27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

DF iyo bangiga adduunka oo isla wada qorshe cusub oo muhiim ah (Sawirro)

Madaxa istaraatiijiyadda Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna u qeybsanaha Barnaamijka Kaarar Aqoonsiga ee digitaalka ah Mudane Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa magaalada Nayroobi kula kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo bahwadaag kale oo dhanka horumarinta ka socday kuwaas oo ay ka wada hadleen barnaamijkan cusub ee ay hormuudka u tahay Dowladda Soomaaliya, ujeedkiisuna yahay sidii kaarar aqoonsi oo elektarooniga ah loogu sameyn lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Barnaamijka qaran ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed oo noqonaya kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ayuu ujeedku yahay hirgelinta barnaamij aas-aas u noqonaya sameynta kaarar aqoonsi oo laga heli karo xogta shaqsiga.

“Dowladda Soomaaliya waxay si dardar leh ugu howlantahay hirgelinta dhismaha nidaam u qaabeysan fulinta baahiyaha muwaadiniinteeda ee dhanka aqoonsiga”, ayuu yiri Dr. Nuur Diiriye Xirsi. “Si la mid ah taabbogelinta horumarkaas, waxaan u baahannahay inaan hubinno in muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadka xaqa u leh la siiyo aqoonsi awood u siin doona helitaanka adeegyada muhiimka ah oo ay ku jiraan adeegyada kaalmooyinka gargaar iyo adeegga xawilaadda. Hirgelinta habkani cusub ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta Soomaaliyeed wuxuu ka dhigan yahay wax ka qabashada aragtiyada caalamiga ah ee ka hortaga khataraha iyo fal dambiyeedka”.

Soomaaliya waligeed ma yeelanin nidaam lagu sameynayno aqoonsi digital ah oo ay helaan dhammaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee degaanka ku ah Soomaaliya, inkasta oo nidaamyada aqoonsi ee aan elektrooniga ahayn ka shaqeynayn jiray Dowladdaha Hoose ka hor 1991.

Nidaamkan aqoonsiga cusubi wuxuu ujeedkiisu yahay in uu kor loo qaado xiriirka bulsho iyo qeybaha adeegayada bixiya iyadoo la adeegsanayo nidaamka elektarooniga ah ee lagu aqoonsan karo macaamiisha ee ay adeegsadaan shirkadaha maaliyadda. Waxay sidoo kale tani qeyb weyn ka qaadan doontaa fududeynta adeegyadda bulsho sida xawilaadaha oo si aan shuruud lahayn ugu ogolaan doona muwadiniinta isticmaalka aqoonsigooda, middaas oo wax weyn ka tari doonta ammaanka iyo dimuqraadiyeynta.

Dr. Fuursade wuxuu u sharraxay qaabka farsamo ee bahwadaagta dhanka horumarinta ay gacan uga geysan karaan nidaamkan, isagoo faahfaahiyay hannaanka loo hirgelin karo qorshahani sida kaabayaasha lagama marmaanka u ah sameynta aqoonsiga, sida qorshe sharci iyo nidaam, jadwalka fulinta iyo qiyaasaha miisaaniyadda ku baxaya hirgalinta nidaamkan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya uu ku talagalayo hirgalinta hay’ad cusub oo heer federaal ah midaas oo maareeyn doonta nidaamka aqoonsiga.

Dr Nuur ayaa sidoo faahfaahiyay heshiiskii Isfahamka ahaa (MoU) ee dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay hay’adda Diiwaangelinta Qaranka (NADRA) ee Pakistan. NADRA waxay soo bandhigtay khibrad ku aadan abuurista iyo hirgelinta barnaamijadda aqoonsiga ee waddamadda jilicsan ama kuwa ka soo baxaya dagaaladda, oo ay ku jiraan meelaha miyiga oo ay adagtahay si ay u gaaraan adeegyadda bulsho ee ay u baahan yihiin.

In kabadan 1.1 bilyan oo qof oo adduunka ku nool ayaan awoodin in ay caddeeyaan aqoonsigooda, ayna sidaa darteedna ku waayaan adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka, xaquudooda daryeelka bulsho, waxbarashada iyo tageero maaliyadeed.

Dadka intooda badan waxay ku noolyihiin Afrika iyo Aasiya. In ka badan saddex dalool waa carruurta aan diiwaangashaneyn. Maamulka sare ee Bangiga Adduunka ayaa ahmiyad gaar ah oo istaraatijiyadeed saaray Horumarinta Aqoonsiga (ID4D) iyada oo Bangiga Adduunku uu ka tageero dhanka maaliyadda hay’adaha ku howlan sameynta aqoonsiyadda si loo xoojiyo afkaaraha caalamiga ah ee aqoonsi u sameynta muwadiniinta.

“Bangiga adduunka isagoo matalaya caalamka, kaalinta kaga aaddan tageeridda horumarinta aqoonsiga waxay lagama maarmaan u tahay hirgelinta qorshahani aas-aasiga ah dowlad dhisidda Soomaaliya, iyada oo duruufaha gaarka ee Soomaaliya la eegayo taageerada nidaamkan uu caalamku u hayo ayaa lagama marnaam ah in la hirgeliyo si loola jaan qaado adduunka intiisa kale” sidaasi waxaa yiri Dr. Fuursade.

Ugu dambeyntii, Dr. Fuursade iyo kooxdiisu waxay soo jeediyeen dowrka Bangiga Adduunka ee hirgelinta Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in Bangiga uu ka taageero Dowlad Fedaraalka Soomaaliya sidii la iskugu keeni lahaa bah wadaagta iyo daneeyeyaasha kale, iyo sidii tageero farsamo ay u heli lahayeen waaxda ku howlan mashruucan ee habeynta iyo fulinta nidaamka aqoonsiga ee NADRA.

Shirkan waxaa ka qeybgalay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Bangiga Adduunka, DFID, EU, Norway, Denmark iyo USAID.

Dhageyso ONLF: DF waxa ay dooneysay Qalbi Dhagax in xabsiga lagu sii hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal maalintii sabtida uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya.

Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax.

Hirmooge ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahayd tii markii hore Qalbi-Dhagax u gacan gelisay Ethiopia, islamarkaana aysan jirin sabab ay iminka kusii dayso.

