25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Lamaane Somali ah oo geeriyooday wax yar kadib meherkooda.

Wararka aan ka helayno Deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta shil gaari oo laga naxo inuu ka dhacay deegaanadaasi.

Shilka gaari ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay inta u dhaxaysa Degmada Burtinle iyo magaalada garoowe ee Gobolka Nugaal sida ay sheegayaan wararka aan helayno.

Sida wararka ay sheegayaan Shilkaani naxdinta badan waxaa ku dhintay seddex ruux waxaana ku dhaawacmay labo kale.

Seddexda dhimatay labo ka mid ah waxay ahaayeen dadkii lamaanaha ahaa ee isa soo mehersaday waxayna noqotay naxdin hor leh.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in la gaarsiiyay isbitaalka magaalada Garoowe halkaasi oo lagu baxnaaninayo.

Gaariga ay saarnaayeen dadkaan ayaa ahaa mid si xowli ah ku socday waxaana uu ahaa nooca loo yaqaan TOYOTA,Market 11.

Aw-Libaax iyo xubno ka socda IGAD oo gaaray magaalada Kismaayo.

Waxaa  Magaalada Kismaayo ka dagay wafdi balaran oo uu hogaaminayo mid kamid ah Saxiixeyaasha qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo laguna magacaabo Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax.

Wafdigaan oo ka kooban Xubnihi Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo waliba  Saxiixeyaasha  Qorshaha nabada Jubboyinka iyo Gedo ayaa si heer sare ah logu soo dhaweyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigaan ayaa markiay gareen garoonka diyaaradaha  Magaalada Kismaayo waxaa halkaasi ku soo dhaweyay Saraakil ka tirsan Maamulka KMG ah ee Kismaayo oo ay horkacayaan Axmed Madoobe iyo Col Yasiin Raader.

Wafdigaan ayaa waxaa sido kale weheliyay Xubno  ka socda Urur Goboleedka Igaad oo asagu  Gudiyada Maamul usameynta Jubboyinka ka taagera dhanka farsamada.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa manta laga dareemaya  dagaanan  badan waxaana maalin ka hor shacabka Kismaayo lagu wargaliyay in aysan bari sameyn dhaqdhaqaaq badan  madaama magaalada ay ku soo leyhiiin wafdi culus.

Dorba waxaa bilowday kulamo ay yeelanaya Masuliyinta ugu saraysa Maamulka kmg ah iyo Wafdigi balaraana ee so garay Magaalada Kismaayo waxaayna ka arinsanayaan sidi hal bil gudaheed logu soo dhisi laha Maamulka Jubbaland State.

Wafdiga ayaa waxaa manta la soo tusay goobta logu tala galay in lagu qabto shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo waxaana la isla meel dhigi doona sidi Ergoyinka shirka ka qaybgalaya ay ku soo gaari lahayeen Magaalada Kismaayo.

Wafdiga maanta soo garay Magaalada Kismaayo marka laga reebo xubnaha Igaad ayaa waxaay ku sii sugnan doonan Magaalada Kismaayo inta dhidibada lo tagaayo Maamulka Jubbaland State.

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE ( 4)

Qqeybtii 4-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore Qeybti 1-aad,  Qeybti 2-aad.  Qeybtii 3-aad

Sannadkaas 1974 waxaa loo balansanaa marka Dugsiga dhamaado oo la xiro in Ardeyda oo dhan loo diro Ololaha wax baridda Reer Miyiga oo markii danbe lagu magacaabi jiray ( Ololaha Hormarinta Reer miyiga ) loona soo gaabin jiray ( OHRM) !!! .

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ostan macallinkiisii Xisaabta la weydiiyey ma laga yaabaa in uu Ostan ka qeyb qaato ( OHRM) Da,diisa oo yar Daraadeed, wuxuuna ku jawaabay waa laga yaabaa inkastuu gaaban yahay.

Markii Dugsigii la xiray Bishii July, 1974 ayaa Ardeydii Dugsiyadda oo dhan marka laga reebo Fasalka Sideedaad ee Dugsiga Dhexe iyo Fasalka 4aad ee dugsiga Sare ( Form four) oo ayagu lahaa Imtixaankii Dugsiga dhexe iyo kii Dugsiga sare oo ayaga loo reebay in ay Imtixaanka kama danbeysta ah galaan.

Sidii bay u dhacday Ostan iyo Dugsigiisii 21 oktaabar wiilasha waxaa lagu qoray Gobolka Bakool, Gabdhihiina waxaa lagu qoray Gobolka Shabeellada Hoose .

Maalintii Ardeydu baxayeen maalmo ka hor ayaa waxaa Dugsigii loogu qeybiyey Ardeydii Sabuurad yar oo isku laabmeysa,oo Busto ku dhex jiro iyo Buraashad yar , kadibna waxaa la balamiyey in ay Maalin Hebel Dugsiga isku soo Xaadariyaan ayagoo Nin ba Sanduuq uu Dharkiisii ugu jiro wata, sidaas bayna u Dhacday oo Maalintii la balamay ayey Dugsigii yimaadeen ayadoo Baabuur u Diyaar tahay waa Baabuurtii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa Ardeydii Dugsiyadda Xamar oo dhan la iskugu geeyey Tarbuunka si uu Khudbad Dardaaran ah ugu jeediyo Madaqxweynaha Jaalle MOHAMED SIYAAD BARRE , kadibna halkaas ayey Safarkoodii ka bilaabeen ilaa Maqribkii ay ka gaareen magaallada Baydhabo
janaay, halkaas oo Casho loogu diyaariyey se Nasiib xumo Soor iyo maraq iyo Hilib baa lagu sooryeeyey se Ciyaal Xamarku waagaas Soor cunowga wey ka faani jireen, oo waxay jeclaayeen Bariis iyo Baasto.

Markii Cashadii loo soo dhigay oo kooxba xeero loo soo dhigay sidii sabtii ayey intey Hilibkii ka Boobaan Soortii isku tuur tuureen .
Alloow Nin aan wax ogeyn ha cadaabin wallee wey ka shalaay doonaan Soortaas oo waxa gadaal ka dhici doonta ayadoo Caano iyo Hilibba laheyn in ay Mudan doonaan ileen Abaartii Daba dheer ayaa soo socotee !!!!

Habeenkii Magaalladii bay aadeen oo Shaneemadii ugu danbeysay ayey galeen ileen Toddobo Bilood ku dhan Baadiyo ayey u socdaane.
Subaxdii goor hore ayaa la Quraacday kadib Safarkii Gobolka Bakool ayey Bilaabeen Duhurkii ayey Degmada Waajid Gaareen Qeyb ka mid ah Ardeydii oo uu ku jiro Ostan Saaxiibkiis Hunboow ayaa lagu dejiyey oo Degmadaas loo qeybiyey, waa qeyb ka mid ah Dugsigii 21 Oktoobar.

Galabtii ayey haddana gaareen Magaallo Madaxda Gobolka Bakool ee Xudur halkaas ayaa casho fiican Bariis iyo Hilib laga siiyey.
Subaxdii danbe Safar kale ilaa Degmada Tayeegloow waxaan galnay Habeenimo Tayeegloow , Ostan iyo Ardeyda kaleba waa markii ugu horeysay  ay maqlaan Magaallada Tayeegloow .

Magaallada Tayeegloow waa Degmo ka tirsan Gobolka Bakool waxayna u dhaxeysaa Magaallada Xudur iyo Baladweyne oo ah magaallo Madaxda Gobolka Hiiraan.

Tayeegloow waa magaallo yar oo Dhismaheedu yahay Carshaan iyo Mudul iyo Xero weyn oo Wareegsan oo Dhagax adag ka sameysan oo ahaan jirtay Qalcad ka mid ah Qalcadahii Sayid Mohameed Cabdille Xasan !!!!

