26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

LEADERSHIP-HOGGAAN: Daabaacaaddii koowaad ee buug cusub oo soo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxay buug cusub oo ku qoran luuqada Soomaaliga ayaa si qoto dheer oo cilmiyaysan u soo bandhigaya Hoggaanka, Maamulka iyo Maaraynta, mid guud iyo mid gaar ahba.

Buuggan oo magaciisu yahay Hoggaan, waxa uu akhristaha uga jawaabayaa su’aalo badan, oo muhiim ah. Waxaa uuna usoo bandhigay qoruhu sida ugu fudud ee wax lagu fahmo. Waana lagama maarmaan in qof kastaa akhriyo. Waa buug xiligiisii joga, woruhuna  waqti badan galiyay.

Buuggan waxaa qorey Dr. Abdirahman Shafici Khalif oo noloshiisa inta badan ku qaatay Yurubta Galbeed, bartayna culuumta Hoggaanka iyo Maamulka, daganna dalka Denmark.
Ma aha qoraha markii 1-aad uu qoro buug, waxaa uu horay u qoray buug ku qoran luuqadda Danish-ka ee dalka Denmark.

Buuggan cuusb ee Hoggaan waxa uu xambaarsan yahay aqoon, khibrad iyo waayo-aragnimo, tilmaamo, talooyin, iyo tusaalayaal. Waxa uu ku suntan yahay aqoon diiniya iyo mid maadiya, waa buug ay ku dheehan yihiin qormooyin iyo qoraalo muhiim ah, oo ay tayadoodu sarayso oo xigasho iyo ka daba gal leh. Buuggani aqoontiisa waxaa laga soo xigtay Kitaabka Allaah iyo ilo aqoonneed lagu kalsoon yahay.

Buugga waxa uu kaa caawinayaa qodobo badan, oo faa’iido u ah hoggaanka, maamulka iyo maaraynta. Inta aadan u hanqal taagin in aad wax hogaamiso wax ka baro qaabka wax loo hoggaamiyo iyo sidii aad wax u hoggaamin lahayd.

Buuggani waxa uu kugu dhiirriggalinayaa hoggaaminta, horumarinta guud tan gaarka ah iyo in aad guul gaadho, markasta ku toostid waddada aad ugu sahay qaadan laheyd meesha ay kaa xigto guushu.

Buugga oo si weyn loo sugayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda qoraagu soo badhigo. Waxaad ka heli kartaa xarumaha lagu iibiyo buugaagta ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Maktabadda HUD HUD.

Qoraha bugga waa Dr. Abdirahman Shafici Khalif

Booliska Muqdisho oo soo xiray haween sameeyay fal yaab leh kadibna muuqaal…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay soo qabtay saddex haween ah oo ku sugnaa degmada Waabari, kuwaas oo xadgudub u gaystay wiil dhalinyaro ah, kadibna ka duubay muuqaal.

Arrintan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa timid, kadib markii ay koox haween ah ku goobteen wiilka, waxayna soo duubeen iyaga oo si xun u garaacaya.

Haweenka ayaa adeegsanayay ulo iyo mindi ay ku cabsi gelinayeen wiilka oo u muuqday in lagu ballamiyay guriga, isla markaana ay sidaas ugu soo weerareen kooxda haweenka ah.

Booliska ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan haweenkii ka dambeeyay falkaasi, ayna ku hayaan baaritaano dheeraaad ah.

“Ciidanka Boliisa Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari, ayaa gacanta ku soo dhigay Haween jir dil u geestay, Muwaadin Soomaaliyeed, waxaana socota baarista Boliska, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi sii raaciyay in baarista kadib haweenkan la horgeyn doono Maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhacdooyinkan ayaa maalmihii kusoo badanayay baraha bulshada, waxayna ahayd dhawaan markii laba gabadhood oo lagu kala magacaabo Deeqo iyo Shamso ay muuqaal kasoo duubeen wiil dhalinyaro ah, iyaga garaacaya, kuna suqan duleedka Muqdisho.

Xaaska ninka dilkiisa loo haysto wiilka Xasan Sheekh oo soo saartay war culus

0

Istanbul (Caasimada Online) – Öznur Göçer oo ah xaaska ninkii u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday shilka gaari ee wiilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu ku lug yeeshay ayaa la hadashay warbaahinta Cumhuriyet ee dalka Turkiga.

