27.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Kadib deyn cafinta, 3 arrin oo weyn oo laga rabo Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa caawa u dabaal-degaysa in laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday deyn cafinta Soomaaliya.

60 sano kadib caawa Soomaaliya waa laga cafiyay deynta, waana guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka.

Arrintaan ayaa guul weyn iyo fursad u ah shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena dhinaca kale waxaa ka dhalanaya arrimo dhowr ah, oo laga rabo Soomaaliya;

Abuurista ilihii isku filnaanshaha

Kadib markii caawa lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deynta waxaa dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha.

Waxaa istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

2020-kii heshiiskii IMF iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ahaa in dalkaan Geeska Afrika la siiyo 395 Milyan oo dollar muddo saddex sano ah, iyaguna intaasi ku dhameystiraan shuruudaha ku xiran deyn cafinta sida; kordhinta dakhliga gudaha, kor u qaadista waxbarashada iyo dhimista saboolnimada.

Heshiis cusub ayay markale gaareen IMF iyo dowladda Soomaaliya, waana in dowladda Soomaaliya la siiyo 100 Milyan oo dollar saddexda sano ee soo aadan 2023 illaa 2026.

Waxaa lacagtaan laga bixinaya sanduuqa taageerada dalalka aan dakhli ahaan isku filneyn. Halkan waxaa ka fahmi karnaa isbeddelka farqiga hoos u dhaca ah ee ku yimid lacagtii iyo isbeddalka cinwaankii lacagta lagu siiyay dowladda Soomaaliya.

Saddexdii sano oo hore waxay bixiyeen 390 Milyan laakiin saddexda sano ee soo socota waa 100 Milyan, tallaabadan waxaa la yiraahda “isku tasho”.

Suulinta musuqa, si u kordho dakhliga gudaha

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay canshuurta Muqdisho oo keliya. Caasimada sanadkii lacagta laga qaado wallow ay aad u badan tahay haddana inta Bangiga Dhexe ee dowladda ku dhacda waxay u dhaxeysa 250 Milyan illaa 300 Milyan oo dollar, balse dadka xogta dhaqaalaha la socda waxay sheegayaan in tiro intaasi ka badan la dhaco.

Micnuhu waa in haddii ay dowladda ka adkaato musuq-maasuqa kunka weji leh ee Muqdisho yaalla inay caasimada sanadkii ka heli karto lacag dhan 600 iyo 700 Milyan oo dollar.

Mideynta canshuuraha dalka

Canshuurta dalku ma mideysna. Maamul goboleedyada ma rabaan in canshuurta la middeeyo, waana in taasi xal loo helo, si dhaqan-gal u noqoto.

Deyn cafinta kadib dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa laga rabaa inay isku filnaato, si taas loo gaaro waa in musuq-maasuqa laga adkaado, maamullada lagu qanciyo in canshuurta la mideeyo, la abuuro jawi nabadeed oo maalgashi keeni kara, kheyraadkana laga faa’iideysto oo suuq loo raadiyo.

Dhamaan arrimahaan waa xujooyin cul-culus oo horyaalla dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo hadba sida loo xaliyo ay ku qeexi doonto halka uu qaranku gaari karo sanadaha soo socda.

Soomaaliya oo caawa si rasmi ah looga cafiyay deyntii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa goordhow si rasmi ah ugu dhawaaqay deyn cafinta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

60 sano kadib caawa Soomaaliya waa laga cafiyay deynta, waana guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka.

Arrintaan ayaa guul weyn iyo fursad u ah shacabka Soomaaliyeed, iyada oo dowladda ay ku baaqday in laga wada-shaqeeyo mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya.

Kadib ku dhawaaqista in Soomaaliya laga cafiyay deynta waxay dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha, waxaana istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

Hoos akhriso heerarka  kala duwan ee ay soo martay dayn cafinta;

2012: Wuxuu ahaa billowga geeddiga deyn cafinta Soomaaliya.

2013: Dowladda federaalka ayaa dib ugu biirtay sanduuqa lacagta adduunka ee IMF.

2015: Waxaa Soomaaliya iyo IMF u billowday wada-hadallo la xiriira dhaqaalaha.

2016-2020: Waxaa billowday SMP, (Hannaanka deyn cafinta).

2020: Waxaa billowday ECF, wajiga labaad hannaanka deyn cafinta, kaas oo socday illaa 2023.

2023, 13 December oo ay maanta tahay waxaa si buuxda Soomaaliya looga cafiyay dhammaan deymihii lagu lahaa.

Sawirro: NISA oo soo bandhigtay xubno kasoo bar-bar dagaalamay Al-Shabaab

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Koofur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Xubnahan oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda, ayaa waxay ka kooban yihiin Afar ruux, ayada oo warbaahinta dowladda ay baahisay sawiradooda.

Raggan ayaa muuqaal ahaan laga dareemaya dhibaatada ay ku jireen nolol ahaan inta ay ka tirsanaayeen safka Al-Shabaab, xilli uu dalkana ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.

