23.9 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Boqorka Sacuudiga oo soo saaray amar ka farxiyay dumarka dalkaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska boqorka boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu shaaciyay in ciidamada Sacuudiga aysan muxram weydiin karin dumarka adeegyada kala duwan ugu imaanaya Xafiisyadooda.

Wareegtada ayaa waxa lagu sheegay in dhammaan dumarka ku dhaqan dalka Sacuudig ay kaligooda ka adeegan karaan Suuqayada dalka.

Hay’ada Xuquuqul insaanka dalka Sacuudiga ayaa iyaguna shaaciyay inay ku guuleysteen in dowlada Sacuudiga ay xayiraada ka qaado dumarka.

Hay’adaha ayaa sidoo kale sheegay in go’aankani uu yimid kadib markii ay soo jeediyeen Golaha Wasiirada boqortooyada Sacuudigu baaq ay horay ugu gudbiyeen oo ahaa in dumarka laga qafiifiyo Muxramka xiliyada ay adeega u doonanayaan suuqyada.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska boqork ayaa lagu amray in Hay’adaha dowladu ku fuliyaan muddo Seddax bilood gudahood.

Dumarka Sacuudiga ayaa caqabado kala duwan kala kulma Dowlada oo iyadu dumarka ku amarta inaanu meel gaari karin iyagoo aan wadan muxram.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Taliyaha Booliska oo ka hadlay halka uu maraayo kiiska dilka Wasiir Siraji

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir Saciid ”Saacid” ayaa ka hadlay baaritaanka lagu hayo Askarta Hanti dhowrihii Qaranka ee afafka hore Villa Somalia ku dilay Wasiir Cabaas Siraaji.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir, ayaa sheegay in inta badan baaritaanadii socday ay soo dhamaaden waxa uuna tilmaamay in Askarta dilka geystay ay yihiin kuwo ku jira gacanta Hay’adaha amaanka.

Taliyaha waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda ay gacanta ku hayaan Saddex nin oo loo heysto dilkii Wasiir Cabaas.

Seddexda nin ayuu sheegay in wali lagu hayo baaritaan isla markaana ay diyaar u yihiin in la mariyo wixii ciqaab ah oo ay muteystaan, sida uu haddalka u dhigay.

Taliyaha waxa uu intaa raaciyay in dalka uu ka jiro sharci aysan ka sareyn dadka xilalka ka haya DFS iyo kuwa shacabka ah waxa uuna cadeeyay in baaritaanka socda kadib dadkaasi ay marin doonaan waxa uu sharciga qabo.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. C/xakiin Daahir, ayaa carab dhabay in Ciidamada ay xireen Askar ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu helay musuq maasuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Maxaa iska bedelay Xabsi guriga Hanti dhowraha Aqbalaada xil ka qaadista ee Madaxweynaha kadib?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku aqbalay xilka qaadista hanti-dhowraha ee golaha wasiirrada.

Dr. Faarax Nuur ayey khamiistii xilka ka qaadeen golaha wasiirada si baaritaan loogu sameeyo dilka wasiirka Siraaje oo lagu eedeeyay ilaaladiisa.

Dr. Faarax Nuur, ayaa sida aan horay u sheegnay xabsi guri looga dhigay Xarunta Villa Somalia, waxa uuna sheegay in ilaa iyo hadda uusan qaadan xil ka qaadista.

Dr. Faarax Nuur, oo lagu amray inuu kusii jiro Villa Somalia ayaa aqbalaada Madaxweynaha ee xil ka qaadista loo sii kordhiyay saacadaha uu kusii jiraayo gudaha Villa Somalia.

Aqbalaada Madaxweynaha kadib Dr. Faarax Nuur waxaa lagu wargaliyay inaanu ka dhex bixi karin gudaha Villa Somalia ilaa iyo amar danbe waxaana intaa loo raaciyay in Villa Somalia uu uga bixikaro kaliya amar kasoo baxa Villa Somalia.

Dr. Faarax Nuur, oo rajo laga qabay in Villa Somalia laga saaro aqbalaada Madaxweynaha ee xil ka qaadista kadib ayaa sidoo kale lagu wargaliyay in bixitaankiisa uu yahay mid ku xiran baaritaanka dilka Wasiir Siraaji kadib.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxaaya warar sheegaya inuu sii daba dheeraday kiiska dilka Wasiir Siraaji oo cagaha la galay dhowr qof oo kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Madaxweyne Farmaajo oo digreeto rasmi ah ku ceyriyay hanti dhowraha qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu saaray xeer madaxweyne oo uu ku aqbalay xilka qaadista hanti-dhowraha ee golaha wasiirrada.

Dr. Faarax Nuur ayey khamiistii xilka ka qaadeen golaha wasiirada si baaritaan loogu sameeyo dilka wasiirka Siraaje oo lagu eedeeyay ilaaladiisa, Nuur oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu iska diiday xilka qaadista.

Digreeteada Madaxweynaha waxaa ay muujineysaa in Dr. Faarax Nuur aanu soo laaban doonin, arrintaas waxaa ay dhalisay muran dastuuri ah.

Maxay tahay sababta keentay inuu Madaxweynaha Galmudug safar deg deg ah ku yimaado Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa goordhaw kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Axmed Ducaale ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho kula kulmo madaxda dowlada Soomaaliya , ayna ka wada arinsadaan arimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay arinta shirka 11-ka bishaan ka furmaya magaalada London ee dalka Britain.

Madaxweyne Xaaf ayaa safarkaan uu maanta ku yimid Magaalada Muqdisho waxa uu noqonaya Kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado Magaalada Muqdisho isagoo madaxweyne ah.

waxa uuna la kulmi doonaa madaxda Dowlada Dhexe ee Soomaaliya oo ay ka wada hadli doona Arimaha Shirka london ee Soomaaliya looga hadli doono.

Madaxweynaha ayaa shirkaas ka qeybgeli doono ka hor inta aan la caleema saarin, waxaana la filayaa in caleema saarkiisa uu ka dhaco Cadaado 20 Bishaan marka laga soo laabto shirka London

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa horyaalo howlo adag oo ay ka mid tahay wada hadalka maamulkiisa iyo maamulka dowadda gobolada dhexe ee Ahlu Sunna .

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xildhibaan Mahad Salaad: “Xilka qaadista hantidhowrka waa go’aan siyaasadeysan oo lagu deg degay”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay xil ka qaadis ku sameysay hanta dhowrihii guud ee qaranka Nuur Faarax Jimcaale kadib markii lagu soo eedeeyey qodobo aad xasaasi ah oo ku aadan dilkii  ay ilaaladiisa u geysteen Allaha u naxariiste wasiirkii Howlaha Guud Cabbaas Cabdullaahi Sirajai.

Haddaba waxaa arrintaas sharci darro ku tilmaamay Mahad Maxamed Salaad, kaasoo sheegay in xil ka qaadista golaha wasiirada ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu degdegay, isla markaana aan sharci ahayn.

