25.3 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Bankole Adeoye: Ninka sida weyn ugu hagar baxay Soomaaliya

0

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Muddo dheer, Soomaaliya waxay udub dhexaad u ahayd xasaradaha amni ee qaaradda Afrika. Dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan, dadaalladeeda ku aaddan xasillinta gobollada ay mudada dheer ragaadiyeen colaaduhu, iyo qorshaheeda isku-filnaanshaha, ayaa ka dhigay qodob si gaar ah ay isha ugu hayaan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (AU).

Xilli askarta ku sugan furimaha dagaalka iyo siyaasiyiinta Muqdisho ay u halgamayaan sidii ay xaaladda u rogi lahaayeen, ayaa haddana waxaa jira hal shaqsi oo xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee Addis Ababa si hagar la’aan ah uga shaqeynayay sidii loo hubin lahaa in Soomaaliya aysan helin oo keliya taageero militari, balse ay sidoo kale hesho taageero dhaqaale.

Shaqsigaas waa Danjire Bankole Adeoye, Guddoomiyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (CPAPS).

Tan iyo markii uu xilka qabtay bishii Maarso 2021-kii, Adeoye wuxuu hormuud ka ahaa ololaha ku aaddan in Soomaaliya ay ka mid noqoto mudnaanta koowaad ee ajendaha Midowga Afrika, isagoo xaqiijinaya in Afrika ay door mug leh ka qaadato xallinta dhibaatooyinkeeda amni.

Diblomaasiyadda arrimaha masiiriga ah

Adeoye kuma cusba arrimaha diblomaasiyadda ee xasaasiga ah. Waa diblomaasi rug-caddaa ah oo u dhashay dalka Nigeria, khibrad ka badan afartan sano leh, wuxuuna hadafkiisa ka dhigtay in Midowga Afrika uusan noqon oo keliya hay’ad siyaasadeed oo bixisa bayaan, balse uu noqdo mid hadalladiisa ficil ku taageera.

Intii uu xilka hayey, Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika – oo muddo dheer loo arkayey mid aan si fiican looga faa’iidaysan – ayaa bilaabay inuu gaarsiiyo taageero dhaqaale oo la taaban karo dadaallada ammaanka ee Soomaaliya.

Falanqeeye arrimaha gobolka ka faallooda, oo ka hadlayey shaqada Adeoye, ayaa si kooban u yiri: “Isaga ka hor, Soomaaliya waxaa inta badan loo arkay dhibaato ay maalgeliyaan deeq-bixiyeyaasha. Hadda, Midowga Afrika wuxuu qaaday tallaabo geesinimo leh, wuxuuna miiska soo saaray dhaqaalihiisa.”

Sanado badan, hawlgallada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsanaayeen, ku dhawaad gebi ahaanba, deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Midowga Yurub (EU), Qaramada Midoobay (UN) iyo Mareykanka (US). Laakiin intii uu xilka hayey Adeoye, Midowga Afrika wuxuu bilaabay inuu isticmaalo dhaqaalihiisa si uu u maalgeliyo hawlgallada ka socda Soomaaliya.

Sannadkii 2023-kii, Midowga Afrika wuxuu u qoondeeyay US$3.5 milyan oo laga soo qaatay Sanduuqa Kaydka Xasaradaha (CRF) si loo xoojiyo Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) loona taageero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD).

Sannad ka dib, Midowga Afrika wuxuu qaaday tallaabo taariikhi ah isagoo ballan qaaday in ka badan US$19 milyan oo ka mid ah miisaaniyaddiisa – tallaabadaas oo muujinaysa sida ay Afrika uga go’an tahay inay xalliso arrimaheeda amni.

U doodidda Adeoye ee ku aaddan Soomaaliya kuma koobna oo keliya dhanka maalgelinta. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) uu dejiyo istaraatijiyad diblomaasiyadeed iyo mid militari oo adag oo ku wajahan Soomaaliya.

Wuxuu aaminsan yahay in ammaanka Soomaaliya aan lagu halleyn karin oo keliya awoodo shisheeye – balse ay tahay in lagu saleeyo xal Afrikaan ah iyo hoggaan Afrikaan ah.

Shaqadiisa waxaa si joogto ah u taageeray Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaasoo si isdaba joog ah ugu riixay ciidamada ammaanka Soomaaliya inay si weyn ula wareegaan sugidda amniga dalka, iyadoo Midowga Afrika uu bixinayo taageero.

Soomaaliya ayaa hadda gashay marxalad muhiim ah oo ku-meel-gaar ah, iyadoo ATMIS si tartiib tartiib ah loogu beddelayo Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Rajada ayaa ah in hawlgalkan cusub, oo ay barbar socoto maalgelinta Midowga Afrika iyo iskaashiga caalamiga ah, uu ka caawin doono Soomaaliya inay ku guuleysato nabadgelyo iyo isku-filnaansho waarta.

Khatarta Al-Shabaab iyo caqabadaha horyaalla

Si kastaba ha ahaatee, jidka loo marayo nabadayntu ma fududa. Al-Shabaab ayaa weli ah khatar joogto ah, xiisado siyaasadeed ayaa weli taagan, waxaana jira caqabado la xiriira dhanka maalgelinta. Hase yeeshee, markii ugu horreysay waxaa muuqata taageero dhaqaale oo dhab ah oo ka timid Afrika lafteeda, taasoo ay suuraggelisay dadaallada hagar la’aanta ah ee Adeoye.

Iyadoo Adeoye uu hormuud ka yahay halgankan, ballanqaadka Midowga Afrika ee ku aaddan Soomaaliya ma aha hadal oo keliya – waa ficil ay barbar socdaan malaayiin doollar, laguna hiigsanayo Soomaaliya oo nabad ah, xasilloon, oo caggeeda isku taagta.

Golaha wasiirada oo meel-mariyay qaraar muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa maanta meel-mariyey qaraarka maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Shirka oo uu guddoominayey ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa waxaa lagu ansixiyey heshiisyo ku saabsan amniga internet-ka.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu meel-mariyay heshiis is-afgarad wada-shaqayn oo u dhaxeeya guddiyada warbaahinta ee hey’addaha isgarsiinta dowladaha Soomaaliya iyo Malaysia.

Kulanka golaha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga iyo howl-galladii ugu dambeeyay ee ciidamada qalabka sida ay ka sameeyeen qeybo kamid ah gobollada dalka.

Dhinaca kale, golaha wasiirada ayaa diirada saaray dardar-gelinta dadaallada dowladdu ku gaarsiineyso bulshada adeegyada kala duwan.

Waxaa kale oo lagu soo bandhigay warbixinno ku aaddan horumarinta karaanka aadanaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga bulshada iyadoo wasaaraddaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhallinyarada ay warbixino la wadaageen shirka.