Dhalinyarada maanta isku soo dhiibay ciidanka ammaanka magaalada Baydhabo ee soo bandhigtay NISA ayaa sheegay inay ku jireen waxay ugu yeeraan Jabhadaha.

Sidoo kale waxay sheegeen inay ka soo qayb qaateen dagaallo kooxda Al-Shabaab ay ku gashay gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Gedo.

Tan iyo markii uu billowday howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab waxay dowladda soo bandhigaysay xubno kasoo goostay kooxda, kuwaasi oo intooda badan sheega inay u adkeysan waayeen nolosha duurka iyo gulufka ka dhanka ah kooxda.

Dagaalka Al-Shabaab oo wejigiisa koowaad uu marayo heer geba-gebo ah ayaa waxaa kooxda looga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim ah, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

RUTO oo ku dhowaaqay in Kenya la tegi karo Visa la’aan

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu qaadday shuruudihii dal-ku-galka ee dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka Kenya imanaya.

Ruto ayaa sheegay in tallaabadani ay dhiiri-gelin doonto isu socodka dadka iyo badeecadaha xorta ah, ayna Kenya u fureyso fursado badan oo ganacsi.

Madaxweynaha Kenya ayaa arrintaan uga dhawaaqay munaasabadda xuska sanad-guuradii 60-aad ee maalinta xoriyadda dalka Kenya, waxayna si rasmi ah u dhaqan-geli doonta horraanta bisha January ee 2024-ka.

“Waxaa meesha ka bixi doonta dhibaatadii ay markii hore dadka imaanaya Kenya ama usoo safraya ay ku qabi jireen inay soo dalbadaan dal ku galka dalka Kenya,” ayuu yiri Ruto oo gebi ahaanba qaaday shuruudihii dal-ku-galka Kenya.

Tallaabadan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay siyaasiyiinta Kenya, waxayna u arkaan tallaabada ay Kenya ku qaaday shuruudihii soo dalbashada dal-ku-galkeeda ay u horseedi karto fursado kala duwan oo dhanka horumarka ah.

“Waa arrin cusub oo hore u jirin, aad ayay dadka ugu adkaan jirtay in la helo Visa lagu soo galo dalka Kenya. Tan aad ayay u fiicnaan doonta oo waxay badin doonta dadka dalxiiska waddanka kusoo gali lahaa iyo wixii ganacsi iyo si walba uga faa’iidi lahaa imaanshaha waddankaan,” ayuu yiri Maxamed Simba oo kamid ah siyaasiyiinta Kenya.

Simba ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in arrintaan Kenya u horseedi karto in dalalka kalena ay sidan oo kale sameeyaan, oo muwaadiniinta Kenya ay u fasixi karaan in Visa la’aan ku aadi karaan dalalkooda.

Qorshahan ay Kenya ku laashay shuruudihii dal-ku-galka ee dhammaan dadka ajaanibka ah ee dalka Kenya imanaya ayaa waxaa ka dhalan doona tallaabooyin cusub oo ay mari doonaan marka dadka kasoo degaan garoomada dalka Kenya.

Kenya ayaa sidoo kale shaacisay inay diyaarisay qalab casri ah oo lagu hubinayo dhamaan dadka usoo safraya Kenya ama soo galaya, si arrintaan dhaqan-gal u noqoto, sida uu sheegay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Aqriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii xasaasiga ee Soomaaliya ee New York

0

New York (Caasimada Online) – War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii ku saabsanaa amniga Soomaaliya ee 12-kii December 2023 ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirkaas ayaa waxaa guddoomiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana kasoo qeyb-galay wakiilo ka socday Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Saudi Arabia, Turkey, Imaaraadka, UK, QM, Mareykanka iyo 23 dal oo kale oo ka mid ah saaxiibada Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa lagu amaanay horumarka ay ciidamada Soomaaliya, ayaga oo taageero ka helaya ATMIS iyo saxiibada caalamka ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Ayada oo looga mahad-celinayo dadaalka iyo naf-hurnimada ciidamada Soomaaliya, tuulooyin iyo magaalooyin badan ayaa laga saaray Al-Shabaab. Istaraatiijiyadda dhameystiran ee ka-hortagga argagixisanimada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fure u ahayd horumarka Al-Shabaab looga xoreeyey aagag cusub, lagu wiiqay dhaqaalahooda, sare na loogu qaaday heerka xubnaha kasoo gosoanaya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale ku amaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay u qaaday la wareegista amniga dalka, ayada oo wejiga koowaad ee bixitaanka ciidamada ATMIS la dhameystiray June 2023, halka wejiga labaadna uu socdo lana filayo in lasoo geba-gebeeyo 31-ka December 2023.

Shirka ayaa sidoo kale ammaanay qaadista xayiraadda hubka ee muddo 32 sano ah saarneyd Soomaaliya.

