27.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xog cusub oo laga helay sida lagu sii daayey wiilka Xasan Sheekh kadib shilkii Istanbul

Istanbul (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa shilka uu ku lug lahaa wiilka madaxweyne Xasan Sheekh ee 30-kii November ka dhacay magaalada Istanbul, kaasi oo uu ku dhintay muwaadin Turkish ah.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku socday baabuur, ayaa gadaal uga dhacay mootada uu watay Yunus Emre Göçer, oo ahaa 36 jir, kaasi oo lix maalmood kadib shilka ku dhintay Isbitaalka.

Xog cusub ayaa sheegeysa in dacwad-oogaha Istanbul uu kadib markii uu baaritaan ku billaabay shilka weydiistay booliska inay marag-fur ka qoraan Maxamed, wuxuuna kadib amray in lasii daayo, sidaas ayaana lagu sii daayey wiilka madaxweynaha.

Maxamed, oo 40 jir ah, ayaa marag-furkiisa ku dooday in Yunus uu si lama filaan ah u joojiyey mootada isaga oo aan xirneyn koofidda mooto wadayaasha, taasina ay dhalisay inuu geeriyoodo.

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddada ayaa muujinaya in dhab ahaan Yunus uu si deg deg ah u joojiyey mootada, balse sidoo kale waxaa la arki karay in baabuurka Maxamed uu deg deg ku socday. Muuqaalka ayaa sidoo kale muujiyey in Yunus uu xirnaa koofida, balse ay ka dhacday kadib shilka.

Iyaz Cimen, oo ah qareenka Yunus, ayaa warbaahinta u sheegay inuu dacwad-oogaha ka codsaday inuu soo rogo tallaabooyin ka hor-tagaya in Maxamed uu dalka ka baxo, balse aan sidaas la sameyn.

Maalinkii xigay, khubaro marqaati furay ayaa xaqiijiyey in Yunus uu qaboojiyey mootada, balse Maxamed uusan qaboojin gaarigiisa, sidaasna uu mootada gadaal uga dhacay, khaladkana uu isagu lahaa.

Xafiiska dacwad-oogaha Istanbul ayaa amar xiritaan soo saaray 8-dii December, ayada oo la eegayo warbixinta khubarada. Hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa ogaaday in Maxamed uu lix maalin kahor ka baxsaday dalka.

Iyaz Cimen ayaa sheegay inay aheyd in booliska ay sii hayaan Maxamed, illaa inta Yunus uu kasoo baxayo xaalada deg degga ah ee uu ku jiray.

“Booliska waxay warbixintooda horudhaca ah ku sheegeen in Yunus uu lahaa mas’uuliyadda shilka. Taasi waa sababta ay ugu maleeyeen inay sii dayn karaan, maadaama uusan wajaheyn dacwado dhalin karay xabsi,” ayuu yiri. “Taasi waxay ahayd khalad.”

Ilo-wareedyo ku dhow dowladda Turkiga ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen sida kiiskan loola macaamilay iyo in lasii daayey Maxamed.

Xafiiska dacwad-oogaha Istanbul ayaa baaritaan ku billaabay saraakiisha booliska ee qoray warbixintii horudhaca aheyd, ee lagu sheegay in Maxamed uusan khalad laheyn.  

Waxay sidoo kale baarayaan warbixino sheegaya in saraakiisha booliska ay u sheegeen qoyska Yunus inuu isaga is-dilay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa illaa hadda aan wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

Mucaaradka oo raajicinaya kulanka Xasan Sheekh kahor qaadista tallaabo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka oo siyaabo kala duwan u diidan halka uu geediga dowladnimada u wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan iskugu tegay magaalada Muqdisho.

Xubnahaan oo ay Xasan Sheekh mar ka wada tirsanaan jireen Dalladii Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa hadda ka biyo diidan qaabka uu madaxweynaha rabo inuu u dhameystiro arrinta dastuurka.

Tan iyo 2012-kii Soomaaliya ayaa ku dhaqmeysay dastuur qabyo ah. Xasan Sheekh ayaa ballan-qaadkiisa doorashada uu ku galay waxaa ku jirtay in haddii la doorto uu dhameystiri doono dastuurka dalka. Haddana wuxuu u dhaqaaqay inuu taas ka dhabeeyo.

Xubnaha mucaaradka ah ee Muqdisho dhawaan iskugu tegay waxaa ugu tun weyn Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sida uu madaxweynaha rabo in dastuurka loo dhameystiro iyo xaaladda lagu jiro oo ay dhinacyo muhiim ah maqan yihiin ayaa kamid ah doodaha ay qabaan mucaaradka.

Xubnahaan waxay ku heshiiyeen in inta aanay qaadin duullaan siyaasadeed oo loo jeedo inay marka hore madaxweynaha la hadlaan, oo ay ugu baaqan inuu arrinta dastuurka dib u dhigo. Haddii uu ka diidana ay markaas ku dhaqaaqan wixii la gudboon.

Sida uu qorshaha ahaa waxay aheyd inay Khamiistii la kulmaan madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin waxaa soo baxeysa in Xasan uu dalbaday in kulanka dib loo dhigo.

Xasan ayaa la sheegay in uu codsaday in kulanka dib loo dhigo illaa 16-ka bisha, isaga oo sababtana ku sheegay inay ku jiraan safaro muhiim ah.

Madaxweyne Xasan ayaa Sabtidii booqasho rasmi ah ku gaaray waddanka Jabuuti, halka sidoo kale la filayo inuu aado waddanka Mareykanka oo uu ka qeyb-galo shirka dalalka haya furaha amniga Soomaaliya iyo sidoo kale inuu goobjoog ka noqdo shirka IMF ee sida rasmiga ah loogu shaacin doono in Soomaaliya laga wada cafiyay deyntii ku taagneyd sanadaha badan.

Xubnaha mucaaradka ayaa qaar u arkaan in dib u dhigistaan inuu madaxweynaha ka meer-meerayo la-kulankooda, halka ay qaarna qabaan in aan la deg-degin oo waqti la siiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale mira-dhalka kulankiisa ayay ku kala aragti duwan yihiin, iyada oo qaar qabaan in Xasan Sheekh laga joojin karin jihada uu u socdo, halka ay qaarna aaminsan yihiin inay ku qancin karaan dooddooda.

