26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

XOG: Magacyada qaar ka mid ah Wasiirada cusub iyo Beelahooda.

Caasimada Online ayaa waxaa u suurta gashay inay hesho liiska horudhaca ah ee qaar ka mid ah wasiirada cusub ee lagu wado inuu ku dhowaaqo ra’iisul wasaare Saacid.

Sida maalmahanba hadal heyntu ahayd waxaa golaha wasirada ay ka koobnaan doonaan illaa 9 wasiir oo kaliya, inkasta oo weli ay socdaan wada hadallo madaxdu ay ka lee yihiin tirada oo ay suurta gal tahay in is-beddel uu dhaco.

Si kastaba dadka aan magacyadooda helnay oo wasiiro noqon doona waxaa ka mid ah:-

1 – Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Isaaq ah, Habar Yoonis.

2- Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed Hawiye, Habargidir, Sacad

3 – Wasiirka Gaashaandhita Gen. Muuse Xasan Cabdulle, Daarood, Ogaadeen.

4 – Wasiirka Qorsheynta, Beeraha, Deegaanka, Kaluumeysiga iyo Xanaanada Xoolaha Cabdi Risaaq Maxamed, Hawiye Xawaadle

5 – Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo tacliinta Sare Faarax Sheikh Cabdulqaadir, Beesha Shanaad, Reer Aw-Xasan.

6 – Wasiirka Maaliyadda iyo lacagta Cawil Xuseen, Daarood Majeerteen.

FG: Liiskan waa mid horu dhac, waxaana suurta gal ah inay wax iska beddelaan, maadaama ay weli wada hadallo u socdaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

QM oo soo fara gelisay maamul u sameynta magaalada Kismaayo.

Arrinta maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa weli waxa ay tahay kubbad dhex taal diilinta dhexe ee garoonka, ayada oo dhinacyo badan ay arrintaas ku lug yeelanayaan.

Warar nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qaramada Midoobe ay soo fara gelisay arrintaas, gaar ahaan xafiiskeeda qaabilsna Somalia ee UNPOS ee uu madaxda ka yahay Augustine Mahiga.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in maanta oo Jimce ah, ay magaalada Kismaayo caga dhigan doonto diyaarad ay saaran yihiin wafti ka socda QM, oo ay suurta gal tahay inuu ku jiro Augustine Mahiga.

Waxaa diyaaraddaasi ay ka bixi doontaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waftiga QM ayaa la kulmi doona saraakiisha Kenya ee halkaasi jooga iyo madaxda dadka deegaankaa, si looga hadlo maamul u sameynta Kismaayo.

Waxaa jira warar sheegaya in Mahiga uu walaac ka qabo in halkaas laga dhiso maamul ay Dowladda Ethiopia u arki karto inay qatar kala kulmeyso.

Shalay oo khamiis ahayd ayaa magaalada Kismaayo waxaa laga sameeyay howl gal ballaaran oo lagu xiray dad gaaraya ilaa 400 oo qof, isgaarsiinta magaaladana hawada ayaa laga saaray, si loogu diyaar garoobo waftiga ka socda QM, ammaankana loo sugo.

Haweeney shaqadeeda laga ceyriyay sababtoo ah way qurux badan tahay.

Haweeney degan gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in shaqadeedii laga ceyriyay, sababtoo ah ragga ay u shaqeyneysay ayaa ka cowday inay aad u qurux badan tahay, islamarkaana ay u labisato hab dareen kicis ah.

Lauren Odes oo 29 jir ah ayaa sheegtay in dadkii shaqada siisay oo ah Yahuuda Orthodox ay u sheegeen inay aad u qurux badan tahay sidaa darteedna aysan u shaqeyn karin.

“Ma ahan in naloo xukmiyo cabirka naasaheena iyo qaab dhismeedka jirkeena” ayay tiri Odes.

Qareenka Odes oo ah Gloria Allred ayaa sheegtay inay dacwad ku saabsan takoorka dhinaca diinta iyo jinsiyadda ay ka diiwaan gelisay magaalada New York.

Odes waxa ay sheegtay inay aaminsan tahay in qaabka ay u labisato aanay waxba u dhimi karin qof kale, in sidaas shaqada looga ceyriyana ay tahay wax aan la aqbali karin.

