25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay agaasimihii hore ee VILLA SOMALIA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta wareegto soo saaray ayaa xil cusub u magacaabay agaasimihii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ninkan u igmday inuu noqdo Lataliyahiisa gaarka ah ee dhameystirka howlaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda, isaga oo kasoo mid noqday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka,

Sidoo kale wuxuu xoghaye guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeedka magacaabista Xuseen Sheekh ayaa lagu sheegay inay la xiriirto qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay dood ka taagan tahay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey mudnaanta uu siinayo dhammeystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka” ayaa lagu yiri wareegtada magacaabista ah.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud wuxuu soo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasab Sheekh 15-kii May ee sanadkii hore, wuxuuse xilkaas iska casilay horraantii bishii August ee sanadkan aynu ku jirno ee 2023-ka.

Sababa is casilaaddisa waxaa ugu weynaa doorashada Koonfur Galbeed, isaga oo isku soo taagay xilka madaxweynaha maamulkaas oo dhowaan loo tartami doono.

Si kastaba, magacaabistiisa ayaa loo arkaa mid muujineysa dadaalka weyn ee uu haatan madaxweynaha ku bixinayo Dastuurka oo la filayo inuu go’aan ka gaaro baarlamaanka.

Baarlamaanka Puntland oo sameystay muddo kororsi horleh kadib markii Deni uu…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah oo ku aadan xiisadda ka taagan maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Golaha ayaa iska diiday go’aankii madaxweyne Saciid Deni ee ku aadanaa in loo laabanayo nidaamka doorashadii hore, waxaana ay sameysteen muddo kororsi hal sano ah.

Xildhibaanada ayaa isla maanta meel-mariyay inay sannad sii joogaan, ayna soo dooran doonaan Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen, marka la gaaro 8-da Jaaayo 2024-ka.

Tallaabadan ayaa daba socota go’aankii shalay kasoo baxay guddiga isimada SSC- Khaatuma oo go’aamiyay in Baarlamaanka haatan jiro loogu daro 12 bilood, si ay iyagu u doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, loogana gudbo khilaafka ka jira Puntland.

Xubnaha baarlamaanka ayaa saaka loo qeybiyay go’aanka isimada SSC, iyaga intaas kadib meel mariyay muddo kororsi 12 bilood ah si ay sii shaqeynayaan.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in lifaaqa uu soo saaray madaxweynuhu uu yahay mid waqtigiisu kasoo dib dhacay, sidaas awgeedna ay iyagu la wareegeen go’aanka arrimaha doorashada, sida uu shaaciyay guddoonka golaha wakiilada Puntland.

Golaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in saacadaha soo socda lasoo magacaabayo guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, si loo guda galo doorashada.

Arrintan ayaa timid, saacada uun kadib markii uu madaxweyne Deni xalay shaaciyay inuu ka laabtay go’aankiisii hore ee aheyd doorasho qof iyo cod ah, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu doorashada ku qabto waqtigeeda, iyada la raacayo nidaamkii hore.

Si kastaba, tallaabada baarlamaanka ayaa weji kale u yeeleysa xiisadda, waxaana sidoo kale laga war sugayaa go’aanka madaxweynaha iyo xubnaha mucaaradka ee ku aadan arrimaha soo kordhay, kadib muddo kororsiga uu sameystay baarlamaanka Puntland.

 

Kenya oo SOOMAALIYA ka raali gelisay arrin xasaasi ah oo ku saabsan Somaliland

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib qoraal xasaasiyad abuuray oo baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka uu ku baahiyey Senator ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya.

Senatorka ayaa qoraalkaas uga hadlay kulan uu Nairobi kula yeeshay saraakiil ka socotay Somaliland, isagoo sheegay inay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa duulimaadyo toos ah oo Hargeysa to Nairobi ah.

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal raali gelin ah, isagoo cadeeyey in Kenya aqoonsan tahay midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa cadeeyey in dowladda Kenya ay Somaliland u aqoonsan tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku raali geliyey dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ay la jaanqaadeyso Midowga Afrika oo aqoonsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya wuxuu sharaxaad ka bixiyey xafiiska ay Somaliland ku leedahay Nairobi, kaas oo sida uu sheegay ka shaqeeya arrimo ganacsi oo Kenya aysan u aqoonsaneyn safaarad.

