26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

DF oo loo heysto xasuuq loo geystay dad shacab ah iyo baaritaano la dalbaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymo is-dabajoog ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay 23 qof oo rayid ah.

Dadka lagu dilay duqeymahaas waxay Amnesty sheegtay inay ku jiraan 14 carruur ah, waxayna duqeyntaasi dhacday bishii Maarso, iyadoo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo “dambiyo dagaal.”

Sida ay sheegtay Amnesty, duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso ayaa lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay ku dhawaad 23 qof, ayada oo ku dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan.

Hay’adda Amensty International ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay u sheegeen in “weerarada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay daba socdeen dagaal culus oo dhanka dhulka ah” oo u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Amnesty ayaa wareystay 12 qof oo ay ku jiraan dhibanayaal, qaraabadooda iyo goobjoogayaal, waxayna hay’addu eegtay oo falanqeysay sawirada dayax gacmeedka iyo sawirada jajabyada hubka si loo ogaado isticmaalka bambooyinka ay soo saarto Turkey iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab ay ka fuliyeen isla deegaanka tuullada Baqdaad ee gobolka Shabeellaha Hoose, balse ma aysan sheegin dad rayid ah oo ku dhintay.

“In ka badan 30 (maleeshiyaad ah) ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta 19-kii Maarso.

Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 ka mid ah al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska, halka 15 kale lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Baqdaad.

Amnesty ayaa sheegtay in ay ka codsatay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga in faah faahin dheeri ah laga bixiyo balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Soomaaliya iyo Turkey ayaa bishii February ee sanadkan kala saxiixday heshiiska difaaca badda, wuxuuna Turkigu cadeeyey in Soomaaliya uu diyaar u yahay inuu ka difaaco khatar kasta oo soo wajahda.

30 DAL oo Soomaaliya ku taageeray kursi muhiim ah oo muddo ay raadineysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo raadineyo xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee 2025-2028 ayaa haatan taageero wayn ka heshay ku dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah, sida uu shaaciyay, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay dadaalka dowladda ee kursigaasi.

Kursigan ayaa waxaa Soomaaliya ugu sharraxan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka, taas oo haatan wadda ololaheeda ku aadan kursigaasi.

Fiqi ayaa tilmaamay in Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay ku jiraan dhowaad 30 dal oo Afrikaan ah ay taageerayaan musharraxnimada Fowsiya Yuusuf Xaaji oo metaleysa Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in arrintan ay guul weyn ay u tahay Soomaaliya oo dadaal xoogleh gelineyso kursigan oo ay kula tartami doonto Kenya.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay waddamada ballan-qaadka codka ah u sameeyay Soomaaliya ee kamid a Ururka OIC oo xubin buuxda ka tahay dowladda federaalka.

“Soomaaliya waxay aad uga mahad-celineysaa taageerada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ay ku jiraan ku dhawaad 30 xubnood oo ka socda Afrika, sida ay u garteen oo ay u taageereen magacaabista Soomaaliya ee Fowsiya Yusuf Aadan oo ah musharaxa Soomaaliya ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee 2025-2028.” ayaa yiri wasiir Fiqi.

Tartanka adag Fowsiya waxay la geli doontaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo u ololeynayay inuu noqdo musharraxa dalalka Bariga iyo Bartamaha ee EAC ay taageerto.

Fowsiya waxay noqon doontaa marka ay guuleysato haweeneydii labaad oo madax ka noqoto Midowga Afrika, kadib Nkosazana Dlamini-Zuma ee Koonfur Afrika.

Sida ku cad xeerarka wareegtada ee la sameeyay sanadkii 2018, gobolka Bariga Afrika waa inuu noqdaa kan ku xiga ee soo saaraya Guddoomiyaha AUC. Laakiin xeerarka doorashada ayaa ogolaanaya in tiro badan oo musharraxiin ah ay ka yimaadaan gobolka, taasoo sii hurinaysa tartan degdeg ah oo loogu jiro doorashada sanadka soo socda ee Febraayo.

Maxay ka hadlen Xamza iyo madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya? + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo weli ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaaladaais, kuwaas oo uu la qaadanayo madaxda sare ee dowladda Kenya.

Xamza ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua oo soo dhaweyn ugu sameeyay xarunta madaxtooyada ee dalkaasi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada dal, sida lagu sheegay qoraalka kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ,kaa oo ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada Dal” ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba geesood ah oo ay yeesheen wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xamza iyo dowladda Kenya, kaas oo xoogga lagu saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka, iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika.

