26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xubno ka tirsan Barlamanka Somalia oo booqanaya magaalada Gaza.

Masuuliyiin kamid ah Baarlamanka Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan Gaza halkaas oo duqaynta arxandara ah ay Yahuudu ka gaysteen.

Xubno kamid ah jamaacada carabto oo Soomaaliya ay kamid tahay ayaa booqon doona Gaza si ay Falastiin ay ugu muujiyaan inay aad kaga xunyihiin dhibaatada soo gaartay.

Maxamad Cumar dalxa oo mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya booqashada waxaana isagoo jooga Qaahira uu waraysi siiyay Radio Muqdisho.

Dalxa ayaa sheegay in Gaza sababta ay u booqonayaan ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa heshiiska xabad joojinta ee ay gaareen Yahuuda iyo walaalaha Falastin ee lagu gardaroonayo.

Duqayn diyaaradaha Yahuuda ay ka gaysteen Gaza ayaa waxaa ku dhinrtay 160 qof dhaawaca kun qof ayuu gaaray.

Liverpool oo Janaayo dalab u direysa Leandro Damiao.

Liverpool ayaa lasoo werinayaa inay ka fikireyso inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka aadka loo qiimeeyo ee reer Brazil Leandro Damiao iyadoo uu tababare Brendan Rodgers doonayo inuu weerarka kooxda ka xoojiyo.

Macalinka Anfield ayaa lasoo jeedinaayey inuu doonayo weeraryahan caalami ah marka uu suuqu dib u furmo bisha Janaayo iyadoo kooxdu ay aragto in weerarkeedu ku dhisan yahay Luis Suarez, halka Fabio Borini uu isna dhaawac qabo.

Lucas Leiva oo u ciyaara Liverpool ayna xidigaan isku Koolej kasoo bexeen ayaa aaminsan inuu 23 jirkaani yahay weeraryahan ku haboon Reds.

“Wuxuu la qabsan lahaa Premier League si wanaagsan, waa ciyaryahan weerar dhexe ah oo xoogan kaasoo si fiican kubada u dhameystiri kara wuxuuna yaqaanaa sida loo ciyaaro afaafka goola,” ayuu yiri Lucas Leiva.

Damiao ayaa 74 gool ku dhaliyey 126 kulan waana weeraryahan inta badan ku wanaagsan kubadaha dhaadheer ee madax ah.

Tababre Brendan Rodgers ayaana rajo ka qaba inuu xidigaan bisha Janaayo usoo dhaqajiyo gegeda Anfield.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Kompany oo shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka Chelsea.

Kabtanka kooxda Manchester City Vincent Kompany ayaa shaki weyn ku jiraa inuu kooxda difaacaneysa Horyaalka Ingiriiska u safto kulanka ay booqanayaan kooxda Chelsea ciyaar Barclays Premier ah dhamaadka isbuucaan.

Daafacaan ayaa lasoo werinayaa inuu ka tegay Etihad Stadium ka dib markii uu dhaawac canqawga kasoo gaaray qeybtii labaa ciyaartii ay barbaraha City la dhaafi weysay Real Madrid kulankii Champions League-ga.

26 jirkaan ayaa sida laso sheegayo wuxuu dhaawac soo gaaray ciyaarta oo mareysa toban daqiioqo laakiin wuuxu ciyaaray ilaa ciyaartu kasoo dhamaaneysay.

Kompany received further treatment after the final whistle and was unable to conduct post-match interviews with the press.

Waxaana lasoo jeedinayaa in xidigaan shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka ay booqanayaan Samford Bridge.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Wariyaasha Soomaalida oo loo digay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaalya ayaa ugu digtay Warbaahinta Soomaaliyeed inaysan ka been abuuran dowlada hadii kalana ay xeri doonaan sharcigana ku qaadi doonaan.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka Sida ayaa kawarbixiyay Xarig maalintii shalay loo gaystay Wariyaha Bbc-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo lagu eedeeyay inuu ka been abuuray Xukunada ay fuliso maxkamada Qalabka Sida.

Wariyaha ayaa xalay ku hoyday Xabsiga dhexe waxaana Liibaan Cali Yaroow Gudoomiyaha Maxkamada uu sheegay in Wariyaha war kuturu kutay uu ka gudbiyay Maxkamada kadib markii uu soo xigtay Qof Balcad jooga oo Maxkamada wax u dhimayo sheeganaya in Cadaalad aan laysku xukumim lana siidaayo dadka Xukunada ku qoron.

