25.8 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Somalia’s President in UAE to seek aid amid financial strife

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Abu Dhabi on Sunday to press UAE President Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan for urgent financial and military support. Somalia is fighting a resurgent Al-Shabaab insurgency and a worsening economic crisis.

The unannounced visit, hosted at Qasr Al Bateen, highlights Mogadishu’s desperate bid to secure aid amid delays in the UAE’s response to Somalia’s recent plea for assistance.

The meeting included top Emirati officials, such as Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, Deputy Prime Minister and Chairman of the Presidential Court, and Sheikh Hamdan bin Mohammed bin Rashid Al Maktoum, Dubai’s Crown Prince and UAE Defense Minister.

According to the UAE’s state news agency WAM, the leaders exchanged Ramadan greetings and discussed deepening “fraternal ties” to advance Somalia’s stability and development.

“The talks focused on strengthening bilateral cooperation, particularly efforts to enhance Somalia’s growth and security,” WAM stated.

Somalia’s mounting challenges

Sources told Caasimada Online that Somalia recently sought significant aid from the UAE, including emergency funds to address a budget deficit and military support—such as airstrikes—to counter Al-Shabaab’s territorial gains.

The Al-Qaeda-affiliated group has escalated its campaign in 2025, exploiting the Somali Federal Government’s (SFG) financial woes. The U.S. decision to cut funding for Somalia’s elite Danab Brigade, a key counterterrorism unit, has deepened the shortfall, weakening security forces.

According to WAM, Mohamud praised the UAE’s “crucial role” in Somalia’s pursuit of stability and prosperity.

“We are grateful for the UAE’s consistent support, which has been vital to our people’s aspirations,” he said, according to a statement relayed by Somalia’s presidential office.

Yet, the visit’s urgency suggests a broader mission: to unlock immediate resources to prevent a collapse of Somalia’s fragile state infrastructure.

During Mohamud’s first term (2012-2017), Emirati aid surged, supporting infrastructure and security projects.

However, strains have emerged. In April 2018, Somali forces confiscated $9.6 million from a UAE plane at Mogadishu airport, suspecting it was intended to destabilize the government—a claim Abu Dhabi denied.

Relations strengthened again after Mohamud’s 2022 re-election, with the UAE providing drones and training to combat Al-Shabaab in 2023. In response, the UAE suspended a military training program, only resuming support after Mohamud’s return to power.

A turning point came in February 2024, when Al-Shabaab attacked the General Gordon camp in Mogadishu, killing four Emirati soldiers and a Bahraini officer.

The assailant, a Somali soldier trained by the UAE, raised alarms in Abu Dhabi about the management of its investments. “The incident exposed vulnerabilities in how our aid is utilized,” an Emirati official told Reuters anonymously last year, signaling a shift in UAE policy.

Regional tensions and strategic interests

The UAE’s expanding ties with Somalia’s semi-autonomous regions, notably Somaliland, have fueled friction. In February 2025, Somaliland President Abdirahman Irro attended Dubai’s World Governments Summit, lobbying for international recognition.

Somalia’s Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi condemned the move as “a direct affront to our sovereignty,” per a statement on SNTV. Yet, Deputy Foreign Minister Ali Balcad struck a conciliatory tone on March 9, telling SNTV, “Our partnership with the UAE remains strong despite these challenges.”

Somalia’s location along the Gulf of Aden, near the Bab el-Mandeb Strait—a chokepoint for 10% of global oil trade—makes it a strategic asset for the UAE.

Abu Dhabi has invested heavily in the region, including a $442 million deal with DP World in 2016 to develop Somaliland’s Berbera port.

This aligns with the UAE’s broader goal of securing the Horn of Africa against piracy and Iranian influence, though it stokes Mogadishu’s fears of Emirati support for secessionist agendas.

Mohamud’s visit seeks to reverse a decline in UAE support since the Gordon camp attack. According to Caasimada Online sources, Abu Dhabi has hesitated to respond to Somalia’s latest request, citing concerns about transparency over past funding.

The UAE has increasingly pivoted to regional players like Puntland and Somaliland, exemplified by Irro’s warm reception in Dubai. This shift and Balcad’s softened rhetoric underscores Mogadishu’s dire straits.

Xog: Imaaraadka oo ka soo jawaabi diiday codsiga DF iyo Xasan oo aaday Abu Dhabi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo ay soo wajahday dhaqaale-yari baahsan ayaa maalmo ka hor kaalmo lacageed weydiisatay dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo weliba codsigeeda ku dartay in degdeg looga soo jawaabo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Imaaraadka ayaa la soo daahay jawaabtii, waxaana maanta safar qarsoodi ah ku baxay Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka aaday, si toos ahna u soo weydiisto waxa ay Soomaaliya ka rabto Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Imaaraadka ka codsatay kaalmo dhaqaale oo degdeg ah iyo taageero militari oo duqeymo u badan, maadaama Khawaarijta Al-Shabaab ay soo qaaday weerar rogaal-celis ah.

Lacagta ay Soomaaliya Imaaraadka ka codsatay waa mid badan, waxaana baahiyaha ay qoratay ka mid ah dhaqaale ay u rabto ciidamada Danab oo Mareykanku taageeradii ka jartay iyo kab miisaaniyadeed; sidoo kale duqeymo iyo saanad militari ayey Soomaaliya weydiisatay Imaaraadka.

Ilo wareedyada xogtan siiyey Caasimada Online waxay xaqiijiyeen in Imaaraadku ka cagajiiday inuu ka soo jawaabo codsigii Soomaaliya, taasina ay sababtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safar degdeg ah ugu baxo Abu Dhabi.

Dowladda Imaaraadka ayaa si weyn u taageertay Xasan Sheekh bilowgii muddo-xileedkiisa labaad, waxayna dhaqaale badan ku bixiyeen baahiyihii jiray Soomaaliya, balse waxay mar dhexe ka caroodeen daah-furnaan la’aan ay ka dareemeen habka loo maamulo lacagihii ay ku bixin jireen dhinacyo badan oo amniga Soomaaliya ah.

Ciidamo badan oo kuwa suga amniga Caasimadda Muqdisho ay ugu horreeyaan ayuu Imaaraadku Soomaaliya u tababaray. Markii ay shaki ka muujiyeen qaabka loo maamulo dhaqaalaha ay bixiyaan, waxay saraakiil muhiim ah oo Imaaraati ah u xilsaareen baaritaan, balse waxaa lagu dilay xerada Jeneraal Gordan, waxaana dilay askari la aaminsan yahay in markii hore uu Shabaab ka yimid, kana mid ahaa ciidankii xeradaas tababarka ku qaadanayey.

Wixii ka dambeeyay markii shilkaasi dhacay, Imaaraadka ayaa hoos u dhigay taageeradii xad-dhaafka ahayd ee xukuumadda Xasan Sheekh, waxayna bilaabeen inay kor u soo qaadaan maamul-goboleedyada, heer ay gaareen in toddobaadyo ka hor ay waddan ahaan u casuumaan Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Dowladda Soomaaliya ayaa iska indhatiraysa daandaansiga Imaaraadka iyo xadgudubka ay mararka qaar kula kacayaan madax-bannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya. Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda, Cali Balcad, ayaa maalin ka hor SNTV ka sheegay in wax dhib ah aysan ku qabin hab-dhaqanka Imaaraadka.

