25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

QM oo ka jawaabtay dalabka DF ee xafiiska UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horreysay ka hadashay go’aanka ay dowladda federaalka Soomaaliya ku dalbatay in la joojiyo shaqada xafiiska QM ee UNSOM.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in aysan lama filaan ku noqonin go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayna qeyb ka tahay qorshe muddo soo socday oo la xiriira kala guurka xafiiska.

“Arrintaan cusub waxay caddeyn u tahay shaqada qiimaha leh ee UNSOM ay ka qabatay taageerida maamullada Soomaalida sanadihii lasoo dhaafay. Waxay UNSOM ku joogta Soomaaliya go’aanka Golaha Ammaanka ee QM, sida howl-gallada gaarka ah oo dhana waxaa xilkooda ku egyahay markii muddo xileedkooda dhamaado, oo ay shaqooyinkooda gutaan ama uu soo baxo go’aan kan oo kale oo aan loo baahnayn,” ayuu yiri Afhayeenka xafiiska UNSOM ee Soomaaliya oo la hadlay VOA.

Sidoo kale waxa uu xusay in labadii sano ee u dambeysay xafiiska UNSOM lagu sameeyay dib u eegis istaraatiijiyeed, taasi oo ay kasoo baxday natiijo ah “in UNSOM ay bilowdo xilli kala guur ah oo laga wareejinayo UNSOM loona wareejinayo kooxda QM ee Soomaaliya inay masuuliyadda la wareegaan,” taasi oo ay Golaha Ammaanka uu dhab ahaan taageeray natiijada dib u eegistaasi.

Afhayeenka u hadlay QM ayaa sheegay in wada-hadallo ay hadda kula jiraan dowladda federaalka Soomaaliya, ayna marwalba ka go’an tahay inay taageeraan dowladda, “intii aan karno iyo sidii loogu baahno.”

Arrintaan ayuu sheegay inay khuseyso oo keliya xafiiska UNSOM, ayna sidoodii u sii shaqeynayaan hay’addaha kale ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, islamarkaana ay sii soconeyso taageerada QM ee Soomaaliya.

“Waxaa rabaa in aan halkan ka sheego QM waa ay joogta, weyna joogtay weyna sii joogeysa, marwalbana muhiimada waxa weeyi taageerada Soomaalida, qorshe ay Soomaalida hoggaan ka tahay waxkasta oo uu yahay,” ayuu yiri mar waxa lagA weydiiyay fara-gelinta siyaasadda gudaha ee Soomaaliya ee xafiiskan.

Waxa uu intaas kusii daray “Marka laga hadlayo dhalleeceyntana waxba kama sheegi karo marka laga reebo in aan dhaho sida aan horey u sheegayba halkan waxaan u joogna taageero iyo gacansiin.”

Waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

Booliska oo soo qabtay nin fakad ka ahaa cadaaladda oo loo haysto kiis culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin loo haysto kiis dil ah oo baxsad ka ahaa cadaaladda.

Ninkan ayaa waxaa loo haysta dilka Ismaaciil Yuusuf Axmed oo 40 jir ah. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ninkan u geystay, sida uu shaaciyay Booliska Muqdisho.

“Howl-gal ay sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka saldhigga degmada Dharkenlay ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigey gacan ku dhiigle ladaba joogay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.

Waxa kale oo lagu yiri “Taariikhda markay aheyd 09-05-2024 ayuu dhaawac u geystay muwaadin Soomeeliyeed oo lagu magacaabo Marxuum Ismaaciil Yuusuf Axmed Ina Muumino Maxamed Cumar oo 40 jir ah, kaas oo u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.”

Booliska ayaa horey sidan oo kale ugu guuleystay inuu soo qabto saddex nin oo muddo baxsad ka ahaa cadaaladda, oo lagu raad-joogay.

Saddexdan nin oo mid kamid ah uu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa iyagna loo haystay dilka wiil yar oo Ardey ah oo 18 Jir ah, kaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Isaaq.

“Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo hawl-gallo kala duwan sameeyey ayaa ugu dambeyn waxaa u suurto-gashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanayaashii falkaas ku eedeysnaa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa sida ugu dhaqsaha badan loo horgeyn doona maxkamada, si loo marsiiyo cadaaladda, sida lagu shaaciyay qoraalka taliska booliska.

Xog cusub: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo wajahaya cadaadis isku mid ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni hadda ma lahan wax cilaaqaad furan ah, welina laguma guuleysan waan-waantii laga dhex waday muddooyinkii lasoo dhaafay.

Taas beddelkeeda waxaa jira culeysyo iyo eedo mideysan oo horyaalla labada nin. Eedahan iyo culeyskaba waxay ka imaanayaan reeraha ay ku abtirsadaan labadoodu, waxayna salka la galeysa kursiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahano iyo waxgarad ku xisaab ah Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegay inay labada nin huwiyeen eedo ku saabsan in kursigii loo beddelay sida agaasime guud, iyaga oo wax ku leh talada sare ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan baarlamaanka mariyay in awoodda ra’iisul wasaaraha laga dhigo mid uu isagu eryi karo markii uu doono. Arrintan oo si weyn u dhaawacday qiimihii kursiga ra’iisul wasaaraha, awooddii ka qaaday baarlamaankii, Xasan Sheekh siisay awood dheeraad ah ayay illaa hadda liqi la’dahay beesha haysata kursiga ra’iisul wasaaraha, laakiin Xamza isagu waa aqbalay.

Saciid Cabdullaahi Deni isagu si rasmi ah ayuu u caddeeyay diidmadiisa arrintaas, halka Axmed Madoobe isna la sheegay in uusan ku qanacsaneyn sida loo dhigay qodobkaas oo sidoo kale khilaafsan siddii ay ku heshiiyeen madaxweyne Xasan iyo afarta maamul goboleed ee hadda heshiiska la’ah.

