30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Somali parliament in deadlock amid move to oust speaker

MOGADISHU, Somalia — Somalia’s federal parliament has plunged deeper into crisis as a group of lawmakers pushes to remove the lower house speaker, accusing him of violating parliamentary procedures and bringing legislative work to a standstill.

More than 100 members of parliament have signed a motion seeking the dismissal of Sheikh Adan Mohamed Nur, commonly known as Adan Madobe, alleging that he has deliberately blocked parliamentary sessions for nearly two weeks.

At a press briefing late Sunday in Mogadishu, lawmakers behind the motion claimed that Madobe had breached the chamber’s internal regulations and abused his authority by suspending parliamentary activities without due process.

“The speaker has intentionally paralyzed parliament’s work,” said MP Sadak Abdullahi, who read the group’s joint statement. “No business has been conducted for three months. This shutdown is a deliberate act by the leadership.”

The dispute follows the controversial expulsion of MP Abdullahi Hashi Abib earlier this year — a move orchestrated by the speaker’s office — which has since become a flashpoint between Madobe and his critics.

The lawmakers argue that Madobe overstepped his mandate by unilaterally removing Abib without following proper legal channels, further fueling the current standoff.

Legislative paralysis amid growing tensions

The deadlock has halted parliamentary work, preventing lawmakers from addressing key legislative priorities, including electoral reforms and constitutional amendments seen as critical to Somalia’s political transition.

“We are calling on the speaker to immediately reopen parliament so that we can proceed with the motion and resume our responsibilities,” the lawmakers urged in their statement.

The standoff adds to Somalia’s long history of institutional fragility, where power struggles between branches of government frequently disrupt efforts to strengthen governance.

Somalia’s bicameral parliament, comprised of the House of the People (lower house) and the Upper House (Senate), plays a central role in the country’s federal political system. However, internal divisions and leadership disputes have repeatedly derailed its operations.

Speaker Adan Madobe, elected in April 2022, is a veteran political figure with a checkered past. A former militia leader, he previously held the speaker role from 2007 to 2010. His return to the position followed a contentious leadership contest that reflected Somalia’s deeply polarized politics.

The current dispute underscores ongoing political instability in Somalia, which is also battling an Islamist insurgency by Al-Shabaab, managing fraught relations with federal member states, and navigating economic hardships.

National priorities in jeopardy

The parliamentary gridlock threatens to stall Somalia’s already delayed electoral reforms. The country continues to operate under an indirect electoral model based on clan representation, a system widely criticized for lacking inclusivity and transparency.

Before the shutdown, lawmakers had been discussing constitutional revisions and legal frameworks needed to guide future elections. However, the latest power struggle risks sidelining these critical debates.

Opposition leaders have accused President Hassan Sheikh Mohamud’s administration of using parliamentary leadership to block reforms and entrench political control — an allegation government allies deny, blaming internal dissent for the impasse.

The political stalemate comes at a sensitive moment as Somalia prepares for key diplomatic engagements, including talks with international partners over security funding amid the phased withdrawal of the African Union peacekeeping mission, known as ATMIS.

Diplomats and international observers have expressed concern that prolonged instability in parliament could derail Somalia’s reform agenda and weaken its fight against Al-Shabaab.

“The stability of Somalia’s institutions is essential for the success of ongoing reforms and the fight against terrorism,” a Western diplomat told Caasimada Online on condition of anonymity. “We urge all parties to resolve this dispute through dialogue and constitutional means.”

Speaker Madobe has not publicly commented on the motion or addressed the allegations. However, parliamentary sources indicate that back-channel negotiations are underway to defuse the crisis.

With no formal sessions scheduled, the lower house remains effectively closed. Lawmakers behind the motion insist they will continue to push for Madobe’s removal unless parliament resumes work immediately.

“We are ready to return to work,” said MP Abdullahi. “But the leadership must respect the rules. Parliament cannot remain hostage to one individual.”

Ciidamada DF oo guul wayn ka gaaray howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Aboorey

0

Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in maanta ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ay howlgal culus ka saameeyeen aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaasi, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa beegsaday xarumo ay Al-Shabaab ku leeyihiin buuraha u dhexeeya deegaannada Yasooman iyo Aboorey, waxaana halkaasi jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka looga hortegay isku day weerar ah oo qorsheynayeen maleeshiyaadka argagixisada, kadib markii ay ka war heleen ciidamada Xoogga dalka iyo xaq-u-dirirka deegaanka.

“Howlgalkaan ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan Khawaarijta oo maalmahan si dhuumaaleysi ah halkaas ku joogay, iyagoo isku dayayay inay dib isu abaabulaan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale lasii raaciya in ciiidamadu ay howlgalkaas kasoo hoyeen guul wayn, isla markaana ay Al-Shabaab ka saareen dhulka buuraha ee howlgalka laga fuliyay

“Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guul weyn ka gaaray howlgal qorsheysan oo ay maanta ka fuliyeen dhulka buuraha ah ee Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan. Ciidanka oo ka war helay xogta dhaqdhaqaaqa kooxda ayaa ugu dambeyn khawaarijta halkaas ka saaray” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemaya deegaannada howlgalka laga sameeyay oo in dhowaanahan ay isku hayeen labada dhinac.

Deegaanka Aboorey ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday dagaallo soo noq-noqday oo u dhexeeyay ciidamada huwanta iyo kooxda Al-Shabaab oo doonayso inay sii joogto deegaannada muhiimka ah ee gobolka Hiiraan.

Aboorey ayaa sidoo kale ah deegaan muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas jooga.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada ay isku fidinayaan aagga degmada Buulo-burde oo ay hoostagaan deegaannada haatan howlgalka guuleysta laga fuliyay, isla markaana jabka lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

PUTIN oo casuumaad u soo diray madaxweyne XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa casuumaad rasmi ah u soo diray dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo shalay lasoo gaarsiiyay, kadib markii uu Madaxweynuhu qaabilay wafdi ka socday dalkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay dhambaalka casumaadda inuu ka qeyb galo shirka Ruusha iyo dalalka Carabta oo dhowaan la filaayo inuu ka dhaco Moscow.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay casuumaaddaasi, isaga oo tegi doono Ruushka, si uu uga qay-galo shirka u dhexeeya labadaasi dhinac, oo looga hadlayo arriimo xasaasi ah.

Intaas kadib wafdiga uu qaabilay Madaxweynaha ee ka socday Ruusha, isla markaana uu hoggaaminayay Mr. Mikhail L. Bogdanov oo ah Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yeeshay wada-hadallo gaar ah oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya

Labada dhinac ayaa waxa ay kawada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ruushka iyo sidii labada dhinac uga faa’iideysan lahaayeen fursadaha dhexdooda ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka ayaa ku dadaalaya sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda diblumaasiyadeed oo haatan kasii xoogeysanayo sidii hore, waxaana sidoo kale Moscow ay ka qayb qaadataa wax ka qabashada xaaladaha bani’aadanimo ee dalka.

Dhowaan Dowladda Ruushka ayaa ku dhowaaqday ballan qaad culus oo ay u sameysay Soomaaliya, kadib wada-hadal ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalkaasi.

Wada-hadalka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhex-maray guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Ruushka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dalkaas Dr. Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, is ay isaga kaashadaan labada waddan.

Horay Ruushka ayaa Soomaaliya ugu soo diray markab siday gargaar, gaar ahaan Qamadi, kaas oo soo gaaray Muqdisho, kadibna ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Xog ku saabsan dagaal culus oo Al-Shabaab ku dhex-maray Masaajid Cali Gaduud

0

Cadale (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Sabtidii shalay maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo khasaare gaystay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu dhex-maray koox ka tirsan Al-Shabaab, ayna kala hoggaaaminayeen laba horjooge oo uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka ka dhex-qarxay maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay isku qabteen guul darradii kasoo gaartay howlgallkii u dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Waxaan rabaa in Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in maanta ay ku dhex dagaalameen degmada Masaajid Cali Gaduud koox ka tirsan Khawaarijta, iyaga oo isku haysta fashilintii iyo dayicii ka dhacay Wargaadhi” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Sheekh Abuukar Maxamed oo faah-faahin ka bixiyay dagaalkaasi.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa tilmaamay in dagaalka uu dhex-maray maleeshiyaad ay kala wateen horjooge Cabdullahi Cali Caraay iyo horjooge kale oo lagu magacaabo Suleymaan, isaga oo tilmaamay inay isku eedeynayaan fashilka dagaalkii dhacay.

“Wuxuu dagaalka dhex-maray dhagar qabayaasha lagu kala magacaabo Cabdullahi Cali Caraay oo u dhashay deegaanka Wargaadhi iyo dhagarqabe lagu magacaabo Suleymaan oo u adeegaayay shaydaanka lagu magacaabo horjooge Kabakutukade, waxayna ku murmeen mas’uuliyadda cidda qaadaneyso howlgalkii fashilmay” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri “Wax kasta oo xaq-darro ku billowda waxay ku dhamaadaan xaq-darro, labada qofood ee xaaraan ku heshiisa xaq ayaa isku dira”.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in maleeshiyaadka ay kala wataan labada horjooge ay ku sugan yihiin aagga degmada Masaajid Cali Gaduud oo ay dhowaan la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan dagaalkaasi, mana cadda inta uu la egyahay khasaaraha soo kala gaaray labada garab ee wada dagaalamay.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay wada dagaalamaan xubno ka tirsan Al-Shabaab, ayada oo horay sidaan oo kale ay ugu dagaalameen qeybo kamid ah gobollada dalka.