Xog: Fahad iyo Kheyre oo ku kulmay Nairobi – Maxaa socda?

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta soo qabanqaabiyay kulan afur ah oo uu la yeeshay Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, iyo Xildhibaan Aadan Qoryooley oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kheyre ayaa horey u joogay Nairobi, halka Fahad Yaasiin uu maanta tegay, isagoo qorsheynaya inuu halkaas ku soo bandhigo buug uu dhowaan qoray.

Fahad Yaasiin, Xasan Cali Kheyre, iyo Xildhibaan Aadan Qoryooley ayaa kulankan kaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo marxaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo dagaalka Khawaarijta.

Fahad iyo Kheyre ayaa muddo saddex sano ah wada shaqeynayay xilligii Farmaajo, iyadoo ugu dambeyn xilka laga tuuray kadib markii uu isku dhacay Farmaajo iyo Kheyre.

Sida ay ilo-wareedyo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, kulankii galabta ay xubnahani ku yeesheen Nairobi wuxuu ku koobnaa is xogwareysi, iyadoo uusan jirin qorshe siyaasadeed oo weyn oo dhinacyadu isku garteen inay wada fuliyaan.

Dhowaan, Fahad Yaasiin oo bixiyay wareysi dheer ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo si weyn u dhaliilay hoggaaminta Xasan Sheekh, kana sheekeeyay arrimo dhowr ah oo uu ra’yigiisa ku cabiray.

Fahad ayaa hadda Nairobi u jooga inuu soo bandhigo buug uu ka qoray taariikhda wanaagsan ee Nabi Muxamed (NNKH), kaasoo uu dhowaan gabagabeeyay qormadiisa.

Daawo: Sheekh Shariif oo shaaciyey arrin DF diiday in ay u ogolaato oo la xiriirta…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalka ka socda Shabeellaha Dhexe iyo xubnaha Shabaab-ka ah ee soo galay deegaannada ay degto beeshiisa.

Sheekh Shariif ayaa caddeeyey in uu door ka qaadan doono dagaalka, isaga oo dowladda federaalka ku dhaliilay in aysan wax fursad ah u oggolaan mucaaradka si ay uga qeyb galaan dagaalka.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa dhaliilay dowladda federaalka, isagoo sheegay in aysan diyaarin qorshe ciidan oo looga hortegi karo weerarrada kooxda. “Dalkan ciidan kuma yara, laakiin hoggaan kuma jiro,” ayuu yiri.

“Ciidamada dowladda maanta tiro iyo hub kuma yara, laakiin haddii dagaalku dheeraado oo qaladaadka dhacaya aan la sixin, ciidanku waa daalaa, cadowguna wuxuu ka faa’iidaysanayaa dulduleelka jira. Waxaan aaminsanahay in ciidankeennu yihiin geesiyaal waayey garabkii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa su’aal ka keenay sababta ay dowladda u ogaan weysay maalmaha ay Shabaab ka dhisayeen buundada deegaanka Oobaale oo hoos taga degmada Mahadaay, halkaas oo NISA xalay shaacisay in duqeyn lagu burburiyey.

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif, ayaa madaxda dowladda federaalka kula taliyey in dib loo abaabulo ciidamada, lana magacaabo saraakiil karti leh oo hoggaanka la wareega.

“Haddii aan dowladda talo siino waa nala dhibsadaa, haddii aan ka aamusnana waa nala dhibsadaa. Annaga iska daaye, dowladihii waaweynaa ee ciidankeena wax ka dhisay ayaa xogaha amni ee ay bixinayaan la dhibsaday oo aan la tixgelin kaalintooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Shariif.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa sheegay in caburinta ay dowladda federaalku waddo ay gaartay heer ay kala fogaadaan dowladihii taageerayay dhismaha dowladnimada iyo qalabeynta ciidamada qaranka.

“Farriimaha amniga ee ay soo gudbiyaan dowladaha saaxiibadeen ah waa in lagu dhaqmaa, yaana dhinacyo kale loo fasirin. Wixii laga digayana waa in la iska ilaaliyo in ay dhacaan,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda ay ka gaabisay waxyaabo badan oo lagama maarmaan u ahaa dagaalka Khawaarijta, sida in loo gurmado ciidamo u baahnaa gurmad, in hub la siiyo ciidamada dagaalka ku jira, iyo in laga hortago Shabaab-ka ka gudbaya webiga oo buundo sameysanaya.

Hoos ka daawo

Xog ka cusub shidaalka laga sahminayo Soomaaliya iyo halka ay wax marayaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday.

Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya, taasoo ka dhigan in badankeedu soo idlaatay.

Wasiir Daahir Shire oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay sahminta ay badankeeda soo idlaatay.

“Baaritaan ayaa lagu jiraa, illaa hadda xogtii la raadinayay ee 3D ahayd waxay maraysaa 70%, waana markii ugu horreysay ee geyiga Soomaaliyeed laga sameeyo baaritaan noocaan ah,” ayuu yiri Wasiirka Shidaalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray: “Hadda warbixinnada hordhaca ah ee aan hayno waxay sheegayaan in Soomaaliya noqon karto mustaqbalka dhow dal helay shidaal.”

Marka laga soo tago Turkiga, Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta ah la gashay dalka Azerbaijan.

Goorta la soo gabagabeynayo sahminta shidaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii sanadkan shaacisay in bisha April ee 2025 ay noqon doonto waqtiga kama dambaysta ah ee la soo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya, taasoo uu haatan wado dalka Turkiga oo soo diray markab sameynaya baarista.

“April ayaan la soo gabagabeyn doonaa sahminta shidaalka haddii aysan imaan caqabado dib u dhac keeni kara,” sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan.

Wuxuu intaas ku daray: “Sida aan isku afgaranay Turkiga sahminta wada, haddii aysan caqabado imaan, waxaan dejinay qorshaha ah inaan Abriil soo gabagabeyno. Waa in la ogaadaa dabayaaqada bisha goobta saxda ah ee la qodi doono shidaalka.”

Kadib sahminta shidaalka maxaa xiga?

Marka ay soo dhammaato howsha sahminta, waxaa lagu dhaqaaqi doonaa qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Badda Soomaaliya waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, kuwaas oo aan badankood sahmin lagu sameyn sababo la xiriira walaaca dhanka amniga iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Horraantii sanadkii tegay ee 2024 ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkiga gaareen heshiis lagu sahminayo shidaalka iyo macdanta kale ee badda ku jirta.

Dabayaaqadii isla sanadkaas, markabka baaritaanka ee Turkiga, Oruç Reis, ayaa soo gaaray dekedda Muqdisho, wuxuuna ruqaansaday goobaha loo arko inay ku habboon yihiin baarista, si loo sumadeeyo meelaha lagu arko kheyraadka la qorsheynayo in la soo saaro.

Marka la helo natiijo la isku halleyn karo, kadib ayaa la guda geli doonaa soo saarista shidaalka, sida uu dhigayo heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga.

Clan clashes kill 12 in Somalia’s Sanaag region

Erigavo, Somalia – At least 12 people were killed and several others injured in heavy clan fighting that erupted on Monday in the Dooxada Dureere area of Somalia’s Sanaag region, local sources reported.

