25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Maxamed Xasan Xaad oo ka hadlay maamul u sameynta Jubbaland

Odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka hadlayay maamul u sameyn deegaanada gobolka Jubbooyinka iyo gobolka Gedo ee koofur galbeed Soomaaliya.

Maxamed Xasan Xaad,gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiya oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in maamul u sameynta Jubbaland ay leedahay masuuliyadeeda dowlada Soomaaliya ,loogana baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan maamul loogu sameyo.

Wuxuu hadal aan wanaagsaneyn ku tilmaamay hadal kasoo yeeray maamulka KMG ee Kismaayo oo ahaa in maamul dowlada aysan waxba kala socon ka hergelin doonaan halkaasi,wuxuuna xaad sheegay in dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah.

Jabahada ka jira dalka ayuu ku tilmaamay inay horseed u yihiin dib u dhaca dalka mudda sanadaha ah,isagoo sheegay in waxii ka dambeeyay markii daaqada ay ka baxsaday dowladii dhexe ay sameysmeen jabhado kala duwan.

Wasaarada arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay masuul ka tahay maamul u sameynta deegaanad Jubbooyinka iyo guud ahaan dalka oo dhan.

1960-kii Aqoonsi, 2013 Aqoonsi, Kee Baa Sax ah? (Warbixi xiiso leh)

– “Waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya… ama la yiraahdo: Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib… “

– Waxayna ahayd in Madaxweynaha (Soomaaliya) uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta , waayo xitaa Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta…..

Soomaalida waxay Tiraahdaa “Ma Anaa Waalan Mise Cadanaa laga Heesayaa” waxay kaloo yiraahdaan “Hasha Maankeyga Gadayee Ma Masaar Bay Liqdey “ Dhamaan Murtidaan waxay ku tusinayaan marka aad wax la yaabtid oo ay Maskaxdaada ku wareerto , marka waxaan Beryahan Maqlayey iyadoo la leeyahay, ”Mareykankaa Aqoonsi ka helney” marka waxaan is weydiiyey Tolow Ma hadaan Xoriyadda Qaadaney waayo Ereyadaan oo kale waxaa la maqlaa marka uu Dal Xoriiyad uu qaato.

“Waxay Garan la’a yihiin Dadka Soomaaliyeed in Dalka Mareykanka uu Dalkooda la mid yahay , waayo Xoriyad Buu qaatey, Adigana Xoriyad baan qaadaney, mar baa la aqoonsadey, Adigana lagu aqoonsadey , Waa Dal ka mid ah UN-ka, adigana waa ka mid tahay , Ergey baa u fadhiya UN-ka Adigana kuu fadhiya, Calankiisaa ka taagan , kaaga waa ka taagan yahay, Safaarad baa kaaga furan Mareykanka , Isagana uga furan Soomaaliya, marka waxay ahayd in la yiraahdo waxaa dib u soo laabtey Xiriirkii Mareykanka iyo Soomaaliya ee Xumaadey markii Mareykanka Soomaaliya looga diley 18 Askari, wax kale nooma Colaadineynin 22-kaa Sanno ee aan ka ahayn Askartaasi laga Diley oo si Xun loogu jiiddey Dariiqyada Muqdisho , balse waxay ahayd in Soomaaliya Tiraahdo 1500 oo Soomaali ah baa naga Dishey ee aan Furno Baal Cusub oo aan iska Ilowno wixii horey aan isugu geysaney ”.

Sida hadda loo dhigayo oo ah in aan aqoonsi helney , waxaa meesha ka baxay wixii Halgan ahaa ee ay dad badan ay Dhiigooda u daadiyeen si Xorriyad aan u helno ,waxayna arintu ku Biya Shubaneysaa in maanta Soomaaliya ay Xor Noqotey oo ah Sannadka 2013, wixii waqtigaa ka horeeyey wixii Halgan la soo marey ay noqonayaan Hal Bacaad lagu lisey.

Hadaba Xoriyada ama aqoonsiga aan maanta helney sida ay ku Hadaaqayaan Qaar ka mid Masuuliyinta Dowlada iyo Saxaafada Soomaalida , Runtii aniga waxaa u qaatey in 22-kii Sanno ee aan ku jirney dagaalada ay ahaayeen kuwa Xornimo doon ah waayo sidaa ayey u dhigmeysaa, marka wixii Gabood falo ahaa ee dhacay 22 kaa Sanno ee aan isku geysaney ama naloo geystey in ay tahay Abaal Marintoodii.

“ Dadka Soomaaliyeed wax ma Hubsadaan oo wixii Saxaafada reer Galbeedka u Meeriyaan oo welibana Saxaafada Soomaaliya ay sii Buun Buuniyaan ayey ku dhaqaaqaan, malaha Aragti ah in ay iska fiiriyaan ama iska Hubiyaan wax loo Meerinayo, waxaana la yaab leh in maanta la abaabulo Banaanbaxyo la leeyahay waxaan aqoonsi ka helney Mareykanka, oo welibana ay la soo taagan yihiin dad Masuuliyad Sheeganaya”ayuu yiri Cali Jaamac oo la yaabanaa dad la leeyahay waxay ka yimaadeen Banaanbaxyo lagu taageerayo “Aqoonsiga Soomaaliya” waxaa uu ku sii darey “Markaan qaadanay Xoriyada waxaa laga joogaa 53 Sanno marka Dowladdi Rayidka iyo Tii Milatariga iyaga waxay ahaayeen kuwa Ku meel gaar ahaa mar haddi maanta la leeyahay Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi, marka aniga waxaan u arkaa in Mareykanka uu na Gumeysanayey Soomaaliya 22-lii sanno ee la soo dhaafey, maanta Afka lala ma taageen in la yiraahdo Soomaaliya waxay heshey Aqoonsi , marka waxaa la doonayaa in si Maskaxiyan ah loo baabiyo Halgamayaashii Soomaaliya sida Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo 13 Kii Dhalinyarada ee SYL oo iyagu Naf iyo Maal u hurey Xoriyadii aan ka qaadaney Gumeystihii “ayuu yiri Ismaacil Muumin oo ka mid ah Odayaashii u soo joogey Waqtigii Xoriyadda.

