27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan iyo Xamza oo laga dalbaday inay ka xishoodan arrin yaab leh oo soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaylo dhaantii ka dhalatay arrinta dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya ayaa waxaa soo kordhaya baaqyada iyo dalabaadka loo dirayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka, si wax looga qabto arrintaas iyo guud ahaan ‘adhul boobka ka socda’ magaalada Muqdisho.

Senataro Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay horay uga digeen dhul boobkan oo ay sheegtay inuu kusoo aaday kadib ansixintii wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Maryan oo ka hadashay arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya ayaa sheegtay in xaaladdan oo kale ay horay uga taagnayd qabuuraha Macallin Nuur, sidaas daraadeedna ay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ka dalbaneyso in laga xishood qabuuraha.

“Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey” ayay tiri Senator Maryan Faarah Kaahiye oo qoraal dheer soo saartay.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

SHALAY WAXAY AHAYD QABUURIHII REER MACALIN NUUR IYO DAB-DAMISKA

Sidaan horey uga digay, boobka dhulalka Danta Guud ayaa imaan doona kaddib ansixintii Dastuurka oo ahaa mid baalmarsan dhammaan Xeer-hoosaadyada iyo acraafta kale ee labada Gole ee JFS.

Xildhibaanno kale iyo aniguba waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynay in ballanqaadyo lagu baddashay Ansixinta Dastuurka-taas oo shacabkeena sharafta leh iyo inta yar ee waddaniyaddu ku dambayso ee Labada Aqal ku jirta ay ogyihiin.

Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey.

Waxaa nasiib darro ah in Hoggaanka sare ee dalku uu sidaa maanta raali ka noqdo;inuu raali ka noqdo soo bixinta lafaha Dad badan oo Qaranka u soo shaqeeyey oo ku aasan Iskool Bolisiya.

Waxaan xusuustaa oo sidoo kale la ii xaqiijey in halkaas lagu aasay Xildhibaanno Qaran, Saraakiil Ciidan, Diblomaasiyiin iyo dad kale oo bulshadeena magac iyo maamuus ku lahaa!

Sidaa si lamida, waxaan Xildhibaanada Labada Gole ee damiirka-dowladnimo ku dambeeyo u soo jeedinayaa in ay u istaagan daryeelka iyo difaaca shacabkeena dhibban.

DIFAACA SHARAFTA QABUURAHA & DIFAACA SHACABKEENA QAALIGA AH WAA WAAJIB MUQADAS AH.

Sawirro: Sidee Xamza loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi?

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Musalia Mudavadi, wasiirka difaac Kenya Aadan Barre Ducaale, wasiirka arrimaha dibedda XFS Axmed Macalin Fiqi, xubno ka tirsan dowladda Kenya iyo Safiirka Soomaaliya ee kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Safarka ra’iisul wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, socdaalka, amniga gaar ahaan la-dagaalanka Khawaarijta, dalxiiska, caafimaadka, iyo waxbarashada, sida algi yiri qoraal uu soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xamza ayaa inta uu joogo Kenya waxa uu la kulmi doonaa Madaxda Kenya iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, isaga oo la wadaagaya fursadaha maal-gashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la-dagaallanka Khawaarijta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Xamza oo casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa sidoo kale wada-hadallo kula yeelan doono Nairobi.

Booqashadan ayaa kusoo aadeysa, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiisyo kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya William Ruto.

Xaaladda Kenya oo dareysa iyo arrin laga cabsi qabo

Nairobi (Caasimada Online) – Xaaladda ka taagan dalka Kenya ayaa kasii dareysa kadib roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay halkaasi.

Saraakiisha ayaa ku qiyaasay in ka badan 200 oo qof in ay ku dhinteen Kenya tan iyo bishii March, iyada oo 90 kalena la la’yahay.

Kenya oo la daala dhacaysa fatahaado ay dad badan ku dhinteen ayaa geesta kale waxaa laga cabsi qabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid, sida uu sheegay madaxweynaha dalkaasi William Ruto.

“Kenya waxaa laga yaabaa inay wajahdo duufaantii ugu horreysay abid,” ayuu madaxweyne Ruto u sheegay muwaadiniinta isagoo khudbad heer qaran ah u jeediyay dalkaasi, iyada oo xaaladda taagan ay saameysay boqollaal kun oo qof.

Ruto oo Jimcihii hadlay ayaa sheegay in aysan jirin meel kamid ah dalka oo ka badbaadiyay “bur-burka”, wuxuuna ka digay in xaaladda la filayo inay kasii darto maalmaha soo socda, iyadoo la filay cimillo aad u daran.

“Duufaantan oo lagu magacaabo Hidaaya, waxay dhici kartaa wakhti kasta, waxaana la saadaalinayaa inay sababi karto roobab mahiigaan ah, dabaylo iyo mowjado xooggan oo khatar ah kuwaasi oo laga yaabo inay carqaladeeyaan dhaq-dhaqaaqyada badda ee Badweynta Hindiya iyo deegaannada ku teedsan xeebaha Kenya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Dalkeennu waa in uu si adag oo deg-deg ah uga jawaaaabaa saameeynta dhibaatada ka dhalan karta, lana ilaaliyaa nafta iyo hantida.”

Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan dugsiyada la xiro muddo aan la cayimin kadib roobabkii lixaadka lahaa ee dalkaasi ka da’ay.

Maxaa ka khaldamay amniga magaalada MUQDISHO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacayay falal ammaan darri ah oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo weeraro loo adeegsanayay hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafado ka tirsan gudaha caasimada.

Hoobiyihii u dambeeyay ayaa habeen hore kusoo dhacay guri u dhow madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale dilkii u dambeeyay waxaa loo gaystay Aadan Biit oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo lagu toogtay isaga oo fadhiyay maqaayad ku taalla agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Dhammaan weeraradan ayaa dhacay, ayada oo weli dadaallo amni sugid ah ay wadaan ciidamada ammaanka oo bilo kahor ku guuleystay inay xasiliyaan amniga Muqdisho.

