25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Sawirro: Askar si hoose ula shaqeyneysay Al-Shabaab oo la ogaaday – Kadib maxaa dhacay?

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa maanta kiis xasaasi ah oo wayn ku heshay laba askari oo ka tirsan ciidamadeeda Daraawiishta, kuwaas oo la ogaaday inay si hoose ula shaqeyn jireen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada maamulkaas ayaa maanta go’aan kasoo saartay kiiska labada askari, iyada oo ku ridday xukun adag, kadib markii ay ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay.

Labada askari ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur, waxaana lagu helay la shaqeynta kooxda Khawaarijta iyo ka iibsashada hubkii dowladda ugu dhiibtay in ay ku difaacaan shacabka maamulka Jubbaland.

Maxkamadeynta askartan waxaa goobjoog ahaa gudoomiyaha maxkamada, labadiisa ku xigeen, xeer ilaaliyeyaasha ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland iyo sidoo kale ehellada eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in Maxamed Aadan Sahal iyo Muuse Maxamed Nuur lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, ayna  maxkamadda ku xukuntay min 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale maxkamada ayaa soo bandhigtay qoryihii ay iibsadeen oo ehellada dambiilayaasha ay Jubbaland usoo celiyeen, sida ay sheegtay maxkamadda.

Ugu dambeyn xukunsanayaasha ayaa haysta fursad kale oo ay ku qaadan karaan racfaan, sida uu dhinacyada doodda u sheegay Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Jubbaland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxmuud oo soo xiray fadhiga maanta.

Horay ayaa sidaan oo kale Jubbaland waxa ay xukuno ugu ridday askar iyo shaqsiyaad kale oo lagu helay inay si hosoe ula shaqeynaayeen kooxaha argagixisada.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa ku xooggan deegaanno ka tirsan maamulkan, waxayna si buuxda u maamulaan gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybo kale oo kamid ah Jubbada Hoose, halkaas oo ay kasoo abaabulaan weeraro ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada.

Elon Musk iyo Rubio oo isku dhacay iyo Trump oo ka hadlay

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa beeniyay wararka sheegaya in la-taliyihiisa sare, bilyaneerka Elon Musk, ay isku dhaceen Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, kulan ka dhacay Aqalka Cad.

Wargeyska The New York Times ayaa sheegay in Musk uu muran la galay Rubio, sidoo kalena ay dood adag dhex martay isaga iyo Xoghayaha Gaadiidka, Sean Duffy, intii lagu jiray shir golaha wasiirrada ah oo uu Trump guddoominayay Khamiistii.

Elon Musk ayaa madax ka ah Waaxda Waxtarka Dowladda (DOGE), isagoo horseed ka ah qorshe lagu dhimayo kharashaadka iyo shaqaalaha dowladda, arrintaas oo sida la sheegay abuurtay xiisad dhex-martay isaga iyo madaxda kale ee waaxyaha dowladda.

Kulanka kadib, Trump ayaa ku dhawaaqay in dhimista kharashaadku sii socon doonto, balse loo adeegsan doono “middi qalliin” halkii “faas” laga adeegsan lahaa, taas oo loo fahmay inuu ka digay tallaabooyinka adag ee Musk.

Si kastaba ha ahaatee, markii suxufiyiintu Jimcihii weydiiyeen muranka la sheegay, Trump ayaa meesha ka saaray, isagoo yiri: “Ma jirin wax muran ah. Aniga ayaa goob joog ka ahaa.”

Wuxuu sii raaciyay inuu ku kalsoon yahay Musk iyo Rubio labadaba, isagoo sheegay inay “shaqo aad u wanaagsan qabanayaan” isla markaana ay “si aad ah isugu fiican yihiin.”

Sida warbixinta The New York Times lagu sheegay, Musk ayaa dhaliilay waxqabadka Rubio ee dhimista kharashaadka Waaxda Arrimaha Dibadda, isaga oo ku eedeeyay inuusan si fiican ugu guulaysan inuu kharashaadka yareeyo.

Rubio ayaa ku jawaabay in 1,500 oo shaqaale ah ay hore uga baxeen shaqada si iskood ah, isaga oo si kaftan ah u weydiiyay Musk haddii uu doonayo in shaqaalahaas dib loo soo celiyo si mar kale shaqada looga eryo.

Dhinaca kale, Sean Duffy ayaa ku eedeeyay waaxda DOGE inay isku dayday inay shaqada ka ceyriso hawl-wadeennada muhiimka ah ee hagidda diyaaradaha xilli ay dalka ka jiraan cawaaqibka shilal diyaaradeed oo dhowaan dhacay, taas oo keentay in Musk uu Duffy ku tilmaamo inuu “been sheegay,” sida uu weriyey The New York Times.

Trump ayaa sida la sheegay soo dhexgalay muranka si uu u joojiyo doodda, isagoo soo jeediyay in hadda kaddib hawl-wadeennada duulista laga soo xusho “khubarada sare” ee wax ka barata jaamacadaha caanka ah sida MIT.

Warbaahinta kala duwan ee Maraykanka ayaa dhanka kale tebisay in xiisado ay jiraan u dhexeeya Musk iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan, kuwaas oo kooxdiisa dhalinyarada ah ee DOGE—oo laga soo qoray Silicon Valley—ku eedeeyay inay dhaafeen xuduudda awooddooda.

Ciidamo Macawiisley ah oo maanta lala beegsaday qarax culus + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dadka deegaanka lagula eegtay aagga deegaanka Xawaaley oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay bar-kontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada Macawiisleyda, taas oo ku taalla halka loo yaqaanno Jameeco Misro-yarey, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan qaraxa ah ku dhintay ugu yaraan laba qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo kamid ah ciidanka Macawiisleyda.

Dhaawacyada askarta oo xaaladooda liidato ayaa lagu soo warramayaa in deg-deg ah loogu soo qaaday magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli kacsan, waxaana isku fidiyay ciidamada deegaanka oo howlgal lagu baadi goobayo raggii falka ka dambeeyay ka wada halkaas.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii maleeshiyaadka argagixisada ah ay soo galeen deegaannada gobolkaasi, iyaga oo kasoo tallaabay deegaanada dhaca jinka wabiga Shabelle.

Balcad ayaa kamid ah meelaha lagu arkay xubnaha Khawaarijta oo saacado kooban kadib dib uga baxay, waxaana haatan halkaas ku sugan ciidanka Xoogga dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo kaashaaneyso dadka deegaanka ayaa haatan gobolka ka wadda howlgallo looga difaacayo inay Al-Shabaab dib ugu soo laabtaan deegaanadii horay looga saaray.

Dagaalka ayaa sidoo kale weji cusub yeeshay, waxaana kusoo biiray Itoobiya oo ciidamadii ugu badnaa soo gelisay xadka Soomaaliya, kuwaas oo haatan ay gaareen deegaanka Feerfeer, iyaga oo kadib usii gudbaya furinta hore ee Shabeelaha Dhexe.

Qorshaha dalalka Islaamka ee Gaza oo la shaaciyey (Aqriso)

Jeddah (Caasimada Online) – Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si rasmi ah Sabtida maanta ah u ansixiyay soo-jeedin kasoo baxday Jaamacadda Carabta oo looga soo horjeedo qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee la wareegidda Gaza iyo barakicinta dadka halkaasi ku nool, waxaana ururku bulshada caalamka ugu baaqay inay taageeraan hindisaha gobolka.

Go’aankan, oo ay qaateen 57-ka dal ee xubnaha ka ah OIC, ayaa yimid kadib shir degdeg ah oo lagu qabtay magaalada Jeddah ee Sacuudiga, saddex maalmood un kadib markii Jaamacadda Carabtu qorshahaas ku meel marisay shir madaxeed lagu qabtay magaalada Qaahira.

