25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Benitez oo diiday inuu raali geliyo taageerayaasha Chelsea.

Tababaraha kooxda Chelsea Rafael Benitez ayaa diiday inuu raali geliyo taageerayaashaChelsea ka dib hadaladiisii uu ku dhaleeceyn jiray intii uu macalinka u ahaaLiverpool.

Ninka reer Spain ayaa soo dhoweyn ka waayey taageerayaasha Chelsea kulankiisii ugu horeeyey ee uu wajahay Manchester City, taas bedelkeedana waxay wateen Boorar ay ku dhaleeceynayaan isaga ayna ku taageerayaan tababarihii xilka laga qaaday Roberto Di Matteo.

Hadalka uu sheegay isagoo hugaaminaya Liverpool, Benitez inuusan marna ka shaqeyn dooninStamfordBridge, waana midda aan weli ka go’in maskaxda tageerayaashaChelsea.

“Dhibaatada ayaa ah inaanan ka qoomameyn Karin wixii aan sameeyey ama aanan dhihin,” ayuu Rafa u sheegay saxaafada.

“Ma hubin karno xaqiiiqdii. Waan tusi doonaa inaan sameyn karo waxa ugu fiican.”

Chelseaayaa kooxda ay xafiiltamaan ee Fulham kulan ka tirsan Premier League axada Garoonkeeda ku qaabili doonta.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Kooxo hubaysan oo dad shacab ah ku dilay Beledweyne.

Xaalada Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa saakay kacsan kadib markii saacadihii la soo dhaafay dilal ay ka dhaceen.

Habeenkii Xalay kooxo hubaysan oo aan la garanaynin ayaa waxaa ay magaalada Beledweyne ku dileen Sadax qof oo shacabka deegaanka ah.

Sida dadka halkaas jooga ay ku soo waramayaan kooxahan dilka gaystay ayaa gurigooda kala soo baxay Sadax ruux ee shacabka kadibna risaas ayay kula dhaceen bartamha magaalada.

Dilka dadkan aya awaxaa uu ka dhacay xaafada Nuur xawaad oo kamid ah xaafadaha magaalada Baledweyne.

Lama sheegi karo Masuuliyada dilka dadkan cida ka dambaysay laakiin waxaa loo malaynayaa inay salka ku hayso Anooyin qabiil kadib markii maaalintuu shalay la dilay gudoomiyihii odayaasha dhaqanka.

Mahiga oo raali geliyey Somaliland!

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo ku sugan Hargeisa, ayaa sheegay inuu raali galin ka bixinayo qoraal uu sheegay inuu si khaldan uga soo baxay xafiiskiisa  oo ay ka biyo diideen masuuliyiinta Soomaalil and.

Qoraalka sida qaldan uga soo baxay xafiiiska Mahiga oo soo gaaray Soomaaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliland ay tahay maamul goboleed ka tirsan wadanka Soomaaliya.

Mahiga oo Hargeysa kula kulmay madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliland, ayaa sheegay inuu qaatay masuuliyadda dhanbaalka maadaama uu magasciisu ku  saxiinaa.

Mahiga ayaa dhinaca kale ka hadlay doorashooyinka dawladaha hoose ee maanta barri ah la filayo inay ka dhacdo  gobolada iyo degmooyinka Soomaaliland, oo uu sheegayo inuu rajeynayo inay si guul ah ku dhmmaadaan.

Lazio oo ku ciyaareysa Funaand ay ku qoran tahay ‘No Racism’

Lazio ayaa caawa kulanka ay wajaheyso Udinese ku ciyaari doonta funaanado looga soo horjeedo cunsuriyada, sida ay xaqiijisay kooxda ka dhisan Talyaanigu.

Taageere Tottenham ah oo lagu magacaabo Ashley Mills ayaa isbuucii lasoo dhaafay nafsadiisa ku waayey ka dib dagaal gacan ka hadal ah oo dhex maray tageerayaasha labada koox xilli ay ciyaarayeen kulan Europa League ah.

Funaanada ayaa waxaa ku qoran sida lagu xaqiijiyey Akoonka ay kooxdu ku leedahay Twitter-ka ‘NO RACISM’ ‘Cunsuriyada maya’

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Habmaamuuska Madaxtooyada maxaa ka hallaysan?! (Warbixin iyo Sawirro)

Soo dhawaynta iyo qaabillaada mas’uuliyiinta iyo marti sharafta kaaga timaadda waddamada dibaddu waa arrin muhiim ah oo aad ku kasban kartid saaxiibtimada dalalkaas, korna ugu qaadi kartid sumcadda dalkaaga iyo dadkaaga. Hadba heerka saaxiibtinimada iyo xidhiidhka aad waddankaas la leedahay gaadhsiisantahay ayay ku xidhantahay hawlaha soo dhaweynta iyo heerka sarreynta lagu qaabilo wafuudda ku soo booqata.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana waxa jira arrimo iska caadi ah oo masuul kasta oo magac dawladdeed kuugu yimaaddaa kaa filan karo. Arrimahaas waxaan ka xusi karnaa calanka waddanka uu ka socdo waftigaasi oo ka muuqda goobaha lagu qaabilayo. Taasi waa xushmayn iyo qadarin la siinayo martisharafta.