“Waxaan qireynaa qaraarkii dhawaan ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo guusha Soomaaliya ay ka gaartay qaadista cunaqabateynta hubka ee tobanaanka sano saarneyd, taasoo awood u siisay dowladda qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo ciidamada ATMIS ay sii yaraanayaan kana baxayaan Soomaaliya 31-ka December 2024,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Marka ay noqota dhinaca dhaqaalaha, war-murtiyeedka ayaa Soomaaliya ugu hambalyeeyey, sare u qaadista dakhliga gudaha, ku biirista ururka bulshada bariga Africa ee (EAC) iyo hanaanka dayn-cafinta oo la filayo in si rasmi ah loo soo gabe-gebeeyo maanta.

Ka qeyb-galayaasha waxa ay qireen in taageerada joogtada ah iyo wadashaqeynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka loo baahan yahay si looga faa’iideysto guulaha la gaaray.

Shirka ayaa soo dhoweeyey qorshaha horumarinta qaybta amniga ee lagu soo bandhigay shirka, kaas oo ay ku jiraan dhisidda ciidamo iyo hay’ado amni oo leh tayo, hufnaan iyo isla xisaabtan, kuwaasi oo fududeeya dadaallada nabad-dhisidda.

“Waxaan qiraynaa in ciidamada xoogga Soomaaliyeed ay wajihi doonaan dalabaadyo kala duwan oo isku mid ah, kuwaas oo u baahnaan doona taageero dibadeed si wax looga qabto daldaloolada awoodda ee muhiimka ah inta lagu jiro xilliga kala guurka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo soo fara-geliyay xiisadda Af-Maayga, xilka-na ka qaaday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo fara-geliyay xiisadda ka dhalatay Af-Maayga, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyaha akademiyada cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Xuseen Maax.

Guddoomiye Maax ayaa sida muuqata waxaa galaafatay warqad uu wasiirka caddaaladda iyo dastuurka Soomaaliya uu uga codsanayo in Af-Maayga gebi ahaanba laga tiro Dastuurka Soomaaliya.

Maax ayaa warqadaasi ku dalbaday in Afka May-ga ah in gebi ahaanba laga tiro dastuurka Soomaaliya, oo Maxaa Tiri lagu soo koobo, isaga oo ku tilmaamay Afka May-ga inuu yahay af guri oo aan kamid aheyn afafka si guud Soomaalidu ugu mideysan yihiin.

Arrintan oo xiisad xooggan iyo dood horleh ka dhalisay baraha bulshada ayaa waxaa ugu dambeyntii soo fara-geliyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza ayaa waxa uu Ismaaciil Yuusuf Cismaan u magacaabay sii-hayaha guddoomiyaha akadeemiyadda cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidaas lagu sheegay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sida muuqata ka carooday tallaabada uu qaaday guddoomiyihii akademiyada cilmiga, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Xuseen Maax.

Af-Maayga in Dastuurka laga tiro ayaa saacadihii u dambeeyay hadal hayn xooggan dhalisay, iyada oo su’aallo la iska weydiinayay sida suurta-gal ku noqon karto, maadaama la ogyahay in baarlamaanka Soomaaliya qeyb kamid ah ay Xildhibaannada kasoo jeedaan Koonfur Galbeed, oo looga hadlo afka uu dalbaday guddoomiye Maax in gebi ahaanba dastuurka laga saaro.

Dood xooggan oo ka dhalatay isku-day Af-Maay-ga looga tirayo dastuurka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhalatay in Afka Maay-ga la yiraahdo oo qeyb ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ay ku hadlaan in gebi ahaanba laga tiro Dastuurka Soomaaliya.

Warqad lagu codsanayo arrintaan ayaa loo diray wasiirka caddaaladda iyo dastuurka Soomaaliya, taasi oo uu qoray guddoomiyaha akademiyada cilmiga, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed Cabdulqaadir Maxamed Xuseen Maax.

Guddoomiye Maax ayaa warqadaasi ku dalbaday in Afka Maay-ga ah in gebi ahaanba laga tiro dastuurka Soomaaliya, oo Maxaa Tiri lagu soo koobo, isaga oo ku tilmaamay Afka May-ga inuu yahay af guri oo aan kamid aheyn afafka si guud Soomaalidu ugu mideysan yihiin.

Dood xooggan ayaa arrintaas ka dhalatay, hase yeeshe codsigan ayaa su’aallo la iska weydiinayaa inuu aqbali karo wasiirka cadaalada iyo arrimaha Dastuurka Soomaaliya Xasan Macallim, iyada oo la ogyahay in baarlamaanka Soomaaliya qeyb kamid ah ay Xildhibaannada kasoo jeedaan Koonfur Galbeed, oo looga hadlo afka uu dalbanayo in guddoomiye Maax gebi ahaanba dastuurka laga saaro.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Aadan Gentleman: “Afka Maayga haddii laga tiro Dastuurka Soomaaliya waxay lamid tahay inta Afka Maayga ku hadasha ha laga saaro jiritaankooda Somaalinimada.”

Ismaaciil Cali Xirsi ayaa isna waxa uu yiri “Berina waxaa kuso xigta dadka May-mayda Soomaaliya ha laga tiro. Arrintaas waa qalad umad walba afkooda ha lagu xushmeyo waayo afwalba dad ayaa qaas u leh, aniga afkeyga wabara-waani, balse Somalinimada ayan walaalo ku nahay.”

