25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xasan oo qoraal cusub soo saaray – Maxaa ku qoran?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa manta soo saaray qoraal, kaasi oo ku saabsan munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May.

Madaxweynaha ayaa marka hore dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, isaga oo ayaa tilmaamay muhiimada ay shaqaalaha Soomaaliyeed u leeyihiin dowladnimadeena.

Waxa uu xusay in dowladda ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar-geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalk.

Sidoo kale waxa uu faray dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan Shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u xoreynta iyo horumarinta dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, dowlad-dhiska iyo difaaca Qaranka, isaga oo u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad goboleedyada miyey kala shakiyeen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamullada weli isku dhinac uma socdaan.

Iyada oo dhawaan uu baaqday shir ay labada dhinac qaadan lahaayeen ayaa wararka hoose ee la helayo ay muujinayaan rejo ah inuu shirka dib u qabsoomi karo bisha May ee maanta bilaabatay.

Shirka kahor waxaa jira xiriiro gaar-gaar ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeeshay qaar kamid ah madaxda maamullada.

Waxaa ugu weyn ee laga sii wada-hadlayo waa doorashada madaxda maamullada. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegaa inuu ku qanacsan yahay in aanay maamullada bisha Novermber ee sanadkaan qaban karin doorasho qof iyo cod ah, taas oo aan illaa hadda wax shaqo ah laga qaban, halka uu sidoo kale si xooggan u diidan yahay in maamullada u ogolaado inay qabsadaan doorasho dadban, taas oo hadey dhacdo isagana ku celinaysa teendhada Afisyoone.

Mar haddii aanay maamullada lixda billood ee soo aadan ku qaban karin doorasho qof iyo cod ah, madaxweynuhuna uusan ogoleyn mid dadban dookha haray waa muddo kororsi.

Mid kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa laga soo xigtay inuu madaxweyne Xasan Sheekh rabo inuu siiyo muddo kororsi hal sano ah afarta maamul goboleed ee Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kaas oo ka bilaabanaya May 2024 kuna eeg May 2025.

Balse waxa uu sheegay hoggaamiye goboleedkaas in aanay iyagu ku qancin muddo kororsi labo sano ka yar, kaasi oo ka bilaabanaya May 2024 kuna eeg May 2026.

Sidoo kale shuruudda ay wataan madaxda maamullada waa in Villa Somalia toos ugu dhawaaqdo muddo kororsigaas cusub, oo aan laga dhigin go’aan ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Qodobkaan waa is-qaameyn siyaasadeed, maamullada waxay aaminsan yihiin in Xasan Sheekh uu rabo inuu sanadkaas ku meel-marsado sharciga doorashooyinka, sharciga axsaabta, kuna dhisto guddiga doorashada isagoo saddexdaba ku saleynaya rabitaankiiea gaarka, kadibna markii la gaaro May 2025 oo ay isaga hal sano u dhiman tahay inuu dhamaantood daadiyo kuna beddesho koox isaga kala shaqeyn karta rabitaankiisa heer federaal, taas oo ay madaxda maamullada aad u fahamsan yihiin una diidan yihiin.

Sababta dhinaca madaxweyne Xasan Sheekh iyaguna uga cago-jiidayaan inay bixiyaan muddo kororsi labo sano ah waa in haddii la isla gaaro May 2026 inuu waqtigoodu dhamaanayo, sidaas darteed madaxweyne aan sharciyad haysan cidna doorasho ma gelin karo oo tiisa ayaa u baahan in laga heshiiyo, sidaas awgeed waxay rabaan inay halka sano ku dirqiyaan maamullada oo ay danahoodana ku gaaran.

Waa xarig jiid culus, hal sano madaxda maamullada ayaa ku dhib qaba, laba sano waa Xasan Sheekh oo sharciyad la’aan ah oo aan maamullada waxba kaga duwaneyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh gorgortanka nuucaan ah keligii ayaa galaaya, isaga oo waayahan dambe la sheegay inuu taladdii u diiday saaxiibadii wax lasoo dhistay. Dhowr xubnood oo kooxdiisa kamid ah oo arrimahan wax ka weydiinay waxay qabaan walaac xooggan oo ku saabsan in siyaasad ahaan loo dhiman karo nuuc walba oo muddo kororsi ah oo la siiyo maamullada.

Madaxda maamullada qaar ayaa ka fekeraaya in haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh u diido muddo kororsi laba sano ah inay qabsadaan doorashooyin iskood ah, taas oo dhalin doonta buuq iyo qalalaase siyaasadeed oo horleh.