Xeradaas ayey Daawladda oo dhami degan tahay Boliiskii iyo Maamulkii Degmada iyo , wasaaradihii sida Boostada Iwm , Xaruntii Dawladaha Hoose ee Munashiibiyo , Ambulatooriyadii iyo Farmashihii oo isku yaala Iwm.

Subaxdii Danbe Ardeydii Baabuur ayaa laga buuxiyey si loogu qeybiyo Tuulooyinkii ay ka koobneyd Degmadu , waxaana ugu weyneyd Tuulooyinkaas tuulada Caanka ah ee Bilooyeey Xarunta uu ku aasnaa Shiikh Awees AL-Qaadiri ee Siyaaradiisa loo tagi jiray.

Galabtii danbe markii ardeydii la wada qeybiyey ayaa qeybtii ugu danbeysay lagu dajiyey Tuulo la yiraahdo Haraarsame, Ardeydii halkaas lagu dajiyey waxaa ka mid ahaa Ostan Saaxiibkiis Maxamuud ooy isku xaafad ahaayeen.

Qoraxdii oo sii dhaceysa ayuu Ostan Allaah ka baryey in aan meeshaan cidlada ah lagu dajin, Allaahna waa ka aqbalay waxaa la soo celiyey Ostan iyo seddex Saaxiibadiis ah sida kii ka Qishi jiray ee Dartiis Fasalkii 6aad C uga soo gudbay iyo sidoo kale saaxiibkiisii kale ee maalintii Maryan la dili rabay la socday ee Xuseen iyo kan afaraad oo ahaa Xasan oo Ostan isku fasal ahaayeen Ciyaal Hindi na ahaa ooy asaga iyo Ostan sheekadu iskugu bixi jirtay, Afartoodii waxaa la yiri tuulooyinka Degmada u dhaw ha la kala geeyo, Markaas ayaa xuseen iyo Cumar is doorteen waxaanna la geeyey Xero Ciidan oo ku taal Duleedka Degmada lana oran jiray Misir.

Waxaa Xeradaas ku jirayu Ardey Reer Xamar ah oo Fasalka Sideedaad ku soo dhacday oo Ciidan la qori jiray, waxaa ka mid ahaa wiil Kubbadda Cagta Laacib ku ahaa oon haatan magaciisii Hilmaamay.

Ostan iyo Saaxiibkiis Xasanna waxaa la geeyey Tuulo u muuqata Degmada oo la yiraahdo Shiimo, waxaa tuuladaas deganaa Dad dan yar ah oon xoolo laheyn oo Beeraleey ah oo Ugaarato ah sida Sagaaradda iyo wixii la mid ah.

Xasan wuxuu Ostan kaga fiican yahay Reer Baydhabo ayuu ahaa oo afka Mayga si fiican buu u yaqaanaa se Ostan oo Ciyaal xamar ahaa wuxuu ka kasayaa ( ARIIROOW MAY FADAASE ) oo dadka afka mayga ku hadlo lagu foorjeyn jiray ama lagu xifaaleyn jiray.

Xasan Ciyaalkii Tuulada ayuu saaxiib la noqday oo Sagaarada la soo dabtaa se Ostan Xaafadda ayuu fadhiyaa oo galabtii Kitaab Quraan ah ku Akhristaa Ardaaga Buulka ay degan yihiin, oo mar marka qaarkood gabar yar oo Reer dhalay ay Badar ku Shiideyso ayadoo Af May ku heeseysaa taas oo uu Ostan mar marka qaarkood ka biqi jiray in uu halkaas cidlada ah ku dhinto oo uusan mar danbe magaalladii xamar iyo Shaneemooyinkii ku noqon doonin.

Ostan iyo Xasan Subax kasta degmada Tayeegloow bay iska aadaan oo maqaayadaha wax ka soo cunaan ,galabtiina soo laabtaan ayagoo garbaha is haysta oo Aflaam Hindi ah iskaga sheekeynaaya Sida Faaris, Hamjooli, Anjaana,Waqti iyo Sangam IWm.

Maalintii danbe ayaa Kormeerihii Ardeyda iyo Diritoorkii Dugsiga 21 Oktoobar ee Diirshe ay ku soo baxaeen Ostan iyo Xasan oo maqaayad cusub oo la yiraahdo Caga weyne iska Fadhiya , markaas baa lagu yiri aaway tuuladiinii iyo Ardeydii aad wax u dhigi laheydeen.

Waxay ku andacoodeen Tuuladu wax aan wax u dhigno ma aanan arag oo Dadweynuhu ma diyaarsana, markaas ayaa Maalintii danbe lagu daray Askari Boolis ah iyo Guulwade si Tuulada loogu diyaariyo oo Dadka loo soo bixiyo, waxaa kaloo la go,aansaday in Tuulada Shiimo tuulo ku dhagan oo la yiraahdo Shiiloow labada macallin mid la geeyo oo uu subaxdii wax ka soo dhigo se isku meel ay Seexdaan Macallimiintu.
Dadweynihii Shiimo ayaa isku raacay in Ostan laga wado oo xasan loo reebo ileen wey is af yaqaanaane, sidaas bayna talo ku dhamaatay !!!!.

Sheekada OHRM oo toddobo bilood socotay waxaad uga bogan doontaan isla sheekada Ciyaal xamar ee ku saabsan Taariikh Nololeedkii Ostan Gacamay sida Qeybtan Jaceylkii Dugsiga Dhexe ba uga mid tahay sheekadaas Dheer ee Ciyaal xamar oon ku soo saari doono Insha Allaah Bogga Caasimada.com (1).

Ostan intii uu ku maqnaa Baadiyaha Tayeegloow wuxuu Tabay dhawr waxyaalood oo noloshiisa ka mid ahaa sida Aragtidii Jaceylkiisa Maryan, Aflaamtii Hindiga ama Cowboys ama Agent sida 007 iwm .

Wuxuu kaloo tabay Ciyaarihii Kubbadda cagta ee uu ka fiirsan jiray Istaadyo Koonis sida Horyaalkii iyo Koobkii Janaraal Daa,uud , sidoo kale ciyaarihii asagu galabtii ku ciyaari jiray caro madowda u dhaxeysay Dugsiga 21 Oktoobar iyo Afasiyooni Xeraddii Ciidamada.
Mar marka qaarkoodna wuxuu Basket Ball ku ciyaari jiray Dugsiga 21 oktoobar dhexdiisa.

Ostan wuxuu kaloo tabay Waalidkiis & wallaaladiis oo uusan muddo toddobo bilood ah uusan arkin, marka laga reebo Aabihiis oo Bil kadib ugu yimid asagoo joogga Tuulladii Shiiloow, iyo Hooyadiis oo Seddex bilood kadib uga daba timid ayagoo Baadiyo la yiraahdo Harqaanka loola guuray oo aad uga fog Tuulladii Shiiloow.

Maalintii markii Ostan Hooyadiis u timid asagoo Duurka wiilal la jira ,waxay ku tiri markay aragtay wiilkaagii baa halkaan joogga isma laheyn, Sababta Baadiyaha dartiis.

Ostan labo Bilood kadibba aad buu ugu hadlaayey Afkii May mayga oo xataa gabayaddooda iyo Maahmaahyadooda iyo Googaaleysigoodaba aad buu u bartay.

Ostan ilaa haatan wuxuu xasuustaa Googaaleysiga ooy dhihi jireen ( tiileeyaa hadale) oo la macno ah Googaa cadlle , wuxuuna ka xasuustaa mid oranaysa [ Bisiq bogshee biyo kalaq ] oo macnaheedu yahay Barida wanka ooy u yaqanaan caleen !!!!.

