maamulada Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in labada maamul laga doonaayo munaasabada 1-da luulyo aawgeed ay u qaatan nabadda, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo dhiiga daadanaaya.

Waxa uu sheegay in xilligaan la joogo aysan suurtagal aheyn in dadka Soomaaliyeed ay dagaallamaan oo ay dhiigooda daadiyaan maadaama adduunka uu daraaseynaayo in Somalia ay u bisishahay nabadda iyo in kale.

Nuqul kamid ah haddalka Madaxweynaha ayaa ahaa “Waxaan ku baaqaya in si deg deg ah loo joojiyo dhiiga ku daa’danaya Tukaraq, Wiil Soomaaliyeed ayaa Bilaa macne ugu dhimanaya, “hala Joojiyo”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha la xiriira Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay in si dhaqsi ah ay ku bilaabayan wadahadalka labada dhinac.

Waxa uu madaxweynuhu sheegay in mar labaad ay dib u bilaaban doonaan wada hadaladii Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in ay diyaar u tahay in wada hadalka uu dib u bilaabmo lana wada sheekeysto, si loo dhameeyo khilaafka.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa imaanaya xili goor sii horeysay maamulka Somaliland ay ku dhawaaqday inuu hakaday wadahadalka maadaama uu sii adkaaday Khilaafka kala dhexeeya Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hoobiyayaal lagu asqeeyay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in tirro Hoobiyayaal ah ay ku dhaceen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaasha ugu badan ayaa la soo sheegayaa inay ku dhaceen Xaafado kamid ah Degmada Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeyaasha ayaa kusoo dhacay Xaafadaha ka agdhow Xerradda Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Waxa ay sheegen in tirada ugu badan ay ku dhaceen Obasiibka Xaafada Xalane ee degmada wadajir,isla markaana mid ka mid ah Hoobiyayaasha uu ku dhacay guri ay deganaayeen dad Shacab ah.

Hoobiyayaasha ayaa waxyeeleeyey qoyska ku noolaa guriga uu ku dhacay, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in goobaha uu ku dhacay Hoobiyaha uu ku jiray dugsi Qur’aan.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaawacmay Hoobiyeyaashaas ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah  isbitaalada ku yaalla muqdisho si loogu daweeyo.

Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyay in ku dhawaad 5 ruux ay ku dhaawacantay Hoobiyeyaasha sidoo kalane ay jiraan dad aad u liita oo garaab ahaan lagu gaarsiiyay goobaha caafimaadka.

Dhinaca kale, tuurista Hoobiyayaasha ayaa kusoo beegmaaya iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socto Munaasabadda 1-da Luulyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hadal kasoo baxay safiirka Ethiopia u fadhiya Somalia oo fasiraad u baahan!!

Waxaan daawaday muuqaal uu sii daayay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV),  oo uu ka soo muuqday safiirka Itoobiya ee Soomaalia, Jamaaluddiin, oo faahfaahin ka bixiyay sii daynta ee dawladda Itoobiya xabsiga ka sii daysay C/Karin Qalbi Dhagax. Safiirku wuxuu sheegay in Qalbi Dhagax lagu sii daayay codsiyo is daba joog ahaa oo dawladda Soomaaliya u dirtay dawladda Itoobiya si loo sii daayo muwaaddinkaas.

Hadalka fasiraadda u baahan ayaa ah, waa kuma  muwaaddinka uu safiirku sheegay?  Laba mid ayaa loo fasiran karaa muwaadinka uu sheegay safiirku, waa mide, in uu hadalkiisa ula jeedo in C/kariin Qalbidhagax yahay muwaadin Itoobiyaan ah (sida loo badinayo maadamaa uu safiirku Itoobiya matalo), ama in uu ula jeedo in uu yahay muwaaddin Soomaaliyeed.

Haddii uu hadalkiisa ula jeedo in uu yahay muwaaddin Itoobiyaan ah, maxaa ka quseeya dawladda Soomaaliya oo ay u codsanaysaa in la sii daayo muwaaddin Itoobiyaan ah, dambi ka soo galay Itoobiya, dawladda Soomaaliyana  ay noo sheegtay markii ay dhiibtay in uu ahaa nin dambiile ah oo ka tirsan urur ay u aqoonsatay argagixiso? Maxayse tahay danta ugu jirta in hadda la sii daayo?

