25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Qarax khasaare culus geystay oo mar kale lala beegsaday HORMUUD (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay Gaari Booyad ah oo nooca shidaalka qaada ah, taas oo gabi ahaanteed gubatay.

Booyada gubatay waxaa lahaa shirkada isgaarsiinta Hormuud, waxaana la qarxiyey xilli ay mareysay xaafada Waxaracade – degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegay in qaraxa gaarigaas gubay uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse waxaa gabi ahaanba gubtey oo basbeeshay Booyadii oo waday shidaal, sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan Hormuud.

Sawirro laga soo qaaday gaariga gubtay ayaa muujinaya baaxadda dabka, waxaana la kala garan waayey in qaraxa lagu soo dhejiyey gaariga iyo in jidka loo dhigay.

Waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkadda Hormuud mudo ka yar 48 saacadood gudahood oo ka dhacay Muqdisho.

Saacado ka hor qarax lagu xiray gaari Noha ah oo ay leedahay shirkadda Hormuud ayaa ka dhacay isla degmada Heliwaa, kaas oo sababay dhimashada nin ka mid ahaa shaqaalaha shirkadda, isla qaraxaas dhaawacyo halis ah ayaa la sheegay inay ka soo gaareen hawl-wadeeno kale.

Qaraxyada lagu beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ayaa bilahaan ku badan magaalada Muqdisho, xarumo badan ayaa la burburiyey manajiro war ka soo baxay maamulka shirkadda oo ku saabsan beegsigaan.

Ila hada lama oga sababta loo beegsado iyo cidda beegsaneysa shirkadda Hormuud, laamaha amnigu kama hadlaan, Shabaab sidoo kale kama hadlaan, maamulka shirkaduna waa ka aamusan yihiin weerarrada ku socda xarumaha, gaadiidka iyo shaqaalahooda.

Puntland oo ku dhowaaqday go’aan cusub kadib mowqifkii SSC ee doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Madaxweyne Saciid Deni ayaa markii u horeysay ku dhowaaqday go’aan ka gedisan kuwii dhawaan kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC ee ku shaaciyeen in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulkaas, ayna isaga baxeen.

Xukuumadda Deni ayaa sheegtay in doorashada Xildhibaannada aysan waxba iska beddeli doonin, ayna Isimida dhaqanka SSC ay soo xuli doonaan, maadaama aan weli si rasmi ah loo guda galin kala gurashada labada maamul.

“Kala bixidda labada dhinac ayaa waxaa loo mari doona hannaan waafaqsan sharciga iyo nidaamka, taasi oo aan hal maalin ku dhammaan karin,” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Puntland, Maxamed Cabdiwahaab Axmed.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in hannaanka kala bixista Puntland iyo SSC-Khaatumo uu bilaaban doono doorashada kadib, balse hadda la soo xuli doono xildhibaannadii SSC, iyada oo loo marayo habraacii saxiixa isimada ama cuqaasha degaanka.

“Rabitaanka dadka SSC iyo nidaamka dastuuriga ah ayaa la is waafajinaya. 17-ka xildhibaan waa la soo xulaya, garaadada laftooda soo xulaya ama cuqaasha soo xulaysa, habraacii loo mari jiray ayaana loo maraya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka.

Isimada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo ayaa dhawaan soo saaray go’aanno culus oo ay ku shaaciyeen inay uga baxeen Puntland, maadaama ay dhisteen maamul gooni ah oo madax-bannaan.

Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan ka qayb-geli doonin doorashada ka dhaceysa Puntland, iyagoo sheegay in aysan soo xuli doonin 17-kii xildhibaan ee ay horay ugu lahaayeen.

“Waxaanu goosanay in 17-ka xildhibaan aan la qorin oo aynan ka qayb-gelin doorashada Puntland ka dhaceysa,” ayaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Waxaan kale oo aan goosanay in aysan jirin kuwo jooga oo la cusbooneysiinayo, taas oo micnaheedu noqoneyso wax reer Khaatumo ah oo xildhibaano ah oo ka qayb-galayaa doorashada Puntland bataatan inayna jirin.”

Booliska oo war kasoo saaray arrin caro xoogan ka abuurtay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray arrin ay si weyn uga caroodeen qaar kamid ah dadweynaha Muqdisho, taasi oo aheyd in la mamnuucay indha-shareerka iyo cimaamadaha.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa gebi ahaanba beeniyay in la mamnuucay indha-shareerka iyo cimaamadaha ragga gashtaan, isaga oo ku tilmaamay “dacaayado cadowga ka dambeeyo”.

“Majiro go’aan Amni oo lagu mamnuucayo ama wax lagu yeelayo calaamadaha Dimeed iyo kuwa dhagan ee Bulshada Soomaaliyeed,” ayuu Taliye Mahad ku yiri qoraal uu soo saaray.

“Waa dacaayad cadawgu ka danbeeyo wararka la xiriira arintaas waana in aan lagu kadsoomin. Ciidanka Amnigu waxa ay u taagan yihiin ilaalinta Diinta
Sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday dadweynaha Muqdisho inay Taliska kusoo wargeliyaan haddii lagula kaco tacaddiyo noocaas ah, “Cidii la kulantay tacaddi nuucaas ah hala soo xiriirto xafiiska cabashada iyaga oo wacaya 991. Mahadsanidiin.”

