25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Mareykanka oo markii ugu horreysay hakiyay hubka uu siiyo Israel + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay tan iyo marki uu billowday dagaalka Israa’iil ’il iyo Xamaas hakisay hubka ay u daabusho Israa’iil.

Tallaabada ayaa lagu macneeyay inay ka dambeyso sababo la xiriira walaaca Washington ee duullaanka ay Israa’iil qorsheyneyso in ay ku qaaddo magaalada Rafax ee Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa marar badan si cad u sheegay in uusan taageersaneyn weerarka ay rabto in ay si toos ah ugu qaado Rafax, oo ah magaalada ay hadda ku nool yihiin boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo intooda badan horay uga soo cararay deegaannada kale ee Gaza ee ay Israa’iil burburisay, kuna dishay in ka badan 34 kun oo rayid ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka oo codsaday inaanan la magac-dhabin ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay si taxaddar leh uga fiirsatay hubka ay u direyso islamarkaana ay garatay suurtagalnimada in hubkaasi loo adeegsado Rafax.

Hubkan ayaa koo kooban 1,800-2,000 oo pound oo bambooyin ah una dhiganta bambooyin culeyskoodu gaarayo 907-kg) iyo 1,700 500 oo pound oo mabmooyin ah.

Saraakiisha maamulka madaxweyne Biden ayaa dhowr jeer ooh ore ku cel-celiyay in aysan taageeri doonin duullaanka Rafax, ilaa ay Israel ka keeneyso qorshe lagu kalsoonaan karo oo ay ku nabad galayaan rayidka.

Duullaan dhulka ah oo ay Israil ku qaado Rafax ayaa khatar gelinaya nolsoha ilaa 1.3 milyan oo ruux oo in badan oo ka mid ah la nool gaajo, dawo la’aan iyo cabsi.

Israa’iil ’il ayaa sheegtay in dadkan ay u rareyso qeybo nabad ah oo ku yaalla Gaza, hase yeeshee Falastiinyiinta ayaa sheegay in aysan jirin meel nabad ah oo ku taalla Gaza.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay hubka kale ee dib u eegista lagu sameynayo ay ku jiraan gantaallaha loo soo gaabiyo JDAM ee ay diyaaradaha soo tuuraan.

Mareykanka ayaa iyo ilaa hadda ah dalka ugu badan hubka la siiyo Israil. Waxa uu si xoog leh usii dardargeliyay hubka wixi ka danbeeyay weerarki 7-badi October ee ay Israa’iil kala kulantay Xamaas.

Xamza oo ku adkeystay arrin muran badan dhalisay

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, halkaasi oo mar kale uu ku celiyey mowqif diidmo badan dhaliyey.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.

Waxa uuna ka hadlay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa in ay horumarin ku sameyso dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed oo ka kooban lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumar waara.

Wuxuu si gaar ah ugu dheeraaday qodobbada xasaasiga ah sida xoojinta garsoorka, hufnaanta maamulka iyo dhammaystirka dib-u-habaynta dastuurka, isagoo xusay in dhammaan hawlahaas ay saldhig u yihiin dastuurka dalka.

Si gaar ah, ra’iisul wasaaraha wuxuu iftiimiyay sida ay uga go’an tahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taasi oo qayb ka ah qorsheyaasha dib-u-habaynta siyaasadeed ee dalka.

Doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa ka dhashay muran xooggan ayada oo ay si weyn u diideen mucaaradka oo ku tilmaamay “been guur uu muddo kororsi ku doonayo madaxweyne Xasan Sheekh.”

Sidoo kale wuxuu xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay la dagaallanka Khawaarijta iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, iyadoo la siinayo mudnaanta koowaad amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.

Mudane Xamza ayaa waxa uu carrabka ku adkeeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay si firfircoon uga shaqeynayso sidii Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd saaxadda caalamka. Wuxuuna tilmaamay in ay jiraan horumarro laga gaaray xiriirka dalalka deriska ah iyo kuwa caalamiga ah.

Gaba-gabadii khudbaddiisa, ra’iisul wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay kaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay in ay si firfircoon uga qayb qaataan dib-u-dhiska dalka iyo in ay dowladda ku taageeraan dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda.

Waxa uuna si guud ula dardaarmay Soomaalida oo uu ku boorinayey in ay dalkooda u istaagaan si ay uga gudbaan caqabadaha waaweyn ee horyaalla.

Al-Shabaab-kii ugu badnaa oo lagu qabtay howlgallo ka dhacay Baydhaba + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo maalmahan dambe howlgallo culus ka waday magaaalada Baydhabo iyo duleedkeeda ayaa gacanta kusoo dhigay Al-Shabaab-kii ugu badnaa oo soo galay gacantooda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladan oo u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu soo qabtay 12 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha lasoo qabtay ayaa isugu jiro koox ka tirsan Jabhadda iyo kuwa kale oo qaabilsanaa uruurinta lacaga Zakawaatka, sida lagu sheegay qoraalka.

Koonfur Galbeed ayaa baahisay sawirrada 12 xubnood ee soo galay gacanteeda, waxayna isugu jiraan odayaal iyo dhalinyaro, kuwaas oo dhammaantood lagu soo qabtay howlgalka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood Oo khawaarijta katirsan kuwaas Oo Ciidanka Gacanta kusoo dhigeen.

Dhaqar-qabiyaashan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran kadin markii Ciidanka Howlgalo balaaran Bilihii lasoo dhaafay ka wadeen Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada hoos yimaada.

Xubnahan gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Khawaarijta u kala qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadka ah (sakawaadka) iyo jabhada.

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen dhaqarqabiyaal katirsan khawaarijta, waxay horey uburburiyeen shabakado ka howlgali jirey Magaalada Baydhabo kuwaasi oo la horgeeyey Sharciga.

Faah-faahin: DAB xoogan oo ka kacay Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab maanta ka kacay suuq ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, kaas oo ay kuu guuleysteen inay damiyaan ciidanka dab-damiska Somaliland oo faah-faahiyay sida ay wax u dhaceen.

Dabka ayaa ka kacay suuqa hoose ee degmada 26 June, wuxuuna ka kacay mehrad ganacsi oo ku taalla halkaasi, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ciidanka Dab-damiska.

“Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Dab ka kacay meherad ku taala suuqa hoose  ee degmada 26 june oo lagu magacaabo ZamZam Solar Tech” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ciidamada Dab-damiska oo qaaday howlgal deg-deg ah ayaa isla markiiba damiyay dabkaas, kahor inta uusan ku fidin xarumaha kale ee ka agdhowaa goobta uu ka kacay, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, waxaana la bad-baadiyay hantida ganacsatada.

“Hawlgal adag kadib Ciidanka ayaa damiyay dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey meheradii gubatay iyo meheradihii u dhawaa, waxaana badbaaday dhamaan mehradihii ka ag dhawaa” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Dhinaca kale ciidanka Dab-damiska maamulka Somaliland ayaa baaq u diray shacabka iyo ganacsatada oo ay ka dalbadeen inay soo wargeliyaan kahor inta uusan waynaan dabka.

“Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay soo sheegaan dabku intuu yaryahay, sidoo kale ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, khaasataan korontada” ayaa lagu yiri farriinta loo diray bulshada.

Waxaa kale oo lagu yiri qoraalka “Hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadoodba”.

Somaliland waxaa horay dab xoogan uu ka kacay suuqa wayn ee Waaheen, kaas oo gebi ahaan basbeelay, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo baaxad leh & burbur xoogan.