Gudoomiyaha Maxkamada waxaa uu sheegay Ibraahin fursad ay u siiyeen inuu marqaati u keeno hadalkii uu u gudbiyay Bbc-da laakiin uu keeni waayay maalmo loo qabtay.

Wariyaha Bbc-da ayaa qirtay sida uu gudoomiyaha sheegayo inuu warkaas been ahaa laakiin Wariyaha waxaa uu ka soo horjeestay in Bbc-da uu ka beeniyo warkaas,waxaana uu sheegay in taas uu shaqadiisa ku waynayo xalayno uu ku hoyday Xabsiga.

dhanka kale Wariyaasha Soomaaliyeed ayuu kaga digay inay ka fogaadaan Cadaalada oo ay borobogando ay ku badalaan wanaaga ay Dowlada hayso sida uu hadalka u dhigay.

“Cid walba oo Dowlada waxaysan samayn ka faafiyo sharciga ayaa noo madal ah,Anaga waxaan dhowraynaa anshaxa Saxaafada taa mid lamid wariyaha ayaa laga doonayaa inuu sameeyo”Sidaas waxaa sheegay gudoomiyaha Maxkamada.

Man City, Real Marid iyo Man Utd oo isku heysta Modric yare.

Manchester City ayaa dooneysa inay Manchester United iyo Real Madrid ku garaacdo saxiixa ciyaaryahanka lagu niinaaso Modric yare ee qadka dhexe uga ciyaara kooxda Dinamo Zagreb Alen Halilovic.

Sedax wakiil oo ka socda City ayaa Croatia u safray dhamaadkii isbuucaan si ay wada xaajood ula furaan Zagreb oo ku aadan sidii ay 16 jirkaan ugu soo kaxeyn lahaayeen Horyaalka England.

Halilovic ayaa dhowaan loo ogolaaday inuu tababar la qaato Real Madrid, wargeyska Sportsmail ayaana ogaaday bishii lasoo dhaafay, inuu ciyaaryahankaani sidoo kale soo jiitay Manchester United iyo Barcelona.

City ayaa dooneysa inay soo afjarto tartanka iyagoo xidigaan ku doonaya 6 milyan oo ginni laakiin waxaa la rumeysan yahay inay Zagreb lacag intaas ka badan ku rabto  Halilovic oo ah ciyaaryahan mustaqbal ku leh kubda cagta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Real Madrid oo dooneysa inay soo ceshato David Beckham.

Real Madrid ayey macquul tahay in si aan la maleysaneyn ay David Beckham dib ugu celiso Spain, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Fikradaan ayaa ka timid sida la sheegyo madaxweynaha kooxdaas Florentino Perez kaasoo og baahida ay kooxdiisu u qabto Beckham.

Beckham ayaa dhamaadka sanadka isaga tegaaya kooxda mareykanka ka dhisan ee LA Galaxy, ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaana doonaya inuu hal horyaal oo kale ka ciyaaro inta uusan xirfadiisa soo afjarin.

Laakiin waxaa lasoo sheegayaa in Real ay dooneyso inuu kobihiisa ku siibo caasimada Spain.

Waxaa xidigaan ku dagaalamaya kooxo ay ka mid yihiin Paris St Germain, Flamengo, Corinthians, halka ay sidoo kale jiraan kooxo kale oo ka daneynaya China, Australia iyo Bariga dhexe.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Masuuliyiin sare oo Kenyan ah oo loo xirayo rabshadihii Gaarisa iyo Islii.

Dowlada Kenya ayaa ku hanjabtay in Masuuliyiin Sar sare oo Dowladooda ka tirsan inay xilkooda ku wayn doonaan rabshadahii ka dhacy Magaalada Gaarisa iyo Waliba kii ka dhacay Xaafaada Islii.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka dalka Kenya Faarax Macalin oo la hadlay Warbaahinta soomaalida gaar ahaan kuwa Muqdisho ayaa sheegay in layskula xisaabtami doono dhibaatadii soomaalida ku gaartay Gaarisa iyo Islii.

Faarax Macalin ayaa carabaabay inay baarayaan Cida kulug leh rabshadaha ka dhacay Kenya hadii uu Masuul Dowlada Katirsan uu noqdana waxaa lagu qaadayaa ayuu yiri Sharciga u dagan Dowlada.

Warar ayaa sheegayay in Masuuliyiin Kenya ah arimo Siyaasad ah ay ku beegsadeen dadka Shacabka ah laakiin Faarax Macalin ayaa ku nuux nuuxsaday in dalka uu sharci kajiro kaas oo qabanaya Madaxwayne ilaa Wasiir.

