27.4 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

U.S. Embassy in Mogadishu rejects pullout rumors in Somalia

Mogadishu, Somalia — The United States has dismissed reports that it evacuated staff from its Mogadishu embassy, countering rumors of escalating security threats in Somalia’s capital.

The U.S. Embassy in Somalia issued a statement debunking claims of a staff withdrawal as “baseless and fabricated” following fears of an imminent security crisis. “These reports have no merit,” the embassy declared, insisting operations remain unaffected.

The rebuttal came after Puntland’s regional government claimed on Saturday that U.S. diplomats had left Mogadishu.

Puntland’s Information Minister, Mahmoud Dirir, tied the alleged exit to clashes at Aden Adde International Airport, near the Halane compound housing international personnel, including Americans.

Terror warnings fuel tensions

The denial follows a March 5 embassy alert warning U.S. citizens of “credible intelligence” signaling possible attacks in Somalia.

Details on the threats were scarce, but risks were flagged at key sites, including Mogadishu’s international airport. Per the notice on its official website, the embassy ordered staff to suspend all movements.

“The U.S. Embassy in Somalia reminds Americans that terrorist groups are still planning kidnappings, bombings, and other attacks here,” the alert read.

It warned of sudden strikes targeting airports, checkpoints, government buildings, hotels, markets, and areas frequented by Westerners or military convoys, often with minimal warning.

U.S. ramps up airstrikes

The U.S. State Department has upheld a Level 4 travel advisory for Somalia since July 2024, citing terrorism, crime, and instability—a stance unchanged, the embassy said.

The alert coincides with intensified U.S. military action since President Donald Trump’s January 2025 return to power.

Defense Secretary Pete Hegseth reported that a February 1 airstrike—the first of Trump’s second term—killed several ISIS militants, with no civilian losses noted.

U.S. Africa Command (AFRICOM) has since launched multiple strikes alongside Somali forces, hitting ISIS and Al-Shabaab targets in Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar, and Boulo-Burte.

A recent International Crisis Group report pegs ISIS numbers in Somalia at hundreds, primarily entrenched in Puntland’s Cal Miskaat mountains—a remote stronghold in the Bari region.

Somalia’s fragile security landscape

The U.S. plays a pivotal role in Somalia, backing the federal government against Al-Shabaab, an Al-Qaeda affiliate that has plagued the country since 2006.

Mogadishu, home to over 3 million, hosts the fortified Halane compound within the airport zone, a nerve center for diplomatic and military efforts.

Sporadic fighting near this area highlights Somalia’s fragile stability despite years of international intervention.

Al-Shabaab remains a potent force, controlling rural zones and striking cities—evidenced by a March 11 hotel attack in Beledweyne that claimed seven lives.

Puntland’s assertion of a U.S. exit—swiftly denied—underscores tensions with Somalia’s central government.

The northeastern region, semi-autonomous and often at odds with Mogadishu, may leverage the claim for political gain.

The embassy offered no further comment beyond its rejection, signaling a resolve to stay put.

Somalia airstrikes hit Al-Shabab base in Jilib, kill leaders

MOGADISHU, Somalia – The Somali government announced Sunday that joint airstrikes with international partners had inflicted substantial damage on the Al-Shabaab militant group in the southern Middle Juba region.

The intensive operations, conducted overnight and into Sunday, specifically targeted key Al-Shabaab locations within the Jilib district, a known insurgent stronghold.

A press release from the Ministry of Information detailed that the strikes focused on the district’s administrative center, a facility the militants termed a “jihadist center,” two compounds used for training and explosives preparation, and the residences of two alleged senior commanders, Hassen Yaqub, and Amin.

The government asserted that all targeted facilities in Jilib were destroyed. The statement also claimed that numerous Al-Shabaab commanders and fighters were killed or wounded, with authorities currently working to confirm the exact casualty figures.

While the Somali government’s statement did not identify the international partners involved, the United States military has historically conducted airstrikes against Al-Shabaab in Somalia, often in coordination with the national government.

Aerial operations expand to other regions

Beyond Jilib, the government reported that separate aerial operations occurred in the Lower and Middle Shabelle regions.

These strikes reportedly eliminated key Al-Shabaab strongholds in the Ceelbacad area, situated on the border of Middle Shabelle and Galgaduud regions, and in the Mubaarak area of Lower Shabelle.

These regions have long been significant areas of Al-Shabaab activity, frequently used as staging grounds for attacks on government forces and civilians.

The Somali government also issued a stark warning to civilians living in areas still under Al-Shabaab’s control. The press release urged residents to avoid locations known to harbor the militants, citing the ongoing and intensified airstrike campaign.

“Warning: The Somali government cautions the Somali populace residing in areas where the Khawaarij [a government term for Al-Shabaab] are hiding to stay clear of their centers or the enemy’s presence, as the Khawaarij are under constant targeting,” the Ministry of Information stated.

The anti-terrorism efforts

Al-Shabaab rose from the ashes of Somalia’s Islamic Courts Union, briefly seizing Mogadishu in 2006 before an African Union offensive reclaimed the capital in 2011.

Since then, the group has entrenched itself in rural strongholds like Jilib, a strategic town in the Jubba Valley, leveraging its fertile lands and proximity to Kenya for logistics and recruitment.

President Hassan Sheikh Mohamud, elected in May 2022, has prioritized dismantling the militants, blending military pressure with efforts to choke their financial lifelines.

The group aims to overthrow the internationally recognized government and establish its own regime based on a strict interpretation of Islamic law. Al-Shabaab frequently conducts bombings and attacks in the capital, Mogadishu, and across the country.

Jilib, the focus of the major airstrikes, is strategically located in the Middle Juba region, a long-standing area of significant influence for Al-Shabaab, which provides it with operational depth and resources.

The term “Khawaarijta” (singular: Kharijite) is an Arabic term historically referring to a radical Islamic sect known for its extremism and violence. The Somali government and its allies frequently employ this term to delegitimize Al-Shabaab.

The Somali government reiterated its unwavering commitment to eradicating Al-Shabaab from Somalia, emphasizing the continued collaboration between the Somali National Army, international partners, and the Somali people.

These latest airstrikes occur amidst sustained efforts by the Somali government, supported by international missions to weaken Al-Shabaab’s control over various parts of the country.

While the government often reports successes against the group, Al-Shabaab continues to demonstrate its capacity to conduct attacks and maintain its presence in several regions.

The reported targeting of alleged senior commanders Hassen Yaqub and Amin, if confirmed, would represent a notable setback for Al-Shabaab’s leadership. However, the group has historically shown resilience and the ability to replace commanders.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Awdheegle kadib dagaalkii shalay ka qarxay

0

Awdheegle (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaansho ah laga dareemayo degmada Awdheegle oo ay shalay ku dagaallameen ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Khawaarijta ay baabuur qaraxyo ah kusoo wareereen fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ee ku yaalla degmadaasi, waxaana kadib sidaas ku billowday dagaalka oo soo gaaray illaa xalay.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Abuukar Sheekh Maxamed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda Awdheegle ay degan tahay, ciidamadana ay cashir lama illaawaan ah u dhigeen maleeshiyaadkii argagixisada ee soo weeraray.