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku doodayaan in dhameystirka dastuurka uu kamid yahay waxyaabihii loo doortay, ayna ku qasban yihiin inay ballantaasi fuliyaan, laakiin ay ogol yihiin in lagala doodo qodobadii loo arko inay keeni karaan culeysyo mustaqbalka ah.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale la soo warinayaa inay ku kala aragti duwan yihiin habka loo dhameystirayo dastuurka dalka.

War cusub oo kasoo kordhay raggii fuliyey dilka dhaqtarka iyo macallinka walaalaha ahaa

0

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa NISA ayaa maanta gacanta kusoo dhigay raggii ka dambeeyay dil maalin kahor tuulada Ilix ee hoostagta Ceeldheer loogu gaystay Dhaqtar iyo Macallin walaalo ahaa, kaas oo salka ku hayay aano qabiil.

Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa waxaa fulisay hay’adda NISA, ayada oo afarta eedeysane oo baxsad ah lagu qaabtay gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Maamulka degmada Guriceel oo kaashanaya laamaha Amniga ayaa Gacanta ku dhigay gacan eedaysanayaasii kiiskii dilka 2dii wiil ee walaalaha ahaa ee lagu dilay agagaarka deegaanka Ilix ee dhaca duleedka deegaanka Ceeldheere oo hoostaga Dhuusamareeb” ayaa lagu yiri war kasoo baxay maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga ayaa sheegay in raggan si deg-deg ah loo horgayn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa Allaha u naxariisteen dilkii loo gaystay Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan.

Labada marxuum ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay  30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen, sida uu sheegay Farxaan Cabdullahi Cali oo ka mid ah ehellada.

“Walaalahay gacan ka xaqdaran ayaa dishay. Macalin Liibaan Xasan Cismaan waligiis quraanka ayuu dadka bari jiray, Dr Axmed Xasan Cismaan deeganka waa ka maqnaa oo waxbarasho ayuu Muqdisho iyo Nairobi u jiray oo hadda ayuu dib ugu soo laabtay,” ayuu yiri Farxaan,

Dilka Dhaqtarka iyo Macallinka ayaa argagax ku reebay ehelladooda iyo dadka degan tuulada, maadaama ay lasoo daristay cabsi aad u xoogan.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyey dilkii Dhuusamareeb loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo kasoo jeeda magaalada Cadaado.

Sawirro: Qoor Qoor oo ka dagay Kismaayo + Ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta goboka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Qoor Qoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulkaas iyo dadweyne fara badan, ayada oo kadib loo galbiyay qasriga madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa loo adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo, ayada oo la xiray waddooyinka qaar ee magaaladaais, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ujeedka safarka Qoor Qoor ee Kismaayo ayaa la xiriira kulamo uu la qaadan doono madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ka qayb-galayo shir gaar ah oo uu soo qaban qaabiyay Axmed Madoobe, kaas oo ay yeelanayaan qaar kamid ah madax goboleedyada, loogana hadli doono xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo fatahaadaha.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in intiisa badan shirkaas diiradda lagu saari doono arrinta dastuurka oo ay dood xoogan ka taagan tahay wax ka beddalkiisa.

Axmed Madoobe, Qoor Qoor iyo Laftagareen ayaa hadda si aad ugu ololeynaayo wax ka beddalka dastuurka, iyaga oo bilaabay qorshahooda ku aadan arrintaas oo ay wadato Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, waxaana isha lagu wada hayaa shirarkan siyaasadeed ee la filayo inay gudaha dalka ka dhacaan, ayna qayb ka yihiin mucaaradka oo diidan in la beddalo dastuuka.

Sidee looga fal-celiyay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay Deni iyo Karaash?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa waxaa ka dhex qarxay khilaaf cusub oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka maamulka.

Karaash ayaa shalay weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Deni, oo uu ku eedeeyay inuu yahay kaligii taliye, islamarkaana uu isku koobay awooddii maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iska diiday dhammaan talooyinkii loo jeediyay, isaga oo tilmaamay inuu qaaday waddo natiijadeeda ay tahay fashil oo kaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil,” ayuu Karaash ku yiri qoraal uu ku weeraray madaxweyne Deni.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa arrimaha masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho.”

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Ismaaciil Yare: “Waxaa khilaafkaas looga hortagi karaa wada-hadal iyo is ogol iyo in Isimada wax walba looga dambeyo.”

Axmed Muxumed ayaa isna waxa uu yiri “Saciid Deni maanta xaaladiisu waxay maraysaa sidii maalintii Farmaajo.”

“Xalka Puntland waaa in doorasho 66-ka Xildhibaan ka dhacdo haddii kale waxay halis ugu jirtaa burbur,” ayuu yiri Deeq Cali Jigjigaawi.

Suldaan Xirsi Cali Maxamed: “Deni wuxuu qaatay go’aan fiican marku ka laabtay doorashadii qof iyo codka aheyd, siyaasiyiinta Deni kasoo horjeeda waxaan leeyahay u tura shacabkiina iyo degaankiina oo iska ilaaliya wax walba oo lid ku ah xasiloonida dhulkiina.”

Cabdiwahaab Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Goor waqtigii dhamaaday baa isqabateen waxaas mar horaanu ka jeclayn inaad meel isa saartaan (Deni iyo Karaash).”

“Waqtigiini waa dhamaaday hadaa fowdo rabtaan labadiina is-rifa shacabka yaan waxba soo gaarin fadlan,” ayey tiri Farax Saciid Yuusuf.

Cali Cawil Cabdulle: “Madaxweynuhu muddo kororsi buu diiday adna (Karaash) waa rabtaaye yaa labadina khaldan marka.”

Bashiir Shaaciye ayaa isna waxa uu yiri “Karaashow ninka umadda adaa kusii daayey labadiinuba dhib baa bulshada Ku haysaane dhaafa.”

“Deni inuu jabey waxan ku dareemay odeygii Axmed Karaash ahaa baa usoo fak-fakanaya,” ayuu yiri Cabdiqaadir Jookar.

