26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

SODMA oo shaacisay inay dhaqaale la’aan soo food saartay oo uga sii dareysa…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay shaacisay in dhaqaale la’aan hayso, xilli dalka ay ka taagan tahay xaalad ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Niño.

Agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda ay hayso raashin badan kuwa kalana u soo socdan balse aysan haysan dhaqaalo ay gobollada dalka ku gaarsiiyan.

Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay kordheen qasaraha ka dhashay roobabka iyo daadadka El-Niño.

“Waxaa inoo soo socda raashino badan, runtii beesha caalamka indhahooda waa nagu soo jeesteen oo gargaar badan ayay noo fidinayaan, laakiin waxaa meesha ka maqan dhaqaalihii ama miisaaniyadii lagu maareyn lahaa howlahaas oo dhan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Hay’adda SODMA kaligeed ma kaafiso, oo awoodeeda ma lahan, waxaan usoo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan hay’adda maareynta musiibooyinka.”

SODMA ayaa ka dalbatay dowladda dhexe iyo xafiisyada madaxda sare ee dalka inay sii laba jibaaran garab istaagooda hay’adda, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka sida aadka ah ugu baahan.

“Waxaan oo raashin ah dhamaan inoo imaadan waxay nooga filan yihiin siddeeda billood ee soo socota aan iskaga filnanaano raashin dadkaas gaarsiino, oo sida ugu dhaqsaha badan ula gaarno dadkaasi baahida deg-dega ah hayso.”

Ugu dambeyntiina waxa uu walaac ka muujiyay in cudurada faafa ka dilaacan deegaanada ay saameynta xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño, isaga oo uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii daawooyin loo gaarsiin lahaa, ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada caafimaadka.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, ayada oo tirada dhimashada ay gaartay illaa 120 ruux.

Xog: FAROOLE iyo DENI oo kulan yeelanaya + Qorshaha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilo Madaxweyne hore Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Deni iyo Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa sida wararku sheegayaan shir gaar ah ka yeelanaya xaaladda Siyaasadeed ee Puntland gaar ahaanna Arrimaha doorashada 2024.

Mudane Faroole oo shalay lagu soo dhaweeyay Garoowe ayaa sheegay in wada-hadal lagu dhammayn doono khilaafka weli ka jira doorashada Madaxtinimada Puntland.

Waxaa la filaya in uu qayb ka noqdo dhex-dhexaadinta Baarlamanka iyo Madaxtooyada oo weli ku muransan Arrinta doorashada kadib markii Baarlamanku samaystay hal sano oo mudda kororsi ah.

Sen. Cabdiraxmaan Faroole ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Siciid Deni go’aankii uu kaga laabtay doorashadii lagu muransanaa ee qof iyo cod islamarkaana uu ku aqbalay doorasho ku dhacda hannaankii hore ee 66-da.

Madaxweyne Faroole ayaa sidoo kale bogaadiyay odayaasha dhaqanka iyo dhammaan cid kasta oo door ka qaadatay Xal u helidda Khilaafkii doorashada Puntland ee 2024.

Waxa uu sheegay in wada-hadal lagu dhammaynayo khilaafaadka weli jira ee dhinaca doorashada taas oo sida muuqata uu ula jeedo Muranka la dhashay sannadka mudda kororsiga ah ee uu Baarlamanka Puntland samaystay.

Madaxweyne BIIXI oo isku shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada + Magacyada

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku sameeyay isku shaandheyn ballaaran, taasi oo xilalkii kaga qaaday mas’uuliyiin ka tirsanaa xukuumadiisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu wareegtadan ku magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya xukuumadda, halka uu isku beddel ku sameeyay wasaaradaha qaarkood.

Wasiirrada uu xilka ka qaaday madaxweyne Biixi ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdi-naasir Cumar Jaamac.

Sidoo kale waxa uu wasiirka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland u magacaabay Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad, halka uu wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Maaliyadda u magacaabay Saleebaan Diiriye.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawaan sidan oo kale isku shaandhayn ballaaran ku sameeyay wasiirada xukuumadiisa, waana markii labaad ee uu isku bedel ku sameeyo golaha wasiirada dhamaadka sannadkan.

