27.3 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Jahwareer ka taagan Ankara kadib tallaabo uu qaaday madaxweyne ERDOGAN

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ee dalka Turkiga ayaa xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoğlu, ku tilmaamay mid u dhigma afgambi siyaasadeed.

Imamoğlu, oo ah mid ka mid ah siyaasiyiinta sida adag uga soo horjeeda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin musuq-maasuq. Eedeymahan waxaa lala xiriiriyay tobanaan qof oo kale oo ka tirsan mucaaradka.

Xarigiisa ayaa sababay caro weyn, iyadoo kumannaan qof oo ku nool Istanbul ay dhigeen bannaanbaxyo ka dhan ah tallaabadan.

Dowladdu waxay muddo afar maalmood ah mamnuucday mudaaharaadyada, halka booliska ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dadkii isugu soo baxay magaalada Ankara.

Imamoğlu ayaa bartiisa bulshada ku qoray in aan la aamusiin karin rabitaanka shacabka. Wuxuu sidoo kale fiidiyow uu soo dhigay internet-ka ku ballanqaaday inuu garab taagan yahay dadka Turkiga iyo cid kasta oo u taagan dimuqraadiyada iyo cadaaladda.

“Waxaan ka go’an in aan u dagaallamo xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda,” ayuu yiri.

Xarigiisa wuxuu kusoo beegmay xilli dowladdu ay bilooyinkii la soo dhaafay wadday howlgallo ay ku beegsanayso mucaaradka.

Waa kuma Ekrem Imamoğlu, muxuuse salka ku hayaa xarigiisu?

Imamoğlu ayaa laba jeer loo doortay duqa magaalada Istanbul, isagoo xisbiga CHP uga adkaaday xisbiga talada haya ee Erdogan.

Doorashadii ugu dambeysay ee uu ku guuleystay waxay ahayd mid taariikhi ah, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay tan iyo markii Erdogan xukunka yimid ee xisbigiisa laga adkaado magaalooyinka waaweyn sida Istanbul iyo Ankara.

Musuq-maasuq ayaa lagu eedeeyay xilli uu dhowaan u sharaxnaa musharraxa madaxweynaha ee xisbiga CHP. Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay urur dambiile.

Booliska ayaa xoog ku galay gurigiisa, taasoo qeyb ka ah cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo mucaaradka.

Xulista musharraxa madaxweynaha ee CHP, oo Imamoğlu ka mid yahay, ayaa la filayaa inay dhacdo Axadda soo socota.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee uu la kulmo caqabado sharci. Sanadkii 2022, waxaa lagu xukumay labo sano iyo bar, ka dib markii lagu helay danbi la xiriira aflagaaddo uu kula kacay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.

Daawo: Dhaqanka beesha Mudullood oo ku biiray dagaalka – Maxaa ka socda Sh/Dhexe?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Mudullood ayaa ku biiray abaabulka dagaalka Khawaarijta, waxayna galabta ka baxeen magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray deegaano ay ugu horeyso degmada Cadale oo abaabulka ugu culus uu ka socdo.

Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa hoggaminaya wafdiga odayaasha ah ee galabta garay degmada Cadale, sidoo kale xildhibaano iyo siyaasiyiin horay xilal kala duwan dalka uga soo qabtay ayaa qeyb ka ah wafdiga.

Kadib muddo dheer oo dhaqanka Mudullood la is weydiinayey sababta ay uga qeyb qaada la’yihiin howlgalka, waxaa hadda bilowday abaabul ay hor kacayaan oo saldhigiisu yahay degmada Cadale, halkaas oo ciidamadii ugu badnaa ee dowladda la isugu geeyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wafdiga odayaasha Mudullood uga sii horeeyey degamada Cadale, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu degay oo halkaas uu ka hoggaami doono dagaalka Khawaarijta.

Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo dhaweeyey degmada Cadale, halkaas waxaa ku sugan dhammaan saraakiisha muhiimka ah ee ciidamada qaranka.

Abaabulka xooggan ee ka socda Cadale ayaa barbar socda howlgallo culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ay ku bilaabeen Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo xeeladihii kooxdu ku beegsan jirtay ciidamada.

Dowladda federaalka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka ayaa kordhiyey weerarrada gaadmada ah iyo duqeymaha loo geysanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo maanta mar kale deegaan hoos taga Ceelbuur lagu duqeeyey saraakiil Shabaab ah.

Ciidamada Macawiisleyda degmada Al-Kowsar ayaa maanta jidka u galay oo dilay labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo watay Bacda looga dhuunto duqeymaha, Mooto iyo labo qori oo AK47 ah.

Howlgal kale oo duqeyn ah oo maanta ka dhacay deegaanka Dabdheer oo u dhaxeeya degmada Ceelbuur iyo deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ayaa lagu laayay horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa guri halkaasi ku yaalla.

Xubno ka soo waramay deegaanka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay saraakiishii Al-Shabaab ee la beegsaday, inkastoo aan magacyada, tirada ragga la dilay iyo xogtooda rasmiga ah aan weli la baahin, hadana waxay wararka hordhaca ah sheegayaan in maanta halkaas kooxda looga dilay saraakiil sare oo muddo lagu raad-joogay.

Deegaanada Sumadaale, Bursha Sheekh, Basra, Ceelbaraf, Galcad, Gal-haruur, Sabiib iyo deegaano kale oo kooxda Al-Shabaab lagu bartilmaameedsaday ayey xalay ilaa maanta garaacayeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Soomaaliya iyo caalamka.

Hoos ka daawo wafdiga beelaha Mudullood

Sawirro: Al-Shabaab sitay bacda duqeynta looga dhuunto iyo saraakiil sare oo lagu dilay…

0

Al-kowsar (Caasimada Online) – Ciidamada Macawiisleyda degmada Al-Kowsar ayaa maanta jidka u galay oo dilay labo nin oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo watay Bacda looga dhuunto duqeymaha, Mooto iyo labo qori oo AK47 ah.

Ciidamada ayaa soo bandhigay meydadka raggii ay howlgalkaas ku dileen iyo dhamaan wixii ay wateen oo ay ka furteen, waxayna balan ku qadeen in Shabaab-ka soo galay dhulkooda ay sidaan u ugaarsa doonaan ilaa ay ka dhamaadaan.

Howlgalkaas ayaa maanta ka dhacay deegaanka Gal-haruur oo hoos taga Degmada Al-kowsar, waxaana la ogaaday in kooxdu ay heysato Bacda looga dhiinto duqeymaha diyaaradaha, maadaama ragaan la dilay ay siteen.

Dowladda federaalka iyo xaq u dirirka dadka deegaanka ayaa kordhiyey weerarrada gaadmada ah iyo duqeymaha loo geysanayo kooxda Al-Shabaab, iyadoo maanta mar kale deegaan hoos taga Ceelbuur lagu duqeeyey saraakiil Shabaab ah.

Howlgal duqeyn ah oo maanta ka dhacay deegaanka Dabdheer oo u dhaxeeya degmada Ceelbuur iyo deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud ayaa lagu laayay horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta oo ku sugnaa guri halkaasi ku yaalla.

Xubno ka soo waramay deegaanka ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay saraakiishii Al-Shabaab ee la beegsaday, inkastoo aan magacyada, tirada ragga la dilay iyo xogtooda rasmiga ah aan weli la baahin, hadana waxay wararka hordhaca ah sheegayaan in maanta halkaas kooxda looga dilay saraakiil sare oo muddo lagu raad-joogay.

Howlgalladaan is dabajoogga ah waxay ku soo aadayaan, iyadoo maanta Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka degay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe, halkaas oo abaabul dagaal kii ugu cuslaa uu ka socdo.

Deegaanada Sumadaale, Bursha Sheekh, Basra, Ceelbaraf, Galcad, Gal-haruur, Sabiib iyo deegaano kale oo kooxda Al-Shabaab lagu bartilmaameedsaday ayey xalay ilaa maanta garaacayeen diyaaradaha dagaalka ee dowladda Soomaaliya iyo caalamka.

Somaliland hints openness to host Gazans for recognition

HARGEISA, Somaliland – Somaliland’s top diplomat has indicated that the self-declared republic isn’t ruling out the possibility of hosting people displaced from Gaza, according to a report by Israeli public broadcaster KAN.

However, Foreign Minister Abdurrahman Dahir Adan clarified that international recognition for Somaliland remains the crucial first step before any such discussions could even begin.

In a statement sent to KAN, Adan said, “We’re open to any conversation, but we don’t want to jump into topics that haven’t been formally brought up. Any nation keen to discuss specific issues with us must establish official ties and open a diplomatic mission here in Somaliland.”

He further emphasized, “Our biggest priority is getting recognized by the world after 33 years of demonstrating that we are a peaceful, democratic country.”

US and Israeli outreach

These comments follow a report by the Associated Press (AP) on March 14, which revealed that officials from the US and Israel had reached out to three East African nations – Sudan, Somalia, and Somaliland – to explore the possibility of relocating people from Gaza.

This initiative reportedly followed a previous suggestion by then-US President Donald Trump to resettle Gazans once the conflict in the region ends.

The AP report noted Sudan’s outright rejection of the US request. Meanwhile, officials in both Somalia and Somaliland initially denied having been contacted about the matter.

Somalia’s Foreign Minister Ahmed Macallin Fiqi has firmly and publicly stated his country’s opposition to any plan that would undermine “the right of the Palestinian people to live peacefully in their own land.”

Somalia, which views Somaliland as part of its territory, has consistently been a strong supporter of the Palestinian cause.

Somaliland’s shifting stance

The KAN report emerged just five days after Somaliland told the Reuters news agency that there had been “no discussions with anyone regarding Palestinians.”

This apparent change in tone suggests Somaliland might be reconsidering its position or adopting a more strategic approach to this sensitive issue.

KAN reported that Somaliland’s foreign minister suggested that if the United States recognized Somaliland formally, it could pave the way for discussions on various issues, though he didn’t specifically mention hosting Palestinians at that point.

The Israeli broadcaster went further, suggesting that “Somaliland appears to be trying to capitalize on the situation in Gaza and the Palestinian issue to gain political leverage with both the United States and Israel.”

KAN interpreted the minister’s latest statement as a clear indication of Somaliland’s strong desire for international recognition, even if it means engaging with Israel and potentially considering the relocation of Palestinians.

Quest for international legitimacy

Somaliland declared its independence from Somalia in 1991 following the collapse of Somalia’s central government.