Waxaa uu sheegay in gudi ay u sareen baaritaanka Waxyabaha ka dhacay Gaarisa iyo Islii oo dadka Soomaalida boob iyo Kufsi loogu gaystay.

Benitez oo loo magacaabay Tababaraha Chelsea.

Rafael Benitez ayaa la xaqiijiyey inuu noqonaayo tababaraha cusub ee kooxda Chelsea, ka dib markii ay kooxdu iska ceyrisay tababareheedii Roberto Di Matteo markii ay guul darro 3-0 ah kasoo gaartay kooxda Juventus ciyaar ka tirsan Champions League.

52 jirkaan ayaa si ku meel gaar ahaan ah inta xilli ciyaareedkaan ka dhiman u qabanaaya kooxda difaacaneysa koobka kooxaha Yurub ka dib markii uu ku dhowaad laba sano shaqada tababarenimo ka maqnaa markii laga raacdeeyey Inter Milan.

Warbixin lagu qoray Website-ka ramiga ah ee Chelsea ayaa oraneysa: “Milkiilaha iyo gudiga kooxdu waxay aaminsan yihiin in Benitez uu noo noqonaayo macalin qibrad leh tan ugu sareysa kubada cagta, kaasoo naga caaqin kara ujeedkeena.

“52 jirkaan reer Spain ayaa la kulmay Gudiga iyo Milkiilha ciyaartoydana wuxuu ugu tegay xerada tababarka Cobham galabnimadii Khamiista.”

Benitez ayaa markiisii labaad kusoo laaban doona koox Horyaalka Premier Leaguea ah ka dib markii uu lix sano guulo ku hugaamiyey Liverpool intii u dhexeysay 2004 ilaa 2010kii.

Macalinka reer Spain Benitez ayaa noqonaaya macalinkii sagaalaad ee Blues qabta inta uu hugaamiyo Roman Abramovich.

Hadaba Su’aashu waxay tahay sideed tababare ka dib yaa noqon doona tababaraha ay ceshato Chelsea.?

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

L’Express:- Mareykanka oo afduubay Computer-ada Madaxtooyada France.

Wargeys kasoo baxa France ayaa ku eedeeyay Dowladda Mareykanka inay afduubatay (Hack) Computer-da xafiiska madaxweynihii hore ee dalkaas Nicolas Sarkozy, toddobaadydii ugu dambeeyay madaxtinimadiisa.

L’Express ayaa sheegay in hay’ad qaabilsan dagaalka internet-ka oo shaqadeedu ay tahay inay ka hor tagto afduubka Computer-ada ay heshay virus lagu shubay computer-ada xarunta madaxtooyada Elysee Palace.

Madaxtooyada ayaa markaa kadib xaqiijisay in weerar lagu soo qaaday computer-ada.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Paris ayaa si xoogan u beenisay in Dowladda Mareykanka ay ku lug lahayd weerar dhinaca Internet-ka ah oo lagu qaaday Dowladda Faransiiska.

Xoghayaha Ammaanka gudaha Mareykanka Janet Napolitano ayaan xaqiijin weerarka ama beenin, waxaana ay u sheegtay wargeyska L’Express kaliya in Mareykanka uusan lahayn saaxiib ka weyn kana muhiimsan France.

Virus-ka ay ka hor tageen mas’uuliyiinta France ayaa lagu magacaabaa Flame.

$500 oo Milyan waa lagu waayay UCL (Man City oo guriga loo diray)

Xittaa haddii ay qarash gareeyeen in ka badan 500 oo Milyan oo dollar, tan iyo markii tujaarta carbeed ay iibsadeen, Manchester City waa ay soo dhaafi la’dahay wejiga koowaad ee koobka Horyaalada Yurub.

City ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah waxaa lagu soo reebay wareega group-yada, kadib markii ay bar bar dhac la dhaafi weyday Real Madrid, cayaar ka dhacday garoonka Etihad ee magaalada Manchester.

Kooxda tababare Mancini ayaa u baahneyd guul, si ay rajadeeda usoo bixid ee wareega 16-ka biyo dhuunta ugu qabato, hase yeeshee gool uu aroor hore saxiixay Karim Benzema ayaa gadaal mariyay.

Real ayaa halis gelisay City, ayada oo xiddigii hore ee Manchester United Cristiano Ronaldo oo colaad lagu soo dhoweeyay uu fursad wanaagsan lumiyay. Sidoo kale Sami Khadira ayaa 3 fursad khasiray.