Xildhibaanka ayaa qoraalkaan hoose soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitterka, wuxuuna tilmaamay sida hadalka gadaashiisa ka muuqato mid la yaab leh markii uu saaray Calaamadda (!) oo tilmaameyso wax la yaab leh.

Mahad Salaad waxay qaraabo yihiin Hanti dhowraha ayaa barihiisa bulshada ku faafiyey  farriimo lidda ku ah xil ka qaadistaas, inkastoo uu saaxiib dhow la yahay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, haddana ma uusan ka gamban arrintaan, waxayna u muuqataa inuu u difaacayo hab qabiileed.

Hanti dhowrihii qaranka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin aan si fiican ula shaqeyn shaqaalaha xafiiskiisa, sidoo kalana waa nin Kibir badan oo iskala weyn dowladda Soomaaliya, wuxuuna cabad ku noqon lahaa waxqabadka dowladda haddii aan xilka laga qaadi laheyn.

Inkastoo la tilmaamay in habka loo maray ay qaldan tahay, haddana marka la fiiriyo qodobada lagu soo oogay wuu mudan yahay in xilka laga qaado.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Hanti dhowrihii qaranka Nuur Faarax oo xabsi guri lagu geliyey madaxtooyada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xilka ka qaaday Hanti Dhawraha Qaranka kadib dilkii ay ilaaladiisa u geysteen wasiirkii Howlaha Guud ee dowladda Somaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Haddaba wararka ay caasimadda Online ka heleyso Madaxdtooyada Viila Soomaaluya aaa sheegaya in Hanti dhowrihii qaranka Nuur Faarax Jimcaale la dul dhigay amar cusub, waxaana ugu weyn inuusan ka bixi Karin Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa la amray inuusan la hadli Karin saxaafadda inta ay ka dhamaaneyso baaritaanka lagu hayo dilkii loo geystay Wasiir Cabaas Cabdullaahi Siraaji

“Waxaa la i leeyahay ma hadli kartid, Madaxtooyada kama bixi kartid, lambarka gaarigeygana waxa la dhigay jidadka, waxa aan wajahayaa arrin adag”. ayaa laga soo xigtay Hantidhowrihii xilka laga qaaday oo warbaahinta gudaha ay la xiriirtay saakay aroortii hore.

Waxaa socoto baaritaan lagu hayo mas’uuliyadda falkaan ku lahaa hanta dhawraha qaranka, waxaana baaritaankaas wado Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo kiiskaan gacanta ku heyso.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Dhageyso: Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo digniin culus soo saartay kadib dilkii wasiir Siraaji

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadshay dilka wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya Cabaas Sheikh siraaji iyo Askartii ay dilkaas u xirtay. .

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya G/lle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka hadlay halka uu marayo baaritaanka kiiska dilka Wasiir Cabbaas C/llaahi Siraaji.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Shuute Askarta dishay Wasiir Cabaas in ay ilaalo u ahaayeen Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo Golaha Wasiirada ay xil ka qaadis ku sameeyeen, inkastoo uu ka soo horjeestay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la hayo saddex qof oo rasaastii dhacday la baarayo ciddii geysatay, isla markaana baritaanka gaarayo mas’uulka ay ilaaladiisu falka geysatay si wax looga weydiiyo mas’uuliyadii uu ku lahaa.

Wuxuu ka digay in Masuuliyiinta Dowladda iyo ilaaladooda ay handadaan shacabka, dhibaatana ay ugeystaan, iyadoo ay dhacdoin xilliyada qaar, askata dowlada ay u wood sheegtaan dad shacab ah xilliyada qaarna risaas micno darro ah ku ridaan .

Waxa uu sheegay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya in aysan u dulqaadan doonin dhibaato loo geysto shacabka Soomaaliyeed, hadana iyaga dhibaateysan looga tago wadada dhexdeeda, taasina waxa uu sheegay in loo aqoonsanayo mid ku talagal ah.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo baxay guddoomiyaha Maxkamadda

 

Dhageyso: Cosoble oo arrin xasaasi ah kasoo saaray qorshaha horumarinta qaran ee shirka London

Muqdisho (Caasimadda Online) – 11 Bishaan waxaa Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska ka furmi doono shir looga hadli doono arrimaha Soomaaliya kaasoo ay ka qeyb geli doonaan dowladda dhexe iyo dhammaan maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in ay iska diideen Qorshaha Hormarinta Qaranka oo dhowaan ka dhacaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Waxa uu ku sheegay sababta ay u diideen in ay tahay Hirshabeelle in aysan jirin Qorshahan markii la sameynayay, taasina ay ku diideen.

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle in ay jiraan dad xasdaya Hirshabeelle, lagana xigsado Maamulada kale ee dalka ka jiraan .

Madaxeyne Cosoble ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle lagu haayo faquuq gooni ah loona diidan yahay horumar inuu sameey, hayeeshee taas aysan marnaba qaadan doonin

Hadalkaan wuxuu imaanaya kadib markii  Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble uu dib ugu laabtay Magaalada Jowhar oo uu todobaayadii la soo dhaafay kaga soo maqnaa Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Muxuu yahay xalka KMG ah ee Somalia iyo Ethiopia ka gaaren muranka Webiga Shabeelle?

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arriimaha dibada Somalia Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Hailemariam.

Wasiirka waxa uu sheegay in labada mas’uul ay muddo kooban uga wadahadleen xaaladaha dhabta ah ee ka dhex jira labada dhan.

Waxaana uu sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal iyo arrinta wabiga Shabeelle oo uu muran ka jiro.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha uu ku celceliyay in Somalia sinaba aysan uga samri doonin wixii xuquuq ah ee ka maqan, waxaana arrintaasi ku raacay Hailemariam.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay isla meel dhigeen in guddi labada dhinac ah loo xilsaaro arrinta wabiga, si wax looga qabto muranka ka taagan wabiga Shabeelle.

Sidookale labada masuul ayaa ka hadlay arrimaha waxbarashada oo uu Ra’isul wasaaraha Ethiopia ballan qaaday in 500 oo arday ah uu siiyano waxbarasho bilaash ah.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in safarkooda Ethiopia 70% ay kasoo gaaren guul, isla markaana wadahadalka labada dal uu yahay mid bilow wanaagsan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Mid ka mid ah raggii loo soo qabtay dilka wasiir Siraaji oo la sii daayey

Laamaha ammaanka, ayaa xabsiga ka sii daayay mid ka mid ah raggii hal habeen ka hor loo soo qabtay dilkii agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somaliya loogu gaystay Wasiirkii Hawlaha Guud ee Xukuumadda, Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji.

Laamaha ammaanka, ayaa gacanta ku soo dhigay afar ka mid ah ilaaladii Hanti Dhawraha Guud Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale, oo iyagu lagu eedeeyay in ay dilkan gaysteen.

