25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Qorshe culus oo Shabaab ay damacsaneyd la fashiliyay iyo xubno gacanta lagu dhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qarax lagu aasayay wadada u dhaxeeya degmada Beledweyne iyo Buula-burte

Ciidanka isgarabsanaya ayaa sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen xubin Shabaab ah oo loo xil-saaray in uu wadadaasi ku aaso miino, si ay ugu waxyeeleyaan ciidanka dagaalka kula jira iyo dadka shacabka ahba.

Qabashada Shabaab-ka ayaa timid xilli ay socdeen howl-gallo looga hortagayo dhagarta kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaleysanaya dhulka buuraleyda ah ee u dhaxeeya Beledweyne iyo Buula-burte, sida lagu sheegay bayaan kooban oo kasoo baxay dowladda.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa haatan ku howlan ama sii wada raadinta kooxda Al-Shabaab ee lagu tuhmay in ay gabbaad ka dhiganayaan dhulka buuraleyda ah, iyaga oo doonaya in ay aasaan walxaha qarxa.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.

Si kastaba, wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maraya heer geba-gebo ah, waxaana dhawaan la filayaa inuu billowdo wejiga xigga ee dagaalka, xilli dowladda Soomaaliya laga qaaday xayiraada hubka, iskuna diyaarineyso in kooxda u isticmaasho hub ka culus midkii lagu galay wejigii hore ee dagaalka.

Saraakiil sare oo ka tirsan Puntland oo lala xiriiriyay afduubka doontii IRAN

0

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dooni laga leeyahay dalka Iran oo dhawaan lagu afduubtay xeebaha Puntland gaar ahaan aagga degmada Qandala.

Maxamed Cabdi Saciid, oo kamid ah masuuliyiinta doonidaan la afduubtay oo la hadlay SBC Somali TV, ayaa sheegay in kooxda burcad badeedda ah ee afduubtay ay ka dambeeyaan saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Puntland.

Waxa uu si gaar ah ugu eedeeyay afduubka doontaan taliyaha degmada Qandala, sidoo kalena ragga doonida haysta ay kamid yihiin kuwa caan ah oo horay burcad badeed lagu xiray.

“Taliyaha degmada Qandala inuu kamid yahay dadka qabsaday waa la xaqiijiyay, ragga doonida haysta waxaa kamid ah rag burcad badeed lagu xiray oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ku xirna tobaneeyo sano ah,” ayuu yiri Maxamed Saciid oo kamid ah masuuliyiinta doontaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in taliska Puntland ku wargeliyeen afduubka doontaan, hase yeeshe ay weli jirin tallaabo ay qaaday, “Waxaan ka codsaneyna Puntland iyo ciidankaan Yurubiyaanka in doonidaas nooga sii daayan burcad badeedka, raggii dambeeyay Boosaaso iyo halkaas ayay joogaan.”

Waxa uu sheegay in shaqaalaha saarna doonida ay yihiin Iraani, ayna tiradoodu dhan tahay illaa 25 qof, kumana jiraan Soomaali, sida uu sheegay Maxamed Cabdi Saciid.

“Wax madax furasho ah oo nala weydiiyay majiryo oo nalama soo xiriirinba. Anagu la xiriiri weynay oo lambaradooda waan raadinay, qeybtood lambaradooda wey dansan yihiin, iyaguna namay soo wicin oo nalama soo xiriirin.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday maamulka Puntland iyo ciidanka kale ee badda jooga inay kala shaqeeyaan sidii loo soo furdaamin lahaa doontaasi, oo muddo ku dhow 10 maalmood gacanta ugu jirta kooxda burcad badeedda.

Si kastaba, waa doontii labaad ee kalluumaysi oo dalka Iran laga leeyahay, taasi oo laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bariga Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso

20 saldhig oo ay lahaayeen ATMIS oo burburay kadib…

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa markii u horreysay la shaaciyay in ay saameyn xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño.

Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee loo yaqaano UNSOS iyo howl-galka ATMIS oo si wada-jir ah qoimeyn ugu sameeyay khasaaraha howl-galka ka soo gaaray xaaladdan ayaa shaaciyay in daadadka ay harqiyeen illaa 20 saldhig.

Saldhigyada oo ay leeyihiin ciidanka ATMIS, ayaa la sheegay in ay saameeysay adeeg bixintooda dhinaca amniga, intooda badan waxay ku yaallan gobolka Jubbada Hoose.

“Daadadka El-Niño ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya waxay saameyn ku yeesheen howl-gallada ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday xafiiska UNSOM.

Ku-xigeenka madaxa adeegga bixinta ee UNSOS Michael Dorn iyo taliye ku-xigeenka ciidanka ATMIS ee dhinaca taageerada iyo saadka Maj Gen Peter Muteti ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay saameynta howl-galka kasoo gaartay daadadka El-Niño.

