26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo: SHUUTE oo tiirka toogashada ugu hanjabay dadkii isku dili jiray xuduudda…

0

Moqokori (Caasimada Online) –Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Kormeyl Xasan Cali Nuur Shuute iyo Taliyaha Hey’adda NISA Cabdullahi Sambaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe ayaa gaaray deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada xiga xuduuda gobolka Sh/Dhexe.

Halkaas waxaa ka taagan colaad dabadheeraatay oo Abgaal iyo Xawaadle ay isaga dileen dad badan, waxayna masuuliyiintaan u baxeen sidii xal waraa looga gaari lahaa colaada labada beelood.

Taliye Sanbaloolshe iyo guddoomiye Shuute ayaa la kulmay waxgaradka labada beelood ee Abgaal iyo Xawaadle, iyagoo ka warsaday sababta ay isku dilayaan, isaguna daray dardaaran iyo hanjabaad.

Maanta waxay Hiiraan kula kulmeen odayaasha beesha Xawaadle, si xal looga gaaro colaad gaamurtay oo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ku dhexmartay marar badan deegaanada dhaca xuduuda labada gobol, kadib markii Aadanyabaal ay kula soo kulmeen waxgaradka Abgaal.

“Waxa aad ku dhaqmeysaan dhaqan islaam maaha, waxayna ka soo horjeedaan hadafkiina Khawaarij iska xoreynta ah, maanta kadib qof kii qof dila bartii uu ku dilo ayaa lagu tooganaa, mana faka doono ogaada,” ayuu yiri Korneyl Shuute oo khudbadaan ka jeediyey geed Qurac ah hoostiisa.

Saraakiishaan ayaa waxgaradka labada beelood ka dalbaday inay meesha ka saaraan colaada u dhaxeysa ee sababtay inay kala go’aan, is dhexmari waayaan oo is laayaan dad walaalo ah, iyagoo isku heysta arrimo deegaan iyo wax aan micno laheyn oo xal laga gaari karo.

Shuute ayaa sheegay in dhaqan argagixiso uu leeyahay qofkii hadda kadib lagu helo inuu dilay qof maskiin ah oo aan waxaba ka galabsan, “Waxaan rabnaa kacdoonkiinii taariikhda galay inuu soo socdo oo aad joojisaan waxa kale oo dhan, sida dagaalka qabaa’ilka iyo is baarooyinka,” ayuu yiri Shuute.

Wuxuu sheegay in degmada Aadanyabaal ay kula kulmeen odayaasha dhaqanka Abgaal, “odayaasha waxaan isku afgaranay inay dowladda kaashadaan oo nabadda hor kacaan, godob iyo dakano wax aan dhib aheyn kuma qabtaan,” ayuu yiri Guddoomiye Shuute.

Sidoo kale ayaa sheegay in dowladda ay wado nabad, balse nabadaasi aysan aheyn mid baryo ah, isagoo ku goodiyey inay dadka ku qasbi doonaan inay qaataan, maadaama ay garan waayeen inay is daayaan oo dhiigooda ay xalaashadeen.

“Ogaada hada kadib nabadu baryo maaha, qofkii dil geysta, cidii uu lahaa waxbaan u dilay ayaa lagu dhex tooganayaa, gurigiisa ayaa lagu hor tooganaa si looyu quus qaato,” ayuu yiri Shuute.

Hoos ka daawo

Booliska oo faah-faahiyey dil ka dhacay Muqdisho iyo ninkii gaystay oo lasoo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey dil galabta ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee duleedka Muqdisho, kadib markii nin la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka minishiibiyo ee gobolka Banaadir uu dil geystay.

“Howlgal ay saacadihii lasoo dhaafey sameeyeen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir Gaar ahaan Saldhigga Dayniile ayaa lagu soo qabtey eedeysane loo heysto inuu dil toos ah u geystey muwaadin Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay booliska.

Ninka la dilay ayaa ka soo laabtay aaska dad ehelkiisa ahaa oo geeriyooday, balse waxaan weli la garan sababta loo dilay iyo waxa dhex maray isaga iyo ninka lasoo qabtay ee dilka geystay.

Mahad Cali Maxamuud ayaa lagu magacaabaa ninka dilka geystay, wuxuuna dilay Axmed Nuur Tooxow, waxaana socda baaritaan ku saabsan sababta ka dambeysa dilkaas.

“Eedeysanaha dilka geystay iyo agabkiisaba waxaa si toos ah loogu wareejiyey hoggaanka baarista dembiyada ee CID, halkaas oo lagu baari doono, si loo horgeeyo Maxkamada ku shaqada leh,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay booliska.