Akhristoow Dhallintii Iskuulka ee OHRM ( ololaha hormarinta reer miyiga) la keenay waxay barteen in ay waalidkood iyo dadkii ay jeclaayeen ay waraaqo u diraan.

Ostan Fursad ayaa hor timid ah in uu Maryan warqad u diro kuna aadiyo Gabdhaha dugsiga 21 oktoobar ee Degmada Afgooye oo ah meeshii Maryan iyo saaxiibadeed la geeyey.

Akhristoow waad ila socotaa baan filayaa in Ostan ay warqad u diyaarsaneyd Sawir Qurux badan Nin iyo Naag isku dhagan uu ku Sawiray oo uu Maryan u dir is yiri se uu Awoodi waayey.

Warqaddii ayada aheyd oo uu Muddo haystay ayuu Maalintii danbe Baqshad u soo gatay dhanka kore wuxuu kaga qoray KA : OSTAN GACAMAY OO L/H DEGMADA TAYEEGLOOW

dhanka danbana wuxuu ku qoray KU: MARYAM MOHAMED OO L/H DEGMADA AFGOOYE.

Ostan ayaa maalintaas magaallada u soo dhaadhacay Tayeegloow si uu Boostada ugu hubsado se waxaa dhacay arrin lama filaan ah, waxay Ostan isla kulmeen saaxiibkiis Mohamed waa wiilkii ay maryan isku Fasalka ahaayeen 6A, markaas ayuu yiri yaad warqadda u Direysaa ?? oo ka dafay kadib uu Akhriyey qofka loo diraayo, markaas ayuu intuu Qoslay yiri ma Maryan ayaad jeceshahay ??? Maya ayaa Ostan ka soo fakatay se waxaan leeyahay gabar Inaadeertay ah ooy taqaano ha u geyso !!! Saxiibkiis baa ku yiri Saas naga dheh Jaceyl kuguma ogeyn ??? Ostan Neef baa ka soo booday wuxuuna goostay in uusan dirin warqadaan si aan loogu shabadeynin in uu Maryan jecel yahay ??? Taas oo waagaas ceeb aheyd in lagugu foorjeeyo Heblo ayuu jecel yahay ???xataa gabdhii la dhaho hebel baa jecel Ruuxaas Fursad ma siin jirin ??? Sababtoo ah Jaceylka waagaas ceeb buu dhallinta dhexdeeda ka ahaa !!! Ostan warqaddii buu intuu Baqshaddii ka bixiyey jeex jeexay oo ku asaasay Meel beer ah oo u dhaxaysa Tayeegloow iyo Tuulladiisii Shiiloow !!!!.

Markii la garay Bishii Janaayo 1975 Ardaydii Baadiyihii waa laga soo aruuriyey waxaa la iskugu keenay Tuulooyinka kadibna waxa bilowday in Dad iyo Xoolahaba la tiro koobo !!!!

Tira koob ay Qaramada Madoow soo Diyaarisay se AF soomaali lagu tarjumay ayey Ardeydii wadeen Bishii Janaayo oo idil, markay Dhameeyeenna waxay isku diyaariyeen in loo celiyo Mgaalo Madaxdii Muqdisho oo 7 bilood soo moogaayeen.

Waxay aheyd Abaarihii Bishii Febraayo 1975 waa bil aad u farxad badan si hal haleel ah ayuu Ostan u soo macasalaameeyey Dadkii ay is barteen ee Reer Shiiloow , ha ugu horeeyaan Saaxiibadiis Mad C/raxmaan iyo Mursal oo uusan ilaa maanta Hilmaamin 35 sano kadib.
Safarkii ay uga soo baxeen Tayeegloow waxay soo mareen Xudur ooy Ostan ku wada kulmeen Saaxiibkiis Hunboow oo Ardaal u eg macnaa ragga Dhallinta ah ee reer baadiyaha kuwooda Saarka dheela ee gabdhaha shukaansada ee Geel jirta ah ayaa la yiraahdaa ( ARDAL) Waxay leeyihiin Tin weyn oo xulbo la mariyo, gacantana waxaa ugu jira Barshin oo ah Qori ay barkadaan si aysan Tintu dhulka uga taaban.

Ostan iyo Saaxiibkiis Guray aad bay u qosleen markay Hunboow arkeen oo haddana Budh weyn wata qoortana kuul ugu xiran tahay !!!!!
Ostan iyo Ardeydii Dugsiga 21 Oktoobar markii ay Xamar ku soo noqdeen waxaa lagu soo dhaweeyey Degmada Waaberi oo aheyd Xaafadooda, halkaas baa Baabuurtii ay geysay Goor Maqrib ah !!! Ostan waxaa soo doonay wallaalkiis Cabdi Allaah yarxamuh.

Dhawr Habeen kadib ayaa Ardeydii Dugsiyadda oo dhan ee ka soo noqotay OHRM Casuumaad loogu qabtay Beerta Daraawiishta ee Taallada Sayid Mohamed Cabdille Xasan Hoosteeda ,ka soo horjeedka Baar Bulsho , waxaanna Muusig ka tumaayey Hobollada Qaranka waaberi, halgan, heegan, onkod,iyo Iftin iwm.

Dhallintii Ardayda ayaa isku hanbalyeynaysay gabdho iyo wiilalba, Dugsi Dugsi, koox koox iwm.

Halkaan Habeenkaas waxaa ka dhacay Arrin la yaab leh ama Murugo leh oo ku tusineysa Ostan sidii Jaceylkii Dugsiga Dhexe ugu sii siyaaday oo meel xun uu la gaaray !!!

Akhristoow waxaa dhacay in uu Ostan mar kaliya uu ku soo baxay Gabdhihii ay isku Fasalka ahaayeen oo meel tuban ooy Maryanna ka dhex muuqato !!!!.

Allaah waa Ostan soo dhawaaw ayey yiraahdeen mid mid ayuu u salaamay oo gacanta u galiyey markuu Maryan soo gaaray oo Geeska ugu jirtay ayuu is hayn waayey oo gacantii ka laabta oo iska baxay ???? Maryan wuu Salaami kari waayey ????!!!!

Markuu Arkay ayuu aad u naxay ilaa uu garan waayey waxa uu sameynaayo wuu iska cararay !!! Maryanna wey yaabtay waxbana ma dhihin xataa lama hadlin ??? ileen Labadooda ayaa Dad iskugu Dhawaa markay isku Fasalka ahaayeen !!! Tolow maxaa dhacay ??? !!! waa Sheeko Cusub oo uu isku Badalay Jaceylkii Dugsiga Dhexe !!!!

Sida aan Gadaal ka ogaan doono Maryan Habeenkaas kadib Ostan Colaad bay u qaaday !!!
Ostanna Jaceylkiisii wuu sii faafay Heer Cabsi ayuu isku badalay ??? Tolow maxaa xiggi ???

Waa inoo Qeybta 5 aad iyo Sheekaddii Runta & Xiisaha laheyd ee ( Jaceylkii Dugsiga dhexe )!!!!!

F.G sheekadaan waa Qiso run ah magacyada uun baa la badalay ??? walow ostan uu yahay Naaneysta wiilka ,Maryan se waa magaceeda runta ah
se ayadana Naaneysteeda ayey caan ku tahay sidaas baa looga reebay magaceeda.
Qore : ostan gacamay
[email protected]

Maamulka Ceelbuur state oo eedeeyay madaxda Dowlada iyo Baarlamanka.

Madaxweynaha maamulka Ceelbuur State C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa ku tilmaamay golaha cusub ee wasiirada mid aan cadaalad aheyn oo la doonayo in beelaha Soomaalida la isaga horkeeno, isagoo soo jeediyey in wax laga bedelo.

