25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DF oo caawa xabsi dhigtay saraakiil lagu tuhmayo ku lug lahaanshaha weerarkii Otto Otto

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa Xabsi la dhigay Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka dowlada Somalia. Saraakiisha caawa xabsiga la dhigay oo tirro ahaan lagu sheegay 14 Sarkaal ayaa lagu tuhunsan yahay inay kaalin weyn ka qaaten weerarkii shalay lagu qaaday Xarunta Otto Otto oo ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo tan amniga.

Saraakiisha la xiray ayaa la xaqiijiyay inay taliyayaal ka ahaayeen Koontoroolada laga soo galay Xaruntii la weeraray iyo waddooyinka ay soo mareen gaadiidka loo adeegsaday ismiidaaminta.

Saraakiisha caawa u hoyday Xabsiga ayaa maamuli jiray Isgoosyo ay kamid yihiin Dabka iyo tan ka timaada degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir,waxa ayna isugu jiraan Boolis iyo Nabadsugid.

Waxaa ku jira Saraakiisha la xiray kuwo maamuli jiray barahakoontarool ee Isgooska Bakaaraha kuwaa oo la sheegay in lagala sii dardaarmay gaadiidka ismiidaamiyay.

Saraakiisha xiran qaarkood ayaa lagu helay cadeymo kadib markii la dhageystay Teleefanada ay sida gaarka ah u isticmaalayeen.

Sidoo kale, Amaraka lagu xiray Saraakiisha ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Amniga Qaranka Ducaalle oo tan iyo markii uu dhacay Qaraxa hayay baaritaan.

Geesta kale, Xariga Saraakiisha ayaa imaanaya 24 Saacadood kadib weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee shalay lagu qaaday Xarumaha Wasaaradda Amniga iyo Gudaha oo ku taalla Otta Otta ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Ganacsade la sheegay in uu ajnabi ahaa oo caawa lagu toogtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu dilay nin la sheegay in uu ahaa Ganacsade ajnabi ah.

Ganacsadahan ajnabiga ahaa ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Yemen, kaa oo lagu toogtay meel aan sidaa uga sii fogeyn Isgooska Debka ee wadada Makka Al-Mukkarama.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dilka ay geysteen maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado waxa uuna dilka dhacay xili ninkaasi uu ku sugnaa goob uu ku iibiyo waxyaabaha farshaxanka oo ku taalla dhabarka dambe ee Colow Taawar.

Ciidamada xasilinta ayaa goobta ku qabtay dhowr qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayen dilka Ganacsadaha.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada dilka Ganacsadaha ajnabiga ah, waxa uuna dilkaani qeyb ka noqonayaa dilal maalmahaani ka dhacaayay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Afhayeenka wasaaradda amniga oo weerar culus ku qaaday madaxda dowlada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xildibaan ayaa afka furtay isagoo is weydiiyey sida ay ku dhici karto in weerarkii shalay oo kale uu dhaco iyadoo wadooyinka xiran yihiin, dadkuna mari la’ yahay.

Afhayeenka ayaa weerar ku qaaday madaxda dowladda isagoo ku sheegay in mar kasta la doorto tuugo boorso wadata oo aanu jirin qof isku casilaya xil uu gudan waayay, wuxuuna intaas ku daray in 11 bilood oo uu aha afhayeenka Wasaaradda Amniga aanu mushaar qaadan, isla markaana uu leeyahay 13 caruur

“Sidee suura gal ku noqotay in shalay Qarax uu dhaco, sidee baabuurka uu ku yimid meeshaiyadoo magaalada qad cagaaran uu ka jiro, ma arkin Hoggaamiye fuliya balan-qaadka shacabka, hadana maalin kasta aad u sacbisaan”ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Waxaa uu sheegay in mar walba la doorto Madax tuugo ah oo boorso wadata oo ka adeeganeysa shacabka, isla markaana aanay jirin qof isku casilaya xil uu gudan waayay.

