29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Somali president warns of Houthi ties with Al-Shabaab

MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has raised alarm over growing ties between Yemen’s Houthi movement and terrorist groups operating in Somalia, including Al-Shabaab and ISIS, calling for stronger regional cooperation to protect the security of the Red Sea and Gulf of Aden.

In an opinion article published Monday on Asharq Al-Awsat, Mohamud revealed that Somali intelligence agencies have uncovered sustained communication and arms exchanges between the Houthis and extremist networks in Somalia. He said Somali authorities recently intercepted shipments of explosives and drones sent from Yemen, arresting members of a smuggling ring linked to the groups.

“Our intelligence services have recently confirmed ongoing coordination between the Houthis and both ISIS and Al-Shabaab, including the transfer of weapons and technical expertise,” the president wrote. “We have successfully intercepted and seized dangerous shipments headed from Yemen to Somalia.”

Mohamud warned that these alliances pose a serious threat not only to Somalia but to the entire region, particularly the critical maritime routes through the Red Sea and Gulf of Aden. He emphasized that terrorist groups are seeking to control key waterways, which serve as vital arteries for global trade and regional security.

The Somali leader reaffirmed his government’s longstanding support for Saudi Arabia in its efforts to counter the Houthi threat, describing Somalia as an early and committed member of the Islamic military coalition formed to confront Houthi aggression.

“From the first day, we have stood alongside our brothers in Saudi Arabia against Houthi attacks that target the Kingdom’s leadership, religious status, and economic role, as well as Yemen’s sovereignty,” he said.

President Mohamud stressed that Somalia’s battle against terrorism — which includes direct military campaigns against Al-Shabaab and ISIS strongholds — is part of a larger fight for the peace and stability of the entire Horn of Africa and its neighboring seas.

Since returning to office in 2022, Mohamud said his administration has adopted a comprehensive counterterrorism strategy, combining ideological and financial measures to weaken extremist groups. Over 300 Islamic scholars have worked with the government to challenge terrorist narratives, while financial networks funding terrorism have been dismantled, leading to the liberation of significant territories across Somalia.

He also detailed Somalia’s active military campaigns on two major fronts: the Al-Miskad and Golis mountain ranges near the Gulf of Aden in northeastern Somalia, and along the Shabelle River in the central regions, aiming to prevent Al-Shabaab from accessing Somalia’s coastline along the Indian Ocean.

Despite heavy sacrifices, Mohamud expressed confidence that Somalia is on the path to a more peaceful future.

“We have paid a high price and faced a hard road, but we believe the end is worth every sacrifice,” he wrote. “With God’s help, with the determination of our people, and with the support of our friends, we will continue moving forward until we see a new, peaceful Somalia that serves as a cornerstone of regional and global stability.”

Calling for urgent collective action, Mohamud concluded by urging all countries bordering the Red Sea and Gulf of Aden to strengthen cooperation to prevent terrorist groups from expanding their influence across one of the world’s most strategically important regions.

Xogta mooshin culus oo ku saabsan kala baxa Puntland iyo SSC-Khaatumo oo socda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, gaar ahaan kuwa laga soo doorto gobolka Bari, ayaa wadda dadaallo siyaasadeed oo xooggan oo ku aaddan mooshin ay doonayaan in ay horgeeyaan fadhiga Baarlamaanka ee dhici doona bisha June 2025.

Mooshinkan ayaa ku saabsan kala bax rasmi ah oo la dhex dhigo Puntland iyo SSC-Khaatumo oo dhawaan loo aqoonsaday maamul goboleed rasmi ah, iyadoo la doonayo in la beddelo qaab-dhismeedka maamul ee hadda jira.

Xildhibaannada riixaya mooshinkan ayaa u arka in ay muhiim tahay in si cad oo sharci ah loo kala saaro Puntland iyo SSC-Khaatumo, iyagoo ku dooday in waqtigu is beddelay, loona baahan yahay in la waafajiyo Dastuurka Puntland xaaladaha siyaasadeed ee haatan jira.

Waxay doonayaan in deegaannada SSC laga saaro Dastuurka Puntland, si loo muujiyo kala madax-bannaanida maamul ee labada dhinac, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno si dhow ula socda mooshinkan.

Xubnahaan mooshinka wadda ayaa haatan ku mashquulsan sidii ay xildhibaanno kale ugu qancin lahaayeen hindisahooda, si ay u helaan codad ku filan oo ay mooshinka ugu gudbiyaan si rasmi ah fadhiga Baarlamaanka ee furmaya 15-ka June. Waxaa socda kulamo gaar gaar ah oo arrintan looga gol leeyahay in taageero ballaaran loogu helo.

Mid ka mid ah xildhibaannada hormuudka ka ah mooshinkan ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay in la dhiso nidaam cusub oo salka ku haya xaqiiqada siyaasadeed ee hadda jirta.

Waxa uu xusay in loo baahan yahay dib u habeyn lagu sameeyo hannaankii saami-qaybsiga ee lagu dhisay Puntland sanadkii 1998, si loo waafajiyo isbeddellada dhabta ah ee deegaannada SSC ka muuqda.

Inkasta oo mooshinkaan uu yahay mid wali marxalad hordhac ah ku jira, haddana weli lama oga sida ay xukuumadda madaxweyne Saciid Deni uga jawaabi doonto. Xukuumaddu ayaa la sugayaa sida ay uga fal-celiso qorshah ooshinkan marka si rasmi ah usoo baxo.

Arrintan ayaa dadka ka soo horjeeda u arkaan mid ka fiirsi u baahan oo xasaasi ah, maadaama ay qabaan inay si toos ah u taabanayso midnimada iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed ee Puntland.

Si kastaba, waxaa la filayaa in haddii mooshinka la horgeeyo fadhiga Baarlamaanka maamulka Puntland, uu sababi karo doodo adag iyo kala aragti duwanaansho xooggan oo dhex mara xildhibaannada, taas oo jawi siyaasadeed cusub gelin karta maamulka.

Sawirro: Golaha Aqalka Sare oo meel-mariyay 4 sharci oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaa=ha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa cod gacan taag ah ku meel-mariyey afar sharci oo muhiim ah.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa shir-gudoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha golaha oo uu ku jiro Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo maanta xaadiray fadhiga ay yeesheen Senatorada Golaha Aqalka Sare.

Dhammaa shuruucda la meel-mariyay ayaa muhiim u ah hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, waxaana soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Shuruucdaan ay maanta ansixiyeen xubnaha Aqalka Sare ayaa kala ah,

𝟏. 𝐇𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

𝟐. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐧𝐬𝐡𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚.

𝟑. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐲𝐦𝐢𝐬𝐤𝐚.

𝟒. 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱-𝐤𝐚-𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐠𝐚𝐠𝐢𝐱𝐢𝐬𝐚𝐝𝐚.

Intaas kadib waxaa Golaha la hadlay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaha Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka goobjoog ahaa, isaga oo uga mahad-celiyay meel-marinta shuruucda ay u gudbisay wasaaraddu.

Sidoo kale wuxuu ka mahad-naqay sida wanaagsan ee ay turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen sharciyada Maaliyadeed ee la horgeeyay, iyada oo dhammaan shuruucdani ay hore u soo meel mariyeen Xildhibaanna Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doodda sharciyadan ayaa soo socotay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana Senataradu soo jeediyeen aragtiyo kala duwan, kadibna maanta waa ay meel-mariyeen.

NISA oo qaaday tallaabo culus kadib go’aankii Shabaab ay xayiraadda uga qaaday…

0

Xudur (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee ka hawlgala maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay howlgallo amni oo xooggan, kuwaas oo haatan ka socda magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Howl-galladan ayaa diiradda lagu saarayaa hubinta dadka iyo gaadiidka soo galaya magaalada, kaddib markii Al-Shabaab ay dhowaan xayiraad ka qaadeen deegaannada gobolka.

Ujeedada ugu weyn ee howl-galladan ayaa ah in lagu xaqiijiyo amniga magaalada Xudur, oo si gaar ah looga cabsi qabo falal amni darro oo laga yaabo in Al-Shabaab ay isku dayaan in ay ka fuliyaan gudaha magaalada. Ciidamada ayaa si gaar ah u baaraya gaadiidka xamuulka iyo kuwa dadweynaha si looga hortago khataraha suuragalka ah.