Madaxweyne Xasan Sheekh marka la eego marxaladda uu maanta ku jiro dhaqaale ahaan, maqnaashaha Puntland, niyad-jabka beesha caalamka iyo kalsooni xumada ka muuqata saaxiibadii wax la dhistay, waa ku qasban yahay inuu wax walba u sameeyo sidii uu kusii haysan lahaa afartaan maamul goboleed ee HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.

FAHAD Yaasiin oo weerar culus ku qaaday Xamza: Dib u xasuuso taariikhdaada

Muqdisho (Caasimada Onlije) – Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, isaga oo u jawaabay kadib go’aankii uu shalay Muqdisho kaga dhawaaqay ee ku aadan doorashooyinka soo socda ee 2026-ka.

Xamza oo Daahfurayay Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran ayaa shalay sheegay in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, isla markaana xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay qabato doorashooyin qof iyo cod ah.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Fahad Yaasiin oo ka jawaabayay arrintan ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu mar weliba ka shaqeynayo rabitaanka madaxweynaha, si uu ugu maamulo doorashada soo socota.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Xamza inuu horay si xun ugu soo maamulay doorashadii Jubbaland ee 2019-kii, maadaama uu ahaa guddoomiyihii gudiga doorashada maamulkaas.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ra’iisul wasaaraha ay haboon tahay in uusan ka hadlin hufnaan doorasho, balse uu dib u xasuusto wixii uu horay usoo sameeyay.

“Mudane Ra’iisul Wasaare wax kasta oo kale waad ka hadli kartaa, laakiin fadlan haka hadlin hufnaan doorasho, kaliya dib u xusuuso taariikhdaada dhaw” ayuu ku jawaabay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin oo dhammeystiran:-

𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞,

Shalay ayaad na fahamsiisay sabata uu Madaxweyne Xasan Sheekh kuugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarha dalka, waana inaad maamusho doorashada soo socota ee 2026.

Mudane Xamse shalay waxaad soo hoggaamisay doorashadii ku dhisneyd saddex isoo qora, laakiin, Madaxweynaha ayaa qofkuu rabo kala baxaya (Jubbaland 2019). Ma waxaad rabtaa inaad maamusho doorasho ku dhisan saddex Xisbi baa taryamaya, laakiin, Madaxweynaha ayaa xisbiguu rabo kala soo baxaya!

Mudane Ra’iisul Wasaare wax kasta oo kale waad ka hadli kartaa, laakiin fadlan haka hadlin hufnaan doorasho, kaliya dib u xusuuso taariikhdaada dhaw.

𝐓𝐑𝐀𝐍𝐒𝐋𝐀𝐓𝐈𝐎𝐍

Mr. Prime Minister,

Maxay yihiin lixda qodob ee dalalka Carabta kasoo saareen xad-gudubka Itoobiya?

Dooxa (Caasimada Online) – Waddamada Carabta iyo kuwa bartamaha Aasiya ee taageera dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan culus kasoo saaray heshiiska badda ee dhex-maray Somaliland iyo Itoobiya oo xad-gudub ku ah madax banaanida Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta, kuwa Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyada Azerbaijan oo yeshay kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga ee waddamadan ayaa waxaa looga hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah.

Kulankan waxaa goobkoog ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ahmed Aboul Gheit.

Xubnaha dalalkan ayaa xag-dububka Itoobiya kula kacdsay madax bannaanida Soomaaliya kasoo saaray war-saxaafadeed ka kooban 6 qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ah:-

1- Wasiirradu waxay cadeeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka islamarkaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

2- Wasiirradu waxay si gaar ah u taageerayaan amniga, xasiloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dawladda dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirkaba, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Qodobada Axdiga Jaamacadda Carabta, isla markaana waxay taageereen dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.

3- Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiis beenaadkii ee 1/1/2024 wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo maamulka “Somaliland”.

4- Wasiirrada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

5- Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda ku aadan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.

6- Wasiirrada ayaa sidoo kale diiday isku dayga looga faa’iideysanayo heshiis beenaadka si xaalad cusub oo siyaasadeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taaso oo ay ku tilmaameen

Sidee ayaa looga fal-celiyay go’aanka R/Wasaare Xamza ee doorashada soo socota?

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee dalka.

Xamza oo Daahfurayay Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran ayaa sheegay in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, isla markaana xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay qabato doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Haddaba sidee looga felceliyay go’aanka ra’iisul wasaare Xamza ee doorashada soo socota?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay hadal ra’iisul wasaaraha iyo suurtagalnimada go’aankiisa.