Haddaba maxaa ka khaldamay amniga magaalada Muqdisho?

Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye uga hadlay xaaladaha soo kordhay iyo khaladaadka ka jira hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa qiray in ay jiraan dhibaatooyin badan oo lagu hayo shacabka iyo ganacsatada, kuwaas oo qaarkood ay gaysanayaan xubno ka tirsan ciidamada, wuxuuna sheegay in arrintaas ay hoos u dhigtay taageeradii dowladda ee shacabka.

“Dadka dhibaato badan ayay ku jiraan, gaar ahaan ganacsatada waxaa dhibaato ku hayo booliska qaarkiis oo waddada u taagan, marka amni ayaan sugayaa dadweynihiina kama haysto taageero, hay’adaha amniga waxa ay luminayaan taageerada dowladda” ayuu yiri Macow.

Korneelka ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii lagu dilay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal milatari ah oo dhowaan lagu dilay dagaal ciidamada ku dhexmaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

“Haddii aan tusaale usoo qaatay wiilkii sarkaalka ahaa ee lagu dilay Boondheere ciidan meesha maraayo oo baabuuro Tiknika ah wato ayaa askartii dagaalka kala timid oo bannaanka fadhiyo waa kala shakinay xabad ayaaba la’isku bilaabay, yaa u ogolaaday inay intaas oo rasaas ah ku ridaan xaafadaha?” ayuu sii raaciyay Korneelku.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga inay dib isugu laabtaan oo ay saxaan khaladaadka ka dhex jira, si loo soo celiyo wada shaqeyntii shacabka iyo dowladda oo uu tilmaamay inay haatan meesha ka baxday.

Waxaan leeyahay hay’adaha amniga dib ha’isugu noqdaano oo marka dhibaatada lagu hayo dadka baaris halagu sameeyo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Korneel Macow.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan caasimada laga dareemayo culays amni, maadaama ay Al-Shabaab dib u billaabeem weeraradoodii, waxaana sidoo kale soo kordhay beegsi lagu hayo shirkadaha waa wayn, sida Hormuud iyo Korontada BECO.

Arrin cusub oo kasoo korortay dagalka Israel iyo Xamaas

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Xamaas ayaa weli isku maandhaafsan sidii ay u joojin lahaayeen dagaalka Gaza ka socda in ka badan 7 bilood.

Dagaalkan oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, kuna qasbay in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah inay guryahooda ka cararaan.

Isagoo ku sugan Qaahira, hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in kooxda falastiiniyiinta ah ay doonayaan xabad joojin dhamaystiran oo soo afjaraysa wuxuu ugu yeeray “gardarrada” Israel.

Sidoo kalena dammaanad qaadaysa ka bixitaanka ciidanka Israel ee Gaza, halka Xamaas ay sii daynayso ku dhawaad 100 la haystayaal Israa’iiliyiin ah, oo ay ku bedelato sii deynta boqolaal Falastiiniytiin ah oo xabsiyada Isreal ku jira.

Bayaan uu shalay soo saaray, Haniyeh wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu masuul ka yahay “sii socoshada gardarrada iyo ballaarinta dagaalka, iyo burburinta dadaallada loo marayo dhexdhexaadinta nabadeed.

Netanyahu wuxuu diiday in la joojiyo dagaalka, tasoo uu sheegay inay ka dhigantahay in Xamaas oo khatar joogto ah ku ah maamulka Yahuudda gacanta loo geliyo Qaza.

Ra’iisul wasaare Xamza oo safarkiisi u horreeyay ugu baxay Kenya + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminayo ayaa saakiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sanadkii 2022-kii.

Xamza ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo uu wadahadallo kula yeelan doono Nairobi.

Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in safarka ra’iisul wasaare Xamza uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah.

Sidoo kale waxaa qiimeyn lagu saameyn doonaa arrimaha duulimaadyada, ganacsiga, maalgashiga, kobcinta tayada adeegga bulshada iyo tacliinta sare ee labada dowladood.

Booqashadan ayaa lagu sio aadiyay, xilli Kenya ay haatan qorsheyneyso inay heshiis cusub oo la xiriira qaadka la gasho dowladda federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado ganacsiga.

Horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashooyin kala duwan ugu bixiyay Nairobi ayaa heshiis kala duwan lasoo saxiixday dhiggiisa dalka Kenya, William Ruto.

Danjire Awliyo oo afka furtay farriin culusna u diray beelaha Dir iyo Mareexaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalka Senegal Maxamed Xuseen Awliyo oo baaq nabadeed ka soo saaray colaad ka taagan Galgaduud ayaa afka furtay.

Danjire Awliyo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xilligaan ay Galgaduud ku dagaalamayaan beesha uu ka dhashay ee Dir iyo beesha Mareexaan oo kala dega Caabudwaaq iyo Xeraale.

Wuxuu sheegay in reer Caabudwaaq ay ku tilmaamanyihiin wadaniyiinta ay Soomaali ku dayato, halka beesha Dir ay ku tilmaaman tahay diinta, maadaama ay ka dhasheen mashaa’ikh waaweyn oo laga ciseeyo Soomaaliya, gaar ahaan gobollada dhexe.

“Caabudwaaq waxaa ka soo jeeda dad qiimo badan oo hoggaan u soo noqday Soomaaliya oo la yaqaano wadaniyadooda, in maanta wiil yar oo reer Miyi ah uu dagaal geliyo oo dad kale u soo dilo suurtagal maaha, sidoo kale in wiilkaas uu waayo cid ceshata maba dhici karto,” ayuu yiri Amb. Awliyo.

Awliyo, ayaa sheegay in wax la isku dilo aysan maanta oolin inta u dhaxeysa Caabudwaaq iyo Xeraale, isagoo waxgaradka labada beelood ka codsaday in colaadaan ay deg deg u joojiyaan oo maleeshiyaadka kala qabtaan.