Despite maintaining relative stability and establishing democratic institutions, the country has not been recognized by the international community. Achieving this recognition has been a primary goal of its foreign policy for over thirty years.

The Gaza Strip, home to a significant Palestinian population, has faced years of an Israeli blockade and multiple armed conflicts, resulting in a severe humanitarian crisis. P

proposals to relocate its residents have been widely opposed by Palestinian leaders and the international community, who emphasize the right of Palestinians to return to their homes.

Somaliland’s potential openness to discussing the possibility of hosting Gazans is likely to draw considerable international attention, especially given the complexities of the Israeli-Palestinian conflict and Somalia’s strong opposition.

Any such consideration would likely involve significant political and economic factors, with international recognition remaining a key demand for Somaliland’s capital, Hargeisa.

DF oo si qarsoodi ah ciidan uga qoraneysa Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si qarsoodi ah ciidamo uga qoraneysa deegaanada maamulka Puntland, sida uu shaaciyay maamulka.

Puntland oo markii ugu horreysay shaaca ka qaaday arrintan, ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay dhalinyarada reer Puntland u qoraneyso, si ay ugu biiriso ciidamadeeda looguna adeegsado dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo ka hadlayay arrintan, ayaa sheegay in magaalada Boosaaso lagu qabtay siddeed dhallinyaro ah oo la ogaaday in si dhuumaaleysi ah looga dhoofinayay magaalada, kuwaas oo la sheegay inay u socdeen dowladda federaalka.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladda federaalka ay dhalinyaradan ku wado qorshe la’aan, si ay ugu dirto furimaha dagaalka, iyadoo loogu sheekeeyay warar been ah oo la xiriira inay ka shaqeynayaan doorashooyinka qof iyo cod, sida uu sheegay.

“Dhallinyarada reer Puntland ha ka feejignaadaan qorshahaan,” ayuu yiri wasiirka, oo dhallinyarada maamulka ugu baaqay inay joogaan deegaannadooda, si aysan ugu dhicin dabinka dagaal aan loo meel dayin.

Hadalkan ka soo baxay maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli warar soo baxay maalmo ka hor ay sheegayaan in dowladda federaalka ay ciidamo ka qorayso magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa si weyn usii kala fogaaday kadib khilaaf siyaasadeed shaqsi ah oo soo dhex galay labada mas’uul ee ugu sarreeya labada dhinac, taasoo keentay in gebi ahaanba meesha ka baxdo wada-shaqeyntii labada heer dowladeed.

Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray CADALE iyo abaabul xooggan oo socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas si diiran uguu soo dhaweeyey Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullahi Xuseen, masuuliyiin heer Federaal iyo heer-dowlad goboleed ah, saraakiil iyo taliyeyaal ciidan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo halkaasi ka hagi doona howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada iyo dib u hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga oo ay ka jirtay nolol iyo duruufo adag.

Diyaaradaha ay dhawaan soo iibsatay dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya howlgalada dhanka saadka iyo taakuuleynta ciidanka.

Tagitaanka madaxweynaha ee degmada Cadale ayaa imaanaya, xilli uu xalay deegaanka Sumadaale ka dhacay howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka u tababaran ee dowladda.

Ciidankan oo adeegsanayay diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa waxsy ugu daateen goobo argagixisada ku shireysay, iyadoo howl-galkan ka qeyb qaadanayeen saaxiibada caalamka oo ciidanka dhanka hawada ka taageerayay.

Shabaab oo isku dayey inay qaraxyo culus soo geliyaan Xamar – Kadib maxaa dhacay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay isku-day ay kooxda Al-Shabaab ku dooneysay inay qaraxyo culus kusoo geliso magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidanka NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, ayaa gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Shabaab, kuwaas oo ku howlan in ay qaraxyo soo galiyaan magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo shalay galab dhacay ayaa lagu qabtay labo dhagar-qabe oo lagu kala magacaabo; Nuur Muxudiin Jabriil iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud.

Raggan ayaa xilliga gacanta lagu dhigay ku howlanaa in ay soo geliyaan magaalada, 8 miino oo isugu jiray; 3 nooca soo booddada ah, 5 nooca dhejiska ah, iyo 2 bambo F1.

Sidoo kale, howlgal qorsheysan oo ciidamada NISA, ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley waxa ay kusoo qabteen dhagar-qabe lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi.

Ninkan ayaa kooxda Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Macruuf iyo Cali foowdo, kaas oo dhawaan ay kooxdu u soo direen magaalada Muqdisho si uu falal argagixiso uga fuliyo, kaddib markii Sirdoonka Qaranku uu horey ugu guuleystay in uu soo afjaro Shabakadihii Shabaabka ee qaabilsanaa dillalka iyo qaraxyada.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA, ayaa xoojiyay howl-gallada lagu baacsanayo horjoogeyaasha iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee wali isku dayaya in ay maleegaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Mareykanka oo ballan-qaad culus u sameeyay Xasan kadib qaraxii lala beegsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si kulul uga hadashay weerarkii qaraxa ahaa ee maalin kahor agagaarka madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta lagula eegtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu kusii jeeday furimaha hore ee dagaalka.

Mareykanka ayaa ugu horreyntii tacsi u diray ehellada ay dadkoodii ku dhinteen weerarkaasi, halka intii ku dhaawacantay uu u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ballan-qaad culus u sameeyay madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa, wuxuuna sheegay inuu sii xoojinayo taageerada joogtada ee uu siiyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii iyo qaraabadii dadkii kuu dhintay Qaraxaasi, Shacabka Mareykanka waxay mar kale xaqiijinayaan taageerada joogtada ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa dhaawaca ah waxaan u rajeeneynaa bogsiino deg deg ah,” ayaa lagu yiri bayaan ka soobaxay qeybta arrimaha Afrika u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu boggaadiyay horumarada ay ku tallaabsanayaan ciidamada Xoogga dalka ee argagixisada kula dagaalamayo jiidaha hore ee dagaalka.

Midowga Yurub ayaa isna taageero tan la mid ah u muujiyay madaxweyne Xasan Sheekh, kadib qaraxii 18-kii bishaan lagula beegsaday magaalada Muqdisho.

“Midowga Yurub wuxuu mar kale xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay in uu taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto khawaarijta iyo kooxaha kale ee argagixisada ah,” ayaa lagu yiri qoraal horay uga soo baxay Ururka Midowga Yurub.

Dhankooda dowladaha Imaaraadka iyo Qatar ayaa si xooggan u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labada dowladood oo bayaano kala duwan soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkooda adag ee ay ka qabaan diidmada rabshadaha iyo argagixisada nooc kasta ha ahaato sababta iyo ujeeddadu.

Dhacdadan oo uu ka bad-baaday madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho Talaadadii, abaare 10:32 AM, gaar ahaan degmada Xamarjajab, meel u dhaxaysa isgoyska Ceelgaabta iyo dekedda Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha oo u socday furimaha dagaalka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi la fashiliyey isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu nabad ku gaaray goobtii uu ku sii jeeday.

DF oo shaacisay xogta howl-gal saacado badan qaatay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howlgal saacado badan qaatay oo xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan oo si weyn loo qorsheeyay ayey ciidanka qaranka xalay ku beegsadeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, kuwaas oo ku shirsanaa duleedka deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa u dhacay sidii loo agaasimay, waxaana la toogtay dhammaan horjoogayaashii iyo maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Waxaa la toogtay dhamaan horjoogayaashii maleeshiyaadkii goobtaasi joogay, kuwaas oo awoodi waayay inay ka baxsadaan ciidanka gaarka ah ee dowladda oo ku hawlgalayay xog sirdoon oo dhamaystiran,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Dowladda ayaa sheegtay in guul uu kusoo dhammaaday howl-galkan oo qaatay saacado badan.

Dhanka kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku jabiyay Shabaab weerar naflacararinimo ah oo ay kusoo qaadeen nawaaxiga deegaanka Sabiid iyo Caanoole, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Geesiyaasha Qaranka oo ku jiray feejignaan buuxda ayaa markiiba ka hortagay weerarka kooxda, halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado qaatay, ugu dambayntiina lagu burburiyay kooxda.

“Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda kasoo baxay.

“Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas. Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa guulaha ay ka gaareen Khawaarijta, waxaana u mahadcelinaynaa saaxiibada caalamka ee gacanta joogtada ah ina siiya.”

Ugu dambeyntiina, dowladda ayaa sheegtay in ciidanka qaranka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamka ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Shabaab ilaa laga suuliyo dalka oo dhan.

Shacabka Dayniile oo arrin cajiib ah sameeyey – Maxaa xalay ka dhacay degmada?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa xalay sameeyay fal aad loogu riyaaqay oo cajiib ah, kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla markaana doonayay inuu weerar qarax ah ka gaysto degmadaasi.

Ninka oo ay soo qabteen shacabka ayaa la sheegay in bam-gacmeed ku tuuri rabay agagaarka Jaamacadda Gaheyr, balse waxaa ogaaday dhalinyarada deegaanka oo ka hortegay.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ee Internetka ayaa sidoo kale laga arkay shacabka oo garaacaya ninka, kadibna geeyay xarunta ugu dhow ee Booliska.

Dhinaca kale, Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay arrinta ay sameeyeen reer Dayniile, wuxuuna tilmaamay inay farriin culus oo cad ay u direen kooxaha Khawaarijta.

“Shacabka Muqdisho, gaar ahaan reer Dayniile caawa waxay farriin adag u direen kooxaha Khawaatiijta” ayuu ku yiri afhayeenka qoraal uu soo dhiga Facebook-giisa.

Sidoo kale waxaa falkan si weyn uga fal-celiyay dadka isticmaala baraha bulshada, oo iyagana ku boggaadiyay shacabka Dayniile, iyaga oo ku baaqay in lagu deydo.

Cali Yare Cali: “Kacdoonkii dhallinyaro oo ay shalay abuureen saaxiibkeey Abdifatah Barre iyo saaxiibadiis isla caawaba mirodhalkiisii ayaa caasimadda u billowday markii ay dhallibyaro is abaabushar soo qabqabteen Khawaarij guryaha ku dhuumaaleeysaneeysay. GUUL IYO GOBANNIMO”

Haweeya Ismaaciil: “ Shacabka iyo dhalinyarada reer Dayniile halagu daydo khawaarijyada guryaha ku dhuumaaleysanaya soo bixiya”.

