29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Muranka ganacsatada iyo madaxtooyada Puntland oo isu rogay xiisad dagaal

0

Badhan (Caasimada Online) — Xiisad iyo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah xukuumadda Saciid Deni ayaa ka taagan degmada Badhan ee gobolka Sanaag, taasoo ka dhalatay muran ganacsi oo ka dhaxeeya ganacsatada deegaanka iyo shakhsiyaad lala xiriirinayo Madaxtooyada Puntland.

Murankan ayaa salka ku haya qaabka loo maareeyo soo dejinta jaadka Miirowga ee laga keeno dalka Kenya, arrintaas oo sababtay cabashooyin iyo kacdoon ka dhan ah maamulka sare ee Puntland.

Ganacsatada jaadka degmada Badhan, oo ah kuwa si joogto ah u bixiya canshuuraha dowladda, ayaa dareemaya in la duudsiinayo xuquuqdooda ganacsi. Waxay sheegeen in kooxo gaar ah oo si dhow ula safan Madaxtooyada Puntland ay faragelin ku hayaan ganacsigooda, taasoo abuurtay dareen ah in cadaalad-darro iyo eex ay hareeyeen hannaankii ganacsiga ee gobolka.

Kooxaha lala xiriirinayo Madaxtooyada ayaa lagu eedeeyay inay adeegsadeen awoodo dowladeed oo aan sharciyad buuxda lahayn, si ay u caburiyaan ganacsatada deegaanka, una qabsadaan ganacsiga jaadka ee degmada Badhan.

Tallaabadan waxay si toos ah u dhaawacday kalsoonidii bulshada ee maamulka Puntland, iyadoo la dareemayo in hantida iyo fursadaha ganacsi lagu takri-falayo.

Sida ay sheegeen guddiga ganacsatada jaadka ee degmada Badhan, waxaa jira isku dayo la doonayo in ganacsiga jaadka loo wareejiyo dad gaar ah oo la sheegayo inay taageero ka haystaan Madaxtooyada, iyadoo la adeegsanayo shatiyo dowladeed si sharciyan loogu caburiyo ganacsatada deegaanka.

Khilaafkan u dhexeeya ganacsatada jaadka iyo saraakiil lala xiriirinayo Madaxtooyada Puntland ma aha mid cusub. Waxaa horay u jiray dhacdooyin kale oo muujinaya isku dayo la mid ah, halkaas oo ganacsatada deegaanka lagu dhibaateeyay iyadoo la adeegsanayo magaca dowladeed. Mar kasta oo arrintaas dhacdo, waxay sii kordhisaa kalsooni darrada ay shacabka u qabaan hoggaanka sare ee Puntland.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda hadda ka aloosan Badhan ayaa u baahan in si degdeg ah loogu helo xal, si looga baaqsado iska hor-imaad hubeysan, iyadoo la dhowrayo xuquuqda ganacsatada maxalliga ah.

Macawiisleyda oo dagaal ku qabsaday deegaano hor leh

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka oo qaaday howlgallo culus ay la wareegeen deegaanno horleh oo ka tirsan gobolkaas oo hoostaga maamulka Galmudug.

Ciidamada Macawiisleyda oo dagaal adag la galay Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii jabiyay, waxayna la wareegeen deegaannada kala ah Cali Candhoole iyo Baraag Shiikh Cabdullaahi oo in ka badan 40km u jira Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida oo ka hadashay dagaalkaas ayaa sheegtay inuu xooganaa, isla markaana laba saacadood kadib la jabiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaa weerarka oo ahaa mid qorsheeysan si gaar ah ciidanka Xaq udirirka deegaanku ugu beegsadeen deegaanka Cali Candhoole oo u aheed saldhig talis oo dhulka howdka ah ku yaalla” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ciidamadu ay la wareegeen guud ahaa fariisimhii ay ku lahaayeen deegaannada lagu dagaalamay ee gobolka Galgaduud

“Dagaal socday in ka badan laba saacadood ayeey si buuxda gacanta ugu dhigeen halgamayaasha deegaanka dhammaan fadhiyadii khawaariijta ee saakay weerarka lagu ekeeyay”. ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale ay ciidamada Macawiisleyda u weerareen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa howdka deegaanka Ciid-ciidka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dileen illaa 4 xubnood, kana soo furteen hubka.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay halka lagu dagaalamay, iyaga oo cagta mariyay saldhig iyo xarumo kale oo ay Khawaarijta ku lahayd halkaasi.

Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, kuwaas oo qorsheynaya inay dib ugu laabtaan deegaannadii ugu dambeeyay ee ay dib uga soo baxeen.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, waxaana dowladda dhexe ay waddaa abaabul ay ku dooneyso inay uga hortegto culeyska ay Al-Shabaab soo saartay deegaannada maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

Daawo: Gacan ka hadal ka dhacay baarlamanka iyo Aadan Madoobe oo jiis ugu yeeray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa kusoo dhamaaday buuq iyo fawdo, kadib markii ay isku dhaceen qaar kamid ah xildhibaannada iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaannada qaar ayaa gacan iskula tegay hoolka Baarlamaanka, iyada oo mar dambe ay arrinta farogeliyeen ciidamada Booliska ee ka shaqeeya Baarlamaanka.

Arrinta ayaa gaartay heer ay xaalada faraha ka baxday, waxaana sidoo kale la burburiyay qaar kamid ah agabka Baarlamaanka, sida makarafoonada iyo kuraasta.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa si kasta isugu dayay inuu xakameeyo xaaladda kasoo cusboonaatay Baarlamaanka, wuxuuna carab baabay qaar kamid ah xildhibaannada ku kacsan isaga ee maanta fowdada ka sameeyay fadhigii Golaha Shacabka Soomaaliya.

”Xildhibaan Caana-nuug Jiis ayaa tahay fariiso, Xildhibaan Jeesow adne duq ayaa tahay naga fariiso, Xildhibaan Xasan Yare daraad khaladka gashay waa la ogaa meeshaan ayaa dad ku dishay waa lagu cafiyay weli balaayadii sii wadaa ee fariiso,” ayuu Sheekh Aadan Madoobe ku yiri qaar kamid ah xildhibaannada buuqa sameeyay.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xildhibaannada sharaftal leh waxaa idinka codsanayaa inaad ilaalisaan nidaamka iyo sharciga innoo yaallo, waa ogahay 20 nin oo kaliyaa wadda fowdada”.

Xiisaddan oo sababtay inuu hakad galo Kalfadhigii Baarlamaanka ayaa ka dhalatay, kadib markii xildhibaannada iyo guddoonka sare ay isku qabteen maamuus ka xayuubintii Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo dhowaan looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka sare, waxayna taasi keentay in xildhibaannadu ay iyaguna mooshin xilka qaadis ah ka keenaan Sheekh Aadan Madoobe.

Xiisadda ayaa haddane xalay yeelatay weji cusub ka gadaalmarkii guddoomiyaha Golaha Shacabka uu kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka, si uu uga soo talo bixiyo, dibna uu golaha ugu soo celiyo.