“Wasirka cadaalada iyo dastuurka JFS Hassan Macalin awood uma lahan mana ku dhiiran karo inuu baarlamanka la hortago afka Mayga ha laga tiro dastuurka JFS. Shaki la’aan shaqadiisa ku weyn karaa, Xildhibanada dowlad-goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya kasoo gala Baarlamanka JFS waa in ka badan 75 mudane, labada Gole Baarlamanka hal mooshin ka dhan Hassan Macalin oo looo diro RW Xamza iyo golihiisa wasiiradda ayaa ka dhigan in Hassan laga tuuro golaha wasiirada Soomaaliya,” ayuu yiri Muxiyadiin Xasan.

Cabdulle Culusow: “Waa sax Afka Mayga waa in laga saaro dastuurka waayo waa lahjad.”

Cabdi Ibraahim Xasan ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Hadii afka Mayga laga saaro dastuurka Soomaaliya waxaa cadanaya in Koonfur Galbeed ay tahay dal ka madax-banaan Soomaai inteeda kale inoo wada howsha.”

Suheyb Nuur: “Waxaas waa edab daro iyo isir sifeyn inkasto aan aqoon ku hadalka afka Maayga haddana waa qalad in la yaso lahjadaas.”

“Wuu saxan yahay guddoomiyaha maxaa yeelay afka Maayga af boos ku leh bulshada inteeda badan ma ahan ee waa siduu sheegay ee waa af guri,” ayuu yiri Sadiiq Cali.

Saciid Xasan: “Saaxiibayaal an kala baxno dowlada maay iyo dowlada maxa tiri aan u kala baxno.”

Camir Macalin Raage ayaa isna waxa uu yiri: “Inta “Maxaa tiri” ku hadasha ayaa saddex jibaar ka badan inta “Maayga” ku hadasha. Soo jeedin macquula waaye.”

“Arinkaas waa qalad aniguse waxaaba qabaa ama aaminsanahay in lagu daro manhajka Soomaaliya,” ayuu yiri Axmed Macalin Nuur Xasan.

Maxamed Kamaal ayaa isna waxa uu yiri “Waxaas dulmi waaye dad luuqadooda in lagu faquuqo sax maaha.”

Daawo: Jeesow oo shaaciyay in la dhacay gargaarkii loo diray Hiiraan + Jawaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyay Hay’adda SoDMA iyo HirShabelle, gaar ahaan maamulka gobolka Hiiraan, isaga oo ku eedeeyay inay sameeyeen musuq-maasuq.

Jeesow oo ka hor hadlayay kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyay i  50 baabuur oo dhawaan loo diray Hiiraan, isla markaana siday garagar lagu dhacay meel dhexe.

“Gargaarka la diray haba yaraatee ma gaarin dadkii loogu talagalay waxaa dhacday in duurka lagu kala tuurto 50-kii baabuur” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaanka ayaa xusay in gargaarkaas oo ay ku baxday illaa 500 oo kun oo dollar, isla markaana illaa iyo hadda aan cidna lagula xisaabtamin.

“Ma jirin qof loo xiray oo mas’uuliyaddaas qaatay, ma jirin qof xilkiisii ku waayay, tantii 500 oo kun oo dollar uu ku baxay rarkeeda iyo anfaca saaran baabuurta maanta meel lagu sheegi karo malaha”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay hay’adda SoDMA iyo maamulka gobolka inay sameeyeen dayacaad, ayna tahay in lagula xisaabatamo.

“Mar xoolaha intaas la leg iyo dayacaadda dhacday ee dhammaan kasoo yeereyso gobollada mar haddii ay jirto diyaar ma u tahay inaad ku weydo xilkaaga ama baarlamaanka dib u eegis haku sameeyo amaba adiga aad isku casishidee?” ayuu ku daray.

Dhankiisa guddoomiyaha Hay’adda Maareynka Musiibooyinka oo ku sugnaa baarlamaanka ayaa u jawaabay xildhibaanka, wuxuuna sheegay mas’uuliyadda SoMDA aysan ahayn taasi, isla markaana aysan haysan ciidan, balse ay tahay cidda laga rabo maamul goboleedyada.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ciidan ma leh wax ay ku wadana ma heysato waxay u baahan tahay maamullada dalka, iyaga mas’uul ka ah dadk” ayuu isna ku jawaabay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay gargaarkii labaad loo diray Hiiraan, kaas oo ah 30 baabuur oo raashin sida, kuwaas oo ku wajahayn degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Yaa dalbanaya in lasoo xiro oo la maxkamadeeyo wiilka madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa wajaheysa cadaadis isa soo taraya oo ku aaddan soo celinta wiilka madaxweynaha Soomaaliya, oo la sheegay inuu ka tegay Turkiga kaddib markii uu ku lug yeeshay shil dhimasho sababay oo ka dhacay Istanbul.

Yunus Emre Gocer, oo 38 jir m ahaa, isla markaana watay Mooto ayaa dhaawac halis ah oo kasoo gaaray shilkaas ugu geeriyooday isbitaalka 6-dii Bishan Disembar, lix maalmood kadib markii uu ku dhacay gaari uu Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ku waday waddo mashquulka badan gudaha magaalada Istanbul.