Kulankan ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal ee ay saxiixeen wasiirada arrimaha dibadda iyo waxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay wuxuu adkeeyay sida wadahadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.

Sidoo kale wuu ka hadlay saameynta taban ee isbeddelka cimilada oo labada dalba saameeyay, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa horay u qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo xiriirkooda, waxaana ugu muhiimsan iskaashiga ganacsiga oo uu ugu horreeyo Qaadka.

Daawo: DF oo soo bandhigtay muuqaalka duqeyn lagu laayey Al-Shabaab isbaaro u taallay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta baahisay muuqaalka diyaarad si toos u duqeneyso maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan tuulada Furuqley oo hoostegta degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeyntan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliya iyo Saaxibada Caalamiga ah ayaa lagu beegsaday Geed wayn oo ku yaalla tuulada, isla markaana ay isbaaro u taalay xubnaha kooxda Al-Shabaab, halkaas oo ku qaadayeen lacago.

Muuqaal ay duubtay diyaaradda oo haatan la baahiyay ayaa waxaa la arki karaa xubnaha oo geedka isku qarinaya, kadibna ay gantaallo ku dhufaneyso diyaaradda.

Sidoo kale waxaa kasoo muuqday shacab soo baxay oo ku sugan tuulada uu weerarka ka dhacay, kuwaas oo ay diyaaraddu aysan beegsan, maadaama bartilmaameedka kaliya uu ahaa kooxda Al-Shabaab oo halkaas ku noqday dhimasho iyo dhaawac.

Inta uu howlgalkan socday waxaa sidoo kale kaamirada ay soo qabatay baabuur gurmad ku yimid meesha iyo xubno kale oo Shabaab ah oo duqeyn labaad lala beegsaday.

Ujeedka kooxdan dambe ayaa ahaa inay goobta ka daabulaan maydadka iyo dhaawac, balse waxaa haleeshay duqeyntii labaad, sida laga dheehan karo muuqaalka.

Inta badan diyaaradaha dagaalka ee hawada ka taageero ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa weeraro duqeymo ah la eegtay xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, waxaana badanaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Madaxda sare ee Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan xasaasi ah kadib heshiiskii

Nairobi (Caasimada Online) – Shir laba geesoodka ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo daba socda heshiisyo xasaasi ah oo labada dhinac ay shalay ku saxiixeen Kenya ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo madaxweyne ku-xigeenka dalkaas Rigathi Gachagua ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeeyay sida wada-hadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay ra’iisul wasaaruhu saameynta taban ee isbeddelka cimilada oo labada dalba saameeyay, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamza iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya Gachagua ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu xoojinayey xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shalay galab gaaray heshiisyo ku saabsan dhinacyada; arrimaha dibedda, nabadgalyada, dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada iyo arrimaha adeegga bulshada, ayaa waxaa ka dhashay durba fal-celin xooggan, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga hadleen.




















DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Al-Shabaab-ka ku sugan Koonfur Galbeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Al-Shabaab-ka ku sugan Koonfur Galbeed, si looga xoreeyo deegaanada maamulkaasi oo ay haatan ku xoogan yihiin.

Wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta dowladdu waxa ay u dirtay magaalada Baydhaba, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Soo dhaweynta waxaa ka qayb qaatay taliyaha qaybta 60-aad Janaraal Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhaba) iyo saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ka socda halkaasi, waxaana ugu horreyntii uu salaan shafaf ka qaatay ciidamada Xoogga dalka, qaybtooda ku sugan magaalada Baydhaba

Ujeedka Taliyaha ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle uu u gaaray taliska qayb 60aad ayaa ah sidii loo sii xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah khaawaarijta ee ka socda deegaanada koofurgalbeed, isagoo saraakiisha taliska faray in loo dhimriyo shacabka ku nool deegaanada laga xoreeyey Khawarijta.

Taliye Dayax ayaa la filayaa inuu kormeero xeryaha ciidamada, sidoo kalena uu tego jiidaha hore ee dagaalka, si uu u dhiirogeliyo ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

Qorshaha ugu wayn ee dowladda dhexe ayaa ahaa sidii loo bilaabi lahaa gulufka dagaalka ku wajahan Al-Shabaab ee gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool oo wajagii koowaad laga gaabiyay.

