26 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: Nin qaab cusub ku dawarsan jiray oo lagu helay fadeexad culus

Xeelladaha ay qaar ka mid ah dadka dawarsada adeegsadaan ayaa ah kuwo aan si fudud lagu ogaan Karin, maadaama uu qof kasta oo wax haysta u beer debco haddii ay arkaan dad masaakiin oo ka dhex tuugsanaya Xaafadaha iyo Suuqyadda.

Laakiin, Caasimadda dalka Uganda ee Kampala waxaa dhawaan lagu qabtay Darwarsade been ah “A fake beggar”.

Hadal ka soo baxay Boliska magaalladda Kampala ayaa sheegay inay qabteen Dawarsade Beenaale ah, kaasi oo lacag weydiisan jirey dadka aan ka shakanin ee jidka maraya.

Saraakiisha Saldhigga Boliska ee Min Price Police waxay maalintii Isniintii ee la soo dhaafay gacanta ku dhigeen Ninkaasi oo iska dhigi jirey inay Gacan ka go’an tahay. Isagoo mid ka mid ah gacantiisa ku duubi jirey wax u muuqday dhar u muuqaal ek Faashad, si uu isaga dhigo inuu Gacameey yahay.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Shafik Bakulu Mpagi waxay Boliska qabteen, kadib, markii uu u soo fara muuqay qof Saaxiib dhow la ahaa, kaasi oo arkay saaxiibkiisa oo ka dawarsanaya halka laga galo Suuqa Mukwano Arcadeee magaalladda Kampala.

Boliskii waxay tageen halkii Ninkaasi loogu tilmaamay, waxayna ku amreen inuu gacantiisa ka furo dharka uu ku duubay, waxaana la ogaaday inuusan Gacameey ahayn.

Dadkii ku soo xoomay goobtaasi waxay naxdin ka qaadeen xeelladda uu ninkaasi ku dawarsan jirey.

Boliska waxay sheegeen inuu Shafik Bakulu Mpagihaatan ku xiran yahay Saldhigga Boliska ee Mini Price Police Station, laguna soo oogay inuu shacabka khiyaani jirey.

WQ: Ustaad Nuradin

Kulankii Xasan Daahir iyo Ictisaam oo DALAB culus lagu hordhigay DF Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa asbuucii ugu dambeeyey socday kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeyey Kooxda Ictisaam iyo Kooxaha kale oo ay kamid tahay Kooxda Xisbul Islaam iyadoo laga wada hadlayey sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Xisbiyadaan ay ku midoobeen culumo Soomaaliyeed ayaa doonayo in wax laga badalo hab qeybsiga dowladda Soomaaliya.

Xasan Daahir Aweys Xassan Dahir Aweyns oo ka mid ahaa dadka qadka telefanka ugu qayb-galay kulamadaas ayaa sheegay in wadanka jihaad lagu xuriyay isla markaasna ay tahay in dadkaas wax laga siiyo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay xoreynta dalka u dhinteen Mujaahidiin badan isla markaasna ay dagaal la galeen dad badan oo doonayo inaan Soomaaliya lagu xukumin Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii aysan jirin laheyn Mujahidiinta naftoodii iyo maalkoodii u huray dalka lana dagaalay cadowga itoobiyaanka iyo hoggaamiyo kooxeedyadii dalka xukumi jiray, waqtigaan dalka Soomaaliya wuxuu gaanta ugu jiri lahaa gumeysi aan raali ka aheyn in dalka la xukumo Shareecada Islaamka” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Dhanka kale Shiikh Bashiir oo kamid ahaa dadkii ka qeyb galay kulankaas ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in culimada lagu daro dowladda Soomaaliya si looga baxo dhibaatada dalka ka jirto sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in waqtigaan la joogo ay tahay in Ra’isulwasaare la siiyo culimada Soomaaliyeed si ay wax uga badalaan dalka.

“Wanaagga hadda la gaaray waxa lagu gaaray iskaashi labada dhinac ah, markii Madaxweyne laga soo xusho culumada waxa uu magacaabi jiray Ra’isal wasaare dhanka kala soo jeedo, labadana waa la isku waday, waxaa hadda la jooga xiligii Ra’isal Wasaare ka soo jeeda koox diimeedyadda la magacaabi lahaa, taasoo suuragal ka dhigayso in si wada jir ah loola dagaalo kuwa nabad diidka ah”  ayuu yiri sheikh Bashiir.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa ka hadlay culimo badan kuwaas oo ra’iyi ahaan soo jeediyey in culimada jaanis la siiyo si ay dalka wax uga badalaan.

Xasan Daahir Aweys ayaa ku jiro xabsi guri, wuxuuna ilaa hadda diidan yahay inuu badalo mowqifkiisii hore, wuxuuna xabsigaas ku jiraa ilaa waqtigii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

Geelle hadal culus ka yiri waddada ay Soomaaliya ku socoto iyo bixidda Amisom

Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya ee amaanka iyo siyaasadda waxa uuna madaxda Dalka ku amaanay dadaalada ay wadaan ee soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay iney Soomaaliya ka soo kabaneyso Dhismaha Ciidamada, Amaanka, Siyaasadda iyo dhaqaalaha markii loo eego sanadihii dambe iyo dadaalada ay sameeyeen madaxda isbadashay isagoo sheegay in la joogo waqtigii la garab qaban lahaa xaaladda soo kabashada ah.

“Wadadii isku filnaanshaha ayey ku socotaa, waxaana soo kabanaya dhismaha Ciidamada oo ay tahay iney la wareegaan amaanka dalkooda waana annaguna inaan ku taageernaa xaaladaasi wanaagsan ee muuqata, waa la gaaray waqtigii ay AMISOM ku wareejin laheyd amaanka dalkooda Ciidamada Soomaaliya laakiin waxay u baahan yihiin in dhaqaalo lagu taageero” ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Geelle ayaa ka hadlay qorshaha AMISOM looga saarayo Soomaaliya, iyo natiijada ka dhalan karta maadaama weli falal amnidarro ka dhacayaan gudaha dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hore dhowr mar uu sheegay in ciidamada shisheeye uusan dalka Soomaaliya waxba u tareyn laakin loo baahan yahay in u  dhis lagu sameeyo Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in AMISOM dhaqaalo badan uu ku baxo laakin ay u baahan tahay in waqti yar lasiiyo si Ciidamada dowladda Soomaaliya ay awood ugu yeeshaan in ay la wareegaan amniga Guud ee dalka.

