25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo kala duwan oo xalay laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka Waaberi, Boondheere iyo Yaaqshiid.

Khasaaraha ka dhashay weeraradan ayaa lasoo warinayaa inuu kordhay, waxaana waxyeelo u badan dhaawac ay soo gaareen dad shacab ah oo carruur u badan.

Boodheere waxaa lasoo wariyay in 4 carruur ah ay ku dhaawacmeen hal goob, kadib markii uu ka dhacay hoobiye, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Carruurta dhaawacantay ayaa si deg-deg ah loola cararay qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay wararka ku saabsan in wixii xalay dhacay ay ahaayeen dheemish, sida lagu baahiyay baraha bulshada.

“Wax musiibo ah ayaa soo dhacay 4 canug ayaa wax ku gaartay, dadka qaar waxa ay leeyihiin dheemshi waayey, laakiin dheemish waxna ma dhaawac yeelo, waxna ma dilo” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Carruurta marka ay dhaawacmaayeen waxa ay ku ciyaarayeen bannaanka hal mar ayaana ka war helnay jugta, waana wax soo dhacay” .

Qarax labaad ayaa isna xalay ka dhacay ka dhacay isgoyska Dabka, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliska ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas noociisa wuxuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxayna ku jirtay Bac-madow, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada ammaanka ayaa ka war-helay in qaraxaas Meesha la dhigay, kadibna waxaa la xiray wadada, waxaa laga ag fogeeyey dadkii, kadibna waxaa la dalbay miino baar, balse inta uusan imaan miino baarkii ayey qaraxday.

Si kastaba, Amniga magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayey maalmihii u dambeeyey waxaana meel kasta la dhigo ciidamo baaraya dadka iyo gaadiidka, dadaalka hey’adaha amniga ayaa Meesha ka saaray weeraradii Khawaarijta.

Maxkamadda ciidamada oo la wareegtay kiiska musuqa ee ciidanka Danab (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa si faah-faahsan uga hadlay fadeexadda musuq-maasuq ee hareysay taliska ciidanka Danab.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dhacdadan ay dhacday laba todobaad kahor, isla markaana jirto in la leexday raashinkii loogu talagalay ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo uu qiray in loo iib geeyay suuqyada waa wayn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in howsha ay hadda la wareegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayna socoto baaristii u dambeysay ee kiiskan xasaasiga ah.

“Hadda howsha waxaa gacanta ku haya hay’adihii loogu talagalay sida Garsoorka, oo au ugu horreysi Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waa lagu wargeliyay shaqadaasna hadeer meel fiican ayay mareysaa mar dhowna waxaan rajeyneynaa in baarista ay soo dhamaato, maxkamaddana ay natiijada la wadaagto shacabka Soomaaliyeed,” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu ka hadlay tallaabada uu qaaday Mareykanka, isaga oo sheegay inay isla garteen in hadda kadib dowladda federaalka ay la wareegto raashinka ciidanka Danab, balse waxa uu tilmaamay in howlihii kale, sida shidaalka iyo taageerada uu sii wadi doono Mareykanka.

Dhankeeda dowladd Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka.

Fadeexaddan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada baaritaanka socdo iyo tallaabada ay qaado Maxkamadda Ciidamada.

Mareykanka oo ka hadlay fadeexada musuq-maasuq ee kusoo baxday ciidanka Danab

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn doonto xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexad musuq-maasuq oo kusoo baxday.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in la leexsaday qaar ka mid ah raashinkii ciidanka Danab.

Wasaaradda ayaa shaacisay in la xiray saraakiil sare oo lagu tuhunsan yahay kiiskan. Waxay kale oo ay sheegtay inay arrintan ku war-gelisay Mareykanka, islamarkaana inta baaritaanka uu socdo ay la wareegi doonto bixinta raashinka ciidanka.

Sarkaal Mareykan ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Washington ay dhammaan eedaha musuq-maasuqa u qaadaneyso si dhab ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka.

Ilo-wareedyo kala duwan ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay qorsheyneyso inay joojiso taageerada ay siiso ciidamada Danab marka la gaaro bisha June ee sanadka 2024-ka.

Bayaanka kasoo baxay ayey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku sheegtay inay sameysay baaritaan dhaliyey in shaqada laga joojiyo oo la xiro dhowr sarkaal oo ka tirsan Danab.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baaritaanadaan ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in qayb ka mid ah raashinka Danab la leexsaday. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhacdaadaan ka falcelisay, waxa ayna isla markiiba billowday baaritaan taas oo keentay in shaqada laga joojiyo saraakiil ka tirsan Ciidanka si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.”