“Waxay Khawaarijta Al-Shabaab isku dayeen inay soo weeraraan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka hortegay guutooyinka Gorgor iyo October oo is garabsanayo, waxayna gaarsiiyeen Khawaarijta jab aad u weyn” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa haatan Awdheegle dhooban baqtiyadooda oo ay ku indho doogsanayaan shacabka ku nool degmada Awdheegle”.

Dhanka kale, waxaa inta uu socday dagaalka Al-Shabaab u suurtagashay inay gudaha u galaan degmada Awdheegle, iyagoo u dagaalamay si aan horay loo arag.

Waxaa dagaalka sidoo kale ku dhintay Taliyihii ururka Gorgor, iyada oo is difaac badan kadib ciidamadu ay sameeyeen dib u gurasho, balse markii dambe oo ay heleen gurmad, ay ciidamadu laabteen difaacyadooda.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la gaarsiiyay khasaare culus, waxaana goobjoogayaal ku sugan Awdheegle ay Caasimadda Online u sheegeen inay arkeen meydadka Shabaab tiro beel ah oo dagaalka lagu dilay, kuwaas oo yaalla luuq kasta.

Ugu yaraan afar muuqaal duube oo Shabaab ah ayaa la sheegay in maanta Ciidamada Dowladda ay ku dileen dagaalka Awdheegle.

Khasaaraha gaaray ciidanka waa yaraa, Maxamed Tawane Ciilow oo ahaa weriyihii ururka Gorgor ee Shabaab kula dagaalamay Awdheegle ayaan kamid ahaa askarta lagu dilay dagaalka.

Si kastaba, howlgallada ayaa sii soconayo, waxaana ujeedka dowladda uu yahay in laga hortago weerarada Al-Shabaab ee gobolka oo soo badanayay maalmihii lasoo dhaafay.

Kooxda ayaa xooggeeda isugu keentay Shabeellooyinka, iyada oo xittaa xalay iyo shalay lagu arkay deegaannada Ceelasha Biyaha, Lafoole & Xaawo Cabdi oo u dhow magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyo, kadibna ay isaga laabteen.

Mareykanka oo beeniyey been ay faafisay Puntland

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa beenisay inay shaqaalaheedii kala baxday magaalada Muqdisho, kaddib sababo amni oo soo kordhay.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo qoraal rasmi ah soo saartay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya inay bilowday la bixista shaqaalaheeda, kaddib cabsi laga qabo halis amni oo soo fool leh Muqdisho.

“Wararkaas waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah,” ayey tiri safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo sheegtay in safaaraddu ay si caadi ah u shaqeynayso.

Hadalkan ayaa imanaya xilli maalintii shalay ahayd uu maamulka Puntland sheegay in Mareykanka uu la baxay diblumaasiyiintiisi Muqdisho ku sugnaa.

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Dirir oo arrintan ka hadlay ayaa markaas ku sababeeyay inuu furin dagaal noqday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo kaabiga ku haya xerada Xalane oo ay degan yihiin wakiillada caalamka.

Dhinaca kale, Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dhawaan soo saartay digniin amni, oo ay uga digtay khataro weerarro lala beegsado goobo kala duwan oo ku yaalla caasimadda, oo ay ku jirto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Waxay safaaraddu hakisay dhammaan safarrada shaqaalaheeda ilaa amar dambe, halka muwaadiniinta Mareykankana laga mamnuucay inay u safraan Muqdisho.

Sidoo kale, safaaradda ayaa markaas sheegtay in kooxaha argagixisadu ay wadaan abaabulka qaraxyo iyo weerarro, iyadoo xustay in xaaladda amniga ee Soomaaliya ay weli tahay mid aan degganeyn.

DF oo faah-faahisay duqeynta JILIB iyo bartilmaameedka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu faahfaahiyay duqeyn saacado badan qaatay oo xalay iyo illaa maanta ka dhacday gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa waxaa si gaar ah loogu garaacay xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in la burburiyay dhammaan xarumahaasi, sidoo kalena lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada, waxaana dowladda Soomaaliya ay intaasi kusii dartay in haatan ay waddo tirakoob.

Dhinaca kale howlgallo kale oo dhanka cirka ahaa iyana ka dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu burburiyay fariisimihii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaalla xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida lagu caddeeyay bayaanka goordhoweyd kasoo baxay dowladda.

Nuqul kamid ah warsaxaafadeedkan waxaa sidoo kale digniin culus loogu diray shacabka weli dhex deggan Al-Shabaab oo loogu baaqay inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxda, maadaama lagu hayo duqeymo joogta ah.

“Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaaliyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda warfaafinta.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Howlgal aad loo qorsheeyay oo ay sameeyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo muhiim ah oo Khawaarijta ay ku lahaayeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo kala ah, xarunta degmada, xarunta waxa ay ugu yeeraan jabhadaha, labo xarun oo ay ku samayn jireen tababarada iyo qaraxyada iyo labo guri oo ay daganaayeen Horjooge Xasan Yacquub iyo Horjooge Amiin.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu burburiyay dhammaan goobaha la beegsaday, waxaana jira khasaaro xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha cadowga, kuwaas oo wali dowladdu ay ku wado tirokoob.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgallo kale oo bartilmaameed ah waxay ku burburiyeen fariisimihii ugu muhiimsanaa cadowga Khawaarijta ah oo ay ku lahaayeen deegaanka Ceelbacad ee ku yaala xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud iyo deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta dagaalka jihaadka ah ee ka dhanka ah Khawaarijta inta ay joogaan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.

Digniin, Dowladda Soomaaliya waxay uga digaysaa shacabka Soomaaliyeed ee sugan goobaha Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan inay u dhowaadaan xarumaha Khawaarijta ama goobaha ay joogaan cadowgu, maadaama Khawaarijta lagu beegsanayo goob kasta.

Madaxweyne Xasan oo xilka ka qaaday Maxamed Qoone

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar walba wuxuu ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan.

Dabayaaqadii 2022-ka ayey ahayd markii madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) inuu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada.

Qoone ayaa horey u ahaan jirey Xildhibaan, waxaana uu ka soo galay baarlamaanka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay magacaabay la-taliyeyaal badan, oo mararka qaarkood lagu wareerayo waxa ay qabtaan, balse dadka ku dhow Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in magacaabistan ay tahay qancis loo sameynayo beelaha iyo maamul goboleedyada qaar, oo aysan la-taliyeyaasha wax talo ah siin madaxweynaha.

DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Shabaabkii lagu arkay Ceelasha Biyaha

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaadday tallaabo culus oo la xiriirta xubnihii Al-Shabaab ee xalay lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyo, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa Caasimadda Online u sheegay in xalay afurkii kadib ay Shabaab soo galeen deegaanka, iyagoo isku fidiyey xaafadaha deegaankan oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale waxay demiyeen layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxay dadka u sheegayeen inay si nabad ah ku joogaan deegaanka, mana jirin wax iska caabin ah oo ciidamada dowladda ay kala kulmeen.

Intaasi kadib waxaa jawaab deg-deg ah arrintan ka bixisay dowladda Soomaaliya oo ciidamo iyo saraakiil gaysay deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo sameeyay kormeer iyo howlgal amni xaqiijin ah.

Saraakiishta tegtay Ceelasha ayaa booqday xarumaha ganacsiga ee ku yaalla hareeraha laamiga, waxayna u sheegeen ganacsatada iyo dadka deegaanka in xaaladda ammaan ay wanaagsan tahay, isla markaana laga rabo inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

Xaaladdan soo korortay ayaa cabsi wayn ku keentay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ka dhashay hadal-heyn xooggan oo qabsatay baraha bulshada, iyada oo dadku ay is waydiinayaan, sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay soo gaaraan halkaasi.

Kooxdaan ayaa sidoo kale shalay lagu arkay deegaannada Xaawo-Cabdi iyo Lafoole oo dhaca inta u dhexeysa Afgooye iyo Ceelasha Biyaha, taas oo sii kordhisay cabsida laga qabato inay weeraro ka fuliyaan halkaasi.

Sidoo kale, salaaddii subax ee shalay weerar ayay ku qaadeen degmada Awdheegle halkaas oo uu xalay gabalku ugu dhacay iyagoo dhinac ka jooga magaalada, oo ka baqdin qaba haddii ay u baxaan banaanka in la duqeeyo, maadaama diyaaradaha dagaalka ay dul wareegayaan Awdheegle, gudaha magaaladana aan lagu duqeyn karin.

Horay sidaan oo kale waxa ay usoo gaareen degmada Balcad oo iyana qiyaastii 35 KM u jirta caasimada, iyaga oo saacado kooban haystay, kadibna isaga baxay.

Hadal-heyn culus ayaa hadda ka taagan magaalada Muqdisho oo sidaan ay Shabaab ugu soo dhawaadeen markii ugu horeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa horay ugu goodisay in 17-ka Ramadaan ka hor ay Muqdisho qabsanayaan.

Ugu yaraan labo goobood oo kale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanno hoos taga degmada Cadale ayaa shalay lagu dagaalamay, halkaas oo Shabaab badan lagu laayey, in kastoo dhankaasna ay kooxdu kasoo dhawaatay.

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

DF Soomaaliya oo sheegtay in Sacuudi Carabiya ay ka aqbashay codsi xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineysa sidii loo laali lahaa xukunno dil ah oo lagu riday ku dhawaad 40 muwaadin Soomaaliyeed oo xiran dalka Sacuudi Carabiya.

Tallaabadan waxay qayb ka tahay qorshaha ballaaran ee xukuumadda si loo hubiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool ay helaan difaac sharciyeed.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa Jimcihii shaaciyey inuu arrintan kala hadlay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya.

Wadahadalkoodu wuxuu ku saabsanaa sidii loo xaqiijin lahaa cadaaladda maxaabiista Soomaaliyeed iyo xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal.

“Waxaan kala hadlay safiirka Sacuudiga sidii loo joojin lahaa fulinta xukunka dilka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna naga aqbalay codsigeenna. Sidoo kale, waxaan ka wadahadalnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada caddaaladda iyo garsoorka,” ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin.

Iyada oo qayb ka ah dadaalkan diblomaasiyadeed, wasiirku wuxuu soo jeediyey heshiis ku saabsan is-weydaarsiga maxaabiista, kaasoo suurta gelinaya in maxaabiista Soomaaliyeed ee xukunnada ku qaadanaya Sacuudiga dib loogu soo celiyo Soomaaliya si ay xabsiyadooda ugu dhammaystaan dalkooda.

Soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed

“Waxaan ku dadaalaynaa sidii loo soo celin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga ku jira si ay xukunnadooda ugu dhammaystaan Soomaaliya. Waxaan u gudbinay heshiis rasmi ah oo arrintan la xiriira, waxaana sugaynaa jawaabta Wasaaradda Caddaaladda Sacuudiga si loo dhammeystiro,” ayuu yiri wasiirka.

Dadaalka dowladda ee ku aaddan faragelinta sharciyeed wuxuu daba socdaa fulintii xukun dil ah oo lagu riday muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Nuur Xuseen bishii Febraayo 2025.

Maxamed ayaa lagu xukumay dil, laguna fuliyey gowrac, kaddib markii lagu helay dembi la xiriira ka ganacsiga daroogada, sida uu dhigayo xeerka ciqaabta adag ee Sacuudiga.

Qoyska Maxamed ayaa si adag u dhaliilay hannaanka maxkamadayntiisa, iyaga oo ku doodaya in aan la siin xuquuqdiisa sharciyeed, in difaac sharci oo ku filan uusan helin, islamarkaana aan loo oggolaan in uu rafcaan ka qaato xukunka.

Kaddib dilkii Maxamed, qoysaska maxaabiista kale ee wajahayay xukunnada dilka ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho, iyaga oo dowladda ka dalbaday inay si degdeg ah u farageliso oo ay ka hortagto fulinta xukunno kale oo dil ah.

Sacuudi Carabiya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee fuliyo xukunka dilka, iyada oo ciqaabtaasi lagu rido danbiyada ay ka mid yihiin ka ganacsiga daroogada, dilalka, iyo falalka argagixisanimo.

Nidaamka garsoorka Boqortooyada Sacuudiga wuxuu ku salaysan yahay shareecada Islaamka, taasoo oggol ciqaabo adag, oo ay ka mid yihiin gowraca.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa si isdaba joog ah u dhaleeceeya daah-furnaanta la’aanta maxkamadaha Sacuudiga, gaar ahaan kiisaska la xiriira ajaaniibta, kuwaas oo marar badan aan helin qareen difaaca xuquuqdooda si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Ciidamo ka tirsan NISA oo weeraray Kenya + Khasaaraha

Mandera (Caasimada Online) – Kenya ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan booliska Kenya lagu dilay magaalada Mandera Jimcihii, halka mid kale uu ku dhaawacmay, kadib markii koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya (NISA) ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka.

Shan sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku sugnaa xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee Mandera, markii ay la kulmeen koox ka tirsan NISA oo tiradoodu lagu qiyaasay 20, kuwaas oo rasaas ku furay.

Constable Dennis Omari ayaa lagu dilay weerarka, halka Wright Mokua uu ku dhaawacmay rasaasta. Intii ay dhacdadu socotay, laba qori ayaa lagala baxay ciidamada Kenya, kuwaasoo gacanta u galay kooxda NISA.

