27.6 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Turkey downplays exit of close Somali minister amid US push

ANKARA, Turkey — Turkey has minimized the significance of Somalia’s defense minister’s dismissal, asserting that its robust relationship with Mogadishu will endure, despite reports suggesting the move followed pressure from the United States due to the minister’s close ties with Ankara and deepening bilateral cooperation.

A Turkish government official, speaking on condition of anonymity to Caasimada Online, emphasized the institutional foundation of their partnership.

“This doesn’t change our relationship. The agreements with Mogadishu are based on institutional cooperation,” the official affirmed.

The removal of Abduulkadir Mohamed Nur, who was reassigned to the Ministry of Ports and Maritime Transport, has ignited speculation about shifting geopolitical dynamics in the Horn of Africa and potential ramifications for US military involvement in the region.

Sources indicate that Washington had voiced concerns regarding Nur’s efforts to bolster Somali-Turkish collaboration in defense, energy, and aerospace. These anxieties reportedly stem from the close alliance between the US and the United Arab Emirates, Turkey’s regional rival.

According to a Somali official who spoke to Middle East Eye, US officials had consistently pressed President Hassan Sheikh Mohamud to remove Nur, citing insufficient collaboration with American forces.

The US also purportedly sought access to the comprehensive defense and economic pact signed by Somalia and Turkey in February.

“They were concerned about plans related to Turkey establishing a space base in Somalia that could potentially include long-range missile tests,” the Somali official told the publication. US apprehension also extended to Turkish-Somali agreements concerning oil and gas exploration.

Ankara reaffirms commitment to Somalia

Despite the development, Turkey has reiterated its steadfast commitment to supporting Somalia.

Tunc Demirtas, a security analyst at the Ankara-based SETA think tank, underscored that Turkey would continue its assistance, prioritizing strengthening their strategic partnership based on mutual interests.

On Tuesday, Turkey delivered two advanced Bayraktar Akıncı unmanned combat aerial vehicles (UCAVs) to Somalia. The transfer comes amid growing tensions with the United States over Ankara’s expanding military, energy, and aerospace cooperation with Mogadishu.

Somalia’s newly appointed Minister of Ports and Marine Transport, Abdulkadir Mohammed Nur—who previously served as defense minister—confirmed the drones’ arrival in a Facebook post.

He shared images of the aircraft being offloaded from an A400M cargo plane, emphasizing Turkey’s unwavering support.

“A true brother is revealed in difficult times. Turkey has once again provided unprecedented aid to the Somali people, who are battling against foreign invaders,” Nur wrote.

The Bayraktar Akıncı, developed by Turkish defense firm Baykar, is a high-end combat drone with significantly greater firepower than the widely deployed TB-2 model. It boasts a flight endurance of over 24 hours, a range of 6,000 kilometers, and a maximum altitude of 30,000 feet.

Equipped with triple-redundant satellite and line-of-sight communication systems, the UCAV integrates artificial intelligence for signal processing and situational awareness. It also features automated flight control and landing capabilities, enhancing its operational effectiveness.

Evolving power dynamics in the region

This situation unfolds against a backdrop of potentially changing US engagement in Somalia.

Washington recently suspended funding for the Danab Brigade, an elite Somali military unit trained by AFRICOM, and issued warnings about potential Al-Shabaab attacks.

These actions and the alleged pressure on Nur suggest a possible recalibration of US strategy in the region.

Conversely, the defense agreement signed between Somalia and Turkey in February 2024 signifies a deepening strategic alliance. The delivery of the sophisticated Bayraktar Akıncı drones further cements Turkey’s role as a key security partner for Somalia.

The Bayraktar Akıncı is a high-altitude, long-endurance unmanned combat aerial vehicle with advanced weaponry and surveillance capabilities, significantly boosting Somalia’s military capabilities.

The interplay between the United States, Turkey, and Somalia underscores the complex geopolitical landscape of the Horn of Africa.

As Turkey seeks to expand its influence and security partnerships, the US, a long-standing player in the region, particularly in counter-terrorism efforts, appears to adjust its approach.

The removal of the Somali defense minister highlights Somalia’s delicate balancing act in navigating its relationships with powerful international actors while striving for stability and security.

Dhaxal-sugaha Imaaraadka oo Muqdisho yimid iyo Xasan oo degdeg uga soo laabtay furinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si degdeg ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo kaligiis diyaarad kasoo qaatay magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas xubnihii kale ee wafdigiisa uu uga soo tegay.

Madaxweynaha oo berri ku laabanaya furimaha dagaalka ayaa Muqdisho ugu soo laabtay inuu la kulmo Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda ee dowladda Imaaraadka Carabta, ahna dhaxal sugaha Mudane Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan oo galabta Muqdisho soo gaaray.

Inkastoo aan la ogeyn ajendaha wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhaxal-sugaha Imaaraadka, hadana Imaaraadka ayaa saameyn badan ku leh gudaha Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha dhaxal-sugaha Imaaraadka ah ee Muqdisho yimid ayaa maanta soo saaray qoraal uu garab istaag ugu muujiyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay kolonyo uu la socday qarax lagula beegsaday gudaha Muqdisho, xilli uu u socday furimaha dagaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale ahaan si weyn ugu tiirsan Imaaraadka, si gaar ah waxay Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab, mushaarka Ciidamada qaar, kabka miisaaniyadda iyo lacago kale oo mararka qaar ay dowladdu u baahato.

Dhowaan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar aan xogtiisa la shaacin ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo la soo kulmay madaxda dalkaas, xogta ay Caasimada Online ka heshay kulamadii dhacay waxay sheegeysaa in Soomaaliya ay dalbaneysay dhaqaale badan, mana cadda in la siiyey.

Sidoo kale, Safarkaan uu Dhalax-sugaha Imaaraadku ku yimid Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa iyadoo xilkii laga qaaday wasiirkii Gaashaandhigga Cabdulqaadir Jaamac oo Madaxweyne Xasan Sheekh u hayey galka Imaaraadka.

Waxaa xusid mudan in dhowr mar Imaaraadku uu dowladda federaalka Soomaaliya ku cadaadiyey hufnaan u maamulidda dhaqaalaha ay siiyaan, iyadoo mar ay dalbadeen baaritaan, balse saraakiishii loo xilsaaray baaritaankaas ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyey markii saraakiishaas la dilay, waxaa is bedeshay firfircoonidii Imaaraadku la garab taagnaa Soomaaliya, waxayna Xasan Sheekh u muujiyeen in dhabarka ay xijiyeen, iyagoo ka wareegay dhanka Soomaliland iyo maamul goboleedyada kale qaar, ilaa ay Cabdiraxmaan Cirro ku casuumeen maqaamkii uu lahaa Xasan Sheekh.

Midowga Yurub oo hal arrin ka balan-qaaday Soomaaliya kadib weerarkii madaxweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo gaaray furimaha dagaalka, si uu u hoggaamiyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta oo ay ku jiraan Ciidamada Qaranka.

“Midowga Yurub wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay in uu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto khawaarijta iyo kooxaha kale ee argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midowga Yurub.

Tan iyo shalay markii Muqdisho qaraxa lagula beegsaday Madaxweynaha waxaa soo hadlayey dowladaha taageerada iyo garab istaagga u muujinaya Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ah.

Dawladaha soo hadlay waxaa kamid ah Imaaraadka Carabta oo si xooggan u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweynae Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac adad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Carabta Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falalka argagixisanimo iyo dambiyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee ujeeddadoodu tahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taasoo ka hor-imanaysa shuruucda caalamiga ah.