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin goorta ay dhacday leexsashada iyo nooca raashinka la leexsaday, balse waxay sheegtay inay “dhacdadan ku wargelisay dhinacyada ay khusayso, waxayna la wadaagi doontaa natiijada baaritaannadaas marka ay soo idlaadaan.”

Si kastaba, bayaanka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya “ay qaadi doonto mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab”.

“Wadahadalladii u dambeeyay ee labada dhinac ayaa DFS oo la tashi dhow la gashay dowladda Mareykanka waxa ay qaadi doontaa mas’uuliyadda bixinta raashinka Danab, waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto mas’uuliyadda taakuleynta Ciidanka Danab ee CXD. DFS ayaa xoogga saarayso la wareegidda amniga iyo taakulaynta Ciidankeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ciidamada Xoogga dalka oo dib ula wareegay maanta deegaanka Cali-fooldheere

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in mar kale ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ay dib ula wareegeen deegaanka Cali-fooldheere ee gobolkaasi, halkaas oo shalay lagu arkay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa xalay saq-dhexe dib ugu laabtay deegaankaas oo hoostaga degmada Mahadaay, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ma jiro wax dagaal ah oo goobta ka dhacay, waxayna ciidamadu ay si nabdoon kula wareegeen deegaankaas oo shalay ay gudaha usoo galeen xubno Al-Shabaab.

Sarkaal sare oo u hadlay ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay hadda ku sugan yihiin gudaha deegaanka, ayna ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah.

“Xalay ayaan kusoo mirnay annaga oo ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka deegaanka, haddana gacanta ayaa ku heynaa, waxaana kaala soo hadlayaa Califooldheere” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xoogaga Al-Shabaab ay shalay soo galay deegaanka ay ahaayeen xubno doonayay lacago Zakawaat ah iyo inay dhacaan dadka deegaanla.

Waxa shalay yimid oo halkan laga sheegaayo waxaa waayay waa qolada Zakawaatka aruuriso oo rabaan inay dadka hajuumaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgallo ka wadaan halkaasi, si looga hortego Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa sameynayay dib u gurasho, waxaana ay kasoo baxeen magaalooyin dhaca HirShabelle iyo Galmudug oo qaarkood dib loogu laabtay.

Sawirro: Xogta arrimo culus oo looga hadlay kulankii Xasan Sheekh iyo dhigiisa Tanzania

0

Dar Es Salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa maanta wadahadal ku yeeshay Madaxtooyada magaalada Dar Es Salaam.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo la iska kaashado dhinacyo badan oo ay ka wada faa’iideysan karaan labada dhinac.

Dhinacyada ay labada dal isku af-garteen inay ka wada shaqeeyaan ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga iyo difaaca, arrimaha bulshada, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, dalxiiska iyo dhammaan arrimaha Iskaashiga guud ee labada dal ay wadaagi karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhoweynta.

Dowladda Tanzania u fidisay isaga iyo wafdigiisa, iyo weliba sida ay Dowladda Tanzania u garab istaagtay qadiyadda dhowrista madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku kacday Dowladda Ethiopia oo heshiis sharci darro ah la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mahadceliyay doorkii ay Tanzania ka qaadatay in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC, isagoo dhanka kalena xusay in Tanzania ay tusaale lagu dayan karo u tahay waddamada Afrika intooda badan marka loo eego dhinacyada xasiloonida siyaasadda, wadajirka ummadeed iyo amniga. Waxaana uu soo dhoweeyay is-afgaradka labada waddan ee Iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa dhankeeda ka mahadcelisay booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ka qeyb-galkiisa xuskii sannad-guuradii 60-aad ee maalinta Midowga ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Madaxweyne Samia ayaa xustay, isla markaana soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee dhinaca amniga, diblomaasiyadda iyo adeegyada kale tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay bishii May 2022-ka.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay in dalkeeda uu si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ku faraxsan tahay in bog cusub u bilowdo xiriirka labada dal, kaas oo ku saleysan iskaashi, wax wada qabsi iyo is ixtiraam.

Waxaa sidoo kale ay Madaxweyne Samia aqbashay martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay soo booqato Soomaaliya.

Kulanka gaarka ah kadib, ayaa waxaa labada Madaxweyne ay si wadajir ah u guddoomiyeen wadahadal rasmi ah oo labada dal ay yeesheen oo looga hadley sidii loo fulin lahaa qodobada ay ka wadahadleen ee iskaashiga labada dal.

Kulankaasi waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Macallin, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis Jama, Danjiraha Soomaaliya u fadhida Tanzania Zahra Ali Hassan iyo saraakiil kale.

