25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Marka Guurka Laguu Diido!

Waad salaamantihiin walaalaha qeymaha badan ee kuxiran websitekan qaaliga ah. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu kusaabsanyahay caado aad ufool xun Quursi oo ubaahan in la’iska kaashado cirib-tirkeeda.

Quursi? Waa qofka oo isku qanciyo inuu qofka kale kaga fiicanyahay isir,midib,diin, qaabka Allah usameeyey,lab iyo dhadig kuu yahay!

Quursiga waa cudur da’ weyn oo lakowsaday Aadamaha maalintii uu ifka yimid, wuxuuna kamidyahay cudurada faafa ee lakala dhaxlo!

Quursigu waa amardiidadii uhoraysay ee uu Ibliis ku kacay markii la’amray isaga malaa’ikta inay usajuudaan Nabi Aadam isagoo sabab kadhigtay inuu kaga fiicanyahay asalka iyo meesha uu kasoo jeedo, taas oo keentey inuu sidaas janada kuwaayo.

Qofkii cudurkan laga helo, wuxuu halis uyahay inuu mustaqbalkii aakhiro kuwaayo aduunkana dhib kunoolaado!

“Quursigu qiil maleeyahay”

Sagaashamaadkii ayaan kaqeybgaley aaska hooyo Soomaaliyeed oo kugeeriyooday magaalada Nairobiee wadanaka Kenya! Waxaa qabriga isku tuuray nin dheer oo sitay funaanad ay kuqorantahay “Quursigu qiil maleeyahay” si’uu iilka udhigo meydka! Waxaa la’igu sheegey inuu ahaa wiilkeeda oo ushaqeeya BBCda,laanta afka Soomaaliga. Inkasta oo aan hortaagneyn meyd iyo mowqif kuxasuusinaya Aakhiro, hadana hadalka funaanada kuqornaa wuxuu igu reebey xasuus!

Quursigu kala xanuun badan

Inta aad dad lanooshahay waayi maysid wax geeska kugaliya oo kudareensiyo inaadan lasineyn.

Waxaa laga yaaba inaad iska cafiso qof kugu faquuqay qaabka Allah kuu sameeyey, sida isagoo kugu ceebiyo inaad jiistahay,ra’yigaadu qaldanyahay ama isu arko inuu kaafanyahay maadama uu lacag leeyahay laakinse aadan waxweyn kasoo qaadin oo aad halgan noolasha sii wado.

Isma guursano? Isma gayno? Kuf umatihid gabadhanada! Dhanka Diinta? Midibka? Dhalashada? Malaha waxaa la’igu haystaa asalka ilaahay iga abuuray? Mmmm..Waa gaf diinta laga galay haddii taas la’igu haysto!! Mise talow aniga gacmahayga kugaystay waxaa aan fadarada kunoqotay?”

Waa su’aalo aan tafsiir laheyn! Waxaase hubaal ah qofka sidaas lagu sameeyey inuu ciil qabo, kana fikirayo sidii uu ku aar-goosanlahaa!Su’aasha waxay tahay ‘tolow muxuu samaynkaraa?’

Cashiro aan kuqaatay wadamada Carabta

Anigoo horay u ogaa dhibaatada haysata dadkn Soomaaliyeed ayaan hadana waxan cashiro kusoo qaatay wadamada Carabta oo aan mudo daganaa.

Wadamada Carabta waxaa lagu qancinaya oo aad si sahlan u ogalaanaysaa inaysan ummadda Alle sineyn ee lagakala sareeya. Haddii uu midabkaada madowyahay amaba aad kasoo jeedidi Qaarada Africa,waxaa shaki lagaa galinayaa inaad xurtahay iyo inkale!

In badan ayaan isweydiyey ‘dul-qaadka’ walaalaha Soomaaliyeed ee mudada dheer latakoori jirey!

Xusuusin: cunsiriyada carabta ama soomaalida dhexdeeda iyo Diinta Islaamka yaan la’isku qaldin!

Sheekada maqaalka

Sheekada ugu weyn ee maqaalkaan keentey waxay  aheyd markii aan lakulmay oday Soomaaliyeed oo kacabana wiilkiisa oo guur loo diidey!

Sheekadan oo dhowr waji leh, waxaa xusid mudan in odaygan kasoo jeedin dadka xooga lagu heeb-soocay, wuxuuna yiri isagoo kasheekeynaya wixii kudhacay:

“Wiil aan dhalay oo dagan wadankaNorwayiyo gobar Soomaaliyeed ayaa go’aan ku gaaray inay isguursadaan; waxayna kuheshiiyeen inuu nikaaxu kadhaco magaaladaDohamaadama aniga iyo gabadha adeerkeed soo korsadey wada daganahay halkaan. Nasiib wanaag, gabadha adeerkeed waa raggii aan mudadada dheer wada joogney wadankaQatar. Kulan iyo iswaraysi kadib waxaan kuheshiiney inuu nikaaxu dhaco isbuuc kadib.Waxaan farta kasaaray lacagtii howsha lagu qabanlahaa!

Sida dhaqanka Soomaalidu yahayba, waxaan gaarsiiyey odayaasha beesha aan kasoo jeeda ee ila tagilahaa gogasha aan gabadha kuweydiisanayno iyo anigoo sii diyaariyey sooryadii.

Maalin kahor taariikhdii aan kuheshiiney, ayaa telephone la’ii soo direy ayadoo la’igu wargaliyey in gabadhii lagu mehriyey ina adeerkeed! Dabagal kadib, gabadha waxaa lagu yiri ‘anaga iyo reerkaas’ isma guursano ee ina adeerka ayaa kumudan!”

Sheekada odayga kudhacday waxaa lagayaaba inaysan kugu cusbayn oo aad maalinkasta maqashid qof sidaas loo galay haseyeeshe, qof ahaan waa inaad kaxumaato oo aad muujiso inaad kaxuntahay.

 

“Anigaba uma guuriyeeyn”

Odayga maadama uu nala wadaagay dareenkiisa iyo sida looga gardaranyahay,waxaan isku daynay inaan samirsiino anagoo xasuusinay in dad badan oo Soomaaliyeed sidaas lagu sameeyo hortiis ayadoo wax ay galabsadeen aysan jirin. “Maxkamad la’aan ayaa laxukumay inaan loo guurin, lagana guursan maadama ay yihiin gabooyo, midgaamo iyo magacyo fara badan oo aan lagaraneyn meesha laga soo guuriyey!”

Subxaanallaah, waa kanaa odaygkii oo isbadal! Walaahi magaranayo waxaa ku keeney isbadalkaas.Inta aamusay oo neefsada ayuu kujawaabay “Ilaahbaa nalahe, anigaba kuwaas uma guuriyeen gabar aan dhalay”

Yaab iyo amakaak iyo cadaalad xumo intaas la’eg! qof diidan in isaga latakoorin laakinse dulminaya umadda kale! “Hadaa maxaad ugu xuntahay waxa wiilkaada kudhacay? Waxaad aaminsantahay ayaa lagugu ciqaabay!