Waxa uu ugu baaqay Dowladaha dhinaca dhaqaalaha ka taageera AMISOM in ay siiwadan taageerada dhinac walba si waqtiga yare e u harsan ay u dhameystaan.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale ka hadlay Arimaha ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobalka SOOl oo ay ka jirto xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland isagoo labada dhinac ka dalbaday iney ka caqliyeeystaan dagaal qabiil oo ay umidoobaan Danaha iyo Mustaqbalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

Xog: Imaaraadka Carabta oo xarumo SIRDOON ka dhex dhisaneysa Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya maamulka Puntland ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay iminka xarumo sirdoon ka dhex dhisaneyso Puntland.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Xarumaha cusub ay Imaaraadka ka dhex dhisanayaan qeybo kamid ah Garoonka magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka, halkaas oo amnigeeda aad loo adkeeyay.

Xarumaha ayaa la xaqiijiyay inay ka howlgali doonaan qaar kamid ah Saraakiisha Sirdoon iyo kuwa Militery ee dhawaan Dowlada Somalia ka erisay magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah qalabka loogu tallo galay in looga dhex shaqeeyo Xarumahaasi ayaa laga dajiyay  magaalada Garoowe, waxaana iminka halkaa ku sugan mas’uuliyiin ka socda Hay’adaha amaanka Imaaraadka iyo Khubaro ku xeeldheer istiraatiijiyada kuwaa oo qiimeyn ku sameyn doona goobaha lagu shaqeyn doono.

Dowlada Imaaraadka ayaa xarumahaani uga maarmi doonta kuwa ay ku lahaayen magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in sidoo kale ay dhaqaale xoogan ku wareejiyeen Hoggaamiyaha Puntland C/weli Gaas, taa oo la saadaalinayo in loogu tallo galay in Gaas uu uga baxo doorashada si mar kale uu usoo laabto.

Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in ka maamul ahaan aysan ka maarmi Karin dowlada Imaaraadka carabta, sidaa aawgeed aysan waxba ka khuseyn go’aank ay dowlada Somalia ka qaadatay Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa magaalada Muqdisho looga aqoonsaday inay halis ku tahay Amniga, Dhaqaalaha iyo dhinaca Horumarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

 

Wasiir xukuumada Kheyre ka tirsan oo ka hor-yimid gudiga isgaarsiinta qaranka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaciyey in uu ka soo horjeedo Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee uu dhawaan Magacaabay Wasiirka Wasaaradaas.

War qoraal ah oo uu Wasiiro dowlaha Soomaaliya Cabullaahi Bile Nuur uu u gudbiyey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur ayuu ku soo bandhigay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan taas oo uu ogeysiiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiir kuxigeenka aan lagala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana dalbaday in kulan degdeg ah la isugu yimaado, si xal kama dambeys looga gaaro muranka jira nuqulada is diidan ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, maadaama xeerka uu Madaxweynaha saxiixay iyo kan uu Wasiirka tixraacay ay is diidan yihiin.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xulida iyo magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ay door muhiim ku lahaadaan dowlad goboleedyada iyo shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah ee Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

XOG: CC Sharmaarke iyo AXMED MADOOBE oo isla wada qorshe halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid iyo Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ay iminka isla wadan qorshayaal cusub oo caqabad ku noqon kara Qaranimada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorshooyinka ay labada mas’uul isla wadaan ay kamid tahay in Dekadda Kismaayo lagu wareejiyo dowlada Imaaraadka carabta si ay uga sameyso maalgashi ka hor inta uusan dhaqan galin Heshiiska afarta dekadood oo ay kala saxiixdeen Somalia iyo Ethiopia.

Qorshayaasha labada mas’uul ay isla daadihinayaan ayaa waxaa kamid ah mashruuca dhoofinta dhuxusha in lagu wareejiyo Hay’ad laga leeyahay dalka Imaaraadka, iyadoo shaqaalaha howsha wadi doona ay noqon doonaan kuwo khaasa oo ay soo xuli doonto Jubbaland.

Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale wada dadaal lagu doonayo in deegaanada Jubbaland laga dhaqan galiyo isticmaalka lacagaha Kenya, maadaama ay sii kordheyso diidmada lacagta Sh So.

Lacagaha Kenya ee la doonaayo in isticmaalkooda laga hirgaliyo deegaanada Jubbaland ayaa waxa uu qorshuhu yahay in isticmaalkooda laga dhigo mid xor ah, iyadoo ganacsatada iyo shacabkuba ku nool deegaanadaasi ay isticmaali karaan lacagta shilin Soomaaliga ah.

Dowlada Kenya ayaa mar sii horeysay Axmed Madoobe usoo bandhigtay in deeganada maamulkiisa laga dhaqan galiyo isticmaalka lacagaha Kenya, hase ahaatee cadaadis la saray Jubbaland ayaa xiligaa sabab u noqday in la hakiyo isticmaalka lacagta Kenya.

Kenya ayaa dooneysa in lacagteeda si caadi ah looga isticmaalo Gobolada Jubbooyinka, iyadoo haddii ay taa dhacdo sharci ahaan ay meesha ka saareyso in Goboladaasi ay leedahay Somalia.

Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe, ayaa Siyaasad ahaan dhaliilsan hanaanka ay dowlada Somalia u hoggaamineyso Siyaasada Somalia, waxaana xusid mudan in labada mas’uul ay xiriir xoogan la leeyihiin dowladaha Imaaraadka iyo Kenya oo aan ku qanacsaneen isbedelada ka jira Somalia.

Sidoo kale, Imaaraadka oo ay isku dhacsan yihiin Dowlada Somalia ayaa dooneysa inay isticmaasho Cumar C/rashiid iyo maamulka Jubaland iyadoo laga faa’iideysanaayo danaha gaarka ah.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan weli ku baraarugsaneyn halista ay labadaani mas’uul u maleegayaan Qaranka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Aqriso: 7 caqabad oo DF ay xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho ka dhaxleyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa dib u xirtay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho inta ay ka dhamaaneyso 5-ta maalin ee xoriyada.

Dowlada ayaa ciidamo badan dajisay dhammaan isgoosyada magaalada Muqdisho kuwaa oo xanibay isu socodka gaadiidka raaxada iyo kuwa BL-ka oo ay raacan dadka shacabka.