The clashes, involving two rival clan militias, have intensified tensions in a region already strained by recurring tribal disputes and political rivalries.

The violence occurred in Dooxada Dureere, a valley within the Ceerigaabo district of Sanaag, according to Caasimada Online sources. The two militias reportedly used various weapons during the confrontation, affecting both fighters and civilians nearby.

Local authorities confirmed a death toll of at least 12, with injuries exceeding that number, though exact figures remain under verification.

Regional officials and a delegation led by Sultan Said Sultan Abdisalam, a traditional elder, arrived at the scene to mediate and prevent further escalation.

“Efforts are ongoing to halt the conflict,” a Sanaag administration official stated, speaking anonymously due to the ongoing situation. The clashes have raised concerns of potential reprisals in the area.

History of clan violence in Sanaag

In recent years, Sanaag has experienced frequent clan-based conflicts, often centered in and around Erigavo, the regional capital. These disputes typically stem from competition over land and resources, disrupting local communities.

The latest incident follows a series of similar clashes in the region, with historical tensions periodically flaring into violence.

The Somali term “maleeshiyo-beeleed” refers to clan militias, armed groups loyal to specific tribal affiliations rather than a centralized authority.

Such militias have long played a role in local power dynamics across Somalia, particularly in areas with limited government presence.

Sanaag lies within a contested zone claimed by Somaliland, a self-declared independent state since 1991, and the SSC-Khatumo administration, established in 2023 after splitting from Somaliland.

Somaliland maintains administrative control over much of Sanaag, including Erigavo. At the same time, SSC-Khatumo seeks to assert authority over parts of Sanaag and neighboring Sool, aligning itself with the Federal Government of Somalia (FGS).

The political rivalry has complicated security in the region.

In 2023, fighting in Las Anod, a city in Sool, between Somaliland forces and SSC-Khatumo militias resulted in significant casualties. It displaced over 150,000 people, according to a UN report.

While there is no direct link between Monday’s clan clash and this broader conflict, the overlapping tensions contribute to Sanaag’s instability.

Geographical context of Sanaag

Sanaag is located in northern Somalia, bordered by the Gulf of Aden to the north and Sool to the south. Dooxada Dureere, a remote valley, connects rural areas to Erigavo, the region’s administrative hub, making it a focal point for local disputes.

The region’s rugged terrain and strategic position have historically shaped its role in territorial struggles.

Sultan Said Sultan Abdisalam, a respected figure among the Warsangeli clan, leads the traditional delegation tasked with brokering peace.

Regional authorities from Somaliland’s Sanaag administration are also involved, aiming to stabilize the situation. Their presence reflects a combined approach of customary and formal governance to address the violence.

The clashes underscore the challenges facing Sanaag, where clan militias operate with significant autonomy.

The Sanaag administration has struggled to prevent such incidents, with past efforts yielding temporary truces rather than lasting solutions.

The latest violence adds to a pattern of unrest that has disrupted civilian life in Ceerigaabo and surrounding areas.

Data from the Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED) indicates that clan-related violence in northern Somalia has persisted into 2025, with Sanaag among the affected regions.

Humanitarian agencies have noted disruptions to local populations, though specific impacts from Monday’s clash are still being assessed.

A BBC report from February 2025 highlighted the FGS’s ongoing efforts to mediate between Somaliland and SSC-Khatumo, though progress remains slow.

As of March 10, 2025, the situation in Dooxada Dureere remains fluid, with mediation efforts ongoing to avert further bloodshed in Sanaag.

Madaxda DF oo isku khilaafsan xadgudubka uu ku kacay Imaaraadka – Sidee?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib xadgudubkii ay Dowladda Imaaraadka Carabta kula kacday qarannimada Soomaaliya, waxaa soo ifbaxay khilaafka ka dhex jira madaxda Dowladda Federaalka ee ku saabsan sida looga falcelinayo arrintaas.

Labada masuul ee ugu sarreeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Cali Balcad, ayaa si kala duwan uga hadlay arrintan. Balcad wuxuu hoos u dhigay saameynta xadgudubka Imaaraadka, halka Fiqi uu ku gooddiyay in la qaadi doono tallaabooyin jawaab ah.

Labada nin, oo mid walba muujinaya in uu hadalkiisa ku metelayo Dowladda Federaalka, ayaa qayb ka ah jahawareerka siyaasadda dibadda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxa ay arrintani muujinaysaa sida madaxda sare ee dowladda ugu kala aragti duwan yihiin in tallaabo adag laga qaado Imaaraadka, kaas oo dhawaan sidii dal madax-bannaan ugu casuumay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, shir ka dhacay Dubai.

Fiqi iyo qaadista tallaabo jawaab ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa caddeeyay in aysan oggolaan doonin faragelin, kadib xadgudubkii qarannimo ee bartamihii Febraayo ka dhacay Dubai, halkaas oo Somaliland loogu yeeray “Dal iyo Jamhuuriyad,” iyada oo ay tahay maamul-goboleed ka mid ah Soomaaliya.

Inkasta oo Fiqi hoos u dhigay maqaamka la siiyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro—oo uu ku tilmaamay mid la mid ah hoggaanka dowlad-goboleedyada kale—haddana wuxuu muujiyay in lagama maarmaan tahay qaadista tallaabooyin looga hortagayo faragelinta Imaaraadka.

“Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya oo tabasho qaba, waxaana naga go’an in aan is faham ku xallino. Tegista Cirro ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta waa iska socodka dowlad-goboleedyada oo kale,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wuxuu intaas ku sii daray: “Xidhiidhka Imaaraadka Carabta se tallaabooyin ayaan qaadaynnaa, mana oggolin faragelin.”

Balcad: Looma baahna wax tallaabo ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in casuumaaddii Cirro aysan waxba u dhimi doonin xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in Imaaraadka uu yahay mid ka mid ah dalalka sida weyn Soomaaliya uga taageera dhismaha ciidamada.

“Anaga iyo Imaaraadka xiriir taariikhi ah baa naga dhexeeya. Waa dal ay Soomaalidu u badbaadeen xilligii dagaallada, halkaas ayeyna ganacsigooda kasii wateen. Ganacsiga caalamiga ah ee ugu weyn ayuu ku xiran yahay Imaaraadka, shirkadaha ugu badan ee Soomaalida halkaas ayey kasoo faracmeen. Marka dhanka ganacsiga, xiriir aad u weyn baa naga dhaxeeya,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wuxuu intaas ku sii daray: “Dhanka siyaasadana, Imaaraadka wuxuu ka mid yahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageeray dhismaha amniga.”

Balcad wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay soo dhoweynayso ka-qaybgalka maamul-goboleedyada, oo ay ku jirto Somaliland, shirarka lagu horumarinayo ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee, Balcad wuxuu gebi ahaanba iska indho tiray culeyska tallaabada Imaaraadka, taas oo lagu macneeyay in ay “garab-siineyso kala-go’a Soomaaliya,” maadaama Somaliland la siiyay maqaam aan caalamku u aqoonsaneyn, xadgudubna ku ah qarannimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa hore ula dagaashay Itoobiya kaddib markii Somaliland ay la gashay is-afgarad dhanka badda ah, kaas oo Madaxweynihii hore ee Somaliland sheegay in ay ku beddesheen aqoonsi.