Saciid Deni wuxuu haystaa qiil ah in markii taasi dhaceysay uusan Xasan Sheekh cilaaqaad la laheyn, mowqifkiisana uu caddeeyay, laakiin Axmed Madoobe oo Xasan Sheekh u furnaa arrintaan kama hortagin, illaa haddana mowqifkiisa si rasmi ah uma uusan caddeyn ayay leeyihiin dadka nala wadaagay in labada nin lagu cadaadinayo inay arrintaasi darteed khilaafkooda hoos u dhigaan, lagana hortago dhaqan-galkeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa fahamsan yahay sida ay arrintaasi u liqi la’yihiin reerka saami-qeybsiga u haysta kursiga ra’iisul wasaaraha, laakiin wuxuu u arkaa guul siyaasadeed uu isagu gaar u leeyahay, umana soo jeedo inuu hadda dood badan ka galo qodobkaas. Mana cadda sida ay iyaguna diidmadooda u qaabeyn doonaan haddii uu Xasan Sheekh ku adkeysto go’aankiisa.

Dad badan waxay is-weydiinayaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo la ogyahay halka uu khikaafkooda gaaray ma u heshiisiin karaan sidii loo soo celin lahaa nuxurkii kursiga ra’iisul wasaaraha.

Xamza oo shaaciyay dhaqan xun oo uu lahaa baarlamankii hore oo uusan laheyn midkan

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa waxa uu si weyn u duray baarlamaankii 10-aad ka horreeyay midka hadda jooga.

Xamza oo marka hore ku dheeraaday ka hadalka horumarada ay ku talaabsatay dowladda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda fedaraalka sidii ay u sii xoojin laheyd horumarada ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed ka kooban 6 tiir oo muhiim ah, kuwaasi oo dhamaantood loogu tala-galay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumaro waara.

Sidoo kale waxa uu sheegay in horumarada ay gaartay dowladda ay ku timid dadaalka baarlamaanka hadda jooga oo uu sheegay inuu si weyn uga duwan yahay dhankasta baarlamaankii ka horeeyay.

“Waxaan u sheegaya dadka Soomaaliyeed in baarlamaanka Soomaaliyeed ee maanta jira la’antiis in aan dowladda laga qaadi lahayn cuna-qabateynta hubka, deyn lagama cafin laheyn, mana ku biiri laheyn suuqa Bariga Afrika,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Haddii ay joogi lahayeen kuwii iyaga ka horey aad wada ogtihiin guulahaas lama gaareen oo waxay hal kalfadhi ku ansixiyeen 12 sharci oo mid walba midka kale ka muhiimsan yaha.”

Xamza ayaa ugu dambeyntiina waxa uu tilmaamay in Xildhibaannada hadda jooga ee baarlamaanka 11-aad uusan laheyn kuwa laaluush qaata, taasi oo loo fasiran karo in kuwii ka horreeyay ay ahaayeen “caado qaatayaal”.

“Dad meelaha ka caaytama way jiraan, balse waxaan wacad ku marayaa in Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka yihiin kuwa aan waligood iweydiin wax laaluush ah, laga soo bilaabo maalintey xukuumadda ansixiyeen ilaa hadda, guulaha la gaaray aniga iyo madaxweynaha kaliya kama shaqeyn,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Maxay yihiin ciidamada cusub ee Itoobiya u tababareyso Somaliland? (Faah-faahin)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Somaliland iyo Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis cusub oo ay Itoobiya ugu tababarayso Somaliland ciidamo.

Ciidankan cusub oo ah boolis ayaa waxaa uu tababarkooda qeyb ka yahay heshiis cusub oo labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya ay ka gaadheen tababarada ciidamada booliska.

“Hoggaanka tababarka ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir  iyo madaxweynaha Jaamacadda ciidamada booliska dowladda federaalka Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan tababarrada labada ciidan boolis,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka booliska Somaliland.

Heshiiskan cusub ayaa daba-socday safar uu dhawaan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi uu ku tegay Addis Ababa, oo uu kula kulmay Taliyaha Ciidamada Booliska Itoobiya Komishaneer General Demelashe G/Mechiel, sida lagu yiri qoraalka.

Hoggaanka tababarrada Somaliland ee heshiiska la saxiixday Itoobiya ayaa waxa safarka ku wehlinayay saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska Somaliland.

Heshiiskan ayaa qeyb ka noqonayo heshiisyo labada dhinac horey u dhex-maray, ayada oo dhawaan ay Somaliland iyo Itoobiya qalinka ku duugeen is-afgarad ay si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Is-afgaradkaas oo Somaliland ay sheegtay inay qeyb ka tahay aqoonsi ay Itoobiya siiso ayaa illaa hadda dhaqan-gelin, kadib cadaadis xooggan oo uu wajahayo.

Arrintaan ayaa sidoo kale imaneysa xilli ay soo baxeyso in Itoobiya ay dib uga joogsatay inay aqoonsato Somaliland, ayna la wadaagtay diblumaasiyiinta reer Galbeedka inay ka go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ka dhalan karo go’aanka ay DF dalka uga saareyso xafiiska QM ee UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, loona diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka Pedro Comissario Afonso, ogeysiina la siiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa looga codsaday in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), innagoo tixgalineyna bay yiraahdeen hawllaheena istiraajiyadeed ee hortabinta leh.

Warqada ayaa lagu sheegay in Dawladda Soomaaliya aysan codsan doonin in la cusbooneysiiyo qaraarka tirsigiisu yahay 2705 ee soo baxay 2023.

Dawladdu waxa ay codsatay in la qaado dhammaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah hannaanka lagu gabagabeynayo muddo xileedka Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo ku eg bisha Oktoobar 2024.

Warqadan oo ku taariikhaysan 5-tii may 2024 ayaa Madaxweynaha Golaha Ammaanka waxa gaarsiiyay danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baale) 8-dii May.

Dawladdda Soomaaliya illaa hadda wax faahfaahin ah kama bixin sababta ay u codsatay in la baabi’iyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Xiriir aan la sameynay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda, waxa uu xaqiijiyay jiritaanka warqaddan, balse waa uu ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo waxa xilligan ku soo beegay in Dawladdu codsato in la baabi’iyo hawlgalka UNSOM.