Faah-faahinta hoobiyeyaal lagu garaacay XALANE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay gudaha Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 5 hoobiye ayaa lasoo wariyay inay ku dhaceen gudaha xerada iyo qaar kamid ah xaafadaha u dhow degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan.

Wax-yar kadib waxaa sidoo kale garoonka laga shiday seeriga bixiyo digniinaha marka la dareemo in ay jiraan xaaladaha halista ee la xiriira amniga garoonka Muqdisho.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka oo ma jiro wax saameyn ah oo uu ku yeeshay weerarka hoobiyeyaasha ee lagu qaaday.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadkii hore degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab lagu garaacay hoobiyeyaal, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxaa kasii horreeyay weerar kale oo lagu qaaday agagaarka madaxtooyada, waxaana mid kamid ah madaafiicda xilligaasi uu ku dhacay xarunta Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho, ayada oo uu ku dhaawacmay mid kamid ah howlwadeennada Tiyaatarka.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana sidoo kale lagu arkay deegaanno u dhow Muqdisho, sida Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo dhinaca waddada Balcad.

Xog: Farmaajo & Laftagareen oo Qatar ku shiray iyo DF oo 3 arrin ka ogolaatay Laftagareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maalmahaan dibadda ku maqnaa soona maray dalka Imaaraadka Carabta oo safar qarsoodi uu ku tegay ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan qarsoodi ah kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Laftagareen oo markii hore la sheegay in safar qarsoodi ah uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa uga sii gudbay Qatar, halkaas oo Farmaajo uu kula yeeshay kulan ay albaabadu u xiran yihiin.

Farmaajo ayaa xili ahaa saaxiibka ugu dhow ee Laftagareen, waxaana la sheegay in kulankoodii Doxa ay uga wadahadleen dalabka Xasan Sheekh ee dhismaha Xisbiga cusub iyo sida laga yeelayo, ilo wareedyo noo waramay waxay sheegeen in labada masuul ay aad u gorfeeyeen arrintaas.

Cabsicasiis Laftagareen wuxuu ahaa Madaxweynihii ugu daacadsanaa ee Farmaajo soo dhistay, waxaa lagu xusuustaa in doorashadii xildhibaanada federaalka uu u maamulay sidii Farmaajo rabay, sidoo kale codadkii ugu badnaa ayuu Farmaajo ka helay xubnihii uu u soo xulay Laftagareen, inkastoo looga guuleystay doorashadii dhacday.

Farmaajo waa ninkii isagoo xoog iyo awood dowladeed adeegsanaya Baydhaba geeyey Laftagareen ee Madaxweyne ka dhigay, dhiig badan ayaa halkaas ku daatay, waxaana la dilay dad badan oo xildhibaan uu ku jiray.

Xogta ku saabsan xiriirka Farmaajo iyo Laftagareen waxay sheegeysa in labadoodu dhanka Hooyada ay isaga soo dhawaadaan oo walaalo ay ka yihiin, waxaana Laftagareen lagu tilmaamaa nin ay ka go’an tahay in Farmaajo uusan ka agfogaan oo kala tashada wax kasta oo madaxda dowladda federaalka uu kula heshiinayo.

Laftagareen intii uusan ka tegin Muqdisho wuxuu shirar dhowr jeer dhacay kala qeyb galay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Galmudug iyo HirShabeelle, dhinacyada ayaa isla qaatay in la dhiso xisbi ay ku mideysan yihiin.

Kulamadaas waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaasha labada Aqal ee BFS, waxaana la qorsheeyey in la dhiso hal xisbi oo looga guurayo xisbiga UPD oo labo jeer uu doorasho ku soo galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulamadii dhacay ee xisbiga lagu mideysan yahay looga tashanayey Laftagareen wuxuu ahaa ninka kaliya ee shuruudo soo bandhigay, waxaana la sheegay in sidii uu dalbaday looga aqbalay dhamaan shuruudihii uu watay.

Ilo wareedyo ka agdhow Xasan Sheekh iyo Laftagareen ayaa si isku mid ah u sheegay in Laftagareen uu raadinayey marmarsiiyo ay isku qaban karaan Xasan Sheekh, balse Xasan oo fahamsanaa ayaa ka aqbalay dhamaan shuruudihii uu watay ninkaan, si xeendaabkiisa uu ugu sii haayo.

Cabdicasiis Laftagareen oo ay ka soo xirmeen dhamaan wadooyinkii uu kula dagaali lahaa Xasan Sheekh ayaa safar qarsoodi ah ku aaday dalka dibadiisa, ka hor inta uusan bixin shuruudihii uu soo bandhigay ee laga aqbalay waxaa kamid ahaa:

1 – In la bedelo magaca xisbiga UPD oo la rabay markii hore inuu noqdo magaca xisbiga lagu midoobayo, waana laga aqbalay.

2 – In wax badan laga bedelo heykalkii xisbiga ayuu dalbaday Laftagareen oo hoos loo dhigo saameynta raggii horay ugu jiray xisbiga UPD, kuwaas oo qaarkood deegaankiida ay ka soo jeedaan, isla markaana la dhiso gole sare oo go’aanada ugu dambeeya qaadan kara, waana laga aqbalay.

3 – Laftagareen wuxuu dalbaday in beeshiisa la siiyo kursiga xoghayaha xisbiga, ma kala cada in isaga laga dhigi doono iyo in siyaasi kale uu keensa doono, waana laga aqbalay.

Shuruudo kale ayaa jiray, dhammaantoodna waa laga aqbalay Laftagareen, intaas kadib wuxuu ka dhoofay Muqdisho, isagoo madaxdii uu la shiray u sheegay inuu aadi doono Nairobi Kenya, balse kuma hakan ee wuxuu deg deg ugu sii gudbay Imaaraadka, halkaas uu madaxda dalkaas uu kula kulmay, kuwaas oo diidan qorshaha Soomaaliya looga dhisayo xisbigaas aqoodda leh iyo arrimo kale oo ku saabsan horumarka Soomaaliya.

Cabsicasiis Laftagareen ayaa u sii gudbay Doxa Qatar, halkaas oo Madaxweyne Farmaajo uu kula yeeshay shir ay albaabadu u xiran yihiin, wax faahfaahin ahna aan laga helin waxyaabaha looga hadlay iyo waxa ay ku heshiiyeen.

Amniga masaajidada France oo la adkeeyey kadib dil arxan darro ah oo ka dhacay Masjid

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Axaddii si kulul u cambaareeyay “cunsuriyadda iyo nacaybka” kaddib markii wiil dhalinyaro ah oo Muslim ah si xun loogu dilay masaajid ku yaalla koonfurta dalka.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in ninka weerarka gaystay, oo weli baxsad ah, uu mindi ku dhuftay Aboubakar Cisse, oo ahaa dhallinyaro u dhashay Mali, da’diisuna ahayd 20-meeyo, isla markaana uu dilka ka dib taleefankiisa kaga duubay muuqaal uu ku aflagaadeynayo diinta Islaamka.

Weerarkan ka dhacay tuulada La Grand-Combe ee gobolka Gard ayaa noqday kii ugu dambeeyay ee taxane weerarro mindi loo adeegsaday oo Faransiiska ka dhacay sannadihii la soo dhaafay.

Dhacdadan ayaa si weyn u gilgishay madaxda sare ee dalka, iyadoo Macron uu ugu dambeyn hadal soo dhigay baraha bulshada Axaddii.

“Cunsuriyadda iyo nacaybka diimeed meel kuma laha Faransiiska. Xorriyadda cibaadada laguma xad-gudbi karo,” ayuu ku qoray bartiisa X, isagoo muujiyay taageerada uu u hayo “muwaadiniinta Muslimiinta ah ee dalkeenna”.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Francois Bayrou ayaa horay u tilmaamay weerarkan inuu yahay “dembi Islaam naceyb ah,” hase yeeshee, dacwad-oogaha kiiskan qaabilsan ayaa xusay in Islamophobia ay tahay mid ka mid ah sababaha la baarayo, balse aysan ahayn tan keliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Bruno Retailleau ayaa telefishinka ka sheegay Axaddii inuu amar ku bixiyay in la adkeeyo ammaanka masaajidda dalka oo dhan.

Qiyaastii 1,000 qof ayaa Axaddii dibadbax nabadeed ku maray waddooyinka La Grand-Combe, oo ah tuulo ay ku nool yihiin qiyaastii 5,000 oo qof, si ay u xusuustaan dhibbanaha.

Boqolaal kale ayaa isugu soo baxay magaalada Paris, halkaas oo hoggaamiyaha bidixda fog Jean-Luc Melenchon uu ku eedeeyay dowladda in ay abuurayso “jawiga Islaam naceybka” xilli arrimaha socdaalka ay yihiin mowduuca ugu weyn ee siyaasadda dalka.

Retailleau ayaa dhankiisa ku eedeeyay xisbiga Melenchon in ay fursad siyaasadeed ka raadinayaan dhacdadan.

– Muuqaalka dhibbanaha –

Baarayaashu waxay sheegeen in eedeysanaha looga shakisan yahay uu taleefankiisa kaga duubay muuqaallo uu ku jirro dhibbanaha oo xanuun la jiifa, kaddibna uu u diray qof kale oo la sheegay inuu markii dambe kusoo faafiyay baraha bulshada ka hor inta uusan tirtirin.