“Waxaan ka cabanayaa qof kasta oo sababay geerida ninkayga iyo kuwa u ogolaaday in uu dalka ka baxo” ayay tiri Öznur Göçer.

Dawladda Turkiga ayay sheegtay in aysan sameyn tilaabooyinkii ay ka rajeyneysay inay qaadaan, si ninkeeda dhintay uu cadaalad u helo.

“Dowladdu waxay sheegaysaa in wixii loo baahnaa la sameyn doono, balse anigu kuma qanci karo waxa ay leeyihiin,” ayay raacisay hadalkeeda haweeneyda oo aad u murugsaneed.

Shilkaan oo 30-kii November ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayuu dhaawac culus ka soo gaaray seygii haweeneydaan, wuxuuna dhaawacaas u dhintay lix maalmood kadib markii shilku dhacay.

Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul, sida uu duqa Istanbul shaaciyay maalin ka hor.

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay Twitter – muuqaalkaas ayaa muujinaya gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

“Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaban xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada, maadaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosino. Hadda cidlo ayaan taaganahay,” ayay tiri Öznur Göçer.

Haweeneydaan ayaa booliska ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan oo ah Maxamed Xasan Sheekh, wiilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dagaal culus oo Israel iyo Xamas maanta ku dhexmaray magaalada Khan Yunis

0

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil iyo dagaal-yahannada Xamaas ayaa maanta dagaal culus uu ku dhex-maray gudaha iyo hareeraha Khan Younis ee koonfurta Marinka Gaza, xilli dagaallo ay ka socdeen magaalada Gaza ee woqooyiga dalkaasi.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada ayaa sheegay in gargaar qaybintii Gaza ay si weyn u joogsatay, marka laga reebo deegaanka Rafah ee u dhow xuduudka Masar.

Dagaalka xooggan iyo xannibaadaha lagu soo rogay waddooyinka muhiimka ah ayaa waxay xilligaan joojinayaan howlaha bini’aadannimo.

Dagaalkan ayaa dad lagu qiyaasay 1.9 milyan oo qof ka riixay guryahoodii Gaza, iyada oo qaar badan oo ka mid ah ay magangalyo ka raadsadeen koonfurta xarumaha ciriiriga ah, iyadoo laga digayo xaaladaha nadaafadda oo liita iyo khatarta kororka cudurrada faafa.

UN OCHA ayaa sheegtay in tobanaan kun oo qof ay soo gaareen magaalada Rafah todobaadkii la soo dhaafay.

Isla wakhtigaas, Israa’iil waxay sii ballaarisay dagaalka ay kula jirto Xamaas ee koonfurta, oo ay ku jiraan hawlgallada ay ka wadaan Khan Younis, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Gaza.

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintan u safray xadka Masar iyo Gaza, si ay ula kulmaan saraakiisha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ee ku hawlan gaarsiinta gargaarka.

Xog cusub: Sidee u dhacay dilka dhaqtarkii iyo macallinkii lagu hor dilay hooyadood?

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa habeen hore tuulada Ilix oo 30 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowladda gobaleedka Galmudug lagu dilay laba wiil oo walaalo ah kuwaas oo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Farxaan Cabdullahi Cali oo ka mid ah ehelada wiilasha ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in Dr Axmed Xasan Cismaan oo in muddo ah deeganka ka maqnaa uu dhawaan yimid si u soo arko hooyadii oo xanuunsanayd iyo in uu xarun caafimaad uu ka hirgaliyo magaaladda Gurceel.

“Walaalahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay. Macalin Liibaan Xasan Cismaan waligiis quraanka ayuu dadka bari jiray, Dr Axmed Xasan Cismaan deeganka waa ka maqnaa oo waxbarasho ayuu Muqdisho iyo Nairobi u jiray oo hadda ayuu dib ugu soo laabtay,” ayuu yiri Farxaan

Waxaa uu sheegay in aysan garanayn cida dishay wiilashooda, balse ay jiraan aanooyin qabiil oo mararka qaar ka dhac deeganka.

“Odayaasha dhaqanka, laamaha ammaanka iyo maamulka waxaay noo sheegeen in ay ku dabjoogaan dadka dilka gaystay. Ma jirto cid ilaa iyo hadda aan ognahay oo dilka gaystay, hadii wiilashu ay cabsi qabaan halkas ma imaan lahyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dilalka ku salaysan aanooyinka qabiilka ayaa mudooyinkii danbe kusoo noqnoqday deegano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dr Axmed Xasan iyo macalin Liibaan Xasan ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay – 30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen.