Waxa uu sheegay inay dayso iska daayee, in dowladda Soomaaliya ay isku dayaysay inay Qalbi-Dhagax lagu sii hayo xabsiga, illaa inta ay ku guuleysaneyso in la sheego in ayada ay sii daysay.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in odayaasha beesha Qalbi-Dhagax iyo Axmed Madoobe ay dadaal xooggan u galeen in lasii daayo Qalbi-Dhagax.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sii daynta Cabdikariim Qalbi Dhagax. Jacfar Kuukaay, oo ka tirsan VOA ayaa wareystay Caddaani Hirmooge.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Qoondo intee la’eg ayuu degaanka Soomaalida ka helaa shidaalka Ethiopia?

Waxaa markii ugu horeysay deegaanka Soomaalida Itoobiya laga soo saaray shidaal ceyriin kadib muddo sanooyin ah oo lagu hayay.

Ceelashan oo daboolka laga feeday 28-dii June, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ee lagu magacaabo Fana ayaa mar sii horreysay ka soo xigatay Rai’sul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed in shacabka dalkiisa uu uga hambalyaynayo islamarkana maalintii la soo saari doono 450 barmiil oo shidaal ah.

Shidaalka goobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Haddaba dad badan waxa ay isweeydiinayaan qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka heli doonaan shidaalka.

Waxaa su’aashaas ka jawaabay madaxweynaha deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo dadweyne kula hadlayay magaalada Qabri Dahare, isaga oo sheegay in muddo boqol sano laga sheekeyn jiray kaydka shidaalka ee dhulka Soomaalida, balse maanta la xaqiijiyay himiladdii.

“Su’aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weeydiinayaan, waa imisa ayaan leenaya, wixiiba inaga ayaa lehe, imisa aan leenahay waa maxay?” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray “Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” .

Sida uu qabo Ibraahim Sheekh Muxumed, {Ibraahim Dheere}, oo ahaa guddoomiyaha jabhaddii WSLF ee Itoobiya la dagaalami jirtay, in madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu ka qeybgalay daahfurka ceelasha shidaalka ay ka dhigantahay isbadal wanaagsan, balse waxa uu intaas ku daray “waxaasa jira caqabado, waxaana ka mid ah ka talogalin la’aanta dadka arramaha kheyraadka, suurtogalna ma ahan in dadka aanan la talogalinin”.

Sheekh Ibraahim Dheere ayaa dhanka kale yiri “waa in la xaddidaa qoondo la’isla ogyahay , sidoo kale dadka deegaanka waa in laga shaqo galiyaa mashruuca, hadda waa ku yaryihiin”.

Waxa uu xusay in shidaalka uu la iman karo caqabado xagga deegaanka, taasna ay tahay in laga taxadaro.

Balse cid kasta kuma faraxsana sida hawsha u socoto, afhayeen u hadlay jabhadda ONLF ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in kheyraadkii iyo hantidii dadka lasoo saaro iyada oo aanan dadkii lahaa laga talogalinin, sida uu hadalka u dhigay, kana hortagi doonaan wax kasta oo ay ku qaadataba.

Qarax xoogan oo mar kale caawa ka dhacay XAMAR iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Jug culus ayaa goordhow laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana jugta daba socday rasaas goosgoos ah.

Jugta oo inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay inay ka dhalatay Miino lagu aasay Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in miinada ay qaraxday xili goobta ay aheyd mid aad u mashquul badan, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la ogyahay laba Qof ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen lix ruux oo kale, Qaraxa oo jugtiisa laga amqlay qeybo abdan oo kamid ah Magaalada Muqdisho ayaa dhacay xili dadka qaar ay ka sii rawaxayeen Goobohooda Ganacsi.

Dadka ku dhaawacmay Qaraxa ayaa waxaa ku jiray arday dhiganeysay Jaamacad ku taalay Isgooska gaar ahaan wadada gasha Isbitaal Digfeer waxaana dhammaan dhaawacyada goobta ka qaaday ciidamada amaanka.

Goobta uu hadda ka dhacay Qaraxa ayaa marar kala duwan waxaa ka dhacay Qaraxyo kala duwan oo ka dhashay miinada nooca lagu xiro gaadiidka.

Dhinaca kale, Qaraxaani ayaa noqonaaya kii afaraad oo ilaa saaka ka dhacay Muqdisho, waxaana xusid mudan in laba kamid ah Qaraxyada uu ka dhashay miino lagu xiray gawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo bixisay duugta ninkii bajaajlaha ahaa ee la dilay iyo askarigii oo lasoo xiray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in gacanta lagu soo dhigo askar Degmada Hodan ku dilay wiil Bajaaj lahaa barqanimadii Maanta.

Askarigii dilka geystay ayaa lagu soo xiray Xarunta dambi baarista ee CID, waxaana markii kiiskiisa la qoro loo gudbin doonaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida si loogu qaado dambigii uu galay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Maanta la kulantay qoyskii uu ka dhashay wiilkii la dilay waxaana la isla gartay in meydka la duugo isla markaasna ay dowladda Soomaaliya bixiso duugta.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya iyo qoyska wiilka laga dilay ayaa ku balamay in la isku soo laabto marka la aaso beydka si loo dhameystiro kiiskaan isla markaasna maxkamad loo soo taago askarigii dilka geystay oo si bareer ah falkaan u geystay.

Tallaabada ay dowladda Soomaaliya qaaday ayaa yareyn doonto dilalka soo batay oo ay askarta dowladda u geysanayaan dhallinayarada Bajaajyada wado.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa soo badanayey dilalkaas kadib markii la xiray inta badan jidadya Muqdisho, waxaana muuqato inay dowladda qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu yareenayo arrintaan.

Ugu dambeyntii meydka wiilkii dhallinayarada ahaa ayaa lagu guuleystay in la aaso kadib iskaashi dhexmaray dowladda iyo qoyska waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo uu askarigaan kasoo muuqan doono Maxkamadda horteeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Carte: Dadaalkii muddada la soo waday si fudud ay ku burburisay dowlada iminka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Hore ee Soomaaliya, hadana ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Maxamed Cumar Carte Waxaa uu dowladda dhexe uu ku eedeyay in ay burburisay Wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Somaliland.

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladdii rasmiga aheyd ee la soo dhisay 2012 ay wada hadal la bilowday Somaliland, isagoo xusay in heshiiskii bishii January sanadkii 2014 lagu saxiixay Istanbul uu qeexayay in la sii wado wada hadalada, lagana dheeraado wax kasta oo abuuri kara khilaaf, isla markaana aan la siyaasadeyn barnaamiyada horumarinta iyo kuwa bani’aadanimada.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Dawladdu qaadato mas’uuliyadda ka saran sii wadidda heshiisyadii horrumarineed ee beesha caalamku ku taageeraysay Shacabka Somaliland, meeshana laga saaro caqabadaha jira.