“Waxaa Xaqiiqo ah in aan weli ku jirno Gumeysi Dhinaca Maskaxda ah mana garanayo goorta aan ka Xoroobi doono , aad baan ula yaabanahay in dad maanta ku faraxsan yihiin in aan helney Aqoonsi aniga waxaan aaminsanahy in aan weli helin Xoriyadii saxda ahayd waayo waxaa maalin kasta lagu soo Xadgudbaa Dhulkeennii , Baddeennii iyo Cirkeennii waxaana Xoroobi doonaa marka aan la mid noqdo kuwa noo diidan Sinaanshaha dhinaca Ciidamada , Hubka iyo Technology-da Casirga ah , laakiin inta lagaa hortaagan yahay arrimahaasi weli Xor ma tihid , waxaa ku jirnaa Khiyaali iyo nolol u dhaxeysa Geeri iyo Dhmasho”ayey tiri Xaawo oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo intaa Raacisey sidan:

“Waa wax laga Yaqyaqsoodo in maanta la yiraahdo Waa nala Aqoonsadey oo dib naloo Celiyo, Mareykanka Aqoosigiisa waxaa uu la mid yahay waan Socon weyney ee aan Orodno , Xaqiiqdii intii aan ku Jirney Dagaalada Dowlado ayaa marnaba ka bixin Dalka weliba Safaaradahoodii kuwaas oo Soomaaliya la qaybsanayey Dhib iyo Dheef, waxaan ka mid ahaa Safaardahaasi Liibiya, Suudaan iyo kuwa kale oo weliba nala joogey Xilli Xaaladu adag tahay , marka kuwaa baa abaal weyn nagu leh , waxayna Raxawen Tiraahdaa “Abaar Baxaasee ,Ceebaa Dhaafaase “oo ah Abaar waa Baxeysaa laakiin Ceeb bay Dhaaftaa ama ka tagtaa , marka Qofkii kuu soo Gurman waayey Xiliga aad dhibaateysan tahay Aqoonsiga maanta uu ku aqooonsadey waa mid Qosol ku jab ah, marka Soomaalida waxaan leeyahay nin wax ku tari waayey 22-kii Sanno ee la soo dhaafey oo welibana Dagaal kuugu hayey dhinac kasta ah waxba yaan laga sugin , waxayna arrintu la mid tahay”Nin ku Diley Har kuuma jiido”ninkii is lahow Mareykanaa aqoosigiisa ayaa Barwaaqaa la Durduuran doontaa Sakiin Liq”

Guntii iyo Gabagabadii Dadka Soomaaliyeed Wali waa Nool yihiin , Ciidda Madaxa waa ka Ceshedeen , Sidaa Darteed weli dadka Soomaaliyeed ma fahamsana Dhagarta Reer Galbeed ee ay Dejisteen waqti hore ,waxaa Xaqiiqa ah in aan si dhab ah u Xoroobin Xoriyadii aan qaadanayna 1960-kii waxay ahayd mid aan Dhameystirneyn oo Muuqoodii baa naga tagey waayo iyaga keliya ayaan Hub Sameysan kara , iyaga ayaa Adduunka ugu Ilbaxsan , iyaga ayaa Harumar gaari kara marka waxaana leeyahay Dadka Soomaaliyed isku tashada oo iska daaya hadba waxa la idiin Meerinayo ee ay soo Gudbinayaan Warbaahinta Reer Galbeedka Mideenana ay Faafinayaan oo had iyo jeer Jeebka kala soo Baxa wax iyaga Dan ugu jirto.

Haddi ay run sheegayaan waxy dhihi lahaayeen Soomaaliya Waa Dal Madaxbanaan oo Xoriyadiisa Qaatey 1960-kii ee Ereyga Aqoonsiga ee aan Shafka ku soo qaadanay,waxay ahayd in Madaxweynaha uu si aad ah isaga Fiiriyo erey bixinta ,waayo Laba Dal oo kala Saxiixanayo Heshiis ayaa mararka qaar ku kala Booda sida loo dhigayo Erey Bixinta ,waxayna ahayd in la yiraahdo”Soomaaliya iyo Mareykanka oo dib Boorka uga Jafey Xiriirkoodii 22 Sanno ka dib ” ama la yiraahdo Mareykanka oo wax ka Badeley Go’aankiisii hore ee Soomaaliya.

Hadaba Su’aasha isweydiinta Mudan waxay tahay 1960 Miyaan Aqoonsi helney mise 2013-ka .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail [email protected]

E-Mail [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalka waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixa

Waa maxay Mowliid? (Xaqiiqooyin ku saabsan oo aadan ogeyn + Daliilo

Bisha waxaa kujirta afar maalmood oo Isniin ah, sidaa darteed kitaabka ay kuqoran tahay siiro ma jirta maalintaas ayuu dhashay. Waxaa sugnaatay oo saxiix ah in uu dhashay maalin Isniin ah. Kitaabka ugu wanaagsan siirada waa kitaabka Al Bidaayah wan nihaayah, dhammaan kitaabkaas iyo kutubbada kale oo dhami waxay isku dayeen culimadi qortay inay xaddidaan maalinta inta ay ahayd, laakiin wuxuun bay ku jaan gooyeen isniin kamid ah bishaas. Isniinaha bisha kujira oo dhan ayay eegeen maalmaha ay ku haggaagayaan, 5, 12, 19, 26, maalmahan keliya maahane haddana waxaa laga dooday in maalmahan ay ahaayeen maalmaha isniinta ee bisha iyo in kale, waxa dhacday in maalma kale la eego, sida 3-da, 10, 17, iyo 24ka. Khilaaf baa ka dhashay iyo shaki culimada siirada dhexdeeda in ay maaalmaha isniinta ku beegmayaan sidan dambe ama sida hore, ama si kale. Ugu dambeyn ayaa culimada waxay rajaxeen in sida hore ay isniinaha bisha ku beegmayaan waa sida ah (5, 12, 19, 26).

Haddii aanan la hubin maalinta saxda ah oo la yiri waa isniin, isniintiina aan la hubin, laakiin loo badiyey in afartaas maallmood middood ay tahay, marka sidee baan ku ogaannaa maalinta saxda ah ee uu dhashay Rasuulka (Sallaahu calayhi wasallam), Sidee baan uga soo dhex saarrnaa afar maalmood oo aanan la hubin inay iyagu yahiin afartii maalmood ee isniinta?

Haddii aan dhahno waa 12ka bisha, biley tii xaqiiqada noqotaa 5ta ama 19ka ama 26?. Haddii aan mid kamid saddexda kale idhaahnana armay saddexda kale middood noqotaa? Sow cidla kuma khasaarinin?
Weli dhanka taariikhdaan ka hadleynaaye, kitaab kamid ah kutubbada siirada ma jirta qof kasoo saari karo maalin go’an oo loo asteeyay dhalashada rasuulka (Sallaahu calayhi wasallam). Sidoo kale masoo heleysid xaddiis saxiix ah oo sheegaya intay bishu maraysay maalintuu dhashay Rasuulka (NNKH).