Xeeladda tabbare Mancini uu ku cayaaray saddex daafac, ayaa waxaa war ka keenay weerarka Real, hase yeeshee markii dambe City ayaa saldhigatay oo cayaarta maamulkeeda la wareegtay.

Daqiiqadii 73-aad ayaa gool ku laad waxaa u saxiixay Sergio Aguero, kadib markii Alvaro Arbeloa calaamad guduudan lagu saaray.

Taa beddelkeedana, si xeeladeysan u adeegatooy iyo lacag badan ma bixisooy Arsenal ayaa u gudbtay wareega 16, kadib markii ay garaacday Montpelier, islamarkaana ay caawimaad ka heshay Schalke oo tuntay Olympiakos.

Natiijooyinkii kalena waxa ay ahaayeen sidan;-

Champions League – Group ANovember 21

FT

DynamoKiev

0 – 2

ParisSaint Germain

FT

FC Porto

3 – 0

Dinamo Zagreb

Champions League – Group BNovember 21

FT

Arsenal

2 – 0

Montpellier

FT

Schalke 04

1 – 0

Olympiakos

Champions League – Group CNovember 21

FT

Zenit Petersburg

2 – 2

Malaga

FT

Anderlecht

1 – 3

AC Milan

Champions League – Group DNovember 21

FT

Ajax

1 – 4

Borussia Dortmund

FT

ManchesterCity

1 – 1

RealMadrid

W/D: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
www.facebook.com/alxmed

Prof. Cali Khaliif “Somaliland waan ku shahiideynaa” (Daawo Video)

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Prof. Cali Khaliif Galayr, ayaa si aad ah u weeraray maamulka Somaliland iyo fara-gelinta ay ku hayaan dadka deegaanada Sool iyo Sanaag ee uu kasoo jeedo.

Cali Khaliif oo ka hadlayay gobolka Minnesota ayaa sheegay inay doonayaan inay nabad kula noolaadaan Somaliland, hase yeeshee aysan Somaliland taas dooneyn, sidaas ay is difaacayaan.

Halkan ka daawo hadalka Galayr.

Saxiixeyasha Jubaland oo ka huleelay Kismaayo iyo Caqabado so wajahay Maamul usameynta Jubbaland.‏

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in magaaladaasi ay iskaga hulelen Masuliyiin ka tirsana Saxiixeyaasha qorshaha Maamul usameynta Jubbaland.

Masuliyiintas Magaalada Kismaayo dib uga soo labtay ayaa waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Gandi Gen Cali Madoobe iyo Gen Darwiish.
Masuliyiintaan ayaa waxaay magaalada Kismaayo ku sugnayeen mudo 2 ubuuc ah waxaayna halkaasi kulamo kala gadisan kula soo qateen qaybaha kala duwaan ee Belshada Kismaayo ayado kulamadasina badankood ay ku soo dhamadeen isfahan waa.

Hataan Masuliyintaasi waxaay soo gareen Magaalada Nairobi halkaas oo lagu wado in uu ka dhaco shir loga hadlayo xalinta caqabado soo wajahay Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxana shirkaasi ka qayb galaya Masuliyintaas iyo Masuliyin kale oo horay ugu sugnaa Magaalada Nairobi oo uu ka mid yahay Sh. Aw-libaax.

Dhanka kale waxaa wali magaalada Kismaayo ka tagaan ismari waa u dhexeya beelaha Somaliyeed ee wada daga jubboyinka kuwaas oo qaybna ay ku qanacsantahay qabka lo wajahaayo Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo qaarna ay siweyn uga soo horjeedan qabka hada wax loo wado.

Xubin ka mid ah Saraakisha IGAAD ee ku howlan Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa Warbaahinta u shegay in qorshihi Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee lagu waday beesha Decenber in la soo afjaro u dib u dhacay sababo uu ku sheegay qaar ka mid ah beelaha deeganka oo diiday in ay saxiixan heshiiska Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Waxa uu sarkaalkani shegay in Urur Goboleedka Igaad uu wado sidi xal logu heli laha Caqabadaha so wajahay furitaanki Shirki Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.

Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa hadba heer soo maraysay ayado hada maraysa heerki ugu adka waxaana soo wajahaya caqabado ka imanaya beelaha Somaliyeed ee wax ka daga Goboladaasi kuwaas oo u arka in Dowlada Kenya oo sameyn weyn ku leh Maamulkan aysan dhexdhexaad ka ahayn in qabaailada ay si siman wax u qaybsadan qaas ahaan arinka Ciidanka ayado Magaalada Kismaayo Dowlada Kenya ay u diiday in ay soo gaalaan Ciidamo Kenya lagu soo tababaray oo ka soo jeeda Beesha Sade kuwaas oo ku sugan deeganka Dhobleey iyo deeganka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose .

Warbixin ku saabsan weriyayaal ka cararay dilalka Somalia.

Sanadkan aynu ku jirno ee 2012 bilowgiisii oo ahayd marki ay dib u bilowden dilalka iyo tacadiyadaha ka dhanka ahaa wariyaasha ka howlgala dalka  soomaaliya ayaa waxaa magaalada muqdisho iyo gobalada somaliya isaga cararay joojiyana shaqadooda dhawr wariye oo saameen ku lahaa ka shaqeynta warbaahinta kuwaa oo maciin biday safaro ay ku tageen wadamo u badan kuwa ku yaala qaarada afrika halka kuwana ay ku hamiyeen in ay ka gudbaan xuduud badeedka u dhaxeeya liibiya iyo talyaaniga, xili maankoodu ka guuxeysay weerarkii is qarxinta ahaa ee saaxibadood lagula eegtay maqaayad laga shaaho oo ku taala muqdisho.

Marka aynu hadaba ku hormarno 3di bilood ee ugu danbeysay wariyaasha gaaray dalka yugandha  ka mid ah wariye mahad cabdi maxamed shaakir oo kasoo kala shaqeeyay idaacadii hornafrik, danan iyo tvga s24, waxaa sidoo kale wariyasha isla dalkasi gaaray ku jira sakariye axmed muuse, axmed cali kaahiye iyo cabdi naasir qaliif oo ka kala howlgalayay shabelle, iyo kulmiye. Hadii aynu yugandha ugu sii gudubno wadanka dariska yihiin ee keynya uu isna marti galiyay wariyaasha kala ah nimco bashiir, sahro cabdulaahi iyo sharmake farax amiin oo kasoo kala shaqeeyay tvyada somali chanal, s24, iyo idacada kulmiye.

Anaga oo ku jirna weli wariyasha u baxsaday wadamada qarada afrika ayaa marka aynu eegnay kuwa tagay wadanka koofurta suudan waxan ka xusi karnaa cabdi qani cabdulahi, qamar, iyo axmed lafoole oo iyagu ka kala tirsanaa radiyaasha kulmiye, shabelle iyo risaala.

Dhanka kale waxaa jira wariyaal qatar nafsadeed u galay in ay tahriib bada ah ku galan wadanka talyaaniga sida wariyasha maxamed cabdi naxar iyo nuur shariif maxamed shaacir. Wariyaasha safaradaasi dhibka badan maray ayaa ku biiraya tiro wariyaal ah oo horay ugu sugnaa wadamada yugandha keynya iyo kofurta suudan halka tahriibka bada uu yahay mid wariyasha ku cusub xiligan.

W/Q: Shaakir Cabdi

Switzerland: Aqoonyahada Puntland oo taageeray Jubbaland + Video.

Iyadoo uu Si Xowli ah uu  Ku Socdo Dhismaha La Doonayo in Lagu dhiso Maamul Goboleed ay ku Mideeysanyihiin Gobalada Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gobolka Gedo ayaa waxaa isasa soo tarayaa Taageerada iyo Baaqa ka ka imaaneya Qaar ka tirsan Waxgaradka iyo Aqoonyahada Soomaaliyed.

Magaalada Freiburg ee Dalka Switzerland ayaa Shalay Waxaa ka  dhacay Kulan ay ka soo qeyb  galeen Qaar ka tirsan Waxgaradka iyo  Aqoonyahano ka soo jeeda Deeganada Puntland Kulankaan ayaa waxa si Buuxda Bulshada ka soo jeeda Deeganada Puntland ay ugu Taageereen Qorshaha La Doonayo In Dadka ka soo Jeeda Deeganada Jubooyinka iyo Gedo ay Dhistaan Maamul Goboleed ay iyagu Leeyihiin.

Ujeedada Kulanka ayaa ahaa in Waxgrada iyo Aqoonyahada ka soo jeeda Deegaanada Puntland ee ku Nool dalka Switzerland ay Muujiyaan sida ay ula dhacsanyihiin Taageersanyihiin Maamul u Sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo iyo in Dowlada Federaalka ee Soomaaliya loogu Baaqo in ay ka shaqeyso sidii Dadka Deegaankaas ka soo jeedo Loo Madaxbaneyn lahaa  in ay Soo Dhistaan Maamul ay Iyaga Matala  Maadama uu Dalka Federaal yahay.

