25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xaaladda Marinka GAZA oo quus joogta iyo QM oo ku dhawaaqday arrin cusub

New York (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in dagaalka ka socda Marinka Gaza uu 40 sano dib u celiyay horumarkii halkaasi ka socday, waxaana dib u dhiska Gaza ku kici doona balaayiin dollar sanado badan.

Abdullah Al-Dardaari, oo ah agaasimaha xafiiska waddamada Carabta ee barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa yiri, “Barnaamijka soo kabashada hore ee saddexda sano ah ee lagu celinayo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah hoy ku meel gaar ah oo ku yaala goobihii ay asal ahaan ka soo jeedaan iyada oo taageero bulsho oo dhamaystiran, ay ku kici doonto inta u dhaxaysa 2 ilaa 3 bilyan oo dollar.”

“Dib u dhiska guud ee Gaza maanta, marka loo eego qiyaastayada, wuxuu u dhexeeyaa ugu yaraan 40 ilaa 50 bilyan oo doolar,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Al-Dardaari ayaa weriyayaasha kula hadlay magaalada Cammaan ee dalka Urdun, halkaas oo uu ku daah-furay warbixin cusub oo ay UNDP soo saartay oo ku saabsan saamaynta bulsho iyo dhaqaale ee la filayo ee dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, kaasi oo Talaadadii toddoba bilood jirsaday.

Iska horimaadka ayaa khasaare u geystay nolosha Falastiiniyiinta, iyada oo in ka badan 34,000 oo qof ay ku dhinteen illaa 78,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza.

Bartamihii April, barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawaca ay gaarayeen ugu yaraan 5% dadweynaha Gaza.

Dagaalka ayaa waxa uu dhulka la simay inta badan Gaza, isagoo dhaawacay ama bur-buriyay 370,000 oo guri iyo 9% hanti ma guurtada ah ee ganacsi.

UNDP waxay sheegtay in xitaa xaaladeeda ugu wanaagsan ay qaadan doonto 16 sano illaa 2040 – dib u dhiska guryihii burburay, iyada oo aan la dayactirin kuwa bur-buray.

Haddii wakhtiga dib u dhiska uu raaco qaab la mid ah dagaaladii 2014 iyo 2021 ee u dhaxeeyay Xamaas iyo Israa’iil, warbixintu waxa ay leedahay Gaza waxa ay u baahan tahay ku dhawaad 80 sano si ay dib ugu soo celiso guryihii bur-buray.

Wax soo saarka Falastiin ayaa sidoo kale si weyn dhibaato u soo gaartay tan iyo markii dagaalka billowday, isagoo hoos u dhacay 25% – ama ku dhawaad $7 bilyan.

Al-Dardaari ayaa sheegay in boqolkiiba 29 ay gaari karaan haddii dagaalku sii socdo illaa bisha July.

Maxay tahay farriinta ay DF u dirtay saxaafadda xilli ay tacadiyo ka tirsanayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta hambalyo ku aadan 3-da May u dirtay Saxafiyiinta Soomaaliya, maadaama ay maanta asteysan tahay dabbaal-dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May.

Xuska sanadkaan ayaa loogu magac daray udabbaal-degga maalinta xorriyadda saxaafadda iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee xasaradaha ka dhasha isbedelka cimilada, sida uu shaaciyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa wariyayaasha ku dhiira-galiyay inay door xooggan ka qaataan wacyi-galinta qatarta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, Soomaaliduna ay dhibanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka kamid tahay.

“Munaasabadda qiimaha leh ee maalintan caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda awgeyd waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro Wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah-furnaanta iyo dimuqraadiyadda,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan qirayaa in doorkiina (saxaafadda) wacyi dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah.”

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda, badqabka saxaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha, xilli ay saxaafadda Soomaaliya ka tirsaneyso tacadiyo badan.

“Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go’aan in aan kor u qaadno tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta, waxaan aaminsanahay wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro,” ayuu markale yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa intaas kusii daray “Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada waa tallaabo hore loo qaaday si loo xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka, hawshani waxa ay muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiira-galinta dhaqan galinta mabaadi’da iyo anshaxa suubban ee Saxaafadda.”

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay ‘dhaar cusub’ oo R/W XAMZA uu mariyay wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaarha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada ballan-qaadka iyo qiimeynta waxqabadka 4-tii bilood ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale saxiixan ayaa waxaa qeyb ka ahaa hiigsiga waxqabadka wasiiradda 15-ka ah ee inta ka dhiman sanadkan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo qoraal soo saaray ayaa tallaabadan ku macneeyay inay qeyb ka tahay hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka.

Xamza ayaa sidoo kale faray wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballan-qaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee xukuumadda Dan-Qaran, lagulana xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay tallaabadan?

Tallaabadan uu qaaday ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, ayada oo dad badan ay su’aallo ka keeneen ujeedada dhaarta xafiiska haddii heshiisyadan oo kale loo arko inay lagama maarmaan u yihiin xaqiijinta mas’uuliyadda loo igmaday.

