25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

DF oo diyaarinaysa ergay gaar ah oo dhex-dhexaadiya dhinacyada isku haya…

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dhawaan ay magacaabi doonto ergay u howlgala sii amba-qaadidda qorshaha badbaadinta ee dalka Suudaan.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad oo u waramay warbaahinta qaranka, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dagaalka sokeeye ee ka dhacay Suudaan, isagoo qiray in dalkaasi uu ka mid yahay dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhexdhexaadinta arrimaha Suudaan, maadaama, ayuu yiri, “Soomaaliya ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.”

“Suudaan waxay nagu leedahay abaal weyn, sidaa daraadeed waxaa naga go’an in dhawaan aan magacaabno ergay dhexdhexaadin doona labada dhinac ee ku dagaalamaya dalkaasi,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha.

Soomaaliya ayaa hore u wargelisay madaxda dalalka Jaamacadda Carabta in ay ka soo horjeeddo faro-gelinta lagu hayo Suudaan, oo haatan uu ka socdo dagaal burburiyay kaabayaashii ugu muhiimsanaa ee dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo dhawaan ka qeyb-galay shirka Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay dooneyso in Suudaan ay mid ahaato, isla markaana ay ka heshiiso khilaafka sababay gacan-ka-hadalka ee burburka geliyay dalkaas.

Wuxuu dhinacyada isku haya dalkaas ugu baaqay in ay wada-hadlaan si ay u dhammeeyaan xiisadda, iyadoo laga fogaanayo faro-gelin dibadda ah.

Itoobiya oo duqeyn ka fulisay gudaha Soomaaliya iyo DF oo war ka soo saartay

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn ka fulisay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in diyaarado laga leeyahay Itoobiya ay duqeymaha fuliyeen, ayna ma warqabtay dowladda.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugan yihiin dagaal-yahaannada Al-Shabaab, inkasta oo uusan faah-faahin khasaaraha ka dhashay.

Mar uu la hadlayay warbaahinta qaranka, Wasiirku wuxuu caddeeyay in duqeymuhu ay ahaayeen kuwo ay dowladda federaalka la socotay, islamarkaana aan la fulin karin weerarro noocan ah iyada oo aan dowladda la ogeysiin.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin heshiis amni, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in heshiiskii Ankara uu qeexayo wada-shaqeynta labada dal ee dhinaca amniga.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dowladda Soomaaliya ay oggolaatay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howl-galka cusub ee AUSSOM.

Si kastaba ha ahaatee, horey looma arag ciidamo Itoobiyaan ah oo howlgal ka fulinaya Shabeellaha Dhexe, waana tallaabo loo qaaday iskaashiga amni iyo la-dagaallanka argagaxisada ee labada dhinac.

DF oo soo saartay go’aano la xiriira amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii ay soo baxeen digniinaha amni ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxay dowladda qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo amniga garoonka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka lagu mamnuucayo hubka ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay gaareen golaha wasiirada, kadib markii ay dood xasaasi ah ka yeesheen arrintan.

Wasiirka ayaa xusay in go’aanka ka soo baxay golaha wasiirada ee lagu mamnuucayo hubka loo qaatay in lagu xakameeyo hubka galaya garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa caddeeyay in ujeedka mamnuucidda hubka ee garoonka diyaaradaha uu yahay xojinta amniga iyo ilaalinta badqabka shacabka ku safra halkaasi.

Golaha Wasiirrada oo shalay yeeshay shirkoodii caadiga ahaa ayaa waxay go’aamiyeen in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi qabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkasta oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka.

Wararkii ugu dambeeyey ee diyaar garowga dagaal ee ay wadaan Itoobiya iyo Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Hoggaanka Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa u muuqda inay aaminsan yihiin in dagaal u dhexeeya Eritrea iyo Itoobiya uu yahay mid aan laga fursan karin.

Wareysi uu siiyay Barnaamijka Brakhe Show, Amanuel Assefa, Guddoomiye Ku-xigeenka garabka TPLF ee uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael, wuxuu yiri “waxaan arkeynaa bandhigyo ciidan oo u muuqda diyaar garow dagaal.” Dagaalka, ayuu yiri, wuxuu yeelan doonaa khatar juqraafi siyaasadeed, labada dalna waa inay si xikmad leh uga fekeraan.

“Aniga ahaan saadaashayda xaaladdu uma horseedi doonto xaalad nabadeed; shaki kuma jiro inay horseedi doonto dagaal,” ayuu raaciyay.

Wuxuu xaaladda labada dal ku tilmaamay mid “walaac leh.” Wuxuu sharaxay “Haddii labada dal ay dagaal galaan, Tigray ayaa noqon doonta goobta dagaalka. Dadkeennu waxay soo mareen dhibaatooyin badan. Dagaal nagu filan ayaan soo marnay.”

Gobolka Tigray waxaa burburiyay dagaalkii laba sano socday ee u dhexeeyay maamulka gobolka Tigray ee uu hoggaaminayay TPLF iyo dowladda federaalka ah ee uu hoggaaminayay Abiy Axmed, kaasoo sidoo kale burburiyay gobollada Afar iyo Amxaarada ee Itoobiya.

Amanuel wuxuu sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya xiriirka hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF iyo dowladda Eritrea. Wuxuu ku tilmaamay wax aan sal iyo raad toona lahayn; wax caddeyn ah haba yaraatee.

TPLF ama hoggaamiyeyaasha ciidamada ammaanka ma raaci doonaan tallaabo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo ay la midoobaan Eritrea ama “ciidamo kale.” “Ciidamada kale” lama faahfaahin.

Waxaa jirey eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ciidamada TPLF – kuwaas oo markii dambe muujiyay taageerada garabka uu hoggaaminayo Debretsion Gebremichael – ay dahab ka tahriibinayeen goobaha macdanta ee Tigray iyaga oo marinaya Eritrea. Eritrea sidoo kale way beenisay.

TPLF waxay u muuqataa inay leedahay taariikh dhow oo xiriir la leh Masar. Getachew Reda, Madaxweynaha Maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray iyo hoggaamiyaha mid ka mid ah garabyada TPLF, ayaa shaaca ka qaaday dhowr bilood ka hor in Masar ay taageero siisay TPLF intii lagu jiray dagaalkii laba sano socday ee ka dhanka ahaa dowladda uu hoggaaminayo Abiy Axmed.

Masar ayaa hadda xulufo la ah Eritrea iyo Soomaaliya, sida muuqata iyadoo rajaynaysa inay sii wiiqdo Itoobiya.

Toddobaadkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, wuxuu ku sugnaa Asmara, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki arrimo kala duwan oo ay ku jiraan amniga gobolka.

Xiriirka Eritrea iyo Itoobiya wuxuu ku dhow yahay heer isku dhac ciidan ka dib markii labada dal ay is weydaarsadeen eedeymo.

Maqaal ra’yi ah oo uu qoray Madaxweynihii hore ee Itoobiya, Mulatu Tehome, oo lagu daabacay Al Jazeera – kaas oo dowladda Itoobiya ay markii dambe beenisay – ayaa ku eedeeyay Eritrea inay la shaqeyneyso mid ka mid ah garabyada TPLF si ay u huriso isku dhac gobolka Geeska Afrika.

Eritrea dhankeeda waxay ku eedeysay Itoobiya “hurinta dagaal.”

Madaxweyne TRUMP oo booqanaya Sacuudiga kadib markii ay aqbaleen shuruudiisa

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa Khamiistii sheegay inuu qorsheynayo safar uu ku tago Sacuudiga, isagoo soo jeediyay heshiis maalgashi ballaaran oo ka imanaya boqortooyadaasi, taasoo haatan noqotay xarunta ugu weyn ee Maraykanku kula macaamilayo Ruushka iyo Ukraine.

Markii la weydiiyay haddii uu Sacuudiga kula kulmi doono Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, Trump wuxuu xaqiijiyay qorshihiisa booqashada, balse wuxuu xusay in ujeeddadiisu tahay arrimo ganacsi.

“Waxaan u socdaa Sacuudiga,” ayuu u sheegay wariyeyaasha, isagoo aan cayimin taariikhda safarka.

“Waan iri, waxaan imaanayaa haddii aad bixisaan hal tiriliyan oo doollar—$1 tiriliyan—oo ay shirkadaha Maraykanka helaan, iyagoo iibsigaasi ku fidinaya muddo afar sano ah,” ayuu yiri, isagoo ula jeeday muddada xukunkiisa.

“Way ogolaadeen taas, sidaas darteed waan tegayaa,” ayuu raaciyay.

Trump, oo aan weli safar dibadeed ku bixin tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, ayaa Sacuudiga ka dhigtay halkii ugu horreysay ee uu booqdo markuu xilka la wareegay 2017.