Dhanka kale marka ay astaanta calanku ka maqan tahay goobta lagu qaabilayo waftigaasi,  waxay ka dhigantahay bahdil iyo xaqiraad aad ku samaynaysid masuulkaas ku soo booqday, waxaanay mararka qaarkood dhalisaa in uu khalkhal iyo madmadow diblomaasiyadeed soo kala dhexgalo labadaas waddan.

Waxaa xusid mudan oo arrintan tusaale fiican innoogu noqon karta dhacdadii uu sida bahdillaada ah ugu qaabilay wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Israa’iil safiirka Turkiga u fadhiya dalkooda xilli hadda laba sano ku dhawaad ka soo wareegtay.

Safiirka Turkiga Md. Ahmet Oguz Celikkol oo uu wasiir xigeenka arrimaha dibadda Israa’iil Daniel Alayon ugu yeedhay xafiiskiisa, ayaa qaabkii uu u qaabilay noqotay mid si aad ah uga cadhaysiisay wadanka Turkiga.

Goobtii qaabillaad oo ahayd qol aad u yar, ayaa waxaa la soo dhigay calanka Israa’iil oo keliya iyadoo isla markaana safiirka lagu fadhiisiyay kursi ka gaaban midka ay wasiirka iyo madaxda kale ee Yuhuuddu ku fadhiyeen. Arrintan oo saxaafaddu aad uga faallootay xilligaas ayaa xidhiidhka labadaas dal wax weyn u dhintay.

Haddaba waxaa yaab iyo amakaag lahayd in magaalada Muqdisho oo ay dhawaan yimaaddeen wufuud ka kala socotay labada dal ee Iiraan iyo Turkiga oo aan ku tilmaami karno saaxiibada ugu dhaw ee Soomaalidu xilligan leedahay in aan haba yaraatee goobihii lagu qaabilayay aanu ka muuqan calanka dalalkoodu. Sawiro ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo qaybiyay saxaafadda, ayaa qaabilaaddii uu madaxweynuhu ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran Md. Cali Akbar Saalexi uu ka muuqday calanka Soomaaliya oo keli ahi.

Sidoo kale kulankii uu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud madaxtooyada ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Md. Ahmet Davutoglu, waxaa isna goobta ka muuqday calanka Soomaaliya oo keliya iyadoo shirkii Jaraa’id ee ay wadajirka u qabneenna labada calanba meesha ay ka maqnaayeen

Labadan waddan oo horseed u ah saaxiibada tirada yar ee Soomaalidu leedahay, ayaa runtii dadaal weyn ugu jira sidii ay shacabka Soomaaliyeed ugu fidin lahaayeen taageero wax-ku-ool ah si ay uga gudbaan marxaladdan adag ee dalku ku jiro.

Inkastoo ay hubanti tahay in madaxweynaha iyo saraakiisha xafiiskiisu ay qadarin iyo abaalba u hayaan wufuuddan oo aanay ujeeddadoodu ahayn in ay wax u dhimaan sumcadda marti sharafta soo booqatay, haddana waa nasiib darro innoo muujinaysa aqoon yarida dhinaca habmaamuuska iyo baratakoolka diblomaasiyadeed ee lagu qaabilo wufuudda ka haysta kaadiriinta Damul Jadiid ee madaxtooyada ka hawl gasha. Waxaan shaki lahayn in dhacdani sumcadxumo iyo sharaf dhac u soo jiidayaso madaxweyanaha iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed iyadoo islamarkaana fadeexad iyo wajigabax ku ah siiba madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Waxaa lagamamaarmaan ah in shaqaalaha mataxtooyadu ay ilaaliyaan magaca iyo sumcadda ummadda Soomaaliyeed kana digtoonaadaan falalka noocan oo kale ah.

Khaliil C/raxmaan X.Xasan
WardheerNews, London
E-Mail:[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

R/W Saacid oo la shiray wafti Yurub ah.

 Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya uqaabilsan.

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia Michel Carves Deurso iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay kulan la qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa markii uu soo dhamaday si wadajir ah saxaafada warbixin uga siiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub ee dalka Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn saxaafada la hadlay kaasi oo sheegay in waxyaabaha ay kawada hadleen safiirka ay kamid yihiin sidii la isaga kaashan lahaa dhanka ammaanka dhaqaalaha.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Michel Carves Deurso ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu maanta la qaatay wasiirada cusub ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Michel Carves  Wuxuu sheegay in intii uu socday kulanka la isku soo hadal qaaday arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sidii Dowladda Soomaaliya looga gacan siin lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho iyo dhanka dhaqaalaha.

Qarax ka dhacay degmada Marka.

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qarax qasaaro gaystay oo maanta ka dhacay degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose.

Sida la xaqiijiyay Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu tuuray sida la sheegay goob ay ka agdhawaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Magaalada Marka.

labo kamid ahaa dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta qarax uu ka dhacay ayaa ku dhaawacmay kuwaasi oo loo qaaday isbitaalka Magaalada Marka oo lagu dabiibayo.

Waxaa ay Goobjoogayaasha asheegaany in xilliga bambada ay dhaceysay Magaalada ay soo galeen sida uu sheegay ciidamo Ugandhees ah kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Majirto faahfaahin intaasi ka baxsan oo laga helayo wararka ku saabsan qaraxa ka dhacay Magaalada Marka.