Hindisaha ay soo diyaarisay dalka Masar, oo ah mid looga jawaabayo qorshaha Trump oo si ballaaran loo cambaareeyay, ayaa soo jeedinaya in dib loo dhiso Marinka Gaza iyadoo maamulka mustaqbalka ee deegaanka lagu wareejinayo Maamulka Falastiin ee kooxda Fatax ay hogaamiso.

“OIC waxay si rasmi ah u qaadatay qorshaha dib u soo kabashada iyo dib-u-dhiska degdegga ah ee Gaza,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.

Ururkan oo matala dalalka Islaamka ayaa sidoo kale ku boorriyey bulshada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee maalgelinta inay si dhaqso ah u bixiyaan taageerada dhaqaale iyo midda farsamo ee loo baahan yahay.

Trump ayaa caro weyn oo caalami ah kiciyay markii uu sheegay inuu doonayo in Maraykanku uu “la wareego” Gaza, uuna ka dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe,” isagoo isla markaana soo jeediyay in dadka Falastiiniyiinta lagu qasbo inay u guuraan Masar ama Jordan.

Masar oo fileysa taageero caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa soo dhoweeyay taageerada OIC, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo in qorshahan uu heli doono taageero caalami ah, gaar ahaan Midowga Yurub iyo quwadaha kale ee waaweyn sida Japan, Ruushka, Shiinaha iyo Maraykanka.

“Tallaabada xigta waa in qorshuhu noqdo mid caalami ah oo ay ansixiyaan Midowga Yurub iyo dhinacyo kale oo muhiim ah,” ayuu yiri Abdelatty, isagoo intaa ku daray inay xiriir joogto ah la leeyihiin dhammaan dhinacyada muhiimka ah, oo uu ku jiro Maraykanka.

Si kastaba ha ahaatee, hindisaha Masar, oo aan wax door ah u qoondaynin ururka Hamas oo hadda gacanta ku haya Gaza, ayaa horey waxaa u diiday dalalka Maraykanka iyo Israa’iil labaduba.

“Qorshaha Masar ma buuxinayo filashada Washington,” ayay Khamiistii weriyayaasha u sheegtay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Tammy Bruce.

Wakiilka Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa isagu muujiyay aragti ka dabacsan, isagoo ku tilmaamay soojeedinta Masar inay tahay “tallaabo wanaagsan oo ay Masaaridu qaadayaan niyad wanaag.”

Rabha Seif Allam oo ka tirsan Xarunta Al-Ahram ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Qaahira ayaa sheegtay in qorshaha Trump uu mideeyay dalalka Carabta oo hadda ku mideysan diidmada qorshahaasi.

“Masar waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay isbahaysi ballaaran uga abuuri lahayd taageerada qorshaheeda, iyadoo si adag uga soo horjeedda barakicinta dadka Falastiiniyiinta ee Gaza,” ayay tiri.

R/W Saacid oo bogaadiyay tallaabo ay qaaday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo qoraal soo saaray ayaa bogaadiyay tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya ee ku aadan dib u fasixidda duulimaadyada diyaaradaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Saacid ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo go’aanka dowladda, wuxuuna tilmaamay inuu yahay tallaabo loo qaaday dhanka wanaaga.

Sidoo kale wuxuu cadeeyay in Dowladda laga fadhiyo inay qaado xayiraadaha kale ee saaran magaalooyin kale ee Jubaland, si loo xaliyo dhibaatada ka taagan halkaasi.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka ay Dowladda Federaalka uga qaaday xayiraaddii duulimaadyada magaalada Baardheere, waa tallaabo loo qaaday dhanka saxda ah” ayuu yiri Cabdi Faarax Shirdoon.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe inay ka fiirsato go’aanada xayiraadda ah, maadaama ay ka dhalaneyso dhibaato xooggan oo dhaqaale iyo dhibaato soo gaareysa dadka shacabka ah ee aan siyaasadda ku jirin.

“Sidoo kale, waxaan mar kale ugu baaqayaa Dowladda Federaalka inay si degdeg ah u fasaxdo duulimaadyada magaalooyinka kale ee Jubaland. Mar dambe in xayiraad la saaro qeyb kamid ah dalka waa in laga fogaadaa” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay ay Baardheere ku geeriyootay hooyo umul ahayd laguna magacaabi jiray Farxiyo Xuseen, taas oo xaaladeeda wax looga qaban waayey degmada, kadibna la waayay diyaarad soo qaada.

Yaa kusoo baxay doorashada kursigii Mustaf Dhuxulow?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada mid ka mid ah kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo lasoo buuxiyay kursigaasi.

Kursigan oo tirsigiisu ahaa HOP#049 una horay ugu fadhiyay Mustaf Sheekh Cali Dhuxlow ayaa waxaa saaka loo doortay Maxamed Cabdi Cali Faarax, kaas oo sidaas uga mid noqonaya mudaneyaasha Golaha Shacabka.

Mustaf Dhuxulow ayaa lumiyay xubinnimadii Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xildhibaanka soo baxay Maxamed Cabdi Cali Faarax ayaa loo xiray kursigan, waxaana lasii ogaa natiijada, maadaama ay la tartamay gabar malxiis ahaan loo soo diyaariyay.

Sidoo kale xildhibaanka cusub ee lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhalay ganacsadaha caanka ah Cabdi Cali Faarax ee kasoo jeeda Galmudug.

Dhinaca kale waxaa weli jira kuraas kale oo ka banaan baarlamaanka Soomaaliya, waana illaa 3 kursi oo kala ah kursigii uu ka tegay agaasimaha hay’adda NISA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo laba kuraas kale oo ay ka geeriyoodeen AUN xildhibaanada kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey.

Si kastaba, tallaabadaan uu qaaday guddiga doorashada ayaa ka dambeysay, kadib markii 25-kii Bishii lasoo dhaafay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu warqad uu u diray guddiga doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday inay si dhaqso leh kusoo buuxiyaan kuraasta ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Maxay tahay ciladda ku timid Internet-ka Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cilad lama filaan ah ay ku timid qadka internet-ka Soomaaliya, taas oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho iyo dalka intiisa kale.

Ciladda ayaa la xiriirta culeys ku yimid guud ahaan adeegga internet-ka, waxaana hoos u dhacay xawaarihiisa oo si weyn ay u dareemeen dadweynaha isticmaala.

Wararka ayaa sheegaya in cilad ay ku timid mid kamid ah xargaha xambaara internet-ka ee mara gacanka Cadmeed, waxayna taas sababtay in hoos u dhac uu ku yimaado xawaaraha internet-ka.

Soomaaliya oo kaliya ma ahan, waxaana sidoo kale ciladda internet-ka ay gaartay waddamada Masar, Pakistan iyo Kenya, maadaama ay iyaguna isticmaalaan xargaha mara badda hoosteeda.

Dhinaca kale shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa xaqiijisay ciladda soo korortay oo si weyn loo dareemay maalmihii lasoo dhaafay, waxaya macaamiisha la wadaagtay farrriin wargelin ah.

“Waxaa cillad ku timid mid ka mid ah xargaha xambaara internet-ka ee badda hoosteeda mara, gaar ahaan aagga Badda Cas. Arrintan waxay saameyn ku yeelatay adeegyada internet-ka ee Soomaaliya, Kenya, Masar, iyo Pakistan, taasoo keentay hoos u dhac xawaare” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Sidoo kale farriin kale oo ay goordhow soo saartay shirkadda ayaa waxa ay ku sheegtay in la xalliyay ciladdii ku timid internet-ka, ayna ka howlgaleen kooxda farsamada ee shirkadda Hormuud oo kaashanaya khubaro caalami ah.