“Waxaa wax laga xumaada ah, in maanta iyada oo dedaal badan la geliyey in la soo gaadhsiiyo heer laga wada hadli karo midnimada, in ay dawladda maanta jirta mijaxaabisay dedaalkii loogu jiray in Somaliland iyo Somalia ka heshiiyaan wada-hadaladaas ka dib markii ay ka gaabisay sii wadidda wada-hadaladii, isla markaana joojisay mashaariicdii horumarineed ee waxtarka u ahaa nolosha Shacabka Somaliland. Ka dib markii aan la tashaday siyaasiinta iyo shacabka midnimo-doonka ah, ee muddada badan u soo dhabar-adaygay dib-u-soo-celinta qarankii” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Arag sawirro: Muxuu ahaa kulankii deg-dega ahaa ee Kheyre iyo wasiiradiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir-gudoomiyay kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay oo looga hadlayay dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo iyo diyaar garowga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed (Somali partnership forum) ee dhawaan ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee shirka ay aheyd dabagalka iyo dhaqan gelinta qodobadii kasoo baxay Shirkii amniga qaranka Baydhabo lagu qabtay horraantii bishii Juun ee sanadkaan inii uu socdayna la isla gartay in dhammaan hey’adaha iyo wasaaradaha ku shaqada leh in ay guda galaan dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

shirkii amniga Qaranka ee Baydhabo qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa in sannadka 2020 dalka ay ka dhacdo doorasho cod iyo qof ah, waxaana intii uu socday Tubta siyaasadda loo dhanyahay uu Ra’iisul Wasaare Khayre faray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in ay si huffan uga shaqeeyaan dhaqan gelinta doorashada, dhawaanna ay ummadda Soomaaliyeed usoo ban-dhigaan hannaanka loo wajahayo doorashada si awoodda dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka Tubta siyaasadda loo dhanyahay ayaa sidoo kale looga hadlay u diyaar garwoga shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliyeed ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium kaas oo ay ka qeyb gelayaan wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

—-DHAMMAAD—

Arrin cusub oo ku saabsan Qalbidhagax oo soo baxday iyo Itoobiya oo tallaabo lala yaabay ku dhawaaqday..!!

Adis Ababa (Caasimadda online) – Iyadoo dhawaan laga sii daayey xabsi ku yaal dalka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi, dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay iyada Mas’uul ka tahay amnigiisa.

Dowlada Ethiopia ayaa la xaqiijiyay in si rasmi ah ay ula wareegtay amniga Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Danyel Musami oo ah Sarkaal ka tirsan Booliska Ethiopia ayaa saxaafadda u  sheegay in ka warqabka xaalada amni ee Qalbi dhagax ay tahay mid dusha ka saran dowlada Ethiopia inta uu ku sugan yahay dalkeeda.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in kiiska Qalbi Dhagax uu weli furan yahay isla markaasna ay ka sahlan tahay inta hartay kuwa laga soo gudbay, wuxuuna hadalkaan keenay shaki weyn oo ku aadan inay Itoobiya xiran karto Mas’uulkaan haddii ay usoo baahato maadaama kiiskiisa la sheegay inuu furan yahay.

Booliska Itoobiya ayuu sheegay inay la socdaan xaaladda amni ee Qalbi Dhagax, wuxuuna sidoo kale sheegay in arrintiisa loo xil saaray ciidamo dharcad ah.

Dowladda Itoobiya sharaxaad rasmi ah kama bixin sida amnigiisa loo sugayo iyo sababta keentay, wuxuuna kusii jeedaa dalka Kenya iyadoo laga cabsi qabo in mudada uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa uu caqabado kala kulmo dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ee doonaaya waxyeeleynta Qalbi Dhagax si isku dhac uu uga dhex dhasho ONLF iyo Itoobiya.

Arrintaan cusub ayaa kusoo aadeyso xilli mar hore Qalbi Dhagax la siiyey waraaq fasax ah oo u ogolaaneyso inuu dalka ka dhoofi karo ama uu si xor ah u joogi karo, waxaana lala yaaban yahay hadalka cusub ee kasoo yeeray dowladda Itoobiya.

Qalbi Dhagax ayaa muddo bilooyin ah ku xirnaa dalka Itoobiya kadib markii dowladda Soomaaliya ay u dhiibtay dowladda Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Lix arrimood oo laga bartay shirkii jaraa’id ee uu qabtay Cabdikariim Qalbi-Dhagax

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax ayaa Shalay markii ugu horeysay ka hadlay sababtii loo xiray iyo cidda ka dambeysay xarigiisa kadib markii dhawaan laga sii daayey xabsi ku yaal dalka Itoobiya oo uu ku xirnaa dhawr bilood.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa Lix (6) waxyaabood oo laga bartay hadalkiisa:

  • Inuu yahay Nin ay ka go’an tahay Soomaalinimo: Qalbi Dhagax hadalkiisa wuxuu dhawr jeer kusoo celceliyey inay Soomaaliya midowdo isla markaasna khilaafka iyo is kooxeysiga laga tago, waxaana ka muuqatay inay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo hal ah, C/kariin Qalbi Dhagax ayaa sheegay inuu xoojin doono Midnimada, isku duubnimada iyo sidii Umadda Soomaaliyeed loo mideyn lahaa, isla markaana dib loogu walaaleyn lahaa.
  • In la kala qariyey isaga iyo Madaxda ugu sareyso markii la xirayey: Qalbi Dhagax oo wareysi siiyey Wariye Coldoon ayaa sheegay inay jirto koox yar oo Muqdisho ku sugan taasoo kala qarisay isaga iyo madaxda ugu sareyso markii la xirayey, wuxuuna hadalkaas muujinayaa inaysan madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya aysan waxba kala socon xarigiisa.
  • Inuu si weyn ula socday taageerada ay shacabka u muujiyeen: Qalbi Dhagax ayaa tilmaamay inuu si weyn ula socday taageerada ay shacabka Soomaaliyeed uu muujiyeen markii la xiray isagoo yiri “Shacabka Soomaaliyeed ee aad uga dhiidhiiyay jariimadii ay ashqaas yar i geysatay, waxay muujiyeen damiir walaalnimo oo Soomaali oo dhan mideeyay oo runtii taariikh lama ilaawaan ah, oo ku tuseysa in dadka Soomaaliyeed ay walaalo yihiin meel kasta ay joogaan”
  • Inuu ka gaabsaday cidda xirtay: Inkastoo Qalbi Dhagax uu sheegay inay koox yar ka dambeysay xarigiisa taasoo ku sugan Muqdisho, haddana si rasmi ah ugama hadlin cidda xirtay iyo magacyadooda taasoo muujineyso inuu ilaa xad ka gaabsaday.
  • Marnaba Itoobiya uma mahad celin: Qalbi Dhagax intii uu hadlayey marnaba uma mahadcelin dowladda Itoobiya oo xabsiga kasii deysay taasoo muujineyso inuu jiro kala fogaansho u dhaxeyso isaga iyo Itoobiya, waxayna arrintaan meesha ka saareysaa hadal heyntii ku aadaneyd inuu la shaqeyn doono dowladda Itoobiya.
  • Taxdar iyo Daganaansho: Qalbi Dhagax intii uu hadlayey oo dhan waxaa ka muuqatay inuu ka fiirsanayo hadalada uu dhahayo, wuxuuna muujinayey taxadar aad u weyn si toos ahna ugama hadlin waxyaabo badan oo laga filayey inuu kashifi doono.

 Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Warbixin: Arrin la yaab leh oo MUQDISHO ka dhacday kadib markii sac uu liqay…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waa wax la fili karo in aad aragto waxaad la yaabto inta aad adduunyada joogto, Sidaa Darteed  Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay arrin dad badan ka yaabisay kadib markii uu Sac uu lahaa nin deegaanka ka tirsan uu liqay Mobile uu lahaa nin kale.

Lo’da Muqdisho oo lagu yaqaan in ay wax walba cunto sida Xaanshiyaha , Bacda iyo Baakadaha ayaa waxaa dhacdey in nin bac Qaad ah sitey isla markaana waxaa Bacda Qaadka ugu dhex jirey Mobile wuxuuna reer sac u joogey ka codsaday in la siiyo Musqul si uu ugu soo xaajoodo waxa uuna qaadkiisii saartay meel darbi ah, dadkii guriga joogeyna wax feejignaan ah ma siin qaadka uu ninku meesha saartay, waxaana dhacday intii uu musqusha ku jiray in Sacii reerku lahaa soo galay daaraddii kadibna uu afka si fiican ula helay Qaadkii darbiga saarnaa oo uu ku dhex jiray Mobile-ku, wuxuuna Mobile-ka ahaa mid yar oo aan sidaa u weyneyn waxaana Sacii u suuragashay in uu ku liqo caleentii Qaadka.Mobile-kii

Ninkii markii uu soo dhameystay xaajaddiisii Musqusha ayuu dibadda u soo baxay, waxa uuna arkay haraadigii qaadka oo ka sii laalaada afka Saca, inta uu naxay oo afka labadii yeeray ayuu ku dhawaaqay “Alla Mobile-keygii……Alla Qaadkeygii”. Reerkii guriga ayaa qaylo dhaantii ku soo baxay, waxa uuna ninkii u sheegay in Sacaan uu ka cunqay qaadkii uu watay iyo waliba Mobile ku dhex jiray bacda qaadka.

Odeygii reerka oo yaaban ayaa yiri “Qaadka garanay laakiin maxaa caddeyn kara in Sacu uu liqay Mobile”, waxaa la wacay Mobile-kii waxa uuna yiri “Lama heli karo, Waa mashquul, Qadka ayuu ka maqan yahay iyo wixii la mid ah”, meeshiina waxaa ka bilowday muran xoogan oo u dhexeeyay ninkii socotada ahaa iyo reerkii, mid ka mid ah dadkii ku soo baxay ayaa yiri “Saca hadduu Mobile liqay si sahal aha ayaa loo helayaa waxaa la siinayaa Burgaanti oo waliba dhowr xabo ayaa la isugu darayaa” waa lagu wada qoslay waxaase ka biyo diiday ninkii lahaa saca oo isagu soo jeediyey in haddii uu Sacaan laqay Mobile waxaa lagu kala baxaa in Raajo la saaro Saca,

Murankii ayaa sii dheeraaday, qolo kale ayaa soo jeedisay in saca laga qabto ilaalo gaar ah si saxaradiisa loola socdo. Mar kale waxaa la soo jeediyey in saca la qalo qarashka uu bixiyo ninka Mobile-ka leh, hase yeeshee ninkii waa uu diiday, waxay Odoyaashii meesha isugu yimid ayaa  go’aamiyey in ninkii Mobile-ka lahaa loo celiyo wax xooggaa lacag ah, sidaa ayaana markii dambe lagu kala baxay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  [email protected]

Tel 00252615532494

Muuse Biixi oo ku wajahan Takuraq iyo madaafiic culus oo ka socota magaalada

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa uu kusii jeedaa gobolada Barri ee maamulkaas kuwaasoo kala ah, Sool iyo Sanaag, sida ay u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online, illo xog ogaal ah.

Muuse Biixi ayaa wuxuu ugu horeyn tegi doonaa deegaanka Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag, halkaasoo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneed xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo katirsan kuwa degan deegaanka.

Safarka uu Madaxweyne Muuse Biixi ku tegayo halkaas wuxuu kusoo beegmayaa maalin uun kadib markii Askar ka tirsan Somaliland lagu dilay halkaas, islamarkaana lagu dhaawacay Shan kale iyo labo rayid yihiin.

Ujeedka sodcaalka Muuse Biixi ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo sidii uu usoo afjari lahaa colaadda muddo soo jirtay halkaas ka taagan, taasoo dad badan ku dhinteen, ayna ku barakaceen Kumanaan kale.

Dhinaca kale, Muuse Biixi ayaa la sheegay in sodcaalka Ceel Afwayn kadib uu usoo ruqaan-san doono dhanka Tuuladda Tukaraq, gaara ahaan Jiida hore ee dagaalka si uu niyada ugu soo dhiso ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa Puntland.

Dhanka kale Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankas lag maqlay jugta dhawaqa Madaafiicda oo ay isku-ridayeen Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntlnad.

Ciidamada labada dhinac ayaa weli isku-horfadhiya deegaanka Tukaraq,waxaana saacadihii la soo dhaafay deegaanka ay labada dhinac ay ku sii daabulayeen ciidamo ad u farabadan taas oo abuurtay xiisad Cusub.