Ismaaciil Maxamed “Alaabtaan waa tii Kheyre iyo Farmaajo Ummada ku seexi jireen Teendhada waa lama huraan”.

Aweys Sheekh Cabdiraxmaan “Waa ballan qaad taarikh ah Xukuumadda DanQaran ee hoggamiyo PM Xamza way ku mahadsantahay in ay shacabka awoodda ku celiyaan”.

Maxamed Cabdiraxmaan “Ar u fiirso mudane ra’iisul wasaare waa hubaa in Teendhadoo la Update gareeyay loo laaban doonee markaan qiimeeyo sidaad howsha u wadaan ee yaanu hadal idinka tagin”.

Abshir Xasan Maxamed “Wax aadan waxba ka bedeli karin laguma indho adeego Ra’iisul wasaare”.

Cabdifitaax Ibraahim “War cad waaye hadalkaas Xamza Cabdi Barre hadal aqoon waye oo waayo arag ah”.

Cali Muumin Ismaaciil “Teendhadu siyaasad iyo istaraatijiyad in looga gudbiyo wadanka ayee rabtaa midaasna kuwo ifafaalaheedii haya ma tihidin”.

Weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay Shabelaha Hoose

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee goboka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray Al-Shabaabkii weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ee ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu socday saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa shaaca ka qaaday inay iska difaaceen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, ayna dib u celiyeen.

Dhanka kale, war kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhigga deegaanka Sabiid, isla markaana ay ku jabiyeen dagaalka ay la galeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda oo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa Al-Shabaab waxa ay kordhisay weerarada gaadmada re ay aroortii hore ku qaado ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose oo kamid ah gobollada ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaco weeraro iyo dagaallo gaysta khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

CABDINUUR oo u jawaabay R/Wasaare Xamza: Teendhadu marnaba eed maleh

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku xigeenkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, kana mid ah saaxibada madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraal dheer soo saaray ayaa u jawaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo shalay ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashada dalka.

Xamza oo Daahfuray Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran ayaa sheegay in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, isla markaana xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay qabato doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Cabdinuur oo u jawaabay Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in Teendhadu aysan lahayn wax eed ah, balse haddii laga maarmayo ay haboon tahay.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa ku dooday in xukuumadda uu hoggamiyo Xamza Cabdi Barre iyo guud ahaan dowladda federaalka aysan u diyaar garoobeyn doorashada ay afka ka sheegayaan, maadaama uu yiri aan laga shaqeyn doorashooyinkii golaha deegaanka, sidoo kalena aan weli lasoo magacaabin guddi doorasho oo heer qaran ah, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

TEENDHADU MARNABA EED MALEH!

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamze ee uu saaka ballan qaaday inaan teendhadii habaarnayd lagu laaban doonin waa mid bogaadin iyo soo dhaweyn mudan. Hadalkaas wuxuu ka jeediyay isla teendhada Afisyoone iyo daahfurka shir cinwaankiisu ahaa dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay.

Balse waxaa is waydiin mudan maxaa tallaabooyin ah oo ay xukuumaddiisu qaaday si lagaga baaqsado teendhada, looguna dareero doorashooyin ka hufan kuwii dadbanaa?

Ku dhawaad labo sano oo uu maamulka Madaxweyne Xasan xafiiska fadhiyo, dalku guddi doorasho oo heer qaran ah maleh, goleyaal deegaan oo ay shacab doorteen marka laga reebo Puntland degmooyin kamid ah mooyaane ma jiraan (doorashadaas lafteedu Villa Soomaaliya waa diidanayd in la qabto), miisaaniyad doorasho oo qof iyo cod loo qabtay haba sheegin, sharciga xisbiyada wali lama bilaabin qabyo tirkiisa, siyaasad loo dhan yahay dalka kama hirgelin oo wataa Puntland loo joojin maayo hadal hayntu noqotay. Maamullada qaar doorashooyin ayay foolanayaan. Intaas jawaab maloo hayaa? Waa maya! Waqti lagu qaban karay hawlahaas dowladdu ma haysatay? Haa.

Mid waa hubaal ah. Qofna teendhada kuma tago jacayl uu u qabo. Balse, duruufaha ku gadaaman dowlad dhiska Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan khilaafka dastuuriga ah iyo kan siyaasiga ah ee haatan jira ayaa ku arooriya madaxda kuraasta ku fadhida inay teendhada cagajiid ku tagaan.