Dorn iyo Muteti ayaa tegay Dhoobley, taasi oo qayb ka ah booqasho joogto ah oo ay ku tagayaan qaybaha kala duwan ee ATMIS, si ay u qiimeeyaan xaaladda  dhulka.

“Saldhigyada jiidda hore ee sida ugu badan ay u saameeyeen daadadku, waxay kala yihiin, Sector Four iyo Sector Three iyo ilaa Qaybta Shanaad. Waa Baydhabo, Beledweyne, iyo Jowhar,” ayuu yiri Michael Dorn.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa jira dabcan meelo kale oo dalka ka mid ah sida Kismaayo ilaa xad iyo Dhoobleey oo waddooyin iyo garoomo diyaaradeed ay biyo fariistaan. Taasina waa caqabad aad u weyn maadaama aanan u isticmaali karin wadada saadka.”

Afar cashar oo weyn oo ku jira go’aankii lama filaanka ah ee Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen hore ku dhowaaqay inuu ka laabtay go’aankiisii ahaa inay Puntland ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu aqbalay in la aado doorashadii hore oo aheyd inay 66 xubnood ee Golaha Wakiilada Puntland soo doortaan odayaasha qabaa’ilka.

Deni ayaa muddo dhowr billood ah lagu qancin waayay inuu dhexda soo dhigo doorashada, balse wuxuu markii dambe lumiyay kalsoonidii dhaqanka, waxaa kala qeybsamay baarlamaanka, gaar ahaan xubnihii u xil-saarna arrimaha doorashooyinka, halka beesha caalamka ay uga digtay inuu gacan ka hadal kale u horseedo deegaanada Puntland.

Go’aanka Deni ayaa kusoo aaday saacado kadib markii odayaal waan-waan ku jiray ay soo jeediyeen in baarlamaanka hadda jooga loogu daro hal sano, iyaguna ay doortaan hoggaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa.

Laakiin Saciid Deni ayaa aaday jiho taas 100% ka duwan, dhowr cashir ayaa ku jira go’aanka uu xalay qaatay Saciid Cabdullaahi Deni.

1- In aan damac shaqsi ah loo afduubi karin danta guud

Deni waxaa la xasuusta sidii uu u diiday damacii halka dhinac ahaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si taas lamid ah ayaa isna tiisi loo diiday.

Waa cadeynta in aan heer walba oo dowladeed oo ay Soomaalida joogto maanta in aan hal mid lagu guuleysan karin waana in damac shaqsi ah danta guud loo afduubi.

2- Natiijada go’aankiisa cidna kula macaashin

Saciid Deni wuxuu iska diiday inay dad kale sheegtan ama shirko kula noqdaan go’aankiisa. Wuxuu durba bogaadin ka helay dad badan oo reer Puntland ah oo ku aamanay inuu maamulka badbaadiyay, oo laga baaqsaday gacan ka hadal kale.

Sidan hore u sheegnay madaxda uu muddo xileedka ka dhamaanayo uma fiicna inay galaan doorasho lagu qasbay, waxaa u haboon inay garashadooda weelka dhexda kusoo dhigaan si ay ugu yaraan wax uun ugu dhasho.

3- Xilliga doorashooyinka isfahm siyaasadeedka ayaa ka muhiimsan dastuurka

Saciid Cabdullaahi Deni iyo madax kale oo Soomaaliyeed oo ka horeysay ayaa dhamaan tijaabiyay inay beddelaan qodobo dastuuri ah, inay qortaan sharciyo u gaara ah oo ay baarlamaanada lacag badan ku bixiyaan, si ay damac shaqsi ah sharciyad ugu raadiyaan.

Laakiin marwalba waxay kusoo dhamaata oo la isla qaata hab mucaaradka iyo muxaafadkuba wada aqbali karaan. Haddii wax laga baranayo arrintaan waa in laga qaata in heshiis siyaasadeedka ama is ogol siyaasadeedka ka xoog badan yahay qodobada dastuurka marka la joogo xilliga doorashooyinka.

4- Farriin ku socota maamullada kale ee ay doorashooyinkooda soo dhow yihiin

In Saciid Deni dib loo dooran doono iyo inkale waa jawaab lala sugayo maalinteeda. Laakiin haddii uu Saciid Deni xoogi lahaa hanaanka doorashada Puntland waxay sahli laheyd in la boobo dhamaan doorashooyinka kale ee dalka.

Reer Puntland waxay cashir siiyeen maamullada kale ee dalka, waxaa hadda bilaaban karta in maamullada kale qaarkood iyagana laga diido muddo kororsi iyo in hanaanka doorashada la xoogo.

DENMARK oo go’aan lama filaan ah ka gaartay arrin Muslimiinta ka careysiisay

0

Copenhagen (Caasimada Online) – Baarlamaanka Denmark ayaa Khamiistii meel-mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubo goobaha fagaarayaasha ah.

Baarlamaanka Denmark ayaa tallaabada u qaaday si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah.