“Xukuumad iyadii heshiis isla galayso!,” ayuu yiri Maxamed Faarax Geedi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabadan.

Xudeyfa Cabdi Cali ayaa isna sidoo kale waxa uu yiri “Wasiirada qaar afar bil iska dhaafe bilna xafiiska ma joogaan, sidre marka macquul ku tahay in la yiraahdo waxqabadka afartii bil ee lasoo dhaafay ayaa wax la iska waydiina?.”

“Dan-Qaran caadi ma aha shaqo ayay hayaan,” ayuu yiri Ibraahim Yare oo isna ka fal-celiyay arrintaan.

Tallaabadan ayaa sidoo kale waxaa ka dhashay shaki horleh, maadaama ay inta badan ka maqan yihiin wasiirradii ugu muhiimsana, sida wasiirka maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa maqnaashihiisa heshiiskan muhiimka ah uu dhaliyay shaki badan, gaar ahaan tan iyo markii baaritaanadii musuq-maasuqa ee dhawaan ay ku lug yeesheen hay’addo muhiim ah oo ay ku jirto wasaaradda maaliyadda.

“Wasaaradda maaliyada xagee looga tagay meesha ugu muhiimsan ee la rabo in lala xisaabmo ayey ahayd?,” ayuu yiri Faysal Caaqil oo kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee tallaabadan ka hadlay.

Si kastaba, Arrintaan ayaa dadka qaar ku riday jawhareersan, iyada oo ay ka dhasheen su’aallo badan sida ay dowladda uga go’an tahay hufnaan iyo isla xisaabtanka iyo weliba sida wasaarradii ugu muhiimsana loo siineyn mudnaanta.

Daawo: Xildhibaanada Abgaal oo DF u qabtay 3 maalin kadib kiisas gilgilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta badan Xildhibaanada beesha Abgaal ayaa shalay ka qeyb-galay banaanbax ka dhacay taallaada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, banaanbaxaas ayaa lagu dalbanayey cadaaladda sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo dhawaan lagu dilay Muqdisho iyo wiil kale oo galabta lagu dilay isla fagaaraha Daljirka.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole, Xildhibaan Maxamed Cajiib, Xildhibaan Yuusuf Kabaale, Xildhibaan Yaasiin Farey, Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul iyo Duqa Muqdisho ayaa dadweynihii careysnaa kala soo qeyb galay banaanbaxa.

Dadka banaanbaxa dhigay ayaa dowladda ka codsaday in cadaaladda lasoo taago ragii dilay sarkaalka oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Nabad Sugidda, sidoo kale masuuliyiinta ayaa fagaaraha Daljirka kula hadlay dadweynihii careysnaa.

Iyadoo laga cabanayo dilkii Dhamme Sayid Cali Cabdi ayaa galabta wiil kale oo dhalinyaro ah lagu toogtay fagaaraha Daljirka, kadib markii askar isku dayeysay inay dadka kala buriyaan ay rasaas ku fureen dadkii bilaabay banaanbaxa.

Wiil ka mid ahaa dadkii banaanbaxa bilaabay ayaa halkaas ku geeriyooday waxaana cakirantay xaaladda oo waxaa cirka isku shareertay carada dadweynaha, intaas kadibna waxaa goobta soo gaaray masuuliyiinta dowladda ku metesha dadweynihii cadaaladda dalbanayey.

Xildhibaanada oo mid mid u hadlay ayaa balan-qaday in kiiska Taliye Sayid-cali ay dabageli doonaan oo dhiigiisa ay meel soo saari doonaan, cadaaladana lagu xali doono kiiskaan oo ah mid culus, maadaama la dilay sarkaal muhiim ah.

Xildhibaanada ayaa dadweynaha careysan ka codsaday inay kala tagaan oo banaanbaxa joojiyaan, isla markaana ay ka war sugaan ayaga oo cadaalad u raadi doona wiilasha la dilay oo mid uu ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.

Is-rasaaseyn habeeno ka kor ka dhacday degmada Boondheere ayuu dhaawac culus ka soo gaaray Taliye Sayidcali iyo askar ilaalo u aheyd, kadib markii sida la sheegay inay gurigiisa ku weerareen askar ka tirsan NISA.

Taliyaha ayaa Arbacadii u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, waxayna masuuliyiinta hadlay qabsadeen 3 maalmood oo arrintaan ay xalkeeda ku keeni doonaan, iyagoo balan-qaaday in ehellada marxuumka ay warbixin dhameystiran u soo gudbi doonaan.

Hoos ka daawo

 

Ciidamada booliska ee UK oo xabsiga dhigay tobanaan qof oo hor istaagay…

London (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska ee Britian ayaa xabsiga u taxaabay illaa 45 qof Khamiistii, kuwaas oo isku dayayey inay hor-istaagaan in dadka magan-gelyo doonka ah laga qaado goob ay deganaayeen.