“Dhinaca kale gobollada dhexe markii la joogo Dir waxaa ka dhalatay oo lagu ciseyn jiray raacashada diinta islaamka, culimo waaweyn ayaa ka dhalatay, Fiqi Xasan, Sheekh Ibraahim, Sheekh Yuusuf Direed, diinta ayey dadka ugu tali jireen, aaway caalimiintii reer Sheekh Salaad, dadkii uu ka dhashay Yuusuf Dhegabadan, labada dhinacba waxaan ka codsanayaa nabadda inay u istaagaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Awliyo.

Waxgaradka labada beelood ayuu Awliyo ugu baaqay in dhiiga daadanaya aysan sii dhowran, “walaalayaal wax la isku dilo meeshaas ma yaalaan, dhulkaan waa dayacan yahay waana idinka badan yahay ee iimaanku ha idin soo galo, diinta islaamkana ku dhaqma,” ayuu yiri.

Maxamed Xuseen Awliyo ayaa aad ugu mahadceliyey culimo ka tirsan Ahlusunna oo isku howlay joojinta colaadaas, kuwaas oo ka kala yimid, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Guriceel iyo Xeraale, culimadaasi oo magacyadooda uu mid mid u sheegay ayuu sheegay inay qaateen doorkoodii joojinta colaadaas.

“Walaalaha Xeraale iyo Caabudwaaq waxaan leeyahay war dalka waxa ka socda miyaadnaan ogeyn, wiilka maanta micna darada idinkaga dhimanaya, waxay aheyd in Soomaali Galbeed uu cadowga ka xoreeyo oo dhulka la qaadanayo uu difaaco,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyo Safiir hore Awliyo.

Loolanka doorashada ee Galmudug: Caqabadaha iyo fursadaha musharaxiinta

Kani waa maqaal si qotadheer u faaqidaya doorashada Galmudug ka dhici doonta xilligii ay isku waafaqaan madaxweyne Xasan Shiikh iyo madaxweyne Ahmed Qoorqoor.

Aan si eex la’aan ah mid-mid ugu dul-istaagno 5-ta musharax ee ilaa iminka suuqa doorashada iskeentay – waxayna kala yihiin:

1. Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)
2. Dr. Max’ed Adam Jimcaale (Koofi)
3. Liibaan Axmed Xasan (Liban Shuluq)
4. Mahad Maxamed Salaad (Maahir)
5. Cabdiraxman Max’med Xuseen (Odawaa).

Mid-kasta furadaha uu heeysto iyo caqabadaha ku gadaaman oo aan idinla wadaago ku soo dhawaada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor)

Qoorqoor, Wiil ganacsade dhalay, ganacsi lagu soo barbaariyay, Jabhad, ganacsade, maareeye dekedda Muqdisho, wasiir federaal ah iyo madaxweyne Galmudug ah ayay taariikhdiisu u dhexeeysaa.

Shaqsi ahaan waxaan bartay 1992 oo aan xaafadda Ceymiska daris ku aheeyn reer Qoorqoor.

Nin dadaal badan, Habeenkii shaqeeya, maalin-kiina la helo, hadba midabkii uu doono yeelan kara, dantiisa u seex-seexan kara, kasban kara dadka, qaar la dagaali kara, qaar qosol ku dabari kara, Fikir uu adduun ku gaari karo aanu dadaal la’aan ku dhaafeeyn, waayo-aragnimo iyo hoggaamin dabiici ah leh – QABIIL DHANNA KALIGIIS KA QOSLA.

FURSADDAHA UU HEEYSTO

1. Inuu hadda kursiga ku fadhiyo, taas oo u saamaxeeysa inuu habsami-u-socodka doorashada isagu hoggaamiyo ama ugu yaraan kaalin ku yeesho.

2. Waxqabad la wada qirsanyahay aadna loola tacajabay oo uu qabtay muddadii uu joogay Galmudug.

3. Inuu mideeyay casnhuurta iyo dakhliga Galmudug

4. Inuu degmo-kasta gole deegaan u dhisay.

5. Inaanu laheeyn cadow muuqda oo beegsi oo dagaal kula jira qarixii Laasgacameey kadib.

6. Xiriir aan xumeeyn ayaa kala dhexeeyaya dowladda federaalka ah

7. Fursaddiisa dib-udoorashada oo kor u kacday wixii ka danbeeyay markii dib loo soo doortay Saciid Deni.

8. Hadda waa ninka ugu fursadda roon inta tartameeysa haddaan wax isbeddelin, wuxuuna isbaheysi xooggan la leeyahay ugu yaraan hal musharax oo culus.

9. Waa nin si dabiici ah waayo-arag siyaasadeed ugu ah doorashooyinka, dhaqaale heysta, ama heli kara, wuxuuna ka dhex macaashi karaa is-diidooyinka iyo is-xinka musharixiinta kale.

10. Waa shaqsiga kali ah ee soomaaliyeed ee ka run sheegay halkudhiggii uu doorashada ku galay ee ahaa “Waayeel isku wadi kara”

11. Beesha uu ka dhashay ee Saleebaan oo xataa kuwa isaga mucaaradsan isaga ayaa ah kan ugu miisaanka culus, kaftan iyo gorgortanna Saleebaanku kama galaan hoggaamintiisa siyaasadeed ee Galmudug caadi ahaanna Saleebaanka waxaa lagu tilmaamaa beel taladeedu aruursantahay.