Waxaan isku daynay inaan la xiriirno hooyada dhashay labada wiil, balse waxaa naloo sheegay inay ku jirto xaalad murugo oo aad u daran.

Markii dilku dhacayay ayay ku sugnaayeen labada wiil guriga hooyadood, iyada oo hooyadu goobjoog ka noqotay falka naxdinta leh ee farxadii ay wadaageysay wiilasheeda u badalay tacsida xanuunka badan.

Macallin Liibaan Xasan wuxuu ifka uga tagay xaas iyo caruur, halja naloo sheegay in Dr Axmed uusan wali guursan, sida uu yiri Farxaan Cabdullahi Cali oo ay ilmo adeer yihiin.

Maamulka deegamnka muxuu ka yir dhacdadaan?

Gudoomiyaha Magaalada Dhusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) ayaa falka ku tilmamay mid foolxun.

Waxaa uu sheehgay in maleeshiyaadka dilka gaystay ay goobta isaga baxsadeen balse ciidanka amaanku wali daba joogaan .

“Dad wareersan oo aan ilaa iyo hadda gacanta lagu dhigin balse ciidanka ammaanka ay ku dabajoogaan ayaa raggaas laayay,” ayuu yiri gudoomiye Geeda-qaoroow.

Dilka labadaan wiil ee walaalo ah ayuu gudoomiayahu sheegay in uu aaminsan yahay in uu yahay mid ku salaysan aano qabiil.

“Meel baadiye ah ayaa ciidanka ammaanku wali ku daba joogaan raadka ragga falka gaystay. Waana la qaban doonaa hadii alle idmo. Markaas ayay cadaan doonta sababt ay dilka u gaysteen,” ayuu hadalkiisa raaciyay Geeda-qoroow.

Kooxadda Al shabab ayuu sidoo kale sheegay in tuhunsanayahay in ay lug ku leeyihiin dilalka ka dhac gobolka .

“Raggii dilka gaystay deegaanada al-Shabab ay gacanta ku hayaan ayay aadeen. Marka waxaan aaminsanahay in ay lacago ku bixinyaan oo ay dilka qeyb ka yihiin “ ayuu tuhunka uu qabo ku daray Gudoomiye Geeda-qoroow.

Walaaca Bulshada ee deegaanka

Dilalka ka dhacay gobolka Galgaduud waxaa walaac ka muujiyay bulshada ku dhaqan deegaanka.

Cadceed Sheekhdoon Diiriye oo ka mid ah odayaash dhaqanka Galmudug ayaa kamid ah dadka ka walwalsan dilalka maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolkaan.

“Waa in dib u heshiisiin la sameeya oo dadka walalaaha ay dilka joojiyan. Wixii dhacay waxa ay ahayd wax aad looga xumaado,” ayuu yiri Cadceed.

Sidoo kale Safiyo Shire Faarax oo ka mid dadka ku nool magaalada Dhuusmareeb ayaa sheegtay in ay dareemeyso cabsi badanoo si shaqsi ah ula soo daristay.

“Waxaan ogahay qiimaha ay nabad leedahay, waxaan ka xumay dadka is dilay ee walaalaha ah ee maalin kast dhibku dhax yaal. Waxaa hadda na haysta cabsi badan,” ayay tiri Safiyo Shire Faarax.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil. Horay waxaa dil loogu fuliyay nin dhallinyaro ah oo maxkamadi ku heshay inuu nin ganacsade ahaa ku dilay degmada Guriceel.

Isha: BBC

Israel oo shaacisay tiro lama filaan oo ah ASKARTA looga dilay dagaalka GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in mar kale ay korortay tirada askarta lagaga dilay hawlgalka dhulka ee ay ka wadaan Marinka Gaza, inkasta oo tirada ay shaaciyeen aad loola yaabay.

Taliska ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku sheegay in 97 askari ay kaga dhinteen hawlgalka dhinaca dhulka ee ka socda Marinka Gaza.

Taliska ayaa sheegay in Sabtidii oo keliya ay ka dhinteen 5 askari, kuwaa oo mid ka mida uu adeer u yahay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka.

Sidoo kale wiil uu dhalay Gadi Eisenkot ayaa Khamiistii lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza. 

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in 97 askari ee looga dilay dagaalka ay dhinteen, wixii ka dambeeyay 27-kii bishii October, markaas oo dhanka dhulka ay ka weerareen waqooyiga Gaza.