Somalida Uganda oo soo dhoweysay howl gallada Ciidamada.

Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada kanbaala ee caasimada wadanka ugandha ayaa si weyn usoo dhaweeyay howlgalada gaarka ah ee ciidamada dowlada somaliyed kula dagaalamayan dadka dhigta isbaarooyinka sharci darada ah degmooyinka magaalada muqdisho waxana howlgaladaasi ay ku tilmeemen kuwo soo celin kara amaanka magaalada oo in moda ah dhibaatooyin marti galisay, waxana ay ugu baaqeen masuuliyiinta ciidamada dowlada in howlgalada nuucaan oo kale ah ay joogteeyaan si meesha loogu saaro kooxaha ku caanbaxay waxyaabaha abuuraya amni darida.

Goobaha soomaalidu isugu timaado ee magaalada kanbaala sida maqaayadaha, hoteelada,darjiinada,iyo intarneeyada ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa howlgalada ciidamada dowlada somaliyed ku qaadayaan kulana diriyaan isbaarooyinka dadka dhigta, dhawan ayay ahayd markii madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya xasan shiikh maxamuud uu soo saaray wareegto ku saabsaneed in aan la aqbali doonin isbaarooyinka sharci daradi ah

W/Q/: Wariye Mahad Cabdi Maxamed Shaakir

Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada oo ballantii uga baxay madaxweynaha.

Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay dhulka la galeen balantii Madaxwaynaha Soomaaliya uu la galay ka hor inta uusaan Soomaali ka tagin.

Madaxwayne Xasan sheekh ayaa inta uusan u bixin safarka uu haatan ku joogo wadamada dariska la ah Soomaaliya ayaa waxaa uu isaugu yeeray Saraakiisha ciidamada dowlada oo uu kula dar darmaay arimo badan.

Xasan Sheekh Waxaa uu saraakiisha dowlada u sheegay inay joojiyaan lacagta boojada ah ama Tan isbaarada laga qaado islamarkaana la qaado Isbaarooyinka yaala Muqdisho oo dhan.

Waxaa uu Madaxwaynaha wax aan loo dul qaadan Karin ku tilmaamay in Isbaarooyin lacago jeebka u gaar ah ciidamada ay qaadan waxaana uu ka soo saaray wareegta ah  inaan Isbaarooyinka wax lacag ah dadka loo qaadi Karin waxaana shaqadaas iska leh ayuu yiri Wasaarada Maaliyada.

Laakiin markii uu Madaxwaynaha tagay waxaa halkeeda ka bilowday lacagihii baada waxaana meelaha ay ka socota kamid ah lacagaha baada degmooyinka Hodan, Dherkenley, Madiina, Yaaqshid, Heliwaa, Kaaraan, Boondheere, Shibis iyo degmooyin kale.

Dadka Shacabka ayaa qaati ka taagan lacagaha baada ee laga qaado iyadoo madaxwaynaha uu ka digay laakiin warkiisa dhulka lagama qaadin.

Maraakiib Dagaal oo duqayn ka gaystay gudaha Somalia.

Faah faahin ayaa ka soo baxaysa Maraakiib dagaal oo duqaymo ka gaystay Gobolka Mudug.

Maraakiibtaan ilaalaada ka haya Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ay weerar gantaalo ah ay ku qaadeen degmada Hobyo oo kooxaha burcad badeeda salka u ah.

Weerarka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay burcad badeeda rabeen in ay qafashaan markabka ilaalo kahayay xeebaha gobolka Mudug.

Ilaa iyo Sadax gantaal ayay Ciidamada Midowga Yurub ku garaaceen degmada Hobyo waxaana ay ku dhaceen labo gantaal oo kamid ah bartamaha magaalada.

Ciidamadan joogan xeebta Hobyo ayaa waxaa ay dagaal kula jiraan kooxaha Burcad badeeda ee jooga Hobyo.

Lama Xaqiijin ilaa iyo hada waxyeelada ay gaysatay Madaafiica halkaas lagu weeraray waxaana ay cabsi ku beertay duqayta maraakiibta dadka kunool Hobyo oo saakay hadalhaya.

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Wararka Xanta Tooska ah.

Darren Bent , oo 28-jir ah, ayaa ku dhow inuu Janaayo si amaah ah ugu biiro Liverpool ka dib markii ay isku dheceen tababaraha Aston Villa Paul Lambert kulankii ay garoonkooda barbaraha kula galeen Arsenal (Metro)

Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa diirada saaraya inuu 15 milyan kusoo xero gelsho ciyaaryahanka daafaca bidix uga ciyaara Everton Leighton Baines, oo 27-jir ah, ka dib isagoo aan isku deyi doonin inuu lasoo saxiixdo 31-jirka dambeedka bidix uga ciyaara Chelsea Ashley Cole (Daily Mail)

AC Milan ayaa rajo ka qabta inay United ku garaacdo saxiixa kubad qaabeeyaha kooxda Inter Milan Wesley Sneijder oo 28-jir ah (Talksport)

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay gacanta kusoo dhigto weeraryahanka Liverpool Luis Suarez, oo 25-jir ah, waxaana xidigaan lagu daray qorshaha suuqa ee Stamford Bridge (Daily Express)

Wararka Xanta ah ee kale.