Saraakiisha hoggaaminaysa howl-galka ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid taxaddar leh oo looga gol leeyahay in shacabka lagu ilaaliyo, isla markaana laga hortago wax walba oo keeni kara dhibaato ama qalqal gelin kara xasiloonida deegaanka. Waxaa la adkeeyey baraha kontaroolada si loo hubiyo cid kasta oo soo galaysa magaalada.

Shacabka magaalada Xudur ayaa loogu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna muujiyaan feejignaan dheeri ah. Laamaha ammaanka gobolka Bakool waxay ku boorriyeen shacabka in ay si toos ah ula soo xiriiraan haddii ay arkaan wax shaki leh ama ay dareemaan khatar.

Howl-galladan ayaa kusoo beegmaya xilli Al-Shabaab ay dhowaan ka qaadeen xayiraad ay hore u saartay qaar kamid ah deegaannada gobolka Bakool. Tallaabadan ayaa keentay in la fasaxo dhaq-dhaqaaqa gaadiidka xamuulka ee sida raashinka iyo sahayda kale ee nolosha.

Ciidamada ammaanka ayaa uga dan leh howl-galka in ay ka hortagaan in fursadan ay kooxaha argagixisada ah uga faa’iideystaan sidii ay gudaha magaalada ugu soo gudbi lahaayeen, taas oo halis gelin karta shacabka ku dhaqan Xudur. Waxaa la sheegay in baaritaannada la kordhin doono inta ay jirto halista amni.

Ugu dambeyn, saraakiisha NISA ee gobolka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo wada shaqeynta shacabka iyo ciidamada ammaanka. Tani ayaa loo arkaa in ay tahay jidka kaliya ee lagu xaqiijin karo amni buuxa iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada magaalada Xudur iyo guud ahaan gobolka Bakool.

Xog: Xiriirka Soomaaliya iyo Masar oo xumaaday – Qaahira oo dareemaysa in la khiyaanay

Qaahir (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal u ah xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska “Al-Carabi Al-Jadiid”, inay soo ifbaxayso xiisad aan la shaacin oo u dhaxaysa Qaahira iyo Muqdisho. Xiisaddan ayaa salka ku haysa hakad ku yimid fulinta heshiiskii iskaashiga militari ee labada dal ay kala saxiixdeen bishii Agoosto 2024.

Waxay ku soo beegmaysaa xilli ay ilo wareedyadu ku tilmaameen “isbeddel weyn oo lama filaan ah” oo ku yimid tubta siyaasadeed ee hoggaanka Soomaaliya. Isbeddelkan ayaa si cad uga muuqday isu soo dhawaansho aan hore loo arag oo lala yeeshay Itoobiya, iyadoo la dhayalsanayo isfahamkii istiraatiijiga ahaa ee lala lahaa Qaahira.

Sida ay xoguhu sheegayaan, Masar ayaa muujisay saluug sii kordhaya oo ku aaddan waxa ay u aragto “isbeddel lama filaan ah oo 180 digrii ah” oo ku yimid hab-dhaqanka Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa bilo ka hor uun isu soo bandhigayay inuu yahay shuraako dhow oo Qaahira kala shaqeeya wajahidda waxa ay Masar u aragto khataro goboleed, gaar ahaan marka la eego fiditaanka Itoobiya ee Geeska Afrika iyo arrinta murugsan ee biyo-xireenka Al-Nahda.

Naxdin siyaasadeed oo ka dhacday Qaahira

Ilo wareedyadu waxay xaqiijiyeen in isbeddelkan ku yimid mowqifka Soomaaliya uu ahaa “naxdin siyaasadeed” oo ku dhacday go’aan-gaareyaasha Masar. Waxaa taas sii xoojiyay calaamado muujinaya iskaashi sii kordhaya oo u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Tani waxay ku kalliftay Qaahira inay dib u qiimeyso suurta-galnimada in la sii wado fulinta heshiiska militari. Heshiiskan ayaa qorshuhu ahaa inuu ku jiro dirista in ka badan kun askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Masar, kuwaas oo la gayn lahaa meelo ay ka mid yihiin Aadan Yabaal iyo Cadale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, si ay uga qaybqaataan la dagaallanka ururka Al-Shabaab.

Ilo wareedyadu waxay intaa ku dareen in Qaahira ay dareemayso wax ay ku tilmaameen “niyad jab aad u weyn” oo ka dhashay waxqabadka Madaxweynaha Soomaaliya. Waxay u arkaan inuusan muujin ballanqaad dhab ah oo ku aaddan iskaashiga amniga, uuna qaadin tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo jawi ku habboon fulinta heshiiska.

Waxay intaa raaciyeen: “Waxaa jira aragti sii xoogaysanaysa oo ka dhex jirta goobaha go’aan gaarista Masar oo ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aan hadda loo arkin shuraako lagu kalsoonaan karo. Sidaas darteedna, qorshihii la xiriiray dirista ciidamada Masar ficil ahaan waa la hakiyey.”

Isla macnahaas, ilo wareedyadu waxay caddeeyeen in hakintan aan si rasmi ah weli loo shaacin, balse ay qayb ka tahay hab taxaddar leh oo ay Qaahira kula tacaalayso waxa ay u aragto isbedbeddelka siyaasadda Soomaaliya. Isbedbeddelkan ayaa halis gelinaya, sida uu mid ka mid ah ilo wareedyadu ku macneeyey, “in la lumiyo raasamaal istiraatiiji ah oo ay Masar wax badan ku bixisay sannadihii la soo dhaafay, ha ahaato dhanka taageerada militariga ama tayeynta diblomaasiyadeed iyo tan amniga ee kaadirka Soomaalida.”

Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly, ayaa isagoo wakiil ka ah Madaxweyne Cabdel Fattah El-Sisi, ka qaybgalay furitaanka shir madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen wadamada ciidamada ku deeqa hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Shirkan ayaa Jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Entebbe ee dalka Uganda. Maqnaanshaha Madaxweyne Sisi ee shirkan, inkastoo ay muhiimad weyn u leedahay arrinta Soomaaliya Qaahira, ayaa loo arkay calaamad siyaasadeed oo muujinaysa heerka uu hoos u dhacay xiisaha Masar ee xaaladda hadda jirta ee Soomaaliya.

Intii uu khudbaddiisa ka jeedinayay shir madaxeedka, Madbouly wuxuu ku adkeystay taageerada joogtada ah ee Masar ee midnimada qaranka Soomaaliya. Hase yeeshee, ma uusan qarin niyad jabka Qaahira ee waxa uu ku tilmaamay “mugdi ku saabsan kala hormarinta arrimaha” kaasoo la arkay sanadkii 2024, keenayna inay wiiqmaan guulihii uu gaaray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee la dagaallanka argagixisada.

Wuxuu ku baaqay in la cusboonaysiiyo ballanqaadka caalamiga ah ee lagu taageerayo xasilloonida Soomaaliya, isagoo xoogga saaray baahida loo qabo in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) loo suurageliyo inay ilaashadaan guulahooda.

Iyadoo shir madaxeedka laga soo saaray baaqyo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya si ay u wajahdo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha, haddana Qaahira, sida ay sheegeen ilo wareedyadu, waxay hadda u muuqataa mid aan sidaa ugu sii debecsanayn bixinta taageero militari oo toos ah. Tan ayaa sabab u ah iyadoo ay maqan yihiin dammaanado dhab ah oo ka imanaya dhinaca Muqdisho oo ku saabsan ixtiraamka isfahamka laba geesoodka ah.

Masar oo shaki uu ku abuurmay

Marka la eego macnaha guud, Sarreeye Guuto Maxamed Al-Hemshari, oo ah la-taliye ka tirsan Akadeemiyadda Millatariga Sare ee Nasser ee Masar, ayaa u sheegay “Al-Carabi Al-Jadiid”, in “matalaaddii caalamiga ahayd ee shirka Uganda aysan ahayn heer u baahan ka qaybgalka shakhsi ahaaneed ee Madaxweyne Sisi.”

Wuxuu caddeeyey in “ka soo qaybgalku uu ku dhowaad ku koobnaa Madaxweynaha Uganda, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika iyo Madaxa IGAD, halka waddamada kale ay ku ekaadeen inay soo diraan wakiillo ka socda madaxweyne ku xigeennada ama wasiirrada difaaca.”