Wuxuu dhawaan sheegay inuu doortay Sacuudiga halkii uu ka tegi lahaa Britain safarkiisii ugu horreeyay, maadaama boqortooyada Carbeed ay ballanqaaday inay iibsato badeecooyin Maraykan ah oo qiimahoodu dhan yahay $450 bilyan.

Trump wuxuu xiriir ganacsi oo dhow la leeyahay Sacuudiga, iyadoo Trump Organization ay bishii December ku dhawaaqday qorshe looga dhisayo Trump Tower magaalada Jeddah.

Intii uu xilka hayay, wuxuu ku faanay inuu ka difaacay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, cawaaqib xumada dilkii suxufigii mucaaradka ahaa Jamal Khashoggi, isagoo xusay muhiimada ay leedahay hubka ay Sacuudigu ka iibsadaan Maraykanka.

Madaxweynihii hore, Joe Biden, wuxuu markii hore ballanqaaday inuu dhaxal-sugaha ka dhigi doono “go’doonsane” sababo la xiriira xuquuqda aadanaha, balse maamulkiisu wuxuu markii dambe la jaanqaaday Sacuudiga, oo uu la galay heshiis difaac oo horudhac ah, si uu ugu qanciyo inuu aqoonsado Israel.

Maamulka Trump ayaa ballanqaaday inuu dadaal xooggan gelinayo sidii Sacuudiga loogu qancin lahaa inuu xiriir caadi ah la yeesho Israel—tallaabo taariikhi ah, maadaama boqortooyadu hoy u tahay laba ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka.

Ku dhowaad 200 qof oo la la’yahay kadib 4 doon oo ku degay Badda Cas

Jabuuti (Caasimada Online) – Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, halka 186 kale la la’yahay, kadib markii afar doon oo siday tahriibayaal ka soo baxay Afrika ay ku qalibmeen biyaha u dhow Yemen iyo Jabuuti habeenimadii Khamiista, sida ay Jimcaha shaacisay hay’adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM).

Afhayeenka IOM, Tamim Eleian, ayaa u sheegay Associated Press in laba ka mid ah doonyaha ay ku qalibmeen biyaha Yemen, halkaas oo laba ka mid ah shaqaalaha doonyaha la badbaadiyay, balse 181 tahriibayaal ah iyo shan shaqaale Yemeni ah ay weli la la’yihiin.

Isla habeenkaas, laba doon oo kale ayaa ku qalibmay biyaha Jabuuti. Meydadka laba tahriibayaal ah ayaa la helay, halka dhammaan rakaabkii kale la badbaadiyay, sida uu sheegay Eleian.

Sida uu warbaahinta u sheegay Abdusattor Esoev, madaxa xafiiska IOM ee Yemen, dabaylo xooggan ayaa sababay in labada doon ee ku qalibmay xeebaha Jabuuti ay rogmadaan markii ay safarkooda badda billaabayeen.

Doonida saddexaad, oo ku qalibantay meel u dhow degmada Dhubab ee gobolka Taiz, koonfur-galbeed Yemen, waxay sidday 31 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo saddex shaqaale Yemeni ah.

Doonida afraad, oo ku qalibantay isla aaggaas, waxay ku socotay degmada Ahwar ee gobolka Abyan, iyadoo sidday 150 tahriibayaal Itoobiyaan ah iyo afar shaqaale Yemeni ah.

Yemen waa marin muhiim ah oo ay tahriibayaal ka socda Bariga Afrika iyo Geeska Afrika u maraan si ay shaqo uga helaan dalalka Khaliijka, iyadoo sannad kasta ay boqolaal kun ku safraan waddadan halista ah.

Tahriibayaashu waxay badanaa la safraan magafayaal adeegsada doonyo buux dhaafay oo badda mariya, iyagoo ka tallaabaya Badda Cas ama Gacanka Cadan.

Sida lagu sheegay warbixin ay IOM soo saartay bishan, tirada dadka tahriibayaal ah ee gaaray Yemen waxay kor u dhaaftay 97,200 sanadkii 2023—saddex laab tiradii 2021.

Sannadkii hore, tiradaasi waxay hoos ugu dhacday wax ka yar 61,000, taasoo la rumeysan yahay inay sabab u tahay kormeer dheeraad ah oo lagu sameeyay biyaha.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, ugu yaraan 2,082 tahriibayaal ah ayaa ku lumay marinkan, kuwaas oo 693 ka mid ah la xaqiijiyay inay badda ku dhinteen, sida laga soo xigtay IOM. Qiyaastii 380,000 tahriibayaal ah ayaa haatan ku sugan gudaha Yemen.

Saameynta dhaqaalaha uu Mareykanka ka jartay DF

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ayadoo Mareykanka uu joojiyay inta badan gargaarkii uu siin jiray dalal badan oo caalamka ah, ayaa Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka uu saameynta ku yeeshay gargaarkaasi la hakiyay sida uu dhawaan Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah Biixi Iimaan Cige uu ka sheegay fadhi ay lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya.

Biixi waxa uu sheegay in maaliyad ahaan meelaha ay sida tooska ah uu u saameeysay gargaarkaasi la hakiyay ay tahay kaalmadii ay heli jireen ciidamada oo ay ugu horresyo tan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, iyo kaalmo kale oo ay heli jireen hayadaha maaliyaddu sida xarunta warbixinta maaliyadda oo kale.

“Kaalmadaas ayaa dhammantood istaagtay,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige.

Wasiirku wax uu sheegay in kaalmada ama dhaqaalaha ay bixin jireen hay’adahaas, sida hay’adda USAID, oo ay ku bixin jireen arrimaha bani’aadannimada iyo kuwa horumarinta in dhaqaalahaas marka la isku daro “qiimeeynta guud ee aan sameeynay sanadkii waa lacag aan ka yareyn 1.5 bilyan oo dollar oo saameyn ah ayeey dowladda Soomaaliyeed ku yeelanaysaa” ayuu yiri wasiirka maaliyaddu.

Haddaba, sidee ayey u sameeyn doontaa hay’adaha dowladda?

Waxa aan arintaasi wax ka weydiinay Dr Shaafici Shariif Maxamed oo ka faalooda arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxa uuna sheegay in saameynta ay tahay seddex nooc kuwaas oo kala ah;

Gargaarka bani-aadannimo oo loo soo marsiiyo USAID, 2. gargaar la siiyo ciidamada sida kuwa uu sida gaarka ah Maraykanku u tababaro oo mushaaraadkooda iyo saadkooda bixiyo, iyo 3. taakulada uu Maraykanku siiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga afrika ee ATMIS ee hadda isku beddelay AUSSOM.

Soomaaliya ayaa 70% waxa ay dhaqaale ahaan ku tiirsan tahay kaalmada dibadda sida uu sheegay Dr Shaafici taas oo Maraykanku uu qeyb ka yahay .

Gargaarka bani’aadannimo ayaa halka uu saameynta ugu weyn ku yeelan doono wax ay tahay howlihii bani’aadannimo ee ay wadday hay’adda USAID sida waxbarashada iyo caafimaadka.

“Haya’dda USAID waxa kale oo ay kaalmeeysaa hay’adda UNICEF oo arimaha caruurta wax ka qabata . Marna USAID iyadaa si toos ah wax u qabata, marna waxa ay caawisaa haydaha kale” ayuu yiri Dr Shaafici .

Hay’adda USAID ayaa waxa ay dad badan u sameysaa shaqo abuur sida in ay lacag deymiyaan dumarka maadaama ay gobolada ka soo barakaceen si loo helo xal waara.

Marka ay timaado dhanka ciidamada Danab ayeey saameyn weyn ku yeelan doontaa maadaama ciidmadaas mushaar iyo daryeel ka duwan kan kale ee ciidamada ay helaan, bacdamaa si gaara ah Maraykanku uu gacanta ugu hayo.

Ma aha markii ugu horeeysay ee Maraykanku joojiyo kaalmadii uu siin jiray Soomaaliya, waxa uu horey u joojiyay markii Donald Trump uu xilka qabtay xilligiisii koowaad ee xafiiska sanadkii 2017kii markaas oo ciidamadii maraykanka uu guud ahaan Soomaaliya ka saaray.

Isha: BBC

Maxay mucaaradku ku hoos qariyeen fariimihii ay ku garab istaageen ciidanka?

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo saaray labadii maalin ee ugu danbeeyey baaqyo ay ku dalbanayaan in xaaladaha amni ee dalka wax laga beddelo.