Dhanka Tanzania waxaa Madaxweyne Samia Suluhu Hassan wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane January Yusuf Makamba, Wasiirka Caafimaadka Dr Ummy Mwalimu, Wasiirka Qorsheynta Dr Kitila Mkumbo iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale maanta booqday Hay’adda Kaydinta Dawoyinka Tanzania ee MSD iyo Isbitalka Muhimbili halkaas oo warbixin ku saabsan qaabka ay labada dal uga wadashaqeyn karaan iskaashiga kobcinta adeegyada caafimaadka kaga dhegeystay Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania Dr Ummy Mwalimu.

Muqdisho: Aabe reerkiisa ku halaagay qarax uu sameynayey

0

Ceelsha-Biyaha (Caasimada Online) – Sida ilo xog ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online, deegaanka  deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka Muqdisho waxaa ka dhacday arrin mucjiso ah, kadib markii nin dhagar maleegayey uu laayey qoyskiisa.

Dad ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa Caasimada Online u sheegay in qoys oo ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo carruur ah uu galaaftay qarax uu sameynayey odaga reerka.

Odagii qaraxa sameynayey iyo labadii carruurta aheyd ayaa geeriyooday, halka hooyadii reerka dhaawac culus goobta looga qaaday. arrintaas ayaa

Xogtaan waxay sheegeysaa in qaraxa uu sameynayey Aabaha reerka, balse uu ku qarxay isaga iyo reerkiisa oo kaliya, kadib markii ay ka halowday farsamadii.

Dadka deriska la ah reerkaas ayaa ku soo baxay markii ay maqleen qaraxa ka dhacay guriga dhexdiisa, waxaana loogu yimid hooyadii oo dhaawac ah iyo meydka odagii qaraxa sameynayey iyo labo carruur ah.

Arrintaan ayaa argaagax ku abuurtay dadkii deriska ahaa ee Ceelasha Biyaha la deganaa reerka ay heshay musiibadaan la sheegay inuu gacantiisa ku geystay odagii reerka.

Tani waxay si buuxda u muujineysaa saameynta ay qof kasta ku yeelan karto dhibaatada dhagarta ay Khawaarijtu u maleegeyso shacabka Soomaaliyeed ee aan waxaba galabsan.

Ciidanka booliska Soomaaliya oo goobta tegay ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaano culus oo arrintaan la xiriira, waxaana lagu wadaa in goordhow ay soo saaraan faahfaahin ku saabsan dhacdadaan yaabka leh.

Faah-faahinta qaraxyo caawa ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa qaraxyo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay isgoyska Dabka, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliska ee degmada Waaberi.

Qaraxaas noociisa wuxuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxayna ku jirtay Bac-madow, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa waxaa la dhigay banaanka hore ee meherad Jalaatada iyo Macmacaanka lagu iibiyo oo lagu magacaabo Aadan-neyntiin.

Ciidamada ammaanka ayaa ka war-helay in qaraxaas Meesha la dhigay, kadibna waxaa la xiray wadada, waxaa laga ag fogeeyey dadkii, kadibna waxaa la dalbay miino baar, balse inta uusan imaan miino baarkii ayey qaraxday.

Dadka aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in qofina aysan waxaba ku noqon qaraxa ka dhacay isgoyska Dabka, balse waxaa jira qaraxyo kale oo laga soo sheegayo qeybo ka mid ah magaalada.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ayaa sidoo kale la sheegay inay wax ka dhaceen, balse ilaa hadda xog lagama helin khasaaraha iyo nooca qaraxyada ka dhacay.

Waxaa jira warar laga soo xigtay hey’adaha amniga, balse aan rasmi aheyn, kuwaas oo sheegaya in waxyaabaha qarxay ay yihiin dheemish, isla markaana aysan geysanin wax khasaare ah.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayey maalmihii u dambeeyey waxaana meel kasta la dhigo ciidamo baaraya dadka iyo gaadiidka, dadaalka hey’adaha amniga ayaa Meesha ka saaray weeraradii Khawaarijta.

Wixii ka soo kordha qaraxyada Muqdisho ka dhacay kala soco Caasimada Online.

BF oo soo faro-geliyay fadeexada ciidanka DANAB

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si toos ah usoo faro-geliyay fadeexadda wayn ee hareysay taliska Danab, kadib markii la musuqmaasuqay raashinkii ciidankaasi, taa oo keentay in Mareykanku  jaro taageeradiisa.

Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay arrinta dhacday oo ay qiraal ka sameysay wasaaradda gaashaandhigga, oo iyadu shaacisay in saraakiil sare loo xiray falkaasi.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in ay cadahay in la leexsaday raashinkii ciidanka, loona maamulay si ka baxsan nidaamka dowladnimda.