Sawirro: Maxaadan ogeyn oo madaxweyne Xasan maanta uu ka sameeyey Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Midowga Yurub oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Midowga Yurub kaga mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee Soomaaliya ay siiyaan, taas oo ah mid wax badan u tartay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa Midowga Yurub ku amaanay sida ay dowladda Soomaaliya uga garab siiyeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo mowqifka cad ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Markii dowladda Itoobiya ay ku soo xad-gudubtay badda Soomaaliya, Midowga Yurub waxay si cad u garab istaageen mowqifka dowladda Soomaaliya, taas oo dhabarjab weyn ku noqotay Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Danjireyaasha iyo mas’uuliyiinta kale ee munaasabadda galabta lagu qabtay Muqdisho ka qayb galay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee xaqiijinta Soomaaliya ammaan ah.

Wuxuu Madaxweynuhu caalamka u sheegay inuu ka shaqeynayo sidii deg deg loogu gaari lahaa hiigsigiisa Soomaaliya xor ka ah Argagixisada, isku filan, isla markaana ay ka qabsoomaan doorashooyin dimuquraaddi ah.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah dhinacyada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera arrimaha muhiimka ah, wuxuuna ururkaasi Soomaaliya u yahay garab weyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu amaanaa wanaajinta xiriirka caalamiga ah, kumana sii jirto Soomaaliya oo mar kasta u baahan taageerada caalamka.

Daawo: Xuseen Macalin oo bixiyey xogta shir xasaasi ah oo dalka ka dhacay markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shirkii ugu horeeyey ee maareynta hubka Soomaaliya, tan iyo markii dalka laga qaaday cunaqabateynta Hubka.

Shirkaas oo labo maalmood ka socday Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyey galabta, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo xubno sare oo ka socday beesha caalamka.

Xafiiska Amniga Qaranka oo madax uu ka yahay la-taliyaha amniga ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Xuseen Macalin ayaa hogaaminayey quburada Soomaaliyeed ee shirkaas ka qeyb gashay.

Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyey shirkii maanta lasoo gabagabeeyey maanta, wuxuuna sheegay in shirkaan uu qeyb ka yahay qorshayaasha Soomaaliya ay ku xakameyneyso hubka, iyadoo beesha caalamka ay la wadaageen, sida ay Soomaaliya isugu filan tahay arrimaheeda hubka.

“Cunaqabateyntu waxay aheyd howl markii hore ay masuuliyadeedu naga dadbaneed oo dad kale u taalay, balse anaga markii aan ku guuleysanay in caalamka aan ku qancino inaan isku filanahay, waxay noqotay guul weyn oo muujineysa inaan dib ula soo noqonay gobnimadeenii,” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka.

Wuxuu sheegay in hadda uu bilaabanayo qorshe lagu soo dhisayo heer ay dowlad goboleedyadu kula jaanqaadi karaan hanaanka xakameynta hubka ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo meel fiican maraya.

Xuseen Macalin ayaa ku dheeraaday sharaxaada sida dadka Soomaaliyeed ee reer miyiga u badan ay hubka u heystaan, iyadoo hadda lama huraan ay tahay in dadkaas laga dhaadhiciyo inuu hubka dhigo oo dowladda ku wareejiyey, isla markaana uusan u baahneyn inuu isku ilaaliyo hadda kadib.

Hoos ka daawo

Xogta kulan xasaasi ah oo Xamza uu maanta la qaatay guddiga doorashooyinka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kulan xasaasiya la qaatay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya.

Kulankaan oo ay ku wehlinayeen ra’iisul wasaaraha xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto khibradda maamulka doorashada ee guddiga.

Qorshaha horutabinta u leh xukuumadda Dan-qaran ayaa ah in dalkeenna laga hirgaliyo doorasho dad weyne oo xor, si bulshadda dib loogu celinayo talada, ayna u soo doortaan hoggaanka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto socdaal isbeddel, uuna rajeynayo in la xoojiyo geeddi-socodka dimoqraadiyadeed, madaama dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, baarlmaankuna ay meel-mariyeen cutubyo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay hannaanka doorasho ee dalka.

“Waxaan maanta halkan u joognaa inaan wax badan ka ogaanno siyaasadaha, nidaamyada, hababka iyo qalabka lagama maarmaanka u ah in la qabto doorasho hal qof iyo hal cod ah oo guuleysta,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa xusay hannaanka loo maro doorashada Kenya, iyada oo la isticmaalayo hababka casriga ah ay horseedeen qabsoomidda doorasho caddaalad ah, taasi oo Soomaaliya u ah casharo ay tahay in ay ka dheegato hab maamulka doorasho ee Kenya.

Waxa uu ra’iisul wasaaruhu uga mahad-celiyey guddiga soo dhaweynta iyo warbixinta ay siiyeen, isaga oo tilmaamay in gudaha dalka ay ku casuumi doonaan xubnaha guddiga doorashooyinka Kenya, si casharo ay uga bartaan guddiyada ka shaqeyn doona doorashada dalkeenna.

DF Soomaaliya oo dalbatay in si dhow loola socdo xaalad halis ah oo soo korortay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo maanta booqasho ku tegay Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah ee hay’adda SODMA ayaa wuxuu ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda soo korortay, xilli laga cabsi qabo fatahaado iyo daad horleh.

Wasiirka ayaa soo kormeeray qeybaha kala duwan ee xaruntan, ayada oo halkaasi uu ku soo dhaweeyey guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo ku xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan.

Hay’adda ayaa waxay wasiirka u soo bandhigtay warbixin la xiriirta xaaladda fatahaadaha dalka, dedaallada ay wado iyo in gargaar gaarsiisay goobaha cabsida laga qabo, si hadii xaladahaan dhacaan dadka hoy uga dhigtaan.

Bandhigga kadib, wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed si joogta ah loola wadaago xaaladdaha fatahaadaha si ay uga feejignaadaan khatar ku iman lahayd noloshooda iyo hantidooda.

Waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ee deggan webiyada Jiinkooda iyo togoggada ku adkeeyay in ay u dhego-nuglaadaan farriimaha digniinta ah iyo talooyinka ka imaanaya khubarada Hey’adda SODMA.

Ugu dambeyntii wuxuu wasiirka ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u soo saartay digniino la xiriira fatahaado horleh oo laga cabsi qabo, kuwaasi oo la filayo in ay dhacaan asbuucan.

SODMA ayaa sheegtay inay aad u sareyso suurta-galnimada in tobanka cisho ee soo socoto ay dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada.

Waxay si weyn u saameyn doonaan degmooyin ay kamid yihiin; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin, sida ay shaacisay hay’adda SODMA.

“Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas,” ayaa lagu yiri digniinta.

Mogadishu needs a competent mayor and comprehensive master plan

Mogadishu, the capital and largest city of Somalia, is at a crucial turning point in its rich history. Known as a vibrant trading hub for centuries and the cultural heartbeat of the nation, this coastal city is now experiencing unprecedented urbanization. The influx of new residents driven by returning diaspora, internal migration, and natural population growth has revitalized the city’s energy, making it a burgeoning metropolis once again. However, rapid expansion without strategic planning has stretched its infrastructure to its limits, placing significant strain on the city’s ability to meet the basic needs of its residents. To accommodate its population growth, improve infrastructure, diversify energy sources, and provide essential services, Mogadishu needs a comprehensive new master plan that will usher in an era of sustainable, equitable growth. 

Population pressures are evident in nearly every corner of the city. The once sparsely populated neighborhoods have become densely packed, causing a strain on already overstretched public services. Congested streets reveal an insufficient transportation network, as the roads are frequently choked with traffic jams. Sidewalks and public spaces are crowded, limiting the room available for pedestrians. Moreover, sanitation and waste management services are struggling to keep pace with the rising demand, leading to environmental pollution that poses significant health risks to the city’s residents.