Waa tanaa Fikradaha dadweynaha mar aan weydiyey sida ay u arkaan takoorida iyo inay ayaga laftooda kudhaqmaan caadadaas aadka ufool xun:

Faysal abusalman,Copenhagen, Denmark

Walaal Aadam khayr Allaha kusiiyo aad baan ugu farxay markaan arkay mawduucan qaaliga ah runtii waa arin ubaahan inaan sihufan uga qayb qaato haduu eebuhu yiraahdo waayo anigay iqabsatay xanuunkeedana soo arkay.

Waxaa la,igu takooray 14 kii sano een kunoolaa wadamada Carabta, inaan Soomaali ahay oon waliba madoobahay, waxaan kuwaayay waxyaabo badan oon aaminsanaa inaan xaq uleeyahay sida Shaqada, Tacliinta iyo waliba Caafimaadka, waxay igu qasabtay inaan lasafto nin madoow oo waliba gaal ah. Waxaana naloogu hanjabay in shaqada nalaga caydhin doono, sharciga joogitaanka wadanka nalaga xayuubin doono.Waa nasiib darro in qof Soomaaliyeed latakooro ama layaso, runtii waa arin naxdin leh oo aad uxanuun badan.

Dahir Cumar Abtidoon, Qatar

Inkastoon qurbaha noloshayda ku qaatay somali kalama kulmin wax takoora lakiin dalkan aan deganahay waan kala kulamay oo waxaan la saftay nin madaw oon filayo inusan muslim ahayn; wuxuu ahaa ciyaartoy ;waxaana lagu colaadiyey midabka oo waxaa lagu yiri adoon(عبد)

Aad baan ugu xumahay takoorka ku dhaca walalaha Soomaliyeed ee aan isku diinta iyo qabiilka nahay!

Waxaan kutalin lahaa salaadiint soomaliyee dhamaantood intay isu yimaadan goor ay cedeedu kulushahay oo duhur ah, inta kabaha bixiyeaan ay raaligelen ka bixiyaan dulmigaas sitoos(live) looga daawanaayo televisionada.

Saacid C/laahi Aaden,Copenhegan, Denmark

Waxaan ku talin lahaa in walaalaha laquursaday ee la qabatimay quursiga – lagu qanciyo inkanquursanayaa uusan waxba dheerayn ee uu la siman yahay.

Ubax, Saudi Arabia

Intaan garaadsaday cid matakoorin muslimkuna wuu ii sinnaa  laakiin aniga waa la i takooray markii aan imid waddanka aan ku noolahay. Waxaan arkaa in midabka la igu riixayo amase magaca runtii waa arrin aad u xanuun badan ciddii soomaali ah ee soomali tagoorta kooleey  waa u diin xumo waxaan leeyahay diinka allaha nagaran siiyo.

Intaan markale kulmidoona waa walaalkiin Aadam Abdi Abuzuhri oo idinleh Assalaamu Alaykum. Wixii talo iyo tusaale [email protected]

MAXAA KA MAQAN MUQDISHO?

Bismilaah wasalaatu wasalaamu calaa Rasuulilaah.

Mudo badan ayay somalia ahayd wadan galgalanaya sidii mas madaxa laga dilay siyaasad ahaan, amaan ahaan iyo dhaqaala ahaanba.

Madaxa somalia waa muqdishu, waa calaamada wadanka, waa meesha ay ku noolyihiin dadka ugu badan ee somalia, waa meesha hadii ay hagaagto wadanka oo dhan uu hagaagi karo.

Markii ay burburaysay waa meeshii burburkeedu,lamid noqday wadankii oo u dumay, hadana hadii larabo in dib loosoo celiyo qaranimadii suurtoobi mayso ilaa muqdisho boorka laga jafo, taasoo aan dhacaynini ilaa amaankeeda la’isku halayn karo.

Maalin walba waxaad maqlaysaa, ciidamaa is rasaaseeyey, kuwii dawladaa is diriray, shacabaa wiifto ku dhintay, madfacbaa ku habsatay, miinaa la booday, wariyaa la dilay iyo wax yeelooyin aan dhamaad lahayn. Ma istiraahdeen meeshuba waa sanduuq rasaata lagu kaydiyo? Maxay yihiin waxan isku wada qarxaya ee qoryaha wada sita?
Magaaladii ma waxay noqotay meel hubka lagu tijaabiyo?

Ula jeedadayda, nidaam xumo baahsan ayaa ka muuqata amaanka magaalada, waxaan arkaa in dadaal badan lasamaynayo, isbaarooyinka la qaadayo, oo mar walba ciidamada lasii kordhinayo, waxaa jooga Amisom, boolis, sirdoon, xooga dalka, madaniyiin, ilaalada madaxda, ganacsato, oo dhamaantood hubaysan.

Intaas oo wada hubaysan sidee ayay isku dhexmarayaan jidadka yar yare e muqdishu? Sidee ayay ku kala badbaadayaan, sidee ayay ku wada shaqayn karaan?

Amaanka laguma xaqiijin karo ciidamada oo lasoo badiyo oo kaliya waxaa loo baahanyahay in loo fakaro oo loo dajiyo qaab cilmiyaysan oo ay ku shaqeeyaan.

Amaanku ma ahan askarta, iyo hubka, amaanku waa siyaasad, waa mabda loo baahanyahay in bulshada laga dhaadhiciyo, oo ay qayb ka noqdaan, in dadku ay fahmaan in ay dantoodu ku kirto, in ay soo sheegaan cidii dhibaata wada, in lasameeyo kalsoonidii, hay’adihii, iyo xeerarkii loo mari lahaa wadashwayntaas iyo isku duubnidaas ka dhaxaysa dawlada iyo dadka.

Bini aadamaka sadex si ayaa lagu maamuli karaa, waana barnaamij ay ku heshiiyeen, awood barnaamikaas ku ilaalisa, iyo ciqaab cidii ku xad gudubta nidaamka. Sedexdaas hadi midkood lawaayo biniaadamka lama hogaamin karo. Sedexduba way ka khadan yihiin gobolka banaadir.

Waa in loo sameeey xeer hoosaad ugaara amaanka gobolka oo ay ku wada shaqeeyaan ciidamada amaamka ee gobolka.

Waxa lagama maarmaan ah:

• Inuu jiro xafiis dhexe(central command) oo dhamaan qaybaha amaanka ee magaalada ka hawl gala ay ka amarqaataan.