Qoraalka Booliska ayaa imanaya ka gadaal 24-kii saac ee lasoo dhaafay markii waddooyinka magaalada lagu arkayay ciidamada oo qaadaya tallaabooyin ka dhan indho-shareerka iyo sidoo kale ragga wata cimaamadaha.

Waxaa markaas warbaahinta gudaha kasoo muuqday dadweyne ka cabanaya arrinkaas, ayada oo mid kamid ah odayaasha ku dhaqan Muqdisho oo markaas ka hadlay arrintaan uu sheegay inay soo dhaweynayaan in la baaro, balse ay kasoo horjeedaan in laga qaado cimaamadaha.

“Sababta aan go’aankan u diidaayo waxaa waayey cimaamada ninka odeyga ah waa sharaftiisa, waa qiimahiisa cimaamad la’aan nin waayeel ah kuma fiicno,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Baaritaan waa caadi dadkaan waa isku dhex jiraan dhibkooda waa is dhex yaallaa sumad kuuma saarna, laakiin ninkaan tusbixiisa iyo cimaamadiisa wata dhig dhibaato waayay.”

Sidoo kale, gabdhaha isticmaala indho-shareerka ee ku dhaqan gudaha caasimada oo ka hadlay saameynta arrintaan, ayaa markaas dalbatay in wax laga qabto dhaqanka cusub ee ciidanka kusoo kordhiyeen caasimada.

“Dowladda waxaan baaq u dirayaaa in gabdhaha ay indho-shareerka loo daayo,” ayay tiri mid kamid ah gabdhaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo la hadashay Dalsan TV.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo ay joogto u sameeyaan ciidamada amniga, taasi oo keentay inay yaraadaan qaraxyadii iyo falalkii amni darro ee ka dhici jiray caasimada Soomaaliya.

Document sir ah oo laga helay weerarkii ugu weyna ee Masar oo ay qeyb ka aheyd Israel

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dukumiintiyada Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in weerarkii militariga ee saddex geesoodka ahaa ee Masar lagu qaaday 1956 uu aad uga weynaa kii lagu dhawaaqay xilligaas.

Sida ku cad dukumentiyada aan dib u eegista ku sameeynay, weerarku wuxuu ujeedkiisu ahaa in Masar dhaqaale ahaan iyo ciidan ahaanba lagu burburiyo, loona gogol xaaro nidaam cusub ka dib markii la afgambiyay taliskii Madaxweyne Gamal Abdel Nasser.

Bishii Luulyo 26, 1956, Nasser wuxuu qarameeyay Shirkadda Suez Canal.

Ingiriiska iyo Faransiiska oo ay Israa’iil ka qayb qaadanayso, ayaa kaga jawaabay weerar millatari oo loogu magac daray “Hawlgalka Habeenka”, kaas oo hadafkiisu ahaa in uu dib u soo celiyo kontoroolka caalamiga ah ee halbawlaha badda ee muhiimka u ah ee adduunka.

Dukumentiyada ayaa muujinaya in Maraykanku uu si qarsoodi ah ugu digay Ingiriiska iyo Faransiiska cawaaqibka ka dhalan kara dhaqdhaqaaq kasta oo ka dhan ah Masar.

Weerarka, oo ay Masaarida ku tilmaameen mid gardarro ah oo saddex geesood ah, ayaa la bilaabay 29-kii Oktoobar, 1956, inkastoo NATO ay ” Caro” u muujisay Ingiriiska.

Dukumentiyada ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska ayaa muujinaya in qorshaynta weerarka Masar ay dhab ahaantii bilaabatay saddex maalmood ka dib go’aankii Naasir ee lagu qarameeyey Kanaalka Suweys.

Israa’iil oo dagaalka bilowday waxay diyaarisay qorshe u gaar ah oo loogu magac daray “Kadesh,” kaas oo ay ku qabsatay marinka Qaza ee markaasi hoos tagayay maamulka Masar, iyo gacanka Siinaay.

Faah-faahinta qorshaha weerarka

Sida laga soo xigtay warbixin sir ah, oo kaliya ay arkeen ciidamada sirdoonka, guddiga wadajirka ah ee Britain, ayaa shir ay yeesheen 30-kii July, waxay kaga hadleen u diyaar garowga dagaalka, iyadoo uu goobjoog ka ahaa General Sir Charles Keatley, taliyaha ciidamada isbahaysiga saddex geesoodka ah ee ka soo horjeeda Masar.

Warbixinta guddiga oo cinwaan looga dhigay “Warbixinta Guddiga Wadajirka ah ee Qorsheynta ee la xiriirta helista ciidamo ka dhan ah Masar” ayaa lagu sheegay in Wasaaradaha Dagaalka iyo Cirka ay “daraaseynayaan qaabkii lagu heli lahaa ragga lagama maarmaanka u ah in ay bilaabaan howlgal ay ku qabsanayaan Kanaalka Suweys iyada oo aan la ogaan”.