Afhayeenka C/Casiis Xildhibaan oo ku faanay inuu heysto dhalasho ingiriis ah oo haddii ay wax ka dhacaan uu ka dhoofayo garoonka Muqdisho, isla markaana ay caruurteydiisa biileyso Boqoradda Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Erdogan oo madaxweyne Farmaajo uga yeeray Istanbul + Ujeedka

Muqdiaho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu u kictamo magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Jabouti ayaa u sii gudbaya dalka Turkiga si uu uga qeyb galo Caleemo saarka Madaxweynaha Turkiga.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Turkiga ayaa ku qotoma ka qeybgalka Munaasabada Caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah Madaxweynayaasha dalalka carbeed ee casuumaada ka helay Erdogan waxaana la filayaa in maalinta Berrito ah ay ka dhacdo dalka Turkiga,waxana ka qeybgeli doona madax badan oo ka mid ah saaxiibada dalka turkiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in caleemasaarka dhigiisa Turkiga uu ka jeediyo Khudbad dardaaran ah oo ku saleysnaan doonta gudashada mas’uuliyada saaran.

Dhinaca kale, Erdogan ayaa marti galiyay ku dhawaad lix Madaxweyne oo afrikan ah kuwaa oo siyaasad ahaan aad ugu dhow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Hantida ERDOGAN oo si rasmi loo shaaciyey mana aamini doontid tiradeeda

Ankara (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Turkiga ee dhowaan loo doortay Recep Tayyip Erdogan mar kale xilka ayaa la shaaciyay hantida uu heysto, sida uu qoray Wargeyska rasmiga ah ee dowladda Turkiga.

Hantida uu shaqsi ahaanta u leeyahay Madaxweyne Erdogan ayaa lagu sheegay inay gaareyso 6,347,000 (Lix Milyan, Saddex boqol, afartan iyo toddoba kun) oo ah Liiraha dalka Turkiga oo u dhiganta lacag dhan $300,000 oo doolar, waxayna lacagtani kala taallaa ilaa saddex Banki oo Turkiga ku yaalla.

Lacagtan ayaa ah mid aad u yar marka loo eego maqaamka madaxweyne Erdogan, lalana barbardhigo madaxda kale ee dunida.

Waxaa kaloo la sheegay in madaxweyne Erdogan uu Dhul beereed ku leeyahay Gobolka Riza ee dalka Turkiga, kasoo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 2600 oo doolar, iyo Guri uu ku leeyahay magaalada Istanbuul oo qiimihiisu dhan yahay ku dhowaad 200-kun oo Doolar.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxaa hantidiisa ka mida Gaari nooca AUDI A8 oo qiimihiisu yahay 50,000 doolar, waxaana xusid mudan in wargeyska dowladda Turkiga uu sheegay in Madaxweynaha Turkiga lagu leeyahay lacag deyn ah oo dhan 420-kun oo Doolar, waxaana lacagtaasi ku leh ganacsadaha Mohame d Gour.

Saxaafadda Reer Galbeedka ayaa hore u baahisay in madaxweyne Erdogan uu yahay hantiile lacagtiisu gaareyso 58 Milyan oo Doolar, waxaana la tilmaamay Qasriga ugu weyn White Palace ee uu dhisay Erdogan.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

Kenya oo xafiis diblomasi [safaarado] ka furaneysa Kismaayo iyo HARGEYSA

Nairobi (Caasimada Online) – Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay 16 xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso 16 wadan oo Afrikaan ah saddexda sannadood ee soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Kenya furanayso 16 xafiis diblomaasiyadeed oo mid ka mid ah ay ka furan doonto magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland.

Magaalooyinka Afrika ee ay xafiisyada ka furanayso ayaa waxa gobalka Geeska Afrika ku yaala saddexda magaalo ee kala ah Hargeysa, Djibouti iyo Kismaayo. Xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Ms. Monica Juma oo ka hadlaysa sababta ay Kenya xafiisyada u furanayso waxay tidhi

“Diblumaasiyaddayadu waxa ay ka shaqaynaysaa dedaalka aanu ku xoojinayno aqoonsigayaga / ahaanshiyahayaga gaarka ah, higsigayaga qaran iyo qarannimadayada, kagana ilaalinayno faragelinta shisheeye ee iman karta. Halka aanu dhinaca kalana ka dhisayno kana xoojinayno awooddayada tartan.”