Xafiiskana wuxuu is waafajinayaa dhamaan dhadhaqaaqyada amaan ee magaalada ka jira, sida booliska, askarta, sirdoonka iyo ilaalada madaxda, si ay marwalba uga warqabaan meesha uu midwalba joogo, ku socdo ama hawlgal ka wado. Waxa keenaya in ciidamadu ay isku dhacaan waan in aysan hay’adaha amaanku iskaba warqabin, qola walba ay magaalada hub la dhexwareegayso iyadoon cidna u sheegin, markii ay iskasoo horbaxaana intay kala shakiyaan uu dagaal dhex maro oo dad shacaba ay ku dhintaan. Arintaas waa wax yaab leh waa wax loo baahnaa in waa hore wax laga qabto laakiin ilaa haatan taagan. Sarkaalkii ciidamo hubaysan magaalada la dhex mara isaga oo aan xafiiska dhexe soo wargalin waa in laxiraa, sababtoo ah wuxuu qatar galinyaa, naftiisa, tan askarta, iyo tan shacabkaba.

• In cid hubaysan aysan magaalada mari karin iyadoon kusoo wargalin xafiiskaas

Waxaa kaloo iyaguna jira dad kale oo siyaabo kala duwan magaalada hub iyo ilaalo ugu haysta, waa in ay marka hore isdiiwaan galiyaan, dhamaan dadka wata ilaalada hubaysan, sida madaxdii hore, waa in aysan safri karin iyagoo wata ilaalo hubaysan ilaal ay xafiiska dhexe kusoo wargalinyaan, meesha ay aadayaan iyo meesha ay u marayaan, xafiiska dhexana waxaa laga rabaa in uu dhamaan qaybaha kala duwan mid mid ugu warkaliyo in dad hubaysan oo laga warqabo ay meel hebla joogaan.

• In qofkii lagu arko hub sharci daro ah, hubka laga qaado, laganaaxo ama laxiro

• In cidkasta oo xildawladeed haysa ay amaankeeda dawladu masuul ka noqoto

Dadka dawlada u shaqeeya, amaankooda waxaa masuul ka ah dawlada, hadii ay ilaalo u baahdaan waa in ay waydiistaan xafiiska dhexe, nin hubkiisa, iyo ciidankiisa wata xil dadweynana haya wax lala xisaabtami karo ma’ahan amaaanka magaaladana khatarbuu ku noqonayaa.

• In askari ama hawlwadaan u shaqeeya dawlada uusan cidkale mushaar ama laaluush ka qaadan karin
Arintani waxay wax ka qabanaysaa musuqmaasuqa, laaluushka iyo laba wajiilaynta, waxaad maqlaysaa gudoomiye dagmo oo wata ciidamo beeleed, uu isagu lacag siiyo, kuwaas oo markuu rabana si kale u adeegsan karo.

udoomiyayaaashu wax shaqa ah oo ay ku leeyihiin arimaha ciidamada ma jirto, waa in ay qabsadaan hawlaha dagmada ee horumarinta ku saabsan, dawladu waa in ay u qortaa ciidamo iyada ka amarqaata, iyadu ay mushaar siiso oo ilaaliya amaakooda. Wixii khalada oo ay sameeyaana iyadu ay kala xisaabtanto.

• ciidamada waa in ay ku dhex jiraan qaar sirdoon ah

Waxaad ogtihiin ciidamada waxaa ku jira qaar badan oo laba wajiilayaal ah, kuwo waxaa jira habaynkii la shaqeeya kooxaha dawlada ku kacsan maalintiina askar dawladeed ah, qaar waxaa jira labada dhinacba mushaar ka qaata, qaaar ayaa agabka iyo rasaasta ka ganacsada. Markaas waa in lakeenaa sidii arintaas wax looga qaban lahaa. Waa in unug walba lagu dhexdaraa sirdoon soo gudbiya wax walba oo ay ciidamadu sameeyaan si loo ogaado, kooda tuuga ah, kan shacabka dhaca, kan, laba wajiilaha ah, iyo kan calooshiisa u shaqaystaha ah. Sidan hadii layeelo wax badan ayaa isbadali doona, askartu way ka baqi lahaayeen in ay ku dhiiradaan waxyaabaha qaarkood, kii xamili waayana wuu isaga bixi lahaa ciidamada.

• cidii kasoo goosata jabhadaha waa in aan lagu dhexdarin ciidamada amaanka waana in aan latusin wax sir ah.
Waxaad maqlaysaa, hebelbaa soo goostay hadana waxaad arkasaa isagii oo ciidamdii dhexfadhiya, xurumohoodii dhexwareegaya, oo sirtoodii o dhan ay hortaalo. Maxaad ka ogtihiin in loosoo diray in uu madaafiicda hago?, maxaad ka ogtihiin in uu sirdoon yahay, maxaad ka ogtihiin in uu runba sheegayo?

Malihi halafogeeyo dhalinyarada soo baxsatay laakiin waxaan leeyahay ha ladhaqan celiyo, hana loo maareeyo qaab hubinaya in waxa ay arkaan, maqlaan, ama fahmaan uusan anfacaynin hadiiba ay wali hoosta kala socdaan kooxdii ay kasoo bexeen.

Degma kasta waa in ay leedahay gudi hawlwadeeno amaan ah oo ka kooban dadka degaanka, booliska, sirdoonka iyo ciidamada kuwaas oo si joogta ah u wada baarintaano, dabagal iyo xog uruurin ku saabsan dhacadoonyinka amaanka iyo dadka lagu tuhamayo in ay faraha kula jiraan.

Sikastaba u qaadee waxaa xiqiiqo ah in amaanka mudisho uu u baahanyahay, isbadal nidaami ah, kaasoo la’aantiis xataa million akari aysan waba ka qaban karin.

Mida kale ee meesha ka maqan waa kalsoonidii lagu qabay ha’adaha amaanka, taasoo ay sabab u tahay dilalka tirade badan ee maalin walba dhaca oo wax dabagal ah oo lagu semeeyayna aysan jirn.

Hadii ay aqoon daro arintaas ugu wacantahay waa in booliska loo furaa tababar kusaabsan sida loo sameeyo dambi baarista, lana siiyaa qalabkii ufududayn lahaa.

Sidoo kale dawlada somalia waa in ay isu diyaarisaa sidii u dhisi lahyd boolis casri ah, oo leh shaybaaro, lagu fuliyo, dna’da, faraha, chemikooyinka, iyo dhamaanba qaababka casriga ah ee dabiilayaasha lagu fashiliyo. Arintani sanooyin ayay qaadan kartaa laakiin waxaa laga rabaa dawladu in ay hada ku fakarto in dadkii waxan samayn lahaa ay tababar u dirto, waxaa jira dawlado badan oo diyaar u ah in ay inaga caawiyaan arimahaas, laakiin dawlada ayaa lagarabaa in ay qorsheeda ula tagto, ayna sii diyaarsatao system yadii , xarumihii iyo shaybaaradii ay ku hawgali lahaayeen dadkaasi.

Wax walba cilmo iyo in loo fakaro ayay ubaahan yihiin, laakiin qub, qac iyo qoryaha dhuunta dheedheer waxay qasaan mooyee qaynuun lagu waa.

Waxaa kuusoo haray askari raba habnayn iyo maalinba in uu marqaansanaado, mushaarkasta hadii lasiiyo kuma fila, hadii amaan loo dirsadana isagiibaaba waalan.

