27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Manchester Utd oo iska qafiifisay qaamihii qoorta u surnaa!

Manchester United ayaa iska yareysay deymihii lagu lahaa, kadib markii milkiilayaasha kooxda ay bixiyeen lacag dhan 62.6 milyan oo gani.

Waxaa hadda kooxda ku hartay deyn dhan 359.7 Milyan oo gani, taasi oo macnaheedu yahay in kooxdu ay bixisay 17 boqolkiiba deymihii lagu lahaa.

Sidoo kale kooxda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in daqligeedu uu kordhay 3.4%, oo uu gaaray 76.3 Milyan oo Gani, saddexdi bil ee tagtay.

Hase yeeshee daqliga kooxda kasoo gala dhinaca baahinta kulamadeeda ayaa hoos u dhacay 37.4 boqolkiiba oo noqday kaliya 13.7 Milyan oo gani, sababo la xiriira waqtiyeynta kulmada kooxda.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Sudan oo geeriyooday

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Sudan ayaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday magaalada khartoum ee dalkaas habeenkii xalay.

Geerida Prof. Mahdi Abuukar Maxamuud waxaa inoo xaqiijiyay dad eheladiisa uu kula noolaa dalkaas Mudo tan iyo xiligii Safiiirka uu ugu ahaa Soomaaliya dalkaas.

Marxuumka geeriyooday ayaa waxaa la sheegayaa inuu u dhintay xanuuno in badan hayay kaas oo ahaa Wadnaha ugu dambayna waa kii xalay uu geeriyooday.

Mudo sadax Isbuuc ayaa waxaa uu  ku jiray guri  halkaas oo xaalkiisa caafimaad lagula dabiibayay.

Allaha Unaxariistee Prof. Mahdi Abuukar Maxamuud  ayaa waxaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii dalka soo maray,waxaana sido kale xilka Safiirnimo uu ka soo qabtay dalka Iraan.

Ibra oo u dhameeyey England iyo France oo dubatay Italy.

Netherlands iyo Germany ayaa isla dhaafi waayey barbaro goolal la’aan ah, ciyaar ka dhacday Amsterdam ArenA — ee magaalada madaxda Holland.

Ciyaarta oo inta badan aheyd mid isku dheeli tiran ma muuqan wax fursado ah oo labada xul ay goolal isaga dhalinm kareen.

Xulka Sweden iyo Kabtankooda Zlatan Ibrahimovic ayaa cagta mariyey xulka England oo marti ugu ahaa garoonka dhowaan daaha la qaaday ee Friends Arena — ee dhaca magaalada Solna.

Zlatan Ibrahimovic ayaa daqiiqadii 20aad goolka u furay xulka martida loo ahaa, ka hor inta uusan Danny Welbeck Three Lions u barbareyn daqiiqadii 35aad.

Daafaca Tottenham Steven Caulker ayaana hugaanka u dhiibay xulkiisa England laba daqiiqo ka dib, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Kabtanka xulka Ingiriiska Steven Gerrard  oo caawa xulka u safanayey kulankiisii 100aad ayaa daqiiqadii 75aad lagu bedelay Tom Huddlestone.

Kabtanka xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic ayaa isla ekeeyey ciyaarta daqiiqadii 78aad, Zlatan  ayaana sedaxleydiisa ka dhameystirtay England lix daqiiqo ka dib. iyadoo uu mar kale shabaqooda ku laabtay Zlatan Ibrahimovic daqiiqadihii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Italy ayaa guul darro 2-1 ah kasoo gaartay xulka France, oo marti ugu ahaa Stadio Ennio Tardini — ee magaalada Parma.

Gool ma gefe Stephan El Shaarawy ayaa hugaanka u dhiibay xulka Talyaaniga daqiiqadii 35aad, ka hor inta uusan laba daqiiqo ka dib France u barbareyn Mathieu Valbuena. Sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore.

Weeraryahanka kooxda Lyon Bafetimbi Gomis ayaa hugaanka u dhiibay xulkii 2006dii laga qaaday koobka aduunka daqiiqadii 67aad. Iyadoo Faransiisku ay guul ka gaareen xulka ay inta badan ku xafiitamaan kubada cagta.