Ciidanka badda ayaa markaa “filayey inay awoodaan inay helaan ragga lagama maarmaanka ah iyaga oo aan wicin wax kayd ah.”

Ka sokoow ka hadalka qorshaha howlgalka ciidamada, ayaa waxaa ka hadlay taliyayaasha ciidamada.

  •  Suurtagalnimada in duqaynta hawada ay keeni karto khalkhal ku yimaada saadka saliidda
  • Suurtagalnimada in wax kasta lagu sameeyo muddada gaaban si loo joojiyo biyaha Niilka.

Bartamihii bishii Oktoobar, Guddiga Shaqaalaha ee Boqortooyada Ingiriiska, oo ogolaansho ka helay Ciidanka Faransiiska, ayaa ansixiyay qorshaha lagu fulinayo hawlgalka milatari ee “Knight”.

Warbixin ay siiyeen xafiiska Ra’iisul wasaaraha, guddiga ayaa ku sheegay in qorshuhu yahay “in uu ku saleysan yahay fikradda weerarka cirka iyo dagaalka nafsaaniga ah oo ay la socdaan ugu yaraan khasaaraha rayidka ah”.

Waxaa la go’aamiyay in qorshahan loo fuliyo saddex marxaladood:

  •  Midka koowaad: baabi’inta ciidamada cirka Masar.
  • Labaad: Weerar dhanka hawada ah oo uu wehliyo olole. Weerarka cirka waxa lagu jihaynayay bartilmaameedyo la soo xulay oo ujeedadu tahay in ay sababto khalkhal aan hore loo arag oo ah dhaqaalaha, niyadda, maamulka iyo ciidamada qalabka sida ee Masar iyo, ugu dambeyntii, in la burburiyo rabitaanka Masaarida ee iska caabinta.
  • Seddexaad: In marka hore gacanta lagu dhigo dekedda Port Saciid, ka dibna la qabto aagga kanaalka, Ismaaciiliya iyo Abuu Suweyr, iyo u sii gudubka Tal al-Kabiir, Fayed, iyo Suweys.

Hogaamiyayaasha ciidamada marxaladan waxay cadeeyeen liiska goobaha barlimaameedyada muhiimka ah:

Kow: Saldhigyada Ciidanka,Ciidanka Cirka iyo Badda ee xaafadaha Qaahira, Alexandria, Port Saciid, iyo Suez, iyadoo ujeedadu tahay in jir ahaan loo burburiyo qaab dhismeedkooda urur, nidaamyo isgaarsiineed, iyo saldhigyadooda, iyo muujinta karti-darrada Ciidanka, Ciidanka Cirka. , iyo ciidamada badda ee dadka Masar.

Tan labaad: xarumaha shidaalka, dhuumaha shidaalka, iyo haamaha kaydka ee afarta magaalo ee waaweyn.

Seddexaad: Gaadiidka: Tareennada, oo ay ku jiraan waddooyinka, buundooyinka, meelaha ciriiriga ah, gawaarida dhulka, iyo xarumaha dawladda. Bartilmaameedyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 17 gobol, maamul goboleedyada, degmooyinka iyo magaalooyinka Masar oo dhan, oo ay ku jirto Qaahira.

Afar: Xarumaha Korontada.

Shanaad: Ciidanka Masar ee Sinai, iyo meelaha la midka ah ee ay ku urursan yihiin oo ay fududahay in la weeraro. Tusaale ahaan, isgoysyada kanaalka, meelaha lagu uruuriyo hubka iyo gaadiidka, iyo difaacyada iyo ciidamada ku xeeran Dekedda Saciid.

Hadafka ugu horreeya wuxuu ahaa in la aamusiyo Radio Qaahira, oo lagu beddelo Raadiyaha Bariga Ingiriiska. Qorshaha aamusinta waxaa ka mid ahaa in la duqeeyo afarta xarumood ee Abu Zaabal, oo ay ku jiraan xarumaha Qaahira iyo Alexandria.

Marka loo eego qorshaha dagaalka, ujeedadu waxay ahayd “in la gooyo isgaarsiinta raadiyaha si loo jaro xiriirika u dhexeeya dawladda Masar iyo dunida kale.”

Isha: BBC Somali

DF oo war yaab leh kasoo saartay ku biirista ururka EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadleyso erey bixinta Af-Soomaaliga ee saxda ee loo adeegsanayo urur goboleedka EAC, ee dhawaan ku biirtay Soomaaliya.

Bayaankan oo kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxay hay’adaha dowladda iyo warbaahinta kula wadaagtay in erey bixinta saxda ah ee EAC ay noqoneyso “urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga ah”.

Sidoo kale waxaa loo soo soo gaabin karaa urur goboleedka bariga Afrika, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

“Waxaa la farayaa dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan iyo warbaahinta inay sidaa u adeegsadaan marka ay qorayaan ama ka hadlayaan urur goboleedkan aan dhowaan ku biirney,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka dowladda.

Soomaaliya ayaa heshay codadka dhamaan dalalka ku jira ururkaan daba-yaaqadii bishii November, ayada oo xaflada saxiixitaanka ee ku biirista rasmiga ah ay dhawaan ka dhacday Madaxtooyada Uganda.