Denmark iyo Sweden ayaa sanadkan la kulmay mudaaharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Islaam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka, taasi oo dhalisay in dawladaha Waqooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas.

Sida uu sheegay wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard, in ka badan 500 oo mudaaharaadyo ah oo ay ku jiraan gubista qur’aanka kariimka ah ama calanka ayaa la diiwaan-geliyay tan iyo bishii July.

“Bannaan-baxyadan oo kale waxay dhaawici karaan xiriirka Danmark la leedahay dalalka kale, danahayaga iyo ugu dambeyntii badbaadadayada,” ayuu yiri Hummelgaard.

“Isu-dheellitirka xoriyatul qawlka ee uu dastuurku ilaalinayo, oo ay ku jirto xaqa dhaleecaynta diinta, iyo amniga qaranka iyada oo laga cabsi qabo in qur’aanka la gubo ay horseedi karto weerarro kaga yimaada Islaamiyiinta.”

Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii Rasmus Paludan oo haysta dhalashada dalalka Denmark iyo Sweden uu nuqul kamid ah Qur’aanka Kariimka ah uu ku gubay afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee Stocholm, isaga oo mar kalena masaajid hortiisa ku gubay, falalkaasi oo si weyn uga careysiiyay Muslimiinta.

Arrimahan ayaa waxaa ka dhalatay carro xooggan, gaar ahaan Muslimiinta iyo dalalkooda, oo iyagu muujiyay sida ay uga xun yihiin falkaan, ayna tahay in wax laga qabto ficilada noocaan ah ee daan-daansiga ah, kaasi oo ugu dambeyntii ay Denmark meel-marisay go’aan dambi ka dhigaya.

Xog cusub oo laga bixiyay heshiiska xasaasiga ah ee ay galeen Somalia iyo Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa kala saxiixday in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii iskaashi ee difaaca labada dal.

Heshiiska cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU) ayaa waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Abraham Belay.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa faah-faahin ka bixiyay heshiiskan, isaga oo sheegay in uu wax badan ka tarayo iskaashiga amni ee labada dal.

Danjire Warfaa ayaa waxa uu sheegay in heshiiskan ay labada dowladood bishii September ay ku saxiixdeen Muqdisho, balse uu maanta si rasmi usoo dhameystirmay cusbooneysiintiisa.

“Heshiiskan is afgaradka ah waxaa markii ugu horreysay looga wada-hadlay oo lagu kala saxiixday shirkii guddiyada heer wasiir ee labada dowladood ay ku yeesheen bishii September ee sanadkaan magaalada Muqdisho, balse dhameystirkiisu wuxuu soo dhamaaday maanta oo markale dib loo cusbooneysiiyay lagana gaaray isfaham la xiriira iskaashi buuxa oo labada dal ka yeelanayaan arrimaha difaaca,” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Iyada oo laga duulayo iskaashigan iyo heshiiskan ku saabsan ee kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa lagu heshiiyay in kor loo qaado lana xoojiyo iskaashigan hadda jira ee ku saabsan arrimaha amniga iyo difaaca.”

Horay labada dowladood ayaa u kala saxiixday bishii February, 2014. Heshiiskan hadda ayaana lasii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal oo sahlaya in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Sida lagu sheegay qoraalka heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha guddiyo difaac oo wadajir ah oo ka shaqeyn doona xasiloonida amni ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Guddiyada la dhisi doono waxay horumarinayaan, islamarkaana fududeynayaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka heshiiska Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wiilka madaxweyne Xasan Sheekh oo loo haysto dil ka dhacay Istanbul (Daawo)

Istanbul (Caasimada Online) – Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyey inuu dilay muwaadin Turkish ah, oo uu gaari ku dhuftay.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku lug lahaa shil 30-kii November ka dhacay degmada Fatih ee magaalada Istanbul, oo uu ku dhintay Yunus Emre Göçer oo ahaa 38 jir Turkish ah.

Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.

Shilka ayaa dhaliyey in Yunus ay gaaraan dhaawacyo culus, kuwaas oo uu ugu dambeyn lix maalmood kadib ugu geeriyooday Isbitaalka İstanbul Teaching and Research Hospital.

Maxamed ayaa lasii daayey kadib markii booliska ay warbixin ka qoreen, taasi oo caro xooggan ka dhalisay Turkiga.

Duqa magaalada Istanbul ayaa hadda wacad ku maraya in kiiskan aanu ka hari doonin.

“Wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baabuur ku dhuftay Yunus Emre Göcer oo mooto waday, taasi oo keentay inuu geeriyoodo, waxaana lasii daayey. Allah ha u naxariisto Göcer, waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay,” ayuu yiri duqa magaalada Istabul.

“Kama hari doono arrintan. Waxaan raaci doonaa nidaamka sharciga ah, waxaana soo taaban doonaa illaa dhammaadka aniga oo ka wakiil ah tobanaan kun oo ka mid ah shaqaalaha mootooyinka,” ayuu ku daray.

