24.5 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Sawiro: Faahfaahin ku saabsan safarkii wasiirka Arrimaha gudaha Cadaado iyo haddii ay dowladda u ololeeneyso shaqsi gaar ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Galmudug, waxayna wafdigaas isugu jiraan Wasiiro iyo xildhibaano kasoo kala jeedo Galmudug iyo Gobolada kale ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada Galmudug ayaa faahfahin ka bixiyey ujeedka safarkiisa, wuxuuna ku sheegay doorashada berry ka dhici doonto Magaalada Cadaado ee lagu dooran doono Madaxweynaha Galmudug.

Wuxuu tilmaamay inay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii loo hubin lahaa inay doorashada Galmudug u dhacdo si cadaalad ah oo dadka dhan wada arkayaan.

Mar wax laga waydiiyey, haddii ay dowladda Soomaaliya u ololeeneyso shaqsi gaar ah ayuu ku jawaabay inay doorashada Madaxweynaha tahay arrin u taal Galmudug ayna dooran doonaan shaqsiga ay iyaga u arkaan inuu wax u qaban karo deegaanada Galmudug.

Axmed Ducaale Geelle, Axmed Cali Hilowle iyo C/qaadir Maxamed Shirwac ayaa ah seddexda shaqsi ee u taagan tartanka madaxwyenimo ee Galmudug.

Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada safarka wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo wafdigiiisa

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Musharax Axmed Shariif oo dhageystay Talooyinka Shacabka Galmudug iyada oo Saacadihii ugu dambeeyey ee Doorashada lagu jiro.

Cadaado (Caasimadda Online) – Axmed Cali Hilowle ayaa Galabta Socdaal lug ah ku maray goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee Magaalada Cadaado waxa uuna la kulmay Haweenka, Odayaasha dhaqanka, Dhallinyarada, iyo qeybaha kale ee Bulshada isaga oo dhageystay talooyinka ay soo jeedinayeen ee ku saabsan qaabka ay rabaan in uu ula shaqeeyo haddii uu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Shariif ayaa booqday Suuqa Magaaalada Cadaado isaga oo gacan qaaday dadka halkaas ku sugnaa qaarkood oo su’aalo weydiiyey ayuu sidoo kale uga jawaabay, waxaana ka mid ahaa marka la doorto in uu socdaalkaan oo kale sameyn doono, waxa uuna balan qaaday Axmed Shariif in go’aan kasta oo uu gaarayo ay kaalin ku leeyihiin shacabka Galmudug uuna joogteyn doono la tashiyada uu la sameynayo.

Musharaxa Madaxweyne ayaa ugu dambeyn shacabka Cadaado Shaah Kula cabay Maqaayad weyn oo ku taala Bartamaha Magaalada halkaas oo ay ku sugnaayeen dad badan, Odayaasha dhaqanka ee Galmudug ayaa sheegay in Axmed Shariif uu noqday Musharixii ugu horeeyey oo Fursad siiya dad shacabka ah waxa ayna uga mahadceliyeen waqtiga uu la qaatay iyada oo lagu jiro Saacadihii ugu dambeeyey ee Doorashada.

Musharax Madaxweyne Axmed Shariif oo shalay khudbaddiisa Musharaxnimo Baarlamaanka ka horjeediyey ayaa balan qaaday in amniga iyo hormarinta dhaqaalaha Galmudug uu ka shaqeyn doono, dowlad goboleedkiisuna noqon doono mid wadatashi ku dhisan.

Saacado kooban ayaa ka dhimman xilliga loo dareeri doono doorashada Galmudug.

Kheyre oo ku gacan seeray canshuur dhaafkii uu sameeyey Beyle, soona saaray amar culus

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shuruud adag ku xiray inay hey’adaha dowladda sameeyaan canshuur dhaaf kadib waraaq saxiixan oo uu soo saaray.

Xasan Cali Kheyre ayaa joojiyey in shuur dhaaf loo sameeyo hey’adaha iyo ganacsatada wax kala soo daga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Dakadda Muqdisho.

Bishii April ee dhawaan dhamaatay ayuu Ra’isulwasaare Kheyre waraaq toos ah u diray wasaaradda Maaliyadda iyo Hey’adaha Maaliyadda dalka ka jiro, wuxuuna ka dhawaajiyey inay jiraan waxyaabo muujinaya isku dayo lagu doonayo in qaab aan sharci aheyn looga faa’ideysto canshuur dhaafka dowladda, midaasna ay tahay musuq maasuqa ay dowladda la dagaalameyso.

Ra’isulwasaaraha ayaa amray inaysan wasaaradda bixin Karin canshuur dhaaf iyadoo aan ogolaansho laga heysan isaga.

Canshuur dhaafka uu Kheyre ka hor yimid waxaa horey u sameeyey wasiirka Maaliyadda Beyle, waxaana jiro loolan adag oo ka dhaxeeyo labadaan Mas’uul, xilli Kheyre lagu eedeeyey inuu faragelin qaawan ku hayo shaqadii wasaaradda Maaliyadda

 

Haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqda Documentiga ah oo ay heshay Caasimadda Online:

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

DF oo iclaamisay dagaal ka dhan ah HirShabelle iyo Hawiye kadib warqad yaab leh oo kasoo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warqad lagu mamnuucaayo duulimaadyada garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, xilli ay u muuqato inay iclaamisay dagaal ka dhan ah maamulka HirShabelle iyo beelaha Hawiye ee dhistay.

Warqadani lagu mamnuucay duulimaadyada ayaa loo sababeeyay kadib markii diyaarado qaad sida ay ka degeen Jowhar, taasi oo ka careysiisay dowladda.

22-kii bishii lasoo dhaafay ayay hay’adda duulista hawada dowladda federaalka Somalia ay mamnuucday in diyaarada ay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar,balse qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha qaadka aysan dhag jalaq u siin qoraalkaas.

Qoraalka ay soo saartay waaxda duulista hawada dowladda Soomaaliya oo ay heshay Caasimadda Online ayaa lagu sheegay in mid kamid ah shirkadaha duulimaadyada oo lagu magacaabo RADUFU ay ku xadqudubtay go’aanka ay dowladda federaalka duulimaadyada qaadka uga mamnuucday garoonka Jowhar, sidaa darted laga mamnuucay shirkaddaasi Somalia, illaa inta uu kasoo baxayo ogeeysiin dheeraad ah.