Tiirka arrimaha bulshada oo ah mid muhiim u ah horumarinta ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad faray wasaaraddaha ku shaqada leh in la dardar-geliyo arrimaha la xiriirra adeegyadda dowladdu gaarsiinayso shacabkeenna si looga miradhaliyo qorshaha qaranka.

Ninkii Qur’aanka ku gubay Sweden oo toogasho lagu dilay

Stockholm (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka Ciraaq oo dhowr jeer kitaabka Qur’aanka kariimka ah ku gubay dalka Sweden ayaa geeriyooday, sida uu Khamiistii sheegay garsoore ku sugan magaalada Stockholm.

Warbaahinta Sweden ayaa ku warrantay in lagu dilay toogasho ka dhacday magaalo u dhow caasimadda Sweden.

Salwan Momika, oo 38 jir ahaa, ayaa sannadkii 2023-kii dalka Sweden ka geystay dhowr fal oo ah gubid iyo xurmo ka qaadis ka dhan ah kitaabka barakaysan ee Islaamka.

Muuqaallada gubista Qur’aanka ayaa si weyn loogu faafiyey caalamka, waxaana ay caro iyo dhaleecayn xooggan ay ka dhex abuureen dhowr dal oo Muslimiin ah, taasoo sababtay rabshado iyo qalalaase ka dhacay meelo badan.

Maxkamadda Degmada Stockholm ayaa sheegtay in xukun la qorsheeyay Khamiista maanta ah oo ku saabsanaa dacwad uu Momika eedaysane ka ahaa dib loo dhigay, sababtoo ah mid ka mid ah eedaysanayaasha ayaa geeriyooday.

Garsoore ka tirsan maxkamadda, Göran Lundahl, ayaa xaqiijiyay in qofka geeriyooday uu yahay Momika. Wuxuu sheegay inuusan haynin wax macluumaad ah oo ku saabsan goorta iyo sida uu Momika u geeriyooday.

Booliisku waxay sheegeen in habeenkii Arbacada lagu wargeliyay toogasho ka dhacday dhismo dabaq ah oo ku yaal Sodertalje, oo u dhow Stockholm, ayna heleen nin qaba dhaawacyo rasaas. Ninka ayaa markii dambe geeriyooday, waxaana la furay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan dilka.

Warbaahinta SVT ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa ilo-wareedyo aan la magacaabin, in qofka geeriyooday uu ahaa Momika. Waxay intaa ku dartay in Momika uu yimid Sweden isagoo ka yimid Ciraaq sannadkii 2018, lana siiyay sharciga deganaanshaha saddexda sano ah sannadkii 2021.

Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in shan qof la xiray habeenimadii Arbacada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sweden ee TT.

Ra’iisul Wasaare Ulf Kristersson ayaa sheegay in adeegga ammaanka ee Sweden uu ku lug lahaa baaritaanka arrintan, sababtoo ah “waxaa iska cad inay jirto khatar ah in falkan uu xiriir la leeyahay awood shisheeye,” sida ay sheegtay TT.

Momika ayaa ku dooday in dibad-baxyadiisu ay bartilmaameedsanayeen diinta Islaamka, ee aysan ahayn dadka Muslimiinta ah. Wuxuu ku dooday inuu doonayay inuu ka ilaaliyo dadka Sweden farriimaha Qur’aanka.

Booliiska Sweden ayaa oggolaaday bannaanbaxyadiisa, iyagoo sabab uga dhigay xorriyadda hadalka, iyadoo isla markaasna dacwado ka dhan ah lagu soo oogay.

Bishii Maarso ee la soo dhaafay, ayaa lagu xiray dalka deriska la ah ee Norway, ka dib markii uu sheegay inuu halkaas magangelyo ka doonanayo, waxaana dib loogu celiyay Sweden, sida ay sheegtay TT.

Momika iyo eedaysane kale ayaa bishii Agoosto lagu soo oogay dacwad ah hurinta nacaybka, sababo la xiriira hadallo ay jeediyeen oo la xiriiray gubista Qur’aanka. Xukunka ayaa la filayay in la soo saaro subaxnimadii Khamiista.

Sawirro: Ruushka oo ballan qaad culus u sameeyay Somalia

0

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku dhowaaqday ballan qaad culus oo ay u sameysay Soomaaliya, kadib wada-hadal ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalkaasi.

Wada-hadalka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhex-maray guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Ruushka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dalkaas Dr. Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, is ay isaga kaashadaan labada waddan.

Sidoo kale waxa ay dhinacyadu ka wada-hadleen inay yeeshaan wadashaqayn dhow iyo in si guud hay’adda SoDMA laga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro dhan kasta ah iyo qalabeyn.

Intaas kadib wasiir Roman Viktorovich oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in uu madaxda ugu sarreysa Ruushka gaarsiin doono sida ay muhiim u tahay in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya, si saameynta abaaraha aysan u gaarin xaddi aan waxba laga qaban karin, ayna diyaar u yihiin inay garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa guddoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ka mahad-celiyay taagerada muddada dheer ah, isagoo bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow.

Horay Ruushka ayaa Soomaaliya ugu soo diray maraakiib siday gargaar, gaar ahaan Qamadi, kaas oo soo gaaray Muqdisho, kadibna ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Turkiga oo muujiyey sida ay Soomaaliya ugu weyn tahay

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarinta (AKP) ee haya talada dalka Turkiga ayaa laba heshiis oo kala duwan la saxiixanaya xisbiyo siyaasadeed oo ka jira dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo sii adkeeyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee uu la leeyahay labadan dal ee Bariga Afrika.

Arbacadii, ku-xigeenka guddoomiyaha AKP, Zafer Sirakaya, ayaa magaalada Ankara kula kulmay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarinta (UPD) ee talada Soomaaliya haya, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, iyagoo ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku aaddan xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Saraakiil Turkish ah ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye in heshiis la mid ah Jimcaha lagula saxiixan doono magaalada Addis Ababa xisbiga talada Itoobiya haya ee Barwaaqo (PP).

Sida ay saraakiishu sheegeen, heshiiskani wuxuu fududeyn doonaa in labada dhinac ay iska kaashadaan cilmi-baaris, tababarro, la-tashiyo, iyo is-dhaafsiga macluumaadka.

AKP, oo labaatan sano xukumayay Turkiga, ayaa rajaynaya inuu waayo-aragnimadiisa dhanka hoggaaminta ah u gudbiyo xulafadiisa labada dal, isla markaana uu kobciyo iskaashiga bulshada rayidka ah iyo kor u qaadidda ganacsiga labada dal.

Turkigu wuxuu dhex-dhexaad ka yahay khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna door dhex-dhexaadiye ka qaatay wada-hadallada lagu xallinayo xiisadaha Geeska Afrika.