Tallaabada Imaaraadka Carabta ayaa sida muuqata wax badan ka duwanayn wixii hore loola dagaallamay Addis Ababa, oo iyadu ku xadgudubtay qarannimada Soomaaliya, inkasta oo ay markii dambe dib uga joogsatay is-afgaradka Somaliland.

Xogta howlgal qorsheysan oo ciidanka dowladda ay ku dileen Daa’uud Maleele

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen aagga degmada Afgooye ee gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday horjooge ka tirsanaa Shabaab.

Howlgalka oo ay qaadeen ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, ayaa lagu khaarijiyay sarkaalka la weeraray oo magaciisa lagu sheegay Daa’uud Maxamed Maleele, kaas oo dhibaato weyn ku hayay dadka deegaanka.

Daa’uud Maleele ayaa kooxda argagixisada ah u qaabilsanaa waxa ay Khawaarijta ugu yeeraan Zakawaatka iyo sidoo kale sahanka deegaanka Beledul-Amiin oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo toogasho lagu soo dilay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay dilka horjoogahan ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa nin halis badan oo dadka dhibi jiray aagga deegaanka Beledul-Amiin, balse haatan laga hor leexiyay shacabka, lana soo khaarijiyay.

“Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhagarqabe Daa’uud shartiisa ka hor leexiyay shacabka Soomaaliyeed, kuna khaarijiyay deegaanka Beledul-Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aaddan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegteen Guutada 14-ka October ee maanta ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ka sii wadaan duleedka degmada Afgooye, kuwaas oo looga hortegayo Al-Shabaab.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaa weerarada ay ku qaado fariisimaha ciidamada.

Waxaa sidoo kale Al-Shabaab ay gobolkan kusoo diyaariyaan inta badan qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee ay ka fuliso gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Somalia denies President’s speech rebutted US warning

Washington (Caasimada Online) – Somalia on Sunday dismissed suggestions that President Hassan Sheikh Mohamud’s speech on national security was a rebuttal to a recent US warning of potential Al-Shabaab attacks in Mogadishu, calling it a routine address amid escalating efforts to counter the Islamist insurgency.

The statement aims to clarify public speculation linking the US alert, issued earlier this month, to Mohamud’s subsequent Friday sermon, as the Horn of Africa nation faces mounting pressure from the Al-Qaeda-linked group.

Somali Ambassador to the United States, Dahir Arab, told VOA Somali that Mohamud’s address on March 7 was a general update on Somalia’s security gains, not a response to the US Embassy’s warning.

The embassy had cautioned American citizens about intelligence pointing to imminent Al-Shabaab attacks in Mogadishu, including possible targets like Aden Abdulle International Airport.

“The president’s remarks were not directed at the US warning,” Arab said. “It was a planned speech on our ongoing fight for stability, nothing more.”

In his Friday sermon at a Mogadishu mosque, Mohamud downplayed immediate threats. “Somalia stands stronger today. No new dangers loom, and Al-Shabaab has not reclaimed liberated zones,” he said, urging citizens to support security efforts during Ramadan—a period often exploited by militants for attacks.

US-Somalia security collaboration

Arab reaffirmed the deep security ties between Somalia and the United States, a key partner in combating Al-Shabaab.

“The US provides invaluable intelligence and training,” he said, noting American support for the Somali National Army (SNA) and elite Danab forces in recent operations.

The US warning, issued days before Mohamud’s speech, followed reports of Al-Shabaab regaining ground, including the El-Baraf area in Middle Shabelle on March 6, despite government claims of control.

Posts on X on March 8 suggested a worsening crisis, with unverified claims of SNA desertions due to unpaid salaries and Al-Shabaab advancing within 30 kilometers of Mogadishu—assertions lacking official confirmation.

Al-Shabaab continues to defy Somalia’s military offensive, launched in August 2022 under Mohamud’s “total war” pledge.

The group, active since 2007, holds rural enclaves and targets Mogadishu with sophisticated attacks, including a February 2024 infiltration of an Emirati-run base that killed 18 soldiers.

Mohamud’s campaign, backed by the new African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) since January 2025, has reclaimed territory but struggles to hold it.

The transition from ATMIS, completed in December 2024, has exposed gaps in SNA readiness, with experts warning of a potential security vacuum.

Call for unity amid transition

Mohamud used his speech to rally Somalis against foreign reliance.

“This is our nation to secure and build,” he said, as AUSSOM’s 11,900 troops assist in stabilizing liberated areas. The address coincided with Ramadan’s start, a time when Al-Shabaab historically intensifies operations.

Somalia’s strategic position on the Horn of Africa, bordering key shipping lanes, amplifies its security stakes.

Decades of instability since 1991 have left Mogadishu, a city of over two million, vulnerable yet resilient. Tensions with Ethiopia over a Somaliland deal further complicate regional dynamics.

The government’s clarification follows the US Embassy’s tightened security measures in Mogadishu, including staff movement restrictions.

Arab sought to dispel rumors: “Our US partnership remains firm, but Somalia’s path forward depends on its people.” Mohamud’s upbeat tone contrasts with the US alert, reflecting a delicate balance between projecting confidence and acknowledging threats.

As Ramadan unfolds, Somalia braces for potential Al-Shabaab strikes, with the SNA and AUSSOM on high alert to safeguard the capital’s fragile gains.

Xasan Sheekh oo u safray Imaaraadka xilli Abu Dhabi ay waddo falal xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka Carabta, kadib martiqaad uu ka helay dowladdaasi.

Madaxweynaha, inta uu ku sugan yahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi, inkastoo aysan weli wax war ah safarkan kasoo saarin Madaxtooyada Soomaaliya, oo inta badan baahisa safarrada madaxweynaha.

Safarkan ayaa imanaya xilli uu dagaal culus ka socdo qeybo kamid ah dalka, kaasi oo dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dib usoo rogaal celisay kadib markii jab xooggan lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaalka.

Safarkan ayaa sidoo kale kusoo aadaya xilli ay dhawaan dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku kacday xadgudub ka dhan ah midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, kadib markii ay hab-maamuus dal siiyeen maamulka Somaliland.

Waa socdaalkii u horreeyay ee Xasan Sheekh uu ku tegayo Abu Dhabi kadib shir-madaxeedkii dunida ee UAE ay ku martiqaadday Madaxweynaha Somaliland, taasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ku tilmaantay xadgudub qaranimo.

Xadgudubka Imaaraadka

Bartamihii Febraayo 2025, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Jamhuuriyad ugu yeertay maamulka Somaliland, xilli Abu Dhabi ay sii waddo xadgudubyada ay ku hayso madax-bannaanida, qarannimada, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Imaaraadka, oo markaas madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ku casuumay Shirka Dowladaha Adduunka, ayaa siiyay darajada madaxweyne dal, iyada oo kadib wakaaladda wararka dowladda Imaaraadka (WAM) ay Cirro ugu yeertay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dhowr maalmood ka hor, markii shirka uu furmay, qaar ka mid ah dadka ayaa u arkay in laga yaabo in qoraalka uu ahaa qalad farsamo. Balse kadib waxaa caddaatay in Imaaraadku qaadayo tallaabooyin ula kac ah.

Wareysiga uu Cirro siiyay WAM, oo ay baahisay wakaaladda, ayaa si soo noqnoqosho leh ugu sheegay Somaliland “Dal.”