Madaxweyne rabitaankiisa meeshaas ku tagay hore ayaa loo waayay ee teendhada hala waasiciyo, qaboojiyeyaal halagu sii xiro, kuraas salka u roon oo sacaado badan la fadhin karo halagu xiro, riinji iyo sharaxaad fiicanna halagu qurxiyo ama almiino dhisma wayn oo shub ah halaga dhigo haddiiba aan iyada la huri doonin.

Teendhadu marnaba eed maleh.

Xaaladda New York oo weji cusub yeelatay, kadib markii booliska uu xoog ku galay…

NEW YORK (Caasimada Online) – Booliska magaalada New York ayaa galay Jaamacadda Columbia fiidnimadii Talaadada, iyagoo isku dayaya in ay kala eryaan mudaaharaadayaal taageersan Falastiin, kuwaas oo qabsaday dhismeyaal ka mid ah fasallada Jaamacadda muddo laba todobaad ah.

Sawirro laga soo daayay telefishinada ayaa muujinayay booliiska oo galaya jaamacadda caanka ah ee Manhattan, taasoo ahayd barta ugu weyn ee mudaaharaadyada ardayda oo ku fiday tobannaan Jaamacadood oo ku yaal Mareykanka.

Saraakiisha Jaamacadda Columbia ayaa horraantii Talaadada ku hanjabay in tacliinta laga eryi doono ardaydii la wareegtay Hamilton Hall.

Qabsashada ayaa bilaabatay habeen hore markii mudaaharaadayaashu ay jabiyeen daaqadaha oo ay qabsadeen Hamilton Hall, halkaas oo ay kusoo bandhigeen boorar ay ku qoran tahay “Hoolka Hind”, oo calaamad u ah dhismaha loogu magacdaray ilmo 6 jir ah oo Falastiini ah oo ay ciidamada Israa’iil ku dileen Gaza.

Duqa magaalada New York Eric Adams iyo saraakiisha booliiska magaalada shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in la wareegidda Hamilton Hall ay ka dambeeyaan “kacdoonno dibadda laga soo abuulay” kuwaas oo aan oo aan wax xiriir ah la lahayn Columbia.

Mid ka mid ah hohgaamiyayaasha ardayda mudaaharaadka oo la yiraahdo Mahmoud Khalil, oo ah Falastiini wax ka barta machadka School of International and Public Affairs ee Jaamcadda Colombia oo ku jooga fiisaha ardaynimada, ayaa kahoryimid sheegashada ah in dad shisheeye ahi ay bilaabeen qabsashada.

Reuters.

Shir xasaasi oo ka dhacay Qatar oo lagu bahdilay Itoobiya, looguna hiiliyey Soomaaliya

0

Dooxa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar lagu soo gabagabeeyey shirka ‘Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta’ kaas oo qodob ka mid ah bayaankii laga soo saaray si weyn loogu taageeray Soomaaliya, iyadoo Itoobiya lagu tilmaamay mid ku soo gardarootay badda, wadajirka iyo madax-banaanida Soomaaliya oo ah lama taabtaan.

Shirkaas waxaa isugu yimid Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Carabta iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, waxaana si weyn loogu garab istaagay qadiyadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Itoobiya, wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa shirkaas uga qeyb galay Soomaaliya.

Wasiirradu waxay caddeeyeen inay taageerayaan Amniga, Xasiloonida, Midnimada, Qaranimada iyo wadajirka Geyiga Soomaaliyeed, waxayna ku taageereen dawladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madax bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka.

Sidoo kale waxay caddeeyeen in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda sida ku cad qodobka (51) ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo qodobbada khuseeya Axdiga Jaamacadda Carabta, ayna taageerayaan dhismaha hay’adaha Dawladda Soomaaliya.

“Wasiirradu waxay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka Dawladda Soomaaliya dhammaan hay’addeeda, kaas oo looga soo hor jeestay ‘Is-afgaradkii’ 1-dii January 2024 ay wada saxiixdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Deegaanka (Somaliland) mid aan waxba ka jirin oo aan la aqbali karin, kana dhigan xadgudub bareer ah oo ka dhan ah mabaadi’da qaanuunka caalamiga ah iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaankaan caalamiga ah.

Sidoo kale warsaxaafadeedka wasiiradaan Carbeed waxaa lagu sheegay in damaca Itoobiya uu meesha ka saaray xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

“Wasiirradu qoraalkaan waxay ku muujiyeen diidmadooda wax kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan oo ka soo baxay is-afgaradkii 1-dii Janaayo Addis Ababa ku dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka caalamia inay cambaareeyaan oo ay diidaan qorshahaas.