Ilo-wareed u dhow kiiskan, oo codsaday in aan la magacaabin, ayaa sheegay in eedeysanaha la aqoonsaday, inkastoo aan la qaban, loona aqoonsan yahay muwaadin Faransiis ah oo asal ahaan ka soo jeeda Bosnia, isla markaana aan Muslim ahayn.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in ninka weerarka geestay uu markii hore salaadda la tukaday dhibbanaha xilli ay labadooduba kali ku ahaayeen masaajidka, ka hor inta uusan si xun ugu dhaawicin ilaa 50 jeer, kadibna uu goobta ka baxsaday.

Meydka Aboubakar Cisse ayaa la helay subaxnimadii Jimcaha, xilli dad kale ay yimaadeen masaajidka si ay u oogaan salaadda Jimcaha.

– “Lama dayicin” –

Guddiga Muslimiinta Faransiiska (CFCM) ayaa sheegay in uu si weyn uga argagaxay “weerarkan argagixisanimo ee lagula kacay Muslimiinta,” wuxuuna ugu baaqay Muslimiinta dalka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

“Dil lagu dhex geystay masaajid waa fal waxashnimo ah oo qalbiga ka xanuuninaya dhammaan shacabka Faransiiska,” ayuu yiri Guddiga Ururrada Yuhuudda ee Faransiiska (CRIF).

Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Olivier A., ayaa la sheegay inuu ku dhashay Faransiiska sannadkii 2004, isla markaana aanu lahayn wax dembi ah oo hore loo diiwaangeliyay, sidoo kalena uu yahay shaqo la’aan.

Dacwad-oogaha gobolka, Abdelkrim Grini, ayaa sheegay in ninkan uu yahay “mid khatar sare leh” isla markaana ay “lama huraan tahay” in la qabto ka hor inta uusan geysan waxyeello dheeri ah.

Si kastaba ha ahaatee, Grini wuxuu caddeeyay in inkastoo Islamophobia ay tahay sababta ugu weyn ee ay 70-ka baarayaal diiradda saareen, haddana aysan ahayn sababta kaliya.

“Waxaa jira waxyaabo tilmaamaya in sababtan aysan noqon karin tan keliya… ama aanay ahayn sababta ugu muhiimsanba,” ayuu yiri Grini, isagoo aan faahfaahin intaas dhaafsiisan bixin.

Grini wuxuu hadalka ka jeediyay magaalada Ales oo u dhow La Grand-Combe, isagoo la socday Retailleau, oo ka tirsan garabka midigta adag ee si xooggan diiradda u saara arrimaha socdaalka iyo Islaamiyiinta.

Retailleau ayaa xusay in “suurtagalnimada in weerarku yahay mid Muslimiinta lala beegsaday aan la dayicin, taa beddelkeedana ay tahay mid si dhab ah loo baarayo.”

 

Su’aasha bilyanka dollar: Somalia oo wajaheysa xaalad halis ah oo lagu xisaabtamin

Entebbe (Caasimada Online) – Sida ku cad qiyaasaha miisaaniyadda ee la sameeyey, Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) wuxuu u baahan doonaa ku dhowaad $1 bilyan oo doollar si looga hortago burbur amni oo dhammaystiran oo ka dhaca dalka.

Midowga Afrika wuxuu sidoo kale u baahan yahay $96 milyan oo doollar si loogu bixiyo deymaha harsan ee hawlgalkii hore ee Midowga Afrika ee ku-meelgaarka ahaa ee Soomaaliya (ATMIS).

Hase yeeshee, waxaa jirta dhibaato asaasi ah. Cidna si dhab ah uma oga halka ay lacagtani ka imaanayso. Deeq-bixiyeyaashii joogtada ahaa way ka gaabsanayaan, iyagoo ka caga-jiidaya inay ballanqaadyo sameeyaan ama ku kooban hadallo aan caddeyn.

Tani waa nuxurka natiijadii shir madaxeedkii aan caadiga ahayn ee madaxda dowladaha ee Jimcihii, kalfadhigii wasiirrada ee ka horreeyay, iyo kulamadii saraakiisha sare iyo madaxda milatariga ee waddamada ciidamada ku deeqa hawlgallada nabad-ilaalinta Soomaaliya.

Waa xaalad ismari-waa ah, oo aanay gacan ka geysanayn xaqiiqada ah in intii lagu guda jiray diyaar-garowga shir-madaxeedka lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Uganda ee Entebbe, uu Midowga Afrika soo bandhigay tirooyin xaqiiqda qallafsan muujinaya si uu u kasbado taageerada deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah, si ay ugu yaboohaan lacag caddaan ah loogana hortago dhibaatada maalgelin ee baaxadda leh ee haysata AUSSOM, laakiin taasi mira-dhal ma noqon.

Gunaanadkii soo-jeedintiisa, Safiirka Maraykanka ee Uganda William W. Popp ayaa carrabka ku adkeeyay in Washington aysan maalgelin doonin AUSSOM, ha noqoto mid hoos timaadda Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee 2719 ama xitaa mid ku salaysan qaab isku-dhafan.

“Go’aanka Maraykanka ee ku aaddan maalgelinta AUSSOM is kama beddelin sidii uu ahaa sanadkii tagay,” ayuu yiri, isagoo dhaliyay eegmooyin aamusan oo meesha ka saaray rajadii baaqii hore ee madaxa guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ee ahaa in Qaraarka 2719 ee Golaha Ammaanka “uu weli yahay fursadda noogu wanaagsan.”

“Maraykanku ma taageeri doono in qaab-dhismeedka [Qaraarka UNSC] 2719 lagu dabaqo AUSSOM, maadaama aan aaminsanahay in xaaladda Soomaaliya aysan ahayn tan ku habboon ee lagu dabaqi karo. Sidoo kale ma taageeri doonno qaabka isku-dhafan ee Qaraarka 2719, maadaama aan rumaysannahay inay wiiqayso nuxurka iyo ujeeddada qaraarka,” ayuu sharraxay Mr. Popp.

Wakiillada deeq-bixiyeyaasha waaweyn – ergayga Maraykanka, Danjiraha UK ee Uganda Lisa Chesney, iyo Madaxa Ergada Midowga Yurub ee Kampala Jan Sadek – ayaa dhammaantood hadlay ka dib soo-jeedin kooban oo uu bixiyay Bankole Adeoye, Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga.

Xaqiiq rajo beel

Adeoye wuxuu si cad u soo bandhigay xaqiiqada adag ee uu hawlgalku wajahayo. Tan iyo markii la howlgeliyay Janaayo 1, 2025, AUSSOM waxaa lagu leeyahay lacag dhan $45 milyan oo aan la bixin oo ah qarashkii muddadii Janaayo-Maarso, iyo qaddar la mid ah oo ku aaddan muddadii April-Juun ka hor inta uusan howlgalkiisa si rasmi ah u bilaaban July 1, 2025.

“Waxaan u baahannahay $15 milyan oo doollar bishii. Taasi waa xaqiiqada jirta. Lacagtaasna hadda ma haysanno,” ayuu u sheegay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca oo ku shirayay Hotelka Mestil ee Kampala, halkaasoo uu ka dhacay kalfadhiga wasiirrada ee waddamada ciidamada ku deeqa (TCCs).

Wuxuu faahfaahiyay in $15 milyan loo baahan yahay si loo bixiyo mushaharka ciidamada Soomaaliya. Laakiin Midowga Afrika wuxuu haystaa oo keliya $16.7 milyan oo loogu talagalay muddo hal sano ah. “Tani waa xisaabta ay tahay inaan wajahno annagoo ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyo dabcan, waddamada ciidamada iyo booliska ku deeqa.”

Sida uu sheegay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, baahida guud ee lacageed ee AUSSOM ee sanadkan waa $190 milyan, laakiin waxaa u diyaar ah oo keliya $16.7 milyan – oo qaybta ugu badan ka timid Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika, oo ay weheliso $3 milyan oo ay ballanqaadday Japan iyo $1 milyan oo Shiinuhu ballanqaaday.

Tani waxay dabooleysaa kaliya 8.7 boqolkiiba baahida jirta.

Halkaasna kuma eka. Hawlgalkii hore ee ATMIS, waxaa ka harsan deymaha gaaraya $96 milyan oo doollar oo ah muddadii 2022-2024, kuwaasoo inteeda badan ururtay markii ay Soomaaliya codsatay “hakad farsamo” si dib loogu dhigo dhimista ciidamada.

“Sababtu waa kordhinta joogtada ah ee muddada dhimista ciidanka, taasoo uu oggolaaday Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayna ansixiyeen Golaha Ammaanka ee QM,” ayuu sharraxay Adeoye.

Isku-darka miisaaniyadda shanta sano ee AUSSOM iyo deymaha ATMIS, Midowga Afrika wuxuu u baahan yahay $1.046 bilyan oo doollar. Inta badan miisaaniyadda waxay daboolaysaa gunnooyinka ciidamada oo heerkeedu yahay $1,000 qofkiiba bishii, halka magdhawga dhimashada iyo naafanimada iyo gunnada nolol-maalmeedka hawlgalka ee ciidamada, booliska iyo shaqaalaha rayidka ahi ay yihiin inta kale ee kharashka.

Sida ay hadda xaaladdu tahay, Midowga Afrika wuxuu rajo ka qabaa natiijada ka soo baxda Warbixinta Istiraatiijiyadeed ee Madaxa Bannaan ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), taasoo hirgelin karta Qaraarka 2719. Laakiin ururka qaaraddu wuxuu sidoo kale rajo ka qabaa shirka deeq-bixiyeyaasha ee lagu qabanayo Doha, Qatar – oo loo qorsheeyay April, balse aan weli taariikh cayiman loo qaban.