Ciyaaraha kale Gabon ayaa gurigeeda barbaro 2-2 ah ku celisay xulka Portugal, Turkey ayaa barbaro kula heshiiyey Denmark oo marti u aheyd, Romania  ayaa 2-1 ugu awood sheegatay Belgium-ka oo marti u ahaa, halka Hungary  ay guul darro 2-0 ah kala kulantay Norway.

Natiijooyinkii kulamadii saaxiibtinimo ee caawa dhacay.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

David Navarro: Fariin raali geli ah ayaan u diray Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka kooxda Levante David Navarro ayaa daaha ka qaaday inuu fariin raali gelin ah u diray weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo, ka dib markii uu isha ka dhaawacay intii ay socotay ciyaar u dhaxeysay labada koox axadii lasoo dhaafay.

Daafaca ayaa isha korkeeda ka dhaawacay kabtanka xulka Portugal xilli ay ku hardamaayeen kubad madax ah intii lagu jiray qeybtii hore ee ciyaarta ee u dhexeysay labada koox, taasoo keentay in weeraryahankii hore ee Manchester United loogu yeeri waayo xulkiisa ka dib dhaawacan.

Ronaldo ayaan awoodeyn inuu isha furo taasoo keentay in markii uu gool dhaliyey qeybta hore, ka dib la bedelo. Navarro ayaana go’aansaday inuu raali gelin siiyo xidiga heerka caalami ee dalka Portugal ka dib ciyaarta.

“Waan arkay runtii inaan dhaawac kuu geystay, waan kaa raali gelinayaa,” ayaa ku qornaa Fariinta sida laga soo xigtay Intereconomia.

Waxaa la rumeysan yahay inuusan weli Ronaldo kasoo jawaabin raali gelinta la siiyey.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Scolari: Neymar wuu ka fiicanaan karaa Messi iyo Ronaldo.

Luiz Felipe Scolari ayaa rumeysan inuu Neymar ka fiicaan karo Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Xidigaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inay yihiin haatan kuwa caalamka ugu wanaagsan laakiin tababarihii hore ee xulalka Brazil iyo Portugal ayaa sheegay in weeraryahanka Santos uu xitta ka fiicaan karo xidigaha ka xamaasha La Liga.

“Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar waa sedaxda ciyaryahan ee caalamka ugu fiican,” ayuu Scolari u sheegay saxaafada.

“Neymay wuu gaari karaa wuuna ka sara mari karaa [Ronaldo iyo Messi] sanadaha soo aadan.wuxuu ku fiican yahay Barcelona, sababtoo ah waa ciyaaryahan heer sare ah wuxuuna leeyahay tayo fiican. Hada wuxuu ka ciyaaraaBrazilwuuna ku faraxsan yahay.”

Scolari, oo Brazil ku hugaamiyey koobkii aduunka 2002dii ayaana sheegay inuu ilaa iyo haatan ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee kubada cagta soo mara u arko halyeeygii Selecao Pele: “Aniga ahaan Pele ayaa weli ii ah ciyaarayahankii ugu fiicnaa caalamka sanadana wuu sii ahaan doona.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ruushka oo 2-2 la galay USA iyo Argetina oo mari weysay Saudi.

Russia ayaa barbaro 2-2 ah la galay xulka Mareykanka, ciyaar ka dhacday  Stadion Kuban’ — ee magaalada Krasnodar.

Fedor Smolov ayaa sagaal daqiiqo goolasha u daah furay xulka Ruushka, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Michael Bradley, ayaase xulka martida ahaa u keenay goolka barbaraha daqiiqadii 76aad, inta uusan garoose Rizzoli‎ goolku laad u dhigin Ruushka kaasoo markii dambe uu gool u sarifay Roman Shirokov. Waxaana daqiiqadii u dambeysay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta USA goolka barbaraha u dhaliyey Diskerud.

Saudi Arabia ayaa barbaro goolal la’aan ah ay ku wada heshiiyeen xulka Argentina, ciyaar ka dhacday King Fahd International Stadium —  ee magaalada Riyadh, iyadoo xulka martida loo ahaa uu muujiyey geesinimo.