Al-Hemshari wuxuu intaa ku daray in “arrimaha kale ee yareeyey muhiimadda ka qaybgalka heerka ugu sarreeya ay tahay in Uganda, iyo qaar ka mid ah waddamada gobolka, ay weli qaadanayaan mowqif aan wanaagsanayn oo ku wajahan Heshiiska Qaab-dhismeedka ee dalalka Badda Niilka. Arrintaasi waa mid ay Masar ku darto shuruudaheeda aan tooska ahayn marka ay qiimeyneyso suurtagalnimada ka qaybgalka munaasabadahan oo kale.”

Wuxuu tilmaamay in “xaaladdu ay hadda Soomaaliya aad u cakiran tahay, saamileyda caalamiga ah ee dhabta ah ee saamaynta ku leh fagaaraha Soomaaliya aysanna si xoog leh uga muuqan shirkii Uganda.”

Wuxuu ku adkeystay in “dhinacyada firfircoon ee arrimaha Soomaaliya hadda ay yihiin Turkiga, Itoobiya oo u dhaq-dhaqaaqaysa iyadoo wakiil ka ah Mareykanka iyo Israel, iyo sidoo kale qaar ka mid ah dalalka Carabta.”

Dhinaca kale, qoraaga Soomaaliyeed, Axmed Qaysoowd, ayaa u sheegay “Al-Carabi Al-Jadiid”, in “isu soo dhawaanshihii dhowaan dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Addis Ababa uu shaki ku abuuray dowladda Masar.”

Wuxuu tilmaamay in “imaatinka ku dhowaad 300 oo askari oo Turki ah oo maalmo ka hor soo gaaray Muqdisho, si ay uga qaybqaataan sugidda amniga, ay ku soo kordhisay weji kale oo sii murjiyey xaaladda.”

Qaysoowd wuxuu intaa ku daray in “isbeddelladan oo is biirsaday ay suuragal tahay inay ku riixeen Qaahira inay dib u eegto habkeeda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.”

Wuxuu xusuusiyey in “Masar ay bilowgii sannadkan bixisay qalab iyo hub si ay u taageerto Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ka tarjumaysa jiritaanka iskaashi, laakiin dhanka kale waxay iftiiminaysaa baaxadda walaaca Masar ee ku aaddan isbeddellada siyaasadda Soomaaliya ee dhowaanahan, iyo heerka kalsoonida lagu qabo shuraakada lala leeyahay Madaxweynaha hadda, Xasan Sheekh Maxamuud.”

Wuxuu sii raaciyey: “Xitaa isku soo dhawaanshihii saddex geesoodka ahaa ee hore uga dhashay Masar, Soomaaliya iyo Eritrea, wuxuu bilaabay in ay saameyn ku yeelato. Eritrea waxay muujisay walaac ku aaddan tallaabooyinka Soomaaliya ee ku wajahan Itoobiya, waxayna u aragtay inay yihiin falal degdeg ah oo aan waqtigooda ku habboonayn.”

Puntland oo go’aanno culus ka soo saartay arrin si weyn u sii kordheysa

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa shaaciyay go’aanno cusub oo la xiriira xakameynta tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah oo si weyn ugu soo batay deegaanada maamulkaas.

Bayaan kasoo baxay kulan gaar ah oo ay yeesheen saraakiisha socdaalka iyo hay’adaha amniga Puntland ayaa lagu xusay in kororka tahriibka uu khatar weyn ku hayo dhalinyarada Soomaaliyeed, taasoo keentay in loo baahdo tallaabo deg-deg ah.

Go’aannada la ansixiyey waxay farayaan in dhammaan hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga hortagaan tahriibka, lana qaado tallaabo sharci ah oo adag oo lagula xisaabtamayo tahriibayaasha iyo kooxaha abaabulka tahriibka.

Sidoo kale, shirkadaha diyaaradaha iyo xafiisyada tigidhada ayaa lagu amray inay si taxadar leh u hubiyaan dokumentiyada rakaabka ka safraya garoomada Puntland.

Puntland waxay si cad u sheegtay in qof kasta oo lagu qabto garoomada isagoo ku lug leh tahriib, ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah, uu wajahayo ciqaab adag oo waafaqsan xeerarka dalka.

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa lagu sheegay inuu noqday goobta ugu badan ee laga tahriibiyo dhalinyarada Puntland, halka dhalinyaro badan oo halkaas ka baxay la waayay meelaha u dhaxeeya Aljeeriya iyo Spain — marin tahriib oo cusub oo sanadihii dambe si xowli ah u kobcay.

Shirka amniga ee lagu qabtay Puntland ayaa lagu go’aamiyay qodobadan muhiimka ah:

  1. In si buuxda looga hortago dhammaan falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca garoomada.
  2. In la joojiyo tahriibka sii kordhaya ee halista weyn ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed.
  3. In dhammaan hay’adaha dawladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortagga tahriibka.
  4. In si adag sharciga loo marsiiyo tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibka abaabula.
  5. In shirkadaha diyaaradaha iyo xafiisyada tigidhada ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha ammaanka si loo xaqiijiyo saxnaanta dokumentiyada rakaabka.

Muxuu yahay qorshaha Ruushka ee Soomaaliya kadib tallaabadii uu qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadaallada diblomaasiyadeed ee Ruushka ee qaaradda Afrika ayaa gaaray heerar cusub, iyadoo Moscow ay xoojinayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya — waddan istiraatiiji ah oo ku yaalla Geeska Afrika.

Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Dalalka Afrika, Mikhail Bogdanov, ayaa Sabtidii booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho. Waxaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal. Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Bogdanov ayaa kulammo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, waxaana sidoo kale si rasmi ah u qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Intii lagu guda jiray wadatashiyada ku saabsanaa arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka — oo ay ku jirto xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadihii 2025-2026 — waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyadoo la muujiyay baahida degdegga ah ee lagu ciribtirayo hanjabaadda argagixisada ee gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda Ruushka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarka lagu gaaray dhaqan-gelinta heshiiska wadatashiga ee ay labada wasaaradood kala saxiixdeen bishii May 2023, iyo qorshaha lagu xusayo sannad-guurada 65-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Soomaaliya, oo ku beegan 11-ka September.

Kulanka kadib ayaa la shaaciyey in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu casuumaad rasmi ah u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu soo gaarsiiyay Mikhail Bogdanov.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dhambaalka casumaadda inuu ka qeyb galo shirka Ruusha iyo dalalka Carabta oo dhowaan la filaayo inuu ka dhaco Moscow.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay casuumaaddaasi, isaga oo tegi doono Ruushka, si uu uga qay-galo shirka u dhexeeya labadaasi dhinac, oo looga hadlayo arriimo xasaasi ah.

Booqashada Mikhail Bogdanov ayaa Soomaaliya ku dartay liiska sii kordhaya ee dalalka Afrika ee Ruushku xiriirka la xoojinayo, iyada oo Kremlin-ku uu ballaarinayo saameyntiisa qaaradda Afrika — gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda dhaqaale, iskaashiga amniga, iyo wada-shaqeynta siyaasadeed.

Kadib kulanka, Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay Ruushka. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay sare u qaaddo iskaashiga dhinacyada tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo ganacsiga.

“Waxaan si diirran u soo dhoweynaynaa Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Mikhail Bogdanov, booqashadiisa Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in xiriirkeenna uu sii kobco sannadaha soo socda,” ayuu yiri Mursal.

Goobta ay Soomaaliya kaga taallo marin-biyoodka muhiimka ah iyo dadaallada ay waddanku ugu jiro dib-u-dhis ka dib sannado colaado ah ayaa ka dhigaya loollan muhiim ah oo u dhexeeya dalalka doonaya saameyn ballaaran oo Afrika ah.

Xiriirka sii kordhaya ee Ruushka uu la leeyahay Soomaaliya ayaa ka tarjumaya dadaallada Moscow ee lagu dhisayo xulafo cusub oo ka jira gobollo istiraatiiji ah balse aan si weyn loo daboolin — qaab-dhaqan uu Ruushku si xowli ah uga hirgeliyay guud ahaan Afrika sannadihii la soo dhaafay.

Inkasta oo booqashada Bogdanov ay ku soo beegantay xilli Ruushku uu kor u qaadayo saameyntiisa Afrika, haddana wadahadallada la filayo inay gogol-xaar u noqdaan ka qaybgalka Ruushka ee horumarinta dhaqaalaha iyo amniga Soomaaliya.