The city’s current infrastructure needs an urgent overhaul. A comprehensive master plan must address this issue by modernizing and expanding the road networks and establishing a reliable public transit system that can handle the increasing commuter population. Investments in smarter traffic management, improved pedestrian pathways, and public spaces would enhance mobility and reduce congestion. Upgrading the water supply and sewage systems is equally crucial to improving public health and reducing environmental contamination. Furthermore, developing a robust digital infrastructure would transform Mogadishu into a smart city, connecting its residents to services and opportunities online while providing accurate data for city planners.

Equally pressing is the need to diversify the city’s energy sources. Currently, Mogadishu relies heavily on imported fossil fuels, which are not only expensive but also subject to market volatility. This dependence on a single energy source leaves the city vulnerable to price fluctuations and disruptions in supply, which can hamper businesses, health facilities, and educational institutions. A comprehensive master plan should prioritize the development of renewable energy infrastructure that taps into Somalia’s abundant solar and wind resources. Investing in these resources would provide a cleaner, more stable, and more cost-effective power supply that supports growth while reducing the environmental impact.

Social services, too, must be at the forefront of Mogadishu’s new strategic vision. Education, healthcare, and affordable housing are the cornerstones of a healthy and prosperous urban environment. The city must ensure that new health clinics and schools are built to keep pace with the growing population. Additionally, existing facilities need to be upgraded to meet modern standards. Affordable housing developments would offer relief to low-income families facing rapidly rising living costs, and public spaces, including parks and community centers, should be prioritized to foster a strong sense of community. Such spaces also provide venues for cultural expression and engagement, fostering a more inclusive urban identity. 

However, achieving this comprehensive vision will require robust governance and inclusive participation. A master plan cannot be drafted behind closed doors by experts alone; it must involve residents, businesses, and community organizations to capture a diversity of voices and address their concerns. Transparent governance structures will help build public trust and ensure accountability in the implementation phase. Additionally, international cooperation can support technical expertise, capacity building, and funding for specific projects. The master plan must be adaptable to the city’s changing dynamics, incorporating data-driven insights that allow for continuous refinement and improvement.

Mogadishu has a tremendous opportunity to redefine its trajectory and emerge as a sustainable, prosperous urban hub. The master plan must align the city’s rapid growth with the aspirations and needs of its residents. By accommodating population expansion through improved infrastructure, diversifying energy sources to stabilize supply, and providing modern services to its people, Mogadishu can avoid the pitfalls that have plagued other rapidly urbanizing cities.

Failing to act, however, would mean allowing unchecked urbanization to deepen the challenges of today into crises that would be even harder to address tomorrow. Without a coordinated vision, the city’s expansion will continue to overwhelm infrastructure, creating more health and safety hazards while worsening inequality. The rising population will demand more energy than the current grid can provide, exacerbating power shortages and hindering economic activity. 

Inaction could also mean missing an opportunity to capitalize on Mogadishu’s strategic location and rich cultural heritage. An optimized transportation network and digital infrastructure could re-establish the city as a gateway for trade and tourism, attracting investment and boosting economic growth. Sustainable energy could turn Mogadishu into a model for climate-friendly urban development, while modern social services would empower residents to build vibrant, cohesive communities.

Mogadishu needs an adept Mayor and a dependable team to advance the initiatives demanded by the public. With its rapidly growing population and evolving challenges, the city needs leaders who can strategically guide development efforts and ensure that public needs are met efficiently. This involves not only setting a clear vision for infrastructural improvements and economic growth but also fostering an inclusive environment where all voices are heard. Such leadership will be instrumental in delivering modern services, strengthening the city’s infrastructure, and creating sustainable energy solutions, ultimately paving the way for a resilient and prosperous Mogadishu. 

Now is the time to act and ensure that Mogadishu grows thoughtfully and strategically. A comprehensive master plan will be the guiding blueprint that transforms the city into a place where every resident has access to opportunity, safety, and modern services. With immediate action, the Mogadishu of tomorrow can be a beacon of prosperity and a testament to what visionary planning can achieve.

Caasimada Online – EDITORIAL

Kenya oo bilowday qorshe ay Somalia uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho…

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe ay dowladda federaalka Soomaaliya uga dhaadhicineyso inay ka tanaasusho musharaxnimadeeda guddiga Midowga Afrika.

Kursigan ayaa waxaa Soomaaliya ugu sharaxan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxay Kenya u wadaa Raila Odinga, waxayna bilowday wada-hadallo ay Soomaaliya ugu qancineyso inay taageerto ninka ay u wado kursigaas.

Kenya ayaa mowqifkeeda si cad ugu sheegtay Soomaaliya intii lagu guda jiray kulankii shalay dhex-maray madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Bare oo maalmihii dambe ku sugnaa Nairobi.

“Waxaa u ololeynayna in Soomaaliya ay la baxdo musharaxeeda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan,” ayuu sheegay.

Kenya waxa ay sheegtay inay u ololeyneyso in Soomaaliya ay la baxdo musharaxeeda Fawzia Xaaji Aadam, sida uu sheegay Korir Sing’oei oo ah xoghayaha gud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Sidoo kale waxa uu sarkaalkan tilmaamay inay ku rajo weyn yihiin in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay taageerto codsiga Kenya, xilli ay dhawaan Fowsiya taageero horleh u heshay musharaxnimadeeda xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee 2025-2028.

Kenya ayaa sidoo kale qorsheynaysa wareeg kale oo wada-hadal ah oo ay la yeelato dowladda Jabuuti, oo ayadna horraantii bishaan ku dhawaaqday musharraxeeda guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay taageero wayn ka heshay ku dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka hadlay dadaalka dowladda ee kursigaasi.

Wasiirka ayaa markaas tilmaamay in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay ku jiraan dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah ay taageerayaan musharraxnimada Fowsiya Yuusuf Xaaji oo metaleysa Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan qorshaha Kenya, ayada oo la xasuusto in Soomaaliya ay horey xilal noocaan ah ay u dhaafsatay masaalix ay ku sheegtay inay muhiim u yihiin dowladnimada, kuwaasi oo kal hore uu buuq xooggan ka dhashay.

Ujeedka shir Muqdisho uga furmay DF iyo dowlad goboleedyada + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir gaar ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa daah-furay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali, waxaana shirka loogu magac daray wadatashiga dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa si gaar ah kulankan diiradda lagu saarayaa dib-u-eegista qorshaha howlgelinta nidaamka aqoonsiga qaran (SNID) oo ay soo qaban qaabisay hay’adda aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Ugu hirreyn waxaa madasha ka hadlay maareeyaha hay’adda NIRA Cabdiweli Timacade  oo sharaxay ujeedada kulankooda, isaga oo sheegay in muhiimadda shirkooda uu yahay ka tala gelinta maamul goboleedyada nidaamka aqoonsiga qaranka iyo sidii adeegaan looga howlgelin lahaa guud ahaan dalka.

Dhankooda wakiilada ka socday maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay fikrado wax ku ool ah oo ku saabsan nidaamka diiwaangalinta  Aqoonsiga Qaranka oo hadda dooneyso dowladda dhexe in la gaarsiiyo xarumaha maamullada dalka.

Qorshaha diiwaan-gelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa ah in sanadkan 2024 lagu diwaan galiyo 5 Million oo qof, sidoo kalana dalka laga hirgaliyo 86 xarumood.