Dawlada Somalia waa in ay qorataa akar dhaqan bini aadam leh, oo wax lagu aamini karo, jaadka iyo maandooriyaha hadii xoog lagu xarimo loo waayay ugu yaraan waa in askarta laga mumnuucaa marka ay shaqada ku jiraan. Maalinta uu fasaxa yahay askariga waa in hubka iyo darayska saldhiga looga reebaa. Hadii uu qaad cunayo ama naftiisa ku khamaaraya isagay utaalaa laakiin ma’ahan in loo yeelo in dad kale naftooda uu ku khamaaro.

Ugu dambaynti, ciidamada kala duwan, saraakiisha, gudoomiyayaasha, ganacsatada iyo danahooda is diidan hadii aan loo kala hagin sida diyaaradaha iyo tareemada loo kala hago, lagama badbaadin karo inay sku dhacaan.

W/Q: Cabdi Cabdullahi
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Mario Gomez: Bundesliga waa horyaalka ugu fiican Yurub!

Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Mario Gomez ayaa aaminsan inuu Bundesliga yahay Horyaalka ugu fiican caalamka marka loo fiirsho bandhiga ay kooxaha ciyaara ka sameeyeen marxalada Group-yada Koobka Kooxaha Yurub, iyadoo Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Schalke ay usoo gudbeen wareega 16ka.

BVB ayaa kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group D laba isbuuc ka hor, halka Schalke ay xiratay kaalinta koowaad habeenkii talaadada, ka dibna Bayern ayaa 4-1 kaga talaabsatay BATE Borisov Arbacadii iyadoo hugaanka Group F kaga sareysa Valencia oo shaqeysatay 13 dhibcood lix kulan.

“Dhamaan sedaxda koox ee dalka Jarmalka way u qalmeen inay ku guuleystaan Group-yadooda. Wey fiican tahay in la arko inuu Bundesliga weli noolyahay uuna ka mid yahay horyaalada ugu wanaagsan,” ayuu Gomez u sheegay Website Uefa.

“Ka dib dhacdadaan, waa inaan dhaha waa waqtigii ugu wanaagsanaa. Dhamaantood Kooxaha kaalimada koowaad kusoo baxay waxay ciyaaro adag kusoo bandhigeen Yurub.”

Koox Jarmal ah kuma guuleysan Champions League tan iyo markii ay Bayern goolku laadyada koobka uga qaaday Valencia 2000-01, laakiin sanadkaan ayey rajo ka qabaan inay ku guuleystaan ka dib markii ay sedax koox usoo gudubtay wareega 16ka.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Xabi Alonso oo lala xiriirinayo inuu kusoo laabto Liverpool.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Xabi Alonso ayaa lala xiriirinayaa inuu kusoo laabanayo kooxdiisii hore ee Liverpool, sida uu qoray wargeyska Daily Express.

Xidiga heerka caalami ee dalka Spain ayeysan kooxda Bernebeu kala wada xaajoon qandaraas cusub, waxaana laga yaabaa inay Alonso kaga soo dhamaatay Spain.

Liverpool ayaa la fahamsan yahay inay isha ku heyso inay dib ula soo saxiixato halka sidoo kale la ogyahay inuu Alonso xiiseynayo inuu kusoo laabtp Reds.

Taageerayaal badan ayuu ku yeeshay kooxda shantii sano ee uu ku sugnaa  Anfield, 121 kulan ayuuna u saftay kooxda.

Iyadoo aan la nasin kulamada Real Madrid sidoo kalena aan la xalin mustaqbalka Jose Mourinho iyo Cristiano Ronaldo, waxaa macquul ah inuu Liverpool kusoo laabto ka dib markii uu ka tegay 2009kii.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Xaalad lala yaabay oo lagu arkay Lix Haween Soomaaliyeed oo ka dhex shaqeeya xerada ciidanka Amisom.

Walaac iyo wareer ayaa ka dhashay xaaladda haween Soomaaliyeed oo la tuhmayo inay yihiin dhibanayaasha fal aan la aqoonsan oo ay fuliyeen ciidamada Amisom.

Haweenka oo gaaraya illaa 6, ayaa ah kuw ka ganacsada xerada ugu weyn oo ay Muqdisho ka degan yihiin ciidamada Amisom ee Xalane.

Haweenkan, ayaa waxaa shalay lasoo dhigay albaabka hore ee xerada ayaga oo aan wax miyir ama ogaal ah lahayn, lana ogeyn waxa ku dhacay.

Waxaa jira tuhunno badan oo ku saabsan waxa loo maleynayo inay haweenka Soomaaliyeed ay ku dhaceenn, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inay u badan tahay in daroogo la siiyay ama la sumeeyay.

Haweeney ka mid ah kuwa ka gacansada gudaha xerada Xalane, ayaa sheegtay inay u badan tahay ama ay tuhmeyso in gabdhahan Soomaaliyeed la sumeeyay. Waxa ay codsatay inaan magaceeda la shaacin sababo la xiriir ammaankeeda.

Haweenka ayaa markii dambe loo qaaday Isbital, ayada oo la rajeynayo in warka dhabta ah ee ku saabsan waxa ku dhacay laga helo dhaqaatiirta.

Afhayeenka ciidamada Amisom, ayaa diiday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo dhacdadan.

R/W Saacid oo booqday goobihii laga qaaday Isbaarooyinka + Sawirro.

Cabdi Faarax Shirdoon oo ah Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ayaa kormeer waxaa uu ku tagay Wadooyinka Muqdisho ee dhawaan laga qaaday isbaarooyinkii yaalay.

Meelaha uu Ra’iisul wasaaraha kormeerka ku tagay waxaa kamid ah labada Wado ee Muqdisho laga soo galo kuna yaala dhanka koonfureed iyo kan waqooyi.

Socdaalka ayaa waxaa Mr Saacid  ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha gudaha, Abaanduulaha ciidamada xooga dalka, Taliyaha booliska, Kusimaha gudoomiyaha gobolka banaadir iyo saraakiil kale waxaana uu u mahad celiyay ciidamada dowlada sida amaanka ay u sugayaan.

Isbaaradii ugu waynayd magaalada Muqdisho ayuu tagay oo ah Excontrol Afgooye oo laga qaaday Isbaaradii tiilay  ,waxaa kale uu booqday Isbaaradii Darmooley.

 

 

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Suuqa kala iibsiga ciyaartoydu hada waa xiran yahay, balse ma dhamaadaan wararka xanta ahi, halkaan ka aqriso wararkii ugu dambeeyey ee xanta ahaa ee maanta la isla dhex maraayey.