Daawo: Askari dilay taliyihiisa oo maxkamad lasoo taagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah askari ka tirsan ciidamada dowladda, kaas oo loo haysto inuu dil bareer ah u gaystay taliyihiisii, kadib amar diido uu sameeyay.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Dable Maxamed Diiriye Cabdulle Dhiblaawe ayaa dilay marxuum Caamir Xasan Cali oo u ahaa taliye koox, xilli ay ku sugnaayeen furinta dagaalka.

Dilka ayaa yimid, kadib markii eedeysanaha uu diiday amar shaqo loogu dirayayay, kadibna uu sidaas ku dilay taliyihiisii.

Goobjoogayaal la keenay Maxkamadda ayaa sheekeeyay, sida ay wax u dhaceen “Salli ayaa ku fadhinay ninkaan difaaca ayuu ka yimid, waana nasoo kor istaagay, kadibna xabadaha ayuu ku furay taliye Caamir, wuuna orday” ayuu yiri mid kamid ah marqaatiyeyaasha.

Intaas kaidb ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada oo fadhiga ka hadlay ayaa dalbaday in eedeysanaha lagu xukumo dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Caamir Xasan Cali.

“Waxaan Maxkamadda horkeenay qoraygii uu dilka ku gaystay oo aan Xoogga dalka iska lahayn, balse uu isaga jeebkiisa kala yimid, waxaana Maxkamadda horkeenay laba marqaati oo goobjoog ahayd, sidaas daraadeed waxaan Maxkamadda ka codsanayaa in eedeysane Maxamed Diiriye Cabdulle Maxkamaddu ku qaado qodobada aan ku soo eedeynay” ayuu yiri xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ugu dambeyn waxaa fadhiga soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Darakada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo sheegay inay dib ka shaacin doonaanxukunka eedeysane Maxamed Diiriye Cabdulle Dhiblaawe.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxa ay u digtay ciidamada Dowladda Federaalka ee ku howlan qalqalgelinta Amniga sida in ay ridaan rasaas ama ay dhexdooda isku geysaan dhibaatooyin kala duwan.

Si kastaba, saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa inta badan tega furimaha dagaalka iyo deegaannadii dhowaan Al-Shabaab laga qabsaday, si ay ula socdaan fal dambiyeedka ka dhici kara ciidamadaas howlgallada ku jira.

Deyn cafinta kadib xujooyin culus oo horyaalla Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay u dabaal-degaysa in laga cafiyay deyn dhan 5.2 bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Laakiin waa dabaal-deg uu hareer yaallo culeys kale oo xoog leh oo kusoo wajahan dowladda Soomaaliya.

Markii lagu dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyo deynta waxaa dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha. Waxaa istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

2020-kii heshiiskii IMF iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ahaa in dalkaan Geeska Afrika la siiyo 395 Milyan oo dollar muddo saddex sano ah, iyaguna intaasi ku dhameystiraan shuruudaha ku xiran deyn cafinta sida; kordhinta dakhliga gudaha, kor u qaadista waxbarashada iyo dhimista saboolnimada.

IMF hadda waxay sheegtay in arrimahaas xoogga wax laga qabtay, dhawaana la filaayo in deynta la cafiyo. Heshiis cusub ayay markale gaareen IMF iyo dowladda Soomaaliya, waana in dowladda Soomaaliya la siiyo 100 Milyan oo dollar saddexda sano ee soo aadan 2023 illaa 2026.

Waxaa lacagtaan laga bixinaya sanduuqa taageerada dalalka aan dakhli ahaan isku filneyn. Halkan waxaa ka fahmi karnaa isbeddelka farqiga hoos u dhaca ah ee ku yimid lacagtii iyo isbeddalka cinwaankii lacagta lagu siiyay dowladda Soomaaliya.

Saddexdii sano oo hore waxay bixiyeen 390 Milyan laakiin saddexda sano ee soo socota waa 100 Milyan, tallaabadan waxaa la yiraahda “isku tasho”.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay canshuurta Muqdisho oo keliya. Caasimada sanadkii lacagta laga qaado wallow ay aad u badan tahay haddana inta Bangiga Dhexe ee dowladda ku dhacda waxay u dhaxeysa 250 Milyan illaa 300 Milyan oo dollar, balse dadka xogta dhaqaalaha la socda waxay sheegayaan in tiro intaasi ka badan la dhaco.

Micnuhu waa in haddii ay dowladda ka adkaato musuq-maasuqa kunka weji leh ee Muqdisho yaalla inay caasimada sanadkii ka heli karto lacag dhan 600 iyo 700 Milyan oo dollar.

Canshuurta dalku ma mideysna. Maamul goboleedyada ma rabaan in canshuurta la middeeyo.

Deyn cafinta kadib dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku filnaato, si taas loo gaaro waa in musuq-maasuqa laga adkaado, maamullada lagu qanciyo in canshuurta la mideeyo, la abuuro jawi nabadeed oo maalgashi keeni kara, kheyraadkana laga faa’iideysto oo suuq loo raadiyo.

Dhamaan arrimahaan waa xujooyin cul-culus oo horyaalla madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukunkiisa, taasi oo hadba sida loo xaliyo ay ku qeexi doonto halka uu qaranku gaari karo sanadaha soo socda.

Sawirro: R/W Xamza oo guddomiyey kulan aan caadi aheyn, farayna xubnaha…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay yeesheen hoggaanka Tiirarka Xukuumadda, oo looga hadlayay hanaanka dowladnimada casriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in xafiiska ra’iisul wasaaruhu uu hormuud u noqdo isbeddelka iyo hannaanka dowladnimada casriga ah, si meesha looga saaro caqabadaha ku horgudban horumarinta adeegyada dowladda iyo isbeddel horumar oo waara.

Xamza oo la hadlayay hoggaanka Tiirarka Xukuumadda ayaa ku booriyey in xubnihii hey’adaha dowladda ee qaybta ka ahaa safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah ay hormuud ka noqonayaan horumarka bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee Xukuumaddu u jiheyneyso dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in tiirarku ay laf-dhabar u yihiin howlaha xukuumadda Dan-Qaran, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyo hufan oo wax ku soo kordhiya noloshooda.

Waxaa dhawaan dalka dib ugu soo laabtay xubno ka badan soddon qof oo ka tirsan hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo dalka Maleysiya ku soo qaatay barnaamijyo la xiriira hannaanka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya.