W/Q: C/Qani Sheikh Xasan Atnteno

Tell: 8713478

Saddex Nafood….!!! (Qiso Jaceyl oo xanuun badan, Qeybti 5-aad)

Qeybti 5-aad. Qeybihi hore halkan ka arag 1-aad   2-aad  3-aad 4-aad

Taydoonta ha ahaato ee bal ka warran haddii ay soo baxdo, oo kuu timaado, oo ku tidhaahdo: ”Waan gam’i waayey ee kaalay i weheli?” I weheli?! Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim! Balaayo ku wehelisay!

Adiga oo sidaas u fekeraya ayaa albaabkii oo indhahaaga ku beegan la furay, waxaana ka soo baxday Siraad oo u eg ilmo hurdo ka soo seleshay. Dirac aad khafiif u ah oo aan waxba uga hoosayn ayey ku dhex jirtaa, albaabka ay ka soo baxdayna iftiinka ka daaran ayey ku beegan tahay, sidaa darteed in ay wax gashan tahay lama moodo. Tin iyo cidhib jidhkeeda dhuuban ee qurxooni diraca ayuu ka dhex arkaa. Maba ay leexleexan ee toos ayey kuu soo abbaartay, adiga oo si waalli ah tusbaxa u rogrogaya ayeyna iskaa soo dul taagtay. Waxaad kala garan wayday soo bixisteeda in aad weli ku fekeraysid iyo in ay dhab tahay.

”Sheekh, khayr Alle ha ku siiyee waan gam’i la ahay ee Qur’aan igu akhri”, ayey kugu tidhi. Qur’aanku ku qabay oo Ilaahay inkaar kugu rid! Iyada oo qaawan ayey doob saqdhexe cidla fadhiya leh dahay ”Qur’aan igu akhri”! ayaad ku fekertay, afkase waxaad ka tidhi: ”Bal waxa Alle iga haleelsiiyo ayaan kugu akhriyi ee soo fadhiiso. Sidee laguu hayaa?” “Dhiiggayga ayaad mooddaa in la karinayo. Waan qubaystay, dharna beerqariyahaas aad aragtid baan iskaga reebay, welina waan holcayaa.”

Dhiiggaaga la kari oo dhulka Alle kuu goo! Dhiig la kariyey sow waxa annagaba na haya ma aha.

Markiiba salligii yaraa ayey dacal kaga fadhiisatay. Kuguma soo jeeddo kaamana sii jeeddo ee dhinac ayey u fadhidaa. Aad baad isugu dhow dihiin oo gacanta aad tusbaxa ku haysid haddii aadan soo laabi lahayn waa ay gaadhi lahayd. Diraca waa ay iska sidataa ee waxba uma qarsoona. Aayad kursi ayaad si waalan degdeg carrabka ula dhacday iyadana hoosta ka daawatay. Haddana salligii yaraa ee aan awelba fadhiga idiinku wada fillayn ayey isku legeddey, waxaanad aragtay naasaheeda sida yaabka leh u sii ruxmaya. Markii ay sii jiifsanaysey waxay sii lahayd: ”Halkan ayaaba neecaw macaane in aan barkin soo qaato ayaa fiicnayd.”

Waxan ku hor yaal ma iyadii baa? Ma run baa mise waa riyo? Xubnaheedii oo dhami waa kuwan sidii hoobaan bisil hortaada daadsan. Filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdin, labadaba leh. Imika afka waad iska dhaqdhaqaajinaysaa ee waxii aad akhriyaysay mar hore ayey kaa murgeen. Carrabkii oo engagan ayaa dhanxanegga kaaga dhegay. Gacantii waa kaa tusbaxii ka dhacay ee iyada oo sida xubnaha kale u kurbanaysa diyaar u ah in ay xeedhada bisil ee ku hor taal boobto.

Inta aad calaacasha barako ku afuuftay ayaad garabka oo jidhkeeda ugu sarreeya qunyar ka saartay, waana ay kurbatay adiguna la kurbatay. Haddana calaacashii ayaad qunyar oo debecsan gacanteeda qaawan ku salaaxday, waana ay sii kurbatay adiguna la sii kurbatay. Mar kale ayaad calaacasha barako ku afuuftay oo dhabarka ka saartay, oo qunyar ilaa qoorta ka marisay, kurbashadii ayaadna kaga sii darteen. Markaas baad xasuusatay waysadii in ay kaa burtay sida uu Imaam Shaafici qabo.