Ciidamada ayaa gaadiidka dagaalka ku jaray dhex bartanka waddooyinka iyo waddooyinka laga soo fuulo laamiga Makka al-Mukarama.

Xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saameyn lixaad leh ku yeesha xoogsatada iyo ardayda, waxaana xusid mudan in xitaa xirnaanshiyaha waddooyinka ay saamey ku yeelato shaqaalaha dowlada oo aan helin waddo ay u maraan shaqooyinkooda.

Haddaba xirnaanshiyaha waddooyinka ee dhaqan u noqday Dowlada, ayaa waxaa ka dhalankara 7 arrimood oo dhibaato u abuuri kara dowlada Somalia ee aan ka fakerin danta danyarta u nolol doonta goobahooda shaqo.

HOOS KA AKHRISO 7 ARIMOOD OO KA DHALANKARA XIRNAANSHIYAHA BADAN EE WADDOOYINKA MUQDISHO

1-Kacdoono ka dhan ah dowlada iyo dadaaladeeda ku aadan xakameynta amniga.

2-Hoos u dhac ku imaada kalsoonida ay Shacabka u hayeen Dowlada sanadka iyo barka jirta.

3-Is gacanqaad dhexmara shacabka iyo ciidamada iminka ay ka dhexeyso wada shaqeynta yar.

4-In shacabka Muqdisho ay mushkilad u arkaan dowlada Somalia ee hadda jirta, maadaama dowladihii hore aysan xiri jirin waddooyinka saacado ama maalin kabadan.

5-Shacabka oo xirnaanshiyaha waddooyinka u qaadan kar caburin lagu hayo shaqooyinkooda iyo baadi-goobka nolol maalmeedkooda.

6-Mucaaradka oo maslaxad weyn u arka caburinta shacabka si ay isku tusaan dowlada iyo shacabka iminka uu xiriirka wanaagsan ka dhexeeyo.

7-Shacabka oo xirnaanshiyaha badan wadooyinka Muqdisho ka qaadi kara inay dib u milicsadaan xiliga ay maleeshiyaadka gacanta ku heyn jireen dalka oo aanu jirin cajuub.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudboon inay u daneyso shacabkeeda maadaama aanu jirin sabab xiligaan loo xiro waddooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

ERDOGAN: Quluubta kala qeybsantay ee dalkiisa ma isku soo dhoweyn karaa?

Ka dib sanad kale oo ay doorasho ka dhacday dalka Turkiga oo uu ku guulestay Erdogan, ayaa waxay u egtahay in mar kale uu dalka aad u qeybsamay.

Siday arrintani ku dhacday?

Mucaaradka rajo badan ayay ka qabeen doorashadan. Waxay sameysteen isbaheysi, waxayna rajeynayeen in taageeradooda oo la isku daray ay wiiqi doonto aqlabiyadda baarlamaaniga ee xisbiga madaxweyne Erdogan.

Doorashada madaxtinnimadana waxay ku han weynaayeen in musharrraxa xisbiga bidix dhexe ee CHP, Muharrem Ince, uu guul soo hoyn doono. Waa nin aftahan ah, kasabadayna taageero badan sanadihii dhawaa.

Qiyaasaha qaar ayaa muujinayay in ugu yaraan uu sababi doono in Recep Tayyip Erdogan inuu galo wareeg labaad oo codbixin ah.

Korarkii uu ku socday dhaqaalaha Turkiga ayaa hakad ku yimid, iyadoo qiimo dhac uu ku yimid lacagta Turkiga ee Lira taasoo ka careysiisay dad badan oo taageero u hayay Erdogan.

Erdogan ayaa meesha ka saaray rajadii ay qabeen mucaaradka. Xarunta xisbigiisa waxaa qabsaday dabbaaldegyo ballaaran ka dib markii ay soo baxeen natiijooyinka hordhaca ee doorashooyinkii madaxtinnimada iyo kuwii baarlamaaniga.

” Erdogan wax kasta ayuu nooga dhigan yahay. Dalkan ma jireen la’aantiis,” mid ka mid ah taageerayaashiisa ayaa BBC-da sidaa u sheegay.

” Argagaxisada ayaa guul darreysatay, Qaranka Turkiga ayaana guuleystay” ayuu yiri taageere kale oo xambaarsan wiilkiisa oo madaxa ku xiran maran astaan u noqotay taageerada Erdogan. “Muslimiinta dhabta ah ayaa guuleysatay,” ayuu intaasi sii raaciyay.

labo arrimood oo la yaab leh ayaa dhacay oo u sii sahlay madaxweynaha guusha uu gaaray.

Midda hore waxay tahay in iskudarka codadka musharrixiinta la tartamayay Erdogan ee Muharrem Ince iyo Meral Aksener aysan u badnayn sidii la saadaalinyay.

Mr Ince codka uu helay ee 30.7% waxay aad uga badnayd qiyaasihii la sheegayay tan iyo markii uu ololaha ku soo biiray bishii April. Isbuuciyadii u dambeeyay waxaa banaabaxyadiisa ka qeybgalayay malaayiin qof.

Balse Ms Aksener – oo lagu naaneyso dawacada– oo mar loo arkayay inay tahay khatarta ugu wayn ee soo foodsaartay Erdogan ayaa heshay codad ka yar wixii ay filaysay.

Arrinta labaad ee la yaabka leh waxay ahayd doorashada baarlamaaniga, oo xisbiga ka tirsan bahwadaagta midigta fog ee madaxweynaha ee MHP uu helay kuraas ka badan kuwii la filayay.

Hogaamiyaha xisbigaasi oo 70 sano jir ah loona arkayay inuusan taageero wayn lahayn, oo aan wax banaanbax ah qabanin ayaa ku guuleystay in xisbigiisa uu u helo codad ku filan in la sii joogteeyo aqlabiyadda uu baarlamaanka uu ku lahaa madaxweyne Erdogan.

Waxa jiray eedeymo sheegaya inay jireen wax isdaba marrin baahsan.

Intii ay tirinta codadka socotay ayaa mucaaradku waxay ku doodeen in wakaaladda wararka ee dowladda ee Anadolu, ay ku dhawaaqeysay natiijooyin iyadoo aanba santuuqyada codadka wali la furin.