20-jirka qadka dhexe uga ciyaara Arsenal Jack Wilshere ayaa laga dalbaday qandaraas cusub tababare Arsene Wenger ayaana isku diyaarinaya inuu xidigaan u xiro calaamada kabtanimada Gunners (Daily Mail)

30-jirka goolka u qabta Chelsea Petr Cech ayaa u sheegay asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin inay la qabsadaan nolosha tababaraha cusub ee Blues Rafael Benitez ama ay kooxda isaga tagaan (Talksport)

Ma jeceshahay inaad maalin walba la socoto wararka xanta ah ee Suuqyada Ingiriiska Naga soo booqo www.caasimada.net, Isha wararka sugan.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Tobankii saxiix ee 2012 ugu xumaa Barclays Premier League.

Tobankaan saxiix ee sanadkaan ugu xumaa Horyaalka Ingiriiska ayaan soo qaadaneynaa inagoo shalay soo qaadanay Tobankii saxiix ee ugu fiicnaa.

1. Michael Owen (Stoke City)

Wuxuu heystay waayo xornima leh, iyadoo uu Michael Owen aadi karay meel banaanka ka ah Engalnd, si kastaba, wuxuu ku biiray Stoke City. Waxaana laga filaayey weeraryahankii hore ee Liverpool inuu aado meel uu Horyaal kale ku qaadi karo ka dib markii uu ka tegay Manchester United dhamaadkii sanadkii hore.

32-jirkaan markii uu ku biiray Potters ilaa haatan kuma yeelan wax saameyn ah.

2. Rob Green (QPR)

Rob Green ayaa kusoo dhaqaaqay kooxda ka dhisan London Queens Park Rangers balse 32-jirkaani wuxuu iska beer dareeyey fursad uu kula biiri lahaa West Ham oo aad u raadineysay.

Gool hayihii hore ee xulka England ayaa ku biiray waayihii mashaqeysnaa ee Mark Hughes kamana uusan biyo dhalin. Taasoo keentay inuu booskiisa u waayo gool haye Julio Cesar.

3. Scott Sinclair (Man City)

Scott Sinclair ayaa digniin ka heystay mid ka mid ah ciyaartoydii da’yarka ahaa ee isaga tegay Manchester City ka dib markii uu boos ka waayey.

Xidiga garabka ka ciyaara Adam Johnson ayaa kula taliyey da’yarka dalka England inaysan ku biirin Man City wuxuuna ku sheegay inay qalad u bareerayaan hadii ay ku biiraan. Sinclair ayaana dhegaha ka forestay warkaas wuxuuna 6.8 milyan oo ginni ugu dhaqaaqay Kooxda heysata Horyaalka Ingiriiska markaasoo laga soo gatay Swansea.

Si kastaba, wuxuu haatan deris la yahay kursiga keydka ee Sky Blue, 23-jiraan ayaa sidoo kale booska waxaa ka qabsaday David Silva iyo Samir Nasri.

4. Fabio Borini (Liverpool)

Markii aad heysato laba weeraryahan, waxaa muhim ah inay caafimaad qabaan. Balse tababaraha Liverpool Brendan Rodgers sidaasi kama uusan helin Fabio Borini, waxaana ninka reer Talyaani la degay dhaawac  cagta hoosteeda ah oo uu afar bilood la maqnaanayo.

11.7 milyan oo looga soo gatay Rome weli waxay u muuqataa inuusan baahi tiring Jamaahiirta Anfield oo haatan goolasha ka suga Luis Suarez.

5. Maya Yoshida (Southampton)

Daafaca dalka Japan ayaa xagaagii ku sugnaa St Mary oo uu kaga soo biiray VVV-Venlo, markii uu kusoo biiray Premier League waxaa loo heystay nin aan la dheyelsan Karin.

Yoshida ayeyse ku adkaatay la qabsashada Horyaalka Ingiriiska, 24 jirkaan ayaana booskiisa u waayey Nigel Adkins kaasoo waayo la yaab leh ka dhigaaya kooxda.

6. Andy Carroll (West Ham)

Qofna ma dhihin wuxuu ku biirayaa West Ham laakiin kooxdu waa ay dooneysay waxayna kasoo kexeysatay Liverpool. Carroll oo 35 milyan Reds kala soo wareegtay New Castle ayey qasab ku noqotay inay amaah ku baxshaan, 23-jiraan ayaase ku dhibaatoonayey goolka hortiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Engalnd 14 saacadood ayuu u qatimay inuu gool u dhaliyo Hummers, si kastaba ugu dambeyn wuxuu shabaqa kasoo taabtay Tottenham kulankii Upton Park.

7. Jack Rodwell (Manchester City)

Jack Rodwell ayaa lagu qiyaasayey mid ka mid ah ciyaartoyda da’yarka ah ee jiilkaan usoo baxay Dalka England. Laakiin 21-jirkaan ayaa u dhaqaaqay kooxda aan da’yarka daneyn ee Roberto Mancini ka dib markii ay Sky Blue Nigel de Jong ka iibisay AC Milan.