Sidoo kale, dowladda Qatar ayaa si adag u cambaaraysay weerarkaas oo lala beegsaday kolonyadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu ku sii jeeday Furimaha dagaalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa shaacisay mowqifka adag ee dalkaasi ka qabo diidmada rabshadaha iyo argagixisada nooc kasta ha ahaato sababta iyo ujeeddadu. Sidoo kale, bayaanka Qatar ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaas, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa jira dowlado kale oo weerarkaasi uu ku soo jeediyey khatarta ay leeyihiin kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo garab istaag u muujiyey dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ka balan-qaaday inay ka qeyb qaadanayaan sidii loo wiiqi lahaa halista cadowgaas.

 

Sawirro: XASAN oo isugu yeeray Macawiisleyda beesha Xawaadle – Muxuu kala hadlay?

0

Moqokori (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Nabad Sugidda Qaranka ayaa degmada Moqokori kulan furan kula qaatay hogaanka ciidamada shacabiga ah ee Macawiisleyda.

Sidoo kulanka waxaa qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo Madaxweyne Xasan uu kala hadlay dagaalka Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay bulshada Maqokori iyo Hoggaanka Ciidamada Macawsiilayda talooyinkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ay ugu hurayaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh oo habeenkii labaad ku hoyanaya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa reer Hiiraan ku amaanay kaalintooda dagaaka, isagoo si furan u dhex galay lana sheekeystay ciidamada. Macawiisley.

Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa  madaxweynaha ka balan qaaday  in dagaalka ay ku garab isytaagayaan dowladda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka howlgalaan oo ka dagaalamaan deegaano kale.

Dadka reer Moqokori oo la xusuuso sidii ay cashirada ugu dhigeen Khawaarijta, isagana difaaceen ayaa diyaar garow aan horay loo arag ku soo bandhigay fagaarihii uu kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo tuutihiisa u xirtay xoreynta dalka, ayaa shalay tegay Aadan- yabaal, isagoo xalay uu ku hoyday degmada Moqokori oo caawa uu joogo, waxaana la sheegay inuu degi doono gobolka Shabeellaha , gaar ahaan degmada Cadale.

Muxuu FARMAAJO ka yiri qaraxii shalay Muqdisho lagula beegsaday kolanyada Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa cambaareeyay qaraxii shalay lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah loogu istaago ciribtirka kooxaha argagixisada, lana garab istaago ciidamadeenna geesiyaasha ah ee dagaalka ka wada furimaha hore.

“Falkan argagixisada ah, oo halis ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummadda, wuxuu ka tarjumayaa wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka akhri qoraalka Farmaajo:

“Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisada ee afaafka hore ee laga galo Madaxtooyada, laguna beegsaday kolonyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo waxyeello u geystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Falkan argagixisada ah, oo halis ku ah dowladnimada iyo jiritaanka ummadda, wuxuu ka tarjumayaa wejiga dhabta ah ee kooxaha arxanlaaweyaasha ah ee sida bahalnimada ah u caadaystay daadinta dhiigga sharafta leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta hantidooda.

Tacsi murugo leh ayaan u dirayaa ehellada shacabkii aan waxba galabsan ee, iyaga oo sooman, ay argagixisadu ku laysay qaraxaas.

Muwaadiniinta kale ee dhaawacyadu soo gaareen iyo kuwa hantidoodu burburtay, waxaan Alle uga baryayaa bogsiimo degdeg ah iyo beddel khayr qaba.

Guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu istaago ciribtirka kooxaha argagixisada, lana garab istaago ciidamadeenna geesiyaasha ah ee dagaalka ka wada furimaha hore ee lagula dirirayo argagixisada.”

Mortars strike Mogadishu’s heavily fortified Halane compound

MOGADISHU, Somalia – Several mortar shells struck the heavily fortified Halane compound within Mogadishu’s Aden Adde International Airport on Wednesday, according to sources on the ground, just days after the US embassy warned of potential attacks in the Somali capital.

The US embassy had previously issued an alert citing “credible threat information regarding the potential for terrorist attacks in Mogadishu in the near term,” specifically mentioning awareness of threats against multiple locations, including the international airport, which was targeted in Wednesday’s incident.

Residents reported hearing the impact of the mortars across districts in the Banadir region, with some projectiles landing inside the Halane compound, which houses international organizations, embassies, and troops from the African Union Mission in Somalia (AUSSOM Other shells reportedly landed outside the compound’s perimeter.

The airport’s alarm system was activated immediately following the attack, heightening tensions in the vicinity.

As of Wednesday afternoon, there has been no official statement from Somali security authorities regarding the mortar strike on the Halane compound.

Al-Shabaab’s persistent threat

The Al-Qaeda-affiliated militant group Al-Shabaab, which has been waging a long-standing insurgency against the Somali government, frequently claims responsibility for similar mortar attacks targeting Mogadishu.

These attacks often aim at high-profile locations such as the presidential palace, the Halane compound, and other key government and international facilities.

A previous mortar attack on the airport occurred during the arrival of Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed for a state visit, resulting in civilian casualties in nearby residential areas. Some of those injured in that incident are still undergoing recovery.

On Tuesday, Al-Shabaab militants claimed responsibility for a bomb attack targeting Somali President Hassan Sheikh Mohamud’s motorcade as it passed through Mogadishu.

Two senior government and military officials confirmed to Caasimada Online that Mohamud was unharmed. Presidential adviser Zakariye Hussein later reassured in a post on X that the president was “good and well on his way to the front lines.”

Eyewitnesses, including soldiers and residents, reported that the convoy was hit. A Reuters journalist at the scene saw the bodies of four people killed in the blast near the presidential palace.

These latest attacks underscore the enduring security challenges in the capital, despite ongoing efforts by the Somali federal government to bolster security and combat Al-Shabaab nationwide.

Militant activity on the rise

The mortar strike and the assassination attempt follow reports of increased movement by Al-Shabaab fighters in areas surrounding Mogadishu, including Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi, and along the Balcad road.

This heightened activity has raised concerns among the local population.

In response, the government has reportedly deployed additional troops to areas where Al-Shabaab has been sighted and to frontline positions to reinforce the ongoing counter-insurgency operations.

Furthermore, Somali President Hassan Sheikh Mohamud recently visited regions actively involved in the fight against Al-Shabaab.

On Tuesday, he was in the Adan Yabaal district and spent the night in Moqokori, where he initiated meetings focused on intensifying the offensive against the group.

The Halane compound within Aden Adde International Airport is a secure zone hosting numerous international entities, including the United Nations, various diplomatic missions, and AUSSOM.

Its strategic importance makes it a recurring target for Al-Shabaab, which seeks to overthrow the internationally recognized government and establish its own Islamic rule.

Al-Shabaab, despite losing control of major urban centers in recent years, maintains a significant presence in rural areas and continues to carry out bombings, assassinations, and other attacks in Somalia and neighboring countries.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

0

Moqokori (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay tallaabadii uu shalay qaaday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo mar kale iska xaadiriyay furinta hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha, oo furinta u tegay si uu hoggaamiyo dagaalka, ayaa shalay tegay degmada Aadan Yabaal, halka xalayna uu ku hoyday degmada Moqokori.

Xasan Sheekh ayaa halkaasi kulan kula qaatay hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka, si ay u kala warqaataan.

Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda uu deegaannada Hirshabeelle ka hoggaamiyo howlgallada xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab soo galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Haddaba, sidee looga fal-celiyay tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh?