Dadka tirada yar ee ku haray deegaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegeen in Barqanimadii maanta mar qura ay maqleen dhawaqa Madaafiicda oo ay iksu-ridayeen Ciidamada labada Maamul,ils amarkaana ay cabsi dareemeen.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa deegaanka Tukaraq gaaray boqolaal ka mid ah Ciidamada Puntland iyo Xubno ka socda Golaha Wasiirada Maamulkaas kuwaas oo sheegay in uusan dagaalka kala dhaxeeya Soomaaliland joogsan doonin ilaa Ciidamada Soomaaliland ay ka baxaan Gobolka Sool.

Khasaaraha ka dhashay madaafiicda ay tukaraq isku-weeydaarsadeen Maanta Ciidamada Soomaaliland iyo Puntland wali lama cadeyn,balse wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah.

Qaramadda Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 100,000 ay saameysay colaadda Tukaraq, iyadoo ugu baaqay dhinacyadda isku haya inay ka baaqsadaan colaad kale oo dhiig ku daato.

Waa markii ugu horeysay oo Madaxweyne Muuse Biixi uu sodcaal ku kala bixiyo deegaano ka tirsan goboladda Sool iyo Sanaag, oo Somaliland Berri uga yaala, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.

Hay’adda Xasaradaha Adduunnka [ICG] ayaa dhawaan warbixin ay soo saartey ku sheegtay in Somaliland iyo Puntland ay qarka u saaran yihiin inuu dagaal aan dhamaad lahayn ku dhexmaro gobollada waqooyi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sii daynta Qalbi-Dhagax: 2 arrin mid oo DF ka suurto-gal ah (Midna ma fiicna)

Dowladda Ethiopia ayaa dhowaan xabsiga kasii daysay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax, oo ah sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo bishii August ee sanadkii tagey ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay xukuumadda Addis-Ababa.

Cidda ka dambeysay sii daynta Qalbi-Dhagax, ayaa waxaa weli ka taagan dood badan. Odayaasha beeshiisa waxay sheegeen in ayaga ay dadaal u galeen in lasii daayo, halka safiirka Ethiopia ee Soomaaliya Jamaaludiin Mustaf Cumar uu sheegay inay kusii daayeen codsi ka yimid dowladd Soomaaliya. Qalbi-Dhagax oo hadlayna, hadalkiisa ma kala caddeyn.

Haddii aan tixraacno hadalka safiirka, side ayay isku qabaneysaa in dowladda ay markii hore gacan gelisay Qalbi-Dhagax, haddana ay soo deysay. Waxaan dhihi karaa laba arriin midkood ayaa suurto-gal ah:

1 – In Dowladda Soomaaliya ay garwaaqsatay inay gashay qalad weyn, oo ay taageero badan ku lumisay, sidaas darteedna ay u istaagtay inay saxdo qaladkaas, oo sidaas ay dadaal ugu gashay in lasoo daayo Qalbi-Dhagax.

2 – Inaysan dowladda wax gacan ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax, sida ay odayaasha beeshiisa sheegeen, balse ay aragtay fursad ay magac ku kasban karto, sidaas darteedna ay uga codsatay safiir Jamaaludiin inuu hadalkaas u sheego warbaahinta Soomaaliya.

Haddii ay midda koowaad tahay, dowladda waxaa la gudbooneyd in maadaama codsigeeda lagu sii daayey, in dowladda Ethiopia ay ka codsato in qoraal rasmi ah la raaciyo sii daynta Qalbi-Dhagax, oo la shaaciyo doorkii ay ku lahayd, taasi oo sida muuqata aan dhicin, haddii ay tahay arrin ay dowladda ahmiyadeeda garan weyday iyo haddii kaleba. Sidoo kale waxay ahayd inay qoraal soo saarto kuna sheegto in qalad uu ka dhacay, dibna ay u saxday oo ay cafis dalbato.

Haddii arrintu tahay midda labaad, waxaa muuqata in dowladda ay kasii dartay qaladkii horey u dhacay, waayo safiirka Ethiopia cid aamineysaa waa yar tahay, dowladda inta hadashay ma aysan ku taageerin qoraal. Midkii ay tahayba arrinta waxaa muuqata in sheekadu weli ay halkeeda joogto, dad badanna ay dowladda taageeradii ay ugala laabteen arrinta Qalbi-Dhagax aysan usoo celin.

W/Q: Saadaq Xuseen Ciise

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

DP World oo wada qorshe ay ku cuna-qabateeneyso Jabuuti oo halis badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqday inay sameyneyso sal balaarsi dhinaca alaabaha uga soo daga Africa.

Maamulka Shirkada DP World ayaa sheegay inay saldhig cusub ka sameysanayaan dalka Ethiopia si alaabaha kasoo dega Dekadda Berbera ee Somaliland looga sii qeybiyo Ethiopia iyadoo la gaarsiinaayo dalalka kale ee xadka kala dhexeeya Ethiopia.

Agaasimaha shirkada DP World Sultan Ahmed bin Sulayem, oo u waramaayay WAM ayaa sheegay in Ethiopia 95% ay alaabaha kala imaado dalka Djibouti, taasina looga maarmi doono dadaalka ay DP World ku dooneyso sal balaarsiga.

Sultan Ahmed bin Sulayem, waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in Saldhig lagu daabulo Kunteenarada laga hirgaliyo Ethiopia, waxa uuna tilmaamay inay sameynayaan waddooyin waaweyn oo la mariyo alaabaha uga soo daga Dekadda Berbera ee la gaarsiin doono Ethiopia.

Waddooyinka ayuu sheegay inay dhaqaale ku bixin doonto shirkada DP World si meesha looga saaro dadaalka ay Ethiopia alaabaha uga soo dagsaneyso Dekadaha Djibouti.

Agaasimaha shirkada DP World Sultan Ahmed bin Sulayem oo ay isku dhacsan yihiin dowlada Djibouti ayaa doonaya inuu dhexda ka jaro xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya dowladaha Ethiopia iyo Jabouti si hoos u dhac uu ugu imaado Ganacsiga kasoo daga Dekada Jabouti ee dhawaan laga eryay DP World.

Shirkada DP World, ayaa doneysa in go’doon ganacsi ay galiso Djibouti iyadoo la adeegsanaayo Dekadda Berbera, wallow ay Jabouti sheegtay inay ka gaashamaneyso shirkada DP World.