Dowladda federaalka ayaa wadda qorshayaal ballaaran oo ay ugu horreyso qabasho doorasho qof cod ah, waxka qabashada ammaanka iyo arrinta dastuurka oo haatan ay ka taagan tahay dood culus, maadaama ay ka biyo diideen xubnaha mucaaradka iyo Puntland.

Daawo: DF oo guul kale oo wayn gaari doonto bisha June

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda dalka iyo horumarka laga sameeyay arrimaha dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha dalka.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay gaartay horumaro waa wayn oo dhanka dhaqaalaha ah, isla markaana 27 milyan oo koror ah uu sameeyay dakhliga dowladda afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in bisha soo socota ee June ay gaari doonaan guul kale oo wayn, taas oo ah in Bangiga Islaamka uu cafiyo daymaha uu ku leeyahay Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan halkan ka tilmaamo bangiga horumarinta Islaamka oo daymo innagu lahaa inaanu is afgarad ka gaarnay deymahaas la cafiyo, waxaana rajeyneynaa in bisha June ee soo socota inaan saxiixno heshiiskaasi” ayuu yiri wasiiri Biixi Imaan Cige.

Biixi Imaan Cige ayaa aad ugu dheeraaday ka hadlay horumarka hannaanka maaliyadda dalka, isaga oo sheegay in dakhliga gudaha dalka uu horumar wayn sameeyay bilihii ugu dambeeyay taasi oo ah guullo wax ku ool ah oo laataban karo.

”Sanadkii 2022-ka bishii January ilaa bishii Abril 2022 dakhliga Dowladda u soo xarooday wuxuu ahaa 73 Milyan oo doollar. 2023 kii bishii January ilaa Abril 2023 dakhliga Dowladda u soo xarooday waxa uu ahaa 89 Milyan oo doollar. Sidoo kale sanadkaan aan hadda ku jirno ee 2024 ka ah afartaas bilood dakhliga dowladda u soo xarooday waa 116 Milyan oo Dollar. labadaas sanno u dambeeyay haddii aan is barbardhigno korar ah 27 Milyan oo Dolllar ayuu sameeyay dakhliga gudaha” yuu yiri Wasiirka Maaliyadda Bixii Imaan Cige.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in boqolkiiba 30 uu kordhay sanadkaan dakhliga dowladda, taas oo ku tilmaamay inay ku timid dadaal ay sameysay wasaaraddu.

Sidoo kale wuxuu sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay dhanka hannaanka canshuur aruurinta Dowladda taasi oo uu sheegay in ay sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dowladda federaalka ayaa bilihii u dambeeyay horumaro waa wayn ku tallaabsaneysay, sida deyn cafinta, qaadista cunaqabteyntii hubka iyo ku biirista daladda EAC.

DF oo jawaab yaab leh ka bixisay xasuuqa lagu eedeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay warbixin kasoo baxday ay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International, taas oo lagu sheegay in duqeymo is-dabajoog ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay 23 qof oo rayid ah.

Sida ay sheegtay Amnesty, duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso ayaa lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay ku dhawaad 23 qof, ayada oo ku dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay arrinta ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo dad rayid ah kasoo gaaray duqeymaha ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Turkiga.

Al-Cadaala oo ka jawaabay warbixinta Amnesty International ayaa tilmaamay in aanay dawladdu hayn xog dad rayid ah oo wax ku noqday duqeymahaas oo bartilmaameedkoodu ahaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markasta dowladda Soomaaliyeed ay ka feejigan tahay waxyeelo dadka shacabka kasoo gaarto howlgallada lagu qaado Al-Shabaab.

‘’Hawgallada dabcan ay ciidamadu ku jiraan waddanka oo dhan ayay ka socdaan, annagu waxa aan kuu sheegi karno waxa weeye, hawlgal ay fuliyeen ciidamada oo ma aragtay waxyeelo dad rayid ah ka soo gaartay ma jirto, ciidankuna feejignaan heer sare ah ayay ku hawlgalaan,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in diyaaradaha Drones-ka ee laga leeyahay dalka Turkiga ay u cayiman yihiin halka bartilmaameedyadooda ah, lagana taxadaro waxyeelo gaarta dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada la duqeeyo.

Horay warsaxaafadeed ay dowladda uga soo saartay duqeynta waxa ay ku sheegtay in 30 ka mid ahaa al-Shabaab lagu dilay, howlgallo ka dhacay deegaanada Baldooska iyo Baqdaad, taas oo warbixin ka duwan sheegada dowladda ay soo saatay Hay’adda Amnesty.

“In ka badan 30 (maleeshiyaad ah) ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaankii hore ee  kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, 19-kii Maarso.

Daawo: NISA oo bixisay magta sarkaal lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta lagu aasay allaha u naxariistee Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo dhowaan lagu dilay iska hor imaad ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Aaska marxuumka ayaa yimid, kadib markii xal laga gaaray xiisad kal dhalatay dilka sarkaalkan oo ay si wayn uga caroodaan ehelladdiisa oo dibad-bax ka dhigay Muqdisho.

Arrinta xalka keentay ayaa ah in Hay’adda NISA ay dhabarka u ridtay kiiskaasi, waxana bixisay magta marxuumka, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobleen.

“Hay’adda NISA ayaa dhabarka u ridatay khaladkii dhacay, iyada ayaa nagala xaajootay, waxayna bixiyeen diyadii wiilka oo ku dhow 100 halaad oo Geel ah,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dilka Sayid-Cali uu ahaa mid kam ah, isla markaana aanu ahayn ku talagal, sidaas daraadeedna lagu heshiiyay in la kala qaato diyo.

“Wuxuu ku dhintay isku dhac ciidan oo aan loogu talagelin runtii, waana ka xunahay,” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobleen.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxyaabaha baraha bulshada bulshada la marinaayo oo aan fiicnayn in laga dhaafo Sayid-Cali wuu naga wada dhintay, maanta waa naga hooseeyaa inaan u duceyno ayuu naga mudan yahay”.

Sayid-Cali Cabdi Cadde ayaa ahaa sarkaal firfircoon, wuxuuna ahaa taliyaha guutada Gumac ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la dilay isaga oo markii kasoo laabtay furinta hore ee dagaallada ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Marxuumka ayaa sidoo kale kamid ahaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea, wuxuuna ka qayb-qaatay dagaallo badan oo dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa marar badan kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho, waxaana horay sidaan oo kale loo dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Koox HUB lasoo dageysay iyo ciidanka Puntland oo ku dagaalamay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka Puntland iyo koox hubeysan uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamul goboleedka Puntland.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidanka amniga ay weerar ku qaadeen koox hubeysan oo hub sharci darro ah kala soo dageysay xeebaha dhanka bari ee magaalada Boosaaso, waxaana kadib halkaasi ka qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen qof kale oo shacab ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga hubeysan ay goobta ka baxsadeen, waxaana haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay waddo dowlad goboleedka Puntland.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee Boosaaso oo ku aadan dagaalkaasi khasaaraha dhaliyay ee dhex-maray ciidanka iyo ragga hubeysan.

Inkastoo dagaalkan si wayn looga dareemay magaalada, haddane waxaa saaka deggan xaaladda Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga ee Puntland, Soomaaliya.

Inta badan waxaa magaalooyinka maamulkan ka dhaca dagaallo dhex-mara ciidamada amniga iyo kooxo hubeysan oo ay ku jiraan kuwo ganacsada maan-dooriyaha.