“Alla Sheekh, gacantaadu macaanaa, waa la garanayaa in ay barakaysan tahay!” ayey tidhi. “Eebbe ha kugu dabiibo!” ayaad afka ka tidhi, uurkana waxaad ka lahayd: adigana jidhkaagu macaanaa, waa la garanayaa in uu barakaysan yahay……….LA SOCO QEYBTA XIGTA JIMCAHA XIGA INSHA ALLAH

W/Q: Ibraahin Axmed Yuusuf (Hawd).

Faallo: Boqolkiiba konton ha ku biirin mucaaradka!

Soomaaliya waa wadan ay aafeeysay Qabyaalada, qof walbana uu ka fakaro saamiga ay beeshiisu ku leedahay dawlada, waxaan dareemi karnaa qaabka ay ku yimaadeen, madaxweeynaha, r/wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka, Qaabkaas waxaan u naqaan, 4.5,

Waa tii aan la soconay markii la doortay Jawaari in uu qancay Shariif Aadan, uuna iska iloobay musharaxnimadiisii madaxweeyne, dawladan ma aha mid ku dhisan qaab xisbiyada badan, ninka saamigiisa heloow ha dulminin inta kale, ma aha maalintii uu nin madaxweeyne ah ama r/wasaare ah ay ku hamin lahaayeen in ay yareeyaan golaha wasiirada, ayagoo banaanka dhigaaya beelo hore saami u lahaa, waxaan toleeyno waa kab iyo karin, waa isu keenid umadeed, waxaa hareeraha naga xiga dhibaatooyin badan oo loo baahanyahay in aan ka kabsano, wiilasheenii ayaa la duufsaday oo colaad noo haya lagana dhaadhiciyay halgan jihaad, waxaan ku haminaynay in aan helno dawlad soo ururisa sida dawladii hore oo kale oo horumar balaaran gaadhay, waxaa noo muuqda wado horay u sii socod iyo is urursi, maanta ma aha in lagu fakaro in dawlada lagu soo koobo sagaal wasiir, sagaalna la dhimo taas macnaheeda waan naqaan, waa boqolkiiba konton ha noqdaan mucaarid, taas waxeey luminaysaa oo ay meesha ka saareeysaa, dadaalkii iyo howshii adkeeyd oo ay soo qabteen, madaxweynihii hore ee soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Aaxmed iyo labadii r/wasaare ee xukunka ku kala danbeeyay, mudane Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Mudane C/weli Gaas madaxdaas oo aan ku xasuusan doono mudadii ay talada dalka hayeen horumarkii balaarnaa ay sameeyeen, iyo niyadii umada soomaaliyeed oo ay sare mariyeen.

Madaxweyne iyo r/wasaare kaligiin wax ma wadi kartaan waxaad u baahantihiin dhamaan umada soomaaliyeed ha badinina mucaaradka, shacabkana ha niyad jabinina, la socda waqtiga iyo waayaha runta ah ee aan hada joogno, aana ku dadaalno sidaan uga gudbi lahayn qabyaalada, waxaan aaminsanahay in qabiil, uu ka koobanyahay lix xaraf, sadexda hore (Qab) oo ah isla weeyni kibir iyo anaa awood leh, sadexda danbana (IIL) Dhimasho baaba,waa tii hore loo yiri, walaalo coloobay waa xoolo yareeyaan waana xabaalo badiyaan,