Aqoonyahandii  ka Hadashay Madasha Lagu Taageerayay Maamul u sameynta  Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa Waxaa ka mid ahaa Proff. Maxamed Cusman Xareed, Caaqilka Guud ee Dadka ka soo jeeda Deeganada Puntland ee ku Nool Dalka Switzerland Caaqil Cabdirisaaq Siciid Qotome, Yuusuf Aadan Xasan iyo Daahir Siciid Warsame.

Si Kastaba ha ahaate Dhowaan ayaa La Filayaa in uu Bilowdo Shirweyihii La doonayay in lagu dhiso Maamul Goboleedka Jubaland oo ay ku Mideeysanyihiin Dhamaanta Dadka Dega Deegaanada Jubooyinka iyo Gobolka Gedo.

Cabdiqani Cali Dalmar
[email protected]
Caasimada-Switzerland 

Muqdisho: Weriye BBC-da lga xiray.

Wariye ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta waxaa lagu xiray Xabsiga Dowlada ee magaalada Muqdisho kadib markii ay xireen ciidanka Dowlada.

Ibraahim Maxamad Aadan oo ah wariyaha la xiray ayaa waxaa lagu haystaa dacwad ah inuu ka been abuurtay oo warqalad uu ka sheegay Arimaha Garsoorka iyo Maxkamadaha sida ay u shaqeeyaan.

Sarkaal u hadlay Dowlada islamarkaana qaabilsan Xabsiga dhexe ayaa Shabakada Caasimada u sheegay In Wariyaha uu ka been abuurtay Xukunada ay fuliso Maxkamada Dalka, markii cadayn keen lagu yirina uu keeni waayay.

Ugu dambayn wariyaha ayaa maanta waxaa loo dhaadhiciyay Xabsiga lamana oga waxaa uu xarigiisa noqon doono.

Ilaa iyo hada Bbc-da kama aysan hadlin Xariga maanta lagula kacay wariyaheeda.

Baarlamanka iyo xeer hoosaadyada.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof. Cismaan jawaari ayaa ku dhawaaqay in Todobaadka soo aadan Baarlamanka uu ansixinayo xeer hoosaadka.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa mudooyinkaan waxaa ay ka doodayeen Arimaha xeer hoosaadka ah oo ah waxa ay ku shaqaynayaan Baarlamanka.

Prod. Maxamad Cismaan Jawaari oo ah gudoomiyaha Baarlamanka ayaa saxaafada u sheegay in Sabtida soo socota ay bilaaban doonto Ansixionta xeer hoosaadka Baarlamanka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Barlamanka Jawaari ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Mudanayaasha Baarlamanka ay heli doonaan Fasax labo Bilood lakiin hada ay sii shaqayn doonaanm ilaa Bisha December.

Di Matteo oo la raacdeeyey ka dib guul darradii Juventus.

Tababarihii Chelsea Roberto Di Matteo ayaa xilka tababarenimo ee Chelsea laga xayuubiyey ka dib markii uu six un u ciyaaray kulamadii dhowaanahaan, sida uu qoray wargeyska Sky Sports.

Tababaraha Talyaaniga ah ayaa guuleystay 24 kulan 42 kulan oo uu kooxda leyliyey laakiin ka dib guul darradii 3-0 aheyd ee xalay kasoo gaartay Juventus kooxduna ay qarka u saaran tahay inay usoo bixi weyso wareega 16ka ee Champions League, RDM ayuu soo idlaaday waqtigiisii Stamford Bridge.

“Natiijooyinkii xumaa ee dhowaan kooxdu soo hoysay milkiilaha iyo Gudoomiyuhu waxay isla garteen inaysan sinaba u heysan Karin Tababaraha iyadoo ku dhaqaaqay go’aankii saxda ahaa iyadoo ay na sugeyso qeyb ka mid ah xilli ciyaareed muhim ah,” ayey u qorneyd warbixin lagu daabacay Website-ka rasmiga ah ee Chelsea.

“Milkiilaha iyo Gudoomiyuhu waxay jelaan lahaayeen inay u mahad naqaan Roberto wixii uu kooxda  u qabtay tan iyo bishii March.

“Roberto wuxuu naga caawiyey guushii taariikhiga aheyd ee Champions League iyo FA Cup todbaad. Mana aan ilaawi doono wax uu kooxda u qabtay mar walbana waan kusoo dhaweyn doonaa Stamford Bridge.