Hanti Dhawraha oo wax yar uun ka dib dilkaasi la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa xaqiijiyay in laamaha ammaanku ay xabsiga u taxaabeen afar ka mid ah ciidankii ilaalada u ahaa, sababo ku aadan iyagoo baaraya qaabka uu dilku u dhacay.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in hadda dilkan loo hayo saddex nin, kuwaa oo sida uu sheegay weli la baarayo.

Wasiirka, ayaa ka gaabsaday in xabsiga laga sii daayay mid ka mid ah raggii loo soo xiray dilka Wasiir Cabaas Siraaji, xilli aynaan weli baaritaanadu soo idlaanin.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in ninka xabsiga laga sii daayay lagu ogaaday baaritaanada socdaa inaanu wax rasaas ahi ridin, sidaasi daraadeedna aan loo baahnayn in uu sii xirnaado.

Hanti Dhawraha oo si adag uga cudurdaartay dilkaasi, ayaa sheegay in uu ku yimid kala shaki soo kala dhex galay ilaaladiisii iyo ilaaladii la socotay Wasiir Cabaas Siraaji.

Wasiir Yariisow, ayaa Saxaafadda u sheegay in Golaha Wasiirada ay isu raaceen in xil ka qaadis lagu sameeyo Hanti Dhawrihii Guud Qaranka, iyadoo markaasi jawaab adag laga bixinayo dilkii Wasiirka.

Hanti Dhawraha, ayaa si adag uga horyimid tallaabada xilka looga xayuubiyay, waxaana uu ka digay in sharciga laga dhigo jaantaa rogan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Qoyska wasiirkii la dilay oo kasoo dagay Muqdisho iyagoo ka dhawaajiyey arrin aad u weyn

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoyska uu kasoo jeedo wasiirkii HCowlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji ayaa shalay kasoo dagay Magaalada Muqdisho, inkastoo ay kasoo daaheen duugista wasiirka.

Xubnahaan ka socday qoyska Marxuumkii geeriyooday ayaa ka kooban ilaa 8 xubno, waxayna kulan hordhac ah la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xubnahaan ayaa ka dhawaajiyey in wiilkoodii si kas ah loo dilay oo aysan jirin wax la yiraahdo qalad, isla markaasna ay dowladda Soomaaliya uga fadhiyaan go’aanka ay ka qaadato arrintaan.

Maanta ayaa la filayaa inay kulan ballaaran qoyskaan la qaataan madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya, iyadoo laga wada hadli doono sida laga yeelayo dilkaan murugada badan ee ka dhacay Muqdisho kaasoo lagu waayey xubin muhiim ah oo ka tirsaneyd golaha wasiirada Kheyre.

Xaaladaan ayaa u muuqato mis halis ah, waxaana laga yaabaa inay saameyn ku yeelato xiriirka Maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe haddii aan la qaadin tallaabooyin adag oo ku aadan falkaan dhacay.

Waxaa la sugayaa go’aanka ay dowladda ka qaadato iyo sida ay u qanciso qoyska uu kasoo jeeday marxuumka geeriyaaday Cabaas Cabdullaahi Siraaji, balse Golaha Wasiirada ayaa xil ka qaadis deg deg ah ku sameeyey Hantida Dhawraha qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale kadib markii lagu soo oogay qodobada soo socdo:

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Video: Hailemarim: Anaga oo aan fasax ka qaadan DF lama hadleyno madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday dhawaan dalka Itoobiya halkaas oo uu kulan xasaasi ah kula qaatay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya H.E. Hailemariam Dessalegn, wuxuuna kulankaas ahaa midkii ugu horeeyey ee dhex mara labada Mas’uul.

Haddaba labada Mas’uul ayaa markii ay wada hadleyn waxay saxaafadda la wadaageen qodobadii ay ku heshiiyeen, Caasimadda online ayaana xoogga saartay inay waxyaabihii ay labada Mas’uul saxaafadda u sheegeen kasoo qaadato qodobadii ugu muhiimsanaa, waxaana idinkaga soo dhignay Af-Soomaali , maadaama war saxaafadeedka ahaa mid ku baxay luuqadda Ingiriiska.

Qodobada aan warbixintaan uga hadli doono waa Hailemariam oo sheegay inaysan maamul Goboleedyada la hadli doonin iyagoo aan wax fasax ah ka heysan dowladda dhexe, waxaadna qodobkaas ka daawan kartaa muuqaalka hoose, gaar ahaan daqiidda 14: 45 – 16-30.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa ka hadlay arrin maalmihii dambe ay dowladda Soomaaliya dhib weyn ku qabtay taasoo ay ka waday gudaha Maamul Goboleedyada dalka, kadib markii ay bilowday inay la macaamisho Maamul Gobleedyada iyadoo aysan wax war ah ka heyn dowladda dhexe.

H.E. Hailemariam ayaa Farmaajo hortiisa ka ballan qaaday inaysan dowladda Itoobiya marnaba diyaar u aheyn inay maamul Goboleedyada dalka la kulmaan lana hadlaan iyadoo aysan dowladda dhexe ka war heyn, isagoo ka dhawaajiyey inay Itoobiya kala tashan jirtay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud marka ay dooneyso inay la macaamilaan Madaxda Maamulada.

“ Anaga Dowlad Goboleedyada iskalama hadli jirin ee waxaan fasax ka heysanay dowladdii hore ee federaalka, marka anaga si toos ah ulama hadli jirin ayaga, dowladii hore ayaan weydiisan jirna fasax” ayuu yiri Hailemariam

“  Marka anaga si toos ah ulama hadli jirin ayaga, Dowladdii hore ayaan weydiisan jirna fasax, kadibna madaxda Maamul Goboleedyada ayaa noo iman jiray oo aan wixii aan rabno kala hadli jirnay”

“  Sidaa darteed fasax la’aanta dowladda federaalka, Itoobiya iyo dal kaleba ma ahan marnaba inay fara geliyaan soomaaliya. anaga xitaa federaal ayaa nahay mana ogolin in dal kale dowladaha federaalka uu la hadlo, anaga oo aan fasaxin, marka anagana sidaas dal kale kuma sameyn karnoi” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bilowday inay maamul Goboleedyada dalka ka jiro kala hadasho waxyaabaha ay ka doonayaan iyadoo aan fasax ka heysan dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa culeys ku aragtaa arrintaas, waana midda keentay inuu Madaxweynaha booqdo dalka Itoobiya, wuuna kusoo guuleystay inuu Ra’isulwasaaraha kasoo saxiido heshiisyo badan oo ay midaan ka tirsan tahay.

Inkastoo heshiiskaas la galay, haddaba fullinta waxay ku xiran tahay dowladda Itoobiya maadaama ay tahay dowladda faragelinta ku heysay Soomaaliya, lamana qiyaasi karo haddii ay si dhab ah u fullin doonto iyo haddii kale.