Malaayiin codad ayaan la tirinin, sida uu sheegay xisbiga CHP oo su’aal geliyay halka wakalaadda warara ee ay dowladd maamusho ay ka heleysay natiijooyinka ay baahineysay.

Warbaahiinada kale ee toos u tebin jiray natiijooyinka ayaa la xiray ama la xaraashay labadii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda iyo wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa beeniyay eedeymahaasi. Erdogan ayaa uga digay mucaaradka in guuldaradooda aysan u saarinin hanaanka doorashada.

Xaqiiqadu waxay tahay in taagerayaasha Erdogan aysan sinnaba u aqbali lahayn guuldarro hadii laga guuleysan lahaa musharraxooda. Waxay u arkaan inuu yahay codkoodii. Waxay dareemayaan in xukumadihii hore ay gacan bidixeyn xoog leh ku sameeyeen.

Waxba ugama dhigna iyaga bartaTwitterka ee la xiyaray ama wariyayaal xabsiga loo taxaabay. Taa badalkeeda, waxaa iyaga wax weyn uga dhigan buundooyinka , garoomada diyaaradaha, iskuullada iyo isbitaaalada uu Erdogan dhisay oo noloshooda wax wayn ka badalay.

Dadka isaga dhaliishan ayaase u arka in hadallada qalafsan ee hogaamiyahooda ay sii fogeyneysa riyadoodii ahayd inay ku biiraan Midowga Yurub.

Dadka dhaliishan Erdogan ayaanse wali rajo beelin. Inkastoo 90% warbaahinta ay taabacsan tahay dowladda, doorashadana la qabtay iyadoo dalka uu ku jira xaalad deg deg ah, mucaardka iyo aqoonyannho badana dibad joog laga dhigay, iyadoo ay sida atahay waxay guul u arkaan in madaxweynaha uu taageero ka helay 50% shacabka dalkaasi.

“Waxaan ku hoos nool nahay xukumad fashiist ah,” ayuu yiri Selin Sayek Boke oo ah xildhibaan ka tirsan mucaaradka.

“Balse xukumadaha fashiist inta badan guusha doorashadooda ma ahan 53% ee waa 90% iyo ka badan. Marka waxay tani ku tuseysaa in xoogagga isbadal doonka ah ay wali jiraan.”

Balse hadda Erdogan waxa uu ku naaloonayaa awoodaha ballaaran ee uu ka helay dastuurka cusub ee la meel mariyay sanadkii la soo dhaafay. Waxaa ka mid ah inuu soo xuli kara wasiirada iyo garsoorayaasha. Waxay taasi ka dhigeysaa inuu yahay hogaamiyihii ugu awoodda badnaa dalkaasi tan iyo xukunkii aabihii aasaasay Turkiga ee Ataturk.

Rajadiisu hadda waxay tahay inuu sii maamulo dalkan tan iyo sanadda 2023, 100 sano ka dib markii la alkumay. Mucaaradkana waxay u tahay fursad ay boorka isaga jafaan oo ay ka shaqeeyaan qorshe kale iyo sidii ay doorashada xigta ugu guuleysan lahaayeen Erdogan.

Xigasho: BBC Somali

XAAF: Anigu ma ahi nin ka gambada waxa u roon xaqiiqdana waxay tahay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa shaaca ka qaaday in shaqsi ahaantiisa uusan caqabad ku aheyn xal u helida heshiis laga gaaro Khilaafka kala dhexeeya madaxda kale ee maamulka.

Xaaf, waxa uu sheegay in Galmudug ay soo martay dhibaatooyin ku filan, sidaa aawgeedna uusan diyaar u aheyn in xiligaan uu hormuud u noqodo Khilaaf ka taagan maamulkiisa.

Waxa uu Xaaf sheegay in isaga, Carabeey iyo Cali Gacal Casir ay isku khilaafi karaan Siyaasada balse ay ka mideysan yihiin in Galmudug la dhigo halka ay mudneyd oo ah Nabad iyo Hormar.

Waxa uu tusaale usoo qaatay waxa sababay Khilaafka waxa uuna cadeeyay inuu ka dhashay hanaanka dib leysugu shaandheynayo Golaha Wasiirada, Kuraasta ay yeelan doonto ahlusuna iyo tuhun uu sheegay in ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha baarlamaanka ka qabaan in afar sano hor leh uu ku darsaday mudad uu sii heynaayo xilka.

Wadahadalka u dhexeeya Madaxda maamulka ee ka socda magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu kusoo dhamaan doono guul waxa uuna Xaaf meesha ka saaray in khilaafka uu yahay mid ku saleysan Horumarka , balse uu yahay mid ku eg keliya Siyaasada.

“Wadahadalkeena waxa uu yeelan doona mirro dhal, anigu dan uma arko in Khilaaf aan saaxiib u noqono ama la xumeeyo Ahlusuna, sidaa darted waan isaga soo dhawaan doona halka aan hadda kala taaganahay”

Sidoo kale, Xaaf ayaa Madaxda Dowlada ku amaanay sida wanaagsan oo ay uga qeybqaadanayaan xalinta Khilaafka waxa uuna ku baaqay in la xoojiyo dadaalka lagu heshiisiinayo maamulka.

Dhinaca kale, wadahadalka Madaxda Galmudug ay ka dhexwado Wasaarada arrimaha gudaha Somalia ayaa laga muujinayaa rajo wanaagsan oo abuuri karta jawi wada shaqeyneed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Buubaa oo sheegay in DF iyo Somaliland ay ahayd inay 26-ka June ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland ay gabeen howlihii loo igmaday.

Buubaa, waxa uu sheegay in dowlada Somalia iyo Somaliland laga doonaayay in maalmaha xoriyada aawgood laga wadahadlo khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya.

Buubaa ayaa sheegay in Labada dhinac laga doonayo xurmadda todobaadka xorriyadda awgii in wadahadalladooda dib u furan, waxa uuna cadeeyay inaan la arki doonin wax dhaama isku soo dhawaanshi iyo wadahadal, sida uu hadalka u dhigay.

Buubaa, waxa uu sheegay in dowlada Somalia iyo Somaliland ay uga muuqato mas’uuliyad daro maadaama uu yiri aduunkuba uu doonayo in laga wadahadlo waxyaabaha leysku maandhafsan yahay.