Tobanaan qof ayaa isu-soo baxyo ka sameeyey barxadda hore ee Hotel ku yaalla Koonfurta London, iyaga oo xilligaas doonayey inay joojiyaan bas ay saarnaayeen dad magan-gelyo doon ah.

Waxay wararku sheegayaan inay dadka dibad-baxa samaynayey ay naqaska ka siidaayeen taayirada gaadhiga isla markaana ay isku hareereeyeen.

In xal loo helo dadka sida sharci-darrada ah ku imanaya Britian ayaa ka mida qodobada ugu xasaasisan ee horyaalla xafiiska ra’iisal wasaare Rishi Sunak, waxaana kharash badani kaga baxaa goobaha ay dejiyaan dadka magangelyo doonka ah inta ay sugayaan in kiiskooda meel la saarayo.

Dhawr askari ayaa waxyeello soo gaadhay, xilli ay isku dayayeen inay xakameeyaan dadka mudaharaadayey.

Booliska ayaa sheegay in sababaha ay dadka u xidheen inay ka mid tahay inay xannibeen isu socodka gaadiidka, inay ka horyimaaddeen booliska ama ay waxyeello soo gaadhsiiyeen.

Wasiir warbixin ka soo saaray xog culus oo uu la wadaagay Ra’iisul Wasaare Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre la wadaagay qiimaynta afarta bil ee ugu horeysa waxqabadka Ballaan-qaadka shaqo ee horyaalla wasaaradda.

Ballanqaadka Shaqo ee Waasaaradda ayaa soo koobaya hadafyada ay wasaaraddu hiigsaneyso sannadkan 2024, taas oo la qiimeyn doono 4 bil oo kasta wixii u qabsoomay wasaaradda si loo xaqiijiyo in adeeg hufan la gaarsiiyey shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada sida joogtada ah ugu foogan howlaha la xiriira Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga Dhaqaalaha Buluugga.

Wasaaradda ayaa afarta bil ee ugu horeysa ku guuleysatay hirgalinta qodobo muhiim ah kuwaas oo qeyb ka ah ballan-qaadka shaqo gaar ahaan hadafyada loo asteeyey in la gaaro afarta bil ee ugu horreysa sannadkan, tani waxa ay odoros wanaagsan ka bixineysaa in guul wax ku ool ah ay wasaaraddu ka gaarto dhammaan hadafyadeeda ku xusan ballan-qaadka shaqo ee sannadka 2024.

Qorsheyaasha guuleystay ee ku jira afarta bil ee ugu horeysa ballan-qaadka shaqo ee Wasaaradda waxaa kamid ah:

1-Dhismaha iyo qabsoomidda shirarka Golaha Sare ee Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC),

2- Bixinta Ruqsadaha Kalluumeysiga taas oo qeyb ka ahayd qorsheyaasha la doonayo in lagu kordhiyo dakhliga gudaha,

3-Qabashada debaaldegga todobaadka Kalluumeysiga qaranka kaas oo qorshu yahay in uu qabsoomo bartamaha Bishan May. Iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xassan Aadan waxa uu yiri “Waxaan hiigsaneynaa hadafyo wax ku ool ah kuwaas oo aan dooneyno inaan wax uga badalno nolosha bulshada, gaar ahaan kuwa xeebaha, Kalluumeysatada iyo dhammaan dhinacyada ka faa’iideysta Kalluumeysiga, waxaan u dejinnay sannadkan qorsheyaal xambaarsan han iyo himilo Soomaaliyeed, waxaan rajeynayaa in tani ay noqon doonto mid isbadal dhab ah ku sameysa Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha ee dalkeenna”.

Madaama kal-ka ugu horeeya ee sannad shaqeedka 2024 uu si guul ah noogu soo dhammaaday, wasaaraddu waxa ay xooga saari doontaa sidii si hufan loogu hirgalin lahaa qodobada kale ee ku xusan ballan-qaadka shaqo, kuwaas oo ah qodobo aad u xiisa badan, saameyn leh, wax bandanna ka badali doona noloshada bulshada Soomaaliyeed ee ku tiirsan Kalluumeysiga.

Daawo: Beelaha Hawiye iyo Raxanweyn oo ka cabanaya Axmed Madobe, kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo Waxgaradka beelaha Karinle-Hawiye iyo Raxanweyn ayaa maanta Muqdisho ku qabtay kulan ay ku soo bandhigeen cabasho ay ka qabaan xukun ay riday maxkamadda maamulka Jubbaland.

Xukunkaas waxaa lagu riday labo wiil oo lagu kala magacaabo Ilyaas Maxamed Xasan iyo Maxamed Ibraahim Cali, kuwaas oo lagu eedeeyey dil ka dhacay magaalada Kismaayo sanadkii 2016-kii.

Dhalinyarada hadda la xukumay ee odayaashaan ay ka cabanayaan xukunka ku dhacay ayaa mudadaas ku xiraa magaalada Kismaayo.