Maxamed Xasan: “Guul ama geeri sharaf leh astaamo lagu garto dowladnimo maasha allah guuliysta reer Dayniile”.

Daahir Daacad: “Reer Muqdisho way so jeedaan fadhiga ka kaca cadowga ha jabo dila meeshaad ku aragtaan Khawarijta”.

Sufyaan Mucaawiye:”Haddii la abaal marin lahaa waxaa hubaal ah Shabaab wax tuuro waa la weyn lahaa”.

Suldaan Dhigane: ” Degmooyinka kale ee gobolka Banaadir hanagu daydaano fadlan. Fifa Dayniile”

Imaaraadka oo farriin culus soo gaarsiiyay Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, ahna dhaxal-sugaha dalkaas, Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan. Madaxweynaha ayaa ka guddoomay farriin culus.

Kulankan, oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa daba socday wada-hadal dhanka taleefanka ku dhex maray labada Madaxweyne, kaas oo ay ku adkeeyeen iskaashiga walaalnimo iyo wada-shaqeynta labada dowladood.

Wasiiru-Dowlaha maanta la kulmay Madaxweyne Xasan ayaa soo gaarsiiyay dhambaal iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid, oo xoojinaya xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Intaas kadib, Madaxweynaha oo guddoomay farriinta ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Imaaraatka Carabta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya iyo doorka ay ka qaadanayaan horumarinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka, Mudane Sheikh Shakhboot Binu Nahyaan Aala-Nahyaan, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo-dhoweynta diirran iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Waxa uu tilmaamay muhiimadda iskaashiga Soomaaliya iyo Imaaraatka u leeyahay horumarka iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale ahaan si weyn ugu tiirsan Imaaraadka. Si gaar ah, Imaaraadka waxay Soomaaliya ka taageeraan dagaalka Al-Shabaab, mushaarka qaar ka mid ah ciidamada, kabka miisaaniyadda, iyo lacago kale oo dowladdu mararka qaar u baahato.

Dhowaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar aan xogtiisa la shaacin ku tegay dalka Imaaraadka, isagoo la soo kulmay madaxda dalkaas. Xogta ay Caasimada Online ka heshay kulamadii dhacay waxay muujineysaa in Soomaaliya ay dalbaneysay dhaqaale badan, balse lama oga in codsigooda laga aqbalay.

Sidoo kale, safarka dhaxal-sugaha Imaaraadka ee Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa iyadoo xilkii laga qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Jaamac, oo Madaxweyne Xasan Sheekh u hayey galka Imaaraadka.

Waxaa xusid mudan in Imaaraadku dhowr jeer cadaadis ku saaray dowladda federaalka Soomaaliya hufnaanta maamulidda dhaqaalaha ay siiyaan. Mar ay dalbadeen baaritaan la xiriira arrimahaas, saraakiishii loo xilsaaray baaritaanka ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Wixii ka dambeeyay dilka saraakiishaas, firfircoonidii Imaaraadka ee Soomaaliya way is bedeshay. Imaaraadku waxay u muujiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh in ay dhabarka xijiyeen, iyagoo taageeradoodii u weeciyay Somaliland iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada. Arrintan waxay gaartay heer ay Cabdiraxmaan Cirro ku casuumeen maqaamkii uu lahaa Xasan Sheekh.

Taliye Jareere iyo ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

0

Awdheele (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax culus lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, laguna magacaabayay Maxamed Nuur Jareere.

Marxuumka ayaa hadda ahaa Abaanduulaha Ururka Awdheegl ee 14-ka October, waxaana qarax miino u dhigtay kooxda Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Taliye Jareere oo caan ka dhex ahaa ciidamada ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhintay qaraxa loo dhigay, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii kale ee la socotay ee ka midka ahayd ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xilliga la dilayay taliyaha uu gurmad ugu socday deegaanka Sabiib oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen weerar ku bilowday qaraxyo, uuna xigay dagaal toos ah oo saacado qaatay, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo taliska Xoogga dalka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka, waxayna tilmaameen inuu ahaa geesi ka baxay ciidamada.

Dhinaca kale dilka taliyahan ayaa qayb ka noqonaya taliyeyaal sar sare oo lagu dilay gulufka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay Taliye Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) oo isna dhawaan lagu dilay dagaal ka dhacay Shabeelaha Dhexe.

Weerarka Sabiib ay ku qaadeen Al-Shabaab auaa waxa ay u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyay qaraxyo oo ay ku weerareen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Weerarka ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaan oo kale ay maalmo kahor Al-Shabaab qaraxyo ugu weerareen degmada Awdheegle oo ay muddo kooban la wareegeen, kadib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ee Xoogga dalka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Xogta howlgalkii ugu waynaa oo dhul iyo cir oo lagu qaaday maleeshiyada Al-Shabaab

0

Jowhar (Caasimada Onlin) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgalkii ugu weynaa oo ay xalay ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah ay ku qaadeen Al-Shabaabka soo galay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgalka oo ah mid dhul ah iyo cir ah ayaa waxaa habeenimo lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla aagga deegaannada Sumadaale illaa Bursha Sheekh, waxaana cashir loogu dhigay Khawaarijta.

Wararka ayaa sheegaya in xubno badan oo Shabaab ahaa lagu laayay howlgalkan iyo duqeymaha ee xalay lagu qaaday, kaas oo aad uga xoggaanaa howlgalladii hore, waxayna lasoo wariyay in lagu beegsaday talisyo waawayn oo ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in deegaannada qaar ay ka carareen Al-Shabaab, kadib markii ay u adkeesan waayeen culeyska duqeymaha lagu garaacay.

Dowladda Soomaaliya oo qoraal kooban soo saartay waxa ay sheegtay in howlgal aad loo qorsheeyay oo dhowr jiho ah xalay lagu qaaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, balse ma shaacin khasaaraha kooxda gaaray.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa caawa dhulka iyo cirkaba ka wada howlgallo barakeysan oo ka dhan ah Khawaarijta ku dhuumaaleysanaysa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo dhoor jiho laga galay waxaana ku socda howlgallo nadiifin ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale, ciidamada Danaba ee uu Mareykanku tababaro ayaa iyaguna howlgal kale ka fuiyay isla deegaanka Sumadaale, kaas oo ay dowladdu sheegtay in lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa argagixisada, kuwaas oo uu shir u socday.

“Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed (Danab) ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar qorshaysan ku qaaday goob ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ee argagixisada ah. Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Sumadaale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu beegsaday xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan kuwaas oo halkaas ku lahaa shirar dhagar ah oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaiciyay in howlgalkan uu ahaa mid laga taxadaray, isla markaana aanu waxyeelo kasoo gaarin rayidka, khasaarahana uu ku kooban yahay Al-Shabaab.

Ujeedka howlgalka ayaa sidoo kale ahaa in meesha laga saaro xubnaha Al-Shabaab, si looga hortago khatartooda iyo weeraro ay kasoo maleegaan halkaasi.

“Hawlgalka, oo ahaa mid si taxadar leh loo diyaariyay, ayaa sababay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray Khawaarijta.Ciidanka XDS ayaa ujeeddadoodu tahay in ay meesha ka saaraan cadowga, kana hortagaan khatar kasta oo ay shacabka ku hayaan” ayaa mar kale lagu yiri bayaan looga hadlay howlgalka ay qaadeen Danab.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka soconayo guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana iska kaashanaya dowladda dhexe, HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyada oo qorshuhu yahay in laga saaro deegaannada ay soo galeen ee Shabeelaha Dhexe.

Turkey oo war ka soo saartay xil ka qaadista wasiirkii difaaca Soomaaliya ee ku dhowaa

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa ka hadashay xil-ka-qaadista Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ahaa shaqsi aad ugu dhow, taasi oo timid kadib cadaadis uu Mareykanka saaray Soomaaliya.

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in taageeradii militari ee Maraykanka uu siinayay Soomaaliya ay hoos u dhacday.

Laba ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.

Mas’uul ka tirsan dowladda Turkiga ayaa hoos u dhigay saameynta xilka qaadista Cabdulqaadir ay ku yeelan karto xiriirka Ankara iyo Muqdisho, isagoo ku adkeystay in xiriirkoodu ku saleysan yahay iskaashi hay’adeed, oo aysan saameyn ku yeelan doonin isbeddelka shakhsiyaadka.

“Tani waxba kama beddeleyso xiriirkayaga. Heshiisyada Muqdisho lala galay waxay ku saleysan yihiin iskaashi hay’adeed,” ayuu yiri sarkaalka Turkiga oo codsaday in aan la magacabain.

Sidoo kale, Tunc Demirtas, oo ah khabiir ka tirsan machadka SETA ee Ankara, ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay in muhiimaddu ay noqon doonto xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo laga duulayo danaha labada dhinac.

Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah.

Turkiga ayaa Talaadadii Soomaaliya ku wareejiyay laba diyaaradood oo casri ah oo aan duuliye lahayn, nooca Bayraktar Akıncı UCAV.

Talaabadani waxay ku soo beegmaysaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Ankara iyo Washington, gaar ahaan la xiriira iskaashiga militari, tamarta, iyo tiknoolajiyadda hawada sare ee Turkiga uu la yeeshay Soomaaliya.

Wasiirka cusub ee Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyay warbixin ay ku lifaaqan tahay sawirro muujinaya diyaaradaha Bayraktar Akıncı oo lagu keenay A400M oo ah diyaarad xamuul oo casri ah.

“Walaalka dhabta ah waxaa lagu gartaa xilliga adag. Mar kale, Turkiga wuxuu si aan hore loo arag u garab istaagay shacabka Soomaaliyeed xilli ay la dagaallamayaan xoogag shisheeye,” ayuu ku qoray fariintiisa.

Bayraktar Akıncı, oo ay farsameysay shirkadda difaaca ee Baykar ee dalka Turkiga, waa diyaaradda dagaal ee aan duuliye lahayn oo heer istiraatiiji ah. Waxay ka awood badan tahay nooca TB-2, kaas oo si ballaaran loogu adeegsaday dagaallo kala duwan.

Diyaaraddan waxay hawada ku sii jiri kartaa in ka badan 24 saacadood, iyadoo leh 6,000km oo masaafo duulimaad ah iyo karti ay ku gaari karto 30,000 feet oo joog ah. Waxa ay xambaari kartaa hub culus oo waxyeello weyn gaarsiin kara bartilmaameedyada la beegsanayo.

