25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey haweeney ay dalka ka ceyrisay DF

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo

Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo Madaxweynaha uga mahad-celiysay kulankan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa isla Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalkeenna, taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaceeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Daawo: BOOLISKA oo war culus kasoo saaray arrinta qabuuraha Iskuul Buluusiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa soo farogeliyay xiisadda ka dhalatay dhulka qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho, taas oo ka dhalatay markii laga saaray halkaasi qaar kamid ah maydadka.

Afhayeenka booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay inuu jiro amar kasoo baxay taliska oo lagu burburinayo qabuurahaasi, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.

“In maydadka laga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya ma’ahan mid jirto arrintaas, amar kasoo baxay talisyadana ma jiro” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay darbiga lagu wareejinayo qabuuraha, isaga oo xusay in ujeedka uu yahay in lala socdo dhaq-dhaqaaqa qabuuraha iyo cid kasta oo lagu aasayo.

Beriyahan waxaa soo kordhay in qof la dilo, haddana la duugo, si looga hortago arrintaasn ayuu booliska soo kordhiyay siyaasaddan cusub” ayuu mar kale yiri afhayeenku

Dhinaca kale waxa uu afhayeenku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xor u yihiin inay la baxayaan maydadka ehelladooda, hadii ay heli karaan meel ay iyagu la jecel yihiin

“Xor ayay u yihiin bulshada Soomaaliyeed ninka qof ka dhintay ee horay ugu aasay halkan, haddii uu meel wanaagsan ku aasanaayo ama gurigiisa xor ayuu u yahay” ayuu raaciyay.

Arrintan ayaa kusoo aadayo, ayada oo maanta qabuurahan laga bixiyay maydka Majaajiliista Ajakis oo ay ehelladu ay sheegeen inay ku aasayaan goob kale.

Somaliland oo ka laabatay qoraal yaab leh oo ay horey u soo saartay – Maxaa isbedelay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka milariga Somaliland oo war cusub soo saaray ayaa ka laabtay qoraal dhowaan lagu baahiyay boggooda Facebook-ga kaasi oo lagu cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo waddamada Reer Galbeedka.

Shir jaraa’iid oo uu maanta qabtay afhayeenka millateriga Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi (Cabdi-Dheere) ayaa waxa uu ku sheegay in qoraalkaasi aanu ahayn mid rasmi ah oo ay ogaayeen saraakiisha sar sare ee ciidanka milatariga, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi-Dheere oo jawaab waafi ah ka bixiyay warqaddaasi ayaa caddeeyay in aanay kasoo bixin xafiiska taliyaha guud oo markii hore la sheegay inay kasoo baxday.

“Waxaanu jawaab waafi ah ka bixinaynaa warqada ka hadlaysay waxyaabah faraha badan leh, ee dowladaha faraha badan leh lagu duray, xisbiyada qaranka JSL qaarkood lagu duray, warqadaas kamay bixin xafiiska taliyaha ciidanka qaranka ee ay ku suntan tahay” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in waxa ku qoran aysan ka tarjumeyn ciidanka, balse uu daabacay shaqsi gaar ah oo ka tirsan ciidanka Somaliland, kaas oo uu xusay in tallaabo adag laga qaaday, maadaama uu ka hadlay xiriirka Somaliland iyo arrimaha dibadda.

Afhayeenka ayaa sidoo kale raalligelin ka bixiyay qoraalkaasi, wuxuuna sheegay in ciidanka uu u siman yahay xisbiyada kala duwan, kana hadlin karin siyaasadda dibadda.

“Warqadaasi cidkasta oo ay gaadhay waanu ka raaligalinaynaa, si buuxda ayaanu uga raaligalinaynaa, warqad rasmi ah oo xafiiska taliyaha ka baxdayna maaha sinaba” ayuu sii raaiyay Cabdi-Dheere.

Qoraalka hore ee uu talisku beeniyay ayaa lagu sheegay haddii mucaaradka ku guuleystaan doorashada in aanay la shaqeyn doonin, ayna xiriirka u jari doonaa waddamada Reer Galbeedka, kadibna ay iskaashi toos ah la yeelan doonaa dalalka Shiinaha iyo Ruushka.

Dad badan oo ka falceliyay arrintan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadallada is burinaya ee kasoo baxay taliska ciidamada milatariga ee maamulka Somaliland.

Maxaa ka jira in la damciyay qabuuraha Iskuul Buluusiyo oo maydadkii laga soo saaray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal-heyn xoogan ayaa ka dhalatay amar la sheegay in laga soo saaray qabuuraha Iskuul Buluusiya, kaas oo dhaliyay in qaar kamid ah maydadkii ku jiray qabuurahaasi maanta ay dib usoo saaraan ehelladdooda.

Maydadka lasoo saaray waxaa ku jiray Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa majaajilistayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, kaas oo geeriyooday 2021-kii.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Jaceelow ayaa sheegay inay ka war heleen amarkaas oo lagu sheegay in qabuuraha lagu burburinayo, kadibna ay sidaas kula soo baxeen maydka Aabahood, isaga oo sheegay inay ku aasi doonaan meel kale.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.

Dhinaca kale waxaa arrintan ka hadlay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo beeniyay in la amray in maydadka laga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Cali Yare oo sheegay inuu baaritaan sameeyay ayaa waxa ku sheegay inuu ku ogaaday in aan la dacaamin dhulka qabuuraha ee Iskuul Buluusiya, sida uu hadalka u dhigay.