Xiisadahan ayaa sii xoogeystay ka dib markii Itoobiya ay heshiis dhanka badda ah la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland horraantii sanadkii 2024-kii.

‘Soomaaliya waxaa lagala tashadaa tallaabo walba’

Ilo wareed xog-ogaal u ah arrintan, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa u sheegay Middle East Eye in Turkigu markii hore qorsheeyay inuu heshiiska iskaashiga la saxiixdo Itoobiya dayrtii la soo dhaafay, balse uu dib u dhigay si looga fogaado in loo arko mid dhinac u xaglinaya.

Bishii December, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay Ankara ku kala saxiixdeen is-afgarad ka dib toddobo saacadood oo wadahadal adag ah, kaas oo lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, laguna bilaabay wadahadallo ku saabsan sidii Itoobiya loo siin lahaa marin badda Soomaaliya ah.

Inkastoo heshiiska lagu xaliyay qodobkii ugu weynaa ee sababay muranka labada dal, haddana xiriirkoodu weli waa mid aan xasilloonayn.

Sanadihii u dambeeyay, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirka ay la leedahay Masar, oo iyaduna khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya, kaasoo salka ku haya muranka la xiriira xuquuqda kheyraadka biyaha ee webiga Nile.

“Waxaa halkan xusid mudan in [Ankara] aysan qaadin wax tallaabo ah oo gobolka ah iyadoo aan tixgelinayn Soomaaliya. Soomaaliya waxaa lagala tashadaa tallaabo walba oo la qaadayo,” ayuu yiri Tunc Demirtas, khabiir goboleed oo ku xiran xarunta cilmi-baarista ee SETA oo fadhigeedu yahay Ankara.

Wuxuu intaa ku daray in Turkigu uu “aragti goboleed” ka leeyahay Geeska Afrika, uuna ka shaqeynayo sidii uu xiriirro wanaagsan ula yeelan lahaa dalalka kale ee gobolka.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in wafdiga AKP, oo uu hoggaaminayo Sirakaya, ay sidoo kale lagu wado inay heshiis is-afgarad ah la saxiixdaan Jabuuti toddobaadka soo socda, kaas oo la mid noqon doona kan ay la saxiixdeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa xiriir wanaagsan la leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, taas oo qayb ahaan sabab u ah go’aankii Ankara ee ahaa inay Itoobiya ka iibiso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hubaysan sanadkii 2021-kii.

Diyaaradahaas ayaa door muhiim ah ka ciyaaray inay ka caawiyaan ciidamada Itoobiya inay dib u celiyaan jabhadihii kusoo duulay caasimadda.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ah mid aad u ballaaran, muddo dheerna soo jiray.

Soomaaliya waxaa ku yaalla saldhig weyn oo ciidan oo Turkigu leeyahay, halka shirkado Turki ah ay maamulaan kaabayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Iyadoo ay jirto xiisadda kala dhaxaysa Itoobiya, Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah la saxiixatay Turkiga bishii Febraayo ee sanadkan.

Heshiiska ayaa u ogolaanaya Ankara inay dhisto, tababarto, ayna qalabeyso Ciidanka Badda Soomaaliya, isla markaana ay ilaaliso biyaha dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa sidoo kale Turkiga siinaya xuquuqda ah inuu kheyraadka shidaalka ka baaro xeebaha Soomaaliya.

Puntland oo qaaday tallaabo deg-deg ah oo Itoobiyaanka…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta sidii loogu hortagi lahaa beegsiga lagu bilaabay ajaaniibta ku sugan deegaanadeeda, kadib markii la dhibaateeyay Itoobiyaan ku sugnaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Itoobiyaanka ku nool Puntland ayaa sheegay in “falal isugu jira handadaad, xarig sharci-darro ah, jirdil, iyo boob” oo ka dhan ah qaxootiga iyo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ay ka sii dareen magaalooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Garoowe oo ah xarunta maamulka, Boosaaso iyo Qardho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in rabshaduhu ay bilowdeen 26-kii Janaayo, kaddib markii muwaadin Itoobiyaan ah ay dileen ciidamada ammaanka Puntland. Maalintii xigtay, labo kale oo Itoobiyaan ah ayaa lagu warramay in lagu dilay Boosaaso kaddib markii “dadweyne careysan ay garaaceen.”

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dhibaatooyinkan, oo ay ka qaarkood ka dambeeyeen dadweyne caraysan oo beegsaday Itoobiyaanka, sida sharci darrada ah ku jooga magaalooyinka maamulkaasi.

Wasaaradda ayaa sheegtay in waajib ay tahay  ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka ajaanibta ah, waxayna tilmaamtay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku xad-gudubta.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka Puntland ugu baaqday inay ka fogaadaan fal kasto oo xad-gudub ah ku ah sharciga, gaar ahaan dhibaatada dadka ajanabiga ah.

“Sidaas darteed, wasaaradda ayaa mar kale ugu baaqaysa shacabka in ay ka fogaadaan falalka sharci-darrada ah, isla markaana ay garab istaagaan hay’adaha ku shaqada leh la xisaabtanka cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo amniga Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Puntland shalay ay bilowday in deegaanadeeda ay ka tarxiisho ajaaniibta sharci darrada ku joogta maamulkaasi, gaar ahaan Itoobiyaanka oo la arkayay, iyaga oo gaadiid xamuul ah laga saaray magaalada Garoowe, sababo la xiriira si looga hortego ajaaniibta tiro badan ee mar kasta ku biirto kooxda argagixisada Daacish.

DF oo u digtay hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah kadib arrin soo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka Iyo dib-u-heshisiinta Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay dhamamaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya, si aysan ula shaqeyn Al-Shabaab ama wax macaamil ah ula yeelan.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in hay’addahan aysan la macaamili karin, ayna dhaqaale u yaboohi karin, islamarkaana aysan u hoggaansamin ammarrada uga yimaada Al-Shabaab, xilli ay soo baxayaan warar hoose oo sheegaya in kooxda ay bilowday qorshe ay baad uga dalbaneyso hay’addaha qaar.

“Hay’addii ama shakhsigii ku lug yeesha howlahan waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka waddanka, sidoo kalena wasaaradda arrimaha gudaha waxay ka qaadeysa tallaabooyin dhowr ah oo kamid tahay in laga laabto shahaadada ruqsadsiinta hay’addii ku lug yeelata dambiyadan,” ayaa lagu yiri nuxurka bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale waxay wasaaradda shaacisay in hay’addii ay ku cadaato in ay ku jiraan xubno kamid ah Al-Shabaab iyo Daacish ama wakiil uga noqda hay’adood ay wasaaraddu si toos ugala noqoneyso shahaadadii ruqsadda, iyadoo si toos ah ugu gudbin doonta laamaha amniga iyo garsoorka.