Dhinaca Soomaaliya, xoojinta xiriirka Moscow waxa ay qeyb ka tahay dadaallada lagu kala bixinayo saaxiibada caalamiga ah, iyadoo la raadinayo maalgeshi cusub, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo iskaashi amni.

Dhanka Ruushkana, Geeska Afrika waa gobol leh muhiimad istiraatiiji ah oo la xiriirta xasilloonida gobolka, helitaanka dekedaha muhiimka ah, iyo kheyraadka dabiiciga ah — arrimo door weyn ka ciyaara ganacsiga caalamiga ah.

Mareykanka oo lacag yaab leh kusoo rogaya muhaajiriinta

Washington (Caasimada Online) – Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa wada qorshe siinaya Madaxweyne Donald Trump awood ballaaran oo uu ku dallaci karo qaxootiga doonaya magangelyo gudaha Maraykanka kharashaad aad u culus — iyagoo soo jeediyay in ugu yaraan $1,000 laga qaado codsi kasta.

Qorshahan ayaa ka mid ah liis dheer oo ah kharashaad cusub ama kordhin lagu sameynayo lacagaha socdaalka, sida ay ka doodayaan Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiillada oo ay Jamhuurigu hoggaamiyaan, xilli xisbiga uu isku dayayo inuu sharciyeynta ku meel-mariyo ajandaha siyaasadeed ee Trump.

Sida ay muujinayaan xogaha ugu dambeeyay ee Xafiiska Tirakoobka Amniga Gudaha, ku dhawaad 54,000 oo qof oo ajaanib ah ayaa magangelyo ka helay Maraykanka sannadkii 2023.

Dalka Afghanistan — oo ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay ka yimaadeen — ayaa $1,000 u dhigmo mushaarka labo sano iyo badh. Dalka Venezuela, celcelis ahaan, waxaa saddex bilood lagu kasbadaa lacagtaas.

“Madaxweyne Trump iyo Jamhuuriga Aqalka Wakiillada waxa ka go’an inay soo celiyaan nidaamka socdaalka, xoojiyaan amniga qaranka, isla markaana xakameeyaan maamulka xad-dhaafka ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay guddiga xilli la shaacinayay qoraalka sharcigan.

Guddiga Cadaaladda — oo ka mid ah guddi-hoosaadyada dejinta miisaaniyadda Aqalka Wakiillada — ayaa diyaarinaya qaybtiisa gaarka ah oo ka mid noqonaysa hindise-sharciyeed baaxad leh oo Jamhuurigu doonayaan inay ku meel-mariyaan ajandaha Trump ee dhimista canshuuraha, xakameynta socdaalka, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka tamarta.

Qayb ka mid ah sharcigan ayaa siinaysa Trump awood dheeraad ah oo uu ugu dallaci karo lacagahaas badan dadka raadinaya magangelyo iyo codsadayaasha kale ee socdaalka, taasoo shardi looga dhigay sii joogista gudaha Maraykanka.

Xeerku wuxuu dhigaya in codsi kasta oo magangelyo laga qaado ugu yaraan $1,000 — taasoo noqonaysa markii ugu horreysay taariikhda Maraykanka ee qaxooti lagu amro inay bixiyaan kharash si ay u codsadaan magangelyo.

Waxaa sidoo kale lagu soo rogi doonaa khidmad $1,000 ah dadka heysta oggolaanshaha ku-meel-gaarka ah (parolees), $550 lixdii biloodba mar oo lagu bixinayo ruqsadda shaqada, iyo $1,500 oo lagu dalbanayo beddelka xaaladda si loo helo kaarka cagaaran (green card) hortiisa garsooraha socdaalka.

Sidoo kale, Jamhuurigu waxay doonayaan in la saaro khidmad aad u culus oo ah $8,500 qof kasta oo doonaya inuu kafaala-qaado ilmo ku jira xabsiyada dowladda federaalka — iyadoo $5,000 laga soo celinayo dhowr sano kadib oo keliya haddii ilmuhu aan lagu xukumin in la masaafuriyo sababo la xiriira maqnaansho maxkamadeed.

“Lacagtaas waxay hor istaagi doontaa inta badan dadka doonaya inay kafaala-qaadaan carruurta,” ayuu bartiisa bulshada ku qoray Aaron Reichlin-Melnick, oo ah khabiir sare oo ka tirsan Golaha Socdaalka Maraykanka (American Immigration Council).

Hindise-sharciyeedkan ayaa sidoo kale soo jeedinaya in la maalgeliyo shaqaaleynta 10,000 oo wakiillo cusub oo ka tirsan Laanta Socdaalka iyo Kastamyada (ICE) iyo baarayaasha dambiyada ee ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha.

Waxaa intaas dheer, xeerku wuxuu qorsheynayaa in dhammaan dacwadaha sharciyada tartanka ganacsiga ee ay gacanta ku hayso Guddiga Ganacsiga Federaalka (FTC) lagu wareejiyo Waaxda Caddaaladda, taasoo meesha ka saaraysa awood muhiim ah oo ay leedahay hay’adda madax-bannaan.

Tallaabadan ayaa markii hore lagu soo jeediyay xeer kale oo sanadkan hore la horkeenay, waxaana si diirran u taageeray Elon Musk oo ah la-taliyaha Trump ee hagaajinta wax ku oolnimada dowladda.

Somaliland iyo Taiwan oo gaaraya heshiis xasaasi ah xilli ay xiisad taagan tahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaacisay in ay heshiis iskaashi la saxeexanayso Taiwan, kaas oo xooga saaraya amniga badda iyo horumarinta kaabayaasha la xiriira biyaha badda.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jirto cabsi sii kordheysa oo ka imanaysa Shiinaha, kaas oo si weyn uga soo horjeeda xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa wareysi uu siiyay Euro Daily Times ku caddeeyay in socdaal rasmi ah laga sugayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Lin Chia-lung, oo iman doona Somaliland si labada dhinac ay u bilaabaan hirgelinta iskaashiga.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiska la filayo uusan noqon doonin mid milateri ah, balse uu xoogga saari doono sugidda amniga ganacsiga, la dagaalanka burcad-badeeda, iyo horumarinta qalabka iyo adeegyada loojistikada ee la xidhiidha badda.

Isaga oo faah-faahinaya, Wasiirka ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu ku saleysan yahay is-ixtiraam, wadaagista qiyamka dimuqraadiyadda, iyo rabitaanka horumar nabadeed. Iskaashigu wuxuu ujeedkiisu yahay dan guud, maaha mid ciidan lagu muquuniyo.

Wuxuu intaas ku daray in Geeska Afrika u baahan yahay xasillooni iyo iskaashi, balse aanu u baahnayn tartan hubaysan oo laga abuuro khalkhal cusub. Sidaa darteed, Somaliland waxay doonaysaa iskaashi wax ku ool ah oo si togan uga jawaabaya caqabadaha amni ee ka jira gobolka.

Cabdiraxmaan Daahir ayaa sidoo kale tilmaamay in qorshahani yahay mid dhabar-adeyg u muujinaya yoolka Somaliland ee ah inay noqoto dal madax-bannaan oo xiriir la yeesha cid kasta oo ixtiraam iyo is-kaashi ku dhisan kula dhaqmeysa.

Xiisadda Shiinaha iyo doorka Taiwan

Markii la waydiiyay suurtagalnimada in Shiinaha uu si dadban u taageero SSC si uu Somaliland ugu cadaadiyo xidhiidhka Taiwan, Wasiirku wuxuu ku jawaabay in Somaliland ay ogtahay hanjabaadaha Shiinaha balse aysan madax-bannaanideeda ku beddelan doonin dan gaaban.

Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay in Somaliland ay aqoonsigeeda iyo horumarkeeda ku raadineyso dowlad-wanaag, dimuqraadiyad, iyo taariikh u gaar ah, isla markaana aysan ogolaan doonin in cid shisheeye ahi u yeedhiso.

Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan wuxuu si rasmi ah u bilaabmay sannadkii 2020, waana mid labada dhinac u arkaan inuu ku saleysan yahay qiimaha xornimada iyo rabitaanka dimuqraadiyadda, inkasta oo aysan labada dal midkoodna helin aqoonsi caalami ah oo buuxa.

Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si weyn uga horyimid xiriirkaas, iyaga oo dedaal ugu jira sidii loo wiiqi lahaa xidhiidhka Hargeysa iyo Taipei. Shiinaha ayaa arrintan u arkay faragelin lagu wiiqayo mabaadi’diisa “hal qaranimo”.