“Baaritaan kooban oo aan ku sameeyay arrinta qabuuraha iskuul buluusiyo waxaan xaqiiqsaday inuu yahay BEENABUUR oo aanay jirin cid damaaciday qabuuraha ama amartay in meeydadka laga saaro toona. laakiin qoyska Marxuum Ajakis ay iyagu si iskood ah ula baxeen. Dadka aan la xariiray waxaa kamid ah isla qoyska” ayuu yiri Cali Yari.

Waxaa kale oo uu yiri  “Isla sidaan oo kale waxaa sannadkii 2019 meydad lagala baxay qabuuraha qaranka markii la sheegay in dowladdu iibsatay taas oo iyaduna aheyd BEENABUUR kale. Qoysaskii maalinkaas ka hadlay waxaa kamid ahaa qoysaska Marxuum Abdullahi Ciise iyo Maxruum Abdirashiid Cali Sharmaake”.

Ma’ahan dhacdadan wax ku cusub magaalada Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii arrintan oo kale ay ka dhacday qabuuraha Macallin Nuur oo iyana ku yaalla Garasbaaley.

Daawo: Maydka AJAKIS oo maanta dib loo soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka taagan xaalad murugo leh, taas oo kasoo korortay qabuuraha Iskuul Buluusiya.

Wararka ayaa sheegaya inuu soo baxay amar la sheegay in la siiyay ehellada ay dadkooda ku aasan yihiin qabuurahaasi oo bilaabay inay la baxaan maydadka.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in dhulka ay ku yaallaan qabuuraha lagu wareejiyay Bulukeeti, taasoo kordhisay walaaca ay qabaan ehellada iyo dadka deegaanka.

Maydadka la bixiyay waxaa ku jira Allaha U naxariistee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo sanadkii 2021-kii lagu aasay qabuurahan, kadib xanuun kusoo booday.

Ehellada Ajakis iyo qaar kamid ah asaxaabitiisa ayaa tegay qabiriga, kadibna soo saaray maydkiisa oo lagu aasi doono meel kale.

Wiil uu dhalay marxuumka oo la hadlay Telefishinka Universal ayaa sheegay inuu soo gaaray warka ku saabsan qabuuraha, sidaasna ay kusoo saareen maydka Aabahood.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.

Ma’ahan dhacdadan wax ku cusub magaalada Muqdisho, waxayna ahayd dhowaan markii arrintan oo kale ay ka dhacday qabuuraha Macallin Nuur oo iyana ku yaalla Garasbaaley.

Xasan Sheekh oo ka baaqday shir muhiim u ah Soomaaliya iyo mas’uulka uu u direy

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqsaday ka qayb-galka Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo ka dhacaya Caasimadda dalka Gambia ee Banjul, halkaas oo ay ku qulqulayaan madax kala duwan.

Madaxweynaha ayaa waxaa beddalkiis baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo Soomaaliya ku metali doono shirkaasi, waxaana ka horreeyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka qayb-galay gogol xaarka shirweynahan.

Sida uu sheegay Yuusuf Garaad Cumar oo ah Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed,  Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka mudane Saalax Axmed Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qeyb-galayo Shir madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul.

Waxaa la filayaa in shir-madaxeedkan uu goor-dhow furmo, ayada oo looga hadli doono arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka, si gaar ah arrinta Falastiin.

Sidoo kale hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka, arrimaha isbeddelka cimillada iyo sugnaanta cuntada.

Si kastaba, shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo ay shalay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ku jira ururkan, kuwaas oo sheegay in aanay aqbaleyn fal xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya, taasi oo xoojineysa guusha diblumaasiyadeed ee dowladda federaalka ka gaartay xad-gudubka Itoobiya.

Daawo: Ciidamada Jubaland oo WEERAR culus ku qaaday GEDO ayaga oo beegsanaya…

Luuq (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay Jubbaland ka sameysay Jimcihii deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalkan oo ka dhacab inta u dhexeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu), waxaana lagu beegsaday Al-Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgalladan ku gaaray deegaano horleh oo dhaca inta u dhexeysa magaaalooyinka Luuq ee gobolka Gedo.

Macallimuu oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay in dagaal ay la galeen Al-Shabaab, ayna ka dileen ugu yaraan 4 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

“Halkan waxaa ka dhacay dagaal ba’an nimankii nabad diidka ahaana waxaa ku gaaray khasaare illaa 4 qof waa kaga dhinteen, dhowr kalena dhaawac ayay ku jiiteen” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay sii wadi doonaan howlgallada gobolka Gedo, si looga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab ee weli ku sugan halkaasi.

“Howlgalkan waa sida uu u billowday, waxaan filayaa in ciidamadu aysan sii joogi doonin meelahaan, waxaana taliskeena uu noqon doonaan gayd wayne” ayuu sii raaciyay.

Dhankiisa guddoomiyaha degmada Luuq ee gobolka Gedo, Daahir Muxumed Nuur ayaa sheegay in howlgalkan lagu xoreeyay deegaanka Shaatoolow oo ay horay u joogeen Al-Shabaab.

“Dhibaato ayaan gaarsiinay waan dagaalanay, haddana waxaan joognaa tuulaada Shaatoolow mana aragno Al-Shabaab oo waa carareen” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Gedo ayaa kamid ah gobollada ay weli ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo weeraro khasaare leh ka fuliya deegaanada gobolkaasi.