Sidoo kale waxaa isbedel lagu sameeyay qariiradda urur-goboleedkan, waxaanz lagu biiriyay qariiradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga ah ee EAC.

Sawirro: Dowladda oo fulisay arrin ay ka dardaarantay Wasiir KHADIIJA DIIRIYE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn maanta fulisay arrin ay horay iga dardaarantay wasiirkii hore ee haweenka iyo xuuqul insaanka oo dhawaan ku geeriyootay dalka Jabuuti, laguna aasay magaalada Muqdisho.

Dardaarankaas ayaa ahaa gargaar loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadka Elnino ee ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Hay’adda SoDMA oo ka duuleysa dardaaranka marxuumadda ayaa guddiga ololaha Hooyo Badbaadi Hal Qoys oo ay horkacaysay Wasiiru-dowlaha wasaaradda Haweenka, Aamino Xasan Cali ku wareejisay shixnad gargaar ah oo loogu talagalay qoysaska dhibaateysan.

Sida ay hay’addu sheegtay waxaa gargaarkaan loo qeybin doonaan illaa 500 oo qoys oo ka kooban haween iyo carruur.

“Gargaarkaan oo sida qaaska ah ay ugala dardarantay hay’adda SoDMA wasiirkii hore ee Haweenka XFS AUN Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 500 oo qoys oo ka kooban haween iyo Carruur, waxana uu ka koobanyahay qaybaha kala duwan ee raashinka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Maareynta dowladda.

Sidoo kale SoDMA ayaa sii raacisay”Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka waxaa ka go’an dardargalinta howlaha Gurmadka dadkeena taagta yar ee fatahaaduhu saameeyeen”.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, kadib markii ay daadad xoogan ku rogmadeen gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa saaxibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ayaa haatan ku howlan u gargaarida qoysaska soo barakacay ee ku dhaqan gudaha dalka.

Maxkamada sare ee Puntland oo 3 qodob soo saartay kadib go’aankii SSC-Khaatumo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee maamul goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay go’aannadii kasoo baxay Isimada dhaqanka SSC oo maalin ka hor shaaciyay in aysan qayb ka noqon doonin doorashada maamulkaas, ayna isaga baxeen.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Puntland Axmed Sheekh Cumar Xasan oo qoraal soo saaray ayaa talo sharci ah soo jeediyay, kadib go’aankii SSC-khaatuma.

Axmed Sheekh Cumar oo ah nin kasoo jeeda SSC ayaa ka horyimid go’aanka ay qaadeen Isimada Khaatuma wuxuuna sheegay inuu ka dhiman yahay habraaca loo maro heshiisyada iyo ka bixistooda, kaas oo ah is waafajinta danaha dhinacyada uu khuseeyo go’aanka.

“Inuu go’aanka Isimada ka dhiman yahay habraaca loo maro heshiisyada ama ka bixistooda habraacyadaas oo ah kuwa is waafajinaya danaha dhinacyada ay khuseeyaan, maadaama uu go’aankooda ku dhisan yahay maslxadda hal dhinac oo kaliya” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay xaq u leedahay inay qabsato doorashadeeda, maadaama ay go’aankani lasoo daaheen Isimada SSC-Khaatuma.

“Inay Puntland xaqu uleedahay inay doorashadeeda u qabsato qaabkii horay loogu qaban jiray, SSC-na ay ku caban karin, maadaama aanay Isimadu go’aankooda kusoo gudbin waqtigii ku haboonaa” ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in doorashada dib loo dhigo inta xal laga gaarayo, isla markaana kharashaadkii baxay ay dagamaad qaado SSC-Khaatuma.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyay inay sii shaqeeyaan 17-kii xildhibaan ee baarlamaankii 5-aad inta iyana arrintooda laga xalinayo soo xulista xildhibaanada ka imaanaya SSC.

Si kastaba, Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada oo aan xal loo helin iyo go’aanka ay qaateen Isimada SSC.

Daawo: Muxuu Gaas ka yiri xaaladda adag ee Puntland iyo go’aankii SSC-Khaatuma?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas iyo doorasooyinka.

Gaas ayaa ugu horreyntii saluugay qaabka ay wax u socdaan iyo hannaanka ay xukuumadda u wajaheyso doorashooyinka la filayo inay dhowaan ka dhacaan Puntland.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday walaaca ay musharixiinta mucaaradka ka qabaan guddiga doorashada ee uu dhowaan magacaabay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

“Golaha musharaxiinta kalsooni kuma qabaan sida ay wax u wadaan guddiga doorashada, waana arrin culayskeeda iyo saameynteeda leh” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay go’aankii kasoo baxay Isimada SSC ee ku aadan ka bixitaankooda Puntland, wuxuuna sheegay inuu saameyn wey ku yeeshay Puntland, gaar ahaan qaabka ay u socotay doorashada.

“Arrinta kale waxaa weeye shalay go’aamaa kasoo baxay dhaqanka SSC, waxayna nagu yeelatay saameyn weyn guud ahaan Puntland, gaar ahaan Process-kii socday ee doorashada ” ayuu mar kale yiri madaxwyenihii hore ee maamul goboleedka Puntland.