Ganacsatada Qaadka Miirooga ee Kenya ayaa dhawr goor dawladooda ugu baaqay inay xidhiidh diblomaasiyadeed oo aqoonsi gaadhsiisan la samayso maamulka Somaliland, si ay Hargeysa ugu iib keenaan qaadka oo ay sheegeen inay ku soo arkeen suuq dihin, balse u baahan tartan lala galo qaadka Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Naiorbi
[email protected] 

Nooca doorasho ee 2020 oo la sheegay in laba mid ay noqon doonto (Aqri)

Guddiga doorashooyinka Qaranka Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaya marka la gaaro 2020-ka in dalka ay ka dhacdo doorasho dadweyne oo labo nuuc midkood noqon doonta balse  wali aan go’aan laga gaarin.

In go’aan laga gaaro nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto 2020-ka waxey u baahantahay marka hore in la soo dhameystiro sharciga doorashada oo wali guddiga doorashooyinka oo kaa shanaya hay’ado dowli ah iyo kuwo aan dowli aheyn ay ku howlanyihiin.

Labo Nuuc oo doorasho ayaa la filayaa in ay dalka ka dhacdo kuwaa oo kala ah (Proportional Representation)  nidaamka Isku dheelatiran iyo (Majoritian) oo ah aqlibiyad cod dheer .

Nidaamka Doorasho ayey u badantahay inuu noqon doono nidaam xisbi ah waana doorashada isku dheelitiran  oo qof iyo cod ah sidoo kale waana nidaamka la filayo in 2020-ka wax lagu doorto waxaana lagu maamulaa dalal badan sida Turkiga, Ciraaq Brazil, Jarmalka, South Africa, Angolo iyo dalal kale.

Weey fududahay in la hubiyo tusaale ahaan Saami qeybsiga, matalaada dadka laga tirade badan yahay,  kootada haweenka, xuduudeynta marka la joogo nidaamka doorasho ee isku dheelatirsan waxaase adag in la ogaado marka ay doorashadu tahay aqlibiyad cod dheer.

Sidoo kale waxyaabaha uu ku xunyahay waxaa kamid ah matalaada Juquraafiga, isla xisaabtanka iyo awood badan oo xisbiyada la siiyo.

15 Xisibi ayaa si ku meel gaar ah loo diiwaan geliyay walina lama dhameystirin sharciyadda waxaana harsan waqti kooban iyadoo la tabayo howlo badan oo ku saabsan in dalka loo diyaaro doorasho qof iyo cod ah, balse wali lagu howlanyahay.

Bishii Maarso Sanadii 1969-kii oo laga joogo 50 sano ayaa Soomaaliya ugu dambeysay doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doortay Mudanayaal shacabka matalaya (90 mudane gobaladii koofur iyo 33 Mudane Gobaladii Waqooyi) waxaana ay ku timid tirakoob la sameeyay xiligii gobonimada oo dhamaan lagu sameeyay deegaan doorasho 8-dii Gobal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Marka la eego baaxada ay leedahay in laga gudbo hanaanka 4.5 iyo caqabadaha waa weyn ee ku xeeran  waxeey u baahnatahay mas’uuliyad wadareed labada Aqal ee dowladda, xukuumadda, Guddiga doorashooyinka, Guddiga madaxa banana iyo shacabka.

Howlo badan ayaa horyaala dowladda gaar ahaa guddiga doorashooyinka iyo hay’adaha la shaqeeyo waxaana sidoo kale muhiim ah in ay xoogga saaraan  dariiqooyinka ugu haboon ee dadweynaha lagu gaarsiin karo laguna fahansiin karo sharciga doorashooiyinka si looga hortago qalalaase siyaasadeed oo dalka uu galo iyagoo tagaya deegaano kala duwan oo katirsan Gobalada dalka.

Arday jaceyl uu u qaaday haweeney xildhibaanad ah ku muteystay XABSI

Kampala (Caasimada Online) – Dowlada Uganda ayaa xabsi dhigtay arday la sheegay inuu Jaceyl u qaaday haweeney ka tirsan Xubnaha Barlamaanka dalkaasi.

Ardaygan oo lagu magacaabo Brian Isiko ayaa lagu xukumay xabsi laba sano ah, waxa uuna maxkamada ka hor qirtay in jaceylka uu u qaaday haweeneydaas uu sababay in interneedka uu u mariyo hanjabaad ka dhalatay Jaceylka.

Qoraalka hanjabaada oo lahorgeeyay Maxkamada ayaa waxaa ka muuqday erayo adag oo lagu soo celcelshay kuwaa oo qalqal amni galiyay haweeneyda laga soo doortay degmada kabalore Sylvia kwabwoogo.

