25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Sawirro: Sidee ayuu ABIY Addis ugu soo dhoweeyey waftiga ka socday Eritrea

Addis Ababa (Caasimada Online)-Wafti heer sare oo ka socda dalka Eritrea ayaa sanado badan kadib maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wafdigan ka socday Eritrea ee gaaray Addis Ababa ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ee Bole halkaas oo u kusoo dhaweeyay Ra’iisiuul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalix iyo la taliyaha madaxweynaha Gebreab, waxa ayna Xarunta Madaxtooyada Ethiopia wahadallo kula yeelan doonaa Madaxda ugu sareysa Dowlada Ethiopia.

Labada dhinac ayaa wadahadalka ugu badan ka yeelan doona sida lagu soo afjari lahaa dagaalkii ka taagna xadka labada dal.

Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa 5-ta bishan June shaaca ka qaaday inuu u hoggaansamayo islamarkaasna dhaqan gelinaya heshiiskii 2002-dii ay wada galeen Eritrea iyo Ethiopia sii loo soo afjaro daagalka xadka siiba magaalada ay ku muransan yihiin ee Badme.

Ballanqaadka Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.

Ethiopia ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada dalka la wareegay bishii April la soo baxay siyaasad furfurnaan iyo is bedelo uu ka hirgeliyay gudaha dalkiisa iyo gobolkaba, taasoo wax ka bedeshay hab dhaqankii Itoobiya looga bartay 20-kii sano ee u dambeeyay.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in Eritrea uu dib ugu celin doono dhul badan oo ku yaalla xadka kuwaa oo laga qabsaday Eritrea.

Labada dal ayaa xilligan diyaar u ah inay dardar geliyaan heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay Algeria sanadkii 2000.

Farmaajo: Sanad iyo bar ka hor ma jirin cid ka hadleysa wadaniyad, waa la baqayay

Muqdisho (Caasimadda Online )_ Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in sanad iyo bar ka hor aanay jirin cid ka hadleysay Wadaniyad, isla markaana laga baqayay, kaddib khudbad uu ka jeediyay Munaasabadda 26-ka June oo ku beegan 58-guuradii ka soo wareegatay markii Xoriyadda ay qaateen Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa sheegay in manta la joogo xilligii la qadan lahaa Mabda’a dhabta ah ee Wadaniyada.

“Maanta waxay taagan tahay in sidhab ah looga Shaqeeyo Wadaniyadda,waayo dalkan ayaa ku hormarayo,waxaa hubaal ah in Halsano iyo bar ka hor dalkan in aysan jirin cid ka hadleysay Wadaniyad,waayo dadku wey baqi jireyn ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyen Farmaajo ayaa sheegay in Wadaniyadda aanay aheyn kaliya in Soomaali la yahay, balse waddaniyada ay tahay wax intaas ka weyn, isla markaana ay muhiim tahay in wax laga barto dadkii ka horeeyay sida ay ugu guuleysteen in dadka Soomaaliyeed ay mideeyaan.

“Xorriyadda aan maanta ku naalooneyno waa mid lagu soo bixiyay dhiig iyo dhaqaale. Maanta waxaan joognaa guul taasoo kasoo bilaabatay 1960kii markii ay waqooyi iyo koonfur isku darsameen. Guushaas waxay ahayd mid ummadda u horseeday Soomaalinimo iyo midnimo”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka madaxweyne Farmaajo ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa uu ahaa mid qabsaday Baraha Bulshada,isla markaana ay jawaabo kala duwan Shacabku ka bixinayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweyne Farmaajo

Caasimada Online

Xafiisk Muqdisho

[email protected]

Madaxda Galmudug oo la isugu keenay Muqdisho iyo shirar socda (Xog cusub)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku wada sugan dhammaan madaxda ugu sareyso Maamulka Galmudug sida Madaxweyne Xaaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Madaxdaan oo maalmihii dambe ku jiray xaalad khilaaf aad u adag ayaa waxaa Magaalada Muqdisho isugu keentay dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadaal dheer ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa Khilaafkaan fadhiisay shaqadii looga fadhiyey Maamulka Galmudug.

Dadaalka lagu doonayo in Khilaafkaan lagu xaliyo ayaa waxaa iska kaashanayo dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo qaar ka tirsan waxgaradka kasoo jeedo deegaanada Galmudug

Saacadihii lasoo dhaafay ayey madaxdaan Muqdisho ku yeesheen kulamo kala goono gooni ah iyadoo ka wada hadlay sidii looga gudbi lahaa Khilaafa ka dhex taagan loona fiirin lahaa danta Shacabka Galmudug oo maamulkaan uga fadhiyo waxqabad.

Waxa ugu badan ee laga doodayo ayaa ah heshiiskii Jabuuti lagu gaaray  kaasoo Garabka ay hogaaminayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka u arkaan inuu yahay mid garab marsan Hanaanka awood-qeybsiga.

Arrinta ugu kulul ee dooda ugu badan ay ka taagan tahay ayaa ah Dastuurka oo Garabka Cadaado ku sugan uu ku doodayo in wax ka bedalay lagu sameeyay, islamarkaana Madaxweyne Xaaf uu mudo kororsi ku sameystay mudada Xil-hayntiisa maadaama lagu qoray dastuurka cusub inuu xilka sii hayn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo laga soo billaabayo markii ay midoobeen Galmudug iyo Ahlu Sunna bishii January ee sanadkan.

Sidoo kale waxaa taagan muran ku aadan Caasimadda Maamulkaas, iyadoo garabka Xaaf kasoo horjeedo ay rabaan inay Cadaado noqoto Caasimadda Baarlamaanka Galmudug sida uu horey ugu dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa lasoo sheegayaa inay ka go’an tahay sidii loo dhameyn lahaa Khilaafkaan isla markaasna loo arki lahaa Maamulka Galmudug oo mideysan.

Marka ay soo dhammaadaan kulamada goono goonida ah ayaa waxaa la filayaa inuu dhaco kulan ay soo diyaarineyso wasaaradda Arrimaha Gudaha kaasoo lagu dhameystiri doono heshiiska.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online

Xafiisk Muqdisho

[email protected]

Biixi: Waxaa isu keen qaban la’ Soomaali ha midowdo & in lagu caawiyo ma ogolin

Hargeysa (Caasimadda Online) – Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland oo khudbad ka jeedinayey munaasibadda xuska sanad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay markii ay madax banaanida qaateen Gobollada Waqooyi ayaa ka hadlay Go’aankii dowladda ay kaga hortimid deeqaha lasiiyo Maamulkaas.

