25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Is-rasaaseyn ka dhacday bannaanka Aqalka Cad ee Mareykanka + Khasaaraha

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Maraykanka ee loo yaqaan (Secret Service) ayaa toogtay nin hubaysan oo habeenkii Sabtida ku sugnaa meel u dhow Aqalka Cad, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda aroornimadii Axadda.

Waqtigaas Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku maqnaa xaruntiisa gaarka ah ee Mar-a-Lago oo ku taal gobolka Florida.

Ninka dhaawaca soo gaaray ayaa loola cararay isbitaalka, iyadoo xaaladdiisa lagu tilmaamay mid aan weli caddeyn, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay hay’adda.

Afhayeenka Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa qoraal uu ku daabacay barta bulshada ee X ku sheegay in aysan wax dhaawac ahi soo gaarin saraakiisha, dhacdadan darteed.

Ciidamada Secret Service ayaa digniin hore ka helay booliska deegaanka oo ku saabsan nin qaba xaalad naf-la-caari ah oo ka yimid gobolka Indiana kuna soo wajahnaa magaalada Washington. Qiyaastii saqda dhexe ayay ciidamadu heleen gaarigiisa oo la dhigay meel ku dhow waddooyinka 17th iyo F Street, oo u dhow Aqalka Cad.

Intaa kadib waxay arkeen qof meel u dhow jooga oo tilmaamtiisa ay horey u siiyeen booliska deegaanka.

“Markii ciidamadu u dhowaadeen qofkaas, wuxuu la la soo baxay hub, waxaana bilowday iska hor imaad hubaysan oo sababay in ciidamada ay rasaas ku furaan,” ayaa lagu yiri warka hay’addu soo saartay.

Booliska magaalada Washington ayaa sheegay in baarayaal ka tirsan waaxda arrimaha gudaha ay dhacdadan baaritaan ku wadaan, balse faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin.

-Beegsiga Aqalka Cad –

Sannadihii u dambeeyay waxaa dhacayay falal badan oo rag hubaysan lagu toogtay gudaha ama hareeraha Aqalka Cad, sida dhacdadii sannadkii 2016, markii nin hub sitay lagu toogtay isagoo taagan iridda ammaanka Aqalka Cad.

Sannadkii 2016, nin lagu magacaabo Sai Varshith Kandula, oo u dhashay dalka Hindiya isla markaana watay gaari xamuul ah oo uu kiraystay, ayaa ku fashilmay isku day uu ku doonayay inuu ku jabiyo xayndaabka amniga ee Aqalka Cad.

Madaxweyne Trump qudhiisu wuxuu si dirqi ah uga badbaaday isku day dil bishii July 2024 ka dib markii nin hubaysan uu rasaas ku furay, isagoo dhaawac fudud ka soo gaaray dhagtiisa.

Baaritaan ay sameeyeen ciidamada Secret Service ayaa lagu ogaaday in arrintaas ay qeyb ka ahaayeen is-gaarsiin xumo iyo feejignaan la’aan dhinaca ciidamada ah.

DF oo burburisay buundadii ay ka soo gudbeen Shabaab-ka soo galay Sh/Dhexe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in la burburiyay buundo macmal ah oo kooxda Al-Shabaab ay ka sameysatay deegaanka Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ka soo gudbin jireen gaadiidka iyo dagaalyahannada ay ku soo weeraraan gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, ayaa howlgal duqayn ah oo ay ka fuliyeen tuulada Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay ku burburiyeen buundo macmal ah oo Khawaarijtu dhawaan halkaas ka dhistay,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA kasoo baxay.

Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay halkaasi ahayd marin muhiim ah oo ay u adeegsan jireen soo gudbinta maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku dayayay inay carqaladeeyaan amniga deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Howlgalka oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal ayaa waxaa lagu dilay horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo qorsheynayay inay buundada ka gudbaan, si ay garab u siiyaan maleeshiyaadka firxadka ah ee ciidamada qaranku ay baacsanayaan gudaha HirShabeelle,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA.

Ciidamada NISA iyo Xoogga Dalka ayaa sidoo kale ku guuleystay inay xiraan dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee kooxda Al-Shabaab ay ku baxsan lahayd, sida lagu sheegay qoraalka.

“Waxaa hadda go’doon ku jira maleeshiyaad iyo horjoogeyaal haraadi ah oo ku dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ayaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaana ciidamada qaranku ay wali sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda.

Hoggaamiye ku-xigeenkii kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Yuusuf Dhegnaas, ayaa xalay lagu dilay duqayn sidan oo kale ah oo ka dhacday aagga degmada Ruun-Nirgood ee gobolkaasi.

Waa kuma Yuusuf Dhegnaas – Hogaamiyahii muhiimka ahaa ee laga dilay Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn dhanka cirka ah oo ay iska kaashadeen saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ay ku dileen 20 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay dowladda.

Duqaynta ayaa ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay uu ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda, ciidamada deegaanka ee Macawisley iyo kooxda Al-Shabaab.

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Abuukar Maxamed Xasan, dadka duqaynta lagu dilay waxaa ka mid ahaa saraakiil sare oo ka tirsan kooxda iyo dagaalyahanno la socday, iyadoo uu ka mid ahaa hoggaamiye sare oo lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgalka cirka uu bartilmaameedsaday gawaari ay kooxdu lahayd.

“Sidoo kale waxaa lagu burburiyay dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ay isticmaalayeen maleeshiyaadka weerarka qaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Muqdisho oo lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ah in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday amniga magaalada Muqdisho.

“Nimankaa haddaan shalay ku khaldannay inay dalka yimaadaan oo si uun dadka u sireen, maanta waa la bartay, waa la yaqaannaa, waa la fahmay, nama siri karaan, dalkana ma qabsan karaan; sifo ay ku qabsadaan uma yaallo dalku,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in magaalada Muqdisho ay yool muhiim ah u tahay kooxda Al-Shabaab.

“Magaalada Muqdishaa ayaan ku nool nahay, madaxaa laga dilaa Shabaab; magaaladan ayaa yool u ah inay qarribaan, magaaladana waad garanaysaa siday hadda tahay waxbaa weli u sii dhiman, wayna isku dayi doonaan, si joogto ah ayey haddaba isugu dayaan, way kari waayeen,” ayuu intaas raaciyay.

Hadalka Madaxweyne Xasan ayaa yimid iyadoo safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay dhawaan markii labaad toddobaad gudihiis soo saartay digniin ay ku socodsiinayso muwaadiniinteeda oo ay uga digayso inay u safraan Soomaaliya.

“Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay heshay warar la isku hallayn karo oo la xiriira weerarro suurtagal ah oo lagu qaado bartilmaameedyo kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla, oo uu ka mid yahay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. Dhamaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyay ilaa ogeysiin dambe,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda.

Waa kuma Yuusuf Dhegnaas?

Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Laba Xiddigle Abuukar Maxamed Xasan, Yuusuf Dhegnaas ayaa lagu dilay duqayn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo la socday.

Abuukar ayaa sheegay in ninkan uu muddo tobaneeyo sano ah ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isagoo qabtay mas’uuliyado kala duwan.