Cabdiraxmaan Cirro, oo wareysigaas uga mahadceliyay Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Somaliland, ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhaqaalaha iyo horumarka.

Heshiisyada Imaaraadka iyo Somaliland

Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ayaa xoojiyay iskaashiga dhanka milatariga iyo amniga, xilli Abu Dhabi ay ballaarineyso saameynteeda Geeska Afrika.

Warbixinno kala duwan ayaa muujinaya in Imaaraadka uu doonayo in uu saldhig milatari ka sameysto gobolka, taasoo xoojin karta joogitaankiisa istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Dhinaca Somaliland, xoojinta xiriirka milatari ee Imaaraadka waa mid la xiriira ammaanka iyo dadaalkeeda ay ku raadineyso aqoonsi caalami ah. Tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda 1991, Somaliland waxay raadineysay iskaashi dibadeed si ay u xoojiso sheegashadeeda qaranimo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeedda heshiisyada milatari ee ay Somaliland la gasho dalal shisheeye, iyada oo ku doodeysa in heshiisyadaasi ay khatar ku yihiin midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Saameynta Imaaraadka ee Somaliland ayaa muran dhalisay tan iyo 2017, markaas oo shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ay heshiis la gashay Somaliland si ay u horumariso dekedda Berbera.

Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Sanaag + Khasaaraha

0

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, kaas oo dhexmaray laba maleeshiyo-beeleed.

Inta la xaqiijiyay, dagaalka ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 12 qof, iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay, dadka dhaawacmay ayaana isugu jira dhinacyadii dagaallamay iyo dad shacab ah oo goobta ka ag dhowaa.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo xaaladdu weli kacsan tahay.

Dagaalkan ayaa ka dhacay aagga loo yaqaano Dooxada Dureere, waxaana goobta hadda ka socda dadaallo lagu doonayo in colaadda lagu joojiyo oo ay wadaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo wafdi dhaqan oo uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Sanaag ayaa sidoo kale gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaalku dib u soo cusboonaado.

Dhimashada ilaa hadda la xaqiijiyay ayaa gaartay ugu yaraan 12 qof, iyadoo dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Dagaal beeleedyo soo noqnoqday

Gobolka Sanaag ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo laalaabtay dagaallo salka ku haya colaadaha beelaha, kuwaas oo saameeyay magaalooyin badan oo ay ku jirto xarunta gobolka ee Ceerigaabo.

Dhanka kale, wafdi ka socda odayaasha dhaqanka ayaa ku wajahan goobta lagu dagaalamay, waxaana wafdigaas hoggaaminaya Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam, oo dadaal ugu jira sidii xaaladda loo dejin lahaa.

Dhanka kale, gobolka Sanaag ayaa sidoo kale ka jirta xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Somaliland iyo maamulka SSC, iyadoo dhinacyadani ay ku loollamayaan gacan ku haynta deegaanno dhowr ah oo gobollada Sanaag iyo Sool ah.

SSC ayaa ku doodeysa inay dib u qabsato deegaanno ay sheegtay inay ka maqan yihiin, halka Somaliland ay dhankeeda qorsheyneyso inay isku fidiso labada gobol ee Sool iyo Sanaag.

Xiisadaha colaadeed ee gobolka Sanaag ayaa noqday kuwo soo noq-noqda, iyadoo dagaallo hore ay ka dhaceen magaalooyin kala duwan oo gobolka ka tirsan, oo ay ugu horreyso Ceerigaabo.

DF Soomaaliya oo beenisay arrin Xasan Sheekh uu ka sheegay dowlada Mareykanka

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax xiriir ah ka dhaxeyn digniintii dhawaan kasoo baxday dowladda Mareykanka iyo khudbaddii uu Jimcihii jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsanayd xaaladda amni ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Carab, ayaa shaaca ka qaaday in digniinta Mareykanka ee ku saabsanayd qaraxyada suuragalka ah iyo khudbadii madaxweynaha aysan wax xiriir ah lahayn, isagoo tilmaamay in khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ahayd mid guud oo ka hadlaysay xaaladda amniga ee dalka.

Safiirka ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in madaxweynuhu uu si gaar ah u dhaliilay digniinta kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, taas oo muwaadiniinta Mareykanka loogu sheegay inay ka taxadaraan weerarro ay Al-Shabaab qorsheyneyso inay ka fuliso caasimadda Muqdisho.

Danjire Daahir Carab ayaa sheegay in khudbadda Madaxweynaha ee Jimcihii ay ahayd mid uu shacabka ugu iftiiminayay horumarka laga gaaray dhinaca amniga, isagoo ugu baaqay inay ka qeyb qaataan sugidda nabadda dalka.

Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka 

Waxaa kale oo uu sheegay in xiriir wanaagsan oo dhinaca amniga ah uu hadda ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Mareykanka, isla markaana Mareykanka uu Soomaaliya ka taageero la-dagaallanka Al-Shabaab, isagoo xusay inay dowladda Federaalka ka caawiyaan macluumaadka dhinaca amniga.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Jimcihii la soo dhaafay Madaxweyne Xasan Sheekh uu jeediyay khudbad uu shacabka ugu sheegay in Soomaaliya ay maanta amni ahaan meel wanaagsan joogto, isla markaana aysan jirin cabsi cusub ama khatar amni oo soo wajahday magaalada Muqdisho.

“Dalka xaalad ka wanaagsan maanta ma jiro. Ma jiraan khataro cusub oo soo wajahay dalka, mana jirto meel ay Al-Shabaab naga qabsatay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sameeyaan isku tashi, si dalka looga maarmo ku tiirsanaanta shisheeyaha, isagoo ku celiyay in horumarka Soomaaliya uu ku xiranyahay dadaalka dadka Soomaaliyeed.

“Soomaaliyeey aan isku tashanno, dalkeenna innaga ayaa leh, annaga ayaa dhisaneyna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa sii wada taageerada uu siinayo dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo dowladda federaalku ay sii laba-jibaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay diyaarinayeen – Xog

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo maanta ka dhacay deegaanka Laba-Garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyadoo qaraxaas uu sababay khasaaro xooggan.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa sida wararku sheegayaan, waxyeello xooggan kasoo gaartay maleeshiyada Al-Shabaab ee qaraxa diyaarineysay, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday xubnihii howshaas ku jiray.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa jugtiisa si weyn looga maqlay deegaannada ku dhow Laba-Garas, iyadoo dhimashada la xaqiijiyay ay gaareyso in ka badan 5 dagaalame, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Al-Shabaab ay qaraxaasi doonayeen inay ku weeraraan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda, kuwaas oo howlgallo culus ka wada deegaanno kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ka tirsan maamulka HirShabelle.

Laba-Garas ayaa kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee ay soo galeen maleeshiyaadka argagixisada ah, waxaana hadda halkaasi isku horfadhiya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro illaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku saabsan qaraxa khasaaraha culus kasoo gaaray dagaalyahannadooda ee ka dhacay Laba-Garas.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa galay xaalad adag kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys kusoo kordhisay, iyadoo hadda halkaasi ay ka socdaan howlgallo wadajir ah oo ay fulinayaan ciidamada dowladda Federaalka, maamulka HirShabelle iyo dadka deegaanka, iyadoo hawada ay taageero ka siinayaan diyaaradaha saaxiibbada caalamiga ah.