Hubka la qaatay waxaa kamid ah qori nooca G3 ah (lambarka A00708) oo ay la socdeen 60 xabbo oo rasaas ah, kaasoo uu lahaa sarkaalkii la dilay, iyo qori AK-47 ah (lambarka 5501352) oo ay la socdeen 30 xabbo oo rasaas ah, kaasoo uu lahaa sarkaal ka tirsan kaydka booliska qaranka.

Weerar aargudasho ah

Sida ay sheegeen booliska Mandera, weerarkan wuxuu la xiriiray aargoosi ka dhashay xarigga labo qof oo lagu eedeeyay isku-day afduub oo la doonayay in lagula kaxeysto shaqaale Shiinees ah oo ka shaqeynayay mashruuca bulaacadaha ee magaalada Mandera.

Walaalka mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa ku jira gacanta booliska, waxaana saraakiisha Kenya ay rumeysan yihiin inuu fududeeyay weerarka lagu qaaday ciidamada booliska.

Taliyaha Baarista Dembiyada ee Mandera, Pius Gitari, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagu sameeyay Kenya.

“Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya waxay weerar ku qaadeen askarteenna xadka, waxay dileen mid ka mid ah oo ay la baxeen labo qori,” ayuu yiri Gitari oo la hadlayay warbaahinta.

Gitari wuxuu intaa ku daray in ujeeddada weerarka ay ahayd in la afduubto saraakiisha booliska si loogu cadaadiyo dowladda Kenya inay sii deyso eedeysanayaasha la xiray.

“Kooxdu waxay rabtay inay askarteenna afduubato, balse markii ay la kulmeen ciidan hubeysan, rasaas ayaa la is-weydaarsaday,” ayuu yiri.

Cadaadis la saaray booliska Kenya

Xubnaha NISA ayaa dhowr jeer booqday saldhigga booliska Mandera, iyagoo si aan shuruud lahayn u dalbanayay in la sii daayo labada eedeysane.

“Waxaan ogayn booqashooyinkooda joogtada ah iyo cadaadiska ay saarayeen sii deynta raggan. Sidaas darteed, waxaan go’aansanay in eedeysanayaasha loo wareejiyo Nairobi. Kooxda NISA waxay rabtay inay askarteenna afduubtaan si ay u khasbaan wadaxaajood lagu sii deynayo eedeysanayaashan,” ayuu yiri Gitari.

Isla markii uu weerarku dhacay, ciidamada ammaanka ee Mandera waxay la xiriireen maamulka magaalada Buulo Xaawo ee Soomaaliya.

“Waxaan weydiisanay maamulka Buulo Xaawo in ay nala soo celiyaan hubkeenna oo ay soo qabtaan kuwii weerarka fuliyay,” ayuu yiri Gitari.

Fiidnimadii Jimcaha, qorigii G3 ayaa lasoo celiyay, balse baaritaanka lagu raadinaayo qorigii AK-47-ka wali wuu socdaa.

“Waxaa nagu adag inaan si rasmi ah ula xiriirno dowladda Soomaaliya ee Buulo Xaawo, maadaama ay jiraan laba maamul oo iska soo horjeeda. Waxaa jira ciidamo ka tirsan Jubaland oo leh guddoomiye degmada, iyo sidoo kale ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA) oo iyagana leh guddoomiye u gaar ah,” ayuu yiri Gitari.

Xariga eedeysanayaasha lala xiriiriyay weerarka

Booliska ayaa sheegay in mid ka mid ah walaalaha eedeysanayaasha uu fududeeyay weerarka.

“Walaalka mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa hogaaminayay weerarka. Waxaan cadaadis saaraynaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa falkan oo ay Kenya ku wareejiyaan,” ayuu yiri Gitari.

Bishii Febraayo 18, ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Mandera ayaa xiray Isaack Abdi Mohamed, oo loo yaqaano Kharan Abdi Hassan, iyo Noor Yakub Ali, kadib markii lala xiriiriyay qorshe lagu afduuban rabay ajaaniib ka shaqeyneysay mashruuc dowladeed oo ka socda Mandera East.

Booliska waxay sheegeen in Mohamed uu ka soo gudbay xadka Soomaaliya, isagoo si sharci darro ah ku helay aqoonsi Kenyan ah, taasoo u fududeysay inuu si xor ah ugu safro gudaha Kenya.

Sida ay ilo-wareedyada amniga ee Mandera sheegeen, Mohamed wuxuu ka yimid deegaanka El-Ade ee Soomaaliya.

Kahor intaan la xirin, Mohamed wuxuu horumar ballaaran ka sameeyay qorshihiisa afduubka shaqaalaha Shiineeska, xitaa wuxuu qof maxalli ah siiyay 100,000 oo shilinka Kenya ah si uu uga caawiyo fulinta howlgalka.

Waxaa kale oo boolisku xireen guddoomiye ku xigeenka xaafadda Bula Power ee Mandera, Yussuf Maalim Isaack, kadib markii lagu eedeeyay inuu fududeeyay bixinta aqoonsiyada Kenyaanka ee si sharci darro ah loo sameeyay. Isaack ayaa la xiray bishii Febraayo 20, 2025.

Dhacdadan Jimcaha ah waxay kusoo beegantay iyadoo ay jireen warar sheegaya in weeraro argagixiso lagu bartilmaameedsanayo makhaayadaha cuntada ee Mandera.

“Isbuucii hore waxaa nalagu amray inaan xirno makhaayadaha ay maamulaan dadka aan deegaanka u dhalan, iyada oo lagu eedeeyay inay cuntada iibinayaan xilli Muslimiintu sooman yihiin,” ayuu yiri qof leh makhaayad ku taal Mandera, kaasoo codsaday in aan la magacaabin.

“Waa wax laga naxo in diinta loo adeegsado cadaadis lagu saarayo dadka ganacsiga leh,” ayay tiri haweeney ka mid ah ganacsatada Mandera.

“Warkan wuxuu naga soo gaaray saraakiisheena amniga, waxaana naga yaabisay in dadkii la rabay inay na ilaaliyaan ay hadda xannibayaan ganacsigeenna,” ayay raacisay.

Puntland oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah DF

0

Garoowe (Caasimadda Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo uu xilligan khilaaf culus kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo kale oo yaab leh, ugana sii dareyso xiisadda u dhexeysa labada dhinac.

Puntland ayaa si cad u diiday qorshaha ay waddo dowladda dhexe ee ku aaddan qaadashada kaarka hay’adda NIRA oo haatan laga bixinayo magaalada Muqdisho, lana geeyay qaar kamid ah gobollada dalka.

Kaarka ayaa ah aqoonsi muwaadinimo oo ay bixiso hay’adda NIRA, kaas oo la rabo inay qaataan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu sidoo kale muhiim u yahay doorashada dadweynaha ee ay rabto in Villa Soomaaliya ka qabato dalka, inkastoo weli uu ka taagan yahay is faham-waa xooggan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Puntland Mudane Faysal Sheekh Cali oo arrintan si adag uga hadlay ayaa ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadayaan qof weliba oo reer Puntland ah oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee hay’adda NIRA oo hoostagta dowladda federaalka Soomaaliya.