Hay’adda Duulista Hawada ayaa ku hanjabtay in tallaabooyin dheeraad ah ay ka qaadi doonaan shirkaddaan hadii ay u hogaansami weeyso amarkaan ah inaan laga degi karin garoonka Jowhar.

Tallaabadaan ay dowladda federaalka ku mamnuucday diyaaradaha Khaadka geeyn jiray magaalada Jowhar ayaa noqoneysa dagaal ka dhan ah maamulka Hirshabelle iyo shacabkooda oo kaliya.

Go’aankan ayaa sidoo kale xadgudub weyn ku ah habka federaalka, waxayna dadka falanqeeya siyaasadda Somalia ay sheegayaan in tani ay tahay mid sababi karta cawaaqib xun ,isla markaana masuuliyaddiisa iyo wixii ka dhsha ay qaadi doonto Dowladda Federaalka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Maxaa la gudboon Madaxweyne Farmaajo marka uu bari booqanayo Itoobiya ?

Waxaa Arbacada lagu wadaa inuu madaxwaynaha Somalia ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayaa uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Adis Abeba ee dalka Itoobiya.

Itoobiya ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee madaxwaynaha cusub usoo dirtay casuumad rasmi ah, balse waxaa muuqata inuu madaxwaynuhu ku hormaray dalal kale, isagoo markan u arkay waqtiga ku habboon, Itoobiyana u diray farriin ah in ay jirto Somalia oo ah dal qaan gaar ah oo leh siyaasad ay u madax bannaan tahay.

MAXAAN KU TALIN LAHAA IN ITOOBIYA LAGALA HADLO?

1 – Madaxwaynuhu ha iska ilaaliyo in loo arko nin cadow ku ah dalalka deriska ah ilaa iyo inta ay iyagu qaadayaan tillaabada 1-aad, waayo siyaasad is maqiiq ihi meelna nama gaynayso, waana qabaa inuu madaxwaynuhu middaa dareensan yahay, waxaa intaa dheer, Soomaalida lafteeda oo iyadu cadow ku ah daneheeda, sidaa darteed, dad baa yool siyaasadeed ka dooni kara is fahmi waa dhexmara dowladda cusub iyo dalalka deriska ah.

2 – Waxaan soo jeedin lahaa in Itoobiya loola hadlo si deggan oo uu taxaddar badani ka muuqdo, iyadoo maanka lagu hayo booska aan maanta taagannahay iyadoon dhulka la is dhigaynna loo sheego waxa aan ogol nahay iyo waxa aan diiddannahay, iyadoo la adeegsanayo istaraatijiyaddii ‘’Sidee xeego lagu xagtaa, ilkana ku nabad galaan’’.

3 – Waa in Itoobiya loo sheegaa in qaabka ay Somalia ula macaamilayso ay tahay si aan noo CUNTAMIN, isla markaana aysan xitaa iyadu waxba ka faa’iidi doonin, waayo waxaa jirta murti Soomaaliyeed oo tiraahda: ‘’Geeridii galbeed laga sheego gondahaaga ka eeg’’ oo dhibaatooyinka iyo kala qaybinta ay Somalia la daba socoto – waloow eedda badankeed ay Soomaalidu leedahay – iyada ayaa uga cawa leh maaddaama ay tahay qobtol isku kakaban oo ay xilli kasta iyaga ka dhex tafan karto, si ka duwan Somalia oo ah umad isku tol ah oo ay kaliya taladu ka wareertay, sidaa daraadeed, Soomaalidu waa umad taqaanna col iyo nabade waa inay ka daayaan DOCWAREENKA, FOOWDADA SIYAASIGA AH, HUBKA AY KUSOO DAABULAYSO DALKA, CIIDAMADA AAN AMISOM KA TIRSANAYN EE MAALINBA MEEL QABSANAYA EE MISNA KA BAXAYA si qalalaase amaan iyo mid siyaasadeed loo abuuro.

4 – Waa in lagala hadlaa fara gelinta qaawan ee ay ku hayso siyaasadda Somalia, sida maamul-goboleedyada ay u yeerayso, taasoo ay ku wiiqayso inay Somalia yeelato nidaam is raacsan oo dalka horay u wada, iyo sidoo kale Gabre oo dhex booda arrimaha Somalia isagoo ku gabbanaya xayndaabka iyo xasaanadda diblomaasiyadeed ee IGAD, balse howlo Itoobiya leedahay Meesha u jooga.

5 – In lagala hadlo ciidamada hoos taga dowlad degaanka Soomaalida ee loo yaqaanno Liyu Police oo dhibaatooyin badan u gaysta raacatada Soomaaliyeed ee ku dherersan xudduud beenaadka, taasoo ay wax uga qaban karaan qaab federaal, iyadoo ay Soomaali badani aaminsan tahay inuusan maamulkaasi samayn karin wax aanay raalli ka ahayn dowladda dhexe ee Adis Abeba.

6 – In Somalia ay Itoobiya u waddacdo wanaag iyo iskaashi, iyadoo colaadda lagu bedelayo inay labada dal kala faa’idaystaan oo iska kaashadaan dhanka dhaqaalaha iyo amaanka, tusaale waxaa looga dhigi karaa dalalka Yurub ee sanadaha badan is dili jirey sida ay maanta isu kaashadaan, iyadoo ay qolo kastaahi leedahay wax ay u baahan tahay qolada kale, tusaale ahaan, Somalia waxay leedahay badda ugu dheer Afrika, halka ay Itoobiya bad la’aan tahay, sidoo kale Somalia waxay leedahay unug muhim ah oo ganacsi kuwaasoo ka faa’iidaysan kara suuqa ballaaran ee Itoobiya,

sidaa darteed waa in Itoobiya loo sheegaa in bog cusub la rogo, taasoo ay iyadu gacan wayn ka gaysan karto is aaminaadda iyo iskaashiga labada dal.