Maaddaama fursaduhu ay kooban yihiin, waxaa kale oo la isku halleynayaa hawlgalka wadajirka ah ee UN-AU ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika Donald Kaberuka, kaasoo hadda ku sugan Washington DC, isagoo raadinaya ilo dhaqaale oo dheeri ah, waxaana si degdeg ah looga sugayaa warbixin uu u gudbiyo Addis Ababa ka hor dhammaadka bishan.

Maaddaama waajibaadka hawlgalka AUSSOM uu si rasmi ah u bilaabmayo July 1, waqtiga ayaa ciriiri ah. Bisha soo socota, deeq-bixiyeyaasha, oo ay isu keenayso Boqortooyada Midowday (UK), ayaa kulmi doona si ay u go’aamiyaan mowqifkooda kama dambaysta ah ee Qaraarka 2719 ayna warbixin cusub u siiyaan Golaha Ammaanka ee QM.

Ergayga Midowga Yurub u fadhiya Uganda, Jan Sadek, wuxuu sheegay in, si kasta oo ay waddadu u adag tahay, ay waajib ku tahay dalaka ciidamada ku tabaruca (TCC) iyo dhammaan bah-wadaagta Soomaaliya inay aqoonsadaan baahida loo qabo fikir cusub iyo habab maalgelin oo suurtageliya in culayska si siman loo wadaago inta u dhaxaysa deeq-bixiyeyaashii hore iyo kuwa cusub.

Brussels, oo ahayd maalgeliyihii ugu weynaa ee hawlgalladii hore ee Midowga Afrika, kuna bixisay qiyaastii €2.7 bilyan ($3.07 bilyan), waxay doorbidaysaa hirgelinta isku-dhafan ee Qaraarka 2719, iyadoo u aragta dariiqa keliya ee suurtagalka ah ee lagu heli karo maalgelin waarta oo la isku halleyn karo oo loogu talagalay AUSSOM.

Midowga Yurub wuxuu caddeeyay in dalalka xubnaha ka ahi ay horeyba u bixiyaan rubuc ka mid ah dhammaan qaaraannada la qiimeeyay ee QM, wuxuuna soo dhaweynayaa dib-u-eegista istiraatiijiyadeed iyo dib-u-habaynta UNSOS, taasoo qayb ka ah diyaar-garowga hirgelinta Qaraarka 2719 sida lagu codsaday Qaraarka 2767.

Isagoo markii ugu horreysay la hadlaya TCC tan iyo markii loo doortay jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika bishii Febraayo, Maxamuud Yuusuf Cali wuxuu beesha caalamka ugu baaqay inay gacan siiyaan Soomaaliya ama ay iska fariistaan oo ay markhaati ka noqdaan Geeska Afrika oo u qarxaya musiibo amni oo gobolka halakeysa.

“Si loo xoojiyo soo celinta deegaannada la xoreeyay, waa inaanu fashilmin kala-guurka ATMIS loona gudbayo AUSSOM. Waa run, hawlgalku wuxuu wajahayaa caqabado dhaqaale. Wali waxaa jira caga-jiid ku aaddan hirgelinta Qaraarka 2719. Annagu Guddiga ahaan waxaan si adag uga shaqeyneynaa sidii aan taas u suuragelin lahayn,” ayuu yiri.

Soomaaliya waxay leedahay xeeb dhererkeedu yahay 3,000km oo marta waddooyin ganacsi oo istiraatiiji ah oo isku xira Aasiya, Afrika iyo Yurub. Sannadihii 2010 iyo 2011, burcad-badeed Soomaali ah ayaa qafaashay maraakiib marayay Gacanka Cadmeed – meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya – taasoo ugu kacday shirkadaha caymiska iyo milkiileyaasha maraakiibta ee caalamka kharash dhan ku dhowaad $7 bilyan.

Xilli ay Al-Shabaab dib u soo xoogaysanayso laguna warramayo inay saldhigyo ka dhisayaan duleedka Muqdisho, Madaxa Guddiga Midowga Afrika wuxuu ku doodayaa inaysan meesha ka marnayn in kooxaha xagjirka ahi ay ka faa’iidaystaan firaaqa amni ee ka dhalan kara Soomaaliya, si ay difaac ugu fidiyaan burcad-badeedda, ayna uga qayb qaataan fal-dembiyeedkan ka dhaca badaha waaweyn ee gobolka.

“Maanta, waxaan AUSSOM u weydiisanaynaa oo keliya $190 milyan sannadkan gudihiisa, iyadoo aan lagu darin deymaha harsan. Xasiloonida iyo amniga Soomaaliya waxay dan u yihiin nabadda adduunka,” ayuu yiri Youssouf.

Soipan Tuya, Wasiirka Difaaca ee Kenya, ayaa sheegtay in waddamada ciidamada ku deeqa (TCC) uu horeyba u saaran yahay culays dheeraad ah oo ah inay sii wadaan kharashka ciidamada aan ku jirin nidaamka ATMIS, maaddaama aan weli la maalgelin lixda bilood ee hadda socota.

“Baahi kasta oo dheeri ah waxay culays dhaqaale oo aan la xamili karin saari doontaa waddamada ciidamada ku deeqa,” ayay tiri, iyadoo ka digtay in inkastoo QM ay taageertay saadka, Midowga Yurubna uu ka qayb qaatay gunnooyinka ciidamada, “ay caddahay inay na haysato daal dhanka deeq-bixiyeyaasha ah.”

Haddii aan la helin is-afgarad buuxa oo ku saabsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee 2719 ee sanadkii 2023 – kaasoo soo jeedinaya in hawlgalka lagu maalgeliyo ilaa 75 boqolkiiba iyadoo la adeegsanayo qaaraannada QM ee la qiimeeyay, inta hartayna laga raadiyo bah-wadaagta – waxaa dhici karta in AUSSOM ay sii waddo halganka ay ku jirto.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa u sheegay wargeyska The EastAfrican inay jirto ballanqaad aan la faahfaahin oo ka yimid UK, oo ah dalka qalinka u haya arrimaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka, laakiin faahfaahintu weli waa mid aan badnayn, taasoo sii kordhinaysa su’aalaha ku saabsan saadaalinta iyo ku filnaanshaha maalgelinta, iyo in London – haddii aysan helin taageerada Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ka gaabsanaya – ay keligeed taageeri karto AUSSOM illaa 2029.

Runtii, Ms. Chesney ma aysan sheegin wax tirooyin ah, laakiin waxay xustay in “farqiga maalgelintu uu yahay mid dhab ah” ayna “jirin xal degdeg ah,” iyadoo raacisay in culays-wadaagga iyo helitaanka deeq-bixiyeyaal dheeri ah ay fure noqon doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxay si dadban u tilmaantay inay tahay in Midowga Afrika uu xal u helo arrimaha harsan ee la xiriira qaab-dhismeedka iyo habka loo dejinayo maalgelinta.

Shir-madaxeedkii April 23-25 waxaa lagu heshiiyay Aqalka Madaxtooyada Entebbe, intii lagu guda jiray booqashadii rasmiga ahayd ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni Febraayo 7, 2025, si looga arrinsado dhibaatada maalgelinta iyo sidoo kale in la sameeyo guddi kormeer siyaasadeed oo hubiya xoraynta Soomaaliya.

Markii ugu horreysay, Masar ayaa ku biirtay TCC – Uganda, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Masar waxay beddeshay Burundi oo muddo dheer ka mid ahayd waddamada ku deeqa ciidamada, taasoo ka baxday ka dib khilaaf kala dhexeeyey Muqdisho oo ku saabsanaa qoondada tirada ciidanka.

Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa xusuusiyay deeq-bixiyeyaasha in caqabadda ugu weyn ee dalkan Geeska Afrika ay weli tahay amniga: la dagaallanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo xasilinta deegaannada la xoreeyay.

“Halkani waa meesha uu AUSSOM ka yahay mid lama huraan ah. Waa run in Ciidanka Qaranka Soomaaliya uu sii xoogaysanayo, laakiin weli ma aanan gaarin heer aan dagaalkan keligeen ku dhammeyn karno,” ayuu yiri.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Al-Shabaab waxay xoojisay weerarradeeda, gaar ahaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, iyo sidoo kale madaafiic ay ku garaacday Muqdisho, taasoo dowladda xusuusinaysa in argagixisadu ay weli tahay khatar joogto ah oo aan ku koobnayn Soomaaliya oo keliya, balse sidoo kale halis ku ah xasiloonida gobolka.

Macawiisleyda Xawaadle oo si cajiib ah uga fal-celisay magacaabidda wasiir Fiqi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macawiisleyda Beesha Xawaadle ayaa durba bilowday dabaal-degga magacaabidda Axmed Macalin Fiqi oo galabta loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, iyagoo aaminsan inuu yahay nin dagaal oo wax badan ka bedeli kara xaaladda dalka.

Muuqaalo laga soo duubay macawiisleyda iyo guud ahaan dadka reer Hiiraan ee dagaalka Al-Shabaab ku fooggan ayaa soo gaaray Caasimada Online, waxayna ku farxeen magacaabidda wasiirka cusub.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cosoble ayaa ka mid ah dadka Hiiraan ka soo ee ka hadlay magaabidda wasiir Fiqi, wuxuuna bartiisa Facebook ku soo qoray “Hambalyo Wasiir Fiqi waan hubaa inaad Khawaarijta ka guuleysaneyso.”