‘’Wey na hursan tahay inaan ka heshiino wixii na kala geeyay, waayo adduunkuba waxa uu ahmiyad gaara u arkaa in xalka uu yahay in labada dhinac ay kawada hadlaan waxa ay isku garan la’ yihiin’’

Waxaa kaloo uu ugu baaqay Labada dhinac ka dhabeynta wadahadallada mar walba la sheego inay u socdaan Dowladda federaalka iyo Somaliland, kuwaas oo weli natiijooyin wax ku ool ah aan laga gaarin.

“Haddii la wadhadlo kolley is faham wuxuu doono ha ahaadee baa kasoo bixi kara balse waxaan qabaa in leys horfadhiisto”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney diyaar u yahay wadahadallada Somaliland si loo dhameeyo waxa jira.

Haddalka Buubaa, ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) uu ku dhawaaqay in dib loo bilaabayo wadahadalka labada dhinac.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Liis: SOMALIA oo ka mid noqotay 10-ka dal ee lagu dhibaateeyo dumarka

Dumarka oo ah halbowlaha Bulsho walba kana mid ah berimageedada ayaa waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo intooda badan kaga yimaada rabshadaha iyo dalalka ay colaadaha ay kajiraan.

Hadaba Sahan ay shaaca ka qaaday warbaahinta Thomson Reuters Foundation ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada ugu horeeya caalamka ee dumarka Lagu dhibaato waxaana ay kaga jirtaa kaalinta 4-aad.

550 Khubarro oo daraasadani sameeyay ayaa si aad ah  ugu  kuur galay arimaha dumarka iyo sida ay ugu noolyihiin dalalkooda  iyagoo baaritaan ku sameynaya tacadiyada ay la kulmaan haweenka sida: heerka kufsiga, Tacadiyada galmada Faquuqa shaqada, guurka qasabka ah , heerka dilka, faquuq dhanka dhaqanka , addoonsiga, dhibaatoyinka qoys-ka, helitaanka fursadaha nolosha muhiimka u ah sida Dhaqaalaha,Waxbarashada, daryeel Caafimaadka, Dhaqanada soo jireenka ah, iyo ka gancsiga dumarka.

Hadaba10 dal oo dhaca Qaaradaha Asia, Africa,  Iyo America ayaa noqday wadamada ugu halista badan ee dumar ku noolyiin::

1 – INDIA – Waa dalka ugu horeeyay marka loo eego tacadiyada ka dhanka ah dumarka dhowr sano oo la soo dhafay xitaa dalka India waxa uu ahaa wadanka ugu halista badan hablaha ku noolyihiin ,  dowladda India waxa ay ku celcelisay in ay ka hortageyso balse wali waa sidiisii, waxeyna ugu sii xumeyd markii Magaalada New Delhi shan rag ah ay  Bus ku dhex kufsadeen gabar ardayad ah oo markii dambena u geyriyootay kufsigaas, caro weyn ayaana ka dhalatay shacabkana waxa ay ku kaceen dowladda.

Haweenka Hindiya waxa ay la kulmaan tacaddiyo dhanka galmada ah, faquuq  dhaqanka ah, addoonsi iyo dhibaatoyinka qoys.

2 – AFGHANISTAN – kaalinta Labaad waxaa kujira dalkan Afghanistan waxaana Khubaradu ay sheegen in dumarka ku nool dalkan ay heysato dhibaato ku daba dheraatay oo ay la kulmayaan 17 sano tan iyo markii Talibanka Afghanistan ay dalkaasi dagaalada ka bilaabeen, waxaa na ay la kulmaan Dagaalka aan galmoodka ahayn sida Caafimaadka iyo ilaha dhaqaalaha.

3 – SYRIA – Dalka Syria waxa uu dagaal ka socdaa Todoba sano waxaana uu kamid yahay dalalka ugu Khatarta badan ee dumarka ku noolyihiin waxaa ku adag helidda adeegyada caafimaadka, iyagoo sidoo kale wajaha kufsi iyo dagaalo wada socda.

4 – SOMALIA – Kaalinta Afaraad waxaa kujira dalka Soomaaliya oo dagaalo sokeeye ay ka qarxeen 1991-dii,  waxaa dumarka ay la kulmaan kufsi iyo dil waxaana ku adag ineey helaan daryeel caafimaad , iyo fursado shaqo, waxaa sidoo kale dhib ku haya dumarka Soomaaliyeed Caadooyin iyo dhaqamo soo jireen ah, waxaase si gaar ah Soomaaliya ay uga mid noqotay dalalka ugu xun ee dumar dhaqaale ka sameeyaan.

Waxaa  dhif iyo nadir ah in Cadaaladda la horkeeno qofka dhibaato u geysta Dumarka ku nool Soomaaliya.

5 – SAUDI ARABIA – Boqortooyada Sacuudiga waxaa lagu dhaliilaa in dumarka aysan u ogalaan goobaha shaqada waxaana ay la kulmaan faquud,  sidaas ay tahyna waxaa u dheer in dumarka Sacuudiga ay wajahaan dhibaatooyin dhanka dhaqanka  iyo xuquudooda oo la dafiro.

6 – PAKISTAN – Wadanka lixaad oo ah Pakaistan  waxa uu sidoo kale yahay wadanka Afaraad ee dumarkooda aysan sameyn dhaqaalaha xitaa waxa ay wajahaan dumarka Pakistaniyiinta dhibaatooyin kaga yimaada dhanka dhaqanka, galmo sharci darro ah, iyo dil la yiraahdo (dil sharafeed) oo dumarka reer Pakistan la kulmaan.

7 – Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo –  Iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay xaaladaha halista ah ay ku noolyihiin Malaayiin u dhashay dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo ayaa sidoo kale waxa ay kaalinta 7-aad ka galeen wadamada ugu halista badan ee dumar ku noolyoyiin ee la kulma rabshadaha kufsiga waxaana sabab u ah sharciga oo la iska indha tiro iyo  xaaladaha nololeed oo ay ku jiraan..

8 –  YEMEN –  Dalka Yeman oo 22 Million oo qof ay ku heysato xaalado bini’aadanimo oo halis ah ayaa hadane waxaa lagu dhibaateeyaa dumarka ku nool oo wajaha kufsi iyo daryeel la’aan  waxaana intaas u dheer  caadooyin  dhaqan ah oo dumarka Yeman  dhibaato ku haya.