Bishii Maarso 16-keedii, dowladda Shiinaha ayaa si cad ugu hanjabtay inay tallaabooyin ka dhan ah Somaliland qaadi doonto haddii aysan joojin xidhiidhka ay la leedahay Taiwan, taasoo muujinaysa sida arrintani u kacsan tahay.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho, Wang Yu, ayaa warbaahinta u sheegay in Taiwan ay si toos ah u taageerto gooni-isu-taagga Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay mid khatar ah. Waxa uu ugu baaqay Somaliland inay ka fiirsato xiriirkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in xukuumadiisu sii xoojin doonto xidhiidhka Taiwan, isla markaana ay wakiil cusub u magacawday xafiiska Somaliland ee Taipei.

Xisbiga Cirro, xilligii uu mucaaradka ahaa, wuxuu ka digay khataraha ka iman kara xiriirka Taiwan, gaar ahaan falcelinta Shiinaha. Balse markay xukunka yimaadeen, waxay doorteen in la sii xoojiyo wada-shaqeyntaas si loo helo saaxiib istiraatiji ah.

Xidhiidhka Taiwan wuxuu Somaliland u keenay taageero siyaasadeed oo ka timid xildhibaano iyo madax ka tirsan dalal reer Galbeed ah oo Taiwan garab taagan. Tani waxay fursad siineysaa Somaliland in ay codkeeda maqashiiso caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, hanjabaadaha joogtada ah ee Shiinaha waxay halis ku yihiin fursado badan oo horumarineed, waxaana muuqata in Somaliland ay halis u tahay cadaadisyo siyaasadeed oo dibadda ah, haddii aysan si xeel dheer u wajahin.

Cosoble oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh kadib markii ay suurta-gali waysay in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo soo noqday musharax Madaxweyne ayaa warqad furan u qoray Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo isugu daray cabasho iyo talosiin.

Cosoble ayaa sheegay in labadii todobaad ee lasoo dhaafay uu dhowr jeer isku dayay inuu la xiriiro Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo raadinayay ballan kulan rasmi ah, balse uu ku guul dareystay inuu helo.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu la xiriiiray dhallinyarada Madaxweynaha la shaqeysa, balse uusan helin wax jawaab ah.

“Maadaama aan si hoose kuugu soo gudbin kari waayey baaqeyga, waxaan ku qasbanaaday inaan si daahfuran ah kuugu soo gudbiyo,” ayuu yiri qoraalkiisa ku bilaabay Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble.

Xildhibaanka ayaa warqadiisa ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha ay horay uga wada tirsanaayeen midowgii musharraxiinta ee ka horyimid isku daygii fashilmay ee muddo kororsigii madaxweynihii hore Farmaajo.

“Mudane Madaxweyne, sax ma aha in aad ku indho adeegto wixii adiga iyo anaga oo badan aan ka diidnay madaxweynihii hore, taasoo aan wada ognahay in ay noo horseedi karto burbur cusub iyo waddanka oo yeesha dhowr Madaxweyne,” ayuu yiri Cosoble.

Xildhibaan Cosoble ayaa soo jeediyay tallooyin badan oo uu ku doonayo in dalka looga badbaadiyo jahawareerka siyaasadeed ee uu dhex-maquuranayo.

Waxa uu ku booriyay Madaxweynaha inuu ka laabto uruurinta awoodda dalka ee halka gacan ku urursan iyo inuu qabto shir qaran oo degdeg ah oo ay ka qaybgalayaan dhammaan saamileyda siyaasadda.

Cabdulqaadir Cosoble ayaa madaxweynaha kula taliyey inuu raadiyo Jubbaland iyo Puntland oo gogosha uu fidinayo ku soo daro, si loo mideeyo dagaalka argagixisada iyo in la hubiyo in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo hufan, lagu kalsoonaan karo, loona dhan yahay.

Talooyinka la siinayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isisoo taraya, waxaana dhowaan u bilaabanaya sanadkii ugu dambeeyey ee muddo xileedkiisa oo sida caadiga ah ay siyaasiyiintu bilaabaan mucaaradnimo iyo hadalo adag oo siyaasadeed, si siyaasi kasta uu u hanto shacbiyad uu ku gaari karo maqaam madaxtinimo.

Cairo reconsiders Somalia ties amid shifts toward Ethiopia

CAIRO, Egypt – Tensions are quietly building between Egypt and Somalia, according to sources familiar with the relationship, who spoke to Al-Araby Al-Jadeed. The friction stems from delays in implementing a military cooperation agreement signed by the two countries in August 2024.

The rising strain comes amid what sources describe as a “major and unexpected shift” in Somalia’s foreign policy, marked by an unprecedented rapprochement with Ethiopia and a cooling of ties with Cairo.

Sources say Egyptian officials have grown increasingly frustrated, viewing Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s actions as a “sudden U-turn.” Not long ago, the Somali leader had positioned himself as a close ally of Cairo, working together to counter regional threats — particularly Ethiopia’s growing influence in the Horn of Africa and the contentious issue of the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

A political shock for Cairo

According to the sources, Somalia’s sudden pivot has caused a “political shock” among Egyptian policymakers, especially as Mogadishu’s cooperation with Addis Ababa appears to deepen.

In response, Cairo has begun reconsidering the military agreement, which had envisioned deploying more than a thousand Egyptian special forces to fight Al-Shabaab militants in areas like Aadan Yabaal and Cadale in Middle Shabelle.

Sources added that Cairo feels “great disappointment” in President Mohamud’s commitment to security cooperation, accusing him of failing to create the necessary conditions to move the agreement forward.

“There is now a growing sentiment in Egyptian decision-making circles that President Hassan Sheikh Mohamud can no longer be considered a reliable partner,” one source said, noting that plans to deploy Egyptian troops have been effectively frozen — though not officially canceled — as Cairo adopts a more cautious stance.

Officials are concerned that the shift in Somalia’s policies could jeopardize years of Egyptian investment in Mogadishu — both in terms of military aid and the broader effort to build up Somali diplomatic and security institutions.

Egypt’s growing skepticism

Egyptian Prime Minister Mostafa Madbouly, representing President Abdel Fattah El-Sisi, attended an extraordinary summit of African Union troop-contributing countries last Friday in Entebbe, Uganda. Despite Somalia’s strategic importance to Egypt, Sisi’s absence was seen as a subtle political message signaling Cairo’s waning enthusiasm.

At the summit, Madbouly reaffirmed Egypt’s support for Somalia’s unity but did not hide Cairo’s disappointment. He criticized the “lack of clarity on priorities” shown by Somali leaders in 2024, which he said has weakened the progress made by Somalia’s National Army in combating terrorism.

While the summit concluded with statements supporting Somalia, Egyptian sources indicated that Cairo is now less inclined to provide direct military assistance, citing Mogadishu’s failure to offer firm assurances regarding their bilateral agreements.

Suspicion deepens

Major General Mohamed Al-Hemshari, an advisor at Egypt’s Nasser Higher Military Academy, told Al-Araby Al-Jadeed that Sisi’s absence from the Uganda summit was partly due to the low level of international participation.

Only Uganda’s president, the African Union Commission chair, and the IGAD head attended at a high level. Most other countries were represented by vice presidents or defense ministers.

Al-Hemshari also pointed out that regional tensions over the Nile Basin Framework Agreement — a sensitive issue for Egypt — further reduced the summit’s significance for Cairo.

He emphasized that the real players shaping Somali affairs today are Turkey, Ethiopia (acting as a proxy for the United States and Israel), and some Arab states — none of whom were prominently engaged at the summit.

Meanwhile, Somali political analyst Ahmed Qaysowd told Al-Araby Al-Jadeed that the Somali government’s recent overtures to Addis Ababa have fueled Cairo’s suspicions. He added that the recent arrival of nearly 300 Turkish soldiers in Mogadishu to assist with security operations has further complicated the situation.

Qaysowd said these developments have likely prompted Egypt to reconsider its approach to Somalia, noting that earlier this year, Cairo had provided weapons and equipment to support the Somali federal government — a sign of the now-strained partnership.

He added that even the previously promising tripartite cooperation between Egypt, Somalia, and Eritrea has been impacted, with Eritrean officials voicing concern that Somalia’s embrace of Ethiopia is both premature and poorly timed.