Intaas kadib, Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa u waramay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho, isagoo sheegay inay xaqiijiyeen in ninka dilka geystay uusan ka tirsaneyn ciidamada dowladda federaalka, balse baaritaanka hordhaca ah lagu ogaaday inuu ka tirsanaa ciidanka minishiibiyo ee qaada canshuuraha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka deegaanka ay ciidamada ammaanka ku garabsiiyeen inay qabtaan ninkaas hubeysan ee dilka geystay, kasib markii uu waayey meel uu ku dhuunto, taasi oo sida uu sheegay meesha ka saari doonta in qof dambe oo dil geysta uu wey doono meel uu gabaad ka dhigto.

Hoos ka dhageyso wateysiga afhayeenka

 

Daawo: Taliye Sanbaloolshe oo u hanjabay beeshiisa Xawaadle kadib markii…

0

Moqokori (Caasimada Online) – Taliyaha Hey’adda NISA Cabdullahi Sambaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa deegaanada HirShabeelle ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada xiga xuduuda gobolka Sh/Dhexe.

Sanbaloolshe iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Korneyl Xasan Shuute ayaa shalay ka gudbay xuduuda gobolka Sh/Dhexe, kadib kulan ay waxgaradka Abgaal kula yeesheen degmada Aadanyabaal.

Maanta waxay la kulmeen odayaasha beesha Xawaadle, si xal looga gaaro colaad gaamurtay oo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ku dhexmartay marar badan deegaanada dhaca xuduuda labada dal.

Saraakiishaan ayaa waxgaradka labada beelood ka dalbaday inay meesha ka saaraan colaada u dhaxeysa ee sababtay inay kala go’aan, is dhexmari waayaan oo is laayaan dad walaalo ah, iyagoo isku heysta arrimo deegaan iyo wax aan micno laheyn oo xal laga gaari karo.

Taliye Sanbaloolshe ayaa si adag ula hadlay waxgaradka beeshiisa Xawaadle, isagoo ka dalbaday inay si nabad ah ula degaan beelaha kale oo iska dhaafaan dagaal, isagoo ku hanjabay in ninkii dambe oo qof dila uusan cadaaladda ka baxsa doonin.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa u hanjabay dadka uu ugu yeeray Mooryaanta, isagoo sheegay in marna ay dilaan dadka, marka ay dhigtaan isbaarooyin, wuxuuna wacad ku maray in taas uu meesha ka saari doono.

”Walaahi Bilaahi Talaahi inaan Mooriyaanimo dambe layeeleynin anigaana shaqo ka qabanaya Mooriyaanta Wadankaan qaribta, looma sii dulqaada karo sidaan,” ayuu yiri Taliyaha NISA Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa beeshiisa ku canaantay in markii deegaanada Abgaal uu roob ka da’o ay u naq raaci karaan, balse markii deegaanada Xawaadle uu roob ka da’o aysan cid kale soo aadi karin.

Hoos ka daawo

Xasan Sheekh oo ku qasban inuu deg deg u qaado tallaabo kadib fadeexada soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku suntan dalka ugu musuqa badan caalamka xilligan.

Booskan ayey Soomaalida ku fadhisa sanado badan, iyada oo wax shaqo ah oo loo qaateen ah laga qaban dhaca baahsan ee ka socda gudaha dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu dhacay hantidii ma-guurtada aheyd ee dalka, canshuurtii laga qaadayay danyarta iyo kaalmadii ka imaneysay dibadda.

25-kii bishan dowladd Soomaaliya ayaa qiratay in la leexsaday raashinkii ciidanka Danab. Raashinka waxaa bixin jirtay dowladda Mareykanka.

In la musuqay raashinkan dowladda waxay qiratay markii uu Mareykanka baaris gaar ah ku xaqiijiyay in la dhacay raashinkii ay siinayeen ciidanka Danab.

Dhulalka danta guud ayaa sidoo kale musuq xooggan lagula kacay tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne Xasan ayaa kal hore kala diray guddigii la-dagaalanka musuq-maasuqa markii uu kusoo laabtay xafiiska.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa dhistay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa. Waxaa loo sameeyay sharci adag sida ay sheegaan dad badan oo akhriyay sharcigaasi, waxaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Laakiin Xasan Sheekh ayaa kala diray guddigaas markii uu xilka kusoo laabtay. Sababta ay dowladda hadda jirta u bur-burisay guddigii ka hortagga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa, waxay dadka qaarkii ku macneeyeen dano gaar ah iyo xoolo doon dadban.

Inkasta oo aan Aqalka sare lasoo marin guddigaas, haddana haddii ay daacadnimo jirto oo la rabo in musuqa lala diriro waxay dowladda Xasan Sheekh awooday inay guddigaas dib u hagaajiso, xubnaha dib u qiimeyso, sharciga lagu dhisay eegto, kadibna Aqalka Sare marsiiso, sidaasna lagu howl-galiyo guddiga.