“Waxaa cadaatay in garaamkii loogu tala galay la musuqu-maasuqay, loona maamulay si baalmarsan nidaamka haykalnimada dowladnimada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Guddiga oo toos ugu diray warqaddan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga dalbaday in muddo 7 cisho looga soo jawaabay qoraalkan, si loo cadeeyo arrinta dhacday.

“Yaa ka mas’uul ah musuqmaasuqa sababay in la jaro taageeradii ciidanka Danab ee Mareykanku bixinaayay?  ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn guddiga difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in lala soo socodsiiyo natiijada baaritaanka socda iyo magacyada saraakiisha ku eedeysan falkaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xoogan iyo tallaabo deg-deg ah oo uu qaaday Mareykanka oo isla markiiba ku dhawaaqay inuu hakiyay taageeradii ciidanka Danab.

Sawirro: Somaliland oo wafdi culus maanta u dirtay Itoobiya – Muxuu yahay Ujeedka?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wafdi saraakiil ah oo ka socda xukuumadda Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland , Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, kaas oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federal Ethiopia Commissioner General Demelashe G/Mechiel.

Ujeedka safarkan ayaa la xiriira iskaashiga labada dhinac, ee amniga iyo tababarada ciidamada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

“Safarkan oo ujeedadiisu ahayd iskaashiga labada dawladdood ee dhinac amniga iyo Tababarrda labada Ciidan Boolis ,  Kulankaas oo ay Taliyaha ku wehelinayeen Saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska JSL” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu ballamay kulamo kale oo xasaasi ah, kuwaas oo looga hadlayo iskaashiga Hargeysa iyo Addis Ababa oo muddooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay.

Itoobiya ayaa dhankeeda horay wafdi culus ugu dirtay Somaliland, kuwaas oo booqday magaalada Hargeysa, waxaana ujeedka u ahaa xoojinta xiriirka labada dhinac,

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa daba socda heshiiskii badda ee labada dhinac, kaas oo ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya oo soo saartay go’aanno ka dhan ah Itoobiya.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyadan ayaa u muuqdo kuwa diblumaasiyadeed, ugana sii daraya xiisadda haatan taagan ee ka dhalatay badda, taas oo laga dareemayo gobolka intiisa kale.

 

Shabaab oo dib ula wareegtay degaano ku yaalla Sh/Dhexe

0

Mahadaay (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay la wareegeen deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolkaasi, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab saaka lagu arkay aagga degmada Mahadaay, halkaas oo ay soo faarujiyeen ciidanka deegaanka iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Deegaanada ay gaareen Al-Shabaab ayaa waxaa kamid ah Cali Fooldheere iyo Ciid-ciidka oo dhaca jinka wabiga, halkaas oo horay looga saaray maleeshiyaadka kooxda.

Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda ayaa xaqiijiyay inay Al-Shabaab la wareegeen deegaanadaasi, kadib markii ay kasoo tallaabeen Wabiga Shabelle.

Ujeedka kooxda ayaa ah inay isku fudiso dhulkaasi, kadibna ay goyso waddada dheer ee isku xirto gobollada Hiiraan iyo Shabeela Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhankooda dhaq-dhaqaaqyo bilaabay ciidamada huwanta oo ujeedkooda yahay inay ku laabtay deegaanada ay kasoo baxeen.

Deegaanada ay hadda gudaha u galeen Al-Shabaab ayaa waxaa muddo ku sugnaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo horay dagaal ugu qabsaday deegaanadaas oo ay muddo dheer kula dagaalameen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta aya sameynayay dib u gurasho, waxaana ay kasoo baxeen magaalooyin dhaca HirShabelle iyo Galmudug oo ay dib ula wareegtay kooxda.

Daawo: Sanbaloolshe oo go’aan culus uga dhawaaqay Aadan Yabaal – Muxuu yahay?

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladaha ka jira halkaasi, gaar ahaan isbaarooyinka iyo dagaallada beeleedyada.

Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaadahy in haatan wixii ka dambeeyay aysan dowladdu aqbali doonin in isbaaro la dhigto deegaanada HirShabelle oo ah meelaha ugu daran.

“Hadda Ilaahey yiraahdo qabiil ay meel isbaaro u ooleyso ma jiri doonto, warkeyga iska dheh maahinee waxaan jecelahay inay fulino” ayuu yiri taliyuhu.

Intaas kadib taliyaha hay’adda NISA ayaa soo hadal arrimaha dagaal beeleedyada ee kusoo laa laabtay gobolka oo haatan xallintooda u tegay degmada Aadan Yabaal.