Haddii ay dowladda Itoobiya fuliso ballanqaadkaas, waxaa dowladda dhexe u fududaan doonto inay xiriir wanaagsan la sameysato maamul Goboleedyada dalka maadaama ay markii hore Itoobiya sabab u aheyd inay isku dhacaan maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Dowladda Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha saameynta ku weyn ku leh Soomaaliya, waxaana AMISOM ka tirsan ciidamo ka tirsan Itoobiya, sidoo kalana waxaa joogo ciidamo kale oo aan AMISOM hoos tagtay  waxayna hadda bilowday inay kuwa aan howgalka Midowga Africa hoos tagin inay ka saarto dalka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Daawo hanti dhawraha qaranka oo ka sheekeenaya cidda xilka ka qaadi karta

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Golaha wasiirada ayaa xil ka qaadis ku sameeyey Hanti Dhawraha guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale kadib markii ay ilaaladiisa dil u geysteen wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Hanti Dhawraha ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadistii lagu sameeyey, wuxuuna tilmaamay in kaliya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ay xilka ka qaadi karaan maadaama ay iyaga markii hore codka kalsoonida siiyeen.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa muuqaal ku saabsan Hanti dhawraha qaranka oo ka hadlayo waxyaabo badan oo ku saabsan shaqada uu qabto, sida uu u qabto iyo cidda xilka ka qaadi karto.

Bishii Agosto ee sanadkii 2016 ayaa wareysi uu Hanti dhowraha Guud siiyay Telefishinka Horn Cable ayuu ku cadeeyay in Baarlamaanka uu xasaanada kala noqonayo, isla markaana Madaxweynaha uu digreeto ku soo saarayo.

Baarlamaanka ayaa hadda fasax ku maqan illaa bisha July waxayna keeni kartaa xaalad jahwareer iyo caqabado dowladda soo wajaha oo ka dhasha xil ka qaadista Hanti dhowrka Guud.

Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaalkaan, wuxuuna cidda xilka ka qaadi karto kaga hadlayaa daqiiqadda 31 -aad ilaa 33-aad.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Muran ka dhashay wax ka badalista magaca gobolka Banaadir, aqriso asalka magacaan iyo meesha uu ka yimid

Iyadoo dhowaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho uu amar ku bixiyay in magaca Banaadir loo bedelo Benaadir, ayaa arrintan waxay keentay doodo kala duwan oo ku saabsan sax ahaanshaha, iyadoo la isla aaday taariikh hore.

Dad badan ayaa ku doodaya in magaca Benaadir la isticmaali jiray xilligii gumeystihii Talyaaniga, halka dad kalena ku doodayaan ka hor gumeystihii uu Banaadir ka soo aslamay magaca Bandar oo ah magac Iiraaniyaan ah.

Hadaba Prof. Yaxye Sheekh Caamir ayaa qormo ka qoray magacan Banaadir iyo asalkiisa, waxaana ay u qorneyd sidan:-

Benaadir, Seemaali, yexeye.

Sir: Charles Belgrave, oo ahaa Ingiriis la talin jiray hogaamiyayaashii Baxreeyn ayaa 1930 soo jeediyay in magaca Persian Gulf ama (Gacan Baddeedka Iran Gulf) la bedelo , fekerkaasi waa socday illaa 1960. Iran marna ma aqoonsan,in kastoo carabu lacag badan ku bixisay in maadada Joqorafiga iyo Map-ka cusub lagu darao magaca.

Waxaa kale oo la yiri: Badda Indian ocean halaga bedelo magaca oo haloo bixiyo Afrikan Ocean, bacdamaa waddama badan oo Afrikan ah ay xad la leeyihiin. Afrikaankii taa waa diideen,waxa ay yiraahdeen: waqti iyo dhaqaale badan ayaa ku baxaya, taariikhduna fudeedkaa ku badalmi ma doonto, macna weyna ma sameeyneeyso .

Haddana waxaa la soo jeediyay magaca Banaadir hala bedelo! Ma Iraan ayaa lagu xumeeynaa.Bandar waa kalmad Irani ah oo macnaheedu yahay magaalo xeebeed, haddii dhowr magaalo ay ku yaalaan xeebtana waxaa la yiraa Banaadir oo jamac ah, magacaa oo markii hore Irantu u taqiin xeebaha soomaalida ilaa kismayo, markii dambene lagu soo koobay 5 magaalo oo ganacsi caalami ah la lahaa Iran iyo Shiinaha, kuwaa oo kala ahaa: Cadale, Warshiiq, Xamar, Marko, iyo Barawe.

Iran waxa kale oo ay keeneen magaca Mogadishu sida qoraalo badan sheegayaan,oo ah laba xaraf : Maqcad =Kursi asal ahaan kalmad carabi ah,iyo Shaah = Hogaamiye asal ahaan kalmad Iraani ah, halkaa oo uu degenaa wakillka shaaha . dhinaca kale waxaa jira kalmada Gandarshe oo ah laba kalmadood oo asal ahaan Irani ah Gander= ku xigeen ,iyo shaah oo ah hogaamiye, waana halka maanta loo yaqaan gandarshe oo uu degenaa ku xigeenkii hogamiyihii xamar. ( yaan la bedealin magacyada sh/hoose ).

Horeeyba u burbureen oo magac kaliya ayaa ka haray Mogadishu iyo gandarshe fiiri sawirada :1 &2aad.

Ogow magaca Amerika waxa uu ka yimid Amerigo Vespucci oo ahaa wiil yar oo talyani ahaa reer Florence ahaa , helayna dalka mareeykanka looguna magac daray. Hadda haddii talyani iyo mareeykan diriraan ma magacaa la bedelaa????
Yaan taariikhda loo bedelin Iraan Naceeyb ama raali galin Carbeed . waxaa jira wadama Carbeed oo shiicadu ay tahay qaybta bulshada ugu badan .Shiicana weligeed xamar waa joogtay laakin Somali ma aheeyn, 10 qof jamaaca ka yar ayaa Masaajidooda joogi jiray fiiri sawirka 3aad.. Haddda Shiico somaliya waa joogta waa run, weliba waxa ay ka mid yihiin 9-ka kooxood ee Xamar wax ku dila ,laakin iyagaa ugu roon dadka kale ma dilaan iyagaa dhaxdooda dilaalnima isku dila.qorshahoodana kuma jirto shiica fidin.

Shiica kuwa ka daran oo aan islaannimaba sheeganeeyn ayaa hadda howl bilaabay xatta kuwa aan aaminsaneeyn diimaha samaawiga.