Nebiga (NNKH) wuxuu inoo sheegey inuu Isniin dhashay, Cabdillaahi bin Cabbaas ayaa laga soo weriyey inuu dhashay Isniin, isniinna uu hijrooday, isniinna uu dhintay.

Haddaba muxuu inoogu sheegi waayay nebiga (NNKH), maalinta ay ku beegneed dhalashadiisa haddii ay tahay wax wanaagsan in la xuso ama loo sameeyo xaflado?

Wuxuu ina baray inaan ku sallinno, sidoo kale wuu nagu booriyey inaan ku sallinno. Waxaa kamid ah fadliga uu inoogu sheegay salligiisa in laga soo weriyey qofkii galabtii ku salliya 10 mar, subaxdiina 10 mar inuu helaya shafeecadiisa maalinta Qiyaamah. Sidoo kale wuxuu inoo sheegey qofkii ku salliya hal mar inuu Ilaahay ku sallinaya 10 mar. Sidoo kale wuxuu inoo sheegay in salligiisa uu yahay barako, sidoo kale wuxuu ina amray inaan ku sallino oo aan salligiisa badinna maalinta jumcada, isagoo inoo sheegey inay tahay maalintaasi maalinta loosoo bandhiga salliga umaddiisa ay ku salliyan. Sidoo kale wuxuu yiri wuu isoo gaaraayaa salligiina, waayo jirka ambiyada ma cunto carrada. Intaas keliya maahane, wuxuu ina amray ama ina baray haddii aan hadal dhahayno inaan kusoo khatinno salliga. Alle baa intaa wax ka weyn ina amraya inaan ku sallinno nebiga oo ina oranaya ”Alle iyo malaaektuba waxay ku sallinayaan nebiga, ee dadkii xaqa rumeeyayoow ku salliya oo tasliimiya”. Haddaba intaas oo weyneyn iyo kusallin markay Alle iyo Rasuulkiisa ina barayaan ama ina amrayaan, oo ay inoo sheegayaan fadliga laga helaya inaanu ahayn mid yar, muxuu Rasuulka inoo fari waayay, ama inoogu sheegi waayay maalintuu dhashay si aan u xusno? Waa su’aal da weyn oo madaxa daalineyso.

Wuxuu inagu yiri ”Waxaad leedahiin labo ciidood oo keliya, mana lihidiin ciid kale”.

Haddaba maxay tahay sababta aan ciidda uga dhigno maalinta dhalashadiisa oo aan u xusno, sida nasaarada ay u xusto maalinta ay kusheegeen dhalashada Ciise oo kale”?.

Wuxuu yiri oo Caa’isha laga soo weriyey ”Qofkii kusoo kordhiya amarkan diinta ah, wax aanan ku jirin, waalala celin doonaa maalinta Qiyaamaha”’.

Waxaan is weydiinnaa 63 sano ayuu noolaa nebigu (NNKH), hal maalinna miyuu xusay dhalashadiisa?

Wuxuu yiri ”Qabsada oo xajista sunnadeyda iyo sunnada khulufaa’u raashidiinka kuwa la mahadiyey, ku qabsada gows dambeedka”.
Khulufaau raashidiinka waa afar kamid ah 10 loogu bishaareeyey ayagoo nool inay geli doonaan Jannada.

Waxaa kujiray Abuu Bakar oo iimaankiisa uu u dhigmayay sidu nebigu sheegey iimaanka umadda nebi Muxammad (NNKH). Cumar ayaa kamid ahaa oo ah ninkii meelo badan uu Quraan waxyi ah ku waafaqay. Cuthmaan ayaa kamid ahaa oo nimay malaaektu ka xishoota ahaa, ahna sidoo kale ninka keliya ee labo hablood oo uu nebi dhalay guursaday. Cali ayaa kamid ahaa oo uu Rasuulku (NNKH) aad u jeclaa, qabayna gabadhii nebiga.

Abuu Bakar oo labo sano iyo badh ka nolal dambeeyay Rasuulka, (NNKH) dadna ugu jeclaa miyuu xusay dhalashada nebiga, mase ka hadlay halmaalinna wax ku saabsan dhalasho?
Cumar oo ka nolal dambeeyay Rasuulka 13 sano isaguna miyuu xusay maalinna? Adiga iyo Cumar yaa jeclaa nebiga? Nebiguna yuu jeclaa adiga iyo Cumar?

Cusmaanna, iyo Cali? Raggii la rafiiqay Rasuulka, ee uu aadka u jeclaa, miyay xuseen maalinna ama ay ka hadleen? Raggan iyo adiga yaa jeclaa Rasuulka? Cali naftiisa sow kumuu furan Rasuulka, xilli la dili rabay? Xilligaas jaahiliga haddii aad joogi lahayd miyaad fali lahayd wixii uu falay Cali? Raggaasi iyo adiga yaa jecel Rasuulka? Miyay xuseen dhalasho nebi?

Arrinku sow markaasi noqon mahaya wax lagu soo kordhiyey diinta maadaama uu Rasuulku ina barin, ina amrin, raggii afarta oo raaca uu yirina aanay samayn..? Haddii raggaasi bes maahane hal saxaabi oo kamid ah asxaabtii nebiga aanay samayn sow iyana manoqoneyso wax lagu soo kordhiyey diinta? Haddii saxaabada iska dhaafe hal taabici ama qof oo kamid ah jiilkii ku xigay saxaabadu aanay samayn dhalasho xuskeed sow wax diinta lagu soo kordhiyey ma noqoneyso?? Haddii jiilkii saxaabada ku xigay maahane, jiilkii saddexaad ee kusii xigay illaa jiilkii afraad aanay samayn wax la yiraahdo xus dhalasho nebi sow wax diinta lagu soo kordhiyey oo la isla celin doono malinta qiyaama maaha?
Goorma ayuu billawday marka xuska nebiga yaase billaabay?

Wuxuu billawday 4 boqol sano ku dhaw kadib dhimashadii Rasuulka (NNKH), waxaana billawday qolo Faatimiyin la oran jirey oo maamulladii soo maray islaamka kuwoodii ugu xumaa ah. Waxay sheegan jireen inay ku abtirsadaan Faatimah (yaabe ma waxaa lagu abtirsadaa gabadh). Waxay ahaayeen shiica, bidcdo badanna ayaga ayaa soo kordhiyey. Ayaga ayaa billaabay in loo dabbaal dego xuska dhalashada, oo ciido ka yeeshay, iyadoo culima badan ay ku inkireen arrinkaas kagana hor yimideen.

Waxaa jira marka intaas kadib qof ku oranaya
Sow wax wanaagsan maaha inaan xusno dhalashada nebiga haddii xataa aanay samayn asxaabta, oo ay 4 boqol sano ka dib timid arrinkan?