Sawirro: Wasiir Jaamac oo fursadiisa Turkiga ku balaarinaya dekedaha dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş, isagoo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa bilaabay olole taageerada Turkiga uu ugu balaarinayo dhanka dekedaha Soomaaliya iyo gaadiidka Badda, maadaama uu dowladda u hayo malafka xiriirka Turkiga.

Waxaa la sheegaa in Wasiir Jaamac uu xiriirka Turkiga uga saameyn badan yahay masuuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Sanadihii uu joogay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo bishii hore laga soo bedelay ayuu Wasiir Jaamac aad ula shaqey jiray Turkiga, waana masuulka ay Turkidu ugu aaminaada badan yihiin.

Hadda wuxuu bilaabay qorshe uu uga faa’iideysanayo xiriirkii adkaa ee Turkiga, wuxuuna raadinayaa fursado ay ku maalgasha karaan dekedaha dalka iyo gaadiidka badda, sida maraakiibta iyo doomaha oo Soomaaliya ay baahi weyn u qabto.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa kulankii maanta markii uu soo dhamaaday aad uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jamaac ayaa weli wax laga weydiiyaa danaha ku geedaaman xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana la sheegay in aad uu isaga ilaaliyo in masuul kale uu xiriir iyo galaangal ku dhexyeesho Turkida.

Macalinka xasaradaha: Hubka istaraatiijiga ee Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka ciyaarta siyaasadda Soomaaliya ee mareyso waqtiga adag, waxaa jira shaqsi gaar ah oo aan indha laga qarsan karin, kaas oo si dhaqso leh uga dhex muuqda doorka ugu muhiimsan ee go’aan qaadashada.

Axmed Moalim Fiqi, oo ah, dhexda xasaradaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, iyo hub muhiim ah oo uu adeegsado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isbeddelkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale rogay magac la yaqaan oo lagu kalsoon yahay: Axmed Moalim Fiqi.

27-kii Abriil 2025, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay magacaabista Fiqi ee Wasiirka cusub ee Difaaca — tallaabo caddeyneysa sumcadda Fiqi oo ah hubka lagu kalsoon yahay ee Madaxweynaha, isla markaana ah mid si fudud looga isticmaali karo goob kasta.

Safarka siyaasadeed ee Fiqi muddo saddex sano ah wuxuu u muuqdaa sida buug-tixraac ee dib-u-qaabeynta istiraatiijiga. Laga bilaabo Wasiirka Arrimaha Gudaha (2022–2024), ilaa Wasiirka Arrimaha Dibadda (2024–2025), iyo hadda Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Fiqi waxaa si joogto ah loogu wareejiyay xilal xasaasi ah xilliyo muhiim ah.

Magacaabistiisa ayaa si cad u muujinaysa hal arrin: marka xasaradaha sareeyaan, Fiqi ayaa loo diraa hore.

Xilligii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fiqi wuxuu ka shaqeynayay dib-u-dhiska xiriirka daciifka ah ee federaalka Soomaaliya, isagoo guddoominayay dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo ka shaqeynta khilaafaadka u dhexeeya dowlad-goboleedyada awoodda leh sida Puntland.

Siyaasaddiisa deggan laakiin adag ayaa ka caawisay inay joogteeyaan dheellitirka xasaasiga ah ee federaalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda, wuxuu hoggaaminayay hindisyada Soomaaliya ee geesinimada leh ee Qaramada Midoobay, isagoo ka helay kursi taariikhi ah Golaha Ammaanka, wuxuuna si muran leh u riixay in la joojiyo howlgallada siyaasadeed ee UNSOM.

Sidoo kale, wuxuu qaadanayay mowqif adag oo ka dhan ah heshiiska Itoobiya ee Somaliland, isagoo muujinayay diyaar u ahaanshiyaha in si diblomaasiyadeed — ama haddii loo baahdo, millatari — loo difaaco madax-bannaanida Soomaaliya.

Hadda oo uu ku jiro Difaaca, Fiqi wuxuu la wareegayaa xil ka tirsan dagaalka ugu weyn ee Soomaaliya ee ka dhanka ah al-Shabaab. Magacaabistiisa ayaa timid iyadoo cadaadisyada amni ay kordhayaan, iyadoo Alshabaab weerarro halis ah ka geystaan meelaha ku dhow caasimadda.

Go’aanka Xassan Sheekh wuxuu muujinayaa kalsooni uu ku qabo asalka Fiqi ee amniga, oo uu ku jiro xil hore oo uu ka soo qabtay madaxda hay’adda sirdoonka Soomaaliya (NISA).

Mucaaradka waxay ku doodayaan in is-beddeladan degdegga ah ay muujinayaan in aan la helin horumar joogto ah oo hay’adeed.

Si kastaba ha ahaatee, taageerayaashu waxay u arkaan is-beddelka Fiqi inuu yahay caddeyn muujinaysa karti iyo daacadnimo kuwaas oo ah dabeecado aad ugu yar siyaasadda Soomaaliya.

Naaneysta “halkaan imow, Halkaas tag” waxaa Fiqi ku habboon, ma aha iney tahay eedayn, balse waxaa la aqoonsan yahay doorkiisa gaarka ah: ninka la aamini karo inuu xariiqada ilaaliyo marka xasaradaha qaran ay soo ifbaxaan. Miiska shaxda ee siyaasadda Soomaaliya.

Marka loo eego Wasiirka Difaaca, waxqabadkiisa wuxuu noqon doonaa mid go’aamiya, ma aha oo kaliya hawlgallada millatari, balse mar kale, Axmed Moalim Fiqi ayaa loo baahan yahay inuu difaaco waqtigaan guriga burburka ku socda ee Soomaaliya si dhab ah.

Isha: Dawan

Mareykanka oo dad Soomaali ay ku jiraan ku dilay duqeyn

0

Sacda (Caasimada Online) – Ugu yaraan 68 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa lagu dilay dalka Yemen, kadib markii Mareykanka uu hawada ka duqeeyay xarun dadka tahriibka ah lagu hayo oo Xuutiyiintu maamulaan oo ku taalla waqooyi galbeed Yemen.

Goobta la duqeeyay waxaa booqday dad badan, waxaana ka mid ah Ibraahim Cabdulqaadir Macallin oo ka mid ah Soomaalida ku nool Yemen, mar uu la hadlaayey BBC ayuu ka waramay wixii uu ku soo arkay indhahiisa iyo sida ay waxa u dheceen.

“Soomaalida tiradooda way yarayd, 3 maalin ka hor ayaa Soomaali badan oo meesha ku jirtay laga soo saaray” ayuu yiri Ibraahim oo sidoo kale sheegay waxa uu ka ogyahay tirada dadka wax ku noqoday xeradaas iyo inta ay Soomaali ka tahay.

“Dadka dhintay waa 90, dadka dhaawaca waa 25, Soomaalida waxaa la leeyahay 3 ilaa 4 qof ayaa ku jirtay laakin ilaa hadda xaqiiqdooda ma hayno” ayuu yiri, inkastoo warbaahinta qaar ay werisay geerida 68 qof.

Ibraahim ayaa sheegay in goor aroor ah uu weerarka ka dhacay meel lagu hayo muhaajiriinta oo bannaan ah.

“Dadka waxaa laga soo qabtay xadka, in ay Sucuudiga galaan ayey doonayeen, waxaa laysugu keenay xabsiga magaalada Sacda, waxaana loo diyaariyay in la soo tarxiilo” ayuu yiri Ibraahim.

Xarunta dadka lagu hayo ee Sacda waxaa la sheegay in lagu hayay dad gaaraya 115 qof oo Afrikaan ah, TV-ga Al-Masirah ee Yemen wuxuu sheegay in 47 muhaajiriin ah ay dhaawacmeen, iyadoo intooda badan ay qabaan dhaawacyo halis ah.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya meydad badan oo ku hoos jira burburka.

Saacado ka hor ayuu taliska dhexe ee Mareykanka sheegeen in ciidankooda ay duqeeyeen ilaa 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Trump uu amray in la kordhiyo duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-ka bishii hore.

 

Xog: Cali BALCAD oo laga qaadayo xilka + xil cusub oo loo magacaabayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hoose ayaa muujinaya in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu xilka ka qaadi doono Cali Balcad, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Xil ka qaadistan ayaa lasoo warinayaa inay daba socoto isku shaandheyntii uu shalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku saameysay qaar ka mid ah golaha wasiirada, taas oo Axmed Macallin Fiqi looga qaaday xilkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, loona wareejiyay Wasaaradda Difaaca.