Si kastaba, Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay wadday howlgallo culus oo ay kula dagaalameyso kooxaha hubeysan iyo burcad badeedda kasoo cusboonaatay halkaasi

Saraakiishii ugu badneyd ee Al-Shabaab oo hal goob lagu laayey, kadib markii…

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday degmada Kunya-barow ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lala beegsaday goob ay ku shirayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo bartilmaameed ahayd ayaa u dhacday sidii loo qorsheeyay, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobolkaasi.

Afar gantaal oo culus ayaa la sheegay inay ku dhaceen gudaha magaalada, kuwaas oo qaarkood lala helay xarunta ay ku shirayeen saraakiisha Al-Shabaab, halka kuwa kalena lagu burburiyay gaadiid ay lahayd kooxda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiishii ugu badnayd iyo dagaalamayaal gaaraya illaa 70 xubnood lagu laayay duqeyntaasi, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil ajaaniib ah.

Waddamada illaa iyo hadda la shaaciyay saraakiisha ajnabiga ah ee la dilay waxay kasoo kala jeedaan dalalka Kenya, Suudaan, Yemen iyo waddamo kale.

Sidoo kale saraakiil kale oo Soomaali ah ayaa lagu khaarijiyay duqeynta, kuwaas oo fadhiyay shirka, xilliga la duqeynayay degmada Kunya-barow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda ay faahfaahin rasmi ah ka bixiso duqeyntaasi lasoo wariyay in xubno badan iyo saraakiil looga dilay Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda oo ku aadan duqeyntaasi uu khasaaraha badan kasoo gaaray dagaalyahanadeeda, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u cakiran.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay weli ka socdaan howlgallada, waxaana sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu hayo xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Duqeyntii u dambeysay ayaa waxa ay ka dhacday tuulada Furuqley oo hoostegta degmada Qoryooley, taas oo lala eegtay meel ay isbaaro u tiilay Al-Shabaab, halkaas oo khasaaro lagu gaarsiiyay, sida laga arkay muuqaalka duqeyntaas oo ay shalay soo bandhigtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Daawo: War cusub oo ka soo kordhay sarkaalkii lagu dilay degmada Boondheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuro ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho lagu aasayaa maydka sarkaalkii lagu dilay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Boondheere, kaas oo lagu magacaabi jiray Sayid-Cali Cabdi Cadde.

Sarkaalkan oo ahaa dhalinyaro ayaa ku dhintay weerar ay ciidamo kale ku qaadeen gurigiisa oo ku yaalla agagaarka isgoyska Boondheere, waxaana kasoo gaaray dhaawac daran oo uu maalin kadib ugu geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Ehellada marxuumka iyo dowladda ayaa isla gartay in 6 maalin kadib la aaso marxuumka, ayada oo weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay dilkiisa.

Dadweyne kala duwan oo ku jiray ehellada marxuumka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka qayb-galaya aaska loo sameynayo marxuumka.

Sayid-Cali Cabdi Cadde ayaa ahaa sarkaal firfircoon, wuxuuna ahaa taliyaha guutada Gumac ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la dilay isaga oo markii kasoo laabtay furinta hore ee dagaallada ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Marxuumka ayaa sidoo kale kamid ahaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea, wuxuuna ka qayb-qaatay dagaallo badan oo dhul ballaaran looga xoreeyay Al-Shabaab.

Maalmo kahor ayay ahayd markii dibad-bax ka dhan ah dilka sarkaakan ay shacab careysan ka dhigeen degmada Karaan, kaas oo cadaalad loogu dalbayay marxuumka.

“Sayid-Cali isaga oo gurigiisa joogo cadowga uu furimaha kula dagaalamaayay asoon dilin ayaa nin shaatiga uu wato la wato dilay” ayay tiri gabar kamid ahayd dibad-baxayaasha.

Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa marar badan kusoo noq-noqday magaalada Muqdisho, waxaana horay sidaan oo kale loo dilay saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda.

\

Xogta dilkii MALAAQ QORI, ninkii dhibay ee go’doonka geliyey reer Bay iyo Bakool

Xudur (Caasimada Online) – Hawlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen tuulada Garasweyne oo qiyaastii 55 KM waqooyi uga beegan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa lagu dilay Malaaq Cabdullaahi Maxamed Yare (Malaaq Qori) oo ahaa nin halis badan oo Xudur laga necbaa.

Malaaq Qori, wuxuu ka tirsanaa horjoogayaasha Khawaarijta Al-Shabaab, wuxuu ahaa nin odey ah oo muddo dhawr iyo toban sano ah ka tirsanaa kooxda, marar badan ayuu ka soo muuqday fagaarayaasha, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii go’doonka geliyey magaalada Xudur oo in ka badan 10 sano aan dhulka loo marin.

Bartilmaameedka howlgalka ka dhacay Bay wuxuu ahaa in la dilo Malaaq Qori, waana lagu guuleystay, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bakool iyo saraakiisha ciidankii fuliyey howlgalkaas.

Ciidamada dilay Horjooge Malaaq Qori waxay ugu tageen gurigiisa oo ku yaallay tuulada Garasweyne ee gobolka Bakool, sida ay ogaatay Caasimada Online cid kale wax kuma noqon howlgalkaas, waxaana goobtii isaga laabtay ciidamadii dilay Malaaq Qori, iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah.

10 sano ka hor intii ay Khawaarijtu xukumeysay degmada Xudur ayaa Malaaq Cabdullaahi Maxamed oo Shabaab ula baxeen Malaaq Qori loo caleema-saaray xil-dhaqameedka Malaaqa beeshiisa, xiligaas waxaa lagu xushay in afkaarta guracan ee kooxda uu la dhacsanaa, waxayna u arkeen Horjooge la jaan-qaadi kara.

Inta uusan noqon malaaqa waxa uu ahaa nin reer miyi ah oo beeraha ka shaqeysta, sida ay Caasimada Online u sheegeen dadkii yaqaanay Malaaq Qori oo hadda ku baxay gacanta ciidanka xoogga Soomaaliya ee dagaalka uga jira aagga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Markii la joogo gudaha kooxda wuxuu ninkaasi ahaa mid ay ka go’do talada reerkiisa, isagoo barna qasba, barna la dagaala, sida reer Xudur oo go’doon adag uu geliyey, isagoo adeegsanaya awooda Al-Shabaab, waxayna dadka reer Xudur aad ugu farxeen dilka Malaaqoodii go’doonka geliyey.

Ninkaan ayaa muddo dheer kooxda u qaabilsanaa isku xirka qabiilka iyo kooxda, askareynta caruurta iyo u qoridda ciidamo Khawaarijta uga qayb gala dagaallada ay kula jiraan ciidamada dawladda.

Dadka xogtiisa la socday waxay sheegeen in Malaaq Qori uu kaalin weyn ku lahaa go’doominta degmooyinka deegaanada Koonfur Galbeed ee ka baxay gacanta kooxda, si dadka loogu ciqaabo la jooga ciidamada qaranka, iyagoo u diida sahayda iyo guud ahaan safarada dadka, gaadiidka iyo xoolaha, tallaabadaasi waxay nolosha ku adkeysay dadka ku nool gobollada Bay iyo Bakool.

Sababta loogu baxshay Maqaal Qori: Maadaama uu isku ogaa dakanooyin badan, wuxuu ahaa nin aan dhigin qorigiisa AK47 ka ah, xitaa wuxuu la geli jiray shirarka oo ma dhigi jirin, wuxuuna aaminsanaa inuu isku difaaci karo, balse ugu dambeyntii xalay ayaa la dilay isagoo gurigiisa jiifa oo Qorigiisa barkan.