Waa in Itoobiya la xusuusiyaa inay Soomaalidu tahay umad colaad iyo nabadba taqaanna, lkn Itoobiya ay isku qaseeyso colaad iyo nabad iyo inay Itoobiya Soomaaliya abaal gashan karto xilliga ay u baahan tahay gacanta, taasoo gacan ka gaysan karta in laga heshiiyo cadaawadda labada dhinac, Soomaalidu waxay ku mahmaahdaa: ‘’Libaax nin ganay iyo galladayba og’’.

7 – Ugu dambayntii waa inay Somalia muujisaa bisayl iyo fiirsi badan oo uu madaxwaynuhu ka taxaddaraa wax kasta oo ay Itoobiya kaligeed ku danaysanayso iyo siyaasad aan kala caddeeyn oo siyaabo kala duwan u fasirmi karta ama ay siro ku jiraan, isagoo dhanka kale iska ilaalinaya inuu kubad dhagax laga fursan karo la ciyaaro Itoobiya oo waqti xaadirkan fooska naga xigta, loona baahan yahay in xikmad diblomaasiyadeed looga soo dhiciyo wixii ay ku jiraan danaha qoowmiga ah ee Somalia oo u baahan in geed dheer iyo mid gaabanba loo fuulo, iyadoo dunida laga dhaadhicinayo inay Somalia doonayso inay hormariso dalkeeda iyo dadkeeda wixii deriska kala dhexeeyana laga wada hadli doono waqtiga ku habboon, lkn aanay Soomaaliyada cusubi wax dan ah ka lahayn dagaal dambe oo ay la gasho dalalka deriska ah, balse sidoo kale, aysan raalli ka noqon doonin in la fara geliyo madax bannaanideeda geyi iyo arrimeheeda gudaha, taasoo ay tahay inay bedelaan dalalka deriska ihi.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sawirro: Maxaa looga hadlay shirka ka dhacay Muqdisho ee uu ka qeybgalay R/W Kheyre?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka socdo shirar kala duwan ayaa waxa mid kamid ah shirarkaasi goordhow ka qeybgalay Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Shirkaani uu goordhow ka qeybgalay Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa looga hadlaayey dar dar galinta howlaha Xakuumadda Somalia.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlaayay diyaarinta qorsha Xukumadda ee wax qabadka 90-ka maaalmood.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa shirka ka sheegay in Xukuumadiisu ay leedahay qorsho fog oo lagu xakameyn doono Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha.

Waxa uu kheyre sheegay in qorshahooda ugu weyn uu xiligani yahay sara qaadka dhinacyada kala ah Siyaasadda Arrimaha gudaha, dhaqalaha, waxbarashadda, Caafimadka iyo midnimadda siyaasadda Midaysan ee Caalamku Soomaaliya kula macaamilayso.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu sheegay in Xukuumadu ay la imaan doonto waxqabad isla markaana ay talaabo waliba usoo bandhigi doonaan shacabka.

Madasha uu shirka ka furmay ayaa waxaa lagu hardhay sawirro ka turjumaaya dhammaan qodobada looga doodaayay shirka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Jawaari oo aan casharro ka baran shaqo yaraantii baarlamankii 9-aad (Maxaa hadda socda?)

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ka sugayeen xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad shaqo ka badan inta ay hadda qabteen  iyo in uu noqdo mid ka tayo badan baarlamaankii 9aad oo ahaa mid tacbaan ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa shakhsi aqoon leh, fahamsan shaqada golaha laakin waxaa muuqata in aanu wax casharro ka baran shaqo yaraantii baarlamaanka 9aad, taasi waxaa ku tusinaya shaqada la qabtay kalfadhiga 1aad ee golaha shacabka baarlamaanka 10-aad waxaa ay aad uga yar tahay shaqada la qabtay kalfadhigii 1aad ee baarlamaankii 9aad.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka 10aad waxaa uu ku bilowday  astaamo la mid ah  baarlamaankii ka horreeyay sida xildhibaanno aan xafiis laheyn oo shaqo la’aan ku heyso hoteellada Muqdisho, ka war-qab la’aanta xildhibaannada ee goobihii laga soo doortay iyo arrimo kale.

Golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad, waxaa la rabay in ay ka tarjumaan rabitaanka shacabka iyo ka jawaabista faragelinta dowlado ay Imaaraadka Carabta ka mid tahay ay ku hayaan Soomaaliya, waxaa la rabay in xukuumadda ay kala hadlaan dilkii 42 Soomaali ah oo Yemen lagu dilay,  xafiiska fulinta ay dowladdana u sheegaan in uu sharciga ilaaliyo sida uu sameeyay Garyaqaanka qaranka, ka hadlaan cadaalad darrida, arrimaha shaqo-siinta  iyo in guddoonka ka qabtaan in uu isku badalo oday dhaqameed.

Golaha shacabka ee Baarlamaanka 10aad waxaa heysata caqabadihii baarlamaankii 9aad sida soo xaadiritaanka Xildhibaannada, saacadaha shaqada golaha, Mooshinnada iyo arrimo kale.

Inta aanan ka hadlin dhaliilaha shaqo ee golaha shacabka baarlamaanka 10aad, aan dib idiin xusuusinno waxqabadkii yaridii baarlamaankii 9aad (2012-2016) iyo in aanu marnaba noqon Karin mid tusaale noqon kara.

Baarlamaankii 9aad, waxaa ay qabteen:

  1. Dib u eegis, laalid, waxka badalka dastuurka qodobka 60aad, 67aad, 136aad iyo 138aad ee dastuurka.
  2. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay 21 sharci oo uu ugu horeeyo xeerhoosaadka golaha shacabka
  3. Golaha shacabka waxaa uu soo saaray 42 qaraar.
  4. Golaha shacabka waxaa uu ansixiyay ilaa 9 Miisaaniyad iyo xisaab xir sanadeed

Waxaa kaloo lagu eedeeyay baarlamaankii 9aad in ay qorteen shaqaale ka badan 311, matalaadda shacabka oo aad u yaraa, Mooshinno badan, nabad-galyada Xildhibaannada oo la sugi waayey taas oo keentay ku dhawaad 20 Xildhibaan in la dilo, waxaa intaa dheeraa guddiyadii la dhisay oo loo waayey maaliyad ay ku shaqeeyaan.