  • Aweys Xuseen Aadan: “Guuleyso Mudane Madaxweyne, Allaha kula garab galo shaqada qaranka ee aad ummadda u heyso.”
  • Sakariye Muuse Cilmi: “Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu ku hoyanayaa magaalo aan AUSSOM ama ciidan shisheeye joogin, haddana caawa iyo habeenada kale ee soo aadanba madaxdu waxay u hurdayaan sidii iyaga oo jooga Paris iyo New York.”
  • Akram Yare: “Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, raalli baan kaa nahay. Guuleyso!”
  • Cabdicasiis Nuur Garabey: “Xasan, xisaabta waa u fadhisaa markan, haddii uusan dib isaga qaldi doonin.”
  • Xorriya Maxamuud Cosoble: “Ilaahoow garabkiisa gal xurmadle Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.”
  • Maxamed Xasan Cismaan: “Ilaahayow dadkayga Soomaaliyeed dhibaatada ka dulqaad, waa daaleen.”

Sawirro: Howlgal uu door weyn ka qaatay Imaaraadka oo lagu laayay Daacish badan

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa howlgal culus oo 48-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay aagga buuraha Calmisaad, kaasoo ay iska kaashadeen Puntland iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Howlgalka oo si aad ah loo qorsheeyay ayaa si gaar ah looga fuliyay Togga Miraale, waxaana lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Daacish, halkaas oo lagu gaarsiiyay jab culus, sida ay sheegtay Puntland oo ka hadashay howlgalkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa weerarka qaaday, waxaana hawada ka taageerayay diyaarado dagaal oo uu leeyahay Imaaraadka, kuwaasoo duqeeyay xubnaha kooxda Daacish.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kaddib uu dhacay mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa ee waayadan dambe ka dhaca aagga Calmisaad, kaasoo u dhexeeyay labada dhinac, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Togga Miraale, oo ah meesha la isku fara saaray, waxaa saldhigyo ku leh kooxda Daacish, waxaana ku sugan horjoogayaal isugu jira Soomaali iyo ajaanib, iyadoo la rumeysan yahay inuu ku jiro Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya, kaasoo sidoo kale maskaxdii ka dambeysay weerarro lagu qaaday ganacsatada Puntland ee diiday lacagihii ay kooxda kusoo rogtay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland oo looga hadlay weerarkan ayaa lagu sheegay in lagu dilay illaa 23 ka tirsanaa maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayay goobta la weeraray ee ka tirsan Togga Miraale, waxaana weli sii socda howlgallada ciidamada.

“Ciidanku waxay howlgal ay ka sameeyeen Togga Miraale 48-dii saac ee u dambeysay ku dileen in ka badan 23 argagixisada Daacish oo ku dhuumaaleysanayey aagga Ceelka Miraale. Sidoo kale, waxay ciidanku howlgallo amni ka sameeyeen Togga Nuur-ku-beenle,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lasii raaciyay in ciidamada ay weli ku raadjoogaan xubno kale oo baxsad ah, kana firxaday deegaanka uu howlgalku ka dhacay ee aagga Calmisaad.

“Firxadkii argagixisada Daacish ayaa ciidanku ku raadjoogaa, waxaana geesiyaasha u aagan difaaca Puntland ka go’an inay argagixisada ka ciribtiraan Puntland oo dhan,” ayaa lagu sii daray warsaxaafadeedka.

Daacish ayaa haatan wajahaysa xaalad adag, waxaana kooxda culays xooggan kala kulantay howlgallada haatan ka socda gobolka Bari oo ay hoggaaminayso Puntland.

Bishii December, Puntland ayaa ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish, iyadoo tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo waaweyn oo ay kooxda ku lahayd buuraha fog ee Bari, halkaasoo uu weli kasii socdo howlgalka.

 

 

Weerar lagu qaaday Xalane kadib digniintii Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa tiro hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray xerada Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasoo kusoo aaday kadib digniintii amni ee dhawaan kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Safaaradda ayaa horay u shaacisay inay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” caasimadda, iyada oo sheegtay inay la socoto khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, kaasoo maanta la weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay xerada Xalane ay qaarkood ku dhaceen gudaha, halka kuwa kalena ay ku hoobteen bannaankeeda, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Dhawaqa hoobiyeyaasha ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan.

Dhanka kale, garoonka ayaa laga shiday gambaleelka digniinta ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taasoo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aaddan hoobiyeyaasha lala beegsaday xerada Xalane oo ay deggan yihiin hay’ado caalami ah, safaarado, iyo ciidamada shisheeye ee ka howlgala dalka.

Marar badan, Al-Shabaab ayaa sidan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimadda, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada, xerada Xalane, iyo goobo kale oo muhiim ah. Weerarkii ugu dambeeyay ee hoobiyeyaal lagu qaaday garoonka ayaa dhacay xilli uu kasoo degayay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo dhawaan booqasho ku yimid Muqdisho.

Hoobiyeyaashaasi waxay waxyeello gaarsiiyeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kadib markii ay madaafiicdu guryahooda ugu tageen, iyadoo qaar kamid ah dadkaasi ay weli kasoo kabanayaan dhaawacyadii soo gaaray.

Weerarkan maanta dhacay ayaa qeyb ka ah falalka amni-darro ee haatan ka dhacaya caasimadda, xilli ay dowladda federaalka kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa iyaduna xoojisay dhaq-dhaqaaqeeda, waxaana xitaa dagaalyahannadeeda lagu arkay agagaarka Muqdisho, gaar ahaan Ceelasha Biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi, iyo waddada Balcad, taasoo dhalisay walaac aad u xooggan.

Tani ayaa sidoo kale keentay in dowladdu qaaddo tallaabo degdeg ah, iyadoo ciidamo hor leh u dirtay meelaha lagu arkay Al-Shabaab iyo furimaha hore, si loo xoojiyo dagaalka.

Shalay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isaguna tegay degmada Aadan Yabaal, wuxuuna xalay ku hoyday degmada Moqokori, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo lagu dardargelinayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Basaasiin ku dhex jira DF, Imaaraadka iyo Itoobiya oo wiiqay dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee NISA, isla markaana wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo bannaanka soo dhigay xogo qarsoonaa oo dagaalka socda la xiriira.

Korneel Macow ayaa marka hore ka hadlay caqabadaha jira ee dib u dhigay dagaalka, wuxuuna sheegay in sanadkii la soo dhaafay laga gaabiyay dagaalkii sida xawliga ah ku socday, taasina ay sababtay in ay dib isku soo abaabulaan xoogagga Al-Shabaab.

“Horta muddo hal sano ah ayaa dib u dhac uu ku yimid dagaalkii sida xawliga ah ku socday, sababtoo ah ciidankii ayaa daalay, Macawiisleyda ayaa daalay, Al-Shabaab ayaa ka baxay deegaannadii markii hore laga xoreeyay. Waxa ay ahayd in maamul loo sameeyo goobahaas, isla markaana la furo saldhigyo boolis si loo ilaaliyo shacabka,” ayuu yiri Korneel Macow.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha keenay dib u dhaca dagaalka, isagoo sheegay inay jiraan dad basaasiin ah oo dowladda ku dhex jira, kuwaas oo fashilinaya guulaha laga gaaray dagaalka. Waxa uu xusay in xildhibaanno qaar ay siyaasadeeyeen dagaalka socda, xubnaha mucaaradkana ay si weyn uga soo horjeesteen qorshaha dagaal ee dowladda dhexe ay kula jirto Al-Shabaab.

“Waxaa jira arrimo dhowr ah oo dagaalka dib u dhac ku keenaya, sida quraafaadka siyaasadeed ee ka socda baarlamaanka iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda dagaalka socda oo doonaya inay curyaamiyaan. Waxaa kale oo jira basaasiin dowladda dhexdeeda ku jira,” ayuu sii raaciyay Korneel Cabdullaahi Cali Macow.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan dowlado waaweyn oo dowladda Soomaaliya hagranaya, isla markaana doonaya inay sii jiraan kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo iska dhigaya inay dagaalka qeyb ka yihiin balse aan daacad ka ahayn.