maslaxada waxaa loo maraa wado walba oo dhibka looga gudbi karo hadaad dadaashaan oo aad ku shaqeeysaan daacadnimo waxaad hormuud ka noqon kartaan nidaamka xisbiyada badan taageera badana waad heli doontaan, laakiin maanta waa inaad u socotaan oo aad u dhutisaan qaabka aan u jabanahay, waxaan kaloon ku talinaayaa in Somaliland, Buntland iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee soomaaliya si fiican loola macaamilo, oo aan la sameeyn fogayn makala maarano, waxaan nahay ul iyo diirkeed, islamarkaana dawladu ha ka hadasho hadalada foosha xun ee suuqa ku jira, hadeey ka aamusaan waxaan xasuusinaayaa in codka dad weeynuhu xukun noqonaayo. Shacabka soomaaliyeed waa shacab qaali ah oo u baahan hogaan daacad ah, waad soo jiidan kartaan dhamaan, waadna heli kartaan taageeradooda, hadaad daacadnimo u muujisaan, hadiise aan noqono kuwo talada ku kala irdhooba, waxaa naga faa,ideeysan doona cadawgeena, waxaan ku soo qatimaayaa soomaali wey wada dhalatay waa wada abti iyo seedi iyo wiil, dhibka jiraana mid walba waa dareen sanyahay in laga baxana waa wada rabaan, ee fahma soomaalida oo soomaalidana is fahamsiiya, oo noqda ururiye yaal.

Waxaan ka codasanaayaa dhamaan umada soomaaliyeed in ay iga cafiyaan wixii qalad ah ee iga dhacay, waxaadna ogaataan in aan ahay wanaag doon iyo soomaali oo mideeysan in aan mar uun indhaha saaro.

Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.

Madaxwaynaha oo la kulmay wafti ka yimid Switzerland + Sawirro.

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiska waxaa uu ku qaabilay Wafdi ka socday Dowlada Switzerland .

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Soomaaliya waxaana ay Madaxwaynaha ay kala hadleen Xiriirka labada Wadan sidii loo wanaajin lahaa.

Dowlada Switzerland ayaa sheegtay in waligood in Dowlada Soomaaliya ay garab ka siin jireen Arimaha Bini’aadamka hadana ay halkooda ka sii wadi doonaan Sida uu sheegay Safiirka Dowladda Swiss ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka taageeri doonaan haatan dhanka Siyaasada,dib u dhiska gobolada iyo dib nadaaminta Bangiga dhexe.

Intaa ka dib Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka dhambaal hambalya ah oo uu u soo diray Madaxwaynaha Swiss Eveline Widmer Schlump.

Faroole oo wafti u diraya Kismaayo.

Maamul goboleedka Puntland ayaa wafti heer sare ah u diri doona magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, oo xiisado siyaasadeed ay ka jiraan, xog aan helnay ayaa sidaas sheegeysa.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxweyne Faroole uu qaatay go’aankan, islamarkaana sababta loo dirayo waftiga ay tahay inay la socdaan howlaha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Illaa iyo hadda lama shaacin goorta waftiga ka socda Puntland ay tagi doonaan magaalada Kismaayo, hase yeeshee waxaa lagu warramay inaysan qaadan doonin wax ka badan toddobaad.

Faroole waxa uu horey u sheegay in maamul u sameynta Kismaao ay tahay howl u taal dadka deegaanka oo Dowladda Somalia aysan wax shaqo ah ku lahayn.

Tallaabada Faroole ayaa imaneysa xilli horey kullamo qarsoodi ah ay magaalada Nairobi ugu yeesheen siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland iyo kuwa ay isku bele yihiin Axmed Madoobe, hogaamiyaha Raaskambooni, kuwaas oo ka wada hadlay arrinta Kismaayo.

Guud ahaan Puntland ayaa looga dhegtaagaya sida hadba ay mareyso dabeysha siyaasadeed ee Kismaayo maadaama dad badan oo degan Puntland ay asal ahaan ka soo jeedaan magaalada oo guryo iyo ganacsiba ku lee yihiin.

Xasan iyo Saacid oo weli is haya.

War laga helayo aqalka Madaxtooyada Vila Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu bilaabay kuluma gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Baarlamanka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala tashanaya Xildhibaanada arinta soo xulida golaha wasiirada ee Xukuumada cusub maadama uu doonaya madaxwaynaha in Dowladiisa ay hormar ku talaabsato.

XildhibaanDaahir Amiin Jeesow oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha uu doonaya soo afjarida dhisada xukuumada Ra’iisul Wasaare saacid.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cadaadis waxaa uu ku saarayaa Mr Saacid inuu si dhaqsa ah ku soo dhiso xukuumadiisa saacadaha soo aadan si ay ugu faa’idaystaan waqtiga ay haystaan labadooda .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qudhiisa waxaa uu wadaa maanta la tashiyadii ugu dambeeyay ee uu ku soo magacaabayo Golaha Wasiirada

PSG oo beenisay wararka xanta ah ee sheegaya inay 100 milyan ku iibsaneyso Ronaldo.

Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka xanta ah ee la xiriirinaaya inay soo iibsanayaan ciyaaryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Wargeyska kasoo baxa dalka Talyaaniga ee La Gazzetta dello Sport ayaa horaantii isbuucaan qoray in kooxda ka dhisan Caasimada France ay 100 milyan oo euro ku dooneyso ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal, laakiin Al-Khelaifi ayaa si cad u sheegay inaysan waxba ka jirin warbixintaas.

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahan weyn, balse wuxuu qandaraas kula jiraa Real Madrid. Kalama aan hadlin wax quseeya qof Madrid ku sugan,” ayuu madaxweynaha PSG u sheegay AFP.

Les Parisiens ayaa lala xiriirinaayey ciyaaryahankii hore ee Manchester United ka dib markii uu 27 jirkaani  horaantii xilli ciyaareedka sheegay inuusan ku farax saneyn nolosha Madrid, laakiin Al-Khelaifi ayaa ku nuuxnuuxsaday inaysan xiiso u qabin ciyaaryahanka.

Ronaldo ayaa wuxuu kooxdiisa Los Blancos kula jiraa qandaraas ku eg ilaa 2015ka.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Neymar: Ma ahan waqtigii ugu haboonaa ee aan u dhaqaaqi lahaa Yurub.

Weeraryahanka kooxda Santos Neymar ayaa ka dhawaajiyey inuusan dareen u heyn inuu u dhaqaaqo Yurub waqtiyada dhow isagoona ka sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxdiisa Brazil.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa lala xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo kooxo ay ka mid yihiin Barcelona, Real Madrid iyo Chelsea, laakiin Neymar ayaa dareensan inaan weli la gaarin waqtigii ku haboonaa inuu ka tago dalkiisa uuna u baqoolo koox ajnabi ah.

“Waan ku farax sanahay Brazil, Waana ku farax sanahay Santos. Way igu jirtaa inaan ka ciyaaro Yurub, balse weli lama gaarin waqtigii ku haboonaa,” ayuu Neymar u sheegay Reuters.

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

 

Arsene Wenger oo doonaya inuu Theo Walcott baaqi kusii ahaado Arsenal.

Tababaraha kooxda Arsenal  Arsene Wenger ayaa rumeysan inay tahay in qandaraas cusub uu kooxda ka mudan yahay Theo Walcott ka dib markii uu si howl karnimo ah isku muujiyey inkastoo uuu qandaraaskiisa muran ka taagan yahay.

Kooxda ayaa dib u dhis lagu sameeyey ka dib markii uu ka tegay Robin van Persie, iyadoo la keenay Lukas Podolski, Olivier Giroud  iyo Santi Cazorla, laakiin Wenger ayaa fahamsan inay Tahay in qandaraas laga saxiixo Walcott ka dib markii uu shaqo fiican ka qabtay goolka hortiisa. Isagoo sedax gool dhaliyey kulankii ay Arsenal 7-5 ku dubatay Reading.

“Waxaan doonayaa inaan ceshto, waxaana  u maleynayaa  marka laga soo tago wadahadalada qandaraaskiisa, inay tahay in lagu amaano sida uu kooxda isagu hibeeyay, iyo sida uu u dhaqmayo.” ayuu u sheegay suxufiyiinta tababare Wenger.

“Waxaan mar walba dhihi jiray waxa uu noqon doonaa gooldhaliye. Haatan waa dhameystire fiican. Waxa uu yaqanaa meesha ay tahay in la joogo kubadaha ku celiska ah

“Taasna waa tayada gooldhaliye, cidna ma siin kartid, ama waad heystaa tayadaas ama ma heysatid.”

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Dhageyso: Taariikhda Xarakooyinka Islaamiga ah ee Dalka Soomaaliya.

Muftiga weyn ee Soomalaiyeed Sheekh Maxamed Axmed Nuur “Gadhyare” ayaa ka sheekeeyay taariikhda ururrada Islaamiga ah ee dalka Somalia.