Ka dib markii uu kooxda kasoo dhex dhalaali waayey waxay doonatay Daniele De Rossi, xidigii hore ee Everton Rodwell ayaana u muuqda mid aan boos uga banaaneyn Etihad Stadium.

8. Junior Hoilett (QPR)

Junior Hoilett ayaa  intii lagu jiray xagaaga usoo dhaqaaqay QPR mana uusan muujin wax soo jiidasho leh intii uu kasoo wareegay Ewood Park.weeraryahanka kooxda Loftus Road ayaa looga fadhiyaa waayo horumar leh laakiin ma aysan ka muuqan waayadii Hughes, balse waa in isha lagu haayaa waxa uu qabto isagoo ka hoos ciyaaraya Harry Redknapp.

9. Alexander Buttner (Manchester United)

Waxay Manchester United u heysatay inay lasoo wareegtay ciyaaryahankii dadabka bidix ugu fiicnaa Horyaalka Eredivisie kalsooni ayeyna ku qabeen taageerayaashoodu. Balse Buttner, oo 23-jir ah ayaa la tacaalaya inuu boos joogta ah ka helo United.

Xilli Partice Evra aad loogu qadariyo booskiisa daafaca bidix waxaa la is weydiinayaa sababta uu daafacaani ugu soo biiray markii horeba Red Devils

10. Clint Dempsey (Tottenham)

Clint Dempsey ayaa aad uga dhex muuqan kooxdiisa Tottenham weeraryahanka Mareykanka ayaa 6 milyan kula soo biiray daqiiqadihii suuqa ugu dambeeyey, wuuxuuna iska qasaariyey fursad uu kula biiri lahaa Liverpool.

Inkatoo uu goolal u dhaliyey kooxdiisa hadana 29 jirkaani kama soo bixin booskii ay ka fileysay Spurs.

Yaa ka maqan ayaad is leedahay Liiskaan Ciyaartoydii ugu xumaa ee 2012 lagula kala wareegay suuqa kala iibsiga England? Inoo sheeg Fikirkaaga.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Stewart Downing oo diirada u saaran kooxda Arsenal.

Tababare Arsene Wenger ayaa doonaya inuu markaan soo bililiqeysto kooxda Liverpool wuxuuna ka doonayaa Stewart Downing, sida uu qorayo Caught Offside.

Stewart Downing ayaa ah ninka koowaad ee diiiradu u saaran tahay, ciyaarayahankaan ayaa waxaa Aston Villa uu kga sooo biiray Reds intii uu Anfield tababaraha ka ahaa Kenny Dalglish 2011kii, laakiin xidigii hore ee Middlesbrough ayaa deris la noqday kursiga keydka ka dib imaanshiyihii tababare Brendan Rodgers.

Si kstaba, weli looma isticmaalin kulan Horyaalka ah ninka reer England, waxaana inta badan la ciyaarsiiyaa kulamada Europa League.

Wargeyska Daily Mail ayaa qoraya inuu Downing noqon karo xidig daboola baahida ay Arsenal ka qabto baalka bidix, maadaama uu yahay xidig xawaare badan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Olivier Giroud: Waxaan doonayaa inaan la ciyaaro Thierry Henry.

Weeraryahanka kooxda Arsenal Olivier Giroud ayaa ku qalqaalinaya Thierry Henry inuu mar kale u saxiixo Gunners inta lagu jiro bisha Janaayo.

Henry ayaa tababarka la qaadanaya kooxda ka dhisan waqooyiga London inta uu xiran yahay Horyaalka Mareykanka MLS, tababare Arsene Wenger ayaana diiday inuu meesha ka saaro inuu mar kale soo dhaqaajiyo halyeeyga Arsenal.

35-jirka, weerarka uga ciyaara New York Red Bulls, ayaa laba mar shabaqa soo taabtay intii lagu jiray Todobo kulan oo uu amaah kulan joogay kooxdaan sanadii hore, marka lagu daro guulkii guusha ee uu kooxda Leeds ka dhaliyey kulan FA Cup ah, wuxuuna ninka reer France kooxdaan usoo xamaalayey 1999 ilaa 2007dii.

Wenger ayaa sheegay inuu go’aan ka qaadanayo soo ceshasada Hanry ee Janaayo wuxuuna qirtay inay kooxdiisu ku darsaneyso liiska weerarka iyadoo uu furmaayo Africa Cup of Nations.

Xidiga dhowaan galka ah ee Gunners Giroud ayaana qirtay inuu jelaan lahaa inuu mar uu Emirates kula ciyaaro ninka ay isku kooxda yihiin.

“Hanry wuu u hiloobay xiisaha Premier League” ayuu yiri Giroud. “Laakiin iima uusan sheegin hadii uu kusoo laabanayo. Waxay ii noqon laheyd farxad weyn hadii aan la ciyaari lahaa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Terry oo banaanka soo dhigay taageerada uu u hayo De Matteo.

Rafa Benitez ayaa mar kale la kulmaya taageero la’aan kaga timaada Kabtanka Chelsea John Terry, ka dib markii la arkay inuu 31 jirkaani ku tababaranaayey Number-kii uu kooxda u xiran jiray Roberto De Matteo.