Militariga Israel oo 1-dii bishan dib u bilaabay hawlgalkooda Gaza ayaa waxay markaan diiradda saarayaan dhanka koonfureed ee magaalada, inkastoo weli ay hawlgalka ka sii wadaan waqooyiga magaalada.

Ciidamada Israel oo doonaya in ay si buuxdo isugu wada fidiyaan labada daamood ee Gaza ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Xoogaga Ururka Xamaas.

Si kastaba ha ahaatee tirada askarta ay Israel sheegtay in lagaga dilay dagaalka ayaa la fahamsan yahay inay aad uga badan tahay intaas, islamarkaana ay qarineyso macluumaadka saxda ah ee khasaaraha askarteeda.

Ilo-wareedyada Xamas ayaa horey u sheegay inay dileen kumanaan askari, islamarkaana gubeen boqolaal gawaarida dagaalka ah

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Cubaydah ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dhaafay oo kaliya, kuna dileen boqolaal askari.

Ciidanka DF oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Bakool

0

Waajid (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta dalka.

Howlgalladan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260-aad, Onkod Macalin Aadan, waxaana ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Dhurey iyo tuulooyin kale oo u dhow degmada Waajid.

Saraakiisha howlgalllada sameeyay ayaa sheegay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaasi, ayna gaarsiiyeen khasaare culus, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale  waxa ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan aagga Bakool, si looga Al-Shabaab looga xoreeyo deegaanada gobolkaasi.

Dhankiisa guddoomiya degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusug oo ka hadlay howlgalada ayaa sheegay in haatan ay diyaar u yihiin ka qeyb-galka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee la filayo inay ka billowdaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Maxamed Macalin ayaa sidoo kale farriin u diray dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada huwanta ku taageeraan dagaalka adag ee ay kula jiraan Al-Shabaab.

Baay iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay haatan ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo culus oo gaysta khasaare kala duwan.

Baarlamanka Puntland oo diyaariyey mooshin xasaasi ah xilli ay kasii dartay xiisadda

0

Garoowe (Caasimada Online) – In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa fiidnimadii xalay diyaariyay mooshin ka dhan ah maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay, oo aan ka xaqiijinay dhinacyo kala duwan, ayaa sheegaya in mooshinka loo gudbinayo fadhi deg deg ah oo ay maanta yeelanayan Baarlamanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kooban kadib markii maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland laashay mudda kororsigii uu samaystay baarlamanka.

Dowladda Puntland ayaa Sabtidii maxkamadda u gudbisay qoraal ay kaga dalbanayso in ay go’aan ka soo saarto arrinta baarlamanka uu ku dhaqaaqay.

Shan garyaqaan oo ku saxiixan go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in dacwadaan uu u soo gudbiyey garyaqaanka guud ee dowlad goboleedka Puntland.

“Go’aankaas wuxuu xambaarsanaa muddo kordhin ay baarlamaanka Puntland ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, garyaqaanka ayaa cuskaday dastuurka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa cadeysay in muddo xileedka baarlamaanka Puntland uu ku egyahay 31-12-2023, iyadoo meesha ka saartay go’aankii ay ku sameysteen muddo kororsiga.

Tallaabada maanta ay damacsan yihiin xildhibaanada ee ka dhanka ah maxkamadda ayaa haddii ay ka dhabeeyaan waxay kasii dari doontaa xiisadda siyaasadeed ee Puntland.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xerada ciidanka Uganda ee Buulo-mareer

0

Buulo-mareer (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaal toos ah ayaa xigay weerarka, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada Uganda ee ku sugnaa halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog.

Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkaasi waxa ay shaacisay inay ekeysay xerad ATMIS, isla markaana ay ku dishay askar ka tirsanaa Uganda, sida ay hadalka u dhigtay

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana aagga magaalada haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS.

Askarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay.

Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaan badanaa ay ka gaystaan weeraro ay ku qaado saldhigyada ku yaalla gobolkaasi.

 

Al-Shabaab oo dad badan ku dilay Galgaduud kuwo kalena nolosha ku watay

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ay dad badan ku dishay ku qaaday deegaan lagu magacaabo Oodley oo hoos taga magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Afar qof oo shacab ah ayey maanta Shabaab ku dileen deegaankaas, iyagoo nolosha ku watay labo kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehellada dhibanayaasha.