Hadaba, Markii la dhaariyay golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad, waxaa ay shacabka sugayeen in ay si dhaqso ah ku qabtaan shaqooyin cusub iyo qaar dhameystir u baahnaa.

Doorashooyinka Marka Laga Tago, Shaqada Golaha Shacabka Uu Kalfadhigan Qabtay:

  1. Miisaaniyadda 3 bil
  2. Qeybinta guddiyada golaha
  3. Arrimaha abaaraha

Mooshinnada Baarlamaanka 10aad:

  1. Moohin Laga keenay Saldhigga Imaaraadka ee Bebera,
  2. Mooshinka wax ka badalka xukuumadda Khayre,
  3. Mooshin kalsooni siin ah xukuumadda Khayre
  4. Moosinka guddiga difaaca golaha ee ka dhanka ahaa dhismaha ciidanka xoogga dalka
  5. Mooshin wax ka badal qodobka 133(2) ee dastuurka KM ah ee Soomalaiya
  6. Ilaainta awoodaha dastuuriga ah

Warbixin Baarlamaanka 10aad:

  1. Warbixinta guddiga abaaraha
  2. Warbixinta guddiga difaaca
  3. Warbixin guddiga maaliyadda
  4. Qeybin sharciga buuxinta kursiga ka bannaadaada golaha shacabka
  5. Warbixin doorashada guddoonka gudiyada golaha shacabka
  6. Warbixin xaaladda abaaraha
  7. Warbixin Xeer ilaaliyaha guud ee qaran ee Dacwada Badda Soomaaliya
  8. Diyaarinta Booqasho deegaan

Qaraarrada Baarlamaanka 10aad:

  1. Qorshaha Hirgelinta doorashooyinka qaran 2020
  2. Qaraar ku saabsan dhismaha guddiga korjoogteynta gurmadka abaaraha
  3. Qaraar ku saabsan guddiga deg-dega abaaraha
  4. Qabinta qaraar ku saabsan dhaarinta iyo deeqaha uu xaq u leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh
  5. Guddi loo saaray habraaca loo jaray gunnada xildhinaanada bisha Janaayo 2017-
  6. Mudada xilheynta baarlmaanka 10aad
  7. Wax ku kordhin qodobada xeer hoodaaka
  8. Qaraarka hab-dhismeedka Amniga qaranka ee guddiga difaaca iyo amniga  soo gudbiyay.

Shaqo Ka Dhiman Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad Oo La Rabay In Ay Qabtaan:

  • Wax Ka Badalka Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka
  • Sameynta Istaraatiijiyaddii uu golaha shacabka ku howlgeli lahaa muddada soo socota.
  • Hortabinta guddoonka iyo guddiyadaas in ay la shaqeeyaan ciddii ay shaqadooda khuseysay.
  • Niidaaminta iyo dhameystirka heykalka golaha shacabka.

Shaqo Dhameystir u Baahan Oo Aan La Bilaabin:

  1. Dib u eegista dastuurka KMG ah
  2. Dhismaha xubnaha guddiga adeegga garsoorka
  3. dhisida maxkamadda dastuuriga ah ee dalka
  4. Dhismaha xubnaha guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka
  5. Dhismaha guddiga la dagaalanka Musuqa
  6. Dhismaha guddiga adeegga baarlamaanka
  7. Dhismaha hey’adda ama guddiga isgaarsiinta
  8. Sharciga Kheyraadka Biyaha
  9. Sharciga Xuquuqda siyaasiyiinta
  10. Sharciga Maareynta Kaalmaha Shidaalka
  11. Sharciga Miinada iyo waxyaabaha qarxa
  12. Sharciga la fahmi waayey oo loogu yeero la dagaalanka argigixisada
  13. Sharciga kheybsiga kheyraad dalka

Jawaari Waxaa Uu Ku Guul-dareystay:

  1. La Xisaabtanka Xildhibaannada kulamada ka maqan.
  2. Xakameynta Saacadaha Shaqada, oo Xildhibaannada waa in ay soo xaadiraan 9-ka, laakin 12:00 duhurnimo ayey shaqada bilaabataa golaha shacabka,
  3. Waxaa xusid mudan in golaha shacabka laga sugayo sidoo kale in ay ansixiyaan xisaab-xirka miisaaniyaddii 2015-ka.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa looga fadhiyaa in uu dar-dar geliyo shaqada golaha, in kalfadhiga 2aad ee soo socda uu ka shaqo badnaado kii hadda, in la dedejiyo sharciyada dalka u xayiran yahay iyo in Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad loola xisaabtamo sida ay iyagaba wax ula xisaabtamaan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo Copenhagen kula kulmay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Demark + Sawiro

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maanta oo Talaado ah Magaalada Copehagen ee Dalka Demark kulan kula yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Denmark.

Kulankaasi ayaa xubnaha Baarlamaanka Denmark waxaa hor kacayey Wasiirkii hore ee Cadaalada Denmark Morten Bødskov haatana ah Xildhibaan kana tirsan Baarlamaanka Denmark kana Tirsan Xisbiga Social Democratic waxaana ayey kaga wada hadleen labada dhinac sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Labada Baarlamaan.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo gebagebadii kulankaasi la hadlay Website-ka caasimada Online isaga oo ku sugan Copenhagen ayaa sheegay inay isku af garteen labada dhinac in xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia lagu casuumo Denmark si loo kala qaato qibrada iyo aqoonta la is dheer yahay ee dhinacyada sharci dejinta, wada shaqaynta Dawladda iyo Baarlamaanka, iyo Awooda uu leeyahay Baarlamaanku.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo booqasho ku maraya Dalal ku yaal Qaarada Yurub ayaa Todobaabkan kaga qayb galay Dalalka Jarmalka iyo Holland Kulamo looga hadlayey sidii loo xoojin in laga hirgeliyo Somalia doorasho Qof iyo Cod ah Sanadka 2020-ka.

Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud)
Malmo-Sweden

Akhriso: Qodobada diirada lagu saari doono shirka horu dhac u ah shirka London ee ka dhacaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Muqdisho uu ka furmo shir horu dhac u ah shirka magaalada London ee dhacaya 11-ka bishan.