Mas’uuliyiinta mucaaradka ah oo isugu jira Madaxweynayaal hore, Ra’iisal Wasaarayaal iyo Wasiiro oo lagu daray maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa soo saaray baaqyo kala duwan oo xambaarsan laba fariimood oo isku mid ah.

Fariinta koowaad ayeey masuuliyiintani ku barbar istaageen ciidamadda kala duwan ee dagaalka kula jira argagixisada furimaha kala duwan ee dalka, waxayna dadka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay taageeraan hawlgalada ka dhanka Alshabaab iyo Daacish ee ka socda Puntland iyo Hirshabeele.

Marka laga soo tago taageerada ay u muujinayaan ciidamada iyo hawlagalada lagula dagaalamayo argagixisada, waxay madaxda mucaaradku fariimahooda ku dareen walaac ay ka muujiyeen xaalka dalka uu marayo iyo jihada ay kusocoto hoggaaminta Madaxweynaha. Mucaaradka ayaana ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu kasoo laabtay jidka uu doortay ee ah inuu xoogga saaro sidii uu xukunka usii haysan lahaa.

Inkasto oo ay garab istaageen dagaalka ka dhanka ah argagixisada, haddana meesha kama aysan saarin suuragalnimada ah inaan dagaalka guul laga gaari karin.

Ka sakow walaaca iyo cabsida ka muuqata baaqyada kasoo baxay Farmaajo oo dhinac ah, Shariif, Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakur oo hal dhambaal soo wada saaray, Saacid Shirdoon iyo Axmed Madoobe, haddana waxay isku raacsan yihiin inay jirto fursad weli dalka lagu badbaadin karo siyaasad ahaan iyo dagaal ahaanba.

Luuqada iyo fariimaha ay soo saareen mucaaradku ayaa ah kuwii ugu xoogganaa xilli uu shaki badan oo amni soo baxayo, iswaydiinta ayaana ah heerka ay gaarsiisan tahay cabsida ammaan ee dalka.

Marka aan eegno digniinaha amni oo ay soo saartay Safaaradda Maraykanku, baaqashada duulimaadyada caalamiga ah ee Garoonka Aadan Cabdulle oo lagu daray weerarada ay soo qaaday Al Shabaab, qaabka ay dhul cusub ula wareegayso, waa dhab inay xaalkuu uu ka culus yahay sidii horre.

Si looga gudbo xaaladdan soo korortay ayna ka qayla dhaaminayaan madaxdii hore ee dalku, waxaa muhiim ah in Madaxweynuhu qaato baaqyada mucaaradka, saaxada siyaasadda furo, kasoo noqdo doorashada aan la isla ogalayn, dastuurkii uu laalayna kasoo laabto si ay loogu midoobo khatarta amni ee haatan jirta.

Sedex sano kahor markii Madaxweynuhu uu dagaalka argagixisada ku dhawaaqay, waxaa uu helay taageero bulsho iyo siyaasiyiin u midaysnaa, mana jirin kala qaybsanaan dagaalka ah.

Mudnaan siin la’aanta Madaxweynaha ee danaha qaran ee xasilloonida siyaasadeed ayaa dad badani qabaan inay keentay in isqaadashadii bulsho iyo amnigiiba ay meesha ka baxaan, taasina keentay in dhawaaqyada cabsida wataa la maqlo waqtigan.

Farriimaha mucaaradka, inkastoo baraarujin u badnaayeen, haddana waxay iftiimiyeen in xaalka amni ee dalka aan la isku halleyn karin, haddii uusan dhabbahan kasoo laaban Madaxweynanaha iyo Xukuumaddiisana inay reerka ku furi doonaan meel cidlo ah oo aan loo aayi doonin.

Somalia denies airport threat after flight suspension

MOGADISHU, Somalia – The Somali government has sought to reassure the public following security warnings that led to Turkish Airlines and Qatar Airways temporarily suspending flights to Mogadishu.

Minister of Transport and Civil Aviation Fardowsa Osman Egal dismissed concerns over imminent threats, stating that there was no credible intelligence to justify the cancellations.

“There is no security threat that prompted these flight suspensions. We have not received any intelligence indicating a risk,” Minister Egal told Voice of America (VOA).

She emphasized that Turkish Airlines had inquired about the security warnings but ultimately decided to resume flights after discussions with Somali authorities.

The statements came after the U.S. Embassy in Somalia issued a security alert on Tuesday, warning of potential terrorist attacks targeting multiple locations, including Aden Adde International Airport in Mogadishu.

Hours later, Turkish Airlines and Qatar Airways temporarily halted their flights to the Somali capital.

Airline suspensions following warning

Turkish Airlines informed passengers that its flights to Mogadishu would be suspended from March 5 to March 12, 2025.

The airline did not provide further details on the reason behind the decision, but it followed the U.S. warning, which advised American citizens to exercise caution due to “credible information” of possible attacks.

The U.S. Embassy warned that “terrorist groups continue to plan kidnappings, bombings, and other attacks in Somalia.”

The advisory further noted that attacks could target key locations, including airports, government buildings, military convoys, hotels, and marketplaces—particularly those frequented by Western nationals.

Following the embassy’s warning, all U.S. diplomatic personnel in Somalia were instructed to limit their movements, heightening concerns about a potential escalation of security threats.

The U.S. State Department has maintained a Level 4 travel advisory for Somalia since July 2024, warning against travel to the country due to terrorism, crime, and instability. This advisory remains in effect.

Somalia has been grappling with security challenges for decades, with the al-Shabaab militant group posing a significant threat.

The group has carried out numerous attacks targeting government installations, hotels, and civilian areas. Aden Adde International Airport, a key transport hub, has been a target of previous attacks.

Despite the government’s reassurances, the temporary flight suspensions by major international carriers highlight persistent security concerns in the Horn of Africa nation.

Whether additional airlines will follow suit or if flights will resume as scheduled after March 12 remains unclear.

U.S. Military activity

The timing of the Turkish Airlines suspension and the U.S. Embassy warning comes amidst an intensified U.S. military campaign in Somalia.

Since President Donald Trump’s return to the White House, the U.S. has ramped up its airstrikes targeting terrorist organizations operating within the country.

Defense Secretary Pete Hegseth confirmed that airstrikes conducted on February 1st, the first military operation of the new administration, resulted in the deaths of numerous ISIS fighters, with no reported civilian casualties.

U.S. Africa Command (AFRICOM) has since reported conducting multiple airstrikes in collaboration with the Somali government, targeting ISIS and Al-Shabaab militants in areas including Al-Kowsar, Ceel Baraf, Dadar, and Bulo-Burte.

These recent military actions reflect the ongoing struggle against terrorist groups in Somalia.

A report by the International Crisis Group estimates that ISIS fighters in Somalia number in the hundreds, with the majority concentrated in the Cal Miskaat Mountains in the Bari region of Puntland.

 

Xog: Xildhibaanada Abgaal oo howlgalka ku biiray iyo dagaal culus oo maanta dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Deegaanka Labogaras oo hoos taga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa mar kale maanta lagu laayey kooxda Al-Shabaab, kadib markii ciidamada deegaanka oo iska socda ay ka soo dul-dhaceen Shabaab badan oo geedo harsanaya.

Dagaalkii ugu cuslaa oo galabta afurkii la isla soo gaaray ayaa dhacay, waxaana laga adkaaday Al-Shabaab oo halkaas lagu laayey, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiishii hogaamineysay howlgalka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku soo biiray dagaalka, waxayna garab siiyeen ciidamada macawiisleyda deegaanka Labogaras, oo dagaalka bilaabay.

Kooxda Al-Shabaab oo soo gashay Shabeellaha Dhexe, si weyna uga dagaalantay deegaano muhiim ah oo ay qaar qabsadeen ayaa dooneysa inay soo gaarto xeebta, balse waxaa ka hor tegay ciidamada maanta weeraray.

Sidoo kale, maanta waxaa howlgalka ku biiray oo degmada Raageceelle gaaray ciidamo ay hoggaaminayaan xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo saraakiil ka baxday Muqdisho, kuwaas oo xalay ka dheelmaday Muqdisho.

Xildhibaano badan oo ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa xalay baxay, halka caawa iyo habeen dambe ay baxayaan inta kale, dhamaan xildhibaanada beesha Abgaal ayaa iska xaadirinaya furimaha dagaalka, si ciidamada ay u hoggaamiyaan, una garab istaagaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalka hoogaaminaya, waxaana Al-Shabaab loo qorsheeyey in Shabeellaha Dhexe aysan dhinac uga bixin oo lagu laayo maalmaha soo socda, kadib markii looga diyaar garoobay dhinac kasta.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go’aano amni oo ka dhan ah kooxaha Khawaarijta ah, iyagoo bogaadiyey guulaha ay gaarayaan ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka oo howlanka ciribtirka kooxda Al-Shabaab oo soo laba kacleysay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Xildhibaanada ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe furinta u diray ayaa sidoo kale saraakiisha ciidamada faray in kooxda lagu soo afjaro deegaanada ay soo galeen, si natiijo looga gaaro dagaalka argagixisada ee ka socda gobollada dhexe.