Ragga la dilay waxaa ka mid ah nin lagu magacaabo Cabdullahi Shamley oo caan ka ahaa deegaanka, kaas oo deegaanka lagu weeraray ka aas-aasay koox Macawiisley ah.

Xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo watay labo gaari oo Leylo ah ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday deegaanka Oodley, xilli ay tuulada ku sugnaayeen dadka la dilay.

Kooxda ayaa rasaas ku furtay ragga la laayey iyagoo ku jira maqaayad ku taalla deegaanka, waxayna dadka deegaanka noo xaqiijiyeen in Shabaab ay tuulada u joogeen basaasiin markii dambe horay u raacay.

Sidoo kale, waxaa la afduubtay labo nin oo nolosha ay ku wadatay kooxda Al-Shabaab, dadka la dilay iyo kuwa la afduubtay ayaa ka soo jeeda beesha Waceysle ee Abgaal.

Deegaanka Oodle ee kooxda Al-Shabaab ay maanta weerarka ku qaaday wuxuu dhacaa inta u dhaxeysa degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer.

Ciidamada xoogga dalka ayaa hadda ka hor tegay seegaankaas, balse hadda ma joogaan oo dib ayey uga laabteen, waxaana mudooyinkii dambe joogay rag hubeysan oo deegaanka ka difaaca jiray kooxda.

Hoggaamiyihii kooxdii iska abaabushay deegaankaas iyo qaar ka mid ah saaxiibadiis oo hubkoodii wata, laakiin aan qabin wax dareen ah ayay maanta si gaadmo ah ku dishay kooxda Al-Shabaab.

Arrinkaan ayaa ah baqdin gelin ay kooxdu ku sameyneyso dadka hubka qaatay ee ku nool gobollada Mudug iyo Galgaduud, waxaana maalmahaan aagga Xarardheere ka socday afduub ay kooxdu u geysaneyso dadka deegaanka.

Maxkamadda Puntland oo go’aan ka soo saartay qorshe uu ansixiyey baarlamanka

0

Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Puntland ayaa burisay go’aankii baarlamaanka Puntland ay ku kororsadeen mudo xileedkooda waqti hal sano ah.

Shan garyaqaan oo ku saxiixan go’aankaan  waxay sheegeen in dacwadaan uu u soo gudbiyey garyaqaanka guud ee dowlad goboleedka Puntland.

“Go’aankaas wuxuu xambaarsanaa muddo kordhin ay baarlamaanka Puntland ku sameysteen muddo kororsi hal sano ah, garyaqaanka ayaa cuskaday dastuurka Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay maxkamadda.

Maxkamadda ayaa cadeysay in muddo xileedka baarlamaanka Puntland uu ku egyahay 31-12-2023, iyadoo meesha ka saartay go’aankii ay ku sameysteen muddo kororsiga.

Baarlamaanka ayaa qorsheynayey in 31-12-2024 uu dhamaado muddo xileedkooda, balse hadda waxaa la go’aamiyey inay doorasho aadaan.

Maxkamadda ayaa go’aankeeda u cuskatay labo qodob oo kala ah:

1 – Maxkamaddu waxay burisay go’aankii golaha wakiillada Puntland ee kalfadhigii 53-aad, maadaama uu si cad uga hor imaanayo qodobo ka mid ah dastuurka Puntland, isla markaana uusan la heyn macne sharci ah oo loo cuskaday.

2 – Muddo xileedka baarlamaanka wuxuu ku egyahay 31-12-2023, si waafaqsan qodobka 60-aad ee dastuurka Puntland.

Hoos ka akhriso qoraalka maxkamadda

CC Shakuur oo shaaciyey arrin ay isaga iyo Odowaa ka dhexleen siyaasadda + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday arrin ay ka siman yihiin isaga iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), taas oo ay ka dhexleen siyaasadda Soomaaliya ee ay mudada dheer kusoo jireen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo khudbad ka jeediyay furitaanka mashruuca dhismaha dekedda Hobyo ayaa sheehgay in isaga iyo Odowaa aysan siyaasadda ka helin dhaqaalo badan, balse ay ku shiideen, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga iyo saaxibkey Cabdiraxmaan Odowaa waxaan ka simanahay ma nihin dadka siyaasadda wax ka hela, dadka siyaasadda ku shiiday ayaa nahay” ayuu yiri Warsame.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan heysan lacag, balse ay inta awoodaan ku darsan doonaan dhismaha dekedda magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

“Lacago badan ma heysano oo aan meesha ku darsano cabsina waa naheysaa kista yar waxaan is leenahay meesha amay horay u socon weysaa, laakiin Risk ayaan idinla qaadaneynaa, aniga 10 shey halayga gado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanku.