Cali Balcad, oo door weyn ku lahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, isla markaana hormuud ka ahaa wada-hadalladii dowladda Soomaaliya la yeelatay Itoobiya ee lagu xalliyay khilaafkii badda, ayaa la filayaa in loo magacaabo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay arrintan, taas oo si rasmi ah loogu dhawaaqi doono dhawaan. Sida ay xoguhu sheegayaan, Balcad waxaa lagu beddeli doonaa Abshir Bukhaari, oo hadda haya xilka Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada.

Cali Balcad ayaa sidoo kale ahaa wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee arrimaha wada-hadallada Itoobiya.

Wuxuu door muhiim ah ka qaatay hirgelinta heshiiskii lagu gaaray magaalada Ankara ee uu dhexdhexaadiyay Madaxweyne Erdogan ee Turkiga, kaas oo lagu dhammeeyay xiisaddii u dhexeysay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isbeddellada socda ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwo lagu doonayo in lagu kordhiyo waxtarka dowladda, isla markaana lagu dheelitirayo saameynta siyaasadeed ee beelaha, si loo xoojiyo taageerada gudaha ee maamulka Ra’iisul Wasaaraha.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa inuu magacaabo wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru-dowliyaal cusub, xilli isku shaandheyntii uu shalay sameeyay ku koobneyd saddex xafiis oo masuuliyiintooda la isku beddelay.

Maamulka Somaliland oo shaacyey in uu ka fogaanayo colaadaha ka aloosan…

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si cad u sheegtay inaanay qayb ka noqon doonin colaadaha ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan dagaalka Gaza.

Tani waxay timid kadib markii warar soo baxay ay muujinayeen in Maraykanku doonayo in qayb ka mid ah dadka reer Gaza loo raro Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Daily Euro Times ku sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi caalami ah, balse aysan diyaar u ahayn inay gasho wax khilaaf hubeysan oo saameynaya Bariga Dhexe.

Cabdiraxmaan wuxuu si cad u sheegay in Somaliland aysan aqoonsigeeda u adeegsan doonin sidii badeeco la kala bedelanayo, balse ay ku istaagi doonto mabda’ iyo sharaf. Wuxuu carabka ku adkeeyay in aqoonsigu u baahan yahay inuu ku salaysnaado xaq-dhowrka qarannimada iyo doonista shacabka Somaliland.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray inay Somaliland mar walba diyaar u tahay wadahadal kasta oo lagu dhisayo nabad iyo iskaashi caalami ah, balse aysan aqbali doonin in la geliyo gorgortan ku saabsan khilaafaadka murugsan ee Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Wasiir Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in Somaliland ay xidhiidh la yeelan karto Israa’iil, haddii ay danta qaranka iyo nabadda gobolka sidaas ku jirto, iyadoo aan la dayacin rabitaanka shacabka Somaliland.

Wararka sheegaya in dadka reer Gaza loo raro Somaliland ayaa soo ifbaxay 14-ka Maarso 2025, kadib markii wakaaladda wararka ee AP ay daabacday in Maraykanka iyo Israa’iil ay ka fikirayaan qorshe lagu rarayo dadkaasi, iyada oo Somaliland, Suudaan, iyo Soomaaliya laga faa’iidaysanayo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa beeniyay in Somaliland la ogeysiiyay ama la weydiistay inay qayb ka noqoto qorshahaasi, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax wadahadal ah oo arrintaas lagala yeeshay Somaliland.

Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay inaanay Somaliland marnaba u dulqaadan doonin in lagu daro mashruucyo xasaasi ah oo dhaawici kara sumcadda iyo mabda’a qaranka, taas oo uu tilmaamay inay tahay wax laga fiirsado.

Sidoo kale, warbaahinta qaar ayaa horay u qoray in Somaliland ay u dhowdahay inay aqbasho dadka reer Qasa si ay aqoonsi uga hesho Maraykanka, taasoo keentay caro ka dhalatay waddamada Carabta ee taageera Qasa.

Rajada Somaliland ee aqoonsi caalami ah

Warbixin dhawaan uu qoray New York Times ayaa sheegtay in wadahadallo horudhac ah ay socdaan oo u dhexeeya Washington iyo Hargeysa, kuwaas oo ka mid tahay in Maraykanku saldhig ciidan ka samaysto magaalada Berbera, si uu ugu beddelo aqoonsi rasmi ah oo uu siiyo Somaliland.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in Madaxweyne Trump uu gacan ka geysto aqoonsiga Somaliland, isagoo Trump ku tilmaamay hoggaamiye lala heshiin karo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in wufuud sare oo ka socota Somaliland ay u safraan Maraykanka bilaha soo socda, si ay ugu xoojiyaan dadaallada ay ugu jiraan inay helaan aqoonsi rasmi ah oo caalami ah.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa xusay in socdaalkiisii uu dhawaan ku tagay Maraykanka uu qeyb ka ahaa qorshaha lagu kobcinayo xiriirka labada dhinac, isla markaana masuuliyiin Maraykan ah ay u caddeeyeen inay Somaliland ula macaamilaan si toos ah marka ay timaaddo arrimaha gobolka.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sii labanlaabtay dadaallada ay ku doonayso inay kaga hortagto aqoonsiga Somaliland, iyadoo adeegsanaysa fursado dhaqaale iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ay u bandhigayso Washington.

Somaliland waxay ku adkaysatay inay u taagan tahay ilaalinta madax-bannaanideeda, kana go’an tahay inay ka fogaato xaaladaha murugsan ee caalamka, si ay u gaadho aqoonsi rasmi ah oo ay ugu istaagto garab la’aan.

Deni oo ku baaqay in laga hortago go’aanno qaraar oo Soomaaliya ku soo wajahan

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa markale ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee ay Soomaaliya marayso iyo go’aamada adag ee horyaalla madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dalka uu ku jiro marxalad xasaasi ah, loona baahan yahay in la qaato go’aamo mideysan, ka hor inta aysan beesha caalamku qaadan go’aamo aan dan ugu jirin siyaasiyiinta iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

“Dal boqorogaando laguma maamulo, xaqiiqdana waa in la wajahaa. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in ay xaqiiqda indhaha la raacaan. Haddii taas la waayo, waxa dhici doona xaalad ka sii xun oo aan cidna dan ugu jirin. Kahor inta aysan taasi dhicin, aan miiska wadahadalka isugu nimaadno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay: “Cid kasta oo diyaar u ah in ay dalkooda kaalin togan ka qaadato ha laga aqbalo, haddii uu sax yahayna waa loo oggolaanayaa, haddii kalena walaalihiis ayaa ka qabanaya. Kala qoqobid meesha ma taallo, reer Puntland-na waxay diyaar u yihiin in kaalintooda ay si cad u muujiyaan.”

Hadalka Deni ayaa yimid laba maalmood kadib markii uu shuruud ku xiray ka qayb-galka shirka dhowaan lagu qaban doono magaalada Muqdisho, kaas oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay sii maqnaan doonto inta ay dowladda dhexe uga soo laabaneyso heshiisyadii ay horay uga baxday, kuwaas oo sababay khilaafka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa si cad u sheegay in uusan ka qayb-gali doonin Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado inuu ka dhaco Villa Somalia kowda bisha May, shirkaas oo uu guddoominayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Madasha Wadatashiga Qaran waxa aan uga maqanahay waa wixii lagu heshiiyey oo laga leexday. Ilaa lagu soo noqdo wax heshiis ah, cidina dib uma noqonayso. Xasan Sheekh ha ka dhabeeyo ballanqaadkii gogosha, hana ku soo laabto wixii lagu heshiiyey,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in gogoshii uu horey Garoowe u dhigay ay weli taallo, isla markaana ay diyaar u yihiin wada-hadal iyo heshiis dhab ah.

Madaxweyne Deni ayaa ka maqnaa shirarka Golaha Wadatashiga Qaran tan iyo bishii December 2022, kadib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka. Xiriirka labada dhinac ayaa si weyn u xumaaday, iyadoo wada-shaqeyntii iyo isgaarsiintii hoos u dhac weyn ku yimid sababo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed.