Daawo: Macalin Mahdi: Waa Khawaarijta oo kale, qol mugdi ah ayaana ku xireynaa qofkii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta guud ee ciidanka booliska Soomaaliya Korneyl Mahdi Cumar Muumin oo degmada Hodan uga qeyb galay afur wadareed ayaa digniin culus u diray dadka baraha bulshada ku faafiya wax uu ku tilmaamay qalqal gelin amni.

“Wiilasha baraha bulshada wax ku qora waxaan leeyahay, Khawaarijtaa qeyb ka noqoneysaa, hadii aad faafiso waxaan jirin, waxay ay kooxdaasi sameyso iyo wax lagu darayba hadii aad sheegto qeyb ayaad ka tahay,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa shacabka ka codsaday in aysan taageerin dhalinyarada faafisa qalqal gelinta amniga, isagoo cadeeyey in ka boolis ahaan ay diyaar u yihiin in ay xiraan qof kasta oo faafiya farriimo qalqal gelin ah.

“Qofkii Khawaarij lacag siiya iyo kan warkooda u faafiya waa isku mid, dadkaan dhibaato intii ku filan waa soo mareen, Xamar waxay joogtaa waqtigii ay ugu amni fiicneed, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in baraha bulshada ay ku faafiso farriimo farxad gelinaya Khawaarijta,” ayuu yiri Taliyaha Boolsika Gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa hadalkiisa u cuskaday dhibaatada loo marayo amniga dalka, isagoo sheegay in ciidankii qaranka iyagoo Sooman ay duurka fog ee gobollada dalka kula dagaalamayaan Khawaarijta.

“Suurtagal maaha in wiil Xamar jooga Hotel ka furaya uu shacabka caasimadda ku nool qalqal geliyo, lagama yeeli doono, waxaana ku xireynaa qol mugdi ah,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha Booliska Gobolka ayaa sheegay in reer Muqdisho ay amni rabaan, isagoo xusuusiyey in hadda ay heystaan, balse looga baahan yahay inay xajistaan oo sii adkeystaan, dadka qalqal gelinta wadana ay iska qabtaan.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan xabsiga laga sii daayey Weriye Cali Aadan Muumin oo Muqdisho ku xiraa muddo seddax cisho ah, taliska qeybta guud ee gobolka ayaa Cali Aadan ku eedeeyey inuu ka shaqeynayey qalqal gelin amni iyo aflagaadeynta madaxda qaranka.

Hoos ka daawo

Xaaladda amni ee garoonka Muqdisho kadib diyaaradihii hakiyey duulimaadyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, waxaa soo baxayay digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo lala maagan yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho.

Talaadadii la soo dhaafay, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa uga digtay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ‘weerarro laga cabsi wabo’ oo ka dhici kara goobo badan oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Saacado kadib digniinta Mareykanka, shirkadaha diyaaradaha ee Qatar Airways iyo Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen Muqdisho, inkast oo aysan caddayn xiriirka ka dhexeeya duulimaadyada la hakiyay iyo digniinta Mareykanka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal oo wareysi siisay Idaacadda VOA, ayaa sheegtay in wax khatar ah aysan dalka ka jirin, isla markaana ay helaan xogta ammaanka dalka iyadoo dhameystiran.

“Ma jirto khatar kaliftay in duulimaadyadaas ay ka baaqdaan Muqdisho, sidoo kale ma jiraan wax nalala wadaagay oo khatar ah,” ayey tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ay su’aalo ka weydiiyey sababta ay u baajiyeen safarkoodii Muqdisho, isla markaana ay sheegeen in digniintaas ay la kulmeen.

“Waan u cadeynay in digniintaas aysan naga soo bixin, mid ay dowladda Soomaaliya ku shaqeysatana uusan aheyn, marka waa nala qaateen dhowr beri ayey duulimaadyadooda kansalee, lkn ugu dambeyntii waa ay naga aqbaleen,” ayey hadalkeeda ku sii dartay waaiirka gadiidka Fardowso Cigaal.

Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiiska lagu dhisay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta ansixiyey heshiiska lagu dhisay urur-goboleedka IGAD.

Heshiiskan ayuu goluhu ku tilmaamay mid xoojinaya iskaashiga gobolka iyo doorka Soomaaliya ee arrimaha diblomaasiyadda iyo horumarka wadajirka ah.

Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah urur-goboleedka IGAD, waxayna haatan kamid tahay hoggaankiisa. Sidoo kale, Soomaaliya waxay ururkan ka tahay ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD.

IGAD ayaa hore ula safatay Dowladda Federaalka Soomaaliya xilligii ay taagneyd xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo salka ku haysay xadgudubkii ay Addis Ababa kula kacday qarannimada Soomaaliya.

Madaxda IGAD ayaa markaas si wadajir ah uga soo horjeestay xadgudubka ay Dowladda Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida dhuleed ee JFS. Sidoo kale, waxay hoosta ka xarriiqeen waajibnimada ah in Dowladda Federaalka ay saxiixdo heshiis kasta oo lala galayo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii maanta ee Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale laga soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga.

Golaha ayaa shacabka ku wargeliyey inay ka fogaadaan aagagga ku dhow goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, maadaama dowladdu qorshaynayso weerarro cirka iyo dhulka ah, sida ay sheegtay.

Sidoo kale, dowladdu waxay sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto dadka baraha bulshada ku faafiya wararka been-abuurka ah ama la macaamila kooxda Al-Shabaab.

Qofkii lagu helo falalkan waxaa lala tiigsan doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga, oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago iyo in la mariyo ciqaab adag oo sharciga waafaqsan.

Baxsashada Daacish iyo sida Puntland ay uga adkaatay – W/Q: Harun Maruf, Jeff Seldin

Boosaaso (Caasimada Online) – Hal bil ka hor, subaxnimadii Febraayo 4-teedii, ciidammo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday dagaalyahannada kooxda argagixisada ah ee Dawladda Islaamiga ah ama Daacish. Dagaalyahannada ayaa weerarka kaga jawaabay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, weerarro ismiidaamin ah, iyo weerarro lug ah.

Saraakiil goboleed ayaa sheegay in 15 askari lagu dilay dagaal ka dhacay meel u dhow tuulada Qurac. Hase yeeshee, saacado ka dib, dagaalyahannada argagixisada ah ayaa lagu qasbay inay ka baxaan goobihii ay ku sugnaayeen, iyaga oo ka tagay ugu yaraan 57 meyd ah.

Toddobaadkii xigay, Dawladda Islaamiga ah, oo sidoo kale loo yaqaanno IS, ISIS ama Daacish, ayaa fulisay weerar rogaal celis ah oo xooggan, iyaga oo soo diray qaraxyo ismiidaamin ah oo is daba joog ah iyo dagaalyahanno badan oo weerar ku qaaday ciidamada Soomaaliya ee dooxa Togjaceel, oo ku yaalla buuraha Cal Miskaad ee Puntland. Saraakiil goboleed ayaa sheegay in dagaalka hubaysan uu sababay qiyaastii 100 dhimasho, oo kala ah 28 askari iyo in ka badan 70 dagaalyahan.

Mar kale, dagaalyahannada IS ayaa ku qasbanaaday inay dib u gurtaan, waxaana si degdeg ah ciidamada Puntland uga qabsadeen saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen.

Dagaalladan ayaa qayb ka ah olole dhawaanahan lagu qaaday dagaalyahannada Dawladda Islaamiga ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraha maamul goboleedka iskiis u madax bannaan ee Puntland. Dadka indha-indheeya ayaa sheegaya in guushan, inkastoo ay tahay mid la soo dhaweynayo, ay ku timid si lama filaan ah.

Taliyeyaasha ciidamadu waxay filayeen in markay u soo dhowaadaan goobaha ugu waaweyn ee Daacish ay ku xooggan tahay, sida Shebaab, Dhaadaar, iyo Dhasaan, in kooxda argagixisada ah ay si adag u dagaallami doonto oo ay bilaabi doonto weerarro rogaal celis ah oo joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, taasi ma dhicin.

Ciidamada Puntland waxay qabsadeen godad iyo tuulooyin yaryar midba midka kale ka dib, waxayna Daacish ka saareen dooxa istaraatiijiga ah ee Togjaceel, oo dhererkiisu yahay 40 kiilo mitir, laga soo bilaabo Turmasaale ilaa Dhasaan.