Waxa uu sheegay in dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada ay duullaan ku yihiin Somaliland,taasina ay daliil u tahay dagaalka ka socda Tukarraq, go’aanka dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada ee deeqaha beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa nagu socda weerar colaadeed oo aan kala har laheyn, maalin hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waraaq soo saaray oo caalamka ku oranayo Somaliland yaa la caawin, waxaa kaloo soo baxay warqad kale oo ay soo saareen maamul goboleedyada oo ay leeyihiin Somaliland yaa la caawin”ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi ayaa sheegay in aysan isku qaban karin in la dhaho Soomaali ha midowdo iyo Midnimada waa muqadas iyo in la cunaqabateeyo oo kaalmadii Somaliland ay ka helayeen caalamka la dhaho in la hakiyo.

“Midnimo la raadiyo iyo in lagana go’doomiyo deeqaha Caalamka ma ahan kuwo isqabta,iyaga oo iska kaashanaya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada” ayuu sii raaciye.

Mar uu ka hadlaayay Shaqada Hay’adda DP World ee dekadda Berbera ayuu sheegay in Bisha December ee soo socota ay billaabaneyso hawlaha rasmiga ah ee dekadda islamarkaana dhismaha wadda ka baxda Berbera illaa Wajaale tagtana la diyraarinayo.

Caasimada Online

Xafiisk Hargeysa

[email protected]

DFS oo sababtay gabar fool aheyd inay ku dhex umusho waddo ku taal Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdadaani ayaa ka dhacday magalada Muqdisho ee caasimada Somalia, gaar ahaan agagaarka dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia kadib markii Haweeneydan oo la soctay Mooto Bajaaj loo diiday inay u gudubto Isbitaalka ay ku dhali laheyd.

Haweeneydan oo markii hore fool aheyd ayey  ciidamada Dowlada eek u sugnaa Isgooska Banaadir u diideen inay la gudubto Bajaajka, xili ay u sheegtay inay ku jirto daqiiqadihii ugu danbeeyay ee foosha, hase ahaatee ciidamada halkaa ku sugnaa ayaa u diiday inay marto wadada.

Ciidamada ayaa darawalkii waday Bajaajka si bareera ugu diiday inuu Haweeneyda gaarsiiyo Isbitaalka Hooyadda iyo Carruurta ee Banaadir oo aan ka fogeyn halka ay askarta ka xireen Jidka.

Ciidamada halkaa ku sugnaa oo u muuqday kuwo aan lagu ababin la dhaqanka shacabka iyo qiimeynta duruufta dadka xanuunsan ayaa dhegaha ka fureystay inay Haweeneyda Foosha haysay u maciinaan iyo inay Bajaajkii gurmad ahaanta iyada u waday u fududeeyaan marista Jidka.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta ayaa yiri ‘’Waxaan ku leexday ashahaatanka iyo qeyla dhaanka Haweeneyda, ciidamadu waxa ay dadka gurmadka ku baacinayeen qori waxa ayna ku goodinayeen inay dilayaan qofkii kasoo gudba goobta’’

‘’Runtii aniga aad ayey isku bedeshay shucuurteyda waayo askarta aan la shaqeyn laheenay ayaa nooga daran kuwa baneestay nafteena’’

‘’Ciidamada Haweeneydii aan arkay xanuunka saarnaa u arxami waayay dabcan anigu kama sugaayo wanaag balse taasi waxa ay diiwaanka u gali doontaa Dowlada, weyna adkaan doontaa inay wada shaqeyn dhexmarto ciidanka iyo dadka shacabka ah’’

Muranka iyo mowqifka ciidamada oo adkaa kadib Haweeneyda ayaa ku umushay dhinaca wadada xili jawiga magaalada Muqdisho uu ahaa mid qabow saacaduna ay aheyd xiliga Maqribka kadib.

Sidoo kale, dhacdadan ayaa ka mid ah Dhacdooyinka naxdinta leh ee ay dadweynuhu la kulmaan xilliyadda ay Ciiddanka DFS xiraan Waddooyinka muhiimka u ah isku-socodka magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, Ciidamada dowlada ayaa lagu eedeeyaa in xiliyada ay xiran yihiin waddooyin si ay ku jirto cadaawad ula dhaqmaan dadka shacabka, taa oo la sheego inay sabab u tahay wada shaqeyn la’aanta shacabka iyo ciidanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

26-KA JUNE: Maalin lagu wada farxay go’aankeeda laakin miraheeda ay koox gaar ah guratay (Warbixin)

Maanta waxaa ay umadda Soomaaliyeed u dabaal-dageysaa 58 sano guuradii ka soo wareegtay 26ka June iyo xuriyaddii gobollada waqooyi.

Dabaaldegga 26-ka June waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda qaateen gobollada waqooyi isla markaana ay dowlad noqdeen.

British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, lakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii.

Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur.

6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya.

Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen.

Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad.

Dad badan ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid caadifad iyo walaaltinnimo ay hareysay waayo lagama hadlin sida ay labada urur ee SNL oo waqooyi ahaa iyo SYL oo ka jiray koofurta ay wax u qeybsanayaan.

Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin.

25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha.

Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan.

Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney,  1-dii Luulyo labo midowday.

Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin.

June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kaana Siib Kanna Saar”.

Halgamaaga Soomaaliyeed abwaan C/laahi Suldaan Timacadde ayaa Gabaygaas codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur.

Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen,  leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya.

4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah.

Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii.

Heestan ayaa ka mid ahaa heesihii loo qaaday xuriyadda June 26keeda“Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, majo iyo madaxeen banana…waa Mahad Alle Madaxeen Banaan, waa Mahad Alle Madaxeen Banaan ”

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey  Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka

  1. Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii
  2. Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963
  3. Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Aden Cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeda gobollada koofurta ayaa dalka madax ka noqday xuriyadda kadib, waxaa ra’isul wasaare u magacaabay Cabdirashid Sharma arke oo isna koofurta ah.