Mudane Xamza ayaa dhawaan sheegay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay awoodaan in ay ka gudbaan caqabadaha amniga, kala qeybsanaanta, musuq-maasuqa iyo saboolnimada, isaga oo sheegay in qorshahan qaran uu yahay jidkii inagu hagi lahaa rumeynta himilooyinka dowladnimo iyo in aan la tartanno dhiggeena.

“Safarka loo galayo isbeddelka iyo horumarka dowladnimada casriga ah waxa uu u baahan yahay ka go’naansho wadareed oo mug leh, iyadoo Soomaaliya ay galeyso
marxalad cusub, waxaanan ku boorrinayaa qof kasta oo idinka mid ahi in uu isbaddelka uga qeyb qaato si daacadnimo leh,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Xamza ayaa markaas qiray in soddonkii sano ee ay Soomaaliya ku jirtay colaadaha iyo dowlad burburka ay adduunyadu ku tallaabsatay horumarro iyo isbeddello dunida wax ku soo biiriyey, sidaas darteed loo baahan yahay in la xaqiijiyo.

“Soddonkii sano ee aan adduunka ka maqnayn anagoo ah dowlad shaqeynaysa, waa soddonkii sano ee tiknoolajiyaddu soo biirtay, dowladuhuna ay horumarka gaareen, marka si aan u gaarno dunida waa in aan sameynaa dadaal ka badan kii hore.”

Sidoo kale waxa uu markaas tilmaamay in lagama maarmaan tahay in loo shaqeeyo si ka duwan, kana dadaal badan sidii hore, si dalkeennu u xaqiijiyo kuwa lamid horumarrada caalamka.

Villa Somalia oo xog cusub ka bixisay shirka amniga Soomaaliya ee New York

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib-u-dhiska ciidamada iyo howl-gallada xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay soo gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka si uu u guddoomiyo shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Midowga Afrika, waxaana lagu hadlayaa arrimaha ugu muhiimsan ee amniga dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin oo faah-faahin ka bixiyey shirkaan ayaa waxa uu sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay Soomaaliya ka aqbaleen in ay ka jawaaban baahiyaha dalka ka jira iyo dhaqaalaha ku filan in wax looga qabto.

“Waxaanu ogaanay baahiyaha dalka ka jira iyo dhaqaalaha ku filan in wax looga qabto, dalalka saaxiibada ahna waxa ay aqbaleen inay si degdeg ah uga soo jawaabaan baahiyahaas,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Shirkaan ayaa waxaa si gaar ah loogu dul istaagi doono ajandeyaal ay kamid yihiin;

1- Horumarka iyo caqabadaha ka jira laamaha amniga Soomaaliya.

2- Qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya.

3- Taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya ee amniga iyo horumarka.

Soomaaliya ayaa la filayaa in dhankeeda ay u soo bandhigaan baahiyaha amni ee dalka ka jira, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan natiijada kulankaan ka soo bixi doonta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan laga qaaday cuna-qabateyntii hubka, waxaana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.

Sanadkaan inta uusan dhamaan, gaar ahaan maalmaha soo aadan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.

SOOMAALIYA oo fagaare caalami ah si xooggan uga hadashay xaaladda GAZA

0

Doha (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa xaaladda ka taagan Marinka Gaza uga hadashay shirweyne caalami ah oo ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad uu ka jeediyey Madasha DOHA, ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Falastiin.

Huruuse oo ka hadlay xaaladda Gaza ayaa waxa uu tilmaamay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo daryeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah, xilli Israel ay gumad ba’an ka geysatay Marinka Gaza.

Mudane Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in dublamaasiyadda bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wada-hadalka iyo xaqiijinta bixinta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xasarado kala duwan oo caalami ah.

“Waxay noqonaysaa lama huraan ummaduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskahorimaadyada magaalooyinka, kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, ama qaxootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan,” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse.

Horaantii bishii hore, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israel ee ka dhanka ah Gaza, shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay Sacuudiga.

In Soomaaliya si walba oo ay dagaallo iyo dhibaatooyin u hayaan in aanay marnaba ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin, ayuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda caalamka ayaa baddi si weyn u cambaareeyay xasuuqa ka socda magaalada Gaza, laakiin Israel taas waxba kama beddelin, waxayna weli sii wada dhibaatada joogtada ah ee ay ka geysaneyso Gaza.

Duulaankaan lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ayaa meel cidlo ah soo istaajiyay sheegashadii dalalka Reer Galbeedka ee ilaaalinta xuquuqda aadanaha.

Aqriso: Warqad sir ah oo uu Maxamed Siyaad Barre qoray kahor geeridiisa oo la helay

0

London (Caasimada Online) – Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).

Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.

Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.

Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.

Warqaddu waxay ku billaabatay qoraal yar oo cover ah, oo gaaban, oo ay Canab Maxamed Siyaad Barre, oo uu dhalay Maxamed Siyaad, ay ku sharraxeyso waxa ay tahay warqadda aabbaheed.

Sida muuqata, safaaradda Ingiriiska ee Kenya ku taalla waxay warqadda ka heshay Canab lafteeda, oo diblomaasiyiin ajnabi ah ku guddoonsiisay Hoteel PanAfric ee magaalada Nairobi, oo markaas ay address ka dhigatay Canab, sheegtayna in P. O. Box-keedu uu yahay 244144, mana sheegin qolka ay ka deggan tahay hoteelka. Taariikhda ay cover-ka ku qortay waa 19-ka bisha Oktoobar 1992.

Canab waxa ay ku billowday cover-keeda in warqadda Maxamed Siyaad Barre ay tahay ‘Warqad Nabadeed’ (Letter of Peace).

Waxa ay tiri: ‘Waxa aan idinku wargelinayaa dadaalka joogtada ah ee Mudane Maxamed Siyaad Barre ee ah in nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Soomaaliya, sidaas awgeed waxaa halkan ku lifaaqan warqadda soo socota, oo ah mid iyadu is sharraxaysa, oo ah farriin nabadeed oo ku socota dhammaan hoggaamiyeyasha dhaqanka Soomaaliyeed, kana timid Mudane Maxamed Siyaad Barre, oo kula talinaya inay saacidaan dadaalka gargaarka iyo nabadda ee ay waddo Qaramada Midoobay iyo inay xal-waara u raadiyaan mushkiladda maanta haysata Soomaalida si loo ilaaliyo ummad-nimadooda’.