Inuu madaxweyne Xasan Sheekh umadda u sheego inuu la dirirayo musuq-maasuqa haddana uu burburiyo guddigii la dagaalanka musuq-maasuqa, waxay dad badan u sawirtay in uusan madaxweynuhu arrintaasi daacad ka aheyn.

Soomaaliya oo weli ku magacaaban dalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka illaa hadda ma lahan guddigii ka hortagga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa, micnaheedu waa in aan loo socon in la nabad-geliyo hantida dalka ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya mowduucan.

Dhacdooyinkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay sida; boobka dhulka danta guud, raashinkii ciidanka iyo mushaharaadkii ay dowladdaha qaar askarta uga jarteen musuq dhacay awgii, dhamaan waa farriimo madaxweynaha toos ugu sheegaya in loo baahan yahay inuu qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu xakameynayo musuqa kusii baahaya gudaha dowladdiisa.

Dowladda madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale diidan dhismaha guddiga madaxa-banaan ee iibka qaranka, si looga baaqsado hanaanka suuqa madow ah ee lagu kala iibsado hantida dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh mid kamid ah waxyaabihii ugu badna ee la sheego inuu xukunka ku waayay doorashadii 2017 oo isaga iyo dadka Soomaaliyeed ku kala dhinteen waa musuqii ay ku kacday dowladdii uu xilligaasi madaxda ka ahaa. Markalena madaxweynuhu wuxuu haatan wajahaya isla mowjado noocaas ah.

Tallooyinka loo jeedinayo madaxweynaha waxaa kamid ah inuu deg deg usoo dhiso guddigii madaxa-banaana ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo inuu qaado tallaabo dhab ah uu dowladdiisa kaga saarayo dadka ay ku cad yihiin dambiyada musuqa ah iyo sidoo kale inuu dhiso guddiga madaxa-banaan ee iibka qaranka oo uu joojiyo dhulalka dowladda ee lagu kala iibsanayo suuqa madow.

Muxuu yahay mashruuca uu Ingiriiska maal-gelinayo ee laga fulinayo saddex gobol?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mashruuca Better Lives ayaa maanta lagu daah-furay munaasabad ka dhacday safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, kaasi oo socon doona muddo labo sano.

Mashruucna oo ah mid caafimad ayaa waxaa maal-gelineysa Boqortooyada Ingiriiska, waxaana sida qorshuhu yahay laga fulin doona dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Sida uu qorshuhu yahayna waxaa ka faa’iideysan doona ku dhawaad 1.5 milyan oo ay kamid yihiin 400 oo kun Hooyooyin Soomaaliyeed iyo 300 oo kun caruur Soomaaliyeed ah, islamarkaana ay heli doonaan talaalka laga maarmaanka ah.

Mashruucan oo ay maal-galintiisa leedahay hay’adda UKAID ayaa laga fulin doonaa 11 degmo oo kamid ah Galmudug, Jubbaland iyo gobolka Banaadir oo ay kamid yihiin goobaha laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo aan horay u helin adeegyada caafimaad ee aas-aasiga ah.

Munaasabada daah-furka mashruuca ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada, agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasime waaxeedyada wasaaradda caafimaadka, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya caafimaadka

Wasiirka ayaa saaxiibada taaba-galinaya mashruucan uga mahad-celiyay taageeradooda, isagoo sheegay in mashruucan uu waxbadan ka tari doono caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka, taasi oo qeyb lixaadle uga qeyb qaadaneyso horumarinta caafimaadka dalkeena.

Mashruucan caafimaad ayaa wax ka badan ka tari doona deegaanada la qorsheeyay in laga hirgeliyo oo ku yaalla laba dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaya Boqortooyada Ingiriiska.

Xasan oo shir muhiim ah uga qeyb-galay Nairobi + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb-galay shir muhiim ah.

Shirkaan oo ah kii 21-aad ee hay’adda horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda IDA.

Kulanka ayaa madaxda ka qeyb-gashay ay diiradda ku saarayaan horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa, iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Shirkaan ayaa waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana inay hesho maal-galin caalami ah.

Dowladda ayaa maal-gelintada caalamiga u raadinaysa, si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda, taasi oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo daba-yaqaada sanadkii hore ee 2023-ka si rasmi looga cafiyay deyntii uu caalamka ku lahaa.

Ujeedka shir Muqdisho uga furmay DF iyo maamullada oo ay ku jirto SSC-Khaatumo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kaasi oo uu qeyb ka yahay maamulka KMG ee SSC-Khatuumo.

Shirkaan oo ah midka guddiga sare ee mashruuca dowladaha hoose ee JPLG ayaa waxa furay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Cali Yuusuf Xoosh.

Kukanka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doono daadajinta adeegyada dowladaha hoose, sida uu lagu yiri bayaan laga soo saaray furitaanka shirka.