9 – NIGERIA – Kooxda Boko Haram oo Sagaal sano dagaal kawada dalka Nigeria ayaa geysata afduub wadareed ka dhan ah dumarka iyagoo xoog ku guursanaya waxaase dumarka Nageria ugu sii darsamay Militery-ga dalkaasi oo jirdil iyo kufsi u geysta iyadoo aysan meesha ka marneyn ka ganacsiga hablaha ku nool Nageria oo dalal kale loo dhoofiyo sida Ruushka oo kale .

10 – UNITED STATES – Dalka ugu dambeeya oo Ah Mareykanka waxa  uu noqday dalka kaliya ee 10-ka dal kaga yimaada dalalka Reer Galbeedka, dumarka American-ka ah ah waxa ay  la kulma dhibaatooyin dhanka kufsiga, tacaddiyada galmada iyo inay caddalaadda heli waayeen dumarka la kufsaday.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Email: [email protected]
Xigasho: haaretz.com

27-ka June ee dalka Jabuuti: Taariikhda 41 sano oo ah xornnimo iyo sida ay ku noqdeen “Hiil-Walaal”

Jabuuti (Caasimadda Online) – Dhulka Xeebta Soomaaliya(Djibouti) waxaa maanta loo dabaal-degayaa 41 sano guuradii ka soo wareegtay xoriyaddooda, Djibouti waa dhul iyo dad Soomaaliyeed, waa dad aanu isku dhiig, dhaqan iyo isku diin nahay, maantana Soomaalida waxaa ay ugu yeeraan Hiil-Walaal.

Djibouti waxaa ay ka mid tahay dhulka ku baxay dhagarta gumeystaha, waxaa jirtay in 1884-tii la qabtay shir loogu magac daray shirkii Berlin, waxaa shirkaas kasoo qeyb-galay gumaystayaashii reer Yurub, Mareykanka iyo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Waxaa lagu qeybsaday Afrika, dalka Soomaaliya waxaa loo kala saaray Shan qeybood oo kala ah: Koofurta oo qeyb ahaan  loo siiyay Talayaaniga, Waqooyiga  ama Somaliland oo qeyb loo siiyay Ingiriiska, waxaa kaloo Ingiriiska la siiyay Labada Gobol sida Koofur Galbeed oo haatan Xabashida Gumaysato iyo N.F.D oo wali ku jirta gacanta Gumaystaha Kenya halka dhulkii loo yaqaanay xeebta Soomaaliya ama Djabuti qeyb loo siiyay Faransiiska.

Dhulka Xeebta ah isma dhiibin, ee dagaal ayey la galeen gumeystaha, iyagoo wiilal badan ku waayey xuriyadda iyo in ay la midoobaan Soomaaliya, geesiyaashii soo maray waxaa ugu caansanaa Maxamud Xarbi.

Maxamuud Xarbi: Maxamud Xarbi waa geesi u dagaalamay Xoraynta dhulka Xeebta Soomalida(Jibouti), dalkan(Masar) ayuu wax ku bartay, sawirkiisana Naadiga Soomalida ee dalka Masar ayaa lagu hardhay halkaas uu wax ka bartay, ururkii PMP ayuu ku dhisay,isagoo si cad u mucaaraday joogitaanka Faransiinska ee Jabuuti.

Maxamud Xarbi oo mar Madaxweyne ku xigeen ka noqday is-maamul ay faransiiska u sameeyeen Djabuti 50-meeyadii, waxaa uu hogaaminayey wafdigii ka socday Djabuti ee ka qeyb galay maamlmihii dabaal-degga xuriyadda ee 1da July 1960-kii.

Ugu dambeyntii, October 1960-kii ayey cadawga Faransiiska diyaarad kula qarxiyeen badda dusheeda halkaana waxaa ku shahiisay geesiga Maxamuud Xarbi iyo ajaanib kale oo diyaaradda la socday, Maxamuud Xarbi waa geesi kale dayaxu u baroortay.

Xuriyadda Djibouti:

Dalka Djabuti, Soomaaliya ayaa ku gacan siisay dalka Djabuti in ay xuriyadda ka gaaraan Faransiiska kadib hal qarni uu halkaas gumeysanayey, isagoo u diiday sidoo kale in ay la midoobaan Soomaaliya, ugu dambeyntii maanta oo kale 1977dii ayey xuriyad qaateen. 

Macluumaad Ku Saabsan Dalka Djibouti:

Dalka Djabuti waxaa ay xuriyad qaateen 27-dii June 1977dii, waxaa ay xuriyad ka qaateen dalka Faransiiska,

Caasimadda Djabuti waa magaalada Djabuti, Madaxweynihii ugu horeeyay waxaa noqday Xassan Guuleed Abtidoon, 19kii sano ee ugu dambeeyay waxaa madaxweyne ka ahaa Ismaaciil Cumar Geelle.

Magaalooyinka ugu caansan waa Djabuti oo caasimadda ah, Carta, Tajorah,   Cali Sabiix, Obok, Dakhil, waxaa looga hadlaa Af-Somali, Afka Faransiiska, Afka Carabiga iyo Afka Cafarta.

Lacagta Lacaga isticmaalo waa Faranc.

Xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti:

Dalka Djabuti, waxaa uu Soomaaliya u qabtay shirar badan oo dib u heshiisiin ah, Labo ka mid ah 3 shir oo dalkaasi lagu qabtay waxaa lagu dhisay dowlado.

Shirarka Djibouti ka dhacay, waxaa ay kala ahaayeen:

  1. Shirkii Djibouti June 12, 1991-dii.
  1. Shirkii Cartre , August 9, 2000.
  1. Shirkii 2008-dii ee heshiiskii dowladdii TFG iyo isbaheysigii ARS).

Xilliga la joogo, Waxaa ay qeyb ka yihiin ciidanka AMISOM, Soomaalida gobollada dhexe waxaa ay ula baxeen Hiil-Walaal, waxaa ay ka jecel yihiin ciidanka Madow ee dalka ku sugan.

Ugu dambeyntii dalka Djabuti, waa dal xor ah, Laakin waxaa si dadban u maamulo Faransiiska, kama jirto dowlad adag oo dimoqoraadi ah, shacabka Djabuti oo hal Milyan ka yar, si fiican ugama faa’ideystaan Kheyraadkooda, Faransiiska iyo Ciidamo kale oo ajaanib ah ayaa ku dul nool.