“Macaamiilkeena sharafta leh, Waxaan kuugu bishaaraynaynaa in aan xallinnay culeyskii internet-ka ee ka dhashay cillad soo gaartay mid kamid ah xargaha internet-ka xambaara ee mara badda hoosteeda” ayay mar kale qoraal ay soo saartay ku tiri Hormuud.

Marar kala duwan ayay cilad weyn ku timid adeegga internet-ka ee guud ahaan dalka, waxaana ka dhasha saameyn ballaaran, maadaama ay aad ugu xiran yihiin dadka Soomaaliyeed.

Xog: Kumanaan askari oo ITOOBIYAAN ah oo ku soo wajahan dagaalka Sh/Dhexe

Feerfeer (Caasimada Online) – Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa kumanaan askari ku daabulay magaalada xuduudda ku taalla ee Feerfeer, ayaga oo ku soo wajahan si ay uga qeyb qaataan howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya.

Daabulaadda ciidamadan ayaa timid maalmo un kaddib markii diyaaradaha dagaalka Itoobiya ay duqeeyeen bartilmaameedyo Al-Shabaab oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, sida uu Khamiistii xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Wasiirka, oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliya (SNTV), ayaa sheegay in duqeymaha ay Itoobiya ka fulisay Soomaaliya ay heleen oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda federaalka, taasoo muujineysa iskaashi dhow oo dhanka amniga ah oo ka dhaxeeya Muqdisho iyo Addis Ababa. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan bixin faahfaahin la xiriirta khasaaraha ama burburka ay geysteen duqeymahaas.

“Ma suurtagalayso in duqeyn laga fuliyo gudaha Soomaaliya iyadoo aan dowladda la ogeysiin,” ayuu yiri Wasiir Jaamac, isagoo adkeeyay xiriirka dhow ee militari ee labada dal.

Duqeymahan ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada Al-Shabaab, iyadoo dhowaan ay beegsatay saldhigyada militari ee Soomaaliya iyo goobo rayid ah oo ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka iyo saaxiibbada caalamiga ah, ayaa ku howlan dagaallo dib u xoreyn ah oo lagu doonayo in dib loogu la wareego dhul ay horey u maamulayeen Al-Shabaab.

Hawlgalka militari ee Itoobiya ayaa daba socda heshiis iskaashi oo dhanka amniga ah oo ay labada dal gaareen, kaasoo si gaar ah diiradda u saaraya la-dagaallanka Al-Shabaab. Wasiir Jaamac ayaa xusay in iskaashiga militari ee labada dal uu ku saleysan yahay heshiiskii Ankara, kaasoo hagaya wada-shaqeynta amni ee Addis Ababa iyo Muqdisho.

Bishii hore, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis u oggolaanaya ciidanka ENDF in ay ka howlgalan gudaha Soomaaliya iyagoo ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Iskaashigan amni ee dib loo cusbooneysiiyay ayaa yimid kaddib markii xiriirka labada dal uu soo hagaagay, ka dib khilaaf sannad socday oo salka ku hayay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la gashay Somaliland ee la xiriiray marin badeed helista.

Iskaashigan cusub ee militari wuxuu muujinayaa isbeddel istiraatiiji ah oo ay labada dal sameynayaan si ay u xakameeyaan dib usoo kabashada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Keenista ciidanka Itoobiya ee Feerfeer iyo duqeymihii ugu dambeeyay waxay muujinayaan mowqifka adag ee Itoobiya ay ka qaadaneyso sidii ay uga hortagi lahayd in saameynta Al-Shabaab ay u gudubto gudaha dhulkeeda.

Daawo: Bajaajleyda iyo Taraafikada oo ay ka dhex-tafatay – Maxaa la isku hayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah darawallada Bajaajleyda ayaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyaga oo ka cabanayo Taliska Taraafikada ee gobolka Banaadir.

Darawallada oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ujeedka banaan-baxooda, waxayna sheegeen in iyaga iyo Taraafikada ay isku hayaan arrimo la xiriira Leesinka.

Oday kamid ah Bajaajleyda ayaa sheegay in Leesinkiisa uu ku maqan yahay wasaaradda gaadiidka, welina aanu soo bixin, haddana ay dhib ku hayaan ciidamada Taraafikada.

“Leesinkeyga aniga waxaa iga qabto wasaaradda gaadiidka welina imtaxaanka ma helin inaan baasay iyo in kale, ninkii aan ka rabayna wuu i fasixi la’ahay” ayuu yiri mid kamid darawallada dhigay dibad-baxa.

Sidoo kale darawal kale ayaa goobta ka sheegay in xittaa lacago ay ka qaadaan ciidanka Taraafikada marka ay ku qabtaan waddooyinka, taasina ay tahay caqabad soo korortay.

“Maalin kasta marka laga reebo jimcaha waxaa nagala qaadaa 5 dollar, annagana inteena badan mootooyinka waxaan ku wadnaa kiro marka Soona waa lagu jiraa Taraafikana dhib wayn ayay nagu haysaa” ayuu yiri darawal kale oo Bajaajle ah.

Intaas kadib waxaa dibad-baxayaasha u tegay taliye ku xigeenka Taraafikada Najiib Carab, isaga oo u ballan qaaday in cabashadooda si deg deg ah wax looga qaban doono.

“Dad aad ku qanacsan tihiin oo guddi ah soo dira go’aan annaga ayaa soo siineyno” ayuu yiri Taliye Najiib Carab oo goobta kula hadlay dibadbaxayaasha.

Bajaajleyda Muqdisho ayaa marar badan dibad-baxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka caasimada, waxayna arrintooda noqotay mid soo laa laabatay oo loo la’yahay xal waara.

Trump oo warqad lama filaan ah u diray Ayatollah Ali Khamenei – Muxuu codsaday?

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu warqad u diray hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, si uu ugu baaqo wadahadallo cusub oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka, isaga oo uga digay suurtagalnimada tallaabo militari haddii aysan ogolaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa u sheegay AFP in dalkiisu uusan wax wada-hadal ah la geli doonin Mareykanka inta ay sii wadaan cadaadiska ugu badan, balse si toos ah ugama uusan jawaabin warqadda Trump ee loo diray Khamenei.

Tallaabadan Trump waxay ka duwan tahay mowqifkiisii adag ee xilligii hore, taasoo laga yaabo inay xasaasiyad ka dhex dhaliso xulafadiisa dhow, gaar ahaan Israel, oo sannadkii hore duqeyn ka fulisay gudaha Iran.

“Waxaan rajeynayaa in aan gaarno heshiis nabadeed,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha xilli uu ku sugnaa Aqalka Cad, isaga oo intaas ku daray: “Waxaan joognaa marxaladihii ugu dambeeyay ee barnaamijka nukliyeerka Iran.”

“Waan jeclaan lahaa in heshiis nabadeed la gaaro halkii la qaadi lahaa tallaabo militari,” ayuu sii raaciyay, “balse midka kale wuu xallinayaa dhibaatada.”

Trump ayaa shaaca ka qaaday warqaddan intii uu wareysi siinayay Fox Business, halkaas oo uu ku yiri: “Waxaan rajeynayaa inaad wada-xaajood geli doontaan, maxaa yeelay haddii aan tallaabo militari qaadno, waxay noqon doontaa wax aad u xun.”

Si rasmi ah looma caddeyn sida warqadda loo diray, waxaana Qunsuliyadda Iran ee Qaramada Midoobay sheegtay inaysan helin wax warqad ah oo ka timid Mareykanka.

Taariikhda heshiiska nukliyeerka Iran

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama, ayaa 2015 la saxiixday heshiis taariikhi ah oo Iran loogu ballanqaaday in cunaqabateynta laga qaadayo, si ay u yareyso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Laakiin Trump ayaa 2018 ka baxay heshiiska, isaga oo ka hor yimid xulafadiisa Yurub. Bedelkeeda, wuxuu saaray cunaqabateyn ballaaran oo ka dhan ah dal kasta oo iibsada shidaalka Iran.