Al-Shabaab ayaa saddexdan gobol ku xoogan, waxayna ka haystaan degmooyin waa wayn oo ay ku leeyihiin saldhigyo iyo xarumo muhiim ah.

Si kastaba, wajigii koowaad ee dagaalka oo lagu bilaabay HirShabelle iyo Galmudug ayaa laga soo hooyay guullo waa wayn, waxaana lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran.

Ganacsade caan ah oo lagu toogtay magaalada Boorama

Boorama (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal lagu toogtay mid kamid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal.

Ganacsade lagu magacaabo Muuse Caamir oo kamid ah ganacsatada magaalada Boorama ayaa waxa toogtay mid kamid ah shaqaalihiisa, waxaana soo gaadhay dhaawac.

Caasimada Online oo u kuurgashay xaaladda caafimaad ee ganacsadaha ayaa ogaatay in uusan qabin dhaawac culus, kaasi oo naloo xaqiijiyay inuu ku kooban yahay jiidhka, islamarkaana uu mid fudud.

Ganacsadahan ayaa hadda xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibaya isbitaalka Adal International ee magaalada Boorama.

Ninka toogashada gaystay ayaa waxa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaaalaha goobaha ganacsi ee uu Xaaji Muuse Camir Kaahin kulahaa magaalada Boorama.

Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa toogashadan, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inay is af-dhaafeen ganacsadaha iyo ninka shaqaalihiisa ahaa.

Si kastaba, waxaa bilowday baaritaanno la xiriira kiiskan, ayada oo ay hadda gacanta ku hayaan laamaha ammaanka gobolka, gaar ahaan qeybta CID-da.

Somaliland oo qaaday tallaabo dad badan ka careysiisay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xaalad caafimaad ugu qaaday dalka Jabuuti shimbir haad ah oo dhaawac soo gaaray.

Shimbirkan oo ay sheegtay inuu markii dambe ku dhintay Lawyo-caddo, kadib markii ay xukuumada Somaliland u qaaday dalka Jabuuti si looga daweeyo dhaawac soo gaaray.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare oo warbaahinta gudaha la hadashay ayaa waxay sheegtay in shimbirkan oo ahaa nooca haadka kamid ah uu ku dhaawacmay xadhkaha koronto, kadibna markii ay waxba ka qaban kari waayeen xaaladiisa ay go’aansadeen in ay u qaadan dalka Jabuuti.

“Haad duulaya oo yar oo siddeed bilood jira ayaa waxa uu galay xadhkaheena laydhka, wuu soo dhacay oo waa soo qaadnay. Intii aanu ordeynay markii Jabuuti la geeyay waa dhintay,” ayuu tiri Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Boondare.

Waxay intaas kusii dartay “Anagu dadaalnay intii aan dadaali kareynay, taasina waxay na fareysa waajibaadkayaga.”

Sidoo kale waxay sheegtay in ay aad uga xumaadeen dhimashada haadka, islamarkaana ay shaqaalaha wasaaradeedu iskaga tacsiyeeyeen, iyada oo sheegtay inuu ahaa nooc kasii dabar go’aya dhulka Soomaalida.

Arrintan ayaa markii ay baraha bulshada soo gashay waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dadka qaar ay ku macneeyeen “isyeel -yeel iyo mashruuc,” ayaga oo ka careysan heerka nolosha Somaliland ay gaartay, iskaba daa shimbir ee ay xukuumadda dayacday dadkii masuuliyadda ka saarneyd.

Cabdirisaaq Shaqale oo ka fal-celiyay arrintaan ayaa waxa uu yiri “Waa si fiican in xayawaanka loo naxariisto laakiin danyarteeni ayaa dayacan oo TV-yada maalin kasta ka daawanaa, miyeyna ka mudnaan iyo faa’iido badneyn adiga oo ilma yar oo u baahan qaliin wadnaha ah ama indhaha ah u sameyn lahaa intaa?.”

“Qofta hadalkan ku hadlaysa ma qaldana, laakiin nacasnimadeena iyo doqonimada bulshada ay u taliso ayay ogtahay. Somaliduna waxay tidhaa; ishiisa laga arkaa, ushiisa lagu tumaa,” ayuu sidoo kale yiri Barkhad Muxumed.

Maxamed Muuse: “Wasiirada waa in wasaarada caafimaadka loo magacaaba si ay sidan ugu adeegto oo ugu damqato dadka.”