Afhayeenku wuxuu intaas raaciyay in Dhegnaas uu madax ka ahaa “qaybta Sakawaadka ee gobolka Shabeellaha Dhexe,” sidoo kalena uu madax ka soo noqday deegaannada Cad-cadey iyo Caddaan-laxey.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu mar soo noqday mas’uulka qaybta dacwada ee isla gobolkaas.

“Xubin sare oo dadka dhibaateeya ayuu ahaa; shanta kale ee la dhimatay niman sar sare ayay ahaayeen laakiin isaga ayaa ahaa bartilmaameedka ugu weyn,” ayuu yiri Abuukar.

Afhayeen Abuukar ayaa sheegay in markii hore kooxda isku dayday inay dhaawacyada la baxsato balse duqayn kale lagu eegtay degmada Galcad.

Ugu dambeyntii, afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ay weli sii socdaan.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa duqaymo dhanka cirka ah ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu sheegay inay bartilmaameedsadeen kooxda Al-Shabaab.

Isha: BBC

Xildhibaan Soomaali ah oo muddo lagu la’aa Nairobi oo si lama filaan ah loo helay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed, oo ka tirsan golaha deegaanka Dela ee Ismaamulka Wajeer, ayaa xalay fiidkii si lama filaan ah loogu soo celiyey gurigiisa ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, kadib muddo lix bilood ah oo la la’aa.

Sida laga soo xigtay ehelladiisa, rag wejiga duubtay ayaa gaari ku soo hor dhigay gurigiisa, illaa haddana faah-faahin lagama hayo halka uu muddadaas ku maqnaa xildhibaanka.

Xildhibaan Yuusuf ayaa la afduubtay 13-kii Sebtembar 2024 xilli uu saarnaa gaari nooca Uber ah oo marayay waddada Enterprise ee magaalada Nairobi.

Xildhibaan Aadan Keynaan Wehliye, oo ka tirsan golaha deegaanka, ayaa BBC-da u sheegay in xildhibaanka la waayay muddo lix bilood ah, kadibna xalay fiidkii la keenay gurigiisa iyadoo ay wadeen rag aan la garaneyn.

Xaaladdiisa caafimaad

Dhakhaatiir ayaa hadda baaraya xaaladda caafimaad ee xildhibaanka, waxaana la sheegay in uu caafimaad ahaan wanaagsan yahay, inkastoo ay ka muuqato daal iyo nafaqo-darro.

Keynaan ayaa tilmaamay in xildhibaanku hadda uu dib ula midoobay qoyskiisa, isla markaana si rasmi ah loo xaqiijin doono xaaladdiisa caafimaad kadib baaritaan dheeraad ah.

“Hadda niyaddiisa waa fiican tahay, waxa uu la joogaa dhakhaatiirta, xaalkiisa wuu wanaagsan yahay in kastoo hurdo la’aan iyo nafaqo darro ay ka muuqato,” ayuu yiri xildhibaan Keynaan.

Sidee markii hore lagu waayay xildhibaanka?

Xildhibaanka ayaa waxaa la sheegay in xilli fiid ah ay afduubteen koox watay labo gaari oo nooca Land Cruiser Prado ah.

Darawalkii Uber-ka ee la socday Xildhibaanka ayaa markii dambe sheegay in labada gaari ay jidka hor istaageen, kadibna xildhibaanka la kaxeystay, iyadoo aan la garanayn cidda ka dambeysay falkaas.

Muddo bil kadib, meyd lagu arkay isbitaalka Wajeer ayaa loo maleynayay inuu yahay xildhibaanka, balse baaritaan la sameeyay ayaa caddeeyay in uu qof kale yahay.

Ilaa haddana lama oga sababta rasmiga ah ee loo afduubtay xildhibaanka, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda afduubkiisa.

Maxay ehelladiisu ka yidhaahdeen afduubka?

Qoyska xildhibaanka ayaa mar kasta rajo ka qabay in la helayo, iyagoo sheegay in aysan ogeyn wax dambi ah oo uu galay.

“Waan ogayn in uu nool yahay, rajo fiican ayaanu ka qabnay in uu dib noogu soo laabanayo,” ayey tiri walaashiis Xaliimo Xuseen.

Qoyska xildhibaanka ayaa dhowr jeer ku eedeeyay dowladda in ay ka gaabisay raadintiisa, waxayna sheegeen in aysan qaadin wax tallaabo ah.

Sidoo kale, siyaasiyiinta gobolka iyo qoyska xildhibaanka ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan wax dadaal ah gelin raadinta xildhibaanka, iyagoo sheegay in aysan jirin cid rasmi ah oo baaritaan dhab ah ku sameysay afduubkiisa.

Weli su’aalaha ugu waaweyn ee taagan ayaa ah; Yaa ka dambeeyay afduubkan? Muxuu salka ku hayay? Maxaase xildhibaanka loo beegsaday? Su’aalahaas ayaan weli loo helin jawaabo rasmi ah.

Fal-celin culus oo ka dhalatay tallaabadii u dambeysay ee uu qadaay Aadan Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaarin doona caqabadaha ka taagan safarada iyo ku xad-gudubka xildhibaanadda.

Magacaaabista guddigan oo daba socota doodii goluhu ka yeeshay caqabadaha safarada ee xildhibaanada ayaa waxaa ka dhalatay fal-celin xooggan, iyadoo dadka qaarkii ku tilmaameen mid aan wax ka goyn karin arrinta taagan.

Dadka qaar ayaa guddoomiye Aadan Madoobe ku dhaliilay daba-gal la’aanta guddiyada uu magacaabo oo badankood ay markaasi ugu dambeyso maqalkooda, iska daa inay warbixin ka keenaan arrinta loo igamadee.

Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame, iyadoo xubnaha guddiga la faray in ay si deg-deg ah u hawl-galaan howsha loo igmaday, kuna keenaan warbixin dhameystiran.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Sacad Cali Baafo: “Guddiga shaqadiisa waa la sheegay laakiin lama muddeyn waqtiga ay warbixinta kusoo gudbin lahaayeen.”

Saciid Axmed Xasan: “Aadan Madoobe intee guddi magacaabay waxay qabtaana lama yaqaano.”

“Mar hadii guddi loo saaray hawshas way isku dhamaatay in wax laga qabto lama rabo,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Aadam.

Maxamed Cabdi Dheere: “Guddigan waxa guddoomiye u ah nin shaqo yaqaana waliba hawl kar ah, horkeeni doona golaha wixii baritaankiisa ka so obaxa hadi alle idmo.”

Cabdiraxmaan Aadam Dirham: “Waxaan is weydiiyaa guddiyada la magacaabo waddo One-way ah miyey galaan oo aan dib waxba uga soo laaban! Caqliga dadka oo lagu cayaaraa muunad beel ayaa u natiijo ah sida madax badan horey ugu dhacday!.”

Mukhtaar Axmed Sugulle: “Odayga guddi sida loo sameeyo wuu yaqaan laakiin sida dib warbixinta golaha loogu soo celiyo ma yaqaan.”

“Maalin kasta waxan maqalnaa guddi ayaa la magacabay wali ma maqasheen gudigii waxan ayeey so arkeen,” ayuu yiri Cabdi Khaliif Shiiraar.

Muxuu Roobow ka yiri suurta-galnimada ay Al-Shabaab kula wareegi karto Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), ayaa si adag uga hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo suurta-galnimada ay kooxda kula wareegi karto Muqdisho.