Bayraktar Akıncı waxay sidoo kale ku qalabeysan tahay nidaam isgaarsiin saddex-geesood ah (satellite iyo xiriirka tooska ah), sirdoon macmal ah oo awood u leh farsamaynta xogaha iyo la socodka xaaladaha dagaalka. Waxay leedahay nidaam si buuxda u otomaatig ah oo loogu talagalay duulimaadka iyo degista.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo war laga naxo u sheegay warbaahinta Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Somaliland meesha kama saareyso suurta-galnimada ah in ay qaabisho dadka reer Gaza, waxaa sidaas warbaahinta KAN ee Israel u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa qoraal uu u diray KAN ku yiri: “Waxaan diyaar u nahay wada-hadal kasta, balse ma dooneyno in aan ka hadalno arrimo aan weli laga wada hadlin. Dal kasta oo danaynaya in uu arrimo gaar ah nala gorfeeyo waa in uu marka hore la sameeyo xiriir rasmi ah oo uu xafiis diblomaasiyadeed ka furto Somaliland.”

“Arrinta ugu muhiimsan ee noo taalla waa in nala aqoonsado kaddib markaan adduunka tusno in aan nahay dal nabadda jecel, dimoqraadiyaddana ku dhaqma, islamarkaana xor ahaa muddo 33 sano ah.”

14-kii Maarso, wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa werisay in mas’uuliyiin ka kala socda Mareykanka iyo Israa’iil ay la xiriireen saddex dowladood oo ku yaalla Bariga Afrika si ay ugala hadlaan suurtagalnimada in dada Gaza loo raro dalalkooda.

Warbixinta AP ayaa xustay in saddexda dal ee lala xiriiray ay kala yihiin Suudaan, Soomaaliya, iyo Somaliland oo dal sheegata balse aan la aqoonsaneyn.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu soo bandhigay qorshe uu ku doonayo in dib loo dejiyo dadka reer Gaza marka dagaalku dhammaado.

Sida ay sheegtay AP, dowladda Suudaan ayaa si cad u diiday dalabka Mareykanka, halka mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Somaliland ay sheegeen in aan wax xiriir ah lagala soo samayn arrintan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda u diidayo “wax kasta oo wax u dhimaya xaqa shacabka Falastiin ay u leeyihiin in ay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkoodii hooyo.”

Warbixinta KAN ayaa soo baxday shan maalmood kaddib markii Somaliland ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay in “aysan jirin wax wadahadal ah oo ay la leeyihiin cidna oo ku saabsan Falastiiniyiinta.”

Sida ay baahisay KAN, wasiirka arrimaha dibedda Somaliland ayaa xusay in haddii Mareykanka uu Somaliland si rasmi ah u aqoonsado, ay markaas suurtagal noqon karto in laga wada hadlo arrimo badan, inkastoo aan si gaar ah loo xusin suurta-galnimada qaabilaadda Falastiiniyiinta.

KAN ayaa sheegtay in “Somaliland ay isku dayeyso in ay ka faa’iidaysato xaaladda ka taagan Gaza iyo arrimaha Falastiiniyiinta si ay uga hesho faa’iido siyaasadeed Mareykanka iyo Israa’iil.”

Hadalkan naxdinta leh ee wasiirka, ayaa laga fahmi karaa sida Somaliland uga go’an tahay in ay wax kasta u sameyso in ay hesho aqoonsi, xitaa haddii ay tahay in ay xiriir la yeelato Israel, oo ay taageerto barakicinta walaalaha Muslimiinta ah ee reer Falastiin.

Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Sabiib

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana xigay dagaal culus oo toos ah.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo ah ku beegsaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka qaraxyada iyo dagaalka ay ka dhasheen khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay.

Dagaal u dhexeeyay ragga weerarka qaaday iyo ciidamada dowladda ayaa ka dhacay halkaasi, wuxuuna kusii fiday dagaalka deegaanno u dhow Sabiib iyo Caanoole oo ay marar badan Al-Shabaab weeraro ku soo qaadeen deegaannadaasi.

Dowladda Soomaaliya oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in laga hortegay weerarka, isla markaana dib loo celiyay maleeshiyaadkii soo qaaday, iyada oo intaas ku dartay in kooxdu ay maydad uga carartay goobta lagu dagaalamay.

“Ciidanka Qaranka ayaa ka hortagay weerarka AS ku soo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellada Hoose, Cadowgu waxa ay goobta uga carareen maydadka tobannaan maleeshiyaadkooda ka mid ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waxaa lagu yiri “Waxaan duco u diraynaa geesiyaasha ku shahiiday iyo kuwa ku dhaawacmay hawlgalkaas”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareyso dagaalka ka socda halkaasi.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidaan oo kale ay maalmo kahor Al-Shabaab qaraxyo ugu weerareen degmada Awdheegle oo ay muddo kooban la wareegeen, kadib dagaal culus oo ay la galeen ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ee Xoogga dalka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dagaalka Itoobiya: Ciidanka Abiy oo laga dilay 355 askari, magaalooyin la qabsaday

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamo hubeysan oo ka tirsan malleeshiyada FANO ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay kaga hortageen ciidamada federaalka Itoobiya ee ku sugan gobolka Amxaarada.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyey in dagaalka lagu dilay ugu yaraan 355 askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF), lagana qabsaday magaalooyin istiraatiiji ah iyo hub aad u tiro badan.

Ilo-wareedyadan, oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda xaaladda, waxay sheegeen in FANO ay hadda gacanta ku hayso goobo muhiim ah oo ku yaalla Gondar Koonfureed, Gojam, iyo Wollo Waqooyi, xilli iska hor-imaadyada u dhexeeya malleeshiyada gobolka iyo ciidamada federaalka ay sii xumaanayaan, xaaladduna ay kasii darayso.

Weerarka ayaa ka bilowday Gondar Koonfureed, halkaas oo dagaalyahannada FANO ay si isku-dubbaridan u weerareen fariisimaha ENDF ee magaalooyinka Ambesame, Wereta, Gasaye, Alem Ber, iyo Addis Zemen. Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in dhammaan magaalooyinkaas ay hadda hoos tagaan maamulka FANO.

Ambesame, oo ah xarunta maamulka degmadiisa, ayaa gabi ahaanba laga saaray ciidanka federaalka, waxaana hadda si buuxda u maamula FANO. Weerarkan ayaa si weyn u wiiqay awoodda ENDF ee gobolka.

Dagaalyahannada FANO sidoo kale waxay la wareegeen Maksegnit, oo qiyaastii 20 km u jirta magaalada Gondar, taasoo sababtay in la go’doomiyo waddada istiraatiijiga ah ee Gondar–Bahir Dar, oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo sahayda ciidamada.

Intaa waxaa dheer, wararka ayaa sheegaya in FANO ay weerartay xabsi ku dhow magaalada Gondar, halkaas oo ay ka sii daayeen maxaabiis siyaasadeed, inkastoo tiradooda rasmiga ah aan weli la xaqiijin.

Khasaare xooggan oo dhacay

Dagaalkii ka dhacay Gondar Koonfureed wuxuu sababay:

  • 355 askari oo ENDF ah oo la dilay
  • 155 askari oo dhaawacmay
  • 35 askari oo la qabtay

Hubka ay FANO ka qabsatay ENDF waxaa ka mid ah:

  • 212 qori oo AK-103 ah
  • 6 qori oo Bren ah
  • 1 qori oo SVD snayper ah
  • 81 walxaha qarxa oo ay ku jiraan bambooyin iyo qaraxyo kale

Ilo-wareedyada waxay xaqiijiyeen in hubkan la qabsaday uu si weyn u xoojinayo awoodda FANO, xilli dagaalka uu sii xoogeysanayo.

Dhaqdhaqaaqyada FANO waxay sidoo kale gaareen Gojam Galbeed iyo Gojam Bari, halkaas oo ay la wareegeen ugu yaraan 13 magaalo, oo ay ka mid yihiin: Debre Markos, Adet, Gonj Kolela, Bichena, Debre Work, Sedie, Degotsion, Quiye, Yed Wuha, Amanuel, Dembecha, Mertule Mariam, iyo Rebua Gebeya.

Dagaalladan ayaa sababay khasaare kale oo gaaray ENDF, inkastoo tiradooda rasmiga ah aan la xaqiijin. Goobjoogayaal iyo ilo maxalli ah ayaa soo sheegay dagaallo culus iyo ciidamada federaalka oo dib uga guray magaalooyin dhowr ah.

Hubka laga qabsaday ENDF ee Gojam waxaa ka mid ah:

  • 3 qalab isgaarsiineed oo militari ah
  • 4 qori oo Bren ah
  • 75 qori oo AK-103 ah
  • 1 qori oo snayper ah

Guulaha FANO ee Gojam waxay muujinayaan in kooxda ay ka gudubtay weeraradii goos-gooska ahaa, una guurtay la wareegidda dhul baaxad leh.

FANO oo qabsaday waddo muhiim ah  

Gobolka Wollo Waqooyi, dagaalyahannada FANO waxay Talaadadii hore weerar culus ku qaadeen magaalooyinka Wergessa, Mehal Amba, iyo Libso, kuwaasoo ku yaalla waddada istiraatiijiga ah ee Woldia–Dessie.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyada goobta, dagaalku wuxuu sababay iska hor-imaad toos ah oo dhex maray ENDF iyo ciidamada taageersan dowladda, iyadoo ugu dambeyn FANO ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta waddadan muhiimka ah.

Dagaalkii ka dhacay Debre Markos, FANO waxay sheegtay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsan ENDF, oo darajadiisu tahay kolonel, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin magaca sarkaalkaasi.

Dhammaan bangiyada iyo hay’adaha kale ee adeega bulshada ayaa sii wadi doona shaqadooda magaalooyinka ay FANO la wareegtay.

Malleeshiyada FANO, oo ah koox hubeysan oo si xowli ah ugu soo baxaysa siyaasadda gobolka Amxaarada, ayaa door weyn ku yeelatay xaaladda amniga ee sii xumaanaysa.

Xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo kooxaha gobollada ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu isku dayay hirgelinta barnaamij lagu hub-ka-dhigayo xoogagga maxalliga ah, lana mideynayo hay’adaha amniga.

