27.4 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Sawirro: Ciidan tiro badan oo ka baxay Muqdisho si ay ugu biiraan dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Booliska ka tirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Taliyaha Booliska ayaa si cajiib ah ula dardaarmay ciidanka dagaalka loo diray, isagoo ku baraarujiyey inay dagalkaan cibaado ka dhigtaan.

“Khawaarijta Al-Shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan, laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta, bil Ramadaan baa lagu jiraa dagaalka aad u socotaan waa inuu cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan cadowga guul baana idiin rajeyn,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Asad.

Ciidamada Booliska ayaa helay tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda, waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba cadowga ku ugaarsadaan, si loo soo afjaro dhagarta Khawaarijtu ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan oo boqolaal askari ah ayaa isugu jira Haramcad, Birmad iyo Daraawiish, waxayna ku biirayaan dagaalka dulaanka kooxda Al-Shabaab looga hortegayo ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa sidoo kale aad loola dardaarmay galabta, waxaana la faray inay wax badan ka bedelaan furimaha dagaalka, markii ay tagaan.

Horay ciidamo ka tirsan Booliska, sida qeybaha Haramcad iyo Birmadka ayaa loogu diray dagaalka, kuwaas oo ka howlgalay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dagaalo ku galeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan ciidamadii dagaalami karay u dirtay dagaalka, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay soo qaaday weerarro rogaal celis ah oo cududooda militeri ay ku muujiyeen.

Shalay ayaa sidaan oo kale Muqdisho looga sagootiyey inta badan ciidankii dagaalami karay ee Asluubta Soomaaliya, kuwaas oo si weyn loo qalabeeyey, waxayna ku biireen ciidamada kale ee qaranka ee dagaalka kula jira al-Shabaab.

Xog: Sababta ka dambeysa iyo dowladda dalbatay in xilka laga qaado Wasiir Jaamac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta isku shaandheyn iyo xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.

Wasiirrada xilka laga qaaday waxaa ugu weynaa Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kaas oo loo beddelay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Jaamac ayaa muddooyinkii dambe wajahayay cadaadis uga imaanayay dhanka wakiillada caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka.

Mareykanka, oo gacan weyn ka geysta howlaha taakulada ciidanka, ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka caga-jiidayay taageerada ciidanka iyo dhanka la-dagaallanka argagixisada, sababo la xiriira is-fahan waa soo kala dhex-galay isaga iyo Wasiir Jaamac.

Mareykanka ayaa dhowr jeer Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku wargeliyay in uu jiro wada-shaqeyn la’aan kala dhexeysa Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ahaa mas’uulkii ugu sarreeyay difaaca.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn oggolaaday cadaadiskii Mareykanka ee ahaa in Wasiir Jaamac laga wareejiyo Wasaaradda Gaashaandhigga, taas oo in muddo ah ay diidanaayeen.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn ugu xirnaa dowladda Turkiga, oo la rumeysan yahay in muddo badan ay xilka ku haysay, hase yeeshee waxaa muuqata in dowladda federaalka ay dooratay Mareykanka, maadaama taageerada Mareykanka ee ciidanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka weyn tahay midda Turkiga.

Jaamac intii uu xilka hayay, waxa uu la kulmay dhalleeceyn xooggan, iyadoo si weyn loo naqdin jiray tallaabooyinkiisa, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Wasiirkan ayaa sidoo kale si weyn u weerari jiray mucaaradka, isagoo mar kasta dowladda Xasan Sheekh ka difaaci jiray eedeymaha uga imaanayay siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuuna qof firfircoon ka ahaa baraha bulshada.

Taas ayaa keentay in bulshadu si adag u dhaliisho, maadaama uu inta badan waqtigiisa ku bixin jiray baraha bulshada, halkii uu diiradda saari lahaa waajibaadka Wasaaradda Gaashaandhigga.

5-ta cutub ee la horgeynayo BF si loo beddelo xilli ay weli taagan tahay dooda dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in dhowaan loo gudbiyo cutubyada shanaad ilaa sagaalaad ee Dastuurka, kuwaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya.

Cutubyadan ayaa horey usoo maray marxalado dood iyo dhageysi dadweyne ah, si loo helo aragti mideysan oo ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin ayaa faah-faahin ka bixiyay muhiimadda ay leeyihiin cutubyadan, isaga oo tilmaamay in cutubka shanaad uu diiradda saarayo baahinta awoodaha iyo nidaamka federaalka, halka cutubyada kale ay ka hadlayaaan Baarlamaanka, Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Garsoorka.

“Cutubkaan shannaad waxa uu ka hadlayaa baahinta awoodaha oo Federaaleynta (Asteenta awoodaha) waana la dhahaa,” ayuu yiri Wasiirka Xasan Macallin.

Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in afar cutub oo hore (1-aad ilaa 4-aad) horey loo dhammeystiray, halka shanta cutub ee xiga (5-aad ilaa 9-aad) hadda la diyaariyay si Baarlamaanku u meelmariyo.

Qaybaha harsanna waxaa la qorsheynayaa in la dhammaystiro inta lagu guda jiro kalfadhiga toddobaad ee Baarlamaanka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay dadaal badan gelisay dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo qeybo ka mid ah wax-ka-beddelkaas loo gudbiyay bulshooyinka ku dhaqan magaalooyinka dowlad-goboleedyada si ay uga dhiibtaan fikiradooda.

Si Dastuurka u noqdo mid rasmi ah, waxaa loo baahan yahay in la qabto afti dadweyne. Hase yeeshee, arrintan waxay dhalisay dood ay qabaan dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo marar badan ku baaqay in geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka wada qeyb galaan dhammaan dhinacyada siyaasadda ee dalka.

R/W Xamza iyo guddiga doorashada oo shir deg-deg yeeshay – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayey dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa u dhexeeyey Xukuumadda iyo xubnaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha dalka, kuwaas oo weli lagu muransan yahay shaqada loo igmaday, kadib markii ay si adag uga horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si talada dib loogu celiyo shacabka, una soo doortaan hoggaankooda.

Wuxuu sheegay in arrintani ay tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ka maqnayd muddo ku siman konton sano.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay si dhow ula shaqeeyaan guddiga, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda DanQaran ay gacanna dalka doorasho uga qabanayso, gacanna cadowga uga xorreynayso.

Guddiga Doorashooyinka oo la dhisay bishii November ee sannadkii hore, ayaa tan iyo markaas ku howlanaa hirgelinta habraaca doorashada qof iyo cod, iyagoo dhawaan bilaabay diiwaangelinta ururrada siyaasadeed, inkasta oo ay ganafka ku dhufteen mucaaradka.


















Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda ay ku dileen Cabdirashiid Banaaney

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen galbeedka gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilabanaaney oo u dhow deegaanka Jicibow, waxaana lagu beegsaday guri ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku yaalla halkaasi.

Guriga la weeraray ayaa waxaa xilligaas joogay sarkaal sare oo Shabaab ah, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdirashiid Banaaney, laguna khaarijiyay howlgalka.

Sidoo kale waxaa lala dilay maleeshiyaad kale oo ku sugnaa deegaanka la weeraray, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku aadan howlgalkaasi.

Cabdirashiid Banaaney ayaa lasoo wariyay inuu ahaa sarkaal dhibaato xooggan ku hayay dadka deggan galbeedka Hiiraan, waxaana maanta soo afjaray ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan gobolka Hiiraan, kuwaas oo looga hortegayo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay dhinaca Khawaarijta oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Galbeedka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ka dhaca weeraro iyo dagaallo dhex-mara labada dhinac.