Weydii qofkaas, ma wax wanaagsan baa nebi Ciise oo aanan xusin maalin uu dhashay inay Kirishtuhu sameeyaan mery crismas wax la dhaho oo ay ugu dabbaal degayaan dhalashadiisa?

Laga yaabaa inaad aragto kuwo ku oranaya nebiga ayaa lagu sallinayaa maalintaas, oo siiradiisa laga sheekeynayaa?
Ku dheh sow muu oran nebigu (NNKH), ha ku khaas yeelina maalinta Jumcaha soon, qofkii soo watay soon kale uun mooyaane”.? Taasoo uu ula jeeday inaanan cammallada meelaha qaar lagu gaaryeelin kuwa faralka ah uun mooyaane.

Sidaa darteed maxay tahay sababta maalintaas loogu qaas yeelaya salliga nebiga iyo aqrinta iyo dhagaysiga siiradiisa? Ka warrama midka maalin walba kusalliya boqol mar iyo ka badan, galab iyo subaxna kusalliya min 10 mar, iyo kan sanadkii halmar xusaya kee baa jecel nebigu (NNKH), keebaase qaatay sunnadiisii oo ku dhaqmay, keebaase fuliyey amarradiisii oo raacay amarkii Ilaahay?

Naftaada haka dhaadhicinin inaad ka Abuu Bakar, Cumar, Cuthmaan iyo Cali aad ka jeceshahay nebigu (NNKH), hana ka dhaadhicin naftaada in nebigu (NNKH) uu adiga kaa jecel yahay kuwaas.
Qaar baa ku oranaya maalinta Isniinta soonkeeda waa maalin fadli badan oo Rasuulka (NNKH), ayaa dhashay. Haye Rasuulku (NNKH), wuxuu ina baray in uu fadli badan yahay soonka maalinta Isniinta iyo khamiista? Khamiistana yaa dhashay marka? Ma isagaa mar kale dhashay?

Sababta uu labadaasi maalin inoogu booriyey maahan wax kale aanan ka ahayn inuu inoo sheegey inay yahiin labada maalmood ee camallada wanaagsan la rafciyo (sare loo qaado), sidaa darteed buu inagu booriyey in kheyr badan aan rafcisanno maalmahaasi labada ahi ee kheyrka badan.

Caddeymahaasi iyo addilladaaasi kadib, waxa kuusoo baxaya in wax la dhaha ixtifaal mowluud aanay diinta Islaamka sal iyo raad toona ku lahayn, bal’ee ay tahay isu ekeysiin Nasaarada gaalada ah, sidoo kalena waa ihaano iyo xaqirid la xaqiraya suubbanaha, maadama uu hadh iyo habeen ina amray inaan xuso oo aan kusallinno (salaadda, hadalka, ducada, soonka, saddaqada, aadaanka, iwm.), inaan ku qaas yeelno halmaalin oo sanadka kamid ah.

Ma wax shaki kujira baa oo lagu murun san yahay mowliidka?
Haddiuu sidaas yahay ka tag waxa shakiga uu kujira, adigoo raacaysid amarkii Rasuulka (NNKH).

Xasan bin Cali wuxuu yiri ”Waxaan rasuulka Alle ka xifdiyey oraahda ah ”Ka tag waxa ku shaki geliya oo aad waxa aanan shaki kujirin”.
Amarka rasuulka (NNKH), oo la fuliyaahi waa arrin uu Alle inagu jeclaanaya.

Alle sarreeye wuxuu suuradda Aali cimraan ku yiri:- ”Dheh Muxammadoow!! haddii aad Alle jeceshihiin isoo raaca aniga (amarraydeyda fuliya), Alle baa idin jeclaan doonee”.

Sidoo kale ma ahan wax uu Rasuulka (NNKH) ku amray ixtifaalka mowliidka, haddii markaa aad ka tagto maahan waajib aad ka tegtay.

Ma wax cad baa ixtifaalka mowliidka inuu yahay baaddil?
Haddii aad samayso ayadoo uu yahay baaddil cad, markaas waxaad noqoneysaa in maalinta Qiyaama lagula celiya oo aad ku muteysato caro Alle, Alleynu kamagan galnaye.

Rabbi towfiiq iyo sugnaan nasii, naguna dil sunnaha Rasuulka iyo kitaabkaaga.

Allaahumma salli wasalllem wabaarek caleeh.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
_____________________________________________________
Afeef Qormadani waxay u gaar tahay, webka caasimada.net, iyo qoraha lama daabacan karo idan la’aan.

Madaxweynaha oo maanta ka hadli doona horumarka dowladdiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ka qeyb galo xaflad balaaran oo ka dhici doonto magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu qudbad ka jeediyo xaflada oo ka dhici doonto Hotelka City Plaza waxaana xaflada soo qaban qaabiyay masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir,sida Caasimada Online ay u sheegeen ilo xog ogaal

Madaxweynaha waxyaabaha uu ka hadli doono waxaa la sheegay inay qeyb ka yihiin horumarkii dowladiisa ay ka gaartay aqoonsigii Maraykanka iyo safaradii uu kaga maqnaa dalka gudahiisa,siduu madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ka hadlo shirkii ka dhacay sacuudiga.

Xaflada ayaa la qorsheynayaa inuu ka qeyb galo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya iyo madax kale oo dowlada ka tirsan,sidoo kale masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay guud ahaan caasimada gaar ahaan agagaarka hotelka iyo dhismooyinka dowlada,waxaana amaanka xaqiijinaya ciidamada meletariga  nabad sugida iyo kuwa AMISOM.

Maxkamada sare ee Kenya oo hakisay qorshe ay dowladda ku dooneysay in ay ku rarto qoxootiga Soomaalida

Nairobi (Caasimada Online) Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa maanta oo Arbaca ah waxa ay dib u dhigtay qorshe dowaldda Kenya ay ku dooneysay in ay qoxootiga Soomaalida uga rarto magaalooyinka iyagoona dib ugu celinaya xeryaha qoxootiga.

Maxkamadda ayaa dhageestay dacwado ay keeneen hey’addo dhowr ah oo qaabilsan xuquuqda qoxotiga isla markaana u doodad, kuwaasoo maalmahan is hayay dowladda Kenya.

Ururka ay ku bahoobeen hey’addahan oo loo soo gaabiyo Urur ay ku bahoobeen URPL ayaa sheegya in wax qaldan ay tahay go’aanka dowladda Kenya ay ku dooneyso in magaalooyinka uga saarto qoxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ay dib u qiimeen doonto go’aanka dowladda ay gaartay in uu yahay mid waafaqsan sharciga iyo in kale.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labo toddobaad kaddib dib la furi doono dacwada ku saabsan in dib loo celiyo qoxootiga Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka.