Hoos ka aqriso wareegtada oo u dhigneyd sidan;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble
Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

2. Ku: Cabdi-naasir Cumar Jaamac
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay masuuliyiintan.

Waxaanay u dhignayd sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga.

3. In Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Xasan Sheekh oo madaxda IGAD kala hadlay 3 qodob, hal arrina ku amaanay (Sawirro)

0

Jabuuti (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga hoggaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka gobolka, oo ay ka mid yihiin argagixisada, saameynta isbeddelka cimilada iyo colaadaha.

“Xubnaha Urur Goboleedka IGAD waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo horumarsan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Shirka inta uu socday, waxa ay Madaxda IGAD ay warbixin ka dhageysteen Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkaas Mudane Cabdulfataax Alburhaan oo dul istaagay waanwaanta IGAD ee ku aaddan dagaalka dalka Suudaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ka mid tahay xubnaha ku howllan xal u helidda dagaalkan ee heer IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ay ka taagan tahay dagaalka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taasi ay ku saleysan tahay casharkii shacabka Soomaaliyeed ay ka barteen burburkii dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Suudaan shacab iyo dowladba ay abaal weyn ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

 

Wasiir Faarax oo shaaciyey in 3,000 oo macaliin cusub ah ay DF qaadaneyso

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo war-saxaafadeed ka soo saartay ansixintii miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2024-ka ayaa shaacisay qorshe muhiim ah oo sanadkaan ay damacsan tahay.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey in bilowga sanadka soo socda ee 2024 ay wasaaraddu qaada doonto 3,000 oo macalin.

Waa fursad kale oo wasaaraddu ay shaacisay mar kale, waxayna sanadka 2024-ka macalimiinta dowladda u diiwaan gashay gaari doonaan 6,000 (lix kun) oo macalin.

Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka uga mahad celiyey, sida ay mudnaanta u siiyeen wax ka qabashada baahida waxbarashada dalka oo wasaaraddu ay u xil-saaran tahay.

“Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka uga mahadceliyey kordhinta qoondada miisaaniyadda wasaaradda oo qorshaheedu yahay baahinta, hormarinta iyo tayeynta waxbarashada dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Qorshaha wasaaraddu wuxuu yahay in bilowga sanadka 2024-ka la qaato seddax kun 3,000 oo macalin oo cusub, si loo baahiyo waxbarashada sida weyn ubadkeenu u baahan yahay.”

Qorshaha xulashada macalimiinta cusub ayaa lagu sheegay qoraalkaan in la guda gelayo bilowga sanadka cusub, iyadoo mudnaan la siinayo dumarka.

“Qorshahaan lagu qaadanayo macalimiinta waa wejigii labaad oo qeyb ka ah barnaamijka qaran ee baahinta waxbarashada, si loo gaaro malaayiinta Soomaaliyeed ee aan weli helin fursadaha waxbarashada ee xaqa ay u leeyihiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka oo si cad u diiday xabad-joojin ka hirgasha Gaza, sababtana shaaciyey

0

New York (Caasimada Online)- Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah.

Qaraarkaas waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaranada Midoobey.

Dowladda Mareykanka ayaa si cad u diiday inay u codeyso xabad-joojin ka dhaqan gasha dhulka reer Falastiin, halka dowladda Britian ay ka aamustay u codeyntii qaraarkaas.

Qaraarka ayaa fashilmay kadib markii Mareykanku uu adeegsaday codkiisa qayaxan, safiir ku xigeenka Mareykanka u jooga golaha ammaanka ee QM ayaa golaha ku eedeeyey in aysan cambaareyn weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, halkaas oo Xamaas ay ku dishay dad ka badanaa 1,200 oo qof oo u badnaa rayid.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu golaha ammaanka ka hor sheegay in qaraarka aan lagu cadeyn xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.

“Xamaas dooni meyso inay aragto laba dowladood oo nabad ku wada nool, sidaas darteed Mareykanka oo aad u doonaya in Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay nabad ku wada noolaa karaan, ma taageereyno baaqyada xabad joojinta deg degga ah,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee QM.

Cod u qaadista qararkaan ayaa timid kadib markii xoghayaha golaha ammaanka uu si lama filaan ah u dalbaday fadhi aan caadi aheyn, si loo faro geliyo xaaladda ka taagan Gaza, iyadoo la dalbanayo xabad joojin bini’aadanimo.