Waxaa ka soo qayb-galay shirkaan masuuliyiin ka socota wasaaradaha arrimaha gudaha maamul gboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo xubno ka socda maamulka kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta furmay qayb ka ah saaxiibada beesha caalamka ee taageera mashruuca dowladaha hoose ee JPLG-ga.

Waa kulankii ugu horreysay ee noociisa ee uu shir-guddoomiyo wasiirka cusub ee arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, oo isagu dhawaan xilka la wareegay.

Maalmo kahor ayey aheyd markii wasiirka uu magaalada Muqdisho kula kulmay madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kaasi oo xoogga lagu saaray wada-shaqeynta dhinacyada.

Daawo: DF oo ka jawaabtay hadal-haynta mashruuc yaab leh oo ay geysay GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (SoDMA) ayaa jawaab ka bixisay hadal-heynta ka dhalatay jawaano ay dhawaan gaysay gobolka Gedo, kuwaas oo qaarkood la geeyay degmada Doolow, si looga hortago fatahaad mar kale ku dhufato halkaasi.

Arrinta hadal-heynta dhalisay ayaa ah in jawaano kooban la geeya Doolow, gaar ahaan afaafka hore ee wabiga Jubba, taas oo dadku siyaabo kala duwan uga falceliyeen.

Maxamuud Macallin oo ah guddoomiyaha ha’yadan ayaa jawaab ka bixiyay arrintaasi, wuxuuna sheegay inuu arkay sawirrada laga soo qaaday goobta ee hadal-heynta dhaliyay, wuxuuna sheegay in shaqadu billow ay ahayd, laakin ay dad leh dano gaar ah faafiyeen wararkaasi.

Guddoomiyaha ayaa xusay in shaqadu ay tahay mid ballaaran, ayna ku dadaalayaan in laga hortago xaalad fatahaad ah oo mar kale ka dhacda gobolka Ged.

“Jawaannada waxaa lasoo sawiray xilli ay billow yihiin, shaqadana weli ay socotaa jawaanno kaliya ma’ahan arrinta carro tuur ayaa socdo katarabeelo iyo baldoosaro ayaa ku jiro oo ciida ku xaarayo oo meesha buuxinayo” ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud Macallin.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa shaqada socota garan kara dadka deegaanka oo meesha joogo, runtii meeshaas waxa ay ahayd meel dhib wayn ku hayso”.

Dhinaca kale guddoomiyaha SoDMA oo hadalkiisa sii wata ayaa beeniyay warar kale oo ku aadan in la leexdo gaadiidka raashinka sida ee ay hay’addu u dirto gobollada dalka, isaga oo shaaca ka qaaday inay gurmadkaasu la gaarsiiyo deegaanada iyo dadka loogu talagalay.

“Baabuurta iyo raashinka la diraayo si siman ayay u tegaan gobollada, ugama harno inaan dirno gaadiidka, waxaan saarnaa dad, maamulladana waa nala shaqeeyaan” ayuu yiri.

Waxa uu intaasi kusii daray in aysan hay’addu mar kasta ka jawaabi karin wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo baraha bulshada, kuwaas oo tilmaamay in laga leeyahay dano kale, laguna suurad xumeynayo magaca Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

“In ay tegaan iska daayi xitaa waxaa hubinaa in dadka loogu talagalay la gaarsiiyay gurmadkaasi, marka annaga qof meel fadhiyo wax uu iska soo qoray kama jawaai karno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Maxamuud Macallin oo wareysi siiyay Universal TV.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska hor imaad hubeysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaa ka dhashay khasaare u badan dhaawac.

Is-rasaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ay weerar ku qaadeen guriga sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku yaalla agagaarka isgoyska Boondheere, halkaas oo uu ka dhacay dagaal toos ah, markii ay isku dhaceen labada dhinac.

Sarkaalka la weeraray ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Sayid-Cali, wuxuuna ka tirsan yahay ciidanka lagu soo tababaray Eritrea ee hadda ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in sarkaalka milatariga ee lagu dagaalamay hoygiisa uu dhaawac kasoo gaaray weerarka lagu qaaday, waxaana hadda la dhigay isbitaal.

Ma cadda sababta loo weeraray sarkaalkan oo ilaaladiisa iyo kuwa dowladda ay xalay ku dagaalameen magaalada Muqdisho, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda.

Inta ay socotay rasaasta ayaa si weyn looga dareemay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, waxayna labada ciidan isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

“Jawiga ayaa u kacay xabado saaid ah ayaa la’is weydaarsaday labada dhinac Dhashiike iyo Daba-jeex ayaa la adeegsaday” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana la kala qaaday ciidamadii dagaalamay, sida uu sheegay goobjooge ku sugan degmada Boondheere.

“Hadda xaaladdu way dagan tahay wax xabado ahna ma jiraan, waana la kala qaaday ciidankii, hadda amniga sidii hore ayuu kusoo laabtay” ayuu mar kale yiri.