Dowladda Turkiga ayaa amartay in lasoo xiro wiilka madaxweynaha waxayna ka hor istaagtay inuu dibadda u safro kadib geeridii ninka Turkiga ahaa, balse wararka ayaa sheegaya in wiilka madaxweynaha uusanba dalka joogin oo uu ka tegay xilligii ay soo baxeysay warqadda lagu soo xirayo.

Axaddii, dhowr qof, oo ay ku jiraan mootaley u dhalatay dalka Turkiga, ayaa dibadbaxyo ka dhigay Istanbul, iyagoo dalbanayay in Maxamed uu wajaho maxkamadeyn ku aaddan geerida Gocer, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Ekrem Imamoglu, duqa magaalada iyo siyaasi mucaarad ah oo caan ah, ayaa bartooda Twitter-ka kusoo wadaagay muuqaalka ay duubtay kaamirada ammaanka ee shilka ku saabsan.

Mar uu ka hadlayay cadaadiskan, ayaa Wasiirka Caddaaladda Yilmaz Tunc wuxuu sheegay isagoo aan faahfaahin ka bixin “in hannaan caalami ah” la bilaabay oo quseeya shilka.

“Iyadoo aan loo eegeyn mansabkooda, qof walba wuu u siman yahay sharciga hannaanka dhan ee soo qabashada eedeysanaha — oo uu ku jiro hannaan caalami ah — ayaa loo fulinayaa si taxadar leh,” ayuu Tunc Axaddii kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Tunc ayaa sidoo kale sheegay in baaritaan sidoo kale lagu sameynayo saraakiisha booliiska ee sameeyay baaritaankii hore ee shilka lana sheegay inay u oggolaadeen in Maxamed la fasaxo.

Ma jirin xog ku aaddan halka uu Maxamed ku sugnaa, iyadoo saraakiisha Soomaaliya aysan wax jawaab ah ka bixin arrintan.

Warbixintii ugu horreysay ee booliska ay soo saareen ayaa lagu sheegay in ninka shilka ku dhintay uu khaldka lahaa sidaasna lagu sii daayay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud sida warbaahinta Turkiga uu u sheegay qareenka qoyska ninka geeriyooday.

Laakiin dib u eegis lagu sameeyay muuqaallada ay duubtay kaamirooyinka qorsoon ayaa loo baahan doonaa sharraxaad kale. Booliiska ayaa booqday guriga ninka shilka ku geeriyooday.

Dacwad oogaha Turkiga ayaa Sabtidii soo saaray amar caalami ah oo lagu soo xirayo kadib boqasho ay ku tageen guriga ninka shilka ku geeriyooday, sida wakaaladda wararka AFP ay kasoo xigtay warbaahinta gudaha.

Daawo: Kiiska wiilkii ay dumarka badan garaaceen oo arrin cusub ay kasoo korortay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo ka hor waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey muuqaal ay haween garaacaya ka duubeen wiil dhalinyaro ah oo shukaansi u aaday gabar degan guri yalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Kiiskaas waxaa ku soo baxay hey’adaha amniga, gaar ahaan booliska, waxaana la soo xiray lix haween ah oo wiilkaas jir dil u geystay.

Galabta wiilkii jir dilka loo geystay ee muuqaalka laga duubay ayaa warbaahinta la hadlay, gaar ahaan TV-ga Dalsan, isagoo faahfaahin ka bixiyey sidii ay wax u dhaceen.

Wuxuu ka sheekeeyey qaabkii loo shir-qoolay, isagoo sheegay in gabadhii uu shukaansiga u soo aaday iyo shan haween ah oo kale ay ku garaaceen baangado iyo ulo.

Haweenka ayaa muuqaal ka duubay wiilkaan intii ay garaacayeen, kadibna waxay ku baahiyeen baraha bulshada, booliska ka howlgala degmada Waaberi ayaa deg dhe kiiskaan ugu soo baxay, iyadoo aan loo dacwoon, sida uu sheegay wiilkaan.

Wareysiga laga qaaday wuxuu ku sheegay in markii hore gabadha uu la haasaawayey ay damacday inay biyo siiso, balse uu diiday, intaas kadib wuxuu sheegay in gabadhii ay ka tagtay oo banaanka u baxday, kadibna shaki galay.

Wuxuu isku dayey inuu ka tago guriga, balse wuxuu sheegay in irida hore ee guriga ay ku qabteen haween badan oo baangado wata, kuwaas oo garaacay muuqaalna ka duubay.

Intii uu ka sheekeynayey sida loogalay, wuxuu sheegay in ‘Maraq’ madaxa looga shubay, kadibna uu argaagaxay, muuqaalkii ay ka duubeen wiilkaan ayaa deg deg u baahay, wuxuuna sababay in gurigii boolis tago oo lasoo qabto dumarkaas oo gaaraya lix qof.