Ugu dambeyn wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashadaay ku dhici doonto waqtigeeda, lagana gudbi doono xaaladda adag ee haatan ka jirtay Puntland.

“Insha Allah guul iyo khayr ayaan rajayneynaa waxaan Ilaahey ka baryeynaa in doorasho xor iyo xalaal ah ay Puntland ka dhacdo siddeeda January” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Si kastaba, Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada oo aan xal loo helin iyo go’aanka ay qaateen Isimada SSC.

Sawirro: Madaale oo saxiixay miisaaniyadda gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa maanta saxiixay miisaaniyadda sanadka cusub ee 2024, iyo xeerka nidaaminta maaliyadeed ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Ciise Guure ayaa madasha ka sheegay in miisaaniyadda iyo xeerka nidaamka maaliyadeed ee hanaanka hufan (PFM system) uu wax weyn ka tarayo daah-furnaanta iyo isla xisaabtan dhab ah, asigoona ka codsaday mas’uuliyiinta in ay ansixiyaan.

Mas’uuliyiinta Madashada ku sugnaa ayaa codad gaaraya 88-cod ku ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2024 iyo xeerka nidaamka maaliyadeed ee maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Ansixinta miisaaniyadda sanadka cusub iyo xeerka nidaamka maaliyadeed ee maamulka ayaa waxaa diiday 7-xubnood, halka 4-xubnood ee ku aamuseen.

Munaasabadda ansixinta miisaaniyadda maamulka gobolka Banaadir ee 2024, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Guddoomiye Ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xoghayaha Guud, Madaxda Maamulada Degmooyinka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Madaxda deegaanada gobolka Banaadir, Agaasimeyaasha guud, Agaasime waaxeedyadda, La-taliyeyaal iyo Garyaqaanka maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale oo madasha ka hadlay ayaa ugu dambeyntiina wuxuu u mahad-celiyay masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmooyinka, isaga oo sheegay in halka la jooga maanta lagu soo gaaray wada-jir iyo wada-shaqeyn.

“Wada-jirkii iyo wada-shaqeyntii waa kusoo caana maalnay, wixii noo qabsoomay sanadkii 2023 waxaa kusoo bandhigi doona xafladda sanad-guurada, oo rajeynayno maalmaha soo socota in aan qabano halkaasi ayaa lagu sheegi doona waxa dhan.”

Mucaaradka Puntland oo war culus kasoo saaray go’aanka SSC uga baxeen Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Puntland oo shir deg deg ah ku yeeshay Garoowe ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray mowqifkooda Arrimaha doorashada iyo go’aankii SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeed ka kooban laba bog oo ka soo baxay musharaxiinta ayay ugu horrayn ku sheegeen in ay ixtiraamayaan go’aanka isimada iyo Maamulka SSC-Khaatumo kaga baxeen doorashada Puntland, balse waxay intaas raaciyeen in loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay, si loo kala guuro, oo ay u kala baxaan Puntland iyo SSC.

Golaha Musharaxiinta Puntland ayaa sidoo kale isku raacay in aan ka hor 31 Dec 2023 la soo xuli karin xildhibaannada laga soo doorto SSC-Khaatumo, inta laga helayo heshiis siyaasadeed oo xukuumadda iyo musharaxiinta mucaaradka ah ka gaaraan soo xulista 17-ka xildhibaan ee reer SSC.

Golaha Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale caddeeyay in aysan aqbali doonin xildhibaanno ku soo baxay habraac baal-marsan saxiixi Isimada ku soo xuleen xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland doorashadii Dec 2018.

Isimmada Khaatumo ayaa shalay soo saaray go’aan ay ku joojiyeen xulista xildhibaanadii ay ku lahayeen Puntland, kuwaas oo dhan 17 xildhibaan, taasi oo ka dhigan inay SSC iyo Puntland kala gurteen.

Go’aanka Isimmada ayaa yimid xilli xulista xildhibaanadu ka socoto Puntland qaar badan oo ka mid ahna ay odayaasha dhaqanku soo saaraan.

Sool iyo Buuhoodle ayaa lahaa tirada ugu badan ee hal beel ku lahayd baarlamaanka Puntland laakiin hadda go’aanka ayaa haddii uu hirgalo baddalaya qaabdhismeedka saamiqaybsiga baarlamaanka. 

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka mucaaradka Puntland

DF Somalia oo shaacisay khasaaraha Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalkii Caad

0

Caad (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay dagaal aad u cuslaa oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay duleedka deegaanka Caad oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Taliyaha ciidanka dhulka, Jeneraal Dayax Axmed Cabdulle oo ku sugan jiidda hore ee dagaalja ayaa sheegay in dagaalkii Caad jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Dayax ayaa tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka oo weerarka qaaday ay cagta mariyeen saldhigyo maleeshiyaadka Al-Shabaab kulahaayeen halkaasi, laguna laayay xubno badan oo uu sheegay inay ciidamadu kor tageen maydadkooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada, kaas oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaan la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen soonaha Caad” ayuu yiri Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle.