Horey, wasiirka cadaaladda Turkey Yılmaz Tunç ayaa sheegay in muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka waddooyinka ay moojinayaan in Yunus gadaal looga dhacay isaga oo wata mootadiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in qof walba uu sharciga u siman yahay, haddii fal dambiyeed dhacayna ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaan weli ka hadlin arrintan.

DENI oo qaaday tallaabo cusub kadib go’aankii shalay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen hore ka laabtay go’aankiisii doorasho qof iyo cod, kaasi oo uu muddo ku dhaganaa.

Saciid Deni ayaa markaas sheegay inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland, wuxuuna haatan qaaday tallaabo kale oo lagu dadajinayo doorashada, maadaama uu dhow yahay waqtigeeda.

“Waxaan rabaa anoo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan,” ayuu xalay yiri Siciid Deni, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada Garoowe.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale soo saaray xeer madaxweyne oo ku saabsan soo xulidda xubnaha Golaha Wakiilada dowlad-goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka inuu soo saaro lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida doorashada, si loo dardar-geliyo.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayas in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Saciid Deni.

Go’aanka uu qaatay Deni ayaa ah midka ay rabeen xubnaha mucaaradka ee ku sugan Garoowe, kuwaasi oo muddo dheer diidanaa doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale waxaa haatan Deni laga sugayaa inuu soo magacaabo guddigii qaban lahaa doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyey.

Dhinaca kale, mucaaradka Puntland ayaa la filayaa inay war ka soo saaraan go’aanka cusub ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Deni, maadaama ay mudo dheer u soo dagaalamayeen hanaanka uu ugu dambeyntii ogolaaday in doorashada Puntland loo qabto.

Si kastaba, arrintan ayaa meesha ka saareysa walaacii laga qabay fowdo ka dhalata ismari-waaga doorashada maamulka Puntland, waxaana haatan bilaabay ololaha tartanka doorashada.

Sawirro: Qoor Qoor iyo wafdi culus oo gaaray Hobyo iyo qorshe culus oo socda

0

Hobyo (Caassimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta ka degay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS, lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweyne Qoor Qoor iyo wafidigiisa ee Hobyo soo gaaray ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug.

Dadaaladaan ayaa ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo oo sida la qorsheeyey dhawaan lagu bilaabayo dhisme rasmi ah.

Hadda, si kumeel gaar ah ayey u shaqeysaa dekedda Hobyo oo waxaa ka dhisan marso yar oo ay ka soo degaan gaadiidka raaxada ee laga isticmaalo gobollada dhexe iyo shixnado aan badneyn.

Dhawaan qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug oo Habargidir u badan ayaa ku heshiiyey in si casri ah loo dhiso dekedda Hobyo, waxaana hadda Hobyo lagu kala saxiixanayaa heshiis rasmi ah, si loo bilaabo dhismaha.

Dhawaanahaan waxaa Dhuusamareeb ka socday abaabulka ganacsatada beelaha iyo maamulka Galmudug ay ugu jireen dhismaha dekedaan, marar badan ayuu dib u dhacay shirka hadda ka furmaya Hobyo, balse hadda ayaa lagu guuleystay in la guda galo howsha.

Sanadka cusub ee 2024-ka oo maalmo kooban ay naga xigaan horaantiisa ayaa la qorsheeyey inuu bilowdo dhismaha dekedda Hobyo, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ganacsatada maalgashaneysa dekedda Hobyo.

Sawirro: DF oo Mahadaay u dirtay gaadiidkii u badnaa oo…

0

Jowhar (Caasimada Online) – Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa 30 gaadiidka nuuca xamuulka qaada ah u dirtay degmada Mahadaay.

Gaadiidkan oo sida shixnad gargaar mucaawino ah ayey saacadihii lasoo dhaafay hay’adda SODMA u dirtay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeeladda dhexe iyo deeganadda hoostaga ee maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale gargaarkaan waxaa wehliya Doon nuuca dheereysa oo loogu tala-galay in dadka go’doonsan lagu badbaadiyo goobaha qaar ee aan gaadiidka tagi karina raashinka lagu gaarsiiyo.

Mucaawinadan iyo doontaan ayaa loogu tala-galay in la garsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee saameynta ka soo gaartay fatahaada webiga Shabeelle ku nool gudaha Mahadaay iyo tuuloyinka ku xeeran.

Goobaha gargaarkaan ku wajahan yahay ayaa hore waxaa uga jirtay xaalad adag oo ay wajahayeen boqolaal shacab Soomaaliyeed ah oo halkaas ku nool, taas oo sameen ka soo gaartay xaaladaha El-Niño.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad adag, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka oo ay ku dhufteen daadad iyo fatahaado is wata.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SODMA ayaa horay u sheegtay in daadadka ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof, kuna barakaceen in ka badan 900,000 oo qof

“96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo Al-Shabaab ka cararayay,” ayuu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha SODMA.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, ayada saaxiibada caalamiga ah iyo hay’adaha samafalka ka dalbatay in gargaar bani’aadannimo lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed.

default

Sababta DENI ku qasabtay go’aankii lama filaanka ahaa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa ugu danbeyn ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay in Doorashada Puntland xiligeeda ku dhacdo iyadoo loo noqonayo nidaamkii horey u jiray ee baarlamaanka.