Faysal Sheekh ayaa intaasi kusii daray in qofkii qaata kaarkaas uu lumin doono xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, balse ma caddeyn tallaabada ay qaadayaan ama waxa ay tahay xuquuqda uu waaynayo qofka qaata kaarka hay’adda NIRA.

Sababta ugu weyn ee ay Puntland ku diiday arrintan wuxuu ku sheegay in jiritaanka hay’adda NIRA aysan aqoonsaneyn, isla markaana ay tahay hay’ad aan ku dhisneyn nidaamka dastuurka ee heshiiska lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

“Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa xuquuqda aas-aasiga ah ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi Ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, maadaama ay Puntland qaadatay go’aan uga sii daraya khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka, waxayna arrintu mareysaa meel halis ah oo haddii aan wax laga qaban keeni doonto saameyn intaan ka ballaaran.

Horay Puntland ayaa marar badan uga hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddelka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.

Dhammaan go’aannadan ayaa daba socda is faham-waaga Xasan Sheekh iyo Saciid Deni oo horay ugu kala tegay arrimaha siyaasadda oo ay isku fahmi waayeen, waxaana haatan xiisadda uga sii daray qorshaha ay waddo Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka oo dhaliyay khilaaf horleh oo xooggan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee u dhexeysa Muqdisho iyo Garoowe oo haatan sii kala fogaanayo.

Daawo: SHIINAHA oo hal arrin oo xasaasi ah uga digay madaxweynaha Somaliland

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Shiinaha ayaa hal arrin uga digtay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, taas oo ku aaddan xiriirka kala dhexeeya Taiwan oo muddooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay.

Safiirka Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, Amb. Wang Yu oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa si adag uga hadlay xiriirka Somaliland ay la leedahay Taiwan, wuxuuna sheegay inuu cambaareynayo tallaabooyinka noocaas oo kale ah.

Wang Yu ayaa shaaca ka qaaday in Taiwan ay tahay qayb muhiim ah oo ka mid ah dhul-weynaha Shiinaha, isla markaana aanay ogolaan doonin, sida dal oo kale in loola macaamilo.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Danjiruhu inay qaadayaan tallaabooyin cadaadis lagu saarayo maamulka fadhigiisu Hargeysa, si uu uga hakado xiriirka Taiwan.

“Waxaa jira oo keliya hal Shiine oo adduunka ah; Taiwan-na waa qayb aan laga goyn karin Shiinaha, waxaa jira dalal badan oo taageersan in la helo dib-u-midaynta qaranka, taasi waa xaqiiqda aasaasiga ah,” ayuu wareysiga ku yiri Mr. Wang Yu.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in labada dhinac ay isku garab siinayaan gooni istaag, balse ay ka digayaan in lagu sii socdo waddadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Taiwan waxa ay gacan saar la leedahay quwadda siyaasadeed ee Hargeysa, iyaga oo si cad ugu ololeynaya gooni-isu-taagga. Waanu cambaaraynaynaa oo waanu uga digaynaa xoojinta xidhiidhkaasi,” ayuu mar kale yiri safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Danjire Wang Yu wuxuu carabka ku goday in dhanka kale ay xoojinayaan xiriirka kala dhexeeya dowladda federaalka, ayna taasi beddelkeeda ka hortegayaan tallaabooyinka Somaliland, si loo ilaaliyo midnimada dhuleed iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Shiinuhu wuxuu garab siinayaa dowladda Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada dhuleed ee qarankooda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo dhowaan madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ka dhawaajiyay in maamulkiisa uu xoogga saari doono sidii sare loogu sii qaadi lahaa xiriirka xooggan ee kala dhexeeya maamulka Taiwan oo isku dano ay yihiin marka loo eego marxaladda ay wada marayaan.

Xogta duqeymo culus oo ka dhacay JILIB iyo meelo kale

0

Jilib (Caasimadda Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo maanta iyo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday deegaannada Boos Hareeri iyo Ceelbacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu shaaciyay afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga, Abuukar Sheekh Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay furimaha hore ee dagaalka.

Abuukar ayaa shaaca ka qaaday in duqeymahaasi lagu dilay saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan argagixisada, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo ay lahayd kooxdu.

Duqeynta labaad ayaa iyadana ka dhacday Shabeellaha Hoose, wuxuuna afhayeenka tilmaamay in lagu burburiyay buundo macmal ah oo ay sameysteen Al-Shabaab, isagana gudbi jireen gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

“Waxaa duqeynta lagu burburiyay gaadiid ay wateen maleeshiyaadka Khawaarijta oo isugu jiray suugag iyo teedhi-sabano, sidaas oo kale waxaa la burburiyay buundadii ay isaga gudbi jireen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose” ayuu yiri Abuukar.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ka hadlay xaaladda degmada Awdheegle, wuxuuna sheegay in weli ay howlgallo kasii wadaan ciidamada Xoogga dalka oo uu tilmaamay inay jab gaarsiiyeen Shabaab, walow lasoo wariyay in xalay qayb kamida degmada ku hoydeen.

Abuukar Sheekh Maxamed ayaa intaasi kusii daray in weli maydadka Al-Shabaab ay dhex daadsan yihiin gudaha Awdheegle, oo shalay ay kula dagaallameen ciidamada.

Dhinaca kale, waxaa iyana duqeyn kale oo saddexaad ay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo ah fadhiga ugu wayn ee Al-Shabaab, waxaana xalay diyaarado dagaal ay beegsadeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo qoraal kooban soo saaray ayaa si kooban uga hadlay duqeynta Jilib, wuxuuna tilmaamay inay faahfaahinta dib ka shaacin doonaan weerarkaas cirka ah ee lagu qaaday Shabaab.

“Hawlgalka ciribtirka Khawaarijtu wuxuu gaaray Jilib, faahfaahin ayaad heli doontaan insha allaah, ma jiri doonto goob iyo gabbaad nabad ah oo Khawaarij ay ka hesho gayigeenna alle edinki” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray wasiir Al-Cadaala.

Duqeymahan ayaa waxaa lagu taageerayaa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee haatan dagaalka adag kula jiro argagixisada oo ay isku hayaan Shabeellooyinka.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa sidoo kale looga hortegayaa qorshaha dib isku soo abaabulidda Al-Shabaab oo mar kale kusoo rogaal celisay deegaanno horay looga xoreeyay, iyadoo ujeedka duqeymaha ay yihiin in lagu curyaamiyo awooddooda.

Deni iyo Swan oo kulan ku yeeshay Boosaaso + Sawirro

0

Boosaaso (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulankan oo ka dhacay hoyga madaxweynaha ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

Qaramada Midoobey ayaa bogaadisay hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland iyo dadaalka ay Puntland ku bixisay hawlgalka qorsheysan ee Daacish looga sifeynayo buuraleyda Calmiskaad.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay amniga guud, mashaariicda horumarineed, iyo arrimaha bani’aadantinimo ee Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.