Dhanka kale, haddii hadalka safiirka loo macneeyo in uu ula jeedo in Qalbidhagax yahay muwaaddin Soomaali ah oo laga soo daayay xabsiyada Itoobiya, maxaa u diiday madaxdeenna in ay ka hadlaan oo garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyaan muwaaddinkaas xorriyaddiisa dib u helay, sidii ay hadda ka horba ay noola wadaagi jireen maxaabiista laga soo daayay dalal Itoobiya ku jirto.

Ugu dambayntii, waxaan kula talinyaa madaxdeenna in ay iska dhaafaan madax geed la dhaca oo ay umadda u caddeeyaan waxyaabaha mugdiga ku jra ee u baahan in loo faahfaahiyo.  Ibnu aadamku waa qaldamaa, waxaana ugu wanaagsan kuwa qaladkooda ka laabta. Saxaabiga Anas Bin Maalik, Ilaahay haka raalli ahaadee, wuxuu ka wariyay Nabigeenna, Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee “Dhammaan ibnu aadamku way qaldamaan, waxaana ugu khayr badan kuwa qaladkooda ka towbad keena(ka soo laabta)”. Ceeb maahan in qalad dhacay la saxo, waxaase ka sii xun in umadda jahwareer lagu rido.

Adduunka wuu socdaa, meeshii shalay la joogay mar walba lama taagna. Maanta Itoobiya waxaa ka socda isbaddel. Xukuumadda Itoobiya waxay u gudbisay golaha baarlammaanka in liiska argagixisada laga saaro ururrada ONLF oo u dagaallanta in ay madax bannaani helaan Soomaalida degta Itoobiya , OLF oo u dagaallanta qowmiyadda Oromada  iyo Ginbot 7 oo ah urur mucaarad ah.  Markii Qalbidhagax la dhiibay, dawladda Soomaaliya waxay u aqoonsatay ONLF in ay yihiin aragagixso, waxayna noqotay dawladdii koowaad ee adduunka oo ONLF u aqoonsatay aragaxiso, marka laga reebo Itoobiya.

Marba haddii Itoobiya ay doonayso in sidaas ay ula dhaqanto ONLF, maxaa u diidaya dawladda Soomaaliya in ay ka laabato go’aankeedii ay soo saartay markii C/Karin Qalbi dhagax la dhiibay shacabkeedana ay la wadaagto isbaddelka dhacay intii telefishinka uu Safiir Itoobiyaan ah  kala hadli lahaa shacabka.

Sidoo kale, waxaa xusid mudan in Safiir dal ajnabi ah ka socda uu si toos ah ugala hadlo shacabka Telefishinka Qaranka, taas oo ah markii iigu horreysay ee aan arko. In ay sax tahay iyo ay qalad tahay waxaan u daynayaa dadka cilmiga u leh arrintaas in ay nala wadaagaan.

W/Q: Ahmednor Ugaas

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Aqri: Afhayeenka QM oo ka jawaabay dacwadii Muuse Biixi ka gudbiyey Keating

New York (Caasimada Online) – Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kooban uga jawaabay warqadii dacwada ahayd ee uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray ee uu tabashada kaga muujiyay ergayga Qaramada Midoobay Mr. Michael Keating.

Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee City Press ayaa afhayeenka weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa xogta uu ka hayo warqadaas iyo sida looga jawaabay, waxaanu si kooban u sheegay inaanau warqadaas xog rasmi ah ka haynin, balse ay Qaramad Midoobay taageersantahay dedaalada danjire Keating.

“Maya, anigu kama warqabo warqadaas, laakiin xoghayaha guud kalsooni buuxda ayuu ku qaba Danjire Michael Keating iyo habka uu shaqadiisa u wadaba,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan xoghayaha guud u gudbiyay dhambaal uu kaga hadlay ergayga danjire Keating,  oo uu ku eedeeyay inaanu dhex ka ahayn xaaladaha taagan islamarkaana uu is diidsiinayo heerka ay Somaliland gaadhay.