Shirka ayaa ka furmi doona xarunta Xalane waxaana si wada jira uga qeybgali doona Madaxda DFS iyo kuwa Beesha caalamka ka jooga Somlia.

Kulankan ayaa u muuqda mid ka heer sareeya shirarkii dhacay maalmihii aynu soo dhaafnay, waxaana la filayaa in ay ka qeyb-galleen wafuud ka ballaaran intii hore.

Shirka ayaa lagu wadaa in laga gaaro hishiisyo khuseeya iskaashiga caalamiga ee Somalia iyo beesha Caalamka.

DFS iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay is faham ka gaaraan qorshayaasha lala tagayo shirka London, gaar ahaan siyaasadaha horumarineed ee muhiimadaha koowaad la siinayo sanadaha soo socda.

Qodobada diirada lagu saarayo shirkaani ayaa waxaa kamid ah :

1-Dib u eegis lagu sameynaayo qodobada ay Madaxda Soomaalida la hor tagi doonaan Shirka London.

2-Dib u milicsiga Heshiiska wada jirka ay gaaren Madaxda dowlada iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ee ku saleysan hab dhiska ciidamada.

3-Sharaxaada Baraha la filaayo in laga howlgalin doono ciidamada 18kun ee la dhisaayo.

4-Daraaseynta Miisaaniyada rasmiga ah ee ku bixi doona dhismaha, Xuquuqda iyo qalabeynta ciidamada.

Shirkaani waxa uu aad uga weyn yahay shirar isna hordhac ahaa oo maalmahaani ka dhacaayay magaalada Muqdisho, iyadoo uu shirkaani ka danbeyn doono hal shir oo lagu kala qaadan doono Dokumiintiyada loo qaadi doono London ka hor inta aanu furmin shirka.

Dhinaca kale, DFS ayaa rumeysan in shirka maanta ka furmi doona magaalada Muqdisho iyo kan London ay ahmiyad u leeyihiin Somalia.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Aqriso qodobada hab dhismeedka amniga oo ay soo saaren Guddiyada Difaaca iyo Amniga BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaaya shakiga iyo muranka wali ka taagan hanaanka loo maraayo dhismaha ciidamada Qaranka waxaana si is dabajoog ah usoo baxaaya warbixino kala duwan oo lagu qeexaayo sida wax loo wajihi lahaa.

Waxaa saacadihii ugu danbeeyay soo baxay warbixin kooban oo si wada jira ay usoo wada saaren Guddiyada Difaaca, Arrimaha Gudaha iyo Amniga BFS.

Warbixinta ayaa ku saleysan dib u eegista labada Guddi ay kusoo sameeyeen hab dhismeedka Amniga Qaranka, kaasoo qorshihiisu yahay in la horgeeyo shirka la filaayo in gudaha bishaani uu ka furmo magaalada London.

Guddiyada ayaa sheegay in warbixinta ay tahay mid ka kooban ilaa iyo Todobo qodob oo looga hadlay kulankii su’aalaha lagu weydiiyay Rw Kheyre iyo aragtidii ka soo baxday.

HOOS KA AKHRISO WARBIXINTA GUDDIYADA EE DHISMAHA AMNIGA

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Kheyre oo 3 sharuud ku xiray in shaqaalaha DF joogto u helaan mushaarkooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa seddex Sharuudood ku xiray in shaqaalaha dowladda ay ku heli karaan mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin.

Seddexda sharuud ayuu sheegay inay muhiim tahay inay kasoo baxaan kuwaasi oo saxi doono qaladaad badan oo ka dhex jiray hay’adaha kala duwan ee dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu ugu horeyn sheegay in shaqaalaha dowladda looga baahan yahay inay:-

1 Soo sheegeen shaqsiyaadka aan dowladda kamid aheyn ee qaadanaya mushaaraadka dowladda, isagoo sheegay in shaqsi aan dowladda u shaqeyn inuusan mushaar qaadan doonin.

2 Inay iyaga ka shaqeeyaan ka hortaga Musuq maasuqa, taasi oo uu sheegay inay yareyn doonto lacaga dowladda ee sida qaldan lagu bixin jiray.

3 wax ka badalaan dhaqanka shaqada oo ah inay xili hore tagaan xafiisyada shaqada iyaga oo niyad wanaagsan leh, wuxuuna sheegay in seddexdaasi haddii ay la yimaadaan shaqaalaha dowladda inay mushaaraadkooda joogto u heli doonaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay muddada kobneyd ee uu xafiiska joogay inuu wax badan ka badalay mushaar bixinta, islamarkaana shaqaalaha dowladda ay heleen mushaaraadka afar bilood oo ka maqnaa.

Hadalkaan wuxuu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta shaqaalaha adduunka oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Madaxweyne Farmaajo wuxuu booqanayaa dalka Ethiopia: Maxaase ku jaban?

Muqdisho (Caasimada Online) –   Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalinta Arbacada ah booqasho rasmi ah ku tago dalka Itoobiya markii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Safarkaan ayaa imaanayo maalmo ka hor inta uusan furmin shirka London loogu qabanayo Soomaaliya kaasoo ay kasoo qeybgeli doonaan dowladaha dariska, maamulka Goboleedyada, dowladaha daneeyo arrimaha Soomaaliya iyo dowladda dhexe.

Wakaaladda Wararka Turkiga oo soo xiganeyso diblomaasi Itoobiyaan ah ayaa shaacisay inuu Farmaajo halkaas kulan xasaasi ah kula qaadan doono Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn. Waxayna ka wada hadli doonaa Arrimo ku saabsan shirka London iyo xiriirka Labada dowladood.

Dowladda Itoobiya ayaa Farmaajo ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriir aad u xun, wuxuuna markaan Farmaajo go’aansaday inuu la fariisto dowladda Itoobiya kadib talooyin badan oo ay siiyeen diblomaasiyiin.

Dowladda Itoobiya ayaa saameyn weyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, iyadoo xiriir fiican la leh inta badan maamul Goboleedyada ka jiro Soomaaliya, waana midda ku qasabtay Farmaajo inuu booqasho ku tago Addis Ababa oo uu dhawr jeer ka gaabsaday.

Haddaba Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujinayo murugo ku aadan safarka Madaxweynaha ee dalka Itoobiya, waxayna shaki ka qabaan safarkaan in dowladad Itoobiya ay faragelin ku sameyso dowladda Cusub.