Intaasi kadib xildhibaannada mooshinka keenay oo kor u dhaafaya 100 mudane ayaa iyaguna shir jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in aanay ku qancin tallaabada uu qaaday guddoomiyaha, ayna sii wadaan mooshinka ay wadaan ee xilka qaadista ah.

Waxaa kale oo ay xildhibaannadu cadeeyeen in guddoomiye Aadan Madoobe uusan weli ka laaban go’aankiisii ka dhanka ahaa xasaanadda xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib, iyaguna aysan ka laaba doonin go’aankooda xil ka qaadista guddoomiyaha.

Xaaladda adag ee ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xildhibaannada ay hortaallo shaqo culus oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Brawl in Somali Parliament as MPs seek to oust Speaker

MOGADISHU, Somalia – A session of Somalia’s federal parliament erupted into chaos on Wednesday as lawmakers clashed with Speaker Sheikh Adan Mohamed Nur (commonly known as Adan Madobe), deepening a political crisis over the controversial removal of a fellow legislator.

The confrontation turned physical inside the parliamentary chamber in Mogadishu, prompting security forces to intervene. Several MPs reportedly exchanged blows, and parliamentary equipment, including microphones and chairs, was damaged during the fracas.

The disruption forced the suspension of the session, which was already under strain following the Speaker’s divisive decision to expel MP Abdullahi Hashi Abib—a move many lawmakers say was unconstitutional.

Speaker criticized for provocative remarks

Speaker Madobe’s attempts to restore order further fueled tensions. In widely circulated footage, he publicly reprimanded several lawmakers involved in the disruption.

“MP Caano-nuug Jiis, sit down. MP Jesow, you’re an old man; please sit. MP Hassan Yare, you were pardoned despite past wrongdoing—yet you continue to stir up trouble,” Madobe said from the podium.

“To the honorable members, I urge you to respect our procedures and the rule of law. I know it is only about 20 members behind this disorder.”

The Speaker’s unilateral decision to strip MP Abdullahi Hashi Abib of his seat and immunity is at the heart of the unrest. Critics argue the move violated parliamentary rules and set a dangerous precedent.

Although Madobe later referred Abib’s seat (HOP#201) to the Committee on Rules, Ethics, and Privileges for review, more than 100 lawmakers said the gesture was insufficient.

In a press conference held later Tuesday, they announced plans to proceed with a formal impeachment motion against the Speaker.

“We are not satisfied with the Speaker’s latest decision,” one MP told reporters. “He has not reversed his illegal expulsion of MP Abib, and we will not abandon our motion for his removal.”

Deadlock threatens legislative agenda

The growing power struggle threatens to paralyze Somalia’s legislative work at a time when lawmakers face pressing tasks, including passing electoral laws needed to guide upcoming elections.

The federal parliament, inaugurated in 2022, has been tasked with leading the country through a transition toward universal suffrage. However, internal disputes and factionalism continue to derail progress.

Speaker Madobe, a former warlord and key figure from Southwest State, has long been a divisive presence in Somali politics. His leadership is now under serious threat as calls for his ouster intensify.

Legal scholars warn that the Speaker’s actions could trigger a constitutional standoff if not resolved through dialogue and legal procedures.

“There is ambiguity in the constitution regarding a Speaker’s authority to unilaterally revoke an MP’s seat,” said a constitutional expert in Mogadishu, speaking anonymously. “This lack of clarity is now contributing to institutional paralysis.”

The 11th Federal Parliament, which came into office following protracted elections in 2022, was expected to usher in a period of reform and stability. Instead, it has been marred by persistent political infighting and power struggles between branches of government.

Wednesday’s events highlight the fragility of Somalia’s democratic institutions and the challenges facing its leadership as they seek to implement reforms and steer the country through a critical phase of state-building.

With more than 100 MPs backing the impeachment motion, the coming days could prove decisive for Speaker Madobe’s political future and the functionality of Somalia’s parliament itself.

Somalia bans Taiwan passports, draws Taipei anger

MOGADISHU, Somalia — Somalia has banned entry and transit for holders of Taiwanese passports, Taipei said Wednesday, drawing strong condemnation from the self-ruled island and praise from Beijing.

Taiwan’s Ministry of Foreign Affairs (MOFA) said in a statement Tuesday evening that the measure took effect Wednesday after a directive from Somalia’s civil aviation authorities last week.

Taipei “strongly protested” the move, which its Ministry of Foreign Affairs (MOFA) said was “incited by China,” restricting the freedom and safety of Taiwanese citizens’ travel.

MOFA said the Somali Civil Aviation Authority had sent airlines a “clear warning” stating that Taiwanese passports “will no longer be allowed to enter or transit through the Federal Republic of Somalia,” effective April 30.

Taiwan urged the Somali government to “immediately withdraw” the notice.

Taiwan-Somaliland ties and ‘One China’

The ban comes as Taiwan, which Beijing regards as part of its territory to be reunified by force if necessary, has strengthened unofficial ties with Somaliland.

Somaliland is a region that declared independence from Somalia in 1991 but lacks widespread international recognition.

Taipei and Hargeisa, the capital of Somaliland, exchanged representative offices, considered de facto embassies, in 2020. This move angered both the internationally recognized government in Mogadishu and Beijing.

China, which maintains close diplomatic relations with Somalia, welcomed the ban.

Beijing “highly appreciates” the restriction, calling it a “lawful step showing Somalia’s commitment to the one-China principle,” Chinese Foreign Ministry spokesman Guo Jiakun said Wednesday, according to AFP.

Beijing asserts the “one China” principle, which states that there is only one sovereign state under the name China. It views Taiwan as a breakaway province to be eventually controlled by the mainland, by force if necessary.

Taiwan, officially the Republic of China, has its own democratically elected government, constitution, and military and sees itself as distinct from the People’s Republic of China.

China often cites UN Resolution 2758 of 1971, which transferred China’s seat at the United Nations from Taipei to Beijing. However, Taiwan argues that the resolution did not address Taiwan’s representation or status on the international stage. 

Due to Beijing’s extensive diplomatic pressure, only a few countries officially recognize Taiwan.

Somaliland’s unrecognized status

Somaliland unilaterally declared independence from Somalia in 1991 following the collapse of the central government under dictator Mohamed Siad Barre. While it maintains its own government, currency, and military, it has not gained formal recognition from any country.

Mogadishu still considers Somaliland part of its territory and strongly opposes its attempts to forge independent diplomatic or economic ties. This includes a recent controversial agreement allowing landlocked Ethiopia to lease a port on its coast in exchange for potential recognition.

Taiwan’s MOFA also condemned Somalia’s “erroneous interpretation” of UN Resolution 2758, accusing Mogadishu of incorrectly linking it to the “one China” principle to justify the ban.

There was no immediate comment from the Somali government or Somaliland authorities on the ban.

Taiwan’s MOFA also advised its citizens not to travel to Somalia or Somaliland until the decision is reversed.

Soomaaliya oo mamnuucday baasaboorka Taiwan iyo Taiwan oo jawaab ka bixisay

0

Taipei (Caasimada Online) – Taiwan ayaa si kulul u cambaareysay go’aan ay Soomaaliya ku mamnuucday dadka wata baasaboorka Taiwan in ay dalka soo galaan ama uga sii safraan dhulkeeda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay in xayiraaddan ay dhaqan gashay Arbacadii, kaddib amar ay toddobaadkii hore soo saareen hay’adaha duulista rayidka Soomaaliya.

Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan, taasoo ku soo beegantay iyadoo Taiwan – oo ah jasiirad madax-bannaan balse uu Shiinuhu sheegto – ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay Somaliland, oo sannadkii 1991 sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya, inkastoo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Sanadkii 2020, Taiwan iyo Somaliland ayaa midba safaarad ka furtay caasimadda dalka kale, taasoo ka careysiisay Beijing iyo Muqdisho labadaba.

Bayaan ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan soo saartay fiidnimadii Talaadadii ayaa lagu sheegay in Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay u dirtay shirkadaha diyaaradaha digniin cad, taasoo lagu sheegay in baasaboorrada Taiwan “aan mar dambe loogu oggolaan doonin in lagu galo ama lagaga sii safro Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” laga bilaabo 30-ka April.

“Wasaaradda arrimaha dibadda waxay si adag uga hor timid tallaabada Soomaaliya, oo ah mid uu Shiinuhu kiciyey, taasoo xaddideysa xorriyadda safarka iyo ammaanka muwaadiniinta Taiwan. Waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa inay si degdeg ah uga laabato ogeysiiskaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Taiwan waxay sidoo kale cambaareysay waxa ay ku sheegtay “fasiraad khaldan” oo Soomaaliya ka bixisay Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2758, iyadoo si aan sax ahayn ugu xiriirisay mabda’a “hal Shiinaha”.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday muwaadiniinta Taiwan in aysan u safarin Soomaaliya ama Somaliland, ilaa go’aankaas laga laabto, sida ay warbaahinta Taiwan werisay.

Ilaa hadda, midna – Soomaaliya ama Somaliland – kama aysan hadlin go’aankan.

Dhinaceeda, dowladda Shiinaha ayaa sheegtay inay “si weyn u bogaadineyso” xayiraadda, iyadoo ku tilmaamtay “tallaabo sharci ah oo muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay mabda’a hal Shiinaha,” sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, Arbacadii, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

Taiwan waxay leedahay dastuur u gaar ah waxayna qabataa doorashooyin xisbiyo badan leh oo madax-bannaan si loo doorto hoggaamiyeyaasha dalka.

Shiinaha ayaa ku adkeysanaya in Taiwan ay qayb ka tahay dhulkiisa, wuxuuna si cad u sheegay inuu awood u adeegsan doono haddii loo baahdo si uu jasiiraddaas ugu hoos keeno gacantiisa.

Kaddib dadaallo diblomaasiyadeed oo baahsan oo uu Shiinuhu sameeyay, Taiwan – oo si rasmi ah loogu yaqaan Jamhuuriyadda Shiinaha – waxaa kaliya aqoonsan dhowr waddan oo kooban.

Dhanka kale, Somaliland – oo aan weli helin aqoonsi rasmi ah oo caalami ah – ayaa sannadkii 1991 si iskeed ah ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, kaddib markii uu burburay xukunkii kaligii taliye Maxamed Siyaad Barre.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay wali u aragtaa Somaliland inay qayb ka tahay dhulkeeda, waxayna hore u cambaareysay heshiis ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland si ay deked uga kireystaan.

Kal-fadhigii baarlamanka oo maanta dib u furmay xilli uu Aaadan Madoobe wajahayo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib u furmay Baarlamaanka Soomaaliya oo xirnaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay, sababo la xiriira xiisad culus oo soo kala dhex-gashay qaar kamid ah xildhibaannada iyo guddoomiye Aadan Madoobe.

Xildhibaannada iyo guddoonka ayaa isku qabtay arrinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka sare, waxayna taasi keentay in xildhibaannadu ay iyaguna mooshin xilka qaadis ah ka keenaan Sheekh Aadan Madoobe.

Xiisadda ayaa xalay weji cusub yeelatay, kadib markii guddoomiyaha Golaha Shacabka uu kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka, si uu uga soo talo bixiyo, dibna uu golaha ugu soo celiyo.

Intaasi kadib xildhibaannada mooshinka keenay oo kor u dhaafaya 100 mudane ayaa iyaguna shir jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in aanay ku qancin tallaabada uu qaaday guddoomiyaha, ayna sii wadaan mooshinka ay wadaan ee xilka qaadista ah.

Waxaa kale oo ay xildhibaannadu cadeeyeen in guddoomiye Aadan Madoobe uusan weli ka laaban go’aankiisii ka dhanka ahaa xasaanadda xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib, iyaguna aysan ka laaba doonin go’aankooda xil ka qaadista guddoomiyaha.

Arrintan ayaa culeys ku ah Aadan Madoobe oo haatan wajahaya xaalad adag, laakiin waxay wax kasta ku xiran yihiin furitaanka Baarlamaanka iyo tallaabada ay qaadaan xildhibaannnada.

Jawiga Baarlamaanka ee maanta ayaa kacsan, waxaana muuqaallada ka imaanaya Villa Hargeysa ay muujinayaan in buuq iyo sawaxan uu ka jiro hoolka Baarlamaanka.

Xaaladda adag ee ka taagan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xildhibaannada ay hortaallo shaqo culus oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kalfadhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Hooyo Soomaaliyeed oo Sacuudiga uu toogan rabo wiilkeeda oo soo hadashay

0

Riyaad (Caasimada Online) – Hooyo Carabo Cabdiraxmaan Cali oo kamid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda ay ku dhibaateysan yihiin dalka Sacuudiga ayaa ka hadashay xaaladda wiilkeeda oo ay sheegtay inay kasoo korortay xaalad halis ah.

Hooyo Carabo Cabdiraxmaan oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa sheegtay in wiilkeeda oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamuud Cali uu kamid yahay 45 wiil oo lagu xukumay Sacuudiga, iyada oo la dilay mid kamid ah wiilasha la xukumay.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in haatan ay soo gaartay in Cabdulqaadir oo curad u ah iyo wiil kale lagala baxay xabsiga Najraan, loona sheegay in la daldalayo.

“Iminka waxaa nasoo gaartay in wiilkeyga iyo wiil kale lagala baxay xabsiga, waxaana naloo sheegay in la dili rabo” ayay tiri Hooyo Carabo Cabdiraxmaan Cali.

Waxaa kale oo ay farriin culus u dirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ugu baaqday inay soo badbaadiyo wiilashaasi ku dhibaateysan gudaha Sacuudi Carabiya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Dowladda Federaalka ay waddo dadaallo dheeraad ah oo ay kusoo dayneyso maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka, Sacuudiga, waxaana qorshahaasi wada Qunsulka Soomaaliya u fadhiya magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cabdweli Xirsi Cabdulle oo kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha gobolka Najraan, Mudane Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis.

Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Sacuudiga. Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xaaladda ay ku sugan yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada gobolka Najraan, iyadoo la is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii xal waara loogu heli lahaa arrintaasi.

Taliyaha xabsiga gobolka Najraan ayaa isna kulanka goobjoog ka ahaa, taasoo sare u qaadday muhiimadda kulanka.