Dowlada Ethiopia oo dhawaan Imaaraadka ka gudoontay lacag dhan 3 bilyan ayaa u muuqaneysa mid ka weecan doonta ganacsiga kala dhexeeya Djibouti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: Yaa dusha saartay la socodka amniga Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax

Addis ababa (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa la xaqiijiyay in si rasmi ah ay ula wareegtay amniga Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

Sarkaal ka tirsan Booliska Federaalka Ethiopia oo lagu magacaabo Danyel Musami ayaa sheegay in ka warqabka xaalada amni ee Qalbi dhagax ay tahay mid dusha ka saran dowlada Ethiopia.

Danyel Musami, waxa uu sheegay in damaanada amni ee Qalbi Dhagax ay tahay mid dusha ka saran keliya inta uu ku sugan yahay Ethiopia.

Danyel Musami, waxa uu cadeeyay in Qalbi Dhagax kiiskiisa uu weli yahay mid furan, balse inta harsan ay ka sahlan tahay kuwa laga soo gudbay.

Waxa uu tilmaamay in Booliska Ethiopia uu la socdo xaalada amni ee Qalbi Dhagax, isla markaana xaaladiisa ay u xil saaren dharcad uusan sheegin tiradooda iyo qaabka ay u ilaalinayaan amniga Qalbi Dhagax.

Sidoo kale, Qalbi Dhagax oo kusii jeeda dalka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in mudada uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa uu caqabado kala kulmo dhinacyada kasoo horjeeda dowlada ee doonaaya waxyeeleynta Qalbi Dhagax si isku dhac uu uga dhex dhasho ONLF iyo Ethiopia.

Dhinaca kale, dowlada Ethiopia ayaa Qalbi Dhagax ku wareejisay warqad fasax ah oo la sheegay inay amreyso inuu ka dhoofi karo Garoomada Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Addis ababa

[email protected]

Somaliland ka caafimaadey cudurkii Soomaali-weyn ee 1 July 1960-kii (FAALLO)

Sida lawada ogsoonahay Ummad kasta oo dunida ku nooli waxay leedahay taariikh u gaar ah oo lagu qoro Diiwaankeeda, taasoo ka turjumaysa maraaxilkii kala duwan ee ay soo mareen, si ay ummaduhu uga faa’idaystaan dhib iyo dheef wixii ay lahayd, uguna dabakhaan horumarkooda dhaqan dhaqaale iyaga dib u milicsanaya sixitaanka hadba wixii hagardaamo soo maray si ay uga taxadaraan casharadii ay ka barteen waqtigiyadii la soo maray.

Haddaba, Ummada Somaliland waxay soo martay maraaxil kala duwan oo taariikheed oo qadhaadh iyo macaanba lahaa loona baahan yahay in looga faa’idaysto masiirkeena hadda taagan.

Taariikhduna iyadaa is qorta ee lama qoro, waxana hore loo yidhi; “Been ma sheegto Taariikhdu, Ma Bukooto Taariikhdu, Mana Baqato Taariikhdu”.

Ingriisku  ilaa 20 sano ayuu rabay inuu qabsado Somaliland,1825 ayaa lagu gubey Markab uu Ingiriisku leeyahay lana odhan jirey MARY ANNE Berbera agteeda,laga bilaabo maalinta xeebaha Somaliland waxa la saarey CUNA-QABATEYN wax soo gali kara kana bixi kara ma jirin Berbera,Saylac,Maydh,Bula-xaar,Laasqore arintaasi toban sano ayey cuna-qabateyntu saarneyn xeebaha Somaliland dooni iyo markab imana kamanaa bixin.

Haddaba markii culumadda iyo wax garadkii Somaliland arkeen inuu Boqorkii Itoobiya ee MENELIK soo qabsaday Casimadii Diinta Islaamka ee Herar iyo Diridhaba una soo jeeda xeebaha Somaliland ayaa degdeg loola galey Ingiriiska inuu yimaado Somaliland ilaaliyana dhulka Somaliland waxaana loo bixiyey SOMALILAND PROTECTORATE Macnaheeduna yahay Somalilandtii la ilaalinayey ama maganta ahayd.

Mudo 80 sano waxaynu ahayn Maxmiyadda United Kingdam 26 JUN 1960 Ayaa xoriyadeena ka qaadaney United Kingdam.Mudaba waxaa socdey cudur duufan wado oo Soomaali-weyn,cudurkaasi wuxuu ku dhacay ummadda Somaliland,inuu ahaa cudur jirey oo xumad badan waxaa inoo sheegey dalkii aan ku biirney ee koonfurta Soomaaliya markiiba wacay inoogu yeedheen SOMALI QALDAAN runna wey ahayd.Arintan Cudurkan SOOMAALI-WEYN ee Shanta Soomaali leysku keenayey oo ah:

1 – Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960.

2 – Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 `

3 – Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey.

4 – Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos jirta.

5 – NFD (Wajeer) oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta.

In Shanta Soomaali leysku keeno waxay noqotey hawo beena iyo cudur ku dhacay Somaliland’

Waxa iyana xoroowdey Soomaalidii talyanigu gumeysanayey 1 July 1960 isla maalintiina waa isku biireen Somaliland waxaana abuurmey JAMUURIYADA SOOMAALIYA.

Ummadda Somaliland si bilaa shuruurada ayey isugu biireen Soomaaliya.

Gobannimo daryeel iyo xil iyo daacadnimo weydey

Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney  waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah:

1-Magacii Soomaaliya la qaatey oo kii Somaliland waa la tuurey

2-Markii Jamuuriyadda Somalia la dhisey waxa loo dhisey sidan.

-Madax-weyne  wuxu ahaa koonfurta.

-Ra’iisal Wasaaraha wuxu ahaa Koonfur.

-Wasiirka Arimaha gudaha,Arimaha iyo Dibada waxay ahayeen koonfur.

-Taliyaha ciidanka qalabka sida,Taliyaha Booliska,Taliyaha waardiyaha dhaqaalaha waxay ahayeen Koonfur.

-Magaalo madax koonfur.

-Dakadii Somalia waxay noqotey Xamar iyo Kismaayo.

-Sharcigii Wadanka lagu xukumayey wuxu noqdey kii koonfur.

-Barlamaankii 90 ayuu ahaa waxay qaateen 70.

Adigu wadan wadan kale qabsadey oo gacanta u galey maafiyadii talyaanig ka soo qaad.