Bulshada reer Hiiraan, gaar ahaan beesha Xawaadle oo culeys badan kala kulmeysa Al-Shabaab ayaa nefis u aragta in Fiqi u uku soo biiro furimaha dagaalka, si looga adkaado cadowga.

Dad badan oo xog ogaal ah ayaa Axmed Macalin Fiqi ku tilmaamay nin mudan xilka loo magacaabay ee wasaaradda gaashaandhigga, intii ay jirtay xukuumadaan wuxuu Fiqi isaga gudbay seddax kamid ah wasaaradaha ugu waaweyn dalka uguna muhiimsan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa markii hore loo magacaabay, iyadoo isku shaandheyn dhacday kadib loo bedelay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana ugu dambeyn maanta loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Magacaabidda Wasiir Fiqi ee Gaashaandhigga ayaa ku soo aaday iyadoo dalka ay weerar rogaal celis ah ka wado kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay degmooyin iyo dhowr deegaan oo muddo dheer ku jiray gacanta dowladda.

Rajo badan ayaa laga qabaa in Wasiir Fiqi uu wax badan ka bedelo dagaalka, intii uu joogay wasaaradda arrimaha gudaha ayuu saameyn kooban ku yeeshay dagaalladii lagu xoreeyey deegaano ka tirsan HirShabeelle iyo Galmudug, xiligaas ayey barteen reer Hiiraan oo hadda u dabaal-degaya in loo magacaabay Gaashaandhigga.

Somali PM reshuffles cabinet, swaps top ministers

MOGADISHU, Somalia – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre on Sunday announced a long-anticipated cabinet reshuffle, replacing three senior officials in a move widely seen as a reflection of the political stagnation and limited leadership pool within the fragile Horn of Africa nation.

The reshuffle — affecting the posts of second deputy prime minister, foreign minister, and defense minister — comes amid mounting diplomatic and security challenges for Somalia’s federal government.

Government spokesman Farhan Jimale confirmed the changes in a statement shared with Caasimada Online.

Familiar faces rotated between top posts

Under the new appointments, Jabriil Abdirashid Haji Abdi becomes the second deputy prime minister, Abdissalan Hadliye Dhay takes over as minister of foreign affairs, and Ambassador Ahmed Moallim Fiqi assumes the role of defense minister.

All three are prominent figures within Barre’s current administration and have previously held various ministerial posts, underscoring the reshuffle’s focus on rotating familiar insiders rather than bringing in new leadership.

The move has fueled criticism over the government’s apparent reliance on a narrow circle of political elites at a time when fresh perspectives are seen as vital for addressing Somalia’s complex crises.

Mogadishu political observers say the reshuffle highlights two key issues: persistent internal disarray within the government and the lack of viable alternatives outside the existing leadership ranks.

“This is not real change — it’s simply the same officials switching chairs,” said a Mogadishu-based political analyst who requested anonymity due to security concerns.

Others argue that while Fiqi may be a strong choice for defense minister, the appointment comes too late.

“If Ahmed Fiqi had taken charge of the defense ministry in the first cabinet back in August 2022, the fight against Al-Shabaab might have been on a very different path by now. But after three years of dysfunction, it’s hard to see what he can realistically achieve — especially when it’s unclear whether he’ll be given the autonomy he needs,” wrote security analyst Samir Gaid on X.

Critics also argue that Somalia’s leadership prioritizes loyalty and political survival over performance-based appointments, undermining efforts to improve accountability and governance.

Prime Minister Barre, appointed in June 2022 by President Hassan Sheikh Mohamud, has repeatedly pledged to combat corruption and implement reforms. However, analysts say such limited cabinet changes fall short of the broader overhaul needed to tackle the country’s enduring political instability.

Security challenges loom

The reshuffle comes at a critical time for Somalia’s foreign and defense policies.

The Defense Ministry remains at the forefront of the fight against the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency. Somalia is also preparing for the withdrawal of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), expected to conclude by the end of 2024. The new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) is set to take over.

Ahmed Moallim Fiqi, the incoming defense minister, previously headed Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) and held leadership roles within regional administrations. His appointment is seen as an attempt to strengthen the security sector as Somalia faces continued attacks from Al-Shabaab militants.

The decision to reshuffle rather than replace key officials has reignited debate over Somalia’s ability to enact genuine political reform.

“It shows how limited the government’s options are regarding leadership selection,” said another political observer. “The reshuffle sends a message that the system is stuck — the same faces, the same failures.”

The latest cabinet changes come as Somalia grapples with economic challenges, a fragile security environment, and public frustration over slow progress on promised reforms.

While Barre’s government portrays the reshuffle as part of efforts to enhance effectiveness, critics argue that real change will require expanding the leadership pool beyond the current political class. 

DF oo wargelin la xiriirta shidaalka u dirtay ganacsatada – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warqad wargelin ah u dirtay ganacsatada kala duwan ee shidaalka, taas oo salka ku haysa dhaqan-gelidda xeer-nidaamiyaha dareraha-hoosandka Batroolka.

Warqaddan oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa waxaa lagu wargeliyay dhamaan ganacsatada soo dejisa shidaalka, kuwa ka ganacsada tafariiqaynta shidaalka iyo kaalmaha shidaalka dhaqan-gelidda xeer nidaamiyaha dareraha-hoosandka Batroolka tirisigiisu yahay Lr.120 oo soo baxay 30-ka Maarso 2023.

Xeer-nidaamiyahani wuxuu u xilsaarayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed, hubinta iyo ilaalinta tayada Batroolka loo soo dhoofiyo dalka iyo mid looga ganacsado kaalmaha shidaalka ee kala duwan gudaha dalka.

Xeerkan ayaa sidoo kale dejinaya nidaam xoojinaya ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka bulshada, iyadoo loo marayo habka la-socodka iyo kormeerka tayada shidaalka ee la keenayo dalka iyo kuwa looga ganacsado kaalmaha shidaalka, si loo hubiyo in ay tayadoodu tahay mid u hogaansan xeerka cusub.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Batroolka:

Iyadoo gudanaysa xilkeeda sharci ee kaga aadan nidaaminta suuga shidaalka Soomaaliya, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhamaan ganacsatada soo dejisa shidaalka, kuwa ka ganacsada tafariiqaynta shidaalka iyo kaalmaha shidaalka dhaqangelidda Xeer nidaamiyaha Dareraha-hoosandka Batroolka tirisigiisu yahay Lr.120 oo soo baxay 30-ka Maarso 2023.

Xeer-nidaamiyahani waxa uu ku salaysan yahay wuxuu u xilsaarayaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, iyadoo kaashanaysa Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed, hubinta iyo ilaalinta tayada Batroolka loo soo dhoofiyo dalka iyo mid looga ganacsado kaalmaha shidaalka ee kala duwan gudaha dalka.

Sidoo kale wuxuu xeerkan soo dejiyay nidaam xoojinaya ilaalinta deegaanka iyo caafimaadka bulshada iyadoo loo marayo habka la-socodka iyo kormeerka tayada shidaalka ee la keenayo dalka iyo kuwa looga ganacsado kaalmaha shidaalka si loo hubiyo in ay tayadoodu tahay mid u hogaansan xeerka cusub.

Sidaas daraadeed, Wasaaradda waxay si toos ah oo hufan u dhaqan gelinaysaa xeer-nidaamiyahan ku looga talaamay ilaalinta iyo kaashaashada tayada shidaalka. Waxaana la farayaa dhamaan laamaha ku lug leh ganacsatada uu khuseeyo dhaqangelidda Xeer-nidaamiyahan.

Xamza oo isku shaandheyn ku sameeyay xukuumadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada, taasi oo saameysay xafiiska ra’iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad iyo laba wasaaradood.

Isku shaandheyntan oo warbaahinta uu la wadaagay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa aheyd mid muddo dheer la hadal-haayay, taas oo ku soo dhammaatay saddex xubnood oo isla xukuumadda ku jiray oo xilalka loo kala beddelay.

Arrinta yaabka leh waxay tahay in saddexda xubnoodba ay isla xukuuumaddan ka soo qabteen illaa saddex wasaaradood oo ay isku shaandheyno kala duwan ku soo mareen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa wuxuu Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdisalaan Dhaay ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Halka Amb. Axmed Macallin Fiqi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxay ka dhigan tahay isku shaandheyntan?

Arrintan ayaa waxay bixineysa laba fasir, kuwaasi oo kala ah:

1. In isku shaandheynnadu ay yihiin kuwa ku salaysan jahwareer siyaasadeed.

2. In aanay madaxda sare heysanin dookh ka baxsan inta xukuumadda ku jirta.

Tan ayaa ka dhigan si kasta oo xubnaha golaha waxqabadkooda loo saluugana aysan madaxda sare haysan dookh ka duwan iyaga, halkii iyaga la beddeli lahaa boosaaska uun la isugu beddelayo — taas oo aanan meesha ka saaraan baahida joogtada ah ee loo qabo isbeddelka

Xog: Xasan Sheekh oo wiilkiisa u magacaabay xil culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wiilkiisa Cabdifataax Xasan u magacaabay Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha, sida ay illo wareedyo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Cabdifataax ayaa beddelay Gaashaanle Dhexe Maslax Maxamuud Maxamed, oo loo dalacsiiyey Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdifataax Xasan wuxuu ciidamada ku soo biiray intii uu Madaxweyne Xasan Sheekh xilka hayay, waxaana marar badan lagu arkay isagoo qeyb ka ah ilaaladiisa, gaar ahaan furimaha hore ee dagaalka.