Horay ayaa sidan oo kale loo weeraray guryo ay dagan yihiin saraakiil, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, ayadoo la xasuustoo weerarkii Janaraal Sheegow.

Wax ka ogow saddex faa’iido weyn oo Turkiga ka helayo heshiiska difaac ee Somalia

0

Ankara (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo uu qoray Machadka daraasaadka siyaasadda Emirates Policy Center ayaa waxaa looga hadlay heshiiska difaaca ee ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu hadda bilowday dhaqan-galkiisa.

Maqaalkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ciwaan looga dhigay ‘Heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya: Go’aan qaadasho laga baaraan dagay, mise tallaabo loo qaaday meel aan la aqoon’.

Sidoo kale waxaa lagu soo koobay saddex faa’iido waa weyn oo Turkigu ka helayo heshiiska difaac ee uu haatan la galay dowladda federaalka, kaas oo kusoo aaday, kadib heshiiskii muranka badan dhaliyay ee Addis Ababa ku dhexmaray Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

1-Joogtitaan buuxa oo milatari; Warbixinta Emirates Policy Center ayaa lagu sheegay in Turkiga heshiiskan difaac uu ka helayo awood maamul oo aan horay loo arag, isla markaana uu ku yeelanayo dhulka, badda iyo cirka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa maqaalka lagu shaaciyay in heshiiskan uu ka duwan yahay kuwii horay u dhex-maray labada dowladood oo ah saaxibo dhow oo uu ka dhexeeyo xiriir aad u sarrreeyo.

2-Gorgorton heer Caalami ah; Waxaa kale oo Emirates Policy Center ku warramay in heshiiskan difaaca uu Ankara siinayo fursad kale oo ay kula gorgortanto dowladaha waa weyn, sida Mareykanka oo isna taageero milatari siiyo dowladda federaalka Soomaaliya.

“Tani waxa ay saameyn ku yeelan kartaa baaxadda iskaashiga ama khilaafka Ankara iyo Washington ee bariga dhexe” ayaa lagu yiri maqaalka lagu daabacay Emirates Policy Center.

3-Isku fidinka Geeska Afrika; Nuqul kamid ah maqaalkan oo si weyn loo akhristay ayaa lagu sheegay in Turkigu sii ballaarinayo awoodiisa Geeska Afrika, balse heshiiskan cusub ee difaaca ayuu Emirates Policy Center sheegay inuu caqabad ku noqon karo dowladda Itoobiya, gaar ahaan qorshaha ay ku dooneyso inay marin biyood ka hesho Badda Cas.

“Tani ayaa waxa ay ku qabsi kartaa Itoobiya in ay u hoggaansanaanto damaca iyo rabitaanka Turkiga, si uusan usoo socon heshiiskan ama ugu yaraan ay uga badbaado saameyn xun oo xun oo ka dhan danaheeda” ayaa lasii raaciyay warbixinta.

Turkiga ayaa dhankiisa aaminsan in Itoobiya ay mudnaan wayn siin doonto sii wadida xiriirka kala dhexeeya Ankara, ayada oo la eegayo xiisadda haatan kala dhexeyso Masar..

Si kastaba, Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid difaac oo muhiim ah ayaa kusoo aaday, waxyar kadib markii ay Itoobiya heshiis badeed la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si wayn uga hortimid dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Isla xisaabtanka amniga oo bilowday iyo kulan xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan amni oo xasaasi ah.

Kulankaan oo looga hadlaayay dar-dargelinta amniga caasimadda Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari.

Taliyeyaasha ayaa masuuliyiinta maamulka la wadaagay warbixinta xaalada guud ee amniga caasimadda, oo bilihii dambe laga dareemayay xasilooni amni, inkasta oo mararka qaar ay kooxda arbushaad ka sameyso.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay saraakiisha laamaha amniga in xooga la saaro dar-dargelinta amniga caasimadda.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay saraakiisha amniga ee kulankaan qeybta ka ahaa in laga hortago fal kasta oo wax u dhimi kara amniga ay ku naaloonayaan shacabka gobolka Banaadir.

Dhawaan ayey aheyd markii ay dowladda sheegtay inuu bilaabanayo isla xisaabtanka amniga caasimadda, si kor loogu qaado xasiloonida amni ee ay bilihii dambe haysteen reer Muqdisho, si dhameystirana meesha looga saaro falalka argagixiso ee kooxda Al-Shabaab.

20 QOF oo Soomaali ah oo ku dhintay Kenya kadib markii…

0

Gaarisa (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay doon ay la socdaan dad badan oo rakaab ah, taas oo ku qalibantay agagaarka magaalada Gaarisa, gaar ahaan deegaanka Kona Punda oo ka tirsan degmada Madogo ee ismaamulka Tana River.

Shilkan ayaa dhaliyay khasaare xoogleh oo dhimasho, sida laga soo xigtay dadka deegaanka oo weli wada gurmad iyo baadi goob loogu jito doonidaasi.