“Dowladaha qaar ee iska dhigaya inay saaxiib kula yihiin sida Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa faragelin xooggan iyo saameyn ku leh in kooxda Al-Shabaab ay sii jirto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu yiri: “Itoobiya waxay dhinac ka abaabuleysaa inay Soomaaliya sii kala qeybsanto, oo ay gobol gobol u kala jabiso, sidoo kalena waxay ka shaqeyneysaa in dagaalka aad kula jirto Khawaarijta aan guul laga gaarin.”

Arrinta kale ee muhiimka ah ee uu xusay ayaa ahayd khibrad-yari haysata qaar ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ka socda furimaha hore, isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga fiirsado tallaabooyinka qaarkood, maadaama lala dagaallamayo koox argagixiso halis ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dalka uu hadda ka socdo guluf xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo dadka deegaanka.

Dagaallada ayaa hadda si dardar leh uga socda gobollada Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kadib markii ay maalmihii lasoo dhaafay culeys weyn kala kulmeen maleeshiyada Khawaarijta.

Xogta geerida Cabdiraxmaan Laahoor oo u xirnaa Puntland

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay geerida ku timid Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor, oo ka tirsanaa saraakiisha Daacish balse dhawaan isku soo dhiibay Puntland.

Ninkan, oo kooxda u qaabilsanaa dilalka iyo qaraxyada gobolka Bari, ayaa gacanta Puntland soo galay intii ay socdeen howlgallada ay ciidamada maamulkaasi ka fuliyeen buuraha Calmisaad. Kadib, waxa lagu xiray xabsiga Boosaaso, halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo wareysi kooban bixiyay, ayaa ka warbixiyay arrinta ninkan, sida uu kusoo galay gacanta Puntland iyo waxa uu qaban jiray.

“Laahoor wuxuu ahaa nin la sheegay in magaalada Boosaaso hoggaamin jiray howlgallada ka dhaca iyo dadka wax ku dila. Wuxuu ahaa nin waayeel ah oo odey ah, wuxuuna ku jiray dadkii isa soo dhiibay ee lasoo qabtay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu tilmaamay in Laahoor uu ahaa nin waayeel ah oo qabay cudurka dhiig-karka, isla markaana uu cudurku ku kacay. Markii la dajin waayay, waxaa la geeyay isbitaal, halkaas oo uu ugu dambeyn ku geeriyooday.

“Ninkaas wuxuu qabay dhiigkar, wuuna ku kacay. Kadibna waa la dajin waayay, xalay dhaqtarka ayaa la geeyay, wuxuuna ku dhintay dhaqtarka,” ayuu mar kale yiri wasiirka.

Mar wax laga weydiiyay wararka sheegaya inuu ku dhex dhintay qolkii xabsiga, ayuu wasiirku meesha ka saaray tuhunka ah in Laahoor la dilay ama la shirqoolay.

“Sabab loo dilo ma taallo, waayo wax qarsooni ma jiraan. Nimankan waxaa la hayaa xogtoodii oo dhan, taleefoonadoodii ayaa gacanta lagu dhigay, wareysiyo ayaa laga qaaday, waxaa kale oo la hayaa maxaabiistoodii kale ee ajnabiga ahayd,” ayuu raaciyay.

Cabdiraxmaan Shirwac Laahoor ayaa gacanta Puntland soo galay horraantii bishii February ee sanadkan, isagoo isku soo dhiibay ciidamada howlgallada ka wada aagga buuraha Calmisaad, halkaas oo uu muddo dheer ku dhuumaaleysanayay.

Ninkan ayaa sidoo kale horey maxkamad ugu xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal iyo qaraxyo uu ka geystay magaalada Boosaaso. Wuxuu xukunkiisa la wadaagay rag kale oo ay isku shabakad ahaayeen, kuwaas oo qaarkood horey loo toogtay.

Daacish ayaa haatan wajahaysa xaalad adag, waxaana kooxda culays xooggan kala kulantay howlgallada ka socda gobolka Bari, oo ay hoggaaminayso Puntland.

Bishii December, Puntland ayaa ku dhawaaqday dagaal ballaaran oo ka dhan ah Daacish, iyadoo tan iyo markaas la wareegtay saldhigyo waaweyn oo ay kooxda ku lahayd buuraha fog ee Bari, halkaas oo uu weli ka socdo howlgalka.

Xog: Arrimaha Mareykanka ay ka caroodeen ee keenay xil ka qaadista wasiir Jaamac

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Axaddii, kadib cadaadis xooggan oo uga yimid ciidamada Maraykanka, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Middle East Eye.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in taageeradii militari ee Maraykanka uu siinayay Soomaaliya ay hoos u dhacday.

Laba ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah.

Faahfaahinta heshiiskan lama shaacin si buuxda, laakiin waxaa ku jiray samaynta ciidanka badda Soomaaliya iyo sahanka kheyraadka tamarta, taas oo qayb ka ahayd jawaab-celin laga bixiyay heshiiska Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Ankara isla markaana xiriir dhow la yeeshay madaxda Turkiga, ayaa la sheegay inuu ka xanaajiyay Maraykanka.

Cadaadis ka yimid Maraykanka

Mas’uul Soomaali ah ayaa u sheegay Middle East Eye in saraakiisha Maraykanku ay si joogto ah Madaxweyne Xasan Sheekh ugu cadaadinayeen inuu xilka ka qaado Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu iskaashi ku filan la samayn waayay ciidamada Maraykanka.

“Sidoo kale waxay codsadeen inay helaan nuqul ka mid ah heshiiskii la saxiixay February,” ayuu yiri mas’uulkaasi, isagoo intaa ku daray, “Waxay ka walwalsanaayeen qorshayaasha la xiriira in Turkigu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig hawada sare oo laga yaabo inay ku jiraan tijaabooyin gantaallo riddadoodu dheer tahay.”

Waxaa kale oo Maraykanka ka careysiiyay heshiisyada Turkigu kula galay Soomaaliya ee la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska.

Labada ilo ayaa sheegay in tallaabadii ugu dambeysay ee sii xumeysay xaaladda ay ahayd markii Turkigu Talaadadii hore Muqdisho keenay laba diyaaradood oo dagaal oo nooca Bayraktar Akinci ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Maraykanku waxay si cad u sheegeen in aysan aqbali doonin arrintan, taas ayaana sababtay go’aanka ugu dambeeyay ee xilka looga qaaday wasiir Nuur,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha.

Horraantii February, safaaradda Maraykanka ayaa ka digtay weerarro Al-Shabaab qorsheynaysay inay ku qaaddo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo meelo kale oo muhiim ah, taas oo sababtay in shirkadaha diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines ay baajiyaan duulimaadyo badan.

Dhanka kale, bishii February, madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa amray duqeymo lala beegsaday hoggaanka kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanku wuxuu sidoo kale bishii March joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada Danab, oo ah cutub ciidan oo heer sare ah oo uu tababaro Taliska Maraykanka ee AFRICOM.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in hadda ay lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya ay raadsato ilo dhaqaale oo kale oo lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada Danab.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Mas’uul ka tirsan dowladda Turkiga ayaa hoos u dhigay saameynta xilka qaadista Cabdulqaadir ay ku yeelan karto xiriirka Ankara iyo Muqdisho, isagoo ku adkeystay in xiriirkoodu ku saleysan yahay iskaashi hay’adeed, oo aysan saameyn ku yeelan doonin isbeddelka shakhsiyaadka.