Tehran, oo beenisay inay doonayso in ay yeelato hub nukliyeer ah, markii hore waxay u hoggaansantay heshiiska, balse markii dambe way ka laabatay ballamihii ay qaaday.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku qiyaasay in Iran ay hadda toddobaadyo yar uun uga baahan tahay inay dhisto hub nukliyeer ah, haddii ay go’aansato.

Markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Trump wuxuu dib u dhaqan-geliyay—balse si aan xiiso badan lahayn—siyaasaddiisii cadaadiska ugu badan ee Iran.

Iran oo ka digtay hanjabaadaha Mareykanka

Iran waxay ka taxaddartay inay dib ugu soo laabato wada-hadallada diblomaasiyadeed.

“Ma geli doonno wada-hadallo toos ah oo aan la yeelanno Mareykanka inta ay sii wadaan siyaasaddooda cadaadiska ugu badan iyo hanjabaadahooda,” ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, oo la hadlay AFP.

Isagoo ka qeyb galayay shir ay Jeddah ku yeesheen xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka, Araghchi wuxuu intaas ku daray in barnaamijka nukliyeerka Iran aan lagu burburin karin hab militari.

“Tiknoolajiyaddan waa mid aan gaarnay, waxayna ku jirtaa maskaxaha dadka—mana la duqeyn karo,” ayuu yiri.

Araghchi wuxuu horey uga mid ahaa xubnihii muhiimka ahaa ee wadahadalladii heshiiska 2015, kaas oo ay horseed ka ahayd dowlad dib-u-habeyn raadineysay.

Ayatollah Khamenei, oo 85 jir ah, waa go’aamiyaha ugu sareeya ee nidaamka wadaaddada Iran. Wuxuu horey u sheegay in ka bixitaanka Trump ee heshiiskii 2018 uu yahay caddeyn muujinaysa in Mareykanka aan la aamini karin.

Laakiin Iran waxay wajahaysaa caqabado aysan horey u arag tan iyo kacdoonkii Islaamiga ahaa ee 1979, kaasoo meesha ka saaray boqorkii Iran ee xulafo la ahaa Reer Galbeedka.

Israel waxay burburisay difaacyada cirka ee Iran, waxayna duqeysay labo dhaq-dhaqaaq oo xiriir la leh wadaaddada Tehran: Xamaas, oo weerar lama filaan ah ku qaaday Israel 7-dii Oktoobar 2023, iyo Xizbullah ee Lubnaan.

Xulafada ugu weyn ee Iran ee gobolka, Bashar al-Assad ee Suuriya, wuxuu bishii December ku dhacay duulaanka dagaalyahano Sunni ah oo la wareegay xukunka.

Dagaal mise wada-hadal?

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden wuxuu taageeray in dib loogu soo laabto heshiiskii 2015, balse wadahadalladii way burbureen, sababo la xiriira khilaaf ku saabsan heerka cunaqabateynta laga qaadi doono Iran.

Golaha Iranian American Council, oo taageersan in xiriir la sameeyo, wuxuu sheegay in Trump uu si shaqsi ah uga go’naado wadahadallada si uu u muujiyo rabitaankiisa diblomaasiyadeed.

“Haddii hoggaanka Iran ay sugayaan jawi dhamaystiran oo wada-xaajood lagu bilaabi karo, waxaa aad u suuragal ah in fursadda wada-hadalladu xirmi doonto, halka khatarta dagaalku sii kordhi doonto,” ayuu yiri madaxweynaha ururkaas, Jamal Abdi.

Laakiin Behnam Ben Taleblu, oo ka tirsan machadka siyaasadda ee Foundation for Defense of Democracies, wuxuu sheegay in Iran ay uga faa’iidaysan karto fursaddan si ay waqti u hesho.

“Tehran waxay Trump u dhigtay dabin, iyada oo rajaynaysa inuu galo wada-hadallo aan dhammaaneyn, si ay u wiiqaan cadaadiska ugu badan ee Mareykanka iyo in la dhimo suurta-galnimada weerar militari oo kaga yimaada Mareykanka ama Israel,” ayuu yiri.

 

Somaliland oo toogasho ku fulisay laba qof + Magacyada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xukun qisaas ah ku fulisay laba gacan ku dhiigle oo dhowaan lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dilal ka gaysteen deegaannada maamulkaasi.

Toogashada ayaa ka dhacday duleedka Xabsiga Mandheere, waxaana ragga la toogtay shalay dilkooda saxiixay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, iyada oo sidaasna lagu geeyay tiirka cadaaladda.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Ex. Bol. Maxamuud Cali Nuur oo loo qisaasay Marxuum Ex. Gaashaanle Cabdi Cali Nuur oo ahaa taliyihii saldhigga booliska Maxamed Mooge, kana mid ahaa saraakiisha firfircoon ee Booliska Somaliland, isaga oo dilka u adeegsaday toorey.

Askariga dilka geystay ayaa waxaa taliyihiisa kala dhaxeeyay khilaaf hoose, isaga oo kaddib si gaadmo ah toorrey ugu dhuftay. Taliyaha ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawac.

Sidoo kale gacan ku dhiiglaha labaad oo lagu magacaabo Saalax Isaaq Muxumed ayaa loo qisaasay dil uu u gaystay marxuum Ex.Ask.Pol A.le Buux Mawliid Ismaaciil oo ka tirsanaan jiray Ciidanka Nabad-gelyada Waddooyinka ee gobolka Gabiley.

Ehellada marxuuminta ayaa dhaweeyay qisaasta lagu fuliyay gacan ku dhiigleyaasha, maadaama ay cadaaladda marsiisay xukuumadda Somaliland.

Horay Somaliland ayaa sidaan oo kale toogasho ugu fulisay dambiileyaal kala duwan oo dilal ka gaystay deegaanada maamulkaasi, waana arrin loogu bogaadiyay, maadaama lagu kala baxayo cadaaladda iyo go’aannada ay soo saaraan maxkamadaha.

Soo kabashada cajiibka ah ee Muqdisho: Sidee Xasan uga dhigay caasimad nabad ah?

Muddo dheer, Muqdisho waxay ahayd meel argagax leh. Qaraxyo ismiidaamin ah oo isdaba joog ah, dilal qorshaysan, iyo baad—magaaladan wax walba way aragtay. Dadku waxay subaxdii ka baxayeen guryahooda iyaga oo aan hubin inay dib ugu soo laaban doonaan. Ciidamada amniga ee la sheegayay inay jiraan waxay ahaayeen kuwo daciif ah, musuqmaasuq ka dhex socday, laaluush-doon ah. Halkii wax laga qaban lahaa xaaladda murugsan ee amniga, dowladdii hore waxay Muqdisho ka dhigtay xabsi kor ka furan. Waddooyinka waa la xir-xiray, baro kontorool aan dhammaanayn ayaa la dhigay, noloshii maalinlaha ahaydna waa la adkeeyey, halka Al-Shabaab ay si xor ah usoo geli jireen magaalada iyagoo qaraxyo ka fulinaya, dadka cabsi gelinayana.

Xasuusaha xilligaas weli way nool yihiin. Xasuuqii Soobe oo kaliya waxaa hal mar naftooda ku waayay in ka badan 1,000 qof, markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay isgoyskaas mashquulka badan, iyadoo isgoyska Soobe isu beddelay xabaal-wadareed. Waalidiin, carruur, ganacsato, iyo dad kale oo aan waxba galabsan ayaa ku baaba’ay ilbiriqsiyo gudahood. Qaraxii Ex-Control Afgooye isna wuxuu galaaftay nolosha in ka badan 150 qof, kuwaas oo badankood ahaa arday. Xeebta Liido waxay ahayd goob xasuuqyo badan ka dhaceen, halkaas oo Al-Shabaab ay laayeen dad aan waxba galabsan oo kaliya doonayay inay ku nastaan xeebta.