Hawlaha uu qabto xafiiska UNSOM

Hawgalka UNSOM xafiisyadiisa kala duwan ee Soomaaliya waajibaadkiisa waxa kamid ah in uu kala shaqeeyo Dawladda Federaalka iyo dawlad Gobolleedyada hawllaha dibu heshiisiinta, talo bixinno istraatijayeed oo kala duwan oo ku saabsan nabad iyo dawlad dhiska Soomaaliya, la socoshada xuquuqda aadamaha iyo isku xirka dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.

Tan iyo markii uu hawgalkan bilowday 2013-kii, waxa ay gacan ka geysteen hannaanka federaalaynta Soomaaliya,. Waxa kale oo ay kaalin ku leeyihiin dawlad dhiska, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha.

Hawlahaas in badan oo kamid ah hadda ayay qayb ka ahaayeen sida xoojinta nidaamka federaalka, dhameystirka dastuurka iyadoo loo marayo wadatashiyo ballaaran iyo dib u habeynta qaybaha amniga iyo caddaaladda ee Soomaaliya.

Arrimaha kale ee waaweyn ee xafiiskan kaalinta ku leeyahay waxa kamid ah u kala dab qaadidda dhinacyada siyaasadda Soomaaliya marka uu dhex maro khilaaf siyaasadeed. Xiliyada kaalintoodu muuqato waxa kamid ah marka doorashooyinka heer federaal ama heer dawlad gobolleed la qabanayo, markaas oo ay dhinacyada u sameeyaan kulamo xal loogu raadinayo isdiidooyinka jira.

Ma tahay xiligii la xiri lahaa xafiiska UNSOM?

Soomaaliya wali waxa ka jira khilaaf u dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedka Puntland, waxa sii socda dagaalka Al-shabaab, waxana deegaannada qaar ka jira dagaal beeleedyo ragaadiyay geedi socodka nabadeynta Soomaaliya.

In kastoo dadka faaqida siyaasadda Soomaaliya ay qaarkood qabaan in waqtiga UNSOM dheeraaday loona baahan yahay in waqtigeedu soo dhamaado, haddana waxa jira aragti kale o oleh, wali lama gaarin isku filnaasho looga maarmi karo kaalmadooda.

Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa qaba in caawinta xafiiskan wali loo baahan yahay.

‘’Waa la joogaa xiligii la soo gabagabeyn lahaa hawgalkan, laakiin sow ma ahayn inaan isku filnaano, waxay ahayd inaan niraahno ma isku filanahay, aniga ilama aha in soomaaliya wali isku filan tahay, Soomaaliya wali way kala qoqoban tahay, magaalada Muqdisho kaliya ayaa xukuumaddu amnigeeda sugi Karin, gobolladii kale ayaan la gaari Karin, Soomaaliya sida ay u kala qaybsan tahay ayaad ogtahay oo kuuma sheegayo,’’ ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Arimaha kale ee laga hadlayo haddii la xiro Xafiiska Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa kamid ah sida loo maarayn karo khilaafyada siyaasiga ah ee dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawlad Gobolleedyada oo markii hore uu xafiiskan gacan ka geysan jiray sidii dhinacyada loogu kala dabqaadi lahaa.

“U kala dabqaadidii ay u sameyn jireen qaybaha kala duwan ee Dawladda Soomaaliya ayaa Meesha ka baxaya, waxa laga yaabaaba in go’aankan ka dhashay Dawladda Federaalka oo aan daneynin malaha in iyaga iyo gobollada federaalka loo kala dab qaado, sida aan oganahay Puntland iyo Dawaladda Federaalka beryahan khilaaf xoog badan ayaa u dhaxeeyay, Somaliland waa iyada heshiis la saxiixanayso Itoobiya oo u gaar ah oo Soomaaliya arintaas diidan tahay, markaas waxa weeye markii aan ugu baahi badneyn wax nagu taageera in loo kala dab qaado dadka Soomaaliyeed iyo gobolladiisa oo la isku xiro,’’ ayuu yiri wasiirkii hore ee arimaha dibadda Dawladda Federaalka.

Lama oga go’aanka Golaha Ammaanka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa uu ka qaadan doono soo jeedinta ka timid Dawladda Federaalka ee ku aadan in la soo gabagabeeyo Hawgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo muddo xileedkisan hadda uu ku egyahay bisha Oktoobar ee sanad kan 2024.

Shirrar aan loo kala kicin ayaa maanta ka socday xafiiska UNSOM sida aan ka soo xiganay illo wareedyo ku sugan xarunta UN-ka ee Muqdisho kuwaas oo looga arinsanayay dalabka dawladda.

PUTIN oo digniin culus soo saaray xilli uu heegan geliyay ciidamada Nukliyeerka

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa Khamiistii ka digay in ciidamadiisa Nukliyeerka ay “mar walba” heegan ku jiraan, islamarkaana Ruushka aanu u dulqaadan doonin halis kasta oo kaga timaada Reer Galbeedka.

Khudbad dhiifoonaan ah oo uu ka jeediyey fagaaraha cas, ayada oo ay dhageysanayaan kumanaan askari, ayuu Putin ku ammaanay ciidamadiisa ka dagaalamaya Ukraine, waxa uuna ku eedeeyay “hal-doorka Reer Galbeedka” in ay hurinayaan colaadaha adduunka.

“Russia waxa ay sameyn doontaa wax walba oo ay uga hortageyso dagaal caalami ah, hase yeeshee islamarkaana cidna kama ogolaan doonno inay na handado,” ayuu yiri madaxweyne Putin.

Waxa uu intaas kusii daray “Ciidamadeena xeeladda mar walba waxay ku jiraan heegan,” ayuu yiri Putin oo ka hadlayay dhoola-tuska Maalinta Guusha.