“Tani waxba kama beddeleyso xiriirkayaga. Heshiisyada Muqdisho lala galay waxay ku saleysan yihiin iskaashi hay’adeed,” ayuu yiri sarkaalka Turkiga.

Tunc Demirtas, oo ah khabiir ka tirsan machadka SETA ee Ankara, ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay in muhiimaddu ay noqon doonto xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo laga duulayo danaha labada dhinac.

Middle East Eye ayaa ka codsatay dowladda Maraykanka inay arrintan ka jawaabto, balse weli kama hadal.

Imaaraadka iyo Qatar oo war ka soo saaray isku daygii lagu dili rabay madaxweyne Xasan

Abu-Dhabi (Caasimada Online) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Mudane Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falalka argagixisanimo iyo dambiyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee ujeeddadoodu tahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taasoo ka hor-imanaysa shuruucda caalamiga ah.

Mudane Sheekh Shakhboot ayaa sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada dadkii ku waxyeelloobay weerarkan argagixiso, u diray tacsi tiiraanyo leh iyo garab istaag buuxa, isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan dadkii ku dhaawacmay.

Sidoo kale, dowladda Qatar ayaa si adag u cambaaraysay qaraxii Talaadada lala beegsaday kolonyadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa lagu xaqiijiyey mowqifka adag ee dalkaasi ka qabo diidmada rabshadaha iyo argagixisada nooc kasta ha ahaato sababta iyo ujeeddadu. Sidoo kale, bayaanka ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaasi, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho Talaadadii, abaare 10:32 AM, gaar ahaan degmada Xamarjajab, meel u dhaxaysa isgoyska Ceelgaabta iyo dekedda Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha oo u socday furimaha dagaalka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi la fashiliyey isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu nabad ku gaaray goobtii uu ku sii jeeday.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah afarta gaari ee khaaska ah ee Madaxweynaha oo nooca aanay xabadu karin ee loo yaqaan “Buruufta”. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, iyagoo sheegay in qof is qarxiyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee qaraxa, waxaana ballan-qaaday inay faahfaahin dheeraad ah soo saari doonaan. Warbaahinta madaxa bannaan ee isku dayday inay tabiso xogta ayaa loo diiday goobta, iyadoo qaar ka mid ah wariyayaashana la xiray.

Qaraxa ayaa keenay dhimashada dad badan oo shacab ah, iyadoo guri dabaq ah uu ku dumay dad ku sugnaa gudaha. Dhanka kale, waxaa jira askar ka tirsan ciidanka Madaxweynaha oo dhaawacyo soo gaareen.

Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaantay weerarka mid muujinaya sida ay kooxdu ugu jirto xaalad quus ah oo sii kordheysa, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaalkiisa sii wata ayaa booqday magaalooyinka Aadan-yabaal iyo Moqokori, iyadoo qorshaha socdaalkiisu yahay inuu dhawaan u guuro magaalada Cadale, halkaasi oo uu dagaalka ka hoggaamin doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab aanu noqon doonin mid la jilcinayo, iyadoo kaashaneysa midnimada shacabka iyo taageerada saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad iyo xasilooni waarta.

Jubaland oo weerarkii NISA ee gudaha Kenya la xiriirisay khilaafka dowladda Xasan

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Jubbaland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shaqaaqo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Mandera, taas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa booliska Kenya, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, kadib markii koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya (NISA) ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Shan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugnaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee Mandera, markii ay la kulmeen koox ka tirsan NISA oo tiradooda lagu qiyaasay 20, kuwaas oo rasaas ku furay.

Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta. Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaas oo gacanta u galay kooxda NISA.

Jubbaland oo haatan ka hadashay falkan xiisadda ka abuuray xadka ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdadaasi, waxayna tacsi u dirtay dowladda Kenya iyo shacabkeeda.

“Arrinta dhacday aad iyo aad ayaan uga xunahay, waa wax aanu qorsheysanin, ugana tacsiyeynayno dowladda Kenya iyo shacabkeeda,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan, madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa weerarkaasi la xiriiriyay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, wuxuuna sheegay inay abaabuuleen siyaasiyiin dano gaar ah leh, sida uu hadalka u dhigay.

“Wax walba sabab ayay leeyihiin. Is-afgaran-waaga ka jira dowladda Soomaaliya dhexdeeda oo mar walba niman siyaasiyiin ah oo dano leh ay abuurayaan ayay arrimahan salka ku hayaan. Maxaa yeelay, maamulkii degmada Beledxaawo oo nidaamka dastuuriga ahaa ku dhisnaa waa loo diiday inuu shaqadiisa qabsado,” ayuu mar kale yiri.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray: “Cidda ku lugta leh iyo annaga waxaa la rabaa intaan dib u wada fariisano inaan deegaankeenna horumarkiisa iyo amnigiisa ka shaqeyno, ayna naga nabad-galaan dadka aan deriska nahay.”

Dhinaca kale, wuxuu farriin culus u diray dowladda Kenya, isaga oo ka dalbaday in xaaladda la qaboojiyo, isla markaana aan la dhibaateyn shacabka ku nool deegaannada xuduudda, gaar ahaan magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandera.

“Dowladda Kenya ee aan walaalaha nahay iyo shacabkeeda waxaan ka codsaneynaa in dadka aan waxba galabsanin ee ku nool Beledxaawo ama Mandera iyagana la ilaaliyo xuquuqdooda, oo aan dhacdadan dhacday wax la xiriira dhibaato loogu gaysan,” ayuu yiri.

Horay, dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna qaaday tallaabo ay uga falcelisay dhacdadaasi, waxaana ay dib ugu celisay dowladda Kenya laba qori oo laga qaatay askari Kenyan ah oo lagu dilay weerarkii ka dhacay xadka Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan Mandera.

Si kastaba ha ahaatee, raggii weerarka fuliyay weli lama hayo. Dhankooda, ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa bilaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan eedeysanayaasha, si gacanta loogu soo dhigo, kadibna looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Imaaraadka oo Mareykanka ku qal-qaalinaya arrin yaab leh oo la xiriirta Marinka Gaza

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa cadaadis xooggan ku saaraya maamulka madaxweyne Donald Trump inuu meesha ka saaro qorshaha Masar u dejisay dib-u-dhiska Gaza, kaas oo ay horay u ansixiyeen waddamada Jaamacadda Carabta, sida ay mas’uuliyiin Maraykan iyo Masar ah u sheegeen Middle East Eye.

Khilaafka ku saabsan arrintan ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo diblomaasiyiinta Maraykanku ka walaacsan yihiin inuu dhaawacayo danaha Washington ee gobolka.

Khilaafkani wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa tartanka ka dhex jira waddamada Carabta ee ku saabsan cidda hoggaamin doonta maamulka iyo dib-u-dhiska mustaqbalka Gaza, iyo khilaafka fikirka ee ku saabsan heerka saameynta kooxda Hamas ay ku yeelan karto.

Cadaadiska Imaaraadka ayaa xaalad adag geliyay Masar, maadaama labada waddanba si guud u taageeraan Maxamed Dahlaan oo ah siyaasi hore uga tirsanaa Fatax balse hadda dibad-joog ah.

“Imaaraadku kaligii ma hor istaagi karin qorshaha Jaamacadda Carabta markii hore la ansixiyay, balse hadda waxay maamulka Trump ku cadaadinayaan inuu meesha ka saaro,” ayuu yiri sarkaal Maraykan ah oo la hadlay Middle East Eye.