Qunsulka ayaa caddeeyay in kulanku uu ahaa mid miro-dhal ah, isla markaana lagu lafa-guray fursadaha sharciyeed ee u bannaan si loo sii daayo ama loo cafiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee xiran.

Si kastaba, Soomaalida ku xiran Sacuudiga ayaa isugu jira qaar xukuman, kuwo xukun sugayaal ah iyo kuwa aan weli maxkamad la horgeynin.

Somaliland iyo Puntland oo maxaabiis is dhaafsaday iyo arrin cajiib ah oo dhacday

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamullada dariska ah ee Somaliland iyo Puntland ayaa maanta is waydaarsaday qaar kamid ah maxaabiistii ay ku kala qabsadeen dagaalladii horay uga dhacay aagga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Puntland ayaa sii deysay 15 maxbuus oo ay horay ugu qabatay dagaal 25 Agoos 2023-kii ka dhacay xerada Goojacadde, kuwaas oo diyaarad loo saaray magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Somaliland ayaa iyaduna soo fasaxday 11 maxbuus oo kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo gacanta ugu jiray sanadkii lasoo dhaafay, waxayna soo deysmadooda ku timid heshiis maxaabiis is dhaafsi oo ay gaareen Hargeysa iyo Garoowe, isla markaana ku yimid dadaallo caalami ah oo la sameeyay.

Inta lagu guda jiray is dhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhacday arrin kale oo cajiib ah oo ay sameysay Puntland, kadib markii ay maxaabiista ay sii deysay ugu labistay Suudad, ayada oo sidoo kale siisay sooryo kala duwan sida lacag, dhar iyo agabyo kale.

Dhankeeda Somaliland ayaa si maamuus leh usoo deysay maxaabiistii ay haysay, waxayna usoo xirtay Suudad, kadibna sidaas ayay kusoo saartay diyaarad gaar ah, iyada oo labada dhinac ay maxaabiista kula kala wareegeen garoonka mgaalada Hargeysa.

Maxaabiista ay is dhaafsadeen labada dhinac oo dagaallo lagu qatay ayaa haatan dib u helay xoriyaddooda, waxayna muddo kadib ay sidaas kula midoobeen ehelladooda

Horay waxaa sidoo kale, loo sii daayay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kadib safarkii uu Ra’iisul wasaare Xamza ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Maxaabiistaas oo ay SSC-Khaatumo haysay ayaa lagu soo wareejiyay Dowladda Federaalka, iyada oo la keenay Muqdisho, kadibna loo sii gudbiyay magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa si weyn loo soo dhaweeyay, waxayna qayb ka qaadaneysa raadinta heshiiska nabadda, si loo soo afjaro colaadaha weli ka jira waqooyiga Soomaaliya.

Waa markii saddexaad oo Puntland iyo Somaliland ay maxaabiis la kala wareegeen, kuwaas oo dagaal lagu kala qabtay, kadib tobanaankii sanno ee lasoo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli Somaliland u xiran Maxaabiis kale oo kasoo jeeda Sool, halka SSC ay dhankeeda hayso maxaabiis kale oo ay ku jiraan saraakiil, sida Faysal Cabdi Bootaan oo hoggaaminayay ciidamadii Somaliland ee aagga Laascaanood.

Trump oo soo saaray amar kale oo si weyn u saameynaya Soomaalida Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo faraya in darawallada gawaarida xamuulka ee ganacsiga ay muujiyaan aqoon ku filan oo ku saabsan akhriska iyo ku hadalka luuqadda Ingiriisiga.

Tallaabadan ayaa meesha ka saaraysa siyaasad uu hirgeliyay Madaxweyne Obama, taasoo dabcinaysay fulinta qodobkan ee heerarka Federaalka. Go’aankan ayaa si gaar ah u saameyn doona darawallada muhaajiriinta ah, oo ay ku jiraan kumannaan Soomaali ah oo ka shaqeeya waaxda gaadiidka ee Waqooyiga Ameerika.

Amarka madaxweyne, oo loogu magac daray “Hirgelinta Xeerarka Macquulka ah ee Waddooyinka loogu talagalay Darawallada Mareykanka,” ayaa darawallada ku waajibinaya inay awood u yeeshaan akhrinta calaamadaha waddooyinka, inay si fiican ula xiriiraan saraakiisha amniga iyo kuwa xuduudaha, isla markaana ay raacaan tilmaamaha macaamiisha, iyagoo adeegsanaya luuqadda Ingiriisiga.

Xoghayaha Gaadiidka Sean Duffy ayaa loo xil-saaray inuu dib u soo celiyo sharciga federaalka ee loo yaqaan 49 CFR 391.11(b)(2), kaas oo dhigaya in aqoonta Ingiriisigu ay tahay shuruud muhiim ah oo laga doonayo darawallada gaadiidka ganacsiga. Mas’uuliyiinta Aqalka Cad ayaa sheegay in sharcigan uu dabacsanaa intii lagu jiray maamulka Obama.

“Sharciga federaalku waa cad yahay: darawalka aan awood u lahayn inuu si fiican u akhriyo ama ugu hadlo Ingiriisiga—una fahmo calaamadaha waddooyinka—ma laha awood uu ku wado gaari ganacsi gudaha Mareykanka,” ayuu yiri Sean Duffy, Xoghayaha Gaadiidka.

Hay’adda Federaalka ee Badqabka Gaadiidka Ganacsiga (FMCSA) ayaa loo xil saaray inay dib u cusbooneysiiso habraaca kormeerka, isla markaana soo celiso siyaasadda u oggolaanaysa kormeerayaasha inay shaqada ka joojiyaan darawallada aan buuxin karin shuruudahan.

Xogta warshadaha ayaa muujinaysa in ka hor dabacaadii 2016, sanadkii la diiwaangelin jiray in ka badan 80,000 oo xadgudub luuqadeed ah, taasoo hoos ugu dhacday wax ka yar 10,000 intii u dhaxaysay 2021 ilaa 2024.

Tallaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah kooxaha ganacsiga Mareykanka, sida Ururka Darawallada Madaxa-bannaan (OOIDA), oo sheegay in amarku dib u soo celinayo “heerarka caqliga ku dhisan ee badqabka.”

“Tani waa wax caqli-gal ah,” ayay tiri afhayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt. “Waxaa jira caqabado waaweyn oo xagga isgaarsiinta ah oo ka dhexeeya darawallada gawaarida xamuulka iyo saraakiisha badqabka bulshada, taasoo khatar dhab ah ku ah waddooyinka.”

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha xuquuqda madaniga ah iyo kuwa muhaajiriinta ayaa ka digay in amarkani uu noqon karo mid shaqo la’aan ku keena dad badan. Waxaa dadka sida gaarka ah u saameyn doono ka mid ah darawallada Soomaalida ah, oo qayb muhiim ah ka noqday gaadiidka safarrada fog-fog ee Waqooyiga Ameerika.

“Kaliya Soomaalida ma aha—waxaa sidoo kale uu saameyn doonaa darawallada ka soo jeeda Aasiya iyo Laatiin Ameerika,” ayuu yiri Cilmi Maxamed Mubaarig, oo hore darawal u ahaan jiray haddana ah suxufi. “Qaar kamid ah darawallada Soomaalida kuma hadlaan Ingiriisi fiican balse waxay si nabadgelyo ah gawaarida u wadayeen muddo sanado badan ah. Hadda waxaa laga doonayaa inay maraan imtixaan luuqadeed.”