C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa sheegay in dalku uu weli ku jira hanaan dib u heshiisiineed, loona baahan yahay in la ilaaliyo awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed si loo helo nabad iyo sinaan, hase ahaatee aysan waxba ku hagaagi doonin in beelaha qaarna ay ka mid noqdaan golaha wasiirada kuwo la mid ahna la qadiyo.

“Soomaalia waxaa weli ka socda dib u heshiisiin, haddii ay taas jirtana waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo hanaanka awood qeybsiga beelaha si dib u heshiisiinta ay u taaba gashom hase ahaatee haddii beelaha qaarkood ay isku arkaan in la liiday kuwa la mid ahna ay xilal heleen dib u heshiin ma dhici karto” ayuu intaa ku daray C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro).

Madaxweynaha maamulka Ceelbuur State C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro) ayaa ku eedeeyey xildhibaanada beesha Murusade ku metelaya Baarlamanka iney ka gaabiyeen sidii ay xuquuqda beesha uga soo dhicin lahaayeen madaxda dowlada.

“Waxaan ku baaqayaa in waxgaradka beesha Murusade iney ay iskugu yimaadaan kulan si looga tashado aayaha beesha, laguna bedelo dhamaan xildhibaanada beesha ku metelaya baarlamanka maadaama ay gudan waayeen waajibaadkii loo xilsaaray” ayuu intaa ku daray C/llaahi Xuseen Maalin (Aasbaro).

20 dhaqdhaqaaq oo England Primier League ka dhici kara marka uu Janaayo Suuqu Furmo.

Warbixintaan waxaan ku eegeynaa ciyaartoyda ay macquulka tahay inay kooxahooda ka tagaan bisha Janaayo marka uu suuqu furmo, iyadoo koox walba ay xiligaan sii diiwaan gashaneyso xidigii ay lasoo wareegi laheyd Janaayo maadaama uu keliya suuqu furnaanayo hal bil.

Waxaan la kaashaneynaa warbixintaan oo aan kasoo turjunay wargeyska Caught Offside oo ah wargeys inta badan diirada saara dhacdooyinka suuqa kala iibsiga.

Aan ku bilowno:

1: Wilfried Zaha: Crystal Palace ayuu ka tegayaa isagoo ku biiri kara Arsenal

Tababare Arsene Wenger ayaa da’yarkaan u arka inuu ku bedelo Walcott, Zaha oo 100 kulan u saftay Crystal Palace waa 19 jir sida uu rumeysan yahay Wargeyska Daily Mail da’yarkaan ayaa doonaya inuu ku biiro kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

2: Klaas-Jan Huntelaar: Schalke ayuu ka huleelayaa isagoo ku biiraya Liverpool

Sida uu qoray wargeyska CalcioMercato Liverpool ayaa 6 milyna oo ginni ku rabta weeraryahanka Schalke  Klaas-Jan Huntelaar, waxayna Reds dooneysaa inay ku kabto weerarkeeda jilicsan.

3: James Rodriguez: FC Porto ayuu kasoo dhaqaaqayaa xilli uu u socdo Man United

21 jirkaan u dhashay Dalka Colombia James Rodriguez ayaa waayo hurumar leh dhex mushaaxayey tan iyo markii uu FC Porto kaga soo biiray kooxda reer Argentine ee Banfield. Sir Alex Ferguson ayaana u arka bedelka haboon ee Luis Nani. Ka dib markii uu xidigaani Porto ka caawiyey guulaheedii laba horyaal oo is xiga iyo Europa League 24 gool ayuuna shabaqa geliyey 72 kulan oo qura.

4: Radamel Falcao: Atletico Madrid ayuu kasoo hayaamayaa isagoo aadaya Chelsea.

TransferMarketWeb ayaa tebinaaya in Chelsea ay diyaar u tahay inay 80 milyan oo euro una dhiganta 64 milyan oo ginni oo ay xidga ku rabto Atletico Madrid kula soo wareegto Radamel Falcao xilli qiimahaas lagu burburin karo qandaraaskiisa.

5: Toby Alderweireld: Ajax ayuu kasoo hayaamayaa waxaana looga gacan haatinayaa Tottenham

Toby Alderweireld waa xidig da’yar oo tayo leh daafacaan ayaana si fiican uga dhex muuqaday kooxdiisa tan iyo  markii uu Jan Vertonghen ka dhaqaaqay kooxda, Andre Villas-Boas ayaana diyaar u ah inuu daaficiisa halbowlaha ku kabo.

6: Daniele De Rossi: Roma ayuu ka socdaa waxaan si aad ah u rabta Man City

Roberto Mancini ayaa aad ula dhacsan qaab ciyareedka burburiyahaan 29 jirka ah wuxuuna doonayaa inuu booskaas isaga dhiso maadaama ay wax ka qaban waayeen Javi Garcia iyo Jack Rodwell uuna khibrad fiican u leeyahay kabtanka labaad ee Rome.

7: Lewis Holtby: Schalke ayuu kasoo dhaqaaqaya waxaana u baahan Arsenal

CalcioMercato ayaa werinaaya in Arsenal ay si aad ah ugu baahan tahay ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Schalke Lewis Holtby. Kooxda ka dhisan waqooyinga London ayaa 22 jirkaan u aragta saxiixooda koowaad ee Janaayo. Schalke ayaana ku xajin doonta inuusan gacmahooda uga bixin beeca xorta ah.

8: Victor Wanyama: Celtic ayuu kasoo kaba qaadanayaa wuxuuna u socdaa Man United

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu burburiyahaan Wanyama isaga dhiso booska daafac la jooga qadka dhexe maadaama uusan u heysan ciyaaryahano tayo leh, 21 jirkaan ayaan lagu amaanaa booskaas.

9: Mathieu Debuchy: Lille ayuu ka socdaa waxaana uu ku biirayaa Newcastle United

Alan Pardew ayaa 27 jirkaan daafaca dadabka midig  Mathieu Debuchy bilo daba joogay wuxuuna doonayaa inuu saxiixiisa soo afjaro bisha Janaayo.

10: Loic Remy: Marseille ayuu ka socdaa waxaana lala xiriirinayaa Chelsea

TuttoMercato ayaa werinaaya in Chelsea ay Janaayo soo qaadaneyso weeraryahanka Marseille Loic Remy waase hadii aysan helin weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao. 25 jirkaan heerka caalami ee dalka France ayaa laba sano oo uu joogay Stade Velodrome wuxuu dhaliyey 22 gool 17 kalena caawiye ayuu ka ahaa.

11: Theo Walcott: Arsenal ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa Liverpool

Theo Walcott ayaa diiday inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda Emirates Stadium, 23 jirkaan reer England ayaana laga yaabaa inuu ka tago Gunners waxaana si aad ah u dooneysa Reds.

12: Rio Ferdinand: Man United wuxuu ku laabanayaa kooxdiisii hore ee West Ham

West Ham ayaa dooneysa inay is dhisto ayna soo qaadato ciyaaryahano magacyo waa weyn ka dib Andy Carroll iyo Alou Diarra. Waxaana la ogyahay inay si aad ah u dooneyso inay soo xareysato daafaca damve ee Man United Rio Ferdinand.

13: Andre Schurrle: Bayer Leverkusen ayuu ka tegayaa wuxuuna ku biiraa Chelsea

Inay Chelsea xiiso u qabto Andre Schurrle horaanba waa la ogaa belse waxaa laga soo diiday dalab 20 milyan oo ginni ah xagaagii Roberto Di Matteo ayaana doonaya xidiga heerka caalami ee dalka Germany inuu kusoo biirsho kooxda Stamford Bridge.