CAQABADAHA HORYAALLA

1. Caqabadda ugu weeyn ee hortaalla Qoorqoor waa inaanu jirin cid aamineeysa, wixii ka danbeeyay markii uu dhabarka ka jabiyay madaxweynihii iyo Ra’isalwasaarihii isaga soo dhistay ee dakanada siyaasadeed u soo galay – intaas kuma aanu ekeeyn ee saddex wareeg-doorasho oo habeenkii 15 May 2022 lagu galay teendhada afisyooni, hal wareeg oo kamid ah xataa kuma soo leexan dhanka madaxweynihii naftiisa u soo bixiyay ee Farmaajo – wayna adkaan doontaa inuu helo hoggaamiye danbe oo aamina – wuuse leeyahay xirfad uu ku kasbado.

2. Dowladda jirta oo sida muuqata aan isaga wadan.

3. Hoggaamiyayaasha mucaaradka midkoodna ma wato sida la qiyaasi karo (wax-se dib waa iska beddeli karaan).

4. Wuxuu ku guuldareeystay inuu xal u helo dagaalka soo noq-noqday ee beeshiisa kala dhexeeya inta badan beelaha kale ee Galmudug mararka qaarna gaadiidkiisa in ay qeyb ka yihiin ayaaba la far-muuqaa.

5. Musharax kale oo beeshiisa ah ayaa is sharaxay [Odawaa] waana culeys horleh oo kusoo kordhay.

6. Waxaa lagu tilmaamaa nin ku istimtaaca/raaxeeysta/nafis ku hela.inuu ciqaab daran marsiiyo qofkii dan kursi la xariirta ka soo yeesha iyo inuu yahay nin aanay waxba ka dhammaan xataa hadduu kula rabo waxaas uuna awoodo inuu inta ishu is qabato kuugu sameeyo oo jecel in Fahad Xabeeb loo wada noqdo.

7. Ma heeysto gole wasiiro oo wax kusoo kordhin kara ololihiisa doorashada oo xataa wasiiru-dowlaha xafiiskiisa ayaa musharax kale madaxa ololaha u ah.

8. Dadka xanta waxay ku sheegaan nin aakhirka wixiisa is-iibsan doona aniguse kuma jiro dadka taas oo aaminsan oo waxaan-ba aaminsanahay inuu yagleeli doono xisbi weeyn oo heer federaal ah.

La soco musharaxa xiga, musharexee jeclaan laheeyd inaan maqaalka xiga lagu soo qaato?.

W/Q: Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare)
Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.

Maxkamadda Gobolka oo mudeysay dacwadda 12 masuul + Magacyadooda

Muqdisho (Caasimada Online) –Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mudeysay dhageysiga dacwad Musuq-maasuq ah oo loo haysto masuuliyiin ka tirsanaa hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu soo oogay eedeymo culus oo la xiriira xatooyo xoolo dadweyne.

Warqad saddex bog ah oo ka soo baxday maxkamadda ayaa lagu sheegay in maalinta Talaadada ah ee 14-ka bishaan loo fariisanayo dhageysoga dacwadda.

12 masuul oo agaasimayaal hore u badan ayaa magacyadooda lagu cadeeyey warqadda, kuwaas oo kiis culus oo eedeymo musuq ah uu ka yaallo maxkamadda.

Agaasimayaashii hore ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Koofi iyo Cabdul ayaa ku jira masuuliyiinta magacyadooda lagu soo xusay warqadda maxkamadda.

Sidoo kale, Agaasimihii waaxda canshuuraha beriga Muxudiin Xasan Saabey Jurus ayaa ka mid ah masuuliyiinta magacyadooda lagu soo tixay warqadaan ee mar kale loo fariisanayo dhageysiga dacwada loo heysto.

Dacwadda loo heysto ragaan ayaa dheeraatay, waxaana xafiisyada hantidhowrma iyo xeer ilaalinta ku adkaatay inay keenaan cadeymo lagu qanco.

Dhageysigii ugu dambeeyey ee kiiskaan waxay dacwad oogayaashu muujiyeen in aysan heysan cadeymo ku filan, taas oo sii xoojisay tuhunkii laga qabay in sumcad dil un lagu sameynayo masuuliyiinta lagu soo eedeeyey musuq maasuqa.

Hoos ka akhriso warqadda.

Sababta Farmaajo iyo Kheyre midkoodna uusan hal jiingad xitaa ugu laheyn XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Qofka doonaya xukun ama haysta ee raba inuu muddo dheer sii joogo kuma mashquulo xoolaha, haddii ay dhacdana waa inuu ka samra sharaf, xukun iyo diiwaan wanaagsan intaba.

Soomaaliya waa dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka maanta. Saddex marxaladood oo dowladeed ayay leedahay Soomaaliya.

Mid waa 1960 illaa 1969, midna waa 1969 illaa 1991, midna waa 2000 illaa 2024. Madaxda ku xusan inta u dhaxeysa ee maamulay nidaam shaqeynaya qof walba wax gaar ah ayuu caan ku yahay.

Laakiin mowduuceenan gaaban wuxuu sheegaya laba kamid ah kuwii la arkay tobankii sano ee ugu dambeysay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, siyaasi macangag ku ah xukun jaceylka, haysta laynka waddaniyada, isku-dayay inuu abuuro dariiq walba uu kusii joogi karo xukunka, ku eedeysan gabood-falo dowladeed, balse aan loo haysan xatooyo xoolo dadweyne.

Dhismaha guutooyin ciidan oo isaga gaar u taabacsan, in 17-ka degmo ee gobolka Banaadir uu u dhiibtay kooxo uu ula baxay xooggaga waddaniyiinta, in hoggaanka ciidamada uu ka nadiifiyay odayaashii kuna bedelay dhalinyaro rajiimkiisa daacad u ah, inuu kor usoo qaaday qabaa’ilada tabashada qabay iyo inuu sawirkiisa ka ilaaliyay in xatooyo lagu lifaaqo ayaa dhamaan ku siinaya inuu ahaa nin ka shaqeynaya inuu waqti dheer sii joogo xukunka.

Saddex sano iyo barkii ugu horeysay muddo xileedkiisa waxaa ra’iisul wasaate u ahaa Xasan Cali Kheyre. Waxaa la sheega inay labadoodu maamuleen dowladdii ugu dhaqaalaha badneyd Soomaaliya 24-kii sano ee u dambeysay.