Waxa ay iyana haweeneydan maxkamada ka hor sheegtay in ay markii hore qiyaali la aheyd sheegashada ah in wiilkasi uu u qabo jaceyl, hase yeeshee markii danbe ay rumeysatay kadib markii ay kala kulantay hanjabaad xunbaarsan jaceyl.

Sidoo kale, waxa ay maxkamada ka hor cadeysay in ay seexan weyday markii ay aragtay fariin ah in uu u dhimanayo jaceylka uu u qaaday hadii ay diidana uu dili doono.

Kiiskan jaceylka iyo hanjabaada u dhexeeya ayaa dalka Ugandha ka noqday mid hadal heyntiisu badan tahay, waana kiis ay ku wareertay maxkamada.

Dhinaca kale, Maxkamada oo xadgudub siyaasi u aragta kiiska ayaa xukun laba sano ah ku riday ardaygan lagu magacaabo.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
[email protected]

Abiy Ahmed oo maanta ku wajahan magaalada Asmara ee Eritrea

Ra’isal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa booqasho lama filaan ah ku tagaya dalka Eritrea maalmo uun ka dib markii labada dal wadahadallo ay ku soo af jarayaan colaaddii labaataneeyaha sanadood ka taagnayd soohdinta u dhaxaysa ay bilaabeen.

Wuxu noqonayaa hogaamiyihii u horreeyey ee Itoobiya ee booqasho ku taga Eritrea markii ugu horraysay muddo labaataneeyo sannadood ah oo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal go’naa.

Bishan horaanteedii, ayaa Ra’isal Wasaaruhu waxa uu qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Eritrea oo Addis Ababa tagay. Tallaabadaas oo daba socotay ballan qaadkiisii ahaa in uu aqbalayo heshiiskii nabadeed ee Eritrea u gooyey dhulka la isku haystay.

Heshiiskaa oo ay gaadheen gudidii loo saaray khilaafka xadku sannadkii 2002-dii, ayaanay si rasmi ah Itoobiya hore ugu aqbalin.

Eritrea waxay xorriyadeeda ka qaadatay Itoobiya sannadkii 1993-kii ka dib 30 sannadood oo dagaal ay kul jirtay, hase yeeshee shan sanadood ka dib ayaa dagaal ka qarxay xadka labada dal u dhexeeyaa oo waxa ku dhintay kumanaan qof.

Ilaa iyo markii uu awoodda la wareegay bishii Abriil, Abiy waxa uu ku tallaabsaday isbedello waawayn oo ay ka mid yihiin in uu oodda ka qaaday kumanaan maxaabiis ah, waxa uu laalay xaaladdii degdegga ahayd ee dalka saarrayd waxaanu sidoo kale shaaciyey in dhaqaalaha waddanka uu furfuri doono.

Source: BBC

Shirkadaha Isgaarsiinta oo beeniyay qoraalkii wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – War Saxaafadeed kasoo baxay qaar kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta dalka ayaa lagu beeniyay qoraal uu dhawaan soo saaray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta uu ku sheegay in Shirakadaha Isgaarsiinta kala tashtay sameynta Guddiga Isgaarsiinta Qaranka.

Waxa ay cadeeyeen Shirkadaha soo saaray War Saxaafadeedkan in aan wax wada tashi ah lagala sameyn sameynta Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, waxa ayna sheegeen in Wasiirka dhagaha ka fureestay talooyin iyo baaqyo ay horey ugu jeediyeen .

Moqdisho, Luulyo 07, 2018 Kadib markii uu Wasiirka Boostada, IsgaarsiintaTeknoolojida uu shir saxaafadeed qabtay taariikhdu markay ahayd 3dii Luulyo 2018, isagoo ka hadlaya dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Maamulkeeda Sare (Board of Directors) waxay Shirkadaha Isgaarsiinta ee kor ku xusan cadaynayaan in ay ayaan darro tahay sida Wasiirku uu wali ugu adkaysanyo tillaabadii khaladka ahayd ee uu ku magacaabay Guddiga Isgaarsiinta Qaranka.