Xogta sarkaal sare oo lagu dilay Muqdisho iyo ciidamada booliska oo tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ka sameeyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu baadi goobayeen kooxiii ka dambeeyay dilka Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Booliska.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo ku hubeysan bistoolad, xilli uu ku sugnaa agagaarka iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday raggii dilay.

Booliska oo qaaday tallaabo deg-deg ah ayaa sameeyay howlgal, balse waxa uu ku fashilmay inuu soo qabto dambiilayaasha dilka u gaystay marxuumka.

Aadan Biit oo muddo kasoo tirsanaa Booliska Soomaaliya ayaa xilliga la dilayay ku sugnaa maqaaxi ku taalla agagaarka isgoyska Dalsan, halkaas oo ah goob si weyn loo ilaaliyo.

Dilkan oo u muuqda mid si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn xoogan, waxaana la is waydiiyanaa sida ay ku suuragashay in marxuumka lagu dilo goobtaas oo ay afarta dhinac ka jiraan ciidamo ku sugan kontaroolo ku yaalla halkaasi.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay dhacdadan, sida madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida sarkaalka lagu dilay magaalada Muqdisho.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa” ayuu qoraalka ku yiri madaxweyne C/casiis Laftagareen.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Ehelka,Qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu Tacsiyaynayaa Gerida ku timid Alle Haunaxaristee Marxuum Aadan Biit”.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal ammaan darri oo isugu jiro dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.

Khaatumo oo ka hadashay ‘gantaal’ la sheegay inuu ku soo dhacay deegaanadeeda

Taleex (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay wararka ku saabsan ‘gantaal’ la sheegay inuu Jimcihii kusoo dhacay agagaarka magaalada Taleex ee gobolka Sool arrintaas oo si wayn u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.

Xoghayaha warfaafinta ee SSC oo la hadlay BBC Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa xaqiijiyay in waxa ku dhacay miyiga deegaanka Kalcad oo u dhaxaysa degamada Taleex iyo Godaale uu yahay gantaal habow ah.

Daahir ayaa sheegay in dadka deegaanku u sheegeen Maamulka in xilli hore oo ooga waaberi ah ay maqleen guuxa waxa dulmaraya basle ay aamineen inuu ahaa diyaarad.

“Waxay sheegeen inay xilli barqadii ah tageen goobtu uu gantaalku ku dhacay oo kaliya uu yaalo haraadigii iyo danbas balse waxaa muuqata inuusan dhulka wax badan hoos u jarin marka laga wax yar oo afka hore la galay,”ayuu yiri Daahir.

Mar wax laga waydiiyay sida ay ku xaqiijiyeen in burburkan uu yahay diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal ayuu xoghaye Daahir, sheegay in haya’addaha ammaanka iyo saaraakiisha tagay goobta ay xaqiijiyeen uu ahaa gantaal.

Daahir, wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay rumaysan yihiin inuu ka soo dhacay dhanka jihada bari ee kaga beegan badda cas balse aysan SSC-Khaatumo aysan si rasmi ah u xaqiijin karin halka uu ka yimid iyo cida soo riday toona.

“Waxaa deegaanka gaaray saraakiil ka tirsan haya’addaha ammaanka, waxayna soo aruuriyeen haraadiga gantaalka, waxaana la keenayaa Laascaanood si baaritaan dheerada loogu sameeyo, markaas ayaan heli doonaa faahfaafin intaas ka badan” ayuu yiri xoghayaha warfafinta ee Khaatumo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inaysan jiran wax khasaare dad ama duunyo ah oo uu sababay gantaalka ku dhacay deeganadooda.

“Waxani wuxuu u egyahay gantaal habow ah baan u aragana marka si cad uma sheegi karno inuu dal ama qolo hebel ka yimi, wali baaritaanku ma dhammaan” ayuu yiri Daahir.

Si kastaba, dadka deegaanka u xaqiijiyeen SSC-Khaatumo, waxay rumaysan yihiin gantaalku ka yimid jiidda dhanka bariga kaga beegan xaga badda cas.

Dad ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay duleedka Hargeysa kadib markii…

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay shil baabuur oo maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Aw-barkhadle, kadib markii ay isku dhaceen laba baabuur oo ku socdaalayay halkaasi.

Baabuurka isku dhacay ayaa siday rakaab, waxaa dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay dhaawacmeen 4 kale, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa loola soo cararay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Hargeysa oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay booliska Somaliland oo ku aadan dhacdadaasi sababtay dhimashada iyo dhaawaca ee laga soo wariyay maamulkaasi.

Somaliland ayaa waxaa ku badan shilalka gaari, waxaana badanaa ka dhasha khasaarooyin kala duwna oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Sababta ugu wayn ee soo cel-celisa shilalka gaari ayaa waxaa lagu sheegay darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiidka, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada maamulkaas.

Sawirro: Xamza oo kulankii u dambeeyay la yeeshay Catriona

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulankii ugu dambeeyay la qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Marwo Catriona Laing oo haatan kasii tageysa shaqada.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedkiisu ahaa sagootinta Catriona Laing, maadaama ay soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamza oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyay  Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay Soomaaliya.

Xamza ayaa haweeneydan ku amaanay sida ay u xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, muddada kooban ee ay joogtay xafiiska.

Dhankeeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Catriona Laing ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo ka waday gudaha dalka, kuwaas oo ku macsalaameyneysay madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa ay booqasho ku tegtay qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada, ayada oo wada-hadallo lasoo yeelatay hoggaamiyeyaasha gobollada.