3 – Markeynu lix bilood wada joogney koonfurtu waxay biloowdey in la raro wax ala wixii qalab dowladeed lahaa ee yaalley dalkii cusbaa Somaliland oo xamar loo raro waxay babuur isjiid ah socdeen 11 bilood ayuunba wax laga gurayey Somaliland oo xamar loo gurayey.waa bililiqadii ugu horeysa ee Somaliland ay konfuurtu ay bililiqaysato.

UmmaddiibSomaliland waxay bilowdey halgan hubeysan oo lagu hoobtey,xiddida ayaa loo soorey qoloysatadii xamar,waxaana cudurkii Soomaali-weyn dawadiisa ku kacay qiimo aad u sareeya oo ah:

-Boqol kun ayaa naftoodda u hurey in laska daweeyo  cudurkii  Soomaali-weyn iyo  Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqoto,

-Cudurkaas  Soomaali-weyn wuxuu dhulka la simey dhamaan Magaalooyinkii Somaliland Hargeisa,Burco,Gabily,Ceerigaabo,Berbera,Garadag,oodweyne,Baligubadle,sheekh iyo Ceelafweyn.waxaana ku khasaarey ilaa 60 Bilyan USDollar.

18 May 1991 Tan iyo intii ay Jamhuuriyada Somaliland Madax-bannaanideeda dib ula soo noqotay waxay buuxisay dhamaan shuruudihii Dawlad-nimo, waxay leedahay Calan, Lacag, Xudduudo iyo Ciidan Qaran.

Shuruudaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo dhismaha dal kasta oo buuxiyey astaamihii haykalka Dawlad-nimo waxa ka mid ah Inaad sugto xuduudahaagga oo ayna cid kale ka talin Si kastaba ha ahaatee waxa waajib inugu ah in la isku ixtiraamo nidaamka dawladeed ee aynu samysanay oo aan ahayn mid hadiyad la inoo siiyay balse ku yimi halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray.

Dagaalkii,Cudurkii ay inoo keentey midnimadii walaal tinimada inoogu muuqatey waxaan ka bogsaney 18 May 1991,horumar la taaban karo ayey Somaliland gaadey ilaahayna how siyaayido.Amiin,Amiin……

Wabilaahitawfiiq.

W/Q: Mahad Ali-Salaan

Bristol

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

“SOMALILAND waxa ay un eersaneyso waa Somalia oo kaliya oo na hortaagan”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Dibada maamulka Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Somalia ay xiligaan ka daba shaqeyneyso Somaliland.

Wasiir Shire, waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ee hadda jirta ay caqabad ku tahay howlo badan oo horay ugu socday Somaliland.

Waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo ay ka hor istaagtay dowlada Somalia, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in xiligan dib loo istaajiyo dadaaladii ay kusoo jilbo muruxday Somaliland.

“Dowlada Somalia maaha inay isku khalado waxyaabaha qaar waa inaan lagu degdegin talaabooyinka qaar iyadoo ay furan tahay in laga wadahadlo wixii jira”

Wasiir Shire waxa uu DFS ku eedeeyay in wixii kala dhexeeyay Somaliland ay gaarsiisay heer caalami, waxa uuna cadeeyay inay muhiim aheyd in wixii tabasho ah lagu xaliyo miiska, iyadoo aan loo rogin dhinac kale.

“Dowlada Somalia waxa aan ku dhaliileynaa in wixii kala dhexeeyay Somaliland ay fogeysay isla markaana noola dhaqantay sida shisheeye, waa inay wax reebato oo aysan sii fogeyn Isfahan darada jirta”

Sidoo kale, Wasiir Shire waxa uu xaqiijiyay in Somaliland ay dib u furfuri doonto dhammaan waxyaabaha ay dowlada Somalia sababta u aheyd hakintooda, waxa uuna cadeeyay in tani ay gali doonto taariikhda.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay dowlada Somalia ku dhawaaqday inay dib usoo celineyso wadahadalka kala dhexeeya Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

[email protected]

Akhriso: Tirada rasmiga ah ee guryahooda uga qaxay colaada ka taagan Tukaraq

Garoowe (Caasimada Online) – Colaado u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa uu wali ka taagan yahay Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Colaadani oo muddo bilo ah taagan ayaa waxaa ku naf waayay shacab badan, halka kuwo intaa kasii badan ay ku barakaceen.

Dadka ugu badan ee ku barakacay colaada ayaa ahaa kuwa ku nool guryaha ku dhow dhow jiida uu dagaalka ka socdo.

Peter De Clerk, oo ah ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay in QM ay diiwaanka ku darta tirada dadka ku barakacay dagaalka oo aad u badan.

Peter De Clerk, waxa uu sheegay in colaada ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan (12 Kun) oo qof.

Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud QM Mr. De Clerk ayaa dhinacyada is horfadhiya ugu baaqay in ay ka fogaadan baacsiga ay isku hayaan si ay nabad u helaan dadka deegaanka.

Mr. De Clerk oo ka hadlaayay barakaca ka dhashay dagaalka ayaa yiri “Ugu horeyn gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed weli waxa ay ka mid yihiin meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan 12 Kun oo qof”

“Waxan ugu baaqayaa dhinacyada in aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay abuureysaa qalalaase kale”

Sidoo kale, Mr. De Clerk ayaa sheegay inay telefoonka kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad joojinta.

Dhinaca kale, dalal iyo hay’ado kala duwan ayaa horey baaqyo nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany, Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo the United States.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

[email protected]

Akhriso: Tirada qaraxyadii magaalada Muqdisho ka dhacay bishii June ee 2018

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bishii Jun ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii kasii horeysay.

Qaraxyada dhacay bishii Jun ee lasoo dhaafay ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gawaari Ismiidaamin ah oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 7 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro xoogan.

HOOS KA AKHRISO QARAXYADA IYO XILIYADA AY KALA DHACEEN

1-Jun 7, 2018, Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaaafada suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid, waxaana lagu dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka degmada Yaaqshiid kaas oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdi Geedi Farayare.

2- June 15, 2018, Qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Ifka Xalane qeybta degmada Dayniile.

3- Jun 20, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Isgooska Xaaji Baasto wadada Makka Al-Mukarama ee degmada hodan,waxaana ku dhaawacmay Qaraxa Wiil iyo Gabar wada socday.

4- Jun 22, 2018, Koox hubeysnaa ayaa bamgacmeedyo ku weeraray xarunta degmada Waabari ee Gobolka Banaadir xili halkaa ay ka soctay munaasabad.