Dagaalka Daacish

Dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ciidamada maamulka Puntland ay ka wadaan buuraha gobolka Bari ayaa si habsami leh u socda, iyada oo laga gaaray guulo waaweyn.

Dagaalkan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qaybgalaya saaxiibada caalamiga ah, sida Mareykanka iyo Imaaraadka, oo duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland.

Ciidamada ayaa maalmihii ugu dambeeyay la wareegay saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ku lahayd aagga buuraha Calmiskaad ee Bari, sida ay sheegtay Puntland.

Ciidamada ayaa talisyada ay gaareen ka helay hub, rasaas, agab militari, iyo raashin ay ka carareen maleeshiyaadka argagixisada ee Daacish.

Sidoo kale, xarumaha lala wareegay waxaa ku jiray goob lagu tababari jiray dagaalyahannada cusub ee kusoo biiraya maleeshiyada kooxda, iyada oo ciidamada ay dhammaan gacanta ku hayaan xarumahaas iyo agabka ay ka carareen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dagaalka hoggaaminaysa.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan ku dhawaaqday wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, kaas oo ujeedkiisu yahay in laga sifeeyo deegaannada maamulkaas oo ah fadhiga ugu weyn ee kooxda.

Xog xasaasi ah: Al-Shabaab oo caawa soo galay Ceelasha Biyaha – Maxaa ka socda dalka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa caawa isku fidisay deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo gudaha u galay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo dhaqdhaqaaqyo culus ay ka wadaan.

Goobjoogayaal ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa Caasimadda Online u sheegay in caawa Afurkii kadib ay Shabaab soo galeen deegaanka, iyagoo isku fidiyey xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha.

Waxay demiyeen layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxay dadka u sheegayeen inay si nabad ah ku joogaan deegaanka, mana jirin wax iska caabin ah oo ciidamada dowladda ay kala kulmeen.

Ciidamada dowladda ayaa difaac ka xirtay xeryaha ay ka degan yihiin deegaanka Ceelasha Biyaha, halka Al-Shabaab ay dhex-roondaynayaan xaafadaha magaalada.

Sidoo kale, Ciidamadii ku sugnaa baraha koontaroollada ayaa isugu soo aruuray saldhigga weyn ee Siinka Dheer oo u dhexeeya Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Tareedisho.

Kooxdaan ayaa maanta lagu arkay deegaannada Xaawo-Cabdi iyo Lafoole oo dhaca inta u dhexeysa Afgooye iyo Ceelasha Biyaha, sidoo kale cabsi xoog leh ayaa ka taagan degmada Afgooye oo looga baqayo inay Shabaab soo weeraraan.

Sidoo kale, Saakay salaaddii weerar ay ku soo qaadeen degmada Awdheegle ayaa caawa gabalku ugu dhacay iyagoo dhinac ka jooga magaalada, oo ka baqdin qaba haddii ay u baxaan banaanka in la duqeeyo, maadaama diyaaradaha dagaalka ay dul wareegayaan Awdheegle, gudaha magaaladana aan lagu duqeyn karin.

Hadal-heyn culus ayaa caawa ka taagan caasimadda Muqdisho oo sidaan ay Shabaab ugu soo dhawaadeen markii ugu horeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, kooxda ayaa horay ugu goodisay in 17-ka Ramadaan ka hor ay Muqdisho qabsanayaan.

Ugu yaraan labo goobood oo kale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanno hoos taga degmada Cadale ayaa maanta lagu dagaalamay, halkaas oo Shabaab badan lagu laayey, in kastoo dhankaasna ay kooxdu kasoo dhawaatay.

Soomaaliya ayaa hadda u baahan badbaado deg deg ah, maadaama Al-Shabaab ay wadaan weerarro is dabajoog ah oo aan horay loo arag, halka awoodda ciidamada qaranka ay sii dhimayso, halka meelaha qaarna ay ka jirto abaabul yari iyo gaabis dhanka dowladda ah.

Xogta dagaal culus oo xalay ka soo bilowday Awdheegle – Yaa caawa heysta magaalada?

0

Awdheegle (Caasimadda Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka salaaddii subax ka soo billowday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, dagaalka ayaa soo gaaray caawa fiidkii, waxaana dhacay khasaare culus.

Kooxda Al-Shabaab waxaa maanta u suurtagashay inay gudaha u galaan degmada Awdheegle, iyagoo u dagaalamay si aan horay loo arag.

Hal urur oo ka tirsan ciidanka Gorgor ayaa kula dagaalamay magaalada, waxaa subixii horaba dagaalka ku dhintay Taliyihii ururka, is difaac badan kadib ciidamadu waxay sameeyeen dib u gurasho.

Goobjoogayaal ku sugan Awdheegle ayaa Caasimadda Online u sheegay inay arkeen meydadka Shabaab tiro beel ah oo dagaalka lagu dilay, kuwaas oo yaalla luuq kasta.

Ugu yaraan afar muuqaal duube oo Shabaab ah ayaa la sheegay in maanta Ciidamada Dowladda ay ku dileen dagaalka Awdheegle.

Khasaaraha gaaray ciidanka waa yaraa, Maxamed Tawane Ciilow oo ahaa weriyihii ururka Gorgor ee Shabaab kula dagaalamay Awdheegle ayaan kamid ahaa askarta lagu dilay dagaalka.

Diyaaradaha dagaalka ayaa maanta duhurkii ku biiray dagaalka, iyagoo duqeeyey kooxda Al-Shabaab, inkastoo ay ka bixi diideen magaalada, iyagoo ka cabsanaya in diyaaraduhu duurka ku laayaan.

Ciidamo kasoo gurmaday Shabeellaha Dhexe oo uu hoggaaminayo Taliyaha guutada 14-ka Oktoober Nuur Farey iyo kuwo ka baxay Muqdisho ayaa galabta gurmad ahaan u tegay Awdheegle, waxaana la xoojiyey dagaalka tooska ah, si Shabaab-ka looga saaro magaalada, looguna duqeeyo banaanka.

Dagaal culus kadib, waxaa kooxda la isugu geeyey xaafadaha ugu dambeeya magaalada, waxaana dhacay qorraxda oo habeen ayaa la galay, iyadoo hadafku yahay in kooxda laga saaro magaalada, si loogu duqeeyo duleedka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay xabsiga Awdheegle kala baxeen Yacquub oo ahaa horjoogihii u qaabilsanaa deegaanka Mubaarak, kaas oo shalay galab isku soo dhiibay ciidamada qaranka ee ku sugan Awdheegle, iyagoo ku tilmaamay ‘mid ayaan daran.’

Qorshaha dowladda waa in Shabaab la duqeeyo markii ay ka baxaan magaalada Awdheegle, halka iyaguna ay ka baqayaan taas, maadaama diyaaradaha dagaalka ay dul wareegayaan magaalada oo caawa ku jirta xaalad colaadeed.