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa nasiib darro ku tilmaamay colaadda haatan ka taagan halkaais, taas oo saameyn ku yeelatay deegaanka.

“Waan ka xunahay waxa meeshaan ka dhacaayo qof Soomaali ah ama mas’uul ah oo ku farasan ma jiro wixii dhacay, waana arrin nasiib darro ah” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Annaga hal col ayaa noo yaallo ee annaga col iskuma lihin saan aaminsanahay waayay, haddana kaas mar kale ayaan ka hadleynaa”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka iyo waxgaradka deegaanka inay xoojiyaan nabad-gelyada, ayna la shaqeeyaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Rag gogishiisa waa nabad waxaa la yiri nabadaa naas la nuuga leh, haddana waxaa la yiri markii ay nabadi jirto nin walba laba nin ayuu la egyahay” ayuu ku dardaarmaay.

Sanbaloolshe waxaa nabadeyntan ku wehlinayay guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo hogaamiyaha Macawiisleyda Cali Jayte Cismaan.

100 ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgallada ka wada gobollada dalka.

Qoraal ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweysay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ka faa’iideystay cafiska madaxweymaha.

Dowladda federaalka waxa ay xaqiijisay in todobaadyadii lasoo dhaafay ay gacanteeda soo galeen 100 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku jiraan horjoogayaal, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Halkan hoose ka akhriso:-

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, 27 April, 2024: Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya in uu dadkiisa si nabad ah ugu laabto.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhiira-gelinaysaa dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, Kuwa ka dhaga-adeyga in ay ka faaiidaystaan fursaddaan waxa ay wajihi doonaan Cadaaladda waxa ayna mari doonaan jidkii ay mareen kuwii ka horeeyay ee ku baxay Gacmaha Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda.

Daawo: Aabe iyo wiilkiisa oo sabab yaab leh dil iyo dhaawac loogu gaystay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Jimcihii ka dhacay gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kadib markii hal goob dil iyo dhaawac loogu gaystay Aabe iyo wiil yar oo uu dhalay.

Falkan oo uu gaystay askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Tookiyo ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Askariga ayaa la sheegay inuu dhac ka gaysanayay halkaasi, waxaana kusoo dhacay Aabaha oo markaas xambaarsanaa canuga yar, waxaana goobta ku geeriyooday Aabihii, halka uu dhaawac halis ah uu soo gaaray ilmaha yar.

Mid kamd ah ehellada oo la hadlay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegay in taleefanka dartiis loo dilay marxuumka iyo inuu sheego lamabrka sirta ah ee EVC-giisa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan aasi doonin maydka, illaa laga soo qabto eedeysanaha oo markiiba ka baxsaday.

“Sababta uu u dilay waxaa waayay inuu taleefanka ka qaato, ma duugeyno illaa ninkaas laga soo helo” ayuu yiri mid kamid ehellada marxuumka.

Waxaa kale oo uu ka warbixiyay xaaladda wiilka yar oo uu sheegay in xabadda ay ka fariisatay madaxa, isla markaana loo sheegay in aan dalka waxba looga qaban karin.

“Wiilka yar madaxa ayaa xabad uga dhacday lafta ayay dhaaftay, isbitaalkana wax waa looga qaban waayay” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale waxaa dhacdadan si deg-deg ah ugu baxay maamulka degmada iyo saraakiisha amniga, ayada oo askarigii ka dambeeyay falkaasi lasoo qabtay, si cadaaladda lo horkeeno, loona maxkamadeeyo

Muqdisho ayaa maalmihii dambe waxaa kusoo badanayay falalka argagaxa leh ee ka dhex dhacaya bulshada, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimada.

Xog: Mas’uuliyiin iyo saraakiil sare oo dalka ka tegay iyagoo isticmaalaya xeelad yaab leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii iyo bilihii ugu dambeeyey waxaa aad u batay masuuliyiinta dowladda dowladda, shaqaalaha iyo saraakiisha ciidamada ee isaga tegaya dalka, iyagoo adeegsanaya hal wado ama hal qorshe.

Ugu horeyn qof kasta oo shaqaalaha dowladda ah wuxuu raadsaday baasaboorka Service-ka, taas oo ka tixgin badan kan shacabka, markii la eego guud ahaan caalamka, maadaama qofka sita lagu tixgelinayo inuu xubin ka yahay dowladda Soomaaliya.

Shaqaale iyo saraakiil badan oo ku baxay baasaboorkaas ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay galay dalalka Yurub, iyagoo qaarkood u sii tahriibay dalka Mareykanka.