Qaramada Midoobay oo ay hay’adaheeda ka howlgalaan gudaha dalka ayaa xiriir wanaagsan iyo wada shaqeyn buuxda la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND oo gacanta ku dhigtay hub iyo shabakad looga shakisan yahay…

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee  Puntland oo maanta sameeyay howlgal culus ayaa gacanta kusoo dhigay hub sharci darro ah iyo shabakad looga shakisan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah.

Howlgalkan ayaa ka dhacay xeebaha degmada Eyl, halkaas oo kamid ah meelaha laga abaabulo weerarada burcad badeedda ee lagu qafaasho maraakiibta shisheeye.

War kasoo baxay taliska ciidanka badda ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay baaris ku hayaan kooxda lasoo qabtay, sidoo kalena la wareegeen hubka sharci darrada ah.

Sawirrada ragga lasoo qabtay iyo hubka soo galay gacanta ciidamada ammaanka oo ay ku jiraan hub culusayay baahisay Puntland, kuwaas oo qabsaday baraha bulshada.

Sidoo kale ciidamada ayaa sheegay inay ku raad joogaan burcad badeeddii dhowaan madaxa furashada ka qaatay markab laga leeyahay dalka Bangladesh oo laga qaatay lacag $5 milyan ah, kaas oo ay sii daayeen kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah.

Dhanka kale ciidamada ayaa intii ay wadeen howlgalkooda waxay gacanta ku dhigeen doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen, taasoo si sharci darro ah uga kalluumaysanaysay xeebaha bari ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Qorshaha Puntland ayaa ah ka hortagga weerarada ay kooxaha burcad badeeddu ka abaabulayaan xeebaha maamulkaasi, gaar ahaan aagga degmada Eyl ee Puntland.

Burcad badeedda ayaa mar kale dib isku abaabulay, waxayna todobaadyadii ugu dambeeyay ay dhowr weerar ka fuliyeen biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Maxay tahay cabsida iyo walaaca la soo gudboonaaday madaxda sare ee Israel?

Tel Aviv (Caasimada Online) – Saraakiisha Israel ayaa si isa soo taraysa uga walaacsan in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay qorsheynayso inay u jarto warqad lagu soo xirayo hoggaamiyeyaashooda militariga iyo kuwa siyaasada ee lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ka mid yahay.

Maxkamada ICC oo fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa sadexdii sano ee la soo dhaafay baaritaan ku waday falalka ay Israel ka waday dhulka ay heysto iyo waliba sidoo kale falkii ay Xamaas gaysteen.

Waxay awood u leedahay maxakamadda inay dacwad ku soo oogto oo ay xukunto shaqsiyaadka dambiyada culus gaystay sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Waxay hore u soo saartay amarro lagu soo xirayo hoggaamiyeyaal ay ka mid yihiin Vladimir Putin, Liibiya Mucamar Al Qadaafi, iyo dagaal-oogaha reer Uganda Joseph Kony.

Mr Netanyahu ayaa ku eedeeyay maxkamada ICC inay isku dayeyso inay curyaamiso awooda Israel ay isku difaacdo.

Hadalkiisa ayaa muujinaya in arrintan ay madaxda Israa’iil ay si hoose uga wadahadleen.

Inkastoo ICC aysan xaqiijin sheegashada Israa’iil, haddana markii dacwad oogaha guud Karim Khan uu booqday Israa’iil iyo Daanta Galbeed bishii December ee la soo dhaafay farriintiisu waxay ahayd mid cad.

Qareen u dhashay Britain ayaa booqday goobaha ay Xamaas weerartay ee tuulooyinka Israa’iil ee u dhow xayndaabka Qaza, halkaasoo dagaalyahannada Xamaas ay weerareen 7-dii Oktoobar.

Waxa uu sidoo kale la kulmay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, wuxuuna u safray Ramallah si uu ula hadlo qoysaska dhibanayaasha Falastiiniyiinta wixii ay kala kulmeen Gaza iyo Daanta Galbeed. Waxaa uu cambaareeyay rabshadaha ay geysteen dadka rayidka ah ee labada dhinac, wuxuuna ballan qaaday in uu baaritaan ku sameyn doono.

“Dhammaan dhinacyadu waa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuu yiri hadal uu soo saaray xilligaas. “Haddii aadan samayn, ha caban marka xafiiskaygu uu shaqadiisa qabsado.”

Mr. Khan ayaa sheegay in weeraradii 7-dii Octobar, oo rag hubaysan oo Xamaas ka tirsan ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof oo u badnaa dad rayid ah, ayna ku qafaasheen 253 qof, sida laga soo xigtay warbixinnada Israa’iil, ay ka dhigan yihiin “Qaar ka mid ah dambiyada caalamiga ah ee ugu waaweyn.

Arrinka Israa’iil, welwelkiisu wuxuu ahaa laba arrimood. Waxa uu carabka ku adkeeyay in ay waajib ku tahay in uu howlgalkooda milatari ee Gaza ay u fuliyaan si waafaqsan “sharciga lagu maamulo iskahorimaadyada hubeysan”.

Israa’iil ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul darreysatay in ay si ku filan u difaacdo dadka rayidka ah muddada bilaha ah ee ay ku jirtay ololaha duqeymaha, inkastoo ay ku adkeysaneyso in ay qaadayso dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si looga fogaado khasaaraha.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in in ka badan 34,500 oo qof lagu dilay halkaas tan iyo markii uu dagaalku billowday, kuwaas oo u badan carruur.