Wararkii ugu dambeeyey ee Masjidka ay isku haystaan Soomaalida Amsterdam

Amsterdam (Caasimada Online) – Dacwadii u dhexeysay guddiga maamulka masjid QUBA, ee ku yaal magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa mar kale guux ka dhex abuurtay mushtamaca Soomaalida ee ku dhaqan waddankaasi, kaddib markii labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyay qolo waliba ay dhinaceeda sheegatay guul-hordhac ah.

Khilaafka u dhexeeyay guddiga maamulka masjidka QUBA ayaa si rasmi ah u soo shaac-baxay bishii Febraayo 2021, markii saddexdii xubnood ee hayay maamulka masjidka QUBA oo dhulkiisa iyo dhismihiisa ba lagu bixiyay lacago laga soo uruuriyay dad muxsiniin ah oo ku nool dacaladda dunidda, dadka ugu badan ee ka qeybqaatay na ay ahaayeen Soomaali.

Khilaafka gaaray in hormuudka Soomaalida NL ku dhaqan dhexdeeda wax xal ah ka gaari waayaan, wuxuu u dhexeeyay iimaam-kii iyo guddoomiyihii guddiga Shiikh Suldaan Gasle oo dhinac ah iyo Guuleed Wayrax iyo Shiikh Abuu-Khadiija oo ka tirsanaa maamulka oo isku dhinac ah, iyada oo 14-kii bishii  September (2021) ciidamo boolis ah ay gudaha u soo galeen masjidka, laguna wargeliyay Shiikh Suldaan inuu masjidka dibed-joog ka noqdo, waxeyna tillaabadaasi ka careysiisay inta badan dadka Soomaalid ah, oo ku tillmaamay Shiikha Suldaan inuu bud-dhig u ahaa aasaasida iyo dhismaha masjidka Quba.

 Khilaafka masjidka ayaa maraaxilo kala duwan soo maray, iyada oo markii ugu horreeysay  khilaafkaasi ay ku soo baxeen dad isugu jiray samadoonno, culimo, waxgarad iyo aqoonyahanno muddo 4 billood ah  dhexdhexaadin ka dhex waday 2da dhinac, iyada oo natiijadii ka soo baxday dhex-dhexaadintooda ay noqotay in Shiikh Suldaan laga saxan yahay, masjidka maamulkiisana lagaga dambeeyo ragga hadda masjidka maamulkiisa haya, inkastoo Shiikhu ka horyimid go’aankaasi kuna tilmaamay raggaas kuwa dhinac u raran.

“Odayaasha Tilburg waxaan kula kulanay Hoofddrop waxaan la fadhinay 8 ilaa 10 saacadood,  waxaan kala hadalnay in Shiikh Suldaan waxyaabaha iyaga uu ku diidan yahay ee qaladaadka ah  ka mid tahay; qoddobo aan heshiiskii hore ku jirin oo ragga masjidka ku haray ay gacantooda ku soo qorteen in la saxo,  Shiikhuna warqadaas markuu arkay ayuu dib u noqday, guddiga qaar ka mid ah oo Shiikhu xiriir la sameeyey waxeey u sheegeen warqadaasi in ay iyaga ka imaanin oo dhinaca kale ay soo qoorteen sax na aysan aheyn, siddaas awgeed wuxuu arkay meesha in ay jirto is hoosaasin, wuxuu kala noqday kalsoonidii iyo u qoor  dhiibashadii guddiga” Ayuu yiri mid ka mid ah guddiga Amsterdam oo magaciisa diiday in la shaaciyo, isaga oo intaasi ku daray in ay soo jeediyeen guddigooda Amsterdam in 6-dii qoddob dib loogu laabto, hasse ahaatee guddigii Tilburg ay ku adkeysteen in go’aanka ay soo gaareen in ay Soomaalida la wadaagi doonaan.

Markii wax xal ah oo heshiis lagu yahay laga gaari waayay dacwadii u dhexeysay guddiga masjidka ayaa waxaa mar keliya laga war-helay in dacwadii u gudubtay Maxkamad ku taal Amsterdam, oo qaadigeeda iyo ashqaasta kale ee go’aanka gaareysa ba aysan aheyn dad muslim ah, ayna u kala dab-qaadayaan dad muslimiin ah, iskuna haysta maamulka iyo maareynta masjid.

Durba, waxaa la is weydiiyay cidda dacwadii masjidka geysay maxkamadda Amasterdam; Darafkii ku haray masjidka ayaa  iska fogeeyay eedaasi, halka Shiikh Suldaan uu sheegay in sababta uu bannaanka u jooga ay tahay isaga oo xaq u leh inuu masjidka tago  inuu diidan yahay khilaaf sababi kara in masjidka la xiro.

“Anigoo ka tanaasulay xaqii aan u lahaa inaan masjidka tago ayaa ka baaqsaday, siddeey ku dhici kareysaa inaan maxkamad dacwad geeyo.?” Ayuu yiri Shiikh Suldaan Gasle.

Mid ka mid ah ragga ku xiran masjidka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ka dhursugayaan natiijada dacwada, wuxuuna tilmaamay in taageerayaasha Shiikh Suldaan ay ku doodayaan in waddaadka la masabitay, ayna rag ka tirsan kuwa maamulka haya ay sameeyeen marqaati fur been ah, balse wuxuu ku nuuxnuuxsaday in xaaladu aysan aheyn sida ay ku doodayaan taageerayaasha Shiikha.

“Marqaati looma baahna, arrintaasi way dhamaatay, Shiikh Suldaan codkiisii ayaa duuban, qofkii arrinkaasi uu shaki kaga jiro ha dhageysto hadalkii uu ka jeediyay markii uu joogay jaaliyada, afkiisa wuxuu ka qirtay shirkaasi inuu joogay” Ayuu ku gaabsaday mid ka mid ah dadka taageersan darafka masjidka ku haray, isaga oo ku bogaadiyay raggaasi sida ay ugu cadaalad faleen habsami u socodka howlaha masjidka.

Dhinaca kale, C/fitaax Cabdullaahi oo ka mid ah  taageerayaasha Shiikh Suldaan, ayaa isaga oo ka hadlayay halka ay dacwadu mareyso waxa uu sheegay in maxkamaddu  ka dalbatay kooxda masjidka maamusha in ay keenaan caddeymo muujinaya in Sheekhu aanu goob joog aheyn shirkii 10-kii maarso, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in masjid dhulkiisa iyo dhisidiisa-ba aysan Soomaali meel kasta oo ay joogto u kala harin in masiirkiisa ay sheegtaan dhowr qofood.

“Waxeey ka mid tahay mucjisooyinka taariikhda galay ee jiilkeygu ay goob jooga u yihiin, in masjidkii Soomaali aysan u kala harin dhismihiisa, in taladiisa 2 qofood ay ka go’do, oo ciddii ka aragti duwanaatana ay yiraahdaan; masjidka ayaad dumineysaan” Ayuu yiri Cabdifitaax, isaga oo dhinaca kale na nasiib darro ku tilmaamay in rag ka mid ah odayaasha magaalada Amsterdam lagu yiraa masaajidka ma soo geli kartaan.

“Waxaan “social media” ka aragnay   rag ka mid ah odayaasha magaalada oo hortaagan albaabka masaajidka, iyaga oo leh waxaa sidaa nagu yiri  mid ka mid ah howl-wadeenada masaajidka” Ayuu yiri C/fitaax, wuxuuna ugu dambeyntii u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee dhibsaday khilaafka masjidka in ay soo jeedinayaan in talada masjidka lagu celiyo bulshada si looga gaaro go’aan kama dambeys ah.