“Kooxdu waxay raadin doontaa bedelka tababaraha koowaad sida ugu dhaqsaha badan.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

 

Man City vs Real Madrid caawa maxaad ka fileysaa kulankaan?

Kooxda heysata Premier League ayaa Etihad Stadium ku qaabileysa caawa kooxda heysata La Liag, iyadoo Manchester City ay u baahan tahay guul si ay uga dhabeeyaan inay usoo baxaan wareega 16ka Champions League.

                                Ciyaartoyda Macquulka ah inay labada koox garoonka kusoo bilaabaan

                                                                                Maxaa ka cusub labada koox:

Gael Clichy ayaa canqawga ka dhaawacmay intii ay socotay ciyaartii ay Manchester City 5-0  ku dubatay Aston Villa waxaana booska daafaca bidix ka bedeli kara Aleksandar Kolarov.

Joleon Lescott oo dhaawac ka qaba dhabarka iyo James Milner oo iska la daalaa dhacaya dhaawac feysha ah ayaa weli ka maqan City, kuwaas oo aan weli waqti loo qaban marka ay kasoo laabanayaan garoomada.

Micah Richards ayaa dhaawac jilibka ah ku maqnaan doona ilaa December, halka Samir Nasri laga yaabo inuusan kulankaan u ciyaarin xumad darteed, Jack Rodwell ayaana weli kasoo kabsan dhaawac feysha ah, waxaana loo qiimeynayaa inuu seego kulankaan muhimka ah.

Matija Nastasic oo jilibka ka dhaawacan ayaa dhameystay kulankii isbuucaan dhamaadkiisa wuxuuna kusoo laaban karaa booskiisa daafaca dhexe.

Real Madrid waxaa kulankaan dhaawac uga seegaya Gonzalo Higuain oo bowdada ka dhaawacan iyo Marcelo oo isba lugta ka jaban.

Ma jiraan wax ka badan labadaan dhaawac oo uu tirsanaayo Jose Mourinho ka hor kulankaan, wuxuuna heystaa koox buuxda.

                                                                                                   Ma Ogtahay?

  • Laba koox oo keliya ayaa kasoo baxday booskaan ay hada ku jiro Manchester City iyadoo soo aaday wareega 16ka: Lokomotiv Moskow ayaa hal dhibic shaqeysatay afar kulan 2002-03 iyadoo Porto ay laba dhibcood heysatay 2004-05.
  • Kulankii ugu horeeyey ee caalami ah wuxuu labadaan koox dhex maray bishii September, Real Madrid ayaana markaas 3-2 ku garaacday City.
  • Sky Blue ayaa heysata 19 kulan oo Koobabka Yurub ah oo aan looga badin gurigeeda marka lagu darro isreebreebka, 14 kulan ayeyna guul gaartay iyadoo barbaro gashay shan jeer tan iyo markii ay 1-0 guul darro ah kasoo gaartay FC Midtjylland 2008dii, kulan ka tirsan Uefa Cup.
  • Kooxda heysta horyaalka Ingiriiska ayaa gashay 22 Offside [Diilin ka bax] oo koobabka Yurub ah xilli ciyaareedkaan, waana in ka badan koox walba.
  • Cristiano Ronaldo (sawirka midig) ayaa kasoo muuqday 11 kulan oo ah kulanka loo yaqaan Manchester Derby intii uu u ciyaarayey Red Devils isagoo markaas ka hor yimid City, wuxuuna guuleystay Todobo kulan halka sedax jeer guul darro soo gaartay. Wuxuu dhaliyey afar gool balse laba jeer ayaa ciyaarta laga saaray iyadoo lagu ciyaarayo City of Manchester Stadium.
  • Ronaldo ayaa 14 gool dhaliyey 11 kulan ee uga dambeyey Champions League
  • Los Blancos ayaa markeedii shanaad booqaneysa gobolka Manchester. Iyagoo 1-0 uga badiyey Tottenham booqashadoodii ugu dambeysay ee Ingiriiska, afar kulan ayey guul gaareen, labana barbaro, shan kulan ayaana la garaacay intii ay soo booqanayeen England.
  • Goolkii ugu horeeyey ee Borussia Dortmund ka dhalisay Madrid kulankii ku idlaaday barbaraha 1-1 ah ayaa ahaa goolkii 200aad ee laga dhaliyey Real intii lagu jiray Champions League.

Hadaba inoo sheeg saadaashaada kulankaan, Ma Manchester City ayaa boorka iska jafi doonta, mise Real Madrid ayaa ka cirib tiri doonta Champions League markoodii labaad oo isku xigta oo ay ku haraan wareega Group-yada, mise waa la isku garba dhici doonaa.?