Sidoo kale wuuxuu soo hadal qaaday dagaal kale oo isna ka dhacay deegaanka Baraag oo u dhow magaalada Caad, kaas oo khasaare kale lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in gaadiid badan looga gubay kooxda, sidoo kalena aan lasoo koobi karin jabka xoogan ee ku gaaray halkaasi.

“Khasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helay”. ayuu hadlajiisa yari taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa maanta ah mid kacsan, waxayna ciidamada huwanta ay kusii siqayaan deegaano iyo degmooyin dhaca gobollada dalka, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug.

Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay wasaaradda difaaca Soomaaliya ay shaaca ka qaaday in dagaalladii ugu dambeeyay lagu dilay 130 ka tirsanaa Al-Shabaab.

Weerar iyo dagaal toos ah oo ka dhacay duleedka Baydhaba

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen agagaarka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Weerarka oo lagu eekeeyay fariisin ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin waqooyiga magaalada ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi, waxayna sheegeen inay iska caabiyeen dagaalka lagu soo qaaday.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaaca ka qaaday in khasaare ku gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa goobta lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta lgau dagaalamay ciidamada Koonfur Galbeed oo howlgallo ka bilaabay duleedka magaalada Baydhaba.

Weerarkan iyo dagaalka xigay ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay aad loo adkeeyay amniga Baydhaba, kadib amaro ay soo rogeen laamaha amniga magaaladaasi.

Inta badan xubnaha Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fuliya gobollada Baay iyo Bakool oo ay go’doomiin ku hayaan, halkaas oo ay ka jiraan xaalado adag oo nololeed.

Sawirro: Safiirka Imaaraadka oo kulamo ka wada Muqdisho – Maxaa looga hadlay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa xafiiska Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kulan kula qaatay xubnaha guddiga iyo Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Ahmed Jumah Alromaithi.

Xubnaha guddiga oo uu hogaaaminayo guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta Xildhibaaan Mustaf Dhuxulow ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay howlaha guddiga u qabsoomay tan iyo intii la magacaabay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha ku amaanay howsha muhiimka ah ee ay hayaan iyo sida ay ugu howlanyihiin ka mira dhalinta howsha loo magacaabay.

Guddoomiyaha ayaa guddiga kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Safiirka kula dardaarmay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo in la sii laba jibaaro xiriirka Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa kawada hadlay dowrka dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aaddan arrimaha la tacaalida fatahaada ka jirta guud ahaan dalka iyo sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa buundooyinka ka burburay magaalooyinka qaar ay fatahaadaha ka dhaceen.

Safiir Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa u ballan qaaday hay’adda SoDMA in ay sii labo jibaari doonaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka qayb qaadan doonaan dib u habaynta bundooyinka ku burburay fatahaada ka dhacday dalka.

Dagaalkii u cuslaa oo maanta ka dhacay duleedka Caad iyo buurihii lagu dagaalay oo…

0

Shabeelow (Caasimada Online) –Faahfaahino dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Caad ee gobolka Mudug, dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka xoogga dalka ay weerareen dhufeysyadii Al-Shabaab.

Buur lagu magacaabo Jeex-jeex oo Shabaab ay ka difaacanayaan deegaanka Caad ayaa saakay lagu weeraray kooxda, waxay ciidanku la kulmeen iska caabin culus, maadaama ay halkaas isugu keeneen waxay ciidan heysteen.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii saakay waaberigii hore ay ciidamadu weerar ku qaadeen dhufeysyadii kooxda, halkaas waxaa maanta oo dhan ka socday dagaal la isku riiqmay oo Shabaab lagu gaarsiiyey khasaare culus.

Galabta salaadii Casir kadib, waxaa la sheegay in ciidamada xoogga dalka ay dib uga gurteen goobtii lagu dagaalamayey, iyagoo dib ugu laabtay buuraha Shabeelow oo saakay ay weerarka ka qaadeen.

Dad ku nool deegaanka Caad oo kooxda Shabaab ay maamusho ayaa Caasimada Online u sheegay in meydad iyo dhaawacyo badan ay kooxdu galabta geysay Caad, kuwaas oo ay u la’yihiin daawooyin iyo dhakhaatiir.

Ciidamada xoogga dalka dhankooda waxaa la sheegay in dagaalkaas uu maanta ka soo gaaray khasaare u badan dhaawacyo, kuwaas oo la geeyey Wisil, waxaana diyaarad loogu qaadayaa Muqdisho.

Dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Caad wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee ka dhacay Mudug, kooxda ayaa wixii ciidan ahaa isugu keentay aagga deegaanka Caad, waxaana adag in si fudud looga xoreeyo, sida ay soo werinayaan dadka deegaanka.

Maanta, ma jirin wax duqeyn ah, maadaama ay ciidamadu is dhex galeen oo dagaalku ahaa mid toos ah, balse caawa waxay saraakiishu noo sheegeen inay ka beegsanayaan duqeymo culus, si looga saaro dhufeysyada.

 

Maxay tahay abaal-marinta caalamiga ah ee Soomaaliya ay ku guuleysatay? + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee billada ODA AWARD, taasi oo si rasmi ah looga dhawaaqay munaasabad ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Munaasabad weyn oo ka dhacday Addis Ababa ayaa looga dhawaaqay natiijada soo baxday oo noqotay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay sanadkan 2023 si rasmi ah ugu guulaysatay billadda ODA AWARD.