Go’aankan Deni ayaa kusoo beegmay saacado kadib markii Guddigii Issimada SSC-Khaatumo ay soo saareen soo jeedinta xalinta khilaafka doorashooyinka Puntland, iyagoo soo jeediyey in Baarlamaanka hada jira soo doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeenka.

Issimada ayaa sidoo kale soo jeediyey in 12 bilood kadib la qabto doorashada Baarlamaanka Puntland oo ku dhaceysa nidaamka xisbiyada ama codka shacabka.

Taladda Issimada Khaatumo ayaa taageerayey talooyinkii horey loogu soo jeediyey Madaxweynaha Puntland ee ka yimid Issimada Puntland, Ganacsatada iyo Culumadda, walow Madaxweynuhu horey talooyinkaasi u qaadacay.

Isku daygan issimada Khaatumo ayaa ahaa kii ugu danbeeyey oo lagu baajin karay isku dhac ka dhasha doorashooyinka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa khudbadiisii si weyn ugu duray go’aanka issimada Khaatumo oo uu ku tilmaamay mid khaldan oo ay gacmo kale ku jiraan, isagoo sheegay inuu aqbalay in doorashada xiligeeda dhacdo balse lasoo doorto 66 Xildhibaan oo cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Puntland iyo SSC-Khaatumo

Issimada ayaa go’aankooda sidoo kale xal ugu raadinayey arrinta kala saarida maamulada Puntland iyo SSC-Khaatumo.

Baarlamaanka Puntland ayey hada ku jiraan xildhibaano badan oo laga soo doorto Sool iyo Buuhoodle, waxayna issimada horey u sheegeen inaysan soo magacaabi doonin xildhibaanadaas, kadib dhismihii maamulka SSC-Khaatumo, arrintaasi oo caqabad ku noqonaysa dhismaha Baarlamaan cusub ee Puntland oo ka kooban 66.

Tani ayey ku xaliyeen in Baarlamaanka hada jooga soo doorto Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, si dowlada danbe fursad ugu hesho dhameystirka nidaamka xisbiyada iyo Mashruuca lagu kala saarayo awood-qeybsigii hore ee shacabka Puntland.

Deni ayaa isagu doonayey in wakhti loogu daro balse taasi waxaa si cad uga horyimid mucaaridka.

Fursadihii Deni iyo wakhtigii kalumay

Madaxweyne Deni oo lagu amaanay xiligii uu xilka qabtay inuu dar dar geliyey dhismaha nidaamka Xisbiyadda baddan, inkastoo dadaalkaasi uu hoos u dhigay kadib natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

Arrintaasi oo si weyn u dhaawacday nidaamkii la isla ogolaa ee Doorashooyinka, waxaana wakhti kale oo dheeraad ah kasii dhumiyey Madaxweynaha tartankii uu u galay doorashada Federaalka oo hakad ku keentay hawshii dowlada Puntland.

Doorashada Puntland waxaa caado u ah inay mar walba dhacdo 8da Janaayo, waxaana horey u fashilay iskudayo badan oo Madaxweynayaashii soo maray Puntland isku dayeen inay wax ku darsadaan, waxaana u danbeeyey Deni oo hada aqbalay in xiligeeda dhacdo.

Shacabka Puntland ayaa intooda badan taageersan nidaamka xisbiyada badan hase yeeshee waxaa la isku khilaafsan yahay wadada loo marayo.

Mucaaridka Deni ayaa aaminsan in dowlada hada joogta iyadu lugaha qabatay doorashadii Cod iyo Qof, kadib markii wakhtigii ku dhumisay doorashadii Federaalka iyo khilaafyadii ay ka dhex abuurtay degmooyinkii looga guuleystay Golayaasha Deegaanka.

Xaaladda GAZA oo ka dartay iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Gaza (Caasimada Online) – In ka badan 350 oo qof ayaa ku dhintay kumannaan kalana waxay ku qasabtay in ay guryahooda ka barakacaan, kaddib marki ay ciidanka Israa’iil Khamiisti shalay weerareen magaalooyinka ugu waaweyn Marinka Gaza.

Qaar badan oo ka mid ah dadka barakacay ayaa isugu tagay aagga Rafax oo dhaca xuduudka koofureed ee ay Gaza la wadaagto Masar, kaddib marki ay aqristeen farriimo ku qornaa warqado ay diyaaradaha Isra’il kor uga soo daadiyeen Gaza, kuwaas oo dadka ku boorriyay in ay tagaan Rafax si loo nabadgeliyo.