War saxaafadeedka Wasiirku ayuu ku sheegay in magacaabidda guddigaas uu u maray waddadii saxda ahayd, uuna la tashaday dhinacyada uu sharcigu dhigay kala ah dawladda, dhinacyada Isgaarsiinta (Sectorka) iyo bulshada rayidka ah & bahda garyaqaanada. Arrinkaas waa waxba kama jiraan, Shirkadaha Isgaarsiintuna waxay mar kale cadeynayaan in aan wax wadatashi ah lala yeelan. Wasiirkana waxaa looga baahan yahay in uu keeno caddaymaha uu sheegtay in uu hayo ee muujinaya in wadatashi dhacay.

Waxa wax aad loola yaabo ah in Wasiirku sheego in uu diyaar u yahay in wixii khalad ah la xaliyo sida uu war-‐saxaafadeedka ku sheegay isla markaana uu dhagaha ka furaysto:

1-Talo soo jeedintii toosneyd ee Wasiiru dawlaha oo ahayd in wixii khaldan si wadajir ah loo saxo oo miis la soo wada fariisto.

Cabshada iyo qaylo dhaanta baahsan ee ka timid dhammaan Sharikadaha Isgarsiinta marka laga reebo dhawrka uu mugdiga kula heshiiyay.
Waxaa marag ma doonto ah oo aan caddeymo waafi ah u haynaa in Guddiga Isgaarsiinta Qaranka uu yahay mid gacan ku rimis ah oo dhismihiisa uu Wasiirku la kaashaday hal shirkad oo kaliya.

Sidaas darted waxaa noo muuqda in dhismaha guddigaas uu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay oo u adeegaya dhinacyo gaar ah, taasna waa mid aad uga fog ujeeddadii laga lahaa guddigaas oo ahayd in uu noqdo guddi dhexdhexaad ah

ilaaliya danaha qaranka & bulshada isla markaana uu si siman ugu shaqeeyo una dhex dhexaadiyo sharikadaha ku tartamaya adeegga isgaarsiinta.
Shirkadaha Isgaarsiinta waxay aad ugu xunyihiin jahawareerka sharciyeed ee uu abuuray Wasiirka ee ku aadan Sharciga Isgaarsiinta, isagoo qoraaladiisa iyo War-‐ saxaafadeedka ku xusay kuna soo celceliya in ay kala duwan yihiin nuqulkii sharcigii Isgaarsiinta ee ku soo baxay Faafinta Rasmiga ah iyo kii ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka, isla markaana iska fogeeyay mas`uuliyada sixitaanka khaladka jira, isagoo sheegay in ay u taalo xafiisyo kale!!

Shirkadaha Isgaarsiinta waxay dareensan yihiin ahmiyada Sharciga Isgaarsiinta iyo dadaaladii loo soo galay hirgalintiisa, waxaana ka digayaan in aanan mugdi la galin jiritaankiisa sharcinimo iyadoo dano gaar ah la leeyahay.

Ugu dambayn annaga oo ah Sharikadaha Isgaarsiinta ee kor magacyadoodu ku xusan yihiin waxaan talo ahaan u soo jeedinaynaa in Wasiirku uu u hoggansamo sharciga, qaatana talooyinkii ay soo jeediyeen dhamaan dhinacyada ay khusayso arintan ee uu ugu horeeyo:

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka

Akhriso: Magacyada qaar ka mid ah mas’uuliyiinta DF uga dhintay weerarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar ismiidaamin iyo mid toosa oo maanta lagu qaaray Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia oo ku taal isgooska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa Waaxyaha Wasaarada, Askar iyo shaqaale kale oo ka tirsan Wasaarada.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka uu kamid ahaa Maxamed Axmed Ilkacase oo mar soo noqday Xoghayaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Sidoo kale  Liibaan Cusmaan oo ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaarada iyo sidoo kale Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaaradda uu ku dhaawacmay kaas oo lagu Magacaabo Siyaad.

Inta badan Xarunta ayaa waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada NISA oo ku sugan qeybaha sare iyo banaanka Wasaarada waxaana dhacaaya rasaas aan sidaa usii badneyn.

Dhinaca kale, waxaa suuragal ah in waxyeelada shaqaalaha Wasaarada ay intaa kasii badato waxaana weli socda gurmad.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Aqri: Waa sidee xaaladda wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo Hubeysan ayaa weerar ku bilowday qarax ismiidaamin ah ku qaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo midda Amniga oo ku shaqeeyo hal xarun.

Haddaba Caasimadda Online ayaa soo ogaatay Xaaladda Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.