Roobow, oo ka hadlay shir jaraa’id oo isaga iyo qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed ay qabteen, ayaa si weyn ugu boggaadiyey guulaha ay gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ka hortagay damaca Al-Shabaab ee dib ula wareegidda deegaannadii hore looga saaray ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Roobow ayaa sidoo kale soo hadal qaaday qorshaha la sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku rabto qabsashada magaalada Muqdisho, wuxuuna xusay in Muqdisho aysan la mid ahayn caasimadaha Kabul iyo Dimishiq, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab waxaan leeyahay: Muqdisho Kabul iyo Dimishiq oo kale ma aha, Axmedkiinnana ma aha Axmed Al-Sharac ee Suuriya,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrin qabsatay qoyskiisa, isaga oo tilmaamay in bishii lasoo dhaafay ay maleeshiyaadka Al-Shabaab afduubteen xaaska walaalkiis, ayna waddada ku tureen wiil yar oo uu adeer u yahay, laguna magacaabo Saaciid Aadan Roobow.

“Xaaska walaalkay ayay bishii Shacbaan afduubteen Al-Shabaab, wiil yar oo ay dhashay oo la yiraahdo Saaciid Aadan Roobow waddada ayaa la dhigay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiir Roobow.

Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga guuleysto argagixisada Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo kooxda Al-Shabaab ay dib ugu soo laabatay gobolka Shabeellaha Dhexe, kadibna ay qabsatay deegaanno hore looga saaray. Haatanna, waxay is hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo mar kale dib loo abaabulay si ay uga hortagaan kooxda.

Madaxweyne XASAN oo ku dhawaaqay arrin ka cusub doorashada qof iyo codka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ka hadlay doorashooyinka dalka ee uu weli muranka ka taagan yahay, isaga oo ku dhawaaqay arrin ka cusub qorshaha uu wado ee qof iyo codka ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tilmaamay in la beddalay fikirkii hore ee ahaa in dalka uu yeesho laba xisbi, isaga oo hoosta ka xariiqay in haatan laga dhigay saddex xisbi oo uu tilmaamay in loo baahan yahay inay ku biiraan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xusay in arrintan ay keeneyso in xisbiga uu ku qasbanaanayo inuu cod ka raadsado magaallo kasta oo Soomaaliyeed, maadaama waxa codeynaya ay yihiin shacabka oo soo dooranayo hoggaankooda.

“Fikirkii ahaa dalka laba xisbi ha yeesho hadda saddex ayaa laga dhigay, weli waa fiicanahay ogow marka aan aniga xisbi leeyahay cod aan u baahanahay waxaan ku qasbanahay kan Kismaayo joogo kan Baydhaba jooga, kan Garoowe joogo iyo kan jooga Dhuusamareeb inaan wada raadsado” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud.

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay in doorashooyinka dadban ee lasoo maray ay dhaawac weyn u gaysteen kalsoonida Soomaaliya, haddana lagama maarmaan ay tahay in laga gudbo, si loo aado doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in sidoo kale beesha caalamka aysan xilligan diyaar u ahayn inay la shaqeyso dowlad ku timaada nidaam doorasho dadban oo lagu celiyo dalka.

“25 sano doorasho dadban ayaan joognaa, masii joogi karno, macquulna ma ahan, mana nala aqbalayo. Caalamku nama aqbalayo inaan sidaas dowlad ku ahaano oo nagula macaamilo. Waxay na leeyihiin, ma naqaano waxay ka shaqeynayaan,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Hadalkan ayaa xalay madaxweynaha waxa uu ka sheegay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, kaas oo ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ee ku aadan siyaasadda, doorashooyinka iyo  dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, isaga oo qiray in  haweenku ay udub-dhexaad u yihiin bulshada.

Waxaa kale oo uu xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso. Xasan ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, ayna door muuqda oo wayn ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Ruto iyo Odinga oo saxiixday heshiis ka yaabiyey reer Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Xisbiga talada haya ee Kenya iyo kan mucaaradka ugu weyn ayaa kala saxiixday heshiis labada dhinacba qayb uga noqon doonaan go’aan-qaadashada siyaasadaha muhiimka ah ee dowladda, tallaabo ay dadka dhaliilayaa ku tilmaameen isku day lagu aamusinayo mucaaradka.

Madaxweyne William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka ugu weyn Raila Odinga ayaa heshiiska saxiixay Jimcihii, iyadoo taageerayaashoodu dibadbax ku sameeyeen caasimadda Nairobi.

Odinga, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Orange Democratic Movement, ayaa sheegay in heshiiska Jimcaha uusan ahayn “isbahaysi siyaasadeed cusub,” balse uu yahay heshiis gacan ka geysanaya “dhismaha dalka.”

Ruto, oo hoggaamiya xisbiga talada haya ee United Democratic Alliance, ayaa sheegay in hoggaamiyayaashu had iyo jeer qaataan go’aanno “siyaasad ahaan sax ah,” balse aan faa’iido u lahayn dadka Kenya. Waxa uu ammaanay Odinga oo uu sheegay inuu had iyo jeer qaato “go’aanno adag” oo danta dadka kale ee Kenya laga leeyahay.

“Marka asal ahaan ma jiro mucaarad baarlamaanka Kenya ku jira?” ayay siyaasiga falanqeysa arrimaha siyaasadda Nanjala Nyabola ku soo qortay X.

Hoggaamiyaha mucaaradka ee xisbiga Wiper Democratic Party, Kalonzo Musyoka, ayaa bartiisa X ku soo qoray in heshiiska Jimcuhu yahay “khiyaanadii ugu weynayd ee loo geysto shacabka Kenya.”

Waa markii afaraad ee Odinga—oo shan jeer looga guuleystay doorashada—uu heshiis la galo madaxweyne talada haya.

Odinga iyo Ruto ayaa sheegay in heshiiskoodu aanu ahayn mid xilalka dowladda lagu qaybsanayo, balse uu yahay hannaan loogu talo galay wada-tashiga arrimaha taabanaya dadka Kenya.

Odinga ayaa sheegay in heshiisku uu “ka caawin doono in xiisadda ka jirta dalka la qaboojiyo,” isagoo intaas ku daray in mucaaradku fahmeen inaan ku filneyn “in dhinac laga istaago oo la dhaliilo oo keli ah.”

“Waxaan ballanqaadnay inaan si joogto ah uga wadahadallo arrimaha taagan,” ayuu yiri Odinga.

Mucaaradka Kenya ayaa lagu dhaliilay inay aamuseen xilli dowladdu kordhisay canshuuraha isla markaana ay si xoog leh ula dhaqantay dhallinyaro mudaaharaad ku dhigayay dowladda bishii Juun 2024.

Bishii Febraayo, Odinga ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, balse waxaa ka guuleystay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mahmoud Ali Youssouf, tallaabo shaki gelisay mustaqbalka siyaasadeed ee Odinga.

Sawirro: Dagaal Calawiyiinta lagu xasuuqay oo ka dhacay Syria – Dhimashada 1,000 qof

Dimishiq (Caasimada Online) – Tirada dhimashada laba maalmood oo iska horimaadyo ay dhex marayeen ciidamada ammaanka ee Suuriya iyo maleeshiyaadka daacadda u ah madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashar Assad, iyo dilal aargoosi ahaa oo ka dambeeyay ayaa dhaaftay in ka badan 1,000 qof, sida uu Sabtidii sheegay urur la socda colaadda dalkaas.