Billadda ODA AWARD ayaa ah abaal-marin la siiyo dalalka Geeska Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ee horumarka muuqda ka sameeyey arrimaha dhaqanka, farshaxanka iyo suugaanta, waxaana hanashada abaal-marintan baratan adag u galay dalal Afrikaan.

Danjiraha Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa billadda ODA AWARD guddoonsiiyay ku-xigeenka maareeyaha Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada Qaranka Abwaan Maki Xaaji Banaadir oo safar shaqo ku tagay dalka Ethiopia.

Maki Xaaji Banaadir ayaa sidoo kale waxaa ku wehliyay madaxa qaybta far-shaxanka ee waaxda dhaqanka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa la sheegay inay heerkan kusoo gaartay dedaalka dawladnimada xambaarsan iyo dib u dhiska ay ku samaysay hay’adaheeda dhaqanka, Suugaanta iyo far-shaxanka.

Danjire Warfaa oo kaashanaya xafiiska u qaybsanaha warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga dhex muuqan lahayd xayn-daabyada caalamiga ah ee looga arrinsado ama loogu tartamo guulaha waaweyn ee heer Qaran oo noocan oo kale ah.

Guddoomiyaha GEDAN oo xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay London + Video

London (Caasimada Online) – Xaflad si heer ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeybgaleen waxgarad ka socday qeybaha bulshada Soomaalida ee  ku dhaqan London ayaa lagu soo dhoweeyay Guddoomiyaha Dalladda Qurbajoogta Ururrada GalMudug ee Yurub, ee magaceeda loo soo gaabiyo GEDAN oo ay ku middeysan yihiin ururro ka dhisan waddamada Yurub

Guddoomiye Xuseen Khadhiib oo baryahan safar shaqo ku joogay London, ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Jaaliyadaha GalMudug ee UK waxeey ka wadahadleen sidii loogu midoobi lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha GalMudug. 

“Bulsho kastaahi waxa ay asaageed wax la qeybsan kartaa marka wacyiga bulshadaasi uu sareeyo. GEDAN ahaan, dedaaladda inoo qorsheysan mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah; dhiiragelinta waxbarashada, caafimaadka & inaan kor u qaadno wacyiga bulshada,” ayuu yiri Xuseen Khadhiib, isaga oo u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee GEDAN Faarax Aadan Yuusuf iyo Cabdiftaax Janno-gale oo qeyb weyn ka qaatay dhismihii iyo hana-qaadkii GEDAN.  

Ex. Xildhibaan Cabdiraxmaan oo ah khabiir siyaasadeed, ayaa sheegay in ugu baaqay waxgaradka GalMudug inay si wanaagsan usoo dhoweeyaan guddoomiyaha

“Xuseen Khadhiib waxaan soo jeedinayaa in la soo dhoweeyo kor na loo qaado,” ayuu yiri Ex. Xildhibaan Cabdiraxmaan. 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA XAFLADA SOO DHOWEYNTA.

Sidee looga fal-celiyay tallaabadii Mahad Salaad ee xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Mahad Salaad ayaa xilli habeennimo ah si kedis ah u booqday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, xilligaasi oo ay ku caweynayeen dadweyne aad u badan.

Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay in Agaasime NISA Mahad Salaad xilli habeennimo ah lagu arko xeebta Liido, taasi oo dadka qaar ay ku macneeyeen inay muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay isbeddelka amni ee caasimada.

Amniga magaalada Muqdisho oo soo hagaagaya ayaa suurta-galiyay in madaxda ugu sareysa qaranka ay kalsooni ku tagaan goobo uu amnigoodu xasaasi ahaa sanadihii lasoo dhaafay.

Taliyaha NISA ayaa waxaa lagu amaanaa waqtiga uu geliyey sugidda amniga caasimadda, sidoo kale hey’adaha kale ee amniga sida booliska ayaa ammaan ku helay shaqada muuqata ee Muqdisho laga qabtay sanadkaan.

Liido ayaa ka mid aheyd goobaha ugu weeararada badnaa magaalada Muqdisho waayihii amni darrada, sidoo kale waxaa habeen iyo galab kasta xeebta isugu tagta dhalinyaro badan oo jawi ku soo qaata xeebta.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay?

Mustafe Xaaji: “Shaqo adag ayaa la qabtay waqtigii koobnaa Soomaaliya ha guuleysato Insha Allah.”

Nuur Axmed Ismaaciil ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Taliye Sirdoonka Qaran waa qalad meelaha inuu wareego xil very sensitive ah ayuu hayaa.”

“Masha Allah waa wax lagu farxo Ilaahay ha ugu wado nabad-galyada,” ayuu yiri Ibraahim Cabdilaahi.

Cabdiqadir Diirshe ayaa isna waxa uu yiri: “Dad qalatadii laga reesay dalka waa Nabad. Madaxwayne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa guuleysta hogaankiina waa lagu diirsaday.”

“Xamar qof jooga fahmi kara nabad ka kirta mid boosaaso iyo eyl jooga waxba laga weydiin maayo,” ayuu yiri Cumar oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabada uu qaaday Taliye Mahad Salaad.