Caasimada Online, waxay ogaatay inta badan dadkaasi inay ku baxeen Visa dalxiis oo dalka Talyaaniga ah, waxaana u fududeysa wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Ma ogin in safaradaan batay ee dalka looga baxayo ay qolo gaar ah dhaqaale ka sameyso, balse waxaa la yaab noqotay in dadkii ugu muhiimsanaa dalka oo qaarkood ay ahaayeen agaasimayaal, shaqaale muhiim ah iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha ammaanka ay dalka isaga baxeen.

Inta badan hey’adaha kala duwan ee dowladda ayey ka baxeen dadka ilaa hadda la ogyahay inay galeen Yurub iyo America, xafiisyada ra’iisul wasaaraha, golaha shacabka, NISA, booliska, hey’adda socdaalka iyo inta badan wasaaradaha dowladda ayey ku jireen xubnaha baxay iyagoo adeegsanaya baasaboorka Service-ka iyo Visa dalxiis.

Soomaaliya oo hadda u muuqata inay ka soo kabaneyso qarankabkii ku dhacay in dhalinyaradii waxbaratay ay dalka isaga tegayaan weli waa arrin la yaab leh oo quus gelineysa qofkii xog ogaal ah, kumana baraarugsana dowladda Soomaaliya khatarta ka dhalan karta arrintaan.

Inta badan dalka Talyaaniga ayaa la sheegay in dadka baxaya ay ka degaan, iyagoo kadibna uga sii gudba, iskana dhiiba dalalka kale ee Yurub, waxaana ogaanay inay badankood isticmaaleen Visa dalxiis iyo baasaboorka Service-ka ee la siiyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira dad safaro u raacay masuuliyiinta sare ee dowladda federaalka, kuwaas oo ka soo haray, kadibna iska dhiibay dalalkii ay ku soo hareen, dadkaasi waxaa ku jira masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedyada dalka, waxayna u badan yihiin kuwo ka tirsanaa dowladda federaalka, maadaama ay ka fursado badan yihiin.

Mas’uul ka tirsan Koonfur Galbeed oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay mas’uul hore uga tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed loogu gaystay degmada Shibis, kaas oo ay toogasho ku dileen rag hubeysan oo haddana goobta isaga baxsaday.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Cumar Gaab, wuxuuna ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ragga dilka gaystay oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah kiu dileen marxuumka, kadibna ay carareen, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyay qaybo kamid ah degmada Shibis oo ah halka uu dilka ka dhacay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyaddda dilka loo gaystay mas’uulkan, sida ay ku baahisay baraheeda bulshada.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi iyo sheegashada Al-Shabaab.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay weeraro kala duwan oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay soo maleegayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Saameyn weyn oo ka dhalan karta fadeexadda musuq-maasuq ee ciidanka Danab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fadeexadda wayn ee hareysay ciidanka kumaandooska Danab ayaa gaartay meeshii ugu xumayd, taas oo ay qiraal ka sameyay dowladda federaalka Soomaaliya oo war kasoo saartay musuqa lagu sameeyay raashinkii ciidankaasi.

Warka kasoo baxay dowladd dhexa, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in saraakiil sare loo xiray falkaasi, ayna socoto baaris dheeraad ah.

Sidoo kale arrintan ayaa waxaa si weyn uga carooday Mareykanka oo tababaro ciidankan, wuxuuna joojiyay taageeradii ciidanka Danab ee Soomaaliya.

Haddaba Saameyn intee la’eg ayaa ka dhalan karta musuqa ciidanka DANAB?

Korneel Yuusuf Xuseen Dhankad oo ka faalooda arrimaha amniga ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in waxa dhacay ay dhaawac ku yihiin ciidanka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay lid ku tahay ballan-qaadkii madaxweynaha ee la xiriiray la dagaallanka musuq-maasuqa ka dhex jiray hay’adaha dowladda Soomaaliya.

“Arrintaas waxay dhaawac wayn u gaysan kartaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Danab oo aan ognahay inay dowlado shisheeye ay gacanta ku hayaan, oo runtii kaalin muhiim ah kaga jiro howlgallada ka dhacaya waddanka” ayuu yiri Dhankad.

Waxa kale oo uu tilmaamay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo deg-deg ah oo lagula xisaabtamo shaqsiyaadkii ku kacay falkaasi, sida sharciga loo horkeeno.

‘Waa arrin u baahan in si deg-deg ah wax looga qabto oo cid kasta oo ku lug yeelata in tallaabo laga qaado, waana ku rajo waynahay in laga howlgeli doono” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan saameyn ku yeelan karto dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayna muraal xumo u keeni karto ciidanka Xoogga dalka.

“Ciidanka gebi ahaantiisa waxa ay ku geeni kartaa muraal xumo, haddii uu muraalka xumaado oo musuqu-maasuq noocaan oo kale ah uu yimaado inay kalsoonidii meesha ka baxdo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeey Korneel Yuusuf Xuseen Dhankad.