Sacuudi Carabiya oo hakisay fiisayaasha Xajka ee 14 dal oo Soomaaliya ay ku jirto

0

Jeddah (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kumeel-gaar ah u hakisay bixinta fiisayaasha Xajka muwaadiniinta kasoo jeeda 14 dal.

Kahor bilaabashada xilliga Xajka ee 2025, waxa uu Sacuudiga hakiyay fiisayaasha dalal ay kamid Iiraan, Nigeria, Itoobiya, Soomaaliya, Koongo, Liibiya iyo Suudaan.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Sacuudi Carabiya ku dooneyso in ay ku xoojiso ammaanka gudaha iyo maaraynta tirada badan ee xujeyda isugu yimaada sanad walba mid ka mid ah isu-imaadyada ugu weyn dunida ee diimeed.

Sida ku cad awaamiirta cusub ee la soo saaray, muwaadiniinta kasoo jeeda dalalkan la hakiyay ma heli doonaan fiisayaal noocyadooda Cumrada ama booqashada muddada lagu jiro xilliga Xajka.

Intaa waxaa dheer, Sacuudi Carabiya waxay digniin adag u dirtay dadka kasoo jeeda dalalkan, iyadoo sheegtay in qofkii lagu qabto inuu ku negaado gudaha dalkaasi isaga oo dhaafay muddadii fiisihiisa uu wajahayo ciqaabo adag sida ganaax lacageed, xabsi, iyo masaafurin.

Hay’adaha ammaanka Sacuudiga ayaa sidoo kale digniin siiyay dhammaan booqdayaasha kale, iyagoo xusuusiyay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo ilaaliyo sharciyada socdaalka iyo xeerarka dalka.

Sacuudiga ayaa sheegay in talaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah badbaadada xujeyda, si looga hortago culeysyada ama khataraha ka dhalan kara xad-dhaafid tirada dadka imanaya inta lagu jiro Xajka.

Xeerarkan cusub ayaa si gaar ah diiradda u saaraya hubinta nidaamka, badbaadada iyo ilaalinta tartiibka isu-imaatinka xujeyda sanadkan, taasoo qeyb ka ah istiraatiijiyad ballaaran oo Boqortooyadu ku dooneyso in ay ku maareyso arrimaha Xajka mustaqbalka.

Daawo: Xiisadda BF oo kasii dartay iyo 100 xildhibaan oo go’aan xasaasi ah soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa haatan sii laba kacleysay, taas oo ka dhalatay mooshin xilka qaadis ah oo ay qaar kamid ah Xildhibaannadu ka keeneen guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxame Nuur (Aadan Madoobe).

Waxaa guud ahaan hakad-galay shaqadii Baarlamaanka oo xiran muddo ku dhow laba isbuuc, sababo la xiriira khilaafka soo cusboonaaday ee ka taagan golaha dhexdiisa.

Xildhibaannada iyo guddoonka ayaa isku qabtay arrinta Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo horay looga saaray Baarlamaanka, kadib tallaabo uu qaaday guddoonka.

In ka badan 100 Xildhibaan oo wax ka saxiixay mooshinka hadda yaalla ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay Muqdisho, waxayna ku eedeeyeen Sheekh Aadan Madoobe inuu jabiyay xeer hoosaadka golaha iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu wada yahay.

“Kulan ay maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka isugu yimaadeen, isla markaana kaga arrinsanayeen xirnaashaha kalfadhigga lixaad ee golaha iyo soo jeedinta mooshin Xildhibaannada ay ka keeneen guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa dood dheer iyo falanqeyn kadib isla qaateen inuu yaallo mooshin dhameystiran oo ka dhan ah Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Cabdullahi oo akhriyay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay tilmaameen inuu u xiran yahay Baarlamaanka, iyaga oo sheegay in si ula kac ah uu u joojiyay shaqadii socotay ee golaha.

“Fadhiyada golaha wuxuu u xiran yahay guddoomiyaha Baarlamaanka, muddo saddex bilood ah lama qaban wax shaqo ah, waxaana si ula kac ah loo hakiyay howlihii Baarlamaanka” ayuu mar kale yiri Xildhibaanku.

Ugu dambeyn waxa ay Xildhibaannadu dalbadeen in deg deg loo furo Baarlamaanka, si loo guda galo mooshinka iyo shaqooyinka u yaalla Xildhibaannada Soomaaliyeed.

“Haddaba waxaan usoo jeedineynaa guddoonka Golaha Shacabka inay furaan Baarlamaanka oo u xiran muddo ku dhow laba isbuuc” ayuu sii raaciyay.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kaldhigii ugu dambeeyay ayay xildhibaannadu ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

Somali parliament in deadlock amid move to oust speaker

MOGADISHU, Somalia — Somalia’s federal parliament has plunged deeper into crisis as a group of lawmakers pushes to remove the lower house speaker, accusing him of violating parliamentary procedures and bringing legislative work to a standstill.

More than 100 members of parliament have signed a motion seeking the dismissal of Sheikh Adan Mohamed Nur, commonly known as Adan Madobe, alleging that he has deliberately blocked parliamentary sessions for nearly two weeks.

At a press briefing late Sunday in Mogadishu, lawmakers behind the motion claimed that Madobe had breached the chamber’s internal regulations and abused his authority by suspending parliamentary activities without due process.

“The speaker has intentionally paralyzed parliament’s work,” said MP Sadak Abdullahi, who read the group’s joint statement. “No business has been conducted for three months. This shutdown is a deliberate act by the leadership.”

The dispute follows the controversial expulsion of MP Abdullahi Hashi Abib earlier this year — a move orchestrated by the speaker’s office — which has since become a flashpoint between Madobe and his critics.

The lawmakers argue that Madobe overstepped his mandate by unilaterally removing Abib without following proper legal channels, further fueling the current standoff.

Legislative paralysis amid growing tensions

The deadlock has halted parliamentary work, preventing lawmakers from addressing key legislative priorities, including electoral reforms and constitutional amendments seen as critical to Somalia’s political transition.

“We are calling on the speaker to immediately reopen parliament so that we can proceed with the motion and resume our responsibilities,” the lawmakers urged in their statement.

The standoff adds to Somalia’s long history of institutional fragility, where power struggles between branches of government frequently disrupt efforts to strengthen governance.

Somalia’s bicameral parliament, comprised of the House of the People (lower house) and the Upper House (Senate), plays a central role in the country’s federal political system. However, internal divisions and leadership disputes have repeatedly derailed its operations.

Speaker Adan Madobe, elected in April 2022, is a veteran political figure with a checkered past. A former militia leader, he previously held the speaker role from 2007 to 2010. His return to the position followed a contentious leadership contest that reflected Somalia’s deeply polarized politics.

The current dispute underscores ongoing political instability in Somalia, which is also battling an Islamist insurgency by Al-Shabaab, managing fraught relations with federal member states, and navigating economic hardships.

National priorities in jeopardy

The parliamentary gridlock threatens to stall Somalia’s already delayed electoral reforms. The country continues to operate under an indirect electoral model based on clan representation, a system widely criticized for lacking inclusivity and transparency.

Before the shutdown, lawmakers had been discussing constitutional revisions and legal frameworks needed to guide future elections. However, the latest power struggle risks sidelining these critical debates.

Opposition leaders have accused President Hassan Sheikh Mohamud’s administration of using parliamentary leadership to block reforms and entrench political control — an allegation government allies deny, blaming internal dissent for the impasse.

The political stalemate comes at a sensitive moment as Somalia prepares for key diplomatic engagements, including talks with international partners over security funding amid the phased withdrawal of the African Union peacekeeping mission, known as ATMIS.

Diplomats and international observers have expressed concern that prolonged instability in parliament could derail Somalia’s reform agenda and weaken its fight against Al-Shabaab.

“The stability of Somalia’s institutions is essential for the success of ongoing reforms and the fight against terrorism,” a Western diplomat told Caasimada Online on condition of anonymity. “We urge all parties to resolve this dispute through dialogue and constitutional means.”

Speaker Madobe has not publicly commented on the motion or addressed the allegations. However, parliamentary sources indicate that back-channel negotiations are underway to defuse the crisis.

With no formal sessions scheduled, the lower house remains effectively closed. Lawmakers behind the motion insist they will continue to push for Madobe’s removal unless parliament resumes work immediately.

“We are ready to return to work,” said MP Abdullahi. “But the leadership must respect the rules. Parliament cannot remain hostage to one individual.”