Imaaraadku wuxuu adeegsanayaa xiriirka dhow ee uu Aqalka Cad la leeyahay si uu u dhaleeceeyo qorshaha Masar, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid aan suurtagal ahayn, isla markaana Masar siinaya awood aad u badan kooxda Hamas.

Safiirka Imaaraadka u fadhiya Washington, Yuusuf Al-Cuteyba, ayaa si gaar ah ugu ololeynaya inuu maamulka Trump iyo aqalka sharci-dejinta Maraykanka ku cadaadiyo Masar inay aqbasho dadka Falastiiniyiinta ah ee khasab looga barakicinayo Gaza, sida ay Middle East Eye u xaqiijiyeen mas’uuliyiin Maraykan iyo Masar ah.

Hore ayuu Al-Cuteyba si cad u sheegay inuu ku raacsan yahay fikradda Trump ee ah in Falastiiniyiinta si khasab ah looga raro Gaza, isaga oo sheegay inaanu arkin qorshe kale oo lagu beddeli karo.

Kooxda Hamas ayaa asal ahaan ka soo jeedda Ururka Ikhwaanka ee Masar laga aas-aasay, kaas oo Imaaraadku si xooggan uga soo horjeedo guud ahaan gobolka.

Dowladda militariga ah ee Masar ayaa iyaduna si weyn u cadaadisay Ikhwaanka, balse waxay oggolaansho siisay saraakiisha Hamas inay gudaha dalkeeda ku safraan.

Sirdoonka Masar ayaa muddo dheer xiriir la lahaa xubnaha sare ee Hamas, gaar ahaan garabka ciidamada ee Qassam, kaas oo Masar ay marar badan u adeegsatay dhex-dhexaadinta colaadaha Gaza.

Imaaraadka oo ka carooday wada-hadalkii Maraykanka iyo Hamas

Imaaraadku wuxuu qorshaha Masar ku dhaliilay inuusan si cad u qeexin sida Hamas hubka looga dhigayo ama looga saari karo maamulka Gaza.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa ku adkeysanaya in qorshahoodu cad yahay oo maamulka Gaza lagu wareejin doono maamulka Falastiin, iyadoo la qorsheynayo ciidamo nabad sugid ah oo tababarkooda ay bixin doonaan Masar iyo Urdun.

Waxaa sidoo kale jirta fursad ah in ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Qaramada Midoobay la geeyo Gaza iyo Daanta Galbeed. Hamas ayaa qorshaha aqbashay, halka Israa’iil ka soo horjeeddo in colaadda heer caalami laga wada xaajoodo, sida ay diblumaasiyiin gobolka ahi sheegeen.

Maraykanka ayaa bishii Janaayo dhex-dhexaadiyay heshiis xabbad-joojin oo hadda ku dhow inuu burburo, iyadoo Israa’iil ay Gaza ka jartay korontadii. Duqeymo ay Israa’iil qaaday dhowaan ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

Maraykanku wuxuu Hamas u soo bandhigay qorshe ay ku sii daynayaan 27 qof oo maxaabiis ah, taas beddelkeedana la ballaarinayo heshiiska xabbad-joojinta. Hamas waxay dhinaceeda ku adkeysatay inay doonayso heshiis nabadeed oo rasmi ah, sida lagu heshiiyay Janaayo.

Maamulka Trump ayaa sheegay inuu taageerayo dib u bilaabidda dagaalka Gaza ee ay Israa’iil waddo. Hase yeeshee, diblumaasiyadda Maraykanka ayaa qalqal xoog leh gashay kaddib markii Adam Boehler, oo ahaa wakiilkii Trump u magacaabay arrimaha maxaabiista, uu kulan toos ah la yeeshay Hamas magaalada Dooxa ee Qadar.

Aqalka Cad wuxuu sheegay in kulanku ku koobnaa sii-daynta maxbuus Maraykan ah, balse Boehler ayaa CNN u sheegay inuu Hamas kala hadlay heshiis nabadeed oo 5 ilaa 10 sano ah oo ay ku jirto in Hamas ka baxdo siyaasadda isla markaana Gaza laga dhigo goob ka caaggan hubka.

Hadalladaas ayaa caro xooggan ka dhaliyay Israa’iil iyo xubnaha aqalka Kongareeska ee taageera Israa’iil, taas oo keentay in magacaabistiisii Jimcihii dib loogala noqday.

Kulankan ayaa sidoo kale caro weyn ka dhaliyay Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Maraykanka iyo Masar.

Maraykanka oo qiimaynaya inuu dhimo kaalmada militari ee uu siiyo Masar

Mas’uuliyiin Maraykan iyo Masar ah ayaa sheegay in ololaha Imaaraadku saameyn ku yeeshay xiriirka labada waddan, iyadoo Maraykanku u sheegay Masar inuu qorshaynayo inuu yareeyo gargaarka militari ee Masar uu siiyo sannadka 2026.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegaya in gargaarku muhiim u yahay heshiiska nabadeed ee Camp David ee 1979 ay la galeen Israa’iil. Sidoo kale, Maraykanku wuxuu walaac ka muujiyay in yareynta gargaarku ay Masar ku riixi karto inay hub militari ka raadiso Ruushka iyo Shiinaha.

Masar ayaa sannadkii hesha $1.3 bilyan oo kaalmo militari ah, iyadoo horeba $300 milyan shuruud looga dhigay arrimaha xuquuqda aadanaha. Saameynta dhaqaalaha Maraykanku ku leeyahay Masar ayaa si weyn hoos ugu dhacday sannadihii dambe, iyadoo hadda gargaarku uu yahay wax ka yar 0.5% dhaqaalaha guud ee Masar.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa Aqalka Cad uga digay in yaraynta gargaarka militari ay xiriirka Masar ku riixi karto dalal kale oo ay hub ka soo iibsadaan.

Saaxiibbo aan isku qanacsaneyn: Imaaraadka iyo Masar

Xiisadda hadda jirta waxaa sii adkeeyay taageerada labada dal ay si wadajir ah u siiyaan Maxamed Dahlaan oo ay doonayaan inuu noqdo mas’uulka ugu sarreeya Gaza mustaqbalka.

Sannadkii hore, Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay inuu Masar ku maalgelinayo $35 bilyan. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka labada waddan ayaa hadda wajahay caqabado cusub iyadoo Imaaraadka iyo Masar ay dhinacyo iska soo horjeeda ku taageerayaan dagaalka Suudaan.

Xiisaddan ayaa sare usii kacday markii maamulka Trump lagu soo warramay inuu doonayo inuu cadaadis ku saaro Suudaan iyo Somaliland inay aqbalaan Falastiiniyiinta khasab looga barakicinayo Gaza, iyadoo Imaaraadkuna saamayn xoog leh ku leeyahay Somaliland.

Si kastaba, Trump ayaa bishii Maarso isaga laabtay qorshihiisii ahaa in Falastiiniyiinta si khasab ah loo barakiciyo, kaddib kulan gaar ah oo uu Aqalka Cad kula yeeshay Boqorka Urdun, isagoo weriyeyaasha u sheegay, “Qofna si khasab ah looma rarayo.”

Sawirro: Xasan Sheekh oo ku hoyanaya furimaha dagaalka iyo xogta qorshaha socda

0

Moqokori (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayaa caawa kulan kula qaatay degmada Moqokori hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka xog-wareystay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirrigelinayso in madaxweynihii qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha, iyo geesinimada ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo maanta Muqdisho ka ambabaxay, ayaa isku maray degmooyinka Aadan Yabaal oo Shabeellaha Dhexe ah iyo Moqokori oo Hiiraan ka tirsan. Waxaana kolonyadiisa lagu qarxiyay Muqdisho intii uu u sii socday garoonka.