“Sidaas darteed hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxaa lagu adkeynayaa in ay u hoggaansamaan digiintan kor ku xusan,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey usoo saartay digniino la xiriira la-macaamilka iyo in loo hoggaansamo awaamirta Al-Shabaab, iyada oo horey ugu goodisay in tallaabo adag laga qaadi doono cidii lagu helo arrimahaasi.

Idiris Dhaqtar oo shaaciyay sabab shacabka K/Galbeed loogu beegsanayo Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildibaan hore Idiris Cabdi Dakhtar oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Soomaalia Cable ayaa si adag uga hadlay beegsi uu sheegay in lagu haayo shacabka kasoo jeedo Koonfur Galbeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland.

Idiris Dhaqtar ayaa shaaca ka qaaday in wax laga xumaado ay tahay in deegaan Soomaaliyeed laga soo raafo dad Soomaaliyeed, iyaga oo loo beegsanayo hayb ahaan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta ugu wayn ee arrintan ka dambeysa ay tahay in la boobo hanti iyo ganacsi uu sheegay in dadka Koonfur Galbeed ku leeyihiin Puntlland.

“Waan ka xumahay in dad shacab ah oo magaalada deggan mar walba loo dhibaateeyo haybtooda dartood, waxaan u aragnaa in la rabo hantidooda”. ayuu yiri Dhaqtar.

Siyaasigan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed ay joogaan dad kasoo jeedo Puntland, isla markaana ay ugu nool yihiin si xor ah, sidaas oo kalena looga baahan yahay dadka reer Puntland.

“Haddii aad tegtid Koonfur Galbeed cid walba ayaa joogta kuwa hay’adaha haysto waxaa u badan dad kasoo jeedo Puntland” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray madaxda Puntland oo uu ka dalbaday inay soo farogeliyaan arrintaan, isla markaana ay ka hadlaan dhibaatada lagu hayo dadkaasi.

Horay shacab kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa Somaliland ay uga soo masaafurisay Laascaanood, iyada oo sababta ku sheegtay in arrimo la xiriira amniga, waxaana arrintaasi ka dhashay caro xoogan iyo cambaareyn loo jeediyay maamulkaasi.

Tirada Soomaalida la rabo in laga tarxiilo Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Kastamada ee Mareykanka (ICE) ayaa sare u qaadday dadaalladeeda la xiriira tarxiilidda muhaajiriinta aan sharciga haysan, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay waddamada Afrika ee ay sida gaarka ah u beegsanayso.

Tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee hadda loo qorsheeyay in dalka laga saaro ayaa gaareysa 4,090, taasoo ka tarjumeysa baaxadda hawlgallada lagu hayo muhaajiriintan. Waxaa Soomaaliya ku xiga Nigeria oo leh 3,690 kiis oo la sugayo in la tarxiilo, halka Ghana ay ka joogaan 3,228 kiis.

Culeyska saaran hay’adda ICE ayaa si xawli ah u kordhay tan iyo markii uu xilka dib ula wareegay madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump, iyadoo la raacayo siyaasadihiisa adag ee dhanka socdaalka.

Mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee siyaasaddan ayaa ah amar fulineed oo dib u eegis ku sameynaya dhalashada-ku-dhalashada (birthright citizenship) carruurta ay dhalaan muhaajiriinta aan sharciga haysan. Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn badan oo ku saabsan cawaaqibka ka dhalan kara.

Siyaasaddan ayaa walaac xooggan ka dhex dhalisay u doodayaasha xuquuqda muhaajiriinta, kuwaasoo ka cabsi qaba in ay sare u sii qaaddo kala-tagga qoysaska, isla markaana ay horseedi karto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka.

Dadka dhaliilsan ayaa sheegaya in xoog-saaridda Soomaaliya ay la xiriiri karto walaac amni oo ka dhashay xasillooni-darro siyaasadeed ee dalkaas ka jirta, inkastoo aysan jirin xiriir toos ah oo ay xaqiijiyeen ICE ama maamulka Trump.

Saraakiisha dowladda Mareykanka ayaa ku sababeeyay tallaabooyinkan adag inay salka ku hayaan ilaalinta amniga guud iyo dhaqangelinta sharciyada hadda jira. Hase yeeshee, fal-celinno kala duwan ayaa ka dhashay, waxaana ka dhashay mudaaharaadyo iyo dacwado sharci ah oo ay soo gudbiyeen kooxo u dooda xuquuqul insaanka, kuwaasoo ka walaacsan saameynta ay ku yeelan karaan arrimaha bini’aadantinimada iyo xiriirka caalamiga ah.

Dowladaha qaar ayaa isu diyaarinaya inay dib u soo dhaweeyaan muwaadiniintooda, halka kuwa kalena ay walaac ka muujinayaan habka loola dhaqmayo dadka la tarxiilayo xagga arrimaha bini’aadantinimada.

Madaxweynaha cusub ee Suuriya oo lagu dhowaaqay

0

Dimishiq (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee Suuriya ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Axmed Al-Sharaa, oo talada dalka la wareegay ka dib markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Assad bishii hore, loo magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah, isla markaana loo igmaday dhismaha gole sharci-dejin oo ku meel gaar ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda.

Isbaheysi uu hor-kacayo ururka Islaamiga ah ee Hay’at Tahrir Al-Sham (HTS) ee uu Sharaa madaxda u yahay ayaa 8-dii Diseembar xukunka ka tuuray Assad ka dib duulaan degdeg ah, taasoo soo afjartay 50 sano oo xukun adag oo qoyskiisu dalka soo maamulayeen. Waxaa horay loo dhisay dowlad ku meel gaar ah oo dalka sii hagi doonta illaa 1-da Maarso.

Sharaa ayaa loo magacaabay “madaxweynaha dalka ee marxaladda ku meel gaarka ah”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SANA, iyadoo soo xiganeysa sarkaal militari oo lagu magacaabo Xasan Cabdil-Ghani, iyadoo aan qeexin waqti cayiman, waxayna intaa ku dartay inuu sidoo kale dalka ku meteli doono “madal-doodyada caalamiga ah”.

Sharaa ayaa loo igmaday inuu soo dhiso “gole sharci-dejin oo ku meel gaar ah … ilaa laga gaarayo dastuur joogto ah oo dalku yeesho”, SANA ayaa tiri, iyadoo intaa raacisay in baarlamaankii xilligii Assad la kala diray, dastuurkii 2012-kiina la hakiyay.