Israa’iil xubin kama aha ICC waxayna sheegtay in maxkamaddu aysan awood u lahayn. Laakiin maxkamada ayaa xukuntay in tan iyo 2015 ay awood u leedahay Daanta Galbeed, Bariga Quddus iyo Gaza ka dib markii Falastiiniyiintu ay u ansixiyeen heshiiskii aasaaska ee Rome Treaty.

Israa’iil waxay walaac ka qabtaa in haddii la soo saaro warqad lagu soo xirayo hogaamiyayaasheeda ay la kulanto takoor iyo cambaareyn.

Bishii Janaayo, maxkamaddu ICC waxay soo saartay go’aan ku meel gaar ah oo ku amaraya Israa’iil inay qaado tillaabooyin looga hortagayo xasuuqa Gaza, laakiin waxay ka gaabsatay inay u sheegto inay soo afjarto weerarka millatari.

Michael Oren ayaa ahaa danjiraha Israa’iil ee Maraykanka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2013. Waxa uu tilmaamayaa kiis ay Koonfur Afrika dhawaan u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ), taasoo ku eedaysay Israa’iil inay xasuuq u geysatay shacabka reer Falastiin ee Gaza, eedaymo adag.

Dhammaan eedeymahan Israa’iil way beenisay.

BBC

Xaalad culus oo maanta kasoo korortay waqooyiga GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Jimcihi in waqooyiga Gaza ay hadda ka jirto macluul buuxda, kaddib muddo ka badan lix bil oo weerar dhan walba leh iyo xayiraad dhanka sahayda ah oo ay ciidanka Israil ku hayaan guud ahaan Marinka Gaza.

Agaasimaha Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP, Cindy McCain, ayaa sheegtay dadka ku nool qeybta waqooyi ee Gaza ay galeen macluul.

Wareysi ay siiyay warbaahinta NBC ee dalkan Mareykanka ayay McCain oo ah muwaadin Mareykan ah sheegtay, in xaaladda ka jirta waqooyiga ay tahay “argagax,”

“Waxaa jirta macluul— macluul buuxda ayaa ka jirta waqooyiga, waxayna hadda kusii socotaa xagga koofurta.”

Waxay sheegtay in xabbad joojin iyo kordhinta gargaar bani’aadannimo oo la marsiiyo badda iyo barriga ay muhiim u yihiin ka hor tag lagu sameeyo masiibo bani’aadannimo oo ku habsata in ka badan 2.3 milyan oo ruux oo ku nool.

Dhanka kale, ururka Xamaas ee maamula Gaza ayaa rajo ka muujiyay heshiis xabbad-joojin ah oo ay la saxiixdaan Israil, xilli ay Israil ku adkeysaneyso weerar ay ku qaado degmada Rafax.

Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in ay dhawaan ay wafdi u dirayaan dalka Masar si ay u dhameystiraan wadahadallada xabbad-joojinta ee dhawaanahanba socday.

Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa hogaaminaya dhex dhexaadinta wadahadallada labada dhinac.

Booliska oo war culus kasoo saaray qabashada nin xaaskiisii u dilay si arxan darro ah

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin la sheegay inuu dilay xaaskiisii oo u dhashay saddex carruur ah.

Qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigey maanta Maxamed Ismaaciil oo ku eedeysan dilka xaaskiisii.

Howlgalka lagu soo qabtay ninkaas ayaa dhacay maanta duhurkii sida lagu shaaciyey warbixinta booliska, waxaana da’diisa lagu sheegay 44 jir.

Waxaa ninkaas laga qabtay deegaanka Garasbaaley, waxaana lagu sheegay warbixinta booliska in Maxamed uu dilkaas u geystay si bareer ah.

Xabiibo Xuseen Cabdullahi ayaa la sheegay magaca haweeneyda ninkaan loo heysto inuu dilay oo u dhashay seddax caruur ah.

Waxay aheyd 34 jir ninka dilay u dhashay 3 wiil, falkaan dilka ah waxaa loo adeegsadey toorey uu watey eedeysanaha, wuxuuna ka dhacay deegaanka Garasbaalay, gaar ahaan waaxda 2-aad dhinaca Xoosh.

“Ciidanka Boliisku waxay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglaha oo asagana dhaawac isku geystey, waxaana dhaawaciisa lagu daweynayaa isbitaalka Boliiska ee Madiina, iyadoo sida ugu dhaqsida badan loo hor geyn doono cadaaladda,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Xog: Hub halis ah oo lagu sameeyey Iran oo ku soo dhacay gudaha Soomaaliya

Taleex (Caasimada Online) – Magaalada Taleex ee gobolka Sool, waxaa xalay ku soo dhacay hub culus oo lagu farsameeyey dalka Iiraan, kadib markii Xuutuyiinta Yemen ay hubkaas u adeegsadeen Maroab laga leeyahay Mareykanka oo ku socday badda Cas.

Hubkaasi ma geysan wax khasaare ah, wuxuuna ku dhacay afaafka hore ee magaalada Taleex oo dhacda waqooyiga Soomaaliya, magaaladaas waxaa ka taliya maamulka ku meelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

Dadka qaar waxay sheegeen in haraadiga waxyaabaha burburay ee deegaanka lagu arkay ay ula muuqdaan diyaad dagaal, waxaa laga helay calaamado muujinaya inay farsameysay Iiraan, balse warbaahinta Iran oo ka hadashay arrintaan ayaa bixisay xog kale.