Weerarada Al-Shabaab halkaa kuma ekaan. Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Injineer Yariisow, iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa waxaa lagu dhex dilay xafiiskiisa, qarax ka dhacay gudaha dhismihii magaalada laga xukumayay oo la rabay inuu noqdo midka ugu amniga sugan magaalada. Waxay ahayd arrin quus ah. Xilligaas, xukuumaddii jirtay xal uma keenin amni xumada Muqdisho. Meesha ay Al-Shabaab la dagaallami lahaayeen, waxay taa beddelkeeda magaalada kusii kordhiyeen xannibaado iyo kontoroollo aan wax macno ah samayn.

Si kastaba ha ahaatee, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay, wax walba waa is beddeleen. Wuxuu diiday in Muqdisho ay sii ahaato goob difaac. Sida caadada ahayd oo lagu sugi jiray in cadowgu weerar ku soo qaado, xukuumaddiisu waxay dagaal toos ah la gashay Al-Shabaab, iyagoo howlgal ballaaran ka bilaabay labada Shabeelle, Hiiraan, Galgaduud, iyo qayb ka mid ah Mudug. Markii ugu horreysay muddo ku dhow labaatan sano, dowladda ayaa weerar noqotay oo ka baxday is-difaaca. Al-Shabaab waxaa ku qasbanaaday carar iyo difaac. Waxay lumiyeen dhul, dagaalyahanno, iyo tan ugu muhiimsan—xakamayntii iyo cabsigelintii ay dadka ku hayeen.

Dhibaatada dhabta ah ma ahayn oo keliya dagaalka bannaanka, balse waxay ka jirtay gudaha hay’adaha amniga laftooda. Booliiska iyo sirdoonka waxaa ka jiray musuqmaasuq, karti-xumo, iyo wax is-daba-marin baahsan. Waxaa tusaale u ahaa ciyaalkii Bac Kassi—koox ka koobnayd xubno Al-Shabaab kasoo goostay, askar aan tababar lahayn, iyo dad aan xaq u lahayn inay xirtaan darees ciidan, iskaba daa in la dalacsiiyo iyadoon habraacii saxda ahaa la marin. Isla kuwaas ayaa magaalada gacanta u geliyay cadowga Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si degdeg ah u nadiifiyay hay’adaha amniga, isagoo meesha ka saaray kuwii amniga fashilinayay, isla markaana ku beddelay saraakiil aqoon iyo xirfad leh, oo dhab ka ah inay shacabka u adeegaan oo ilaaliyaan badqabkooda.

Madaxweynaha wuxuu la wareegay galka amniga Muqdisho. Wuxuu soo saaray amar madaxweyne oo lagu dhisay guuto gaar ah oo booliis-militari ah, kuwaas oo toos ugu xiran xafiiskiisa, kana hawlgala bannaanka magaalada si ay u xakameeyaan wax kasta oo gudaha magaalada loo soo gelinayo. Xilligii hore, qaraxyada Muqdisho waxaa lagu soo gelin jiray sidii khudaarta oo kale. Laakiin hadda albaabkaas waa la xiray. Gudaha magaalada, ciidamadii lagu hayay baraha kontoroolada waxaa lagu beddelay kuwa si sax ah loo tababaray, waxaana la hubiyay in si joogto ah loo kormeero. Ma jiro qof shacabka dhib u geysan kara isaga oo aan la kulmin ciqaab u dhiganta. Laaluushkii iyo tacaddigii joogtada ahaa waa la dabar gooyay.

Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee wax badan ka beddelay muuqaalka amni ee caasimadda wuxuu ahaa go’aanka hub ka dhigista dadka ku nool magaalada. Muddo dheer, magaalada waxay u ekaan jirtay xero dagaal, halkaas oo qof kasta oo isku sheegaya siyaasi ama madax uu haystay hub culus. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si cad u mamnuucay in magaalada lagu dhex haysto hub culus, isagoo xaqiijiyay in kaliya ciidamada amniga ee dowladda ay haystaan hubkaas. Natiijadu waxay noqotay hoos u dhac weyn oo ku yimid rabshadaha iyo dilalka. Dadka ayaa markii ugu horreysay muddo dheer kadib waddooyinka maraya iyagoo aan dareemayn wax qalqal gelin.

Sidoo kale, dowladda kama aysan aamusan marka Al-Shabaab ay weerarro geystaan. Halkii markii hore laga bixin jiray hadallo faaruq ah iyo goodino been ah, Madaxweynaha wuxuu xaqiijiyay in cidii shaqadooda ku fashilanta la eryo. Xitaa qaar ka mid ah saraakiisha sare ayaa maxkamad lasoo taagay. Musuqii iyo isku milankii saraakiisha amniga iyo Al-Shabaab waa la jaray. Ma jiro cid si qarsoodi ah uga macaashi karta amniga magaalada. Qofkii shacabka khiyaama, waa la soo bandhigayaa, la fadeexeynayaa, oo waa lala xisaabtamayaa.

Muqdisho hadda ma ahan meel cabsi lagu nool yahay. Ganacsiyadii habeenkii xirmi jiray hadda afar iyo labaatan saac ayay shaqeynayaan. Waddooyinku waa dhismayaan. Nalalka magaalada waa ifayaan. Nolasha iyo damaashaadka waa muuqdaa. Dadku markii ugu horreysay waxay dareemayaan amni. Taasi micnaheedu ma aha in Muqdisho ay Oslo la mid noqotay. Weli waa magaalo soo kabaneysa, soo martay wax kasta oo laga naxo. Al-Shabaab wali si buuxda loogama takhalusin, laakiin jabka ku dhacay wuu muuqdaa. Markii ugu horreysay muddo dheer, amniga waxaa gacanta ku haya dowladda, waxaa meesha laga saaray baadkii iyo cabsi gelintii argagixisada.

Hadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u haray hal guul oo laga sugayo, waana xaqiijinta maqaamka siyaasadeed ee Muqdisho. Waa in caasimaddu hesho xuquuqdeeda dastuuriga ah. Waa in shacabka caasimadda ay si toos ah u doortaan hoggaankooda halkii loo soo magacaabi lahaa. Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh taas hirgeliyo, ma ahan oo keliya inuu mustaqbalka Muqdisho xaqiijiyay iyo in fursadiisa dib u doorasho kor u kacdo, balse wuxuu noqon doonaa hoggaamiye taariikhda lagu xuso, magaciisana lagu qoro qalin dahab ah.

W/Q: Cabdullaahi X. Samoow
E-mail: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

200 oo QOF oo lagu dilay Suuriya kadib markii…

Dimishiq (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad ay ku dhinteen dad ka badan 200 oo qof.

Iska horimaadyadan oo ka socda deegaannada xeebaha ee Suuriya ayaa ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo markii kooxaha fallaagada ah ee ay hogaaminayaan kooxda Islaamiga ah ee Hayat Taxriir al-Shaam ay xukunka ka xayuubiyeen Bashaar Al-Asad horaantii bishii December ee sanadkii hore.

Subaxnimadii Jimcahii shalay, ciidamo badan oo Suuriyaan ah oo hoos taga maamulka cusub ee Islaamiyiinta ayaa la geeyay magaalada Latakia, halkaas oo bandow lagu soo roggay, dadka rayidka ah lagu amray inay guryahooda ku ekaadaan.