Madaxweynaha oo gaaray jiidaha hore ee dagaalka ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda uu deegaannada Hirshabeelle ka hoggaamiyo howlgallada xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab soo galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa u kuur-galay maanta xaaladda ciidamadii iyo xoogaggii shacbiga ee uu la kulmay, kuwaas oo u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeystay talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka, iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobannimada dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa la qorsheeyay in Khamiista uu dego magaalada Cadale, halkaasna uu ka hoggaamin doono dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana howlgallada loo badinayaa dhanka duqeymaha.

Diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee AKINCI-TB3, oo Turkigu farsameeyo, ayaa maanta laga soo dejiyay Muqdisho, kuwaas oo maalmaha soo socda ka qeyb qaadan doona duqeymaha Al-Shabaab. Diyaaradahaas waxaa la sheegay in milkiyadooda ay leedahay dowladda Soomaaliya.

Muxuu ka dhigan yahay shirqoolkii Al-Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hubanti ah in Al-Shabaab looga adkaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa, waxaana hadda soo foodsaartay cabsi xoog leh. Ifafaalaha wejiga labaad ee dagaalka iyo jabkii ay kala kulmeen soo rogaal-celintii Shabeellaha Dhexe ayaa ina tusaya in Al-Shabaab ku fashilmeen dagaalkii fool ka foolka ahaa. Tani waa sababta keentay weerarkii iyo shirqoolkii la soo maleegay ee shalay lagu qaaday gaadiidkii galbinayay Madaxweyne Xasan, oo ay Al-Shabaab u arkayeen wedkooda.

Kooxaha siyaasiyiinta ah, dalalka deriska, iyo qaar badan oo Carab iyo Reer Galbeed ah ayaa ka soo horjeeda in Al-Shabaab laga guuleysto oo laga sifeeyo geyiga Soomaaliyeed. Al-Shabaabkii qarsoonaa maalmo dhaw waa bannaanka imaan doonaan; hadda waxaa socda dad is qariya, waxaase iman doonta maalin aan arki doonno rag leh “Al-Shabaab maxaa laga rabaa?” oo u doodaya, iyo dowlado hore u hubayn jiray oo toos ula safanaya. Shirqoolka shalay waa fashilmay, madaxweynihiina waa badbaaday, kooxihii magaca mucaaradka ku dhuuman jirayna waa soo if-baxayaan.

Hannaanka dagaalka toddobaadyada soo socda guud ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, Al-Shabaab waa laga sifeyn doonaa. Sidoo kale, dagaalku wuxuu noqon doonaa mid ciribtir ah, kaasoo laysku arki doono kaymaha Jubbooyinka.

Marka dagaalka Al-Shabaab laga soo jeesto, waxaa dalka ka dhici doona tirakoob iyo diiwaangelin dadweyne. Maamulkii diidaana waxba kuma yeelan doono dowladda cusub ee beddelaysa dowladda hadda jirta. In dowladda cusub ku timaado qof iyo cod waa bilowga wejiga labaad ee Soomaaliyada cusub, waayo waxaa la rabaa in maalgashiga dalka ay saxiixdo dowlad ay dadweynuhu doorteen, sidoo kale khayraadka dalka waxaa soo saari karta dowlad dadku soo doortay.

Arrimahani waa kuwa Mareykanka ka cadheysiiyay iyo Reer Galbeedka, oo uga cabsi qaba in Turkiga, Ruushka, iyo Shiinaha ay Soomaaliyada cusub saamayn ku yeeshaan. Dalka Imaaraatka, oo dakhliga ugu weyn ka helo dekaddaha iyo dalxiiska, wuxuu ka baqayaa in Soomaaliya cagihiisa isku taago, adduunkuna u soo dalxiis tago, dekaddahaheeduna noqdaan kuwo isku xidha Afrika, Aasiya, iyo adduunka kale.

Soomaaliya waxa loo dibindaabyeynayaa waa in lagu dul noolaado, si aysan fursadaha u bannaan uga faa’iideysan. Dalalka doonaya dhibkeeda waxay dhiirrigeliyaan Al-Shabaab iyo maamullada shisheeyaha ku daaban, sidoo kale siyaasiyiinta xil-doonka balse rajo xun. Nin diidan in talada dadka loo celiyo, dadweynuhuna ay doortaan xildhibaanka, golaha deegaanka, iyo madaxweynaha, dastuurkana la dhammeystiro, wuxuu rabaa inuu ina dhaho “Dan shacab baan wadaa.”

Dagaalka iyo shirqoolka la hurinayo waxaa laga baqayaa in shacabku is-abaabulo, waana sababta dacaayadaha baraha bulshada loo wareejinayo. Dadweynuhu maaha kuwii shalay, wayna og yihiin dantooda, nin u daran iyo mid la duubanba.

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

UAE, Qatar condemn assassination attempt on Somali President

Abu Dhabi, United Arab Emirates – The United Arab Emirates and Qatar have strongly condemned an attempted assassination attack on the convoy of Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu, which resulted in civilian deaths and injuries.

The incident, which occurred on Tuesday morning in the Hamar Jajab district of the capital, targeted the president’s motorcade as it was en route to the front lines in the Hiiraan and Middle Shabelle regions, where government forces are battling the Al-Shabaab extremist group.

While President Mohamud escaped unharmed, the attack, which involved a vehicle laden with explosives, caused significant casualties among civilians and damaged one of the president’s bulletproof vehicles.

Al-Shabaab has claimed responsibility for the bombing, stating it was a suicide attack.

International condemnation

Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, the UAE Minister of State for Foreign Affairs, issued a statement expressing his country’s strong condemnation of the “terrorist attack” and such “criminal acts.”

He emphasized the UAE’s unwavering stance against all forms of violence and terrorism aimed at undermining security and stability, in violation of international laws.

The UAE minister conveyed his sincere condolences and full solidarity to the Somali government and people, particularly the families of the victims, and wished a swift recovery to those injured in the attack.

Similarly, Qatar’s Ministry of Foreign Affairs released a statement condemning the bombing that targeted the president’s convoy.

The statement reiterated Qatar’s firm position against violence and terrorism, regardless of the motives or reasons. Qatar also extended its condolences to the families of the deceased and to the government and people of Somalia.

Details of the attack

The explosion struck the presidential convoy at approximately 10:32 AM local time in Mogadishu’s Hamar Jajab district, between the Eelgaabta intersection and the port.

The Somali government confirmed the attack, stating that it had been foiled and that President Hassan Sheikh Mohamud was safe and continued on his journey. Initial reports indicate that one of the four special bulletproof vehicles in the president’s convoy was hit.

Authorities have launched a thorough investigation into the exact number of casualties.

While independent media attempting to cover the incident were reportedly denied access to the site and some journalists were allegedly detained, the government acknowledged that several civilians were killed, including residents of an apartment building that collapsed due to the blast. Some members of the president’s security detail also sustained injuries.

The Somali federal government described the attack as a sign of Al-Shabaab’s increasing desperation, particularly in light of the significant gains made by the Somali National Army and local forces in their ongoing operations against the group, especially in the Middle Shabelle region.

President Hassan Sheikh Mohamud continued his planned trip, visiting the towns of Adan Yabaal and Moqokori. His itinerary includes moving to Adale soon to personally oversee the military operations against Al-Shabaab.

The government has reiterated its commitment to an unwavering fight against Al-Shabaab, emphasizing the importance of national unity and the support of international partners in achieving lasting peace and stability in the country.

Somalia’s protracted conflict

Somalia has been grappling with a long-standing insurgency by Al-Shabaab, an Islamist militant group linked to al-Qaeda. The group has been fighting to overthrow the internationally recognized government in Mogadishu and establish its own rule based on its strict interpretation of Islamic law.