Guud ahaan HirShabeelle ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo aad u culus, iyada oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta iyo dadka deegaanka oo qorshahoodu yahay inay ka hortagaan Al-Shabaabka soo galay gudaha maamulkaas.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale taageero ka helaya saaxiibada caalamiga ah oo iyana duqeymo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliya deegaannada ay ka socdaan howlgallada ee gobolkaasi.

Somalia defence minister sacked amid US pressure

Mogadishu, Somalia – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre reshuffled his cabinet on Monday, removing Defense Minister Abdulqadir Mohamed Nur, alias “Jaamac,” from his post amid growing U.S. pressure and an unrelenting insurgency by Al-Shabaab.

Nur, reassigned to the Ministry of Ports and Maritime Transport, has been replaced by Jibril Abdirashid Haji, signaling a shift in Somalia’s security leadership as it braces for a pivotal military transition.

The shake-up follows months of friction between Nur and the United States, Somalia’s key counterterrorism partner. The latter had scaled back support due to strained cooperation.

With Al-Shabaab still posing a lethal threat, the move underscores Mogadishu’s reliance on American aid over rival backer Turkey.

U.S. pushes for change

Sources told Caasimada Online that Nur’s exit from the defense ministry stems from mounting U.S. frustration.

Washington, which funds Somali troops and conducts drone strikes against Al-Shabaab, had flagged a lack of coordination with Nur, a concern raised repeatedly with President Hassan Sheikh Mohamud.

According to our sources, Mohamud approved Nur’s transfer after initial resistance, prioritizing U.S. support—estimated at over $100 million annually—over Turkey’s military ties.

Nur, in office since December 2021, is known to have cultivated close ties with Turkey, another significant international actor in Somalia, offering substantial humanitarian aid and security sector support.

There are suggestions that Ankara had previously helped bolster his position within the government.

However, the latest reshuffle suggests a potential recalibration of Mogadishu’s strategic alliances, seemingly prioritizing the continued security partnership with the United States, considered indispensable in the ongoing fight against the Al-Shabaab extremist group.

Analysts also see the reshuffle as a strategic pivot, with U.S. assistance dwarfing Turkey’s contributions. “Somalia can’t afford to lose American firepower,” said a Somali security expert Ahmed Abdi.

Nur’s tenure: Criticism and clashes

Nur’s stint as defense minister drew sharp criticism. Despite territorial gains in 2022 and 2023 under Mohamud’s anti-Al-Shabaab offensive, progress stalled in 2024.

His combative social media presence further fueled controversy. Known for sparring with critics and defending Mohamud’s government, analysts say Nur often prioritized online battles over security duties.

The reshuffle coincides with a critical juncture in Somalia’s fight against Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate that has waged war since 2006.

A December 2024 UN report warned that Al-Shabaab rakes in $100 million yearly through extortion and smuggling, exploiting weak governance.

The group’s resilience has intensified pressure on Mogadishu to unify its fractured security strategy—a challenge now facing new Defense Minister Jibril Haji.

The cabinet changes highlight Somalia’s delicate dance between allies. Turkey, a partner since 2011, has rebuilt infrastructure and trained troops, while the U.S. focuses on direct strikes and funding.

Nur’s shift to the ports ministry—a vital economic post amid a drought that has displaced over a million people since 2023—may appease Ankara while addressing Washington’s demands.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo eryay wasiiro, kuwa cusubna magacaabay + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray wareegto uu isku shaandheyn iyo xilka qaadis ugu sameeyay qaar kamid ah golihiisa wasiirada.

Saddex wasiir ayaa la isku beddelay, iyada oo loo kala wareejiyay wasaaradaha ay kala joogeen, halka labo wasiir oo kalena xilka laga qaaday.

Sidoo kale waxaa Golaha lagu soo daray wasiir ku xigeenno cusub oo qaarkood xildhibaanno ah, iyada oo kuwii horay u hayay xilalkaas la eryay.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli uu maalmahan culays xooggan wajahayay ra’iisul wasaaraha, kadib markii uu soo if-baxay guuxa mooshin xilka looga qaadayo oo ay wadaan qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka, taas oo la rumeysan yahay inay soo dadajisay isbeddelka deg-degga ah ee uu Xamza ku sameeyay golihiisa wasiirada.

Hoos ka akhriso liiska oo dhammeystiran:-

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah:

  1. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗮𝗻𝗱𝗵𝗶𝗴𝗴𝗮
  2. Cabdiqaadir Maxamed Nuur – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮
  3. Maxamuud Axmed Aadan (Geesood) – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮
  4. Maxamed Faarax Nuux – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗗𝘂𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮
  5. Maxamed Cabdiqaadir Cali – 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗖𝗶𝘆𝗮𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮
  6. Maxamuud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  7. Sahuur Xaaji Culusow Xasan – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha
  8. Sulub Axmed Firin – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha
  9. Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abukaate) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
  10. Aamina Xuseen Cali – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada
  11. Xuseen Cali Xaaji – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
  12. Fartuun Cabdiqaadir Faarax – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
  13. Maxamed Aadan Maxamed (Baydhabo Janaay) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta Dhaqaalaha
  14. Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta
  15. Dahabo Suusow Muunye – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
  16. Cismaan Axmed Macow – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka

Kooxda Ansar Allah oo ku sii ballaaraneysa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Ansar Allah ee Yemen, oo sidoo kale loo yaqaan Xuuthiyiinta, ayaa si weyn u ballaarisay iskaashiga ay la leedahay kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya, sida Al-Shabaab iyo Daacish-Soomaaliya (ISS).

Inkasta oo kooxahan ay kala leeyihiin aragtiyo mabda’iyan aad u kala duwan—Ansar Allah oo ah Shiico, Al-Shabaab oo la xiriirsan Al-Qaacida, iyo ISS oo hoostagta Daacish—haddana waxa ay ka mideysan yihiin cadaawadda ay u qabaan Maraykanka iyo Israa’iil, iyo danaha istiraatiijiga ah ee la xiriira helitaanka hub iyo maalgelinta dhaqaale.

Iskaashigooda waxa uu si weyn u saameynayaa amniga badda ee gobolka, gaar ahaan marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab.

Xuddunta iskaashiga iyo tahriibka hubka

Soomaaliya, oo leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, ayaa si istiraatiiji ah muhiim ugu noqotay Ansar Allah, iyada oo u sahleysa tahriibinta hubka iyo howlaha badda.

Xiriirka taariikhiga ah ee Yemen iyo Soomaaliya ayaa horay u xoojiyay socdaalka, is-dhaafsiga dhaqan-dhaqaale, iyo ganacsiga labada dhinac. Sannadkii 2023 oo kaliya, in ka badan 97,000 qof ayaa ka tallaabay Soomaaliya una gudbay Yemen iyada oo loo marayo shabakadaha tahriibka.

Ganacsiga hubka ayaa door muhiim ah ka ciyaara xiriirka kooxahan. Inkasta oo Qaramada Midoobay ay cunaqabateyn hub saartay Yemen, haddana Iran waxay si qarsoodi ah hub ugu gudbisaa Ansar Allah.

Intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2023, maraakiibta isbahaysiga caalamiga ah ayaa gacanta ku dhigtay 16 doonyood oo hub u siday Yemen, kuwaasoo ka koobnaa kumanaan qoryo ah, gantaallo lidka taangiyada ah, iyo malaayiin xabbo oo rasaas ah.

Qaar ka mid ah hubkaasi ayaa laga helay Soomaaliya, taasoo muujinaysa xiriirka tahriibka hubka ee kooxahan.

Iran waxay muddo dheer u aragtay Geeska Afrika mid istiraatiiji ah, waxaana ay tan iyo siddeetameeyadii xoojisay joogitaankeeda gobolka iyada oo adeegsaneysa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC).

Tehran waxay horey u taageertay madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir, waxay gacan siisay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliya sanadkii 2006, waxayna raadisay in ay saldhig militari ka yeelato Eritrea.

Isku dayadan waxa ay Iran uga gol lahayd in ay xoojiso saameynteeda, jebiso go’doonka caalamiga ah, iyo in ay horumariso shabakado tahriibin oo ay ku taageerto kooxo ay xulafaysatay sida Ansar Allah.

Iskaashiga sii xoogeysanaya

Iskaashiga u dhexeeya Ansar Allah iyo kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn u kordhay tan iyo 2016, gaar ahaan xilliyadii uu xoogeysaday dagaalkii Gaza ee 2023.

Hoggaamiyaha Ansar Allah, Abdul-Malik al-Houthi, ayaa si cad u taageeray weerarada lagu carqaladeynayo maraakiibta, isaga oo ku sababeeyay in ay qeyb ka tahay taageerada Gaza iyo iska caabinta saameynta Reer Galbeedka ee Afrika.

Bishii Janaayo 2024, Maraykanka wuxuu shaaciyay in iskaashiga u dhexeeya Ansar Allah iyo Al-Shabaab uu sii xoogeystay.

Warbixinada sirdoonka ayaa muujinaya in labada dhinac ay heshiis ku gaareen in Ansar Allah ay Al-Shabaab siiso hub iyo tababar, halka Al-Shabaab ay kordhiso weerarada burcad-badeednimo iyo afduubka maraakiibta maraya biyaha Soomaaliya.

Xiriirka u dhexeeya Al-Shabaab iyo burcad-badeedda Soomaalida ayaa muddo dheer jiray, taasoo ka dhigan in iskaashigan cusub uu labada dhinac u keenayo faa’iido istiraatiiji ah.

Iran iyo Al-Shabaab waxay xiriir lahaayeen sanado badan, waxaana la rumeysan yahay in Iran ay u ogolaatay Al-Shabaab in ay cunaqabateynta Qaramada Midoobay uga baxsato iyada oo dhuxul ka dhoofinaysa dekedaha Iran.

Waxaa sidoo kale la tuhunsan yahay in Tehran ay siiso Al-Shabaab taageero dhaqaale iyo hub si ay u beegsato danaha Maraykanka ee Bariga Afrika.

Xiriidhka u dhexeeya Ansar Allah iyo Daacish-Soomaaliya (ISS) ayaa xoogeystay sanadkii 2021, markii ay bilaabeen tahriibinta hub yar yar.

Intii u dhexeysay Noofembar 2023 iyo Maajo 2024, xubno ka tirsan Ansar Allah ayaa la sheegay in ay booqdeen waqooyi-bari Soomaaliya, halkaasoo ay ka wada shaqeeyeen sirdoonka iyo dabagalka maraakiibta.

Ansar Allah waxay ISS ugu beddeshay xogahaasi diyaarado aan duuliye lahayn oo is-qarxin kara iyo tababarro dhanka farsamada ah.

Bishii Agoosto 2024, ciidamada ammaanka Puntland waxay gacanta ku dhigeen shan diyaaradood oo ay Ansar Allah siisay ISS, iyaga oo xabsiga dhigay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo ISS.

Bilowgii 2025, ISS waxay diyaaradahan is-miidaamin ah la beegsatay ciidamada Puntland, taasoo muujineysa khatarta sii kordheysa ee iskaashiga kooxahan.

Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho diineed, Ansar Allah waxay si xeel-dheer ah ula shaqeysay kooxaha xagjirka ah ee Sunniga ah, sida Al-Qaacida ee Jasiiradda Carabta (AQAP), taasoo u fududeysay hub-is-weydaarsiga, is-dhaafsiga maxaabiista, iyo taageerada farsamo.

Saamaynta goboleed iyo amni

Isbahaysiga u dhaxeeya Ansar Allah, Al-Shabaab, iyo ISS wuxuu si weyn u sii xumeeyay xasilloonida gobolka iyo ammaanka badaha caalamiga ah.

Iskaashigooda wuxuu caqabad ku noqday dadaallada caalamiga ah ee lagu joojinayo tahriibka hubka, maadaama marinnada sirdoon ee la adeegsado ay is-bedbedeleen.

Hubka la tahriibiyo wuxuu inta badan ka yimaadaa Iran, isaga oo mara biyaha Kenya iyo Tanzania, ka hor inta aan lagu wareejin doonyo yar yar oo ka ambabaxaya Soomaaliya una gudbaya xeebaha Yemen.

Kooxahan waxay is-dhaafsadaan qalab casri ah, sida diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada, taasoo sii xoojisay awoodooda militari.

Ansar Allah waxay si gaar ah uga faa’iideysataa xeebaha Soomaaliya, taasoo u suuragelisa in ay si joogto ah u hesho qalab ay ka helayso Iran iyo Shiinaha si ay u horumariso barnaamijkeeda gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dekedaha muhiimka ah ee tahriibka hubka waxaa ka mid ah Boosaaso ee Puntland iyo Berbera ee Somaliland.

Hoggaamiyaha Ansar Allah, Abdul-Malik al-Houthi, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday qorsho lagu ballaarinayo hawlgallada badda, isaga oo xusay in bartilmaameedyada mustaqbalka ay gaari doonaan Badweynta Hindiya.

Intii lagu jiray dagaalkii Gaza, Ansar Allah waxay xoojisay weerarada ka dhanka ah maraakiibta, iyada oo iskaashi la sameysay burcad-badeedda Soomaalida iyo kooxaha xagjirka ah, taasoo sii kordhisay saameynta Iran ee marinnada ganacsiga caalamiga ah.

Istiraatiijiyaddan waxay Iran u suurtagelisay in ay xoojiso saameynteeda Geeska Afrika, taasoo sii kordhisay loollanka kala dhexeeya Maraykanka, dowladaha Khaliijka, iyo Israa’iil.

Mas’uuliyiin sare iyo taliyeyaal ciidan oo xalay tegay Afgooye + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaano la xiriira amniga caasimada iyo deegaannada u dhow, waxaana xalay mas’uuliyiin sar sare iyo taliyeyaal ciidan ay socod ku tageen illaa degmada Afgooye.

Mas’uuliyiinta ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye, waxaana qayb ka ahaa taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cismaan Maxamed Cabdullahi (Kaniif), taliyaha qaybta booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi iyo saraakiil kale oo qaabilsan amniga.

Ujeedka ugu wayn ee mas’uuliyiintan u tageen halkaas ayaa ah inay qiimeeyaan xaaladda ammaan ee waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo maalin kahor ay soo galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida laga xigtay dadka deegaanka.

Mas’uuliyiinta ayaa booqday xarumaha ciidamada, baraha koontaroolada, iyaga oo ciidamada amniga ku boggaadiyay inay laba jibaaraan shaqadooda, si ay uga hortagaan suurtagalnimada weeraro ka yimaada Al-Shabaab iyo wax kasta oo liddi ku ah amniga.

Sidoo kale waxa ay kormeereen goobaha ganacsiga, iyaga oo ganacsatada iyo dadka deegaanka ku booriyay inay kala shaqeeyaan amniga guud ee deegaannadaasi.

Waxaa kale oo mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha tegay illaa degmada Afgooye ay ka dhawaajiyeen inay ka go’an tahay adkeynta amniga deegaannadaas iyo guud ahaan caasimada Muqdisho oo hadda ka xasiloon weeraradii iyo qaraxyadii Al-Shabaab.

Kormeerkan waxaa ka horreeyay howlgal culus oo habeen hore ciidamada ammaanka ay ka sameeyay aagga deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo jawaab u ahaa dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ay bilaabeen, si looga hortago.

Horay sidaan oo kale waxa ay usoo gaareen degmada Balcad oo iyana qiyaastii 35 KM u jirta caasimada, iyaga oo saacado kooban haystay, kadibna isaga baxay.

Hadal-heyn culus ayaa hadda ka taagan magaalada Muqdisho oo sidaan ay Shabaab ugu soo dhawaadeen markii ugu horeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa horay ugu goodisay in 17-ka Ramadaan ka hor ay Muqdisho qabsanayaan.

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

Daawo: Booliska Muqdisho oo qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib gaarigii looga gubay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dhacdadii shalay Afarta Darjiin ee sababtay dilka wiil Bajaajle ahaa iyo in la gubo gaari ay lahaayeen ciidamada booliska, kadib shaqaaqo ka dhacday halkaasi.

Ugu horreyn wuxuu xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay askarigii ka dambeeyay falkaasi oo ka tirsan ciidanka Taraafikada, wuxuuna sheegay inuu ku xiran yahay xarunta dambi baariska ee C.I.D, isaga oo intaas ku daray in la horgeyn doono maxkamadda ku shaqada leh.

“Waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in dil uu ka dhacay isgoyska Afarta Darjiin, kaas oo uu gaystay eedeysane ka tirsan ciidanka nabad-gelyada waddooyinka, gaar ahaan Taraafiko. Eedeysanahaas waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ku socota baaris, si cadaaladda loo horgeeyo” ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in booliska Soomaaliyeed uu ku raad-joogo shaqsiyaad uu sheegay inay ka dhex faa’iideysteen shaqaaqada, isla markaana gubay mid kamid ah gawaarida ciidanka booliska oo shalay lagu burburiyay goobta, kadibna dab la qabad-siiyay.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay, haddii lasoo qabto dadkaasi in lasoo taagi doono maxkamad si loogu qaado faldambiyeedka ay galeen sida uu hadalka u dhigay.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed wuxuu ku raad-joogaa eedeysanayaal kusoo dhex dhuuntay goobta uu dilka ka dhacay xilliga ay saxmadda socotay, kuwaas oo si bareer ah u burburiyay gaari uu lahaa booliska Soomaaliyeed oo ah hanti dadweyne, kaas oo ay si bareer ah u burburiyeen, kadibna ay dab qabad-siiyeen” ayuu markale yiri.

Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray in qof weliba dambiga uu gaysto isaga lagula xisaabtami doono, wuxuuna falalka noocaan ah uga digay muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Bulshada Soomaaliyeed waxaan sidoo kale ku wargelinayaa shaqsi kasta oo ah muwaadin Soomaaliyeed dambiga uu gaysto inuu isaga masuul ka yahay” ayuu raaciyay.

Falkan wuxuu daba socday dilka wiil Bajaajle ahaa oo si bareer ah uu askari ka tirsan Taraafikada ugu gaystay Afarta Darjiin, waxaana kadib dib-bax dhigay Bajaaleyda iyo shacab careysan oo isugu soo baxay halkaasi, kadibna waxay isku dhaceen booliska.

Dhacdooyinkan ayaa soo noq-noqday, waxaana marar badan darawallada Bajaajleyda oo u badan dhalinyaro siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Erdogan oo dalabyo xasaasi ah hordhigay Donald Trump

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaga oo yeeshay wada-hadalladii ugu horeeyey ee tan iyo markii Trump uu ku soo laabtay Aqalka Cad.

Waxay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin; dadaallada lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, xasilloonida Suuriya, iyo horumarinta iskaashiga difaaca ee labada dal, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Erdogan Axaddii.

Erdogan ayaa u sheegay Trump in Turkigu taageersan yahay “dadaallada go’aanka leh iyo tooska ah” ee Mareykanku ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Wuxuu ballanqaaday in Turkigu sii wadi doono dadaallada loogu jiro nabad waarta oo cadaalad ku saleysan.

Dhanka Suuriya, Erdogan wuxuu carrabka ku adkeeyay “muhimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo qaadista cunaqabateynta Suuriya si xasillooni loogu soo celiyo, maamulka cusub u shaqeeyo, iyo in la taageero dadaallada dib u hagaajinta.”

Bayaanku wuxuu xusay in tallaabadani ay muhiim u tahay in muwaadiniinta Suuriya ay dib ugu laabtaan dalkooda.

Khilaafka Turkiga iyo Mareykanka

Erdogan wuxuu sidoo kale xoojiyay baahida Turkiga ee ah in Mareykanku qaado tallaabooyin lagula dagaallamayo argagixisada, si waafaqsan danaha amni ee Ankara.

Mareykanka wuxuu si dhow ula shaqeeyaa xoogagga Kurdish-ka ee Suuriya, kuwaasoo door muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Turkiga wuxuu YPG—oo ah garabka militari ee Kurdish-ka Suuriya—u arkaa laan ka tirsan PKK, oo Ankara ay u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.

Erdogan ayaa si adag u dhaliilay taageerada Mareykanka ee YPG, isaga oo ku tilmaamay “khiyaano” ka dhan ah xulafanimada NATO.

Dhanka iskaashiga milateri, Erdogan wuxuu kala hadlay Trump in la joojiyo xayiraadaha Mareykanka ee CAATSA, iyo in si degdeg ah loo dhameystiro heshiiska Turkiga ee iibsiga diyaaradaha F-16 iyo dib ugu soo noqoshada barnaamijka F-35, si loo xoojiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.

Mareykanka ayaa Turkiga kusoo rogay cunaqabateyn kadib markii Ankara ay 2019 iibsatay nidaamka difaaca gantaallada S-400 ee Ruushka, taasoo keentay in laga saaro mashruuca F-35.

Erdogan ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda ay leedahay in xayiraadahaas la qaado, si loo hagaajiyo iskaashiga difaaca ee labada dal.

Faah-faahinta duqeymo culus oo ka dhacay Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo culus oo xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ahaa is daba-joog ayaa lagu garaacay deegaanno ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, sida Ceel Cali Axmed, Ceelbacad iyo aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana jira khasaare culus oo la gaarsiiyay argagixisada.

Sidoo kale duqeymahan oo ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay deegaanno dhaca xadka uu Shabeellaha Dhexe la leeyahay gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ah meelaha ay kasoo tallaabadaan xubnaha soo galay gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Khawaarijta, lana gaarsiiyay khasaare culus.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay faah-faahin dheeraad ah ka bixiso duqeymahan iyo khasaaraha ka dhashay, maadaama xilli habeen ah ay dhaceen.

Duqeyntan waxaa ka horreysay mid kale oo habeen hore ka dhacday degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lagu beegsaday xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Qoraal kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in la burburiyay dhammaan xarumahaasi, sidoo kalena lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada, waxaana dowladdu intaasi kusii dartay in la burburiyay xarumaha la duqeeyay.

“Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin” ayaa lagu yiri war shalay kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale digniin culus u dirtay shacabka weli dhex deggan Al-Shabaab oo loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda, maadaama lagu hayo duqeymo joogta ah.

“Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaaliyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeellooyinka.

Waxaa kale oo looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu curyaamiyo awooddooda.

Asad oo qaaday tallaabo la xiriirta amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho, isaga oo sameeyay kormeer amni xaqiijin ah.

Taliyaha oo ay wehlinayeen saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa booqday baraha koontarool ee laga sugo amniga caasimadda, saldhigyada booliska iyo goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan oo ay ku jiraan kuwa ganacsiyada ee Muqdisho.

Asad Diyaano ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay booliska kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago falalka amni darrida ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska booliska ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka taliyaha uu ahaa sidii uu qiimeyn lahaa xaaladda amni iyo mida shaqo ee ciidamada.

“Kormeerka shaqo ee Taliyaha ayaa salka ku hayey u kuur galidda xaaladda shaqo ee Ciidanka Booliska, waxaana bulshada uu la kulmay ee ku sugnaa baraha hubinta iyo goobahooda ganacsi ee habeenkii xiliga dambe shaqeeya ka waraystay xaaladooda amaan, isagoo ka codsaday in Ciidanka ay la shaqeeyaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Inta uu kormeerka ku jiray taliyaha ayaa sidoo kale ka dukaameystay goobo ganacsi oo ku yaalla waddada hareeraheeda, isaga oo ganacsatada ku bogaadiyay shaqadooda.

Arrintan ayaa laga gol-leeyahay dardar-gelinta amniga caasimada oo maalmahan ay kusoo dhawaadeen Al-Shabaab, kadib markii lagu arkay duleedka magaalada Muqdisho.

Meelaha lagu arkay xubnaha Shabaab waxaa kamid ah deegaannada Ceelasha Biyaha, Xaawo-Cabdi iyo Lafoole oo dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, taas oo keentay cabsi laga qabo inay koxoda weeraro ka fuliso halkaasi.

Horay sidaan oo kale waxa ay usoo gaareen degmada Balcad oo iyana qiyaastii 35 KM u jirta caasimada, iyaga oo saacado kooban haystay, kadibna isaga baxay.

Hadal-heyn culus ayaa hadda ka taagan magaalada Muqdisho oo sidaan ay Shabaab ugu soo dhawaadeen markii ugu horeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa horay ugu goodisay in 17-ka Ramadaan ka hor ay Muqdisho qabsanayaan.

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

Sharaxaad: Muxuu salka ku hayaa dagaalka ay Itoobiya iyo Eritrea qarka u saaran yihiin?

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea, oo muddo dheer colaad ka dhaxeysay, ayaa mar kale u muuqda kuwo ku sii socda dagaal, sida ay ka digeen mas’uuliyiinta waqooyiga Itoobiya iyo xeel-dheerayaasha gobolka.

Haddii dagaal cusub qarxo, wuxuu dharbaaxo culus ku noqon doonaa heshiiskii nabadeed ee 2018, kaasoo horseeday in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku guuleysto abaal-marinta Nabadda ee Nobel-ka sanadkii 2019.

Dagaalku wuxuu sidoo kale sii xumeyn doonaa xaaladda bini’aadanimo ee horeyba ugu cakirnayd Geeska Afrika.

Maxaa sababay cabsida dagaalka?

Digniinaha dagaalka ayaa yimid kaddib markii xaalad cusub oo xasillooni-darro ah ka soo cusboonaatay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya. Gobolkan wuxuu horay u marti geliyay dagaalkii sokeeye ee 2020-2022, kaasoo sababay dhimashada boqolaal kun oo qof.

Intii uu dagaalkii socday, ciidanka Eritrea ayaa xadka ka tallaabay, iyaga oo garab siinayay ciidamada federaalka Itoobiya si ay ula dagaallamaan xoogaggii Tigray, oo uu hoggaaminayay xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Hase yeeshee, heshiiskii nabadeed ee la saxiixay bishii November 2022 wuxuu xumeeyay xiriirka Itoobiya iyo Eritrea, maadaama Asmara aysan qeyb ka ahayn wadahadallada.

Hoggaanka cusub ee ku-meel-gaarka ah ee Tigray, oo TPLF ay maamusho iyadoo oggolaansho ka heysata dowladda federaalka, ayaa hadda kala qeybsamay. Toddobaadkan, koox mucaarad ah ayaa la wareegtay magaalada Adigrat, iyaga oo ku eedeeyay maamulka Tigray inay khiyaaneeyeen danaha gobolka.

Dhanka kale, maamulka rasmiga ah ee Tigray ayaa ku eedeeyay kooxaha mucaaradka ah inay la shaqeynayaan Eritrea.

Labada dhinacba way beeniyeen eedeymaha midba midka kale u jeediyay.

Xeel-dheerayaal ayaa sheegaya in xiisaddan ay dhalin karto in Itoobiya iyo Eritrea ay kala taageeraan kooxaha iska soo horjeeda ee Tigray, taasoo ugu dambeyn sababi karta dagaal toos ah.

Bishii Febraayo, warbixin ay soo saartay hay’ad xuquuqda aadanaha u doodda ayaa sheegtay in Eritrea ay sameysay abaabul ciidan oo ballaaran. Isla markaana, ilo diblomaasiyadeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan Tigray ayaa u sheegay Reuters in Itoobiya ay ciidamo geysay xadka ay la wadaagto Eritrea.

Dowladaha Eritrea iyo Itoobiya ayaan weli wax faallo ah ka bixin arrintan.

Xiriirka taariikhiga ah ee Itoobiya iyo Eritrea

Eritrea, oo horey u ahayd gumeysi Talyaani ah, waxaa Itoobiya la midoobiyay sanadkii 1962. Hase yeeshee, xoogag mucaarad ah oo uu hoggaaminayay Isaias Afwerki ayaa dagaal hubeysan oo 30 sano socday ku qaatay madaxbannaani, taasoo Eritrea ay ku heshay xorriyaddeeda sanadkii 1993.

Markii Eritrea ay xornimada qaadatay, xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeyay Itoobiya, oo markaas ay maamulayeen hoggaamiyayaashii Tigray ee xukunka la wareegay kaddib ridistii hoggaamiyihii militariga Itoobiya, Mengistu Haile Mariam, sanadkii 1991.

Si kastaba ha ahaatee, dagaal xooggan ayaa labada dal dhex maray sanadihii 1998-2000, markii ay isku qabteen lahaanshaha magaalada Badme. Dagaalkaas oo socday labo sano ayaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 80,000 oo qof.

Xiriirka labada waddan wuxuu si rasmi ah u go’naa ilaa 2018, markaasoo Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashigooda dhaqaale.

Heshiiskaas wuxuu suurageliyay in qoysas kala maqnaa muddo 20 sano ah ay dib u midoobaan, in la billaabo duullimaadyadii tooska ahaa ee Addis Ababa iyo Asmara, iyo in Itoobiya iyo Eritrea ay balanqaadaan iskaashi horumarineed oo ku aaddan dekedaha Eritrea.

Maxaa xiriirka labada dal u xumeeyay?

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea wuxuu si xun u xumaaday markii uu dhammaaday dagaalkii Tigray, markii Itoobiya ay heshiis nabadeed la gashay TPLF iyada oo aan Eritrea wax door ah ku lahayn.

Xeeldheerayaal ayaa rumeysan in Eritrea ay ka cadhootay in TPLF—oo ay si weyn u naceb tahay—ay mar kale maamusho Tigray, xilli ay Eritrea dooneysay in kooxdaas laga takhaluso gebi ahaanba.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamo Eritrean ah ay weli joogaan dhulka Itoobiya, inkasta oo heshiiskii Pretoria uu farayay in dhammaan ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka. Eritrea arrintaasi si toos ah ugama hadlin.

Madaxda Eritrea ayaa sidoo kale si adag uga falceliyay hadallo uu Abiy Ahmed jeediyay tan iyo 2023, kuwaasoo uu ku sheegay in Itoobiya, oo ah dal aan badda lahayn, ay xaq u leedahay in ay hesho marin badeed. Hadalladaasi waxaa si weyn u fasiray Eritrea inay xambaarsan yihiin hanjabaad militari.

Bishii Sebtembar 2023, Ethiopian Airlines ayaa hakisay duullimaadyadii Asmara kaddib markii xisaabaadkeedii Eritrea lagu xayiray. Bishii Oktoobar ee isla sannadkaas, Eritrea waxay heshiis amni la saxiixatay Masar iyo Soomaaliya, taasoo loo arkayay tallaabo lagu xakameynayo damacyada Itoobiya ee ku aaddan badda Cas.

Maxaa hadda dhici kara?

Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ayaa si xowli ah u sii kordheysa, taasoo khatar weyn ku ah nabadda gobolka. Haddii dagaal qarxo:

  1. Tigray wuxuu noqon karaa goob dagaal oo cusub, maadaama labada dal ay u muuqdaan kuwo kala taageeraya kooxaha iska soo horjeeda.
  2. Xaaladda bini’aadantinimo ee Geeska Afrika waxay kasii dari doontaa, iyadoo dad badan ay macluul iyo barakac wajihi doonaan.
  3. Xiriirka diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika wuxuu noqon doonaa mid sii xumaada, gaar ahaan marka la eego loollanka Itoobiya iyo Eritrea ee ku aaddan awoodda gobolka.
  4. Dhaqaalaha labada dal wuxuu hoos u dhici doonaa, maadaama dagaal uu curyaamin doono ganacsiga iyo isku socodka.

Iyadoo xaaladdu weli mugdi ku jirto, dadaallo diblomaasiyadeed ayaa loo baahan yahay si looga hortago dagaal hor leh oo saameyn weyn ku yeesha gobolka Geeska Afrika. Hase yeeshee, sida ay wax u socdaan, waxay muujinayaan in colaaddu ay ka dhici karto waqti kasta haddii xalka nabadeed la heli waayo.

Somalia’s youth in 2025: A generation in crisis or a nation’s greatest asset?

Somalia finds itself at a critical turning point. Its youth—the largest and most dynamic segment of its population—are both its greatest hope and its most vulnerable group. As 2025 unfolds, young Somalis face unprecedented challenges: crushing poverty, chronic unemployment, an education system failing to equip them for the job market, political exclusion, and an increasingly hostile environment due to climate change and conflict. Yet, at the same time, this generation holds the key to Somalia’s long-term stability, economic transformation, and global integration.

The question for Somalia’s leaders, international donors, the Somali diaspora, and the wider professional community is clear: Will we harness this youth dividend, or will we allow it to slip through our fingers, fueling further instability and disillusionment?

A Generation on the Brink
A Nation Trapped in Poverty

Despite modest economic growth, 75% of Somali youth remain unemployed, and millions struggle to meet basic needs. The country’s per capita income (PPP) is a mere $1,554, one of the lowest globally (UNDP.ORG). Without targeted investment in job creation and youth-led entrepreneurship, the economic frustration among young Somalis will continue to fuel migration, crime, and even extremism.

The Illusion of Education

For many young Somalis, education is not a path to prosperity but rather a road to nowhere. While 91% of young migrants had completed at least primary school and 51% attained secondary education, only 17% found employment before migrating (ENVIRONMENTALMIGRATION.IOM.INT). The mismatch between education and job market needs is a glaring failure of policy.

Climate Change and Food Insecurity

Somalia’s environmental crisis is pushing millions of young people into further despair. Right now, 3.4 million Somalis face acute food insecurity, and the number could rise to 4.4 million by the end of 2025 due to prolonged droughts (REUTERS.COM). Climate change is no longer an abstract threat—it is a daily reality that is devastating the country’s ability to feed its people and sustain livelihoods.

A Political System That Ignores Its Largest Constituency

Somali youth make up over 80% of the population, yet they remain locked out of decision-making processes. Political power is still concentrated in the hands of an aging elite, disconnected from the realities and aspirations of younger generations. If youth are not brought into governance structures, they will increasingly view the system as illegitimate and irrelevant.

The Turning Point: Opportunities for Transformation

Despite these challenges, Somalia is not doomed to failure. The right investments, policies, and partnerships can unleash the power of Somali youth and transform the country.

  1. A Digital Revolution Waiting to Happen

Somalia’s young population is tech-savvy, innovative, and eager to engage in the digital economy. The rapid expansion of mobile money, fintech startups, and online businesses presents an opportunity to integrate more young people into the workforce (UNDP.ORG). Digital skills training, investment in tech hubs, and partnerships with global tech firms could position Somalia as a leader in Africa’s digital transformation.

  1. Youth-Driven Peacebuilding and Governance

The international community, Somalia’s federal and state governments, and donors must do more than offer token youth representation. Youth must be placed at the center of governance, policymaking, and conflict resolution efforts. If given the platform, young leaders can drive reconciliation, counter violent extremism, and champion democratic governance.

  1. A New Deal for Education and Vocational Training

Reforming Somalia’s education system is no longer an option—it is an urgent necessity. The focus must shift from rote learning to practical, market-driven skills development. Strengthening vocational training, expanding STEM education, and forging public-private partnerships can equip youth with the skills needed for today’s economy (ENVIRONMENTALMIGRATION.IOM.INT).

  1. A Revival of Somali Entrepreneurship

Young Somalis are not waiting for handouts—they are eager to build businesses, create jobs, and transform their communities. But they need access to capital, mentorship, and supportive policies. Somalia’s banking and investment landscape must prioritize youth entrepreneurship, unlocking financing for small businesses and startups.

  1. Investing in Climate-Resilient Livelihoods

Somalia’s future depends on sustainable agriculture, fisheries, and livestock management. Investing in climate-smart agricultural practices, irrigation infrastructure, and modern fisheries can create millions of jobs for young Somalis while ensuring food security (REUTERS.COM).

  1. Mobilizing the Somali Diaspora

The Somali diaspora, which sends over $2 billion annually in remittances, must go beyond direct financial support and invest in long-term projects. Mentorship programs, investment in tech startups, and knowledge-sharing initiatives can bring global expertise to Somali youth.

A Call to Action: Who Must Act?

To the Federal Government and Federal Member States:

  • Prioritize youth employment, education, and political participation.
  • Create policies that support youth entrepreneurship, digital transformation, and sustainable agriculture.
  • Include young leaders in decision-making roles at all levels of governance.

To International Donors and Development Partners:

  • Move beyond humanitarian aid—invest in long-term solutions like education, job creation, and digital innovation.
  • Support youth-led initiatives, not just government-run programs.
  • Increase funding for climate adaptation projects that create employment for young people.

To the Somali Society and Diaspora:

  • Stop waiting for the government to act—invest in youth-driven businesses and initiatives.
  • Support mentorship programs to bridge the gap between young professionals and experienced leaders.
  • Use your influence to advocate for policies that benefit Somalia’s youth.

To the Youth Themselves:

  • Do not wait for opportunities—create them. Engage in entrepreneurship, digital innovation, and activism.
  • Be part of the solution—get involved in local governance, peacebuilding, and climate action.
  • Hold leaders accountable—demand policies that prioritize your future.

The Verdict: Somalia’s Future Hinges on Its Youth

Somalia’s youth are not a problem to be solved—they are the solution. They are the country’s best chance at peace, stability, and prosperity. But without urgent action, this generation could be lost to poverty, migration, and conflict.

The choice is clear: Invest in Somali youth today, or risk a future of continued instability and missed potential.

Will Somalia’s leaders, international partners, and diaspora rise to the challenge? The time to act is now.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]

DF oo dib u celisay hub ay ciidanka NISA ka qabsadeen Kenya – Sidee wax u dhaceen?

Mandera (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa dib ugu celiyay dowladda Kenya laba qori oo laga qaatay askari Kenyan ah oo lagu dilay weerar lagu qaaday bar kontorool oo ku taalla xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Mandera.

Labada hub—qori G3 iyo AK47—ayaa lagu wareejiyay saraakiisha ammaanka Mandera subaxnimadii Sabtida.

Si kastaba ha ahaatee, booliska Kenya waxay sheegeen in la waayay qeybo ka mid ah rasaasta la socotay. Inkasta oo labada qori markii hore ay wateen 90 xabbo oo rasaas ah, kaliya 10 xabbo ayaa la soo celiyay.

Dib u celinta hubkan ayaa timid saacado un kadib markii koox hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin hay’ada sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay weerar ku qaadeen ciidanka Kenya ee ku sugan Border Point 4 ee Mandera.

Sida lagu sheegay warbixin booliska Kenya soo saareen, ilaa 20 nin oo hubeysan ayaa Jimcihii, Maarso 14, si lama filaan ah u weeraray shan askari oo ka tirsan guutada Booliska Xadka.

Intii uu weerarka socday, waxaa isla goobta lagu dilay askari Dennis Omari, halka mid kale uu dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix. Askariga dhaawacmay ayaa marka hore lagu dabiibay Isbitaalka Mandera Referral, ka dibna loo qaaday Nairobi si loogu sii daaweeyo.

Weeraryahannadii ayaa la sheegay inay la baxsadeen qoriga G3 ee askariga la dilay, kaasoo lahaa 60 xabbo oo rasaas ah, iyo qori AK47 oo wata 30 xabbo, ka hor inta aysan goobta ka baxsan.

Baaritaanka iyo suurta-galnimada aargoosi

Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan in weerarka uu salka ku hayo aargoosi. Sida ay muujinayaan baaritaanno hordhac ah, dhacdadani waxay la xiriiri kartaa xarig dhawaan loo geystay eedeysaneyaal lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen isku day afduub oo lala damacsanaa shaqaale Shiinees ah oo ka howlgalayay Mandera.

Booliska ayaa aaminsan in weerarka uu suuragal tahay inuu abaabulay qof la sheegay inuu yahay sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya, islamarkaana uu qaraabo la yahay mid kamid ah eedeysaneyaasha la xiray.

Saraakiil sare oo boolis ah ayaa booqday goobtii weerarku ka dhacay iyaga oo baaritaanno dheeraad ah ka sameynaya. Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dib loo celiyo hubkii laga qaatay askarta la weeraray iyo in gacanta lagu soo dhigo kuwii ka dambeeyay weerarka.

Saacado yar kaddib dalabkaas, dowladda Soomaaliya ayaa la xiriirtay dhigeeda Kenya, iyada oo ku wargelisay in ay dib u soo heshay labadii qori, islamarkaana diyaar u tahay inay dib u celiso.

Si kastaba ha ahaatee, raggiiii weerarka fuliyay weli lama hayo. Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay inay bilaabeen hawlgal lagu baadi-goobayo eedeysaneyaasha weerarka ka dambeeyay.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka Trump ee ka dhanka ah Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo haatan qorsheynaya inuu soo rogo xayiraado safar oo ballaaran, taasoo saameyn doonta muwaadiniinta dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrinta iyo warqad ay aragtay wakaaladda wararka Reuters.

Warqadda ayaa xustay in 41 dal loo kala saaray saddex qaybood.

  • Kooxda koowaad, oo ka kooban 10 dal—Afghanistan, Cuba, Iran, Libya, North Korea Somalia, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen—ayaa lagu wadaa in gebi ahaanba laga joojiyo bixinta fiisaha.
  • Kooxda labaad, oo ka kooban 5 dal—Eritrea, Haiti, Laos, Myanmar iyo Koonfurta Suudaan—ayaa la filayaa inay wajahaan xayiraado qayb ahaan ah, taasoo saameyn doonta fiisayaasha dalxiiska, ardayda, iyo kuwa socdaalka, inkastoo ay jiri doonaan wax ka reeban.

Kooxda saddexaad, oo ay ka mid yihiin 26 dal sida Angola, Antigua and Barbuda, Belarus, Benin, Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cambodia, Cameroon, Chad, Democratic Republic of the Congo, Dominica, Equatorial Guinea, Gambia, Liberia, Malawi, Mauritania, Pakistan, Republic of the Congo, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Sao Tome and Principe, Sierra Leone, East Timor iyo Turkmenistan. Dalalkan ayaa la tilmaamay inay wajihi doonaan xayiraad qayb ah oo lagu joojin karo bixinta fiisaha Mareykanka, haddii dowladahooda aysan 60 maalmood gudahood wax ka qaban “ciladaha la xiriira habraacyada baaritaanka iyo amniga.”

Mas’uul Mareykan ah oo codsaday in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in liiskan uu isbeddel ku imaan karo, isla markaana uusan weli helin oggolaanshaha maamulka, oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Tallaabadan waxay dib u soo nooleynaysaa xayiraaddii safarka ee uu Madaxweyne Donald Trump hore ugu soo rogay toddobo dal oo Muslimiin u badan intii lagu jiray xukunkiisii ugu horreeyay, taasoo marar badan la beddelay ka hor inta aysan Maxkamadda Sare ansixin sanadkii 2018.

Haddaba sidee looga fal-celiyay go’aanka TRUMP ee saameynaya Soomaaliya?

Yaasir Yoonis Muuse “Eber miyaa eber miyaa Lottery-ga sugeyney ilaashaneyney eber miyaa?”

Sadiiq Khaan Cali “Isagana Soomaaliya inuu soo galo halaga mamnuuco fitna aan isaga aheyn dalkeena ma heysato ee isagana hala bixiyo”.

Saacid Xirsi “car sheeg wadan uu Mareykan dhisay? ama uu xasiloni ka abuuray ma jiro?”

Maxamed Shire Aadan “Mareykanka isaga oo baati ka jilicsan ayuu Soomaaliya hoos imaan doonaa, haddi ay isku tashato”.

Sharmaarke Cabdullahi Xasan “Alxamdulilaah waaye haddi nalala qabo kaligeen ceeb ah”.

Cabdirashiid Maxamed Cabdullahi “Isku darajo maaha xataa Soomaaliya waxay ugu jirtaa khadka cas”.

Daawo: Taliye SHUB oo ciidankii ugu dambeeyey ee Asluubta u diray dagaalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo fulinaya amarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhammaan Ciidamada Qaranka faray inay aadaan furimaha dagaalka oo Khawaarijta ay wajahaan ayaa maanta Muqdisho ka diray boqolaal askari.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa galabta ciidankaan ka sagootiyey Muqdisho, waxayna u jiheysteen furimaha dagaalka.

Ciidanka Asluubta waxay ka shaqeeyaan ilaalinta xabsiyada iyo maxaabiista iyo shaqooyin kale oo fudud, balse hadda waxaa loo diray furimaha dagaalka, taas oo ka dhigan in dowladdu ay ciidankeeda isugu geysay furimaha dagaalka.

Taliyaha ayaa ciidamada intii aysan ka bixin Muqdisho kula dardaarmay inay si dhab ah uga qeyb galaan dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

Ciidankaan ayaa loo diray Shabeellaha Hoose, halkaas oo Al-Shabaab ay culeys badan soo saareen, iyadoo Awdheegle ay weli ku jirto gacanta cadowga.

Tobanaan gaadiidka waaweyn ah ayaa galabta ciidankaan ka qaaday Muqdisho, waxayna ku baxeen wadada Afgooye, berri ilaa caawa waxaa suurtagal ah inay wajahaan Al-Shabaab oo ka buuxa Shabeellaha Hoose.

Dagaalkii shalay ka bilowday Awdheegle ayaa weli si teel-teel ah uga socda xaafadaha degmada Awdheegle, halkaas oo Al-Shabaab ay diideen inay ka baxaan, iyagoo ka baqaya in la duqeeyo, haddii banaanka ay uga baxaan magaalada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo iyo diyaarado dagaal u dirtay Shabeellaha Hoose, kuwaas oo xalay u gudbay Jilib, kuna duqeeyey madaxdii Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in dhimasho iyo dhaawac badan uu gaaray, inkastoo weli ay socoto qiimeynta iyo isku dubba-ridka xogaha sirdoonka.

Dowladda ayaa diiday in Shabaab lagu dhex duqeeyo degmada Awdheegle oo ah magaalo dhisan oo bulsho badan ay ku nooshahay, si looga baaqsado khasaaraha shacabka.

Hoos ka daawo Taliye Shub oo ciidanka sagootinaya.

Xiisadda siyaasadeed oo ka sii dartay kadib tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan kasii dartay, kadib tallaabadii uu shalay qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, oo soo saaray warqad uu ku eryay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in Xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo xiriir ah oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin Golaha Shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab macquul ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha.

Waxaa intaas lagu daray: “Sidaas darteed wuxuu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d), iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray in si degdeg ah loo soo buuxiyo kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#201, kaas oo deegaan-doorashadiisu tahay gobollada waqooyi (Somaliland).

Intaas kadib arrintan ayaa dhalisay buuq wayn oo hareeyay baarlamaanka dhexdiisa, waxaana ka horyimid xildhibaanno badan oo sharci darro ku tilmaamay go’aanka Sheekh Aadan Madoobe ee ka dhanka ah Xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib.

Xildhibaanno kor dhaafaya illaa 100 mudane ayaa soo saaray warqad jawaab ah oo ay ku caddeeyeen mowqifkooda, kuna sheegeen in tallaabada guddoomiyaha ay ka hor imaaneyso dastuurka iyo xeer hoosaadka u degsan golaha shacabka Soomaaliya.

Dhinaca kale, xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in arrinta dhacday ay uga sii dareyso xaaladda uu waddanka ku jiro, isaga oo guddoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay inuu ku kacay khaladaad waa wayn.

“Guddoomiyuhu wuxuu galay khaladaad waa wayn oo ku saabsan in maanta oo uu dalka xaaladdiisa meesha ay mareyso qof weliba uu ogyahay ayuu buuq siyaasadeed sii furay,” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in go’aanka uu soo saaray guddoonka uu yahay sharci darro, loona baahan yahay inuu ilaaliyo dastuurka iyo xeer hoosaadka u yaalla golaha shacabka.

“Guddoomiyuhu xaq uma lahan inuu warqad qoraa oo xildhibaan isaga lamid ah uu go’aan ka gaaraa, marka waa arrin sharci darro ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaa leenahay guddoomiyaha waa inuu usoo laabtaa sharciga, laguna kala baxaa xeer hoosaadka golaha iyo dastuurka qaranka”.

U.S. Embassy in Mogadishu rejects pullout rumors in Somalia

Mogadishu, Somalia — The United States has dismissed reports that it evacuated staff from its Mogadishu embassy, countering rumors of escalating security threats in Somalia’s capital.

The U.S. Embassy in Somalia issued a statement debunking claims of a staff withdrawal as “baseless and fabricated” following fears of an imminent security crisis. “These reports have no merit,” the embassy declared, insisting operations remain unaffected.

The rebuttal came after Puntland’s regional government claimed on Saturday that U.S. diplomats had left Mogadishu.

Puntland’s Information Minister, Mahmoud Dirir, tied the alleged exit to clashes at Aden Adde International Airport, near the Halane compound housing international personnel, including Americans.

Terror warnings fuel tensions

The denial follows a March 5 embassy alert warning U.S. citizens of “credible intelligence” signaling possible attacks in Somalia.

Details on the threats were scarce, but risks were flagged at key sites, including Mogadishu’s international airport. Per the notice on its official website, the embassy ordered staff to suspend all movements.

“The U.S. Embassy in Somalia reminds Americans that terrorist groups are still planning kidnappings, bombings, and other attacks here,” the alert read.

It warned of sudden strikes targeting airports, checkpoints, government buildings, hotels, markets, and areas frequented by Westerners or military convoys, often with minimal warning.

U.S. ramps up airstrikes

The U.S. State Department has upheld a Level 4 travel advisory for Somalia since July 2024, citing terrorism, crime, and instability—a stance unchanged, the embassy said.

The alert coincides with intensified U.S. military action since President Donald Trump’s January 2025 return to power.

Defense Secretary Pete Hegseth reported that a February 1 airstrike—the first of Trump’s second term—killed several ISIS militants, with no civilian losses noted.

U.S. Africa Command (AFRICOM) has since launched multiple strikes alongside Somali forces, hitting ISIS and Al-Shabaab targets in Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar, and Boulo-Burte.

A recent International Crisis Group report pegs ISIS numbers in Somalia at hundreds, primarily entrenched in Puntland’s Cal Miskaat mountains—a remote stronghold in the Bari region.

Somalia’s fragile security landscape

The U.S. plays a pivotal role in Somalia, backing the federal government against Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate that has plagued the country since 2006.

Mogadishu, home to over 3 million, hosts the fortified Halane compound within the airport zone, a nerve center for diplomatic and military efforts.

Sporadic fighting near this area highlights Somalia’s fragile stability despite years of international intervention.

Al-Shabaab remains a potent force, controlling rural zones and striking cities—evidenced by a March 11 hotel attack in Beledweyne that claimed seven lives.

Puntland’s assertion of a U.S. exit—swiftly denied—underscores tensions with Somalia’s central government.

The northeastern region, semi-autonomous and often at odds with Mogadishu, may leverage the claim for political gain.

The embassy offered no further comment beyond its rejection, signaling a resolve to stay put.