Sheekha ayaa wareysi arrintaas ku saabsan siiyay idaacadda VOA-da ee dalka Mareykanka, qeybteeda Af-Soomaaliga.

Qaybaha hore ee waraysiga waxa uu kaga hadlay aasaaskii xarakooyinka islaamiga ah sida Al-Nahda iyo Al-Islax iyo weliba kobaca Salafiyada.

Qaybaha dambena waxa uu ka hadlayaa waxyaabaha ugu waaweyn ee u qabsoomay Al-Islaax, Damul-Jadiid iyo Salafiyada hubaysan.

Halkan ka dhageyso Wareysiga

Man United oo 16 milyan ku dooneysa xidiga garabka uga ciyaara Porto James Rodriguez.

Kooxda Old Trafford ayaa isha ku heysa xaalda weeraryahanka Porto kaasoo ay u aragto bedelka xidiga kooxda kasii socda ee Luis Nani.

Man United ayaa diyaar u ah inay dalab 20 milyan oo euro ah una dhiganta (16 milyan oo ginni) u dirto da’yarka kooxda FC Porto James Rodriguez kaasoo uu Sir Alex Ferguson u arko bedelka Nani.

21 jirkaan reer Colombia ayaa waayo hurumar ah ka sameynaayey Portugal tan iyo markii uu yimid 2010kii, wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Estadio Dragao inay horay iyo gadaal u qaado Horyaalka iyo guusheedii Europa League. Si kastaba waxaa looga gacan haatinayaa Man United, iyadoo uu xidigaani ka ciyaari karo qadka dhexe ee weerarka, laakiin waxaa loo maleynayaa inay u rabto doorka baalasha.

Wargeyska Daily Star ayaa rumeysan in gudoomiyaha fulinta Man United David Gill uu tababare Sir Alex Ferguson u sheegay inaan maaro loo heyn mushkilada Nani ee mushaarka ku saleysan sidaas darteed la raadiyo bedelkiisa.

Rodriguez ayaa ka dib ula muuqday xidiga ugu haboon ee bedelka Nani kaasoo xittaa loo arko inuu ka wanaagsan yahay argti ahaan waxayna United dooneysaa inuu mutaqbalka dhow soo xaadiro masraxa Riyada.

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Man United oo Arsenal, Man City iyo Liverpool kula biirtay xiisha loo qabo Wilfried Zaha.

Manchester United ayaa kula biirtay kooxaha wakiilada indha-indheeyeyaasha ah u dirtay ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Crystal Palace Wilfried Zaha.

Tottenham ayaa la rumeysan yahay inay xidigaan wakiilo daawada u dirtay laakiin Arsenal, Manchester City iyo Liverpool ayaa sidoo kale indha-indheynaayey ciyaaryahanka.

Madaxa sare ee ilaalada Arsenal Steve Rowley ayaa 19 jirkaan daawaday kulankii isbuucii lasoo dhaafay ay kooxdiisu la ciyartay Leicester.

Bishii lasoo dhaafay, milkiilaha Crystal Palace Steve Parish ayaa yiri: “Wuxuu leeyahay tayo xad dhaaf ah. Waxaan iri markii uu bilaabanaayey xilli ciyaareedku inaan heysano Wilf waxay la mid tahay anagoo lacag badan ku qarash gareynay suuqa kala iibsiga.

“Dhinacyada kale way usoo duuli karaan hadii ay heystaan 20 milyan oo ginni ka hir inta aysan xiiseyn.”

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Paris St Germain oo 100 milyan ku dooneysa Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho.

Kooxda qaniga ah ee reer France Paris St Germain ayaa qorsheyneysa inay dalab u dirto weeraryahanka Real Madrid iyo tababarahooda: Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho.

Wararka ayaa soo jeedinaayey in xidigii hore ee Manchester United uu ka hayaami karo caasimada Spain ka dib markii uu waayadii dhowaa ku murgoonaayey sababo ay u badan tahay qandaraaskiisu.

Wararka Qandaraaska la xariira ayaa lasoo sheegaayey in la xaliyey iyadoo ay u muuqato mid howl badan u baahan in mushaark Ronaldo bishii la gaarsiiyo 14.5 milyan oo ginni.