Sanadihii u dambeeyay, Soomaalidu waxay si weyn ugu biireen shaqada darawalnimada, iyagoo soo jiitay dabacsanaanta shaqada, madaxbannaanida, iyo xiriirka dhaqanka soo jireenka ah ee reer-guuraaga.

Ayadoo dhaqan ahaan loo yaqaan “roob raac,” Soomaalidu waxay markii hore u guuri jireen si xilliyeed, iyadoo lagu raadinayo daaq iyo biyo. Maanta, qaar badan ayaa ku socda jidadka waaweyn ee Waqooyiga Ameerika, iyagoo xamuul u qaadaya halkii ay xoolaha ka qaadi jireen.

Baraha bulshada sida Clubhouse iyo TikTok ayaa noqday goobo ay ku kulmaan darawallada Soomaalida, kuwaas oo wadaaga talooyinka safarka iyo madadaalo dhaqameedka, iyagoo dib u soo noolaynaya noloshii wadajirka ahayd ee Soomaaliya ka jirtay, haatanna ku wada sheekaysanaya gudaha gawaarida waaweyn.

Ururka Sikh Coalition, oo matalaya bulsho kale oo ballaaran oo muhaajiriin ah oo ka shaqeeya gaadiidka, ayaa ka digay in siyaasaddan cusub ay takooreyso dadka aan Ingiriisku afka hooyo u ahayn, isla markaana ay sii xumayn karto yaraanta shaqaalaha ee qaybtan oo markii horeba dhibaato ka taagnayd.

“Ku dhawaad 90 boqolkiiba dadka Sikh ah ee tiradoodu tahay 150,000 ee ka shaqeeya gaadiidka Mareykanka waa darawallo,” ayuu ururku ku sheegay bayaan uu soo saaray. “Waxay door muhiim ah ka qaataan isku xirka sahayda iyo gaarsiinta badeecadaha bulshada. Amarkani wuxuu halis gelinayaa in qaar badan shaqada laga saaro.”

Amarkan ayaa noqonaya kii labaad ee luuqadda la xiriira ee Trump uu saxiixo tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay bishii Janaayo. Bishii Maarso, wuxuu saxiixay amar kale oo Ingiriisiga si rasmi ah uga dhigaya luuqadda rasmiga ah ee Mareykanka.

 

Al-Shabaab oo dishay shan Kenyan ah oo ka shaqeynayey…

Mandera (Caasimada Online) – Shan shaqaale Kenyan ah oo ka shaqeynayay goob qodista dhagaxa ayaa lagu dilay waaberigii Talaadada weerar argagixiso oo looga shakisan yahay Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay tuulada Bur Abor ee Mandera East.

Weerarka ayaa dhacay abaara 7:00 subaxnimo, iyadoo markhaatiyaal iyo baaritaanno hordhac ah ay tilmaamayaan in dambiilayaasha ay ahaayeen maleeshiyaad la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Dadka la dilay, oo ka shaqeynayay goob qodista dhagaxa, ayaa si toos ah loo beegsaday, iyadoo mas’uuliyiinta deegaanka ay ku tilmaameen dhacdadan “musiibo amni oo naxdin leh.”

Dilalkaas ayaa cabsi iyo walaac baahsan ku abuuray bulshada deegaanka, iyadoo laamaha ammaanka ay si degdeg ah u gaareen goobta si ay u bilaabaan baaritaan rasmi ah.

“Magacyada dadka la dilay wali waa la xaqiijinayaa,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Casiis Rooble, Maamulaha Tuulada Bur Abor, isagoo la hadlay warbaahinta. “Dadaallo ayaa socda si qoysaskooda iyo deegaannadii ay kasoo jeedeen loo wargeliyo.”

Ciidamada ammaanka ayaa durba la geeyay goobta weerarka, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo duruufaha dhabta ah iyo sababta ka dambeysay weerarka.

In kasta oo aan wali koox sheegan mas’uuliyadda weerarka, haddana saraakiisha ammaanka waxay si xooggan ugu tuhunsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee saldhiggeedu yahay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo weerarro la mid ah hore uga gaystay gobolka.

Maamulka tuulada oo kaashanaya booliiska deegaanka ayaa bilaabay tallaabooyin dheeraad ah oo lagu adkeynayo ammaanka si loo ilaaliyo shacabka iyo dadka safarka ah.

Rooble ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka deegaanka inay feejignaadaan, isla markaana ay laamaha ammaanka ku wargeliyaan wax kasta oo dhaq-dhaqaaq laga shakiyo.

“Tani waa dhacdo aad u naxdin leh. Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa hay’adaha ammaanka si aan cadaaladda u helno una soo celinno kalsoonida iyo nabadda deegaanka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Rooble.

Xasan oo loogu baaqay inuu soo farogeliyo xiisadda BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa si qoto dheer uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Golaha Shacabka, taas oo saameysay shaqadii uu hayay Baarlamaanka.

Dalxa ayaa marka hore sharci darro ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Sheekh Aadan Madoobe ee uu ku xiray fadhiyadii Baarlamaanka, isagoo farriin u diray madaxweynaha.

Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo farogeliyo xiisadda Baarlamaanka, si xal loogu helo muranka taagan

“Waa sharci daro in uu Baarlamaanka uu xirto Sheekh Aadan Madoobe, Madaxweynaha isagaa ah Ilaaliyaha sharciga kama baaqsanayso in uu soo faragaliyo buuqa Baarlamaanka” ayuu yiri Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa.

Waxaa kale oo uu yiri “Baarlamaanka wuxuu ku furmayaa sharci, wuxuuna ku xirmayaa sharci, waxaana furaya madaxweynaha hadane marka la xirayo madaxweynaha ayaa ka khudbeynayo.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay sii laba kacleyneyso xiisadda ka dhex taagan Baarlamaanka, taas oo ka dhalatay mooshin xilka qaadis ah oo ay qaar kamid ah Xildhibaannadu ka keeneen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe.

Waxaa guud ahaan hakad-galay shaqadii Baarlamaanka oo xiran muddo ku dhow laba isbuuc, sababo la xiriira khilaafka soo cusboonaaday ee ka taagan golaha dhexdiisa.

Xildhibaannada iyo guddoonka ayaa isku qabtay arrinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab – Maxaa dhacay?

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay shalay ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka ka fuliyeen dhulka howdka ee deegaanka Ciid-ciidka, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Macawiisleyda ayaa weerar culus ku qaaday goob fariisin u aheyd maleeshiyaadka Khawaarijta, kadibna waxaa halkaas ka dhacay dagaal toos ah.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in jab culus ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegeen goobta lagu dagaalamay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku daray in 4 kamid ah xubnaha Al-Shabaab ay ku dileen weerarka, ayna kasoo furteen hubka ay wateen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maydadka ay horay ula sii carareen Al-Shabaab, isla markaana ay geeyeen deegaanka Cali Foodheere oo isna hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa dhulka howdka ah oo ay weli isku horfadhiyaan Macawiisleyda iyo Al-Shabaab.