FG: madaxdeena waxaan ka codsaneeynaa in ay naga ilaaliyaan laab la kac siyaasadeed iyo in aan dhaxgalno khilaaf laba dhinac ka dhexeeya oo ayna anaga dani noogu jirin. Yaan magacyada si fudud loo bedelin, ogow aniga waxaa la i yiraa: Yaxya ee yaan la ii bedelin yexeye ,sida banaadirba loogu bedelay Benaadir. Naga ilaaliya kuwa seemaaliya noogu yeeri doono. Wixii iga qaldan haddaba sax ,fekerkaaga ka dhiibo ,beeni ama rumee, wax ku dar am aka dhin .

Qore: Yahya Amir

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Hanti dhawraha qaranka wuu mudan yahay in xilka laga qaado, balse looma marin wadadii saxda aheyd!

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee uu hoggaamiyaha u yahay Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xilkii ka qaaday Hanti Dhawraha guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Inkastoo Dr. Nuur Faarax Jimcaale lagu hayo fal aad u weyn kadib markii ay ilaaladiisa toogteen Wasiirkii Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji, isla markaasna ay macquul yihiin dhammaan qodobadii lagu soo eedeeyey uuna mudan yahay in xilka laga qaado, haddana waxaa jirtay qaab ku haboon in xilka qaadistaas loo maro.

Sida ay sharci yaqaanada tilmaamayaan, Golaha wasiirada ayey aheyd inay soo gudbiyaan qodobada lagu soo eedeeyey Hanti Dhawraha qaranka, isla markaasna ay Madaxweynaha Soomaaliya usoo jeediyaan inuu xil ka qaadis ku sameeyo.

Marka ay golaha wasiirada xil ka qaadistaas codsadaan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayey aheyd inuu Digreeto kusoo saaro inuu Hantida Dhawraha Qaranka xilka ka qaaday  kadib markii uu tixgeliyey codsiga golaha wasiirada.

Marka uu Madaxwyenaha soo saaro digreetadaas, haddana waxaa la hor geynayaa golaha wasiirada si ay codka kalsoonida ugu qaadaan digreetada kasoo baxday Madaxweynaha, maadaama Hanti dhawraha markii hore ay codka kalsoonida siiyeen markii uu Madaxweynihii hore xilkaan u magacaabay.

Sidaas ayaana lagu sheegay inay aheyd wadada ugu saxsan in xil ka qaadistaas loogu sameeyo Hanti Dhawraha qaranka oo galay fal dambiyeed aad u weyn, waxaana lagu soo eedeeyey qodobada hoos ku qoran:

1- Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado

2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.

3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.