Hey’addaha u doodda qoxootiga ayaa sheegay in dadka la celinaayo aan loo heynin meel ay tagaan waayo xeryaha waa kuwa buux dhaafay oo go’doonsan.

Hey’adda qoxootiga u qaabilsan QM UNHCR ayaa sheegtay in xeryaha loo raraayo qoxootiga Soomaalida in ay yihiin kuwa go’doon ah.

Tusaale ahaan xerada Dhadhaab oo an tan ugu wayn waxa ay hooy u tahay nus milyuun qof , waxana markii hore loogu talagalay illaa 90,000 oo qof.

Kenya ayaa toddobaadkan la sheegay in ay billaabeyso raaf kii ugu ballaarnaa oo ka dhan Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka.

Kenya ayaa arrintaas u yeeleysa si loo adkeeyo ammaanka dalkeeda, maadama ay soo dhowdahay doorashada guud ee dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Britain: Guddi baaritaan sameeyay oo yiri “Khaadka yaan la mamnuucin”

Muqdisho (Caasimada Online) Guddi dowladda Britain ay u xilsaartay baaritaan lagu sameeyo halista uu lee yahay qaadka , ayaa maanta soo saaray warbixino ay ku muujinayaan in qaadka uusan halis badan lahayn.

Guddiga ayaa diidday in qaadka laga mamnuuco Britain.

Wuxuu kaloo guddiga uu cadeeeyay  inaysan jirin caddeyn muujinaysa in qaadku dhibaato leeyahay isla markaana uu halis ku yahay caafimaadka.

Guddigan oo lagu magacaabo guddiga ka hortaga si xun u isticmaalka wax yaabaha maanka dooriya.

Wuxuu sheegay in baaritaan la sameeyay qaadka uusan dhibaato xooggan uu san keyneynin.

Waxa guddigan dowladda Brirtain u xilsaartay inay ka talabixiyaan dhibaatada qaadka iyo  in qaadka laga macmuuno dalka.

Guddiga wuxuu ugu dambeen uu soo saaray afar talooyin oo kala ah:

1-In maqaamka qaadka sidiisa loo daayo, isla markaana aan lagu dabaqin xeerarka lagula tacaalo isticmaalka mukhaadaraadka sida xun loo isticmaallo.

2-In  caddeymo la sameeyay ay muujinayaan in  qaadku uusan  dhalin dhibaato caafimaad.

3- Qaadka waa in lagu daraa wax yaabaha lagga bogsan karo.

4-In aan la badalin maalgashiga lagu sameeyo qaadka.

Si kastaba, madaxa ururkan ACMD Professor Les Iversen ayaa sheegay in qaadka uusan dhibaato wayn keeynenin.

Qaadka ayaa Britain looga soo dhoofiyaa Africa, waxaana dadka aad u istcimaala ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaas.

In ka badan 2,500 tan oo ah qaad ah isla markaana lagu qiyaasay £13.8m, ayaa loo soo dhoofiyay UK intii u dhexeysay 2011/12, waxana lagu canshuuray £2.8m , sidaas waxa yiri madaxda ururkan ACMD .

Sidoo kale qaadka ayaa la geeyaa Maraykanka iyo Canada, dhawaan ayaa waddanka Netherlands oo ka mid ah kuwa Yurub ayaa laga mamnuucay qaadka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Kenya oo safiir u soo magacowday Somalia iyo wafti yimi Muqdisho

Maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho waxaa kasoo dagay wafdi ka socda dalka kenya oo uu hogaaminayo Safiidka Soomaaliya ee dalkaasi Kenya,waxaana wafdiga ka mid ahaa safiirka cusub ee Dalka Kenya u fadhin doono magaalada Muqdisho.

Markii wafdigaan ay kasoo dageen magaalada Muqdisho waxaa warfidiyeenka la hadlay safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Americo iyo safiirka cusub ee dowlada Kenya u fadhin doono magaalada Muqdisho.

Safiirka cusub ee dalka Kenya ee magaalada Muqdisho ayaa dhankiisa wuxuu sheegay in sababta keentay in lasoo magacaabo ay tahay maadaama uu sheegay inay sii wanaagsanaanayo xiriirka labada dalka ka dhaxeeya.

Safiirka Cusub ayaa markii uukasoo dagay garoonka Muqdisho kadibna uu lahadlay saxaafada waxaa loosoo galbiyay xarunta madaxtooyada si waraaqadihiisa aqoonsiga uu ugu wareejiyo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Maxamed Cali America,oo dhankiisa sii hadlayay ayaa sheegay in safiirkaan haddii madaxweynaha aqbalo uu noqon doono safiirka Kenya ee Soomaaliya.

Kumanaan isugu soo baxay Afgoye

Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ee maanta waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen masuuliyiinta maamulka iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi,kaasi oo lagu taageerayay hadalkii kasoo yeeray dowlada Maraykanka.

Banaanbaxa oo ay soo abaabuleen masuuliyiinta maamulka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin maamulka gobolka ka tirsan kuwaasi oo meel fagaaro ah kala hadlay shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Cabdi Maxamed Yuusuf,gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada maamulka gobolka Shabeelaha Hoose,oo dadweynaha la hadlay ayaa sheegay in banaanbaa uu ahaa mid lagu muujinayay sida shacabka Sh.hoose ula dhacsan aqoonsigii dowlada Soomaaliya ee Dalka USA.

Maalin ka hor banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen masuuliyiinta sar sare ee dalka Soomaaliya ayaa ka dhacay fagaaraha Nabbada ee magaalada Muqdisho,waxaana lagu muujinayay sida loosoo dhaweeynayo aqoonsigii Maraykanka.

“Waa arin lagu muujinayay dareenka Shacabka Shabeelaha Hoose ee aqoonsigii Maraykanka”ayuu si kooban uyiri gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka Shabeelaha Hoose.

Daawo Video: Hooyo & Cunugeeda oo si la yaab leh loo badbaadiyay.

0

Hooyo wadato Cunug yar oo dooneysay in ay iska tuurto Dhuundo dheer oo si la yaab leh loo badbaadiyay kadib Boolis jidka marayay oo mooto wata ayaa arkay si la yaab leh ayuuna u badbaadiyay.