President Hassan Sheikh Mohamud, who was re-elected in May 2022, has vowed to intensify the fight against Al-Shabaab. The group has frequently targeted government officials, security forces, and civilians in its efforts to destabilize the country.

The Hiiraan and Middle Shabelle regions have been key areas of conflict in recent months, with government forces, often supported by local clan militias, launching significant offensives against Al-Shabaab.

These operations have reportedly resulted in the liberation of several towns and villages previously held by the insurgents.

The attempted assassination of President Mohamud underscores the persistent threat posed by Al-Shabaab and the ongoing challenges facing Somalia in its efforts to achieve lasting peace and security.

The shadow syndicate: Unmasking the fake professionals plaguing Somalia’s eoundations

Mogadishu, Somalia – A silent epidemic is eroding the bedrock of Somalia’s nascent institutions: the insidious proliferation of “fake professionals.” Like a stealthy parasite, this crisis is not merely a matter of misplaced qualifications; it’s a systemic assault on service delivery, accountability, and the very trust that underpins a nation’s recovery. This is not a local anomaly; it’s a clarion call for urgent, decisive action.

The Anatomy of Deception: Dissecting the Fake Professional

These are not simply individuals with embellished resumes. They are architects of deception, exploiting vulnerabilities in a system struggling to rebuild. Their hallmarks include:

  • Forged Pedigrees: Degrees and certifications, often from phantom institutions, are their weapons of choice. They wield these fabricated credentials to gain access to positions of influence.
  • The Myth of Expertise: Exaggerated experience, spun from thin air, paints a portrait of competence where none exists.
  • Institutional Exploitation: The absence of a robust verification system is their playground, allowing them to slip through the cracks and seize power.
  • The Web of Patronage: Meritocracy is a casualty of nepotism and bribery, where connections trump qualifications, especially within the public sector.
  • The Rise of the Degree Mills: A cottage industry of fraudulent educational institutions churns out worthless qualifications, fueling the crisis.

This menace infiltrates critical sectors – healthcare, education, finance, and humanitarian aid – where the stakes are life and death.

The Ripple Effect: Cascading Consequences

The presence of these fraudulent professionals triggers a domino effect of devastating consequences:

  • Public Sector Paralysis: Incompetence breeds weak policies, financial mismanagement, and a crippling slowdown of national development. Vital reforms in governance, infrastructure, and security are stalled.
  • Private Sector Erosion: Businesses suffer financial losses and legal nightmares, while the credibility of the labor market plummets, deterring investment.
  • Humanitarian Catastrophe: Misdirected aid, failed projects, and potential human rights violations deepen the suffering of vulnerable populations. Donor confidence evaporates, choking off vital lifelines.
  • The Erosion of Trust: Public confidence in institutions crumbles, making governance and reform an uphill battle.
  • Economic Stagnation: Poor decisions and mismanagement stifle growth, repelling foreign investment and perpetuating a cycle of poverty.
  • Compromised Public Safety: Fake doctors, engineers, and financial professionals create a minefield of risks to public health, infrastructure, and financial security.
  • The Normalization of Corruption: Impunity reigns when unqualified individuals hold power, creating a culture where corruption thrives.

A Call to Arms: Forging a Path to Professional Integrity

Somalia must confront this crisis with a comprehensive, multi-faceted strategy:

  • Fortifying Regulatory Defenses:
    • Establish a centralized, impenetrable system for verifying credentials.
    • Empower the Somali National Commission for Higher Education to enforce accreditation standards.
  • Dismantling the Fraudulent Infrastructure:
    • Wage a legal war against fake universities and diploma mills.
    • Prosecute those who peddle and utilize fraudulent qualifications.
  • Championing Meritocracy:
    • Implement rigorous background checks and independent vetting processes.
    • Establish robust anti-corruption mechanisms to eliminate nepotism and bribery.
  • Empowering the Public:
    • Launch targeted awareness campaigns to expose the dangers of fake professionals.
    • Create secure channels for whistleblowers, ensuring their protection.
  • Investing in Human Capital:
    • Develop professional training programs and certifications to elevate workforce competency.
    • Forge partnerships with reputable international institutions for accredited training.
  • Global Collaboration:
    • Partner with international entities to enhance credential verification.
    • Implement stringent controls to prevent the infiltration of foreign-sourced fake degrees.
  • Digitalizing Credentials:
    • Establish a national digital database for academic and professional qualifications, creating an unforgeable record.

The fight against fake professionals is a battle for Somalia’s future. It demands a united front – government, private sector, and civil society – working in concert. By enforcing rigorous standards, fostering transparency, and investing in genuine professional development, Somalia can reclaim its institutions and pave the way for a future built on integrity and competence.

About the Author

Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond.

As a leading expert in governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments.

You can reach him through email: [email protected]

Daawo: DF oo Guriceel uga dhawaaqday dagaal uusan QOOR QOOR ogoleyn

0

Guriceel (Caasimada Online) – Jeneraal Aadan Laba-afle oo ah taliyaha guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya oo ka howlgeli jiray Koonfur Galbeed, ayey dowladda Soomaaliya u dirtay Galmudug, wuxuuna maanta dagaalka uga dhawaaqay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Jananku oo fagaare ugu khudbeeyey boqolaal ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka isugu jira ayaa sheegay inay xoreynayaan Ceelbuur oo ah halka degmo ee Galmudug ay ka joogaan Al-Shabaab.

“Amar buuxa oo Madaxweynaha JFS uu i soo siiyey ayaan ku socdaa, idinkana waad ila qaadateen, waan dhaqaaqeynaa waxaana gelaynaa dagaalka,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle.

Taliyaha ayaa dadka reer Guriceel iyo Dhuusamareeb ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin dagaalka Khawaarijta, “maanta dalka oo dhan waxaa ka socda dagaalkii aad soo bilowdeen, waxaa la idinka rabaa inaad dhammeystirtaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Jeneraal Laba-Afle ayaa sheegay in hub, gaadiid, sahay iyo rasaas ay diyaar ula tahay dowladda federaalka Soomaaliya, “cadowgaan waxaad iska xoreyseen idinkoo heysan garab dowladeed, maanta wax kasta waa idiin diyaar oo xitaa dhaawacyadiina waxay helayaan daryeel caafimaad oo degdeg ah, marka reer Guriceelow dagaalka gala,” ayuu yiri Jeneraal Laba-afle.

Sarkaalkaan ayaa looga yeeray Shabeellaha Hoose oo ciidanka uu xukumo oo ka tirsan qeybta 60-aad ay joogaan, waxaana loo diray Guriceel iyo Dhuusamareeb, si uu u soo abaabulo dadkii yaqaanay dagaalka Al-Shabaab ee ku jebiyey magaca AhluSunna Waljamaaca, Jeneraal Laba-afle ayaa ka soo jeeda Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu ka soo horjeedo dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka ciidan ee dowladda Federaalka ay ka bilowday Galmudug, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wata qorshahaan, wuxuuna doonayaa in ciidamada laga abaabulay Guriceel iyo Dhuusamareeb ay xoreeyaan ilaa Ceelbuur.

Madaxweynaha oo mar kale Tuutaha u xirtay dagaalka Khawaarijta ayaa maanta isku maray furimaha dagaalka ee Aadan-yabaal iyo Moqokori, waxaana la qorsheeyey in maalmaha soo socda uu dego Cadale, halkaas oo dagaalka Khawaarijta uu ka hoggaamin doono.

Hoos ka daawo hadalkii Jeneraal Laba-Afle.