Sida ay shaqaale ka tirsan Wasaaradda noo xaqiijiyeen Wasiirka ayaa Wasaaradda ka maqnaa waqtiga uu dhacayey Qaraxa.

Sidoo kale waxaa Wasaaradda Amniga ku sugnaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Maxamuud Boonow.

Sida ay wararkii ugu dambeeyey Sheegayaan Wasiir Boonow ayaa laga saaray Xarunta Wasaaradda gaar ahaan qeybta dambe.

Sodoo kale shaqaale badan ayaa xarunta laga saaray inkastoo ay jiraan kuwa kale oo dhibaato ay kasoo gaartay qaraxaas.

Qaraxa labaad ayaa khasaaro xoog leh geystay, waxaana weli la heyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Rasaasta laga maqlayey wasaaradda ayaa hadda xoogaa yaraatay, waxayna u muuqataa in Wasaaradda ay la wareegeen Ciidamada Dowladda.

lama ogo haddii la dilay ciidamadii weerarka soo qaaday iyo haddii ay weli ku jiraan, wixii soo kordhana waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah.

 

Wararkii ugu dambeeyey weerarka xarunta Oto Oto iyo shaqaale geeriyooday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taal xarunta 888 ama Oto Oto ayaa sheegayo inay socoto rasaas culus oo u dhaxeyso ciidamadii weerarka soo qaaday iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Sida ay noo xaqiijiyeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha inta badan shaqaalihii wasaaradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa badbaaday kadib markii ay ka boodeen qeybta dambe ee wasaaradda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarunta Wasaaradda,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxaas.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha  oo lagu magacaabo Ilkase isla markaasna ahaan jiray xogheyntii Odawaa ayaa la xaqiijiyey in uu geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa jiro gabar ka tirsaneyd wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dabaqa iska soo tuurtay isla markaasna sidaas ku geeriyootay.

Waxaa jiro dhaawac kale oo soo gaaray Shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha mana jirto ilaa hadda tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhacay Wasaaradda.

Qarax labaad oo Muqdisho ka dhacay iyo maleeshiyo gudaha u galay wasaarada arrimaha gudaha

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax labaad jugtiisa ayaa markale goordhow la maqlay kaas oo ka dhacay meel aan ka fogeyn halka markii hore uu ka dhacay ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha,waxana sidoo kale weli dhaceysa rasaas.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan oo gaaraya ilaa Saddex ay gudaha u galeen Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla Xaruntii hore ee Oto Oto oo ku dhegan isgoyska Sayidka.

Warakii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inuu dagaal culus dhex marayo ciidamadi gudaha u galay iyo kuwa ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Jidadka Makka Al-Mukarama ayaa la xiray iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan qaraxyo kale, waxaana lama filaan noqotay in la galo wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ah meel aad loo ilaaliyo isla markaasna aan loo ogoleyn baabuur aan aheyn kuwa dowladda.

Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Oto Oto ayaa ku dhow nawaaxiga isgoyska Sayidka, halkaasoo ay taal Koontarool ay ku sugan yihiin Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waana koontaroolka ugu horeeya ee laga sugo amniga Madaxtooyada.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa aheyd mid deganeyd bilihii la soo dhaafay, iyadoo bishii Ramadaan aanay magaalada ka dhicin qaraxyadii dhici jiray, kaddib markii ciidamada ammaanka ay adkeeyeen ammaanka magaalada.

Uurada qaraxa ayaa cirka isku-shareertay,waxaana sidoo kale ku sii qul qulaya Gawaarida gurmadka deg dega ee ambalaasta.

Wuxuu warar ah ee kusoo kordha waa indinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Xog: Wasiiro ka socday DF oo xalay la kulmay Qalbi Dhagax (Yaa ka mid ah?)

Nairobi (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, oo horey ay dowladda ugu gacan gelisay Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysa in xubnaha ka socday dowladda uu hogaaminayey wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad, oo kasoo jeeda beesha Qalbi-Dhagax ee Ogaadeen. Waxaa ku wehliyey xildhibaano iyo wasiiro ku xigeeno.

Xubnaha dowladda ayaa waxaa sidoo kale wehliyey siyaasi Farax Macalin oo horey Barlamanka Kenya Afhayeen uga soo noqdey, islamarkaana ka mid ah taageerayaasha dowladsa Soomaaliya.