Weeraryahanka xulka Sucuudiga Al-Sahlawi. Ayaa u ekaa inuu gool laad xor ah shabaqa ku hubsaday laakiin garsoore Ali Abdulnabi‎ ayaa u sheegay inuu seeriga ka hor maray.

Weeraryahanka kooxda Wigan Di Santo ayaana xulkiisa ka qasaariyey fursad gool loo fishay, ka hor inta uusan Sergio Aguero isna gool qasaarin.

Tunisia  ayaa guul darro 2-1 ah iyagoo ku ciyaaraya gurigooda kala kulmay xulka Switzerland.

Natiijooyinkii ay kusoo dhamaadeen Ciyaaraha Saaxiibtinimo waa sidaan.

 

 

 

 

Sneijder iyo Coutinho oo tababarka Inter kusoo laabtay.

Wesley Sneijder iyo Philippe Coutinho ayaa kusoo laabtay tababarka Inter Milan iyadoo la nasinaayo kulanka arbacada soo aadan si loo ilaaliyo inay si buuxda usoo kabsadaan.

Labada ciyaaryahan ayaa qeyb ka ahaa tababarkii kooxda ee Appiano Gentile, iyadoo ay Nerazzurri isku diyaarineyso kulanka Serie A ay ka hortegeyso Cagliari.

Kubad qaabeeyaha reer Hollland ayaa keliya ciyaaray shan kulan oo Horyaalka ah xilli ciyaareedkaan ka dib markii uu ka dhaawacmay muruqa dhamaadkii bishii September.

Dhanka kale, Coutinho, ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Inter 1-0 ku suul daartay Partizan Belgrade, 20 jirkaan ayaana sedax gool u dhaliyey Nerazzurri 12 kulan oo uu garoonka u galay xilli ciyaareedkaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Turkiga oo dib u dhisaya Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo maanta khudbad ka hor jeediyey xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho xili ay ku kulansanaayeen Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in Dolwadda Turkigu ay dib u dhis xoogan ku sameyneyso dhismaha golaha Shacabka.

Ahmet Davutoglu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey xarunta golaha shacabka wuxuu uga hadlay doorka dib u dhiska dalkeenna ay walaalaha Turkigu ku leeyihiin waxaana uu u tilmaamay in mashaariicda dib u dhis ee ay Walaalaha Turkigu ka sameynayaan Muqdisho ay ugu horeyso xarunta golaha shacabka.

“waxaan Muqdisho usoo dirnay Injineeradeenna si ay usoo qiimeeyaan waxa aynu ka qaban karno xarunta golaha shacabka inagoo ka jawaabeynay codsiga gudoomiyaha Baarlamaanka waxeyna noo sheegeen in xaruntan aysan ku filneyn dayactir oo ay dhulka dhigayaan kadibna ay ka hirgelinayaan dhisme casri ah,waxaanna rajeynaynaa inaan ku guuleysano”ayuu ku yiri Ahmet Davutoglu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga khudbaddii uu ka hor jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa dhanka kale tilmaamay in Dowladda Turkigu aysan ka daaleyn taageerada shacabka iyo Dowladda walaalahooda ah ee Soomaaliya ilaa inta ay Dowladda Soomaaliyeed cagaheeda isugu taageyso waxaana uu u soo gudbiyey xildhibaannada Baarlamaanka,madaxda sare ee dalka iyo shacbiga Soomaaliyeed salaan uu ka siday madaxda sare ee dalka Turkiga sida Madaxweyne Cabdala Guul iyo Ra’isulwasaare Recep Tayib Erdogan.

Dalka Turkiga ayaa kaalinta hore uga jira dowladaha Caalamka ee taageerrada ballaaran siiya Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ayadoo walaalaha Turkigana lagu xasuusto gudmadkii ay Soomaaliya u sameeyeen xiligii Abaaraha,deeqaha waxbarasho ee ay siiyeen Ubadkeenna, marti gelinta shirar aayaha Soomaaliya  quseeyey iyo dad badan ay Argigixisadu si xun ugu dhaawaceen gudaha dalka oo dalkooda ay deeq caafimaad u geeyeen.

Isha: Radio Muqdisho

Arsenal, Tottenham iyo Liverpool oo isku heysta Luiz Adriano.