Maxamuud Xuseen Maydhane ayuu isna yiri “Waar ma shinbiraha iyo dadkii ayaa la kala garan waayay kulahaa haad baanu Jabuuti u qaadnay waa wax runtii lala yaabo.”

“Bila aadanka wax tara xayawaanadka dadka ka muhiimsan,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cabdillaahi Cabdi.

Xasan ma heli doonaa dal u beddela Imaaraadka kadib culeys weyn oo soo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasad ahaan, amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba si weyn iskugu dhiibay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta markii uu kusoo laabtay xafiiska.

Bilowgii hore Abu Dhabi waxay u muujisay Muqdisho inay heegan u tahay inay si walba u garabsiiso, si gaar ah arrimaha dhaqaalaha iyo amniga.

Laakiin dhowrkii bilood ee u dambeysay waxay jarteen kabkii ciidanka, waxayna dib ula noqdeen waxyaabihii ay kaga qeyb qaadanayeen la-dagaalanka argagixisada.

Dadka sida weyn ula socda dhaq-dhaqaaqa Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya ayaa isku xiraaya dib u gurashadooda iyo dhacdooyin ay kamid yihiin; musuq lagu sameeyay dhaqaalihii ay siinayeen ciidanka, xubnihii Muqdisho looga dilay iyo saameynta Turkiga ee arrimaha Soomaaliya oo sii xoogeysanaysay.

Inkasta oo garab istaaga Abu Dhabi ee dowladda madaxweyne Xasan Sheekh bilowgii hore looga arkaayay mid looga jawaabayo khilaafkii Farmaajo iyo Imaaraadka, dhinaca kalena lagu sii fogeynayo dowladda Qatar. Haddana Muqdisho hadda salka ayay soo taabatay.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kusoo qancay in aanay dowladda Imaaraadka joojineyn fara-gelinta arrimaha gudaha, gaar ahaan midda Puntland, Somaliland iyo Jubbaland oo ay hadda xoog ugu faafeen, iyada oo uusan Xasan Sheekh taas caro badan ka muujinin ayay iyagii u gaabiyeen liifada.

Hadda illo ku dhow-dhow madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku warameen inuu raadinaayo dal u bedela Imaaraadka oo bixin kara wixii laga heli jiray.

Haddii ay Turkiga kugu soo dhacaan meelaha qaar waa xalin karaan, laakiin waxayse xalin karin lacagaha gacanta laga bixiyo ee aan lasoo marin Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Dhaqankaas dalalka Khaliijka unbaa laga helaa.

Saddexda bilood ee soo aadan haddii uusan madaxweyne Xasan Sheekh helin dowlad si fiican u caawisa dhaqaale ahaan, waxaa la odorasaya inuu xaalka kusii adkaan doono nidaamkiisa, tii oo aanay soo dhoweyn lacagta shidaalka ee ay sida weyn u sugayso dowladdiisa.

Dowladaha Qatar, Sacuudiga iyo magacyo kale ayaa rejo laga qabaa, balse haddii la waayo waxaa lagu qasbanaan doonaa in Imaaraadka Carabta markale magan dhaqaale loo noqdo, sida ay dusinayaan qaar kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka Soomaalida siyaasad ahaan aad uma jecla dowladda Imaaraadka Carabta, waxayna u arkaan mid dhaawaceysa midnimada iyo madax-banaanida dalka, waana sababtii uu Farmaajo shacbiyad badan ugu helay inuu hoos u dhigo cilaaqaadkooda.

Xog: Dhulka Dabdemiska oo la go’aamiyey in laga guuro iyo Xasan Sheekh oo xal keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga guurayo dhulka Dabdamiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ee ku dhow daarta Seybiyaan, kadib markii uu go’aankaas ku adkeystay madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, guddi ay soo wakiisheen dadka degan dhulka dabdemiska iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa u tegay madaxweyne xasan Sheekh.

Wadahadal dheer kadib, waxaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu guddigii iyo madaxweynaha Galmudug ku qanciyey in dhulkaas laga guuro, si looga hir-geliyo shaqadii dabdemiska ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in guddiga uu ka balan qaaday in dhul ku filan qoysaska laga kicinayo dabdemiska ay dowladdu sii doonto, iyadoo waliba loogu darayo boosas dheeraad ah oo laga hirgelinayo goobo danguud ah.