Iclaamintan ayaa ka soo baxay shir looga arrinsanayey “guusha kacaankii Suuriya” oo ay sidoo kale ka qaybgaleen Sharaa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad Al-Shaibani iyo hoggaamiyeyaasha kooxaha hubaysan.

Cabdil-Ghani ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la kala diray dhammaan kooxihii hubaysnaa ee ka qayb qaatay rididdii Assad, iyo sidoo kale ciidankii iyo hay’adihii sirdoonka ee dowladdii hore.

“Dhammaan guutooyinka militari iyo ururrada siyaasadeed iyo kuwa bulshada rayidka ah ee kacaanka waa la kala diray waxaana lagu biiriyey hay’adaha dowladda”, ayey SANA ka soo xigatay Cabdil-Ghani.

‘Nabad-gelyada shacabka’

Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay “in la kala diray ciidankii nidaamkii burburay”, hay’adihii sirdoonka “iyo dhammaan maleeshiyaadkii uu dhisay, iyo in la sameeyay hay’ad amni oo cusub oo ilaalinaysa nabad-gelyada muwaadiniinta” iyo “dib-u-dhiska ciidanka Suuriya”.

Ciidanka Suuriya ayaa dhab ahaantii burburay, oo ay la burbureen hay’adihii kale ee nidaamkii Assad.

Xisbigii Bacath ee Suuriya soo xukumayay tobanaan sano ayaa sidoo kale la kala diray, sida ay baahisay SANA.

Khudbad uu ka jeediyay munaasabadda, ayuu Sharaa ku qeexay in ahmiyadda Suuriya ay tahay “buuxinta firaaqa xukunka, ilaalinta nabad-gelyada shacabka, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, iyo u dhaqaaqidda dhismaha dhaqaale horumarineed”, SANA ayaa sheegtay.

“Howsha kuwa guuleystay waa mid culus, mas’uuliyaddooduna waa mid aad u ballaaran,” ayuu Sharaa hadalkiisa ku sii daray.

Bishii hore, wuxuu tilmaamay inay qaadan karto ilaa afar sano ka hor inta aan doorashooyin la qaban, iyo ilaa saddex sano in dib loo qoro dastuurka dalka.

Maamulku wuxuu horey uga hadlay qabashada shir wada-tashi qaran ah oo ay isugu imaan lahaayeen dhammaan ururrada siyaasadeed ee Suuriya, balse SANA ma aysan soo hadal qaadin shir noocaas ah Arbacadii.

Dagaalkii sokeeye ayaa ka qarxay Suuriya ka dib markii Assad uu si arxan-darro ah u cabburiyey dibadbaxyo nabadeed oo looga soo horjeeday dowladda sanadkii 2011. Colaadda ayaa dishay in ka badan 500,000 oo qof, waxayna ku barakicisay malaayiin kale.

Kooxda HTS  ayaa waxaa urur argagixiso u aqoonsaday dowlad badan oo ay ku jirto Mareykanka, inkastoo ay dhawaan isku dayday inay beddesho hab-hadalkeedii hore, ayna ballan qaaday inay ilaalin doonto beelaha laga tirada badan yahay ee diimaha iyo qowmiyadaha ee Suuriya.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Assad, diblomaasiyiin reer Galbeed ah oo is xig-xigay ayaa booqday Suuriya iyagoo ku baaqay in la helo dowlad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay.

 

Laba diyaaradood oo isku dhacay dalka Mareykanka iyo rakaab weli la la’yahay

Washington (Caasimada Online) – Waxaa isku dhacay diyaarad rakaab oo Mareykanku leeyahay iyo diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo milatariga Mareykanku leeyihiin, sida ay sheegtay waaxda maamulka hawada fedraalka ee FAA.

Diyaaradahan ayaa isku dhacay xili ay marayeen bartamaha hawada dhow ee magaalada Washington ee dalkaas Mareykanka.

Labada diyaaradood ayaa ku dhacday webiga Potomac, oo marta Washinton, sida laa soo xigtay Washington iyo waaxda waaxda adeegga degdega ah.

Diyaaradda helicopterka waxaa saarnaa 60 qof oo rakaab ah iyo afar shaqaale ah halka saddex ka tirsan ciidamada Mareykanka ay saarnaayeen diyaaradda milatariga Mareykanka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in warbixin kooban loo siiyay shilka uuna aad uga xun yahay qaabka wax u dheceen isagoo u mahadceliyey hawl wadeenada gurmadka deg degga ah

Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in webiga Potomac laga soo saarey meydadka illaa 19 oo kamid ahaa Rakaabka diyaaradda America Airlines oo ay isku dhaceen Black Hawk helicopter meel ku dhow Reagan National Airport.

Baaritaan ayaa weli socda, waxaana la baadi goobayaa dadka ka badbaaday shilka diyaaradahaas.

Goob ay isku urursanayeen Al-Shabaab oo la duqeeyay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo xalay ka dhacay agagaarka galbeedka gobolka Hiiraan, taas oo lala beegsaday xubno sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab xilli ay kasoo talaabeen jinga wabiga Shabelle.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan dhanka cirka ah khasaare culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, sidoo kalena looga gubay gaadiid dagaal.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Hiiraan ayaa waxaa haatan dib uga bilowday gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda.

Si kastaba, HirShabelle  ayaa kamid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin Shabaabka, waxaase ka soconaya howlgallo ujeedkooda uu yahay in looga xoreeyo maamulkaasi.

Soomaali lagu xiray Ireland iyagoo ku tahriibaya konteenar

Rosslare, Ireland (Caasimada Online) – Sagaal muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan Soomaali iyo Eritrean, ayaa Isniintii laga dhex helay konteenar xamuul ah oo ku sugnaa dekedda Rosslare Europort kaddib markii ay afar maalmood ku go’doonsanaayeen cunto iyo biyo la’aan.

Kooxdan, oo loo sheegay in si sharci-darro ah loogu tahriibinayo Boqortooyada Ingiriiska (UK), ayaa ka hor intii aan la soo badbaadin la soo xiriirtay mas’uuliyiinta, iyagoo codsaday gargaar degdeg ah.

Markii la helay, ayaa la xaqiijiyey in muhaajiriintani ay ku jireen xaalad caafimaad oo deggan, inkastoo labo carruur ah ay u baahdeen in isbitaal la dhigo dhaawacyo fudud oo soo gaaray awgood. Shaqaalaha caafimaadka ayaa isla goobta, oo ahayd dekedda, ku qiimeeyay xaaladda kooxda, ka hor inta aan loo gudbin baaritaanno dheeraad ah.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in muhaajiriintan, oo da’doodu u dhaxayso 16 iyo 27 sano, ay midkiiba bixiyey lacag ka badan €2,000 oo Yuuro. Lacagtan ayay siiyeen shabakadaha dadka tahriibiya, kuwaasoo si been abuur ah ugu ballanqaaday inay si nabad ah ku gaarsiin doonaan Boqortooyada Ingiriiska. Balse, halkii ay ka gaari lahaayeen halkii ay u socdeen, waxay safarkoodii ku soo idlaaday Ireland.