Macalinka reer Spain ayaa jawi soo dhoweyn ah kala kulmin Stamford Bridge, kulankii axada ay kooxdiisu la ciyaartay Man City, waxaa uu John Terry sameeyey dareenkiisa shaqsi ahaaneed sida uu uga murugsan yahay ceyrintii Roberto Di Matteo, kaasoo kooxda sanadkii hore ku hugaamiyey Champions League iyo FA Cup.

Daafacaan, ayaa kasoo kabsanaaya dhaawac jilibka ah, wuxuuna inta badan kooxda u xirtaa Number-ka 26aad, balse wuxuu tababarka ku qaatay Noumber-ka 16aad, waxaana horay u xiran jiray Di Matteo intii uu Blues u ciyaari jiray.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Guardiola oo laga doonayo inuu Messi keeno Stamford Bridge.

Tababare Pep Guardiola ayaa ku tiirsanaanaya mar kale xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi kaasoo ah ninka uu doonayo milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich hadiiba ay noqoto inuu Chelsea usoo dhaqaaqo tababarihii hore ee Barca, sida oo ogaaday wargeyska HamroFootball.com.

Pep Guardiola ayaa ka mid ah ragga ugui sareeya inay qabtaan shaqada Tababarenimo ee Chelsea taasoo uu haatan todobo bilood oo ku meel gaar ah ku hayo, Rafa.

Ilaha uu soo xigtay wargeyskaan ayaa sheegaya in Guardiola uu doonayo inuu Messi ku xoojiyo kooxda Blues, waana mida baa la leeyahay inuu Roman ku qanci karo, hadii uu ninkani noqdo macalinka Chelsea.

Pep ayaa xiriir wanaagsan kala dhexeeyaa Messi, Chelsea ayaana dooneysa iyadoo ku gambaneysa tababaraha reer Spain inay dalab u dirto Lionel Messi, kaasoo laga yaabo inuu sida ugu macquulsan ugu soo dhaqaaqo Galbeedka London.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Silvio Berlusconi: Pato kuma bedelaneyno Mario Balotelli.

Mario Balotelli ayaan boos uga banaaneyn AC Milan iyadoo ay Man City dhaafsaneyso xidiga reer Brazil Alexandre Pato, sida laga soo xigtay madaxweynaha kooxdaas Silvio Berlusconi.

Milan ayaan qarsan sida ay u jeceshahay weeraryahanka kooxda City iyo xulka Talyaaniga, balse Berlusconi ayaa caro ku shubay wararka saxaafada ee soo jeedinaya inay Milan Pato u isticmaali karto qeyb heshiiska ka mid ah.

Berlusconi ayaa weli doonaya inuu soo kexeysto Balotelli, laakiin wuxuu qirtay inuusan xidiga heerka caalami ee dalka Brazil iib aheyn.

Ra’iisul wazaarihii hore ee dalka Talyaaniga ayaa u sheegay Milan Channel: “Isdhaafsashada lala xiriirinayo Pato iyo Balotelli? Ma aan jecli wax kala bedelashada.

“Pato sida muuqata suuqa ma yaal. Waa mid ka mid ah ciyaartoydeena ugu fiican wuxuuna leeyahay tayada uu halyeey halkaan uga noqon karo sanadaha soo aadan.

“Nasiib darro, waxaa ku habsaday dhaawacyo, laakiin hada waxaan u baahanahay inaan cagta u saarna wadada toosan.

“AC Milan waa kooxda ku wanaagsan inay heysato.”

Roberto Mancini ayaa 2010kii Balotelli kala soo wareegay Inter Milan, waxaana ku baxay qarash dhan 24 milyan oo ginni laakiin ma uusan u muuqan inuu kooxda wax tar ku leeyahay tan iyo markaas.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Cech: Abramovich ciyaaryahankii khilaafsan haka tago Chelsea.

Petr Cech ayaa u digay ciyaaryahan walba oo khilaafsan milkiile Roman Abramovich. Wuxuuna u sheegay hadii aysan la dhacsaneyn siyaasadiisa inay kooxda isaga tagaan.

Abramovich ayaa isbuucii hore raacdeeyey Roberto Di Matteo ka dib bilooyin markii uu Tababaraha Talyaanigu guulihii Horyaalka Yurub ku hugaamiyey kooxda Galbeedka London.

Wuxuuna si la yaab leh ugu bedelay geesigii hore ee hugaamin jiray Liverpool Rafa Benitez.

Balse ninka reer Spain Rafa Benitez ayaan soo dhoweyn kala kulmin taageerayaasha Chelsea kulankii gool la’aanta ay la galeen Manchester City.

Balse Cech ayaa ugu sheegay ciyaartoyda intii ay ku jireen qolka labiska Blues sida laga soo xigtay The Sun in hadii aysan raacsaneyn siyaasada Roman ay kooxda isaga tagaan.

“Waa inaad la qabsataa hadii kale iska taktaa. Sida ugu fudud ayaa midaas ah,” ayuu yiri goolhayaha Chelsea.

“Halkaan waxaad u joogtaa inaad ciyaarto, halkaan waxaad u joogtaa inaad qabato shaqada ay kooxda iyo tababaruhu kuu diraan. Hadii aadan jecleysan, waad iska tehi kartaa.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Faarax C/Qaadir-ka Damul Jadiid oo ugu dambeyn xil loo magacaabay.