Dhacdadan ayaa kamid ah kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dagaalka Suuriya billowday 14 sano kahor.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya (Syrian Observatory for Human Rights), oo xarunteedu tahay Britain, ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan 745 qof oo rayid ah oo badankoodu si dhow loo toogtay, 125 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka dowladda iyo 148 dagaalyahan oo ka tirsan kooxaha hubeysan ee taabacsan Assad.

Waxaa kale oo ay sheegtay in adeegyada korontada iyo biyaha la cabbo laga jaray qeybo badan oo ka tirsan magaalada Latakia iyo nawaaxigeeda.

Iska horimaadyada oo Khamiistii qarxay ayaa tilmaamaya heer cusub oo xasaradeed oo soo wajahay dowladda cusub ee Dimishiq, saddex bilood kadib markii fallaagooyinku ay xilka ka tuureen Madaxweyne Assad.

Dowladda ayaa sheegtay inay jawaab ka bixineysay weerarro ay ku eedeeyeen ciidamadii hore ee Assad, iyadoo xustay in rabshadahaasi ay ahaayeen falal shakhsiyeed oo aan nidaamsaneyn.

Dilalka aargoosiga ah ee Sunniga iyo Calawiyiinta

Dilalka aargoosiga ah oo Jimcihii ay bilaabeen maleeshiyaadka Sunniga ah ee daacadda u ah dowladda cusub, laguna bartilmaameedsaday xubnaha qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta ee taabacsan Assad, ayaa dhabarjab weyn ku ah kooxda Hayat Tahrir al-Sham, oo hoggaamisay afgembigii lagu riday xukuumaddii hore.

Calawiyiinta ayaa muddo tobannaan sano ahaa saldhigga ugu weyn ee taageerada Assad.

Dadka ku nool tuulooyinka iyo magaalooyinka ay deggan yihiin Calawiyiintu ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in maleeshiyaadka Sunniga ahi ay dilal u geysteen dad badan oo Calawiyiin ah, intooda badan rag ah, kuwaas oo lagu toogtay waddooyinka iyo iridda guryahooda hortooda.

Laba qof oo ka tirsan dadka deegaanka gobolka xeebta ayaa sidoo kale AP u sheegay in guryo badan oo Calawiyiin leeyihiin la dhacay kadibna dab la qabadsiiyay.

Waxay codsadeen inaan magacyadooda la shaacin iyagoo ka baqaya in maleeshiyaadku ay dilaan. Waxay sheegeen in kumannaan qof ay u qaxeen buuraha si ay badbaado u helaan.

Dadka deegaanka oo ka hadlay tacaddiyo dhacay

Dadka magaalada Baniyas, oo kamid ahayd meelihii ugu darnaa ee rabshaduhu ka dhaceen, ayaa sheegay in meydadku ay yaalleen waddooyinka, qaarkoodna laga tagay gudaha guryaha iyo saqafyada dhismayaasha iyadoon la aasin karin.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay dadka deegaanka ka horjoogsadeen inay qaadaan meydadka shan qof oo deriskooda ahaa oo Jimcihii la dilay.

Ali Sheha, oo 57 jir ah kana mid ah dadka ka qaxay magaalada Baniyas isaga iyo qoyskiisa saacado un kadib markii rabshaduhu qarxeen Jimcihii, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 kamid ah deriskiisa iyo asxaabtiisa xaafadda ay ku badan yihiin Calawiyiinta lagu dilay dukaamadooda ama guryahooda.

Sheha ayaa dilalkaas ku tilmaamay “dilal aargoosi ah” oo looga aar-gudanayo dambiyadii ay galeen maamulka Assad. Dad kale oo deegaanka ah ayaa sheegay in maleeshiyaadka weerarrada fuliyay ay kamid ahaayeen dagaalyahanno ajaanib ah iyo kuwa ka yimid tuulooyin iyo magaalooyin ku dhow.

“Xaaladdu aad ayay u xumayd. Meydadku waddooyinka ayay daadsanaayeen,” ayuu yiri Sheha oo telefoon kaga hadlay meel 20 kiiloomitir (12 mayl) u jirta magaalada.

Wuxuu sheegay in maleeshiyaadku ay gurigiisa u jireen wax ka yar 100 mitir, iyagoo si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furayay dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay dhacdooyin uu arkay oo ay maleeshiyaadku dadka ka codsadeen aqoonsigooda si loo hubiyo diinta iyo qabiilka qofka kahor inta aysan dilin. Guryo badan ayaa sidoo kale la dhacay lana gubay, halka gaadiid iyo hanti kalena la dhacay, ayuu intaa ku daray.

Tirada dhimashada oo sii korortay

Rami Abdurrahman, madaxa Hay’adda la socodka Xuquuqda Aadanaha, ayaa sheegay in dilalkii aargoosiga ahaa ay joogsanayeen aroornimadii hore ee Sabtida.

“Tani waxay ahayd mid kamid ah xasuuqyadii ugu xumaa intii uu socday dagaalka Suuriya,” ayuu yiri Abdurrahman, isagoo ka hadlayay dadka rayidka ah ee Calawiyiinta ah ee la dilay.

Sabtidii ayaa sidoo kale meydadka 31 qof lagu aasay xabaal-wadareed, kuwaas oo lagu dilay rabshadaha magaalada Baniyas. Waxaa la sheegay in meydadka ay ahaayeen 31 qof oo u badan Calawiyiin.

Warbaahinta dowladda Suuriya ayaa soo xigatay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegay in ciidamada ammaanku ay dib u qabteen inta badan goobihii maleeshiyaadku qabsadeen.

Waxaa sidoo kale la xiray dhammaan waddooyinka soo gala gobolka xeebta si looga hortago rabshadaha iyo in si tartiib-tartiib ah loo soo celiyo xasilloonida.

Xildhibaan Lubnaani ah oo lagu magacaabo Haidar Nasser ayaa sheegay in dad badan oo reer Suuriya ahi ay u qaxeen Lubnaan si ay nabadgelyo u helaan. Waxa uu sheegay inuusan haynin tiro sax ah oo dadka qaxay ah.

Faransiiska ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan rabshadaha ka socda Suuriya, isagoo si adag u cambaareeyay xasuuqa shacabka loo geystay, wuxuuna ugu baaqay maamulka cusub ee Dimishiq inay fuliyaan baaris madax bannaan oo degdeg ah.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo mar kale xalay qaaday tallaabo la xiriirta dagaalka

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed, wuxuuna ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in haweenku ay yihiin udub-dhexaadka bulshada, isla markaana ay si toos ah uga qayb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka.

Wuxuu sheegay inay ka shaqeeyaan wacyi-gelinta, taageerada ciidamada, iyo dhisidda bulshada deegaannada laga xoreeyey argagixisada, isagoo aad ugu mahadceliyey.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb qaataan hannaanka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka ah, oo dowladda Soomaaliya ay dhexda u xiratay inay hirgeliso.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in doorashada dadweynaha ay fursad u siinayso bulshada inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Hadalka Madaxweynaha wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Al-Shabaab ay soo qaadeen weerarro rogaal-celis ah, kuwaas oo culeys badan soo saaray gobolka Shabeellaha Dhexe, lana wareegay deegaanno muhiim ah.