Xanta tooska ah ee maanta la isla dhex maraayo:

Mustaqbalka Xabi Alonso ee Real Madrid ayaa shaki weyn ku jiraa, iyadoo lasoo jeedinaayo inuu kooxda ka tegi karo Janaayo, waxaa macquul ah inuu kusoo laabto kooxdiisii hore ee Liverpool (Daily Express)

Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu kooxdiisa keeno Thierry Henry uuna dib ula mideeyo Gunners xilli amaah gaaban ah, laakiin hada wuxuu go’aansanayaa inuu isku dayo inuu ceshto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka (The Sun)

Manchester United ayaa diirada u saaran tahay daafaca qaranka Norway Vegard Forren ka hor bisha Janaayo inta uusan suuqu furmin (Daily Express)

Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa qarka u saaran inuu 24 milyan oo ginni ku dalbado 26-jirka qadka dhexe uga ciyaara FC Porto Joao Moutinho, ka dib markii uu daawaday kulankii ay talaadada la ciyaareen Paris St-Germain (Daily Mirror)

Arsenal ayaa la aaminsan yahay inay xiiseyneyso kabtanka kooxda Montpellier Mapou Yanga-Mbiwa, 23-jirkaan daafaca ka ciyaara aan la dhacsaneyn kooxda heysata Horyaalka Faransiiska (Metro)

Liverpool ayaa lala xiriirinayaa inay Janaayo 12 milyan oo ginni kusoo dhaqaajiso 26-jirka qadka dhexe uga ciyaara CSKA Moscow Keisuke Honda (Daily Star )

Kooxda Ruushka ka dhisan Zenit St Petersburg ayaa ka fikireysa inay la wareegto 25-jirka qadka dhexe uga ciyaara Everton Marouane Fellaini, marka uu Janaayo suuqu furmo (The Sun)

Chelsea ayey dheguhu u taagan yihiin ka dib markii 26-jirka weerarka uga ciyaara Zenit St Petersburg Hulk, uu daaaha ka qaaday inuusan kooxda Ruusha ku faraxsaneyn ka dib markii ay is maan dhaafeen tababare Luciano Spalletti (Metro)

Daafaca kooxda Arsenal Bacary Sagna, oo 29-jir ah ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahan kale oo magac leh oo ka taga Gunners, ka dib markii uu ka carooday dalab heshiis kordhin 12 bilood ah oo ay usoo bandhigtay kooxda Emirates (Daily Mail)

Tababaraha kooxda Sunderland  Martin O’Neill ayaa amaah ku doonaya 20-jirka weerarka uga ciyaara kooxda Manchester City John Guidetti (Daily Mirror)

Everton ayaa qarka u saaran inay deriskooda Liverpool kula dagaalanto saxiixa 19-jirka goolka qabta heerka caalami ee dalka England Jack Butland (Daily Star )

Aston Villa ayaa madaxa 28-jirka weerarka uga ciyaara Darren Bent dul dhigtay 18 milyan oo ginni, ka dib iyagoo doonaya inay kasoo kabsadaan lacagtii  Rikoorka aheyd oo ay ku soo iibsadeen 24 milyan oo ginni (Daily Mail)

Kubad sameeyaha kooxda Real Madrid Kaka, oo 30 jir ah, aya qirtay inay macquul tahay inuu Janaayo ka tago kooxdiisa ka dib markii uu kasoo dhex muuqan waayey Line-up-ka xoogan ee Jose Mourinho, LA Galaxy ayaa la fahamsan yahay inay xiiseyneyso (The Sun)

Aston Villa, Newcastle iyo Norwich ayaa isku heysta saxiixa 27-jirka garabka uga ciyaara Cluj Modou Sougou (TalkSPORT)

Xanta aan tooska aheyn ee maanta la isla dhex maraayo:

Arsenal ayaa dib ugu yeeri karta weeraryahanka Real Betis Joel Campbell kasoo amaah uga maqan, waxayna dooneysaa inay soo ceshato Jaanayo marka uu suuqu furmo (Daily Express)

Manchester City ayaa meesha ka saartay inay soo dhaqaajineyso tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho, xittaa hadii ay shaqada ka raacdeeyaan Roberto Mancini (Daily Mirror)

Ma jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee suuqa la isla dhex maraayo naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Dowladda Turkiga oo ballan qaad muhim ah siisay Dowladda Somalia.

 Dowlada Turkiga ayaa u balan qaaday Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inay u qalabayn doonaan Ciidamadeeda si ay ugu filnaadaan awooda dalkooda.

Abdullah Gül Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in iminka ay xooga saarayaan sidii Soomaaliya ay u heli laheyd ciidamo karti iyo dadaal u leh xaqiijinta ammaanka guud ahaan dalka Soomaaliya marka laga soo tago gacansiinta ciidamo shisheeye.
Madaxwayne Gül ayaa ballan qaaday in ciidamada Soomaaliya u fidin doonaan tababar caalami ah oo lagui dhisayo maskaxdooda si ay wood ugu yeelato in guud ahaan dalka Soomaaliya oo haatan u baahan ciidamo Soomaaliyeed oo xaqiijiya ammaanka.

Dowlada Turkiga ayaa waxaa ay danaynaysaa danaha shacabka iyo dalka Soomaaliya waxaana beesha caalamka u sheegeynaa inay nagu gacansiiyaan sidii Soomaaliya aan u taageeri laheyn waana maanta Soomaaliya maalintii ay gacanta ay u baahneynd ayuu yiri Mr Gül.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa tilmaamay inay wadaan qorshe uu ku doonayo ciidamo Soomaaliyeed tababar loogu qaado dalkaasi Turkiga si ay halkaasi ugu soo qaataan tababar bilooyin qaadanaya,isagoona sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka garab taagan yihiin dhinac walbo hadii ay noqon lahayd mashaariicda kala duwan ee xaga Bini-aadanimada iyo xaga ciidamada sidii loo tayeyn lahaa.

DEG DEG: Qarax ka dhacay Bakaaraha.

 Qarax qasaaro gaystay ayaa goordhow waxaa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo lagu weeraray ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Duhirnimada maata ayaa qaraxaa oo ah Midka meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa uu kadhacay Suuqa Dahablaha oo ay fariisin ku lahaayeen Ciidamada.

Sida goob joogayaal ku sugan Suuqa bakaraaha  ay inoo xaqiijinayaan qaraxa  ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhawaac aad u farabadan oo soo gaartay ganacsatada Suuqa,dad shacab ah iyo Askarta Dowlada.

Xaalada ayaa kacsan haatan waxaana ay Ciidamada ka dhex bilaabeen Suuqa risaas waxaana gacanta lagu dhigay dad badan oo lagu tuhmayo qaraxa

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo maanta muqdisho soo gaaray.

Ugaaska Beesha xawaadle iyo xubno uu horkacayay ayaa maanta magaalada Muqdisho si weyn loogu soo dhaweeyay isagoo ka yimid dhanka Magaalada Nayroobi ee xarunta dalka kenya.

Wafdiga Ugaaska waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdule Cusmaan ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan, odey dhaqameed,maamulka G/banaadir iyo qeybabaha bulshada.