Saddex dhalinyaro ah ayaa loo qabtay dilkaas, balse mid kamid ah ayaa la siidaayey halka labadii kale dil toogasho ah lagu xukumay.

Odayaasha maanta Muqdisho ku qabtay shirka jaraa’id ayaa sheegay in dhalinyaradaas lagu riday xukun aan cadaalad aheyn, isla markaana aysan helin qareeno u dooda oo ka difaaca eedeymaha loo soo jeediyey.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayey ka dalbadeen in kiiskaan uu soo fara-geliyo, iyagoo si cad u sheegay in dadka ka soo jeeda beelahooda lagu dulmiyo awooda maamulka Axmed Madoobe.

“Sideee sano ayaa wiilasheena lagu heystay xabsiyo ku yaalla Kismaayo, anagoo ah Karanlehawiye iyo Raxanweyn waxaan Jubaland ka tirsaneynaa cadaalad darro, xitaa ragii ku eedeysnaa kiiskaan qaar ayaa la fasaxay, wiilasheeniina waxaa ku dhacay xukun sharci darro ah,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Odayaashaan ayaa sheegay in beesha uu ka dhashay ninkii la dilay 8 sano ka hor ay cadeeyeen in raggaan aysan dilka geysan oo aysan ku qanacsaneyn in loo ciqaabo ninkii laga dilay dartood.

Waxay odayaashaan maaamulka Axmed Madoobe uga digeen inuu ku takri falo awood oo la toogto wiilal aan geysan dilka loo heysto, “Dadkii qisaasta lahaa ayaa dhahaya ragaan ma naloo tooganayo, marka ma jirto sabab uu maamulka Jubbaland ugu madax-adeygo in cadaalad darro lagu toogto wiilasheena,” ayuu yiri oday kale oo kulankaas ka hadlay.

Hoos ka daawo

https://www.facebook.com/share/v/hkx2b5WdSZauRMkn/?mibextid=WC7FNe

Sababta uusan Xamza uga hadli karin doorasho iyo arrimaha wiiqaya damaca Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre wuxuu sheegay in wax walba oo dhaca aanay Soomaalida dib iskugu dooran doonin teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, wallow aanay xukuumaddiisu illaa maanta wax shaqo ah ka qabanin inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Soomaaliya oo maanta laheyn guddi doorasho, sharci doorasho, xisbiyo sharciyeysan, argagixisana weli ka adkaanin, dadkeedu aanay tirakoobneyn, baarlamaankeeda iyo wasiiradeeda qabiil lagu qeybsado, musuqiina uu xarkaha goostay ayay dhinaca kale madaxdeedu ka sheekaynaya doorasho dadweyne oo hufan, tii oo dhanka kale dalka uu yahay dal ay ciidankiisa iyo shaqaalihiisa ajnabi biilan, hanaankiisa siyaasadana aan heshiis laga aheyn.

Xamza Cabdi Barre hadda waa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, laakiin dib aan kugu celiyo shan sano kahor.

2019-kii Xamza waxa uu ahaa guddoomiyihii guddiga doorashada ee maamulka Jubbaland, wuxuu qabtay doorashadii ugu fadeexadda iyo fool-xumada badneyd taariikhda dowladeed ee Soomaaliya. Waxay ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashadan waxaa loo yaqaana saddex qof u keenso kursigaaga xildhibaannimada, kadibna Axmed Madoobe ayaa midkii uu doono ka xulan doona, kaas ayaa qabiilka u noqonaya xildhibaan.

Guddigii doorashadaas curiyay, jiheeyay ee fuliyay waxaa madax u ahaa Xamza Cabdi Barre oo maanta ra’iisul wasaare ka ah Soomaaliya. Micnaha doorashadaas uu Axmed Madoobe kusoo laabtay ee Xamza maamulay ma jirin qabiil xildhibaankooda qortay.

Kursi walba saddexdii qof ee loo soo xulay ee Xamza lagu wareejiyay isna Axmed Madoobe ayuu ku wareejiyay, kaas oo isaguna midkii uu rabo kala baxay kursi walba.

Ra’iisul Wasaare Xamza wuu difaacay doorashadaas, isagoo xisaabta isku dhariga ku difaacaya Axmed Madoobe, wuxuuna iska indho-tiray qaladaadkii iyo fool-xumadii ku jiray doorashadaas.

Maanta isla siyaasigaas ayaa dhaliil ka qaba doorashooyinkii ka dhacay teendhada Afisyoone, oo loo arko kuwii ugu hufnaa Soomaaliya. Sida qura ee aad ku fahmi karto in doorashooyinkii Afisyoone ay dhexda yaaleen oo ay hufnaayeen waa inay marnaba ku adkaanin madaxweynayaashii kuraasta ku fadhiyay xilligii la qabtay doorashooyinkaas.

Haddii la musuqi karo ama la boobi karo doorashooyinkii ka dhacay teendhada Afisyoone marwalba waxaa kusoo laaban lahaa madaxweynaha fadhiya xafiiska.