Aagga Ciid-ciidka ayaa ah dhul ballaaran oo Shabaab horay looga saaray, balse ay haatan dib ugu soo laabteen, kadib culeyska ay soo saareen deegaannada HirShabelle.

Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo qorsheynaya inay dib ugu laabtaan deegaannadii ugu dambeeyay ee ay dib uga soo baxeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaqyo culus wadda, waxaana ay isku fidineysaa dhul ballaaran oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana dowladda dhexe ay waddaa abaabul ay ku dooneyso inay uga hortegto culeyska ay Al-Shabaab soo saartay deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Aadan Madoobe oo soo saaray 3 qodob (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada saxiixay mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in aysan ku qancin warqadii uu soo saaray guddoomiyuhu, isla markaana ay sidii ugu taagan yihiin go’aankoodii xil ka qaadidda guddoomiyaha.

Xildhibaan Cabdullahi Carab ayaa akhriyey bayaan kooban oo xildhibaanadaas ay ka soo saareen shirkii ay caawa isugu yimaadeen, waxayna cadeeyeen in Aadan Madoobe uusan weli ka laaban go’aankiisii ka dhanka ahaa xasaanadda xildhibaan Cabdullahi Abiib, iyaguna aysan ka laaba doonin go’aankooda xil ka qaadista guddoomiyaha.

Xildhibaanada ayaa soo saaray seddax qodob oo kala ah:

1 – In xubnaha saxiixay xil ka qaadista guddoomiyaha golaha shacabka ay u soo baxday in guddoomiye Aadan Madoobe uusan si toos ah uga laaban go’aankiisii sharci darrada ahaa ee Xildhibaan Cabdullahi Abiib uu uga xayuubiyey xubinimada golaha.

2 – Waxay aheyd inuu soo saaro go’aan maamul oo uu uga noqonayo warqadii sharci darrada aheyd oo uu ku saxiixan yahay lehna tixraac.

3 – Anagoo ah xildhibaanada mooshinka saxiixay waxaan cadeyneynaa, in war-saxaafadeedkii maanta ka soo baxay guddoonka golaha shacabka aanaan ku qanacsaneyn, mooshinkii guddoomiyaha ee xil ka xayuubintana sidii uu noogu taagan yahay.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo arrintaan culeys badan kala kulmaya ayaa caawa soo saaray warqad nuxurkeedu yahay labo qodob oo kala ah;

1 – Inuu dib ugu celiyey Guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka arinta la xiriirta kursiga Hop#201 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib si ay ugu soo talo bixiyaan si waafaqsan godobka 50-aad, farqadiisa 2-aad, xaralka (D) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

2 – In Guddiga Xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka ay tala bixintooda dib ugu soo celiyaan fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, si waafaqsan xeerhoosaad ka Golaha Sahcabka BJFS.

Xildhibaanada u doodaya xubinta golaha laga saaray oo ah Cabdullaahi Abiib ayaa nefis u arka tallaabada uu caawa qaaday Guddoomiye Aadan Madoobe oo ah talaabo lagu qasbay, halisna uu ku galay, maadaama Xildhibaanada mooshinkiisa saxiixay ay kor u dhaafeen 100, sida lagu arkay warbaahinta bulshada.

Xildhibaan Cabdullahi Abiib markii laga reebo inuu imaadiiday kulamada golaha, wuxuu aad uga hadlaa musuqmaasuq uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqanto, wuxuu degan yahay dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in si cad uu u sheegay in Soomaaliya oo Xildhibaan uu ka yahay uu uga baqayo amnigiisa.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee xildhibaanada

 

 

Somaliland iyo Puntland oo ku heshiiyey arrin lama filaan ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Puntland ayaa ku heshiiyey inay si dhaafsadaan maxaabiis lagu qabtay dagaalladii Goojacadde iyo Tukaraq, kuwaas oo ku kala xiran Hargeysa iyo Garowe, tirada maxabiista la is dhaafsanayo ayaa u dhaxeysa 25 ilaa 30 qof.

Saraakiil ka tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in labada maamul ay ka wadahadleen sii deynta maxaabiista ay iska hayaan, kuna heshiiyeen, hadib hadalkii Saciid Deni uu warbaahinta u marsiiyey Somaliland, kaas oo Cabdiraxmaan Cirro uu ka soo jawaabay.

Saraakiishu waxay noo sheegeen in Somaliland sii dayneyso 11 maxbuus oo reer Puntland ah, kuwaas oo waayo badan Hargeysa ku xiraa, halka Puntland ay uga beddalaneyso 16 maxbuus oo reer Somaliland ah, kuwaas oo muddo badan ku xiraa Garowe.

Maxaabiista hadda la qorsheeyey in Somaliland ay sii deyso dhamaantood waa reer Puntland, kumana jiraan kuwii dagaallada looga qabtay SSC-Khaatumo oo iyadu bilowday sii deynta maxaabiis gaareysay 25 qof oo wax shuruud ah aysan ku xirin, kuwaas oo Hargeysa laga dejiyey maalmo ka hor.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa meel fagaare ah ka jeediyey waxa ay xukuumadiisu ka damacsan tahay arrinta gobolka Sool oo hadda ay gacanta ku hayaan maamulka SSC-Khaatumo, isagoo hoosta ka xariiqay in wax kasta ay nabad ku raadi doonaan.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale soo hadal qaaday maxaabiistii 25-ka qof aheyd ee dhowaan maamulka SSC Khaatumo uu ku wareejiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo Muqdisho laga qaaday, lagana dejiyey magaalada Hargeysa.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo dhawaan la bilaabay qorshe ay Somaliland ku sii deynayso maxaabiis lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, kuwaas oo lagu wado in saacadaha ama maalmaha soo socda laga dejiyo magaalada Garowe.

Aadan Madoobe oo soo dabcay, labo qodobna ka soo saaray kiiska xildhibaan Abiib

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP#201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka, si uu uga soo talo bixiyo, dibna uu golaha ugu soo celiyo.

Kursigaas waxaa ku fadhiyey Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib, guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dhowaan sheegay in xildhibaankaas uusan ka soo qeyb gelin ugu yaraan kulamadii dhacay labadii kalfadhi ee u dambeeyey.

Guddoomiyaha ayaa xiligaas sheegay in Xildhibaan Abiib uu waayey xubinimadiisii golaha, sidaas darteedna loo baahan yahay in kursigaas lasoo buuxiyo, maadaama xildhibaankii ku fadhiyey golaha looga saaray soo xaadir la’aan.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa golaha gilgilay khilaaf sababay inay hakad galaan kulamadii golaha, iyadoo mooshin laga qoray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo weli halis ugu jira in xilka laga qaado, sabab la xiriirtay sida uu u maareeyey kiiska Xildhibaan Cabdullahi Abiib.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo arrintaan culeys badan kala kulmaya ayaa caawa soo saaray warqad nuxurkeedu yahay labo qodob oo kala ah;

1 – Inuu dib ugu celiyey Guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee Golaha Shacabka arinta la xiriirta kursiga Hop#201 ee uu ku fadhiyo Xildhibaan Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib si ay ugu soo talo bixiyaan si waafaqsan godobka 50-aad, farqadiisa 2-aad, xaralka (D) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

2 – In Guddiga Xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo Xasaanadda ee

Golaha Shacabka ay tala bixintooda dib ugu soo celiyaan fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, si waafaqsan xeerhoosaad ka Golaha Sahcabka BJFS.