Fursadaha iyo caqabadaha KOOFI ka dabraya damaca kursiga QOOR QOOR

Dr./Gaashaanle sare, Mohamed Aden Jimale (Koofi). Musharaxaan waa nin dhallinyaro ah, agoonnimo ku soo koray, kuleejada agoonta ku jiray laguna soo barbaariyay, saaxada soo fuulay xilli hadda 17 Gu’ laga joogo.

Markii sannadkii 2007 Schoolkii uu macalinka ka ahaa, kana dhigayay maadooyinka Chemistry iyo Biology-ga ay isaga oo xiisad/cashir bixinaya ciidankii Tigreega ugu soo galeen fasalka, labo ardaydiisa kamid ahna loo gacanqaaday ciidanka iyo isagu isku-gacan qaadeen, caradii uu arrintaas ka qaaday-na inta jeestadii uu cashirka ku dhigayay dhulka dhigay dheegga qoriga saartay.

Abaabulay dhallinyaradii xaafadda uu daganaa iyo ganacsatadii nawaaxiga, isku-dubba-riday ee hoggaaminayay guuto ciidan ah oo kacdoon shacab ka dhashay lana baxay magaca “muqaawamo” taas oo caan ku aheyd in ay ciidankii tigreega xeryahooda ugu gasho ammin-kasta oo qoraxdu dhacdo, sahaydooda wadooyinka ka jarto, ugu danbeyna ku qasbtay in ay dalka ka baxaan Tigreegu markii ay dhankasta ka go’doomiyeen.

Si gaar ah waxaa loogu xasuustaa dagaalkii la baxay HILLAAC-WEEYNE ee billihii ugu hooreeyay 2007 goor saqdhexe ah ka qarxay aaga School-ka Maxamuud Xarbi ee Wardhiigleey, dhanka Xamar Bile gaaray, isbartiibada, Jidka warshadaha, Towfiiq iyo Fagax ku faafay ilaa aagga Jamhuuriya oo Kaaraan ah gaaray, holaca iyo gugaca hubku is qabsaday, iftiinka hubka wax-gumaada oo la is dhaafsanayay uu habeenkii maalin cad ka yeelay, taas oo ah sababta uu magaca “Hillaac-weeyne” uu dagaalku u qaatay.

Waxaa tilmaamis mudan sida ay wiilasha iyo gadhaha soomaalidu naqdiin-kii dugsiyada qur’aanka oo kale ah ay cashir la mataano ah midkii 1977 ee Godeey iyo Jigjiga ugu dhigeen ay markale Tigreega Muqdisho ugu dhigeen, xilligaas oo gaashaanle sare koofi uu ka hoos shaqeeynayay hoggaankii ugu sarreeyay muqaawamada gudaha [Shekh Abdulqadir Cali Cumar].

Ugu dambeyna, isla maalinkii uu madaxweyne Shariif oo Jabuuti lagu soo doortay uu dalka soo galay isla galabkiisii dowladnimada ku soo biiray, markii ay xilli habeennimo ah khawaarijtu labo miino oo saacad lagu xiray ay ugu xireen sariirtii uu qorsheeynayay inuu seexdo habeenkaas, alle-se ka badbaadiyay.

Isla bishii xigtay markii uu madaxweyne Shariif dalka soo galay-na tabbobar ciidan u tagay dugsiyada dagaalka ee dalalka Sudan, Uganda iyo Jabuuti, markii dandabana noqday Taliyaha ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha) (VIP Protection Unit). Taliyaha ilaalada madaxweynuhu waa qofka kale ah ee madaxweynaha ula geli kara isaga oo Bistooladdiisu u xirantahay.

Madaxweynihii xigay oo Xasan Shiikh ahaa ayaa u dallacsiiyay Taliyaha sirdoonka gobolka Banaadir, dabadeedna u sii dallacay La-taliye sare oo sirdoonka ka tirsan iyo madaxii ugu sarreeyay xafiiskii howlgallada sirdoonka dalka, taas oo Koofi ay shacabka soomaaliyeed ku xasuustaan dilkii hoggaamiyii Alshabaab Mujrim Axmed Cabdi Godane ugu danbeyna loo magacaabay Agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Taas oo ay barbar socotay dhameeystirka waxbarasho dibadda ah oo uu madaxweyne Farmaajo u diray sannadkii 2010 xilligaas oo Farmaajo uu Ra’isalwasaare ahaa.

Dr. Koofi iyo Koox aqoonyahnno ah oo uu ku jiro madaxweynaha dalka MD Xasan Shiikh Maxamuud ayayna maalin qura wada qaateen darajada cilmiga ugu sarreeysa ee PhD-da, oo uu ku qaatay Nabadda, Hormarinta iyo dowlad-wanaagga.

Dhanka kale waa Bare jaamacadeed, bahda ciyaaraha ka tirsan, qoraa bahda qalinleeyda xubin ka ah, waana abwaan sameeyay ku dhawaad 30 heesood oo ka tirsan golaha suugaanleeyda.

FURSADDA UU DR. KOOFI HEEYSTO WAXAA KAMID AH;

1. Aqoon ahaan iyo maamul-yaqaan ahaan waa ninka ugu dhisan dhammaan musharixiinta tartameeysa

2. Waxaa caawinaya in la joogo kaltankii beesha Cayr ee kursiga ugu sarreeya Galmudug, maadaama ay beelaha Galmudug is-xijiya ee kale horay u soo qaateen kaltankooda.

3. Inta Galmudug ku tartameeysa waa musharaxa KALI AH ee aan dakano siyaasadeed, mid qabiil, shaqsi, xisbi ama deegaan reer Galmudug ah midkoodna qabin, waana sababta aanay u jirin hal qof oo caqabad u arka soo bixitaankiisa.

4. Waa halka musharax EE KALI AH oo sarkaal ciidan ah kana gaaray gaashaanle sare, taas oo ah baahida ugu weeyn ee maanta la qabo si Galmudug cadowga looga xoreeyo.

5. Waa nin aad u dhowrsan, saaxiibo badan, xiriiro adag la leh bulshada, gaar ahaa dhallinyarada, ganacsatada iyo dhaqanka, adkeeysi iyo dulqaad lagu tilmaamo, dhanka maamulka aad loogu amaano, axdiga dhowristiisa ku mintida.

6. Nin lagu soo hirto oo bulshadu kusoo aruurto

7. In ay dhowr qabiil oo reer Galmudug ah riixayaan gaar ahaan labada beelood ee reer Ceelbuur beesha (murusade) iyo beesha (duduble) sidoo kale beesha waqooyiga Galgaduud degta ee [Mareexaan] iyo beesha Cayr oo aanu kaligiis ku aheeyn maadaama uu musharax kale la qeybsanayo.

8. Wuxuu taageero lixaad leh ku helay dulmigii lagula kacay ee siyaasadeed magaca garsoorkana la huwiyay.

9. Qodobka ugu muhiimsan oo uu heystana waa inuu yahay musharax aanay dhammaan musharixiinta kale wax dhib ah ku qabin “compromise candidate” dhexdhexaad u wada ah oo aanay dhib u arag in ay u wada tanasulaan haddii uu wareegga koowaad ka codad badiyo, marka laga reebo Agaasimihii hore ee NISA iyo ganacsato la jaal ah oo dilkiisa cibaado iyo alle–dhawaansho u arka.

10. Nabaddoon warka hela oo inuu duullaan qaado ka jecel inuu dadka walaaleeyo xilliga la joogana ah kan ay Galmudug oo ay dagaallo qabaa’il kusoo noqnoqdeen u baahan tahay.