Ciidamada PUNTLAND oo saldhigyo waa weyn maanta kala wareegay Daacish

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa weli sii wada howl-gallada ka dhanka ah kooxda argagixsada Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay la wareegay saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ku lahayd aagga buuraha Calmiskaad ee Bari, sida ay sheegtay Puntland.

Taliska ciidanka PMPF ayaa ka warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee dhacay, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay ku beegsadeen aagga togga Geel-lagu-qal, ayna gacanta ku dhigeen ilaa lix talis, oo ay si qarsoodi ah halkaas uga sameysatay Daacish.

Taliyaha ciidanka Gaashaanle dhexe Maxamuud Shire Maxamed oo hadal siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in talisyada ay gaareen ay ka heleen hub, rasaas, agab milatari iyo raashin ay ka carareen maleeshiyaadka argagixisada ee Daacish.

“Ciidamadu waxay maanta hawlgal ka sameeyeen meesha la yiraahdo Geel-lagu-qal, waxaana laga helay talisyo ballaaran oo ay ku dhuumaaleysan jireen Argagixisadu, oo ay ku keydsan yihiin rasaas, agab militari iyo raashin badan oo dhawr gaari qaadi karto, kuwaasi oo meelo qarsoon ay ku laabteen, waana ka soo saarnay dhammaantood geed walba oo ay galiyeen wax ciidanka ka qarsoomaya ma jiraan,” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xarumaha lala wareegay ay ku jiraan goob lagu tababari jiray dagaalamayaasha cusub ee kusoo biiraya maleeshiyada kooxda, isaga oo xusay in dhammaan ay gacanta ku hayaa xarumahaas iyo agabka ay ka carareen.

“Ilaa lix talis baan maanta helnay meesha lagu magacaabo Geel-lagu-qal, waana nadiifinay dhammaantood wixii agab millitari iyo raashin ugu keydsanaa, waxaan kale oo helnay goof dab-rid  oo ay mileeshiyaadkooda ku tababari jireen. Argagixisadu waa fulayo waxay ka carareen agabkoodii, biyihii iyo raashinkoodii,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu.

Waxaa kale oo uu taliye Maxamuud Shire uga mahadceliyay ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland, sida ay uga go’an tahay in la tirtiro kooxaha argagaxisada, lagana saaro dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Puntland haatan ku dhawaaqay wajiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, waxaana ujeedka uu yahay in laga sifeeyo deegaannada maamulkaas oo ah fadhiga ugu wayn ee kooxda.

Dagaalka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa ka qayb-galaya saaxibada caalamiga ah, sida Mareykanka iyo Imaaraadka oo duqqeymo ku taageero ciidamada Puntland.

Sawirro: Cali Guudlaawe oo gaaray aagagga Qurac-madoobe iyo Aqab-duco

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo hoggaaminayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa weli ku sugan furimaha dagaalka.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa maanta gaaray aagagga Qurac-madoobe, War-ciise iyo Aqab-duco, halkaasi oo uu soo kormeeray xaaladda ciidamada, uuna sii dhiirri-geliyey dagaalka maamulka looga sifeynayo kooxda Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo hoggaanka xaq-u-dirirka deegaanka ayaa la wadaagay madaxweynaha howl-galadii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday Shabaab-ka baxsadka ah.

“Hirshabeelle, ma ahan gabaad argagixiso waa sababta aan dhammaanteen dagaalka ugu jirno halka waa rejada shacabka Soomaaliyeed ee ah inaan ka adkaano Khawaarijta,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay khaarijinta horjoogayaal badan oo uu ka mid yahay Yuusuf Dhegnaas guul howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.

Yuusuf Dhegnaas ayaa lagu dilay kadib duqeymo culus oo ka dhacay aagga Ruun-nirgood, gaar ahaan deegaanka Ceelbacad oo hoostaga degmadaasi.

Ninkan ayaa hoggaaminayey weerarrada Al-Shabaab ay ka wadaan Shabeellaha Dhexe, wuxuuna markii la beegsaday aagga Ruun-nirgood ka waday abaabul weerar.

Si kastaba, maamulka Hirshabeelle ayaa haatan waxaa si dardar leh uga socda gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo ciidamada geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa Hirshabeelle oo kaashaanaya dadka deegaanka ay cashir ugu dhigeen dagaal-yahaanada kooxda.

Madaxweyne Cirro oo maanta tallaabo culus qaaday kadib dagaalkii Buqdharkayn

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo war cusub soo saaray ayaa qaaday tallaabo la xiriirta dagaalkii maalin kahor ay SSC-Khaatumo kula galeen deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool.

Ugu horreyn Cirro ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkaasi oo dhacay iyada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna tilmaamay inay ka dambeysay SSC-Khaatumo.

“Waan ka xumahay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday deegaan nabad u jooga. Sidaanu ballanqaadnay qaranka waanu difaacaynaa,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka jawaabi doonaan gardarro kasta iyo haddii weerar lagu soo qaado, ayna difaaci doonaan Somaliland iyo dadkeeda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale ku celiyay inay dhinaca kale baadi goobi doonaan nabadda, isla markaana ay sii wadi doonaan wada-hadallada xal raadinta ah.

“Sidaanu ballanqaadnay, qaranka waanu difaacaynaa, balse dagaal meel lagu soo qaaday naga leexinmayo in aanu nabadda doonnno. Nabadda waanu wadaynaa, difaacana waanu adkaynaynaa” ayuu markale yirhi Madaxweynuhu.

Dhankeeda SSC-Khaatumo ayaa horay sidaan oo kale uga hadashay dagaalka, waxayna mas’uuliyadda dhabarka u saartay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Cirro.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo labada maamul ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan aagga Buqdharkayn oo ah halka uu dagaalka ka dhacay.

Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan ka qarxay Ceerigaabo oo ay isku fara saareen labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac.

Si kastaba, SSC ayaa dooneyso sidii ay u qabsan lahayd deegaanno ay sheegtay inay ka maqan yihiin, halka Somaliland ay iyana rabto inay isku fidiso Sool & Sanaag oo ay isku hayaan labada maamul, waxaana dagaalkan uu kasoo bilowday magaalada Laascaanood oo hadda fadhi u ah maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ee uu hoggaamiyo Firdhiye.

Ex-Somali intel chief accuses UAE of destabilization

Mogadishu, Somalia – Somalia’s former intelligence chief, Fahad Yasin, has accused the United Arab Emirates (UAE) of exerting undue influence over the Horn of Africa nation, urging President Hassan Sheikh Mohamud to curb the Gulf state’s interference in Somali affairs.

In an interview with Risaala TV, Yasin expressed alarm over what he described as the UAE’s opaque agenda, warning that it risks destabilizing Somalia’s fragile political landscape.

Yasin, who previously headed the National Intelligence and Security Agency (NISA) under former President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as Farmaajo, claimed the UAE is simultaneously supporting rival political figures while collaborating with Mohamud’s administration.