14: Mario Balotelli: Man City ayuu ka tegayaa wuxuna ku biiraa kooxda uu taageeraha u yahay AC Milan

Mario Balotelli ayaa waxaa in badan dooneysa kooxda Milan kama dambeysta waxay rabaan inay weeraryahanka kasoo dhaqaajiyaan Manchester City. Milkiilaha Milan Silvio Berlusconi ayaana doonaya inuu xidigaan mar uun keeno San Siro.

15: Andrei Arshavin: Arsenal ayuu k tegayaa wuxuuna u socdaa Reading

Hadii ay Reading dalab u dirto 31 jirkaan Arsene Wenger ayaa aqbali kara inuu Gunners ka diro weeraryahankii hore ee Zenit.

16: Brede Hangeland: Fulham ayuu ka huleelayaa wuxuuna u socdaa Man United

Man United ayaa aragta horumarka uu daafaca ka sameynayo Brede Hangeland dhowaanahaana waa lala xiriirinaayey daafaca dambe ee Fulham waxayna dooneysaa inay soo qaadato Janaayo.

17: Demba Ba: Newcastle United ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa Liverpool

Tababare Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu Liverpool ka dhiso weerarka ka hor inta uu Fabio Borini si fiican ula qabsanaayo Premier League waxaana laga yaabaa inuu Janaayo soo dhaqaajiyo weeraryahanka  Newcastle United Demba Ba.

18: Tom Ince: Blackpool ayuu ka socdaa waxaana lala xiriirinayaa Tottenham

Wiilka ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe dalka England Paul Ince, Tom ayaa sedax sano la joogay Liverpool ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bloomfield Road 20 jirkaan ayaana lala xiriirinayaa inuu u baqoolo White Hart Line bisha Janaayo.

19: Fernando Llorente: Athletic Bilbao ayuu ka socdaa wuxuuna ku biiraa Arsenal

Wakaalada dalka Germany 4-4-2.com ayaa rumeysan in Arsenal ay si aad ah ugu diyaar garawday inay Fernando Llorente lasoo wareegto bisha Janaayo marka uu suuqu furmo. Athletic Bilbao ayaana diyaar u ah inay aqbasho dalab ah 15 milyan oo euro una dhiganta 12 milyan oo ginni.

20: Michael Dawson: Tottenham ayuu ka dhaqaaqayaa wuxuuna u socdaa QPR

QPR ayaa lasoo werinayaa inay diyaar u tahay inay 9 milyan oo ginni kula sooo saxiixato daafaca dambe ee Tottenham Michael Dawson, heshiis shaqsi ah ayeyna la gaartay 29 jirkaan oo ay ku adkaatay inuu boos ka helo kooxda Andre Villas-Boas, tababare Mark Hughes ayaana doonaya inuu kasoo wato daafaca dalka England kooxda ku ciyaarta White Hart Line.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

 

Juan Mata: Ma aanan maqlin hadaladii uu yiri Garsoore Mark Clattenburg.

Juan Mata ayaa qirtay inuusan maqlin hadalada garsoore Mark Clattenburg kulankii Chelsea guul darro 3-2 ah gurigeeda uga soo gaartay Manchester United, iyadoo uu weli garsooruhu dafirayo inuusan wax hadalo xun ah ku oran xidiga qadka dhexe ee Chelsea John Obi Mikel.

Blues ayaa sheegtay in ciyaartoydeedu ay aflagaado kala kulmeen Garsooraha waxayna ka gudbisay cabasho iyadoo laga warqabo in xidiga reer Nigeria lagu yiri hadalo midib faquuq ah halka Mata isaga laftiisa la sheegayey in hadalo aan habooneyn loo adeegsaday, laakiin wuxuu sheegay inuusan maqlin.

Mata oo la hadlaayey wargeyska kasoo baxa Dalka Spain ee AS ayaa yiri: “Waxna ma aanan maqlin, balse waa wax ay soo saareen Chelsea iyo xittaa FA-ga oo horaanba ka fikiraayey. Waan ku celinayaa midaas ma aanan maqlin wax uu dhahay.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Muqdisho: Dibadbaxayaal dalbaday ansixinta Golaha Wasiirada.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay Banaanbax  looga dalbanaye Baarlamanka Soomaaliya inay ansixiyaan Xukuumadda cusub ee dalka Soomaaliya .

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar kamid ah maamulada Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeybgalay Dadweyne fara badan barbaarta gaashaaman Abwaaniin uu kamid yahay Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) iyo sidoo kale garab kamid ah Ururka haweenka Soomaaliyeed.
Fagaaraha uu dibad ka dhacayay ayaa waxaa Saxaafada kula hadlay Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) oo sheegay in ujeedka dibadbaxa uu yahay mid looga dalbanayo Baarlamaanka Soomaaliya inay meel mariyaan Xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Cabdi Shire Jaamac (Ciyaarjecel) Wuxuu sheegay in Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ay tahay Xukuumadda kooban oo ka duwan Xukuumadihii dalka soo maray tayada iyo tiradana ay yihiin kuwa isku dheelitiran.

Guddoomiyaha Garab kamid ah Haweenka oo lagu magacaabo Batuulo Axmed Gabale oo halkaasi iyana saxaafada kula hadashay ayaa ugu baaqday Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan Xukuumadda Dr Saacid.

Juventus oo laga yaabo inay Janaayo lasoo wareegto Robert Lewandowski.

Robert Lewandowski ayaa u jeesanaya inuu ku biiro kooxda ka dhisan dalka Talyaaniga ee Juventus, sida ay ogaatay shabakada Goal.com.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa kooxdiisa fure ugu ahaa Bundesliga tan iyo markii uu 2010kii kaga soo biiray Lech Poznan. Bandhigiisaas ayaana soo jiitay kooxo ka dhisan Yurub oo awood badan.

Juve ayaa wakiila daawada u dirtay kulankii ay BVB 2-2 la gashay Real Madrid talaadadii lasoo dhaafay ciyaar ka tirsan Champions League wuxuuna Lewandowski heystay fursad uu tayadiisa isugu muujiyo wakiilada.

Si kataba, 24 jirkaan ayaa sii joogi doonin Jarmalka hadii JUuve ay  go’aansato inay soo dhaqaajiso.

Dortmund ayaan dooneyn inay iska iibiso Lewandowski, si ay u ceshatana waxay madaxiisa dul dhigi doontaa 35 milyan oo euro.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland ayaa wuxuu kooxda Signal Iduna Park kula jiraa qandaraas ku eg ilaa 2014ka, laakiin BVB ayaa dooneysa inay qandaraaska joogitaankiisa u kordhiso.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Kullan Barlamanka lagu horgayn lahaa Golaha Wasiirada oo baaqday.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo la filayay in maanta uu Golihiisa cusub ee Wasiirada horgeeyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dib loo dhigay.

Wararku waxay sheegayaan inay jiraan doodo dastuuri ah oo ku saabsan dhameystirka xukuumadda, iyadoo Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay doonayaan in si rasmi ah loo dhameystiro xukuumadda oo isku mar la wada keeno wasiirrada iyo wasiiro dowlayaasha.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka  ayaa sheegay in aanay sharci ahayn in Xukuumadda oo aan la dhameystirin la horkeeno Baarlamaanka.

Dhinaca kale waxaa jira Xildhibaanno ka soo horjeeda tirada kooban ee Wasiirada cusub oo ah toban wasiir oo kaliya.

Mudanayaasha qaar ayaa doonaya oo u hanqal-taagaya in xilalka dhiman sida Wasiir Dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeenada wax laga siiyo.

Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah tiradii ugu yarayd ee wasiirro ah, marka loo eego xukuumadihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.