In muddo ah ayay socotay sheekada ku saabsan xilka uu hogaamiyaha kooxda Damul-Jadiid Faarax Sheikh Cabdulqaadir ka hayo Dowladda Somalia.

Xildhibaan Faarax ayaa dad badan su’aalo ku dhaliyay sababo la xiriira sida uu mar walba ula socdo ugunu dhow yahay madaxweyne Xasan Sheikh, maadaama uusan wax xil ah ka heyn Dowladda.

Si kastaba, Faarax Sheikh Cabdulqaadir ayaa markan si rasmi ah loogu magacaabay la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha, taasi oo meesha ka saari doonto su’aalihi ku saabsan waxa daba dhigay madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xilkaas u magacaabay Faarax Cabdulqadir, kadib markii ay suurta gali weyday inuu wasiir ka helo xukuumadda Saacid, oo uu dadaal xoogan u galay.

Socdaalkii uu shalay madaxweynaha ugu baxay dalalka deriska ah ayuu Faarax Cabdulqaadir ku wehliyay isaga oo ku magacaaban xilkaas cusub ee loo magacaabay.

Tobankii saxiix ee abid ugu fiicnaa Barclays Premier League.

20 sano ayaa laga joogaa markii ay Manchester United lasoo saxiixatay Eric Cantona, aan dibu milicsano Tobankii saxiix ee abid ugu fiicnaa Premier League.

Waxaa macquul ah inaan meesha ka saarno saxiixyo waa weyn oo aadan qiyaasi Karin, sababtoo ah waa kuwa aad loo garanaayo magacyadooda, sida Roy Keane, Rio Ferdinand iyo Wayne Rooney oo ay lasooo saxiixatay Manchester United tusaale ahaan.

Hadaba waxaan sidoo kale kusoo qaadaneynaa qeyb yar oo ah waxa uu qabtay ciyaaryahanku inagoo u bixinay Ma Ogtahay.

ERIC CANTONA

  • Kulamo: 156
  • Goolal: 70

Leeds ayuu kaga biiray Manchester United £1.2m 1992dii.

Waxaa la rumeysan yahay inuu Eric Cantona ahaa mid wax ka bedelay taariikhda Manchester United, waxaana xidigaan kooxda keenay tababare Sir Alex Ferguson

Cantona ayaa xirfadiisa kusoo bandhigay kooxdii markaas soo qaaday horyaalka championship-ka eeLeeds1992dii, waana markii horyaalka Ingiriiska laga bedelay magaciisii hore ee Division One. Si kastaba xidigaan wuxuu ahaa mid laga jecel yahay masraxa riyada.

Ma Ogtahay? Contana ayaa 26 gool ka dhaliyey 29 koox oo uu ka hor yimid wayihiisii Leeds wuxuuna ku guul darreystay inuu shabaqa kazoo taabto Bolton, Leicester iyo Manchester United.

DENNIS BERGKAMP

  • Kulamo: 315
  • Goolal: 87

Inter Milan ayuu kaga biiray Arsenal £7.5m 1995tii.

Dad badan ayaa laga yaabaa inaysan xasuusan inuu kooxda kusoo biiray inta uusan sutida u qaban tababare Arsene Wenger. Macalinkii Inter kala soo saxiixday wuxuu ahaa Bruce Rioch. Bergkamp oo looga fadhiyo inuu goolal wax tar leh dhaliyo wuxuu ku darsaday goosmooyinka garbaha. Wuxuuna isku muujiyey waqti uu ka hoos ciyaarayey George Graham.

Ma ogtahay? Bergkamp ayaa cawiyey 95 gool oo Barclays Premier League ah, waana in ka badan inta uu caawiyey ciyaaryahan kale oo Arsenal ah.

THIERRY HENRY

  • Kulamo: 258
  • Gool: 175

Juventus ayuu kaga biiray Arsenal £11m 1999kii.

Hadii la dhahayo ciyaaryahan ayaa ku dhow Cantona marka loo fiirsho saxiixyada tayada leh ee EPL waa Thierry Henry.

Markii uu Arsene Wenger kala soo wareegy Juventus wuxuu ahaa mid ka ciyara garabka bidix laakiin wuxuu halyeey u noqday kooxdaLondon.

Ma ogtahay? Henry ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican marka celcelis ahaan loo fiirsho gool dhalinta ciyaaryahanada kale wuxuu dhaliyey 30 gool oo Premier League ah (121.8 daqiiqo ee kasta)

FRANK LAMPARD

  • Kulamo: 529
  • Goolal: 153

West Ham ayuu kaga biiray Chelsea £11m 2001dii.

Frank Lampard ayaa loo arkaayey xidig aysan tayadiisu dhamaan waana gool dhaliyaha sedaxaad ee ugu sareeyaChelsea, wuxuu ka dambeeyaa Bobby Tambling iyo Kerry Dixon.

Waxaa la sugaa kubado awood ku riix ah ama goolal caijiib ah, iyo inuu yahay halyeey Blues ah.

Ma Ogtahay? Lampard ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta isku xiga in ka badan 10 Horyaal oo EPL ah (Sagaal gool oo isku xigta ayuu dhaliyey intii u dhexeysay 2003-04  ilaa 2011-12)

CRISTIANO RONALDO

  • Kulamo: 196
  • Goolal: 84

Aynu mar kale ku laabano Manchester United iyo Cristiano Ronaldo kaasoo hada kaalinta labaad kaga jira ciyaaryahanka ugu fiican caalamka isagoo ka dambeeya Lionel Messi.