Magacaabista Cabdifataax ayaa loo arka mid uu madaxweynaha ku xoojinayo amnigiisa, xilli uu dhawaan ka badbaaday weerar ay kooxda Al-Shabaab ku beegsatay. Balse waxaa su’aallo dul hoganayaan sababta uu ku muteystay xilkan, iyada oo ay jiraan saraakiil in ka badan 15 sano ka tirsanaa Ilaaada Madaxtooyada.

Gaashaanle Dhexe Maslax Maxamuud Maxamed oo loo magacaabay Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxtooyada Qaranka, ayaa horaantii bishan si rasmi ah xilka ugala wareegay Sarreeye Guuto Xasan Aadan Dhicis, kaddib munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Guutada ee Madaxtooyada.

Taliyaha cusub ee Guutada 77, Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa soo bandhigay qorsheyaasha horumarinta howlaha hortabinta u leh sugidda ammaanka Madaxtooyada iyo madaxda Qaranka.

Waxa uu sidoo kale uga mahadceliyay Taliyihii hore ee Guutada shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Maslax ayaa leh waayo-aragnimo ka badan 14 sano oo uu kusoo dhex jiray Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Intaasi ka sokow, waxa uu muddooyinkii ugu dambeeyay hayay xilka Taliyaha Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ka hor inta aan loo dalacsiin Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxtooyada.

IGAD oo soo saartay dalab culus oo la xiriira ciidanka Masar ee la keenayo Somalia

0

Kampala (Caasimada Online)  – Urur Goboleedka IGAD oo warsaxaafadeed soo saaray, kadib shirkii ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa soo saaray dalab culus oo la xiriira ciidamada Masar ee la keenayo gudaha Soomaaliya.

IGAD ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo dhammeystiro hannaanka ay dajiyeen Ururka Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, si ciidamada Masar u yimaadaan Soomaaliya, qaybna ay uga noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM oo sanadkan ka bilowday dalka.

Sidoo kale Ururka IGAD ayaa xusay in ciidamada Masar ay si wayn uga qayb-qaadan karaan xoojinta nabadda iyo amniga Soomaaliya, si looga jawaabo xaaladaha amni ee taagan.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in loo baahan yahay dardar-gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, si looga hortago khatartooda gudaha iyo gobolka.

Dalabkan ayaa daba socda shirkii ka dhacay Kampala ee looga hadlay taageerada howlgalka cusub ee  AUSSOM, kaas oo laga soo saaray in howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya uu hadda u baahan yahay 8,000 oo askari oo dheeraad ah.

Warsaxaafadeed  laga soo saaray kulankaas oo ay yeesheen Wakiillo ka socda Jabuuti, Itoobiya, Masar, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Midowga Afrika iyo hay’ado caalami ah ayaa lagu sheegay in yaraanta ciidanku ay abuurtay firaaqyo amni oo sababay “in Al-Shabaab dib ula wareegto deegaanno muhiim ah oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.”

“Sidaas darteed, magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho waxay wajahayaan khatar soo food leh oo kaga imaanaysa Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo ay wakiilladu ka hadleen caqabadaha dhaqaale ee haysta howlgalka, iyagoo ugu baaqay saaxiibada caalamiga ah inay wax ka qabtaan baahida dhaqaale ee ah $96 milyan oo lagu daboolayo deynta ATMIS iyo $60 milyan oo loo baahan yahay si loo bixiyo kharashaadka afar bilood ee AUSSOM — howlgalkaas oo shaqadiisa bilaabay bishii Janaayo.

Soomaaliya ayaa muddo dheer la tacaaleysay kacdoonka kooxda Al-Shabaab, inkastoo dagaalka adag ee ay ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya nabad-ilaaliyaasha Midowga Afrika la galeen sannadihii 2022 iyo 2023 uu kooxdaasi ku qasbay inay dib u gurato.

Weerarro dhowaan ka dhacay magaalooyin muhiim ah ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo dib usoo xoogsashada Al-Shabaab, iyadoo dagaalyahannada kooxdaasi ay bishii Maarso isku dayeen inay weerar ku qaadaan kolonyada gaadiidka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marayey caasimadda Muqdisho.

Somalia: AU mission faces $1bn gap, donors noncommittal

ENTEBBE, Uganda—The African Union’s new mission in Somalia is facing a critical funding shortfall of more than $1 billion, officials warned at a summit in Entebbe, raising fears of a potential security collapse as donors hesitate to commit resources.

Estimates shared at the extraordinary summit show the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM)—set to replace the outgoing African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) on July 1—will need nearly $1 billion over five years to operate effectively. Another $96 million is required to settle debts from ATMIS, bringing the total funding need to $1.046 billion.

But uncertainty looms over where that money will come from. Traditional donors remain reluctant to make firm commitments, offering only vague assurances — a key concern dominating the summit discussions among heads of state and Troop Contributing Countries (TCCs) officials.

Donor reluctance and U.S. rejection

One major setback came from the United States, which made clear it would not fund AUSSOM under UN Security Council Resolution 2719 — a framework allowing partial UN funding for AU peace operations under certain conditions — nor through the proposed hybrid model.

“The U.S. decision regarding AUSSOM funding remains unchanged from last year,” U.S. Ambassador to Uganda William W. Popp said, dimming hopes that Resolution 2719 could unlock needed funds.

“The U.S. will not support applying the [UNSC Resolution] 2719 framework to AUSSOM, as we believe the situation in Somalia is unsuitable for its application. We will also not support the hybrid model of Resolution 2719, as we believe it undermines the essence and purpose of the resolution.”

Other major donors, including the UK and the European Union, were also at the table for the talks.

Bankole Adeoye, the AU Commissioner for Political Affairs, Peace and Security, outlined the mission’s harsh financial reality. AUSSOM, which began early operations on January 1, already faces $45 million in unpaid costs for January through March, with similar costs expected for April to June — even before the mission officially starts.

“We need $15 million per month… and we do not have that money now,” Adeoye told ministers, adding that most of the funding is for troop stipends. So far, the AU has just $16.7 million available for the year, mainly from the AU Peace Fund, plus $3 million from Japan and $1 million from China — covering only about 8.7 percent of the $190 million needed this year alone.

Adeoye said the $96 million debt from the ATMIS mission piled up between 2022 and 2024, mainly because Somalia requested several “technical pauses” that delayed troop withdrawals.

The total $1.046 billion funding requirement largely covers troop stipends of $1,000 per person per month, as well as death and disability compensation and mission subsistence allowances.

The European Union, historically the largest donor to AU missions in Somalia — contributing about €2.7 billion ($3.07 billion) to previous efforts — said it favored a hybrid model under Resolution 2719, describing it as the most realistic path to sustainable funding.

EU Head of Mission Jan Sadek called for new approaches and greater burden-sharing among donors, pointing out that EU member states already contribute significantly to UN peacekeeping budgets.

The UK, which holds the “penholder” role on Somalia at the UN Security Council, acknowledged the “real funding gap” but said there was “no quick fix.” UK Ambassador Lisa Chesney stressed the need for burden-sharing but did not offer specific funding figures, instead suggesting the AU must address structural and funding mechanism issues first. British officials reportedly confirmed an unspecified UK pledge, though details remain unclear, adding to the sense of uncertainty.

Growing security risks warning

AU Commission Chairperson Mahmoud Ali Youssouf warned that the mission and Somalia’s fragile stability could be seriously threatened without proper funding.

“To consolidate the recovery of liberated territories, we must not fail the transition from ATMIS to AUSSOM,” Youssouf told the summit. “Yes, the mission faces financial constraints… and reluctance remains over implementing Resolution 2719.”

He argued that the mission’s annual cost of $190 million — plus arrears — is minor compared to the devastating costs of renewed insecurity. Somalia’s strategic coastline and the risk of extremist groups like Al-Shabaab filling a security vacuum, he said, could lead to a surge in maritime crime similar to past waves of piracy.

Kenya’s Defence Minister Soipan Tuya highlighted the heavy financial burden already placed on TCCs, whose troops outside the ATMIS framework remain unfunded, with a current six-month funding gap. “Any additional need would place an unbearable financial burden on TCCs,” she warned, noting growing signs of “donor fatigue.” Egypt recently stepped in as a TCC, replacing Burundi after a dispute over troop numbers.

The Somali government also underscored the mission’s importance. Foreign Minister Ahmed Moallim Fiqi said security remains Somalia’s biggest challenge, particularly the fight against Al-Shabaab and the stabilization of recovered areas.

“This is where AUSSOM is indispensable,” he said. “The Somali National Army is growing stronger, but we have not yet reached the point where we can finish this fight alone.”

The warnings come amid a spike in Al-Shabaab attacks in recent weeks, including mortar strikes on Mogadishu and assaults in central and southern Somalia — underlining the persistent threat the group poses to Somalia and the wider region.

As the funding picture remains unclear, the AU is banking on the outcomes of the Independent Strategic Review of the UN Support Office in Somalia (UNSOS), which could help move Resolution 2719 forward and a planned donor conference in Doha. Meanwhile, AU Special Envoy Donald Kaberuka is lobbying for support in Washington.

With AUSSOM’s mandate due to start on July 1, time is running out to secure the funds needed to avoid a new security crisis. A donor meeting led by the UK next month is expected to shape final positions on Resolution 2719 and guide discussions at the UN Security Council, raising the stakes for a timely solution.