Xukuumadda Itoobiya waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah bishii Agoosto 2023, taasoo siisay ciidamada federaalka awood ballaaran oo ay ku sameyn karaan xadhig aan sharciyeysneyn iyo xakamaynta warbaahinta—arrimo ay si weyn u dhaliileen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Weerarka cusub ee FANO wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah, iyadoo kooxdu ka gudubtay weerarro goos-goos ah una guurtay dagaallo ballaaran oo la qorsheeyay, kuwaasoo ujeedkoodu yahay la wareegidda deegaanno iyo dagaal toos ah oo ay la galaan ciidamada federaalka.

Ilaa hadda, dowladda Itoobiya wax war ah kama aysan soo saarin dagaalladan. Isgaarsiinta gobollada qaar ee Amxaarada ayaa weli go’an, taasoo adkeyneysa xaqiijinta madaxbannaan ee wararka qaar.

Muxuu madaxweyne Xasan ku doortay labadan degmo?

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Safarka Madaxweynaha ayaa looga gol lahaa sidii uu u xoojin lahaa Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada, kuwaas oo toddobaadyadii lasoo dhaafay dib u qabsaday deegaanno istiraatiiji ah oo hore looga saaray.

Booqashadan waa tii saddexaad ee uu ku tago Aadan Yabaal iyo Moqokori tan iyo markii ay horaantii 2023 gacanta dowladda soo gashay, lagana saaray maleeshiyaadka argagixisada. Socdaalkan wuxuu ka duwan yahay booqashooyinkiisii hore ee furimaha dagaalka. Haddaba, maxaa ku duugan socdaalka Madaxweynaha, muxuuse kaga duwan yahay safaradiisii hore?

Ahmiyadda Aadan Yabaal iyo Moqokori

Madaxweynaha ayaa booqday labadan degmo min saddex jeer intii u dhaxaysay Nofeembar 2022 iyo Maarso 2025. Degmooyinkan waxay muhiim u yihiin dagaalka, marka la eego abaabulka, isku xirka deegaamada, iyo doorkooda istiraatiijiga ah.

Si gaar ah, Aadan Yabaal iyo Moqokori waxay yihiin deegaannada ugu muhiimsan ee Al-Shabaab mar walba isku dayaan inay dib u qabsadaan si ay u fidiyaan awooddooda bariga gobollada Hiiraan, Galgaduud, iyo Shabeellaha Dhexe.

Degmada Maxaas waxay ahayd halkii ugu horreysay ee Madaxweynuhu kaga dhawaaqay dagaalka sifaynta Al-Shabaab bishii Nofeembar 2022, markaas oo uu xilka hayay lix bilood oo kaliya. Sidaas darteed, ku noqnoqoshada Madaxweynaha ee deegaannadan waxay xoojinaysaa niyadda iyo awoodda ciidanka.

Booqasho uusan isagu dooran

Safarka Madaxweynaha wuxuu yimid kaddib cadaadis ka yimid kooxda argagixisada oo dib u qabsatay deegaanno horay looga saaray sanadkii 2023. Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerarro ka fuliyay degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo masaafo yar u jira Caasimadda Muqdisho.

Si loo xakameeyo xaaladda, waxaa furimaha dagaalka loo daabushay dhammaan noocyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka. Xitaa waxaa loo diray Ciidanka Asluubta oo aan si gaar ah loogu carbin dagaal.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Hirshabelle wuxuu dib u abaabulayaa ciidamada, isagoo dhiirrigelinaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Socdaalkiisu wuxuu siddaa fariimo muhiim ah, maadaama dhawaan isbeddel lagu sameeyay hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib cabasho ay muujiyeen dowlado taageera Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa safarkan wuxuu doortay dhar ciidanka ah, baastooladna sinta ugu jirto, isagoo saaran diyaarad dagaal. Dhif iyo naadir ayay tahay in hoggaamiye qaran lagu arko isagoo hub sita, taasoo fariin adag u direysa shacabka iyo ciidanka.

Xilligan dagaalka, khubarada milatariga waxay sheegayaan in hoggaamiyuhu u baahan yahay inuu si toos ah u muujiyo doorkiisa hogaamineed, si looga mideeyo difaaca qaranka.

Maxaa la gudboon madaxweynaha?

Madaxweynaha wuxuu wajahaya xaalad ka duwan tii 2022 iyo 2023, waayo ciidamada dowladdu hadda waxay ku mashquulsan yihiin soo celinta dhul horey loo xoreeyay. Dowladdu waxay muujisay awood ay ku qabsan karto dhul cusub, balse haynta dhulka la xoreeyay ayaa weli caqabad ku ah.

Dhaqamada kaligii-talisnimada ah ee Madaxweynaha lasoo baxay, sida dardargelinta doorashooyin uu kaligiis wato, waxay keeneen kala qaybsanaan xagga siyaasadda ah. Qodobkaan wuxuu caqabad ku yahay mideynta shacabka iyo ciidanka.

Hadda oo uu joogo furimaha dagaalka, waxaa laga sugayaa inuu caddeeyo in siyaasadda meel la iska dhigay, lana dhiirrigeliyo ciidamada dagaalka hoggaaminaya. Waxaa kale oo muhiim ah in adeegyadii bulshada la gaarsiiyo deegaannada la xoreeyay si ay shacabka u dareemaan farqiga u dhexeeya maamulkii Al-Shabaab iyo dowladnimada.

Si kastaba ha ahaatee, in Madaxweyne Xasan Sheekh uu markale booqdo deegaanno uu laba sano kahor tagay iyagoo xor ah, haddana ciidanka dowladdu weerar ku yihiin, waxay muujinaysaa in weli uusan dagaalka argagixisada helin qorshe qaran oo joogto ah.

Su’aasha taagan ayaa ah: Madaxweynuhu ma sidii hore ayuu dib uga soo laaban doonaa furimaha dagaalka iyadoo hawluhu qabyo yihiin, mise wuxuu markan xaqiijin doonaa ciribtirka cadowga si xeelad qotodheer loo fahmo?

Sooyaalka taariikhda waxbarashada Soomaaliya

(Formal & informal Education)

Hordhac

Waxbarashada Soomaaliya waxay soo martay heerar iyo marxalado kala duwan. Wixii ka horreeyey qabsashadii gumeystayaashii reer Yurub dabayaaqadii qarnigii 18aad, waxaa guud ahaan dhulka ay soomaalidu degto ka jiray barashada Quraanka iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka. Carruurta waxaa lagu barbbarin jiray qorista iyo xifdinta Quraanka. Waxaa xigi jiray tafsiirka Quraanka iyo barashada Axaadiista. Gumeystayaashii qaybsadey dhulka Soomaalida, waxay isku dayeen in ay diinta masiixiga ku faafiyaan Soomaaliya ayagoo kusoo gabbanaya in ay dadka barayaan luqadaha dalalkooda (Ingriis, talyaani iyo fransiis); waxay abuureen goobo lagu faafiyo masiixiyada oo ay maamulayeen wadaaddo rag iyo dumar masiixiyiin ahaa (priests and nuns); hasee yeeshee kuma aysan guuleysan qorshahaas maadaama ay dadka Soomaaliyeed aad ugu dhegganyihiin diintooda Islaamka ah.

Gumeystayaashu waxay bari-jireen dadka guryaha uga adeega iyo kuwa aysan ugu maarmin shaqada beeraha erayo ku kooban adeegsigooda. Ma siin jirin fursado ay wax intaas ka badan ku bartaan. Qofkii ay ku ogaadaan hami waxbarasho oo ka baxsan inta loo oggolyahay waxaa la marsiin jiray ciqaab.

Hase yeeshee waxaa jiray shakhsiyaad aan badneyn oo muddadii u dhexeysay 1940-1950 oo ahayd Xilligii Ingriisku la wareegay dhamaan dhulka ay soomaalidu degto, marka laga reebo dhulki la dhihi jiray Franch Somaliland (Jamhuuriyadda Jabuuti ee maanta), oo uu Ingriiskii u bilaabay waxbarashada asaasiga ah ee luqada ingriiska iyo xisaabta (basic language and arithmetics). Dhanka kale waxaa iyana jiray dhallinyaradii uu gumeystihii Talyaanigu askareeyay una isticmaalay dagaalkii uu la galay Ethiopia (1935-1939), sidaasna ku bartay af-talyaani jajaban.

Xilligaan waa waqtigii ay soo baraarugeen, inta badan, ummadihii la gumeysan jiray bilaabeenna halgan gobannimadoon. Soomaalidu waxay la jaanqaaddey mowjadihii gobannimadoonka ahaa, waana xilligii uu soo if-baxay ururkii Dhaqdhaqaaqii gobannima doonka ee SYL. Ururkanu wxuu dhallinyaradii ku dhiirri geliyay in ayagu ay iskood wax u bartaan maadaama uusan gumeystuhu sameyn nadaam waxbarasho caadi ah (formal education). Waxaa marxaladdaas bilaabmay dadaal aan caadi ahaeyn ee barashada luqada Ingriiska iyo garaacidda makiinadihii wax lagu qori jiray (type writers). Waxaa waxbarashadaan hormuud u ahaa dhallinyaradii Horseedka ee ururkii gobannima doonka Soomaaliyeed SYL.

!951dii waxaa Soomaalida u bilowday waaya cusub oo ay saameyntiisii ay kala dhantaashay midnimadii dhuleed ee Soomaalida; Gumeystihii Ingriiska oo ka carooday, mashruucii AFIS oo ay Qaramada Midoobay (UN) ugu dhiibeen Talyaaniga 10 sano ee xornimo gaarsiinta Koofurta Soomaaliya. Ingriiski wuxuu isla xilligaas ku wareejiyay Boqortooyadii Ehiopia dhulki Soomaalida ee la dhihi jiray Howd (reserve area); waxaa kale oo uu horraantii lixdameeyadii ku daray kenya qayb kaloo ka mid ah dhulki Soomaalida oo la dhihi jiray NFD; wuxuuna toos ula haray maamulidda Gobollada woqooyi (British Somaliland)

Xusuustaan taariikheed ee gaaban waxa ay muujineysaa sida uu gumeystihu u kala dhantaalay Soomaalida iyo dhulkeedii. Kala qoqobkii Soomaalida wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay masiirkii bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed.         

1950-1960 Xilligaaan oo ay Qaramada Midoobay u asteysay xornima-gaarsiinta Soomaaliya; mas’uuliyaddaas waxaana loo kala dhiibay Talyanniga iyo Ingriiska.