Maxamed Cumar ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Alaabtan oo kale waxa la dhaha isa soo amaan. Amniga wadanku shaqo sawir ka badan buu u bahaan yahay.”

Daawo: Howlgal nooc cusub ah oo ka billowday Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Booliska ayaa howlgal nooc cusub ah ka bilaabay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsanayo ragga iyo dumarka ku dhaqan caasimada.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah loogu beegsanayaa ragga wata cimaamadaha iyo gabdhaha xiran indho-shareerta, taas oo ay walaac ka muujiyeen reer Muqdisho.

24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa waddooyinka Muqdisho lagu arkayay ciidamada oo qaadaya tallaabooyin ka dhan indho-shareerka iyo sidoo kale ragga wata cimaamadaha.

Mid kamid ah odayaasha ku dhaqan Muqdisho oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in la baaro, balse ay kasoo horjeedaan in laga qaado cimaamadaha.

“Sababta aan go’aankan u diidaayo waxaa waayey cimaamada ninka odeyga ah waa sharaftiisa, waa qiimahiisa cimaamad la’aan nin waayeel ah kuma fiicno” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Baaritaan waa caadi dadkaan waa isku dhex jiraan dhibkooda waa is dhex yaallaa sumad kuuma saarna, laakiin ninkaan tusbixiisa iyo cimaamadiisa wata dhig dhibaato waayay”.

Dhankooda gabdhaha isticmaaha indho-shareerka ee ku dhaqan gudaha caasimada ayaa ka hadlay saameynta arrintan, waxayna farriin u direen dowladda federaalka Soomaaliya.

“Dowladda waxaan baaq u dirayaaa in gabdhaha ay indho-shareerka loo daayo,” ayay tiri mid kamid ah gabdhaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo la hadlay Dalsan TV.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo ay joogto u sameeyaan ciidamada amniga, taas oo keentay inay yaraadaan qaraxyadii ka dhici jiray caasimada

QARAX lagu dilay shaqaale ka tirsan HORMUUD oo ka dhacay Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday shirkada Hormuud.

Qarax lagu xiray gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo shalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degmada Hiliwaa, halka sidoo dhaawacyo halis ah uu ka soo gaaray labo hawl-wadeeno oo kale.

Qaraxaan ayaa dhacay 10 maalmood kadib qarax weyn oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah oo duleedka Muqdisho lagula eegtay gaari ay lahayd shirkadda Hormuud, kaasi oo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa shaqalaha shirkadda Hormuud.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkaan qaraxyo is xig-xigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile iyo BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha.

Shirkadda Hormuud ayaa wajaheysa weerarro aan ilaa hadda la shaacin cidda u geysata, xarumo badan ayaa shirkadda qaraxyo looga burburiyey bilihii iyo todobaadyadii la soo dhaafay.

Weerarrada lagu qaaday xarumihii shirkadaas ayaa inta badan la fuliyo xiliyo habeen ah, waxaana ilaa hadda la garan cidda geysata, waxaana intooda badan ku burburtay hanti oo waxaa yaraa khasaaraha nafeed.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaan weli kama aysan hadlin weerarrada ku socda xuramaha shirkadda, mana jirto cid sheegatay masuuliyadooda.

Sidoo kale ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dhammaan wixii weerarro loo geystay Hormuud, waxaana xusid mudan in amniga Muqdisho uu soo hagaagay oo ciidamo badan laga howl-geliyey.

Hormuud ayaa sidoo waxay leedahay ciidamo gaar ah oo waardiye ka haya xarumaheeda, balse waxaan ilaa hadda lama garan sababta aan loo soo qaban cidda qaraxisa.

Shir DEG DEG ah oo lagu badbaadinayo Puntland oo maanta lagu dhowaaqay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah waxgaradka Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan doorashooyinka iyo go’aanka ay shalay qaateen Isimada Dhaqanka maamulka KMG ka ah ee SSC-Khaatuma.

Boqorka ayaa iclaamiyay shir deg-dega ah oo uu ugu baaqay inay kasoo qayb-galaan dhammaan Isimada Puntland, si looga tashado arrimaha soo kordhay ee maamulkaasi.

“Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado aayaha Puntland” ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu ixtiraamayo, soona dhoweynayo go’aanka ay gaareen Isimmadda SSC oo Sabtidii ku dhowaaqay inay gabi ahaan isaga baxeen Puntland.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aankooda uusan wax dhibaato ah u geysan doonin jiritaanka Puntland oo lagu naaneyso hooyada federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu Boqor Burhaan farriin u diray madaxda Puntland iyo mucaaradka, oo uu ugu baaqay inay khilaafka meel iska dhigaan, una soo jeestaan badbaadinta Puntland.”

“Waxaan maamulka Puntland, Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.” Ayuu yiri Boqor Burhaan” ayuu mar kale yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Isimada Puntland.

Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada oo aan xal loo helin iyo go’aanka ay qaateen Isimada Dhaqanka ee SSC.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arriman ay kusoo aadayaan xilli lagu soo dhowaanaya maalinta doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee 2024-ka.