Xubnaha wasiirada cusub oo ay ku jiraan laba dumar ah, ayaa waxaa ay kala yihiin:

Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo hoos u wada hadlaya markii wasiirrada lagu dhawaaqayay

1. Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda

2. Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta

3. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4. Axmed Maxamuud Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga

5. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Badda

6. Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka

8. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy, Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska

10. Maryan Qaasim, Wasiirka Hormarinta adeega bulshad

Inter oo laga yaabo inay aqbasho dalab 20 milyan ah oo ay Man Utd uga rabto Sneijder.

Wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee CalcioMercato ayaa tebinaya in Inter Milan ay diyaar u tahay inay aqbasho dalab 20 milyan oo euro ah oo Manchester United ay uga dooneyso kubad sameeyahooda Wesley Sneijder. Sida uu qoray Caught Offside.

Sir Alex Ferguson ayaa horay loola xiriirinaayey xiisaha 28 jirkaan usoo ciyaaray Ajax iyo Real Madrid kaasoo ka baxay qorshaha kooxda garoonka lagu soo bilaabo ee tababare Andrea Stramaccioni.

Sneijder iyo Stramaccioni ayaa lasoo werinaayey inuu dagaal dhex maray iyadoo ciyaaryhanka qadka dhexe ee Nerazzurri uu kasoo kabsanaayo dhaawac soo gaaray horaantii September.

Inter Milan ayaa guulo gaartay todobadeedii kulan ee ugu dambeysay Serie A, marka lagu daro guushii Turin oo ay kusoo afjartay 49kii kulan ee aan Juventus dhinaceeda dhulka la dhigin. Waxaana lasoo jeedinayaa inaysan kooxda ka dhisan Talyaanigu u dhutin doonin Sneijder sidaas darteed ay alabaabka u furi doonaan dalab uga yimaada Man United.

Paul Scholes iyo Michael Carrick oo aan ka qeyb faadan Karin falsafada Man United ee ku dhisan weerarka iyo Darren Fletcher iyo Anderson oo aan haybad u laheyn gool dhalinta iyo sada goolal loo caawiyo. Tom Cleverley ayaa lagu amaanay qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee uu lasoo baxay dhowaanahaan laakiin malahan tayada iyo waaya aragnimada Sneijder waxaana laga yaabaa inuu fursad badan ka helo masraxa riyada Old Trafford.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Robert Pires oo Ashley Cole kula taliyey inuu ku biiro kooxda Paris St Germain.

Robert Pires ayaa u sheegay daafaca Chelsea Ashley Cole inuu ku biiro kooxda qaniga ah ee Paris St Germain. Sida uu qoray Wargeyska The Sun.

Ciyaaryahanka Chelsea ayaa isbuucii mushaar ahaan u qaata 120 kun oo ginni wuxuuna qandaraaskiisu ka dhacayaa xagaaga soo aadan waxana ay wararku soo jeedinayaan in daafaca dadabka bidix uu Blues ka doonayo wax ka badan hal sano oo qandaraas ah.

Wuxuuna Pires — Cole oo ay Arsenal isku koox ku ahaan jireen u sheegay in 200 kun oo ginni oo isbuucii mushaar loo siiyo uu kula biiro kooxda PSG taasoo Carlo Ancelotti uu gelinaayo qarash xoog badan.

Halyeeygii Gunners ayaa yiri Sida aan kasoo xiganay The Sun: “Paris ayaa xiiseyneysa Ashley, heer Sport iyo heer xamaasadeed ba.

“Wuxuu dhihi karaa Paris waa meel Okay ah. Qorshayaashu waa kuwo soo jiidana, si fiican ayaana u waana hubaa inuu Cole xiiso u qabo.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

 

Chelsea oo 40 milyan ku dooneysa xidigaha Everton Baines iyo Marouane Fellaini.

Chelsea ayaa diyaar u ah inay lacag badan kusoo iibsato labada ciyaaryahan ee Everton Leighton Baines iyo Marouane Fellaini xilli uu Roman Abramovich sii wado qarash gareynta uu ku dhisayo kooxdiisa Stamford Bridge. Sida uu qoray wargeyska Caught Offside.

Maalqabeenka u dhashay dalka Ruushka ayaa ka faa’iideysanaya ka dib markii ay kooxdiisu ku dhawaaqday isbuucaan inay sanadii lasoo dhaafay heshay faa’iido dhaqaale.

Tababare Roberto Di Matteo iyo Agaasimaga farsamada Chelsea Michael Emanelo ayaa isla afgartay inay labada ciyaaryahan ee Everton usoo dhaqaajiyaan Galbeedka London iyadoo ay kooxdu ku dalban doonto 40 milyan oo ginni, taasoo laga yaabo in gudoomiyaha Everton Bill Kenwright uu aqbali doono.

Chelsea ayaa dooneysa in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgian Marouane Fellaini u adeegsato  isku xirka qadkeeda dhexe xilli uu 24 jirkaani wacdaro ka dhigayo Godson Park Stadium, halka ay Leighton Baines u qaadaneyso bedelka Ashley Cole maadaama uu 31 jirkaani kasii Tegaayo Stamford Bridge.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Ma la isku raacsan yahay Maamul u sameynta Jubbooyinka. (Dhageyso)

Magaalada Nairobi ee dalka Kenay waxaa ka socday muddo sannad ah wadahallo maamul loogu sameynayay gobollada Jubbooyinka ee dalka Soomaaliya.

Wadahadalladan ayaa laga soo saaray khariirrada maamul loogu dhisayo Jubboyinka iyo dastuur uu yeelanyo maamulkaasi iyadoo gobolladaasi laga aruurinayo ergooyiinkii ansixin lahaa dastuurkaasi.

Arrintan waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu mugdi soo kala dhex-galay dowladda iyo mas’uuliyiinka ku sugan Kismaayo kaddib markii wafdi dowladda ka socday magaaladaasi laga soo celiyay.

Haddaba qorshahan ma yahay mid la isku waafaqsan yahay?  Barnaamijka Faaqidaadda ee Idaacadda VOA-da, ayaa falanqeynaya arrimahaasi.

Halkan ka dhageyso Barnaamijka

Golaha wasiirada oo Baarlamanka la hor geynayo maanta iyo shirqool loo sii diyaariyay. (Warbixin)

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa la filayaa in Golihiisa cusub ee Wasiirada uu horgeeyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, soo loo siiyo kalsoonida Baarlamaanka.

Laakiin, waxaa jira warar sheegaya in Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay qorsheynayaan mooshin ka dhan ah ansixinta Golaha cusub ee Wasiirada cusub.

Xildhibaannada ayaa ka soo horjeeda tirada kooban ee Wasiirada cusub oo ah toban wasiir oo kaliya.

Waxay ku eedeynaya Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynuhu inay garab mareen dastuurka u degsan dalka.

Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah tiradii ugu yarayd ee wasiirro ah, marka loo eego xukuumadihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.

Xubnaha wasiirada cusub oo ay ku jiraan laba dumar ah, ayaa waxaa ay kala yihiin:

Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo hoos u wada hadlaya markii wasiirrada lagu dhawaaqayay

1. Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda

2. Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta

3. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4. Axmed Maxamuud Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga

5. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Badda

6. Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka

8. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy, Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska

10. Maryan Qaasim, Wasiirka Hormarinta adeega bulshada

Dad ku geeriyooday iyo kuwo ku dhaawacmay magaalada Kismaayo.

Shil gaari oo khasaaro gaystay ayaa waxaa uu saakay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose markii gaari dad rikaab ah waday uu qalibmay.

Sida goob joogayaal ku sugan halka Shilka ka dhacay ay sheegeen dhaawac iyo dhimasha ayaa ka dhashay shilka gaari ee duleedka Kismaayo ka dhacay.

Deegaan qiyaastii 15 km u jira Kismaayo ayuu ka dhacay Shilkaan waxaana ku dhintay labo Ruux oo kamid ahaa rikaabka gaariga saarnaa.