Warqadan oo kaso baxday Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi 18-kii bishan June ayaa lagu wargeliyay António Guterres in Somaliland aysan ku faraxsanayn hadalka Keating, oo ay u aragto inuu ahaa mid dhinac-jira, oo aan ka tarjumeynin xaqiiqda colaada gobolka Sool.

Somaliland ayaa ka carootey inuu Keating la barbar dhigay Puntland, oo uu ku sheegay baaqii uu kasoo saarey xaaladda gobolka Sool in labada maamul looga baahan yahay inay kawada shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo inay ka qeyb noqdaan hanaanka dowlad-dhisida dalka.

Madaxweyne Erdogan oo Farmaajo u xaqiijiyay arrin ahmiyad u leh Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa khadka telka kula hadlay dhigiisa Turkiga Rajap Dayib Erdogan oo mar kale hogaaminaaya dalka Turkiga.

Labada mas’uul oo daqiiqado wadahadlaayay ayaa isla soo qaaday xiriirka labada dal, Siyaasada, Amniga iyo Horumarka Somalia.

Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Rajap Dayib Erdogan faahfaahin ka siiyay isbedelada ka socda Somalia, waxa uuna mahad gaara u jeediyay Dowlada Turkiga oo uu sheegay inaysan gudi Karin abaalka ay u gashay Somalia.

Farmaajo waxa uu Erdogan uga mahad celiyay sida ay dowlada Turkiga usoo saareyso ciidamada la doonaya inay la wareegi doonaan xarumaha ay iminka ku sugan yihiin AMISOM iyo guud ahaan amniga dalka.

Rajap Dayib Erdogan, ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo u ballanqaaday in dowladiisa ay xooga saari doonto dhinacyo badan, balse uu u xaqiijinaayo in ahmiyada koowaad ay siin doonaan amniga Somalia.

Rajap Dayib Erdogan, waxa uu xaqiijiyayin TUrkiga uu Somalia u ballanqaadayo inuu gaarsiiyo amni leysku haleynkaro, maadaama amniga uu yahay guusha koowaad uu dal ku faano.

Sidoo kale, Rajap Dayib Erdogan, waxa uu Farmaajo u cadeeyay in mowqifka Turkiga uu yahay Somalia oo ka hanaqaado halka ay iminka taagan tahay taa oo lagu gaari karo amni iyo xasilooni.

Geesta kale, Rajap Dayib Erdogan, ayaa dhinacyada kasoo horjeeda amniga ugu baaqay inay dhistaan dalkooda maadaama dowladu ay dhameysan doonto xiliga uu dastuurku u cayimay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyey in Somalia loo maleegayo halis xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlaayay munaasabadda xuska 1-da luulyo, ayaa sheegay in Somalia ay ku jirto xili aad u xun oo la doonaayo in la samata bixiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la joogo xili faragalin adag lagu hayo Somalia, isla markaana laga shaqeynaayo kala ququbka Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay inay jiraan wadamo badan oo dhibka ay Somalia soo martay iyo mid ka daranba soo arkay,balse weli ay yihiin kuwo aan lumin qaranimadooda.

“Runtii waxaa jira wadamo aad nooga daran haddana ma aysan lumin jiritaanka qaranimadooda wayo waxa ay ogyihiin faa’iidooyinka ay leedahay Qaranimada’’

Farmaajo waxa uu tilmaamay in dalalka noocaas ah aysan ka raali aheyn in hal maalin laga dhex abuuro kala ququb iyo  xiisad Siyaasadeed, waxa uuna su’aal ka keenay sabta ay Soomaalida u qaadi la’ yihiin dhabahaasi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in faragalinta ugu badan Africa ay tahay tan lagu hayo Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay la liiceyso dhibaatooyin ka jira gudaha iyo tan dibada.

“Haddii aan u istaagin hagaajinta dalkeena ogaada waxa aan dib ugu laabankarnaa xaaladihii aynu kasoo gudubnay, waayo waxaa loo tashanayaa sida aan ugu laaban laheenay burbur iyo kala ququb”

Waxa uu sheegay in dadkeena dalkeena ay yihiin kuwo qeybsan oo laga yaabo in ay laga faa’iideesto.