Danjirayaasha dowladda Imaaraadka u jooga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markiiba ku dhaqaaqay inay golaha geeyaan qaraarkaan, iyagoo intii aysan codeyntu bilaaban sheegay inay taageero uga heleen in ka badan 100 wadan.

Ku xigeenka Danjiraha Qaramada Midoobey ee Imaaraadka Maxamed Shahaab ayaa xalay sheegay inay heleen taageerada 100 dal oo dooneysa in xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza, taasi oo muujisay caalamku u daneynayo in wax laga bedelo xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan Falastiin.

Xildhibaannada BF oo mushahar kordhin sameystay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa sameystay mushaar kordhin, kaas oo qayb ka ah miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Kulanka maanta ayaa ajendihiisu wuxuu ahaa warbixinta Akhrinta 2-aad iyo Akhrinta 3-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka, ayada oo uu kulanka guddoomiyay Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

Guud ahaan mushaarka xildhibaanada labada Aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa laga dhigay sanadka cusub 2024 $1,645,000, halka uu sanadkii hore uu ahaa  ahaa $1,151,500.

Xildhibaan kasta hadda waxaa loogu kordhiyay lacag dhan $1,500, halka markii hore uu qaadanayay $3,500, taas oo ka dhigay in hadda uu qaadan doono $5,000.

Mushaar kordhintan ayaa lagu caddeeyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka oo ay maanta ansixiyeen xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka dalka.

Sida uu shaaciyay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa miisaaniyadda meelmarisay illaa 186 Mudane oo ka kooban labada Gole, kuwaas oo gacan taag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Xildhibaan oo kaliya.

Dhankiisa Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo kulanka goobjoog ahaa ayaa u mahadceliyay baarlamaanka, kadib khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa.

Ugu dambeyn Biixi ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maray

Muxuu madaxweyne Xasan kala hadlay dhiggiisa Jabuuti? + Sawirro

0

Jabuuto (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Gelle oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Labada madaxweyne ayaa iska xog waraystay xaaladda guud ee gobolka, xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti iyo iskaashiga arrimaha saameynta ku leh labada shacab oo ay ugu horreyaan arimaha amniga iyo nabadda gobolka.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimo ku aadan dagaalka lagula jiro Shabaab, kaas oo ay qay-qayb ka tahay dowladda Jabuuti oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya..

Madxweyne Xasan Sheekh Maamuud ayaa Jabuuti u tegay ka qayb-galka  kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD ee ka furmaya waddankaasi.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.

Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.

Maxkamadda ciidamada oo la horgeeyay mas’uul loo haysto Shabaabnimo + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa maanta la horgeeyay mas’uul hore oo loo haysto inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab, isla markaana uu Muqdisho uga fuliyay howlo ay u dirsatay kooxda.

Ninkan oo lagu magacaabo Abuukar Saalax Maxamuud (Afrax) ayaa horay guddoomiye ku xigeen uga soo noqday degmooyinka Hodan iyo Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Afrax ayaa waxaa xeer ilaalinta ay kusoo eedeysay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab, uuna shirqoolo uga fuliyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaa kale oo lagu soo eedeeyay inuu Muqdisho ka dhoofin jiray, kana soo dajin jiray xubnaha kooxda Alshabaab, isagoo isticmaalaya shaatiga dowladda.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan uu aaminsanaa fikirka Shabaabnimada isagoo xil ka haya dowladda, iyaga oo beeniyay in lagu qasbay wareysi uu horay u bixiyay oo uu ku sheegay inuu ka baxay dowladda, iskuna dhiibay Al-Shabaab.

Codkaas oo loogu baahiyay baraha bulshada ayaa waxaa mar dambe beeniyay isla Abuukar oo sheegay in la afduubtay, kadibna si qasab ah looga duubay, sida uu hadalka u dhigay.

Qareenada difaacaya eedeysanahan ayaa dhankooda sheegay in uusan Abuukar ahayn Shabaab, balse codka laga duubay uu ku badbaadsanayay nafsadiisa, iyaga oo intaasi ku daray inay beegsi ku hayeen ganacsi uu ku lahaa gudaha magaalada Muqdisho.