July 11, 1961, Waxaa uu Aden Cadde mar kale doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke, waxaa jirta arin xusid mudan Labadii xukuumad ee Cabdirashid Cali Sharma’arke uu dhisay, reer Waqooyi ama British Somaliland waxaa la siiyay Afar Wasiir halka Koofurta ay heleen 10 Wasiir, Waxaa intaa sii dheeraa Madaxweynaha iyo Ra’aisul Wasaaraha oo dhamaan ka soo jeeday Koofura Soomaaliya ee uu maamuli jiray gumeystaha Talyaaniga taasi oo keentay in Wasiiro badan is casilaan markii dambe uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaaji Ibrahim Igal iyo Sheekh Cali Ismacil wasiirka gaashaadhiga.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo xuriyadda ka hor waqooyiga dalka ka ahaa Xogheyaha guud ahaa xisbiga SNL iyo Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay ee Somaliland ayaa Soomaaliya ka noqday dhowr wasiir iyo ra’isul wasaare laakin waxaa xiray Maxamed Siyaad Barre kadib inqilaabkii October 1969kii isagoo xabsiga ku jiray ilaa 1981dii, marka laga reebo hal sano oo India uu safiir ka ahaa.

Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dilal ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, Muqdisho kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona.

Hargeisa  wixii 1981dii ka dambeeyay qalbiga ayey ka goosatay Muqdisho, waxaa ay bilaabeen halgan ka dhan ah dowladda Soomaaliya tiiyoo keentay markii dambe in May 18, 1991dii ay ku dhawaaqday gooni isu taag iyo Madaxbanaani.

Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo wareysi  bixiyay 1991-kii kadib, kana hadlay gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada labada gobol ay ku timid caadifad iyo qorshe la’aan.

Aqoonyahanno badan uu ka mid yahay Maxamed Faarax oo ah qoraa ku nool magaalada Hargeisa, wax bandanna ka qoray Taariikhda Madaxdii Somaliland sida Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo goonni isu taagga Somaliland waxaa uu qabaa in Somaliland ay maalintaas dowlad noqotay isla markaana midowga iyo ka go’idda go’aanleeda labadaba ay tahay mid u taallo shacabka iyo hogaanka Somaliland.

Hadda waxaa socdo wada hadal labada gobol ah, sheekada waxaa ay taagan tahay halkii 1960kii ay joogtay, weli waa ka sii adag tahay, Soomaalida, beesha caalamka iyo cid walba oo daneysa arrimaha Soomaaliya waxaa ay isha ku wada hayaan waxa ka soo bixi doona wada hadalka Somaaliya iyo Somaliland iyo halka ay natiijada noqon doonto.

Ugu dambeyntii, waxaa xaqiiq ah in 26ka June ay  Maalin go’aankeeda lagu wada farxay laakin miraheed ay koox guratay?! Haddii midnimo la rabo waa in ay dhacdaa tanaasul ka yimaada koofurta, lana siiyo gobolkaas xuquuqdooda oo dhameystiran.

Biixi “Waxaan garan la’ahay sababta Puntland ay noogu midniyo sifeysaneyso”

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biix Cabdi ayaa mar kale ka hadlay dagaalka dhiiga ku daadanaaya oo ciidamada Cabdiweli Gaas ay kawadan Gobolka Sool.

Muuse Biix Cabdi, ayaa sheegay in ciidamada Cabdiweli Gaas ay diyaar u yihiin inay khilaafka jira uga dhex faa’iideystan daadinta dhiiga shacabka ku nool Gobolka Sool.

Muuse Biix Cabdi, waxa uu tilmaamay in xilligaan Somaliland aysan diyaar u aheyn dagaallo ka dhaca Sool, islamarkaana dhankooda ay doonayaan nabad.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in dagaal aanu faa’ido lahayn, Somaliland-na ay diyaar u tahay nabad iyo wadahadal ay la gasho Puntland.

Biixi oo ka hadlaayay colaada ka jirta Gobolka Sool iyo sida ay ugu faraxsan tahay Puntland ayuu yiri “Waxaan u sheegayaa dhammaan dadka Afsoomaaliga ku hadlay, Somaliland waxay dooneysaa Nabad, Soomaaliya waxaan leenahay 27-sano oo silac, rafaad, dhimasho iyo waxbarasho la’aan ah baan ku jirnaa uma sii baahnin colaado kale, uma baahnin dagaal, wax hadal lagu dhameyn karo anigu garan maayo waxa loogu dagaallamayo”

Biixi waxa uu intaa raaciyay ‘’Micnuhu maaha inaan iska celin weysanahay Puntland ee waxaa na dhibeysa dhiiga 27sano kadib kusii qubanaaya maalayacniga.

Biixi ayaa hadalkaan ka sheegay Munaasabad xalay lagu qabtay Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, laguna xusayay 26-ka Juun waxa uuna khudbadiisa xooga ku saaray colaada Gobolka Sool.

Sidoo kale, Hoaggaamiyaha Puntland C/weli Gaas oo dhowaan ka hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay gobolka Sool dagaal ugu qabsan lahaayeen.

Dhinaca kale, Hogaamiye Muuse Biixi ayaa u muuqanaaya mid doonaaya in laga gudbo colaada deegaanka Tukaraq, halka C/weli Gaas uu mindiyaha u sifeysanaayo Somaliland iyo shacabka ku nool Gobolka Sool.

Caasimada Online

Xafiisk Hargeysa

[email protected]

Maxay tahay sababta ay dadka Turkiga aadka ugu jecel yihiin ERDOGAN?

Ankara (Caasimadda Online) – Tan iyo markii xisbigiisa Cadaaladda iyo Horumarka (AKP) ay awoodda la wareegtay sanadkii 2002, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan wali doorasho kuma guuldarreysan, haddii ay ahaan lahayd mid baarlamaan, gobol, madaxweynenimo ama afti. Aragtiyo aan tiro lahayn, haddii ay ahaan lahaayeen kuwo cilmiyeysan ama kuwo kale, ayaa isku dayey in ay sharraxaad ka bixiyaan sababta uu isu bedeli waayey. Mucaaradka Erdoğan, Turki ha ahaadeen ama yeysan ahaan, waxa ay Erdoğan ku eedeeyaan xukunkiisa keli telisnimo ee Islaameenta dal mar ahaan jiray cilmaani. Aragtidooda, Erdoğan waxa uu xabsi geliyey qaran 80 milyan ah.

Taas run ma aha

Milicsi deg deg ah oo lagu sameeyo xaqiiqooyinka iyo tirada Turkiga ayaa taas sharraxaya sababteeda.  Waxaa si cajiib ah isu barbar yaal siyaasadda bulsho ee Turkiga dhexdooda caadiga ah iyo aragtida caalamku ka qabo Islaamiyadda Erdoğan. Waxaa lagu murmi karaa, in Erdoğan dhinac, waxa uu Turkiga caadiga ah arkaan ay tahay marka uu  isku arko muraayadda.