11. Musharaxaan marka laga soo tago inuu sarkaal sare oo ciidan ah yahay, waxyaabaha caawinaya ee uu kaga duwanyahay dhammaan musharixiinta kale waa inuu heli karo, tabbobar uu ku maamulana leeyahay ciidanka ugu tirada badan inta tartameeysa oo ah ciidan tiro-beel ah iyo gurmad saacad-kasta oo uu u baahdo, bacdamaa uu ka dhashay jufada ugu baaxadda ballaaran koonfurta Guriceel ee (Qurbac/Reer Ayaanle) ee isla degmada guriceel iyagu aas-aasay.

Sidoo kalana juquraafi ahaan si xiriir ah oo aan kala go’ laheeyn u deggan dhulka ku teedsan Guriceel, Ceeldheere ilaa caasimadda Dhuusamareeb halkaas uu si weeyn kaga horreeyo musharaxa kale ee reer Guriceel Mahad Maxamed Salaad.

12. Halka musharax oo ay madaxweyne Qoorqoor isbaheysi dhinac-kasta la leeyihiin waana qodobka ugu weeyn oo uu ciidda ku cunsiin karo musharixiinta kale maadaama qodobka ugu weeyn ee doorashooyinka lagu kala adkaado uu yahay hadba sida loo kala isbaheysi ballaaran yahay.

13. Xiriirkiisa qotadheer ee kala dhexeeya jilboweeynta siyaasadda reer Caabudwaaq oo iyagu u arka nin oday ah, aqoonyahan ah, ay saaxiibo gaar ah yihiin musharax haddii uu guuleeysto aan deegaankooda kusoo abaabuleeyn duullaan colaadeed, marka la barbar-dhigo musharax kale ee reer Guriceel oo iyaga KHAD-CAS u ah.

CAQABADDA KU GUDBAN;

1. Waxaa ku furan maxkamad siyaasadeed uu ku furay agaasimihii hore ee NISA, waana nin kuleetiga loo heeysto inuu dhacay hanti soomaaliyeed oo lagu aaminay.

2. Bulshada qaar ayaa u aragta inuu isku sharaxay si uu sharciga dalka iyo dacwadda culus ee lagu soo oogay “xatooyo xoolo dadweeyne” uga baxsado bulshadana u tuso inuu yahay nin dagaal siyaasadeed lagu soo qaaday ee aan hanti dadweeyne dhicin.

3. Beeshiisa [Cayr] oo leh musharax kale oo culus [Mahad Salaad].

4. Majiro xisbi uu ka tirsanyahay oo nafta u bixinaya, sida musharixiinta kale qaarkood, waana qodob doorashada u muhiim ah, ku tiirsanaanta xisbi ama koox tiirar adag leh midkood hadaadan-ba labadaba isku-heli karin markii doorasho miisaankeeda laga waramayo.

5. Xisbiyada dalka ka jira iyo ragga damaca madaxweyne ee 2026 leh oo dhammaantood u wada arka nin isagu damac kale oo fog leh oo ay adagtahay in ay aaminaan, cabsi mug lehna ka qaba la shirkoobiddiisa.

6. Isaga oo aan laheeyn ilo-dhaqaale muuqda oo ka saacidaya tartan uu la galo musharaxiin dhammaantood isaga ka wada jeeb-weeyn amaba dowlado iyo shaqsiyaad maalqabeenno ku wada tiirsan.

7. Sirdoon ku-biirista siyaasadda Caashaqay sabab-kasta haku kallifto’e oo ay siyaasiyiin badan oo beeshiisa ah u arkaan inuu yahay culeysk ku soo kordhay.

8. Koofi, Ninka kali ah, soomaali ah ee sameeyn kara ama awooda inuu isaga oo kula fadhiya, adiguna aadan waxba ka dareemin, dhib ama dheef kii uu kula maago kuu maleegi kara, tusaalaha ugu fiican waa weerarkii uu fiidnimadii 10-kii bishii August 2014 uu ku qaaday guriga Siyaasi Cabdi Nuurre Siyaad (Cabdi Waal).

Kaas oo aan shalay buugga xusuus qorkeeyga ka helay in muddaddii uu Koofi waday isku-dubbaridka weerarkaas oo dhan inuu isla Cabdi Nuurraha uu saacado kadib weerari doono uu casho uu isaga Koofi ah ku casumay uu la fadhiyay dabaqa koowaad ee Hotel Jazeera, Cabdi Nuurre oo markii ay dhanka amniga timaado lagu tiriyo nin aad u foojiganna uu shaki galay, markii uu Cabdi cashada ka soo baxayna uu weerarku ku qabsaday albaabka koowaad ee Hotelka.

Weerarkii habeenkaas ciidanka NISA iyo Abdinuure dhexmaray raggii dhintay waxaa kamid ahaa AUN. saaxiibkeey Labo xidigle Caydiid oo ahaa sarkaal geesi ah, sirdoonka ka tirsanaa oo reer Xararyaale ahaa.

Inkastoo ay arintaas ka heshiyeen hadana ay isku aag ka yihiin arimaha doorashooyinka galmudug oo uu cabdi yahay garabka koobaad musharax madaxweyne gaashaanle koofi.

Xilligaas uu Koofi maleegayo dhagarta Abdi Nurre Siyaad wuxuu Koofi u shaqeeynayay ninka isla Koofina hadda soo eedeeyay lana tartamaya iyo ganacsato aano hore u qabtay siyaasiga Cabdi Nuurre.

Koofi wuxuu xilligaas ahaa Kabtankii sirdoonka caasimadda heystay. Sidoo kale isla maalmahaas wuxuu weerar ku ekeeyay guriga Cabdi Ileeys oo beesha Mursade u dhashay oo uu ku eedeeyay inuu hubka ka ganacsado.

9. NIMAAN DHAQAN-CAYR LAHEEYN:

Aan bayaaniyo tilmaha shaqsiga ah ee aan sheegistooda guda gali doono waa meelaha gol-jilica uu ka leeyahay musrahax koofi iyo halka uu musharax Mahad Maxamed Salaad uu si wayn uu kaga horeeyo walina in badan oo badan.

Nimaan warkiisu cad-caddeeyn, fur-caddi laheeyn, aamusanaan badan oo laga shakiyo, col iyo nabad kan uu kula yahay kala saariddeeda aad dhib badan ka mudan karto, qofkii aan aqoonna uu wal wal ka qabi karo wax-ku-darsigiisa, qaab qayaanoole oo kale ah inuu alle u abuuray aad moodo, jecel in isaga dantiisa lagala shaqeeyo 1-9, taaduna halka soo haray ay noqoto, aan garasho badan oo dhanka gacanta ah lugu aqoon, garaacasho iyada ruuxeedu ay ku-cel-celis tahay mooyee, jecel in isaga saaxiib lala noqdo, isagase kaalintiisu inuu ku xushmeeyo ku ekaato, rajo laga qabin inuu kuu calool furmo ama warramo, dhaqaalaha bixiya hadduu dantiisa ka dhex arko, aan ku-dhac laheeyn, difaac nafsi ah oo korriimaddiisa agoonnimo iyo kolleejo xiriir la leh ku jira, socodkiisa, siduu u labisto, soowdkisa [warkiisa] hooseeya, habka uu u howlgalo intuba ay qaab sirdoon salka la wada galayaan.

GUNAANUD:

Dr. Maxamed Adam Koofi, musharax dan-guud marka la eego dheef u leh reer Galmudug- mid gaar-ahse dhib laga mudanayo.

W/Q: Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)
Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.