Kooxda la socota xuquuqda bini’aadanka ee Suuriya oo fadhigeedu yahay Britain ayaa ku warameysa in duleedka magaalooyinka xeebaha ay weli gacanta ku hayaan ciidamada daacadda u ah Asad. Ciidamadan waxaa kaloo ay weli gacanta ku hayaan magaalada Qardah ee ku taal buuraleyda ku teedsan xeebaha, oo ah halkii uu ku dhashay Bashaar Al-Asad.

Somalia: Ethiopian troops to bolster fight against Al-Shabab

FEERFEER, Ethiopia – The Ethiopian National Defense Force (ENDF) has deployed a significant number of troops to the border town of Feerfeer, according to military and government sources.

The stated objective is to reinforce ongoing operations against Al-Shabaab militants in Somalia’s Middle Shabelle region.

The deployment follows a series of recent Ethiopian airstrikes that targeted Al-Shabaab strongholds in Middle Shabelle. Somali Defense Minister Abdulkadir Mohamed Nur Jama confirmed the airstrikes, stating they were conducted with the full approval of the Somali Federal Government.

“Airstrikes inside Somalia cannot be conducted without the government’s knowledge and coordination,” Jama stated on Somali National Television (SNTV), underscoring the collaborative nature of the security operations between Addis Ababa and Mogadishu.

While confirming the strikes, he did not release specific details regarding casualties or the extent of damage inflicted on Al-Shabaab targets.

Bolstering Somali National Army

The deployed Ethiopian troops are expected to augment the Somali National Army and allied local militia forces currently engaged in a sustained counter-offensive against Al-Shabaab in Middle Shabelle.

The region has witnessed a marked increase in militant activity, including attacks on Somali military installations and civilian populations, prompting a stepped-up response from both Somali and Ethiopian forces.

Ethiopia’s military involvement is grounded in a comprehensive security cooperation agreement with Somalia, which includes provisions outlined in the “Ankara agreement” and the formal authorization for ENDF forces to operate within Somalia as part of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS).

This legal framework facilitates Ethiopian troops’ coordinated deployment and operational activities within Somali territory.

The reinforced deployment to Feerfeer, strategically located on the border, signals Ethiopia’s heightened commitment to containing Al-Shabaab’s expansion and influence, particularly within the strategically significant Middle Shabelle region.

The renewed security partnership between Ethiopia and Somalia represents a substantial shift in regional security dynamics, following improved relations after previous tensions related to Ethiopia’s maritime access agreement with Somaliland.

The joint military effort underscores a shared determination to address the persistent threat posed by Al-Shabaab and stabilize the region.

Daawo: Xasan Sheekh oo hal arrin ka dalbaday Shabaab, Ramadaanka awgiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta farriin u diray dhallinyarada u dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, isagoo u sameeyey balan-qaadyo waaweyn.

Madaxweynaha ayaa cod dheer ugu baaqay dhalinyarada ku jirta kooxaha Khawaarijta ah, inay isku soo dhiibaan dowladda, isagoo cafis u fidiyey qof kasta oo isisoo dhiiba.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhalinyaradaas ka balan qaaday in aan la bahdi doonin oo ay nolol qurux badan heli doonaan, hadii si nabad ah ay uga soo baxaan argagixisada.

“Maalintan bisha ramadaan ah ee Jumcada ah fadligeeda waxaan rabaa in aan cafis u fidiyo wiilasha  Khawaarijtu qaladay, la idinma bahdilayo ee kasoo baxa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka faafiya fariimaha taageeraya kooxaha Khawaarijta ah, “Barobagaandada maalmahan socota  Khawaarijtaa iska leh, nasiib darro kuwa farriintooda qaada ayay heleen oo meelkasta u geeya oo Soomaali iyo Ajaanib ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan ‘Dad badan oo Soomaali kamid ah oo nabada, horumarka iyo iftiinka loo baxayo ka cabsanay “Allaha soo hanuuniyo ayaan leenahay.”

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Halyeeyada Ciidamada Qaranku ay ka soo hoynayaan howlgallada xoreynta dalka, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan argagixisadu.

“Maanta oo jumca ah Wiilal Soomaaliyeed ayaa qoraxda kulul oo abaarta ah ku dhiig baxaya oo cadowga hortaaggan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka jeediyey Masjidka Madaxtooyada, Salaadda Jimcaha kadib, halkaas oo uu kula tukaday masuuliyiinta Dowladda.

Hoos ka daawo

DF oo shaacisay tirada Al-Shabaab looga dilay dagaal ka dhacay Boos-Hareeri

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka ayaa maanta dagaal culus Al-Shabaab kula galay deegaanka Boos-hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waa deegaan hoos taga degmada Aadan-yabaal.

Dowladda Soomaaliya oo caawa war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Boos-hareeri ayaa sheegtay in halkaas ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta, weerarka waxaa soo qaaday kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha ciidamada degaanka ayaa guul weyn ka gaaray dagaal ka dhacay degaanka Boos Hareeri ee gobolka Shabeellaha Dhexe.”

Warkaan waxaa lagu sheegay in ciidanku ay sii hayeen xogta kooxda soo weerareysa,  isla markaana laga dilay ugu yaraan 20 maleeshiyaad ah iyo horjoogayaal sare oo dagaalka hoggaaminaayey.

“Ciidamada XDS oo si feejigan uga hortagay weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta isku dayeen inay kusoo qaadaan degaanka, ayaa dhirbaaxo adag ku dhuftay cadowga, waxaana halkaas lagu ciribtiray ku dhawaad 20 dhagarqabe, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada,” ayaa lagu yiri Warka Dowladda.

Caasimada Online waxay ogaatay in halkaas khasaare culus uu ka dhacay oo soo gaaray labada dhinac, kooxda Al-Shabaab waxaa u suurta gashay inay gudaha u galaan deegaanka Boos-Hareeri.

Sidoo kale, waxaa dagaalka ku dhintay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta HirShabeelle, ciidamada dadka deegaanka ayaa sidoo kale kaalintooda ka qaatay dagaalkii maanta.

Dowladda Soomaaliya waxay caawa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay dagaalkii maanta khawaarijta uga furteen oo gacanta u dhigeen gaadiid, iyo saanad ciidan oo Shabaab lahaa.

“Howlgalkan guusha leh ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoreyneyso dhulka ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, iyada oo Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya shacabka Soomaaliyeed ay si buuxda uga go’an tahay ciribtirka cadawga nabadda iyo horumarka diidan,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo SNTV lagu baahiyey.

Xildhibaanada Beelaha Abgaal ayaa ku biiray dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana socda abaabul xoog leh, in kastoo kooxda Al-Shabaab ay qabsatay dhul balaaran, welina ay wado weerarro toos ah, maalmaha soo socda waxaa lagu rajo weyn yahay in kooxda la jebiyo oo laga xoreeyo gobolkaas.

Madaxweyne Xasan oo si adag uga jawaabay digniintii dowladda Mareykanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa si adag uga hadlay digniinta amni ee kasoo baxday Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta amni ahaan mareyso meel fiican, isla markaana aysan jirin cabsi ama khatar kusoo fool leh, isagoo gaashaanka u daruuray digniinaha wakiilada reer Galbeedka ee uu fadhigoodu yahay Xalane.

“Dalka xilli uu ka fiican yahay maleh, dariiqyada ayaa lagu afuraya. Ajnabi horumarkeenna neceb ayaa faafinaya farriimo u adeegaya Al-Shabaab. Ma jirto khatar, ma jirto meel ay Al-Shabaab naga qabsatay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay sameeyaan isku tashi, si loo gaari lahaa isku filnaasho, iyo in dalkeenna Soomaaliya uu ka maarmo shisheeye.