Gabagabadii waxaa fadhiga Maxkamadda soo xiray guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute_ oo shaaciyay in go’aanka xukunka ay dib ka shaacin doono Maxkamadda Ciidamada.

Si kastaba, ma’aha mas’uulkii ugu horreeyay ee kasoo muuqday Maxkamad, isaga oo loo haysto Al-Shabaabnimo, waxaana jiray kuwa isaga ka horreeyay oo la Maxkamadeeyay.

Fal-celin ‘aan caadi aheyn’ oo ka dhalatay magacaabista Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay u magacaabay in uu noqdo La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib-u-heshiisiinta, Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa horay u ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh maalin ka hor ka-taliyihiisa arrimaha dastuurka u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay isaga casilay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Dr. Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed. Waxa uuna sheegay Xasan in magacaabidiisa ay mudnaan gaar ah u leedahay dowlad-dhiska iyo horumarinta nabadda Soomaaliya.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamed Axmed Cartan: “Qofkasta meeshu ku wanaagsan yahay ha lageeyo waa arin wanaagsan.”

“Umada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay cadaalad iyo wax qabad ee uma baahna dib u heshiin,” ayuu yiri Cumar Axmed.

Cizudiin Sheekh Cabdullaahi: “Xasan intuu shaxaad kusii lahaa xil in uu kuu magacaabaa uga fudud.”

“Masha Allah waa khabiir ku takhasusay arrimaha shaqo abuurka, waxaan ka rajeyneynaa in uu wax badan ka qaban doono,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf Cusmaan.

Shiine Xassan: “Wa shaqsi mudan xil kas ah, wax badana ka qaban kara nabadeen iyo dib u heshisiin.”

“Hambalyo Dr Baadiyoow qaraabada hadaan la ogaan yaa la ogaan lahaa asal,” ayuu Maxamed Cabdulqaadir uga fal-celiyay magacaabista madaxweynaha oo lasoo dhigay bogga Villa Somalia ee Facebook.

Maxamed ayaa isna yiri “Xasanow odayaashaan qadeeyay ee aad shaqa abuurka u sameenayso wallaahi dhalinyarta kaga kheyr badan ee aad mustaqbalka uga cayaarteen.”

“Hambalyo Ustad Abdirahman Baadiyow magacaabistiisa meeshii la rabey ayey ku dhacdey, lagamana il-duufin,” ayuu yiri Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Cabdullaahi Warsame ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Wallee Xasan Sheekh shaxda siyaasadu fahmay mashquulin casriyeysan baaga mudo iga ilaali.”

Muudey Xuseen Cali: “Dr Baadiyow waa aqoon-yahan wax badan kasoo shaqeeyay nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya illaa iyo Carte caawa waa uu asiibay madaxweynaha magaacabida.”

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyay miisaaniyada 2024

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka federaalka ah ee  Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiye Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajendaha kulankan wadajirka ah ayaa ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka oo la horgeeyay labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Intaasi kadib xildhibaanadda ayaa ka dooday akhrintaa 2-aad ee miisaaniyadda dowladda ee ay usoo gudbisay wasaaradda, waxaana cod gacantaag ah ay ku ansixiyeen xildhibanada labada gole Miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Sida uu shaaciyay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa miisaaniyadda meelmarisay illaa 186 Mudane oo ka kooban labada Gole, kuwaas oo gacan taag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Xildhibaan oo kaliya.

Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo ka hadlayay ansixinta miisaaniyaddan ayaa sheegay inay ka dhigan tahay tallaabo horay loo qaaday, muhiimna u ah dey cafinta.

“Miisaaniyadda in la ansixiyo maanta waxay muhiimad gaar ah u lahayd dalka, gaar ahaan deyn cafinta, xildhibaanaduna waxay muujiyeen waajibaadkooda dastuuriga ah” ayuu yiri

Dhankiisa Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo kulanka goobjoog ahaa ayaa u mahadceliyay baarlamaanka, kadib khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa.

Ugu dambeyn Biixi ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya

Dowladda Turkiga oo soo saartay amar lagu soo xirayo wiilka madaxweyne Xasan

0

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa war cusub kasoo saartay shil gaari oo uu dalkaasi ka gaystay wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo hadda lasoo wariyay inuu ka baxsaday gudaha dalkaasi.