Hase yeeshee, wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay, in duqeymo halkaasi ka dhacay xalay ay ku dhinteen ilaa 37 qof. Millatariga Israa’iil ayaa Khamiistii ku eedeeyay Xamaas in ay madaafiic kasoo tuureen agagaarka Rafax.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan jirin goob nabaddoon oo Gaza ku taalla. Sida ay sheegeen saraakiisha, in ka badan 85 boqolkiiba dhulki ay deganaayeen in ilaa 2 milyan oo qof ayay dadku ka barakaceen Marinka Gaza.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isticmaalay awood naadir ah oo uu uga digay Golaha Ammaanka “masiibo bini’aadantinimo” oo ku soo fool leh Gaza, isaga oo ku boorriay xubnaha golaha in ay dalbadaan xabbad-joojin.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas, tan iyo marki ay billowdeen duqeymaha Israa’iil ee Gaza, in ka badan 17,000 oo qof oo u badan dumar iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Gaza.

Israel ayaa weerartay Gaza, kaddib marki ay Xamaas 7-badi bishi October weerareen Isra’il halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, soona afduubteen ilaa 250 kale.

Erdogan oo war culus kaga dhowaaqay dalka Greece

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, ayaa Khamiistii ballan qaaday inuu “waa cusub” u furayo xiriirka taariikhiga ah ee dalka ay xifaaltamaan ee Greece, isagoo booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ku tagay Athens tan iyo 2017-kii.

Kulamo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Greece Kyriakos Mitsotakis iyo madaxweyne Katerina Sakellaropoulou intii lagu guda jiray booqasho shan saac qaadatay, hoggaamiyaha Turkiga ayaa kala hadlay arrimaha ganacsiga, arrimaha gobolka iyo arrinta muhaajiriinta ee xasaasiga ah.

“Waxaan aaminsanahay in kulanka iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Greece uu waa cusub u hoggaamin doono xiriirada,” ayuu Erdogan u sheegay Sakellaropoulou, isaga oo intaas ku daray “Waxaan u baahannahay niyad wanaag, niyad wanaagganna wuxuu mustaqbalka noqon doonaa mid miro-dhala.”

Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen Sakellaropoulou, ayuu Erdogan ku sheegay in hadafka uu yahay in xiriirka ganacsi ee labada dal uu gaaro 10 bilyan oo Euro, halka hadda uu ka yahay 5.5 bilyan.

Ankara ayaa aheyd dhufays muhaajiriin tan iyo heshiis-kii ay 2016 la gashay Midowga Yurub, kaas oo Mitsotakis iyo hogaamiyayaasha Midowga Yurub ay rajaynayaan in la cusbooneysiiyo.

Diblomaasiyiinta la socda Erdogan ayaa sidoo kale kala hadlaya dhiggooda Greece arrinta soo jireenka ah ee ku saabsan muranka dhuleed ee Greece iyo Turkey ee Badda Aegean.

Erdogan ayaa su’aal galiyay heshiisyadii qarniga soo jiray ee qeexaya madaxbanaanida Aegean, waxaana diyaaradaha dagaalka Turkey iyo Greece ay si joogta ah u galaan daan-daansi dagaal oo ka dhaca hawada lagu muransan yahay.

Helitaanka kheyraadka hydrocarbon ee bariga Mediterranean-ka ayaa sii adkeynaya xiriirka, iyadoo Ankara ay ka careysiisay Athens 2019 kadib markii ay heshiis muran badan dhaliey la saxiixatay Libya.

Sannadkii hore, Erdogan ayaa Greece ku eedeeyay inay “qabsatay” jasiiradaha Aegean, wuxuuna ku hanjabay: “Sida aan dhahno, waxaa laga yaabaa inaan si lama filaan ah u nimaadno hal habeen.”

Hase yeeshee, xiriirka ayaa soo hagaagayey tan iyo bishii Febraayo, markii Greece uu samata-bixiyeyaal iyo gargaar u diray Turkiga kadib dhulgariir weyn oo dilay ugu yaraan 50,000 oo qof oo ku dhuftay dalkaas.

Mitsotakis, oo xilka ra’iisul wasaare markii labaad afar sano ku guuleystay bishii June, ayaa sidoo kale muujiyay inuu diyaar u yahay inuu yareeyo xiisadda Ankara.

Labada hogaamiye ayaa horey ugu kulmay bishii September magaalada New York oo uu ka socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

VOA + AFP

Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday soo nooleynta heshiis xasaasi ah (Sawirro)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday in dib loo cusbooneysiiyo heshiiskii iskaashi ee difaaca labada dalka.

Wasiirka Wasaaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Abraham Belay ayaa si loo dardargeliyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal waxa ay kala saxiixdeen cusbooneysiinta is-afgaradka difaaca (MoU).

“Horay labada dowladood ayaa u kala saxiixday bishii February, 2014.