Cabdisaciid oo shaaciyay in hay’ado sirdoon shisheeye ay ku dhex milmeen Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ahna La-taliyihii Amniga Qaranka ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha sirdoonka caalamiga ah ay xubno sirdoon ah ku dhex leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in arrintani tahay xeelad ay ku doonayaan inay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada ururkaas.

Cabdisaciid wuxuu tilmaamay in sababta ugu weyn ee sirdoonka caalamka ay xubno ugu diraan gudaha Al-Shabaab ay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen khataraha amni ee uga iman kara kooxdan.

Sidoo kale, waxa uu xusay inay muhiim u arkaan helidda xogaha ku saabsan dadka dalalkooda uga biiraya kooxda Al-Shabaab.

Isagoo arrinta sii faah-faahinaya, Cabdisaciid wuxuu sheegay in tallaabadan ay qeyb weyn ka tahay sababaha adkaynaya jiritaanka Al-Shabaab. Sida uu hadalka u dhigay, joogitaanka xubnaha sirdoonka ee gudaha kooxda waxay keentay in Al-Shabaab helaan kaalmooyin dadban oo aan si toos ah loo dareemin.

Wasiirkii hore wuxuu caddeeyay in hay’adaha sirdoonka shisheeye aysan u danaynin amniga Soomaaliya, balse ay diiradda saaraan sidii ay amniga dalalkooda u ilaalin lahaayeen. Sidaas darteed, wuxuu sheegay inay arrintani si toos ah ugu dhaawacayso dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xasilooni buuxda.

“Qiyaas qof xirfad sare leh oo u shaqaynaya hay’ad sirdoon oo iska dhigaya xubin Al-Shabaab ah. Haddii uu si fiican u yaqaanno tiknoolajiyadda casriga ah ama uu khibrad u leeyahay nidaamyada lacagaha dijitaalka ah, miyaanay macquul ahayn inuu si dadban u caawin karo kooxdaas?” ayuu yiri Cabdisaciid Muuse Cali, isagoo muujinaya khatarta arrintan.

Sidoo kale wuxuu xusay in Soomaaliya looga baahan yahay istaraatijiyad mideysan oo looga hortago wax kasta oo si dadban ama si toos ah u taageeraya jiritaanka kooxda, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee gudaha iyo dibadda.

Hadalkan ayuu Cabdisaciid ka sheegay dood looga hadlayay khatarta argagixisada ee Soomaaliya ka jirta, taas oo lagu qabtay magaalada Nairobi.

Dooddaas ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayey sida loola tacaali karo hanjabaadaha Al-Shabaab iyo caqabadaha ku xeeran la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah.

Somali President appoints son as top security aide

MOGADISHU, Somalia — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has named his son, Abdifatah Hassan, as the new commander of his personal security unit — a decision that has stirred debate over nepotism and military professionalism in the fragile Horn of Africa nation.

Government sources confirmed the appointment to Caasimada Online, which comes as the president moves to tighten security following a recent assassination attempt by the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab group.

Abdifatah replaces Lieutenant Colonel Maslah Mahmoud Mohamed, who has been promoted to lead the Presidential Guard Brigade, the elite military unit responsible for protecting Villa Somalia, the heavily fortified presidential compound in Mogadishu.

Nepotism allegations

Abdifatah Hassan, who reportedly joined the Somali armed forces during his father’s current term, has frequently been seen alongside the president — including during visits to frontline areas where government troops are battling Al-Shabaab militants.

While the federal government has not released an official statement on the appointment, the move has drawn criticism from military analysts and members of the security sector. Many question why the role was not given to veteran officers who have served in the presidential guard for over 15 years.

“This decision raises serious concerns about fairness and meritocracy within Somalia’s military hierarchy,” said a Mogadishu-based security analyst, speaking on condition of anonymity. “At a time when the government is working to build credible and professional armed forces, such appointments could damage morale and trust within the ranks.”

Observers warn that bypassing experienced commanders in favor of personal connections risks undermining ongoing efforts to reform the security sector, which has long struggled with clan politics and favoritism.

The leadership shake-up comes amid heightened security concerns following a failed Al-Shabaab attempt to target President Mohamud’s convoy in late March.

Though the president escaped unharmed, the incident highlighted the persistent threat posed by the jihadist group, which has been fighting Somalia’s internationally backed government for more than 15 years.

Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate, continues to carry out deadly attacks across Somalia, targeting military bases, government officials, and civilians. The group seeks to overthrow the federal government and impose its strict interpretation of Islamic law.

President Mohamud, re-elected in 2022 after previously holding office from 2012 to 2017, has made defeating Al-Shabaab a central focus of his administration. Backed by the Somali National Army (SNA), African Union forces under the AU Transition Mission in Somalia (ATMIS), and international partners, his government has stepped up military operations to drive the group from its strongholds.

Command of presidential brigade

Maslah Mahmoud Mohamed, the outgoing head of the president’s personal guard, officially took over as commander of the Presidential Guard Brigade earlier this month. He replaced Brigadier General Hassan Aden Dhicis in a formal handover ceremony at the brigade’s headquarters in Mogadishu.

A career officer with more than 14 years of service in Somalia’s armed forces, Maslah pledged to enhance the unit’s capabilities and ensure the safety of senior government officials.

“I am committed to advancing the mission of the Presidential Guard Brigade and building on the solid foundation laid by my predecessor,” Maslah said at the ceremony, thanking the former commander for his leadership.

Before his promotion, Maslah served as the president’s chief bodyguard, overseeing the personal protection of Somalia’s head of state.

The reshuffle within the president’s security team underscores the political challenges surrounding Somalia’s efforts to rebuild its military after decades of conflict and instability.

Despite international support, Somalia’s armed forces remain divided along clan lines, with key positions often influenced by political loyalties rather than professional qualifications. Analysts caution that such practices could erode recent progress in the fight against Al-Shabaab and stall broader security sector reforms.

The timing of the leadership changes is particularly significant as Somalia prepares for the phased withdrawal of ATMIS forces, scheduled to conclude by the end of 2024. With foreign troops stepping back, the responsibility for maintaining security will increasingly fall on Somali forces.

Ciidamada Pakistan iyo India oo rasaas isku billaabay, xilli xiisadda ay ka sii ka dartay

Kashmir (Caasimada Online) – Ciidamada Pakistan iyo Hindiya ayaa habeenkii saddexaad oo xiriir ah rasaas isku weydaarsaday gudaha gobolka lagu muransan yahay ee Kashmir, sida ay saraakiishu sheegeen Axadda maanta ah, iyadoo xiriirka labada dal ee haysta hubka nukliyeerka uu gaaray heerkii ugu xumaa sannado badan.

Hindiya ayaa Pakistan ku eedeysay inay taageerto waxa ay ugu yeertay “argagixiso xuduud ka tallaab ah”, kadib markii koox hubeysan ay dileen 26 qof — weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado shacab ku nool Kashmir muddo ku dhow 25 sano.

Islamabad ayaa si adag u beenisay wax lug ah oo ay ku leedahay weerarka, iyadoo sheegtay in isku dayga lagula xiriirinayo Pakistan uu yahay “mid aan sal lahayn”, isla markaana ballanqaaday inay si adag uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo ka timaada Hindiya.

Axaddii, ciidamada badda ee Hindiya ayaa sameeyay dhoolatus ciidan oo ay si rasmi ah u baahiyeen sawirro muujinaya maraakiib dagaal oo ridaya gantaallo, halka ciidamada ammaanka ay wadeen howlgalka lagu baadi-goobayo kuwii ka dambeeyay weerarkii 22-kii April ee ka dhacay goobta dalxiiska caan ka ah ee Pahalgam.

Milatariga Hindiya ayaa Pakistan ku eedeeyay inay bilaabeen “rasaas aan qiil lahayn” oo ay ku fureen xariiqda kontroolka xuduudda Kashmir ee Line of Control (LoC), oo kala qeybiya labada dal.

“Ciidankeenna ayaa si wax ku ool ah uga jawaabay rasaastaas iyagoo adeegsanaya hub fudud oo ku habboon,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay militariga Hindiya oo ka hadlayay dhacdadii ugu dambeysay, taas oo Pakistan aanay ka hadlin.

Booliiska Hindiya ayaa soo saaray waraaqaha lagu raadinayo saddex nin — labo Pakistani ah iyo hal Hindi ah — oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Lashkar-e-Taiba, oo ah koox argagixiso ah sida ay Qaramada Midoobay u aqoonsan tahay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Hindiya ayaa baaritaanka weerarka u wareejisay hay’adda National Investigation Agency (NIA), oo ku takhasustay la-dagaalanka argagixisada.

“Goobjoogayaashii weerarka ayaa si faahfaahsan loo wareysanayaa si loo fahmo dhacdooyinkii sababay mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Kashmir,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay NIA Axaddii.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu “u furan yahay ka qaybgalka baaritaan madax-bannaan, hufan oo lagu kalsoonaan karo” oo lagu sameeyo weerarka.

– Dhoolatuska ciidamada badda Hindiya –

Ciidanka badda ee Hindiya ayaa sheegay inay sameeyeen tababarro lagu “tijaabinayo laguna caddeynayo diyaar garowga maraakiibta, nidaamyada iyo shaqaalaha ee weerarro hubeysan oo fog.”

Ma aysan caddeyn halka uu ka dhacay dhoolatuskaasi.

Wargeyska The Indian Express ayaa Axaddii soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Hindiya oo sheegay in “ay jiri doonto jawaab ciidan”, iyadoo mas’uuliyiintu “ka tashanayaan nooca weerarka la qaadi doono.”