Waxaa ugu weynaa waajibaadkoodii diyaarinta hawlwadeeno hanan kara hoggaan maamul dowladeed dhan kasta, siyaasad, aqoon maaamul, arrimaha bulshada sida waxbarasho, caafimaad iyo wax kasta oo dowladnimo gundhig u noqon kara. Muddada loo qabtay oo ahayd 10 sano, ayaa laga garan karaa in, waxa lgu qaban karayay muddada intaa la’eg iyo baaxadda waajibaadkii la saaray dowladahaas, ay ahayd ha qaateen Soomaalidu xornimo magac u yaal ah, maadaama ay dhan kasta ugu tiirsanaan doonaa gumeystaashii la moodayay in laga xoroobay. Tobankaan sano wax weyn kama duwaneyn marxaladihii gumeysiga. Haddii aan si gaar ah u fiirinno dhanka wabarashada, waxaa dalkoo dhan laga hirgeliyey degmoooyinka qaar min 1 dugsi hoose-dhexe, iyo Muqdisho oo laga hirgeliyey 1 dugsi sare caadi ah, 3 heer dugsi saree ee mihnadaha xisaabta, cabbirka dhulka iyo xarunta tababarka macallimiinta dugsiyada hoose. Dugsiyadaas oo dhan waxa ay lahaayeen lntooda badan min 1 fasal 1960 kii. 

1960-1969 Madaxdii Maamulka Dalka kala wareegtay gumeystayaashii 1960kii ma ahayn kuwo aqoon iyo waayaaragnimo maamul dowladeed lahaa, waxa ayse u badnaayeen kuwo daacad u ahaa dalkooda iyo dadkooda. Ayadoo ay sidaas ahaayeen ayey dhaxleen Dal dhan kasta uu ka haystay dib u dhac (dhaqaale, siyaasad, caafimaad, waxbarashada, adeegga iyo wax kastoo dal ku dhaqaaqo).

Tobankaas sano wax isbeddel dhanka horuumarka ah oo macno leh lagama sameyn guud ahaan, sababo la xiriiray, duruufihii qallafsanaa ee mataanaha la ahaa jamhuuriyadda soomaaliyeed ee curdunka ahayd.

Dhanka waxbarashada waxaa laga sii ambaqaaday nadaamkii laga dhaxlay isticmaarkii tegay, mana jirin wax macno leh oo laga beddelay barnaamijkii waxbarasho (manhajkii) uu ka tegay gumeysigii. Dhallinyaro aan badneyn oo dhameysatay dugsiyadii sare ayaa waxbarasho jaamacadeed loogu diray dalal dibadda ah; sida Talyaaniga, Ingriiska, Ruushka, Masar iyo kuwa kale. Afafka wax lagu barto waxay ahaayeen Talyaani koofurta Dalka, halka gobollada waqeeooyi wax lagu baran jiray af-Ingriis iyo dugsiyo fara ku tiris ahaa oo Carabi wax lagu baran jiray sida Dugsigii ALLAH ee masaaridu maamuli jirtay; Afsoomaaligu ma ahayn mid qoran; sidaas darteed wax laguma bara jirin.

1970-1990 labaatankaan sano waxa ay ku asteysan yihiin xilligii Kacaankii 21 ka Octoobar 1969 oo xukunka Dalka ay majaraha u hayeen ciidamadii Xoogga Dalda uuna hoggaaminaayey Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Muddadaas waxan uu Dalku ku tallaabsadey is-beddello waa-weyn ee dhan kasta ah; xag dhaqaale, siyaasad, bulsho, caafimaad iyo waxbarashaba. Waxaan si gaar u iftiimineynaa horumarkii waxbarashada ee xilligaas maadaama aan bilowgi qoraalkaan kusoo shegnay in ujeeddadeeynu tahay Sooyaalka waxbarashada Soomaaliya. Dowladdii Kacaanka waxa ay qaadday tallaabooyin waaweyn ee dhanka waxbarashada; xilligaan waxaa lagu baahiyay dhamaan degmooyinka dalka boqollaal dhismooyin dugsiyo waxbarasho ee heerarka kala duwan (Hoose, Dhexe iyo Sare). Waxaa markii u horreysay ka hanaqaadey Muqdisho waxbarasho heer jaamacadeed ahayd (Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed); waxaa lagu guuleystay in la qoro Afsoomaaliga, waxaa la qaadey ololihii caanka ahaa ee la dagaallanka wax qoris-aqris la’aanta (literacy & Numeracy campaign); waxaa la hirgeliyay manhaj ku qoran afka soomaaliga laga bilaabo dugsiyada hoose ilaa kuwa sare. Qorista afsoomaaliga waxa ay door lama illowaan ah ka qaadatay hoos u dhigidda wax-aqris iyo qoris la’aantii bulshada soomaaliyeed. Qorista afka Soomaaliga ka hor, heerka wax qorista/akhrin la’aantu waxa ay ahayd 85%, waxaana kor loo qaaday ilaa ay ka noqoto 45%  

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa laga hirgeliyey in ka badan 10 kulliyadood oo ay ka qalin jebiyeen kumanaan arday Soomaliyeed. SNU waxa ay ahayd jaamacad haysata aqoonsi caalami ah (international recognition). Manhajka Jaamacadda Ummadda waxa uu ka imaan jiray Talyaaniga, Waxaa wax ka dhigi kiray macalimiin badan oo Ajnabi Waxaa xusid mudan in, guud ahaan maalgelinta Jaamacadda Umadda Soomaliyeed (JUS) ay bixinjirtay dowladda Talyaaniga (dhismayaasha campuses yada, hoyga ardayda, xafiisyada, qaybaha wax lagu barto, mushaaraadka macallimiinta, qalabka wax lagu barto iyo sheybaarrada iwm). 10kii sano ee u horreysay Macallimiinta wax ka dhigi jiray jamacadda 90% waxay ka iman jireen Dalka Talyaaniga. Waxaa jiray barnaamij dalka Talyaaniga takhasus loogu diri jiray qaar ka mid ah ardayydadii ka qali jibisay JUS, si ay qayb uga noqdaan macallimiinta wax ka dhiga JUS. Arrintaanu waxay kalliftay in afka wax looga barto JUS uu noqdo af-talyaani ayadoo maaddooyinka dugsiyada sare duruusta lagu dhigaayey af-soomaali. Sidaas darteed Waxay ardaydu ku khasbanaayeen, markey jamacadda bilaabayaan, in ay 1 sano ku qadato barashada af-talyaaniga, marka laga reebo kulliyaddii Afafka iyo tii Lafoole ee macallimiinta. Si loo dhiirri geliyo Tacliinta sare waxaa arday kasta oo soo dhameysta waxbarashada dugsiga sare la siin jiiray fursad uu ku dhigan karo jaamacadda lacag la’aan.

Qof kastoo dhameysta waxbarashda jaamacadda waxaa laga shaqaaleyn jiray wasaaradaha iyo wakaaladaha Dowladda. Ardeyda ka gasha kaalinta koowaad kulliyad walba waxaa loo qaadan jiray bare kaaliye ee Jaamamacadda si loogu diyaariyo in musytaqbalka ay kala wareegaan macalimiinti ajnabiga ah.

Laga soo bilaabo markii Dalku Xoroobay iyo midowgii labadii Gobol ee woqooyi iyo koofurta Soomaaliya, waxaa Dalka ka jiray isu-dhelli tir la’aan soo jireen ahayd ee dhanka shaqo helidda (employment opportunities) sababtoo ah Gobolladii waqooyi waxaa u ahaa afka rasmiga ah ingriis, halka koofurta afka rasmiga uu ahaa af-taliyaani. Xoogaagii yaraa ee aqoonyahannada (university graduates) oo kasoo kala jeeday Waqooyiga iyo Koofurta uma sinnayn fursadaha shaqo helidda iyo gaarista manaasib saree e Dowladda.

Madaama la qaatay in luqada ingriisku noqoto afka rasmiga ah ee looga shaqeeyo Xafiisyada Dowladda; wuxuu go’aankaanu guud ahaan saameeyey wasaaradihii, hay’adihii iyo wakaaladadihii Dowladda. Sidaas darteed waxaa si aad ah hoos ugu dhacay fursadihii shaqo-helista ee aqoonyahannadii wax ku kusoo bartay af-talyaaniga oo dhammaan kasoo jeeday gobollada koofureed ee Dalka.

Waxaa, dhanka kale, xusid gaar ah mudan:

1- Dowladda ayaa ahayd shaqo-siiyaha ugu weynaa xilligaas 90% (major employer at the time), taasoo caadi ka ah dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo (underdeveloped Countries). Halkaan waxaa cad in miisaankii shaqo helinstu u liicay dhanka dadkii wax kusoo bartay af-ingriiska ee kasoo jeeday Gobolladi Woqooyi.

2- Dhammaan wasaaradihii iyo hay’adihii dowladda ee wax xiriir ah la lahaan karey Dibadda (relations with foreign countries and international institutions) waxaa fursado  shaqo ka helay dhallinyaradii iyo aqoonyahanaddii wax kusoo baratay Gobolladii woqooyi, sidaasna ku hantay intii badneayd shaqadii, derejooyinkii dhexe iyo kuwii saree ee hay’ado dowladeed oo badan sida: wasaarado muhim ahaa, wakaalado, Safiirradii iyo howl-wadeennadii kale ee safaaradaha, agaasimayaal guud, maareeyeyaal guud iyo derejooyin kaloo aan halkaan lagu soo koobi Karin.

Xaaladaha aan kor kusoo xusnay waxa ay ka dhasheen duruufihii ay ku kala sugnaayeen labadii gobol ee Woqooyiga iyo Koofurta Soomaaliya xilligii xurriyadda iyo midowgii.

Waxaan tusaale usoo qaadaneyna, qaar ka ka mid ahaa, saraakiishii rayidka oo hormuudka u ahayd Maamulladii dowladdihii Soomaaliyed ee 1960-1990:

Ahmed siilaanyo, Ibrahim Meygaag, Jaamac Rabbiile, Adan Cabi Xuseen, Xuseen Ceelaabe, Maxamed Sh. Xasan Nuuriye, Cali khaliif Galleyr, Dugsiiye, Maxamed Warsame Ducaale (Bay project), Buraale (libsoma), Xandulle (Wakaaladda Biyaha), Sheef (Bankiha Ganacsiga), M M Nuur kii Bankiga Horuumarinta, Xasharo, Abdi giirre (Mugambo), iyo in kaloo badan. Waxaa intaa dheeraa ayadoo safiirradii dalalka dibadda uga wakiilka ahaa Soomaaliya ay ugu yaraan 70% kasoo jeedeen gobollada Woqooyi.