Xigasho: Idaacadda Goobjoog

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]  

IGAD oo maanta sharafta ka qaaday korneyl Gabre kadib xil ka-qaadistii shalay

Nairobi (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa maanta sharafta ka qaaday Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u yaaqaanaan Jeneral Gabre kadib markii shalay laga qaaday xilkii uu ka hayey IGAD.

IGAD ayaa maanta Gabre kusoo daabacday qeybta ogeysiiska wargeyska Daily Nation ee ah kan afka dheer dalka Kenya, ayada oo laga digayo in la iska ilaaliyo ninkan, oo ah nin Soomaalida ay aad u nacday.

Qoraalka lagu daabacay Daily Nation, oo IGAD ay lacag ku bixisay ayaa lagu yiri “Waxaa la idinku war-gelinayaa in ninka kor ku xusan uusan hadda iyo wixii ka dambeeya u shaqeyn IGAD, sidaas darteed uusan sharciyad u haysan inuu IGAD ku matalo wax ganacsi ah. Wixii uu geysto IGAD mas’uul kama noqon doonto”

In xilka laga qaado Gabre, haddana sida tuugada laga digo inaan lala macamaalin waxay ku tuseysaa heerka aadka u hooseyaa ee uu gaaray.

Ceyrinta Gabre ee IGAD ee shalay ayaa timid kadib dadaal socday sanad oo dowladda Soomaaliya ay u gashay in Gabre laga saaro Soomaaliya, ayada oo ku eedeysay inuu faro-gelin xooggan ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa ku guuleysatay in xilka laga qaado Garbe, kadib markii ay sidaas ka dhaadhicisay uuna ka ogolaaday ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, oo danaynaya inay Soomaaliya aad isugu soo dhowaadaan.

Ka sokow IGAD, Gabre ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, wuxuuna xiriir dhow la lahaa maamul goboleedyada Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi 
[email protected]

Rasaas caawa laga dhex maqlaayo Tukaraq iyo xaaladda oo aad u kacsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad colaadeed ayaa waxa ay caawa ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, kadib markii ciidamo cusub oo ka tirsan Puntland ay galabta gaareen deegaank.

Deegaanka ayaa la soo sheegayaa in caawa laga maqlaayo rasaas aan badneyn oo labada dhinac ay isku dareensiinayaan inay ku jiraan heegan buuxa.

Ciidamada maamulka Puntland ee galabta la geeyay deegaanka Tukaraq ayaa la soo sheegayaa in dhufeysyo ay ka sameysteen jiida dagaalka isla markaana caawa ku siqeen goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa ridaaya rasaasta ugu badan ee caawa sida goosgooska ah looga maqlaayo jiida Tukaraq.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo laga wareysanaayay xaalada cusub ee caawa ayaa yiri ‘’Caawa cabsi ayaan dareemeynaa mararka qaar rasaas ayaa dhaceysa dadku waxa ay yihiin kuwo soo jeeda oo aan caawa hoyad ku waajibin’’

‘’Haa wey jirtaa in maanta ciidamo badan ay soo gaaren tukaraq dadka horay ayay u barakaceyn anaga manaqaan meel aan aadno’’

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamada Puntland ee maanta la geeyay Tukaraq ay yihiin kuwa aad u hubeysan, halka Somaliland ay isbedel ku sameysay ciidamadii ka joogay jiida dagaalka.

Ma cadad sida uu caawa noqon doono xaalka waxaana jira cabsi saa’id ah oo laga qabo inuu dhaco dagaal toos ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Prof. SAMATAR oo fallanqeyn yaab badan ka bixiyey ceyrinta Gabre

Muqdisho (Caasimada Online) – Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u taqaan Jeneral Gabre ayaa shalay laga ceyriyey xilkii uu ka hayey urur goboleedka IGAD, ee ahaa la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadd ee xoghayaha fulinta IGAD.

Warqad uu ku saxiixan yahay xoghayah guud ee IGAD Maxbuub Macallin, ayaa lagu sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyey Gabre uusan u shaqeyn IGAD.

Warqadda ayaa waxaa sidoo kale Gabre looga codsaday inuu wixii ka horeeya shalay 2:30 xilliga geeska afrika soo wareejiyo dhamaan wixii qalab iyo hanti ah ee IGAD ee leedahay ee uu gacanta ku hayo.

IGAD ayaa maanta Gabre kusoo daabacday qeybta ogeysiiska wargeyska Daily Nation ee ah kan afka dheer dalka Kenya, ayada oo laga digayo in la iska ilaaliyo ninkan, oo ah nin Soomaalida ay aad u nacday.

Qoraalka lagu daabacay Daily Nation, oo IGAD ay lacag ku bixisay ayaa lagu yiri “Waxaa la idinku war-gelinayaa in ninka kor ku xusan uusan hadda iyo wixii ka dambeeya u shaqeyn IGAD, sidaas darteed uusan sharciyad u haysan inuu IGAD ku matalo wax ganacsi ah. Wixii uu geysto IGAD mas’uul kama noqon doonto”

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa wax yaab leh ku tilmaamay in Gabre shaqada laga ceyriyo islamarkaana dhammaan howlihii IGAD laga joojiyo hal maalin gudaheed, ayada oo sida caadada ah aan waqti la siin, taasina ay tilmaameyso arrin weyn oo dadka aysan ogeyn balse jirta.

Hoos ka dhageyso wareysiga Prof. Samatar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

 

Xog: Dadaal la doonayo in lagu maxkamadeeyo Gabre oo socda (Yaa wada?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado dadaal ay ku dooneyso in baaritaan loogu sameeyo Col. Gebregziabher Alemseged Abraha, oo ay Soomaalida ay u yaaqaanaan Jeneral Gabre.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsi u dirtay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyadoo ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo Jeneral Gabre isla markaasna lasoo taago maxkamad.

Dowladda Soomaaliya ayaa Jeneral Gabre ku eedeysay inuu dambiyo badan ka galay dalka Soomaaliya isla markaasna ay muhiim tahay in lagu sameeyo baaritaan dheer si loogu ciqaabo dhibaatada uu u geystay shacabka Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa laga sugayaa inuu jawaab kasoo bixiyo codsiga ay dowladda Soomaaliya u dirtay lamana saadaalin karo go’aanka uu ka qaadan karo arrintaan.