Daacish oo baxsatay

Saraakiil Soomaaliyeed ayaa u sheegay VOA in ay muuqato in dagaalyahannada Daacish, halkii ay isku dayi lahaayeen inay difaacdaan goobihii ay ku sugnaayeen, ay baxsadeen, iyaga oo u kala jabay saddex kooxood, dhammaantoodna u socda jihooyin kala duwan.

Qiyaastii 100 dagaalyahan oo Daacish ah, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha qoysaskooda, ayaa isku dayay inay u baxsadaan Karinka Qandala, oo ah goob buuraley ah oo ku taal waqooyiga goobtii ay kooxdu ku xoogganayd ee dooxa Togjaceel.

Laba kooxood oo waaweyn ayaa u baxsaday Tog Miraale iyo Tog Curaar, oo ku yaalla galbeed iyo waqooyi-galbeed. Kooxda u baxsaday waqooyi-galbeed, sida ay saraakiishu sheegeen, waxaa lagu weeraray duqeymo cirka ah oo ka dhacay meel u dhow tuulada Miraale.

“Qiimeynta sirdoonka ayaa muujineysa suurtogalnimada sare ee isku dayo lagu sameynayo goobo ammaan oo cusub ka dib markii ay dib u gurteen,” ayuu yiri Brigadier General Axmed Cabdullaahi Sheekh, taliyihii hore ee ciidamada Danab ee Soomaaliya ee ay tababaraan Mareykanka.

“Weerarku, in kasta oo uu u muuqdo mid caadi ah, had iyo jeer wuxuu ku lug lahaa xeelado jabhadeed,” ayuu yiri Sheekh, oo si dhow ula socday ololaha ka socda gobolkiisa.

“Guuldarrada dooxa Togjaceel waxay u badan tahay inay Daacish ku riixdo inay kordhiso dagaalka aan simanayn, iyada oo bilaabaysa olole jabhadeed oo ka dhan ah Puntland.”

Sheekh wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ay haystaan tirada iyo agabka ay ku fulin karaan dagaal dheer oo ay la galaan Daacish.

Tageerada Imaaraadka iyo Mareykanka

Imaaraadka Carabta ayaa bixinayay taageero dhanka cirka ah, oo ay ku jiraan duqeymo cirka ah oo lagu beegsanayo dagaalyahannada. Mareykanka ayaa sidoo kale fuliyay laba wareeg oo duqeymo cirka ah oo lagu beegsaday IS bishii hore.

Duqeymaha Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inay ku dileen 16 dagaalyahan, oo uu ku jiro Axmed Maeleninine, oo ay saraakiisha Mareykanka ku tilmaameen “qoraha, maalgeliyaha, iyo hoggaamiyaha hawlgallada dibadda ee mas’uulka ka ah daadgureynta jihaadiyiinta Mareykanka iyo guud ahaan Yurub.”

Aqalka Pentagon-ka ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo markii la weydiiyay dib u gurashada muuqata ee Daacish.

Laakiin sarkaal difaac oo Mareykan ah, oo ku hadlay shuruud ah inaan magaciisa la shaacin si uu uga hadlo hawlgalka socda, ayaa tilmaamay in Washington ay diyaar u tahay inay bixiso caawimaad dheeri ah.

“Waaxdu waxay sii waddaa inay ka go’an tahay taageeridda la-hawlgalayaashayada dadaalladeena wadajirka ah ee lagu carqaladeynayo, lagu wiiqayo oo looga adkaanayo ururrada argagixisada ah ee Geeska Afrika,” ayuu sarkaalku u sheegay VOA.

Dadka kale ee indha-indheeya ayaa sheegay in cadaadiska “joogtada ah” ee ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya, oo ay weheliso caawimaad ka timid Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ay u muuqato mid miro dhalaysa.

“Tilmaamuhu waxay yihiin in ciidamada Puntland ay horumar dhab ah ka sameynayaan meelaha ay Daacish ku dhuumaaleysato ee Soomaaliya,” ayuu u sheegay VOA sarkaal sare oo hore oo reer Galbeed ah oo la dagaallama argagixisada, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin si uu uga hadlo horumarka socda.

“Su’aashu waxay tahay haddii ay [ciidamada Puntland] awoodi doonaan inay sii hayaan meelaha ay qabsadeen, ama haddii IS ay awoodi doonto inay ku soo laabato toddobaadyada iyo bilaha soo socda,” ayuu yiri sarkaalku.

Haddii ciidamada Soomaaliya ay awoodaan inay hayaan dhulka ay qabsadeen, si kastaba ha ahaatee, burburka kooxda argagixisada ah ayaa laga yaabaa inuu ka gudbo xuduudaha Soomaaliya.

“Iyada oo la tixgelinayo doorka dhexe ee xafiiska al-Karrar ee maalgelinta shabakadda IS ee ballaaran, waxaa jiri kara saameyn xiga,” ayuu yiri sarkaal hore oo reer Galbeed ah oo la dagaallamay argagixisada.

Al-Karrar waa mid ka mid ah sagaal xafiis goboleed oo Dawladda Islaamiga ah loo aasaasay si ay u caawiyaan joogteynta awoodaha kooxda argagixisada ah. Tan iyo 2022-kii, xafiisku wuxuu ahaa qalab muhiim ah oo ku jira shabakadda maaliyadeed ee kooxda argagixisada, isaga oo lacag u gudbinaya xubno ku sugan Afghanistan iyo meelo kale oo Afrika ah.

Si kastaba ha ahaatee, walaacyo ayaa weli jira.

Cabsi soo rogaal celin

Falanqeeyayaasha amniga gobolka ayaa ka digaya in Dacaish ay dib u habeyn sameyn karto haddii ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ay awoodi waayaan inay sii wadaan raadintooda.

“Ciidamadooda gaarka ah ee guurguura ayaa ahaa hormuudka weerarka,” ayay tiri Samira Gaid, oo ah falanqeeye amniga Geeska Afrika.

“Hadda, waxay u muuqataa in ciidamada Puntland ay ka go’an tahay oo ay helaan agab ku filan,” ayay u sheegtay VOA. “Si kastaba ha ahaatee, wax badan waxay ku xirnaan doonaan sida ciidamada Puntland ay u sugaan oo ay u ilaaliyaan dhulalka ay xoreynayaan si loo hubiyo in kooxdu aysan dib u soo laaban.”

Dhanka Daacish, kooxda argagixisada ah “waxay isku dayayaan inay ku dhex milmaan dadweynaha, inkastoo ay taasi adag tahay,” ayay tiri Gaid. “Waa horumar dabiici ah marka ay wajahayaan ciidan ka awood badan.”

Xeeladda ayaa sidoo kale laga yaabaa inay Daacish u iibisay waqti ay ku qariyaan qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashooda ugu caansan uguna muhiimsan.

Ciidamada Soomaaliya ma helin wax raad ah oo Abdul Qadir Mumin ah, oo loo maleynayo inuu hoggaamiyo ma aha oo kaliya Daacish-ta Soomaaliya laakiin dhammaan howlgalka argagixisada ee Daacish.

Taliyaha howlgallada Daacish-Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise, iyo madaxa maaliyadda Daacish-Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Yuusuf, ayaa sidoo kale ku dhuumaaleysanaya.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Soomaaliya ayaa ugu baaqay, gaar ahaan Faahiye, inay is dhiibaan.

“Dadka aad u maleyneyso inay hoy ku siinayaan ayaa hagaya ciidanka,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Puntland, General Adan Cabdihashi, ka dib markii uu qabsaday xarunta Mumin 1-dii Maarso.

“Ha gelin dhalinyarada halis,” ayuu yiri Cabdihashi. “Waxaan ku dhaaranayaa Ilaahay, waxaad heli doontaa ciqaabta aad mudan tahay.”

Saciid Cabdullaahi Deni, oo ah hoggaamiyaha gobolka Puntland, ayaa sidoo kale u soo bandhigay xubnaha Daacish ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, fursad ay isku dhiibaan, iyo dagaalyahannada ajnabiga ah inay xitaa suurtogal tahay inay ku laabtaan dalalkoodii.

“Waxay [IS] u maleeyeen inay tahay meel aan lagu arki karin, istaraatiiji ahaan meel adag, oo siinaysa marin Badda Hindiya iyo Gacanka Cadmeed iyo Gacanka Carabta,” ayuu yiri.

Laakiin wuxuu ka digay in ciidamada Puntland ay diyaar u yihiin inay ugaarsadaan oo ay baabi’iyaan haraadiga kooxda argagixisada “ilaa dhammaan argagixisada, dhaqdhaqaaqooda iyo saldhigyada laga saarayo.”