Warbaahinta Iran oo aan xiganeyn wax ilo wareed dowladda ah ayaa sheegtay in waxa ku dhacay Soomaaliya uu yahay hal gantaal oo ‘Kuruus’ ah oo ay farsameysay Iran, balse ay rideen Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen oo ku weerartay Markab laga leeyahay Mareykanka.

Xogta warbaahinta dalka Iran waxaa lagu sheegay in Xuutiyiintu ay hubkaas isticmaalayeen ilaa 2019-kii, isla markaana ay ku fuliyeen weerarro badan oo lagu qaaday dalka Sacuudiga.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya uu ku soo dhacay hub laga soo riday dalka Yemen, waxayna arrintaan abuuri kartaa xaalad cusub oo gobolka ah, maadaama lagu soo xadgudbay Soomaaliya.

Dowladda Iran ayaa toos u taageerta xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen, waxayna u adeegsataa weerarro xasaasi ah oo ka dhacay Bariga Dhexe, marin biyoodyada muhiimka ah ee ka ag-dhow xeebaha Yemen.

Dowladaha Soomaaliya iyo Iiraan ma lahan wax xiriir ah, waxaana Iran ka suurtaaba inay jilaafooyin badan u dhigto Soomaaliya,  sida inay hubeyso argagixsada, si lamid ah Xuutiyiinta Yemen, sida ay qabaan quburada ka faalooda arrimaha siyaasadda iyo dhaqdhaqaaqa Bariga Dhexe.

Kiiska wiilka Xasan Sheekh iyo heshiiska Soomaaliya iyo Turkey maxaa ka dhaxeeya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxay galeen heshiis iskaashi dhanka iweydaarsiga dambiileyaasha, maxaabiista iyo eedeysanayaasha ah, heshiiskaan ayaa saameynaya kiis hadda tagaan.

Dhowaan wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa shil gaari ku dilay nin Turkish ah, taasi waxay dhalisay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu maro cadaaladda, waxaana lagu xukumay labo sano oo xabsi ah iyo lacag magdhow ah.

Markii uu dhaqangalo heshiiskaan waxay Turkigu ku qasbanaa doonaan in wiilka Madaxweynaha ay ku soo wareejiyaan dowladda Soomaaliya, si xabsigiisa inta ka dhiman uu ugu qaato Soomaaliya, in heshiiskaani dhaco waxaa la tuhinsan yahay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo juhdi badan ku bixiyey.

Heshiiska Garsoorka ee ay gaareen Soomaaliya iyo Turkiga oo ay shalay ansixiyeen golaha wasiirada ayaa ka kooban afar qeybood, waxaana diiradda lagu saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Qodobka dareenka iyo muranka badan dhaliyay ayaa ah midka , Dhiibidda eedeysanayaal ama dembiileyaasha, qaar ka mid ah khubarada iyo siyaasiyiinta ayaa ka digay saameynta uu yeelan karo qodobkan ku saabsan isu soo gacan galinta eedeysanayaasha ama dembiileyaasha.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in heshiiskan aysan jirin sabab looga baqo.

“Waddamada waxaa jira heshiisyo ay galaan labada dal oo xiriir laba geesood ah ka dhaxeeyo, heshiisyadaas waxaa la yaraahdaa Extradition, qof baa dambi ka galaya wadanka marka dalka kale ayaa soo dalbanaya marka taas hadda waan kala saxiixanay golaha wasiirada ayaana la marsiiyay, lama dhihi karo heshiiskan waxay dowladdu u adeegsa doontaa arrimo siyaasadeed,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Waxaa uu sheegay in heshiiskan isu gudbinta dambiilayaasha iyo eedeysanayaasha uusan siyaasad iyo mucaarad midna quseyn, islamarkana uu yahay mid caalamka oo dhan ka jira.

“Dhiibid eedeysanayaasha ama dembiileyaasha wax mucaarad iyo siyaasad ah ma aha , isu soo gacan galinta waxaa uu leeyahay qaabab sharci ah oo maxkamado ayuu maraa labada wadan-ba marka qofka dambiga halkan ka galay cadeymihiisa ayaa la geynayaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir Xasan Macalin.

Dawladdii dhexe iyo damaca Itoobiya (Xog-warran sirdoon)

Marka hore, waxaan jeclahay inaan in kooban isu tilmaamo, dadweynaha aan hore ula socon qoraalladii taxanaha ahaa ee aan ku soo bandhigay boggan.

Waxaan ka mid ahaa saraakiishii sare ee ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) fursad qaali ah u helay inay qayb lama iloobaan ka qaataan dhismahiisa kaddib markii la mideeyey Qaybtii Sirdoonka Boliiska (Special Branch) iyo kii Ciidammada Qalabka Sida (Military Intelligence), kaasoo dhidibbada u aasaasay Nabad Sugidda Soomaaliyeed, 8dii Janaayo 1970kii. Waxaan go’aansaday inaan intaa uga baxo anigoo u daynayo Ummadda Soomaaliyeed oo runtii ah garsooraha dhabta ah.

Intii u dhexaysay asaaska  ciidanka NSS (08/01/1970) ilaa burburkii dawladdii dhexe (30/12/1990), hawlihii kala geddisanaa ee aan ka qayb qaatay waxaa ka mida ahaa Maamulka iyo lasocodka jabhadihii mucaaradka ee ka horjeeday keligii taliyihii u bareeray inuu qabsashada xukunka ku daadiyo dhiig badan oo uu ugu horreeyo Boqorkii Haile Selassie iyo saraakiil sare oo badan oo ka mid ahaa Golihii Kacaanka ee hoggaanka Itoobiya la wareegay (Derg).