Arsenal, Tottenham iyo Liverpool ayaa ka fikiraya inay Janaayo soo dhaqaajiyaan weeraryahanka Shakhtar Donetsk iyo xulka Brazil Luiz Adriano. Sida uu qoray Wargeyska Daily Mail.

Wakiilo ka socda kooxahaan ayaa daawaday 25 jirkaan intii ay socotay ciyaartii Champions League –ga Chelseaiyo Shakhtar  ee ku dhaamatay 3-2 da isbuucii lasoo dhaafay.

Spurs,  Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood xiiseynayey  labada ciyaaryahan ee kooxda reer Russia Willian iyo Fernandinho , laakiin heshiiska Adriano ayaa noqon kara midka laga wada xaajoodo.

Weeraryahanka orodka badan ayaa 45 gool dhaliyey xilli uuu 107 kulan u saftay kooxda Ruushka, waxaana loo qiimeeyaa kubad dhaliye halis ah.

Arsenal ayaa dalab u dirtay Adriano intii lagu jiray xagaaga laakiin helitaankoodii Olivier Giroud ayey isaga dhaafeen wiilkaan.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Gullit: Torres wuxuu u muuqdaa inay kaga dhamaatay Chelsea.

Xidigii hore ee kooxda Chelsea Ruud Gullit ayaa ugu baaqay Fernando Torres inay soo idlaatay xirfadiisii ciyaareed ee gegeda Stamford Bridge, ka dib markii uu weeraryahanka reer Spain ku guul darreystay inuu goolal u dhaliyo Blues, isagoo xilli ciyaareedkaan shabaqa soo taabtay afar jeer.

28 jirkaan ayaa dhib ka heystay afaafka goolka inkastoo uu kusoo bilowday kulan walba oo Premier League ah ee xilli ciyaareedkaan kooxda Roberto Di Matteo. Sida ay ogaatay shabakada Goal.com kooxda ayaa wadahadalo la furtay ninka ay u aragto bedelkiisa ee weerarka uga ciyaara Atletico Madrid Radamel Falcao.

“Chelsea waxay dooneysaa inay Torres fursad siiso. Miyuusan helin fursad? Ma garanaayo,” ayuu ninka reer Holland u sheegay saxaafada.

“Wixii uu sameeyey sanadihii tegay intii uu u ciyaarayey Liverpool iyo Atletico Madrid ma aheyn wax caadi ah. Mana sameyn karo wax la mid ah. Ma garanaayo sababta, ma aqaan wax aan ku tilmaamo. Waa wax aan la fahmi Karin.

“Laakiin hadii uusan awoodin inuu goolal dhaliyo markaas Chelsea waxay u baahan tahay inay sameyso wax kale.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Dib udhac ku yimid Dhaarintii Golaha Wasiirada + Sababta.

Dib u dhac ayaa ku yimid maanta In la dhaariyo Wasiirada Cusub ee Xukuumada Soomaaliya .

War hada soo dhacay ayaa sheegaya kaas oo ka imaanaya Xarubta Golaha Shacabka in la hakiyay qorshe lagu dhaarin lahaa Wasiirada Tobonka ah ee  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo keenay.

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku sugnaa Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ilo ku dhow ay soo sheegayaan in maalinta beri ay noqon doonto dhaarinta Tobanka Wasiir.

Dhinaca kale waxa gaaray goordhow Xarunta Golaha Shacabka Wafdi ka socday Dowladaha Iraan iyo Turkiga waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamad Cismaan Jawari ayaa sheegay inuu faraxsanyahay booqashada Wafdigan.

Dib u dhaca dhaarinta ayaa warar kale waxaa ay muujinayaan inay ka dambayso iyadoo wali la sugayo Madax Caalami ah oo ka qaybgalaysa Dhaarinta Golaha Wasiirada.

Sawirro: Sweden oo lagu qabtay shir lagu teegeerayo ciidamada Somalia.

Shir ay iskugu yimaadeen Somalida dagan Sweden gaar ahaan Gobolka Malmo ayaa waxa uu ka dhacay halkaas, kaasi oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya iyo sidii loo garab istaagi lahaa Ciidamada iyo Dowlada Somaliya.