Hada waxaa la sheegay in dumarkii falkaas geystay ay ku xiran yihiin xabsiga dhexe oo loo gudbiyo, si kiiskooda loogu gudbiyo maxkamad, sidoo kale wiilka dhibanaha ah ayaa sheegay in uusan ku qanceyn wax aan cadaaladda aheyn.

Hoos ka daawo

 

Muxuu yahay heshiiska ay wada gaareen DF Soomaaliya, ATMIS iyo UNSOS? + Sawirro

0

New York (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan amniga, gaar ahaan ciidamada ku saxiixday magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Heshiiskan oo u dhexeeyay dowladda federaalka, UNSOS iyo ATMIS ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qayb ka ah wafdiga madaxweynaha.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan saddex geesoodka ah loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Soomaaliya

“Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha ayaa magaalada New York ee dalka Mareekanka ugu saxiixay Soomaaliya heshiis saddex geesood ah oo ay ka wada qeyb galayeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka kooban ee kasoo baxay dowladda.

Heshiiskan ayaa daba socda Shirka Amniga Soomaaliya ee lagu qabtay New York, kaas oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay waxaa ka qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa shirkaas ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay ciidamada dowladda isku diyaarinayaan inay amniga kala wareegaan ATMIS.

Somalia oo gaareysa maanta guul weyn oo taariikhi ah

0

New York (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in guddiga sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF uu ku dhawaaqo go’aanka kama dambeysta ah ee dayn cafinta Soomaaliya, kaas oo muddo dheer soo socday.

Dowladda Soomaaliya ayaa kadib waxa ay u dabaal-degaysaa in laga cafiyay deyn dhan 5.2 bilyan oo dollarka Mareykanka, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo war qoraal soo saaray ayaa sheegay in 60 sano kadib maanta Soomaaliya laga cafinayo deynta.

Sidoo kale wxa uu tilmaamay in guul weyn iyo fursad u tahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in laga wada shaqeeyo mustaqbalka ifayo ee Soomaaliya.

“Maalmihii Wacnaa waa lagu jiraa! Maanta waxaan sagootinaynaa dayn Lixdan Sano nalaku lahaa, Mustaqbal Ifaya ayaa horteenna ka muuqda balse wali shaqo adag ayaa inoo taalla Walaalayaal, alle ayaa mahadsan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Marka lagu dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyay ynta waxaa dowladda federaalka ah ay ku qasban tahay abuurista ilihii isku filnaanshaha, waxaa istaagi doonta inta badan kaalmadii lacageed ee ka imaan jirtay dibadda.

Akhrso: heerarka  kala duwan ee ay soo martay dayn cafinta:-

2012: Wuxuu ahaa billowga geeddiga deyn cafinta Soomaaliya.

2013: Dowladda federaalka ayaa dib ugu biirtay sanduuqa lacagta adduunka ee IMF.

2015: Waxaa Soomaaliya iyo IMF u billowday wada-hadallo la xiriira dhaqaalaha.

2016-2020: Waxaa billowday SMP, (Hannaanka deyn cafinta).

2020: Waxaa billowday ECF, wajiga labaad hannaanka deyn cafinta, kaas oo socday illaa 2023.

2023, 13 December oo ay maanta tahay waxaa la filayaa in si buuxda Soomaaliya looga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay.

DF oo ka jawaabtay dalabkii reer Jalalaqsi + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si deg-deg ah uga jawaabtay dalabkii kasoo yeeray shacabka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo haatan wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay fatahaad uu ka gaystay wabiga Shabelle.

Hay’adda SoDMA oo duuleysa ka jawaabidda xaaladdaas ayaa xalay magaalada Muqdisho ka ambabixisay gaadiid shixnad gargaar ah u sida degmada, si loogu gargaaro shacabka.

Gargaarkan ayaa noqonaya kii labaad oo ay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka u direyso degmada Jalalaqsi oo ay ka jirto xaaladdii ugu xumayd.

“Iyadoo laga jawaabayo xaaladda adag ee ka jirta degmada Jalalaqsi iyo Tuulooyinka ku xeeran ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA waxa ay duleedka magaalada Muqdisho ka ambabixisay markii labaad Gaadiid sida shixnad  gargaar ah oo safar dhanka dhulka ah ku tagaya Degmadaas” ayaa lagu yiro warsaxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Maareynta Musiibiiyinka Qaranka.

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay in shixnaddaan gargaar ah oo gaareyso illaa 30 gaadiid ah loogu talagalay shacabka ku dhaqan Jalalaqsi iyo deegaanada ku xeeran.

“Gargaarkaan oo ah Shixnad Gargaar raashin ah ayaa dhan 30 gaadiid ah, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool  gudaha degmada Jalalaqsi iyo tuuloyinka xeeran oo nolol adag wajahaya kadib markii Fatahaad magaladaas uu ka gaystay Wabbiga Shabeelle” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda SoDMA.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Maalin ka hor ayeey aheed markii hay’adda SoDMA ay dooni sida shixnad gargaar ah u dirtay Deegaanada Jubbaland,  waxaana sidoo kale xusid mudan in gadiid kuwaan lamid ah oo sida gargaar badan ay hay’adda todobaadkii hore ay u dirtay Magaalada Mahadaay”

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi, Nuur Dheere oo goobta ku sugnaa ayaa u mahadceliyay SoDMA, wuxuuna sheegay inay kasoo jawaabtay dalabkooda.