“Saaxiibayaal qaali ah, Ruushku hadda waxa uu marayaa xaalad adag oo muhiim ah. Masiirka dalka hooyo, mustaqbalkeedu waxa uu ku xiran yahay qof kasta oo naga mid ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Munaasabadda 9-ka May ayaa lagu xusaa guushii ay Midowga Sofiyet kaga adkaadeen Naaziyiintii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxayna noqotay maalinta ugu muhiimsan munaasabadaha dadweyne ee Ruushka, ayada oo Putin uu dalkiisa cagta u saaray dagaal.

Madaxweynaha Ruushka ayaa marar badan u qaabeeyay dagaalka hadda lagula jiro Ukraine inuu yahay dagaal jiritaan oo ka dhan ah “Naazimada”.

Putin ayaa sidoo kale kor u qaaday hadaladiisa nukliyeerka. Horaantii todobaadkan, wuxuu amar ku bixiyay in militariga Ruushka ay qabtaan dhoola-tusyada hubka nukliyeerka oo ay ku lug leeyihiin ciidamada badda iyo ciidamada saldhigoodu yahay meel u dhow Ukraine.

Sannadkii hore Ruushku waxa uu meesha ka saaray ansixinta heshiiska mamnuucidda tijaabada Nukliyeerka ee dhammaystiran, waxana uu ka baxay heshiis muhiim ah oo lagu dhimayo hubka oo kala dhaxeeyey Maraykanka.

Muxuu Xamza kusoo arkay xarunta ugu weyn ganacsiga Soomaalida ee ISLII

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maalmahaan ku sugan magaalada Nairobi ayaa xalay booqday xarunta ganacsiga BBS Mall ugu weyn ee xaafadda Soomalida ee Islii, waxaana halkaasi ku dhaweeyay masuuliyiinta xaafadda Islii.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey horumarka baaxadda leh ee dhanka ganacsiga ah ee ay gaareen Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Mudane Xamza oo hadal ka jeedinayay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Moolka BBS ee dhawaan laga hirgeliyey Nairobi, ayaa ganacsatada Soomaalida ku ammaanay kaalinta libaax ee ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Sidoo kale waxa uu xusay sida ay muhiimka u tahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan faa’iidooyinka iskaashiga ganacsi ee labada bulsho, ayaa ku boorriyay ganacsatada in ay sii wadaan hal-abuurka iyo ku dhaqanka mabaadi’da ganacsi ee suubban, si loo sii ambaqaado guulaha la gaaray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay fududeynta wax kasta oo caqabad ku noqon kara horumarka ganacsiga Soomaalida, isaga oo carabka ku adkeeyay in la sii wadi doono dadaallada dib u dhiska iyo taageerada ganacsatada Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

Booqashada ra’iisul wasaaraha uu xalay ku tagay suuqa ganacsiga BBS Mall oo ahayd dhiirri-gelin, ayaa markale xaqiijisay sida ay dowladda federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageerada iyo horumarinta muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ku hawlan ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Israel iyo Mareykanka oo kala jeestay kadib go’aan culus

Washington (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa ka soo horjeesatay go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee uu ku hakiyey shixnad hub ah oo loo waday Israa’iil.

Biden ayaa go’aankan qaatay isaga ooka walaacsan hawl-galka Milateri ee Israa’iil ay qorshaysay inay ku qaaddo magaalada Rafah, kaasi oo Mareykanka uu sheegay in aanu taageersanayn.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan ayaa tallaabada uu qaaday madaxweyne Biden ku tilmaamay inay tahay “mid adag oo aad looga xumaado.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa wax laga xumaado inay kasoo yeedho madaxweyne aan abaal u haynay, tan iyo bilawgii dagaalka.”

Wasiirka amniga qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir oo ah shakhsi si weyn ugu janjeedha midigta-fog ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku sheegay “in Xamaas ay jeceshahay Biden”.

Madaxweyne Biden ayaa habeenimadii Arbacadii xilli uu waraysi siinayey telefiishanka CNN, wuxuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono inuu Israa’iil siiyo hubka difaaca, sida rasaasta Iron Dome.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyey inuu u caddeeyey Israa’iil, haddii ay ku sii adkaysato inay gasho Rafax, inaanu siin doonin hubkii ay hore u siin jireen, si ay ugu isticmaalaan weerarkooda.

Sawirro: Booliska oo soo bandhigay rag si yaab leh u qiyaamay maamulka G/Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen waaxda 2-aad ee degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxay ku soo qabteen 5 eedeysane oo ku guda jirey buufinta mootooyin si sharci darro ah loogu qoraayey caalamadda lagu kala aqoonsado ee A iyo B.

Sidoo kale ciidanka ayaa albaabada isugu dhuftay Garaash lagu buufi jiray Mooto Bajaaj-ta.

Qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in ragga furtay Garaashka ay sharciga baal-mareen, Milkiilihii Garaashka ayaa ka mid ah 5-ta eedeysane ee lasoo xiray.

Qoraalka Booliska waxaa lagu xusay magacyada ragga lasoo qabtay waxayna kala yihiin:

1. Maxamed Xasan oo 50 jir ah
2. Max’ed-deeq Axmad Cabdi oo 23 jir ah
3. Cabdiqani Maxamed Xasan oo 28 jir ah
4. Xuseen Deeq Maxamed 17 jir ah
5. iyo Ibraahin C/Qaadir  Maxamed 24 jir ah.

Raggaan ayaa kala wareejiya Taargada Mooto Bajaaj-ta ayagoo 1 taargo u isticmaala dhowr Mooto Bajaaj, waxaana goobtaas laga soo helay taargooyin tiro badan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska Soomaaliya.

Sida ay cadeeyeen ragga lasoo qabtay shaqadaan waxay ku jireen in muddo ah, waxayna mootooyinka u kala wareeji jireen calaamadaha Dowlada Hoose ee Xamar, iyagoo adeegsanaya nidaam xatooyo ah, sida lagu sheegay qoraalka booliska.