Dadka Falanqeeyo siyaasadda ayaa qiyaasayo inay u badan tahay inuu Abiy Ahmed diido codsiga dowladda Soomaaliya maadaama Gabre uu kasoo jeedo Qoomiyadda Tegreyga.

Dowladda ayaa ku guuleysatay in xilka laga qaado Garbe, kadib markii ay sidaas ka dhaadhicisay uuna ka ogolaaday ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, oo danaynaya inay Soomaaliya aad isugu soo dhowaadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka codsaday ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Hailemarim Desalegn in Gabre uu xilka IGAD ka qaado, hase yeeshee qorshahaas ayaa waqti fog qaatay.

Si kastaba Gabre ayaan iman magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyey maalinkii la doortay madaxweyne Farmaajo, markaasi oo doorashada uu goobjoog u ahaa.

Ceyrinta Gabre, oo ah nin ay aad u neceb yihiin Soomaalida, ayaa noqon doonta mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee lagu xasuusan doono dowladda hadda jirta, oo ka dagaalameysa in dalal shisheeye ay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha dalka.

Caasimada Online

Xafiisk Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Xildhibaano uu ku jiro Mursal oo tagey dekeda iyo baarlamaanka Jabuuti

Jabouti (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku jooga dalka Jabuuti ayaa Maanta  waxa ay booqdeen Xarunta Baarlamaanka iyo Dekadda dalkaasi Jabuuti.

Guddoomiyaha ayaa waxaa Koormeerka ku wehlinaayay Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa xarunta baarlamaanka Jabuuti kulan kula yeeshay guddoomiyaha iyo Xildhibaanada baarlamaanka Jabuuti.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinaayay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo labada baarlamaan.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dalka Jabuuti waxa uu u tegay in Shacabka iyo dowladaba uu kala qeyb qaato munaasabada 27-July oo ku beegan markii dowladda Jabuuti ay xurnimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska.

Sawirro: Puntland oo ciidan badan geysay Takuraq iyo cabsi halkaas ka taagan!!

Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanayo deegaanka Takuraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya inay halkaas gaareen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Deegaanka Takuraq oo ay isku hor fadhiyaan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ku jirto xaalad aad halis u ah iyadoo daqiiqad kasta u nugloon inuu halkaas dagaal ka bilowdo.

Ciidamada ka socdo Puntland ee halkaas gaaray ayaa lasoo sheegayaa inay ka imaadeen Magaalada Qardho ee Gobolka Bari.

Ciidamadaan oo watay gawaarida dagaalka iyo kuwa ciidamada lagu daabulo ayaa ku biiray ciidamada Puntland ee ku sugan difaaca hore ee dagaalka.

Ciidamadaan gaaray halkaas ayaa Takuraq kusii abuuray cabsi iyo inuu mar kale qarxo dagaal aad u adag oo dhexmaro labada Maamul.

Ciidamadaan halkaas gaaray ayaa kusoo aadayo xilli laba maalin ka hor uu Cabdiweli Gaas ku baaqay dagaal cusub oo lala galo Maamulka Somaliland kadib khudbad uu ka jeediyey furitaanka kala fadhiga Baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa isna sheegay dhankiisa inay ka go’an tahay sidii maamulka Somaliland loo gaarsiin lahaa xuduudiihii uu calaameeyey gumeystihii Ingiriiska.

Haddaba hallkaan hoose ka daawo sawirada

Sawirro: Sidee ayuu ABIY Addis ugu soo dhoweeyey waftiga ka socday Eritrea

Addis Ababa (Caasimada Online)-Wafti heer sare oo ka socda dalka Eritrea ayaa sanado badan kadib maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wafdigan ka socday Eritrea ee gaaray Addis Ababa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Bole halkaas oo u kusoo dhaweeyay Ra’iisiuul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalix iyo la taliyaha madaxweynaha Gebreab, waxa ayna Xarunta Madaxtooyada Ethiopia wahadallo kula yeelan doonaa Madaxda ugu sareysa Dowlada Ethiopia.

Labada dhinac ayaa wadahadalka ugu badan ka yeelan doona sida lagu soo afjari lahaa dagaalkii ka taagna xadka labada dal.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa 5-ta bishan June shaaca ka qaaday inuu u hoggaansamayo islamarkaasna dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ay wada galeen Eritrea iyo Ethiopia sii loo soo afjaro daagalka xadka siiba magaalada ay ku muransan yihiin ee Badme.

Ballanqaadka Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.

Ethiopia ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii April la soo baxay siyaasad furfurnaan iyo is bedelo uu ka hirgeliyay gudaha dalkiisa iyo gobolkaba, taasoo wax ka bedeshay hab dhaqankii Itoobiya looga bartay 20-kii sano ee u dambeeyay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in Eritrea uu dib ugu celin doono dhul badan oo ku yaalla xadka kuwaa oo laga qabsaday Eritrea.

Labada dal ayaa xilligan diyaar u ah inay dardar geliyaan heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay Algeria sanadkii 2000.

Farmaajo: Sanad iyo bar ka hor ma jirin cid ka hadleysa wadaniyad, waa la baqayay

Muqdisho (Caasimadda Online )_ Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in sanad iyo bar ka hor aanay jirin cid ka hadleysay Wadaniyad, isla markaana laga baqayay, kaddib khudbad uu ka jeediyay Munaasabadda 26-ka June oo ku beegan 58-guuradii ka soo wareegatay markii Xoriyadda ay qaateen Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa sheegay in manta la joogo xilligii la qadan lahaa Mabda’a dhabta ah ee Wadaniyada.

“Maanta waxay taagan tahay in sidhab ah looga Shaqeeyo Wadaniyadda,waayo dalkan ayaa ku hormarayo,waxaa hubaal ah in Halsano iyo bar ka hor dalkan in aysan jirin cid ka hadleysay Wadaniyad,waayo dadku wey baqi jireyn ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyen Farmaajo ayaa sheegay in Wadaniyadda aanay aheyn kaliya in Soomaali la yahay, balse waddaniyada ay tahay wax intaas ka weyn, isla markaana ay muhiim tahay in wax laga barto dadkii ka horeeyay sida ay ugu guuleysteen in dadka Soomaaliyeed ay mideeyaan.

“Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale. Maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa uu ahaa mid qabsaday Baraha Bulshada,isla markaana ay jawaabo kala duwan Shacabku ka bixinayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne Farmaajo

Caasimada Online

Xafiisk Muqdisho

[email protected]