Waxaa kale oo jira in dad ka badan intaas ay soo gaareen dhaawacyo waxaana dib loogu celiyay Kismaayo halkaas oo Cisbitaal laga dhigay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ay qaarkood ahaayeen ganacsatada Magaalada Kismaayo ugu caansanaa.

70 Xildhibaan oo runta u sheegay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

ugu yaraan 70 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha cusub ee dowladda Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Hotel Jaziira ee ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan tirada laga dhigay Wasiirada dowladda Somalia.

Kulankaan ayaa waxaa la qeyb galay xildhibaano si weyn loo yaqaanno kuwaas oo xukuumadihii Kmg ahaa xilal kasoo qabtay waxaana ay dhaliilsan yihiin tirada iyo qaabka uu u soo xulay Ra’iisul Wasaraaha golaha Wasiirada dowladda cusub kuwaas oo laga dhigay ilaa 10 wasiir walina  aan la magacaabin wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowlayaal.

Xildhibaan Ibraahin Suleeymaan Nuur oo kamid ah Baarlamanka isla markaasna goob joog ka ahaa kulankaan ayaa ku hadlay magaca xubnihii Baarlamaanka ee ka badnaa 70-ka xubnood kuwaas oo si cad u sheegay inay kasoo horjeedaaan qaabka ay wax u wadaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

“waxay sameeyeen qodobo ka hor imaanaya dastuurka walina ma soo dhamaystirin golaha wasiirada oo wali lama magacaabin Wasiir kuxigeeno iyo wasiir dowlayaal ayuu yiri Xildhibaan Ibraahin Suleeymaan Nuur.

Xubnahaan Baarlaman ee ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qodobada awood qeybsiga dastuurka ay ka talaabsadeen waxaana ka dhex muuqanayay Maxamed Qanyare,C/raxman Xoosh Jibriil,Sureera,Mustaf Dhuxulow,C/laahi Goodax Bare iyo xildhibaano kale oo si weyn looga yaqaano siyaasadda Somalia.

Hadalka Xubnahaan ee ah in dastuurka qodobo ka mid ah la dhinac maray ayaa waxaa uu taabanayaa habka wasiirada beelaha si isku mid ah loogu qeybiyay 5-ta beelood oo min labo la siiyay iyadoo beesha 5-aad uu dhigaayo dastuurka inay heleyso labo meelood meel tirada kusoo aada afarta beel kale sida Hawiye,Daarood,Digil iyo Mirifle iyo Beesha Dir.

Si kastaba maalmahan ayaa soconayay guux ku aadan sida baarlamanka uu ku meel marin lahaa xubnaha tirada yar ee Wasiirada ooh al wasiir kaliya uu xildhibaan ka yahay.

Xildhibaano xule lagu dilay Muqdisho.

Alaha u naxariisto waxaa maqribnimadii caawa lagu dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho Malaq Issaq Ibraahim oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee 135 xubnoo ka koobnaa ee soo xulay 275 xildhibaan ee dowladda Somalia.

Kooxo hubaysan oo aan la ogayn cida ay ka tirsan yihiin ay bistoolad ku toogteen Malaaq Isaaq Ibraahim oo ku sugnaa gurigiisa degmada Waabari ee magaalada Muqdisho kadibna ay isaga baxsadeen.

Malaaq Isaaq Ibraahim ayaa dhaawac uu kasoo gaaray rasaastaas waxaana loola cararay isbitaalka Daaru Shifa ee degmada Hodan halkaas oo daqiiqado kadib uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Guriga Malaaqa ayaa ku Yiilay Xaafadda Via Leberia ee degmada Waabari halkaas oo sidoo kale horey dil loogu gaystay Xildhibaan Mustaf oo kamid ahaa xildhibaanada cusub isla markaasna Sodog u ahaa madaxweynihii hore Somalia Shariif Sheekh Axmed waxaa kaloo lagu dilay isla deegaanka Waabari Abwaan Warsame Shirwac.

Malaaqan ayaa kamid ahaa malaaqyada Digil  iyo Mirifle waxana uu ahaa nin nabadda jecel.

Si kastaba Dilalka,qaraxyada,iyo arrimo kale oo amaan darro ah ayaa Magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah dalka Somalia marti ay u noqdeen.

Maxaad kala socotaa saameynta iyo dhibka sarifka lacagaha qalaad uu ku hayo dhaqaalaha Somalia? (Q. 2aad)

Qeybtii 2-aad  Halkan ka arag Qeybtii 1-aad.

Waxaan horay uga soo hadalanay in dalkii laga isticmaalo laba lacagood kuwaas oo kala ah Shilin Soomaaliga iyo Dollar ka waliba uu isticmaalka lacagta dollar ka aad looga isticmaali ogyahay markii loo barbardhigo lacagta Shilin Soomaaliga ah, iyo guud ahaanba saameynta ay ku leeyihiin dhaqaalaha soomaaliya.

Muhiimada Sicirka Sarifka (importance of exchange rate)

Sicirka sarifka lacagta ayaaa wuxuu door muhiim ah ka qaataa qaab nololeedka bulshada ku dhaqan dalka, waxaa jira halbeegyo badan oo lagu cabiro dhaqaalaha wadanka kuwaas oo ay kamid yihiin sicirka sarifka (exchange rate), sicir barar (inflation rate), dulsaarka (interest rate) ( miisaaniyada ganacsiga(balance of trade) iyo waliba intaas iyo in kasii badan, laakiin exchange rate ka ayaa wuxuu yahay midka ugu muhiimsan ee lagu cabiro dhaqaalaha wadanka.

Marka larabo in la ogaado wadamado dhaqaalaha fiican miseba dhaqaala xoogan leh ayaa waxaa la eegaa qiimaha lacagta wadanka iyo deganaanta sicirka sarifka, hadii uu wadanka lacagtiisu qiima leedahay xadiga isbadalka lacagtana aanu sidaa u sareynin waxey calaamad u tahay maamul wanaaga dhaqaalaha wadanka, Sadaas darteeda ayaa nin khabiir ah ku ah lacagaha caalamka oo lagu magacaabo Professor Robert Mundell ayaa wxuu yiri “if there is a single issue that could lead to the breakup of Canada, it’s the exchange rate” (hadii uu j iro arrin kaliya oo sababi kara inuu kala qeybiyo wadanka CANADA, wuxuu noqonayaa sicirka sarifka). Dabcan waa hadal oo xoogan kaasoo kuu tilmaamaayaa muuhimada exchange rate ka uu uleeyahay wadanka illaaa heer lagu tilmaamo waxa kaliya ee sababi kara in uu kala qeybsamo wadan gaar ahaan Kanada sida khabiirkuba yiri.