Meesha u dambeysa ee cover-ka waxa ay Canab ku sheegatay inay tahay Ergay Gaar ah, oo ka wakiil ah Maxamed Siyaad Barre, mana aysan ku sheegin wax title ah oo uu leeyahay aabbaheed, kaddibna magaceeda ayay ku saxiixday. Waxaa hoos ku sii taalla stamp ay ku dhufatay safaaradda Ingiriiska ee Kenya, oo taariikhdeedu tahay 26-ka Oktoobar 1992, oo u muuqata inay tahay maalintii ay sida rasmiga ahayd warqadda u guddoomeen.

Bogga koowaad ee Warqadda Maxamed Siyaad, waxaa ku taalla stamp-da Madaxtooyada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxayna ku taariikheysan tahay 15-ka bisha September 1992, magaalada ku qoran-na waa Lagos, dalka Nigeria.

Wuxuu ku billaabay: ‘Waxaan jeclaan lahaa inaan kaga faa’iideysto fursaddaan inaan idin soo gaarsiiyo salaanteyda, si sharaf iyo xurmo ay ku dheehan tahay.

Farriinteydu waxay idiin siddaa warbixin iyo talooyin ku saabsan xalka arrimaheenna gudaha, waxaana la socda baaq ku wajahan dhammaan xoogagga ka ciyaari kara door wanaagsan hannaanka nabadda ee Soomaaliya’.

Arartaas kaddib wuxuu yiri: ‘Muwaadiniinta dalkeygow, labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan marqaati ka ahayn burburka qiyamkii taariikhiga ahaa iyo hiddihii dhaqanka ee jiilasha mustaqbalka’.

Halkaas markuu marayo, hal mar ayuu gadaal u noqday, wuxuuna yiri ‘waxaa muhiim ah in la xuso dagaalkii aan la galnay qabyaaladda waqtigii la soo dhaafay’.

Wuu sii watay, wuxuuna xusay in markii taliskiisu ay duugayeen qabyaaladda aysan ka soo horjeedin dhaqankii jilibyada ee Soomaaliya, laakiin ay ka soo horjeedeen ‘canaasiir’, sida uu yiri, ‘ku howlan naftooda oo isticmaalaya qabyaalad iyagoo u daneynaya danahooda shaqsiga ah’.

Wuxuu intaas ku sii daray ‘faham la’aanta dadka caadiga ah aysan ku kala saari karin kuwaas ayaa keentay inay taageeraan kuwa loogu yeero qabqablayaasha dagaalka, oo ku keenay ummadda Soomaaliyeed inay kufto, iyagoo dadka u kala qaybiyey qabiillo iyo jufooyin, kana barakiciyey waqooyi iyo koonfur’.

Bogga koowaad, wuxuu ku soo gunaanaday in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo ururrada bini’aadamnimada ay muddo dheer ku howlanaayeen ‘inay badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee uu sameeyey dagaalka sokeeye, una fidiyaan caawimaad ka kooban cunno, daawo iyo dhaqaatiir’, taasoo keentay inay qaarkood ku waayaan naftooda, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Bogga labaad, wuxuu ku billowday inuu ka warbixiyo in kaddib markii amnigooda la geliyey qatar in bulshada caalamka ay go’aansaday laba arrimood: (1) Inay joojiyaan wixii caawimaad ah, illaa xabbad-xoojin lagu heshiinayo, ama (2) Inay cunnada sii qaybiyaan, kana badbaadiyaan dadka baahida iyo xabbadaha, ayna dadaal kasta ku bixiyaan in la joojiyo dagaalka iyo qalalaasaha.

Isaga oo mar walba qoraalkiisa dhex-taal uga dhigaya ‘muwaadiiinta dalkeygow’ ayuu bogaadiyey Xoghayihii xilligaas ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali iyo magacaabista uu Maxamed Saxnuun u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, si uu uga caawiyo Xoghayaha Guud arrimaha la xiriira xal nabadeed oo loo helo khilaafka ka taagan Soomaaliya.

Maxamed Siyaad Barre, wuxuu kaloo bogaadiyey dalka Mareykanka, oo ciidan u soo diraya xeebaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan howlgallada Qaramada Midoobay.

Wuxuu yiri ‘uma aragno tallaabadaas inay tahay caqabad, laakiin waa xoog caawimaad oo gacan ka geysanaya nabadda dalkeenna’. Si kastaba, wuxuu sheegay inuu welwelka uu qabo la qeybsaday dalal uu ku sheegay ‘wadammada saaxiibbada ah’, sida Mareykanka, wadammada Yurub, wadammada Afrika iyo wadammada Carabta, qaasatan Sacuudiga, uuna ka codsaday inay caawimaad baaxad leh (massive assistance) u fidiyaan dad ka kooban hal milyan iyo bar, oo u baahan caawimaad degdeg ah oo dhanka cunnada iyo daryeelka, kuna sugan dalka gudihiisa iyo xuduudaha Kenya iyo Itoobiya.

Wuxuu yiri ‘waxaan wargeliyey dowladahaan inaysan ku dhex-wareerin arrimaha siyaasadda iyo si ay nabad uga sameeyaan Soomaaliya inay wada-shaqeyn la yeeshaan hoggaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta wanaagsan ee aaminsan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya’.

Wuu sii watay, wuxuuna sheegay inuu baaq (appeal) u diray Qaramada Midoobay in shuruudaha ciidan nabadeed loogu daabulayo Soomaaliya inaysan la mid noqon ‘xaaladdii aan ku sugneyn 1950-1960, oo ahayd maxmiyaddii Qaramada Midoobay’.

Bogga saddexaad, oo ah kan ugu dambeeya, wuxuu tilmaamay in si’ xaaladda Soomaaliya loogu soo afjaro waqti hore inuu u soo jeedinayo hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sida boqorrada, garaadada, malaaqyada, suldaannada, imaamyada, islaannada iyo wabarrada (ugaasyada kuma uusan soo darin), inay go’aansadaan inaysan wax dadaal ah la harin, ‘si loo dhaqan-geliyo hindisaha soo socda ee lagu hubinayo, laguna soo celiyo madax-bannaanidii iyo ummadnimadii’. Hindisaha uu u soo jeediyey kaaba-qabiillada, wuxuu ku billaabay:

1. In la taageero dadaallada nabadda ee Qaramada Midoobay, iyadoo la kaashanayo Ururka Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Yurub, iyadoo la aqoonsanayo in taasi ay tahay danaheenna.