Faarax Macallin, oo aad ugu dhow Villa Somalia, ayaa la rumeysan yahay inuu kasoo shaqeeyey kulanka, islamarkaana ka dhaadhiciyey in Qalbi Dhagax aqbalo la kulanka mas’uuliyiinta ka socotey dowlada Federalka.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa kulanka looga hadlay iyo wixii kasoo baxay midna.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaal xooggan oo ay ku yaraneyso dhaawaca kasoo gaaray sii daynta Qalbi-Dhagax, waxaana suurtagal ah in labada dhinac ay gaaraan heshiis.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxay kala kulantey Culeys siyasadeed soo daynta Qalbi Dhagax iyadoo hadal dhowaan uu jeediyey safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Muqdisho ku sheegey in sii daynta sarkaalkaan ka tirsanaa ururka ONLF timid kadib markii codsi kaga yimid wadankiisa Villa Somalia.

Cabdikarim Shiikh Muuse ayaan weli cadeyn dadkii ka dambeeyey dhiibistiisa isagoo hadal kooban uu ka jeediyey Addis Ababa aan si faahfaahsan u sheegin qabashadiisa iyo shaqsiyaadkii ka shaqeeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]  

Mareykanka oo JABUUTI kala saftay shirkadda DP World iyo IMAARAADKA

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay in shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta weyso saamiga ay ku laheyd Dekadda Doorale ee dalka Djibouti.

Mareykanka ayaa sheegay in dhabar jab iyo qorsho xumo ay u horseedi doonto, haddii Jabouti ay dekadaheeda u gacan galiso dowlada Shiinaha oo awoodeeda ganacsi kusii baahineysa Africa.

Mareykanka ayaa aad uga soo horjeeda in dowlada Shiinaha ay la wareegto dhismooyinka iyo Dekadaha qarada madow ee Africa, waxa ayna Jabouti ku dhaliishay inay ku tacadisay shirkada DP World.

Bradley Byrne oo ah Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa sheegay in arrin aad u fool-xun ay tahay in DP World laga faramaroojiyo maamulka Dekadda Doorale ee dalka Jabouti.

Bradley Byrne waxa uu sheegay in dhibaato kusoo fool leh ay tahay dadaalka uu Shiinaha ugu jiro la wareegida Africa, waxa uuna ku baaqay in laga fogaado la midoobida Shiinaha.

Bradley Byrne ayaa sidoo kale sheegay in hoos u dhac uu ku imaanayo saameynta uu Mareykanka ku leeyahay qaarada Africa, waxa uuna ku baaqay in Jabouti ay u dhago furto DP World.

Sidoo kale, waxa uu Xildhibaan Bradley Byrne cadeeyay inay qaadi doonaan ololo kadhan ah dowlada Shiinaha, si looga xakameeyo Africa.

Shirkada DP World oo laga soo eryay Dekadda Doorale ee dalka Djibouti, ayaa ku dadaaleysa sida ay dib ula wareegi laheyd Dekadaha kale ee Jabouti.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

Dhageyso ururka ONLF oo sheegay in Qalbi Dhagax uu tagayo Somalia marka…

Asmara (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa ka hadlay qorshaha Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax, oo hadda Nairobi ku sugan iyo haddiii laga yaabo inuu tago dalka Soomaaliya, oo ah halkii dowladda Ethiopia looga dhiibay sanad ka hor.

Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in Qalbi-Dhagax uusan Soomaaliya ku laaban doonin inta dowladda iminka jirta ee madaxweyne Farmaajo ay dalka maamuleyso.

“Dowladda hadda jirta waa tii gacanta u gelisay Qalbi-Dhagax, mana tagayo dalka illaa ay meesha ka baxaan” ayuu Hirmooge ku yiri wareysigiisa.

Hirmooge ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid amarada ka qaadata, oo casharada looga meeriyo safaaradda Ethiopia ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Hirmooge waxa uu soo dhoweeyey go’aanka dowladda Ethiopia ay ONLF uga saartay liiska argagixisada, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in golaha wasiirada Soomaaliya ay ONLF horey ugu sheegeen urur argagixiso.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal sii daynta Qalbi-Dhagax, waxaana jira warar sheegaya inay waddo dadaallo ay kula xiriireyso Qalbi-Dhagax, si wixii horey u dhacay ay uga qanciso.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Somalia oo laga yaabo in sannadkan aan XAJKA laga aadin hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu jiro khilaaf dhinaca duulimaadka oo u dhexeeya diyaaradaha sanadkan Xujeyda Soomaaliyeed u qaadaya dalka Sacuudiga, ayaa waxaa soo baxaaya digniin laga muujinaayo khilaafkaasi.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa sheegay inuu aad uga cabsi qabo in khilaafkaasi uu saameyn xoogan ku yeesho Soomaalida.