Waxaan ka mid ah saraakiishii loo xilsaaray inay wareystaan madaxda jabhadihii mucaaradka ahaa, kuwaas oo kala ahaa:

1- Meles Zenawi (TPLF – Tigray People’s Liberation Front)
2- Isaias Afewerki iyo Mohamed Ramadan (EPLF) – Eritrean People’s Liberation Front.
3- Osman Salah Sabbi – (ELF) – Eritrean Liberation Front – Garab ku xirnaa dalalka Carbeed.
4- Jeylani Buna – (OLF) – Oromo Liberation Front.

Dawladdii dhexe waxay jabhadahasi iyo hoggaamiyahooda ku martigelisay xafiisyo, deegaanno, gaadiid, raashin iyo baasabooro diblomaasiyadeed ay ku safraan.

Waxaan mid-mid wareysiyo xog uruurin qaatay dhowr bilood la yeelannay madaxdooda iyo saraakiisha la socotay intaba, kuwaasoo natiijadii ka soo baxday u suurta gelisay dawladda Soomaaliya inay ka dhex aragto fursad dagaal oo ay ku xureyn karto Soomaali Galbeed. Waxaan ka diyaarinnay warbixinno kala duwan oo guud ahaan ka koobnaa 2000-2500 bog.

Waxaa hubaal ah in dad badan ay isweydiin karaan ujeeddada aan qoraalkan u soo bandhigay. Sideedba, Soomaalidu waxay ku caan baxday inay daffiraan xusuusta taariikhdooda, Runtii, waxaan ogsoonahay in haddii aad rabto inaad qiimeyso xaaladda aad ku sugan tahay, waxaa lama huraan ah inaad ku saleyso xaaladda aad ku sugnayd (barbardhig: Shalay iyo Maanta), haddiise aad rabto inaad mustaqbalka taxliisho waxaa iyana lagama maarmaan ah inaad ku saleyso midda aad u sugan tahay (barbardhig: Maanta iyo Berrito).

Waxaa hubaal ah in shakhsiyaad kooban ay fikirkaasi qabaan waayo inta badan waxay ku fekeraan maxaad maanta quudataa ee aanu marnaba isku taxluujin mustaqbalkiisa iyo kan qaranka, taasoo lagu tilmaami karo mid hammi la’aan ah. Sidaa awgeed, ujeeddada aan ka leeyahay waa inaan xusuusiyo kuwa aan kor ku soo xusay iyo kuwa isku nafaqeeyo falebbada qabyaaladda (Tribalism Solution Drip).

Haddba, waxyaabihii aan ka barannay wareysiyaddii aan madaxda jabhadaasi la yeelanay waxaan ka mid ah inay ka wada sinnayeen in mucaaridnimaddoda ay ku saleysnayd la-dagaallanka xukunkii markaas jiray ee Mengistu Haile Mariam ee aan marnaba ku ahayn qarannimaha iyo midnimmada Itoobiya.

Haddii aan soo koobo, jabahadaha Tigray iyo Eritreya waxay ka wada sinnaayeen haalgankooda ku saleysan ridista xukunka Mengistu, hase yeeshee tan Oromada, markii aan ka wareysanay dhulka ay u halgamayaan, waxay na soo hordhigeen qariidad aan aad uga fajacnay oo qeexaysay in dhulkooda uusan ku ekeyn dhulka Itoobiya oo keliya ee ay ku andacoodeen inuu soo gaarayo degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kaabigana ku haysa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qiimeyn saddex cisho qaadatay kaddib, Taliska NSS waxay u gudbisay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo, wuxuu amray in si degdeg ah Xafiiskooda albaabada loo laabo, baasaboorrada lagala noqdo si degdeg ahna looga masaafuriyo dalka. Halkaa waxaa ka caddaatay in qowmiyadaha faraha badan ee Itoobiya ka kooban tahay, marka laga reebo Oromadu oo ku sifowday inay tahay qowmiyadda keliya ee Itoobiya ee u hanqal taagaysa dhul Soomaaliyeed.

Su’aasha isweydiinta leh waxay tahay: Xukunka Itoobiya waxaa soo maray Qowniyadda Amxaarada iyo Walayto, waa maxay sababta ay u soo ixbaxday sheegashada dhulka iyo xeebaha Somaaliya kaddib markii ay Oromadu qabsadeen Xukunka Itoobiya oo madax ka noqday Abyi Ahmed? Jawaabtu waxaan u dhaafayaa Soomaalida weli ku jirto waddaniyadda iyo samatabixinta isirka Soomaaliyeed.

Oromadu waxay faafiyaan dacaayad raqiis ah sal iyo raadna lahayd oo ku salysan inay Oromada iyo Somaalidu kala fogeyn kana soo wada jeedaan hal Isir. Soomaaliyey, waxaan leeyahay: Maskaxdu waxay u shaqaysaa sida dallaayad (Parachute) oo si fiican u shaqo gudato markay furanto. Maskaxdu ha furnaato ee yaan lagu koobin oo keliya afkaarta xirxiran oo meelna hiigsanayn.