Si kastaba, Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay sida daran uga jiraan xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay fataahadaha iyo daadadka ku dhuftay dalka.

default

QM oo baaq deg-deg ah kasoo saartay xaaladda Gaza

0

New York (Caasimada Online) – Qaramada ayaa shalay gelinki danbe xilliga Bariga Mareykanka ku baaqday xabbad-joojin ban’aadannimo oo deg deg ah oo laga dhaqan-geliyo Marinka Gaza, kaddib kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Guud.

Kaddib xaalad bani’aadannimo oo aad u liidata siina qoto-dheeraaneysa oo ka jirta Gaza, ayay 193 xubin oo ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ansixiyeen qaraar ku baaqaya xabbad-joojin.

Qaraarka ayaa waxaa haa ugu codeeyay 153 waddan, 23 ayaa ka aamustay, halka 10 dal ay maya ugu codeeyeen. Waddamada diiday waxaa ka mid ah Israa’iil iyo Mareykanka oo ku dooday, in xabbad-joojinta ay faa’iido ku qabto Xamaas.

Qaraarkan ayaanan aheyn mid qasab ka dhigaya xabbad-joojinta, hase yeeshee xambaarsan miisaan siyaasadeed oo sawir ka bixinaya aragtida iyo halka ay dagaalka Gaza ka istaagsanyihiin dowladaha caalamka.

Maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay qaraarka kuna boorriyay waddamada in ay Isra’il cadaadis ku saaraan dhaqangelinta xabbad-joojinta.

Danjiraha Israa’il u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa inti aysan billaaban u codeynta qaraarka ee Golaha Guud sheegay, in xabbad-joojinta ay kaliya sii dheereyn doonto dhimasho iyo burbur ka sii dhacda mandiqadda.

Jimcihii ayaa qaraar kan la mid ah oo la horgeeyay Golaha Ammaanka uu ku dhamaaday fashil, kaddib marki uu Mareykanka codka diidmada qayaxan ku diiday qaraarka, halka 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha ay haa ugu codeeyeen. Ingiriiska ayaa ka aamusay.

Tan iyo marki ay Isra’il billowday duqeymaha cirka ah ee Gaza 7-badi bishii Octonber, in ka badan 18,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Gaza.

Xamaas oo 7-badi October weerartay koofurta Isra’il ayaa iyaduna dishay in ka badan 1,200 oo Israa’iiliyiin ah. Sidoo kalana soo afduubatay in ka badan 250 kale.

VOA + Reuters

Madaxweyne goboleedkii u horreeyay oo war kasoo saaray deyn-cafinta

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa war kasoo saaray barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee caawa soo idlaaday.

Qoor-Qoor ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo bulshada reer Galmudug-ba ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee laga gaaray barnaamijka deyn-cafinta oo Soomaaliya ay kaga baxday liiska waddamada deynta ku jira.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa guushan ku tilmaamay mid taariikhi ah, halgan iyo dadaal dheer loo soo maray.

“Waxaan caawa ummadda Soomaaliyeed la qaybsaneynaa farxadda weyn ee noo soo hoyatay, waxaa bogaadinayaa dhammaan intii ka door ka qaadatay howshaas mudada dheer soo socotay,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday deyn cafinta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

60 sano kadib caawa Soomaaliya laguma laha wax deyn ah, waana guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka.

LIVE: Dabaal-degga guusha taariikhiga oo caawa ka socota Muqdisho + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabad loogu dabaal-dagayo guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya looga cafiyey deynta, ayaa caawa ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda dabaal-degga ayaa waxaa goobjoog ka ah madaxda dalka, oo ugu horreeyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi, Agaasimaha NISA Mahad Salaad iyo qeybaha bulshada.

Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta adduunka ee IMF ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqday deyn cafinta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay deyn ka badan 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Faransiiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu u dhaqaaqay sanadkii 2016, waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3-aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabadihii ku hor-gudbanaa dowlad-dhiska iyo madax-bannaanida.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay in dalka laga qaado cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd 31-ka sano, isla markaana ay xubin buuxda ka noqotay Soomaaliya ururka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika.

Si kastaba, 60 sano kadib caawa Soomaaliya laguma laha wax deyn ah, waana guul kale oo taariikhi ah oo dowladda Soomaaliya ay gaartay isla bishan December ee dhamaadka 2023-ka.

Hoos ka daawo

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii xasaasiga ee Somalia ku saabsanaa ee New York?

0

New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.

Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay waxaa ka qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa shirkaas ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.

Xog: Sababta ka dambeysa heshiiska cusub ee Somalia iyo Itoobiya oo la shaaciyey

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa, oo wareysigaan siiyey idaacadda VOA, ayaa ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ka hadlay dhinacyo kala duwan.