Sidoo kale wasiiradu waxay diideen isku dayo lagu abuurayo xaqiiqo-siyaasadeed cusub oo ka jirta Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, waxaana loo arkaa tallaabo khatar ku ah amniga Carabta iyo socdaalka Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Madaxii sirdoonka Al-Shabab oo gacanta lagu soo dhigay

0

Wisil (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta nolosha lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay ciidamada deegaanka ka sameeyeen koonfurta gobolkaasi.

Magaca ninka lasoo qabtay ayaa waxaa lagu sheegay Farxaan Shalaange, kaas oo sawirkiisa , isaga oo indha ka xiran  ay baahisay dowladda federaalka Soomaaliya.

War kooban oo kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan uu ahaa madaxii sirdoonka ee kooxda Al-Shabaab, isla markaana isaga oo sahan ahaa lagu qabtay agagaarka deegaanka Bacaadweyne oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

“Ciidamada deegaanka ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ahaa madaxii sirdoonka Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabo Farxaan Shalaange, ninkaan ayaa sheegay in uu sahan u ahaa Khawaarijta, waxaana lagu qabtay duleedka deegaanka Bacaadweyne” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ciidanka fuliyey howlgalka lagu qabtay ninkan ayaa waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Gurey Nuur oo ah taliyaha ciidanka Macawiisleyda ah ee aagga Bacaadweyne.

Sidoo kale ciidamada ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka oo ay sheegeen inay lasoo wadaageen xogta soo qabashada sarkaalkaasi muhiimka u ahaa Al-Shabaab.

“Dadka deegaanka ayaa ciidanka ku garab siiyey soo qabashada ninkaan oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidanka ka howlgala deegaanadaas” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan arrinta sarkaalkaasi ee ay maanta gacanta kusoo dhigeen ciidamada deegaanka.

Maalmihii u dambeeyay waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdeen deegaano badan oo dhaca gobollada dhexe ee dowlad goboleedka Galmudug.

Tan iyo markii ay bilowdeen dagaallada dalka looga xoreynayo Al-Shabaab waxaa soo badanayay maleeshiyaadka soo galaya gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Muxuu Xamza kala hadlay saraakiisha EU oo uu markab dushiis kula kulmay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dusha sare ee Markab taagan xeebta Muqdisho uga qeyb galay kulan muhiim ah oo warbixin looga siiyey hanaanka uu u socdo tababarka ciidamada badda Soomaaliya iyo howlgalka ciidamada Midowga Yurub ee badda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kula hadlayey Markab taagan xeebaha Soomaaliya saraakiil ka tirsan Hawlgalka Atalanta, ayaa uga mahadceliyey taageeradooda muhiimka ah, si looga difaaco xeebaha dalkeenna danbiilayaasha ka fuliya falalka sharci darrada ah.

Xamza Barre ayaa tilmaamay muhiimdda ay leedahay in la kobciyo awoodaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, si ay awood ugu yeeshaan, ulana wareegaan amniga guud ee ilaalinta iyo difaaca Badda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo daawaday dhoolatus ay soo bandhigeen ciidammo loo tababaray Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya, ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub tababarka iyo xirfadda sare ee ay bareen ciidanka.

Wuxuu sheegay in indhihiisa uu ku soo arkay ciidamo Soomaaliyeed oo loo diyaariyey in ay la wareegaan amniga xeebaha dalka.

“Tan iyo 2008, Hawlgalka Atalanta waxa uu saldhig u ahaa kor u qaadidda badqabka iyo amniga guud ee Badda Soomaaliya, taas oo muhiim u ahayd ka hortagga burcad-badeednimada, hubinta badbaadada maraakiibta, la dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo dembiyada ka dhaca badda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Wuxuu intaas ku sii daray in Xukuumadiisa DanQaran ay ka go’an tahay dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh ilaalinta Xeebaha dalka, si ay uga hortagaan cid walba oo ka geysanaysa xadgudubyo.

Ciidamada ka socda Midowga Yurub ee ku jira howlgalkaan Atlanta ayaa xeebaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sanadihii howlgalkani uu bilowday ku badnaa xeebaha Soomaaliya oo dunida u ah marin muhiim ah.

16 sano oo xeebaha Soomaaliya ay ka howlgelayaan waxay ciidmaada ku jira howlgalka Atlanta ku guuleysteen inay meesha ka saaraan kooxihii burcad badeeda, balse waxay ku guul dareysteen inay xeebaha Soomaaliya ka joojiyaan kaluumeysiga sharci darrada ah.