Mas’uuliyiintii soo dhaweeyay ugaaska waxaa ka mid ahaa ilaa 4 xildhibaan kuwaasoo kala ah:-

1-Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo horna u soo noqday wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska
2-Xil.Sguuriye Muumin Afrax
3-Xil.Cali Nuur Boodaaye
4.Xildhibaanad Samiira Xasan

Ugaas Khaliif ayaa soo dhaweyntiisa kadib waxaa uu jeediyay hadalo kooban isagoona ugu horeyn ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Ugaas Khaliif waxaa uu ka warbixiyay socdaalka uu Muqdisho ku yimid isagoo sheegay inuu madaxda Dowlada kal hadli doono arimaha baladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Mar uu ka hadlayay colaada galgaduud ka soo cosbonaatay ayuu ugu baaqay dhinacyada dirirtu dhexmartay inay miska wadahadalka isugu yimaadaan islamarkaana ay xabada ka waantoobaan madaama ay dad walaalo ah yihiin.

Puyol oo doonaya inay Barcelona wareega 16ka UCL ku aado Milan.

Carles Puyol ayaa doonaya inay Barcelona ku aado AC Milan wareega 16ka Champions League, oo isku aadkiisa 20ka December lagu qabanaayo Nyon.

Catalans ayaa dhameysatay wareega Group-ka iyadoo ka sareysa Celtic, Benfica iyo Spartak Moscow waxayna kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group G, ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaana jeclaan lahaa inay ku aadan kooxda San Siro.

“Waxba nagama quseeyan kooxda aan ku aadeyno wareegeena xiga, laakiin waa inaad ogaataa inaan jeclahay inaan la ciyaro Milan sababtoo ah waa koox aan xushmeeyo,” ayuu Puyol u sheegay Website-ka Barca.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Wenger oo ay ka go’an tahay inuu mar kale soo ceshto Thiery Henry.

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa doonaya inuu Thiery Henry usoo celiyo kooxda Gunners inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Kooxda ka dhisan waqooyigaLondonayaa isku afgaratay inay lix isbuuc oo ka bilaabata bisha soo aadan Henry kasoo qaadato kooxdiisa New York Red Bulls.

Laakiin Wenger ayaa doonaya inuu fursadaan kusii heysto ilaa bisha May, maadaama ay Arsenal xaalad Qatar ah ku jirto.

35-jirkaan, ayaa si aad ah u dadaalay xilli uu 32 gool dhaliyey 61 kulan oo uu u saftay Red Bulls, tan iyo markii uu Mareykanka u dhaqaaqay 2010.

Henry ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxda Gunners 226 gool ayuuna u dhaliyey sideed sano oo uu xirnaa maaliyadooda, isagoo ka hayaamay 2007dii, todobo kulan ayuuse kusoo laabtay sanadii hore isagoo kooxda sedax maalin tababarka la qaatay isbuucii lasoo dhaafay.

Ilo ku dhow Emirates ayaa u sheegay The Sun, in ninka Faransiiska kula guuleystay Koobka aduunka uu fikradiisa ah inuu kooxda lasii joogo inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan ka dhaadhicinaayo si uu ugu soo laabto Premier League.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Bacary Sagna oo qarka u saaran inuu ka tago kooxdiisa Arsenal.

Bacary Sagna ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahanka ka taga kooxda Arsenal, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Daafaca dadabka midig ee dalka Faransiiska ayaa ka carooday dalab ay Gunners usoo bandhigtay oo ahaa inuu qandaraaskiisa ku kordhiyo 12 bilood iyadoo uu qandaraaskiisa hada ee kooxda dhamaanayo 2014. wuxuu u sheegay ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin inuu rajeynayo inuu kooxda ka dhaqaaqo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Arsenal ayaa diiday inay ciyaaryahanka u kordhiso mushaarkiisa oo haatan ah 60 kun isbuucii. Iyadoo uu markaas difaacu saxiixayo heshiis weyn ookamadambeys ah, wuxuu 30 jir noqonayaa bisha Febraayo, xilli ay ku beegan tahay markii mushaarkiisa kor loo qaadi lahaa.

Gunners ayaa go’aankaan kaartay iyadoo aysan xidiga ka dalban heshiis waqti dheer ah maadaama uu hal sano gudaheed labada lug ka jabay.

Sagna ayaa ka careysiiyey tababaraha Arsenal Wenger ka dib markii uu saxaafada u sheegay sida uu uga xun yahay in kooxda iska iibiso Robin van Persie iyo Alex Song intii xagaaga lagu jiray.

Dhanka kale Theo Walcott ayaa u sheegay Arsenal inuusan saxiixi doonin heshiis shan sano ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 75 kun oo ginni.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Benitez oo u tacsiyeeyey Chelsea ka dib markii ay ka hartay UCL.

Tababaraha KMG ah ee Chelsea  Rafael Benitez ayaa ka hadlay wixii dhacay ka dib markii ay Blues 6-1 ku dardartay Nordsjaelland, inkastoo ay noqotay kooxdii ugu horeysay ee iyadoo Champions League difaacaneysa ku harta wareega Group-yada.

Iyagoo isha ku haayey inay Shakhtar Donetsk guul ka gaarto Juventus si ay ugu soo baxaan wareega 16ka, taas bedelkeeda ayaa noqotay inay dhanka kale isku rogtay wixii ay filayeen ka dib  markii kooxda heysata Serie A, ay 1-0 ku quusisay kooxda Ukraine.

Balse Benitez ayaa amaanay guushii kooxdiisa, iyadoo kooxda ka dhisan Galbeedka London ay si aan caadi aheyn xasuuqday kooxda Denmark, halka ay sanada cusub iska xaadiri doonto koobka labaad ee Europa League.

“Waxaan u maleynayaa markii aad guuleysato waa fiican tahay. Markii ay gurigaada tahay wayba kasii wanaagsan tahay,” ayuu tababaraha reer Spain u shgeegay Sky Sports.

“Wadadii aan ku guuleysanay, 32 mar ayaan goolka tagnay inagoo 18 mar tooganay goosha, run ahaantii waa wax fiican.

“Markii aad guul gaarto waad ku faraxsan tahay laakiin si la mid ah waan niyad jabnay sidii inagoo aan horumar sameyn. Ugu yaraan waxan soo bandhignay heerka iyo tayadeena nalooga baahnaa.

“Hada waa inaan ka fikirmaa kulanka sabtida ee Sunderland iyo Europa League. laakiin kulanku aad ayuu u fiicnaa waxaan arki karnaa wax wanaagsan oo mustaqbalka ah. Si wanaagsan ayaan u ciyaarnay, fursado ayaan abuurnay iyo goolal badan oo aan dhalinay.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

 

Mourinho: Nasiino ma qaadan doono hadii aan ka tago Real.

Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan qorsheyneyn inuu ka nasto kubada cagta marka uu ka tago kooxdiisa Real Madrid.

Warar la isla dhex maraayey ayaa sheegaya inuu macalinka reer Portugal kooxda heysata Horyaalka La Liga ka tegaayo dhamaadka xilli ciyaareedka laakiin waxay u muuqataa mid soo dhowaatay, iyadoo lala xiriirinaayo midkood kooxaha Manchester City ama Paris Saint-Germain.