Qiyaaso kala duwan oo ka yimid saraakiil Soomaaliyeed iyo kuwa reer Galbeedka ah oo la dagaallama argagixisada ayaa tirada dagaalyahannada Daacish ee Soomaaliya ku sheegay ilaa 1,600, oo ay xoojisay soo galootiga dagaalyahanno ka yimid Itoobiya, Morocco, Suudaan, Suuriya, Tansaaniya, iyo Yemen.

Khubarada sida Samira Gaid ayaa sheegay in tirada sii kordheysa ee Daacish-Soomaaliya oo ay weheliso dhulka adag ee buuraha Puntland ay keentay is-aamin xad dhaaf ah.

“Qaladka ay sameeyeen ee ah inay wajahayaan ciidamada Puntland ayaa u muuqday inay ahayd doqonnimadooda,” ayay tiri, iyada oo intaa ku dartay in qiyaastii 500 dagaalyahan oo Daacish ah lagu dilay dagaalladii dhawaa.

Daacish-Soomaaliya ayaa la kulantay “khasaare xun,” ayay tiri Gaid, “waxayna u badan tahay inaanay soo kaban doonin muddada gaaban iyo tan dhexe.”

Jubaland oo war ka soo saartay hooyo ku geeriyootay GEDO kadib tallaabadii DF

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyed ee Jubbaland ayaa ka hadlay dhacdo argagax leh oo ka dhacday gobolka Gedo, kadib markii hooyo Soomaaliyeed oo umul ahayd ay silac dartiis ugu geeriyootay degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Farxiyo Xuseen ayaa markii ay umushay kadib waxa lasoo daristay xaalad adag oo wax laga qaban kari waayey isbitaalka degmada.

Waxay ehelladooda waayeen diyaarad soo qaada maadaama weli xayiraadda dowladda federaalka ay saaran tahay gobolka Gedo, iyada oo markii dambe lasoo saaray gaari, nasiib xumase geeriyootay intii lagu soo jiray waddada.

Jubbaland oo arrintan si adag uga hadashay ayaa marka hore tacsi u dirtay ehellada marxuumadda, waxaana intaasi kadib mas’uuliyadda dhacdadan xanuunka leh dhabarka u saartay dowladda dhexe.

“Dowladda Jubbaland waxay aad uga xuntahay cunaqabataynta iyo xayiraadaha sharci-darrada ah ee saaran diyaaradaha ka degi lahaa gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar.

Waxa uu intaas kusii daray “Silicii iyo duruufihii ay Farxiya ku dhimatay, mas’uuliyaddeeda waxaa Alle hortii iyo shacabka Soomaaliyeed kula xisaabtamaya madaxdii cunaqabataynta duulimaadyada kusoo rogay gobolka Gedo”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeysiran:-

Allaha u naxariisto Farxiya Xuseen. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelkeeda, qaraabadeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, innagoo Ilaahay uga baryeyna inuu sabar iyo iimaan ka siiyo.

Farxiya waxay ahayd hooyo Soomaaliyeed, kadib markii ay umushay waxay la kulantay xanuun iyo dhiigbax, waxna lagama qaban karin magaalada Baardheere.

Dhakhaatiirta waxay ku taliyeen in loo qaado magaalada Muqdisho, hase yeeshee dhammaan garoomada gobolka Gedo way xiran yihiin, taasoo ay xirtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Farxiya waxay 14 maalmood oo silac ah kula jirtay xanuunkii magaalada Baardheere, ugu dambeyntiina way geeriyootay. Si aan arrintaan u xaqiijino, waxaan la xiriirnay maamulka degmada Baardheere.

Silicii iyo duruufihii ay Farxiya ku dhimatay, mas’uuliyaddeeda waxaa Alle hortii iyo shacabka Soomaaliyeed kula xisaabtamaya madaxdii cunaqabataynta duulimaadyada kusoo rogay gobolka Gedo.

Dowladda Jubbaland waxay aad uga xuntahay cunaqabataynta iyo xayiraadaha sharci-darrada ah ee saaran diyaaradaha ka degi lahaa gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.

W/Q: Wasiirka Warfaaftinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Jubaland.

Cabdifatax Maxamed Mukhtaar.

Golaha wasiirada oo soo saaray go’aanno adag oo shacabka saameynaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac ayaa laga soo saaray go’aanno dhowr ah oo la xiriira amniga.

Kulanka golaha ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta dagaalka Khawaarijta, oo haatan ka socda qeybo kamid ah dalka, iyadoo goluhu bogaadiyay guulaha ay soo hooyeen ciidanka qaranka iyo geesiyaasha deegaanka.

Go’aannada culus ee ay soo saareen Golaha Wasiirrada ayaa ku wajahan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo inta badan ka ratibmi doonaan tallaabooyin sharci iyo ciqaabo kala duwan.

Go’aannada uu goluhu soo saaray ayaa u dhigan sidan:

1- Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen Ciidamada Qalabka Sida iyo geesiyaasha Ciidamada Madaniga ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta ah.

2- Sida sharciyadii iyo xeerarkii horay u marey Golaha Wasiirrada ku xusan, waxaa muwaadiniinta mar kale la xusuusinayaa inay mamnuuc tahay in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban, iyada oo la isticmaalayo warbaahinta kala duwan oo baraha bulshada ay ka mid yihiin.

Qofkii lagu helana waxaa lala tiigsan doona tallaabooyin sharciga waafaqsan oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago, ciqaab adag oo sharciga waafaqsanna la marin doono.

3- Waxaa taa la mid ah muwaadinkii u oggolaada gurigiisa, rugtiisa ganacsi iyo gaadiidkiisa in lagu fuliyo fal dembiyeed amniga wax u dhimaya, waxa ay ka dhigan tahay adigoo si buuxda uga qeyb qaatey falal argagixisanimo oo wax u dhimaya nabadgelyada Qaranka.

Sida ku xusan xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxaa falalkan ka dhalan-doona ciqaab adag oo waafaqsan sharciga iyo xukunno adag oo la mid ah kuwa lagu qaado argagixisada, iyada oo tallaabooyinka ay laamaha amniga qaadi doonaan ay ka mid yihiin la wareegista iyo qarameynta hantida lagu geystay falalka argagixisanimo.

4- Sidan horeyba ugu digi jirnay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaannada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada, waxaa mar kale DFS ay uga digeysaa shacabka inay ka fogaadaan kana taxaddaraan goobaha ay argagixisada Khawaarijta ku sugan yihiin, maadaama ay DFS go’aansatay in sare loo qaado hawlgallada cirka iyo dhulka ee ka dhan ah Khawaarijta banneysatey dhiigga shacabka.

5- Ugu dambeyn Amniga Garoonka, waxaa la go’aamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Faah-faahinta sida qodobkan loo fulinayo waxaa dhowaan soo saari doona laamaha amniga.

Arrin yaab leh oo aan horey loo ogeyn oo ka soo korortay kiiska Ladan Mohamed Ali

Minneapolis (Caasimada Online) – Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay isku dayday inay laaluush siiso xeerbeegti intii lagu guda jiray maxkamadayntii ugu horreysay ee kiiska Feeding Our Future sanadkii hore, iyadoo sidatay boorso ay ku jiraan $120,000 oo lacag caddaan ah, ayaa sidoo kale gacanta ku haysay shirkad heshay ugu yaraan $1.6 milyan oo ka timid hay’ado kale oo ku lug lahaa khiyaanadaasi, sida lagu sheegay dukumeenti maxkamadeed oo Talaadadii la shaaciyey.

Ladan Mohamed Ali, oo 31 jir ah kana soo jeeda Seattle, ayaa sannadkii 2018 ka hirgelisay St. Paul shirkad cunto-sameeye ah oo la yiraahdo Afro Produce, sida ku cad diiwaanka shirkadaha ee Xafiiska Xoghayaha Gobolka Minnesota.

Sanadihii 2020 iyo 2021, Afro Produce waxa lagu xusay inay tahay shirkad cunto keenta oo la shaqaynaysa shirkado ay gacanta ku hayaan dad horay u qirtay dambiyo la xiriira khiyaanadii lagu lunsaday $250 milyan oo laga xaday barnaamijka nafaqaynta carruurta ee dowladda federaalka Mareykanka, sida ku cad gal-dacwadeedka iyo markhaatifurkii maxkamad ka socota bishan oo la xiriirta kiiska agaasimihii Feeding Our Future, Aimee Bock, iyo gacan-yarihiisii la tuhunsanaa, Salim Said.

Bock ayaa lagu eedeeyay inay hoggaaminaysay qorshaha laaluushka iyo wax is-dabamarinta, mid ka mid ah khiyaamooyinkii ugu waaweynaa ee la xiriiray deeqaha la bixiyay xilligii COVID-19.