Maanta hadii lacagteenu qiima lahaan laheed waxey inoo horseedi lahayd in wadankeena dhaqaale xoogan yeesho dadkuna nolol aad u qiima badan heli lahaayeen oo qarinagan 21aad umadeenu gaajo iyo harraad uma dhimateen intaana waxaa inoogu wacan jaahilnimada inaga heysata xaga dhaqaalaha, oo maanta raga dhaqaala yahanada caalamka waxey cilmi baaris badan ku sameeyaan waxyaabaha xasilin kara dhaqaalaha wadanka si looga hor tago sicir barar ku imaan kara dhaqaalaha wadan uu leeyahay. Marka hadii wadamadii inaga dhaqaale badnaa nagana aqoon badnaa oo lacagtooda qiima leedahay walibana lacag gaar ah isticmaala ay cabsi ka qabaan dhaqaale bur bur maxaa innaga dowladeena u diiday in ay dollarka mamnuucdo lacag gaar ahna inoo sameyso si aan awoodeena dhaqaale sare ugu qaadno. Intaa kadib waxaan guduha usii galeynaa qeybaha kala duwan uu saameynta ku yeeshay mise ku yeelankara horumarka dhaqaalaha soomaaliya, waxaana ka mid ah sida soo socota:

Maciishada (Cost Of Living)

Marka hore waxaa muhiim an ineynu isla fahanno waxa loola jeedo “Maciishad”. Maciishadu waa qiimaha meel dhexaadka ah si joogta loo kala siisto adeega iyo alaabada ee suuqa yaalla, hanoqoto cuntada, caafimaadka iyo wixii lamid ah. waa hubaal in maciishada gobalada dalka aaney isku wada mid ahaan karin taasina waxey ku xirantahay dakhliga dadka iyo kheyraadka uu gobalka leeyahay, waayo gobalada kala duwan ee soomaaliya maanta heerka maciishadooda isku mid maahan wey kala qaalisan yihiin weyna kala jaban yihiin, taasina waxey ku xirantahay kheyraadka kala duwan, dakhliga iyo tirada bulashada kunool gobalka, sidaa darteed hadii aan isdultaagno tusaalooyin yar oo aad ufudud oo kusaabsan nolosha dhabta ah ee ka jirta dalka una suuragalin kara aqristayaasha maqaalkan inay si dhib yar u fahmaan mise sawir guud ah ay ka qaataan saameynta lacagta qalaad (dollar ka) ay ku leedahay dhaqaalaha dalkeena.

Taariikhda
Qiimaha Sarifka
Qiimaha Sokorta Sh.So
Qiimaha sokorta Dollar ahaan
May 13, 2010
$1 = Sh.So 32000
1kg =  Sh21,000
1kg  = $0.65
8 November, 2012
$1=Sh22,000
1kg = Sh17,000
1kg = $0.77
                        
Sida ka muuqata shaxda sare, waxaa aan arki karnaa sid soo socota:

Innagoo ka amba qaadeyna shaxda sare ayaan waxaan ka garan karnaa qiimadhaca ku dhacay lacagta dollar ka heerka uu gaarsiisanyahay iyo sida uu u saameeyay maciishada bulshada soomaaliyeed ee dakhligooda ku xiranyahay lacagta dollarka.

Labadaan sano gudahooda ayaa wuxuu dollar ka qiimadhacay heer gaaraaya 45.44% markii loo bar bar dhigo lacagta shilin soomaaliga, halka badeecada gaar ahaan sokorta qiimaheedu iyadana sare ukacay 18.5% waxaan meesha ka garan karnaa marka hadii lacata la isticmaalo uu qiima dhac ku yimaado in ay nolashu qaali ku noqoneyso dadka dollar ka isticmaala maadaama awoodooda wax iibsiga ay hoos u dhacday.

Hadii aan sikale u dhaho, kasoo qaad mid kamid ah macalimiinta iskuulka oo mushaarkiisu ahaa $200 (May 2010 kii) laba sano kadib oo maanta ah intaa kuma noolaan karo, oo wuxuu horay ugu iibsan jiray maanta kuma iibsan karo waayo $200 ayaa waxey qiima dhacday 45.44% sidaa darteeda waxey lamid noqoneysaa isagoo $110 mushaar ahaan u qaata marka laga gooyo hoos udhaca 45.44% oo lamid ah $ 90, sidaa darteeda macalinkaa kaliya maahee qof waliboo dollar mushaar ahaan u qaata intaas ayuu qiima dhacay mushaarkiisa taasoo saameyneysa noloshiisa iyo dadka isaga ku tiirsan intuba.

Gabagabadii iyo gunaanadka, waxaan kusoo gabagabeyneynaa qeybtaan, muhiimada sicirka lacagta (exchange rate), iyo sida uu usaameynaayo maciishada (Cost Of Living) innagoo soo qaadanay tusaalooyin aad u sahlan iyo waliba oraah ay yiraahdeen dad khabiir ku ah arima dhaqaale si aqristuhu u fahmi karo macnaha dhabta ee maqaalka.

F.G: isbedelka saraifka dollrka waxaan kasoo qaatay, webka horseed media iyo Abdiqani Muuse Farah, oo kusugan dalkii, ahna qof si wanaagsan ula socda sarifka doolar iyo Shilin Soomaaliga.
http://horseedmedia.net/2010/05/13/ganacsiga-sicirka-iyo-suuqa/
Lasoco qeybta labaad iyo todobaadka dambe.
Qore: Liban Mohamed Mursal (Moha Gaas).
Melaka, Malaysia.
Graduate of Banking & Finance.
fadlan waxii talo iyo tusaale ah waxaad kusoo hagaajinkartaa:
[email protected]

Man United oo 12 milyan Janaayo ku dalban doonta xidiga kooxda Celtic Victor Wanyama.

Manchester United ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabto xidiga qadka dhexe ee kooxda Celtic Victor Wanyama.

Ciyaaryahanka u dhashay dalka Kenya ayaa ahaa geesiga Celtic kulankii Arbacada ay 2-1 ku dardareen Barcelona, wuxuuna kooxdiisa u dhaliyey goolka furitaanka isagoona luuq geliyey xidigaha sida aadka ah iskula jaan qaada Xavi iyo Andres Iniesta.

Bandhigiis ayaa soo jiitay United iyadoo agaasimaha wakiilada Yurub ee kooxda Martin Ferguson uu ku sugnaa Celtic Park si uu mar kale u daawado 21 jirkaan.

Wargeyska Sportsmail ayaa markii ugu horeysay bishii Jiune daaha ka qaaday in United ay isha ku heyso horumarka uu sameynaayo.

QPR ayaana ku guul darreysatay inay 10 milyan oo ginni bishii August kula soo wareegaan Wanyama halka Manchester City, Arsenal iyo Sunderland ay sidoo kale xiiso u qabeen.

Celtic ayaa sanadii hore Wanyama kala soo wareegtay kooxda Germinal Beerschot  ee ka dhisan dalka Belgium waxaana uga baxay saxiixiisa 90 kun oo ginni isbuucii lasoo dhaafay tababare Neil Lennon ayaa sheegay inay ku rabaan 25 milyan oo ginni.

Si kastaba, kooxda ka dhisan Premier League ayaa si aad ah isha ugu haaya xilli ay doonayaa inay Janaayo u diraan dalab ku dhow 12 milyan oo ginni United ayaana culeys saari doonta inay soo dhaqaajiyaan. Tababare Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu qadkiisa dhexe ku xoojiyo Wanyama oo ah xidig da’yar.

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.

Liverpool oo qarka u saaran inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka Celtic Tony Watt.

Liverpool ayaa lasoo werinyaa inay ka fikireyso si ay ula soo saxiixato da’yarka kooxda Celtic Tony Watt ka dib markii ay wakiilo daawada u dirtay weeraryahanka. Sida uu qoray wargeyska Caught Offside.

Tababre Brendan Rodgers ayaa doonaya inuu inuu dalab u diro 18 jirkaan ku dhashay Coatbridge, xilli uu xidiga ku jira ciyaartoyda ka yar 21 jirada Scotland uu gool ka dhaliyey kooxda Barcelona ka dib markii ay kooxdiisu ka gaartay guul taariikhi ah.

Liverpool ayaa xidigaan xaaladiisa la socotay dhowr bilood laakiin waxaa ku dhalatay inay lasoo wargeegaan ka dib markii uu 10 daqiiiqo isku baray Catalan, waxaana laga yaabaa in Janaayo ay dalbato kooxda ka dhisan gobolka Merseyside.

Reds ayaa ka dhibaatooneysay dhanka weerarka iyadoo hada uu yahay weeraryahankooda keliya Luis Suarez iyo Fabio Borini oo dhaawac qaba

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: [email protected]

Caasimada – Somalia.