Shilka oo dhacay dhammaadkii November ayaa sababay dhimashada hal qof, kaas oo la sheegay inuu gaystay wiilka oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Sheeh Maxamuud.

Kadib baxsashada wiilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaa waaran lagu xirayo soo saartay maxkamadda Istanbul, iyadoo loo marayo booliiska adduunka ee Interpol.

“Dowladda Turkiga iyadoo la isticmaalaysa jid kasta oo caalami ah oo fududeynaya in lasoo qabto tuhmanaha,ayay qaadaysaa” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale maxkamadda oo soo saartay xayiraad lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud Dec. 7, ayaa hadda ogaatay inuu ka baxsaday Turkiga Dec. 2, kahor intaan lagusoo rogin xayiraada safarka.

Maxamed ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday.

“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu. 

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo. Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

Somaliland oo sheegtay inay qabatay sirdoon la shaqeyn jiray Fahad Yasin + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee loo yaqaano NIA ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay rag kamid ah sirdoonka Soomaaliya.

Raggan oo laba ah ayey hay’adda Sirdoonka Somaliland waxay sheegtay inay la shaqeyn jireen Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

Waxay sheegtay in labadan nin ee sida ay sheegtay ka tirsanaa xubnihii hoostagi jiray Fahad Yaasiin ay gudaha Somaliland ka fuliyeen falal lidi ku ah jiritaankeeda, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay NIA.

Labada nin ayaa sida ay hay’adda shaacisay waxaa lagu kala magacaaba Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdullaahi. Sidoo kale waxay soo bandhigtay sawiradooda.

“Hay’adda ugu saraysa amniga SL NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya, gaara ahaana shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin, kuwaas oo SL ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda,” ayuu u dhigna qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo haysta shahadaada PhD, ayaa horay u soo noqoday Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland.

Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.

NIA ma shaacin nooca howl-gal ee Somaliland ka fuliyeen raggan ay sheegtay inay ka tirsanaayeen Sirdoonka Soomaaliya, keliyana waxay ku soo koobtay “falal lidi ku ah jiritaankeeda”.

Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay hoggaan cusub, waxay warbaahinta la wadaageysay howl-gallada ay fuliso, iyada oo dhawaan baahisay shaqsiyaad ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraal markaasi kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Xog: Garaad Jaamac oo shir deg-deg ah isugu yeeray golaha dhaqanka SSC

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid waxgaradka SSC-Khaatuma ayaa iclaamiyay shir wadatashi ah oo ay Laascaanood ku teelanayaan golaha dhaqanka ee SSC.

Garaadka ayaa ugu baaqay dhammaan odayaasha dhaqanka in ay muddo 5 cisho ah kusoo gaaraan magaalada Laascaanood, si ay uga soo qaybgalaan shirkaasi deg-degga ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan xasaasiga ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan khilaafka ka taaagan doorashada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in odayaashu ay go’aan kasoo saari doonaan, sida laga yeelayo arrinta ka soo korortay doorashada Puntland, gaar xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC.

Dood adag ayaa haatan waxa a ka taagan tahay soo xulista xildhibaanada laga soo doorto deegaanada SSC,  maadaama dadka deegaankaasi ay hadda yeesheen maamul gaar ah oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntland.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana ay waji cusub yeelatay xiisadda ka taagan Puntland, kadib markii golaha wakiilada Puntland oo ka duulaya xalka ay soo saareen Isimada SSC ay sameysteen hal sano oo muddo kordhin ah, taas oo dhalisay muran xoogan oo horleh.

Go’aannadaan hoose ayay horay usoo saareen Isimada SSC-Khaatuma kadib kulamo ay la yeesheen Saciid Deni iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ahaa:-

  1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan.
  2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024
  3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira.
  4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah.
  5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah.
  6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa.

Xukuumadda Saciid Deni oo u hanjabtay baarlamaanka kadib tallaabadii ay qaadeen

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaacisay in ay tallaabooyin sharciga waafaqsan ka qaadayso Baarlamanka Puntland kadib markii uu samaystay mudda kororsi hal sano ah.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Baarlamanka

Wasiirka Caydiid ayaa sheegay in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

“Laba qodob ayaa mid soo baxaya; Madaxeeynuhu in uu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii xildhibaannada Baarlamanku diidaan go’aanka kala dirista markaas kadib sharciga lagu qaadayo oo la qa-qabanayo maadaama aysan xasaanad lahayn.

“Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya,” ayuu sii raaciyay wasiirka Warfaafinta Puntland.

Saciid Deni ayaa horey uga dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka inuu soo saaro lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida doorashada, si loo dardar-geliyo.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayas in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Saciid Deni.

Fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen lix degaan oo la burburiyay + Sawirro

0

Baydhabi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah kasoo saartay howl-gallo saacadihii u dambeeyay ay ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay howl-gal bur-burin ah ka sameeyeen deegaanada kala ah Farag, Huuyaley, Abagbeeday, Dudumaale, Kojoor iyo Ceelgaras, oo dhamaantood hoostaga degmada Xudur.

Deegaanadan ayaa ahaa kuwa ay fariismi ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidanka xoogga dalka bur-buriyeen fariisimihii kooxda ay ku lahaayeen deegaanadaas.

Dhinaca kale, Taliye ku-xigeenka guutada 9-aad Qeybta 60-aad CXDS Gaashaanle Yoonis Adan Hassan oo warbaahinta ciidamada qalabka sida la hadlay ayaa xaqiijiyay in ay jiraan khasaare xoog leh oo kooxda lagu gaarsiiyay howl-galkaan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa guud ahaan gobollada dalka ka wada howl-galo lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawaan uu si rasmi ah maamulka Koonfur Galbeed uga bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ay dhawaan xooggeeda iskugu geyn doonta Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda, ayada oo sidoo kale uu madaxweyne Xasan Sheekh uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka.

Duqa Istanbul oo sheegay inuu baxsaday wiilka Xasan oo loo haystay kiis dil ah

Istanbul (Caasimada Online) – Duqa magaalada Istanbul ee dalka Turkey, Ekrem İmamoğlu ayaa shaaca ka qaaday in wiilka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyey dilka muwaadin Turkish ah, uu dalka ka baxsaday.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday.

“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu. 

Waxa uu intaas ku daray “Xanuunka qoyska dhibbanaha ah ayaa sii kordhay. Caqliyadda indhaha ka qarsanaysa, oo ogolaanaysa baxsashadan, nasiib darro, waa mid aad u liidata oo aan difaaci karin xuquuqda muwaadinka dalkiisa.” 

Ekrem İmamoğlu ma shaacin sida ay baxshadu u dhacday. Balse waxaa horey u jiray warar sheegaya in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu haystay xasaanad diblomaasiyadeed, oo sidaas ay usii daayeen booliska.

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dagay dalka…

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka  kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD, sida ay shaaca ka qaaday Villa Soomaaliya.

Shirkan ayaa looga hadli doono xaaladda guud ee gobolka, ayada oo la filayo in madaxweynuhu uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirweynaha Jabuuti.

Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa diiradda ku saari doono arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan madaxda dalka Jabuuti iyo kuwa kale ee kasoo qayb-galayo kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.

Jabuuti oo xiriir wanaagsan iyo walaaltinimo ay kala dhexeyso Soomaaliya ayaa waxaa marar badan booqashooyin ku tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadallo la soo yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba, madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kahor kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga soo qayb-galay shirka COP28 oo looga hadlayay isbeddalka cimilada adduunka.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay BAKOOL

0

Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Huujaley oo hoostaga degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad, qaybta 60-aad oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay khasaare gaarsiiyeen.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in haatan ay gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay, xaaladdana ay dagan tahay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay ka fuliyeen agagaarka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in dhawaan Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.

Madaxweyne Xasan oo xil sare u magacaabay Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha Dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow.

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh maalin ka hor ka-taliyihiisa arrimaha dastuurka u magacaabay Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay isaga casilay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in magacaabidda Dr. Baadiyow ay mudnaan gaar ah u leedahay dowlad-dhiska iyo horumarinta nabadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dib u heshiisiinta ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa u muuqda nin aruursanaya oo dowladda uu hoggaamiyo ku soo daraya xubnaha miisaanka leh ee aqoonta durugsan u leh dowladnimada Soomaaliya.