“Ragga lasoo qabtay wali waxaa ku socda  baaris marka ay soo idlaatana waxaa la horgey doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka ka soo baxay taliska qeybta guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Mootooyinka ka howlgala Muqdisho ayaa u kala qeybsan labo, waxaana ku kala buufsan A iyo B, iyadoo lambar kasta uu shaqeyso hal maalin, waxaana sharciga lagu buufinayo sameystay maamulka gobolka Banaadir, balse hadda ragaan ayaa dhinac maray oo sameystay nidaam loo ekeysiiyey kan dowladda hoose ee Xamar.

Fahad Yaasiin: Go’aanka ay DF ka qaadatay xafiiska QM dhowr su’aalood baa ka furan

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda waddamadee loo abuuraa?

Dalalka aan lahayn dowlad adag oo wada xukunta dalkeeda ama uusan ka jirin hannaan sharci iyo mid siyaasadeed oo wadar ogol lagu wada noolyahay.

Goorma ayaa laga maarmaa Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay?

Marka uu dalka gaaro degenaasho siyaasadeed, uuna si buuxda ula wareego amnigiisa.

Dowladda Soomaaliya xaalad noocee ah bey ku sugantahay haddeer?

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, kuma dhawaaqin in ay gaartay isku filnaasho amni. Bilcaksi, waxaa wiiqmay awooddii ciidan iyo tayadii amni. Xagga siyaasadana, waxayba usii guurtay dastuur cusub oo abuuray kala qaybsanaan iyo qalalaase siyaasadeed.

Sababta rasmiga ah ee uu Maamulka Xasan Sheekh u gaaray go’aankan?

Doorashada 2026 ayuu Xasan Sheekh rabaa inuu marsiisto hannaan iyo shuruuc aan heshiis lagu ahayn, xafiiska Qaramada Midoobayna uusan ka daba hadlin.

Dowladdu xaq ma u leedahay?

Haa. Dowladu xaq bay u leedahay, wuuna fulayaa amarkeeda.

Miraha ka dhalanaya go’aanka dowladda?

In niyad jab weyn uu ku dhaco Golaha Ammaanka iyo saaxiibada caalamka.

In ay is badasho filashadii ahayd Soomaaliya oo ka soo baxday dowlad fashilantay, kuna dhaw, in ay gaarto isku filnaasho iyo horumar.

In dib u eegis lagu sameeyo guulihii hore, sida ka qaadistii cunaqabataynta hubka, maadaama uusan jirin la socoshada Xafiiska Wakiilka Xoghaya Guud ee QM ee Soomaaliya.

In si toos ah loola macaamilo Maamul Goboleedyada iyo garabyada kale ee siyaasadda, iyadoo lagu culeysinayo Dowladda Dhexe.

Xalka degdega ah muxuu yahay?

In Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka laabto si degdeg ah go’aankaas oo la is waafajiyo tabashada Dowladda (haddii ay ahayd dan qaran) iyo muhiimada uu leeyaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Gunaanad

Madaxweyne Xasan go’aanka uu maanta ka gaaray Xafiiska QM natiijadeeda wuxuu guran doonaa subaxa 16ka May, 2026. Maalintaas oo ay isku fac noqonayaan qof walba oo aanan xil qaran haynin.

Xasan Sheekh waa Madaxweyne hore, Mirinaayo loo soo fariistay, sharciyad, shacbiyad iyo awood ciidanna midna haynin, xafiiskii Qaramada Midoobayna uu gacantiisa ku qufulay.

Maalintaas Xasan Sheekh meel uu u laabtana mahaysto, meel uu joogana mahaysto.

W/Q: Fahad Yaasiin 

Xog xasaasi ah: Al-Shabaab oo dhameystiray saraakiil sare oo laga dhaawacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online kooxda Al-Shabaab ayaa dhameystirtay dagaalyahano ay saraakiil ku jiraan, kadib markii ay uga dhaawacmeen duqeyn ka dhacday duleedka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Xalay ayaa la dilay ragaas, kadib markii ay Shabaab ogaadeen in aysan daaweyn karin dhaawacada ay qabaan oo halis ahaa, waxayna ahaayeen shan askari iyo sarkaal weyn oo aad u dhibay dadka ku nool deegaanada dhaca soohdinta ay wadaagaan gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe.

Sarkaalka ay Al-Shabaab dhaawaciisa dhameystireen waxaa lagu magacaabaa Ibraahim Sheekh Cali Sheekh Muuse, wuxuuna ahaa nin aad u dhibaateeya dadkiisa, gaar ahaan wuxuu u qaabilsanaa kooxda inuu xoolaha baada ah ka soo xoogo dadka reer miyiga ah.

Ibraahim Sheekh Cali oo markii hore kooxda ku galay Nabadoon u qaabilsan beesha uu ka dhashay ayaa markii dambe loo bedelay qeybta maaliyadda, gaar ahaan uruurinta xoolaha baada ah, wuxuuna si arxan darro ah ula dhaqmi jiray dadka uu ka dhashay oo loo adeegsa jiray.

Xubnaha la dhameystiray dhaawacyadooda waxaa duqeyn la beegsaday ciidamada xoogga dalka, xili ay ku sugnaayeen howdka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna ka hareen maleeshiyaad badan oo duqeyntaas lagu laayey.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in sarkaalka la dhameystiray uu qabay dhaawac halis ah, wuxuuna ka burburay qaarka dambe, kadib markii ay haleeshay duqeyn diyaaradeed.

Ibraahim ayaa noqday bareelis, waxayna Shabaab u arkeen inuusan ka soo kabsa karin dhaawaca gaaray, taas oo sababtay inay qaataan go’aan ay ku dhameystirayaan, isaga iyo raggii kale ee qabay dhaawacyada daran.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo si dhow ula socday xogta ragga Shabaab-ka ah ee dhaawacyadooda la dhameystiray ayaa Caasimada Online u sheegay inay xaqiijiyeen in 6-daas qof lagu toogtay soohdinta Sh/Dhexe iyo Galgaduud.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku dhaawacmaya duqeymaha iyo dagaalka tooska ah waxaa loo waayey daawo lagu dabiibo, waxaana inta badan dhacda in la dhameystiro, maadaama kooxdaan aysan laheyn wax arxan ah, sidoo kale inta badan waxay qariyaan xogta xubnaha ay dhaawac-tiraan.