Waa dhab in Erdoğan ugu guuleystay maalaayiin codad ah mashaariicdiisa waa weyn ee cajiibka ah oo ay ka mid tahay Masjidka weyn ee Istanbul hill; madaarkii saddexaad (oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn dunida); waddooyin,  jidadka waa weyn, iyo buundooyinka kale ee dhulka Anatolian-ka (Walow ay Turkiga u muuqato shirkadda dhaqaale oo dhismo). Laakiin qofka waa in uu tixgeliyaa muuqaalka bulshada coddeysa.

Tirada qoysaska dowladda Erdoğan ka helay dhuxusha bilaashka ah waxa ay 1.1 million ka korortay 2003 iyada oo gaartay 2.15 million 2014. Tani ma war wacan baa mise mid xun? Sare u kaca xad xad dhaafka ahaa ee baahidda qoysaska saboolka ah taas oo muujineysay in malaayiin aysan ku faraxsaneyn dowladnimada Erdoğan. Hadda waa cagsigeeda: Turkidu wey faraxsan yihiin maxaa yeelay waxa  ay qoysadkooda u helaan dhuxul bilaash ah.

Turkidu waxa ay dhuxusha bilaashka ah iyo arimaha kale ee bulshada ka jecleyn in ay dalkooda ka hirgasho dimoqraadiyad. Turkiga waxa uu kaalinta 155-aad ka galay xoriyadda saxaafadda oo 180 dunida guud ahaan laga qiimeeyey. Ku dhawaad 200 oo wariye ayaa ku jira xabsiyada halka 120 kale ay dunida ka shaqeeyaan – laakiin boqolkiiba lixdan (60%) waxa ay aaminsan yihiin xadidaadda warbaahinta in ay xalaal tahay.

Ma daneeyaan xassiloonida gudaha, sidoo kale Turkiga waxa ay 146 kaga jiraan nabadda aduunka. Cel celis ahaan waxaa maalintii lagu dilaa 5.6 dalka, tiradaas waxaa ku jira weeraro argagixiso. Cel celis ahaan waxaa dhaca 18 weerar jireed (Physical attack) oo loo geysto shaqsiyaadka maalintii.

Sida laga soo xiganayo cilmi-baaris la sameeyey 2014, boqolleyda 11.3% dadka Turkida ISIS uma arkaan urur argagixiso. Laakiin waagii hore laba sano oo keliya, ISIS waxa ay 304 qof ku dishay 14 weerarro culus ahaa gudaha Turkiga. Dabcan, dhimasho mar walba kuma timaado adeegsiga qoryaha iyo qaraxyada. 10kii sano ee ka horreeyey 2016, 43 kun oo Turki ah waxa ay naftooda ku waayeen shilal baabuur oo halis ahaa.

Turkida waxa ay ku noolaayeen xukun deg deg ah tan iyo Luulyo 2016, markaas oo koox ka mid ah saraakiisha Turkiga ay ku sameeyeen dowladda Erdoğan afgebi dhicisoobay. Wixii intaa ka dambeeyey waxaa gaalshiraha loo taxaabay in ka bada 50,000 oo qof, waxaa shaqadii laga eryey 150,000 00 shaqaale rayid ahaa. Wixii ka dambeeyey mashaqadii 12kii Sebteembar, afgembigii ciidamada qalabka sida ee 1980, dadka xarumaha aqoonta xoogga looga eryey waxa ay ku koobneyd 120 laakiin  5,000 aqoonyahanno ka badan  ayaa xoog looga eryey kaddib isku daygii afbembi ee dhicisoobay 2016.

Xaakimiin sare oo Turki ah ayaa daaha ka rogay in isku darka 6.9 milyan Turki ah, ama ku dhawaad boqolkiiba sagaal (9%) ee bulshada oo dhan in ay ku socoto baaritaan sharci.

Aynu darisno waxbarashada. Turkiga, cel celiska dadka wax barta da’doodu waa 6.51 sano. Dadka da’doodu u dhexeyso 18-24, keliya 26% waa lab 18.9% waa deddig. Agoosto 2017-dii hay’adda OECD Regional Well-Being Index waxa ay soo bandhigtay in Turkiga hoos u dhac 362 ah dhinaca waxbarashada uga yimi, keliya 16% Turki da’doodu tahay da’da 18-ka ayaa ka qallin jebiyey jaamacadaha. Tirada Turkida ee raba in ay bartaan imam-nimada  ayaa sare ugu kacday 60,000 2002 iyaga oo gaaray 1.2 milyan 2014.

Laakiin waa kuma Turkigaaga caadiga ah, adiga oo bulsho ahaan u hadlaya? 74% Turkida waxa ay isu aqoonsan yihiin dad guta dhammaan waajibaadka Islaamka. 95% waxa ay dhahaan waligood fasax uma aadin dibedda, 70%  waxa ay dhahaan waligood kama qeybgalin bandhigyo fanned ama dhaqan. 74% waxa ay isku arkaan in ay yihiin hiddo raac asal raac ama asal Islaamiyiin asal raac ah – taas oo ka mid ah sababaha caanka ka dhigtay Erdoğan, gaar ahaan gudaha Turkida asal raaca ah.

Xisaab ahaan waxa ay macno u yeeleysaa Erdoğan oo aan qarsan sida uu u neceb yahay isticmaalka khamriga sababo diin awgeed, in uu caan ka yahay dalka halkaas oo 79% dhaha in aysan waligood cabbib khamri (Isticmaalka cabbiska khamriga qofkiiba dalka Turkiga waxa uu ka hooseeyaa 1.5 Litir, marka la bar bar dhigo , tusaale ahaan Australia oo uu qofkii ka  cabbo 12 Litir.

Hadana Turkidu waa sabool. Dhakhliga qofkii soo gala waa $10,000, dalka Turkiga dadkiisu waxaa dakhli ahaan qofkiiba u soo gala lacag u dhexeysa $180 iyo $1,280 bishii – 56% waxaa soo gala $180 iyo 510$ bishii.

Laakiin marka laga yimaado hoos u dhaca dalka, farxaddu waxa ay u muuqata ereyga Turkida. Cilmi baaris la sameeyey 2015, 56.6% wey faraxsanaayeen. 2016, kaddib kumanaan ku waxyeeloobay weerar argagixisnimo, lagu sigtay dagaal sokeeye, xukun deg deg ah, saboolnimo, tobanaan kun oo maxaabiis cusub ah, dilal, weerarro, kumaan dhismo waddoyinka shilalka ka dhaca ah, tiradaas farxadda waxa ay sare ugu kacday 61.3%.