Hadda waxaa gabagabo ah howlgalka Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya, waxaana ammaanka badda Soomaaliya la wareegi doona dhawaan ciidamada Turkiga oo howlgalkooda ku gees wadi doona dhismaha ciidamada badda Soomaaliya, kadib heshiis 10 sano ah oo dowladda Soomaaliya ay u saxiixday.

Daawo: Taliye Shub iyo wasiir Xasan Macallin oo ay ka dhex tafatay – Maxay isku hayaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus ayaa ka dhex-qarxay wasiirka wasaaradda cadaaladda xukuumadda Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kaas oo uu maanta bannaanka soo dhigay, Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub).

Taliyaha ciidanka Asluubta oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa weerar culus ku qaaday wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Mudane Xasan Macallin, wuxuuna ku eedeeyay inuu burburinayo ciidamada Asluubta, uuna iska horkeenayo nidaamka dawliga ah.

Taliye Shub ayaa si gaar ah iga horyimid shir ay soo qaban qaabisay wasaaradda oo uu sheegay in looga hadlayo arrimaha ciidanka Asluubta, balse aysan iyagu wax ka ogayn.

“Hadalkan aan maanta hadlaayo wuxuu ku wajahan yahay wasaaradda cadaaladda si gaarka ah shirka saddexda berri socda ee ay iyadu qaban qaabisay oo ay aqoonyahannada iyo hay’adaha kale dowladda ugu yeertay oo ay ku magacowday inuu ciidanka Asluubta ku wajahan yahay, gaar ahaan dhismaha ciidanka Asluubta iyo xabsiyada” ayuu yiri Shub.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Asluubta anigaa taliye ka ah, mana la’ii sheegin shirkaas waxaan u arkaa khalad burburin howl qaran”.

Dhinaca kale taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay wasaaradda cadaaladda inuuu gaaban yahay waxqabadkeeda, marka loo eego shaqada ciidanka Asluubta.

“Wasarada Cadaaladda waan idin ogolnahay in wixii aan keenay aad isku sawirtaan balse hana gaarsiinina isku sawiri maysaan in aan idin dhahno” ayuu mar kale yiri taliyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in warkiisa uu gaaban yahay, uuna hordhac yahay, loona baahan yahay in aan lagu kalifin in uu wax badan sheego, isaga oo tilmaamay in shirka saddexda maalin ka socda gudaha Muqdisho aysan quseyn doonin waxa kasoo baxa.

Xasan iyo Sanbaloolshe oo Muqdisho ku qaabilay madaxa sirdoonka Turkiga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Kulankan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), waxayna labada taliye iyo madaxweynaha yeesheen wada-hadallo gaar ah.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah ee labada dal, oo ay ku jiraan amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga Al-Shabaab iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Ibrahim Kalin ayaa lagu wadaa inuu sii wado kulama uu la yeelanayo madaxda sare ee dalka iyo dhiggiisa Soomaaliya  C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Arrimaha kale ee la filayo in laga wada-hadlo ayaa waxaa kamid ah fulinta heshiiska difaaca ee ay dhowaan wada gaareen Ankara iyo Muqdisho, si loo sii dhaqaajiyo

Sidoo kale waxaa hay’adaha sirdoon ee labada dal ay iska xog wareysan doonaan xaaladaha gobolka iyo dhaqaaqa Turkiga uu ka wado Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Safarka Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah isla markaana la filayo in haatan Turkiga uu Maraakiib dagaal usoo diro xeebaha dalkeenna, taas oo qayb ka ah fulinta heshiiska difaaca ee ay wada galeen labada waddan.

Turkiga ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhaninacyada bani’aadanimada iyo milatariga, isaga oo tababaro siiyo ciidamada Xoogga dalka.

Xamza oo go’aan culus ka soo saaray doorashada xigta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaluya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta Daahfuray Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo la xiriira doorashada soo socota ee dalka.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynuhu ay ku soo doortaan hoggaankooda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin in markale dib loogu laabto Teendhada Afisyoone oo lagu qabtay doorashooyinkii horay uga dhacay dalka.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in xukuumadiisa ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatooyinkii soo kala gaaray wakhtiyadii adkaa ee dalku soo maray.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaasi kusii daray in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan xiisad siyaasadeed oo wayn ay ka taagan tahay dalka, taas oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Nin hubeysan oo dad badan ku laayay Masjid, kadib markii..