Laakiin tababarihii hore ee Porto,Chelsea iyo Inter ayaa sheegay markii uu ka tago Santiago Bernabeu, inuu si toos ah ugu laaban doono shaqada tababarenimo.

“Hadii aan tago, hal sano nasiino ma qaadan doono,” ayuu Mourinho u sheegay saxaafada.

“Hadii aanan halkaan [Madrid] ka shaqeyn, markaas waxaan ka shaqeyn doonaa meel kale. Miyaan tababare ka noqon doonaaEngland? Meel kasta ayaan tababare ka noqon doonaa, waxaa macquul ah xittaa inaan ka noqdo  Netherlands.”

Madrid ayaa hugaanka La Liga, waxay 11 dhibcood ka dambeysaa kooxda Barcelona, iyadoo sidoo kale shan dhibcood u qada kooxda ay isku magaalada yihiin Atletico Madrid.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu

Messi oo maanta baaritaan mari doona ka dib dhaawicii xalay.

Lionel Messi ayaa mari doona tijaabo caafimaad ka dib markii dhaawac jilibka ah looga saaray kulankii goolal la’aata ku idlaaday oo ay kooxdiisa Barcelona xalay la ciyaartay Benfica.kooxda ka dhisan Catalan ayaana xaqiijisay inuusan dhaawac daran soo gaarin.

Tababare Tito Vilanova ayaan ciyaarta kusoo bilaabin kabtanka Argentine kulankii kama dambeysta Group-ka ee Champions League, balse waxaa bedel lagu keenay ciyaarta oo ay ka harsan tahay 13 daqiiqo markii lagu bedelay Rafinha,xilli ay Blaugrana  guul doon aheyd.

Laakiin ciyaarta oo ay ka harsan tahay shan daqiiqo, welina aan gool la iska dhalin, ayuu ciyaaryahanka ugu cadcad Ballon d’Or ka dhaawacmay jilibka lugtiisa bidix, ka dib markii ay isku dheceen goolhayaha Eagles Artur.

“Ma ahan wax fiican in la arko Lionel Messi oo ku baxaya Bareelo,” ayuu agaasimaha kooxda Barca Andoni Zubizarette u sheegay Canal Plus.

“Waa inaan sugnaa oo aan aragnaa waxa ay dhaqaatiirtu yiraahdaan.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada Mogadishu.

Rag ku labisan dareeska Ciidanka DF oo dhacda xun ka gaystay Muqdisho.

Burcad hubaysan oo ku labisan dareeska ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa xalay dil iyo dhac waxa ay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in marqura lagu baraarugay Ciidamadani oo galay guryaha iyo goobaha ganacsi islamarkaana baaranaya dadka maraya wadooyinka.

Mid kamid ah dadka degmadaas oo lagu magacaabo Maxamed ismaciil waxa uu inoo sheegay inuu indhihiisa ku arkay isaga Ciidamadaani oo uu sheegay inay Ahaayeen kuwo dhax lugeynayey Wadooyinka.

Waxaa uu intaa ku daray inay dil u geesteen mid kamid ah haweenka ku dhaqan Dagmadaasi kadib markii ay isku dayeen inay ka qaataan moobil iyana ay ka dhago adeegtay sidaana uu Dilkeedu uu u dhacay.

Kooxaha ku labisan dareeska Ciidanka dowlada ayaa ku badanaya Muqdisho inay iyaga yihiina laga yaabee.

Maandhow hays dilin anna hay dilin!

Tusmo iyo tusaale tixmaal baa lehe, Abwaan Guure oo dilalka Soomaaliya ka dhex dhacayay u soo kuur galay, si qota dheerna uga soo baaraan degay, ayaa su’aal  adag iska weydiiyay da’yartii dalka oo dabka ku hoobaneysa fal dhaqankooduna uu  noqday is moog ah ” iney is dilaan iyo iney wax dilaan un ” wuxuuna taa ka yiri:-

Wiilashan is dilaayee

Dilayaashu diraane

Wedka dila ku rarane

U dilaaya naftooda

Dad iney ku dilaan

Dilka maxey ka helaan?.

Daarihii jannada iyo

Haddii darajo aakhiro

Duulkani ku helayaan

Amiirradu mey is dilaan

Duhur mey is qarxiyaan

Ajir miyaanay dooneyn

Ilmaha xey u dagaayaan?.

Maandhow gacaliye wiilkan is dilaayow, waxa kula hadlaaya ee habeen iyo maalinba waanada iyo caqli celinta kula dul taagan, waa waalidkaa iyo walaalahaa, waa adeerradaa iyo abtiyaashaa, sukeeya iyo soomaalida oo dhan iyo guud ahaan inta islaamnimada ku abtirsata ee maandhow aan kuu duceynee ha is dilin annagana ha na dilin, ee qaado duruus waxbarasho si aad berrito dalkaada, dadkaada iyo diintaadaba u anfacdo!.

Madaxda sare ee dowladda iyo hey’adaha amniga iyo garsoorka waxaan ku boorrinayaa aadanuhu xeerar kala duwan buu ku dhaqmaa gundhigga kala saarkooduna waa sharciga oo qof walba ka sarreeya, sidaa darteed haddii qofkii qof dila  inta la soo qabto qisaas la marsiiyo, waa hubaal in ay nolol iyo nabadba ka soo baxayaan, waayo allaah ( SWT )ayaaba qur’aanka kariimka ah noogu sheegay oo leh “qisaasta nolol baa idiin kugu jirta” waana xalka kaliya ah ee lagu kala badbaadi karo laguna wada noolaan karo dowladnimaduna sidaa ayey ku jiri kartaa ee taasi si ay u fusho la imaada miisaan caddaaladeed iyo awood wax qabad oo karti iyo hufnaan leh.

Suura gal maaha had iyo jeer, iyada oo ay ciidamadii amniga meel walba taagan yihiin in la yiraahdo gacan ku dhiiglayaashii wax dilay wey baxsadeen!!. Macquul maaha xabsiga dhexe iyo maxkamadda dhexdooda in ay ka dhashaan dullaaliin denbiilayaasha fikiya iyaga oo xil qaran dusha ku wata!.

Abwaan Maxamed Warsame ( Taban taabo ) oo farta ku fiiqaya dhibaatada ka iman karta haddii aanan qisaasta la fulin, ayaa wuxuu leeyahay:-

Nin wax dilay haddii aan

La dilinoo leyska sii daayo

Waa inuu dilka sii wataa

Saa la dili waaye.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Garsoorka iyo caddaaladda, xabsiga dhexe iyo maxkamadaha iyo dhammaan inta ku howlan amniga guud idil ahaantoodba, waxaa la gudboon ” in ay yeeshaan feejignaan dheeri ah iyo xuuraansi war gal ah oo xumaha looga hor tagi karo inta uusan falka dhicin iyo qaabilaadda sharciga oo aan laga meer meerin.