Soomaaliya waxay u muuqata in hadda laga raadinayo doorashadii ugu horreysay ee la boobi karo, madaxweyne kasta oo fadhiyay Villa Somalia ma jeclayn doorashooyinkii dadbanaa ee gunaanadkoodu ay ka dhaceen Afisyoone.

Sababta ay xilligaasi madaxda u diidanayeen maantana looga cararayo waa in uusan doorashadaasi xadi karin, boobina karin madaxweynaha kursiga fadhiya.

Ra’iisul Wasaare Xamza isagu kuma jiro madaxda Soomaaliyeed ee maanta ka hadli karta hufnaan doorasho, waxaana dhib iyo dhaawac ugu filan diiwaankiisi hore ee doorashadii Jubbaland ee uu kursiga ugu xoogay Axmed Madoobe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isagu ah ninka ay ka go’do inuu saxo jihada dhabta ah ee Soomaali isku aamini karto, kuna sii wada-jiri karto waxay u badan tahay inuu waaqica usoo laaban doono lixda bilood ee soo aadan marka ay mucaaradka Xamar iskugu tagaan oo dowladdiisa xisaabtan lagu bilaabo, kuwa maanta la safana ay diidan sida uu wax u falkinayo, maamul goboleedyada hurdada kasoo toosan, dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkana ay dalbadaan in aan la qaadan karin wax aan loo dhameyn iyo damac caawinaya hal qof.

R/W Xamza oo wasiiraddii ugu badnaa la saxiixday…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta la saxiixday 15 kamid ah Golaha Wasiirrada ballan-qaadka iyo qiimeynta waxqabadka 4-tii bilood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale saxiixan ayaa waxaa qeyb ka ah hiigsiga waxqabadka wasiiradda 15-ka ah ee inta ka dhiman sanadkan.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha oo qoraal soo saaray ayaa tallaabadan ku macneeyay inay qeyb ka tahay hannaanka casriyeynta dowladnimada, xoojinta hufnaanta iyo xisaabtanka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray Wasiirrada in si dhab ay uga shaqeeyaan ballan-qaadka ay saxiixeen ee ku aaddan qorshaha hiigsiga 2024 ee xukuumadda Dan-Qaran.

Sidoo kale waxa uu sheegay in lagula xisaabtami doonno wasaaradda walba mas’uuliyadda saaran iyo ballan-qaadyada ay saxiixeen.

Wasiirradda 15-ka ee kamid ah ee maanta uu ra’iisul wasaare Xamza la saxiixaday ballan-qaadyada iyo qiimeynta waxqabad ayaa waxaa kamid ah;

  • Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
  • Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Dastuurka
  • Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
  • Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha
  • Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
  • Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
  • Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta
  • Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda
  • Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  • Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
  • Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada

Sawirro: Ciidan cusub oo ka tirsan DF oo tababar heer sare ah loogu soo xiray Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Waxaa maanta dalka Jabuuti loogu soo xiray tababar heer sare ah oo muddo u socday ciidan cusub oo qeyb ka noqonaya Booliska Soomaaliyeed.

Tababarkaan oo muddo ka socday Dalka Jabuuti ayaa waxaa kaalin ka geystay dowladaha Talyaaniga iyo Jabuuti, ayada oo ciidanka tababarka loo soo xiray ay ka tirsan yihiin Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa ah dufcadii 20-aad, sida uu shaaciyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo maanta ciidankan cusub tababarka u soo xiray ayaa bogaadiyay dadaalka iyo dhabar-adeyga ay muujiyeen mudadii uu socday tababarkaan.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sanadihii dambe si weyn loo tayeynayay, ayada oo dhowrkii bilood ee u dambeysay ay soo baxeen dafcado cuusb, oo qaarkood ay tababarka ku qaateen dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidankaas ayaa hadda qeyb ka ah booliska Soomaaliyeed, iyagoona ka qeyb qaadanaya dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.

Si kastaba, ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa xilligaan dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, ayada oo dowladda sheegtay inuu qorshuhu yahay in muddo kooban lagu soo afjaro kooxda.

Daawo: Shacab careysan oo maanta dibad-bax ka dhigay MUQDISHO + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne careysan oo maanta isugu soo baxay  Muqdisho ayaa dibad-bax cabasho ah ka dhigay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Shacabka isugu soo baxay halkaas ayaa kasoo horjeeday dilka loo gaystay Sayid-Cali Cabdi Cadde oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka Xoogga dalka oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar la sheegay inay habeen hore gurigiisa oo ku yaalla degmada Boondheere ku qaadeen ciidamada dowladda.

Qaar kamid ah dibad-baxayaasha oo ka hadlay falkaasi ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, ayaga oo sheegay inay ka xun yihiin dilka sarkaalkaasi.

“Sayid-Cali isaga oo gurigiisa joogo cadowga uu furimaha kula dagaalamaayay asoon dilin ayaa nin shaatiga uu wato la wato dilay” ayay tiri gabar kamid ah dibad-baxayaasha.