Mr. Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin u diray ganacsatada Galmudug, wuxuuna ugu baaqay inay ka dhabeeyaan go’aanka ay ku dhisayaan dekedda ay yeelato Galmudug.

“Waxaan u mahadcelinayaa ganacsatada ku dhiiratay inay dhagax dhigga kaliya naga dhaafaan oo markaan u beddalaan Practical” ayuu mar kale yiri CC Shakuur.

Sidoo kal wuxuu dardaarankiisa kusii daray “Si macquul ah u darsa caqabadaha na horyaallo, fiiriyana sidii guushaas loo dhalin lahaa”.

Galmudug ayaa haatan ku howlan dhismaha dekedda Hobyo oo xalay si rasmi ah uu u daah-furay madaxweynaha maamulkaas, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Daawo: Qoor-Qoor oo tegay halka loo asteeyay dekedda Hobyo, soo saaray amaro culus

0

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqday halka ay khubarada dhiseysa dekaedda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso dekedda.

Wafdiga Qoor-Qoor ku wehlinayay booqashadan ayaa ka koobna xildhibaanno ka tirsan BFS, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad-goboleedka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo halkaasi ka hadlay ayaa marka hore waxa uu sheegay in farxad weyn ay tahay in bulshada reer Galmudug ay ku midoobeen dhismaha dekeddooda Hobyo, kadib dadaal dheer oo ay galisay dowladda Galmudug.

Waxa uu ka dhawaajiyay muhiimadda iyo faa’iidada ay bulshada reer Galmudug u leedahay dekedda Hobyo, taasi oo habeenkii xalay aheyd degmada looga dhowaaqay maalgashiga dhismaha dekedda.

“Waxaan cabirnay oo asteynay dekeddii goobtii loo asteeyay, halka aan taaganahay waa meesha ay ka bilaabato calaamada ka baxsan magaalada ee dekeddii Hobyo ee dhismaheeda la bilaabayo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn maanta wixii ka dambeeya dhulkii hore loo deegaamayay.

“Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu faray hay’adaha amniga maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga loo xil-saaray dhismaha dekedda Hobyo.

“Dhamaan hay’adaha amniga waxaa amar ku qabtaan in aad ilaalisaan oo dhowrtaan, ciddii soo gasha ama ku xad-gudubta sharciga lala tiigsado. Majirto hanti ama dhisme hore looga sameeyay oo laga bilaabo saacadan sharci ah.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Arrinta Cumar Cali Axmed oo weji cusub yeelatay kadib markii Madaale uu sheegay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka-faalad qaaday wax ka qabashada xaaladda caafimaad ee Cumar Cali Axmed.

Cumar oo dhawaan maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay u xukuntay reerkiisa, kadib markii laba reer isku qabsadeen dhaawaciisa, waxaana haya xanuun u baahan in laga warhayo xaaladiisa caafimaad.

Guddoomiye Madaale ayaa xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar kula kulmay Cumar Cali Axmed iyo reerkiisa, isaga oo ballan-qaaday inuu ka-faalad qaadi doono kharashaadka ku baxaya xaaladiisa caafimaad.

Cumar waxaa jirkiisa ka muuqda dhaawacyo daran oo halis ah, kuwaasi oo ka soo gaaray qarax ka dhacay xerada Nacnaca, oo uu markaas u tegay inuu kamid noqdo ciidanka xoogga dalka.

Cumar ayaa la filayaa in dhawaan loo qaado dalka dibaddiisa, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo, waxayna ka-faalad qaadka Madaale ee wiilkaan uu rejo wanaag u yahay dhalinta ku fikiraya inay dalkooda difaacdan, ee ay qortaan ciidanka.

3-dii bishaan ayay aheyd markii maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay Cumar ku wareejisay reerkiisa saxda ah, kadib isqab-qabsi dheer iyo baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar waxay markaas ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib in ka badan saddex todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka hidda raaca (DNA).

Sheekadda wiilkan ayaa hadal hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyada oo ugu dambeyntiina maanta ay dowladda ka-faalad qaaday wax ka qabashada xaaladiisa caafimaad.