Cabdicasiis Axmed Muuse, oo ah horjooge ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee Ireland, ayaa sheegay “Mid ka mid ah muhaajiriinta ayaa ku guulaystay inuu sameeyo wicitaan telefoon, taasoo horseeday in booliisku ogaadaan in sagaal nin ay ku dhex jiraan konteenarka. Laba ka mid ah ayaa isla goobta lagu dabiibay, halka mid kalena isbitaal loola cararay.”

Waaxda Qaranka ee Socdaalka (GNIB) ee Ireland ayaa hoggaaminaysa baaritaan caalami ah oo lagu ogaanayo sida raggan loo soo qaaday iyo cidda fududaysay safarkooda.

Mas’uuliyiintu waxay ka shakiyaan in shabakadaha dadka tahriibiya, ee fadhigoodu yahay Afrika iyo Yurub, ay marin habaabiyeen muhaajiriinta, iyagoo ugu ballanqaaday inay geyn doonaan UK, balse ay ku weeciyeen Ireland.

Saraakiisha ayaa aaminsan in muhaajiriintu ay konteenarka ka raaceen magaalada Dunkirk ee dalka Faransiiska, ayna ku dhex jireen ugu yaraan afar ilaa shan maalmood. Baarayaashu waxay si gaar ah u daneynayaan inay gacanta ku soo dhigaan darawalkii gaariga xamuulka ah ee mas’uulka ka ahaa keenista konteenarka dekedda Faransiiska.

Saraakiisha socdaalka ee Ireland ayaa xaqiijiyay in lix ka mid ah sagaalkii nin loo diiday inay dalka soo galaan, dibna loogu celiyay Faransiiska, halkaasoo la rumeysan yahay inuu konteenarku ka soo ambabaxay.

Hal qof ayaa dalbaday magangelyo, codsigiisana waxaa hadda baareyso Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah (IPO). Labadii carruurta ahayd ayaa la hoos geeyay hay’adda ilaalinta carruurta ee Ireland, Tusla.

Dekedda Rosslare Europort, oo ka mid ah xarumaha xamuulka ee ugu mashquulka badan Ireland, ayaa si isa soo taraysa u noqotay bartilmaameedka hawlgallada shabakadaha tahriibinta dadka.

Bishii Maarso 2024-kii, toddobo muhaajiriin Eritrean ah ayaa laga dhex helay iyagoo ku dhuumanaya gaari xamuul ah oo ku sugnaa dekedda, lix ka mid ah ayaa si degdeg ah loo tarxiilay.

Sannad ka hor, 14 muhaajiriin Kurdi ah oo ka kala yimid dalalka Iiraan iyo Ciraaq ayaa laga dhex helay gaari xamuul ah oo ka soo kicitimay Zeebrugge, Belgium. In badan oo kooxdaas ka mid ah ayaan ilaa hadda la hayn meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Bishii Oktoobar 2024-kii, mas’uuliyiintu waxay labo nin ka dhex heleen gaari yar oo ku sugnaa Rosslare, kuwaasoo markii dambe ay siisay taageero dowladeed. Dekedda, oo aragtay koror gaaraya 53% dhanka dhaqdhaqaaqa xamuulka labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa noqotay marin muhiim u ah shabakadaha tahriibinta ee isku daya inay muhaajiriinta si sharci darro ah u galiyaan Ireland iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Dhacdadan ka dhacday Rosslare Europort waxay iftiiminaysaa caqabadaha baaxadda leh ee la xiriira socdaalka aan sharciga ahayn ee ka jira guud ahaan qaaradda Yurub.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa heshay 329,035 codsi magangelyo ah sannadkii 2023-kii, taasoo ka dhigaysa dalka shanaad ee ugu badan adduunka ee ay muhaajiriintu beegsadaan. Isbaanishka ayaa diiwaan geliyay 160,460 codsi magangelyo ah, waana dalka labaad ee ugu badan Yurub, waxaana ku xiga Faransiiska oo leh 145,095 codsi iyo Talyaaniga oo leh 130,565 codsi.

Iyadoo cadaadiska socdaalku uu sii kordhayo, ayaa haddana kooxaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta waxay ka digayaan khatarta sii kordheysa ee ay wajahaan dadka ka soo cararaya colaadaha iyo dhibaatooyinka dhaqaale.

Tiffy Allen, oo ah agaasimaha hay’adda Places of Sanctuary Ireland, ayaa sheegtay in kiisaskani ay ka tarjumayaan heerka quusta ah ee ay gaareen dadka barakacay, iyadoo tirada barakacayaasha caalamiga ah ay hadda kor u dhaaftay 120 milyan oo qof.

Mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in shabakadaha tahriibinta ay sii wadaan inay ka faa’iidaystaan shaqsiyaadka nugul, iyagoo ku boorriyay dowladaha inay xoojiyaan ammaanka xuduudaha, isla markaana ay abuuraan waddooyin sharci ah oo loo maro socdaalka, si looga hortago masiibooyinka mustaqbalka.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir deg deg ah oo looga hadlay xaaladda dalka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Shirkaas ayaa caawa looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo xubin ka ah dalalka ururkaas.

Shirkan oo ay Madaxdu ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo (DRC).

Xasan Sheekh ayaa dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye, ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.

Ugu dambayn, Madaxda dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee shirkan ka qayb galay ayaa isla qaatay in la qabto shir degdeg ah oo ay madaxda EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.

Itoobiyaan lagu dilay Puntland – Sidee ayey wax u dhaceen?

Garoowe (Caasimada Online) – Saddex muwaadin oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay labo maalmood gudahood deegaanada Puntland, iyadoo lagu eedeeyay inay “xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish,” halka tiro Itoobiyaan ah la xiray, sida ay dadka deegaanka u sheegeen wargeyska Addis Standard.

Itoobiyaanka ku nool Puntland ayaa sheegay in “falal isugu jira handadaad, xarig sharci-darro ah, jirdil, iyo boob” oo ka dhan ah qaxootiga iyo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ay ka sii dareen magaalooyin dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Garoowe oo ah xarunta maamulka, Boosaaso iyo Qardho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in rabshaduhu ay bilowdeen 26-kii Janaayo, kaddib markii muwaadin Itoobiyaan ah ay dileen ciidamada ammaanka Puntland. Maalintii xigtay, labo kale oo Itoobiyaan ah ayaa lagu warramay in lagu dilay Boosaaso kaddib markii “dadweyne careysan ay garaaceen.”