Xildhibaanada u doodaya xubinta golaha laga saaray oo ah Cabdullaahi Abiib ayaa nefis u arka tallaabada uu caawa qaaday Guddoomiye Aadan Madoobe oo ah talaabo lagu qasbay, halisna uu ku galay, maadaama Xildhibaanada mooshinkiisa saxiixay ay kor u dhaafeen 100, sida lagu arkay warbaahinta bulshada.

Xildhibaan Cabdullahi Abiib markii laga reebo inuu imaadiiday kulamada golaha, wuxuu aad uga hadlaa musuqmaasuq uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dhaqanto, wuxuu degan yahay dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in si cad uu u sheegay in Soomaaliya oo Xildhibaan uu ka yahay uu uga baqayo amnigiisa.

Sawirro: Xil wareejin maanta ka dhacday Villa Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad xil-wareejin ah ayaa maanta ka dhacday xarunta Villa Soomaaliya, kadib tallaabadii uu maalin kahor qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Xil-wareejinta oo ka dhacday xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa xilalka kula kala Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee cusub Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii labaad ee hore Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, kuwaas oo ay saameysay isku shaandheyntii dhacday todobaadkan.

Xamza Cabdi Barre ayaa goobjoog ah munaasabadda iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, isaga oo xilalka u kala wareejiyay labada mas’uul, si ay u dhaqan gasho digreetadii uu soo saaray.

Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa laga soo wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga, halka Cabdisalaam Cabdi Cali isna la geeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isaga oo beddalay Mudane Axmed Macallin Fiqi oo isna loo beddalay gaashaandhigga.

Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh dowladda, isla markaana Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka cusub looga baahan yahay in uu xoogga saaro qorsheyaasha Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan hirgelinta Siyaasadda Jaangoynta Mushaaraadka Shaqaalaha dowladda, dib-u xoreynta goobahay ay argagixisadu ku harsan yihiin iyo garab istaagga ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenkii labaad ee hore, shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu qabtay, kuwaas oo ay kamid ahaayeen dardargelinta dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyo abaabulka bulshada ee ku aaddan garab istaagga ciidamada geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira argagixisada.

Isku shaandheynta uu sameeyay Ra’iisul wasaare Xamza oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxa ay fasiraad ka bixisay laba arrin oo xasaasi ah, kuwaas oo kala ah:

1. In isku shaandheynnadu ay yihiin kuwa ku salaysan jahwareer siyaasadeed.

2. In aanay madaxda sare heysanin dookh ka baxsan inta xukuumadda ku jirta.

Tan ayaa ka dhigan si kasta oo xubnaha golaha waxqabadkooda loo saluugana aysan madaxda sare haysan dookh ka duwan iyaga, halkii iyaga la beddeli lahaa boosaaska uun la isugu beddelayo — taas oo aanan meesha ka saaraan baahida joogtada ah ee loo qabo isbeddelka.

Xasan Sheekh oo maqaal uu qoray ku shaaciyey xogo sirdoon oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xiriirka sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya kooxda Xuutiyiinta Yemen iyo ururrada argagixisada ee Soomaaliya ka hawlgala, sida Al-Shabaab iyo Daacish, isagoo ku baaqay iskaashi adag oo goboleed si loo ilaaliyo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Qoraal uu Isniintii ku daabacay wargeyska Asharq Al-Awsat, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu shaaca ka qaaday in hay’adaha sirdoonka Soomaaliya ay ogaadeen xiriir joogto ah iyo hub isdhaafsi dhexmaraya Xuutiyiinta iyo shabakadaha argagixisada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in maamulka Soomaaliya dhowaan qabtay shixnado walxaha qarxa iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) oo laga soo diray Yemen, iyadoo sidoo kale la xiray xubno ka tirsan kooxihii hubkan dalka soo gelinayay.

“Hay’adaheena sirdoonka waxay xaqiijiyeen xiriirka joogtada ah ee ka dhexeeya Xuutiyiinta iyo kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin hub isweydaarsi iyo farsamo aqooneed,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Si guul leh ayaannu u qabanay shixnado khatar ah oo laga soo diray Yemen oo Soomaaliya loo soo waday.”

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu intaa ku daray in isbahaysiyada noocaan ah ay khatar weyn ku yihiin Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, gaar ahaan marinnada muhiimka ah ee maraakiibta ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in kooxaha argagixisadu ay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan marinnada biyaha muhiimka u ah ganacsiga caalamka iyo ammaanka gobolka.

Hoggaamiyaha Soomaaliya wuxuu mar kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee dowladdiisa ee Sacuudiga, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay kamid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ku biiray isbahaysiga Islaamiga ah ee ka hortaga gardarrada Xuutiyiinta.

“Maalintii ugu horreysay waxaan garab istaagnay walaalaheenna Sacuudiga si aan uga hortagno weerarrada Xuutiyiinta ee bartilmaameedsanayay hoggaanka boqortooyada, meeqaamkeeda diimeed, doorkeeda dhaqaale, iyo sidoo kale madaxbannaanida Yemen,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka Soomaaliya kula jirto argagixisada—oo ay ku jiraan hawlgallo militari oo toos ah oo ka dhan ah saldhigyada Al-Shabaab iyo Daacish—uu qeyb ka yahay dagaal ballaaran oo loogu jiro nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo badaha ku hareereysan.

Tan iyo markii uu xilka kusoo laabtay sannadkii 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladdiisu qaadatay istiraatiijiyad dhammaystiran oo la dagaallanka argagixisada ah, taasoo isku dareysa tallaabooyin fikir iyo dhaqaale, si loo wiiqo awoodda kooxaha xagjirka ah. In ka badan 300 oo culumo Islaami ah ayaa dowladda kala shaqeynayay sidii looga hortagi lahaa fikirka xagjirka ah, iyadoo sidoo kale la burburiyay shabakadaha dhaqaalaha ee taageera argagixisada, taasoo horseedday in laga xoreeyo degaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu faahfaahiyay ololeyaasha militari ee Soomaaliya oo ka socda laba jiho oo muhiim ah: Buuraha Calmiskad iyo Golis ee ku dhow Gacanka Cadmeed ee waqooyi-bari Soomaaliya, iyo hareeraha Webiga Shabeelle ee gobollada dhexe, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in laga hortago in Al-Shabaab ay gaaraan xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.

Inkasta oo Soomaaliya ay bixisay qiimo culus, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujiyay kalsooni ah in Soomaaliya ay ku socoto waddada nabadda.