Turkidu waxa ay aaminsanyihiin in ay haystaan hoggaamiye ashqaraar ah kaas oo dalkooda markasta mid wanaagsan ka dhigay. Ha dhibin nabadoodda asal raaca ah.

Caasimada Online
Xafiiska Ankara
[email protected]

Dhageyso: “Jeneral Gabre waxaa lasoo taagi doonaa maxkamad caalami ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa shaaciyey in xilkii uu Ururkaas ka haayey ay ka qaadeen Janeraal Gabre oo u qaabilsnaa Soomaliya dhanka la talinta Siyaasada, waxaana durba soo dhaweeyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa waa uu sheegay in Go’aanka xilka qaadista ah ee Gabre lala soodahay, isla markaana mar hore loo baahnaa.

Waxa uu sheegay in Gabre uu ahaa Nin dhibateeyey dad Soomaaliyeed, isaga oo xiriir la lahaa Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada.

“Runtii mar hore ayay aheyd in la eryo, anaga 8-dii bishii Febraayo ayaan erinay, laakin dad uu u taliyo ayuu heystay isaga oo madaxweyne isku hesytay, wuxuu xukumayey laga soo billaabo :owya-cade, marka IGAD wey la daahday, laakin waxaan kuu sheegayaa in aan loo dhaafi doonin wixii dil iyo hanti bur burin ka dhacay Soomaaliya” ayuu yiri xildhibaan Zakariye.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay xildhibaan Zakariye in dhibaatadaas uu shacabka Soomaaliyeed u geystay Janeraal Gabre in ay noqon doonto mid aan looga hari doonin,isla markaana uu rajeynayo in la soo taago Maxkamada Caalami ah, waxa uuna sheegay in uu sabab u ahaa in Boqolaal Ruux lagu dilo dalka,dad badana uu barakaciyo.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta aadka u neceb dowladda Itoobiya, waxana la xasuustaa in xilligii doorashada Madaxweynaha ee uu ku soo baxay Madaxweyne Farmaajo uu si dadban u sheegay in ay goobta fadhiyaan madax aan dooneyn Nabada Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso wareysiga Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Madaxweyne Erdogan oo dhulka ku jiiday CARABTA qaarkeed iyo reer galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ee dib loo doortay Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dowlado badan oo aad uga xun guusha uu ka gaaray doorashada xorta ah ee kadhacday dalkiisa.

Recep Tayyip Erdogan oo la hadlaayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka ay ka feejignaayen faragalin dibadda uga timid, waxa uuna cadeeyay inay badan yihiin cadowga kasoo horjeeda guushiisa.

Recep Tayyip Erdogan, waxa uu tusaale usoo qaatay guushiisa inay ka xumaayen dowladaha Mareykanka, Yurubta iyo tirro dowlado carbeed oo uu sheegay inay dugaashadan reer galbeedka.

‘’Reer galbeedku uma suuroobin inay la dagaalamaan guusheyda waayo waxa an ciribtirnay dhammaan qeybaha siyaasiyiinta ay ku xirnaayen reer galbeedka iyo dowladaha carabta ee aan rabin guusheyda’’

‘’Reer galbeedku waxa ay noo dhigeen dabino badan oo dhaxalgal u noqonkaray guul darro igu dhacd, waxaan mar waliba ku kalsoonaa alle iyo dadka shacabka ah ee aadka u jecel guusheyda’’

Recep Tayyip Erdogan, waxa uu tilmaamay in mudada uu heyn doono xilka inuusan ka raali noqon doonin dowlad shisheeye oo faragalin ku sameysa dowlad islaam ah, waxa uuna cadeeyay inay badan tahay dhagarta reer galbeedka.

Recep Tayyip Erdogan, waxa uu cod dheer ku sheegay in haddii lala tashan lahaa reer galbeedka iyo dowladaha carabta qaarkood ay burburi laheyd turkiga hase yeeshee aysan iminka dhici doonin.

Sidoo kale, Recep Tayyip Erdogan, oo ka hadlaayay guushiisa ayaa sheegay in meel fagaaro ah uu kula farxi doono shacabkiisa maadaama uu yiri ay guushiisa sabab u ahaayen.

Dhinaca kale, shacabka dalkiisa ayuu ugu baaqay in mar waliba ay ka fogaadan dugaashiga reer galbeedka oo uu sheegay inay tahay khatar iyo diin xumi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Sawir: Ilaaliyihii gaarka ee Sheekh Osama Bin Laden oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Jarmalka, ciidamada Booliska dalkaasi ayaa maalinimadii shalay gacanta ku dhigay mid kamid ah Ilaalada khaaska ee Usaama Bin Laadin.

Wargeysyada ayaa qoray in eedeysanaha la qabtay uu ahaa mid si gaara uu u daneyn jiray Usaama, kaa oo xiliga la qabanaayay ku sugna magaalladda bojum ee waqooyi Galbeed ee Jarmalka.

Eedeysanaha la qabtay ee la soo shaqeeyey Hoggaamiyihii geeriyooday ee Alqaacida, Usaama Bin Laadin ayaa magaciisa lagu sheegay Saami A. waxa uuna toboneeyo jeer kasoo qeybqatay dagaalo argagixiso oo siyaabo kala duwan uga kala dhacay caalamka.

Booliska waxa ay sheegen in xiliga ay qabanayeen Saami A. aysan kala kulmin wax iska caabin ah, hase ahaatee uu si sahlan ku aqbalay inuu isku soo dhiibo.

Saami A. ayaa lagu daba jiray muddo kabadan sanad, waxaana iminka suurowday in si sahlan uu ku galo gacanta Booliska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Jarmalka Horst Seehofer waxa uu ku amray Madaxda Socdaalka inay dedejiyaan sidii Eedeysanahaasi loo masaafurin lahaa.

Waxa uu Wasiirku sheegay in Saami A. uu yahay mid weli leh halistiisa, sidaa aawgeed la doonaayo in lasoo afjaro joogitaankiisa Jarmalka.

Docda kale, Eedeysane Saami A. oo u dhashay dalka Tunisia, ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Jarmalka Horst Seehofer amar ku bixiyay in lagu wareejiyo dalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo wareysi xiiso badan: Wiil Soomaali ah oo 2 xaas guursaday habeen qura

Nin dhallinyaro ah oo laba gabdhood isku mar la aqal galay ayaa BBC u sheegay inuu dhallinyarada kale ku dhiirri galinayo inay sidaa sameeyaan.