Muwaadin reer Puntland ah, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo amni awgood, ayaa Addis Standard u sheegay in dilalkan lala xiriirinayo eedeymo sheegaya in Itoobiyaanka qaar “ay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish.”

“Waxaa suurtogal ah inay jiraan shaqsiyaad Itoobiyaan ah oo arrintan ku lug leh, laakiin in la ciqaabo dhammaan Itoobiyaanka iyadoo marmarsiyo laga dhiganayo in koox yar ay xiriir la leedahay Daacish ma ahan mid xaq ah,” ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen “kumanaan Itoobiyaan ah,” ayuu yiri muwaadinkan.

“Magaalada Garoowe oo keliya, in ka badan 500 oo Itoobiyaan ah ayaa lagu xiray,” ayuu sii raaciyay, isagoo ku dooday in dadka la xiray ay yihiin rayid aan la aqoonin wax xiriir ah oo ay la leeyihiin kooxaha hubeysan.

Muwaadin kale oo Itoobiyaan ah oo la hadlay Addis Standard ayaa sheegay in tallaabadan ay u muuqato mid ka dhalatay “cadaawadda sii kordheysa” oo loo qabo Itoobiyaanka, taasoo cirka isku shareertay kaddib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad ah (MoU) oo dhanka badda ah la saxiixatay Somaliland — heshiiskaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay si adag uga soo horjeedo.

Muwaadinkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ee Puntland, oo ay ku jiraan booliiska iyo maleeshiyaadka deegaanka, ay ku lug leeyihiin weerarrada ka dhanka ah Itoobiyaanka.

Wuxuu xusay in dadweynaha reer Puntland qaarkood “ay Itoobiyaanka ugu hanjabayeen inay dalka isaga baxaan, ayna ka tagaan hantidooda, taasoo salka ku haysa nacayb.”

Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool Puntland ayaa horay ula kulmay dhibaatooyin la mid ah. Bishii Juun 2024-kii, maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in Itoobiyaanka aan haysan sharciga qaxootinimo ee ku sugan Garoowe ay si degdeg ah uga baxaan magaalada, iyagoo walaac ka muujiyay “tiradooda oo sii kordheysa iyo saameynta ay ku yeelan karaan fursadaha shaqo ee deegaanka.”

Addis Standard ayaa horey uga warramay “hanjabaado iyo falal-gacan ka hadal ah” oo ka dhan ah Itoobiyaanka ku nool Soomaaliya kuwaasoo sii kordhay kadib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Maamulka Puntland weli kama hadal dadka Itoobiyaanka ah ee lagu warramay in la dilay.

Daawo: Asad Xaajiyow oo 12 sano kadib soo laabtay isaga oo dhibane u ah Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan dowladda, dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda Muqdisho ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Asad Xaajiyow oo ah wiil caan ah oo Khawaarijta Al-Shabaab ay naafeeyeen.

Soo dhaweynta Asad Xaajiyow ayaa maanta saxmad badan ka abuurtay Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna soo dhaweynta kadib warbaahinta la hadlay isagoo qiireysan.

“12-sano ka hor ayaa halkaan diyaarad la iga saaray anigoo nolosha ka dhacay oo dhabarka la igu sido, maanta waxaan dalkeyga ku soo laabtay iyadoo la i wada jecelyahay,” ayuu yiri Asad Xaajiyow.

Wiilkaan oo naafo ka ah ayaa ku noolaa jiray dalka Malaysia, waxaana bartiisa YouTube ku xiran in ka badan 2 milyan oo qof, wuxuuna baraha bulshada ku soo bandhigaa jiliimo cajiib ah oo asluubeysan, dadkuna jecelyihiin.

Youtuberka caanka ah ee Asad Xaajiyow waxaa 27-kii Agoosto 2012-kii toos u weeraray oo doonayey inuu dilo, balse dhaawac culus u geystay Maxamed Xaaji Ilkacase (Macalinkii Dilaaga ahaa) oo markii dambe gacanta dowladda Soomaaliya soo galay.

Asad markii dhibkaas loo geystay wuxuu ahaa wiil yar oo ku noolaa magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, xiligaas ayaa Soomaaliya laga qaaday isagoo ku jira xaalad quus ah, in ka badan 12 sano kadib ayuu maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

29-kii November 2020-kii Dowladda Soomaaliya ayaa tiirka cadaaladda geysay oo toogatay Maxamed Xaaji Ilkacase oo ahaa dhagarqabihii dhaawacay Asad Xaajiyow, sidoo kalena dilay dad badan oo Soomaaliyeed.

Asad Xaajiyow ayaa sheegay in hadda uu ku soo dhiiraday nabadda ka jirta Soomaaliya, wuxuu gocanayaa dhibaatooyinkii ay Al-Shabaab u geysteen, wuxuuna maanta cesha waayey ilintii intii uu la hadlaayey warbaahinta iyo dadkii ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde.

Hoos ka daawo

Faah-faahinta doorashada oo la shaaciyey: Deegaanada, gobollada iyo 800 oo xarun

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya (NIEC) ayaa ku dhawaaqay in doorashooyinka goleyaasha deegaanka la qaban doono bisha Juun, iyadoo ay ka mid yihiin gobollada Gedo iyo Khaatumo.

Doorashooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaalka dowladda federaalka ee lagu xoojinayo maamulka dowladaha hoose.

Guddoomiyaha NIEC, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka ku sheegay in la aqoonsaday 800 xarumood oo codbixin ah, kuwaasoo laga hirgelin doono Muqdisho, Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland—oo ay Gedo ku jirto—Koonfur Galbeed, iyo maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Wuxuu xusay in wadatashiyo lala yeeshay inta badan madaxda dowlad-goboleedyada ay aasaas u noqdeen diyaarinta doorashooyinka.

Ururada siyaasadeed ee doonaya inay ka qeyb galaan doorashada waa inay buuxiyaan shuruudo adag oo cusub. Sida uu sheegay Cabdikariin, dhammaan ururada waa in ay iska diiwaan geliyaan guddiga, halka ururadii horey u diiwaangashanaa laga doonayo inay dib u cusboonaysiiyaan shahaadooyinkooda.

Sidoo kale, urur kasta waa in uu cadeeyaa inuu haysto ugu yaraan 10,000 xubnood, shuruud loo dejiyey si loo hubiyo kalsoonida iyo taageerada ballaaran ee ay haystaan.

Doorashooyinka dhammaan gobollada waxaa lagu wadaa in hal maalin la wada qabto, iyadoo Muqdisho door muhiim ah ka qaadan doonto.