“I don’t know what the UAE wants from Somalia or what its plans are,” he said, questioning why Mohamud appears unperturbed by this dynamic.

A web of political alliances

The UAE’s growing footprint in Somalia has long been a point of contention. During Farmaajo’s tenure from 2017 to 2022, relations with the UAE soured over Mogadishu’s neutral stance in the Gulf diplomatic crisis between Qatar and a Saudi-led bloc, which included the UAE.

The Emirates subsequently scaled back direct engagement with Somalia’s federal government, instead fostering ties with semi-autonomous regions like Jubaland and Puntland.

Yasin pointed to these regional alliances as evidence of a broader strategy. He alleged that the UAE directly backs Jubaland leader Ahmed Madobe, Puntland’s Said Deni, and Somaliland president Abdurahman Cirro, creating a network of influence that undermines national unity.

“The UAE is the common denominator for these men, yet they don’t even greet each other,” Yasin remarked, suggesting a deliberate effort to fragment Somalia’s leadership.

Ahmed Madobe, a key UAE ally, has led Jubaland since 2012, often clashing with the federal government over autonomy and resource control. Similarly, Said Deni, Puntland’s president since 2019, has maintained a tense relationship with Mogadishu, bolstered by external support.

Mohamud’s balancing act

President Mohamud, who returned to power in May 2022 after defeating Farmaajo, has sought to mend ties with the UAE. The rapprochement has included renewed cooperation in security and development, a shift from the frosty relations of the previous administration.

However, Yasin criticized Mohamud for tolerating the UAE’s dual-track approach—working with his government while allegedly empowering his rivals.

“During Farmaajo’s time, it was said dealing with the UAE was a mistake,” Yasin recalled. “Now they’re back, and I don’t understand what they’re working toward.”

He likened the UAE’s tactics to those historically employed by Ethiopia’s Tigray leadership, which he said manipulated Somali factions to maintain regional dominance.

Yasin’s sharpest rebuke was reserved for Mohamud’s apparent inaction. “Hassan Sheikh, I say this as president: these men don’t want you. They didn’t support you in your first term, and now that you’ve ended the conflict with Farmaajo, they’re cozying up—but they still don’t want you,” he said. “I don’t know why you’re allowing this.”

A history of tension

The UAE’s involvement in Somalia extends beyond politics into economic and military spheres. Since 2014, Emirati companies like DP World have managed key ports, such as Bosaso in Puntland, while the UAE has trained security forces in Jubaland and Puntland, often independently of Mogadishu’s oversight.

This decentralized approach has fueled accusations of meddling, particularly after a 2018 diplomatic spat when Somalia seized millions in cash from a UAE plane, suspecting it was intended to sway local actors.

Analysts suggest the UAE’s interest in Somalia stems from its strategic location along the Gulf of Aden, a vital shipping route, and its rivalry with Turkey and Qatar, which have deepened ties with Mogadishu.

The Emirates’ support for regional leaders like Madobe and Deni is widely seen as a counterweight to federal authority, though Abu Dhabi has denied any intent to destabilize Somalia.

Yasin concluded his remarks with a stark warning: “If the UAE’s plan is to divide Somalis, it’s already on that path. I don’t know if it has another goal—and I can’t understand it.” He urged Mohamud to demand transparency from the UAE, arguing that Somalia’s government now has the capacity to assert control over its affairs.

Somalia, still recovering from decades of civil war and battling the Al-Shabaab insurgency, faces mounting challenges in unifying its fragmented political landscape. The UAE’s role, Yasin contends, could either bolster or unravel these efforts, depending on its true intentions.

Somalia: Airstrike kills Al-Shabaab leader Yusuf Dhegnaas

Mogadishu, Somalia — Somali government forces struck a lethal blow against Al-Shabaab on Saturday, killing Yusuf Dhegnaas, a senior commander in the Middle Shabelle region, in a targeted airstrike.

The operation, executed in the El-Ba’ad area near the Ruun-Nirgood district, also wiped out over 20 militants and destroyed three of the group’s vehicles, dealing a significant setback to the extremists’ leadership.

During a late-night press conference in Mogadishu, the Somali Ministry of Defense confirmed the strike. Spokesperson Sheikh Abukar Mohamed Hassan announced that Dhegnaas, second-in-command to Al-Shabaab’s regional leader Kabakutukade, was killed while planning attacks from a base in Ruun-Nirgood.

“Tonight, we eliminated Yusuf Dhegnaas, a key figure in their operations,” Hassan said. “After a failed attempt to flee toward Galcad, a second strike finished him.”

The National Intelligence and Security Agency (NISA) reported that the airstrike torched militant vehicles loaded with weapons. Dubbed “Dhameystirka Eeyaha Naarta” (Completing the Dogs of Hell), the operation underscores Somalia’s escalating campaign to dismantle Al-Shabaab’s network in the country’s heartland.

A pivotal blow in Middle Shabelle

Middle Shabelle stretches north of Mogadishu, its fertile plains a lifeline for farmers and a longtime stronghold for Al-Shabaab.

The Al-Qaeda-linked group has waged a relentless insurgency against Somalia’s federal government since 2007, taxing locals and launching attacks from rural bases. Dhegnaas’ death marks a critical hit to the militants’ grip on the region.

Hassan described the operation as a carefully planned strike aimed at crippling Al-Shabaab’s command. “This sends a clear message: the enemy is weakening,” he told reporters. “In the days ahead, we’ll rid Shabeellaha Dhexe of this threat and free our people.”

For nearly two decades, Somalia has grappled with Al-Shabaab’s violent campaign to overthrow the government and impose strict Islamist rule.

Despite losing ground in major cities, the group retains control over parts of the countryside, striking at will against civilians, officials, and African Union troops, bolstering the fragile administration.

Saturday’s strike fits a broader pattern of success in 2025, with Somali forces—often backed by U.S. drone support—targeting high-ranking militants. The U.S. Africa Command (AFRICOM), a frequent partner in such operations, has yet to confirm its role in the El-Ba’ad attack.

Analysts say these strikes disrupt Al-Shabaab’s operations, though the group’s ability to regroup remains a challenge.

Residents expressed cautious relief in Ruun-Nirgood, a dusty district dotted with farms. “We’re tired of war,” said a local farmer, who asked to remain unnamed for safety. “They take our crops, our sons—maybe this strike brings some calm.”

The operation’s toll on civilians, if any, wasn’t addressed by officials, a recurring concern in areas where Al-Shabaab blends into communities.

The human cost of victory

The government framed Dhegnaas’ death as a triumph, yet the broader conflict continues to scar Somalia.

Middle Shabelle, a breadbasket region, has seen its people uprooted by years of fighting, their livelihoods shattered. Saturday’s strike may weaken Al-Shabaab locally, but for residents, peace feels distant.

Hassan remained resolute, vowing to build on the momentum. “The ‘Dhameystirka Eeyaha Naarta’ campaign has begun, and we won’t stop until our citizens are safe,” he said.

The killing of Yusuf Dhegnaas hands Somalia a tactical edge, but the war’s outcome hinges on sustained pressure. With Kabakutukade still at large, the government and its allies face a formidable foe. For now, the strike is a hard-won step in a conflict that has defined a generation.