Dhaqtar iyo Macallin walaalo ah oo hal goob lagu dilay

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil ka gaysteen tuulada Ilix oo hoostegta degaanka Ceeldheer oo 30 KM u jira Dhuusamareeb.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen walaalo isla dhashay.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dr. Axmed oo batay daaweynta Ilkaha ayaa dhawaan booqasho u aaday qoyskiisa, halka Macallinka uu ahaa wadaad caan ka ah deegaanka oo dhigi jiray Qur’aanka Kariimka.

Maleeshiyaadka dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, kuwaas oo labadaan wiil ee walaalo ah u beegsaday aano qabiil darteed, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Dilka Dhaqtarka iyo Macallinka ayaa argagax ku reebay ehelladooda iyo dadka degan tuulada, maadaama ay lasoo daristay cabsi aad u xoogan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana sidoo kale dhacdadaan ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo haatan baadi goobaya raggii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyey dilkii Dhuusamareeb loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo kasoo jeeda magaalada Cadaado.

Boosaaso: Ciidan gadoodsan oo tallaabo xasaasi ah qaaday

0

Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Bari ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa maamta xirtay laamiga dheer ee Boosaaso, halkaas oo ay saaka ku xanniban yihiin gaadiid fara badan.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin mushaar la’aan, taasi oo keentay inay xirtaan jidkaasi muhiimka u ah isku socodka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay muddo laba maalmood ah fadhiyaan degaanka Jimbac oo dhinaca bari ka xiga magaalada Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaanba uu joogsaday isku socodka gaadiidka ku safra waddadaasi laamiga ah oo isku xirta Boosaaso iyo deegaanada ee Puntland.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan oo hubeysan ayaa waxay ku eedeyeen maamulka inuu mushaarkii ciidamada Puntland ku galay ololaha doorashada, xilli uu maamulkaasi ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed xoogan oo ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Sdioo kale waxaa haatan soconayo dadaallo dheeraad ah oo lagu qanacinayo saraakiisha iyo ciidamada, si ay jidka u furaan, isla markaana u fasaxaan gaadiidka ku xanniban halkaasi.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo haatan madaxweyne Saciid Deni uu wajahayo xaalad ka dhalatay muranka hareeyay doorashada oo haatan yeeshay waji cusub.

Horraantii bishaan ayay aheyd markii ay ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ay xirteem bar-kontarool oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ay xirtaan baro kontarool, balse waa arrin dhowr jeer oo hore sidaan oo kale uga dhacday magaalooyinka Puntland.

Si kastaba, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Saciid Deni ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeyso uga imaanaya bulshada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kadib markii lagu eedeeyay in xukuumadda ay ku mashquushay meel-marinta damaca hoggaanka sare ee maamulkaasi.

WAARE oo xil sare looga magacaabay ururka IGAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xil sare looga magacaabay urur goboleedk IGAD.

Waare ayaa noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka IGAD oo ay Soomaaliya qayb ka tahay, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka  Soomaaliya

Daa’uud Aweys oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in magacaabistan ay tahay guul weyn oo diblomaasiyadeed, una soo hoyatay Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magacaabistan ay sare usii qaadeyo sumcadda iyo maqaamka guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waa guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka” ayuu yiri wasiirku.

Waare ayaa markii ugu dambeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka, ayada oo xilkaas dhawaan uun laga qaaday, waxaana loo magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi, sababtuna waxa ay ahayd xilka loo waaday oo ugu dambeyn maanta looga magacaabay, isaga oo noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD.

Magacaabistiisii ayaa sidoo kale timid, kadib markii ay Soomaaliya codsi u gudbisay dalalka xubnaha ka ah IGAD, sidaasna lagu magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xilligan xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD.

Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa dhowaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug.

Xog: Shabaabkii ugu badnaa oo isugu tegay gobolka GEDO, kadibna bilaabay inay….

0

Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan qaybo kamid ah gobolkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta gobolkaas ee Jubbalad.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo wareysi siiyay Shabelle ayaa shaaca ka qaaday inay ka war hayaan dhaq-dhaqaaqa ay kooxda ka billowday gobolka, ayna ka hortagayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan la soconaa xogta cadowga iyo dhaq-dhaqaaqooda, marka la arkana waa laga hortagaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay in Al-Shabaab ay tabar beeleen, isla markaana uu jab xoogleh kasoo gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen ciidamada dowladda.

“Iyagaa hadda iska tabar beelay oo aan tabar badan lahayn dagaallo fara badan ayay galeen burbur xoogleh ayaana ku dhacay” ayuu kusii daray.