Sidoo kale ehellada marxuumka oo ka qayb-galay dibad-baxa ayaa sheegay in aanay aasi doonin maydka, illaa laga soo qabanayo dambiilayaasha.

Waxaa kale oo ay farriin u direen dowladda, gaar ahaan madaxweynaha, taliyaha NISA iyo hay’adaha garsoorka ee dalka.

“La aasi maayo Sayid-Cali, illaa cadaalad aan ka helno dowladda waxaan ka rabnaa cadaalad” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka.

Allaha u naxariistee Saydi-Cali Cabdi Cadde oo ahaa sarkaal dhalinyaro ah ayaa kamid ahaa ciidanka lagu soo tababaray Eritrea, wuxuuna ka qayb-qaatay howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dhexe, wuxuuse ugu dambeyn ku baxay isla gacanta ciidanka dowladda.

Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Turkey iyo dal kale + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana goobjoog ahaa inta badan xubnaha Golaha.

Shirka ayaa lagu ansixiyay heshiisyo ay dowladda federaalka lasoo gashay dalalka Turkiga iyo Pakistan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Heshiiska Turkiga lala soo galay ayaa ku saabsan Iskaashi dhinaca Garsoorka oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ay dhawaan wada gaareen Ankara iyo Muqdisho.

Heshiiska Garsoorka ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ka kooban afar qeybood ayaa diiradda saaraya dhinacyada kala ah; iskaashi, Gargaarsi sharciyeed, Dhiibid eedeysanayaal ama dembiileyaal iyo Wareejin Shakhsiyaad xukuman oo xabsi ku jira.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Heshiis Iskaashiga oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan, kaas oo aysan faah-faahin dheeraad ah ka bixin xukuumadda.

Intaas kadib shirka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo howlgalladii ugu danbeeyey ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah looga dhagaystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Labada wasaaradood ayaa sheegay in howlgalladu u socdaan sidii loo qorsheeyay dhawaana qorshuhu yahay in la dardargeliyo dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo galeysay heshiisyo caalami ah, waxaana ugu dambeeyay kan difaaca ee ay lasoo gashay dowladda Turkiga.

 

 

Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho + Bartilmaameedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo kamid ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay waxyeello kala duwan.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay xaafadda Jabad Geelle, waxaana lala eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Korontada Ee BECO.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in gaariga la qarxiyay oo haa booyad uu dab qabsaday, isla markaana ay ku burburtay goobta.

Sidoo kale waxaa dhaawac culus uu soo gaaray darawalka baabuurka, kaas oo loola soo cararay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka wada halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka iyo Shirkadda BECO oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah ee maanta ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo todobaadkan deegaanka Garasbaaley lagula eegtay gaari ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaas oo lagu dilay lix kamid ahaa shaqaalaha shirkadda.

Lama oga cidda ka dambeysa weeraradan, balse dowladda ayaa ku eedeysay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, balse iyagu ma sheegin beegsiga lagu hayo shirkadahaasi.

Maxaa laga filan karaa maamul goboleedyada kadib go’aankii R/W Xamza?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib hadal-jeedintii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maalin kahor ku dhowaaqay in doorashada soo socota aan dib loogu laaban doonin Teendhada Afisoone ayaa waxaa isa soo soo taraya falcelinta laga bixinayo go’aanka ra’iisul wasaaraha dalka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn xoogan, waxaana durbo ka horyimid siyaasiyiin kala duwan oo uu kamid ah agaasimihii hore NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo rag kale.

Madaxda maamul goboleedyada ayay sidoo kale suuragal tahay inay ka horyimaadaan arrinta uu ka dhawaajiyay Xamza, sida uu qabo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka falceliyay khudbadda ra’iisul wsaaraha.

Jeesow oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in maamul goboleedyada laga filan karo inay beddalaan go’aanka ra’iisul wasaaraha, dibna loogu laabto Teendhada Afisyoone.

“Waa suurtagal waxa uu ra’iisul wasaaraha ku khudbeynaayay inay beddalaan dowlad goboleedyada iyo nimanka kale ee mucaaradka ah oo ay yiraahdaan Teendhada hala aado, laakin annaga baarlamaan ahaan waxaan ansixinay inay doorashada u dhacdo hal qof iyo hal cod” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa taageero u muujiyay ra’iisul wasaaraha, wuxuuna sheegay inuu rabo in aan dib loogu laaban Teendhada, si loo qabto doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

“In mar walba Teendhada lagu noqdo aniga ma qabo, waana ku raacsanahay hadalkaas ra’iisul wasaaraha oo ah mid u hiilinayo dadka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri Jeesow.

Waxaa kale oo uu ka warbixiyay sida loo qaban karo doorasho qof iyo cod ah, maaadaama dhibaatooyin xoogan ay weli ka jiraan gudaha dalka.

“Haddii xittaa la tagi Karin tuulooyinka hala geeyo sanduuqyada doorashada magaalooyinka waa wayn ee ay gacanta ku heyso dowladda, xisbina haloo tartamo” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan at taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka, kaas oo ka biyo diideen mucaaradka iyo Puntland.