1990-2024, xilligaan waxaan u kala qaadeynaa 2:

1990-2000, tobankaan sano waxay ahayd bilowgii burburkii Dowladdii Soomaaliyeed oo ay meesha ka baxeen wax kasta oo nadaaan maamul Dowladeed ahaa.  Sidaas awgeed waxaa Dalka ku baahay dagaallo sokeeye oo sababay, dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur-bur saameeyay dhammaan kaabayaashii bulsho-dhaqaale, hantidii dowladda iyo tii dadweynahaba oo boob, dhac iyo bililiqo ku baaba’ay.

Waxaan ka badbaadin biliqadii xilligaas hubkii iyo saanadii ciidamadii difaaca qaranka iyo amniga gudaha. Xilligaaan dib loogama bilaabin Dalka waxbarasho caadi ah (formal education) inkastoo meelaha qaarkood laga asaasay dusiyo aan lahayn manhaj waxbarasho. Waxaa dudsiyadaas abaabulay shakhsiyaad kaalmo dhaqaale ee bani’aadannimo kasoo qaatay ha’yado samofaloyaal ah(INGO), dalal carbeed, dowladaha dariska sida Kenya iyo kuwa Muslim ah. Waxa ay asaaseen dugsiyo hoose dhexe oo wax lagu barto afaka carabiga oo ay tayadoodu aad u hooseysay kuwaasoo isticmaalaya manaahij aan rasmi ahayn oo ay dejiyeen ha’yadaha dhaqaalaha bixiyey. Waxaa xusid mudan, shakhsiyaadka abaabulayey waxbarashada noocaas ah waxa ay ahayeen inta badan kooxo diimeed dhaqaale ka sameynayey waxbarashadaas. Taasi waxay keentay in ubadkii Soomaaliyeed oo suuqa daadsanaa aysan fursad siman u helin waxbarashadaas ee mudnaanta la siin jiray ubadka kooxa diimaadkaas.

Bal qiyaas jiilkii 1990 ahaa 10 jir ee 2000 noqday 20 jir ayagoon helin fursado wax barasho, kuna barbaaray amaba qayb ka noqday fowdo tii u darned dhexdeeda.    

2000-2024, Xilligaan waxaan ku iftiimin doonaa xaaladaha waxbarasho ee guud ahaan Dalka, anigoo il gaar ah ku fiiri doona xaalaha waxbarasho ee Koofurta Soomaaliya.

Ayadoo, sida aan kusoo sheegnay heerka 1aad, aysan waxbarasho nadaamsan jirin (Formal education), ayaa waxaa lasoo gaaray heerkan 2aad oo waxa ay waxbarashadii isu beddeshay mashaariic ganacsi oo jaantaa rogan ah. Waxaa loo tartamay abaabul iyo hirgelin dusiyo hoose-dhexe- sare iyo jaamacado aan habayaraatee lahayn wax nadaam ah iyo maamul dowli ah oo kormeer iyo korjoogteyn ku sameeya.

Waxaa dhacay in qofkasta oo xoogaa lacag ah haystay/helikaray uu kireysto guri kuna magacaabo DUGSI HEBEL ama Jaamacd HEBEL. Waxaa ayaan darro ahayd in kuwa dugsiyadaas abaabulayey 99% aysan aqoon iyo nadaam iyo maamul waxbarasho midna lahayn; ujeedkoodu wuxuu ahaa oo kaliya kasbasho dhaqaale, mana ahayn kuwo ay u muuqatay dhagarta iyo dibindaadyada ay u dhigayeen mustaqbalka jiilalasha soo koraayey. Xaaladdaanu waxa ay si ba’an u dhaawacday mustaqbalka waxbarasho ee Gobollada koofureed, inkastoo ay siyaabo kala duwan u saameysay dhamaan Dalka intiisa kale.

Waxaa dadaal badan sameeyay Dalladihii Waxbarasho ee xilli dhexe (2000-2010) ku soo biiray saaxaddii waxbarasho ee Dalka; haseyeeshee waxaa dadaalkoodii wiiqayay dhaqan xumadii ka horreysay ee ganacsatadii iyo kooxo diimeedyadii ku tuntay waxbarashada. Waxaa hore loo yiri “Aayaddii alif ka wareerta Albaqra kama toosto”. Waxaa caado noqotay in la iibsado shahaado heer kasta ah, min dugsi hoose illa shahaado jaamacadeed. Waxaa kale oo caado noqotay in ardey waxbarasho ku dhaca uusan jirin arrimo amni iyo daacad darro awgood. Dhaqan xumidaan waxay dhaxalsiisay malaayiin dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ay u suurtoobi weysay in ay Dalka ka tahriibaan, inay xilligaan dugsanayaan shahaadooyin been abuur ah ama aysan lahayn aqoonteeda; taasoo lagu tilmaami karo musiibo heer qaran ah oo aan lagu baraarugsaneyn saaxada noloshana ka saartay jiilal soomaaliyeed oo naftooda, dalkooda iyo dadkooda wax tari lahaa.

Waxaa dhanka kale dhibaato lasoo deristay waalidiintii duruufihii adkaa kharash ku bixinaayey waxbarashada ubudkooda, kuwaasoo tacabkoodii laga dhigay HAL BACAD LAGU LISAY, maadaama ay ubakoodi darbiyada la fadhiyaan waraaqo (shahaadooyin been abuur ah oo lagu khayaanay) oo aan waxba u tareyn.

Waxaa intaas u dheer, dhallinyaradii lagu khiyaanay dugsiyo iyo jaamacado aan tayo lahayn, in uusan jirin maamul dowladeed oo fiiro u leh xalaaladaha murugada leh ee haysta boqollaalka kun ee jiilashii 30 iyo dowrkii sano ee ka dambeeyay buburkii dowladdii Soomaaliyeed ee 1990kii. Fursadaha yar ee shaqooyinka soo baxa waxaa qaata dad dibad joog ahaa oo si eex iyo qaraabo kiil ah loogu meeleeyo shaqooyinka soo baxa. Arrinkaan waxaa fududeeya ayadoo inta badan ha’adaha Dowladda (wasaaradaha iyo Wakaaladaha) ay madax ka yihiin xubno qurbajoog ah oo si aan gabbasho lahayn oo cadaaladda ka fog u shaqaaleysiiyo qaraabadooda ama qaraabada madaxda saree ee Dalka.

Xilligan la joogo waxaa dhallinyada u furan (kuwa wax bartay iyo kuwa aan wax baranba) in ay xubno ka noqdaan(Asker) qaybaha kala duwan ee ciidamada amniga; fursaddaan nafteedu waxa ay mararka qaar u baahantahay gacan qabad.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, oo ah shakhsi wax badan ka mid ahaa dalladihii waxbarashada, ayaa labadii sano ee u dambeysay isku deyayey inuu wax ka beddelo khayaanadii ku socotay waxbarashada ardayda soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Tallaabooyinka uu qaaday wasiir Faarax Cabdulqaadir waxaa ugu muhimsan:

Kordhinta tirada macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada hooe-dhexei-sare, hase yeeshee macallimiintu ma ahan kuwo leh aqoon iyo khibrad wax-barid (Knowledge and teaching skills). Kama jirijirin Dalka machadyo iyo kulliyado jaamacdeed oo lagu diyariyo macallimiinta mustaqbalka (teachers training institutes and university faculties). Arrintaas oo 5-tii sano ee u dambeysay xoogaa soo hagaageysay. Jaamacadaha gaarka loo leeyahay oo awalba iska tayo liitay iyo Jaamacadda Ummadduba, waxay ku dadaaleen in ay hirgeliyaan kulliyado waxbarasho oo ay macalimiintu ka soo baxaan (Faculties of education). Sidoo kale dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe, qaarkood, waxaa laga hirgeliyey xarumo lagu tababaro macalimiinta (Teacher training centres) oo laga maalgeliyey mashruuc loo yaqaan Global partnership for education(GPE) oo kharajka ka hesha dowladda Mareykanka. Halkaas waxaa ka muuqatay haddii amaanka wadanku sii hagaago, dadaalka iyo tayeynta macaliintuna si socoto in mustaqbalka dhaw tayada waxbarashadu ay horumar sameyn karto.

1- Wasaaraddu waxay soo rogtay in ardayda soo dhameysata dugsiyada sare ay maraan sannad waxbarasho oo dheeri ah inta aysan bilaabin Jaamacadaha (Foundation year), gobolada qaarkoodna laga yiraahdo (Semister zero) taaas oo loola jeedo in lagu xoojiyo aqoontooda heerka dugsi sare.

2- Waxaase barnaamijkaan macno tiraya in ardayda soo dhameysata dugsiyada sare, oo intooda badan aan soo marin waxbarasho xiriir ah (hoose-dhexe-sare); Sidaas darteed wax badan soo kordhin mayo hal sano. Waxa ugu muhiimsan oo sannadkaas la barayaa waa luqadda Ingiriiska iyo hab qorista saxda ee Af soomaaliga (Somali professional writing).

3- Wasaaraddu waxay bilowday dib-u-habeynta (reform) boqollaalka jaamacadood ee Dalka ka jira ee in badan ah magac u yaal aan lahayn wax nuxur iyo tayo toona. Arrinkanu ma ahan mid sahal looga gun gaari karo maadaama ay taabaneyso dano shakhsiyaad leh awood siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba oo ku hodmay ka ganacsiga dugsiyada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay.   

4- Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Waxbarashada sanooyinkan dambe laga hirgaliyey barnaamij loo yaqaan EIMS (Educartion Information management system). Barnaamijkaas (Data base) waxa uu sahlayey in dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee dalka ka jira lagu xareeyo warbixintooda oo dhammeystiran si loola socdo in ardeygu waxbarasho xiriir ah leeyahay isla markaasna imtixaanada ay galaan iyo dhibcaha ay ku gudbiyaan ay sax yihiin. Barnaamijkaasi waa uu ka hirgalay dalka marka laga reebo Somaliland.