Kabul (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerar uu nin hubeysan ku qaaday Masjid ku yaalla galbeedka Afghanistan, waxaa sidaas Talaadada maanta ah sheegay afhayeen u hadlay dowladda.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Abdul Mateen Qani ayaa sheegay in habeenkii Isniinta, abaare 9:00 pm “uu qof aan haybtiisa la garan toogtay shacab ku cibaadeysanayey masjid” ku yaalla degmada Guzara ee gobolka Herat.

“Lix shacab ah ayaa shahiiday, qof kalena waa uu dhaawacmay,” ayuu subaxii Talaadada kusoo qoray barta X.

Wakaaladda wararka dowladda ee Bakhtar ayaa sidoo kale xaqiijisay tirada dhimashada weerarka oo ka dhacay degmadan oo dhinaca koonfur ka xigta magaalada caasimad goboleedka ah ee Herat.

Inkasta oo aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, haddana dadka amniga taxliilaya ayaa sheegaya in kooxda Daacish, cutubkeeda gobolka ay tahay halista ugu weyn ee amniga Afghanistan.

Afghanistan ayaa waxaa tan iyo August 2021 xukumayey kooxda Taalibaan, oo xukunka dib ugu soo laabatay xilligaas kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka.

Wixii markaas ka dambeeyey kooxda Daacish ayaa weerar dhowr ah oo dhimasho leh ka fulisay dalka.

VOA + AFP

Wararkii ugu dambeeyay QARAX maanta ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay lagu qaaday goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Shir-ganeeco oo hoostagta magaalada Beledweyne, waxaana lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan meel ay dhalinyaro ku caweyneysay.

Guddoomiyaha deegaanka qaraxa lagu wareeray oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday dhalinyaro, ayna ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

“Jug xoogan ayaan maqalnay xalay annaga oo xaafadaha ku jirno bam-gacmeed waayay laba wiil oo yar yar ah oo 18 jiro ah oo xaafadda ahaay oo meel iska fadhiyay ayaa lagu tuuray, midna waa dhaawacmay, midna meesha ayuu ku naf baxay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in bartilmaameedka uu ahaa meel ay ku caaweeyaan dhalinyarada, waxaana baxsaday kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

“Meesha la qarxiyay waxay ka tirsan tahay xaafadda, waana meel ay isugu timaado dhalinyarada oo lagu caweeyo” ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in aysan caddeyn karin cidda ka dambeysay weerarkaasi iyo sababta loo beegsaday dhalinyarada la qarxiyay.

“Bamkan ciddaas ayaa soo tuurtay annaga ma dhihi karno, mana caddeyn karno, mana ku dinbaabi karno” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta howlgallo baaritaano ka wada ciidamada dowladda oo ku raad jooga shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkaasi.

Soomaaliya oo laga fulinayo mashruuc ay ka faa’iideysan doonaan 2.5 milyan qof

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Denmark iyo Qaramada Midoobay ayaa gudaha Soomaaliya ka fulinaya mashruuc ay ka faa’iideysanayaan 2.5 milyan qof.

Mashruucan oo lagu dhisayo biyo xireen aad u ballaaran ayaa waxaa shir lagu dardar-gelinayo guddoomiyey madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay wasaarradaha beeraha iyo waraabka, tamarta iyo kheyraadka biyaha heer federal iyo kuwa HirShabelle.

Waxaa kale oo goobjoog ka ahaa deeq-bixiyayaasha mashruuca dib-u-dhiska biyo xireenka Sabbuuni (JOSP) oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Denmark iyo lix hay’addood oo kamid ah QM oo ay hoggaamineysay FAO.

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha, keydinta biyaha si loo isticmaalo marka ay jirto biyo la’aan, yareynta faqriga, kordhinta wax soo saarka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

“Dowladda HirShabelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo sahlaayo in la hirgeliyo dhismaha biyo xireenka Sabbuuni, hirgelintiisa faa’ido weyn ayay u tahay dadka HirShabelle,” ayuu madaxweyne Cali Guudlaawe ka sheegay shirka.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa ugu dambeyntiina ka mahad-celiyay dadaalka waqtigan lagu bixinayo mashruuca JOSP.