Ugu yaraan 20 qof oo rakaab ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay halkaasi, taas oo weli baadi goob loogu jiro.

Dhammaan dadka ku geeriyooday doonta degtay ayaa ah Soomaali, taas oo dadka deegaanka, gaar ahaan ehelladooda ku reebtay xanuun aad u wayn.

Doonida oo ay saarnaayeen in ka badan 40-qof oo rakaab ah ayaa ku sii jeedday Gaarisa iyadoo ka baxday degmada Madogo, halkaasoo ay ka soo qaadday rakaabkii saarnaa.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda, waxaase soconayo howlgal ay wadaan maamulka deegaanada iyo shacabka, si looga jawaabo mashaqadaasi.

Waa marki ugu horreysay inta la xasuusto oo shil noocani oo kale ah uu ka dhaco wadaddan isku xidha Nairobi iyo Garissa.

GORGOR oo howlgal culus ka fuliyay Hiiraan + Sawirro

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gorgor ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen agagaarka degmada Buuloburde ee gobolkaasi.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad Guutada18-aad ee Gorgor waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa gaaray deegaanno ay kamid yihiin Caag Bashiir, Hilaweyn Biya Madoobe iyo Beerayabal oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in ujeedka uu yahay in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga sifeeyo aagga jinka wabiga Shabelle.

“Howlgalkan ayaa lagu badi gobayay xubno katirsan khawaarijta oo ku dhuumaaleysaneyey deegaanada laga sameyay howgalka ee jiinka wabiga ayaa kla ah Caag Bashiir, Hilaweyn Biya Madoobe, Beerayabal iyo deegaano kle oo dhowr ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Buuloburde oo fariisin u ah ciidanka dowladda.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana halka uu kasoo billowday halganka xoreynta ee haatan ka socda gobollada dalka.

Israel oo duqeyn culus ka geysatay Gaza iyo wararkii ugu dambeeyay dagaalka

Gaza (Caasimada Online) – Saraakiisha caafimaadka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in ugu yaraan 13 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerar cirka ah oo ay ciidamada Israil ku bartilmaameedsadeen saddex guri oo ku yaalla degmada Rafax ee Marinka Gaza.

Weerar kale oo ka dhacay dhanka waqooyi ee Marinka Gaza ayay ilaha caafimaadku sheegeen in dhowr qof lagu dilay kuwo kalana lagu dhaawacay, kaddib marki ay madaafiicda Israil ku dhaceen laba guri oo ay dad rayid ah daganaayeen.

Weeraradan cirka ah ee ay ciidanka Israil u geysteen magaalada ay isugu tageen qaxootiga iyo barakacayaasha Falastiiniyiinta Gaza ee Rafax ayaa yimid, saacado yar ka hor inta aysan Qahira gaarin qaar ka mid ah madaxda ururka Xamaas.

Saraakiisha Dowladda Masar ayaa Axaddii shalay aheyd sheegay in Isniinta maanta ah ay hogaamiyaasha Xamas imaa doonaan Qahira, si halkaasi looga sii amba qaado wadahadallo rajo laga rajo qabo in uu ka dhasho heshiis xabad joojin ah oo dhexmara Israil iyo Xamas.

Wada-hadallada ayaa waxaa dhex-dhexaadinaya Qatar, Masar iyo Mareykanka.

HORMUUD iyo DF oo war culus ka soo saaray qaraxii lagu laayey shaqaalaha shirkadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Hormuud ayaa war ka soo saaray qarax galabtablagu dilay lix ka mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud oo la socday hal gaari, xilli ay maraayeen deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya 6 ruux, isla goobtana uu ku basbeelay gaarigii ay wateen.

Hormuud waxay shaacisay magacyada lixda qof ee galabta qaraxa looga dilay, waxay kala yihiin:

1- Xuseen Macalin Cabdi Wehliye
2- Maxamed Cabdulle Wardheere
3- Maxamed Axmed Wehliye
4- Cabdikariin Cusmaan Cabdi
5- Cabdinaasir Axmed Maxamuud
6- Cabdifatax Nuur Cabdi

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay si adag u cambaareysay falkaas kooxaha Khawaarijta ah ay ku laayeen shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud oo ah shirkad ganacsi oo dad shacab ah ay leeyihiin.

“Falkaan oo ahaa mid ka fog Diinta iyo Qiyamka Bini-daamka waxa ay Khawaarijtu si ku tala gal ah ugu beegsatay gaari ay leedahay shirkaddu kaas oo ay saarnaayeen lix muwaadin oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda kuwaas oo dhamaantood ku naf-waayay ficilkaas Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Weerarkaan ay Khawaarijtu u gaysatay dadkaas shacabka ah waa mid muujinaya sida arxandarrada ah ee ay duullaanka ugu yihiin shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn.”

Warkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta XFS ayaa si gaar ah loogu xusay in weerarka ay Khawaarijtu ku hayso ganacsatada Soomaaliyeed ee halbowlaha u ah umadda laga dheehan karo heerka ay gaarsiisan tahay cadaawadda Khawaarijtu ay u hayso shacabka Soomaaliyeed oo ay doonayaan in ay tirtiraan.

“Dawladda Soomaaliya iyada oo kaashanaysa shacabka waxaa ka go’an in xididada loo siibo Khawaarijtaan, taas oo ah xalka kali ah ee inoo furan. Waxaan  ugu baaqaynaa shacabkeena sharafta badan in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Dawladda sidii loo ciribtiri lahaa cadawgan Diin-laawayaasha ah,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Ugu dambeyntii qoraalkaan waxaa loogu tacsiyeeyey ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas “Dawladdu, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Maamulka iyo hawl-wadeenada Shirkadda Hormuud, ehelka iyo qaraabada ay ka baxeen marxuumiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya.”

Hoos ka akhriso warqadaha ka soo baxay dowladda iyo Hormuud

Sawirro: Xasan Sheekh oo safar ku tegay dalkii 3-aad, ka qeyb gelaya shir xasaasi ah

0

Nairobi (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya  si uu uga qayb-galo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo  maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi,  wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo caalami ah iyo mashaariic horumarineed.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa galabta soo gaba-gabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Tansaniya, isagoo soo booqday Jasiirrada Sinsibaar oo ka mid ah deegaannada xiriirka taariikhiga ah uu kala dhexeeyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha dowlada Sinsibaar Mudane Hussein Mwinyi ayaa  uga tacsiyeeyay geerida Aabahii Madaxweynihii hore dalka Tasaaniya Ali Hassan Mwinyi.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taariikhda iyo xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha ku dhaqan Sinsibaar, iyo iskaashiga arrimaha dalxiiska oo Jasiirrada Sinsibaar ku tilmaamantahay.

Daawo: Wasiir Jaamac oo ka jawaabay muuqaal askar uu ka duubay oo la dhibsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka jawaabay eedeyn iyo hadal-heyn ka dhalatay muuqaal uu ka duubay askar tababar loogu diray dalka Turkiga, wasiirka ayaa muuqaalkaas ku baahiyey bartiisa TikTok.

Muuqaalkaas waxaa laga dhex arkay askarta oo wadata baco loo maleynayey inay dharkooda ku wataan, waxaana ka dhalatay hadal-heyn culus iyo caro dadweyne, maadaama ciidanka ay ku habooneed in dharkooda ay ku qaataan boorsooyin.

Wasiirka Gaashaandhigga oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa ka jawaabay eedeynta dadweynaha, wuxuu sheegay in ciidanka uu muuqaalka ka duubay ee diyaaradda sii raacaayey ay bacaha ku wateen raashin bisil oo loogu talo galay inay diyaaradda ku dhex cunaan.

Ciidankaas oo ka tirsan Gorgor, waxay tababar dhowr bilood ah ku qaateen saldhigga TurkSom ee Muqdisho, waxayna safar u ahaayeen saldhigga labaad ee tababarrada ciidamada Gorgor ee magaalada Sparta dalka Turkiga.

Wasiir Jaamac oo ay ka muuqatay inuu ka careysnaa falcelintii dadweynaha ka weeraray bartiisa TikTok ayaa su’aashaaa uga jawaabay si caro leh, wuxuuna sheegay in ciidanku aysan marna raaxo ku jirin, mar xalad kastana aysan wax dhib ah laheyn in muuqaal looga duubo.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dadka isticmaala baraha bulshada ka dalbaday inay joojiyaan sumcad xumeynta ciidanka, wuxuu ku dheeraaday sharaxaada sida askariga Soomaaliyeed ee naftiisa soo huray.

“War adigoo raadinaya in lagu daawado miyaad wax ka sheegeysaa qof ay suurtagal tahay in daqiiqado kadib uu dhinto, ka daaya ciidanka wararka sumac dilka ah ee aad ka faafisaan, uma qalmaan waxay noo soo hureen naftooda,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa wareysigaan uu bixiyey uga hadlay arrimo badan oo xasaasi ah, kuwaas oo khuseeya dagaalka Khawaarijta, dhismaha ciidanka iyo xatooyo lagu sameeyey raashinka ciidanka Danab.

Hoos ka daawo wareysiga

Hoos ka daawo muuqaalka la dhibsaday

@maayaquus

Dhiiga cusub ee Gor Gor.

♬ original sound – Abdulkadir Mohamed Nur

Lix ka mid ah shaqaalaha HORMUUD oo la dilay iyo xogta sida loo beegsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen howlwadeenno ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-baalleey ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen dhamaan shaqaalihii saarnaa gaariga oo gaaraya 6 qof.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in isla goobta uu ku basbeelay gaarigii ay wateen, shaqaalaha la qarxiyey ee Hormuud.