Pauline Roase, oo ah xisaabiye la socodka dhaqaalaha oo ka tirsan FBI, ayaa Talaadadii ka marag furtay maxkamadda Bock iyo Said, iyadoo sheegtay in baaritaankeedii la xiriiray xisaabaadka bangiga ee Afro Produce aysan u suuragelin inay ogaato haddii wax cunto ah dhab ahaan la iibsaday iyo in kale, iyo haddii ay yihiin xisaab-xiryo la been abuuray.

Warqad baaritaan oo Talaadadii la shaaciyey ayaa xustay in sarkaalka FBI Kevin Kane uu sheegay in tuhmanayaashu ay Afro Produce u adeegsadeen inay raadkooda qariyaan, iyagoo gudbinaya “qaansheegad been abuur ah” oo muujinaysa iibsashada cunto aan waligeed la keenin. Shirkaddan fadhigeedu wuxuu ahaa St. Paul, cinwaankeeduna wuxuu ahaa 2554 Como Av.

Qaansheegado la mid ah kuwaasi ayaa la hor keenay maxkamadda Bock iyo Said, iyadoo wakiillada FBI ay soo bandhigeen dukumentiyo Afro Produce ay ku sheegtay inay siisay shirkado lagu eedeeyay inay khiyaaneeyeen barnaamijka cuntada oo malaayiin dollar lagu lunsaday.

Warqadda baaritaanka ayaa muujisay in Ladan ay heshay “jeegag waaweyn” oo ka yimid Afro Produce intii u dhaxaysay 2021 iyo 2022. Dukumeentigu wuxuu xambaarsan yahay koobiyada saddex jeeg oo isku dar ahaan lagu siiyay $40,000, laguna qoray magaca Ladan.

Qareenka Ladan, Eric Newmark, ayaa Talaadadii sheegay inuusan wali arkin warqadda baaritaanka, wuxuuna ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo.

Ladan waxa kale oo ay xiriir la lahayd Gar Gaar Family Services, oo ah hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay Minneapolis, taasoo ay Waaxda Waxbarashada Minnesota ka saartay barnaamijka cuntada dabayaaqadii 2021, kadib markii ay heshay in ka badan $21 milyan oo magdhow ah oo lagu sheegay in lagu quudiyey 7 milyan oo cunno ah.

Sida ku cad warqadda baaritaanka, Ladan waxay Gar Gaar u xustay inay tahay shaqa-bixiyeheedii markii ay furtay xisaab bangi sanadkii 2021.

Mulkiilayaasha Gar Gaar Family Services laguma soo oogin wax dacwad ah. Hay’addu waxay racfaan u gudbisay Maxkamadda Racfaanka Minnesota si ay u buriso go’aankii dowladda, balse maxkamaddu waxay xukuntay in gobolka uu u maray xeerarka federaalka. 

Gar Gaar waxa ay oggolaatay inay xirto howlaheeda sanadkii hore, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Keith Ellison uu baaris ku sameeyay, taasoo lagu ogaaday inay jebisay sharciyada la xiriira hawlgalkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda maaliyadeed.

Ladan waxay qiratay dambiga maxkamadeed xagaagii hore, iyadoo ogolaatay inay jeebkeeda ku shubatay $80,000 oo ay siisay difaacayaal maxkamadaysan si ay laaluush ugu siiso xeerbeegti.

Falkaasi oo aad u dhif ah—oo ah isku daygii ugu horreeyay ee laaluush xeerbeegti ah Minnesota ka dhaca muddo ka badan 60 sano—waxay xeer-ilaaliyayaashu ku tilmaameen weerar ka dhan ah nidaamka cadaaladda.

Arrintan ayaa keentay in garsooraha kiiska uu xeerbeegtida go’doomiyo si loo sugo badqabkooda, iyagoo xukminayay kiiska sannadkii hore. Tallaabooyin amni oo dheeraad ah ayaa lagu kordhiyay maxkamadda, si gaar ahna loogu dabaqay dacwadda socda ee bishan.

Maxkamadda xigta ee Ladan waxay dhici doontaa Khamiista, waxaana lagu falanqayn doonaa haddii ay jebisay shuruudihii xabsiga lagaga sii daayay, kadib markii lagu xiray dambiga DWI bishii Febraayo.

Sida lagu xusay dacwad ka furan Maxkamadda Degmada Hennepin, sarkaal ka tirsan State Patrol ayaa joojiyay Ladan kadib markii ay si kadis ah u jiirtay gaari kale, ka dibna goobta ka carartay. Baaritaanka neefta ee la qaaday ayaa muujiyay in heerka khamriga dhiigeedu ahaa 0.28%.

Mareykanka oo wada-hadal sir ah la billaabay ururka Xamaas – Maxaa isbedelay?

Gaza (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa Arbacadii xaqiijiyay wadahadallo toos ah oo aan horay loo arag oo ay la yeesheen Xamaas, iyagoo diiradda saaray arrinta la haystayaasha, xilli Israa’iil ay ku hanjabtay inay dib u billaabi doonto dagaalka ay ka waddo Gaza, inkastoo xabbad-joojin jilicsan ay jirto.

Aqalka Cad ayaa sheegay in ergayga Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee arrimaha la haystayaasha, Adam Boehler, uu wadahadallo la yeeshay Xamaas, kuwaas oo diiradda lagu saarayay muwaadiniinta Mareykanka ee weli lagu haysto Gaza.

“Israa’iil waa lagala tashaday arrintan,” ayay tiri Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, oo la hadashay wariyeyaasha.

“Madaxweynaha wuxuu aaminsan yahay in la hadalka dadka caalamka si loo ilaaliyo danta Mareykanka ay tahay arrin sax ah,” ayay raacisay.

Xamaas ayaa sidoo kale Arbacadii xaqiijisay in ay wadahadallo toos ah la yeesheen ergay Mareykan ah oo ku saabsanaa sii deynta la haystayaasha Gaza lagu haysto.

“Dhowr xiriir ayaa dhexmaray Xamaas iyo wakiillo Mareykan ah, tii ugu dambeysayna waxay ahayd mid lala yeeshay ergay Mareykan ah, waxaana looga hadlay la haystayaal Israa’iiliyiin ah oo haysta dhalashada Mareykanka, kuwo nool iyo kuwo dhintay labadaba,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xamaas oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in “laba kulan oo toos ah ay dhawaan ku dhexmareen masuuliyiin ka tirsan Xamaas iyo Mareykanka magaalada Dooxa.”

Tan iyo markii Mareykanku mamnuuceen Xamaas sannadkii 1997 iyagoo u aqoonsaday urur argagixiso, ma aysan la yeelan xiriir toos ah. Hase yeeshee, Leavitt ayaa sheegtay in ergayga arrimaha la haystayaasha uu xilkiisa u ogolaanayo inuu la hadlo cid kasta.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in Israa’iil lala tashaday, wuxuuna war-saxaafadeed ku sheegay in ay “soo jeediyeen aragtidooda” ku aaddan wadahadallada tooska ah.

Wadahadalladan ayaa markii ugu horraysay waxaa laga soo xigtay warbaahinta Axios ee Mareykanka, kaas oo sheegay in Boehler uu Xamaas kula kulmay Qatar si uu uga wada hadlo muwaadiniinta Mareykanka ee la haysto, iyo sidoo kale xabad-joojin waqti dheer ah.

Waxaa la rumeysan yahay in shan muwaadin oo Mareykan ah ay weli ku jiraan la haystayaasha la qafaashay intii lagu jiray weerarkii ballaarnaa ee Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023. Afar ka mid ah ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, halka kan kale, Edan Alexander, la rumeysan yahay inuu weli nool yahay.

– Israa’iil oo hanjabtay –

Wejigii koowaad ee xabbad-joojinta ayaa dhammaaday dhammaadkii toddobaadkii hore kadib lix toddobaad oo xasillooni ah, taasoo la isku badalaynayay la haystayaal Israa’iili ah iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil.

In kasta oo Israa’iil ay sheegtay inay rabto in wejigan koowaad la gaarsiiyo bartamaha April, Xamaas ayaa ku adkeysanaysa in loo gudbo wejiga labaad, kaasoo horseedi lahaa dhammaadka buuxa ee dagaalka.

Hase yeeshee, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday dhammaadka wejiga koowaad in ay joojisay dhammaan sahaydii iyo agabkii gali jiray Gaza, oo burbur xooggan uu soo gaaray kadib sannad iyo bar weerarro Israa’iil ka geysatay halkaas.

“Xamaas dhab ahaantii waa la garaacay si xun, laakiin weli lama jabin. Howsha weli lama dhammayn,” ayuu yiri taliyaha cusub ee ciidamada Israa’iil, Eyal Zamir.