Somaliland oo caalamka ka dalbatay faro-gelinta kiis culus oo ka taagan Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa baaq culus u dirtay beesha caalamka, kaasi oo la xiriira kiiska dilka Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, oo nabad-sugidda u xirtay shaqsiyaad kasoo jeeda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka dalbaday caalamka inuu soo fara-geliyo arrintaan, isaga oo sheegay in muwaadiniinta Somaliland ee kiiska loo xirtay loo geystay jirdil xooggan.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay si dhow ula socoto xariga iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay’addo dawladeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Xukuumadda Somaliland waxay ugu baaqday beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanku inay deg-deg u fara-geliyaan dhacdadan,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Waxa uuna ka dalbaday dhinacyadaasi in xoriyadooda loo soo celiyo dadkaasi xiran, oo uu tilmaamay in jirdil loo geystay, islamarkaana sifo sharci darro ah u xiran yihiin tan iyo bartamihii Febraayo, iyada oo aan loo haynin wax lagu xukumo

Wasiir Ciise Keyd ayaa ugu dambeyntiina soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u shaqeeya hay’addaha ICAO iyo WFP, kuwaasi oo kala ah;

1. Mubaarig Nuur Cali – ICAO
2. Nuuradiin Ileeye – ICAO)
3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Khaliif – Salaf – ICAO.
4. Maxamed Cabdiraxmaan – WFP
5. Almis Saleebaan –WFP

Horey waxaa warbaahinta dhowr jeer kasoo muuqday ehellada raggan u xiran nabad-sugidda Soomaaliya, iyagoo sheegay in jirdil ba’an loogu geysto si joogto ah, ayna aad u liidato xaaladooda.

Dhalinyaradan oo u badan reer waqooyi ayaa loo soo qabtay dilka Cabdinaasir Dahable oo ahaa Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya, waxaana weli ku socda baaritaan oo looma gudbin maxkamadaha dalka.

Midowga Yururb oo qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda Itoobiya + Sababta

0

Brussels (Caasimada Online) – Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaray dadka heysta baasaboorka Itoobiyaanka ah.

Tallaabadan ayaa jawaab u ah wada-shaqeyn la’aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arimaha dib-u-celinta Magangalyo-doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27-ka dal ee Yurub ay ku mideysan yihiin.

Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.

Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ku jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay golaha ay ku mideysanyihiin dalalka Midowga Yurub.

“Itoobiya waxaa ay ku guul-dareysatay in aan iska kaashano dib u celinta muwaadiniinteeda si hufan,” ayuu raaciyay go’aanka kasoo baxay Midowga Yurub.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay Itoobiya wajaheyso xaalad adag oo gudaheeda, ayna xukuumadda Abiy ay ku fashilantay inay wax ka qabato xad-gudubyada lagula kacayo dadka aan waxba galabsan.

Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Itoobiya iyo xaaaladaha bani’aadinimo ayaa keentay in beesha caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo franca in ay ku baaqaan wada-hadal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed, si loo ilaaliyo dadka rayidka.

Saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo kulan qarsoodi ah Saciid DENI kula yeeshay…

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan qarsoodi ah madaxtooyada kula qaatay saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo shalay galab soo gaaray Garoowe, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. 

Saraakiishan, oo la dajiyay Hotel caan ah oo ku yaalla Garoowe, ayaa kulan dheer oo saacado badan ah la qaatay Deni, balse illaa iyo hadda xog lagama hayo wax ay ka wada-hadleen.

Kulanka ayaa imanaya ayada oo Saciid Deni uu shalay un kasoo laabtay dalka Itoobiya, taasi oo dhalineysa su’aal ah; sababta uu sirdoonka Itoobiya ugu qaabilay Garoowe maadaama uu ka yimid caasimadooda. 

Waxa uu sidoo kale kulanka imanaya ayada oo aad uu u xun yahay xiriirka Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii Muqdisho ay dalka ka cayrisay safiirkii Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa.

Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba diiday inay u hoggaansamaan amarka Dowladda Federaalka ee xiritaanka qunsuliydaha.

Somaliland waxay ku dooday inay tahay “dal madax-banaan” oo aysan aqoonsaneyn amarka Dowladda Federaalka, halka maamulka Saciid Deni uu qiil ka dhigtay khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay laashay Dastuurkii xaqiijinayey isku-haynta ummada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, sida lagu yiri qoraal ay xilligaas soo saartay. 

“Go’aankii ka soo baxay magaalada Muqdisho 4ta Bisha April 2024, ma ahayn mid loogu danaynayey maslaxada umadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku salaysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba-joogo shacabka Puntland laguna majo-xaabinayo federaalaynta Soomaaliya,” ayey tiri Puntland.

“Haddaba, waxay Dowladda Puntland cadaynaysaa in ay danaheeda kala macaamilayso wadamada deriska ah, beesha caalamka iyo dhamaan daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya, islamarkasna go’aanka xiritaanka Qusuliyada Garowe aanu khusayn Puntland.”