Somaliland oo war yaab leh kasoo saartay dhaqan-galka heshiiska BADDA ee Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inuu guul ku dhaw yahay heshiiskii ay horraantii sanadkaan Addis Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiskan oo si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale la kulmay diidmo caalami ah, maadaama uu xad-gudub ku yahay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Guddida farsamo ee heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo maanta warbixin siiyay madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay “in labada dhinac ay ku hawlan yihiin sidii uu heshiiska u hirgeli lahaa”.

Guddigan oo muddooyinkii waday dambe dadaallo lagu xoojinayo dhaqan-galka heshiiska is-afgarad ayaa horey u booqday dhul badeedka loo asteeyay Itoobiya oo ku yaalla degmada Lughaya, halkaasi oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin.

Arrintan ayaa imaneysa xilli Itoobiya ay dib uga joogsatay inay aqoonsato Somaliland, iyada oo xukuumadda Abiy ay diblumaasiyiinta reer Galbeedka dhawaan u sheegtay inay ka go’an tahay ixtiraamka midnimada dhuleed iyo midnimo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland oo dhankeeda weli ku adkeysaneysa heshiiskan ayaa sheegtay in laba bil gudahood lagu soo gaba-gabeynayo dhameystirka heshiiska, halka Itoobiya ay muujineyso taasi bedelkeed kadib cadaadis diblumaasiyadeed oo ay wajaheyso.

Si kastaba, heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1-da 2024 kala saxiixdeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah, taasi oo keentay in Itoobiya ay dib uga joogsato damaceeda guracan ee ay ku rabto dhul baddeed.

Xogta 3 qodob oo la isku mari waayay kahor heshiiska Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya waxay galeen heshiisyo badan tobankii sano ee ugu dambeysay laakiin wax badan kama dhaqan-gelin heshiisyadaas.

Sababta waxaa lagu sheegaa in dhanka Kenyanka aanay daacad ka aheyn balamada ay la galaan madaxda Soomaaliya.

Markale waxaa 6-dii bishaan magaalada Nairobi lagu gaaray saddex heshiis, halkaas oo uu ku sugan yahay himika ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Heshiiska difaaca iyo siyaasadda, midka waxbarashada iyo arrimaha bulshada, iyo midka ganacsiga ayaa la gaaray. Waa markii saddexaad ee uu qabsoomo barnaamijka iskaashiga labada dal, laakiin dadka arrintaan la socday ayaa kusoo baraarugay in meesha laga saaray saddex is-afgarad oo ay waayahan buuq badan ka taagnayeen.

Saddexdaas oo ay labo dhanka Kenya ka cuslaatay, midna uu ka socon waayay dhanka Soomaaliya.

1. Qaadka

Saddexda heshiis ee isha lagu hayay mid waxa uu ku saabsana maandooriyaha Qaadka.

Kenya waxay rabtay in heshiis rasmi ah loo beddelo habka ay maandooriyahan u geeyaan Soomaaliya, laakiin dhinaca dowladda Soomaaliya aad uguma fir-fircooneyn in ganacsigaasi loo beddelo heshiis heshiis weyn.

Ganacsatada gobolka Qaadka beera ee Kenya ku yaalla ee Miiruu waxay horey u sheegeen inay rajeynayaan in heshiis buuxa oo rasmi ah laga gaaro buuqa iyo isqab-qabsiga qaadka ee soo noq-noqda.

Balse Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka cago jiiday. Ka gaabsiga Soomaaliya ee qodobkan keliya lama xiriirto dano qaran ee waxa kale oo jira dano gaar ah oo arrintaan diidaya.

2. Socdaalka

Dhinaca Soomaaliya waxay xiisaynayeen in heshiisyada lagu daro arrinta Visaha oo halkaa lagu qoro in dadka wata baasaboorka Soomaaliga ah inay kamid dadka Kenya ku yimaada “Verify Visa”. Halka baasaboor Kenyaanka watana ay Visa la’an tagi karaan Soomaaliya, laakiin Kenya ayaa midaasi ka cago-jiiday.

Sababta ay Kenya marwalba oo socdaalka laga hadlo iskaga riixdo arrinta Visaha waxay la xiriirta amniga.

3. Diyaaradaha

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista Soomaaliya ayaa waday qorshe diyaarado gaar loogu xiraayo safarada Soomaaliya iyo Kenya. Tusaale in laba diyaaradood oo Kenya ah iyo laba diyaaradood oo dhanka Soomaaliya ah in loo xiro guud ahaan shaqada, iyada oo meesha laga saarayo ku dhowaad lix diyaaradood oo kale ayay qorsheynaysay wasaaradda duulista ee Soomaaliya.

Qodobkan ayaa waxaa dagaal badan ka galay diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxayna markii dambe kasoo dhamaan weyday dhanka Garyaqaanka Guud ee Kenya.

Ganacsato badan oo Soomaali ah ayaa ku suuq-beeli laheyd haddii la saxiixi lahaa qodobkaas, sidoo kalena waxaa qorshaha ku jirtay in tigidhada qaali laga dhigo, taas oo culeyska ku badin laheyd shacabka.

Waxaa loo arkaa in laga heshiin waayey saddexdii ugu muhiimsaneyd labada dhinac ee Soomaaliya kyo Kenya. Heshiisyada hadda la gaarayna waxaa ugu muhiimsan midka waxbarashada, kaas oo sidoo kale la aaminsan yahay in fulintiisa daacad ka noqon karto dowladda Kenya.

Xasan oo mar kale dhex dabaalanaya fadeexad uu horey xilka ugu waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ka hadlay fadeexadda dhulka ee dul hoganeysa dowladda Xasan Sheekh, ayaa wuxuu tallooyin dhowr ah usoo jeediyay madaxweynaha.

Cali Yare ayaa madaxweynaha usoo jeediyay in uu shacabka horyimaado, uuna si waadax ah oo aan oo la wada fahmi karana uga waramo qadiyadda dhulka ku lugta leh ee magaciisa sida naaneeys oo kale ugu lammaansan.