Haddaba shaci dhowrayaashow ogaada qof wax dilay haddii aad sii deysaan dilku wuu sii badanayaa ugu danbeystana dilka iyo amni xumada abuurmeysa idinka ayey idin saameyneysaa ee dadka iyo dalka u hiilliya!!!.

Qofkii ruux kale dila

Haddaan la soo qabanin

Oon qisaas la marsiinin

Ma dhamaato qur gooyo

Qaranka wow luggooyo

Dadkana waw khasaaree

Hirgeliya qaanuunka. 

W/Q: Bashiir  Cali  Xuseen.

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Ciidamada jooga Kismaayo oo heegan la geliyay + Xaalka magaalada.

Wararka ka Imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in heegan la geliyay Ciidamada jooga magaaladaas.

Dhaq dhaqaaqii Dakada magaalada Kismaayo ayaa saakay hakad galay waxaana la dhoobay ciidamo badan oo gudaha iyo Banaanka la dhigay

Wararka lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in hakadka shaqada ay ka dambeyso kadib markii la sheegay wafdi caalami ah maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada kismaayo.

Ciidamada jabhada Raaskambooni ayaa guud ahaan lagu arkayaa magaalada kuwaas oo amaanka sugaya.

Saraakiil katirsan maamulka Kmg ee kusugan magaalada Kismaayo xiriir aan lasameynay ayaa inoo taaba-geli waysay inan qadka taleefoonka ku haleelno xilli dad badan ay hadal hayaan waxa ka socda saaka Dekada Kismaayo iyo wafdiga halkaasi kormeerka ku tagaya sida qorshaha uu yahay.

Kismaayo Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa gaarayay Wafdi heer Caalami ah oo u kur galaya xaalada magaaladaas oo lagu qabanayo shirka maamul u samaynta Gobolada Jubooyinka.

JAWAAB: Bashiir Cali Xuseen waad ka xishootay xildhibaanada!

Baadi ayaa naga maqan oo aan goobeeynaa, waxaana la,nahay  meesha ay naga xigto, waa dhibanahay waxaan garan la,nahay halka uu nooga yimid dhibka, asaageen waan ka harnay waxaan garan la,nahay waxa naga reebay, mar walba rajaa nasoo gasha waxaan garan la,nahay waxa lumiya rajooyinkeena.

Hadaba waxaa muhiim ah in aan tooshka ku ifino anagoon u aaba yeelin cudurka iyo aafada na saameeysay halka ay naga haleeshay, hadaan aragtida Bashiir cali xusseen iyo maqaalkuu qalinka u qaatay ee (Hag-bad siyaasadeedka baarlamaanka!) oo aan aqriyay runtiina aan u arkay maqaal run sheeg ah oo aad uga damqanaaya waayaha culus eey ummada soomaaliyeed maanta ku suganyihiin iyo dantood eegyada xildhibaanada soomaaliyeed, waxeey dalbadeen mushaar aad u badan oo aan ka gu,in umad faqri, dagaal, qax, gaajo iyo dhaawac u wehel noqday oo u baahan cidii samata bixin lahayd, iyo waliba ayadoo ay u sii dheertahay xil gudasho la,aan iyo meeraysi. Runtii aad iyo aad ayaan ugu raacsanahay bashiir aragtidiisa wanaagsan ee wadan jacaylka ah, hadana waxaan aaminsanay in uu xildhibaanada ka xishooday, Waxaana is weeydiinayaa su,aalo badan.

Mushaarka xad dhaafka ah! 

Mushaarka xad dhaafka ay oo ay dalbadeen, waa mid aan ka gu,in waqtiga xaadirka ah soomaaliya, waayo waa wadan ay dagaalo ka jiraan oo aan lahayn wax soo saar, waxaan hubaa hadeey wadaniyiin u naxaaya dalka iyo dadka ay yihiin in ay ku shaqeyn lahaayeen cunto sadexda waqti meel loogu bisleeyo, gaar ahaan qurba jooga oo ay qoysaskoodu aanay qataneeyn, waxeeyna aad ugu dadaali lahaayeen, in qarashka intiisa badan la marsiiyo dhanka ciidamada qalabka sida oo ah dalada ugu mihiimsan uguna miisaan culus ee waxtarka u leh bulshada soomaaliyeed ee aan la,aantood sal nastaa Jiri karin.

Maxaa lagu qaban karaa lacagta intaas la’ eg?

Lacagta intaas la,eg waxaa mushaar ahaan loo siin karaa, 2750 ciidamo ah oo wax wayn ka qaban kara nabad galyada, kana shaqeeyn kara in ay hor istaag buuxa ku sameeyaan cid walba oo dhib ku ah, dalka iyo dadka soomaaliyeed, lacagtaas oo ay qiimaheedu noqonayso sanadkiiba (6,600,000), waxaa lagu sameeyn karaa mashaariic horu marineed oo ay  shaqo ka heli karaan dhaliyaro badan oo soomaali ah oo ay shaqo la,aan baday in meeshii la doono loo duufsado, ma oranaayo mushaar dhan iska ilooba laakiin waxaan kula talin lahaa in ay dhuunta qooystaan uun si aan ugu gudubno dhibaatooyinka aan maanta maganta u nahay, waxaana usoo jeedin lahaa in ay ka guuraan hoteelada oo ay sameeystaan, dhismo ay sariiraha isa saartaan, hadaad taas sameeysaan maanta, waxaad bari gaari kartaan, si ka wanaagsan sida aad maanta wax u dalbaneeysaan, waxaa kaloo intaas dheer oo aan kula talin lahaa in ay si qurux badan ula shaqeeyaan dawlada, una fududeeyaan howl alla howshii ay horu mar ku abuuri karaan isla markaana mar walba ay isku soo dhoweeyaan.

Qurba jooga Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa:-

Hadaan nahay qurba jooga soomaaliyeed, waxaa nahay kuwa ugu baahi badan in uu hagaago dalkeena, waayo waxaan ku dhaqan ceshan lahayn ubadkeena, si ay taasi u dhacdo waxaan talo ahaan aan soo bandhigi lahaa, in aanu u midoowno gacmahana isu qabsano sidaan u taageeri lahayn dalkeena, dadkeena iyo dawladeena, anagoo aan isu kala saarin mucaarid iyo muxaafid, waayo waxaa naga dhaxeeya waa wadankeena horumar waloo uu gaarana anaga ayaa leh dhaxalkiisa, taas waxeey noqoneeysaa difaac dal, dad iyo diin, waxaan soo jeedinaayaa in aan sameeyno kayd lacag ururin ah oo aan shaqsi wax ka dhibeeyn markeey kulantana wax weeyn loogu qaban karo dalka iyo dadka.

Waxaan ka codasanaayaa dhamaan umada soomaaliyeed in ay iga cafiyaan wixii qalad ah ee iga dhacay, waxaadna ogaataan in aan ahay wanaag doon iyo soomaali oo mideeysan in aan mar uun indhaha saaro.

W/Q: Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa uu ku gaar yahay qoraaga ku saxiixan