Macallmuu oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Xoogga dalka iyo daraawiishta Jubbaland ee ku sugan Gedo, ayna qaadi doonaan todobaadyada soo socda guluf ka dhan ah xubnaha Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada halkaasi.

“Ciidamada gobolka ku sugan heegan ayay ku jiraan meel kasta oo ay joogaan, wayna ka hortegi doonaan dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab” ayuu mar kale yiri  Macallimuu.

Gedo ayaa kakmid ah gobollada la filayo inuu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, kaas oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Daawo: Xaafad ku taalla MUQDISHO oo gubatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay xaafadda Seybiyaano oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo baaxad leh.

Dabka oo ka billowday koronto ayaa ku fiday guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaalla xaafado u dhow Siliga Ameerikaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ahaa isku raran, waxaana daganaa qoysas danyar ah iyo kuwa barakacayaal ah oo uu dhibaato xoogan ay kasoo gaartay dadkaasi.

Qaar kamid ah dadka ku hanti beelay dabkaasi ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen khasaaraha soo gaaray intaba.

“Wax nool maba leh guryayaasha dhan way gubteen, ilmaha waa ka baxsanay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale hooyo kale oo kamid ah qoysaska ay dhibaatada soo gaartay ayaa tiri “Hal xabo kama bixin alaabteyda waa gubatay, dharkii waa gubtay,”

Illaa dhowr boqol oo qoys ayaa sidoo kale ku guryo beelay dabkan, maadaama uu baab’iyay dhul ballaaran, sida uu sheegayo mid kamid ah dadka deegaanka.

“Dhowr boqol oo qoys ayaa meesha ku barakacday oo bannaanka dhooban, guryana aan haysan oo alaabtoodii meesha ku gubatay” ayuu isna yiri oday kamid ah dadka deegaanka.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

Maxay xildhibaannadu u qarinayaan arrinta muranka dhalisay ee ay ku dhaqaaeen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay sameystay mushaar kordhin, kadib kulan wadajir oo ay xubnaha labada Aqal ku yeesheen Villa Hargeysa, kaas oo sidoo kale lagu meel mariyay miisaaniyadda 2024-ka.

Guud ahaan mushaarka xildhibaanada labada Aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa laga dhigay sanadka cusub 2024 $1,645,000, halka uu sanadkii hore uu ahaa  ahaa $1,151,500.

Xildhibaan kasta hadda waxaa loogu kordhiyay lacag dhan $1,500, halka markii hore uu qaadanayay $3,800, taas oo ka dhigay in hadda uu qaadan doono $5,300.

Haddaba maxay xildhibaannadu u qarinayaan lacagta loogu kordhiyay mushaarkooda?

Warbaahinta gudaha ayaa kadib kulankii baarlamaanka ee mushaarka loogu kordhiyay labada Gole waxa ay su’aallo arrintaas ka waydiiyeen xildhibaannada, balse waa ay ka gaabsadeen, waxaana la waayay xildhibaan si cad uga jawaaba mushaar kordhintooda.

Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed oo kamid ah xildhibaannadaas ayaa yiri “Waxa naloogu daray ma’aha wax naf leh oo la sheegi karo, aniga hadda lafteyda afka ayaaba ka ilaalinayaa inaan dhaho mushaar ayaa naloo kordhiyay”.

Xildhibaan Aamino Eelaay ayaa iyaduna ku jawaabtay “Baarlamaanka waa loogu daraa waa laga jaraa wax weyn ma’aha ee aan ka wada-hadalno guusha wayn ee usoo hoyatay Soomaaliya”.

Mar wax laga weydiiyay sababta ay ugu doodi waayeen askarta ku dhinaneysa jiidda hore ee dagaalka ayaa waxa ay ku jawaabtay “Askarta waa loo dooday, annaga waa isku doodeynaa, Soomaali waa u doodeynaa”.

Xidlhibaan Maxamed Beerey isna wuxuu falcelintiisa ku yiri “Issue-gu ma’aha Isseu lacageed, Issue-gu waa Issue in dalka laga gudbiyo marxaladdan adag”.

Ugu dambeyn xildhibaan Cali Xaaji oo laga soo doorto Puntland ayaa isuguna yiri “Waxaa la yiraahdaa qofka lama weydiiyo immisa ayaa jirtaa, mushaarkaaga waa immisa, su’aalahaas kuma jiraan kuwa la’is weydiiyo”.