Liiska Soomaaliya iyo 40 dal oo kale oo go’aanka Trump uu saameyn doono (Aqriso)

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu soo rogo xayiraado safar oo ballaaran, taasoo saameyn doonta muwaadiniinta dalal badan, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrinta iyo warqad ay aragtay wakaaladda wararka Reuters.

Warqadda ayaa xustay in 41 dal loo kala saaray saddex qaybood.

  • Kooxda koowaad, oo ka kooban 10 dal Afghanistan, Cuba, Iran, Libya, North Korea Soomaaliya, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen—ayaa lagu wadaa in gebi ahaanba laga joojiyo bixinta fiisaha.
  • Kooxda labaad, oo ka kooban 5 dal—Eritrea, Haiti, Laos, Myanmar iyo Koonfurta Suudaan—ayaa la filayaa inay wajahaan xayiraado qayb ahaan ah, taasoo saameyn doonta fiisayaasha dalxiiska, ardayda, iyo kuwa socdaalka, inkastoo ay jiri doonaan wax ka reeban.
  • Kooxda saddexaad, oo ay ka mid yihiin 26 dal sida Angola, Antigua and Barbuda, Belarus, Benin, Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cambodia, Cameroon, Chad, Democratic Republic of the Congo, Dominica, Equatorial Guinea, Gambia, Liberia, Malawi, Mauritania, Pakistan, Republic of the Congo, Saint Kitts and Nevis, Saint Lucia, Sao Tome and Principe, Sierra Leone, East Timor iyo Turkmenistan. Dalalkan ayaa la tilmaamay inay wajihi doonaan xayiraad qayb ah oo lagu joojin karo bixinta fiisaha Mareykanka, haddii dowladahooda aysan 60 maalmood gudahood wax ka qaban “ciladaha la xiriira habraacyada baaritaanka iyo amniga.”

Mas’uul Mareykan ah oo codsaday in magaciisa aan la shaacin ayaa sheegay in liiskan uu isbeddel ku imaan karo, isla markaana uusan weli helin oggolaanshaha maamulka, oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio.

Wargeyska The New York Times ayaa markii ugu horreysay shaaciyay liiskan dalalka la xusay.

Tallaabadan waxay dib u soo nooleynaysaa xayiraaddii safarka ee uu Madaxweyne Donald Trump hore ugu soo rogay toddobo dal oo Muslimiin u badan intii lagu jiray xukunkiisii ugu horreeyay, taasoo marar badan la beddelay ka hor inta aysan Maxkamadda Sare ansixin sanadkii 2018.

Trump ayaa 20-kii Janaayo soo saaray amar fulineed oo adkaynaya baaritaanka amniga ee lagu sameeyo qof kasta oo ajnabi ah oo doonaya inuu galo Mareykanka, si looga hortago khataraha amniga qaranka.

Amarkan wuxuu farayaa in xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay 21-ka Maarso u gudbiyaan liis rasmi ah oo muujinaya dalalka laga mamnuuci doono ama si qayb ah loo xadidi doono socdaalkooda, maadaama “xogtooda la xiriirta baaritaanka iyo kormeerka aysan buuxin shuruudaha amniga.”

Tallaabadan waa qeyb ka mid ah xoojinta siyaasadda socdaalka ee Trump uu bilaabay bilowgii xilligiisa labaad.

Bishii Oktoobar 2023, Trump ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay qorshihiisa, isagoo ballan qaaday inuu xayiraad ku soo rogayo dadka ka imanaya Marinka Gaza, Liibiya, Soomaaliya, Suuriya, Yemen, iyo “meel kasta oo khatar gelin karta amniga Mareykanka.”

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi Reuters u dirtay oo ku saabsanaa arrintan.

 

SHARIIF oo sii fogeeyay dagaalka kala dhexeeya Xasan – Muxuu sameeyay maanta?

0

Baku (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shirweyne caalami ah uga qayb-galay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo geeyay arrimaha isku hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa faahfaahiyay shirka uu ka qayb-galay, wuxuuna sheegay in looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

“Waxaan Magaaladda Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay madal caalami ah oo looga hadlay arrimo badan oo quseeya adduunka gaar ahaan Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo illaalinta xeerarka lagu heshiiyay ee la xiriira dowladnimada” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in inta uu socday shirka uu kusoo bandhigay caqabadaha siyaasadeed, kuwa amni iyo dhibaatooyinka kale ee haatan ka jira gudaha dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dhibaatada argagixisada iyo khilaafaadka siyaasadda.

“Intii ay socdeen doodaha laga jeediyey madashaan caalamiga ah ayaa waxaan si gaar ah uga hadlay caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ah wali ku hayaan nidaamka dowliga ah” ayuu sii raaciyay.

Arrimaha kale oo shirkan looga hadlay waxaa kamid ah sidii xal waar loogu heli lahaa in dowladuhu ixtiraamaan dastuurka iyo shuruucda kale ee u degsan, si looga hortago inuu yimaado qalalaase ama gacan ka hadal.

“Waxaan kaloo diiradda saaray sida ay muhiim u tahay in xasillooni iyo nabad waarta la heli karo oo kaliya marka dowladuhu ay ixtiraamaan dastuuradooda islamarkaana xoojiyaan ku dhaqanka sharciga, una hoggaansamaan muddo xileedkooda” ayuu yiri.

Dhinaca kale, madaxweyne hore Sheekh Shariif ayaa kulamo doceedyo la yeeshay madaxdii ka qaybgashay madashaan caalamiga ah waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha Azerbaijan Mudane Ilham Aliyev iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Turkiga.

Ka qayb-galka Shariif ee shirkan caalamiga ah ee uu uga hadlay caqabadaha ka jira siyaasadda Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli isaga iyo madaxweynaha talada haya Xasan Sheekh ay si weyn isugu hayaan hanaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026.

Villa Soomaaliya ayaa dooneysa inay qabato doorasho qof iyo cod ah, halka Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay ka biyo diidan yihiin qorshaha dowladda.

 

In ka badan 100 xildhibaan oo ka horyimid tallaabadii uu qaaday Aadan Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen si weyn uga horyimid tallaabo uu maanta qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, kadib markii uu soo saaray warqad uu ku eryay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa horey shaaca uga qaaday in Xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo xiriir ah oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya.

“Haddaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin Golaha Shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab macquul ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha.

Waxaa intaas lagu daray: “Sidaas darteed wuxuu lumiyay xubinimadiisii Golaha Shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d), iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka Golaha Shacabka.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray in si degdeg ah loo soo buuxiyo kursigan oo tirsigiisu yahay HOP#201, kaas oo deegaan-doorashadiisu tahay gobollada waqooyi (Somaliland).