Hadii aad haleesho saadaasha saxda ah ee kulankaan waxaan kaa balan qaadeynaa inaan kugu soo qorno natiida ciyaarta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Torres miyaa qiimo gabay, Mise Chelsea ayaa qaldan.?

Qofna kuma uusan fikirin micnahaan inuu Fernando Torres sidaan noqon doono, waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa maqaal uu ka qoray Wargeyska Daily Mirror.

Wuxuu Chelsea ugu soo dhaqaaqay lacag xad ka bax ah ka dib markii uu Roman ­Abramovich Bank-ga u jebshay uuna kula soo wareegay 50 milyan oo ginni, wuxuuna doonayey inuu El Nino isbedel ka sameeyo Blues.

Laakiin 22 bilood, sedax tababare iyo hada oo uu dhaliyey 18 gool, Torres ayaa shaqadiisa Stamford Bridge waxay gaartay halkii ugu xumeyd markii keydka lagu bilaabay kulankii Juve, kooxduna ay noqotay mid aanba ku xisaabtamin booskiisa weerarka.

Roberto Di Matteo ayaa xilli ciyaareedkii hore kulamo dhowr ah ciyaarsiiyey, laakiin tababaraha reer Talyaani ayaa arkay inuusan willka reer Spain dabooli Karin ama qaban Karin shaqadii Didier Drogba, oo kooxda ka hayaamay markii uu ku hugaamiyey Champions League sanadkii hore.

Torres xitta laguma bedelin booskiisa Daniel ­Sturridge, taas bedelkeeda Di Matteo ayaa door biday inuu Eden Hazard ciyaarsiiyo No. 9 been ah.

Hazard, sidii la saadaalinayaba, booskaan kuma uusan laheyn saameyn wuxuuna Di Matteo u yeeray Torres daqiiqadii 71aad iyadoo Blues ciyaarta looga hugaaminayo 2-0.

Laakiin mar kale ayuu isku soo bandhigay inuusan isbedel sameyn Karin daafacdayaasha Champions League ayaana u eg kuwo koobkaan kasoo haray hadii aysan Juve habaar kala kulmin kulanka ay wajahayaan Shaqkhtar Donetsk.

Si kastaba, gunaanadkii Torres wuxuu u muuqdaa mid qiimo gabay, Chelsea ayaana dooneysa inay booskiisa u keensato Falcao.

Hadaba aan akhristeyaasha u dhaafnee, Torres miyaa qiimo gabay, Ma Chelsea ayeysan kubadiisu oolin, ma ciyaartoyda ayuusan fahmin, mise Chelsea ayaaba Flop ah.? Maadaama la xasuusto inay sidaan oo kale ugu halabeen Weeraryahano kale oo fara badan, markii ay yimaadeen kooxdaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.

Theo Walcott oo dhaawac u seegi doona kulanka caawa Montpellier.

Theo Walcott ayaa seegi doona kulanka Arsenal ay Champions League  [Group B] caawa ku wajaheyso kooxda Montpellier isagoo qaba dhaawac garabka ah.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa waxaa uu kulankaan u seegayaa ka dib markii uu Michael Dawson ku dhaawacay kulankii ay Gunners 5-2 ku dubatay Tottenham sabtidii, intastoo uu ciyaarta dhameystay markaas.

Tababare Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey in 23 jirkaani uu garoomada ka maqnaan doono  muddo yar uusana ka qeyb qaadan doonin kulanka ay kooxdiisu ka hor imaaneyso kooxda heysata horyaalka Faransiiska oo ay kula ciyaarayaan Emirates, halka Andre Santos kulankaan uga maqnaanayo dhaawac bowdada ah.

Wenger ayaa sidoo kale daaha ka qaaday inay Kieran Gibbs iyo Gervinho diyaar u yihiin kulankaan ka dib markii ay kasoo bogsadeen dhaawacyo ay qabeen.

Iyadoo afar kulan la ciyaaray Champions League, Arsenal ayaa fadhisa booska labaad ee Group B waxayna leedahay todobo dhibcood iyagoo hal dhibic ka dambeeya hugaamiyeyaasha Schalke. Olympiakos ayaana fadhisa booska sedaxaad laba kulan ayeyna guul gaartay halka laba kale la garaacay, halka aysan Montpellier weli guul gaarin laakiin barbaro ayey la galeen Schalke bishii lasoo dhaafay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Somalia.