Daawo: Fahad oo si yaab leh u qeexay ‘hagarta Imaaraadku ku hayo’ Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay hagar-daamada ay dalkeena ku hayso dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in Imaaraadka uu dalka ka qabto.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in uusan garaneyn wax uu ku cabiro qorshaha Imaaraadku uu ka damacsan yahay Soomaaliya, isagoo la yaab ku tilmaamay sababta uu Xasan Sheekh indhaha uga fiirsanayo farogelinta ay arrimaha Soomaaliya ku hayaan.

“Markii Farmaajo joogay waxaa la dhihi jiray Imaaraadka waa laga qaldan yahay in lala macaamilo ayey aheyd, laakiin hadda oo dib loo soo celiyey Imaaraad waxa uu ka shaqeynayo iyo qorshaha uu Soomaaliya ka leeyahay ma aqaano,” ayuu yiri.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in hadda ay Xasan Sheekh la shaqeeyaan, hadana ay ka daba shaqeeyaan, isagoo hab-dhaqankooda ku sifeeyey kii Tigraygii jooji jiray xukunka Itoobiya uu kula macaamili jiray Soomaalida.

“Imaaraad waxay gooni u wataan Axmed Madoobe, dhinac kale waxay u wataan Cabdiraxmaan Cirro iyo Saciid Deni, hadana Xasan Sheekh dhib kuma qabo sida aan aragno, marka waxaan is weydiiyaa, Xasan ma danbuu ku qabaa, mise wax aanaan anagu ogeyn buu ogyahay?” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Wuxuu sheegay in cidda maanta fashilineysa xukunka Xasan Sheekh ay tahay Imaaraadka oo kaliya, wuxuu tusaale u soo qaatay in ragga ay isku hayaan siyaasadda, sida Axmed Madoobe ay toos ugu xiran yihiin Imaaraadka.

“Sababta aan u leeyahay ma aqaan waxa ay Imaaraadku ka rabaan Soomaaliya waa hal arrin, qiblada ay isugu tagaan oo la macaamilaan Axmed Madoobe, Saciid Dani, Cabdiraxmaan Cirro iyo kuwo kaleba waa Imaaraadka, in kastoo Cirro qiimeyn u baahan yahay, hadana Muuse intii uu joogay saaxiib ayey la ahaayeen, ragga aan soo tiriyey ee Imaaraadka qiblada ka wada dhigtay, mid midka kale salaama kuma jiro,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa su’aal geliyey sababta Imaaraadka ay rabitaankooda u cadeysa la’yihiin, maadaama dowladda Soomaaliya ay hadda awood leedahay wax kastana loo fulin karo.

“Xasan Sheekh waxaan leyahay Madaxweyne nimanku kuma rabaa, teeramkaagii horena kuma rebin, hadda markii aad ka xalisay dagaalkii Farmaajo la galay unbay kula saaxiibeene nimankaan kuma rabaan, ma garanaayo sababta aad ugu samreyso,” ayuu yiri.

Wareysigaan oo dheeraa qeybta uu uga hadlay arrinta Imaaraadka wuxuu ku soo gabagabeeyey Fahad Yaasiin, “Hadii qorshaha Imaaraadka uu yahay in Soomaalida la kala qeybiyo, waa uu hayaa wadadaas, hadii uu damacsan yahay qorshe kale, anigu ma ogi, waana fahmi la’ahay.”

Hoos ka daawo.

 

Daawo: DF oo caawa dishay ku xigeenkii Kabo-kutukade – Maxaa ka dhacay Sh/Dhexe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in la dilay ku xigeenkii Horjoogaha Khawaarijta ee gobolka Sh/Dhexe, kaas oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf Dhegnaas, kadib duqeymo culus oo ka dhacay aagga Ruun-nirgood.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Sheekh Abuukar Maxamed Xasan, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shaaciyey in ninkaas lagu dilay duqeyn caawa laga fuliyey deegaanka Ceelbacad oo hoos taga degmada Ruun-nirgood.

Horjoogaha caawa la dilay ayaa hoggaaminayey weerarrada Al-Shabaab ay ka wadaan Shabeellaha Dhexe, wuxuuna markii la beegsaday aagga Ruunnirgood ka waday abaabul weerar.

Sidoo kale NISA oo war ka soo saartay duqeymaha lagu dilay horjoogahaas ayaa sheegtay in lala dilay in ka badan 20 maleeshiyaad ah, sidoo kalena lagu gubay gaadiid dagaal oo Shabaab lahaa.

Afhayeenka Gaashaandhigga ayaa sheegay in horjoogaha la dilay uu ka hooseeyey Kabakutukade oo ah horjoogaha guud ee Khawaarijta u qaabilsan gobolka Sh/Dhexe.

“Dilka dhagarqabe Yuusuf Dhegnaas oo ka hooseeyey Kabakutukade ayaan caawa ugu bishaareynayaa umadda Soomaaliyeed, xitaa waxay isku dayeen inay dhaawaciisa badbaadiyaan oo gaari ayaa lagula cararay dhinaca Galcad, balse mar kale ayaa la duqeeyey, waana la dhameystiray,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan aad loo qorsheeyey isla markaana la doonayo in maalmaha soo socda lagu soo afjaro khatarta kooxda Al-Shabaab ee ka jirta qeybo kamid ah Sh/Dhexe.

“Waxaan idinkugu bishaareynayaa in cadowga jab xoog leh uu gaaray, waxaa bilowday howlgal loogu magac daray ‘Dhameystirka Eeyaha Naarta’ maalmo kooban ayaan shacabkeena uga dul-qaadi doonaa dhagarta cadowgaan,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sheekh Abuukar oo caawa shir jaraa’id qabtay.

Hoos ka daawo muuqaalka

Daawo: DF oo ku daba-jirta saraakiil xogta dagaalka u gudbisay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabagal ku hayso saraakiil xogta dagaalka siiya kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in saraakiisha la tuhunsan yahay oo darajooyin haysta laga fariisiyey shaqada, isla markaana ay ka sheekeeyaan maqaayadaha, iyagoo ka shaqeeya qalqal gelinta bulshada.

Wuxuu si cad u sheegay in saraakiishaas ay xogta toos ula wadaagaan Al-Shabaab, iyagoo u sheegaya deegaanada laga soo baxay, khasaaraha dhacay iyo dhinacyada ay ka jilicsan tahay dowladdu, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Saraakiisha la fadhiisiyey ee Al-Shabaab xogaha siiya ee dhahaayo meel hebel ayaa laga soo dhaqaaqay ee maqaayadaha fadhiya waa daba galeynaa, darajadooda ayeyna waayi doonaan,” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali Cabdi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa farriin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay shacabka niyad jabiyaan Shabaab-na si dadban ugu muujiyaan taageero, iyagoo ku xumeynaya madaxda dowladda.

“Siyaasiyiinta qaar ayaa liidnaasho dhanka dowladda ah ka raadiya dagaalka Khawaarijta, waxaa jira meelo kale oo gaabis ka jiro oo dowladda lagu dhaliili karo, laakiin amnigu waa muhiim, Al-Shabaab maanta waa u simanahay ninka mucaaradka ah ee guul daradeena ku raaxeysanaya iyo aniga oo dagaalka toos ugu jira, qof kasta dil ayuu ugu xukuman yahay kooxdaas,” ayuu yiri.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali, ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah weydiiyey “Hadii dagaalkaan aad dhex dhexaad ka noqoto halkee rabtaa berri inaad xukunto, walaalayaal aan u midowno dagaalka cadowgeena” ayuu yiri.