“Soomaaliyeey aan iskutasho. Ajnabi horumarkeenna neceb ayaa faafinaya farriimo u adeegaya Al-Shabaab,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday hakinta duulimaadyada ay sameeyeen qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah, isagoo meesha ka saaray in ay jirto cabsi amni oo keentay in duulimaadyadaas la joojiyo.

“Dalkaan iyadoo qaraxyada iyo dilalka ka dhacayaan ayaa joognay, caalamkana diyaaradaha waa nooga imaanayeen, oo waa socdeen. Maanta waa maxay khatarta dhacday oo diyaaradaha cirka maraya soo daadanayaan,” ayuu yiri madaxweynaha.

Maxay yihiin digniinaha uu beeniyay madaxweynaha?

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi wabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho.

Inkasta oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka, haddana waxaa loo aaneyna farriimaha amni ee ay faafinayaan wakiilada Xalane ku sugan.

Waa sidee xaaladda amni ee garoonka Muqdisho?

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Idaacadda VOA ayaa sheegtay in wax khatar ah aysan dalka ka jirin, isla markaana ay helaan xogta ammaanka dalka iyadoo dhameystiran.

“Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyadaas ay ka baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah,” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiiyey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho, isla markaana ay sheegeen in digniintaas ay la kulmeen.

“Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn,” ayey tiri Wasiir Fardowso.

Waxay intaas kusii dartay “Marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansalee, laakiin ugu dambeyntii waa ay naga aqbaleen.”

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay ee wakiillada caalamiga ah ee Xalane ku sugan ay soo saaraan digniino amni oo la xiriira caasimadda Muqdisho, iyagoo mararka qaar sheega goobo ay bartilmaameedsan karaan kooxda Al-Shabaab – kuwaas oo badanaa aan xaqiiqo noqon.

Mareykanka oo sheegay in uu tageerayo Puntland kadib markii uu jaray kaalmadii DF

Washington (Caasimada Online) – Ciidanka Mareykanka waxay u muuqdaan inay sii joogi doonaan gobolka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo ay diyaarinayaan inay kordhiyaan dadaalkooda dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka.

Waxa uu ka hadlay welwelka laga qabo in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Puntland maalmaha soo socda.

Imaaraadka Carabta iyo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo ah taliska ciidamada Mareykanka ee gobolka Afrika, ayaa Puntland ka taageeray duqeymaha cirka ee ka dhanka ah dagaalyahanada Daacish, kuwaas oo ka qayb qaatay burburinta godadka iyo meelo qarsoodi ah oo kooxda Daacish ay ku leedahay buuraha Cal-Miskaad.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, ciidamada Mareykanka waxay ku dhawaaqeen dhimashada 16 dagaalyahan oo uu ku jiro Axmed Maeleninine, oo uu sheegay mas’uuliyiin Mareykan ah in uu ahaa “qof ka shaqeynayay soo xulista, maalgelinta, iyo hoggaaminta hawlgallada dibadda, mas’uul ka ahaa soo dirista dagaalyahanada jihaadiga ah ee Mareykanka iyo Yurub.”

Mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa VOA u sheegay in Washington ay diyaar u tahay inay bixiso caawimaad dheeri ah. Puntland ayaa ballan qaaday inay laba laabi doonto dadaallada.

“Waaxda Difaaca waxay sii wadi doontaa taageerada dadaallada wada-shaqeynteenna ee lagu hakinayo, waxyeellada, iyo ka guuleysashada ururrada argagixisada ee Geeska Afrika,” ayuu yiri.

Fallanqeeyayaasha ayaa sheegay in cadaadiska “joogtada ah” ee ciidamada Soomaaliya, oo ay weheliso caawimada Mareykanka iyo Imaaraadka, uu u muuqdo inuu bilaabay inuu wax ka qabto xaaladda.

“Calaamadaha ayaa muujinaya in ciidamada Puntland ay horumar dhab ah ka sameynayaan la dagaallanka Daacish, gaar ahaan meelaha ay ku dhuumanayaan ee Soomaaliya,” ayaa yiri sarkaal hore oo reer Galbeed ah oo ka hadlay horumarka socda, codsaday in aan la shaacin magaciisa.

Hadalka sarkaalka Pentagon-ka ee ku saabsan in ay sii wadi doonaan taageerada ciidanka Puntland ee la-dagaalamaya Daacish ayaa imanaya, xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Mareykanka uu hakiyey maal-gelintii ciidanka Danab.

Guutada Danab, oo ah unug khaas ah oo ka tirsan CXDS, ayaa lagu aas-aasay tababar iyo taageero uu bixiyay Mareykanka si loola dagaallamo argagixisada loona xasiliyo dalka.

Hase yeeshee, Wasiir  Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iiman Cige ayaa ka digay in joojinta degdegga ah ee maalgelinta Mareykanka ay si weyn u wiiqday miisaaniyadda dowladda.

“Culayska ugu weyn ee dowladda heysta xilligan waa luminta maalgelintii Mareykanka uu horey ugu qoondayn jiray ciidamada Danab,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dhimista maalgelinta ay sidoo kale saameyn ku yeelatay barnaamijyada gargaarka iyo horumarinta, taasoo sii xoojisay caqabadaha dhaqaale ee dalka.

Sida lagu sheegay qiimeyn ay sameysay Wasaaradda Maaliyadda, Soomaaliya waxa ay lumisay qiyaastii $1.5 bilyan oo gargaar sannadle ah, taasoo kordhisay cadaadiska dhaqaale ee dowladda.

Ma cadda haddii taageerada Mareykanka uu sheegay in uu sii wadayo ee Puntland ay ku kooban tahay oo kaliya duqeymaha, iyo haddii ay qeyb ka tahay kalmo maaliyadeed.

Xasan Sheekh oo farriin culus kasoo dhex diray Masjidka Madaxtooyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo salaadda Jimcaha kula tukaday masuuliyiinta dowladda iyo shacabka Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa ka hadlay xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa marka hore dul istaagay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodu aysan u joojin doonin dacaayadaha iyo beenta ay dhoodhoobayaan argagixisada, sida uu hadalka u dhigay.

“Nabadda maanta yar ee aan ku naaloonayno, dadka Soomaaliyeed qiimo aad u badan ayey u bixiyeen. Wiilal qaali ah ayaan ku weynay inta yar ee maanta aan ku naaloonayno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Hadda saacadahan waxaa xabad ridaya askar Soomaaliyeed oo u taagan jiidda hore, oo kuleyl iyo qorax taagan. Waxay mudan yihiin in loo gurmado, la amaano, la garab istaago, wanaagga ay sameeyeenna la sheego oo aan laga been sheegin.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyeeyey guulaha ay furimaha dagaalka ka soo hooyeen ciidanka qaranka ee qaybihiisa kala duwan, isagoo u duceeyey geesiyaasha dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynuhu faray shacabka in ay garab istaagaan ciidamada qaranka, si goobaha yar ee ay kooxaha argagixisadu ku dhuumanayaan looga sifeeyo.

“Dalka anaga ayaa iska leh, waa dalkeenna. Dadkuna waa dadkeenii, dowladduna waa dowladdeenii. Dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, waxaan leenahay: Aan isku tashanno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Trump oo Soomaaliya ku daraya liiska dalal la filayo in…

Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhammeystiraya xayiraad cusub oo lagu soo rogayo safarka dadka ka imanaya dalal gaar ah, taasi oo ka ballaaran tii uu madaxweynuhu soo rogay muddo xileedkiisa koowaad, sida ay New York Times u sheegeen laba mas’uul oo arrintan xog ogaal u ah.