Arrinta cadeyneysa in Xasan iyo Xamza daacad ka ahayn dooraasho qof iyo cod ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ahaa in xukuumadda ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Xamza ayaa yiri “Annaga ma qarineyno, beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada. Qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray.”

Si kastaba, Thaabit ayaa soo bandhigay qodobo muujinaya in dowladda aysan dhab ka aheyn inay fuliso doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay isku dayeyso muddo kordhin inay sameysato

Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit.

Inaan teendhadii loo laaban waxaa daliil u noqon kara in Gobolka Banaadir laga qabto doorasho qof iyo cod oo xor iyo xalaal ah maadaama shacabka Muqdisho diyaar u yihiin doorasho xalaal ah.

Muddo kordhin 1 sanno ayaa loo sameeyay Dowlad Gobolleedyada, ujeedaduna aheyd qabashada doorasho qof iyo cod November 2024 iyo in Gobolka Banaadir laga qabto doorasho qof iyo cod Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho June 2024 oo bil kaliya ka harsan tahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo kordhin kale miyaa u madlan mise 6 bil waa lagu qaban karaa doorasho qof iyo cod Dowlad Gobolleedyada?

Dowladda Federaalka waxay ummadda ka sugeysaa iney jiheyso doorashooyinka Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir maadaama lagu jiro xilligii loogu baahida badnaa go’aan masiiriya oo waaqaca dalka ka turjumi kara.

Daawo: Abgaal oo soo saaray qodobo ay Guudlaawe uga dalbanayaan inuu is-casilo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka iyo Duubabka dhaqanka ee beesha Abgaal oo maalmahaan ku shirsanaa Muqdisho ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda maamulka HiiShabeelle, iyagoo farriin u diray madaxweyne Cali Guudlaawe.

Bayaanka laga soo saaray shirkaas waxaa ugu horeyn lagu sheegay in Cali Guudlaawe uu ku fashilmay hoggaaminta maamulka HirShabeelle, iyagoo ka codsaday inuu ka tago shaqada, si loo helo jaanis wax lagu xaliyo.

Waxgaradka Abgaal ee warkaas soo saaray waxay sheegeen in HirShabeelle ay kala go’day oo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe aysan ku mideyneyn maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe.

Sidoo kale, Abgaal waxay sheegeen in labada Gobol ee maamulkaas uu ka arrimiyo ay yihiin gobollada ugu qanisan dalka, balse hadda ay yihiin labada gobol ee ugu nasiib kara daran Soomaaliya, iyagoo sababteeda dusha ka saaray madaxweyne Cali Guudlaawe.

Qeybihii dambe ee bayaanka ka soo baxay waxgaradka Abgaal oo xildhibaan Cali Saciid Sheekh Maxamed uu u akhriyey warbaahinta ayaa laga soo saaray qodobada kala ah:

1- In Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka tanaasulo hoggaaminta HirShabeelle, sababtoo ah wuxuu qeyb ka yahay qacabadaha maamulka, sidaas darteed xalka qeyb kama noqon karo.

2- Waan iclaamineynaa shirweyne ay isugu imaanayaan dhamaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka HirShabeelle, si looga tashado dhismaha HirShabeelle cusub.

3- Waxaan ugu baaqeynaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si dhow ula socdo xaaladda HirShabeelle.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Beledweyne iyo barakac ka bilowday kadib…

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaas oo ay xalay ka da’een roobab mahiigaan ah.

Roobabkan oo socday in ka badan afar saacadood oo xiriit ah ayaa ka da’ay xaafadaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan halkaasi.

Biyaha ayaa gudaha u galay qaar kamid ah xaafadaha degmada Beledweyne, taas oo kordhisay xaaladda adag ee ka jirta magaaladaasi oo xarun u ah gobolka Hiiraan.

Xaafadaha ugu daran ee dhibaatada laga soo wariyay ayaa waxaa kamid ah Kooshin iyo Xaawo Taako oo shacabku bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda.

Barakacayaasha ayaa intooda badan gaaray bariga magaalada, gaar ahaan deegaanka Ceel Jaale oo ay inta badan dadka ku barakacaan mar kasta oo ay fatahaad dhacdo.

Saameynta ugu daran roobabkan fatahaadaha wata waxa ay saameyn ku yeesheen dadka danta yar ee ku jira kaamamka barakac ee ku yaalla magaalo madaxda gobolka Hiiraan.

Sidoo kale maamulka degmada ayaa wada gurmad iyo dadaallo lagu samata bixinayo dadka ay saameeyeen roobabka xoogan ee xalay ka da’ay magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale waxaa hakad galay duulimaadyada diyaaradaha, maadaama roobabka ay saameeyeen garoonka Ugaas Khaliif oo muhiim u ah isticmaalka dadka shacabka ah.

Sanad kasto fatahaad xoogan iyo daadad ayaa ku dhufto magaaladaan oo uu dhex maro wabiga Shabelle, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah.