Laakiin labadaasi nin midkoodna maanta magaalada Muqdisho wax guri ah kuma lahan xitaa jiingad yar, loomana haysto dhul dowladeed oo ay iibsadeen, xilli dad badan oo ay isku xilal qabteen ay leeyihiin hanti badan oo ma-guurto, dhulal iyo diiwaan wasakheysan oo ay xatooyo ku xardhan tahay.

Micnuhu waa xukun ayay kooxdaasi rabtay ee xoolo ma rabin. Dowladnimada Soomaaliya waa madax ka nool, waxaa la yiraahda dhamaan laamaha dowladda waxay u dhaqmaan sida ay madaxweynaha ka arkaan.

Madaxda caalamka soo martay dadka illaa maanta ugu muddo xileedka dheer waa kali-talisyada, sababtana waxaa lagu sheega inay xukunkii qaatee oo xoolihiina dadka u dhaafeen.

Shacabka inta badan loogama horkeeni karo madaxda inay waqti dheer xukunka haysteen, laakiin deg deg ayay dadweynaha ugu horyimaadan una nacaan madaxda jaano-boobka ah, sababta oo ah inta xukunka rabta waa kooban tahay laakiin xoolaha dadka oo dhan ayaa raba.

Xaqiiqadu waxay tahay in aan xukun guuleysta iyo xoolo tacbasho halmar laga wada shaqeyn karin.

Muxuu yahay shirka Nairobi uga socda DF iyo Kenya?

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Nairobi maalintii sedexaad ka socoda shir u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Shirkan oo ah midkii 3-aad ee guddiga wadajirka ah ee iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya (Joint Commission for Cooperation) ayaa waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya agaasimaha Afrika wasaaradda arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Shirkaan heerka farsamo ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan wasiirada Isniinta 6-da May.

Shirka berri ayaa lagu wadaa inuu shir-guddoomin doono wasiirka arrimaha dibada Amb. Axmed Macallin Fiqi iyo dhigiisa Dr. Musalia Mudavadi.

Inta lagu guda jiro qaybaha dooduhu waxay diiradda saari doonaan dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaalaha buluugga ah.

JCC ayaa waxaa xigi doona booqashada ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Bare, sida ay shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Ingiriiska oo shaaciyay inuu DENI kala hadlay khilaafka XASAN iyo laba qodob oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa shaacisay qodobo xasasi ah oo looga hadlay kulan shalay magaalada Garoowe ay ku yeesheen Safiirka Ingiriiska Danjire Michael Nithavrianakis iyo Saciid Deni.

Kulankan oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxa uu sheegtay safaaraddu in looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya mdaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, kaasi oo hadda maraya meel xasaasi ah.

Safiirka ayaa Deni ku booriyay muhiimada ay leedahay in la wada-hadlo, xilli ay wakiilada caalamiga ah ay ku cadaadinayaan labada dhinac inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Hoos ka aqriso saddex qodob oo uu Ingiriiska sheegay in kulankaan looga hadlay;

1. Iskaashiga ama wada shaqeynta Puntland iyo UK, sidii kor loogu qaadi lahaa, iyada oo ay PL horey u dalabtay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha caalamka.

2. Muhiimada ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee khilaafku kataagan yahay, gaar ahaana dibu eegista dastuurka DFS, oo ay Puntland diidan tahay nidaamka ay u martay madaxtooyada Soomaaliya, xili wakiilada caalamiga ah ee loo yaqaano C6+ oo ay UK ka mid tahay, ay ku cadaadinayaan labada dhinac in ay wada hadal siyaasadeed yeeshaan.

3. Sida ay UK gacan uga geysan karto kobaca dhaqaalaha ee mandiqada Puntland, tan waxay qeyb ka ahayd dalabka PL ee ah in mashaariicaha horumarinta gaar dhankooda loo siiyo, xili uusan xariir kala dhaxeynin DFS.

Geedi-socodka dowladnimada iyo nidaamka federaalka Soomaaliya oo kaalin weyn ku laheyd Puntland sida la ogyahay ayaa u muuqda in uu ku laabtay halkii uu marayay 2007-dii, xiligaas oo ahayd markii u horeysay oo Puntland xiriirka u jartay dowladda dhexe.

Maxaa ka socda dhulka qabuuraha iyo toogashada Iskuul Buluusiyo ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadeexadaha dhulalka ee ka taagan magaalada Muqdisho waxay markaan ku fideen qabuuraha.

Waxaa shalay qabuuraha Iskuul Buluusiyo laga saaray meydad uu ku jiray meydka Allaha u naxariiste majaajilistihii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo caan ku ahaa naaneysta Ajakis, kaas oo qabuurahaasi lagu aasay dhowr sano kahor.

Qoyskiisu waxay sheegeen in lagu wargeliyay in dhamaan meydadka laga saari doono dhulkaasi ayna kooda la baxaan. Laakiin ma aanay sheegin cidda amarkaasi bixisay.

Xogo soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in qoyska lagu cadaadiyay inay ereygaasi ka laabtan, oo ay ku beddelaan inay iyagu khiyaarkooda ula baxeen.

Laakiin duruufta dib loogu soo faagi karo meyd saddex sano la aasay waa la fahmi karaa in aanay aheyn khiyaar caadi iyo howl fudud.

Qabuurahan ayaa la sheegay in marhore darbi lagu wareejiyay, dadka qaarna si hoose loogu wargeliyay inay meydadka ehelkooda la baxaan.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyo cid walba masuuliyad ayaa ka saaran xurmaynta meytada, laakiin madaxda bixisay amarkaasi dadka ma siinin dhul kale oo meydadka ku aastan.