Qoraal qabyo ah oo dhex wareegaya waaxyaha xukuumadda ayaa soo jeedinaya in la sameeyo liis “gaduud” ah oo ay ku jiraan dalal uu muwaadiniintooda Trump ka mamnuuci karo in ay Mareykanka soo galaan, sida ay sheegeen saraakiishan oo codsaday in aan la magacaabin.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay in liiska cas ee la soo jeediyay uu inta badan ka kooban yahay waddamadii horey xayiraadaha Trump uga jiray. Xilligaas, dalalkaasi waxa ahaayeen Cuba, Iran, Libya, Waqooyiga Kuuriya, Soomaaliya, Suudaan, Suuriya, Venezuela iyo Yemen.

Qabyo qoraalkaan ayaa sidoo kale si hordhac ah u soo jeedinaya in Afghanistan lagu daro dalalka muwaadiniintooda si buuxda looga mamnuuci doono inay Mareykanka soo galaan, sida uu sheegay mid ka mid ah mas’uuliyiinta.

Shawn VanDiver, oo ah madaxa hay’ad samafal oo gacan ka siisa dib u dejinta muwaadiniinta Afghanistan ee la shaqeeyay ciidamada Mareykanka intii lagu jiray dagaalkii dalkaas, ayaa sheegay in uu ka war helay in dadka reer Afghanistan si buuxda looga mamnuuci doono in ay soo galaan Mareykanka.

Subaxnimadii Arbacada, hay’addiisa ayaa soo saartay bayaan degdeg ah oo cinwaankiisu ahaa “Xayiraadda Socdaalka Afghanistan oo soo socota,” kaas oo loogu baaqay dadka Afghanistan ee haysta fiisayaasha saxda ah isla markaana haatan ka maqan Mareykanka in ay si degdeg ah dib ugu soo laabtaan. Galabkii Arbacada, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale werisay in Afghanistan loo soo jeedinayo xayiraad dhammaystiran.

Soo jeedinta mamnuucidda waxa ay kaloo xambaarsan tahay liis “oranje” ah oo ay ku jiraan dalal laga xaddidi doono gelitaanka, balse aan si buuxda looga mamnuuci doonin. Tusaale ahaan, kaliya noocyo go’an oo fiisayaal ah ayaa la siin karaa—sida kuwa dad taajiriin ah oo u socdaalaya ganacsi ahaan, halka socdaalayaasha iyo muhaajiriinta laga xayiri karo—waxaana laga yaabaa in muddada fiisaha la gaabiyo. Codsadayaasha fiisaha waxa la khasbi doonaa in ay si shaqsi ah u wareystaan saraakiisha.

Dalalka ku jira qaybta saddexaad ee loo bixiyay “jaalle” ayaa la siin doonaa 60 maalmood si ay u saxaan khaladaad la tuhunsan yahay, haddii kale waxaa lagu dari doonaa mid ka mid ah labada liis ee kale, sida ay sheegeen saraakiisha.

Arrimaha laga yaabo in ay sababaan xayiraadaha waxaa ka mid ah in waddankaasi uusan Mareykanka la wadaagin xogta dadka u socdaalaya, in aanay jirin hannaan ammaan oo ku filan oo loo marayo bixinta baasaboorrada, ama in ay dad ka socda dalalka la mamnuucay si fudud u siinayaan dhalasho si ay uga gudbaan xayiraadaha socdaalka.

Wali lama caddeyn in dadka horey u haystay fiisayaasha ay ka badbaadi doonaan mamnuucidda, ama in fiisayaashooda la laali doono.

Dad badan oo reer Afghanistan ah ayaa loo ansixiyay in ay Mareykanka ku soo galaan iyagoo qaxooti ah ama iyagoo haysta fiisayaasha gaarka ah ee la siiyo dadka la shaqeeyay Mareykanka xilligii dagaalka. Sidoo kale lama caddeyn in dadka haysta Green Card, oo ah kuwa loo oggolaaday deganaanshaha rasmiga ah, ay saameyn doonaan xayiraadahani.

Ku dhawaad 200,000 oo reer Afghanistan ah oo ku sugan dalkooda hooyo iyo 51,000 oo kale oo dibadda jooga, kuwaas oo kala bar ku sugan Pakistan, ayaa hadda ku jira hanaanka rasmiga ah ee loogu talagalay in lagu geeyo Mareykanka, halka kumannaan kalena ay diyaarsan yihiin oo ay xitaa haystaan hoy, sida uu sheegay Mr. VanDiver, oo ah sarkaal hore oo ciidan iyo madaxda AfghanEvac, oo ah hay’ad samafal.

“Tani waa bulshada ugu la xisaabtanka badan ee la baaray abid,” ayuu yiri intii lagu jiray wareysi uu bixiyey Khamiistii. “Waa wax la yaab leh heerka ay dadkani u marayaan.”

Wuxuu intaas ku daray in dad badan oo ka tirsan askartii hore ee Mareykanka, kuwaas oo horey ugu codeeyay Trump, ay haatan aad uga caroodeen wararka la xiriira xayiraadda socdaalka. “Waxay leeyihiin, ‘Tani ma ahayn wixii aan u codeeyay,’” ayuu yiri. “Heshiisku wuxuu ahaa in la keeno xulufadii dagaalka ee nala shaqeysay. Hadda waxay u muuqataa khiyaano.”

Mid ka mid ah wareegtooyinka badan ee uu Trump saxiixay maalintii uu xilka la wareegay, wuxuu amray Waaxda Arrimaha Dibadda in ay soo ogaato dalalka “xogtooda baaritaan iyo hubin ay aad u liidato si loogu soo rogo xayiraad buuxda ama mid qayb ah oo lagu mamnuucayo muwaadiniintooda.”

Trump wuxuu Waaxda Arrimaha Dibadda siiyay 60 maalmood si ay u dhammeystirto warbixin ay u diri doonto Aqalka Cad, taasoo la filayo inay diyaar noqoto labo toddobaad gudahood. Waxa uu sidoo kale faray Waaxyaha Cadaaladda iyo Amniga Gudaha iyo Xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaranka in ay ka shaqeeyaan mashruucan.

Xafiiska saxaafadda ee Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in ay raacayaan wareegtada madaxweynaha islamarkaana ay ka go’an tahay “ilaalinta ammaanka qaranka iyo badbaadada muwaadiniinta Mareykanka iyada oo loo marayo hannaanka ugu adag ee fiisaha lagu bixiyo,” balse si gaar ah uma aysan faallayn arrimaha go’aannada gudaha.

Waaxda Arrimaha Dibadda, gaar ahaan xafiiska la tacaala arrimaha socdaalka, ayaa loo xil-saaray diyaarinta qoraalka hore, balse liisaska saddexda qeybood ee kala duwan wali ma jiraan kuwo la xaqiijiyay, sida ay sheegeen dad xog ogaal u ah arrintan.

Muddadii ololihiisa doorashada ee December 2015, Mr. Trump wuxuu si cad u dalbaday “mamnuucista buuxa ee Muslimiinta soo galaya Mareykanka ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalku ay ka ogaanayaan waxa saxda ah ee socda.”

Kadib markuu xilka la wareegay Janaayo 2017, wuxuu Trump soo saaray xayiraad socdaal oo uu si tartiib tartiib ah u balaarinayay, taas oo markii hore diiradda saartay waddamada Muslimiinta u badan, balse markii dambe ay saameysay dalal sabool ah iyo kuwo Afrika ah.

Markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Joe Biden Janaayo 2021, wuxuu baabi’iyay xayiraadihii Trump, isagoo dib ugu noqday hannaan lagu qiimeeyo shaqsi ahaan dadka ka imanaya dalalkaas.

Wareegtadiisa, Biden wuxuu ku tilmaamay mamnuucidii Trump “mid khaldan,” isagoo xusay in ay ahayd mid “fadeexad ku ah sharafta Mareykanka.”

Waxaa la filayaa in xayiraadaha cusub ee socdaalka ay sii xoojin doonaan muranka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha socdaalka Mareykanka.