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo dhaqangelinaya qodobka kor ku xusan, wuxuu ku wargelinayaa hay’adaha ay khusayso inay soo buuxiyaan kursiga bannaanaaday iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan dastuurka,” ayaa lagu yiri warqadda.

Xildhibaannada soo saaray warsaxaafadeedkan oo gaaraya ilaa 106 mudane ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aanka guddoomiyaha, waxayna sheegeen inuu ka hor imaanayo dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Waxay sidoo kale sheegeen in guddoomiyuhu aanu awood u lahayn inuu xilka ka qaado xildhibaan, tallaabadaasna ay tahay mid xadgudub ah.

Xildhibaanno si gaar ah uga hadlay arrintan ayaa si adag uga soo horjeestay tallaabada guddoomiyaha:

Xildhibaan Xasan Cabdinuur ayaa yiri: “Xildhibaan lasoo doortay digreeto xil loogama qaadi karo. Sifooyinka uu xilka ku weynayo iyo dariiqa saxda ah ee loo marayo xeer hoosaadka ayey ku qoran yihiin.”

Xildhibaan Cabdirashiid Jire ayaa isna yiri: “Xildhibaan, haddaad musuqmaasuq ka hadasho ku talagal inaad xasaanadda ku luminayso.”

Xildhibaan Sadiiq Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay: “Geel kuul maxaas ka kasaa geedahaas ku rugtaa. Aadan Madoobe isagaa lumiyey kursigiisa. Period.”

Xildhibaan Faaiso Jayte ayaa iyaduna tiri: “Warqaddan uu soo qoray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waa sharci-darro, mana waafaqsana shuruucda dalka u yaalla ee dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.”

Xildhibaan Xuseen Maxamed Daahir ayaa ugu dambeyn yiri: “Waalidi maa bilaabatay, waa soonsoone yaan la is danbaajin.”

Xog: Xubno Shabaab ah oo lagu arkay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka agagaarka deegaanka Ceelasha Biyaha lagu arkay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo soo galay inta u dhexeysa deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo dhaca waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Xubnaha Al-Shabaab oo aad u habeysan ayaa lagu arkay iyaga oo maraya waddada dhinaceeda, waxaana kadib la maqlay rasaas kooban iyo madaafiic, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Rasaasta ayaa u dhexeysay ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas iyo xubnaha Al-Shabaab, waxaana lasoo wariyay inay firxadeen maleeshiyaadkii lagu arkay aaggaasi, iyaga oo horay usii galay dhulka hawdka ah ee ku yaalla halkaasi.

Kooxda Al-Shabaab oo baraha bulshada qoraal kusoo daabacday ayaa si kooban uga hadashay arrintan waxayna sheegteen in dagaalyahannadeeda ay howlgal ku gaareen Lafoole iyo Xaawo Cabdi, kadibna ay si nabadoon kusoo laabteen, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhaq-dhaqaaqan laga dareemay duleedka Muqdisho, gaar ahaan aagga Lafoole ayaa dhinaca kale cabsi ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay si dhuumaaleysi ah ay halkaasi kusoo gaareen Al-Shabaab, suuragalna tahay inay isku dhinacyo dhacaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha saaka lagu arkay Al-Shabaab ku sugan ciidamada ammaanka oo isku fuliyay dhulkaasi, si ay uga hortagaan maleeshiyaadka Khawaarijta.

Deegaannada Lafoole, Xaawo iyo Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku sugan ciidamada Boolis Milatari oo halkaas ka ilaaliya amniga caasimadda, waxayna fariisimo iyo bara koontarool ku leeyihiin deegaannadaasi, kuwaas oo lagu hubiyo gaadiidka.

Marar badan ayay sidaan oo kale dhacday, waxaana xubnaha Al-Shabaab lagu arkaa deegaannada u dhow caasimadda, iyaga oo sidoo kale weerara fariisimaha ciidamada iyo degmooyinka dhaca cirifyada, sida Kaxda iyo Dayniile oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Dhowaan ayay sidoo kale ahayd markii Al-Shabaab ay gudaha u galeen degmada Balcad oo iyana 35 KM u jirta caasimadda, iyagoo saacado kadibna dib uga baxay degmadaas.

Arrimahan ayaa keenay su’aallo badan oo la’iska waydiinayo qorshaha dagaalka ay dowladda kula jirto argagixisada ee muddada dheer socda, waxaana ay dowladda ay ku cel-celisaa in la xoreeyay dhul ballaaran, hase ahaatee waxaa muuqata in Al-Shabaab ay dib ugu soo laabteen deegaanno horay looga xoreeyay, ayna ka fuliyeen weeraro culus.

Waxaa sidoo kale maleeshiyada Khawaarijta ay culeys xoogleh soo saareen gobollada Shabeellooyinka oo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen weeraro, iyaga oo qabsaday deegaanno horay looga saaray, waxaase hadda soconayo howlgallada ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo Macawiisleyda oo looga hortagayo argagixisada.

Xildhibaan laf dhuun-gashay ku noqday DF oo laga saaray xubinimadii BF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan golaha, kaas oo horay laf dhuun-gashay ugu noqday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaankan oo marar badan fadeexo iyo musuq-maasuq ku eedeeyay dowladda, isla markaana warbixino u gudbiyay hay’ado caalami ah ayaa ugu dambeyn maanta laga eryay baarlamaanka, kadib go’aan uu soo saaray guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Go’aanka oo lagu caddeeyay warqad kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaan Abiib uu lumiyay xubinimadiisii golaha shacabka, sababo la xiriira inuu soo xaadiri waayay laba fadhi oo uu yeeshay baarlamaanka Soomaaliya.

“Hadaba Dr Cabdullaahi Xaashi Abiib ma uusan soo xaadirin golaha shacabka in ka badan laba fadhi oo xiriir ah, mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaanshihiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Sidaas daraadeed wuxuu lumiyay xubininimadiisii golaha shacabka si waafaqsan qodobka 59-aad, faqradiisa (d) iyo qodobka 8-aad faqradiisa (4) ee xeer hoosaadka golaha shacabka”.

Dhanka kale, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa faray in si deg deg ah loo soo buuxiyo kursigan oo uu tirsigiisu yahay HOP#201, deegaan doorashadiisuna tahay gobollada waqooyi ama Somaliland.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka isagoo dhaqangelinaayo qodobka kor ku xusan wuxuu ku wargelinayaa hay’adaha ay quseyso inay soo buuxiyaan kursiga banaanaaday iyada oo loo marayo hanaan waafaqsan dastuurka” ayaa mar kale lagu yiri warqadda.

Gaba-gabadii waxaa warqadda lagu yiri “Go’aankan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo guddoomiyaha golaha shacabka BJFS, wuuna saxiixay”.

Xildhibaanka la eryay ee Cabdullaahi Xaashi Abiib ayaa xilligii doorashada kusoo baxay kursigan oo uu horay ugu fadhiyay wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo isna gebi ahaan ka baxay siyaasadda Soomaaliya, dibna ugu laabtay Somaliland.