Bashiir Maxamed wuxuu sheegay inuu labada hablood la haasaawi jiray muddo sideed bilood ah, uuna ku qanciyey inuu guursado.

“Aqalkayga ayaan isugu keeni jiray si la isku sii barto” ayuu yiri.

“Waxaan u sheegi jiray in aan labadoodaba wada jeclahay” ayuu sii raaciyey.

In laba hablood isku mar la isla guursado ayuu ku tilmaamay Bashiir inay tahay mid keenaysa in aysan ‘kala masayrin’, oo billowgaba ay og yihiin in la isla qabo.

Sababta uu u guursaday laba hablood isku mar ayuu ku sheegay inuu doonayo “carruur badan”.

“Ragga kalena waxaan ku dhiiri galinayaa in ay sidaa oo kale sameeyaan, haddii ay awoodaan” ayuu yiri Bashiir.

Isha BBC

Xog: Abiy Ahmed oo lagu wareejiyay xogta ciddii u maleegtay QARAXA.!!

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ka badbaaay Qarax la doonaayay in lagu khaarijiyo xili uu khudbad u jeedinaayay kumanaan shacab Ethiopian ah.

Ra’isul wasaare Abiy Axmed oo saacado kadib Qaraxa magacaabay guddi baaritaan ayaa sheegay in dowladiisu ay aqbali doonto natiijada kasoo baxda baaritaanka.

Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday baaritaan qaatay muddo laba cisho ayaa sheegaya in baaritaanka lagu ogaaday cida ka danbeysay Qaraxa lagu khaarijin lahaa Abiy Axmed.

Guddiga baaritaabka oo ka koobna ilaa 12 Khubaro ku xeeldheer arimahaasi ayaa Ra’isul wasaare Abiy Axmed u gudbiyay in Qaraxaasi aysan ku lug laheyn Kooxo argagixiso.

Guddiga ayaa warbixintooda ku sheegay in Qaraxa uu yahay mid looga soo horgeedo Siyaasada cusub oo ay qaadatay Ethiopia, taa oo lagu muujinaayo furfurnaanshi Siyaasadeed.

Guddigu waxa ay baaritaanka ku ogaaden in Qaraxa ay geysteen Xubno ka tirsan Mucaaradka Ethiopia kana soo jeeda Qowmiyada Tigree.

Guddigu waxa uu qoraalkiisa hordhaca ah intaa ku daray in Qaraxa loo hayo ilaa iyo afar xubnood oo ka tirsan garabka mucaaradka dowlada ee kasoo jeeda Qowmiyada Tigree.

Qowmiyada Tigree oo uu ka dhashay Milazanaawi ayaa aad uga soo horjeeda Siyaasada Ra’isul wasaare Abiy uu ku doonaayo in wadahadal lagula galo Dowlada Eriterea.

Tigree, waxa ay sidoo kale doonayaan in talada dalka laga saaro gacantooda waxa ayna rumeysan yihiin in Heshiiska lala galaayo Etiterea uu dhabar jab ku noqon karo Ethiopia, waana tan keentay inay qalqal amni galiyaan nolosha Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Sidoo kale, Kiiska Qaraxa oo u muuqda mid sii fogaaday ayaa waxaa iminka ka qeybqaadanaaya Khubaro ka socta FBI-da Mareykanka sababo la xiriira in Qowmiyada Tigree aysan baaritaanka Dowlada u fahmin mid lagu faquuqayo.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa iminka rumeysan in Qaraxa la doonaayay in lagu khaarijiyo aysan ku lug laheyn Ururo argagixiso balse uu yahay mid ay ku lug leeyiniin mucaaradka Tigree.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

Maxaa sababay in amarka DF uusan ka dhaqan gelin xarumaha DF Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku yaalla xarumaha ugu badan dowlad Federaalka kuwaa oo ay u shaqo tagaan Kumanaan shaqaale.

Xarumaha qaar ayaan ku shaqeyn amarada Wasaarada shaqada iyo Shaqaalaha, iyadoo ay  xusid mudan tahay in xarun waliba ay u shaqeyso iskeeda.

Amarka Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ayaan ka dhaqan galin dhammaan xarumaha dowlada markii laga reebo dhowr xarun oo aan sidaa usii badneyn.

Amarada ugu badan ee aan dhaqan galin ayaa ah sida ‘’xiliga fasaxa 26 June’’ oo ah maalin muqadas ah.

Shaqaalaha qaar ayaa saaka u shaqo tagay xarumahooda xili ay Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ku dhawaaqday inay fasaxan yihiin dhammaan shaqaalaha dowlada.

Inta bada amarka dowlada federaalka Somalia ayaan si buuxda uga dhex shaqeyn Xarumaha dowlada taa oo muujineysa inaanu jirin xarun dhexe oo laga bixiyo amarada maadaama wax kama jiraan laga dhigay tan Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Sidoo kale, Madaxda qaar ee ka tirsan dowlada ayaa xiliyada fasaxa sida 26 June shaqaalaha ku cadaadiya inay usoo shaqo tagaan Xafiisyadooda.

Sida caadaduba aheyd shaqaalaha dowlada qaarkood ayaa saaka oo ku began 26 June u shaqo tagay xarumahooda iyadoo aan khiimo gaara lasiin maalinta qiimaha leh ee 26 June.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan looga fadhiyaa inay dhaqan galiso amaradeeda si aan meesha uga muuqan dowlado kala duwan oo ka shaqeeya Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Kenya oo hakisay dhismihii darbiga xuduudda xilli uu jiro heshiiska Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Fariida Karoney oo ah wasiirka arrimaha dhulka ee Kenya, ayaa sheegtay in la hakiyey hawlihii sahminta iyo dhismaha derbiga laga waday xuduudka Somalia, kadib, markii la waayey kharajkii lagu socodsiin lahaa.

Waxay tilmaamtay in la dhisay 24 km oo ka mid ah 150 km ee uu ka koobnaan doono dhismaha derbigaasi, iyadoo sahminta iyo khariidaynta mashruucaasi la bilaabay sannadkii 2016-kii.

Dowladda Kenya waxay u qoondeysay in ka badan 5.6 billion oo dollar, si loogu calaamadeeyo, looguna dhiso xuduudaha caalamiga ee ay Kenya la leedahay Somalia iyo dalalka kale ee deriska.