Goobaha codbixintu waxay ka dhici doonaan degmooyinkii rasmiga ahaa ee la aqoonsanaa ka hor 1991 xilligii dowladdii militariga, oo tiradoodu ahayd 95 degmo. Si kastaba ha ahaatee, NIEC ayaa arrintaas dib u eegis ku sameysay, iyadoo fududeysay hannaanka doorashada lana dhimay tirada degmooyinka si ay u noqdaan 65, si loo hagaajiyo hab-sami u socodka doorashooyinka.

Hase yeeshee, hannaanka doorashooyinka ayaa wajahaya caqabado waaweyn.

Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa weli jira, halka mucaaradku ay si adag uga soo horjeedaan in doorasho guud laga qabto dalka oo dhan. Xiisadahan ayaa dhalinaya su’aalo la xiriira suurtagalnimada in doorashooyinka ay si buuxda uga qabsoomaan dhammaan goobaha la qorsheeyey.

Ilhaan Cumar oo si adag uga hadashay tallaabooyin uu qaaday madaxweyne Trump

Washington (Caasimada Online) –Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu saxiixay amarro fulineed oo la xiriira socdaalka iyo muhaajiriinta, kuwaas oo shacabka Mareykanka ay ku kala aragti duwan yihiin.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali Mareykan ah oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa wareysi ay siisay BBC waxay ku dhaliishay arrimaha la xiriira musaafurinta muhaajiriinta ee Trump uu bilaabay.

“Sidii uu Trump u soo laabtay dhaawac weyn ayaa soo gaaray dadka, argagax ayuu abuuray, waan ka xunahay in la kala geeyo carruurta dalkaan ku dhalatay iyo waalidkood, dhibaatooyinka uu Trump geysanayo waa ay ka badan yihiin kuwii uu geystay afartii sano ee horay uu u soo xukumay dalkaan,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan waxay quus ka muujisay ka hortaggeeda go’aanada uu Trump dalka Mareykanka uga tarxiilayo dadka soo galootiga ah.

“Awoodda maamulka dalka waxaa hadda heysta xisbiga Trump, anaga waa nagu adagtahay in go’aanadooda aan ka dagaalano, laakiin waan caawi doonaa dadkeena, intii aan karno,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Sidoo kale Xildhibaan Ilhaan waxay talooyin siisay Soomaalida soo galootiga ku ah dalka Mareykanka ee halista ugu jira in lasoo tarxiilo, waxayna ku dhiirigelisay in aysan is dhigan sharciyadoodana aysan si sahlan u tusin kooxaha musaafurinta.

“Waxaan kula talinayaa dadka Soomaalida ah, hadii ay ku su’aalaan si sax ah ha kugu jawaabin, u sheeg in looyar aad ku xiran tahay oo masuul lagaa yahay, ha tusin sharciyadaada iyo sida aad ku imaatay, isku diyaari oo baro sharciyada dalkaan,” ayey tiri Ilhaan.

Ilhaan Cumar waxaa la weydiiyey qorshaha Trump ee lagu rarayo dadka Qasa degan, waxayna sheegtay in arrintaas ay ka soo horjeedaan, isla markaana ay rajeyneyso in dalalka Carabta ee Masar iyo Joordan aysan Trump ka ogolaa doonin waxa uu wado.

“Dadka muslimiinta ah ee reer Falastiin waxaan taageersanahay inay dalkooda joogaan oo aan laga rarin,” ayey tiri.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey qorshaha Trump uu deeqihii uga jartay qaar kamid ah dalalka caalamka oo Soomaaliya ay ku jirto, “Waxaas kama yeeleyno Aqalka Kongareeska ayaan u fadhinaa cod ayaana u qaadi doonaa,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Ilhaan.

Dhanka kale, Ilhaan Cumar waxay sheegtay inay diyaar u tahay la shaqeynta Madaxweyne Trump, haddii uu ka shaqeynayo danaha shacabka.

Xisbiga Xasan Sheekh oo heshiis noociisu cusub yahay la galay xisbul xaakimka Turkiga

0

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee Soomaaliya iyo xisbiga AK Party ee haya talada dalka Turkiga ayaa maanta heshiis is-afgarad ku kala saxiixday magaalada Ankara.

Heshiiska ayaa labada dhinac waxaa u kala saxiixay xoghayaha guud ee xisbiga UPD xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo guddoomiye ku-xigeenka AK Party Mr. Zafer Sirakaya.

Heshiiskan ayaa wuxuu u gogol xaarayaa in labada xisbi ay yeeshaan iskaashi qoto dheer oo ku aaddan; is-waydaarsiga khibradaha, aragtiyada iyo cilmi baarista, hindisaha iyo hirgalinta barnaamijyada siyaasadeed, kobcinta xirfadda kaadirka iyo sare u qaadista wacyiga siyaasiga ah ee bulshada.

Is-afgaradka xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh iyo xisbul xaakimka dalka Turkiga ayaa ku soo aadaya xilli uu socdo diyaar-garowga nidaamka axsaabta oo Soomaaliya la qorsheyneyo inuu markii u horreeyay ka hana-qaado.

Dhawaan guddigga doorashooyinka qaranka oo muran ka taagan yahay hanaankii lagu dhisay ayaa soo saaray jadwalka doorashada, iyagoo ku dhowaaqay inay furan tahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda.

Diiwaan-gelinta ururrada siyaadadda ayaa bilaabatay 20-kii Janaayo, iyadoo socon doonta illaa 31-ka Maarso 2025. Muddadaas ayuu guddiga sheegay in ururrada siyaasadda lagu siin doono shahaadada aqoonsiga ah, islamarkaana ay saxiixi doonaan shuruucda lasoo kordhiyay ee doorashooyinka.

Guddiga ayaa horey u sheegay inuu gaari doono goobo lasoo sahmiyay, si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda si looga gudbo doorasho dadban.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka.

Xogta kulamo uu madaxweyne Xasan Sheekh ka wado Tanzania + Sawirro

0

Daaru-salaam (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeyb-galay shirweynaha tamarta Afrika ee ka socda Daaru-Salaam ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa la kulmay madaxweynaha Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiga ee arrimaha bulshada bariga Afrika.

Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Tanzania ayaa kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada shaqeynta dhinacyo badan.

Tan ayaa muujineysa rabitaanka labada dal ee kobcinta xasilloonida iyo horumarka gobolka, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama, waxayna ka wada-hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Ghana, maalgashiga iyo isku xirka ganacsatada labada dal.

Madaxweynaha ayaa la kulmay madaxa bangiga horumarinta Afrika (AfDB) Akinwumi Adesina oo ay dul istaageen wadashaqeynta Soomaaliya iyo Bangiga, kobcinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan xoolaha, dhaqaalaha badda, tamarta iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Dr. Adesina si uu u booqdo Soomaaliya taas oo uu aqbalay.