Masaajid, isbitaalo, goobo waxbarasho iyo wadooyin ayuu sheegay Madaxweynuhu in dhulka la siinayo loogu dari doono qoysaska laga rarayo dhulka dabdemiska ee daarta Seybiyaano.

Guddiga iyo madaxweyne Qoor Qoor ayaa la sheegay inay ku qanceen qorshaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh u soo bandhigay ee looga rarayo dhulka dabdemiska, isla markaana lagu dejinayo dhul cusub.

Qoysaska degan dhulkaan ayaa u badan beesha Habargidir, waxayna horay u sheegeen inay dagaalamayaan, hadii la isku dayo in xoog looga kiciyo dhulkooda, balse dowladda, gaar ahaan taliska booliska oo iska dhega-tiraya hanjabaada dadkaas ayaa 3 jeer digniin u diray, kuna amray inay ka guuraan dhulka Dabdemiska.

Hadda, waxaa la sheegay in xiisadu qabowday oo dowladdu keentay xal ka duwan kii ay dadkaani ka caroodeen, maadaama ay ku doodayeen “30 sano ayaan deganeyn halkaan ee hadii aan ka guurno halkaan deegaansanaa?” su’aashaas ayaa noqotay mid la dhaafi waayey dowladana ka hor istaagtay inay awood adeegsato, balse hadda waxaa la sheegay in deegaan cusub loo balan qaaday dadka degan dhulka dabdemiska.

Shirkii u horreeyay oo looga hadlayo hubka Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)  – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirweyne xasaasi ah oo ku saabsan maareynta hubka rasaasta iyo walxaha qarxo,kaas oo socon doono muddo labo maalin ah.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga Mudane Cabdifitaax Qaasim, kaas oo sheegay in shirkan uu kusoo aaday xilli muhiim ah, maadaama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka, ayna ku jirto dagaal culus.

Shirkaan waxaa ka qayb galaya mas’uulyiin ka socda dowladda federaalka, dowlad goboledyada iyo xubno ka socda beesha caalamka, kuwaas oo wax ku biirin doono maareynta hubka ee Soomaaliya, maadaama la filayo in dowladdu soo iibsato hubka culus.

Cabdifitaax Qaasim oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in farxad ay u tahay furitaanka shirkan oo looga hadlayo arrimo ku saabsan hubka Soomaaliya.

“Farxad wayn ayay innoo tahay inaan daaha ka rogno oo aan furno shirweynaha qaran ee lagu maareynayo hubka, rasaasta iyo walxaha qarxa” ayuu yuru wasiir ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inay qodobo wanaagsan kasoo bixi doonaan, kuwaas oo waxtar u noqon doono dowladda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale wuxuu u mahadceliyay dowladaha ka qayb qaatay qaadisyta cunaqabateynta hubka oo ay kamid yihiin Mareykanka, Uk, Jarmalka, Turkiga iyo Ururka Midowga Yurub.

“Anigga oo ku hadlayo magaca dowladda Soomaaliyeed waxaan u mahadcelinayaa intii ka qayb qaadatay in la qaado cunaqabateyntii hubka ee muddada saarnayd Soomaaliya, waxaan rajeynayaaa in shirkan uu kasoo baxo miro-dhal fiican” ayuu sii raaciyay Qaasim.

Waa shirkii uga weynaa ee la qabto tan iyo intii Soomaaliya laga qaaday Cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December ee sanadkii hore 2023-kii.

Fal-celin culus oo ka dhalatay heshiiska xasaasiga ee SOOMAALIYA iyo KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shalay galab ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo muhiim ah.

Heshiisyadan oo ku saabsan dhinacyada, arrimaha dibedda, nabadgalyada, dhaqaalaha, ganacsiga, waxbarashada iyo arrimaha adeegga bulshada, ayaa waxaa ka dhashay durba fal-celin xooggan, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga hadleen.

Heshiiska ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, halka dhanka Kenya uu u saxiixay wasiirka arrimaha dibedda Musalia Mudavadi.

Heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal ayaa waxaa la sheegay in kor loogu qaadayo xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxay heshiisyadan qeyb ka yihiin socdaalka ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Axmed-dahir Shaafici Cabdullaahi: “Kenya waxay hirgili la’dahay heshiishyadii hore loo galay sida isku socodka xuduud benaadka, duulimaadka tooska (direct flights from Mogadishu to Nairobi) iyo heshiishyo kale, markaa kuwaanna kuwaas bey la mid yihiin.”