Shaashadaha Caalamka maanta arintani ayaa ka soo muuqatay ayadoo wadanka Shiinaha ay ku soo badanayaan Arimaha Nuucaan ah iyo dadka is dilaya oo loo aaneeynayo baahi darteed.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO:

 

Aqalka baarlamaanka Somalia iyo waqtiga dhismaha lagu bilaabayo

Masuuliyiinta dowlada Turkiga ayaa sheegay inay soo dadajin doonaan dhismaha xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo ay ku shiraan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiye ku xigeenka koowaaad ee baarlamaanka Soomaaliya  Jaylaani Nuur Iikar,dowlada Turkiga ayaa waddo qabanqaabadii ugu dambeysay ee lagu dhisayo xarunta golaha Shacabka.

Jeylaani Nuur Iikar,ayaa sheegay in kulan uu la qaatay ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Erdogan ay kaga wada hadleen sidii dowlada Turkiga ay u dhameyn laheyd qorshaha dib loogu dhisayo aqalka baarlamaanka.

Xarunta golaha shacabka ayaa iminka waxaa lagu sameeyay dayactir kooban,waxaana dowlada Turkiga ay sheegtay in gabi ahaanba la  dhisi doono aqalka baarlamaanka Soomaaliya,sida uu sheegay Iikar.

Ugu dambeyn gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in dowlada Turkiga ay ka wada hadleen sidii dhamaan meelaha burbursan ay dib ugu dayactiri lahaayeen.

XOG: Maxaadan ogeyn oo Dowladda Kenya ay maanta ka sameyn doontaa magaalada Muqdisho?

0

Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaya in maanta magaalada Muqdisho laga furi doono safaarada Kenya ee Somalia.

Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa u sheegay Caasimada Online in maanta ay imanayaan Muqdisho wafdi heer wasiiro ah iyo diplomaasiyiin kuwaasoo uu hoggaaminaayo wasiirka arirmaha dibedda Kenya.

Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa ka qaybgali doona furitaanka Safaarada Kenya ee dalka Soomaaliya.

Kenya ayaa markii ugu horreysay safaarad ka furneysa magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii 1991-dii markaas oo dalka ku yaalla geeska Africa uu ka billowday dagaal sokeeye oo lagu hoobtay.

Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa la furi doonaa meel ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland waxa shaley gaaray wafdi uu hoggaaminaay Guddoomiyaha Magalada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya  Ismaaciil Maxamad Garay

Kenya ayaa hadda ciidan ay ka joogaan Soomaaliya , iyagoona qayb ka ah howgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Waxa kaloo Kenya ay door wayn ku lee dahay maamul u sameenta gobalada Jubbooyinka oo ah meesha ay ku sugan yihiin askartooda oo soo galay Soomaaliya bishii October 2011-kii.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Qisadii baraa’ah ee ka ilmeysiisay malaayiinta + Videos

Baraa’ah waa gabadh Masriyad ah oo toban jira, waxaa iska dhalay labo waalid aabbe Masri, iyo hooyo Suuriyaan. Labadeeda waalid waxay ahaayeen dhaqaatiir, waxay u guureen dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si ay u helaan noolal sacaada leh oo wanaagsan.

Baraa’ah waxay ahayd gabadh yar oo caqli badan, maskax fudud, oo xikmad badan. Quraanka ayay xifdisay asaga iyo axkaamtiisa oo dhan, iyadoo intaas jirta. Macallimaddeeda mar walba waxay oran jirtay, dugsiga hoose ma ahane, kan dhexe ayay mudan tahay in la geeyo Baraa’ah.

Qoyska Baraa’ah, wuxuu ahaa qoys ladan, oo farxad ku nool, nolashooduna ay ku taagan tahay Quraanka. Waxay ku noolaayeen farxad iyo raxmad Ilaahay. Aabbe iyo hooyo fiican oo xannaan qalbigeeda uu ku qabooba ayay Baraa’ah lahayd.

Marxaladdaasi quruxda badan ee farxadda iyo sacaadada ku dheehan ayay Baraa’ah ku nooleed, jeer si kedis ah hooyadeed ay u dareentay xanuun aad ah. Baaritaanno badan kadib, ayaa lagu ogaaday in hooyada barakaysan ee dhashay Baraa’ah uu asiibay xanuunka loo yaqaan Kansarka.Waxay ahayd hooyo qalbi cad, oo naxariis badan, gabadheeda Baraa’ahna waxay ahayd mid aad u jecel, oo ku indho qabowsato. Waxay ka walwashay sidii ay gabadheeda ugu sheegi lahayd xanuunka haya, laakiin way ku dhici waysay inay daaha uga qaaddo, ayadoo ka cabsanayso inay ka walwasha akhbaarta ay u wadda oo qalbigeedu ay dhaawacdo. Laakiin hooyadan kheyr qabtada ahi, muddo kadib ayay go’aansatay inay gabadheedda daaha uga qaaddo xanuunkeeda, ayna siiso dardaaran muhiim ah, maadaama ay lagama maarmaan u aragtay.

Waxay ku tiri ”Baraa’ah gabadhaydiiyeey!! Jannada ayaan kaaga hormarayaa, hooyo Quraankii aad baratay aqri maalin walba, isaga ayaa kugu ilaalinaya adduunyada”.

Baraa’ah, sawir wanaagsan kama ay helin arrinkaasi, laakiin waxay dareentay murugo iyo is baddal kadib markii hooyadeed gurigii ay ka tegtay oo ay gashay isbitalka.

Baraa’ah subaxdii ayay bixi jirtay oo ay aadi jirtay iskoolka, markiina ay ka soo baxdo, waxay toos u aadi jirtay isbitalka, si ay ula joogta hooyadeed, waxayna ku dul aqrin jirtay Quraanka.

Galabtii ayaa waxaa u iman jirey aabbaheed oo xilligaasi shaqada kasoo baxay, markaasuu ka soo kaxayn jirey oo guriga uu u wadi jiray. Baraa’ah, hooyadeed aad ayay u jecleed.

Subax subaxyada kamid ah ayaa sidii aanan caadada ahayn, waxaa aabbaha Baraa’ah soo wacay dhaqaatiirta, oo ku yiraahdeen, ”Xaaskaagu waa halis, in la haya (mowdka) oo kale, fadlan soo dhaqso”. Durba aabbahii wuxuu ka cararay shaqadii oo wuxuu aaday iskoolkii, oo uu Baraa’ah, kasoo kaxeeyey. Wuxuu soo fuulay Baabuurkii oo uu si deg deg isbalkii ku yimid. Wuxuu gabadhiisii Baraa’ah ku yiri ”Kusii jir baabuurka, kadib ayaan kuu iman oo aan ku kaxayn doonaa si aad u aragto hooyadaa”. Wuxuu uga cabsanayay haddii uu dul geeyo hooyadeed oo uu mowdku kusoo xaadiray inay laab cidhiidhyooto oo uu qalbigeedu wax gaaro. Cabsi uu u cabsanayay gabadhiisa ayuu gaarigii uga dhex tagay.