Iyadoo ay xal u raadineyso kooxda reer Spain, PSG ayaa dooneysa inay la wareegto kabtanka xulka Portugal, sida uu werinaayo wargeyska La Gazzetta Dello Sport ee kasoo baxa dalkaTalyaaniga.

Warbaahinta Spain ayaa si dhaqso ah usoo jeedinaaueu inuu 27 jirkaani ka socdo Bernabeu, halka ayba soo socoto in qandaraaska loo dheereeyo laakiin sidoo kale waxaa soo ifbaxaaya caqabado hor istaagi kara ayey daabacayaan.

Ronaldo ayaase mar ku sheegay Bogiisa Facebook inuusan arinku aheyn mid dhaqaale uuna weli kusii nagaanayo Bernabeu, laakiin weli ma uusan saxiixin heshiis cusub.

PSG ayaana meeshaas fursad ka heshay iyadoo dooneysa inay Spain ka wadaan xidiga heerka caalami ee dalka Portugal.

Kooxda Ligue 1 ayaa si fiican uga dhex muuqatay wayadii u dambeysay suuqa kala iibsiga iyadoo u muuqatay mid ka dheereysa kooxaha iyana boorsa weynta ah sida Manchester City iyo Chelsea.

Waxay 25 milyan oo ginni Napoli kaga soo qaateen Ezequiel Lavezzi iyo Zlatan Ibrahimovic oo qiima lagu sheegay 15.7  milyan oo ginni ay kala soo wareegeen AC Milan xagaaga.

Laakiin arinka ayaa soo ifbixi lahaa hada bilowga ah wuxuuna qabaa wargeyska Talyaanigu in tababaraha iyo Xidigaba la doonayo.

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

Isku aadka Capital One Cup oo la sameeyey Leeds v Chelsea, Bradford v Arsenal.

Kooxda kusoo tumatay Manchester United ee Chelsea ayaa wareega sideed dhamaadka booqan doonta Elland Road oo ay ku ciyaarto Leeds  isku aadka koobka Capital One Cup.

Arsenal oo ciyaar la isku xiiqay ka dib 7-5 kusoo dubatay Reading waxay marti u ahaan doontaa kooxda Bradford ee ciyaarta Championship-ka.

Swansea oo ka taqalustay Liverpool ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Middlesbrough, halka Norwich ay garoonkeeda kula ciyaari doonto kooxda Aston Villa.

Isku aadka wareega 8da koobka Capital One Cup waa sidaan:-

Leeds v Chelsea

Swansea v Middlesbrough

Norwich v Aston Villa

Bradford v Arsenal

Kulamada waxaa la qorsheeyey in la ciyaaro 10ka  bisha December, kulanka Leeds ay wajaheyso Chelsea waxaa la sugi doonaa ilaa 19 December  iyadoo ay kooxda reer Lonodn ka qeyb geli doonto koobka World Club Cup.

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: [email protected]

Mogadishu, Somalia.

“Xaaskeygii aadka aan u jeclaa ayay kufsadeen kadibna dileen” (Daawo Wareysiga dhacdo xunuun badan)

Iyadoo dhawaan ay ahayd markii dalka Koonfur Africa lagu kufsaday ka dibna la daldalay Gabar Soomaaliyeed oo uur Sagaal Bilood lahayd Taasi oo lagu magacaabi jiray Nasro Maxamed Qamaan ayaa arinteeda waxaa markii ugu horeysay loo qabtay mid ka mid ah Dilaaga halka Kuwa kale lagu Raad joogo.

Hadaba Wariye Maxamed Muse Nuur Deeqdarajo oo ah wariyaha Koowaad ee dalka Koonfur Africa ugu soo waramaya Tv-ga Universal oo fadhigiisa yahay Magaalada Cape Town ayaa safar uu arintaasi kusoo baarayo ku aaday Magaalada Port Elezabeth oo ugu yaraan 1000Km u jirta Magaaladaasi.

Wariye Deeqdarajo ayaa soo waraystay Ninka Qabay Nasro Maxamed Qamaan alaha u naxariistee ayaa u sheegay in uu aad u jeclaa xaaskiisa sidoo kale wariyaha ayaa waraysi kasoo qaaday Wiilka La dhashay Gabadhasi wuxuu sidoo kale booqday Qabriga Allaha u naxariistee Marxuumada laga gal darnaa.