“Arbaco, February 8, 2017 – Qodobka ugu weeyn ee lagu jabiyay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ahaa fadeexo dhul iyo musuqmaasuq ku-lug leh,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Yare, oo sheegay in markale ay dowladda Xasan dhex dabaalaneyso fadeexadda dhulka.

Sidoo kale wuxuu usoo jeediyay Xasan Sheekh inuu soo saaro digreeto madaxweyne oo lamid ah middii uu madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Farmaajo soo saaray oo uu arrimaha dhulka ku hakinayo si uu sumcaddiisa u dhoowrto.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Arbaco, February 8, 2017 – Qodobka ugu weeyn ee lagu jabiyay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ahaa fadeexo dhul iyo musuqmaasuq ku-lug leh.

Shan [5] sano oo jabhadeeyn ah kadib hadda isaga ayaa ayaa madaxweyne noo ah. Isla intii uu shalay xilka ku waayay ayaa maanta socota.

Telefeshinkii aad daarto waxaa ka soo baxaya hooyo ilmeeneeysa oo dhul-boob cabasho ka ah.

Anigu 4-taan su’aalood ayaan is waydiiyay.

1. Sumcad ahaan culeys ilaa intee la eg ayay arrimaha dhulku ku hayaan madaxweynaha ?

2. Soo muddo-xileedkiisii hore, madaxweynuhu sababihii uu xilka ku waayay uguma weeyneeyn arrimaha dhulka iyo fadeexado la xariira ?

3. Maxay tahay musiibada daran ee ku dhaceeysa madaxweynaha, haddii uu soo saaro DIGREETO uu gebi-ahaan-ba ku joojinayo ama xataa ugu yaraan ku hakinayo arrimaha dhulka quseeya ?

4. Haddii aanu madaxweynuhu tallaabooyinkaas hantida dalka iyo isaga sharafkiisuba ay ku badbaadayaan aanu qaadin muxuu noqonayaa fahamka shacabka ay shacabka soomaaliyeed madaxweynaha ruuxiisa ka qaadanayaan ?

TALO:

Haddii madaxweynuhu doonayo ku-raaxeeysiga xukunka oo uu sifo sharci iyo sharaf-ba leh ugu sii negaado, waxaan kula talin lahaa, inuu shacabkiisa horyimaado, si waadax ah oo aan oo la wada fahmi karana shacabka uga waramo qadiyadda dhulka ku lugta leh ee magaciisa sida naaneeys oo kale ugu lammaansan, ama uu soo saaro digreeto madaxweyne oo lamid ah middii uu madaxweynihii isaga ka horreeyay soo saaray oo uu arrimaha dhulka ku joojinayo/hakinayo si uu sumcaddiisa u dhoowrto.

Wabillahi Towfiiq.

Sababta Soomaaliya aysan u doonayn inuu sii shaqeeyo xafiiska QM ee UNSOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta ka dalbatay Qaramada Midoobay joojinta shaqada xafiiska QM ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaasi oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM.

Dalabkan oo lagu gudbiyay warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

Haddaba, Maxay tahay sababta ay Soomaaliya u doonayn inuu sii shaqeeyo xafiiska UNSOM?

Sababta u weyn ee uu salka ku hayo dalabka dowladda Soomaaliya ayaa ah in loo guuro Xafiiska Qaramada Midoobay ee caadiga ah, ayada oo laga guurayo kan hadda ee UNSOM ee fadhigiisu yahay Xalane.

Isbeddelkan ayaa waxa uu qeyb ka yahay istaraatiijiyad ballaaran oo Soomaaliya ay ku dooneyso “in ay isku waafajiso qaab dhismeedka xiriirka caalamiga ah iyo kan waddamada kale ee madaxa-bannaan.”

Soomaaliya oo musharrax u ah kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa aaminsan in aan loo baahnayn xafiiska siyaasadda ee QM oo ka baxsan waajibaadka hadda jira.

Sarkaal katirsan howl-galka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loolanka kursigaas uu muujinayo sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka qayb qaadashada wada-hadallada nabadda iyo amniga adduunka.

Sidoo kale waxa uu sheegay sarkaalkan ka gaabsaday in aan soo xigano magaciisa in dowladda federaalka Soomaaliya aysan dalban in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse ay taas beddelkeeda ay raadineyso howl-gal caadi ah oo QM lana mid ah kan ka jira waddamada kale.

Si kastaba, waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

Sawirro: MUUSE BIIXI oo guddoomiyay SHIR looga hadlay heshiiska Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qayb-galay shir xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasi oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Shirkan oo ahaa midka guddida fulinta ee xisbiga ayaa ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga, waxaan shir guddoomiyey madaxweynaha oo halkaas uu kusoo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga ahna wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin iyo xubnaha hoggaanka ee xisbiga.

Wasiir Kaahin ayaa madaxweynaha uga warbixiyey hawlaha xisbiga iyo sida uu ugu hawlan yahay isu diyaarinta hawlaha doorashooyinka, oo billooyin ka harsan tahay.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dardar-gelinta iyo u diyaargarowga doorashooyinka, heshiiskii u dhexeeyey Somaliland iyo Ethiopia oo meel wanaagsan maraya iyo xaaladda amni ee dalka.

Xubnaha guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE ayaa madasha kasoo jeediyey talooyin iyo aragtiyo aqoon iyo waayo-aragnimo ku dhisan, kuwaasi oo wax ka tari kara dedaalka uu xisbigu ugu jiro inuu markii saddexaad ku hanto tallada.

Guddoomiyaha guddida farsamo ee heshiiska dhex-maray Somaliland iyo dalka Ethiopia ayaa isaguna xubnaha guddida uga warbixiyey halka ay marayaan hawlihii loo igmaday, oo uu sheegay inay meel wanaagsan marayaan.