“Qiimo weyn ayaan bixinay oo waddo adag ayaan soo marnay, laakiin waxaan rumaysan nahay in himilada aan leenahay ay mudan tahay dadaalkeenna,” ayuu qoray Madaxweyne Xasan Sheekh. “Ilaahay oo na caawiya, dadaalka dadkeenna, iyo taageerada saaxiibbadeen, waxaan sii wadi doonnaa ilaa aan ka gaarno Soomaaliya cusub oo nabdoon, taas oo saldhig u noqota xasilloonida gobolka iyo adduunka oo dhan.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka ku hareeraysan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo wadajir ah, si loo joojiyo in kooxaha argagixisada ay ballaariyaan saameyntooda gobolka oo muhiimad weyn u leh istiraatiijiyadda adduunka.

Maxkamadda G/Banaadir oo ridday xukunka kiiska Mayota

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Banaadir oo maalmahan ku guda jirtay dhageysiga kiis xasaasi ah oo loo haystay koox ku eedeysan tahriibinta iyo ka ganacsiga dad Soomaaliyeed ayaa maanta ku dhowaaqday xukunno kala duwan oo lagu riday, kadib dambiyo culus oo lagu helay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saalax Maxamuud Dabaan oo ku dhowaaqay go’aannka maxkamadda ayaa sheegay in raggan ay ka dambeeyeen dhacdadii xanuunka badneyd ee ay ku dhamaadeen dadkii Soomaaliyeed ee ku halaagsamay Jasiirada Mayota, xilli ay ku jireen tahriib, kuna sii jeedeen qaar kamid ah waddamada reer Yurub.

Maxkamadda ayaa 7 kamid ah eedeysanayaasha ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay, halka qaar kalena lasii daayey, kadib markii lagu waayey wax dambi ah.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa waxaa lagu riday xukun u dhexeeya 6 bilood, illaa 4 sanno, waxaana laba kamid ah usii dheer inay bixiyaan magta Soomaalidii dhimatay.

Hoos ka akhriso magacyada iyo xukunka kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

1-Mubaarak Maxamed Xasan waxay maxkamaddu ku waysay wax dambi ah, waxayna baab’isay damaanad uu bannaanka ku joogay, sidoo kale waxay u celisay xoriyaddiisa.

2-Maxamed Jimcaale Raage waxay maxkamaddu ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 447 lala akhriyay 71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 4 sano oo xarig ah.

3-Maxamuud Cali Maxamed maxkamaddu ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 447 lala akhriyay 71 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 2 sano oo xarig ah

3-Cabdiwahaan Nuur Mahdi maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan qodobka 2250 oo lala sii akhriyay qodobka 45, waxayna ku xukuntay 1 sano oo xarig ah.

4-Ibraahim Cabdi Ibraahim maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

5- Waliid Cabdullaahi Abuukar maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

6-Cabdiqani Maxamed Cali maxkamaddu waxay ku heshay fal-dambiyeedka ku xusan 298, farqaddiisa koowaad oo lala akhriyay 45, waxayna ku xukuntay 6 bilood oo xarig ah.

Sidoo kale, waxaan xukun kale uu kusii dhacay dambiileyaal Maxamed Jimcaale Raage iyo Maxamuud Cali Maxamed waxaana lagu xukumay inay bixiyaan:-

1-Diyada Marxuumad Fatxi Xuseen Cali oo ah 50 halaad oo geel ah

2-Diyada Marxuumad Binti Cali Nuur oo ah 50 halaad oo geel ah

3- Diyada Marxuumad Laylo Cismaan Maxamed oo ah 50 halaad oo geel ah

4-1-Diyada Marxuumad Aamino Axmed Baashe oo ah 50 halaad oo geel ah.

Waxaa kale oo isla raggan lagu riday xukun ah inay bixiyaan lacagihii ay ka qaadeen qaar kamid ah dadkii ay tahriibinayeen oo maxkamadda ka dacweeyay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in ragga la xukumay ay haystaan fursad kale oo ay ku qaadaan karaan racfaan, haddii aanay ku qanacsaneyn go’aanka soo baxay.

“Xukunkan cidda aan ku qancin waxaa u furay racfaan ku siman inta u sharcigi tilmaamay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir.

K/Galbeed oo shaacisay in dalku galayo xaalad la mid ah tii 1991 hal arrin darteed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si adag uga digay halista ka dhalan karta haddii la joojiyo gargaarka deg-degga ah ee la gaarsiiyo dadka ku tabaaleysan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

Digniinta maamulka ayaa ku soo beegmaysa xilli dalku wajahayo xaalado is biirsaday oo ay ka mid yihiin abaaro, sicir-barar iyo colaado sokeeye oo sii kordhaya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka iyo Gargaarka Bani’aadamnimada ee Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Isaaq Ganey, ayaa sheegay in haddii xilligan adag la jaro gargaarka bani’aadamnimo, dalka uu gali karo xaalad aad u daran, oo lamid ah musiibadii bani’aadamnimo ee 1991-kii.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida deg-degga ah ee loo qabo in beesha caalamka aysan ka jarin taageeradii ay siin jireen dadka nugul, si aysan uga sii daran xaaladooda.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in abaarta daba dheeraatay ay sababtay in dad badan ay ka barakacaan guryahoodii, iyagoo wajahaya nolol adag oo aysan heli karin cunto, biyo iyo adeegyo caafimaad.

Colaadaha iyo sicir-bararka sii kordhaya ayaa sidoo kale xaaladda sii adkeeyay, taasoo keentay in gargaar kasta oo la jaro uu noqdo halis toos ah oo nolosha shacabka khatar u gelineysa.

Digniinta maamulka ayaa timid xilli Dowladda Mareykanka ay dhawaan jartay gargaar la qorsheeyay in loo adeegsado kaalmeynta Soomaaliya, gaar ahaan ku dhowaad $170 milyan, sida uu shaaciyay ururka samafalka ee Stand Up for Aid.

Go’aankan ayaa waxaa si gaar ah uga dhalan kara saameyn taban oo ku dhacda in ka badan afarta milyan ee qof ee wajahaya macaluul iyo nafaqo-darro sanadka 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah uga dhiidhiiyay go’aankaas, iyagoo sheegay in la joojiyo gargaarka ay khatar ku tahay nolosha dadka nugul. Waxay hoosta ka xariiqeen in abaartu aysan weli dhammaan, ayna jiraan malaayiin qof oo u baahan taageero joogto ah si ay u badbaadaan.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa iyadna warbixin ay soo saartay ku sheegtay in carruurta ka yar shan sano ay noqon doonaan kuwa ugu badan ee ay saameyn doonto xaaladda nafaqo-darrada. Waxaa la filayaa in tirada carruurtaas ay gaarto ilaa 1.7 milyan dhammaadka sanadkan, taas oo ah tiro aad u sarreysa marka loo eego awoodda hadda jirta ee wax looga qaban karo.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha, iyadoo deegaanno badan aysan gaarin adeegyo caafimaad iyo biyo nadiif ah. Maamulka ayaa sheegay in haddii gargaarka la hakiyo, ay suuragal tahay in dad badan ay u dhintaan gaajo, cudurro ama nafaqo-darro darteed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay beesha caalamka, hay’adaha samafalka, iyo dowladda Federaalka in ay isla qaataan mas’uuliyadda badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa uu Wasiir ku-xigeenku ku cel-celiyay in gargaar kasta oo la jaro uu yahay halis toos ah oo aan laga bogsan karin haddii ay xaaladdu kasii darto.