Qoraalkaygan waxaan ku soo gabagabaynayaa: Jiritaankeenna waxaa heerkan soo gaarsiiyey halgankii awoowayasheenii, marka laga reebo soddonkii sano ee u dambeeyey oo aan dib u noqonnay, annuguna waxaa waajib nagu ah inaan ubadkenna u sii xaarno mustaqbal ka wanaagsan midka aan hadda ku jirno.

Aan dib isugu noqonno, haddii kale waxaan mas’uul ka noqon doonaa, Addun iyo Aakhiro, cawaaqib xumada ka dhalan karta ficilladda xunxun oo aan caadeysannay.

Mahadsanidiin,

W/Q: Ahmed Dhakal
Global Consultant & Analyst
e-mail: [email protected]
X:@AhmedKarate5

Ciidamada Ruushka oo galay saldhig ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka – Maxaa dhacay?

Niamey (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah, sida uu sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhiga Maraykanka u sheegay wakaalada Reuters.

Tallaabadan ayaa daba socota go’aanka ay ciidamada militariga ee xukuma Niger ay ku amreen ciidamada Mareykanka inay dalka ka baxaan.

Saraakiisha militariga ee maamula dalka ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa u sheegay Mareykanka in uu dalka kala baxo ku dhowaad 1,000 askari, kuwaas oo ilaa afgambigii sanadkii hore ahaa saaxiib muhiim u ah dagaalka ka dhanka kooxaha muqaawamada ee dilay kumannaan qof, malaayiin kalena barakiciyey.

Sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhiga Mareykanka oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in ciidamada Ruushka aysan ku dhex milmin ciidamada Mareykanka balse ay isticmaalayaan hangar gaar ah oo ku yaalla saldhigga Airbase 101, kaasi oo ku dheggan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani ee magaalada caasimadda ah ee Niamey.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada Ruushka, oo ay wakaalada wararka ee Reuters ahayd tii ugu horeysay ee ay soo tabisa, ayaa ka dhigaysa in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ruushka ay aad isugu dhow yihiin xilli xifaaltanka militari iyo diblomaasi ee labada dal uu sii kordhayo sababo la xiriira dagaalka Ukraine.

Waxay sidoo kale dhalinaysaa su’aalo ku saabsan masiirka qalabyada Mareykanka ee dalka Niger ka dib bixitaankooda.

“(Xaaladdu) ma fiicna laakiin mid la maareyn karo waqtiga dhow,” ayuu yiri sarkaalka.

Mar wax laga weydiiyay warbixinta Reuters, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin wuxuu hoos u dhigay qatar kasta oo ku iman karta ciidamada Mareykanka ama fursada ah in ciidamada Ruushka ay ku dhawaadaan qalabka militariga Mareykanka.

“Ruushka waxay ku sugan yihiin dhisme gaar ah, marinna uma haystaan ciidamada Mareykanka ama qalabkeena,” Austin ayaa sidaas ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Honolulu.

“Waxaan mar walba diiradda saarayaa badqabka iyo babdbaadada ciidamadeena, hase yeeshee waqtigan, ma arko arrin halis ah marka ay noqoto ilaalinta ciidamadeena.”

Safaaradaha Niger iyo Ruushka ee Washington ayaan deg deg uga jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa lagu qasbay in ay ciidamadooda kala baxaan dhowr dal oo Afrikaan ah kadib afgambiyo xukunka keenay kooxo ay ka go’an tahay inay iska fogeeyaan dowldaha Reer Galbeedka.

Ka sokow ka bixitaanka la filayo ee Niger, ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ka baxay Chad maalmihii dhowaa, halka ciidamada Faransiiska laga eryey Mali iyo Burkina Faso.

Somalia oo taageero cusub oo la xiriirta xiisada Itoobiya ka heshay shir ka dhacay…

Banjul (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero muhiim ah ka heshay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo xalay xilli dambe lagu soo gaba-gabeeyay Banjul ee caasimada Gambia.

Shirka ayaa waxa uu qoraal ku taageeray nabad-gelyada, xasilloonida, madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo meel sare gaartay kadib markii xukuumadda Abiy heshiis beenaad ay ku rabto dhul badeed la saxiixtay Somaliland.

Sidoo kale waxay wasiirrada dalalka Islaamka ay qoraalkooda ku sheegeen in aanay aqbaleyn fal xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo wada-jirka dhuleed ee Soomaaliya, taasi oo xoojineysa guusha diblumaasiyadeed ee dowladda federaalka ka gaartay xad-gudubka Itoobiya.

Shirka ayaa isaga oo taageeraya xoojinta kaalinta Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamka iyo urur goboleedyada wuxuu hoosta ka xarriiqay taageerayna murashaxnimada Fawziya Yusuf Xaaji Adan, oo ah murashaxa Soomaaliya ee guddoomiyaha Midowga Afrika.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminayay ergada Soomaaliya ayaa waxa uu kulammo doceed uu si gooni ah ula yeeshay wasiirrada dhiggiisa ah ee dalal dhowr ah ay kusoo dhammaadeen is af-garad.

Xubnaha wafdiga Soomaaliya oo qaar ay ku koobnaayeen galaan-galka iyo taageerada murashaxnimada Fawziya, waxaa ka mid ahaa laba wasiir oo hore oo arrimaha dibadda ah, dannjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, wakiilka Soomaaliya ee ururka dalalka Islaamka ah iyo diblumaasiyiin kale.

Maalinta berrito ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Banjul uu ka furmo shir madaxeedka dalalka Islaamka, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan 57 dal oo xubno ka ah ururka.