Wararka qaar ee la helayo ayaa xaqiijinaya in qaraxu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, taasi oo qabsatay gaariga.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, maamulka Shirkadda Hormuudna wali kama hadlin dhacdadaan galaafatay lix ka mid ah shaqaalihii shirkadda.

Muddooyinkii dambe beegsi gaar ah ayaa lagu hayey shaqaalaha, gaadiidka iyo xarumaha shirkadda Hormuud, waxaana lagu qarxiyey dhowr goobood, shirkaduna kama hadasho arrimahaan.

Wararka ay dadku isla dhexmarayaan ayaa hadba koox u saarinaya beegsiga lagu hayo shirkadda, Al-Shabaab iyo Daacish ayaa lagu kala eedeynayaa qaraxyada loo geysto Hormuud.

Labada koox midkoodna ma sheegto weerarrada loo geysto Hormuud, dowladda iyo maamulka shirkadda Hormuud-na sidoo kale waa ay ka gaabsadaan inay ka hadlaan dhacdooyin soo noqnoqday ee shirkadda iyo shaqaalaheeda loo geysto.

Daawo: Jaamac oo xog ka bixiyay fadeexada Danab, “Rag waaweyn ayaa ku lug leh”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay fadeexadda musuq-maasuq ee hareysay taliska ciidanka Danab.

Wasiir Jaamac oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay dhacday laba todobaad kahor, taasi oo lagu leexsaday raashinkii loogu tala-galay ciidamada Danab ee xoogga dalka, isaga oo qiray in loo iib geeyay suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Jaamac ayaa sheegay in falkan ay ku lug leeyihiin saraakiil sar-sare oo ciidamada kamid ah, islamarkaana lasoo xiray, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Waxaa la xaqiijiyay in urur kamid ah guutada Danab raashiin loogu talagalay qayb kamid ah inay dad saraakiil ah si aan loogu talagelin u isticmaaleen,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.

Wuxuu intaas kusii daray “Arrinkaas isaga ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waaxyihiisa kala duwan oo ku shaqada lahaa ayaa daba-galay waxayna ogaadeen in arrinkaas uu jiro, ayna dadkii ku dhex jiray shaqada toos loogu qabtay.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay tallaabada uu qaaday Mareykanka, isaga oo sheegay inay isla garteen in hadda kadib dowladda federaalka ay la wareegto raashinka ciidanka Danab, balse waxa uu tilmaamay in howlihii kale, sida shidaalka iyo taageerada uu sii wadi doono Mareykanka.

Dhankeeda dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka.

Fadeexaddan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada baaritaanka socdo iyo tallaabada ay qaado dowladda.

Hoos ka daawo wareysiga

Madaale oo loo gudbiyay soo jeedinta in dhismayaal badan la dumiyo + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta loo gudbiyay soo jeedin la xiriirta xal u halista caqabadaha biyaha roobka oo saameyn weyn ku yeesha caasimadda.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka (SODMA) Maxamuud Macallim Cabdulle oo xafiiskiisa ku booqday guddoomiye Madaale ayaa la wadaagay soo jeedintan oo ah “in meesha laga saaro oo la dumiyo guryaha ka dul dhisan goobihii loogu tala galay in bullaacaduhu maraan,” si xal loogu heli caqabadaha ka dhasha roobka.

Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray xal u helidda caqabadaha soo laa-laabtay ee caasamidda, fududeynta howlaha gargaarka iyo u diyaar-garowga khatarta roobka gu’ga ee la saadaalinayo .

Sidoo kale waxaa kulanka si weyn loogu gorfeeyay sidii loo hagaajin lahaa bullaacadaha iyo biyo mareennada magaalada ee musiibada ku noqday bulshada, si loo fududeeyo nolosha iyo isku-socodka.

Labada dhinac ayaa dhanka kale waxay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay in meesha laga saaro dadka horjoogayaasha ka ah xarumaha barakacayaasha ee u dhaxeeya deeq-bixiyayaasha iyo dadka nugul ee kaalmada u baahan iyadoo la adeegsanayo hay’adaha amniga iyo garsoorka dalka.

Iyaga oo sidoo kale ku balamay in loo diyaar-garowo daadadka xooggan ee la saadaalinayo in ay caasimadda ka dhacaan, kuwaasi oo inta badan saameyn ku yeeshay isku socodka gudaha magaalada, iyadoo biyaha buux dhaafiyaan laamiyada.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda ah ayaa xilliyada roobka waxay gashaa xaalad adag, ayada oo ay adkaato isku socodka gudaheeda, taasi oo maamulka gobolka Banaadir uusan illaa hadda u keenin xal wax ku ool ah.