Cabdisalaan Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Kenya oo wadankeena inta yimaadaan heshis la saxiixanaya lama haayo ayaga lee loo tagaa?!.”

“Heshiis is-afgarad oo hadhow waqtiga doorashada la inkiri doona yuu dhicin,” ayuu yiri Mustafe oo isna kamid ah dadka ka fal-celiyay heshiiskan.

Sakariye Cali Dayib: “Hambalyo- Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo qoto dheer. waan soo dhawaynaa hishiisyadaan is-afgarad ee la wada gaaray.”

“Ganacsiga laguu sheegyo waa qaadka keliya,” ayuu yiri Cumar Jaamac Shire.

Duceysane Cali ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Naga daya ciyaarta heshiis manan galin ee Kenya waxay rabto ayaa u fududeynay, intaas afkiina masoo qaban waayay.”

“Heshiis la saxiixay waxba inoo tari maayo ilaa laga helo dhaqan-gilin, ma Kenya ayaa wax dhaqan galineyso,” ayuu yiri Ibraahim Aadam Yuusuf.

Puntland oo heegan gelisay ciidamada milateriga + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha Guud ciidamada difaaca Puntland General Aadan Cabdi Xaashi ayaa safar shaqo ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxa uuna booqday Dugsigga Tababarada Ciidamadda ee Xorgoble.

Taliyaha ayaa waxaa ugu horeyn halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha dugsiga Xorgoble G/dhexe Burhaan Axmed (Caanood) iyo maamulka iyo macalimiinta dugsigga, waxay uga warameen xaalada dugsigga, marxaladihii uu soo maray iyo hawlaha shaqo ee hadda ka socda.

General Aadan ayaa sidoo kale wuxuu soo kormeeray dhamaan qaybaha uu ka kooban-yahay dugsigga, waxa uuna intaas kadib si gaar ah ula kulmay taliyaha dugsigga G/dhex Burhaan Caanood iyo hawl-wadeenada kale.

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu taliye Burhaan, maamulka iyo macalimiinta uga mahad-naqay shaqa-wanaaga ee ay soo qabteen 5-tii sanno ee lasoo dhaafay, isaggoona kula dardaarmay inay u diyaar-gaaroobaan shaqooyinka kale ee qorshaysan ee ay ugu horeeyaan horumarinta xirfada iyo aqoonta ciidamadda Puntland iyo tababarkooda.

Kormeerka taliyaha ayaa qayb ka ah kormeero iyo dib-uu-habeen lagu sameenayo ciidanka Daraawiishta , ayada oo laga duulayo siyaasadda ah helidda ciiddamo tirakooban oo tayeeysan, si lo dar-dar galiyo howlgaladda amni iyo shaqadda socota .

General Aadan ayaa maalmihii dambe kormeer ku tageyay xeryaha ciidamada difaaca Puntland ee gobolada maamulkaasi, ayada oo heegan buuxa la galiyay ciidanka, ayada oo taliyaha uu askarta u sheegay inay u diyaar garooban wax uu ku sheegay “shaqooyin qorsheysan”.

Xaaladda Itoobiya oo kasii dartay iyo dadkii ugu badnaa…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Muwaadiniinta dalka Suudaan ee qaxootiga ku ahaa gudaha Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga cararaan Itoobiya kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo halis geliyay nolashooda.

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ka cararay xero qaxooti oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya kadib makii lagula kacay dhac, handadaad iyo weeraro joogta ah oo ay geysanayaan ciidamda dowladda Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn waxa ay yihiin.

Laamaha amniga Itoobiya oo waayadii dambe loo haystay caburinta muwaadiniinta iyo iska hor keenka qowmiyadaha dalkaasi ayaa gabay howshii loogu tala-galay ee sugidda amniga dadka ku nool gudaha Itoobiya oo ay ku jiraan qaxootiga.

In ka badan 7,000 oo qaxooti ah ayaa qorsheynaya in ka baxaan xerada qaxootiga ee Comer kadib markii ay waayeen ciidamo suga amnigooda iyada oo qaarkood laga dhacay wixi yaraa ee ay heysteen.

Waxaa sidoo kale adkaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan iyada oo la dhacay kaalmadii loogu tala galay qaxootiga.