Sida ay qabaan dadka diblomaasiyiinta ah safarka Madaxweynaha ee dalka Itoobiya wax dhibaato ah kuma jabno, maadaama Itoobiya ay tahay xarunta Midowga Africa, sidoo kalana dhibaato ma keeni karto inay labada dowladood ka hadlaan xiriirkooda.

Midda dhibaatada keeni karto ayaa inuu Madaxweynaha si joogto ah u booqdo dalkaas, isla markaasna uu ku shaqeeyo fikradda Dowladda Itoobiya sida horey looga bartay madaxdii dalka soo martay.

Inuu Madaxweyne Farmaajo la fadhiisto dowladda Itoobiya dan weyn ayaa ku jirto, maadaama ay tahay dowlad saameyn ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana khilaaf ka fiican in wadahadal wax lagu dhameeyo si loo badbaadiyo qaramada dalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajo weyn ka leh inuusan Madaxweyne Farmaajo ku shaqeyn doonin fikradda Dowladda Itoobiya, waxaana laga war sugayaa qodobada ay labada dowladood ku heshiiyaan, maadaama tan iyo markii Farmaajo la doortay uusan wanaagsaneyn xiriirka labada dal.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Dib u milicsiga safarkii Farmaajo ee Abu Dhabi iyo 7-dii ballanqaad ee Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa Apr 9, 2017, socdaal ku gaaray magaalada Abu Dabia ee Xarunta dalka Imaaraadka Carabta halkaa oo uu ku qaabilay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu kamid ahaa dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan.

Madaxweynaha ayaa kulankiisii ugu horeeyay la qaatay Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan 10-kii bishan, kaa oo ka dhacay hoyga lagu magacaabo al-Baxar.

Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid uu uga jawaab celinaayo Casuumaad ay u fidisay Madaxtooyada Imaaraadka ayaa waxa uu qorshihiisa ahaa in dowlada Imaaraad uu ka dhaadhiciyo in Heshiiskii ay la galeen maamulka Somaliland ee lagu bixiyay Saldhiga Militery ee magaalada Berbera uu yahay mid khalad ah.

Mowqifka Madaxweynaha ayaa isbedelay kadib markii uu ilaa Seddex kulan la qaatay dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, iyadoo lagu qanciyay in Imaaraadka uu ku khaldamay Heshiiskaasi balse ay diyaar u yihiin bedel.

Dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, ayaa Madaxweyne Farmaajo ku qanciyay in Heshiiskaasi ay DFS ugu bedelayaan howlo guud oo si dhaqsi ah looga fulinaayo magaalada Muqdisho waxaana kamid ah:

1-In DFS laga saacidaayo dhismaha Garoomada dalka gaar ahaan kuwa ku yaalla Gobolada dalka.

2-Dayactirka iyo dhismaha Dekadaha Somalia gaar ahaan kuwa ku yaalla Gobolada dalka.

3-Xoojinta iyo garab istaaga Ciidamada dowlada Caasimada ilaa Gobol.

4-Dib usoo celinta bilicda magaalada Muqdisho oo aan wali gaarsiisneyn heerkii loogu tallo galay.

5-Imaaraadku oo gacan ka geysan doona in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

6-Ka qeybqaadashada arrimo la xiriira Ganacsiga iyo socdaalka.

7-Ka qeybqaadashada la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda iyo kobcinta dhaqaalaha Somalia.

Dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan, ayaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo u saxiixay in Dowlada Imaaraadka Carabta ay ka dhabeyn doonto dhammaan 7 qodob ee kor ku xusan, waxa uuna heshiiskaani marka dhinac kale loo eego faa’iidooyin dhowr ah ugu jiraa Somalia.

Sidoo kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu dhankiisa ka ogolaaday in dowlada Imaaraadka ay sii wadato howlaheeda ku aadan dhismaha Saldhiga Berbera ee maamulka Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo oo dhiiranaa inta uu ku guda jiray Safarkiisa magaalada Abu Dabai ayaa markii danbe ahaa mid u muuqday in loo laab qaboojiyay isla markaana lagu qanciyay xaalada dhabta ah ee ka jirta gayiga Somalia iyo sida ay Somalia ugu baahan tahay Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, Safarka Madaxweyne Farmaajo ee labada maalin ahaa ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid si dadban guul ugu ahaa Somalia maadaama ay heshay ballanqaadyo dhowr ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Dood iyo shaki ka taagan habka loo dhisay guddiyada aqalka sare ee BF oo hab qabiil ku saleysan

Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Somalia oo maalintii axadii iska soo xulay guddiyada joogtada ayaa waxaa ka taagan dood dhalisay shaki badan, kadib markii guddiyada qaar lagu soo xulay hab qabiil.

Arrinta shakiga badan dhalisay isla markaana dooda ay ka taagan tahay guddiga arrimaha dibada oo seddax ka mid ah yihiin hal qabiil.

Guddiga arrimaha dibada ayaa waxaa ay kala yihiin

  1. Cabdrisaaq Cismaan Xasan Juriile, beesha Daarood.
  2. Cabdisalaam Xaaji Maxamed, Beesha Daarood.
  3. Faadumo Xasan Aadan Geriyo, Beesha Daarood
  4. Ilyaas Cali Xasan, Digil iyo Mirafle
  5. Ayuub Ibraahim Yusuf, Dir
  6. Maxamed Cusmaan Faarax, Hawiye

Guddigaan arrimaha dibada oo seddax ka mid ah hal jufo kasoo jeedaan ayaa waxaa ay iska dhex dooranayaan guddoomiye, iyadoo taasina ay tahay, reer wax dooranayo, go’aanada ay soo saaraan guddigaani uu noqonayo go’aan kasoo baxay reer oo uusan noqoneyn go;aan qaran soo saaray.

Waxay arrintaasi caqabad ku noqoneysaa howsha qaran ee aqalka sare maadaama guddigaan uusan aheyn mid ay ku mideysan yihiin Soomaalida kale.

Guddiyada kale ee la iska soo xulay ayaa waxaa ku mideysan beelaha kale, sida sharciga ahna guddi walba waa in hal xubin uu ku yeeshaa maamul goboleedyada dalka ee ku dhisan hab beeleedka.