KENYA oo weerar ku dishay ku dhawaad 10 Shabaab ah

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Kenya ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay qaybo kamid ah gobolka xeebta ee Lamu.

Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanay aagga kaymaha deegaanka Kumba ee gobolka Lamu.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 6 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii ay ciidamadu ugu tageen goob ay ku dhuumaaleysanayeen.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay sahay muhiim ah oo ay ka carareen Alshabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan booliska dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaar ka mid ah Shabaabka ay u suurtagashay in ay baxsadaan, kuwaas oo ay weli ku raadjoogaan ciidamada ammaanka ee dalka.

Sarkaal sare oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa farriin u diray dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, maadaama xubnaha baxsaday ay dib usoo abaabuli karaan weeraro ay ka fuliyaan waddooyinka waa wayn ee gobolka.

“Shacabka waxaa lagula talinayaa in ay feejignaadaan sababtoo ah howlgalku wuxuu horseedi karaa dhaq-dhaqaaqyo kordhay oo kooxda ah, gaar ahaan tirada argagixisada dhaawaca ah ayaa lagu soo waramayaa inay badan tahay,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Kenya.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda Kenya oo kamid ah dalalka la dagaalama kooxda.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan deegaanada dhaca xuduuda, si looga hortegao weerarada kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka oo Ruushka ku eedeeyay inuu jabiyay xeerka hubka

Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Arbacadi shalay Ruushka ku eedeeyay inuu jebiyay, xayiraadda caalamiga ah ee saaran hubka ka sameysan suntan kiimikaca ee Kolorobikiin oo ah kiimiko dadka neefta ku xirta.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku eedeysay Ruushka, in suntan uu u adeegsaday ciidamada Ukraine. Waxay kaloo waaxdu sheegtay, in ciidanka Ruushka ay sidoo kale dagaalka Ukraine u adeegsadeen kiimikada dadka lagu kala eryo ee waxyeelleysa indhaha, cunto-mareenka, sambabka iyo afka.

Mareykanku wuxuu sheegay in isticmaalka kiimakooyinkan ee ciidanka Ruushka aysan ku koobneyn hal dhacdo, balse ay qeyb ka tahay damaca Ruushka uu ku doonayo inuu dhufeysyada uga saaro ciidamada Ukraine iyo inuu libin ka gaaro xeeladihiisa dagaalka.

Dhaleeceyntan ayaa kusoo beegantay xilli uu Ruushka Arbacadi shalay gantaal baalistik ah ku bartilmaameedsaday magaalada dekadda leh ee Odesa ee dalka Ukriane, weerarkaas oo ay ku dhinteen shan qof.

Voa

Maxkamadda Dambiyada oo soo saaraysa amar lagu soo xirayo madaxda Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Israa’iil ayaa maanta ku booriyay xulafada Israel inay diidaan dadaallada loo adeegsanayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ka dhanka ah dagaalka Israel ay ka waddo Gaza, isagoo ka digay” halista ku wajahan dimoqraadiyadda meel kasta oo dunida ah.

Kulan uu magaalada Tel Aviv kula yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken, madaxweyne Isaac Herzog waxa uu ku nuuxnuuxsaday awoodda nidaamka sharci ee Israa’iil iyo ixtiraamka sharciga, waxaanu diiday baaritaan ay Maxkamadda ICC ku hayso hab-dhaqanka Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta.

“In la isku dayo in Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada loo adeegsado Israa’iil oo la dagaalameysa argagaxisada, waxay halis cad oo taagan ku tahay Dimuqraadiyada iyo dalalka xorta ah ee nabadda jecel ee raacaya qawaaniinta sharciga caalamiga ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan xulafadayada iyo asxaabtayada inay diidaan oo ay diidaan dadaal kasta oo noocaas ah.”

Hadalkiisa ayaa soo baxay iyadoo ay jiraan warar sheegaya in mas’uuliyiinta Israa’iil ay ka cabsi qabaan in maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ay dhawaan soo saarto amarro lagu soo xirayo madaxda Israel qaarkood.

Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay in uu arrintan kala hadlay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden isaga oo wacay dhamaadkii toddobaadkan.

Netanyahu wuxuu ku adkaystay goor dambe oo Talaadadii ah fariin uu soo dhigey barta Telegram “ma jiro go’aanka Hague ama mid kale, oo sinaba u dhaawici doona go’aankeena ah inaan gaarno dhammaan yoolalka dagaalka”.

Ujeedada tallaabadan, ayuu yiri haddii la fuliyo, waa in loo hanjabo madaxda iyo askarta dawladda Israa’iil, taas oo asal ahaan lagu curyaaminayo awoodda dawladda Israa’iil ee is-difaaca, ayuu yiri.

“Israa’iil waxay filaysaa in hogaamiyayaasha caalamka xorta ah ay si adag uga soo horjeestaan tallaabadan fadeexadda leh.”

Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in uu ka soo horjeedo baaritaanka ICC-da.

VOA