Madaxweyne Biixi oo hadda ah murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE ayaa isaguna dhankiisa xubnaha guddida fulinta uga warbixiyey heshiiska, waxana uu xusay in ka dowlad ahaan ay diyaariyeen heshiis hufan oo qarankani ka dheefi doono wixii uu ku taamayey muddada dhawr iyo soddonka sanno ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Shirkeenna maantu waxa u ku saabsanaa u diyaargarowga doorashooyina, ra’yiyo badan oo wax ku ool ah oo danta xisbiga iyo ta qarankaba ah oo tabaabulshaha doorashada ahna waynu ka doodnay, go’aammadaana waa la ururin oo ficil baa loo rogi, waqtiganna waxaynu ku jirnaa waqti doorasho, madaxweynuhuna laba koofayadood buu xidhan yahay oo tii qaranka iyo tii xisbigaba waan xidhanahay, immikana ta loo badan yahay waa tii hawlgalka xisbiga,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay inaan caaddifadda dadka la gaadhsiinin meel aan laga soo celin karin, isaga oo digniin u diray murrashaxiinta kursiga u hanqal taagaya,“Shacbigu wuu codaynayaa oo qof waliba ninka uu doonayo ayuu u codayn doonaa, laakiin waxa laga midaysan yahay doorashadu inaanay khilaaf inagu keenin oo aan dadka caaddifaddooda nin kursi doonayaa aanu meel daran oo aan laga soo qaban karayn ka tuurin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “KUMIYE ahaan doorashooyinkii waynu gelaynaa, nasiib wanaag inta madaxweyneyaasha u sharraxani waa qolo aynu hore u wada ciyaarnay oo aynu aad isu naqaan, koox cusub oo tolo maxay yeeli doonaan la leeyahay ma aha, dadkuna way is garanayaan, murrashaxiintuna way is garanayaan oo masuuliyaddu iyagay saaran tahay.”

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad halis ah oo Al-Shabaab u qaabilsaneyd…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa shaaciyay inay hawl-gal kusoo qabatay shabakad halis ah oo ka tirsaneyd kooxda Al-Shabaab.

Shabakadan oo ka kooban 12 xubnood, kuwaasi oo ay NISA sheegtay inay kooxda u qaabilsanaayeen “dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baadda ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xilliyada habeenkii ah”.

Howl-galka lagu soo qabatay shabakadan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo iyo deegaanada hoos taga, sida ay qortay warbaahinta dowladda.

“Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran,” ayaa lagu yiri bayaan kusoo baxay warbaahinta dowladda.

Ciidanka hay’adda ’ada nabad-sugida Iyo sirdoonka ayaa maalmihii dambe howl-galo ballaaran ka wada guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee deeganada maamulkaasi.

Ciidanka NISA ayaa horey gacanta ugu soo dhigay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayagoo horeyna u bur-buriyay shabakado ka howl-gali jirey magaalada Baydhaba, kuwaasi oo la horgeeyey sharciga.

DF oo ka dalbatay QM in la xiro xafiiska UNSOM + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa maanta dalab culus u gudbisay Qaramada Midoobay, kaas oo ay ku dalbatay joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM).

Qoraalkan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaalia u madax banaanaan lahayd howlaheeda gaarka ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay haatan horumar ballaaran ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay  door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

Sidoo kale waxa ay wasaaraddu sheegtay inay haboon tahay in loo gudbo wajiga xiga, ayada oo doorkeeda si toos ah loo siinayo dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay sii wadi doonto dadaalkeena, isla-markaana ay joogteyn doonto arrimaha hortabinta u leh dowladnida.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo kasoo baxay dhanka Qaramada Midoobay oo ku aadan dalabkan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ku dalbaneyso joojinta shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta ee Soomaaliya (UNSOM).

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan xafiiska ay kasii tageyso wakiilka QM ee Soomaaliya, Marwo  Catriona Laing oo muddo sanad ah ka howlgaleysa dalka.

Si kastaba, waajibaadka xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

Xogta dil argagax leh oo ka dhacay Hargeysa xalay iyo Somaliland oo tallaabo qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Somaliland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dil argagax leh oo xalay ka dhacay degmada Maxamed Mooge oo ka tirsan Caasimada maamulkaasi ee magaalada Hargeysa.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Aadan Cabdullahi oo 18 sano jir ahaa, sida uu shaaciyay taliska Booliska Somaliland.

Booliska oo tallaabo deg-deg ah qaaday, kadib dhacdadaasi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo haysto falkaas oo lagu magacaabo Jimcaale Maxamed Maxamuud oo isna 17 sano jir ah, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Booliska.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu dilkaas u adeegsaday mindi, kadibna uu isku dayay inuu baxsado, balse ay gacanta kusoo dhigeen.

‘Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysane Jimcaale Maxamed Maxamuud ina Nasra X Cabdi da’da17 jir ah , kaasoo ku eedaysan inuu xalay abbaaro 11:00, Mindi ku dilay Marxuum: Cabdixakiin Aadan C/laahi ina Hinda Cismaan da’da18 jir ah, falkaa dilka ahi waxuu ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Soo qabashada ninkan ayaa waxaa ka qayb-qaatay dadka deegaanka, isaga oo saaka usoo gacan galay ciidamada Booliska oo tan iyo xalay ka baadi goobayay xaafadaha Hargeysa,

“Dedaal iyo baadhid dheeriya oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan Qaybta Barigu, iyagoo kaashanaya dadweynaha degmada Maxamed Mooge, waxay gacanta kusoo dhigeen eedaysanaha subaxnimaddii hore ee saaka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Intaas kadib waxaa billowday baarista kiiskan oo si toos ah loogu wareejiyay laanta dambi baarista C.I.D-da ee Somaliland, si cadaaladda loo horgeeyo eedeysanaha.

“Baadhista kiiskaa waxa gacanta ku haya Hoggaanka Baadhista Dembiyadda-C.I.D, natiijadda baadhistana waxa loo gudbin doonaa Hay’addaha garsoorka JSL” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka kasoo baxay taliska ciidamada Booliska ee maamulka Somaliland.

Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay dilalka, hayeeshee waxaa dhankooda dadaallo wada ciidanka Booliska.