Waxa uu tilmaamay in murankaasi uu sababi karo in gabi ahaan dowladda Sucuudigu ay mamnuucdo diyaaradaha ka imaanaya Soomaaliya, maadaama qaarkood aysan ka diwaangashaneyn dalkaasi.

Xildhibaan Dalxa ayaa ka digay in sanadkan Xujeyda Soomaaliyeed ay ka baaqdaan gudashada Acmaasha Xajka, waxa uuna dowlada Somalia ugu baaqay inay yareysato khilaafka jira.

“Dowlada waxaan u sheegayaa inta ay wakhti xun oran laheyd sidaa ma fileynin waxaa hada u furan inay xal u raadiso khilaafka jira oo sabab u noqon kara in sanadkaan aan Somalia laga aadin xajka”.

Sidoo kale, Dalxa ayaa tilmaamay inuu aad u dhaliilsan yahay sida jilicsanaanta leh oo dowlada Somalia ay ku dooneyso inay ku xoojiso wada shaqeynta Sacuudiga, xili ay dhibaatooyin xad dhaaf ah Soomaalida u cibaada doonta Sacuudiga la kulmaan.

Haddalka Dalxa ayaa u muuqanaaya mid wakhti hore lagu sii baraarujinaayo dowlada Somalia oo caajis uu ka heysto xalinta khilaafka duulimaadyada Somalia ee Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Sawirro: Ciidamo beeleed taageeraya Puntland oo ku biiray dagaalka Tukaraq

Tukaraq (Caasimada Online) – Ciidamo oo hor leh oo ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay gaareen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo xiisad colaadeed ay ka taagan tahay.

Ciidamadaan ayaa waxaa Puntland ku wareejiyey mid ka mid ah beelaha dega deegaanada Puntland, waxaana kala wareegay guddiga difaaca Puntland, kuwaas oo maalmahaan ku sugnaa deegaanka Tukaraq.

Qaar ka mid ah golaha wasiirada Puntland oo ka mid ah guddiga difaaca Puntland oo munaasabada wareejinta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadaas ay ka qeyb qaadan doonaan xoreynta gobolka Sool.

Xildhibaano iyo waxgaradkii ciidamada wareejiyey ayaa waxa ay sheegeen in ay go’aansadeen in ciidamadaas ay ka mid noqdaan ciidamada difaaca Puntland, isla markaana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dagaalka Puntland ay kula jirto Somaliland.

Somaliland oo qaadeysa tallaabo middii maamulka killinka shanaad la mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dadaalka uu maamulka Soomaalida Ethiopia kusoo saartay shidaalka.

Somaliland ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin dadaalka ay DDSI kusoo saarteen shidaalka, waxa uuna maamulku tilmaamay in rajo ay ka qabaan in dhankoodana ay kasoo saartan shidaal lamid ah kan DDSI.

Wasiirka wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa sheegay in waxbadan ay ka faa’iidi doonaan shidaalka laga soo saaray dhulka Soomaalida.

“Shidaalka laga helay dhulka Soomaalida waxaan ka faa’iideysan doonaa in anaguna aan ku dayano misna soo saarano shidaalka ku jira dhulkeena”.

“Waxa ay soo saaristaasi noo muujineysaa in dhulkeena Somaliland isna laga helaayo shidaal maadaama dhul aan sidaa nooga fogeyn laga helay shidaalka Soomaalida Ethiopia”

“Waxaan si dhow uga faa’iideysan doonaa ka iibsashada maadaama aanu dhibaato badan u mareynin soo gurista fuustooyinka shidaalka”

Sidoo kale, Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa cadeeyay in maamulka DDSI uu talaabada soo saarashada shidaalka ku dhiiri galiyay Somaliland, waxa uuna cod dheer ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo saran doonaan shidaal.

Somaliland ayaa sheegtay inay horay usii heysteen sahmin ku aadan dhanka dhulalka laga heli karo shidaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]