4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

NGO-yada iyo Soomaaliya: Kulankii aniga iyo carabkii hantiilaha ahaa

Goor-sheegtadu hadda  waxa ay isku taagtey labo iyo tobankii subaxnimo, waxa aan dhex soconayaa waddada King-Fahad ee ku taal magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudi Carabiya. Cabbaar markaan socday waxa aan ku leexday makhaayad ay gabdho Soomaliyeed leeyihiin, waa meel subaxa hore dad badan, waxaana hamuun-tir kasii cuna shaqaalaha muruq-maalka ah. Waxa aan ku fariistay kursi meel gees ah yaalay, waxaana ii yimid kabal-yeerigii yamaniga ahaa wuxuu ii leeyahay “Maxaan kuu keenaa yaa akhil kariim?” Anna waxa aan dirsaday cunnada meeshani ay caanka ku tahay ee loo soo doonto waana khubsi (sabaayad). Waxaa la isoo hor dhigay labo xabbo oo sabaayad ah iyo koob shaaxa, cabbaar markaan cunay waan isaga kacay anoo meesha uga tagey jab sabaayad ah oo ku guul darraystay inuu calooshayda boos ka helo. Waxa aan hor taaganahay hadda maqal-hayihii oo aan siiyay lacagtiisii balse tirsanaya. Waxa uu igu yiri “shukran waa ay dhantahay”. Anna hadda magaalada baan iska soo aaday oo wax talo ah magaalada kuma hayo, oo waxa aan ahay shaqo la’aan.
Waxaan aad ula yaabanahay dhismayaasha magaalada ee bilicsan, waxa aan ka fekerayaa carabtaan sidii ay ahaan jireen iyo noloshii saboolnimada ahayd ee ay ku noolaan jireen boqol sano ka hor. Waddooyinka is goynaya dabakhyada dhaadheer iyo waxa gawaari meesha maraya ma malayn kartid. Cabbaar haddaan socday waxaan iska soo fariistay makhaayad aad u wayn kuna dhow dhisme-ganacsiyeedka wayn ee Sulaymaaniyah, ee ay fariistaan dadka hantiilayaasha ah. Waxa aan ku fariistay kursi aad u qurux badan oo ilaa hadda ay ii sii muuqato bilicdiisii. Meesha waan iska fadhiyaa mooye koob shaaxa kama gadan karo, oo anoo kale halkaan waxba kama gato kamana bixi karo kharashkeeda. Cabbbaar haddaan fadhiyay, waxaa meel ii dhow soo fariistay nin Sucuudiyahan ah, wuu i salaamay anna waan ka qaaday. Waxa uu guda galay inuu waydiimo aan xad lahayn i waydiinayo, ann waxaan ugu jawaabayay si taxadar leh, anoo ka shaki qaba inuu ninkani yahay nin boolis ah.
Waxa aan aad uga baqayaa waydiinta ah sharcigaagii mee? Iyo war-celintayda ah “sharci malihi”. Intaasna waxaa ku xiga in xafiiska tarxiilka la i geeyo dabadeedna dhulkii aan kasoo dhoofay la igu celiyo. Hadda odaygii carbeed ogaaday in uu yahay hantiile wayn ee uu san askari ahayn. Magaciisana waxa uu iigu sheegay “Fu’aad Fahmi” lakiin wuxuu ku caanyahay Abuu xamsa. Hadda isagii baa ii warramaya oo waxa uu leeyahay  “Walaal waxa aan ku faraxsanahay inaan kula kulmo, waxa aan ahay nin hantiile ah, waxaana doonayaa in aan saddex masaajid ka dhiso Soomaaliya, adna waxaad ka timid Soomaaliya marka waxa aan kaa doonayaa inaad hawshaa ila garab-gasho.”
Anna markaygii baan hadalka qaatay waxaan ku iri ninkii carabka ahaa anoo fiirinaya garkiisii waynaa iyo calooshiisii aadka uga soo horraysay “Ninyahow horta waa wax wanaagsan in masaajid la dhiso, lakiin waxaa muhiim ah in la is waydiiyo war masjid ma looga baahanyahay meesha laga dhisayo;  mise baahiyo kale baa ka jira oo masaajid waa ay haystaan?  Waxa aan kuu sheegaya walaal saddexda magaalo (Muqdisho, Garawe iyo Hargaysa) ee aad rabto inaad ka dhisto masaajidda,waxaa ku yaal masaajid ciiddaa ka badan, marka anigu waxa aan kugu la talinayaa inaad lacagtaas dadka ugu dhistid goobo waxbarasho sidoo kalena aad ugu qoddid ceelal-biyoodyo “Ninkii carabka ahaa hadda kor buu u qaylinaya isagoo leh “I dhagayso waryaa, anigu wax aan masjid ahayn oo aan dhisayo haba-yaraatee ma jidho, ee ma kuu dhiiba lacagta mise waan kaa tashtaa.” Cabbaar baan aamusnaaday anoo ka fekeraya meeshaan busaaradda igu haysa iyo saan ugu baaba’sanahay iyo mashruuca lacagta xooga leh wata ee la ii dhiibayo, sidoo kale waxa aan ogahay carabkaan inuu dharag-dhacsi ku jiro ee uusan doonayn inuu dad caawiyo. Oo hadduu sadaqo la baxayo muxuu ii leeyahay masaajidda sawirro iga soo qaad, oo magacayga dadka usheeg inaan ahay ninka masaajidda dhisaya?  Yaab war carabtaan lacagta ma waxa ay uga baxdaa beero!! Waan yeelay inaan mashruuca la fuliyo, asna waxa uu ii ka xeeyay meel hay’ad ah oo magaceeda la yiraahdo “munadamatul khayriya libinaa’il masaajidil caalam.” Waxaanu galnay xafiiskii waxaana la qoray magacaygii iyo xog kale oo dheeraad ah oo caddaynaysa inaan ahay ninka wata mashruuca masaajidda lagu dhisayo ee Soomaliya. Ninkii wax qorayay wuu dhammeeyay hawshisii, kadib waan salaanay, fadhigiina waan ka kacnay oo bannaanka baanu uga soo baxnay dhismihii.
Carabkii baa ii la hadlaya oo waxa uu ii leeyahay is diyaari birri baad baxaysa. Anna kaliya waxa aan ka fakaryo waa lacagta la ii dhiibidoono xaddigeedu inta uu le’ekaandoono. Aniga iyo Abuu xamsa waxa aanu tagnay gurigiisii halkaas oo aan qado ku lahayn, alla qadadu maalintaas maxay ahayd?! Adduun baa nalasoo agdhigay waa saxan wayn oo bariis ah, hilib dooro iyo kalluunba isugu jira , cabitaanno kala jaad ah qudaar nooc walba leh. Wili intaan sucuudiga joogay kuma fekerin maalin hadde waa maalin kaliya baad waxaan ku qadaynaysaa. Waa adduun iyo xaalkiisii,  shalay haddoo kale waxa aan la’aa lacag aan xitaa haaf bariis ah ku cuno, maantana adduun baa hortayda yaal. Waxaa iigu soo dhacay meerisyadii Gabyaagii waynaa ee Qamaan Bulxan Yuusuf ee ahaa:
Adduun waa har labadiisa galin waana la hubaaye.
Hal galgalatay waxa looga dhigay yaa ninna uharine.
Mar un baa sabool la harqiyaa hodonna deegaaye.
Qadadii markii aan kasoo jeesannay waxa uu igu wareejiyay lacagtii masaajidda lagu dhisi lahaa, markii aan arkay lacagtaa intaa le’eg madaxaa i waynaaday waan u qaadan waayay in aan shalay qadayn maanta lacagtaan la ii dhiibay adduuunyo! Sidoo kale waxaanu casarkii isu raacnay xafiisyada diyaaradaha, waxa uuna iisoo gooyay tagidka diyaaradda “Air France” waxa ay baxaysay tobanka aroornimo. Waxa aanu kasoo noqonay xafiiskii. Markii aan soo gaarnay waddadii suuqa aadi jirtay, lacag buu ii dhiibay waxa uuna igu yiri “Lacagtaan yar intaad qaadatid suuqa uga soo gado dhar iyo waxaad u baahantahay oo kale.” Anna hoos baan ka iri “Lacag yar kuye, mindhaa yaraanta baanu isku si u aqoon.” Lacagta uu odaygu ii dhiibay aad bay u badnayd.
Suuqa wixii ugu horreeyay ee aan ka gato waxa uu ahaa labo khamiis oo cad-cad iyo cimaamadaha casaanka iyo caddaanka isugu jira ee carabtu xirato loona yaqaan “kam qatalta” oo dee maxaan carab isaga dhigi waayay ma in mashruuca yaroo Alla ku siiga ah iga fashilmaa doonaysaa? Markii aan suuqa hawlahaygii ka soo dhammaystay, waxa aan ugu tagay odaygii meel  aan ku ballansanayn oo beer ah, looguna talo galay in lagu nasto. Halkaas baanu iska raacnay oo waxa aannu aadnay hotel u dhow King Khalid International Airport,  halkaas oo uu iiga kireeyay qol. Wuu iga tagay markaa, anna qolkii baan soo dhex istaagay mise maxaa adduun dhexyaal! Sariir labo nafar ah oo meel halkaan ah taal baan saas isu gu tuuray aar baan soo xasuustay xalay meeshaan hurday.