“Walaalayaal waxaan joognaa wadan dadkeena ay kala qeybsan yihiin dalkeena uu kala qeybsan yahay ayna jiri karto faragelin ka faa’iideysanaya kala qeybsanaanteena”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka digay in Somalia oo ah dal barwaaqeysan loo gacan galiyo dad shisheeye waxa uuna cadeeyay inay jiraan kuwo aan diirnixin oo ku taamaaya ka faa’iideysiga dhibta ay ku jirto Somali.

Haddalka Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda mid ku foorara dowladaha kale ee afrika, Reer galbeedka iyo dhinacyada Mucaaradka ee la shaqeeya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhul-gariir ku soo fool leh qeybo ka mid ah Somalia

Boosaaso (Caasimada Online) – Sida laga soo xigtay website ka faaloodda arrimaha musiibooyinka, Dhul-gariir ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhufto deegaanka Bareeda oo ku dhow degmadda Caluulo ee gobolka Barri ee maamulka Puntland.

Dhul-gariirka ayaa waxaa cabirkiisu dhan yahay 4.5 oo cabiraadda Dhulgariiryadda ah, waxaana qotada hoose ee dhulka uu dhulgariirku gaari doonana ay tahay 10 KM.

Dadka ayaa loogu baaqay inay kasoo baxaan Guryahooda, islamarkaana ay ka fogaadeen Darbiyadda jilicsan, halka kuwa baabuurta saaran loogu baaqay inay ka deegaan marka ay dareemaan Dhul-gariir.

Sidoo kale, dadka deegaanka waxaa laga codsaday inay ka foogaadaan dhismooyinka ka sameysay Shubabka ee kusoo dumi kara, ka hor inta uusan Dhul-gariirku bilaaban.

Sida la saadaalinayo, waxaa la qiyaasayaa in Dhul-gariirka uu kaliya ku oobnaado deegaanka Bareedda, mana u gudbi doono deegaanadda kale ee hoos-yimaada gobolka Barri.

“Waxaa uu bilaaban doonaa Dhul-gariirka 30 bisha June 2018, xili dambe oo caweysnimadii ah,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu qoray Website Natural Hazards, oo xogtaan daabacay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Dhul-gariir loo saadaaliyo Soomaaliya, inkasta ay horey uga dhaceen kuwa qaar, hadana Khubaradda ayaa ku tilmaamay Dhul-gariiraddaas dhacay kuwa “Sunaami ah”.

Isha: Garowe Online

Amiir Sacuudiyaan ah: Ma dheera xiligii xukunka laga tuuri lahaa Bin Salmaan

Riyadh (Caasimada Online) – Dadaallada Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ku doonayo in Falastiiniyiinta ay ku aqbalaan heshiiska Mareykanka ee Qudus loogu wareejinayo Yahuudda, ayaa waxa uu kaga gol leeyahay inuu ku hormariyo xiriirka uu la leeyahay Israel, waxaa sidaas sheegay amiir Sacuudiyaan ah oo magan-galyo ku jooga Jarmalka.

Khaled Bin Farhan Al-Saud ayaa sheegay in Bin Salmaan uu ky shaqeynayo aragti ku dhisan daacadnimo 100%, si uu xukunka Sacuudiga u qabsado.

Wareysi uu siiyey wargeyska Alkhaleej Online, ayaa Bin Farhan waxa uu shaaca ka qaaday in Bin Salman uu doortay Abdulaziz Al-Saud, oo ka mid ah wiilasha Amiir Faysal bin Bandar, oo ah amiirka Riyadh, si uu noqdo dhaxal-sugaha , marka isaga uu boqorka noqdo, oo uu beddelo aabihiis.

Waxa uu intaas ku daray “Dhaxal-sugaha cusub waa mid tabardarran oo uu indho u yahay Maxamed Bin Salman”

Khaled Bin Farhan Al-Saud ayaa shaaca ka qaaday in carro xoogan ay ka dhex jirto boqortooyada, aadna looga xun yahay ficillada Bin Salman, isaga oo intaas ku daray “Waqti yar un ayaa naga xiga ka hor inta aan xukunka laga tuurin Maxamed Bin Salman”

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]