2. In lagu dadaalo in la hagaajiyo amniga iyo xasiloonida garoomada iyo dekedaha, si loogu gogol-xaaro gaarsiinta qalabka gargaarka inuu gaaro dadkeenna macluulsan.

3. In la abuuro tallaabooyin kalsooni-dhisid ah oo u dhexeeya ‘dadka gobollada deriska ah’, si loo raadiyo soo-celinta nabadda iyo wada-hadalka iyadoo la isticmaalayo tallaabooyin ku jaango’an hababka dhaqanka.

4. In la diido, lagana fogaado isbahaysiga cusub ee aan barakada lahayn ee qaabkiisu yahay qabiilka.’

Intaas kaddib, wuxuu kula dardaarmay, ‘Muwaadiniinta dalkeygow, wiil ayaa ku dhinta dagaalka, kuma dhasho’. Wuxuu ku soo afjaray: ‘Waan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin’, kaddibna saxiixiisii ayuu ku duugay.

Midda xiisaha leh, waa in saxiixa kaddib uu qortay inuu yahay darajada ‘Madaxweyne’, iyadoo laba sano iyo bar ka hor xukunka xoog lagaga tuuray. Hase yeeshee, warqaddaan warqad ka dambeysay, oo laba bog ahayd, oo uu 10-kii bishii February 1993-kii u diray Madaxweynihii Mareykanka, lagana helay maktabadda keydka Bill Clinton, wuxuu ku saxiixay inuu yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ingiriis
Jaamacadda King’s College London

Maxay ka dhigan tahay magacaabista WAARE ee IGAD, mase yahay qofkeedii?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Waare ayaa loo magacaabay ku-xigeenka xoghayaha fulinta ee urur-goboleedka IGAD.

Ururkaan oo la aas-aasay 1986-dii waxaa ku jiray siddeed waddan. Soomaaliya weligeed kama mid noqon madaxda sare ee ururkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo xileedkiisa hore raadiyay kursiga xoghayaha guud ee IGAD, waxaana markaas u rabay Xasan Cali Kheyre, oo markii dambe ra’iisul wasaare ka noqday Soomaaliya.

Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dib usoo celiyay hanka ah in Soomaaliya ay qabato mid kamid ah boosaska sar-sare ee ururkaan, oo ay ku jiraan dalalka Jabuuti, Ethiopia, Eritrea, Sudan, Uganda, Kenya, Soomaaliya iyo South Sudan.

Duullaanka Xasan Sheekh wuxuu kusoo dhamaaday kalkaan in Soomaaliya la siiyo ku-xigeenka qofka ugu sarreeya ururkaan, ama booska labaad ee hoggaanka fulinta ururka IGAD.

Waare hadda waa ku-xigeenka Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha fullinta ee urur-goboleedka IGAD.

Maxay ka dhigan tahay in Soomaaliya la siiyo booskaan, Waare-se ma yahay qofkeedii?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu muujiyay in Soomaaliya ay muhiim u tahay inay hesho kursigaan.

Xasan ayaa waxaa la sheegaya inuu aaminsan yahay in magacaabistan sare u qaadeyso miisaanka dalka ee heer gobol, inay ka caawineyso in si weyn looga faa’iideysto fursadaha dhex yaalla dalalka ku jira ururkaan iyo inay mustaqbalka dhow keeni karto in Soomaaliya ay qaadato hoggaanka ugu sarreeya ee urur-goboleedka IGAD.

Maxamed Cabdi Waare, hoggaamiyihii hore ee maamulka HirShabeelle oo waqti badan lasoo shaqeeyay hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, oo isagu booskaan ay dowladda Soomaaliya ku qortay ayaa waxaa loo arka nin faham badan ka haysta shaqada ururkaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu bilihii ugu dambeeyay kala shaqeynayay arrimaha Xasillinta deegaanada laga saaray kooxaha argagixisada. Waxaana dadka qiimeynaya booskan weyn ee hadda loo magacaabay Waare ay muujinayaan rejo ku saabsan inuu Waare shaqo wax ku ool ah ka qaban karo urur-goboleedka IGAD, uuna si togan uga faa’iideyn karo Soomaaliya.

In Soomaaliya la siiyo kursiga labaad ee ugu sarreeya urur-goboleedka IGAD waxay kusoo aadeysa laba asbuuc kadib markii Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqotay ururka bulshada Bariga Afrika.

Dalka wuxuu u muuqda in markaan uu tallaabsanayo si qaan-gaadhnimo ah. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muujinaya inuu ka leexday dhabihii madaxdii ka horreysay oo aheyd in waqtiga ugu badan ee dowladda lagu gubo ceyrsiga siyaasiyiinta gudaha.

Soomaaliya waxay sidoo kale hadda tartan ugu jirtaa inay hesho kursiga xubinta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya waxay hadda u baahan tahay inay si togan oo ilbaxnimo iyo caqli ku dhisan inay uga faa’iideysato kuraasta waaweyn ee ay ku fariisaneyso waqtigan iyo sidoo kale inay dunida tusto inay yihiin dad ay qalad aheyd in markii horeba la qadiyo.

Golaha Wasiirada Galmudug oo go’aan ka gaaray dhismaha dekedda Hobyo

0

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo maanta ka dhacay degmada Hobyo.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan amniga deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa warbixin ku saabsan hishiiska dowlad-goboleedka Galmudug iyo shirkadda maalgashiga dekedda Hobyo laga dhageystay Wasiirka Dekedaha.

Kaddib dood dheer golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hishiiskaas.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa sharci muhiim ah loogu ansixiyay Wasaraadda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maalmo kahor booqday halka ay khubarada dhiseysa dekedda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso dekedda.

“Waxaan cabirnay oo asteynay dekeddii goobtii loo asteeyay, halka aan taaganahay waa meesha ay ka bilaabato calaamada ka baxsan magaalada ee dekeddii Hobyo ee dhismaheeda la bilaabayo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn maanta wixii ka dambeeya dhulkii hore loo deegaamayay.

“Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu markaas faray hay’adaha amniga maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga loo xil-saaray dhismaha dekedda Hobyo.

“Dhamaan hay’adaha amniga waxaa amar ku qabtaan in aad ilaalisaan oo dhowrtaan, ciddii soo gasha ama ku xad-gudubta sharciga lala tiigsado. Majirto hanti ama dhisme hore looga sameeyay oo laga bilaabo saacadan sharci ah.”

W/Q: Bashiir Baarbe

Xasan Sheekh oo ka degay New York iyo qorshaha safarkiisa oo la shaaciyey

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyn soo gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Dowladda ayaa dhawaan laga qaaday cunaqabateentii hubka, waxaana soo socda guulo kale oo waaweyn oo deyn cafinta ay ku jirto.

Sanadkaan inta uusan dhamaan waxaa lagu wadaa in Soomaaliya uu caalamku ka cafiyo deymihii uu ku yeeshay waayihii burburka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka qeyb galo shirkaan looga hadlayo amniga Soomaaliya ee New York ka dhacaya ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona shirka deyn cafinta Soomaaliya.

Qareenada Agaasimayaashii Hay’adda Socdaalka oo soo saaray war culus (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qareenada u doodaya xubno ay ka mid yihiin Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa warqad ay u direen Agaasimaha hay’adda socdaalka uga dalbaday inuu ka  noqdo go’aan ka soo baxay xafiiskiisa.

Go’aankaas ayaa ahaa in Agaasimaha hadda jooga xafiiska uu xisaabiyaha guud ee dowladda ka dalbaday in mushaar joojin lagu sameeyo masuuliyiintaas iyo xubnaha kale oo ku eedeysan musuq, kana tirsan hey’adda.

Dalabka agaasimaha hey’adda Socdaalka ayaa soo baxay 23-kii bishii hore, waxaana sabab looga dhigay in xubnahaasi aysan wax shaqo ah u qaban hey’adda, sidaas darteed wuxuu agaasimuhu xisaabiyaha guud ka codsaday in mushaarka laga jaro.

Labada qareen ee warqadaan soo saaray ayaa kala ah Zakariye Ismaaciil Nuur iyo Cabdirisaaq Cumar Ibraahim, qoraalka ay soo saareen ayaa ka kooban 13 qodob.

Sidoo kale qareenadaan ayaa qoraalkooda ku cadeeyey in masuuliyiinta mushaarka laga joojiyey ay dacwad uga furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir.

“Ma jiro xeer kuu ogolaanaya inaad mushaarka ka joojiso ama shaqo ka eryid ku sameyso shaqaale ay dacwadoodu ka furan tahay maxkamad, weliba uusan kiiskooda xukun ka soo bixin,” ayaa lagu yiri qoraalka qareenada.

Sidoo kale saraakiisha mushaar joojinta lagu sameeyey waxaa qoraalka qareenada lagu cadeeyey inay ka mid yihiin shaqaalaha lagu maamulayo sharciga shaqaalaha rayidka.

Qareenada ayaa agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ka codsaday inuu ka laabto warqadii ka soo baxday xafiiskiisa, maadaama saraakiishaas ay yihiin shaqaale ay dacwadoodu maxkamad ka furan tahay.

Hoos ka akhriso qodobada qoraalka qareenada:

Waare oo xog ka bixiyay sida ay ku timid magacaabista IGAD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan loo magacaabay xilka Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD ayaa faah-faahin ka bixiyay sida ay Soomaaliya ku heshay kursigaan iyo muhiimada uu u leeyahay.

Waare ayaa shaaciyay in kursigaan aan loo tartamin, ayna Soomaaliya ku heshay go’aan ay gaareen waddamada qeybta ka ah ururkaan, maadaama uu dalkeenna muddo fog ka qaban xil noocaan ah.

“Kursigaan looma tartamin, shirkii IGAD ee lagu qabtay dalka Jabuuti bishii June ayaa lagu go’aansaday in kursigaas Soomaaliya la siiyo, maadaama Soomaaliya ay ahayd waddadamaeii lagu aas-aasay ururka ee weli aan ka qaban kursigaas, marka waa la isla gartay, toddobada madaxweyne ee markaas joogay ayaa isla gartay,” ayuu yiri ku-xigeenka xoghayaha guud ee IGAD.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilkaan uu Soomaaliya u leeyahay muhiim gaar ah, islamarkaana ay ka soo dhalaali doonaan kaalintooda, weliba sidii looga faa’iideysan lahaa kursigaan ay markii ugu horeysay heshay Soomaaliya.

“Booskaas waa boos muhiim ah, Soomaaliya waxay kamid tahay waddamadii lagu aas-aasay waana markii u horeysay, waxayna qeyb ka tahay dadaalka dowladda ugu jirtay arrimaha diblumaasiyadda, ku biiristii EAC, iyo in IGAD miisaaniyad ku yeelato,” ayuu yiri Mudane Waare.

Waxa uu intaas kusii daray “Howl weyn ayaa noo taalla, anigana meel cidlo ah ma imaan oo eber ah waxba ka bilaabi maayo, madax ayaa joogta oo aqoonyahaano ayaa joogta, imkaaniyad badan ayaa yaalla marka khibradeyda iyo waayo aragnimadeyda ayaa ku biirin doona.”

Waare ayaa markii ugu dambeysay ahaa ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, ayada oo xilkaas dhawaan uun laga qaaday, ayada oo sababtuna ahayd xilka loo waday oo ugu dambeyn shalay loo magacaabay, isaga oo noqday ku-xigeenka xoghayaha guud ee urur-goboleedka IGAD.

Magacaabistiisa ayaa sidoo kale timid, kadib markii ay Soomaaliya codsi u gudbisay dalalka xubnaha ka ah IGAD, sidaasna lagu magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xilligan xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD. Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la-qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, waxaa dhawaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha Galmudug.

MADAALE oo taageero u helay arrin ay ku dhiban yihiin dadka Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xoojinta xariirka labada dhinac, dardar-gelinta heshiiska mataaneynta labada Magaalo iyo taageeridda horumarinta caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa Doha kala hadlay qorshayaasha hortabinta u leh dowladda hoose ee Muqdisho oo ay ugu horeyso wax ka qabashada bullaacadaha, qorshaha dib-u-hagaajinta magaalada, wax ka qabashada nadaafada iyo helida gaadiidka culus ee loo adeegsado nadaafada, dab-damiska iyo adeegyada deg-dega ee bulshada.