Sida ay sheegtay warbaahinta Suudaan, laga soo bilaabo bishii December ilaa Janaayo, ciidamada Itoobiya ayaa kufsaday afar gabdhood, waxaana sidoo kale jira dhac iyo afduub loo geystay shacabka Suudaan ee ku nool gudaha Itoobiya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR) ayaa dhankeeda sheegtay in qiyaastii 27,000 oo qaxooti Suudaan ah ku nool yihiin gobolka Amxaarada, iyada oo ay sidoo kale 20,000 ku jiraan xerooyin qaxooti oo ku yaal Benishangul-Gumuz.

Dhageyso: Fiqi oo shaaciyey xogo culus kadib heshiiskii shalay ka dhacay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa shalay magaalada Nairobi ku kala saxiixday heshiisyo ay ka mid yihiin iskaahsiga difaaca, amniga, iyo ganacsiga.

Heshiisyadaan ayaa daba socda booqashadii uu shalay Nairobi ku tegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, waxaana faahfaahin ka bixiyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wasiir Fiqi oo la hadlay Idaacadda VOA wuxuu ka mid ahaa wasiirradii wax ka saxiixay heshiisyada lagu gaaray Nairobi, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed faahfaahin ka siiyey qodobada ay saxiixeen.

Heshiiskaan ayaa dhacay saddex shir kadib, waxaana heshiisyada la galay ay kala quseeyaan, qeybna ka ahaa dhinacyadii saxiixay wasaaradaha, Gaashaandhigga, Ganacsiga, Waxbarashada, Amniga, Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Kalluumeysiga iyo Arrimaha Dibadda.

“Arrimaha dibadda waxaa lagu heshiiyey in dalba dalka kale uu garab ka siiyo caqabadihii soo wajaha, dhanka gaashaandhigga iyo amniga waxaa diiradda la saaray fududeynta isku socodka bulshada iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana la magacaabay labo guddi oo loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrimahaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale Fiqi ayaa sheegay in bisha 6-aad uu soo dhamaanayo shaqada guddiga loo xil-saaray iskaashiga gaashaandhigga, halka guddiyada loo xil-saaray isku socodka dadka, sida amniga iyo fududeynta safarrada dhulka ah iyo Fiisaha ay soca doonaan ilaa bisha October.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan, halka uu Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, kaas oo kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

 

DF oo soo saartay digniin culus – Maxaa laga cabsi qabaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniino la xiriira fatahaado horleh oo laga cabsi qabo, kuwaasi oo la filayo in ay dhacaan asbuucan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool gobollada Bay, Bakool, Galgaduud, Gedo iyo Jubbada Hoose.

SODMA ayaa sheegtay inay aad u sareyso suurta-galnimada in tobanka cisho ee soo socoto ay dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada.

Waxay si weyn u saameyn doonaan degmooyin ay kamid yihiin; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin, sida ay shaacisay hay’adda SODMA.

“Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas,” ayaa lagu yiri digniintan.

Hoos ka aqriso digniinta kasoo baxday SODMA

Digniin iyo tala-bixin ku aadan fatahaaddo la filayo in ay dhacaan tobanka casho ee soo socda (07 – 16 May 2024).

➤ Tobanka casho ee soo socota ee 07-da illaa 16-ka bisha May 2024-ka waxaa aad u sareeya suurta-galnimada in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin.

➤ Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.

➤ Degmooyinka iyo gobollada kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.

➤ Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.

Xarunta ka digsta halis wadareedka ee SODMA, ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin si loogu feejignaado saameynta roobabka guga uu ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

SODMA waxeey bulshada kula talineynaa inay tixgeliyaan Digniinaha ka soo baxaya hay’adda SODMA iyo dhamaan xaaladaha ku soo cusboonaanaya arrimaha roobabka

Muxuu yahay heshiiska cusub ee XAMAAS aqbashay ayna ku gacan seyrtay ISRAEL?

Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa markii u horeysay shalay ku dhowaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo Masar iyo Qatar ay soo jeediyeen.

Hase yeeshee Israa’iil ayaa diidday heshiiskaasi, kaddib marki ay sheegtay in uusan buuxin shuruudaheeda aas-aasiga ah.

Taasi baddalkeeda, Israel waxay Isniintii sheegtay in ay sii wadeyso weerar ay sheegtay in ay ku qaadi doonto magaalada Rafax ee koofurta Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 1 milyan iyo badh qaxooti iyo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Hindisaha xabbad-joojinta ay aqbashay Xamaas ayaa isugu jira, saddex waji oo marka la isu geeyo ah xabbad-joojin soconeysa bilooyin.