Hadaladiisa ayaa u muuqday kuwo la mid ah digniintii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ahayd “waxaad arki doontaan cawaaqib aan la qiyaasi karin” haddii Xamaas aysan sii dayn la haystayaasha.

Dhammaan 251 qof ee la qafaashay intii lagu jiray weerarkii Xamaas, waxaa weli Gaza ku harsan 58, oo 34 ka mid ah ay Israa’iil xaqiijisay in ay dhinteen.

Faransiiska, Britain iyo Jarmalka ayaa si wadajir ah Arbacadii u sheegay in xaaladda bini’aadannimo ee Gaza ay tahay “musiibo,” iyagoo ugu baaqay Israa’iil in ay fududeyso gargaarka bini’aadantinimo.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay in xannibaadda Israa’iil ee gargaarka Gaza tan iyo dhammaadka toddobaadka ay la mid tahay in macaluul loo adeegsado hub dagaal.

Weerarkii Xamaas ayaa sababay dhimashada 1,218 qof, intooda badan shacab, halka weerarka Israa’iil ay kusii dileen ugu yaraan 48,440 qof oo kale, iyaguna u badan dad rayid ah, sida ay xaqiijiyeen labada dhinac.

– Shaki laga muujiyay qorshaha Carabta –

Madaxweyne Trump ayaa ballanqaaday taageero ballaaran oo Israa’iil la siiyo, isagoo xitaa soo jeediyay in Gaza la qabsado lagana raro dadkeeda, taasoo si weyn looga cambaareeyay caalamka.

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa isku dayay inay taageero ay u helaan qorshe kale oo ay soo bandhigeen, kaasoo Gaza dib loogu dhisayo iyada oo loo marayo sanduuq dhaqaale.

Qoraal qabyo ah oo AFP ay aragtay ayaa xusayay in qorshuhu yahay mid shan sano ah oo ku kacaya $53 bilyan, taasoo u dhiganta qiyaasta QM ee dib-u-dhiska Gaza, hase yeeshee tiradaas laguma sheegin bayaankii ugu dambeeyay ee shir-madaxeedka.

Shirku wuxuu sidoo kale ku baaqay in wakiilnimada Falastiiniyiinta lagu mideeyo hoos tagga Ururka Xoreynta Falastiin (PLO), kaasoo ah kooxda siyaasadeed ee ugu weyn Maamulka Falastiiniyiinta, tallaabo keeni karta in Xamaas la dhaafiyo, maadaama aysan xubno ka ahayn ururkaas.

Si kastaba ha ahaatee, suurtagalnimada ah in Maamulka Falastiiniyiinta uu Gaza dib u maamulo weli waa mid aan la hubin, maadaama Israa’iil ay gebi ahaanba diidday doorkooda mustaqbalka ee Gaza, oo Xamaas ay xukumaysay tan iyo 2007.

Hugh Lovatt, oo ah falanqeeye ka tirsan Golaha Xiriirka Dibadda ee Yurub, ayaa sheegay in qorshahan cusub uu yahay “mid ka dhabta ah marka loo eego waxa ay Trump wadaan marka la eego hirgelintiisa.”

Hase yeeshee, Ghassan Khatib, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo Falastiini ah iyo wasiir hore oo ka tirsan Maamulka Falastiiniyiinta, ayaa shakiga geliyay hirgelintiisa, isagoo tilmaamay caqabadaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee hortaagan.

“Labada dhinac ee Gaza ka jira waa Israa’iil iyo Xamaas… labadoodana mowqifyadoodu ma waafaqsana qorshahan,” ayuu yiri.

“Ma jirto fursad ay Israa’iil kaga tanaasulayso qorshaha Trump oo ay ku aqbalayso midka Carabta. Taasi suurtagal ma aha.”

DF oo tallaabo culus qaaday kadib weerarkii Shabaab ee Balcad + Sawirro

0

Balcad (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii todobaadkii hore ay gudaha u galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ugu horreeyaan saraakiisha laamaha amniga ayaa xalay tegay degmada Balcad, iyaga oo halkaas ka sameeyay kormeer ballaaran.

Xubnaha booqday Balcad waxaa kamid ah guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macallin Mahdi, Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir Cabdifitaax Shaaweeye, saraakiil ka tirsan Boolis Milataaro iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahan ka socda dowladda federaalka ayaa kormeer kadib la kulmay maamulka degmada Balcad iyo qaybaha bulshada, iyaga oo kala hadleen xaaladda degmadaasi.

Guddoomiye Yabooh oo warbaahinta hadal kooban ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa kormeer ku saabsan amniga, wuxuuna tilmaamay in xaaladda Balcad ay dagan tahay, isla markaana ay kamid a meelaha laga ilaaliyo caasimada dalka ee Muqdisho.

Yabooh ayaa sidoo kale ka digay in bulshada la marin habaabiyo, iyada oo looga faa’iideysanyo dano gaar ah oo siyaasadeed,.

“Dadka isku dayaya in ay bulshada marin habaabiyaan, haka digtoonaadaaan, amniga Muqdisho iyo degmooyinka Afgooye iyo Balcad waa isku xiran yahay” ayuu yiri Yabooh.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo soo dhaweeyay mas’uuliyiinta tegtay Balcad ayaa sheegay in amniga degmada uu wanaagsan yahay, isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan argagixisada.

“Al-Shabaab ma qabsan karto magaalada Balcad, waana amni, wararka been abuurka ah dadka faafinaya ha joojiyaan, waxaan wadnaa howlgallo iyo Roondo joogto ah oo lagu xaqiijinayo Amniga guud” ayuu yiri guddoomiye Qaasim Cali Nuur.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo todobaadyadii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab culeys soo saartay gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo isku deyday inay qabsato deegaanno horay looga saaray waxaase ka hortegay ciidamada isbaheysanaya.

Shiinaha oo ku dhowaaqay arrin uga sii dari doonta xiisadda Mareykanka

Beijing (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay la dagaallanka Mareykanka “nooc kasta” oo dagaal ah, kadib markii uu ka horyimid canshuuraha ganacsiga ee sii kordhaya ee madaxweyne Donald Trump.

Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa ku dhawaaday dagaal ganacsi kadib markii Trump uu canshuuro badan ku soo rogay dhammaan badeecadaha Shiinaha.

Shiinaha ayaa si deg-deg ah uga aarguday, isagoo 10-15% canshuur ah ku soo rogay badeecadaha beeraha ee uga yimaada Mareykanka.

“Haddii dagaalku yahay waxa Mareykanku doonayo – ha ahaado dagaal canshuureed, dagaal ganacsi, ama nooc kasta oo dagaal ah – waxaan diyaar u nahay inaan dagaallano ilaa dhammaadka,” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta X, oo ay safaaradda Shiinaha ku xustay bayaanka dowladda ee Talaadadii.

Hadalladan ayaa noqonaya kuwa ugu xoogganaa ee illaa hadda kasoo baxa Shiinaha tan iyo markii uu Trump noqday madaxweynaha Mareykanka.

Sidoo kale, waxay ku soo beegmaysaa xilli hoggaamiyayaal sare ay iskugu yimaadeen Beijing si ay uga qayb galaan shirweynaha sanadlaha ah ee Golaha Shacabka Qaranka.

Hoggaamiyeyaasha ku sugan Beijing ayaa isku dayaya inay fariin u diraan shacabka Shiinaha, iyagoo muujinaya kalsoonida ay ku qabaan kobaca dhaqaalaha waddanka, xitaa haddii ay jirto khatarta “dagaal ganacsi.”

Shiinaha ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu rajeynayo inuu ka faa’iideysto ficillada madaxweyne Trump ee la xiriira xulafada Mareykanka, sida Canada iyo Mexico, kuwaas oo sidoo kale uu ku soo rogay canshuuro.

Beijing ayaa dhawaan xaqiijisay in Shiinuhu sii wadi doono furfurnaantiisa iyo rajada uu ka qabo soo jiidashada maalgashi shisheeye oo badan.

Shiinaha ayaa horey u muujiyey inuu diyaar u yahay dagaal, iyadoo dhammaadkii bishii Oktoobar Madaxweyne Xi uu ku baaqay in ciidamadu xoojiyaan diyaar-garowgooda dagaal, iyagoo sameynaya tababaro milateri oo ka dhacaya agagaarka jasiiradda Taiwan, oo iskeed isu maamusha.

Inkasta oo la hakiyay tacriifaddii uu Madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana weli waxba lagama beddelin canshuuraha uu ku soo rogay badeecadaha uu Shiinaha u dhoofiyo Mareykanka.