Kulankan oo ahaa kii labaad ayaa waxa uu ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayna ka soo Qeyb galeen aqoonyahano dhalinyaro iyo waxgarad halkaas jooga, waxaana lagu soo qaaday sidii loo garab istaagi lahaa Dowlada uu Hogaamiyo Madaxwyne Xasan sheikh.
Shirkan ayaa ahaa shirwaynihii labaad ay iskugu yimaaden Somalida is xilqaantay ee dagan wadanka Sweden gaar ahan Gobolka Skхne, waxaana looga hadlay arimo dhowr ah.

Sidoo kale Soomaalidaa isugu timid shirkaa ayaa ahaa dad is xilqaamay oo maalmihii ugu danbeeyay ka wada hadlayay sidii loo taageerilahaayeen ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliyeed .

waxaa farxadi ka muuqatay dadkii halkaas iskugu yimid taageerida Qaranka asaasayaasha u ahaa farxad marka ay dadka isku soo xilqaamay taageerida la wada ay ka kala imanayeen magaaloyooyinka kala duwan iyo wadanka deriska u ah sweden ee Danmark.

Aqoonayaho,Macalimiin,Saraakiil ciidamo hore Dhalinyaro, Haween iyo ururo kala duwan.
waxaa leysku afgartay in amniga qaranka laga taageero dhanka caafimaadka , waxana ugu horeynayo dayac tiridda cisbitaalada dowlada leedahay gaar ahaanna kan ciidamada.

Gudiga waxay aad isku afgarteen baahida ka jirta marka cidanka dhawacman dhiig la,aantaku ku dhacdo oo ay laheen bankiga dhiiga lagu keydiyo ayna mahiim tahay in loo sameeyo cisbitaaladasi.

Gudiga taageerida amniga qaranka oo ah 15ruux shaqadoodu ay noqondoonto in ay furan koonto ay dowlada sweden ka warhayso si loogu aruuriyo dhaqaalo lagu qado qalabka lagu dayac tirilahaa cisbitalka aanu kor ku soo xusnay

Gudigan ayaa kala ah Magacyadooda
sxb xubnihii la doortayna magacyadooda waa sidan.

1 Yusuf Mohamed Gure
2 Xasan Axmed Alisow
3 Khader Xaji Aden
4 Caasho Cumar Geesdir
5 Sahro Abdi Mohamed
6 Alinuur Gulled
7 Awil Mohamed Diirshe
8 Hashim Ali Gabeere
9 Asad Ibrahim
10 Nuur Abdi Maxamuud
11 Liban Abdi Abanur
12 Halimo Maxamed Moallin
13 Amino Ali Rage
14 Mustafe Maxamed Haruun
15 Dahir Hirsi Kobayare

Dhinacxa kale Somalida dagan Sweden ayaa Noqonaya Soomaalidii ugu horeysay oo ka hadla aayaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, dhaqalana u Aruuriyaya.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
[email protected]
Tell-+254-711830393

Gerrard: Uma maleynaayo inaan ahay halyeey England ah.

Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa diiday fikrad ah inuu yahay halyeey xulka England ah, isagoo caawa Three Lions u safanaya kulankiisii 100aad, xilli ay kulan saaxiibtinimo la ciyaarayaan xulka Sweden.

“Kubada cagta dhexdeeda marka aad joogto in laguugu waco geesi ama Halyeey ma ahan wax akteyda  ka fudud, England waxaa jira 11 halyeey, inta soo hartayna waxba ma ahan aniga ahaan,” ayuu u sheegay Daily Mirror, isagoo markaasi ula jeeday ciyaartoydii xulka u qaaday koobkii aduunka 1966dii.

“Mar walba oo u ciyaarayo England waxaan isku dayaa inaan u ciyaaro sida ugu fiican waxaana mar kasta siiyaa wax walba oo karaankeyga ah.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Man United iyo Liverpool oo isha ku haya Christian Eriksen.

Manchester United iyo Liverpool ayaa diirada saartay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Ajax Christian Eriksen, kaasoo lasoo werinaayo inuu diiday inuu qandraas cusub kooxda u saxiixo. Waxayna doonayaan inay soo dhaqaajiyaan xagaaga soo aadan. Sida uu qoray wargeyska Metro.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa qandaraaskiisu dhacayaa 2014ka, Ajax ayaana laga yaabaa inay dhegeysato dalabyada u imaanaya iyagoo aan dooneyn inuu uga baxo beeca xorta ah.