Heshiiskan hadda ayaana lasii xoojin doona iskaashiga dhinacyada danaha labada dal oo sahlaya in si dhow la isaga kaashado xoojinta nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Sida lahu sheegay qoraalka heshiiskan waxa uu abuurayaa dhismaha Guddiyo Difaac oo wadajir ah oo ka shaqeyn doona xasiloonida amni ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Guddiyada la dhisi doono waxay horumarinayaan, isla markaana fududeynayaan hirgelinta heshiiska is-afgaradka ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waligoodba ay ka dhex jirtay xasaasiyad salka ku heysa gobolka Soomaali Galbeed oo Itoobiya ay xoog uga heysato Soomaaliya ayaa mar kasta la isku dayaa in la abuuro jawi wada noolaasho, balse inta badan ma suurta-galaan heshiisyada ay kala saxiixdaan labada dal.

Hadda, Itoobiya waxay la timid damac cusub oo Soomaalida xasaasiyad ku abuuray, kaas oo ah inay dadaal ugu jirto sidii ay u heli laheyd deked ama bad ay isticmaasho dowladda Itoobiya.

Damaca badda ee Itoobiya ayaa si naba u seerey doonin dalka Soomaalida, maadaama dhulka kale ee bad ugu dhow uu yahay kan Eritrea oo awood militeri ay ka xigto.

Sawirro: Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay saraakiil militeri oo Turki ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay khubaro milatari iyo saraakiil sarsare oo ka socda dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Turkiga uga mahadceliyey doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiyeed iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiisha Turkida ah ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka milatariga ee labada dal.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Turkiga u cadeeyey muhiimadda taageerada walaalaha Turkiga ee howlgalka xoreynta iyo qorshaha tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed ee ay leyliyaan khubarada milatariga Turkiga ah.

Saraakiisha Turkiga ka socota ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u cadeysay inay sii wadi doonaan doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Xog ay kulankaan ka heshay Caasimada Online, waxay sheegeysaa in arrimaha lagu gorfeeyey ay qeyb ka yihiin duqeymaha diyaaradaha Turkiga ay uga baahan tahay Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa ka qeyb gala dagaalka ay ciidamada Soomaaliya kula jiraan kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan duqeymo iyo dagaalo toos ah oo ciidamada Soomaaliya ay ku qaadayaan kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Talyaaniga oo safiir cusub u soo dirsaday Soomaaliya iyo Xasan Sheekh oo …

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaaniga ay u soo magacawday Soomaaliya.

Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa Pier Mario Daccò Coppi, waxaana munaasabadda warqadaha aqoonsiga looga gudoomay ay galabta ka dhacday  Madaxtooyada Qaranka.

Danjiraha cusub ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loogu sameeyay Soomaaliya.

Sidoo kale danjiraha cusub ee Talyaaniga ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday cuna-qabatayntii hubka.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay hormarada laga gaaray dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka ay kula jiraan argagixisada.

Sawirro: Sanduuqa dowlad dhiska Soomaaliya oo lacag badan loo ballan qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Ambassador Joachim Waern oo ah danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya.

Xamza iyo Joachim Waern ayaa ka wada-hadlaay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, iskaashiga iyo taageerada ay Sweden siiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Inta kulanka socda safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern ayaa ballan-qaad lacageed u sameeyay ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo sheegay in dalkiisa uu ku biiranayo lacag Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay  ayaa kulanka uga mahad-celiyey dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay ku soo biirtay Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya ee (TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Sweden u fidiso Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay hormariso xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeyo dalal Yurub oo ay kamid tahay dowladda Sweden.

Dalka Sweden ayaa kamid ah waddamada beesha caalamka ee taageerada siiya dowladda federaalka, isaga oo ka qayb-qaatay mashaariicyada muhiimka ah ee laga fuliyo dalka.

Dowladda federaalka ayaa haatan wadda dadaallo kala duwan oo taageero caalami ah loogu raadinayo Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS), kaas oo maraya meel wanaagsan.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

Howlgal lagu laayay Al-Shabaab badan oo ka dhacay duleedka Xarardheere

0

Xarardheera (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen deegaan hoostaga degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig weyn oo ay Al-Shabaab ku laheyd deegaanka Baraag Gurgurrte oo dhanka galbeed ka xiga degmadaasi.

Qoraal kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu khaarijiyay in ka badan 33 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab.

“Howlgalka oo ka dhacay deegaanka Baraag Gurgurrte oo ahaa fadhigii ugu weynaa ee Khawaarijta ayaa waxaa fuliyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya, waxaana qasaaraha hordhaca ah ee saraakiisha xaqiijiyeen yahay 33 Khawaarij in lagu dilay howlgalka isla markaana taliskoodii iyo saanad ciidanku la wareegay” ayaa warka qoraal ah ee ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in howlgalka uu yimdi kadib markii ciidamada huwanta ay ka war heleen dhaq-dhaqaaq ay Al-Shabaab ka wadeen halkaasi, ayna ka hortageen.