Kashmir ayaa la kala maamulaa tan iyo markii Hindiya iyo Pakistan ay xornimada qaateen sanadkii 1947, iyadoo labada dalba ay sheegtaan lahaanshaha dhulkan balse mid walba uu xukumo qayb ka mid ah.

Kooxo hubeysan ayaa tan iyo 1989 ka wada kacdoon ka dhan ah xukunka Hindiya ee Kashmir, iyagoo dalbanaya madax-bannaani ama inay ku biiraan Pakistan.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya ee xisbiga Hindu nationalist-ka ah, Narendra Modi, ayaa Axaddii mar kale ku celiyay ballanqaadkiisa ah in “dadkii lagu laayay Pahalgam ay heli doonaan caddaalad.”

“Argagixisada iyo taageerayaashooda waxay doonayaan in Kashmir mar kale burburto, taas ayaana sababtay in la maleego shirqoolkan weyn,” ayuu Modi ku yiri khudbaddiisa billaha ah ee raadiyaha qaranka.

Sabtidii, ciidamada Hindiya ee xukuma Kashmir ayaa qarxiyay guriga qoyskii uu ka dhashay mid ka mid ah eedeysaneyaasha weerarkii Pahalgam.

Guriga Farooq Ahmad Tadwa oo ku yaalla degmada Kupwara ayaa la burburiyay, taas oo qayb ka ah olole lagu bartilmaameedsanayo guryaha ay leeyihiin dadka lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha mintidiinta ah.

Sarkaal booliis ah oo codsaday inaan la magacaabin ayaa u sheegay AFP Axaddii in ilaa iyo hadda sagaal guri oo ay leeyihiin mintidiin la qarxiyay tan iyo weerarkii Pahalgam.

Kaddib weerarka, New Delhi waxay hakisay heshiiskii biyaha la wadaagi jiray, waxayna xirtay xudduudda dhulka ee ay la wadaagto Pakistan. Sidoo kale, waxay hoos u dhigtay xiriirkii diblomaasiyadeed, iyadoo kala noqotay fiisooyinkii ay siisay muwaadiniinta Pakistan.

Dhankeeda, Islamabad waxay amartay in dalka laga saaro diblomaasiyiinta iyo la-taliyeyaasha milatari ee Hindiya, waxayna baabi’isay fiisooyinkii ay siin jirtay Hindiya — marka laga reebo soo-galootiga Sikh — iyadoo sidoo kale xirtay xudduudda weyn ee dhankeeda.

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday labada dhinac inay muujiyaan “is-xakameynta ugu badan” si loo helo “xal nabadeed oo lagu gaaro wada-xaajood miro dhal ah.”

Weerarka Pahalgam ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid bartilmaameedyada weerarrada fallaagada Kashmir, kuwaas oo sida caadiga ah lagu qaado ciidamada ammaanka ee Hindiya.

Sanadkii 2019, weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday ciidamada Hindiya ayaa lagu dilay 41 askari, taas oo sababtay in Hindiya ay duqeymo cirka ah ka fuliso gudaha Pakistan, arrintaas oo labada dal u dhoweysay inay galaan dagaal buuxa.

Xogta dagaal culus oo ka dhacay degmada Garbahaarey

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay si gaar ah ula beegsadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, balse waxa ay tilmaameen in aanay caddeyn karin inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday laga hortagay, ayna ciidamadu sameeyeen iska caabin xooggan, taas oo keentay inay dib u laabtaan ragga weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan laamaha amiga ayaa sheegaya in ay dileen qaar kamid ah xubnaha weerarka soo qaaday, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan goobihii lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda ay saaka howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Maalmihii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa is uruursi ciidan ka waday agagaarada degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey, waxaase dhaq-dhaqaaqaasi la socday ciidamada oo xalay sameeyey ka hortag, kadib weerarka uga yimid dhanka Khawaarijta.

Gedo ayaa kamid ah meelaha ay weli joogaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ay ka fuliyaan weeraro arbushaad ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Waxaa kale oo Gedo usii dheer in weli ay ka taagan tahay xiisad kale oo siyaasadeed oo u dhexeyso Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, taas oo mar kale soo laba kacleysay, waxaana si weyn looga dareemayaa degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Xiisaddan ayaa saameyn ku yeelatay reer Gedo, waxaana ay la kulmayaan xaalado bani’aadanimo iyo mid ammaan, maadaama ay halis ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh oo shaki geliyey musharaxnimadiisa 2026

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan weli go’aan ka gaarin in uu mar kale isu soo taago doorashada madaxtinnimada ee la filayo sanadka 2026, balse wuxuu xusay in mudnaanta koowaad ee xukuumaddiisa ay tahay sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo celinta dimuqraadiyadda dalka.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay Nation Media ee Kenya ayaa sheegay in amniga caasimadda Muqdisho si weyn u soo hagaagay tan iyo markii uu mar labaad xafiiska la wareegay 2022, xilli uu dalku wajahayo caqabado badan oo dhinaca amniga iyo siyaasadda ah.

“Waxaan doonayaa inaan hagaajiyo xaaladda Soomaaliya, tan deriskeenna sida Kenya, iyo cid kasta oo kale oo rabta inay nala shaqeyso, ha ahaato Mareykanka ama shirkadahooda gaarka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Amniga Muqdisho si weyn ayuu u soo hagaagay tan iyo 2022 markii aan xafiiska la wareegay. Waxaan la kulmi jirnay qaraxyo ku dhowaad bil walba, laakiin hadda si aan caadi ahayn ayay u yaraadeen.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isbeddelada dhanka amniga ay horseedeen koboc dhaqaale iyo mid dhisme oo laga dareemayo caasimadda, isagoo tusaale u soo qaatay suuqa ganacsiga oo sii fidaya.

Inkasta oo aanu si cad u sheegin in uu tartanka ku jiri doono, haddana wuxuu carabka ku adkeeyay in go’aankaas uu ku xiran yahay xaaladda siyaasadeed marka la gaaro xilligii doorashada.

“Hadafkayga ugu weyn waa inaan Soomaaliya ku soo celiyo dimoqraadiyad dhab ah. Marka la gaaro xilliga doorashooyinka, waan ka fiirsan doonaa go’aankayga ku aaddan tartanka,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waxqabadkiisa ugu weyn muddadii uu xafiiska joogay ay tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaalka lagu doonayo in dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu sheegay inay tahay tiir-dhexaadka siyaasaddiisa.

“Waxaa la igu doortay barnaamij salkiisu yahay la dagaallanka argagixisada iyo soo celinta dimuqraadiyadda Soomaaliya. Kaasi wuxuu ahaa ajandahaygii doorashada, haddii aad dib u eegto barnaamijkaygii siyaasadeed ee doorashadii hore, waxaan ku guuleystay inaan si weyn u wiiqo awooddii Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in uu si shaqsi ah u booqday jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay xoreeyeen ku dhawaad 80 deegaan oo ku yaalla dhulka miyiga ah.

“Waxaan shakhsi ahaan tegay jiidda hore ee dagaalka, waxaana xoreynay ilaa 80 deegaan oo ku yaalla dhulka miyiga ah ee Soomaaliya,” ayuu xusay.

Diiwaangelin cod-bixiyeyaal oo socota

Dhanka siyaasadda, madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu ku dadaalayo in doorashada soo socota ay noqoto mid shacabka si toos ah codkooda ugu dhiibanayaan, isagoo sheegay in xisbiyada siyaasadeed ee dalka ay u diyaarsan yihiin ka qaybgalka doorashada.

“Waxaan hadda leenahay afar xisbi siyaasadeed oo sharciyeysan, waxaana socota diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaa laga joogaa ku dhawaad 60 sano markii ugu dambeysay ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay codkooda si toos ah ugu dhiibteen sanduuqa doorashada. Waxaan rabaa inay taasi mar kale dhacdo doorashada soo aaddan,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in, inkasta oo dadka Soomaaliyeed ay yihiin ku dhowaad 20 milyan, haddana haddii labo milyan oo qof ay heli karaan fursad ay si toos ah codkooda ugu dhiibtaan, uu taas u arko guul weyn.

“Dadka Soomaaliyeed waa ku dhowaad 20 milyan, laakiin haddii aan awoodo in xitaa laba milyan oo qof ay si toos ah u doortaan madaxdooda, waxaan dareemayaa inaan gaaray hadaf weyn,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Su’aal la weydiiyay oo ahayd in qorshahan uu suuragal ka yahay marka la eego xaaladda amniga ee dalka iyo weliba maamulidda Al-Shabaab ee qaybo ka mid ah dalka, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in wax badan ay iska beddeleen xaaladda amniga, isla markaana la dareemayo xiiso ballaaran oo ku aaddan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

“Waxaa jirta xiiso iyo xamaasad weyn oo loo qabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Al-Shabaab waxaa lagu khasbay inay dib ugu gurtaan deegaannada miyiga ah. Halkan Muqdisho gudaheeda, dad badan oo aan hore u helin fursad ay ku codeeyaan ayaa aad u daneynaya inay isticmaalaan xaqa ay dastuurku siinayo ee ah inay doortaan hoggaamiyeyaashooda,” ayuu yiri.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale ku celiyay in haddii uu hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, ay taasi noqon doonto guusha ugu weyn ee noloshiisa siyaasadeed.

“Haddii aan ku guuleysto hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, waxay ii noqon doontaa guusha ugu weyn ee aan noloshayda gaaro,” ayuu yiri.