Waxaa kaloo wasaaraddu ay soo kordhisay mid la mid ah EIMS oo loo yaqaan HEIMS (Heigher education information management system). Barnaamijkaan waxaa loogu talo galay in lagula socdo xaaladda waxbarasho ee Jaamacadaha dalka. Ardey kasta oo Jaamacad dhigta dalka oo ay ku jirto Somaliland waxaa uu leeyahay HEIMS LAMBER, haddii kale wasaaraddu uma aqoonsaneyso in uu ardeygaasi jaamacad dhigto ama uu ka soo qalin jabiyey. Barnaamijklas HEIMS wuxu hirgalya horrantii 2024.

Barnaamijyada kor ku xuan oo intooda badan laga maalgelin jiray kaalmo ka imaneysay USAID, waxaa dhibaato weyn u keeni kara go’aanka Madaxweyne Trump ku joojiyey dhamaan maalgelinti ay bixi jirtay Hay’adda USAID.

Geba gebo iyo talo jeedin:

Tayeynta manaahijta iyo horumarinta aqoonta iyo mihnadda waxbaridda macallimiinta waa tallabooyinka ugu horreeya ee xilligaan waxbarashda Dalka hor u tabinta u leh (firt priority for Somalia education).

Dhanka tacliinta sare waxaa loo baahanyahay dib u eeegidda tayada jaamacadaha Dalka ka jira iyo dib u habeyntooda (universities review and reform) oo ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ku tallaabsatay, balse loo bahanyahay in si dhab ah loo hirgeliyo dib u habeynta jaamacadaha Dalka.  Wasaaradu waxay macagacowday guddiga Tacliinta sare oo ku meel gaar ah. Guddigaasi waxay tirokoobeen Jaamacadaha dalkaa, waxay kormeereen jaamacad walba labo goor, laga soo bilaabo Hargeysa ilaa Kismaayo. Waxay soo saareen qiimeyn hor dhac ahayd ayagoo qiimeeyey 106 Jaamacadood. Waxay u aqoonsadeen 41 ka mid ah in ay yihiin Jaamacdo hore usii socon kara., qaybo kalena waxay ku qiimeeyeen in la siiyo fursad ay ku hagaajiyaan waxa ay hayaan. In badan oo ka mid ah waxay soo jeediyeen in la xiro.

Nassib darro, guddigaas sababo sharci awgeed ayuu isaga baaba’ay, talooyinkoodiina lama hirgalin. Waxaase la rajeynayaa in mid cusub la magacaabo sannadkaan 2025ta gudihiisa.

Waxaa, dhanka kale, wax ka qabasho deg deg ah u baahan curinta barnaamijyo heer qaran ee lagu jahaynaayo dugsiyo farsamo kala duwan oo dhallinyarada iyo da’dhexaadda Soomaaliyeed (young and middle-aged) oo ku nool guud ahaan Dalka gudihhisa, gaar ahaan koofurta Soomaaliya, ee lagu khayaanay waxbarasho aan tayo lahayn iyo shahaadooyin jaamacadeed oo been-abuur ah. Ayadoo ay jirto in dhallinyarada intooda badan aysan helin xataa fursadaha lagu hantay shahaadooyinka wax laguma dheefaanka ah.

Sanadihii 2000 ilaa 2017-kii ha’yado maxalli ah (NGO) ayaa dhaqaale uga soo qaadan jiray ha’yadaha UNICEF, NRC USAID, ETC in ay sameeyaan dugsiyo lagu barto mihnado shaqo sida Harqaanka haweenka, korontada, farsamada baabuurta, sameynta qalab xaafiisyada(Carpenter) iwm. Ha’yadahaasi marar badan ayagoo aan sameyn wax dugsi ah ayey lacagta ku lunsan jireen warbixin been ah oo ay u qori jireen ciddi lacagta bixisay. Waxaa dhici jirtay in ay dad ay 5 dolar ama 10 doolar inta qof kasta siiyaan oo qol iskugu keenaan ay masawirro ka qaadi jireen.

Hadda wasaaradda Waxbarashada waxay diyaarisay manhaj farsamada gacanta ah, waxa ayna isku dayeysaa in ay buuxiso kaalintii ha’yadahaas. Laakiin weli wax rasmi ah oo muuqda ma sameyn marka laga soo tago sameynta Manhajkaas.

Waxaa ayaan darro ah in, habayaraatee, aan lagu baraarugsaneyn baaxadda ay la’egtahay kala fogaanshaha tirada dadka soo dhameysanaya jaamacadaha aan tayadooda soo sheegnay, kuwa dugsiyada sare dhameystay iyo guud ahaan dhallinyarada rajo-la’aanta derbiyada fadhiya; iyo dhanka kale oo Dalka uusan ka jirin, soona muuqan waqtiga dhow koboc iyo horuumar dhaqaale (economic growth and development in the foreseeable future) oo dabooli kara baahida shaqo (absorptive capacity of employment demand).

Waxaa lagama maarmaa ah in la wajaho baadi goobka xal u helidda dhibaatooyinka shaqao la’aanta ah oo ay la ildaranyihiin bulshada qaybaheeda kala duwan siiba kuwa dhameystay wax-barashada heerarkeeda kala duwan ayadoo la tixgelinaayo duruufihii lasoo dersay muddadii waxbarashadoodii.

Waxyaabaha lagu tallabsan karo waxaa ka mid ah abaabulid machadyo iyo dugsiyo farsamo oo lacag la’aan ah (free technical institutes and vocational training schoolos) oo lagu barto farsamooyinka iyo xirfadaha kala duwan sida: dhismaha qaybihiisa kala duwan, koronta caadiga ah, Solar ka iyo korontada baabuurta, mihnadda hoteellada iyo soo dhoweynta (hospitality and turismo), alxanka biraha, Farsamada alwaaxda iyo biraha (welding, wood and steel carpentary), makaanikada, cunto karinta, hagaajinta computers-ka iyo teleefoonnada (computer hardware and mobile repair technicians) iyo farsamo iyo xirfad kastoo dowr ka qaadan karta horumarka bulsho-dhaqan-dhaqaale ee Dalka.

Haddii aan la qaadin tallaabooyin wax ka beddeli kara dhibaatooyinka is-biirsaday ee ragaadiyay bulshada soomaaliyeed, ma foga waqtiga la filan karo kacdoon bulsho (social apprising) oo ay hormuud ka yihiin dhallinyarada rajo la’aanta la ildaran.     

W/Q: Pro. Abdullahi Ahmed Afrah, wasiirki hore ee Ganacsiga ee TFG. [email protected]

Turkey downplays exit of close Somali minister amid US push

ANKARA, Turkey — Turkey has minimized the significance of Somalia’s defense minister’s dismissal, asserting that its robust relationship with Mogadishu will endure, despite reports suggesting the move followed pressure from the United States due to the minister’s close ties with Ankara and deepening bilateral cooperation.

A Turkish government official, speaking on condition of anonymity to Caasimada Online, emphasized the institutional foundation of their partnership.

“This doesn’t change our relationship. The agreements with Mogadishu are based on institutional cooperation,” the official affirmed.

The removal of Abduulkadir Mohamed Nur, who was reassigned to the Ministry of Ports and Maritime Transport, has ignited speculation about shifting geopolitical dynamics in the Horn of Africa and potential ramifications for US military involvement in the region.

Sources indicate that Washington had voiced concerns regarding Nur’s efforts to bolster Somali-Turkish collaboration in defense, energy, and aerospace. These anxieties reportedly stem from the close alliance between the US and the United Arab Emirates, Turkey’s regional rival.

According to a Somali official who spoke to Middle East Eye, US officials had consistently pressed President Hassan Sheikh Mohamud to remove Nur, citing insufficient collaboration with American forces.

The US also purportedly sought access to the comprehensive defense and economic pact signed by Somalia and Turkey in February.

“They were concerned about plans related to Turkey establishing a space base in Somalia that could potentially include long-range missile tests,” the Somali official told the publication. US apprehension also extended to Turkish-Somali agreements concerning oil and gas exploration.

Ankara reaffirms commitment to Somalia

Despite the development, Turkey has reiterated its steadfast commitment to supporting Somalia.

Tunc Demirtas, a security analyst at the Ankara-based SETA think tank, underscored that Turkey would continue its assistance, prioritizing strengthening their strategic partnership based on mutual interests.

On Tuesday, Turkey delivered two advanced Bayraktar Akıncı unmanned combat aerial vehicles (UCAVs) to Somalia. The transfer comes amid growing tensions with the United States over Ankara’s expanding military, energy, and aerospace cooperation with Mogadishu.

Somalia’s newly appointed Minister of Ports and Marine Transport, Abdulkadir Mohammed Nur—who previously served as defense minister—confirmed the drones’ arrival in a Facebook post.

He shared images of the aircraft being offloaded from an A400M cargo plane, emphasizing Turkey’s unwavering support.

“A true brother is revealed in difficult times. Turkey has once again provided unprecedented aid to the Somali people, who are battling against foreign invaders,” Nur wrote.

The Bayraktar Akıncı, developed by Turkish defense firm Baykar, is a high-end combat drone with significantly greater firepower than the widely deployed TB-2 model. It boasts a flight endurance of over 24 hours, a range of 6,000 kilometers, and a maximum altitude of 30,000 feet.

Equipped with triple-redundant satellite and line-of-sight communication systems, the UCAV integrates artificial intelligence for signal processing and situational awareness. It also features automated flight control and landing capabilities, enhancing its operational effectiveness.

Evolving power dynamics in the region

This situation unfolds against a backdrop of potentially changing US engagement in Somalia.

Washington recently suspended funding for the Danab Brigade, an elite Somali military unit trained by AFRICOM, and issued warnings about potential Al-Shabaab attacks.

These actions and the alleged pressure on Nur suggest a possible recalibration of US strategy in the region.

Conversely, the defense agreement signed between Somalia and Turkey in February 2024 signifies a deepening strategic alliance. The delivery of the sophisticated Bayraktar Akıncı drones further cements Turkey’s role as a key security partner for Somalia.

The Bayraktar Akıncı is a high-altitude, long-endurance unmanned combat aerial vehicle with advanced weaponry and surveillance capabilities, significantly boosting Somalia’s military capabilities.

The interplay between the United States, Turkey, and Somalia underscores the complex geopolitical landscape of the Horn of Africa.

As Turkey seeks to expand its influence and security partnerships, the US, a long-standing player in the region, particularly in counter-terrorism efforts, appears to adjust its approach.

The removal of the Somali defense minister highlights Somalia’s delicate balancing act in navigating its relationships with powerful international actors while striving for stability and security.