Marar badan ayay sidan oo kale maleeshiyaadka Al-Shabaab khasaaro ugu soo gaareen qaraxyo ay diyaarinayeen, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ay ahayd mid ka dhacday deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab kadib markii gurigii ay qaraxa ku diyaarinayeen uu qarxay.

“Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa ku geeriyooday qarax ay sameynayeen xilli ay ku sugnaayeen guri ku yaalla deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u baahisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale jira qaraxyo kale oo ay ciidamadu ka hortageen, iyadoo dhowaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay burburiyeen baabuur ay qaraxyo kasoo buuxiyeen xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri Badbaado Qaran 2?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo bixiyey wareysi dheer ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah qeybtaan diiradda ugu saaray siyaasadda Xasan Sheekh, wuxuuna ku qeexay “madaxweyne kusoo laabtay xukunka isagoo careysan.”

Fahad ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda u dhaqmaayo sidii uu markii hore ka diiday Farmaajo, wuxuuna kula taliyey in ka hor 15-ka May 2026 uu ka shaqeeyo inaan loo baahnayn Badbaado Qaran kale.

Sidoo kale, Fahad ayaa ku dhaliilay Xasan Sheekh sababta uu saaxiibbadiis ugu kalsoonaa la’yahay oo talada dalka ay isaga keliya ugu soo aruurtay, taasoo sida uu sheegay sababtay in shaqadii dowladda ay xuuryaanto.

“Xasan Sheekh wuxuu xukunka kusoo laabtay isagoo careysan oo weliba isagu isku xanaaqsan; wuxuu go’aansaday inaan qof kale warkiisa uusan dhageysan oo wixii uu maago uu sameeyo,” ayuu yiri Fahad.

Fahad Yaasiin oo wareysigan siiyey Idaacadda Risaala ayaa la weydiiyey haddii ay jiraan wax u hagaagay Xasan Sheekh muddadii uu talada hayey, wuxuuna tilmaamay hal arrin, taas oo ah xulashadii Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

“Xulashada Xamsa xitaa waxay timid cuqdaddii uu qabay Xasan Sheekh, balse waa uu ku saxnaa. Waa wax aad u fiican in Ra’iisul Wasaaruhu uu ka amar qaato madaxweynihiisa, sababtoo ah ninka la doortay waa isaga, haddii wax halaabaanna isaga ayaa loo heystaa,” ayuu yiri Fahad.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay inuu shaqada Ra’iisul Wasaare Xamsa uu aad ugu riyaaqay, marar badanna uu qoraal ku soo amaanay sida uu u fulinayo go’aannada madaxweynaha, khilaafkana uu uga dhowray dowladda.

“Madaxweyne magaaladiisa xabad u qaatay oo Mirinaayo galay Xasan Sheekh ayaa ka jira, tallaabadaas waa looga dayan doonaa, waana lagu sameyn doonaa markiisa haddii uu dadka siyaasadda kala dhaxeyso taas ku kalifo,” ayuu yiri.

Fahad ayaa madaxweynaha kula taliyey in ragga ka carooday uu hadda u yeero oo madaxa u salaaxo. “Madaxweyne, waxaan kugula talinayaa in wixii aad hore u diidday aadan hadda ku fekerin. Adigaa horay u yiri kursiga kadib nolol kale ayaa jirta; haddii calaf kuu jiro waad soo laabaneysaa, ee si aan habbooneyn wax haku raadin,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Hoos ka daawo

DF oo soo saartay digniin culus oo ku socota 2 dhinac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo la xiriirta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuna socota laba dhinac.

Digniintan ayaa waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya ay si gaar ah ugu jeedisay dadka la macaamilaya Khawaarijta iyo shacabka ku sugan goobaha ay joogaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in dowladdu ay marar badan horay uga digtay la macaamilka kooxda Al-Shabaab iyo in shacabka ay isaga fogaadaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha kooxdaas, balse aysan digniintaas weli dhaqan-gelin, iyadoo weli dad badan ay ku sugan yihiin goobaha khatarta ah.

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibbadooda ay bartilmaameedsanayaan fariisimaha kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sidaas darteedna shacabka looga baahan yahay inay ka fogaadaan goobahaasi.

Wasiirka ayaa si gaar ah u sheegay in ay jiraan dad wali la macaamilaya Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay inay si degdeg ah uga baxaan howlahaas, haddii kale ay la kulmi doonaan tallaabooyin culus oo dowladda ka qaadi doonto.

“Dowladda Soomaaliya waxay digniino badan kasoo saartay la macaamilka Al-Shabaab iyo ka fogaanshaha goobaha ay joogaan, haddana waxaan ku celinaynaa shacabka Soomaaliyeed inay ka dheeraadaan meelaha ay kooxdu ku sugan tahay si aysan waxyeelo uga soo gaarin howlgallada socda,” ayuu yiri wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Hadalkan wasiirka ayaa imaanaya iyadoo gobolka Shabeellaha Dhexe uu marti gelinayo howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo si joogto ah u beegsanaya xarumaha kooxda Al-Shabaab.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolka ayaa lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay Yuusuf Dhegnaas iyo in ka badan 20 dagaalame oo lala beegsaday duqeyn cirka ah.

Si kastaba, dowladda Federaalka ayaa haatan sii laba-jibaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ay qayb muhiim ah ka yihiin howlgalka socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee CANADA oo la doortay

Ottawa (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe, Mark Carney, ayaa ku guuleystay tartankii hoggaanka Xisbiga Liberal-ka ee haya talada dalka Canada, wuxuuna xilka Ra’iisul Wasaaraha kala wareegi doonaa Justin Trudeau, sida ay muujiyeen natiijooyin rasmi ah oo soo baxay Axaddii.

Carney ayaa xilka la wareegaya xilli xasaasi ah oo dalka Canada uu wajahay dagaal ganacsi oo adag oo kala dhexeeya Maraykanka oo ah saaxiibkiisa soo jireenka ah, iyadoo sidoo kale dalka uu u diyaargaroobayo doorasho guud oo dhowaan dhacaysa.

Carney oo 59 jir ah ayaa ku guuleystay 86% codadkii la dhiibtay, isagoo si weyn uga adkaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda Chrystia Freeland, tartan ay codadkooda ka dhiibteen ku dhawaad 152,000 xubnood oo ka tirsan xisbiga.

Justin Trudeau ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo kaddib markii taageeradiisu hoos u dhac weyn sameysay muddo sagaal sano ka badan oo uu hoggaaminayay dalka, taas oo ku kalliftay Xisbiga Liberal-ka inay qabtaan doorasho degdeg ah oo loogu dooranayo qofkii beddeli lahaa.

“Yaan la dhayalsan, tani waa daqiiqad muhiim u ah mustaqbalka qaranka. Dimoqraadiyadda lama damaanad qaadi karo, xorriyadduna ma ahan wax iska jira. Xitaa jiritaanka Canada waa arrin aan hubaal ahayn,” ayuu yiri Trudeau.

“Hadda, iyadoo reer Canada ay wajahayaan caqabado dhaqaale iyo mid jiritaan oo uga imaanaya dalka dariska ah, waxay muujinayaan awoodda iyo adkeysiga uu leeyahay dalka Canada.”