Hadalka ka soo baxay dowladda Kenya waxa uu ku soo beegmay heshiiskii madaxweynayaasha Somalia iyo Kenya ay dabayaaqadii bishii Maarso ee sannadkan ku gaareen in gebbi ahaan la joojiyey dhismaha derbiga laga dhisayo xuduudka labada waddan, kaasi oo xiisad diplomaasiyadeed iyo mid amni-xumi ka dhex abuuri karta labada waddan, gaar ahaan deegaanadda ku teedsan xuduudka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

 

 

Aqri: Gudoomiyaha bankiga dhexe oo xog cusub ka bixiyey lacagta cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay Wasaarada Maaliyada Xukuumada Somalia ay shaacisay in dalka loo sameynaayo lacago cusub, ayaa waxaa arrintaasi mar kale ka hadlay Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ayaa tilmaamay inay wanaagsan tahay isticmaalka lacagta cusub balse waxa uu sheegay inay jirto caqabad ah sare u kac  ku yimid qiimaha sarifka Shilin Soomaaliga.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe waxa uu sheegay in Sarifleyda ay caqabad ku yihiin lacagaha cusub ee imaan doona waxa uuna Hay’adaha amaanka faray in tallaabo sharci ah laga qaado shaqsiyadka abuuraya sicir barar.

‘’Waxaan Hay’adaha amniga farayaa inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadan shaqsiyaadka caqabada ku ah sharciga ee abuuraya sicir bararka’’

‘’Waxa ay amar u qabaan inay la tiigsadaan sharciga Bankiga Dhexe ayaa ka jawaabi doona cidii is hortaag ku sameysaa waayo dhibka ay dadka ceynkaasi ah ku hayaan dalka inaga ayaa og’’

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali, waxa uu sheegay in sicir kororka ku yimid Shilin Soomaaliga ay ka dambeeyan shaqsiyaad dambiilayaal ah oo qalqal gelinaaya nolosha bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay muhiim tahay in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan ciddi ka shaqeysa sare u kac ku yimaada lacagta shilin Soomaaliga ah.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee DFS Bashiir Ciise Cali, wuxuu markale ku wargeliyay bulshada Soomaaliyeed in loo bedeli doono lacagahooda marka dalka laga dhaqangeliyo lacagaha cusub ee la qorsheeynayo in la soo daabaco, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa cadeeyay in lacagaha cusub aan lasoo daabici doonin muddo hadda dhow, balse inta aan lasoo daabicin ay usii gogol xaari doonaan hanaanka lagu dhaqan galin laha lacagta cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Daawo sawirro cajiib ah oo aan horey loo arag oo laga baahiyey ERDOGAN!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Tan iyo markii uu kusoo baxay Doorashada Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan warbaahinta caalamka ayaa baahineysa sawirro muujinaaya Erdogan oo cayaaraya banooni.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in Erdogan uu ahaa cayaaryahan ka hor inta uusan kusoo biirin Siyaasada, isagoo u cayaari jiray ciyaartooy ka tirsan Naadiga K/cagta ee Kasımpaşa Spor Kulübü oo la asaasay sannadkii 1921-kii, kana mid ahayd Kooxaha Heerka Koowaad ee Turkiga.

Kooxdan uu u cayaari jiray Erdogan ayaa ka dhisneyd Xaafadda Beyoğlu ee magaalladda labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbuul.

Waxa ay warbaahintu Erdogan ku sifeysay inuu ahaa cayaaryahan caan ka ahaa dalka Turkiga, balse uu markii danbe kusoo biiray Siyaasada.

Inta uusan kusoo biirin Siyaasada waxa uu Erdogan ahaa Xiddig khadka dhexe ka ciyaara, isla markaana shacbiyadda ku dhex lahaa Taageerayaasha K/Cagta ee dalka Turkiga.

 

AMISOM oo wadda olole cusub oo ay kusii joogeyso Soomaaliya iyo Shiinaha…

Kampala (Caasimadda Online) – Iyadoo dowladda Farmaajo uu hoggaamiyo ay wado dadaal dheer oo ku aadan sidii Ciidamada AMISOM looga maarmi lahaa isla markaasna loogu badali lahaa Ciidamo Soomaaliyeed ayaa waxaa dhanka kale socdo qorsho ay wadaan dowladaha ay ciidamadooda joogaan Soomaaliya, kuwaas oo raadinayo hab kasta oo ay kusii joogi karaan.

Madaxda qorshahaas wado waxaa ugu horeeyo kuwa dowladda Uganda oo ah wadanka ugu badan oo ay ciidamo ka joogaan Somaaliya.

Ra’isulwasaaraha dalka Uganda Ruhakana Rugunda oo kulanka la qaatay Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee wadanka Shiinaha, waxayna labada Mas’uul ka wada hadleyn arrimo badan oo ay ugu muhiimsaneyd tan Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Uganda ayaa waxaa uu weydiistay Gudoomiye Wang Yang inay ka taageerto dowladiisa sidii ay baaqi ugu sii ahaan lahaayeen Soomaaliya, maadaama dalka Shiinaha uu kamid yahay wadamada taageera xukuumadda Soomaaliya.

Gudoomiye Wang Yang ayaa u ballan qaaday Ra’isulwasaaraha dalka Uganda inuu ka caawin doono arrintaas isla markaasna ay iska kaashaan doonaan waxyaabo badan.

“Maadaama aan kamid nahay dalalka ciidamada ku tabarucay howlgalka Nabad illaalinta Soomaaliya, waxaan ka dooneynaa in Shiinuhu nagu garab siiyo sidii Golaha Amaanka Qaramada Midoobay noogu sameyn lahaa Muddo kordhin,” ayuu  yiri Rugunda.

Talaabadaan ay qaadeyso dowladda Uganda ayaa imaaneyso iyadoo  Dhawaan ahayd markii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in ciidamada Soomaaliya iyo dowladooda loo ogolaado inay masuuliyadda amaanka dalkooda dib loogu noqodo, taasoo saraakiisha AMISOM walaac ay ka muujiyeen, maadaama ay Soomaaliya ka heleen lacag aad u badan.

Dowladda Uganda ayaa waxaa howlgalka AMISOM ku wehliyo wadamada Djibouti, Burundi iyo Ethiopia waxaana muuqato inuusan howgalkaan kusoo dhamaan doonin waqtiga loo qabtay taasoo niyad jab ku noqon doonto ciidamada Soomaalida oo lahaa hami ah inay la wareegi karaan amniga Soomaaliya inkastoo aysan dhisneyn ciidamo awood leh.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawr jeer ku celceliyey in laga maarmi doono AMISOM isla markaasna la dhisi doono ciidamo Soomaaliyeed oo booskaas buuxiyo balse weli arrintaas jidkeeda lama hayo oo waxaa socdo qorshooyin ay wadaan dowladaha ciidamadooda ay joogaan Soomaaliya kuwaas oo aan marnaba ku qanacsaneyn inuu soo dhamaado howgalkaas mashruuc ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Akhriso laba sabab oo ka dambeysay xil ka qaadistii lagu sameeyey Jen. Gabre

Muqdisho (Caasimada Online) –Urur goboleedka IGAD ayaa shaqada ka eryey kornayl Gabrezabher Alemsged oo Soomaalidu u taqaanno Jeneraal Gabre.