Xuutiyiinta oo gantaal le helay markab marayay Badda Cas

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah sheegay, in ay gantaal ku dhufteen markab shidaal waday oo marayay Badda Cas.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Xuutiyiinta oo ah urur taageero ka hela Iran, ay saddex gantaal oo ah nuuca baalistiga ah oo ay kasoo tuureen gudaha Yemen, ku dhufteen markabka isla markaana ay markabka Andromeda Star soo gaartay waxyeello yar.

Milatariga Mareykanka waxay kaloo sheegeen, in gantaal kale uu ku habsaday markab kale oo lagu magacaabo MV Maisha, balse aysan waxyeello kasoo gaarin gantaalka.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxya Sariic ayaa sheegay, in markabka ay duqeeyeen Andromeda Star uu watay calanka Panama isla markaana laga leeyahay dalka Britain, laakin xog kale ayaa sheegeysa in dhawaan markabka la iibiyay.

Markabkaasi ayaa kasoo baxay Primorsk, Russia, kuna sii jeeday magaalada Vadinar, ee dalka Hindiya.

VOA

Sacuudi Carabiya oo digniin culus kasoo saartay arrimaha Xajka kadib arrin soo korortay

Maka (Caasimada Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa loogu digay shirkadaha ku shaqeysta hanaanka been abuurka dal ku galka, kuwaasi oo baraha bulshada ku xayeysiiya adeegyadooda been abuurka ah.

“Dadka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan waa inay adeegyadooda ay u doontaan xafiisyada rasmiga ah ee la siiyay ogalaasha bixinta Xajka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Xafiisyadan ayaa ah cidda keli ah ee xaqa u leh bixinta adeegyo sax ah, sida ay sheegtay wasaaradda, iyada oo uga digtay inay ku dhacaan kuwa dadka dhaca ee bixinaya adeegyo sax aanan aheyn.

Shirkadaha been abuurka ah ayey sheegtay inay ku shaqeystaan baraha bulshada, iyaga oo dadka la wadaagaya macluumaad been abuur ah, islamarkaana sheeganaya inay ogalaasha rasmi ah ka heystaan wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, taasi oo ah mid aanan waxba ka jirin.

Sidoo kale wasaaradda ayaa ku boggaadisay dadaalka ay hay’adda sare ee arrimaha Xajka iyo Cumrada dalka Ciraaq kaga hortagtay qaar kamid ah shirkadaha been abuurka ku shaqeysta.

Shirkadahaas oo la xiray ayaa tiradooda lagu sheegay in ka badan 25 shirkadood oo been abuur ah.

Wasaaradda arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxay ugu baaqday dalalka Islaamka inay la dagaalamaan kuwa caadeystay ku shaqeysiga been abuurka.

Sidoo kalena waxay dadyoowga adduunka ee doonaya inay xajiyaan sanadkaan ku adkeysay ka fejignaanta halista shirkadahaas ku shaqeysta hanaanka qaldan ee dadka lagu dhacayo.

Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Daladda Qaadka ee Nyamita oo ka dhisan dalka Kenya, Kimathi Munchuri oo toddobaadkan Muqdisho uga qayb galay Shirka Maalgashiga Soomaaliya ayaa sheegay in ay yihiin dunta isku xirta ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya.

“Waxaan qorshaynay oo aan abaabulnay oo nalaga codsaday in aan kasoo qayb galo shirka maalgashiga Soomaaliya ee 2024, waayo dallad ahaan waxaan matalnaa danaha beeraleyda qaadka Kenya. Waxaana dareensanahay in aan nahay dunta isku xirta ganacsiga Kenya iyo Soomaaliya. Sidaas darteed ayaanu shirka uga soo qaybgalay,” ayuu yiri guddoomiye Kimathi Munchuri.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay inay Soomaaliya la fududeeyaan, sidii ay dalkooda ugu dhoofi laheyd kalluunka, tallaabadaan ayaa fursad fiican u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed, walow kalluunka Soomaaliya uu hadda tartiib-tartiib ah u gaaro suuqyada dalka Kenya.

“Markay maciishadaada ganacsi tahay waxa loogu isticmaalka badan yahay, waa in aad xiisaysaa (maalgashiga Soomaali) waana sida gudashada masuuliyad bulsheed dhankayaga in aan qayb ka ahaano Soomaaliyada koreysa,” ayuu yiri guddoomiyaha dallada ganacsatada ka ganacsata qaadka Kenya.