Waxa aannu qol yar ku degganayn sideed qof, waxaanu seexan jirnay dhulka anagoo afar joorari oo kaliya naga dhaxayso, qaarkayana waxay ku seexan jireen kartoomo la isa sar-saaray. Caawase halkaan hurdo iyo halkaan xalay u hoyday waa kaaf iyo kale dheeri. Kor baan u yara kacay oo daaqadda furay waxaana si toos ah halkaas uga daawanayay dhaqdhaqaaqa garoonka aan berri ka duuli doono. Xiligu waxa uu is guraba waxaa soo dhawaaday xiligii aan bixi lahaa, anna waxaan guda galay inaan isdiyaariyo. Waxaan isku taagay khamiiskii caddaa, cimaamad iyo cigaal waxa kaliye oo aan tabayo wa gar. Tollaay, caawa gar baa i ciilay, haddaan lahaan lahaa gar aniga iyo imaamka masjidka xaramka ka tujiya baa la is ku kaaya khaldi lahaa. Sidoo kale intii aan odaygaan la socday muqaalkaygii wax wayn baa is ka baddalay markaasaa haddaad i aragtid waxaad iigu dhaaran lahayd inaan carab ahay. Magacaygii aan lahaa waagii aan busaaradaysnana baddalay oo hadda magacaygu waa “Abuu caa’isha”.
Qolkii baan kasoo baxay oo jaranjaro hoos aadda baan soo raacay anoo boorsana jiidaya midna garab ku wata. Sankaan taagayaa oo waxaad i moodaa sida nin lanbarka koowaad ka galay  majaladda Forbes ee lagu qoro dadka dunida ugu hantida badan, oo Bilgate-ba aan ka horreeyo. Halkaas meel ah baa waxaa iiga muuqday qof aan aan is iri waa taqaannaa waan ku soo dhawaaday oo haddana ku soo dhawaaday mise waa Cali-madoobe oo xaaqin wata dhulkana xaaqaya. Cali waxa uu ka shaqeeya halkaan oo wuxuu xaaqaa huteelka barxadiisa wayn iyo barandada, waxaana uu ka mid ahaa Raggii aannu wada degganayn. Cali weli imuu arag oo shaqadiisii buu wataa, lakiin waxa uu maqlaya boorsada la jiidayo iyo kabaha buudka ah ee sida miisanka leh mutuleelka uga sharqaminaya, markaasu gadaal soo eegay, markii ay indhahayagu is qabteen xaaqinkii baa ka dhacay, anna tartiib baan u hormaray anoo hoos fiirinaya. Cali-madoobe indhuhuu mar-martay oo mar labaad ifiiriyay oo haddana ifiiriyay, oo igu yiri “War wiilkii qolka nala degganaa soo ma tihid?” Marka aan intaa maqlay baan soo xasuustay ,busaarad, shiid hoy hu’ iyo hunguri la’aan; qol ciriiri ah sabaayad quraac ah iyo noloshaydii carabku iga soo bootiyay. Waxa aan ku iri Cali “Mayee walaal waa Abuu-Caa’isha” suu yiri oo goormaad gabadha dhashay? Waydiintaa warcelinteeda waan ka gaabsaday saan waligay gabar dhal baa tiriyee … xitaa maba guursane!
Waxa aan fahmi waayay luuqad aan kula hadlo saaxiibkaygii hore ee wakhtiga iyo waayuhu na kala kaxeeyeen . Anna boorso lacag ah baan jiidayaa; isna xaaqin buu jiidaya. Waa aroor hore waxaan soo galay hool ay dad badani fadhiyaan. Dadku waa qaar tageya iyo qaar dadkoodoo imaanaya soo dhawaynaya, dhexdaan u galay dadkii oo kursi yara dheer baan ku fariistay. Cabbaar haddaan joognayba diyaaradii baa timid, dabadeed fuulnay oo haddana nala haadday, waxaanu kor maraynaa baddii, waa halkii aan waddanka kasoo galay waxa aan ka fekeraya magaalaadan markii aan imid iyo maanta oo aan ka tagayo farqiga u dhaxeeya. Diyaaraddu waxa ay hawada nagula jirtay afar saac iyo afartan daqiiqo.Waxaanu soo caga-dhigannay  garoonka Jomo Kenyatta International Airport. Halkaa waxaa si diiran igu soo dhaweeyay wadaaddo uu iga la ballamay Fu’ad Fahmi(Abu-Xamsa), waxa ay ii qabaan shiikh wayn oo balo ka dhacday saan dharkaan qabo iyo barafuunka iga soo uraya waxaad mooda nin kitaab sodon mujallad ah qoray. Waxay ii sheegeen inay igayn doonaan xaafadda Islii halkaas oo dad Soomaali ah deggan yihiin, ann taas waan ka biyo-diiday. Intii aan diyaaradda saarnaa ba waxaan kala doortay saddexda hoteel ee kala ah Shareton Hotel, Fairmont the Norfalk Hotel iyo The Boma Nairobi Hotel kii aan degi lahaa, markaas bay ii leeyihiin Islii iyo dhiiqo, dhex deg, beerka caaro idinka xagatay idam alla.
Mid habaar qaba oo wadaaddada ka mid ah baa mar tooshka igu ifiyay oo hoos u yiri ” Ma lacagtii masaajidda baad Shareton Hotel ku degaysaa” Ilaahay amrkii codkiisa lama maqal anna indho-kulul baan ku fiiriyay. Wadaaddadii waxaa ku iri anoo is yara giijinaya  “Anaa isku filan, ee culumo-Allaay is ka taga” Nin maalmihii adduunka ugu macanaa ku jira bay leeyihiin Islii deg, yahuu!!. Markii muuqooda iyo muluugtooduba  iga qarsoontay baan wax gaari ah oo nooca isjiida kiraystay lacagtiina u qaddimay “Xaggee ku geeyaa mudane”  “Shareton Hotel i gee” baan ugu warceliyay sababtoo ah maanta anigu hadlimaayo ee lacagta masaajidda baa hadlaysa. Gaarigii baa lagu soo baakimay afaafka hore ee hoteelka. Soo galay huteelkii oo nastay. Waxa aan dajiyay qorshe ah inaanan wax masjid ah aan ku dhisin lacagtaan. Sabab? dee ninkii lacagtaan isoo dhiibay ilaahay dartii kama ahee waa isoo sawir iyo wax la halmaala. dadkii baa gaajaysan, oo waddo la’aan baa waddankii ka jirta sidoo kale dugsi la’aan baa haysa carruuraha qaar, see masjid aan baahi loo qabin carab loogu sawiraa. Wallay ka tahay. Waagii baa ii beryay, hadde waa adduune maanta waxa uu iigu beryay Shareton dhowr beri ka horna wuxuu iigu beryay qolkayagii dhowrka mitir ahaa.
Waa subax cusub iyo qorshe cusub. Waxa aan u baxay magaalada waxaana soo goostay tagid Jubba Air Ways ah. Diyaaraddu waxa ay duulaysaa shanta barqanimo. Cabbaar haddaan joogayba wakhtigii aanu duuli lahayn baa lasoo gaaray, garoonkiina waan tagey, diyaaraddii waan galay, salkana waxa aan ku hubsaday kursigaygii, deetana diyaaraddii cirkaas ilaahay bay nala gashay. Waxay na wado oo na wadoba markii danbe waxay kasoo caga-dhigatay garoonka-ga Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport. Anna iminkaan shaqadaydii guda galay waxaan bilaabay in lacagtii aan ku dhiso waddooyin, iskoolo, dugsiyo qur’aan iyo ceelal-biyoodyo. Waxaana mashruucaas gaarsiiyay dhammaan qaybaha dalka.
Dulucda qoraalka
Sheekadaan waxa aan uga golleeyahay in waddanka laga joojiyo dhibaatada iyo mashruucyada lagu cunayo waxa aanan faa’iidada lahayn. Waxaad arkaysaa labo masaajid oo aad isugu dhow, mid kastana ay labo saf ku tukaynayso iyo dad masaakiin ah oo deris la ah oo laga yaabo inaysan saddexda wakhti wax ay cunaan haysan. Sidoo kale waxaad arkaysaa tuulo yara oo laamiga saaran oo ay ku yaalaan dhowr masaajid, war maxaa dadka tuulada hal masjid oo waasaca iyo waddooyin, iskuulo iyo madaaris qur’aan loogu dhisi waayay inta la iska ag qotominayo dhowr masjid.
Dhammaad
W/Q: Cabdullaahi Cabdi Muuse (YamYam)