Warar hoose oo aan helnay ayaa sheegaya in arintaani ay si toos ah ugu jiraan guddoonka oo doonaya in qof iyaga kasoo jeeda beesha daarood guddoomiye u noqdo guddiga arrimaha dibada.

Go’aanada ay soo saaraan guddigan ayaa wuxuu la micno yahay go’aan kasoo baxay beel, taasina waxay dhaawacaysaa qaranimada iyo nidaamka dowladeed.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Gabdhihii Sacuudiga oo durba war aan wanaagsaneyn uu kasoo yeeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dowladii hore ee Somalia ay boqolaal Gabdho ah u shaqo geysay dalka Sacuudiga ayaa waxaa durba soo baxaaya qeyla dhaan kasoo yeereysa Gabdhahaasi.

Fartuun Maxamuud oo kamid ah Gabdhihii ay waday Dowladii Xasan Sheekh kuna sugan dalka Sacuudiga, ayaa sheegtay inay kala duwan tahay qaabka loo waday iyo waxa ay iminka kala kulmeen Dowlada Sacuudiga.

Fartuun waxa ay sheegtay in DFS ay kuwar galisay in shaqooyin iyo Waxbarasho ay ka siineyso dalka Sacuudiga balse markii laga waday magaalada Muqdisho lagu xirtay guryo ayna maalin weliba jir dillo iyo Falal Kufsi uu ka mid yahay kula kacaan dhalinyaro Sacuudiyaan ah.

Waxa ay sheegtay inaan loo ogoleyn in ay tagaan ama la xiriiraan Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga, waxa ayna meesha ka saartay inay heystaan shaqooyin fiican ama waxbarashadii lagu soo waday.

”Waxaan nahay Gabdho aad u badan oo aan heysan nolol ama shaqooyin fiican, ujeedka noola soo waday maahen in lagu cayaaro sumcadeena ama jirkeena waxaan halkaani ka qirayaa in dowlada Sacuudiga seddex meelood hal meel aysan wali shaqo geynin Gabdhihii laga soo waday Muqdisho”

”Waxaa jira Gabdho farabadan oo aan anigu kamid ahay oo aan wali lasiin shaqooyinka iyo waxbarashadii lagu soo kaxeeyay, waa in dowlada Somalia ay inoo xaqiijisaa sababta ay noo hagar daamisay anagoo wali ah Gabdho Soomaaliyeed”

”Markii aan la kulano falal anshax xumo ah waxaa nalagu wargaliyaa inaan la xiriiri karin Safaarada Somalia ee Sacuudiga, mana jirto cid ilaa iyo hadda naga warqabta nolol iyo geeri”

”Waxaa jira Gabdho u geeriyooday falal jir dil iyo faraxumeyn ah oo gaaraya ilaa 5, waxa harsan waa Gabdhaha kale oo iyaguba la kulma dhibaatooyin badan”

”Waxaan dowladda Somalia ka dalbaneynaa in ay naga caawiso sidii dalkeena dib naloogu soo celin lahaa” ayay tiri Fartuun Maxamuud oo intaa raacisay inay jiraan xad gudubyo dhowr ah oo aan la sheegi karin.

Qeyla dhaanta Fartuun Maxamuud iyo Gabdhaha kale ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan dowlada Sacuudiga loogu qaaday Gabdho Soomaaliyeed oo la sheegay in Jaariyado ay ka noqonayaan Xafiisyada iyo Guryaha Sacuudi Arabia.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Xog: Maxaa u sabab ah in Farmaajo uu ka qeyliyo safarada badan ee lagu eedeeyay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay safarada uu dalka uga anbaxay tan iyo markii xilka loo doortay iyo hadal heynta bulshada ee safaradan la xiriira.

Farmaajo waxa u sheegay in shantii safar ee uu galay micno gaar ah xambaarsanaayeen, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay isbadalkii dhacay doorashadii bishii February ee sanadkan 2017da oo sida uu hadalka u dhigay soo jiidatay idhaha beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay gallay ilaa shan safar kuwaa oo uu ku kala bixiyay dalalka Sacuudiga, Jordan, Imaaraadka, Kenya iyo Turkiga.

C/llahi Nuur Maxamed oo kamid ah dadka sida aadka u falanqeeya Siyaasada Somalia ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu xaq u leeyahay inuu galo Safar waliba oo khuseeya arrimaha Somalia, waxa uuna tilmaamay inaanu jirin sharci Madaxweynaha ka reebaya inuu Safro.

C/llahi Nuur, waxa uu tilmaamay inaanu jirin Madaxweyne dalkiisa uga baxaayo safar aan micno laheyn waxa uuna cadeeyay in Safarada Madaxweynaha ay yihiin kuwo xal loogu raadinaayo Somalia, balse loo baahan yahay keliya inay xadid naadaan oo aysan farabadan.

Waxa uu sheegay ka hadalka Madaxweynaha ee Safarada inuu yahay mid uu ugu gogol xaaraayo Safarka la filaayo in maalinta Arbacada ah ku gaaro magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Ethiopia.

”Sababta uu Madaxweynaha uga hadlay Safaradiisa batay waa mid ay ku jirto Siyaasad waxa uu uga sii gaashaamanayaa Safarka Addis Ababa oo ay aad u hadal hayaan shacabka waayo waxaa Madaxweynaha gaaray hadal heynta shacabka ee Safarkiisa Ethiopia waxa uu kasii afeefanayaa in safarka Addis Ababa uusan ka duwaneyn kuwii hore” ayuu yiri C/llahi Nuur.

C/llahi Nuur, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Somalia uusan u crab laalaadin Dowladaha kasoo horjeeda Horumarka Somalia sida Ethiopia iyo Kenya.