Kalluumaysatada Soomaaliyeed ma helaan fursad badan oo dalalka gobolka ay ugu iib geeyaan kalluunka ay ka heli karaan badda Soomaaliya oo ah tan ugu qeyb gobolka, waxaana xusid mudan in baahida loo qabo kalluunka ee gobolka taala ay ballaaran tahay.

Markii tusaale loo soo qaato Itoobiya iyo Kenya oo deris la ah Soomaaliya dalabaadka ka yimaada ee kalluunka waa kuwo aad u badan, hadana ma jiro heshiisyo dhaqan galay oo ganacsatada Soomaaliyeed u ogolaanaya inay ka faa’iideystaan fursadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu xukunka yimid dhiggiisa dalka Kenya la saxiixday heshiis wax isweydaarsi ah, kaas oo ka koobnaa 10 qodob ayna ugu muhiimsanaayeen in Soomaaliya ay dalka Kenya u dhoofi doonto kalluunka, halka Kenya loo ogolaaday inay Soomaaliya u soo dhoofiso qaadka oo markaas ku jiray hakad ay gelisay dowladdii Farmaajo.

4 maalmood kadib markii heshiishkaas la kala saxiixday Kenya waxay bilowday in ay Soomaaliya u soo daabusho qaadka, waxayna ka samaysay lacag dhan 221 milyan oo shilinka Kenya ah $1.9 Million, balse dhanka Soomaaliya wax faa’iido ah kama helin, maadaama uusan dhaqan gelin qodobkii ahaa in Kaluunka Soomaaliya si joogto ah loogu dhoofiyo Kenya.

Maayar Mooge iyo Barkhad Batuun oo ay ka dhex tafatay – Maxay isku hayaan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Maayirka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo Xildhibaan Barkhad Batuun oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayey ka dhex tafatay.

Maayir Mooge ayaa si adag uga jawaabay kacdoon shacab oo uu maanta ku baaqay Xildhibaan Barkhad Batuun, oo isagu ka horyimid go’aan ay maamulka dowladda Hoose qasab ugu bananeyso dhul, kaasi oo uu ku tilmaamay “dulmi ka dhan ah maatida”.

Dhulkan ayaa hadda ah suuq ay ku ganacsadan dadkii uu ka gubtay suuqa Waaheen, ee weli dhismihiisu qabyada yahay, wuxuuna maamulka dowladda Hoose ee Hargeysa u asteeyay in laga dhiso xarun degmo.

Maayir Mooge ayaa ku dhawaaqay in magaalada Hargeysa uusan ka dhici doonin wax kacdoon ah, islamarkaana ay dowladda Hoose la fariisan doonto dadka shacabka ah ee cabanaya, sida uu sheegay.

“Shacabku wey kala yaqaanaan siyaasiga khatallayaa, si uu ugu gaadho dano uu leeyahay isaga oo ka ganacsanayaa dareenkooda iyo ka habeen iyo maalinba u taagan dantooda, horumarkooda ee u diyaara in uu la fadhiisto maqlo dareenkooda, dhagaysto cabshooyinkooda si uu wax uga qabto,” ayuu yiri Maayir Mooge.

Wax uu intaas kusii daray “Wax kacdoon ah oo Hargeysa ka dhacayaana ma jiro, DHH iyo shacabkeedu wey ka wada hadlayaan arimaha taagan ee furitaanka wadooyinka Suuqa-Waaheen, si aan uga taxadarno in markale masiibadii/dabka Waheen oo kale inagu soo noqoto.”

Hadalka Maayirka ayaa imanaya kadib markii uu saaka warbaahinta la hadlay Xildhibaan Barkhad Batuun oo isagu sheegay in aan la aqbali karin in danyar ganacsato ah laga saaro dhulkaasi, isaggoo shaaciyay inuu kacdoon shacab hoggaamin doono.

“Qofkii daruuf iyo dan ayaa soo saartay, haddana in lagaga daba tago meeshii yareyd oo la yiraahdo guura, wax milgaha iyo sharafta dowladnimo meel ka gala maaha,” ayuu yiri Xildhibaan Barkhad Batuun.

“Suuqii Waaheen ayaa ka gubtay dadkan, haddii la doonayo oo Dooxii iyo dariiqyadii iyaga oo dhismihii dhamaan lagaga daba tago waxay aheyd in beddel loo sameeyo. Haddii ka ganacsadaha weyn ay dowladda tixgelinayso danyartana annaga ayaa tixgelineyna.”

Maayirka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo tan iyo markii uu ku guuleystay xilkaan horumar muuqda ka sameeyay caasimadda Hargeysa, ayaa haddana waxaa dul hoganaya eedeymo dhowr ah, oo ay qeyb ka tahay middaan.