Xidiga Real Madrid ayaa waayo aan la hilmaami Karin kusoo qaatay Man United makii ugu horeysay ee uu yimid Old Trafford waxaa la dhihi jiray waa Thierry Henry yaraa.

Waxaana lagu xasuustaa inuu 42 gool oo horyaalka ah dhaliyey 2007-08,, Ronaldo ayaa looga yaqanaa Masraxa Riyada sida halyeey Eric Cantona.

Ma Ogtahay? Ronaldo ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta ugu badan ee keliya 20 koox xili ciyaareed EPL ah (31 gool ayuuna ka dhaliyey 2007-08)

ALAN SHEARER

  • Kulamo: 441
  • Goolal: 260

Southampton ayuu kaga biiray Blackburn Rovers (£3.3m, 1992) wuxuuna ka aaday Newcastle United £15m 1996.

Qof walba ayaa u maleynaayey inuu Alan Shearer ku biirayoManchesterUnited markii uu ka tegay Southampton laakiin wuxuu u huleelayBlackburnxilli ay uga mahad celinayeen awooda ninka kooxda iska lahaa Jack Walker, kazoo dhisay kooxdii ku guuleysatay Horyaalka.

Rovers ayaa heysan weysay ciyaaryahanka wuxuuna si Rikoor ah 3.3 milyan oo ginni kula soo saxiixday Kenny Dalglish 1992dii, waana ka dib markii ay ku guuleysteen Premier League.

Ma Ogtahay? Shearer waa gool dhaliyaha ugu sareeya taariikhda Horyaalka Ingiriiska wuxuuna leeyahay260 gool.

RUUD VAN NISTELROOY

  • Kulamo: 150
  • Goolal: 95

PSV Eindhoven ayuu kaga biiray Manchester United £19m 2001dii.

Ruud van Nistelrooy ayaa ahaa mid la yaab ka dhigay waayihiisii Red Devils wuxuuna dhaiyey goolal badan halka uu kuwo kale qasaariyey.

Sir Alex Ferguson ayaase iska diray 2006dii laakiin wuxuu ahaa weeraryahan ay adag tahay in la celiyo awood ahaan iyo maskax ahaan.

Ma ogtahay? van Nistelrooy ayaa heysta Rikoorka gool dhalinta isku xigta ee kulamo EPL ah (10 gool ayuu dhaliyey intii u dhexeysay March iyo August 2003dii)

XABI ALONSO

  • Kulamo: 143
  • Goolal: 14

Real Sociedad ayuu kaga soo biiray Liverpool £10.7m 2004tii.

Xabi Alonso ayaa door muhim ah ka ciyaaray kooxdiiLiverpoolee hanatay Champions League xilligii uu hayey Rafa Benitez 2005tii.

Waa xidiga ay inta badan ka murgaan taageerayaasha Liverpool ka dib markii uu 2009kii kaga biiray Real Madrid, waxayna u arkayeen xidig fure u ahaa inuu waqti badan lasii ciyaaro Steven Gerrard.

Ma Ogtahay? Alonso ayaa heystay celcelis ahaan baasas dhan 61.2 kulan walba oo Liverpool uu u ciyaaray, keliya Cesc Febregas ayaa ka fiican kaasoo heysta 62.3 baas kulan walba oo uu Gunners u ciyaaray Alonso ayaa shan sano ka ciyaaray Horyaalka England.

DIDIER DROGBA

  • Kulamo: 226
  • Goolal: 100

Marseille ayuu kaga biiray Chelsea £24m 2004tii.

Didier Drogba Waa ciyaaryahan kale oo aan bedelkiisa si fudud lagu heli doonin marka la eegoChelsea. Awoodiisa iyo maskax ahaan oo uu istaago booska ku haboon gool dhalinta Waxay u muuqataa mid aan sahal lagu heli doonin. Waxaana asxaabtiisa ay isku kooxda yihiin kula  kajami jireen inuu nasiib u leeyahay inuu goolal ka dhaliyo Arsenal.

Ma Ogtahay? Drogba ayaa noqday ciyaryahankii ugu horeeyey ee African ah oo 100 gool ka dhaliya Horyaalka Ingiriiska.

PETR CECH

  • Kulamo: 268
  • Badbaadooyinka uu sameeyey: 132

 

Rennes ayuu kaga biiray Chelsea £7m 2004tii.

Petr Cech Waa halyeey goolka u qabta Blues mana ahan mid ay taageerayaasheedu iloobi karaan ka dib wixii uu sanadii hore ka sameeyeyMunich.

Ma Ogtahay? Goolhaye yaashii soo ciyaaray EPL 20kii sano ee lasoo dhaafay, Petr Cech ayaa ugu fiican wuxuuna badbaadiyey 132 darbo oo toos ah 268 kulan.

Sideed u aragtaa Tobankaan ciyaaryahan ee aan soo qaadanay yaad kusoo dari laheyd? Inoo sheeg fikirkaaga adigoo ku qoraya qeybta Comment-ga.

Waxaa Diyaariyey: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.