Warqad ka soo baxday xafiiska xoghayaha fulinta ee IGAD, Eng Maxbuub Macallim ayaa si rasmi ah maanta looga joojiyey jeneraal Gabre shaqadiisii ahayd la-taliyaha sare ee arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Warqaddaas waxaa BBC soo gaarsiiyey xubno ka tirsan IGAD oo dalbaday in aan magacooda la soo xigan.

Qoraalka shaqo ka joojinta oo isla maanta dhaqan galay ayaa looga dalbaday jeneraal Gabre inuu wareejiyo wixii qalab xafiiseed ah ee IGAD ay leedahay ee uu hayo ka hor 02:30 duhurnimo.

Isla qoraalka ayaa looga dalbaday qaybta maamulka iyo maaliyadda ee IGAD inay fududeeyaan xil ka wareejinta, iyo inay shaqaale u xil saaraan sidii looga qaadi lahaa jeneraal gabre dukumentiga lagu safro ee IGAD, haddiiba hore loo siiyey.

Siiqada ay u qornayd warqadda xil-ka-qaadista ee jeneraal Gabre ayaa ahayd mid aad u adag oo aan inta badan la adeegsan marka la eryayo mas’uul sare.

Inkastoo aysan caddayn sababta shaqada looga eryey jeneraal Gabre, misna dadka wax indha-indheeya waxay u tirinayaan qodobbada soo socda inay ka dambeeyaan in xilka laga qaado.

1- Jeneral Gabre wuxuu ku maqnaa markii xilka laga qaadayey dalka South Sudan oo hawlo shaqo uu u aaday, hase yeeshee isagoo shaqadaas rasmiga ah haya ayuu misna, sida ay BBC-da u xaqiijijyeen ilo kala duwan, wuxuu faraha kula jiray arrimaha Soomaaliya isagoo faragelin ku hayey.

2- Xil ka qaadistiisa waxay ku soo beegantay iyadoo waddanka Itoobiya ay ka socoto dabayl siyaasadeed oo isbeddello wadata, waxaana loo badinayaa in raalli ahaanshaha Itoobiya ee ah in xilka laga qaado uusan meesha ka marnayn. Waxaa tan wehliya cadaadis ay DF Somalia ku saartay Abiy Ahmed in xilka laga qadao Gabre

Jeneraal Gabre wuxuu dhowrkii iyo tobankii sano ee u dambeeyey si toos ah iyo si dadbanba ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo waddankiisa Itoobiyana ka ahaa mid ka mid ah saraakiisha milateriga ee saamaynta weyn leh marka la soo qaado arrimaha Soomaaliya.

Gabre wuxuu saaxiibo badan ku dhex leeyahay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidamada ee Soomaalida.

Sannadkii hore, bishii Juun ayey ahayd markii loo magacaabay xilkan ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee xoghayaha fulinta ee IGAD, oo ah xil siyaasadeed.

Ka sokow IGAD, Gabre ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Ethiopia, wuxuuna xiriir dhow la lahaa maamul goboleedyada Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Wuxuu aad ugu dhowaa Axmed Madoobe oo bil walba uu lacag ka qaadan jiray iyo kooxda Damu-Jadiid ee hogaanka dalka lagala wareegay, gaar ahaan Faarax Cabdulqaadir.

Ceyrinta Gabre, oo ah nin ay aad u neceb yihiin Soomaalida, ayaa noqon doonta mid ka mid ah guulaha ugu weyn ee lagu xasuusan doono dowladda hadda jirta, oo ka dagaalameysa in dalal shisheeye ay faro-gelin ku sameeyaan arrimaha gudaha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

Doorashadii Turkiga kadib: Akhriso 5 awood oo dheeri oo uu heli doono Erdogan

Ankaraca (Caasimadda Online) – Kadib guushii Recep Tayyip Erdogan oo mar kale loo doortay madaxweynaha Turkiga waxay ka dhigan tahay isbedel ka weyn kii hore inuu ka dhacay dalka Turkiga oo ah dalka ugu awoodda badan Bariga dhexe iyo mid ka mida dhaqaalaha soo koraya ee ugu horumarka sareeya ee dhaqaalaha adduunka.

Recep Tayyip Erdogan wuxuu markii labaad noqonayaa madaxweynaha dalka Turkiga, laakiin markan waa madaxweyne leh awood ballaaran, halka uu markii hore ahaa madaxweyne haya xil sharafeed oo awoodda inta badan ay gacanta ugu jirtay Baarlamaanka iyo golaha wasiirada.

Waxaa xusid muran ee afti dalka Tuykiga ka dhacday April 2017 in dalkaasi uu doortay nidaamka madaxweynaha iyadoo dastuur cusub loo codeeyay oo 51% dadka dalkaasi ay doorteen in Jamhuuriyadda Turkiga ay noqoto mid awoodda ugu sareysa uu leeyahay madaxweynaha.

Haddaba awooddaha uu leeyahay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo isbedelka Turkiga ka dhacay doorashadii 24 June kadib waxaa ka mida:

1- Inuu madaxweynaha si toos ah u magacaabi karo madaxda sare ee dowladda oo ay ku jiraan wasiirada iyo madaxweyne ku xigeenada.

2- Inuu awood u leeyahay joojinta iyo faragelinta nidaamka Garsoorka ee dalkaasi.

3- Inuu dalka Turkiga ku soo rogi karo xaalad degdeg ah.

4- Inuu kala diri karo Baarlamaanka, kuna dhawaaqi karo doorashooyin hordhac ah

5- Inuu meesha ka baxayo xilka Ra’iisal wasaaraha.

Mucaaradka Turkiga iyo dalalka Reer Galbeedka ayaa ku doodaya in Recep Tayyip Erdogan uu isu bedelayo keligii taliye, inkastoo uu doorasho ku yimid, waxaana loogu magac daray SULDAAN oo ah magac ay lahaayeen madaxdii Khilaafadii Cusmaaniyiinta.