”Waxaa Madaxweynaha laga doonayaa inuu ka fiirsado safarada uu ku gaarayo dalalka deriska la ah Somalia waayo Ethiopia iyo Kenya waa la garanayaa ujeedka ay u dugaashanayaan Somalia, waxaan ka dooneynaa Madaxweynaha in bedelka Safarada Ethiopia iyo Kenya uu gaaro dalalka kale ee Somalia garabka u ah”

Si kastaba ha ahaatee, C/llahi Nuur ayaa carabka ku adkeeyay in qeyla dhaanta Madaxweynaha ee ku aadan Safaradiisa ay tahay mid lagu difaacaayo Safarka uu ku gaari doono Ethiopia.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Sheekh Shaakir: Galmudug, sida dafo hilib cirka la aaday oo kale ayaan dhulka ku sugeynaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusomareeb ayaa faahfaahin ka siiyay shirkii lagu kala tagay ee Muqdisho ka dhacay.

Wuxuu bulshada magaalada Dhuusomareeb la wadaagay dhamaan waxyaabaha rasmiga ah ee qasbay in shirkaasi uu burburo iyo sharuudaha ay iyaga la tageen magaalada Muqdisho.

Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay in sharuudaha ay la tageen magaalada Muqdisho inay ahaayeen labo sharuudood oo ku adkaatay in dhanka Galmudug ay aqbalaan, sida uu sheegay.

Midda koowaad ayuu ku sheegay inay dalbadeen in labada baarlamaan ee Galmudug iyo Ahlu sunna la isku biiriyaa si doorashada ay kaga wada qeyb galaan, sharuud la’aan balse waa la diiday arintaasi sida uu sheegay.

Waxaana uu yiri “Waxaa loo diiday in labada baarlamaan la isku biiriyo waxay ka baqeen inaan doorashada aniga aan kusoo baxaa ileen waxay dheheen baarlamaanka Ahlu sunna waa hal mowqif”.

Sharuuda labaad ayuu ku sheegay inay aheyd in madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha marka isku dhafka baarlamaan la sameeyaa inay tagaan magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud lana cadeeyo in heshiis buuxda la gaaro, balse la diiday.

“Wax walbaa oo aan soo jeedinay way ku adkaatay Galmudug, laakiin Galmudug waa sida Dafo hilibkii ay qaadatay cirka la aaday, marka dhulka ay lasoo dagaan ayaan sugeynaa, waana la leenahay”ayuu hadalkiisa ku daray.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

C/Weli Gaas oo shaaciyay dhaqaalaha ku baxaaya dhismaha garoonka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Dhismaha Garoonka magaalada Galkacayo.

C/wali Gaas ayaa sheegay in maamulkiisa uu damiina qaadi doono dhismaha Garoonka Galkacayo, waxa uuna sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo shirka dhisi doonta Garoonka Galkacayo.

Waxa uu sheegay in Garoonka Galkacayo uu ka qurxanaan doono Garoomada kale ee dalka, waxa uuna cadeeyay in dhismaha loo adeegsan doono qalab casri ah.

Waxa uu tilmaamay in Dhismaha Garoonka Galkacayo ay ku baxayso 50 milyan oo Dollar, wuxuuna codsaday in lala shaqeeyo shirkadda dhisaysa garoonka ee CCECC.

Waxa uu intaa raaciyay in shirkadda dhisaysa garoonka ee CCECC ay wadato khubaro horay usoo dhisay Garoomo caalami ah, isla markaana ay si weyn ugu qanacsan yihiin howlaha ay CCECC ka qabaneyso Garoonka Galkacayo.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in Puntland ay diyaar u tahay inay bixiso dhaqaale waliba oo ku baxaaya dhismaha Garoomada, Waddooyinka iyo goobaha bilicda u ah Puntland.

Dhinaca kale, C/wali Gaas ayaa carab dhabay in dhismaha Garoonka Galkacayo uu ku bilaaban doono si degdeg ah isla markaana ay sameyn doonaan guddi la socda dhismaha Garoonka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Guddoomiyaha Ahlu-Sunna oo dowladda Farmaajo kaga digay hal arin

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guud ee Ahlu sunna Waljamaca ayaa digniin u diray dowladda Soomaaliya, isagoo ka hadlay arimo badan oo ku aadan Saacudiin Bil Xaq iyo arimo kale.

Macalin Maxamuud Sheikh Xasan Faarax oo ka hadlay kulan culumaa’udiinka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay yihiin urur jira oo muddo badan usoo halgamayay xuriyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kaga digayaan inay culumo u aqoonsato dad aan culumo aheyn isagoo sheegay in Al-saaciduuna bil Xaqi ay yihiin urur Takfiiri ah, sida uu sheegayna ay la dagaalamayaan.

Wuxuu dhinaca kale sheegay iney jiraan culumo markii hore dadka Takfiirin jirtay, kuwaasi oo doonaya in hadda loo aqoonsado Culumo Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigayna uu kaga digayo dowladda Soomaaliya inay arimahaasi ku dhaqdhaqaaqdo.

Ahlu sunna Waljamaaca ayuu sheegay inay la shaqeynayaan dowladda Soomaaliya balse ay muhiim tahay dhankooda in la aqoonsado awooda ay bulshada Soomaaluyeed ku dhex leeyihiin.

“Waxaa jira dad Dadka Takfiirin jiray oo doonaya in hadda loo aqoonsado Culumo Soomaaliyeed, balse waxaan kaga digayaa dowladda Soomaaliya inay arimahaasi ka fogaado, dowladda waxaan leeyahay ka feejignaada inaad culumo u aqoonsataan dad aanan aheyn”ayuu Yiri Macalin Maxamuud.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

Axmed Madoobe oo digreeto ku magacaabay taliye cusub

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Wareegto ku magacaabay Taliyaha ciidamada booliska Gobolka Jubada Hoose.

Hogaamiyaha ayaa Wareegtada ku magacaabay G/sare Maxamed Naasir Guuleed oo kamid ah Saraakiisha hogaamin jirtay ciidamada maamulka.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sheegay in Taliyaha cusub uu ku xushay howl-karnimo iyo waxqabad waxa uuna tilmaamay inuu ka rajeynaayo howl gudasho.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale, G/sare Maxamed Naasir Guuleed ku wargaliyay inay uga fadhiyaan nabadeynta Gobolka Jubada Hoose.

Magacaabida Taliyaha cusub ee Gobolka Jubada Hoose, ayaa kusoo beegmeysa xili la filaayo in Axmed Madoobe uu isku shaandheyn ku sameeyo Golaha Wasiirada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NETÂ