Goobuhu waa labo qeybood, waa qeybta qabriyada iyo qeybta toogashada. Dadka qaar ayaa sheegaya in ganacsato la siiyay qeyb kamid ah dhulkaasi.

Halka xubno ka tirsan dowladda oo la hadalnay ay iyaguna ku doodayaan in qabuuraha loo socon oo la rabo qeybta toogashada iyo dhul u dhow, halkaasina laga dhisi doono xero ciidan.

Maamul xumo, damac yaab leh iyo duulaankii dhulalka oo halkoodii kasii socda ayay noqoneysa farriinta naxdinta leh ee ka timid qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Daawo: Sayid Cali oo arrimo xasaasi ah ka hadlay: Waxaa la’iigu hanjabay dil kadibna…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa mar kale maanta kasoo muuqday maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir oo fadhigii labaad maanta ka yeelatay kiiskan xasaasiga ah.

Sayid-Cali oo su’aallo lagu waydiiyay maxkamadda ayaa ka jawaabay arrimo xasaasi ah oo wax laga waydiiyay, kuna saabsan kiiskan oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa qirtay inuu shidaal soo iibsaday, isla markaana dabka uu qabad-siiyay guriga, isaga oo sheegay in ujeedkiisa uu ahaa inuu gubo alaabta taalay guriga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu isku dayay in xaaskiisa oo gubaneysay uu bad-baadiyo, isagana ay waxyeelo kasoo gaartay dhegaha iyo gacan, sida uu ka hor sheegay maxkamadda.

Waxaa kale oo uu ku dooday in falka kadib dad badan ay kusoo xoomeen, kadibna ay ugu hanjabeen inay dilayaan, isaguna uu sidaas ugu cararay gaarigiisa, uuna aaday suuqa Xoolaha, kadibna uu usii cararay gobollada dhexe ee dalka oo ah goobta laga soo qabtay

“Aniga dad badan ayaa igu soo cararay oo iigu hanjabay inay i dilayaan, anne sidaas ayaa uga baxsaday guriga, maadaama ay xaafadda dagan yihiin qoyska xaaskeyga” ayuu yiri.

Dhinaca kale waxaa maxkamadda kasoo muuqday marqaatiyeyaal cusub, sida gabar kamid ah dariska iyo Dr Ciise oo ah dhaqtarkii u horreeyay ee loo geeyay marxuumadda.

Faadumo Abuukar oo kamid ah dariska marxuumadda ayaa ka hor hadashay maxkamadda, waxayna sheegtay inay aragtay Luul oo gubaneyso, isla markaana Ashahaadaneyso.

“Albaabka waxaa taagnayd marxuumad Luul oo Ashahaadeynao, isla markaana gubaneyso, waxayna dalbaneysay caawinaad” ayay tiri Marqaati Faadumo.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Aniga waxay igu tiri eedo i caawi, kadibna sidaas ayaan ku qaadnay aniga iyo dad kale, waxayna igu tiri intii aan sii wadnay lmaheyga waa Agoon, haddana ma rajoobi doonaan?”

Waxaa gabagabadii soo xiray fadhigan guddoomiyaha maxkamadda racfaanka oo sheegay in doodda ay sii socon doono fadhiga kalena lagu go’aamin doono dhageysiga dacwaddan.

Horay waxaa Sayid-Cali xukun dil toogasho ugu soo xukuntay maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir, kadib markii ay sheegtay in lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay.

Si kastaba, haddii mar kale Sayidcali ay maxkamadaani ku xukunto dil toogasho ah, waxaa u furan inuu mar kale qaato racfaan oo kiiskaan uu u gudbo maxkamadda sare ee dalka.

Soomaaliya iyo Turkey oo ku ballamay 4 arrin oo waa wayn

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa mar kale yeeshay wada-hadallo xasaasi ah oo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Wada-hadalladan ayaa waxaa si gaar ah u yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan oo isku arkay caasimada dalka Gambia ee Banjul, halkaa soo uu ka socdo shirka waddamada Islaamka.

Labada ma’suul ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xaaladda iyo xiriirka labada dhinac oo ah sii xoogeysanayay sanadihii lasoo dhaafay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay kulankan ayaa waxaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku fahmeen xoojinta qodobadii ay kawada hadleen.

Saalax iyo Fidan ayaa sidoo kale ku ballamay in la xoojiyo in la xoojiyo Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo  Waxbarashada oo ay iska kaashanayeen labada dowladood.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah horumarinta iskaashiga ka dhexeeya labada waddan oo soo billowday  sanadkii 2011kii oo xiligaas Turkigu uu dalka kusoo galay caawinta dadkii abaartu saamaynta taban ku reebtay.

Kulankan wuxuu kusoo aaday, xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ay labada dowladda galeen heshiisyo muhiim ah oo ugu horreeyo kan difaaca biyaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb qaataa dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee la dagaalama Al-Shabaab.

XASAN SHEEKH markii uu hadli waayey ayaa loo hadlay

Maaddada la dhaho “Political Communication” waxaa lagu bartaa muhiimadda ay xiriirka iyo la-hadalka dadku u leeyihiin fulinta ajandayaasha iyo siyaasadaha dawladda. Marka la isku xiraayo Siyaasadda iyo Xiriirka, waxaa la yiraa “Siyaasaddu waa hawl iyo hadal isla socda”. Haddii labadaas mid la waayo, kan kale waxba ma tarayo. Siyaasad hadal keliya ah waxaa fashilinaya hawl-la’aan. Mid hawl keliya ahna waxaa fashilinaya hadal-la’aan!

Waxaan isku dayay inaan baaro xogta ku saabsan Qubuuraha la faagayo. Waxaan maqlay in dhulka loogu talogalay saldhig ay Turkigu u dhisayaan si loogu tababbaro ciidamo badda ah oo Soomaaliya loo diyaarinayo. Waa qeyb ka mid ah heshiiskii difaaca ee dhex maray labada dal, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed u wada riyaaqeen.