Aabbe naxariis badan oo jecel xaaskiisa iyo gabadhiisa, wuxuu u yaabay gabadhiisa, markii uu baabuurkii ka degey ayuu billaabay ilmo iyo inuu ooyo. Waxaa fuulay hamuum iyo murugo aad u weyn, asagoo ilmeynaya ayuu dhankii albaabka u dhaqaaqay. Xilli uu sii socday, ayaa waxaa ku dhacay baabuur xawaare kulul ku duulaya, oo dar daray. Aaah!!.

Baraa’ah, aabbaheed halkii ayuu ku geeriyooday, gabadhii yarayad ee waxa hooyadeed ku dhacay aanan war u hayn ayadoo u jeeddo ayuu aabbaheedii qiimaha badnaa ee qalbigeeda badhkiisa ahaa uu ku geeriyooday.

Baraa’ah, way ka murugooday geerida aabbaheed, xabadkiisa ayayna ku dul oysay wax badan, waayo Baraa’ah waxay ahayd gabadh jecel aabbahaheed.

Baraa’ah hooyadeed way geeriyootay, waxayna raacday sowjkeedii ay jecleed. Nolasha adduunyada waxay ku cidleeyeen Baraa’ah gabadh yar oo qalbi cad.

Baraa’ah yariisey, waxay noqotay keli, ma taqaan wax qaraabo ah oo u jooga dalka Sacuudi Carabiya,

Baraa’ah way xanuunsatay geeridii labadeeda waalid kadib, dabeeta waxaa kulmay saaxiibadii waalidkeeda oo Masaari iyo Sacuudiyaan isugu jira si loo kafaalo qaado gabadhan yar ee Baraa’ah.

Haddii xanuunka Baraa’ah la baaray waxaa la heley inuu yahay xanuunkii ay hooyadeed u geeriyootay (Kansar).

Xaafidda yar Baraa’ah, markii ay ogaatay xanuunka haya inuu yahay kii ay u geeriyootay hooyadeed, ayay tiri ”Alxamdulillaah”. Waa gabadh yar oo caqli badan, sabar badan, oo imtixaanka Ilaahay u sabraysa, kuna sabraysa.

Baraa’ah waxay mar walba ayadoo dhoola caddeyneysa, oran jirtay intii xanuunkan lagu sheegey kadib, oraahdan:

( الحمد لله هشوف بابا وماما )

”Alxamdulillaah waxaan arki doonaa mar dhaw aabbe iyo hooyo”.

Baraa’ah waxaa kafaalo qaaday nin Sacuudiyaan oo ahlu kheyr ah, magaciisana in la sheeg sheego diiday. Wuxuuna u kaxeeyay dalka Britin si uu halkaasi ugu dabiibo xanuunka haya.

Ayadoo dhaqtarka joogta ayaa waxay lasoo xiriirtay mid kamid ah qanawaadka Quraan xifdiska, oo ay ka codsatay inay u aqrisa aayado Quraan ah. Mar kale ayay lasoo xiriirtay oo ay sidoo kale u aqrisay, sida video-gan ka muuqato. Baraa’ah wuxuu Ilaahay siiyey cod cajiib ah, Quraanka ayayna wehel u tahay oo ay ku aqrisaa codkaasi uu Ilaahay siiyey.

Mar waxay u qaadday nasheed cajiib ah hooyadeed, taasoo ay lawada ilmeeyeen dadkii daawanayay. Baraa’ah waa durriyad saalixa oo Ilaahay kaga reebay dunida labadeedii waalid.

Sidoo kale daawo video-ga labaad oo ah nashiiddii ay hooyadeed u qaadday Baraa’ah, iyadoo u duceyneysa, lana hadlaysa oo u sheegeysa inay u xiistay.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: [email protected]
_____________________________________________________

Afeef Qormadani waxay u gaar tahay, webka caasimada.net, iyo qoraha lama daabacan karo idan la’aan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gordhow ka soo deggay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo laabtay safaro ay dhowr waddan ah ku tageen .

Madaxweynaha ayaa tagay dalka Maraykanka, isagoona kulamo la qaatay dhiggiisa dalkaas Brack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton.

Madaxweynaha ayaa booqashada uu ku tagay Washington waxa lagu aqoonsaday dowladiisa markii ugu horreysay 21-sano kaddib.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Maraykanka waxa uu kulamo la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Washington iyo Minneapolis.

Sido kale madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay shir looga hadlaayo horrumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda waddamada carabta oo ka dhacay Riyadh xarunta dalka Saudi Arbaia.

Madaxweynaha markii uu ka soo degay garoonka Muqdisho wax hadal ah muusan siinin saxaafadda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Midowga Yurub oo kordhiyay howl galka lagu tabaraayo ciidamada DF

Brussels (Caasimada Online)Midowga Yurub ayaa Talaadadii shaley ku dhawaaqay in ay kordhiyeen howlaha lagu tababaraayo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaxa wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibedda iyo siyaasadda, Catherine Ashton ayaa sheegay in lagu kordhiyay muddo labo sano ah oo dheeraad ah.

Howgalkan ayaa lagu looga gun lee yahay siddii loo wadi lahaa xojinta ciidamada Soomaaliya kuwaasoo ugu dambeen lagu wareejin doono howsha ay hayaan ciidanka midowga Africa.

Sidoo kale midowga Yurub ayaa ka doodday isbadalka ku yimid Soomaaliya oo yeelatay dowlad rasmi ah oo loo dhan yahay.

Mrs. Ashton ayaa tiri : “Midowga Yurub gaar ahaan howgalka EUTM Somalia uu bixiyay kaamo muhiim ah oo la siiyay ciidamada Soomaaliya, kuwaasoo lagu tababaray dhulka si loo xoojiyo awooda ciidamada Soomaaliya .”

Inta badan howlaha lagu tababaraayo ciidamada Soomaaliya ayaa waxa lagu qabtaa deeganka Bihanga ee dalka Uganda maadama ammaanka Soomaaliya aan la isku haleen karin.

Brigadier General Gerald Aherne oo u dhashay dalka Ireland ayaa la wareegi doona hoggaanka taliyaha.

Howgalka ayaa waxa uu socon doonaa ilaa bisha March 31-keeda ee 2015, waxana lagu qiyaasayaa in lagu bixin doono lacag gaareysa illaa EUR 11.6 million.

howasha EUTM ee Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay waxa la billaabay bishii February 2010,waxana uu tababar siiyay ku dhawaad 3,000 oo ah ciidamo Soomaali ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Madaxweyne Hassan Sheekh oo Codsi hor dhigay Wadamada Carabta?.