5-June 23, 2018, Qarax lagu xiray Gaari nooca raxada ah ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waabari  gaar ahaan waaxda Hanti Wadaag, qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray Sarkaal ka tirsan Booliska.

6- June 30 2018, Qarax bambaano ayaa waxaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku sugnaa Isgoska Baar ubax ee Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 4 Qof oo 3 kamid ah shacab yihiin.

7- Jun 30, 2018, Qarax miino ayaa lala eegtay Gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan NISA kaa oo ka dhacay deegaanka Xaawa-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxyada dhacay Bishii Jun ee lasoo dhaafay ayaa aad uga yar Qaraxyadii dhacay bilihii hore ee tagay waxaana muuqaneysa in hoos u dhac uu ku imaanayo Qaraxyadii badnaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dowladda Imaaraadka oo go’aan cusub ka qaadatay weeraradii XUUTIYIINTA

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in isbahysiga uu sacuudiga hogaamiyo uu joojiyay weerarada ka dhanka ah mucaaradka Xutiyiinta ee ku sugan magaalada Hodeida.

Imaaraadka ayaa qeyb ka ahaa isbaheysiga taageerayay dowlada Yemen markii ay qabsanayeen magaalada Hodeida.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Imaaraadka Anwar Gargash ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in xabad joojintaan looga gol’leeyay in ay meel maraan dadaallada wadahadallada nabadeed ee ay waddo Qarama Midoobay.

Ergeyga gaarka ah ee qaramada midobay u qaabilsan Yemen Martin Griffiths ayaa kulama la yeelanayay dhinacyada isku haya dalka si loo joojiyo dagaalka.

Mr Gargash ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadaalada lagu doonayo in xoogagga Xutiyiinta looga saaro magaalada Hodeida.

Dekadda magaalada Xudeydah ayaa ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected] 

Sannad walba waxaan u dabaal dagnaa 1-da Luulyo innaga oo kala qeybsan

Midowgii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya sanadii 1960-kii oo hadda laga joogo 58 sano wali waxaa socda in soomaalida  cadaw geedu doonayo in uu dhulkooda la wareego sidaasi waxaa yiri Danjire Maxamed Caalim oo la hadlay barnaamji toos ah oo siyaasadda lagu falanqeeyo.
Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxay abuurmatay markii ay midoobeen labadii Gobol ee ka kala xuroobay gumaysigii Talyaaniga iyo kii Ingiriiska sanadkii 1960kii, xorriyadda iyo israaca labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxaa saldhig u ahaa Soomaalinimo, Jacayl iyo Hilow ay isu qabeen walaalihii gumeysigu kala qoqobay.
Dareenka wadaniyadduna waxa uu ahaa xilligaa mid aad u sareeya, ummadda Soomaaliyeedna waxaa ka go’nayd inay mar uun ka hoos baxaan nidaamka adoonsiga ee dhiig miiradka ah.
Waxay kaloo ku haminayeen Soomaalidu sidii loo xoreyn lahaa gobollada wali gumeysiga ku hoos jira ee NFD, Somali Galbeed iyo Xeebta Jabuuti, waxaana ka go’neyd  in aan halganka la joojin tan iyo inta Soomaali-weyn la xoreynayo oo la midaynayo (The Greater Somalia).
Maxaa xal inoo ah markaad  dib u tixraacdo  Taariikhdii xornimada soomaaliyeed 1-7.1960 iyo Midowga dadka soomaaliyeed ee xiligaas.
Jamhuuriyadda Soomaaliya ama dokumenti qeexaya qaabka awood qaybsiga midowga kadib, lagama fakarin waxa dhici kara haddii khilaaf yimaado, saameynta uu ku yeelan karo midnimada, iyo qaabka khilaafka loo maarayn lahaa, xalna looga gaari lahaa si loo badbaadiyo midowg dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
Fikirkii. (One State One City) wuxuu dhintay 1991dii taasina waa inay ogaadaan mas’uuliyiinta dowlada Faderaalka hogaamisa. Falanqeyn taydu waxay Farta ku fiiqaysaa maxaa xal u ah  dadka ku nool dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dawlad dadkeedii anuu heshiis ahayn oo hal magaalo dagan inay tiraahdo midnimada Soomaaliya ayaan masuul ka nahay  waa nasiib daro iyadoo wax midaysan aaney  jirin waqtiga  aan hadda joogno.
Waa in su’aal  la iska  waydiiyaa maxaa khaldan oo dadka shacabka soomaaliyeed beenta loogu sheegayaa Iyadoo wax midnimo heshiis lagu ahayn, sanad walbana waxaan u dabaal dagnaa 1-da luulyo oo been ah, inagoo mideysan, heshiis ah, islamarkaana maamul uu naga dhaxeeyo ayeey tahay inaan u daabal dagno 1-da Luulo,waa maalin ka turjumeysa midnimo iyo wax wada qabsi iyadoo xor laga yahay nuuc walbo oo gumeysi ah.
Waa in dib loogu noqdaa in la saxo dawladnimada shacabka soomaaliyeed doonayaan iyo nooca midnimo ee ay doonayaan.
Khiyaanada dowladaha deriska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya waa in hagardaamada iyo dabinka  ay inoo dhigayaan inaan ka hortgano  qorshahoodu waa  boobka  dhulka Soomaaliyeed waa inaan  ka hor tagnaa anagoo heshiis ku ah dhincyada aasaasiga ah ee aan soo xusay.
Muhiimadda waxaa weeye, in 58 sano guurada ka soo wareegatay xornimadii inaynu ka baranno in laga fogaado isqabqabsiga siyaasadeed iyo colaadda dhammaadka lahayn ee Soomaalida dhexdooda taalla ku dhowaad 30 sano,
Annagoo waqtiga ka faa’iideysanayna waa in fataraaruqa aan ku beddalnaa in la wada hadlo, hadii dadka degan dhulka la yiraah jamhuuriyadda soomaaliya  ay isku afgartaan in xalka nabada lagu helayo  Somaliland ma go’deen in dawladnimo loo aqoonsadana ma raadiseen.
Midnimo dadka soomaaliyeed waa mid si buuxda kaga hortageyso cadaawada iyo dhul boobka ah  ay hogaaminayaa  dowladaha   kenya iyo itoobiya waa inaan Qaadano Go’aan Geesinimo leh si aan awoodeenii u soo ceshano.
W/Q: Danjire Mahamed Caalim
Email: [email protected]