Carney, oo ku cusub siyaasadda, ayaa sheegay inuu yahay qofka ugu habboon ee dib u soo noolayn kara xisbiga, isla markaana si fiican u maamuli kara wadaxaajoodyada ganacsi ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo hanjabay inuu kordhin doono canshuuraha alaabada Canada, taasoo dhaawac xooggan u geysan karta dhaqaalaha dalka oo ku tiirsan dhoofinta.

Carney ayaa ahaa musharraxa ugu cadcad ee tartanka, isagoo helay taageerada xubnaha ugu badan ee xisbiga iyo lacagta ugu badan ee laga ururiyey afarta musharrax ee tartamayey.

Guusha Carney ayaa ah markii ugu horreysay oo qof aan lahayn waayo-aragnimo siyaasadeed uu qabto xilka Ra’iisul Wasaaraha Canada.

Carney ayaa sheegay in khibraddiisa uu noqday qofkii ugu horreeyay ee madax ka noqda laba banki oo ka tirsan dalalka G7—kuwaas oo ah Canada iyo Ingiriiska—ay ka dhigeyso musharraxa ugu wanaagsan ee la tacaali kara Trump.

Ololihii doorashada, Carney wuxuu taageeray in Canada ay canshuur celis isla heer ah kusoo rogto Maraykanka iyo in la dejiyo qorshe mideysan oo lagu kobcinayo maalgashiga. Wuxuu si joogto ah u dhaliilay in kobaca dhaqaalaha Canada muddadii Trudeau uu ahaa mid aan ku filnayn.

Rajada ah bilow cusub oo uu Carney u horseedo xisbiga Liberal-ka, canshuuraha Trump uu kusoo rogay Canada, iyo hanjabaaddiisa joogtada ah ee ah inuu Canada ka dhigi doono gobolka 51aad ee Maraykanka, ayaa si lama filaan ah u soo noolaysay taageerada Xisbiga Liberal-ka.

Waqtiga midnimada qaranka

Bilowgii 2025, Xisbiga Liberal-ka ayaa ka hooseeyay mucaaradka Conservative-ka ilaa 20 dhibcood ama ka badan, balse hadda waxay labada xisbi aad isugu soo dhawaadeen sida ay muujinayaan sahanno dhowaan la sameeyay. Xisbiga Conservative-ka waxaa hoggaamiya siyaasi ruug-caddaa ah oo lagu magacaabo Pierre Poilievre.

Banaanbax Axaddii ka dhacay afaafka hore ee baarlamaanka Canada ee magaalada Ottawa ayaa dad badan oo reer Canada ah waxay siteen boorar looga soo horjeeday Trump, iyadoo aysan soo qaadin arrimaha siyaasadda gudaha.

“Tani waa daqiiqad dadku ay muujiyeen midnimo qaran oo aan sannad kahor la fileynin,” ayuu yiri Richard Johnston, oo ah borofisar siyaasadeed oo ka tirsan Jaamacadda British Columbia. “Waxaan rumeysanahay in Xisbiga Liberal-ka uu ka badbaaday inuu gebi ahaan meesha ka baxo.”

Laba ilo wareed oo ka tirsan Liberal-ka ayaa sheegay in Carney uu toddobaadyada soo socda iclaamin doono doorasho guud.

Sahanada ayaa muujinaya in labada xisbi, Liberal-ka iyo Conservative-ka, midkoodna aanu heli karin aqlabiyad buuxda. Doorashada guud waa inay dhacdaa ugu dambeyn 20-ka Oktoobar.

Carney ayaa sharci ahaan noqon kara Ra’iisul Wasaare isagoo aan kursi ka haysan baarlamaanka, balse dhaqanka siyaasadeed ee dalka ayaa dhigaya inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u raadsado kursi baarlamaanka.

Sanadkii 1984, John Turner ayaa ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu dambeeyay oo aan kursi ka haysan baarlamaanka markii uu qabtay xilka, isagoo ku guuleystay hoggaanka xisbiga Liberal-ka.

Liberal-ku waxay dhowaan soo saareen xayeysiin ay hoggaamiyaha Conservative-ka Pierre Poilievre ku barbardhigeen Trump. Poilievre ayaa Axaddii sii kordhiyay weerarrada siyaasadeed uu Carney ku qaaday.

“Liberal-ku waxay caawa isku dayayaan xeelad sir ah,” ayuu yiri Poilievre. “Waxay doonayaan inay muddo afaraad ku helaan kursiga Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo Justin Trudeau ku beddelaya lataliyihiisii dhaqaalaha Mark Carney. Donald Trump-na wuxuu yeelan doonaa qosol weyn.”

Carney ayaa meesha ka saaray inuu door weyn ka ciyaaray la talinta Trudeau, isagoo sheegay in waajibaadkiisa caalamiga ah darteed aanu helin waqti badan. Wuxuu iska casilay dhammaan xilalkiisii ganacsi markii uu ololaha doorashada hoggaanka bilaabay bishii Janaayo.

Rubio iyo Zelenskyy oo ku wada-hadlaya Sacuudiga

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga, halkaas oo lagu qaban doono wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Ukraine.

Socdaalka Xoghayaha ayaa qeyb ka ah dadaal uu maamulka Madaxweyne Donald Trump ku riixayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Rubio ayaa hoosta ka xarriiqay in Madaxweyne Trump uu go’aansaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro dagaalka ka socda Ukraine, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabad waarta.

Hadalkaas ayuu Jimcihii u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, oo uu khadka taleefanka kula hadlay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa isna maanta ku wajahan Sacuudiga, halkaas oo uu kulan gaar ah kula yeelan doono Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

Marka uu Madaxweyne Zelenskyy dib ugu laabto dalkiisa, waxaa magaalada Jidda baaqi ku sii ahaan doona saraakiil sare oo isugu jira diblomaasiyiin iyo saraakiil milateri oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Madaxtooyada Ukraine, Andriy Yermak.

Wafdigaas ayaa wadahadallo la yeelan doona wafdi kale oo ka socda dowladda Mareykanka, waxaana wafdiga Ukraine qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Andrii Sybiha, Wasiirka Gaashaandhigga, Rustem Umerov, iyo Taliyaha Ciidamada Militariga Ukraine, Pavlo Palisa.

Dhanka wafdiga Mareykanka waxaa hoggaaminaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, waxaana qeyb ka ah La-taliyaha Amniga Qaranka, Mike Waltz iyo Ergayga Gaarka ah ee Madaxweyne Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff.

Wadahadalladan ayaa kusoo aadaya saddex toddobaad kadib markii saraakiil sare oo Mareykan ah ay magaalada Riyaad ee Sacuudiga kulan gaar ah kula yeesheen diblomaasiyiin ka socday dowladda Ruushka.

Somalia: Ex-spy chief rips into Hassan Sheikh’s reign

Muqdisho, Somalia – Somalia’s former intelligence chief Fahad Yasin has sharply criticized President Hassan Sheikh Mohamud, accusing him of returning to power with a grudge and centralizing authority to the detriment of the country’s governance.

In a rare and candid interview with Risaala TV on Sunday, Yasin described the president as a leader driven by resentment, urging him to reconcile with political adversaries before his term ends on May 15, 2026.

A leader “fueled by anger”

Yasin, who previously headed the National Intelligence and Security Agency (NISA) under former President Mohamed Abdullahi Mohamed, known as Farmaajo, painted a damning picture of Hassan Sheikh’s leadership style.