0

Riyadh (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda socdaal ku jooga magaalada Riyadh ee xarunta dalka Saudi Arabia, ayaa kulan la qaatay madaxda qaar ka mid ah waddamada carabta oo halkaas ku sugan.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday madaxda ka qaybgaleysa shirka looga hadlaayo horrumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda wadamada carabta in ay ka qayb qaataan soo celinta xasiloonida iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale madaxda ka qaybgaleysa shirka u sheegay in Soomaaliya hadda uu ka dhashay isbadal wayn iyo in ay lee dahay dowlad rasmi laakin u baahan kaalmada beesha caalamka iyo in la is-garab taago si ay uga gudubto caqabadaha ku hor-gudban.

Madaxweynaha ayaa hadal kan la mid ah ka jeediyay furitaanka shirka looga hadlaayo horrumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda oo ah kii  seddaxaad ee la qabto tan 2009-kii.

Shirkan ayaa maanta oo Talaado ah uu soo dhammaaday, waxana madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda ka qaybgashay shirka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku wargaliyay waddamada carabta in ay maalgashi ku sameestaan waddanka Soomaaliya oo kheyraad badan uu alle ku maneestay.

Dhammaan madaxda ka qaybgashay shirka ayaa sheegay in ay diyaar la yihiin siddii ay u caawin lahaayeen Soomaaliya.

Waxa kaloo hoggaamiyaasha carabta ee joogay shirka soo dhaweeyeen tallaabadii dowladda Maraykanka ay ku aqoosatay dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Faah-faahin: Dagaal xoogan oo dhex maray Khaatumo iyo Somaliland

Xudun (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo deeganka Xudun ee duleedka gobalka Sool ayaa sheegaya in halkaas uu galabta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya maamulka Khaatumo iyo ciidanka maamulka Somaliland.

Inta la ogyahay ugu yaraan 10-qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay deeganka Xudun sida ay lee yihiin ilaha madaxa banaan.

Labada dhinaca ee galabta ku dagaalamay Xudun ayaa mid kasta sheefagay in uu guulo gaaray laakin ma jirto cid madax banaan oo sheegaya inta ay la egtahay khasaaraha.

Taliyaha guud ee ciidamada millatariga maamulka Somaliland General Ismaacil Shaqale ayaa war uu saaray caawa wuxuu ku sheegay in ciidamada Somaliland ee fadhiisinkooda yahay deeganka Xudun ee Gobalka Sool ay galabta seddaxdii weerar ay ku soo qaadeen sida uu sheegay ciidamo maleeshiyo ah oo loo yaqaano Khaatumo sida uu hadalka u dhigay, dabadeedna dagaal uu ku dhexmaray labadaas ciidan.

Wuxuu sheegay in 10-maxbuus ay ka qabteen kooxdii maleeshiyaadka ee weerarka soo qaaday isla markaana ay ka qabteen labo baabuur oo ah kuwa dagaalka iyo labo baabuur oo xamuul ah sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidanka Somaliland uu kaga dhaawacay labo askari dagaalkaas galabta ka dhacay deeganka Xudun ee gobalka Sool.

Dhinaca kale, maamulka Khaatumo ayaa iyana sheegay in dagaalkii maanta ay guulo ka gaareen sida ay hadalka u dhigeen, isla markaana maalinta berri ay ka soo saari doonaan war saxaafadeed.

Xaallada deeganka Xudun ee dagaalka uu ka dhacay ayaa caawa deggan, laakin waxa wali ka muuqda saan saan dagaal sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Dhowr jeer oo hore ayaa labada dhinac uu dagaal ku dhexmaray deeganka Xudun oo waqooyiga ka xigga gobalka Sool, labada dhinaca waxa ay sheegayaan in uu mid kasta gacanta ku hayo deegankan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

QM oo soo dhoweeysay aqoonsiga ay USA siisay dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho wakiilka gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayuu wuxuu ku sheegay in QM ay gaar ahaan xafiiska UNPSO uu soo dhoweynaayo aqoonsiga Maraykanka uu siiyay  dowladda federaalka Soomaaliya.

Mahiga ayaa hadalka ka sheegay kulan uu la qaatay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo muujineysa in Soomaaliya ay soo ceshato sharaftii ay ku lahayd adduunka intiisa kale.

Wuxuu kaloo danjire Mahiga sheegay in aqoonsiga la siiyay dowladda Soomaaliya 21-sano kaddib ay horseedi karto in aqoonsi kale ay ka hesho dowladda Soomaaliya caalamka oo kale.

Wuxuu ammaanay dowladda cusub oo uu sheegay inay durbaba ku tallaabsaneyso horumarro waa-weyn oo dalka u horseedi kara guulo la taaban karo.

Ugu dambeen danjire Mahiga waxa  uu sheegay in  dowladda cusub ee hadda dalka uu yeeshay ay noqon doonto dowlad ku guuleysata nabad ku soo dabaalidda dalka.

Si kastaba hadalka Mahiga wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa kaddib markii Maraykanka uu  Khamiistii la soo dhaafay si rasmi ah u aqoonsaday dowladda federaalka Soomaaliya markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Top News: Xulkeena Kubada Kolayga ee Somalia oo ka Badiyay Kenya.

0

Cayaar aad u xiiso badan oo ka mid ah wareega 1-aad ee Cayaaraha Kubada Koleyga Africa (Zone V ANC 2013) ayaa daqiiqado ka hor kusoo gaba gaboobay Garoonka Kubada Koleyga ee Magaalada Dar el Salam dalka Tanzania, taasi oo ay isaga hor yimaadeen Xulka Qaranka Wiilasha Kubada Koleyga Soomaaliya iyo Kuwa dalka Kenya.

 

Askar lagu xukumay Jowhar

Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Jowhar ayaa xukuno kala duwan lagu riday ka dib markii eedeymo loosoo jeediyay askartaasi.

Masuuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida uu maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa fuliyay xukunka oo isugu jiray dil iyo xabsi.

Liibaan Cali Yarow,gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sidda ee dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa sheegay in maxkamada ay dhagaysatay dhamaan eedeymaha loo jeediyay askartaasi,waxaana ka mid ahaa eedeymaha dil iyo dhac ay askarta geysteen.

Cabdi Faarax Xasan Maxamed,ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu maalmo ka hor dil ka geystay magaalada Jowhar,waxaana Liibaan Cali Yarow uu ku dhawaaqay in la dilayo maxkamadana ay ku xukuntay dil toogasho ah,waxaana maxkamada ay la wareegtay qorigiisii.

Sidoo kale askari magaciisa lagu soo koobay Xuseen Tarmuus ayaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah,sida uu aqriyay Liibaan Cali Yarow.