Sidoo kale wasiirka ayaa aad u amaanay ciidamada daraawiishta Puntland iyo shacabkooda ku garab istaagay dagaalka, wuxuuna u rajeeyey inay ka guuleystaan kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad ay ka xoreynayaan.

Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa digniin u diray shacabka ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan, isagoo u sheegay in duqeyn culus lagu bilaabayo kooxda, kana dalbaday inay ka fogaadaan.

Hoos ka daawo.

Khamenei oo soo jawaabay kadib warqadii uu Donald Trump sheegay in uu u diray

Tehran (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, ayaa maanta cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “xoog-sheegasho,” maalin kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu hanjabay Iran tallaabo milatari.

“Dowladaha xoogga wax ku raadiya— runtii ma heli karo erey ka habboon qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta shisheeye in aan ku tilmaamo xoog-sheegad—ayaa ku adkaysanaya wadaxaajood,” ayuu Khamenei u sheegay mas’uuliyiin sare, isagoo ka jawaabayay hadalkii Trump ee ku saabsanaa suurta-galnimada tallaabo milatari haddii Iran ay diiddo inay wadahadal ka gasho barnaamijkeeda nukliyeerka.

Khamenei ayaa tilmaamay in dowladaha awoodda leh ay doonayaan inay Iran ku soo rogaan shuruudo cusub oo aan macquul ahayn.

“Waxay soo bandhigayaan shuruudo cusub oo ay og yihiin in aanay Iran aqbali karin,” ayuu yiri isagoo aan si toos ah u magacaabin Maraykanka ama aan tixraacin warqadda Trump.

Jimcihii, wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa waraysi uu siiyey AFP ku sheegay in Tehran aysan galayn wax wadahadal ah inta lagu jiro “cadaadiska ugu sarreeya,” inkasta oo uusan si toos ah u xusin warqadda Trump.

Xiisadaha Maraykanka iyo Iran ayaa sii xoogeystay tan iyo markii Trump uu 2018 ka baxay heshiiskii nukliyeerka Iran ee loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ah ee Dhammaystiran (JCPOA), kaas oo 2015 dhexmaray Tehran iyo waddamada reer Galbeedka.

Heshiiskaas ayaa Iran u ballanqaaday fududeyn cunaqabatayn dhaqaale, beddelkeedana waxaa lagu xaddiday hawlaheeda nukliyeerka. Tehran ayaa muddooyinkan dambe wadahadallo diblomaasiyadeed kula jirtay saddexda waddan ee Yurub—Britain, Faransiiska iyo Jarmalka—si xal looga gaaro murannada nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, Khamenei ayaa maanta sidoo kale cambaareeyey dalalka reer Galbeedka isagoo yiri, “Waxay nagu eedaynayaan inaanan fulin ballanqaadyadii JCPOA, laakiin idinku, miyaad fuliseen ballanqaadyadiinii JCPOA?”

– Ujeedo nabadeed –

Khamenei ayaa sheegay in Iran ay muddo sanad ah oofisay ballanqaadyadeedii heshiiska, balse aysan jirin waddo kale oo u furneyd oo aan ahayn inay dib uga laabato qaar kamid ah ballanqaadyada heshiiska, taas oo ka dhalatay sharci cusub oo baarlamaanka dalkaasi uu ansixiyay.

Saraakiisha Maraykanka ayaa hadda qiyaasaya in Iran ay awood u leedahay inay hub nukliyeer ah ku samaysato toddobaadyo gudahood haddii ay go’aansato. Tehran ayaa si joogto ah u beenisa inay doonayso hub nukliyeer ah, iyadoo mar walbana sheegta in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.

Dowladda Iran ayaa sidoo kale si xooggan uga soo horjeesatay wadahadallo cusub oo lala yeesho Washington, iyadoo Khamenei uu sheegay in “aysan ahayn arrin caqli-gal ah” inay dib ula fariistaan Maraykanka kadib markii Trump uu “burburiyey, jebiyey, oo uu ka baxay heshiiskii 2015.”

Sanadkii 2019, muddo sanad ka badan kadib markii Trump uu ka baxay JCPOA, Ra’iisul-wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo Iran iyo Maraykanka, balse Khamenei ayaa gebi ahaanba diiday inuu wadahadal cusub la galo Washington.

Somalia offers Al-Shabaab amnesty, warns civilians

MOGADISHU, Somalia – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has issued a dual message, extending an offer of amnesty to young Al-Shabaab fighters while simultaneously warning civilians to evacuate areas controlled by the militant group ahead of anticipated military offensives.

Speaking after Friday prayers at the presidential mosque in Mogadishu, Mohamud appealed directly to Al-Shabaab members, promising a path to reintegration and a “better life” if they surrender. He also cautioned against disseminating the group’s propaganda.

“On this blessed Friday of Ramadan, I want to offer amnesty to those young men misled by the Khawarij [a term used by the Somali government to refer to Al-Shabaab]. You will not be humiliated; come out,” he declared.

Amnesty and reintegration efforts

The president’s amnesty offer underscores the government’s strategy of combining military pressure with opportunities for defection. He pledged that those who surrender would be treated with respect and given resources to rebuild their lives.

“We promise them a good life if they peacefully leave the terrorists,” he stated.

This call comes as Somali forces, bolstered by local militias, intensify operations in key regions like Middle Shabelle, aiming to dismantle Al-Shabaab strongholds.

In a stark warning to civilians, Mohamud urged them to distance themselves from Al-Shabaab positions, citing imminent aerial and ground bombardments.

“I tell the Somali people, stay away from any place where the Khawarij are. There will be aerial and ground bombardments, so move away to avoid harm,” he cautioned.

Warning against propaganda 

He also addressed the dissemination of Al-Shabaab propaganda, condemning those who amplify the group’s messages, including both Somali citizens and foreign actors.

“The propaganda currently circulating belongs to the Khawarij. Unfortunately, they have found those who carry their message everywhere, Somalis and foreigners,” he said.

“There are many Somali people who fear peace, development, and the light we are heading towards. We say, may Allah guide them.”

Highlighting recent gains by the Somali National Army, Mohamud emphasized the sacrifices of soldiers engaged in frontline combat.

“Today, on Friday, Somali sons are shedding blood in the hot sun and drought, standing against the enemy,” he said. He reaffirmed the government’s resolve to continue its operations, dismissing Al-Shabaab’s propaganda as futile.

He also strongly appealed for national unity in the fight against the militant group.

“Honorable Somali citizen, I tell you, do not engage with Al-Shabaab, do not live with them, do not rent their houses, stay away from them. The enemy can only be defeated through unity, so let us unite and support the national heroes in uniform or Macawis, who are standing to eliminate Al-Shabaab,” he stated.

Macawis refers to the traditional Somali sarong worn by some local militia.

Al-Shabaab, an al-Qaeda-linked group, has been waging a protracted insurgency against the Somali government for over a decade, aiming to establish a strict Islamic state.

The government’s renewed offensive, supported by international partners, reflects a concerted effort to weaken the group’s grip on remaining territories.