Ugu horeyn safiirka ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uusan aheyn mid bilow ah, labada dal ay yihiin saaxiibo soo jireen ah, iyadoo bulshada labada wadan ay ka dhaxeeyaan dano badan oo wada noolaasho ah.

“Dad badan oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku nool dalkaan Itoobiya, xeryaha ayaan ku booqdaa, sanad kasta waa sii yaraanayaan oo qaar waxaa loo sii qaadaa dibadda, qaarna waxay ku laabtaan dalkooda Hooyo, maadaama uu hadda nabad noqday,” ayuu yiri danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdu guulo kasoo hooysay dagaalka ay kula jirto kooxda al-Shabaab, islamarkaana dagaalka lagu wiiqay awoodda dhamaan kooxihii ka soo hor jeeday dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaa waajib noqotay in si wadajir jir ah la isaga difaaco kooxaha qaran dumiska ah, sida Shabaab oo khatar ku ah gobolka oo dhan, sidaas darteed waxaan Itoobiya la saxiixanay heshiis iskaashi amni ah, hadii aan la helin nabad wax kasta ma suurtaabayaan,” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Safiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay cunaqabataynta hubka ee dawlada Soomaaliya laga qaaday, isagoo tilmaamay in guushaan taariikhiga ah uu u dabaal degayo, isagoo jooga Jigjiga.

“Suuqa Bulshada Bariga Afrika oo ah suuq aad u weyn oo wadamo badan ay ku bahoobeen ayaan dhawaan ku biirnay, waxaana halkaas Soomaaliya uga imaaneysa faa’iido weyn, wax kas oo dalkeenu uu soo saaro ayaan suuq furan u heli doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya.

Ugu dambeyntii safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u qorsheysneed in sanadkaan ay ka guul gaarto shan arrimood oo kala ah, Dagaalka Shabaab, deyn cafinta, cunaqabateytii hubka, la wareegidda amniga qaranka iyo ku biirida daladda bulshada bariga Afrika, wuxuu sheegay in arrimahaas laga guul gaaray, kuwa harayna todobadyada iyo bila soo socda lagu guuleysa doono.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Sarkaal Al-Shabaab kasoo goostay oo isku dhiibay DF

0

Baydhab- (Caasimada Online) – Cabdi Macallin Cabdulle oo magaciisa afgarashadu yahay (Xamza), kana tirsanaa saraakiisha kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta 60-aad.

Xamza ayaa kooxda ka tirsanaa muddo 5 sanno ah, wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Jabhadda, sida ay sheegeen saraakiisha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale ninkan ayaa kasoo qayb qaatay dagaallo dhowr ah oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Baay, Bakool, Galgaduud, Hiiraan, Gado iyo Jubbada Hoose.

Cabdi Macallin Cabdulle ayaa sidoo kale wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda wuxuu uga hadlay waayihiisa Al-Shabaab, isaga oo sheegay inuu abaabul ku lahaa qorsheynta bartilmaameedyada weerarada lagu fuliyo goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.

Weerarada uu ka qayb qaatay, waxaa kamid kuwa ka dhacay deegaanada kalaa Ceel Lahaley, Masagawaa, Buulle Burde, Jalalaqsi, Cowswayne, Daaru-nimca iyo Rabdhuure.

Sababta uu isku soo dhiibay ayuu ku sheegay inay tahay dhibaatada hadda ka dhex jirta Al-Shabaab iyo inuu u adkeysan waayey gulufka culus ee lagu hayo kooxda.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray saaxibadiisii hore, isaga oo ugu baaqay inay isku soo dhiibaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, maadaama lasoo dhaweeyay.

Maalmihii u dmabeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo baxaya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhayay, waxaana sababta lagu sheegay dagaallada lagu qaaday.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka, saaxibada caalamiga ah iyo dadka deegaanka.

Sacdii Deni oo qaaday tallaabo culus, kadibna magacaabay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan doorashada guud ee Puntland, isaga oo magacaabay guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka baarlamaanka maamulkaasi.

Guddigan oo ka kooban illaa 8 xubnood ayaa waxaa wareegtada lagu sheegay in madaxweynuhu ku xushay aqoontooda, waayo aragnimadooda iyo baahida loo qabo in waqtigaan la magacaabo guddigan, iyadoo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyadu ka harsan yihiin muddo kooban.

Wareegtada ayaa lagu yiri “Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

  1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )
  2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)
  3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
  4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
  5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
  6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)
  7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
  8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)

“Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada.

Magacaabistaan ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan uu khilaaf xoogan uu ka dhex-qarxay Deni iyo ku xigeenkiisa, kaas oo ka dhashay muranka weli ka taagan doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa laba garab kala noqday xildhibaanada baarlamaanka, waxaana qaarkood ay ka horyimaadeen muddo kororsiga halka sano ah, kuwa kalena ay taageereen, kuwaas oo sidoo kale ku gacan seeray go’aankii kasoo baxay maxkamadda dastuuriga ee Puntland.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqonaan, waxaase lagu soo dhawaanayaa maalinta doorashada oo qorshuhu yahay in la qabto kama dambeys siddeeda Janaayo ee 2024-ka.