Dhulku waa dhul hore oo ay dawladdu lahayd, isla ciidamada ayaana isticmaali jiray. Laakiin halkaan waxaa ku jira dhawr nasiibdarro:

1. Ma badna warbaahin xogta raadisa. Waxaa lagu wada kaaftoomay oo xiiso yeeshay hadalhaynta baraha bulshada.

2. Dawladdu [gaar ahaan Madaxweynaha] muhiim u ma arkaan in dadweynaha lala wadaago xogta ku saabsan go’aannada dawladeed. Keliya waxaa laga war-helaa fulinta (enforcement). Waana tallaabada ugu dambeysa oo wixii ka horreeyay ee muhiimka ahaa laga soo gudbay. Waxay taas keenaysaa in la isku fasaxo dadweynaha iyo ciddii xog siin karta— waana cid aan ahayn ciddii xogta runta ah heysay.

3. Madaxweynuhu [sida waaqaca laga arki karo] waxa uu aaminsan yahay in aysan qiimo lahayn in dadka war lagu qanciyo, marba haddii waxqabad lagu qanco uu ka shaqaynayo. Laakiin waxa uu laba jeerba u shaqaynayaa mucaarad aanan iyagu shaqeysan karin. Wuxuu u dhisayaa kaabayaal dawladeed oo ay berrito asaga ka dhaxlaan. Inta uu dhismahaas ku jirana waxa uu isla iyaga fursad lama-helaan ah u siinayaa in shaqadaa horumarka ah ee ay berrito ka dhaxli doonaan ay maanta isla isaga ku sii dacaayadeeyaan oo ku sumcad-dilaan; maadaama uusan [isagu] bulshada u sheegaynin waxa uu qabanayo.

Dabciga siyaasaddu waa legdan luggooyaysan. Waxa ay ku shaqaysaa qaaciddada dhahda: “Ha ka fekerin wanaagga, ee ka feejignaaw cawaaqibta”. Balse Madaxweynaheennu waxa uu ka fekerayaa wanaagga (Virtues), halka ay mucaaradkiisuna ku foogan yihiin inay wanaaggiisaas kala soo dhex baxaan cawaaqib (Consequences) asaga u daran, iyagana u dan ah!

Labada dhinacba waxaan leenahay Nasiib Wacan!

Mohamed Dhaaley

Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta furay kulan xasaasi ah oo looga hadlayey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay kulan looga hadlayey horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa furitaanka kulanka ka sheegay dadaallada dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon, xilli daba-yaqaada sanadkii tegay laga cafiyay Soomaaliya dhamaan deymihii lagu lahaa.

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin wasaaradaha wax-soosaarka dalka ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeel-dheer dhaqaalaha oo uu kamid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka lagu gaarayo isku filnansho dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa waxa kale oo uu tilmaamay sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto goobteeda istiraatiijiga ah, dadkeeda hal-abuurka leh iyo xiriirada dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, si loo horumariyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto fursadaha jira.

Mudane Xamza ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in qorshaha horumarinta qaranka dib-u-casriyeyn lagu sameeyo, loona gudbo qorshe qaran oo cusub oo loogu magac daray NTP, kaasi oo diiradda saarayaa abuurista siyaasado iyo istiraatiijiyado dhaqaale oo taageeraya kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xoojinta xasilloonida dhaqaale.

Xogta kulan xasaasi ah oo dhex-maray R/W Xamza iyo safiirka Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, Axmed Juma Al Rumaithi oo fadhigiisu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladda gobolka, oo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ay ugu horreyso xiisadda heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Imaaraadka ayaa kamid ah waddamada Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, kaas oo ka taageero dhinacyada dhaqaalaha, milatariga iyo arrimaha bani’aadanimada.

Waxaa kale oo uu Imaaraadka gacanta ku hayaa qayb kamid ah ciidanka Soomaaliya, kuwaas oo uu siiyo tababaro gaar ah iyo qalab milatariga.

Wada-hadalladan cusub ee dhex-maray Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan dowladda federaalka ay heshiis difaac lasoo gashay Turkiga, kaas oo la rumeysan yahay inuu ka soo horjeedo Imaaraadka oo isna dhaq-dhaqaaq ka wada dalka.

Maxaan galabsaday? – Gabar ka cabsi qabta sharci xasaasi ah oo farriin culus u dirtay BF

Waxa aan ahay gabadh Soomaaliyeed oo aan weligeed wanaag maahine, wax dhiba geysan, waxa aan ka hayaamey dalkaygii anigoo naf la carar ah, waxa aan tegay dal shisheeye oo aan dalkaygii ahayn.

Waxa aan galay sidaan nafteyda u horumarin lahaa, weligay bulshadeyda diinteyda iyo dhaqankayga kama guurin, magaca Soomaaliyeed wax aan taro maahine waxba uma dhibin

Hadda waxa aan ahay marwo la qabo, waxaa aan wax ku bartey oo wax la bartey dadyoow shisheeye ah maadaama aan yaraa dalka aan joogana Soomaalidu ku yarayd iyagaan la macaamiley oo xidhiidh naga dhaxeeyey.

Ugu dambeyn markaan dhammeystay waxbrashadeydii waxa aan xidhiidh yeelanay wiil caddaan ah oo yurubiyaan ah, waanu is afgaranay, waxaanna ku heshiinay inaan nolol wadaagno.

Waxa uu soo marey sidii diinta iyo dhaqanku oggolaayeen oo ah inuu reerkayga iga doonto iina guursado sida gabadh Muslim ah loo guursado.

Wiilku waa Muslim balse waa Yurubiyaan, taasi waa tan koowaad, waanna midka calafku ii galay ee Eebbe isku kaa qorey anigoo Afrika geeskeeda ka imid inaan badhtamaha Yurub ku kulano.

Ilaa maanta dalka iyo dibadda waxaa aan u taaganahay taageerada iyo taakuuleynta bulshadeyda anigoon u eegin gobolka iyo beesha uu yahay.

Waxa aan ilaa hadda gacanta ku hayaa waalidkay oo aan waajibkii ubad lagu lahaa gutaa, sidoo kale inta aan gacan la gaadho ee dadkayga ah.

Waxa aan hadda la murugaysanahay in baarlamaanka Soomaaliya yidhaahdo, Gabadha Soomaaliyeed ubadkeeda ma aqoonsani haddii uusan Soomaali ahayn.

Arrinta kale ee la yaabka leh baa ah, In wiilka Soomaaliyeed ee guursada gabadh reer kale ah uusan sharcigaasi qabanayn.

Haddaba maxaan galabsadey oo dalkayga xuquuqdii aan ku lahaa layga duudsiyey. Ma dambi iyo dakano ayaan galay?

Bulshada Soomaaliyeed waxaa burburiyey waa garsoor-xumo iyo sinaan la’aan, tanina waxa ay qayb ka tahay caddaalad darradii hore u jirtey.

Haddii uusan qof walba oo Soomaaliyeed helin xaqiisa waxaa iman doonta in la waayo dad lexejeclo dalka ka leh maxaa yeelay haddii qof walba tabashadiisa aan la dhegaysan
Waxaa dhici doonta in laysu garaabi waayo waa tii gabyaagu ku gabyey
“Rag caddaalad waaya sidii Cawsha kala yaac.”

Haddii gabadha Soomaaliyeed ee iyadu aan dooran in ay qaxdo aan dooran in ay dal shisheeye tagto ee duruufta ragga Soomaaliyeed sababeen darteed dal iyo dad shisheeye magansatay haddana la yidhi “Adiga iyo ubadkaagu xaq iyo xerr midna kuma lihidin dalka saw maaha gardarro loo badheedhay.?

Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed waxa aan weydiinayaa maxaan galabsaday? Maxay tahay godobta aan galay ee lay gawdhiyey gaarna laygu saaray?

W/Q: Bilan Sabriye

Faadumo: Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Kenya?

Nairobi (Caasimada Online) – Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka Kenya. Taas oo uu xilkaan u magacaabay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Waxuu sidoo kale madaxweynahu magacaabay hoggaamiyaal kale oo uu ku jiro taliyaha ciidamada qalabka sida kadib geeridii ku timid taliyahii hore ee ciidamada dalka Kenya Gen. Francis Ogolla oo shil diyaaradeed ku dhintay bishii lasoo dhaafay.

Gen Charles ka hariri ayaa loo dalacsiiyay in uu qabto ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada qalabka sida ee Kenya.

Sareeye Gaas Fatuma Ahmed ayaa horey xilal hore oo markii koobaad dumar qabteen kasoo qabatay ciidamda dalka Kenya oo hoggaankoodu waligoodba u badnaayeen rag. Waana haweenaydii koobaad ee ciidamada Kenya ka noqota Sarreeye iyo Guuto iyo Gaashaanle Sare.

Fatuma waxay ciidamada Kenya kusoo biirtay sanadkii 1983-dii iyadoo kasoo kashaqaysay Ciidanka Adeegga Haweenka oo ah talis dumar u gaar ah si ka gooni ahna qaybaha ciidamada difaaca Kenyana u shaqeeya.

Waxayna ahaayeen talis bixiya adeegyada waajibaadka maamul, dhaqaale, dawo iyo xidhiidh ee ciidamada. Cutubkaan ayaana la kala diray sanadkii 1999-kii xubnahii ayaana loo ogolaaday in ay ku kala biiraan qaybaka kala duwan ciidamada, sida kuwa circa, badda iyo ciidamada qalabka sida.

Wada shaqaynta cutubkaan ayaana fursado badan u abuurtay haweenka si’ay uga qayb qaataan waajibaadka ciidamada, dadka sidaan ugasoo dhex baxayna waxaa kamid ah Sareeye Guuto Maj Gen Fatuma Axmed.

Sare u kaceedana waxaa loo arkay guul weyn oo ay ka gaartay horumarinta hannaanka sinnaanta jinsiga ee ciidamda qalabka sida ee dalka Kenya.

2018-kii ayuu madaxweynahii markaas ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta u dalacsiiyay in ay noqoto Jeneraal buuxa, waxuuna markaas sheegay in uu ku xisaabtamaayay in ay noqoto ‘‘tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan haweenka dalku’’.

“U caddee in aysan jirin wax xadidaya haweenka” ayuu yidhi madaxweynahii hore ee Kenya Uhuru Kenya Xiligaas.

Sarreeye Guuto Faatuma Axmed waxay sheegtay in ciidanka in ay ku biirto u uku dhiirigeliyay adeerkeed kaas oo markaas ciidamada ku jiray, waxayna sheegtay in ay aad u jeclayd edabtiisa iyo howlkarnimadiisa. Taasina ay nolosheeda maanhag u noqotay tan iyo koriimadeedii hore.

Waxay sheegtay in qaar kamida ah qoyskeeda ay ka niyad jabiyeen ku biiritaanka ciidanka. “Ma’aha shaqo loogu talo galay dumarka” ayay ku dhaheen siday ka sheegtay telefeeshinka Citizen 2018-kii. “Balse waxaa iga go’anaa in aan isbeddel ku sameeyo noloshayda” ayay tidhi.

Waa hooyo dhashay 3 carruur ah waana qof jecel dhexgalka iyo la socoshada dumarka ka yaryar si’ay u dhiirigeliso. Waana muslimad diinteeda ku adag. Waxay Dugsiga Difaaca Qaranka ee Kenya ka qalin jabisay sanadkii 2000.

Waxayna sheegtay in sare u kacadeedan iyo darajooyinkaan ay gaadhay ay sabab u ahayd edabta iyo howlkarnimadeeda intii ay ku jirtay ciidamada dalka Kenya.

BBC