Ciyaaryahankii hore ee Arsenal garabka uga ciyaari jiray Arsenal Marc Overmars oo hada agaasime ka ah Ajax ayaa qiray in kooxda heysata horyaalka Dutch ay isku deyeyso inay heshiis cusub ka saxiixato ciyaaryahanka balse ay adag tahay.

“Waan jecelnahay inaan Christian ka saxiixano qandaraas cusub, laakiin ma ahan wax uu isago rabo,” ayuu u sheegay wargeyska dalkaasi kasoo baxa ee Sporten.

Warkan ayaa sheegaya in xidigaani uu soo jiitay dareenka labada koox ee reer England Liverpool iyo Man United ayna ka fikirayaan dalab ay u diraan Janaayo.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

DEG DEG: Wafdi Dowladaha Turkiga iyo Iran ah oo Muqdisho soo gaaray.

Magaalada Muqdisho waxaa goordhow  soo gaaray Wafdi ka socda dowladaha Iraan Iyo Turkiga kuwaa oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Labada dhinac ee Wafdiga ka socda dowladaha Turkiga iyo Iraan ayaa waxaa kala hoggaaminayay wasiirada arrimaha dibada dalalka Turkiga iyo Iraan.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibada ee dowladda Turkiga Daa’uud Oglo iyo xubnihii la socday ay garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Sidoo kale wafdiga ka socday dowladda Iraan oo uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi Murasheer Mutaki ayaa waxaa soo dhoweyntooda ka qeyb xubno ka tirsan dowladda.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayay goordhow la shirayaan madaxdaan maadama ay loo galbiyay hoyga Madaxtooyada

Chelsea oo Janaayo dalab u direysa Alessandro Matri.

Chelsea ayaa lasoo werinayaa inay ku dhow dahay inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka kooxda Juventus Alessandro Matri, sida uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee TuttoMercato.

Roberto Di Matteo ayaa isha la raacaayey 28 jirkaan heerka caalami ee dalka Talyaaniga wuxuuna doonayaa inuu isaga dhiso dhanka weerarka taasoo kali u ah Fernando Torres.

Wargeyska ayaa rumeysan in kooxda ka dhisan Galbeedka London ay xidigaan ku dalban doonto aduun dhan 8 milyan oo euro, weeraryahankii hore ee Cagliari ayaa sanadii lasoo dhaafay ku dhameystay ninka ugu goolasha badan kooxdiisa.

Juventus ayaanse inta badan sanadkaan isticmaalin Matri, iyadoo booska weerarka looga door bidaayey midkood Fabio Quagliarella ama Mirko Vucinic, taas ayaana kusii riixeysa inuu ka dhaqaaqoTurin, xilli ay horay u baacsaneysay AC Milan.

 

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ahlusuna oo dalbatay in Wasiir ku xigeen la siiyo hadii kalana…

Ururka Ahlusuna ee ayaa ka dalbaday Xukuumada Soomaaliya in laga siiyo jagooyin ah xilka Wasiir ku xigeen waxaana ay dhanka kale ka hadleen codka Baarlamanka ay ku ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Gudoomiyaha labada Gole ee Ahlusuna Waljameeca Sheekh Ibraahim Xasan Guraaye oo lahadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan Golaha wasiirada ee maalintii shalay la ansixiyay kana sugayaan howl adag oo u baahan in gunta dhiisha laysaga dhigo.

Marka laga yimaado soo dhawaynta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Shirdoon waxaa jira baaq uu u dirayo xukuumada qaban qaabada ku jirta.

Waxaa uu Masuulkaan codsaday in Ahlusuna laga siiyo Golaha Wasiirada Wasiiro ku xigeen maadama ay ku heshiyeen taas xukuumadii tan ka horaysa waana balan aan la galnay ayuu yiro dowladihii hore.