“Hassan Sheikh returned to power angry and even angrier at himself,” Yasin said. “He decided that no one else’s voice would be heard, and he would act solely on his own whims.”

The ex-spy chief argued that this approach has crippled government operations, claiming that Hassan Sheikh’s distrust of even his closest allies has led to inefficiency and stagnation.

Somalia, a Horn of Africa nation long plagued by insurgency and political instability, has struggled to establish effective governance amid ongoing threats from Al-Shabaab militants.

Hassan Sheikh, 69, is serving his second term as president, having previously led the country from 2012 to 2017. He reclaimed the presidency in May 2022, defeating Farmaajo in a contentious election.

His administration has prioritized combating Al-Shabaab and stabilizing Somalia’s fragile federal system, but critics like Yasin argue that internal discord has undermined these efforts.

The Prime Minister exception

Despite his broad rebuke, Yasin singled out one positive move: the appointment of Prime Minister Hamza Abdi Barre in June 2022.

“Even that choice came from Hassan Sheikh’s bitterness, but it was right,” he said. “It’s a great thing for a prime minister to take orders from his president because if things go wrong, the blame falls on the one who appointed him.”

Yasin praised Barre’s execution of presidential directives, noting that he has frequently commended the prime minister’s work in public statements.

Barre, a political ally of Hassan Sheikh, has been credited with maintaining a degree of stability within the government despite regional tensions and security challenges.

Yasin’s critique extended beyond governance to Hassan Sheikh’s handling of political rivals. He referenced a recent military operation in the president’s hometown of Mirinaayo, where government forces clashed with opposition elements, as a sign of deepening divisions.

“A president who brings gunfire to his own town will be judged for it,” Yasin warned. “If he continues to divide people politically, others will follow suit when their turn comes.”

The former intelligence chief called on Hassan Sheikh to reach out to those he has alienated. “Mr. President, I advise you not to dwell on what you once rejected,” he said. “You yourself said there’s life after the presidency. If fate allows, you’ll return—so don’t chase power in an unbecoming way.”

Yasin’s remarks echo longstanding tensions in Somali politics, where clan rivalries and personal grudges have often overshadowed national unity.

With less than 15 months until the next election cycle, he urged the president to avoid necessitating another “National Salvation initiative—a reference to past emergency measures taken to stabilize the country during crises.

Somalia’s broader challenges

Somalia remains a nation in flux. Based in the capital, Muqdisho, the federal government controls only parts of the country, with Al-Shabaab holding sway over large rural areas.

Recent diplomatic breakthroughs, such as the restoration of ties with Ethiopia in December 2024 following Turkey’s mediation, have offered hope for regional stability. Yet internal governance remains a sticking point.

Hassan Sheikh’s administration has faced criticism for handling security and economic reforms. In January 2025, he visited Ethiopia to mend relations strained by Addis Ababa’s deal with the breakaway Somaliland region—a move that had sparked outrage in Somalia.

While the Ankara Declaration reaffirmed mutual respect for sovereignty, domestic critics like Yasin argue that the president’s focus on personal control has weakened Somalia’s position.

Fahad Yasin’s tenure as NISA director was controversial, marked by allegations of political maneuvering and opposition clashes. After Farmaajo’s defeat in 2022, Yasin stepped back from public life, making his latest comments a rare reentry into Somalia’s political discourse.

Somalia: Robow dares Al-Shabaab to hit Mogadishu

MOGADISHU, Somalia – Somalia’s Minister of Religious Affairs, Sheikh Mukhtar Robow Ali, has declared that Al-Shabaab militants will never capture the capital, Mogadishu, saying Mogadishu isn’t Kabul or Damascus.

At a press conference alongside Somali clerics on March 8, 2025, Robow hailed recent victories by government forces and local militias in thwarting the group’s advances in the Middle Shabelle region.

Robow, a former Al-Shabaab deputy turned government official, dismissed the group’s reported plot to seize Mogadishu.

“I tell Al-Shabaab: Mogadishu isn’t Kabul or Damascus, and your Ahmed isn’t Syria’s Ahmed al-Sharaa,” he said, referencing the Islamist leader who briefly rose in Syria’s post-Assad chaos in late 2024.

He praised the Somali National Army and community fighters for reclaiming territory in Middle Shabelle, a strategic region northeast of the capital.

“Our forces and the people have crushed their hopes of retaking lost ground,” Robow said, signaling a robust defense against the militants’ resurgence.

Somalia has battled Al-Shabaab for over a decade, with the Al-Qaeda-linked group controlling swathes of rural territory despite repeated military campaigns.

Robow’s remarks come as the insurgents have clawed back footholds in Middle Shabelle, prompting a fresh mobilization of government troops and local Macawiisley militias.

A personal toll

The minister also revealed a personal blow from the conflict. He disclosed that last month—during the Islamic month of Sha’baan, spanning February 2025—Al-Shabaab abducted his brother’s wife and abandoned her young son, Saaid Adan Robow, on a roadside.

“They kidnapped my brother’s wife and left little Saaid Adan Robow in the street,” Robow said, his voice carrying the weight of a family caught in the crossfire.

Once known as Abu Mansuur during his years with Al-Shabaab, Robow defected in 2017, surrendering to authorities after internal rifts.

His insider perspective now fuels his resolve as a cabinet member under President Hassan Sheikh Mohamud, elected in May 2022.

Rallying the Nation

Robow called on Somalis to stand shoulder-to-shoulder with their government to defeat the insurgency. “We must unite against Al-Shabaab’s terrorism,” he urged, framing the fight as a national cause.

His plea follows intensified clashes in Middle Shabelle, where the militants recently recaptured towns they’d lost to earlier offensives, according to local security sources.

The minister’s defiance underscores Somalia’s precarious balance. Based in Mogadishu, the federal government holds limited sway beyond urban centers, while Al-Shabaab exploits rural power vacuums.

Recent gains—such as a December 2024 deal with Ethiopia to ease regional tensions—have bolstered Somalia’s diplomatic hand, but the domestic threat persists.

Middle Shabelle’s fertile plains have long been a battleground, with its proximity to Mogadishu making it a prized target for Al-Shabaab.

The Macawiisley, clan-based militias clad in traditional sarongs, have reorganized to counter the group’s latest push, backing up a stretched national army.

Sawirro: Xasan Sheekh oo qaaday tallaabo kale, xilli xaaladda dagaalka ay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka isugu yeeray oo kulan kula qaatay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed, isaga oo la wadaagay muhiimadda isku xirnaanta culimada, shacabka iyo dowladda oo laf-dhabar u ah qarannimada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey kaalintooda muhiimka ah ee ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo xasilinta dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay doorka Culimada ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaallanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankii afurka ahaa ka sheegay in culimadu ay yihiin tiir muhiim u ah dowladnimada iyo horumarka dalka, isagoo ku dhiirrigeliyey in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed ee bulshada.

Wuxuu ka dalbaday inay dowladda ku garab istaagaan dadaallada ay ku xoojinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa ka dhageystay culimada talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta dowladnimada, la dagaallanka been abuurka argagixisada ee arrimaha diinta iyo horumarinta danta guud ee umadda Soomaaliyeed.