Waraysiga ayaa lagu soo qaatay barnaamijka Arimaha Bulshada oo Soomaalida aad u jeceshahay iyadoo uu soo tabinayey Maxamed Muse Nuur oo ku magac dheer Deeqdarajo.

Daawasho Wacan.

Wariyaal lagu Xir xiray Beladweyne.

Wariyaal ka howlgalayay Telifishinada Soomaalida ayaa maanta waxaa lagu xiray magaalada Beladweyne ee Xarunta gobolka hiiraan.

Ciidamada dowlada Soomaliya ayaa xiray wariyaashan oo lagu haysto inay Warbixin qalad lagu tilmaamay oo ay ka diyaariyeen Taliyihii lagu dilay Shalay Belaweyne.

Wariyaasha la xiray ayaa waxaa lagu kala magacabaa,Cabdirisaaq Al cadaala oo u shaqeeya TV Royal,Wariye Ibraahim Baashaal oo ka howlgala Horn Cable,Ciise Cabdi oo isagana ka howgala Tvga Universal.

Saacadihii la soo dhaafay ee maanta ayaa la xiray Wariyaashan oo ilaa iyo hada ku xiran Saldhig ku yaala Beladweyne.

Sidoo kale Wariyaasha ayaa waxaa lagu haystaa muuqaalo ay ka qaadeen Taliyaha la dilay oo idaacadahooda ay u gudbiyeen.

Dad loo qabtay dilka Taliyaha Hiiraan.

Dad ayaa loo qabtay dilka Taliyihii Ciidamada Booliska ee magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka hiiraan oo maalintii shalay la dilay.

Dilkan ayaa waxaa lagu tuhmayaa inay kadambeeyeen Ciidamo dowlada Soomaaliya ka tirsan oo Hiiraan jooga.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Amaanka ee Gobolka hiiraan Axmad Cabdala Inji oo warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in dad badan oo kuluglahaa dilka taliyaha la qabtay Xabsina la dhigay.

Wuxuu sheegay in kooxaha gacanta lagu hayo ee dilay Taliyaha Ciidamada Booliska Hiiraan baaritaano badan lagu samayn doono lana horkeeni doono Maxkamad.

Axmad Inji ayaa beeniyay oo Meesha ka saaray in Taliyaha waxa dilay ay ahaayeen Ciidanka dowlada soomaaliya,waxaana uu dilka taliyaha dusha uga tuuray Kooxo burcad ah.

Askari ka tirsan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay dilkaas kuwaa oo ka carooday Taliyaha oo ka xanibay in Isbaarooyin ay dhigtaan wadooyinka

Dowlada Somalia “AMISOM iyo IGAD uma taal arrinta Kismaayo”

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa sheegay in maamul u dhisidda magaalada Kismaayo ay tahay shaqo u taal dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka, balse aanay ahayn hawl u taal IGAD ama AMISOM.

Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko oo u warramayay BBC ayaa sheegay in AMISOM ay gacan siiyeen dowladda Soomaaliyeed taasina ay ka mahadcelinayaan, laakiinse waxa uu meesha ka saaray in aanay weligood joogeyn Soomaaliya, oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay kala wareegi doonaan ammaanka guud ee dalka.

Dhinaca kale Danjiraha waxa uu sheegay in maamul u sameynta gobollada Soomaaliya ay leedahay dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid kale oo ay u taal.

“Dowladaha gobolka, waa ay nagu gacan siin karaan inaan ku guuleysano arrimo badan oo ay maamul u sameynta gobollada ku jirto, hase yeeshee mas’uuliyadda waxaa leh Dowladda Somalia iyo dadka deegaanka”

Hadalka safiirka ayaa ku soo beegmay iyada oo maanta magaalada Nairobi lagu qabtay shir looga hadlayay wax qabadka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.

Dhawaan ayaa Midowga Afrika uu sheegay inuu doonayo in door rayid ah uu ku yeesho Soomaaliya oo uu keenayo saraakiil ka qayb qaata maamul u samaynta Soomaaliya.