Duqa magaalada Doha Mudane Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kasta oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo sidii loo dardargalin lahaa qorshaha mataaneynta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay aheyd markii Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale si weyn loogu dhalleeceeyay nadaafad darro iyo biyo ay magaalada Muqdisho dhigeen roobabka mahiiganka ah ee ka da’aya gudaha dalka.

In Muqdisho ay hesho bullaacado ay biyaha roobka ku dhacaan, halkii ay waddooyinka biyo dhigi lahaayeen, ayaa la aaminsan yahay inay yareynayso culeyska magaalada ee ay keenaan daadaadka ka dhasha roobabka.

Si kastaba, Marwalba oo isku socodka adkaado, oo ay waddooyin badan biyo xiraan, waxaa dhinaca kale qaali noqonaya maciishada iyo gaadiidka dadweynaha, waxaana dhinaca kale ka dhalan kara falal amni darro ah.

Somalia’s leap forward, navigating towards prosperity and stability

0

In less than two years, Somalia has experienced a series of transformative epiphanies, marking an era of unforeseen progress and stability. The catalyst behind this remarkable change is the visionary leadership at the helm, steering the nation towards prosperity with a commitment that resonates through every milestone achieved. 

One of the most significant achievements is Somalia’s integration into the East African Community (EAC). This strategic move not only symbolizes regional unity but also opens avenues for economic partnerships, trade, and cultural exchange, bolstering Somalia’s position in the East African region. 

Equally monumental is the lifting of the arms embargo, a crucial step in reinforcing Somalia’s sovereignty and self-reliance. This development enhances the nation’s capacity to maintain security and protect its borders, further stabilizing the region. 

The launch of the Centennial Vision 2060 is a testament to the forward-thinking approach of Somalia’s leadership. This long-term vision sets a clear roadmap for sustainable development, economic growth, and social progress, ensuring that the strides taken today benefit future generations. 

The announcement of debt relief for Somalia on December 13,  2023, marks another significant stride. This financial liberation is expected to catalyze economic growth, attract foreign investment, and enable the government to allocate more resources towards public services and infrastructure development. These significant developments, a pivotal meeting is also scheduled for December 11, 2023, in New York, chaired by President Hassan Sheikh Mohamud. This gathering sees participation from over thirty countries, recognizing the takeover of the Somali security forces. By the end of 2024, the security responsibilities of the country are expected to be fully managed by Somali forces, marking a major step towards self-reliance and sovereign integrity.

Central to these achievements is the cohesive relationship between President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Hamza Abdi Barre. Their synergistic partnership has been instrumental in navigating the country through these milestones in a remarkably short period. Their unified vision and collaborative approach exemplify the power of effective leadership in driving national progress. 

Yet, two critical milestones remain: the eradication of Al-Shabaab and the finalization of the constitution review. Eliminating Al-Shabaab is pivotal for lasting peace and security, essential for economic growth and social stability. Completing the constitution review is equally vital, as it lays the foundation for a democratic and inclusive governance structure. 

Achieving these goals demands unwavering political stability and the collective support of all Somalis. It requires a continued commitment from the leaders and the people to sustain the momentum of change and overcome the challenges that lie ahead. 

Somalia is on a transformative journey, underpinned by visionary leadership and a collective will to succeed. The country’s recent epiphanies are not just milestones but beacons of hope, signaling a new era of stability and prosperity. As Somalia continues on this path, the unwavering support of its citizens and the international community will be crucial in realizing the dream of a peaceful, prosperous, and resilient nation. 

Ismail D. Osman: Former Deputy Director of the Somalia National Intelligence & Security Agency (NISA). Specializing in writings on Somalia, the Horn of Africa’s security, and geopolitical landscapes with an emphasis on governance and security. Contact: [email protected]. Twitter: @osmando.

Anita Kiki oo soo afmeertay howl-galkii Soomaaliya, sameysay qiraal cajiib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo waqtigii ay ka howl-galeysay dalka uu soo dhammaadey, ayaa kulan sagootin ah la qaadatay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee JFS Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka ayaa ku-xigeenka ergeyga uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay uga soo dhalaashey shaqada loo igmaday, ugu adeegtay dadka Soomaaliyeed muddadii ay dalka joogtay.

Sidoo kale waxa uu ku-xigeenka ergeyga warbixin guud ka siiyay xaaladda dalka ee dhinacyada, siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka laga sameeyay iyo markii la dhisay xukuumadda Dan-Qaran sannadkii la soo dhaafey, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay kulankaan.

Marwo Kiki Gbeho ayaa qirtey in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka iyo rejada, islamarkaana ku tallaabsatay guullo la taaban karo oo waddanka u horseedaya dib u soo kabasho dhameystiran.

Waxay sidoo kale ka mahad-celisay wada-shaqeynta iyo soo dhoweynta ay u fidiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya intii ay dalka ka howl-galeysay.

Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Anita ayaa dhammaadka bishan waxa ay qaban doontaa xilka ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobay ee Koonfuurta Sudan, ahna madaxa isku-duwidda arrimaha gargaarka bani’aadminimada.

KARAASH: Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keli-talisnimo

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qoraal soo saaray ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Deni oo ay isku khilaafeen arrinta doorashada.

Axmed Karaash ayaa Saciid Deni ku eedeeyay inuu yahay kaligii taliye, isla markaana uu isku koobay awooddii maamulka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iska diiday dhammaan talooyinkii loo jeediyay, isaga oo tilmaamay inuu qaaday waddo natiijadeeda ay tahay fashil oo kaliya.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil” ayaa qoraalkiisa ku yiri, Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).

Madaxwyene ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhashay xiisadda ka taagan Puntland uu mas’uuliyadddeeda qaadayo Saciid Deni

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa mar kale yiri Karaash.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee Puntland, kadib markii maxkamadda dastuuriga ay burisay muddo kordhinteen baarlamaanka.

Si kastaba, tallaabada baarlamaanka, go’aanka maxkamadda iyo qabsiga Deni iyo Karaash ayaa weji cusub usii yeelaya xiisadda Puntland ee ka dhalatay muranka doorashada.