“Howlgalka ayaa dhacay salaaddii subax ka dib markii ciidanku ka war heleen abaabul weerar oo cadowgu maleegayay” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wuxuu howlgalkan uu yimid, ayada oo xubnaha Al-Shabaab lagu jabiyay howlgallada ka socda koonfurta Mudug, taas oo keentay inay isaga baxaan deegaamada Dumaaye iyo Dabagale oo ay  ku lahaayeen saldhigyo milatari oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada.

Deegaanadaas ayaa waxaa ku dhawaawday ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo xalay ku hoyday deegaanka Bajeela ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo bandhigeen 6 kamid ah maxaabiis ay haysteen Shabaab oo ay ka rabeen madax furasho.

Koonfurta gobolka Mudug deegaano faro ku tiris ah oo ay ka mid yihiin, Caad, Dabagalo, Dumaaye, Miiroon iyo Jowle ayey ka joogtay kooxda Al-Shabaab, waxaana la soo werinayaa inay baneeyeen inta badan deegaanadaas oo ay isugu tageen Caad iyo aagga Shabeelow.

Maalmaha soo socda waxaa la sheegay in deegaanadaas ay ka bilaaba doonaan dagaallo cagta lagu marinayo kooxda, ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay ayaa ku diyaarsan deegaanada Bacaadweyn, Camaara iyo buuraha ku teedsan deegaanka Shabeelow.

Axmed KARAASH oo kasoo horjeestay DENI, lana saftay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Karaash ayaa kasoo horjeestay go’aankii uu xalay shaaciyay madaxweyne Saciid Deni oo sheegay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee qabashada doorasho qof iyo cod, uuna diyaar u yahay in la qabto doorashadii horay ugu soo caanamaashay Puntland ee xildhibaanada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ganafka ku dhuftay go’aankaasi, wuxuuna taas beddalkeeda la saftay xildhibaanada Golaha Wakiilada oo maanta ku darsaday hal sano oo dheeraad ah, iyaga oo ka duulaya bayaankii ay soo saareen Isimada Dhaqanka ee SSC.

Sidoo kale wuxuu Axmed Karaasha ku bogaadiyey Golaha Wakiilada ansixintii xalka ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka ee ku aadan xaaladda cakiran ee maamulka Puntland.

Waxa kale oo uu taageerey in Baarlamanka hadda jooga ay doortaan madaxweynaha cusub iyo Kuxigeenkiisa, marka la gaaro 8 Janaayo ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

“Waxaan u mahadcelinayaa Isimadii dhaqanka iyo guddiyadii weheliyey ee xalka kasoo saaray Arrimihii doorashada ee muranku ka taagnaa, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee ansixiyey xalkaas, aniga oo rajeynaya inay qabsoonto doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Madaxweynuhu inuu aqbalo in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaro qorshihii muranka dhaliyey waa ku mahadsan yahay”.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo saacada uun kadib markiimadaxweyne Deni uu shaaciyay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee aheyd doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu doorashada ku qabto waqtigeeda, iyada la raacayo nidaamkii hore.

Si kastaba, tallaabada baarlamaanka iyo go’aanka Karaasha ayaa weji kale usii yeelaya xiisadda, waxaana sidoo kale laga war sugayaa go’aanka madaxweynaha iyo xubnaha mucaaradka ee ku aadan arrimaha soo kordhay, kadib muddo kororsiga baarlamaanka.

Sawirro: Ruto oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa maanta waraaqadaha aqoonsiga ee danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalkaasi, Jabriil Ibraahim Cabdulle, kaas oo uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.

Munaasabad ka dhacday qasriga madaxtooyada Kenya ayaa danjire Jabriil looga gudoomay waraaqaha aqoonsiga, isaga oo haatan si rasmi ah guda-geli doono shaqadiisa.

Jabriil ayaa ah shaqsi galaangal xoogan ku leh dalka Kenya, ayada oo la filayo in uu dhaba wanaagsan u xaari doono xiriirka labada dowladood ee dariska ah.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Kenya ee beddalaya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo dhawaan soo afmeeray shaqadii diblomaasiyadeed ee Kenya, isaga uu ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi muddo shan sano ah.

Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle oo horay uga hadlay magacaabiistiisa ayaa u mahadceliyay madaxweyne Xasan, maadaama uu igmaday shaqo qaran oo weyn, isaga oo ballan qaaday inuu gudan waajibaadkiisa.

Sidoo kale wuxuu markaas ka hadlay xiriirka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo soo hadal qaaday mad-madowgii soo kala dhexgalay 5 sano ee lasoo dhaafay.

“Muhiimadda ugu weyn waxaa waayay xiriirka labada dal wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo 5-tii sanno ay u dambeysay uu iska xumaa, sabab badan oo aad la socotaan” ayuu yiri.

Si kastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa haatan cagta saaay waddo horay loogu sii qaaday oo xasilooni siyaasadeed ah, waxaana dhanka kale magacaabista Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle si wayn u soo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Kenya.