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawirro: Canug cidiisa ay ka samreen oo iyagoo aan la fileyn nolol lagu korgeeyey

Waa Qisadii noogu cajiibka badneeyd sagaalkii sano ee aan ku jirnay howlahaan ah isku geeynta qoysaska kala lumay.

Qisadan waxay noo noqon doontaa mid baaqi ku noqoneysa quluubteena noona siyaadineysa farxad, inagoo ka helnay inaan kusii dhiirano shaqadan.

Maalin Jimce ah abaare 8:00pm waxaa isgoyska shaqaalaha Magaalada Muqdisho Degmadda Waaberi, laga hellay wiil yar oo dayacan kaasoo heehaabayay laamiga. Wiilkan yar oo da’diisu lagu qiyaasay 5-6 ayaa si kedis ah uga haray toboneeyo caruur ah oo ay wada socdeen.

Nasiib wanaag waxaa gacanta ku dhigtay Gabar dhalinyaro ah oo wax ka taqaanay xuquuqda caruurta waxayna u damqatay wiilkan waxayna usoo qaady gurigeedda. Wiilka ma yaqaano meesha uu jooga mana garanyo meesha ayka jirto xaafdiisa, habeenkaas waxaa dhacday in gabadha ay seexiso gurigeedda iyadoo siisay casho wanaagsan.

Subixii ayey idaacdaha ka baafisay hase yeeshee wax jawaab ah ma helin, maalintii xigtayna waa ay haysay maadama cid raadineysa ama soo dalbata ay weysay, maalintiii xigtayna sidoo kale.

Intaa ka dib waxaa ay soo raadisay xafiiska Maternal Mercy & Development (MMD) Qeybta isku keenka dadka kala lumay reunification part iyada oo Idaacadaha ka maqashay in xafiiskaaasi in badan aad uga xeel dheer yahay arimahaasi sidan oo kale ah, markii naloo keenay wiilka ayaa waxaa inoo suurto gashay inaan ku wareesano jawi degan, anagoo adeegsaneyo xirfadaha loola dhaqmo caruurta sidan oo kale ah.

Wiilkii oo laga weysanaa wax war ah ayaa waxaa inoo suurto gashay inaanka helno macluumaad ku saabsan halka uu degan yahay hooyadiisa magaceedda, aabaha walaalihiisa IWM. Waxaan qaadanay go’aan maadaama uu lunsanaa canugan in ka badan 3 maalmood inaan gurigiisageyno anagoo raaceyno warbixinadii aan ka helnay.

Waxaan saarnay gaari iyadoo ay nala socoto gabadhii noo keentay,waxaana xor uga dhignay wiilka yar inuu eeg eego hareerihiisa, inta gaariga socdo wadada si uu u xsusuusto meelihii uu soo maray iyo deegaankiisa ah.

Si tariib tartiib ah ayuu usoo xusuusanayay wax walbo ilaa uu markii danbe gacanta noogu fiiqay meel looga leexdo xaafadoodda duleedka magalada Muqdisho meel u dhow ceelasha biyaha.

Gaarigii ayaan ka dejinay halkii uu farta noogu fiikhay ayaan abaarbay, waxaan daba soconay isaga oo si kalsooni leh u socda waxaana ugu danbeyntii dhacday inuu na geeyo gurigooda anagoo si aad ah u daalnay maadama aan lugeynayay in ka badan 6km laamiga ilaa gurigooda.

Markii aan u dhowaanay ayaa caruurta xaafada nagu soo yaacday iyagoo u marxabeynaya wiilka mudada maqnaa iyagoo qaylinaya kusoo yaacay, sidaana guri ka sameeysan cooshad ku galnay, waxaana mar qura oohin wada qabsaday reerkii iyagoo filan waa ku noqotay in wiilkoodda oo nabad qaba Albaabka kasoo galo.

Intaas ka dib ayaa Hooyadi dhashay & aabihiisa oo quursi taagnaa cuntana aan cunion intii wiilka maqnaa noo duceeyay iyagoo nagu amaanay howsha aan qabanay. Walwalka ugu daran ee hayayna waxa ay ahayd in dhowanahan warsuuqeedka ay ka maqleyeen in caruurta yar la iibsado oo kelyaha ama beerla lagala baxo.

W/Q: Asad Abukar Ali

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Maxaa u sabab ah inuu Is casilo guddoomiyaha la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Is casilaad ku dhawaaqay Gudoomiyihii Hay’adda Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa ee Maamulka Somaliland Axmed Muxumed Madar.

Guddoomiyaha Is casilay ayaa sheegay inuu la kulmay howlihii musuqa ee uu la dagaalamaayay isla markaana ay jiraan sababo kale oo dhowr ah kuwaa oo soo dadajiyay is casilaadiisa.

Axmed Muxumed Madar, ayaa sheegay in dhammaan Soomaaliland xafiisyadeeda ay ka jiraan Musuq Maasuq weyn, waxa uuna maamulka weydiiyay sababta ay xilka ugu magacaaben marba haddii Musuqa uu ka jiro Madaxtooyada ilaa xarumaha kale ee maamulka.

Axmed Muxumed Madar, waxa uu sheegay inuu ceebsanaayo inuu qeyb ka noqdo kuwa Musuqa ku bahoobay ee dartooda uu isku casilay.

Axmed Muxumed Madar, waxa uu sidoo kale sheegay in dadaal badan uu bixiyay ay ka suurta gali weysay Golayaasha Maamulka sidaas darteedna uu qaatay go’aan ah in uu xilkaasi iska casilo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa sii kordhaaya cadadka mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ee isku casilaaya sababaha la xiriira Musuqa iyo is-dabamarinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Michael Keating oo fulinta hal arrin ugu baaqay madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sida lagu sugi lahaa amniga Wasiirada iyo Xildhibaanada.

Michael Keating, ayaa sheegay in QM ay ka qeybqaadan doonto dadaal waliba oo lagu sugaayo amaanka Xubnaha labada Gole ee DFS.

Waxa uu walaac ka muujiyay in Ciidamada dowlada aysan kala garaneynin mas’uuliyada ka saaran ilaalinta Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Michael Keating, waxa uu sheegay in mas’uuliyad dari ay muujineyso in Xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada aysan heysan Gaadiid ama Ciidamo tayo leh oo lagu haleyn karo amaankooda, sida uu hadalka u dhigay.

Michael Keating, ayaa carab dhabay in Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha laga doonaayo inay la imaadaan qorshooyin ka duwan kuwii hore waxa uuna arrin aad u fool xun ku tilmaamay in dil noocaasi ah uu ka hordhaco afafka hore ee Villa Somalia.

Sidoo kale, Michael Keating, ayaa cadeeyay in Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan adduunka ay isha ku hayaan sida laga yeeli lahaa Askarta dilka foosha xun u geystay Wasiir Siraaji oo horseed u ahaa Isbedel doonka Somalia.

Haddalka Michael Keating, ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho ay ka dhacaan dilal bareera oo ay geystaan Ciidamada dowlada, gaar ahaan kuwa Milliteriga iyo Nabadsugida.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET