27.6 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Daawo: DF oo Guriceel uga dhawaaqday dagaal uusan QOOR QOOR ogoleyn

0

Guriceel (Caasimada Online) – Jeneraal Aadan Laba-afle oo ah taliyaha guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya oo ka howlgeli jiray Koonfur Galbeed, ayey dowladda Soomaaliya u dirtay Galmudug, wuxuuna maanta dagaalka uga dhawaaqay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Jananku oo fagaare ugu khudbeeyey boqolaal ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka isugu jira ayaa sheegay inay xoreynayaan Ceelbuur oo ah halka degmo ee Galmudug ay ka joogaan Al-Shabaab.

“Amar buuxa oo Madaxweynaha JFS uu i soo siiyey ayaan ku socdaa, idinkana waad ila qaadateen, waan dhaqaaqeynaa waxaana gelaynaa dagaalka,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle.

Taliyaha ayaa dadka reer Guriceel iyo Dhuusamareeb ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin dagaalka Khawaarijta, “maanta dalka oo dhan waxaa ka socda dagaalkii aad soo bilowdeen, waxaa la idinka rabaa inaad dhammeystirtaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Jeneraal Laba-Afle ayaa sheegay in hub, gaadiid, sahay iyo rasaas ay diyaar ula tahay dowladda federaalka Soomaaliya, “cadowgaan waxaad iska xoreyseen idinkoo heysan garab dowladeed, maanta wax kasta waa idiin diyaar oo xitaa dhaawacyadiina waxay helayaan daryeel caafimaad oo degdeg ah, marka reer Guriceelow dagaalka gala,” ayuu yiri Jeneraal Laba-afle.

Sarkaalkaan ayaa looga yeeray Shabeellaha Hoose oo ciidanka uu xukumo oo ka tirsan qeybta 60-aad ay joogaan, waxaana loo diray Guriceel iyo Dhuusamareeb, si uu u soo abaabulo dadkii yaqaanay dagaalka Al-Shabaab ee ku jebiyey magaca AhluSunna Waljamaaca, Jeneraal Laba-afle ayaa ka soo jeeda Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu ka soo horjeedo dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka ciidan ee dowladda Federaalka ay ka bilowday Galmudug, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wata qorshahaan, wuxuuna doonayaa in ciidamada laga abaabulay Guriceel iyo Dhuusamareeb ay xoreeyaan ilaa Ceelbuur.

Madaxweynaha oo mar kale Tuutaha u xirtay dagaalka Khawaarijta ayaa maanta isku maray furimaha dagaalka ee Aadan-yabaal iyo Moqokori, waxaana la qorsheeyey in maalmaha soo socda uu dego Cadale, halkaas oo dagaalka Khawaarijta uu ka hoggaamin doono.

Hoos ka daawo hadalkii Jeneraal Laba-Afle.

 

Shariif oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Xasan, iskana indhatiray bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee gelinkii hore ee maanta lagu qaaday kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh oo furimaha dagaalka u socday, isagoo aan soo hadal-qaadin bartilmaameedkii qaraxaas oo ahaa Madaxweynaha.

Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa aad ugu tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxaas oo Weriye Maxamed Abuukar Dabaashe uu ka xusay, wuxuuna ka gaabsaday inuu sii falanqeeyo bartilmaameedkii xasaasiga ahaa ee kolonyada Madaxweynaha, iyadoo qaar kamid ah askartii ilaalineysay Xasan Sheekh ay qaar dhinteen qaarna dhaawacmeen, sidoo kale uu burburay gaarigii uu saarnaa Xasan Sheekh iyo kii ku xigay.

Qoraal ay dowladdu kasoo saartay qaraxaas oo kusoo baxay luuqadda Ingiriiska ayaa lagu yiri, “Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, xilli Madaxweynaha JFS uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle, weerarkaasi waa la fashiliyey, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyay.”

Sheekh Shariif ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aad u dhaliila hoggaaminta Xasan Sheekh, balse bulshada aragtidooda ka dhiibatay qoraalka Shariifka ayaa siyaabo kala duwan u faaqidaya sababta uu u xusi la’yahay in qaraxaas lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha.

Hoos ka aqriso qoraalka Sheekh Shariif:

Waxaan si kulul u cambaaraynayaa weerarka loo adeegsaday qaraxa ee kooxda argagixisada Al-Shabaab maanta ka gaysatay magaalada Muqdisho, kaas oo galaaftay nolosha dad Soomaaliyeed iyagoo sooman oo aan waxba galabsan.

Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo bahda warbaahinta geerida naxdinta leh ee ku timid Weriye Maxamed Abuukar Dabaashe oo kamid noqday dadka shacabka ah ee weerarkaas bahalnimo ku geeriyooday, waxaana Alle u weydiinayaa inta dhimatay Jannatul Firdowsa.

Waxaan sidoo kale soo kabasho degdeg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay.

Weerarkaan wuxuu mar kale shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta xasuusinayaa sida loogu baahan yahay in midnimo iyo wadajir looga hortago falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah.

Ugu dambeyn, waxaa bogaadin mudan ciidamada qalabka sida nuucyadooda kala duwan iyo xoogagga difaaca shacabka oo har iyo habeen u taagan ka-hortagga iyo ciribtirka argagixisada caadeysatay daadiinta dhiigga shacabka.

DF oo war ka soo saartay isku daygii lagu dili lahaa Xasan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qarax maanta Muqdisho lagula beegsaday kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh oo u socday furimaha dagaalka. Degmada Xamarjajab, gaar ahaan inta u dhaxaysa isgoyska Ceelgaabta iyo dekedda Muqdisho ayaa loo dhigay qarax.

“Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, xilli Madaxweynaha JFS uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle, weerarkaasi waa la fashiliyey, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyey,” ayaa lagu yiri qoraal ku soo baxay luuqadda Ingiriiska oo SNTV lagu baahiyey.

Dowladda ayaa maanta diiday in warbaahintu tebiso khasaarihii ka dhashay qaraxa, weriyaal goobta yimid ayaa la xiray, ilaa haddana ma jirto cid shaacisay xogta rasmiga ah ee khasaaraha uu geystay qaraxaasi iyo nooca uu ahaa.

Mid kamid ah afarta gaari ee gaarka ah ee Madaxweynaha ee Buruufta ah oo nooca aysan xabaddu karin ah ayuu haleelay qaraxaasi, kooxda Al-Shabaab oo mas’uuliyadda qiratay waxay sheegeen in qof uu is qarxiyey.

Qoraalka dowladda waxaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaan dhab ah, waxayna ballan-qaadday in faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono khasaaraha ka dhashay qaraxa.

“Falkan fulaynimo ah ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan, ayaa daliil u ah sida ay u sii kordhayso quusta Al-Shabaab ee weerarrada ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay DF.

Inta badan kolonyadii Madaxweynaha ayaa ka badbaaday qaraxaasi, markii laga reebo askar ay dhaawacyo soo gaareen, balse waxaa dhintay dad badan oo shacab ah, dadka qaar waxaa ku dumay guri dabaq ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhinaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo ka saaraya godadkooda iyo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan dhulka miyiga ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ku cad qoraalka.

“Dagaalka aan kula jirno kooxahan xagjirka ah ma noqon doono mid liidata. Anagoo kaashanayna midnimada dadkeena iyo taageerada saaxiibadayada caalamiga ah, waxaan Soomaaliya ku xaqiijin doonnaa nabad iyo xasilooni waarta,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Dowladda Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in ciidamada qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ay guulo waaweyn gaareen howlgalka ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u safray furimaha dagaalka ayaa isku maray magaalooyinka Aadan-yabaal iyo Moqokori ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, qorshaha madaxweynaha waxaa la sheegay inuu yahay in maalmaha soo socda uu dego Cadale oo dagaalka uu ka hoggaamin doono.

Somaliland oo war ka soo saartay xiriirka kala dhaxeeya maamulka Donald Trump

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in xiriirka Somaliland iyo dowladda Maraykanka ee maamulka madaxweyne Donald Trump uu hadda ku jiro marxalad bilow ah,

Wasiirka carrabka ku adkeeyay in xiriir kasta oo mustaqbalka labada dhinac yeeshaan uu ku salaysnaan doono dano wadaag ah, gaar ahaan himilada dheer ee Somaliland u qabto in la aqoonsado madax-bannaanideeda.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu Isniintii siiyay Idaacadda BBC-da qaybteeda Af Soomaaliga, isagoo tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay koritaanka xiriirka Somaliland iyo Washington.

“Waxaan si aad ah u soo dhaweynaynaa xiriirka noo bilaabmaya ee Somaliland iyo Maraykanka. Xilligan waa xiriir bilow ah, hase yeeshee waxaa muhiim noo ah in xiriirkani noqdo mid ku qotoma danaha labada dhinac oo isu dhow,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Somaliland ay muhiim tahay in xiriir kasta oo ay samaynayso uu noqdo mid ilaalinaya danaha iyo aqoonsiga Somaliland.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya in Somaliland ay aqoonsi ka dalbanayso Maraykanka iyadoo beddel ahaan u oggolaanaysa inuu Maraykanku saldhig militari ka samaysto magaalada Berbera.

Waxa kale oo uu meesha ka saaray warar sheegaya in Somaliland laga codsaday inay martigeliso dad reer Falastiin ah oo laga soo barakiciyay Marinka Gaza.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hore si adag u diiday inay ka wada xaajoodaan hindisayaal ka imanaya Maraykanka ama Israa’iil oo ku saabsan in dib loo dejiyo dadka Falastiiniyiinta ah ee laga soo rarayo Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hore u sheegay in Soomaaliya ay gabi ahaanba ka soo horjeedo hindise kasta oo “wax u dhimaya xuquuqda dadka reer Falastiin ay u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda hooyo.”

Mar uu ka hadlay xiriirka Somaliland iyo Itoobiya, wasiir Cabdiraxmaan wuxuu xaqiijiyay inuu xiriirkaasi yahay mid adag oo aan wax isbeddel ahi ku imaanin.

Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku adkeysanayso inaysan aqbalayn codsiga madax-bannaanida Somaliland, iyadoo sheegtay in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya aysan marnaba noqon karin wax laga wada-xaajoodo.

Shabaab oo afduubay 2 nin, kadibna ku fuliyey dil + Sababta

Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Isniintii meel fagaare ah ku dhagax-dileen nin, mid kalena ay toogteen, kaddib markii labadoodaba, sida ay sheegeen lagu helay dambiga ah inay kufsi kula kaceen gabar ku sugneyd bartamaha Soomaaliya.

Afhayeen ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in labadan nin lagu soo qabtay magaalada Beledweyne, halkaas oo falku ka dhacay. Afhayeenka ayaa sheegay in raggan ay hore uga tirsanaayeen ciidamada taageersan dowladda Soomaaliya ee Macawiisleyda, balse dowladda ayaa arrintaas beenisay, iyada oo ku tilmaantay inay ahaayeen “burcad hubeysan.”

Axmed Ibraahim oo 29 jir ah iyo Yuusuf Cali Baajin oo 22 jir ah ayaa maxkamad ay Al-Shabaab qabatay ka hor qirtay dambiga lagu soo oogay ee kufsiga ah, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maxkamaddu amartay in midkood lagu dilo dhagax-tuur, kan kalena toogasho lagu fuliyo.

Sheekh Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Ibraahim uu ahaa dagaalyahan maleeshiyo-beeleed ah, halka Yuusuf Cali Baajin uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda. Macluumaadkan si madax-bannaan looma xaqiijin karin.

Si kastaba ha ahaatee, taliye sare oo ka tirsan booliska magaalada Beledweyne, Cabdilqaadir Faarax, ayaa sheegay in labada nin aysan wax xiriir ah la lahayn ciidamada dowladda, balse ay ahaayeen burcad hubeysan.

“Labada nin ee ay Al-Shabaab dishay waxay ahaayeen burcad hubeysan oo hore u dilay nin, xaaskiisana kufsaday,” ayuu yiri taliye Faarax, oo la hadlay wakaaladda Reuters. “Wax xiriir ah ciidanka dowladda lama lahayn, waxay ahaayeen kooxo dadka safarka ah ku dhaca agagaarka Beledweyne.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa dilal, karbaashyo, iyo jaridda gacmaha dadka ay ku helaan dambiyada sida tuugnimada, kufsiga, basaaska, iyo sinada, iyadoo mararka qaar xukunnada noocan ah ay sidoo kale ku bartilmaameedsadaan haween iyo carruur.

Hase yeeshee, nidaamka cadaaladda ee kooxdan ayaa mararka qaar su’aalo badan la geliyaa , ayada oo inta abdan eedeysanayaasha aysan helin matalaad sharci ah, sidoo kalena lagu qasbo qirasho dambi, si xukunka loogu fuliyo.

Al-Shabaab, oo xiriir toos ah la leh ururka Al-Qaacida, ayaa muddo dheer dagaal kula jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee taageera, iyadoo ujeedkeedu yahay inay Soomaaliya ku maamusho shareecada Islaamka, gaar ahaan sida ay iyagu u fasirtaan.

Inkastoo Al-Shabaab laga saaray magaalooyinka waaweyn badankood, iyadoo ciidamada Midowga Afrika iyo maleeshiyo-beeleedyada deegaanka ay fuliyeen hawlgallo ka dhan ah kooxda, haddana waxay weli gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ka tirsan miyiga bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Guddiga doorashada oo ku dhowaaqay xilliga doorashada deegaanka ay dhaceyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in dhammaadka bisha Juun la qabanayo doorashada golaha deegaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in guddigu ay la wareegeen qalabkii doorashada loo adeegsan lahaa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay bilaabanayso diiwaan-gelinta dadweynaha, si ay u doortaan hoggaankooda, kadibna loo dareeri doono doorashada.

“Waxaan la wareegnay dhammaan qalabkii doorashada, bisha soo socota waxaa bilaabanaysa diiwaan-gelinta dadweynaha, waxaana noo bilaabmaya doorashada golaha deegaanka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan.

Guddiga doorashooyinka oo weli lagu muransan yahay hanaankii ay ku imaadeen ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa hirgelinta hanaanka doorasho qof iyo cod, iyagoo dhawaan bilaabay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda, inkasta oo ay ganafka ku dhufteen mucaaradka.

Guddiga ayaa ku doodaya inay dalka gaarsiin karaan doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo dadweynaha ku soo dooranayaan hoggaankooda, wallow uu shaki badan ku gadaaman yahay hanaanka doorasho qof iyo codka ah oo si weyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, waxaa isha lagu hayaa sida uu ku dhaqangali doono qorshahan oo looga guurayo nidaamkii codeynta doorashooyinkii dadbanaa ee Soomaaliya wax ku dooraneysay tan iyo sannadkii 2000-kii.

Dagaal ka dhex-qarxay askar Soomaali ah oo Turkiga lagu tababaro + Khasaaraha

Ankara (Caasimada Online) – Dagaal ka dhashay kulan kubadda cagta ah oo dhexmaray ciidamo Soomaaliyeed oo tababar militari ku qaadanaya dalka Turkiga ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan 24 askari, sida ay saraakiisha deegaanka xaqiijiyeen Isniintii.

Bayaan kasoo baxay maamulka gobolka Isparta ayaa lagu sheegay in dagaalku uu ka dhacay xerada ciidamada ee loo yaqaan Gen. Ihsan Alper, halkaas oo ay ciidamada Soomaalidu tababarka ku qaataan.

“Sida lagu helay warbixinada hordhaca ah, 24 askari oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka, waxaana dhammaantood loo qaaday isbitaallada magaalada. Xaaladdooda caafimaad ayaa guud ahaan deggan marka laga reebo laba askari,” ayaa lagu yiri bayaanka maamulka gobolka.

Maamulka gobolka ayaa sidoo kale sheegay inaanu hadda jirin walaac amni oo ku saabsan xerada, balse ay socdaan baaritaanno maamul iyo sharci ah oo ay wadaan hay’adaha ku shaqada leh.

Guddoomiyaha gobolka Isparta, Cabdullaahi Erin, ayaa booqday askarta dhaawacantay ee lagu dabiibayo isbitaalka Jaamacadda Süleyman Demirel. Isagoo warbaahinta la hadlayay ayuu xaqiijiyay in ciidamo Soomaali ah ay kamid yihiin askarta lagu tababaro xerada ciidamada gaarka ah ee magaalada Isparta.

“Dagaalku wuxuu dhacay kaddib markii ay askarta Soomaaliyeed isku khilaafeen ciyaar kubadda cagta ah,” ayuu yiri Erin. “Ciidamadeena waxay si dhaqso ah u soo faragaliyeen xaaladda, waxaana dhaawacyo fudud soo gaareen askarta Soomaaliyeed qaarkood iyo ciidamadeenii soo kala dhexgalay.”

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay markiiba soo gaareen goobta, kooxaha caafimaadkana ay dhaawaca u qaadeen labada isbitaal ee magaalada—Isbitaalka Magaalada ee Isparta iyo Isbitaalka Jaamacadda Süleyman Demirel.

“Inta badan askarta dhaawacmay waxaa lagu daaweeyay isbitaallada, kadibna waa laga saaray. Laba askari oo Soomaali ah oo xaaladoodu culus tahay ayaa wali ku jira isbitaalka, iyagoo helaya daryeel caafimaad oo gaar ah. Waxaan rajaynaynaa inay si dhaqso ah u soo caafimaadaan,” ayuu yiri Erin.

Dalka Turkiga, oo kamid ah xubnaha muhiimka ah ee NATO, ayaa xiriir aad u dhow la leh Soomaaliya, wuxuuna taageero muhiim ah ka siiya dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga amniga iyo ciidanka.

Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ku leh saldhigga militari ee ugu weyn oo ay dibadda ku leeyihiin, halkaas oo ay ku tababareen in ka badan 5,000 oo askari Soomaali ah. Waxaa intaa dheer in ciidamo badan oo Soomaali ah ay tababarro militari ku qaataan gudaha dalka Turkiga.

Xasan oo gaaray Adan Yabaal xilli DF ay heshay garab weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmi doono saraakiisha ciidanka ee hoggaamineysa howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Waxaa degmada Aadan Yabaal in muddo ah ku sugnaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Korneyl Shuute oo halkaas ka waday dardar-gelinta howlgalada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada.

Intaas kadib, madaxweynaha ayaa u gudbi doona degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo sidoo kale kula kulmi doono saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo hoggaanka Macawiisley.

Howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu laba-jibaarmo, iyadoo maanta Muqdisho soo gaartay diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Turkiga sameeyay ee Akinci oo ka qeyb qaadan doonta howlgaladaas.

Haddaba maxay tahay diyaaradda Akinci?

Diyaaradan ayaa waxay si xiriir ah u duuli kartaa illaa 25 saac, iyadoo qaadi karta gantaalo culeyskoodu gaarayo illaa 1,500 oo kiilo.

Waxay halkii mar xambaari kartaa illaa 8 gantaal, waxayna duuli kartaa masaafo dhan 7,500 oo kilomitir (Xamar intay ka duusho ayay Cape Town, South Africa soo duqeyn kartaa, kadibna Xamar kusoo laaban kartaa).

Diyaaradan ayaa halkii xabo qiima ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay gaari karto illaa 8 milyan oo doolar. Waxaana dowladda Soomaaliya usoo iibisay dowladda Qatar oo Turkiga uga dalabtay.

Si kastaba, diyaaradan ayaa ah mid awood u leh inay burburiso bartilmaameed walba, waxayna door muhiim ah ka qaadan doonta dagaalka Al-Shabaab, iyadoo ka barbar dagaalami doonta geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Inside Somalia’s reshuffle: UAE pressure, Turkey focus

Mogadishu (Caasimada Online) – Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre has executed a notable cabinet reshuffle, impacting as many as five ministries within the Federal Government.

The ministers of Defense, Abdulkadir Mohamed Nur (Jama); Commerce, Jibril Abdirashid Haji; and Ports and Maritime Transport, Mahamud Ahmed Adan (Geesood), have been reassigned to different portfolios.

Meanwhile, the ministers of Aviation and Air Transport, Fardawso Osman Egal, and Youth and Sports, Mohamed Barre Mohamed, have been relieved of their duties.

Abdulkadir Mohamed Nur (Jama), the longest-serving minister since the re-establishment of the Somali government following the Arta Conference, has been moved from his post.

However, sources suggest he retains significant influence within President Hassan Sheikh’s administration, having been appointed to the Ministry of Ports and Maritime Transport.

This reshuffle, occurring just days after the President’s visit to the United Arab Emirates (UAE), is reported to carry four key messages: fulfilling promises made to the UAE, prioritizing relations with Turkey and implementing the Ankara Communiqué, and signaling a further cabinet shake-up on the horizon.

Fulfilling UAE commitments

President Hassan Sheikh’s recent trip to the UAE, for which the Presidential Palace has yet to issue an official statement, reportedly focused on securing the resumption of financial aid previously provided by the Emirates to Somalia.

According to well-informed sources, the UAE had previously suspended financial support to the Somali army following the incident at the General Gordon military camp in Mogadishu, citing concerns over financial management.

However, they have now reportedly pledged to reinstate this support on the condition of changes within the leadership of the Ministry of Defense.

This condition appears to have been swiftly met, although the resolution of the ongoing dispute between Jubbaland and the central government remains another crucial prerequisite for the continuation of UAE financial assistance.

Furthermore, the change at the Ministry of Defense is not solely attributed to UAE concerns.

A decline in cooperation between the United States and the Ministry of Defense also reportedly compelled the President to make what was described as an unwelcome decision to remove a close ally from his inner circle.

Prioritizing relations with Turkey

Another significant aspect of the reshuffle is the implementation of the Ankara agreement between Somalia and Ethiopia.

Prime Minister Abiy Ahmed’s visit to Mogadishu and the subsequent joint communiqué outlined cooperation between the two nations in developing economic infrastructure, with State Minister for Foreign Affairs Ali Omar (Bal’ad) confirming that Ethiopia would be granted access to a port on the Indian Ocean.

The Ministry of Ports has now been entrusted to a minister known to have strong ties with the Turkish government. This development coincides with ongoing technical meetings between Somalia and Ethiopia to operationalize the Ankara agreement.

The expectation is that the new minister will foster confidence with Turkey to advance the development of key ports for Ethiopia, such as Garacad and Hobyo.

Fifth clan and women’s representation

Attention is also drawn to the dismissal of Aviation Minister Fardawso Osman Egal, a move that further weakens the representation of women within the government.

This follows previous political controversy surrounding the appointment of Armed Forces General Bashir Mohamed Jama (Goobe) to the Ministry of Women’s Affairs.

Moreover, the allocation of positions for the “Fifth Clan” appears to be a low priority for the government.

The replacement of Youth and Sports Minister Mohamed Barre Mohamed with Mohamed Abdulkadir Ali, who shares the same clan affiliation as the First Deputy Speaker of Parliament, Sacdiyo Yasin Haji, underscores this.

The new minister also has ties to the President’s family, further fueling accusations of nepotism and favoritism directed at the Presidential Palace.

Completing the reshuffle

Reliable sources indicate that another cabinet reshuffle, affecting the Ministries of Foreign Affairs, Interior, Internal Security, and Minerals and Petroleum, is anticipated in the coming weeks.

Former Petroleum Minister Abdirisaaq Omar Mohamed is expected to be reappointed to a different ministerial role.

This move is reportedly the result of efforts by the Speaker of Parliament, Adan Madobe, his First Deputy, Sacdiyo Yasin, and the Parliament’s Chief Whip, Nuuh, all of whom are close allies of Minister Abdirisaaq and have agreed to shield the Presidential Palace from potential pressure from the legislative body.

Ultimately, the Presidential Palace has adopted a strategy of appeasing multiple stakeholders, aiming to achieve several objectives with a single move, including satisfying the UAE, maintaining strong relations with Turkey, and preempting potential challenges from Parliament.

The question now remains how President Hassan Sheikh will reconcile keeping both the National Intelligence and Security Agency (NISA) Director, Abdullahi Sambalooshe, and the former Petroleum Minister, Abdirisaaq Omar Mohamed, within his inner circle.

La-taliyaha madaxweynaha oo war kasoo saaray badqabka Xasan kadib qaraxii saaka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu badqabo kadib qarax maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhacay isgoyska Ceel-gaabta, xilli uu magaalada Muqdisho ka ambabaxayay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaan geysan wax khasaare ah, waxaana lagu soo warramayaa inuu ahaa miino lagu aasay dhinaca laamiga.

La-taliye Xuseen ayaa “been abuur la buunbuuniyay” ku tilmaamay wararka laga faafiyay qaraxan iyo dacaayadda laga sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa badqabaa, wuxuuna ku guda jiraa safarro uu ugu kuurgalayo hawlgallada barakaysan oo ay gobollada dalka ka wadaan Ciidamada Xoogga Dalka, iyagoo taageero buuxda ka helaya shacabka deegaanka,” ayuu yiri Xuseen Sheekh oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Waxa uu intaas ku sii daray: “Naflacaarinimo iyo been la buunbuuniyo qarankan laguma cabsi gelin karo.”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u ambabaxay jiidaha hore ee dagaalka si uu garab-istaag ugu muujiyo geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka.

Inta uu madaxweynuhu ku sugan yahay furimaha dagaalka, waxa uu u kuurgeli doonaa xaaladda ciidamada, isagoo warbixino ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaamiyeyaasha horkacaya dagaalka.

Tegitaanka madaxweynaha ee furimaha dagaalka ayaa imaanaya xilli ay maalmihii dambe kooxda Al-Shabaab muujineysay inay duullaan tahay, isla markaana ay beddeshay taatikadeedii ahayd weerarada gaadmada ah iyo “ku dhufo ka dhaqaaqda.”

Kadib xil ka qaadistii Jaamac, Xamza oo isbeddel kale ku sameeyay wasaarada difaaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo culus oo la xiriirta Wasaaradda Gaashaandhigga, taas oo hadda lagu sameeyay isbeddel ballaaran.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa maanta Agaasime Guud oo cusub u magacaabay Wasaaradda Difaaca dalka, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Cabdinaafic Axmed Cabdullaahi inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS,” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay Wasiir cusub u magacaabay Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo xilkaas u dhiibay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo hore u ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, halka Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac loo beddelay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa muddooyinkii dambe wajahayay cadaadis xooggan oo uga imaanayay dhinaca wakiillada caalamka, gaar ahaan dowladda Mareykanka.

Intii uu xilka hayay, wasiirku wuxuu la kulmay dhaleeceyn xooggan, iyadoo si gaar ah loo naqdinayay habka uu u wajahayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn aqbalay cadaadiskii Mareykanka ee ahaa in Wasiir Cabdulqaadir laga beddelo Wasaaradda Gaashaandhigga, arrintaas oo muddo ay dowladda Soomaaliya ka biyo diideysay.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn ugu xirnaa dowladda Turkiga oo la rumeysan yahay inay muddo badan taageero u ahayd joogitaankiisa xilka. Hase yeeshee, hadda waxaa muuqata in dowladda federaalka ay dooratay inay sii xoojiso xiriirka kala dhexeeya Mareykanka.

Isbeddallada lagu sameeyay hoggaanka sare ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan cadaadiska iyo baahida loo qabo hoggaan wax ku ool ah oo horkaca dagaalka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dagaal ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta ka dhacay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka kala tirsan qeybaha ammaanka, gaar ahaan ciidamada booliska iyo kuwa Nabad Sugidda (NISA), wuxuuna dagaalku si gaar ah uga dhacay xaafadda Sanca ee degmada Yaaqshiid, sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday dagaalka, oo laba kamid ah ay ahaayeen askar labada dhinac ka tirsan, halka qofka kalena uu ahaa shacab goobta ku sugnaa.

Lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay isku-dhaca labada ciidan, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah, iyadoo maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanku aysan wali arrintan ka hadlin.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana dib u soo noqday dhaq-dhaqaaqii ganacsiga, dadka iyo gaadiidka ee xaafadda Sanca.

Mararka qaar ayay ciidamada dowladda dhexdooda isku dhacaan gudaha caasimadda, taas oo sababta khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaara ciidanka iyo shacabka magaalada.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli magaalada Muqdisho laga dareemayo xaalad ammaan oo feejignaan leh, kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay soo gaareen deegaanno u dhow caasimadda sida Ceelasha Biyaha, iyadoo sidoo kale xalay dhaq-dhaqaaqyadooda lagu arkay waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad.

Daawo: Turkiga oo maanta Soomaaliya keenay diyaarado dagaal oo casri ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tallaabo cusub oo dowladda Turkiga ay qaaday si ay u xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya, iyadoo taageero dhinaca cirka ah siinaysa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dowladda Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dejisay diyaarado dagaal oo casri ah oo aan duuliye lahayn, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Akıncı, sida laga xaqiijiyay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Diyaaradahan dagaalka oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa la sheegay inay yihiin kuwa casri ah oo aan duuliye lahayn (drones), gaar ahaan nooca Akınci, waxaana Turkigu u qorsheeyay inay si buuxda qeyb uga noqdaan hawlgallada ciidamada Soomaaliya ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Ujeedada diyaaradaha cusub ayaa lagu sheegay in lagu taageero ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, iyadoo Turkiga uu yahay dalka koowaad ee Soomaaliya ka caawiya tayaynta ciidamada qalabka sida iyo hawlgalladooda amni.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa intaas ku daraya in diyaaradahan cusub ee Akınci ay yihiin kuwa awood sare leh oo qaadi kara hubka culus iyo gantaallada ridada dheer leh sida SOM cruise missiles, Gökdoğan iyo Bozok, iyo sidoo kale bambooyinka nooca MK-82.

Turkiga ayaa tallaabadan uga gol leh inuu xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya, isagoo sii ballaarinaya taageeradiisa hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasoo muddooyinkii dambe kordhisay weerarada iyo dhaqdhaqaaqyada ka dhacayey deegaannada ku dhow caasimadda.

Diyaaradahan ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyay noocooda oo si rasmi ah uga hawlgala Soomaaliya, iyadoo markii hore ciidamada Soomaaliya ay adeegsanayeen diyaaradaha kale ee Turkiga sida nooca Bayraktar TB2 oo muddooyinkii dambe si weyn looga adeegsanayay hawlgallada gudaha dalka.

Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay inay si weyn ugu tiirsan tahay taageerada dowladda Turkiga oo ah saaxiib muhiim ah oo tababaro iyo qalab militari siiya ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale haatan ay sii kordhayso kaalinta Mareykanka iyo Itoobiya ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo ka geystay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xarunta ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan cusub ayaa kusoo aadaysa xilli kooxda Al-Shabaab ay sii kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda ku aaddan caasimadda iyo deegaanno ku dhow sida Ceelasha Biyaha iyo waddada xiriirisa Muqdisho iyo degmada Balcad, taasoo kordhisay dareenka amni ee magaalada Muqdisho.

Maleeshiyada Al-Shabaab oo soo galay waddada Balcad iyo dagaal culus oo qarxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal saaka ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, gaar ahaan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo ka kala yimid Muqdisho iyo Balcad ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo habeenkii xalay ahaa soo galay waddada dheer ee xiriirisa labada magaalo.

Dagaalka labada dhinac ayaa yimid markii ciidamada dowladda oo ka kala yimid Muqdisho iyo Balcad ay isku dayeen inay waddada ka saaraan maleeshiyada Al-Shabaab, taasoo keentay inuu dagaal xooggan ka dhex qarxo labada dhinac.

Inta la xaqiijiyay, waxaa dagaalka ku dhintay ugu yaraan saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda, halka qofka kalena uu ahaa shacab goobta ku sugnaa.

Goobjooge ku sugan deegaanka dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay isku dayeen inay ka hortagaan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo soo gaaray agagaarka deegaanka loo yaqaan Aargada Hareeri Caadle, waxaana halkaasi labada dhinac isku weydaarsadeen rasaas xooggan iyo madaafiic.

“Shabaab ayaa xalay soo galay meel lagu magacaabo Aargada Hareeri Caadle, ciidamada dowladdana saaka ayay soo gaareen goobtaas. Dagaalku waa xooggan yahay, madaafiic ayaa la isku garaacayaa, dadka deegaanka qaarkood waa barakaceen,” ayuu yiri goobjooge deegaanka ah oo la hadlay warbaahinta.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray: “Ilaa hadda waxaan xaqiijinnay dhimashada saddex qof oo laba askar yihiin iyo qof shacab ah. Dagaalku wali wuu socdaa, xaaladduna waa mid aad u kacsan.”

Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka dowladda oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda iyo xaaladda guud ee amniga deegaankaas.

Xaaladda ayaa hadda deggen, waxaana dib ugu soo laabtay dhaq-dhaqaaqii dadka iyo gaadiidka deegaanka Sanca, balse waxaa wali jira dareen cabsi ah oo laga qabo inuu dagaalku dib u qarxo.

Dhowaan ayay ahayd markii sidan oo kale dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda uu ka dhacay degmada Cabdicasiis, gaar ahaan xaafadda Neero, kaas oo sabab u ahaa muran ka dhashay lahaanshaha dhul ku yaalla deegaankaas.

Dhanka kale, dagaalka maanta dhacay ayaa kusoo aadaya iyadoo haatan magaalada Muqdisho ay wajahayso xaalad amni oo culus kadib markii dagaalyahannada Al-Shabaab ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada ka socda duleedka caasimadda, gaar ahaan Ceelasha Biyaha iyo waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad.

Amb. Wondomu Asamenew: Dhiig badan oo Itoobiyaan ah ayaa ku jira Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey Muqdisho, Ambassador Wondimu Asamnew, ayaa kamid noqday mas’uuliyiinta Itoobiyaanka ah ee warbaahintu wareysatay, isagoo si xiiso leh uga hadlay marxaladihii uu soo maray Axmed Madoobe ka hor intii uusan noqon Madaxweynaha Jubaland.

“Dhiig badan oo Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay. Waxaan kuu sheegayaa inuu dhiig Itoobiyaan leeyahay,” ayuu si kaftan leh u yiri safiirkii Itoobiya u joogay Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam oo muddo 12 sano ah ahaa Madaxweynaha Jubaland ayaa kamid ahaa hoggaamiyeyaashii Maxkamadaha Islaamka.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhaawacay, waxaana lagu soo daweeyay magaalada Addis Ababa.

Sida uu sheegay Ambassador Wondimu Asamnew, Axmed Madoobe isagoo dhaawac ah ayaa ciidamada Itoobiya qabteen 19 sano kahor markii ay soo galeen Soomaaliya.

Xilligaas wuxuu kamid ahaa madaxda Al-Shabaab, waxaana raadinayey dalalka Itoobiya iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku daray liiska dadka la raadinayo, isagoo dhaawac ka soo gaaray duqeyn diyaaradeed oo Mareykanku qaaday.

Ciidamada Itoobiya ee howlgalka waday ayaa sheegay in aysan ujeedkoodu ahayn dilkiisa balse ay doonayeen inay qabtaan isagoo nool, sida uu BBC-da u sheegay Kornayl Gebre Egziabher Alemseged oo hoggaaminayay howlgalka lagu qabtay Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe wuxuu ahaa taliye ka horyimid ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya soo galay si ay u taageeraan dowladdii Kumeel-gaarka ahayd.

Taliskii Raas-Kambooni oo Axmed hoggaaminayey waxaa markii hore sameeyay ururkii Al-Itixaad, balse Maxkamadihii Islaamka ayaa ka dhigay garab militari.

Axmed Madoobe ma ahayn oo keliya mas’uul sare oo ka tirsan Al-Shabaab balse wuxuu mar ahaa qofka labaad ee ugu sarreeya.

Axmed Madoobe wuxuu sannadihii 1980-aadkii ku biiray ururka Al-Itixaad oo ahaa ururkii dhalay Al-Shabaab.

Sannadkii 2006 ayay ahayd markii Maxkamadaha Islaamka ay qabsadeen Muqdisho, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Qaar kamid ah xubnaha maxkamadaha ayaa doonayay inay sameeyaan garab mintid ah, iyagoo aaminsanaa in Maxkamadaha aysan dhab ka ahayn jihaad, taas ayaana dhalisay Al-Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa loo doortay hoggaamiye ku-xigeenka ururka Al-Shabaab.

Kornayl Gebre Egziabher Alemseged waa sarkaalkii markii Axmed Madoobe dhaawaca ahaa la qabtay diyaarad ku geeyay Addis Ababa.

“Axmed Madoobe waxay ciidamada Itoobiya u jabiyeen hab qalbi-jab ah,” ayuu yiri kornayl Gebre.

Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu dagaalka hoggaaminayay laga soo billaabo Jubooyinka ilaa Baydhabo.

Janaraal Gebre Dilla iyo Kornayl Gebre Egziabher ayaa hoggaaminayay ciidamadii Itoobiya ee qabtay Axmed Madoobe.

“Waxaa nalagu amray inaan qabanno oo aannaan dilin,” ayuu yiri kornayl Gebre Egziabher.

Wuxuu intaa ku daray, “waxaan ku dadaalnay inaan qabanno isagoo nool, wuxuuna dagaallamay ilaa uu dhaawacmay.”

Ugu dambeyn Axmed Madoobe sideed xabadood ayaa haleelay, isagoo si halis ah loogu dhaawacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay, waxaana la qabtay isagoo dhaawac halis ah qaba.

Kornaylka ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ahaa qofka keliya ee ka badbaaday siddeed qof oo la socotay.

“Aniga ayaa helikobtar ku qaaday oo geeyay Addis Ababa,” ayuu yiri Kornayl Gebre.

Warbaahinta Koonfur Afrika, gaar ahaan joornaalka Mail & Guardian, ayaa xilligaas qoray in Itoobiya ay soo bandhigtay Axmed Madoobe oo ahaa hoggaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab.

Raggii xilligaas la dilay waxaa kamid ahaa Abu Talha al-Sudani oo ahaa hoggaamiyihii Al-Qaacida ee Bariga Afrika, kaasoo aad ugu dhowaa Osama bin Laden, kuna xeel-dheeraa sameynta qaraxyada.

Kornayl Gebre iyo Ambassador Wondimu ayaa xaqiijiyay in Abu Talha lagu dilay weerar ay qaadeen ciidamada Itoobiya.

Ra’iisul Wasaarihii Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in madax badan oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka ay kasoo jeedeen ururkii Al-Itixaad oo Itoobiya dhibaato ku hayay.

Al-Itixaad ayaa Itoobiya ka fuliyay weeraro badan, sida qarax ka dhacay suuq ku yaal Diridhaba sannadihii sagaashamaadkii oo ay ku dhinteen 15 qof.

Ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya ka baxay 2009 iyagoo sheegay inay burburiyeen khatartii argagixisada, inkastoo kooxda Al-Shabaab awood cusub yeelatay.

Axmed Madoobe oo muddo labo sano ah joogay Addis Ababa ayaa lagu daaweeyay isbitaalka ciidamada Itoobiya.

“Dhiig Itoobiyaan ah ayaa lagu shubay, dadaal weyn ayaana lagu badbaadiyay,” ayuu yiri Ambassador Wondimu isagoo dhoollacadeynaya.

Ambassador Wondimu ayaa sheegay in Axmed Madoobe ku hadli karo luqadda Axmaariga, inkastoo ay ku adagtahay.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Axmed Madoobe xirnaa, balse kornaylka iyo safiirka ayaa beeniyay arrintaas.

“Ujeedkeenu wuxuu ahaa inaan ka dhignno saaxiib, ee kuma xalineyn Soomaaliya xarig,” ayuu yiri safiirka.

Axmed Madoobe ayaa guursaday haweeney Itoobiyaan ah intuu Addis joogay, isagoo halkaas cunug loogu dhalay.

Ujeedka Itoobiya waxay ahayd in la beddelo fikirkiisa, kana horjeesto Al-Shabaab, ayuu yiri Kornayl Gebre.

Axmed ayaa kulamo joogto ah la yeelan jiray Meles Zenawi, wasiirkiisa arrimaha dibadda Seyoum Mesfin iyo wasiirkii caafimaadka Tedros Adhanom.

“Waxaa naga go’nayd in fakarka xagjirnimada laga saaro, Axmedna waa aqbalay,” ayuu yiri kornaylku.

Axmed Madoobe ayaa markaas kadib saaxiib dhow la noqday Itoobiya iyo Kenya, iyadoo labada dal ay taageereen inuu Madaxweynaha Jubaland noqdo.

Ambassador Wondimu ayaa sheegay in xiriirka Axmed Madoobe iyo Itoobiya uu ahaa mid labada dhinac dani ugu jirto.

Xiriirkaas ayaa sii xoogaystay markii uu Itoobiya Ra’iisul wasaare ka noqday Abiy Axmed.

Xigasho: BBC

Badalidda Jaamac, ballamihii Imaaraadka, suurta-galnimada in la soo celiyo Cabdirisaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa isku shaandhayn taabatay illaa shan wasaaradood ku sameeyay golihiisa wasiirrada.

Wasiirrada Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Ganacsiga Jibriil Cabdirashiid Xaaji, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), ayaa loo kala beddelay xilalkooda; halka Wasiiradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Fardawso Cismaan Cigaal iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre Maxamed xilalka laga qaaday.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ahaa wasiirkii ugu muddada dheeraa tan iyo dib-u-yagleeliddii dowladda Soomaaliyeed ee Shirkii Carta, ayaa xilka laga wareejiyay, balse weli wuxuu haystaa furaha muhiimka ah ee sii ahaanshihiisa maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo lagu maslaxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Inkastoo isku shaandhayntani timid maalmo un kaddib safarkii uu madaxweynuhu ku tegay Imaaraadka Carabta, waxay xanbaarsan tahay afar fariimood oo muhiim ah: fulinta ballamaha Imaaraadka, mudnaan-siinta xiriirka Turkiga iyo dhaqangelinta Baaqii Ankara, iyo isku shaandhayn kale oo jidka ku soo jirta.

Fulinta ballamaha Imaaraadka

Safarkii aan weli Madaxtooyadu wax war ah kasoo saarin ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Imaaraadka, waxaa uu kala hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen dowladda.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo xog-ogaal ah, Imaaraadka Carabta ayaa hore u hakiyay taageeradii dhaqaale ee ciidanka Soomaaliya kadib dhacdadii Xerada Janaraal Gordon ee Muqdisho, iyadoo ay ka cabanayeen hab-maamulka lacagahaas. Balse waxay hadda ballanqaadeen inay dib u bilaabayaan taageeradaas haddii wax-ka-beddel lagu sameeyo maamulka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ballanqaadkaas ayaa durba u muuqda inuu dhaqangelay, inkastoo soo afjaridda khilaafka Jubbaland iyo dowladda dhexe uu yahay shuruud kale oo muhiim u ah sii socoshada kaalmadaas dhaqaale ee Imaaraadka.

Si kastaba, isbeddelka Wasaaradda Gaashaandhigga kuma koobna oo keliya tabashada Imaaraadka, balse waxaa jiray hoos-u-dhac ku yimid wada shaqayntii Mareykanku la lahaa Wasaaradda Difaaca, taas oo Madaxweynaha ku qasabtay inuu qaato go’aan aanu raalli ka ahayn oo ah in wasiirkii ugu dhawaa hoostiisa lagala baxo.

Mudnaan-siinta xiriirka Turkiga

Arrin kale oo muhiimad gaar ah leh ayaa ah dhaqangelinta heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Booqashadii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee Muqdisho iyo war-murtiyeedkii kasoo baxay ayaa lagu sheegay in labada dal ay iska kaashan doonaan dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Cali Cumar (Balcad) xaqiijiyay in Itoobiya la siin doono deked laga adeegsado Badweynta Hindiya.

Haatan Wasaaradda Dekedaha ayaa loo dhiibay wasiir xiriir wanaagsan la leh dowladda Turkiga. Tan ayaa kusoo aadaysa iyadoo Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin kulamo farsamo oo lagu hirgelinayo heshiiskii Ankara, waxaana la filayaa inuu wasiirka cusub soo jiido kalsoonida dowladda Turkiga, si loo horumariyo dekedaha muhiimka u ah Itoobiya sida Garacad iyo Hobyo.

Saami-qaybsiga beesha Shanaad iyo haweenka

Waxaa sidoo kale muhiim ah in fiiro gaar ah loo yeesho qaabka dowladda Soomaaliya ay xilka uga qaaday Wasiiraddii Duulista Hawada Fardawso Cismaan Cigaal, taasoo sii wiiqaysa matalaadda haweenka ee dowladda. Hore waxaa buuq siyaasadeed u abuuray markii Jeneraalka Ciidamada Qalabka Sida, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe), loo magacaabay Wasaaradda Haweenka.

Sidoo kale, saami-qaybsiga Beesha Shanaad ayaa muujinaysa in dowladda aanay ahmiyad siin, kaddib markii Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Barre Maxamed xilkiisa loo dhiibay Maxamed Cabdulqaadir Cali, kaas oo isku saami yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji. Wasiirka cusub ayaa sidoo kale xidid la ah qoyska Madaxweynaha, taas oo sii xoojinaysa eedaymaha ku saabsan xigteysiga iyo qaraabo-kiilka ee Madaxtooyada lagu eedeeyo.

Dhamaystirka isku shaandhaynta

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in isku shaandhayn kale oo taabanaysa Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Amniga Gudaha iyo Macdanta iyo Batroolka la filayo toddobaadyada soo socda. Waxaa la filayaa in wasiirkii hore ee Batroolka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, dib loogu soo magacaabo wasaarad kale.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid ay ka shaqeeyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, ku-xigeenkiisa koowaad Sacdiyo Yaasiin iyo Habdhowraha Golaha Shacabka, Nuux, kuwaas oo dhammaantood saaxiib dhow la ah wasiir Cabdirisaaq, kuna heshiiyay in Madaxtooyada laga ilaaliyo culays kaga yimaada Golaha Shacabka.

Ugu dambayn, Madaxtooyadu waxay qaadatay siyaasadda qancinta dhinacyada badan, iyadoo hal dhagax ku disha dhawr shimbirood sida qancinta Imaaraadka, dhawrista xiriirka Turkiga iyo ka hortagga culaysyada kaga iman kara Golaha Shacabka. Waxaa haddaba isweydiin mudan sida Madaxweyne Xasan Sheekh uu isku dambiil ugu wada hayn doono Taliyaha Nabadsugidda Cabdullaahi Sambalooshe iyo Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Xog: 274 oo Kenyan ah oo lagu dilay Sacuudi Carabiya – Baaritaanka New York Times

Jeddah (Caasimada Online) – Ugu yaraan 274 shaqaale Kenyan ah, oo intooda badan haween ah, ayaa ku dhintay Sacuudi Carabiya shantii sano ee la soo dhaafay, inkasta oo ay ahaayeen shaqaale da’yar oo ka shaqeynayay howlo aan halis ahayn, sida lagu sheegay warbixin uu The New York Times daabacay Axaddii.

Sidoo kale, tiro badan oo shaqaale Ugandan ah ayaa ku dhintay boqortooyada, hase yeeshee dowladda Uganda ma sii dayso tiro rasmi ah oo la xiriira dhimashada muwaadiniinteeda.

Sanad kasta, kumannaan haween Kenyan iyo Ugandan ah ayaa u safra Sacuudi Carabiya si ay uga shaqeeyaan shaqooyinka guryaha, sida adeegtooyin iyo xannaanayeyaasha carruurta.

Hase yeeshee, qaar badan oo ka mid ah waxay dib ugu soo laabanayaan iyagoo la kulmay xadgudubyo waaweyn, sida mushahar la’aan, xarig, jirdil, gaajo, iyo kufsi. Kuwo kalena waxay dib ugu soo noqdeen mayd, iyagoo lagu keenay qabriyo furan.

Dhimashooyin lagu xukumay ‘sababo dabiici ah’

Dadka dhintay, markii la baaray meydadkooda, waxa laga helay calaamado muujinaya jirdil culus, sida gubasho, koronto la marsiiyay, iyo feer jaban, hase yeeshee mas’uuliyiinta Sacuudiga waxay dhimashooyinkaas u aqoonsadeen “sababo dabiici ah”.

Eunice Achieng, oo ahayd adeegto Kenyan ah, ayaa 2022 u yeertay qoyskeeda, iyada oo u sheegtay in ninkeedii shaqada uu u hanjabay kuna yiri: “Waan ku dili doonaa, kadibna waxaan kugu tuuri doonaa haanta biyaha.”

Maalmo kaddib, meydkeeda waxaa laga helay haan biyood oo saqafka guriga saarneyd. Booliska Sacuudiga waxay kiiskeeda ku tilmaameen “geeri dabiici ah”.

Aisha Meeme, oo ahayd shaqaale Ugandan ah, waxaa la helay meydkeeda iyadoo ay ka muuqdaan garaacyo culus, saddex feer ah oo jaban, iyo calaamado muujinaya in koronto la marsiiyay dhegaha, gacmaha, iyo lugaha. Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga waxay ku andacooday in ay “si dabiici ah u dhimatay”.

Faridah Nassanga, oo ahayd adeegto kale oo Ugandan ah, waxaa kufsaday ninkii guriga ay ka shaqeynaysay. Waxay uur qaadday, waxaana loo diray Uganda iyada oo aan wax xuquuq ah la siin. Hadda, waxay dooneysaa in la siiyo magdhow.

Musuq-maasuqa xooggan ee ka jira xafiisyada shaqaaleysiinta

The New York Times waxay wareysatay in ka badan 90 shaqaale iyo qoysaska dadka dhintay, iyagoo baaritaan ku sameeyay xiriirka mugdiga ah ee u dhexeeya shirkadaha shaqaaleysiinta iyo mas’uuliyiinta sare ee Kenya, Uganda, iyo Sacuudiga.

Baaritaanka wuxuu muujiyay in dad saameyn weyn leh ay leeyihiin shirkadaha shaqaaleysiinta, iyagoo ka macaashaya safarrada haweenka loo diro Sacuudi Carabiya:

Qoysaska Boqortooyada Sacuudiga, oo ay ku jiraan dhaxal-sugayaashii Boqor Faisal, waxay maal-gelin ku leeyihiin shirkadaha shaqaaleysiinta ee keenaya shaqaalaha ajnabiga ah.

Mas’uul sare oo ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha ee Sacuudiga, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda maalgashiga, iyo la-taliyayaal dowladeed ayaa dhamaantood door hoggaamineed ku leh shirkadaha shaqaaleysiinta.

Siyaasiyiin reer Kenya iyo Uganda ah, iyo qoysaskooda, ayaa sidoo kale leh shirkado shaqaaleysiin, taasoo ka dhigaysa inay indhaha ka qarsadaan tacaddiyada lagu hayo shaqaalaha ay direen.

Maxay dalal kale sameeyeen oo Kenya iyo Uganda ka gaabiyeen?

Dalal kale oo shaqaale u dira Sacuudiga ayaa la gaaray heshiisyo ay ku xaqiijinayaan in muwaadiniintooda helaan ilaalin sharci ah, mushahar joogto ah, iyo xuquuqdooda shaqo. Hase yeeshee, sida warbixintu xustay, Kenya iyo Uganda waxay ku guuldareysteen inay la galaan Sacuudiga heshiisyo noocaas ah, taasoo halis gelisay nolosha kumannaan haween ah.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Kenya wuxuu sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixinayso ilaalinta shaqaalaha, islamarkaana ay bilaabayso in ay xayirto shirkadaha shaqaaleysiinta ee aan sharciyeysneyn.

Dhanka kale, afhayeen u hadlay wasaaradda shaqada ee Sacuudiga wuxuu sheegay: “Nooc kasta oo xadgudub ama dhibaato loo geysto shaqaalaha guryaha waa wax aan la aqbali karin, waana la baarayaa eedeymaha noocaas ah.”

Warbixintani waxay banaanka soo dhigtay xaaladda murugsan ee shaqaalaha ajnabiga ah ee ka shaqeeya Sacuudiga, gaar ahaan haweenka Kenya iyo Uganda.

Hadda, su’aasha taagan ayaa ah: Dowladaha Kenya iyo Uganda ma qaadi doonaan tallaabo dhab ah oo lagu joojinayo tacaddiyada ka dhanka ah muwaadiniintooda, mise xadgudubyadu way sii socon doonaan iyadoo la eegayo danaha ganacsiga iyo siyaasadda?

Tallaabooyinka deg-degga ah ee la qaadi karo 

  1. In la xoojiyo heshiisyada shaqada si loo hubiyo in shaqaalaha ajnabiga ah helaan mushahar joogto ah, ilaalin sharci ah, iyo xuquuqo aadanimo.
  2. In la baaro shirkadaha shaqaaleysiinta ee ku lug leh xadgudubyada, islamarkaana la ciqaabo kuwa mas’uulka ka ah dhimashada shaqaalaha.
  3. In la xoojiyo wacyigelinta shaqaalaha ka hor inta aysan ka ambabixin Kenya ama Uganda, si ay u fahmaan xuquuqdooda iyo halista suurtagalka ah ee ka hor imaan karta.
  4. In laga shaqeeyo hab ay shaqaaluhu si fudud ugu dacwoon karaan haddii ay la kulmaan xadgudub, islamarkaana ay helaan caawimaad degdeg ah.
  5. In la helo gorgortan qaran oo adag oo lagula xisaabtamo dowladda Sacuudiga si loo hubiyo in baaritaanno cadaalad ah lagu sameeyo shaqaalaha dhintay.

Inta la sugayo wax ka qabashada rasmi ah, kumannaan haween ah oo u socda shaqo raadis Sacuudiga ayaa weli la kulmaya khataraha tacaddiyada, iyagoo aan haysan wax damaanad ah oo lagu ilaaliyo xuquuqdooda iyo badqabka noloshooda.

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubaty doon kale iyo waddanka laga leeyahay

Dubai (Caasimada Online) – Burcad-badeed la tuhunsan yahay in ay Soomaali yihiin ayaa qabsaday doon kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen, iyadoo weerarkani noqonayo kii saddexaad oo noociisa ah ee toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dhaca xeebaha Geeska Afrika, sida ay saraakiisha amnigu sheegeen Isniintii.

Bayaanka kasoo baxay ciidanka badda ee Midowga Yurub (EUNAVFOR Atalanta) ayaa lagu sheegay in burcadda Soomaalidu ay doonta weerareen Axaddii, meel aan ka fogeyn degmada xeebta ku taal ee Eyl. Doonta la qabsaday ayaa ahayd nooca dhaqanka (Dhow), oo si joogto ah uga kalluumeysata biyaha Bariga Dhexe, waxayna sidatay calanka Yemen.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in ku dhawaad toddobo qof oo burcad ah ay weli saaran yihiin doonta, taas oo shaqaalaheedu ka koobnaa siddeed qof oo Soomaali ah.

Weerarkan ayaa ah kii saddexaad muddo toddobaadyo kooban gudahood ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

Bishii Febraayo, kooxaha burcad-badeedda ayaa afduubay doon kalluumeysi oo lagu magacaabo Saytuun-2, kaas oo dhacay 17-kii Febraayo. Weerarkaas ayaa dhacay maalmo kooban kadib weerar kale oo ay burcadda isku dayeen inay qafaashaan doon kalluumeysi oo iyaduna Yemeni ahayd, balse markii dambe kooxda ayaa ka baxsatay goobta, iyadoo shaqaalihii doontuna ay si nabad ah ku badbaadeen.

Burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sarreeyey gaartay sannadkii 2011, iyadoo la diiwaan geliyey 237 weerar.

Wakhtigaas, burcad-badeedda Soomaalida ayaa dhaqaalaha adduunka u geysatay khasaare lagu qiyaasay $7 bilyan oo doollar, iyadoo madax-furashooyinka la bixiyeyna ay gaareen ku dhawaad $160 milyan oo doollar, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday hay’adda caalamiga ah ee la socota burcad-badeednimada ee Oceans Beyond Piracy.

Halista kooxahaasi waxay hoos u dhacday kaddib markii si weyn loo kordhiyay ilaalinta ciidamada caalamiga ah ee biyaha Soomaaliya, iyo sidoo kale markii dowladda Soomaaliya ay billowday inay xoogeyso awoodda dhexe ee maamulka Muqdisho.

Hase yeeshee, sannadkii la soo dhaafay ayaa markale si muuqata loo arkay kororka weerarrada budhcad-badeedda Soomaalida, iyadoo sababta ugu weyn ee kor u qaaday weerarradan ay tahay amni-xumada ka dhalatay colaadda Yemen.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa kordhisay weerarradeeda Badda Cas tan iyo markii uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Hamas ee Marinka Gaza.

Sannadkii 2024 oo keliya, toddobo dhacdo oo noocan ah ayaa laga soo sheegay xeebaha Soomaaliya, sida lagu sheegay xogta ay soo bandhigtay hay’adda caalamiga ah ee la socota amniga badaha (International Maritime Bureau).

Inside Ansar Allah’s growing expansion into Somalia

MOGADISHU, Somalia – Yemen’s Ansar Allah, also known as the Houthis, has significantly expanded cooperation with Somalia’s extremist groups, al-Shabab and the Islamic State in Somalia (ISS).

Despite ideological differences—Ansar Allah being a Shiite group, al-Shabab linked to al-Qaeda, and ISS affiliated with the Islamic State group—their shared hostility toward the United States and Israel, as well as pragmatic needs such as securing weaponry and revenue streams, underpin their collaboration.

These relationships have critical implications for regional maritime security, particularly in the strategic Gulf of Aden and Bab al-Mandab Strait.

Somalia’s geographical proximity and extensive coastlines offer Ansar Allah strategic advantages for arms smuggling and maritime operations.

Yemen historically maintained close ties with Somalia, facilitating migration, cultural exchange, and trade.  In 2023 alone, nearly 97,000 migrants crossed from Somalia to Yemen through trafficking networks.

The arms trade plays a central role in these alliances. Despite a UN arms embargo on Yemen, Iran secretly supplies weapons to Ansar Allah.

Between 2015 and 2023, coalition warships intercepted sixteen vessels bound for Yemen carrying Iranian-supplied weapons, including thousands of small arms, anti-tank missiles, and millions of rounds of ammunition.

Some of these arms ended up in Somalia, illustrating transnational smuggling links.

Iran has long viewed the Horn of Africa as strategically significant, intensifying regional engagement since the late 1980s through the Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC).

Tehran previously backed Sudan’s Omar al-Bashir, supported Somalia’s Islamic Courts Union in 2006, and sought a military presence in Eritrea.

These efforts aimed to break Iran’s isolation, extend influence, and develop smuggling networks to support proxies like Ansar Allah.

Expanding collaborations

Ansar Allah’s collaboration with Somali militants accelerated from 2016 onwards, especially during the 2023 Gaza conflict. Ansar Allah’s leader, Abdul-Malik al-Houthi, explicitly endorsed maritime disruptions to support Gaza and oppose Western influence in Africa.

In 2024, the U.S. reported intensified collaboration between Ansar Allah and al-Shabab. The groups reportedly agreed that Ansar Allah would provide al-Shabab with arms and expertise in exchange for increased piracy and ransom attacks near Somalia.

Given al-Shabab’s historical relationship with Somali pirates, the partnership enhanced both parties’ capabilities.

Iran’s ties to al-Shabab date back several years, notably allowing the group to bypass UN sanctions via Iranian ports to export charcoal and allegedly providing funding and weapons to target U.S. interests in East Africa. Somali analyst Guled Ahmed states, “Iran is at the epicenter of all of this.”

Ansar Allah’s ties with ISS deepened around 2021, initially focused on small arms smuggling.

Between November 2023 and May 2024, Ansar Allah reportedly dispatched representatives to northeastern Somalia to coordinate intelligence and geolocation of ships, exchanging this for short-range suicide drones and technical training.

Puntland security forces seized five such drones supplied by Ansar Allah in August 2024, arresting individuals connected to ISS and al-Shabab. ISS subsequently launched drone attacks on Puntland forces in January 2025.

Despite sectarian differences, Ansar Allah maintains pragmatic relationships with Sunni jihadist groups, similar to its previous collaboration with al-Qaeda in the Arabian Peninsula (AQAP). Such pragmatism facilitates arms trading, prisoner exchanges, and mutual logistical support.

Regional and strategic implications

The partnerships between Ansar Allah, al-Shabab, and ISS amplify regional instability and maritime insecurity.

These alliances have complicated international efforts to interdict illicit arms shipments. Smuggling routes frequently involve larger ships traveling from Iran through Kenyan or Tanzanian waters before offloading cargo to smaller boats from Somalia bound for Yemen’s coast.

These non-state actors mutually benefit by accessing advanced weaponry, particularly Iranian drones and missile systems.

Ansar Allah, benefiting from Somali coastlines, ensures continuous supplies of Iranian and Chinese equipment crucial for its missile and drone programs. Key smuggling hubs include Puntland’s Bosaso port and Somaliland’s Berbera port.

Ansar Allah’s leader, Abdul-Malik al-Houthi, expressed plans to extend maritime operations further into the Indian Ocean, hinting at expanded proxy attacks.

During recent conflicts like the Gaza war, Ansar Allah coordinated maritime disruptions with Somali pirates and extremist groups, increasing Iran’s leverage over critical trade routes.

Iran strategically benefits from increasing its reach and influence in the Horn of Africa, especially through Ansar Allah’s maritime capabilities. This bolsters Tehran’s position vis-à-vis rivals, including the United States, Gulf states, and Israel.

Sawirro: Ciidan tiro badan oo ka baxay Muqdisho si ay ugu biiraan dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Booliska ka tirsan oo ku biiraya Ciidamada furimaha ku sugan ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Taliyaha Booliska ayaa si cajiib ah ula dardaarmay ciidanka dagaalka loo diray, isagoo ku baraarujiyey inay dagalkaan cibaado ka dhigtaan.

“Khawaarijta Al-Shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan, laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta, bil Ramadaan baa lagu jiraa dagaalka aad u socotaan waa inuu cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan cadowga guul baana idiin rajeyn,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Asad.

Ciidamada Booliska ayaa helay tababaro kor loogu qaaday aqoontooda iyo xirfadooda, waxaana ay awood buuxda u leeyihiin in goob walba cadowga ku ugaarsadaan, si loo soo afjaro dhagarta Khawaarijtu ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadaan oo boqolaal askari ah ayaa isugu jira Haramcad, Birmad iyo Daraawiish, waxayna ku biirayaan dagaalka dulaanka kooxda Al-Shabaab looga hortegayo ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidankaan ayaa sidoo kale aad loola dardaarmay galabta, waxaana la faray inay wax badan ka bedelaan furimaha dagaalka, markii ay tagaan.

Horay ciidamo ka tirsan Booliska, sida qeybaha Haramcad iyo Birmadka ayaa loogu diray dagaalka, kuwaas oo ka howlgalay deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dagaalo ku galeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan ciidamadii dagaalami karay u dirtay dagaalka, kadib markii kooxda Al-Shabaab ay soo qaaday weerarro rogaal celis ah oo cududooda militeri ay ku muujiyeen.

Shalay ayaa sidaan oo kale Muqdisho looga sagootiyey inta badan ciidankii dagaalami karay ee Asluubta Soomaaliya, kuwaas oo si weyn loo qalabeeyey, waxayna ku biireen ciidamada kale ee qaranka ee dagaalka kula jira al-Shabaab.