Muddadaasi ayay ciidanka Israel uga baxayaan Gaza, labada dhinac ayaa isku weydaaranaya dadka ay kala hayaan wixi nool iyo inti meyd ahba. Iyo sidoo kale dib u dhiska Marinka Gaza iyo qodobo kale.

Waxa ay Xamaas aqbalaadeeda ku dhaawqday saacado kaddib marki ay Israil ku amartay ilaa 100,000 oo Falastiiniyiin ah in ay ka baxaan xaafadaha bari ee Rafax halkaas oo ay sheegtay in ay duullaan ku qaadeyso.

Goor danbe oo Isniintii shalay ahna, Israel ayaa duqeyn ay ka fulisay xaafado ku yaalla Rafax ku dishay in ka badan shan qof.

In ka badan 34 kun oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur ay Israil ku dishay Gaza tan iyo bishii October.

Israel ayaa weerartay Gaza kaddib marki ay Xamaas 7-di October weerartay koofurta Israa’iil halkaas oo ay ku dishay boqollaal qof kuna soo afduubatay boqollaal kale.

Sawirro: SOOMAALIYA iyo Kenya oo gaaray heshiis culus – Maxaa lagu heshiiyey?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan.

Dhanka Kenya, waxaa heshiiskaan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista.

Heshiiskaan waxaa kor loogu qaadayaa xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Arrinta keliya ee looga baaqsan karo in Muqdisho uu ku laabato xaalkii xumaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii tegay dib ugu soo laabtay toogashooyinka ay geysanayaan kooxaha argagixisada. Kadibna waxaa sahal noqotay inay baxsadaan falka kadib.

Dilkii ugu dambeeyay waxaa xaafada Iskuul Buluusiyo loogu geystay Korneyl Aadan Cumar Axmed (Aadan Biit) oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, gaar ahaan Booliska.

Marka aad maqasho dilaagii waa baxsaday keliya ma ahan gaabis ciidan ee sidoo kale waxaa maqan wada-shaqeyntii laamaha amniga iyo shacabka magaalada.

Dib haddii aad u raacdo diiwaanka dhamaan dilayaashii lagu qabtay goobta ay falka ka fuliyeen waxaa iska kaashaday ama ay ku timid wada-shaqeynta shacabka iyo ciidanka.

Bartilmaameedka argagixisada waa qof walba oo aan fikirkooda raacsaneyn, haddii aanad argagixisada ku fikir aheyn waxay raadinayaan inay ku dilaan.

Sidaas darteed majirto sabab aad u sugto, waxa ugu horreeyay ee ku banaana waa inaad la shaqeysa ciidanka oo la wadaagta Garanwaaga iyo kuwa aad ka qabto shakiga ama aad xogtooda hayso, si aad u badbaado oo dadkana u badbaadiso.

Baahida ugu badan ee amniga waxaa qaba shacabka ku nool magaalada Muqdisho, haddana badankood ma caawinayaan kuwa doonaya inay difaacaan oo ah ciidanka.

Si loo soo afjaro toogashada socota, argagixisada ku dhuulaameysanaysa caasimadda, aadna u badbaadiso naftaada iyo midda walaalka la shaqeey laamaha amniga.

Dowladdana waxaa laga rabaa inay xafido xogta shacabka caawinaya ciidanka iyo inay dhisaan hal abuur cusub oo ay ku heli karaan gacanta shacabka. Xalka toogashadu waa xoojinta isku xirnaanta ciidanka iyo shacabka

NISA oo fashilisay isku dey dil, gacantana ku dhigtay Al-Shabaab-kii fulin rabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo xubno Shabaab ah ay rabeen inay ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

NISA oo soo bandhigtay labada nin oo mid kamid ah uu meyd yahay, ayaa waxay dilka ka fulin rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey daba-gal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, sida ay goordhowey shaacisay NISA.

“Kadib waxaa halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyada oo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, islamarkaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Arrintan ayaa imaneysa xilli maalmihii u dambeeyay ay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay ka dhacayeen falal ammaan darri ah oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsanayay hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha caasimadda.

Dhammaan weeraradan ayaa dhacay, ayada oo weli dadaallo amni sugid ah ay wadaan ciidamada ammaanka oo bilo kahor ku guuleystay inay xasiliyaan amniga Muqdisho.