Dhanica kale waxaa uu sheegay Sheekh Ibraahim Xasan Guraaye in dhawaan kulan wayn ay ku yeelan doonaan masuuliyiinta Ahlusuna oo dhan gobolada dhexe ee dalka kaas oo uu sheegay in isku shaan dheyn lagu samayn doono Xilalka Xubnaha Ahlusuna.

Wasiirka gaashaandhiga Cusub oo ka hadlay qorshihiisa Amaanka dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Xukuumada Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada Amaan ee Magaalada Muqdisho iyo waxa kaga qorshaysan.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Difaaca dalka ayaa ka dhawaajiyay inuu ku dadaali doono sidii shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaan lahaayeen nabadgalyo oo aysan ka baqan amani daro marnaba.

Fiqi Wuxuu shaaca ka qaaday in qof waliba oo muwaadin ah ammaankiisa lasugayo isaga oo tilmaamay in nolosha shacabka Soomaaliyeed ay wax badan ka badali doonaan Xukuumada cusub ee dalka Soomaaliya.

Waxaa  kale oo uu sheegay in shaqada utaalo aysan aheyn shaqo yar balse ay doonayaan garab galka shacabka Soomaaliyeed si looga gun gaaro howlaha badan ee horyaala Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Difaaca dalka ayaa waxaa uu horay ugu soo shaqeeyay Xukuumadii Maxamad Cabdulaahi Farmaajo oo uu Wasiirka gaashaandhiga uu ka soo noqday.

Daawo Video: Dhacdo yaab badan.

Laba gacal oo xiriir uu ka dhaxeeyo, ayaa u muuqda sida lamaanaha kale ee caadiga ah, hase yeeshee labaduba waxa ay soo mareen jinsi kale.

Pretty Katie Hill, oo 18 jir ah ayaa 15-kii sano ee ugu horeysay nolosheeda waxa ay ahayd Luke, wiilka korneyl ka tirsan ciidamada Marines-ka Mareykanka.

Wiilka ay hadda saaxiibka la tahay ee Arin Andrews oo 16 jir ah, ayaa isna waxa uu ahaan jiray gabar magaceeda la yiraahdo Emerald.

Labada waxa ay dhib kasoo mareen xaaladda jinsigooda markii ay caruurta ahaayeen oo la aflagaadeyn jiray.

Katie waxa ay mar walba dareemi jirtay inay tahay gabar la saara jir wiil, halka Arin uu dareemi jiray wiil la saaray jir gabdheed..

Waxa ay ku kulmeen magaalada Tulsa, ee gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, markii ay u tageen qaliin jinsi beddel ah, kadibna deg deg ay isu jeclaadeen.

Katie oo marka hore wiil ahaan jirtay ayaa yeelatay naaso iyo dareen gabdheed, markii ay sii kortay.

Arin ayaa isna sheegay inuu ogaa inuu yahay Wiil, islamarkaana markii lagu dhex daro gabdhaha Iskuulka uu dhibsan jiray.

Halkan ka daawo dhacdadan la yaabka leh.

R/W: Saacid oo ka hadlay sababta Fowziya uu u doortay iyo 10 wasiir.

Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay go’aanka ay xildhibaannada ku taageereen dowladiisa oo uu sheegay in tirada sabab uu u yareeyay ay tahay sidii ay isbeddel deg deg ah u keeni lahayd.

Raiisul Wasaare Saacid, waxa uu sheegay in markii uu eegay duruufta Soomaaliya iyo dhaqaalaha dalku heysto ay qasab ku noqotay dowlad kooban.

Waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uu xukuumaddiisa ugu soo daray, Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeedda Somaliland.

Raiisul Wasaaruhu waxa uu yiri “aniga ma qabo in Fawsiya ay ku jirtay kala go’a, oo ay olole gaar ah gashay waxaan arkay dastuurka xisbigeeda”

Waxa uu sheegay in sabab uu uga shakiyo aanay jirin Fawsiya iyo dadka kale ee ka tirsanaa jabhaddii SNM.

Raiisul Wasaaruhu waxa kale oo uu ka hadlay maamul u sameynta magaalada Kismaayo oo uu sheegay in ay dowladdu ka soo saartay qoraal siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka, kaasi oo ah in ay ku taageeraan dadka degaanka inay maamul sameystaan.