Qoraalka Xoghayaha ayaa xubnaha baarlamaanka Kenya lagu xusuusiyey in aysan awood u laheyn inay faro-geliyaan siyaasadda arrimaha dibadda Kenya, waxaana twitterka Senatorka laga saaray qoraalkii ay dhibsatay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacowday safiirka cusub ee Kenya, ninkaan oo horay u soo noqday musharax madaxweyne ayaa ku xeel-dheer diblomaasiyadda, waxaana la rajeynayaa inuu wax badan ka bedeli doono siyaasadda ay Kenya kula dhaqanto Soomaaliya.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aanka DENI

0

Garoowe (Caasimada Online) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay go’aankii uu xalay doorashada maamulka Puntland ka qaatay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayada oo ay si weyn usoo dhaweeyeen inta badan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Puntland.

Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in gebi ahaan uu ka laabtay go’aankiisii doorashada ee sida weyn loo diidanaa ee ahayd qof iyo cod.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa shaaca ka qaaday inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland.

“Waxaan rabaa anoo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan” ayuu yiri Siciid Deni.

Haddaba sidee looga falceliyay go’aanka madaxweyne Saciid Deni?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga hadlay arrintan, waxaana intooda badan ay boggaadiyeen madaxweynaha Puntaland.

Cali Catoosh oo kamid ah dadka ka hadlay go’aanka Deni ayaa yiri “Mudane Madaxweyne waad ku mahadsan tahay go’aanka aad qaadatay xilli adag”

Saciid Cabdi ayaa isuguna arrintan uga falceliyay “Waxaas wax la aqbali karo maahan madaxweyne!!”.

Maxamuud Sheexo ayaa yiri “Mudane madaxwayne waxa aad muujisay bisayl siyaasadeed, hufnaan iyo tanaasul aad u muujisay dadka iyo dalkaagaba guuleyso madaxweyne”

Suheyb Binu Seylici “Sagootin ha lo  sameeyo duqa, maadaama dadka iyo dalka uu  u turay”.

Idiris Cabdulqaadir “Go’aan geesinimo leh mahadsanid mudane madaxweyne, waxaan rajeenaynaa inay guddoonka baarlamaanka aqbali doonaan”.

Cabdiraxmaan Guudleed ayaa kasoo horjeestay in dib loogu laabto doorashadii hore “Waa wax laga xumaado runti in aan nabadoon iyo xildhibaan calooshiis u shaqayste ah in Puntland dib loogu celsho”.

Xasan Sheekh oo jawaab kasoo saaray go’aanka uu xalay ku dhowaaqay Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uga tanaasulay doorashadii qof iyo codka aheyd ee uu muddo ku dheganaa.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland, kadib markii, sida uu yiri, reer Puntland ay la qaada waayeen go’aankiisii ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal xalay kasoo baxay ku sheegay “inuu soo dhoweynayo miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin dhinacyada siyaasadda iyo go’aanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo lagaga gudbayo hubinti la’aantii muddadan ka jirtay arrimaha doorashooyinka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in go’aanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ay yihiin tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada, waxa uuna muujiyey sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland,

Al-Shabaab oo banneeyay saldhigyo ku yaalla MUDUG

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xubnaha Al-Shabaab ay ka baxeen saldhigyo milatari oo ay ku lahaayeen deegaano dhaca koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in kooxda ay ka baxday deegaamada Dumaaye iyo Dabagale oo ay  ku laheydn saldhigyo milatari oo ay kasoo abaabuli jirtay weerarada qorsheysan ee ay ku qaado ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in Al-Shabaab ay dareemeen cabsi xoogan, kadib markii ay ku dhawaadeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada gobollada dhexe.

Dhanka kale ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa xalay ku hoyday deegaanka Bajeela ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kusoo bandhigeen 6 kamid ah maxaabiis ay haysteen Al-Shabaab oo ay ka rabeen lacago madax furasho ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Mudug isugu geysay cudud ciidan oo aad u badan, halkaas waxaa horay ugu diyaarsanaa daraawiishta Galmudug iyo ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana gobolka laga dareemayaa guluf dagaal oo ka dhan kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer ku sugnayd halkaasi.

Koonfurta gobolka Mudug deegaano faro ku tiris ah oo ay ka mid yihiin, Caad, Dabagalo, Dumaaye, Miiroon iyo Jowle ayey ka joogtay kooxda Al-Shabaab, waxaana la soo werinayaa inay baneeyeen inta badan deegaanadaas oo ay isugu tageen Caad iyo aagga Shabeelow.

Maalmaha soo socda waxaa la sheegay in deegaanadaas ay ka bilaaba doonaan dagaallo cagta lagu marinayo kooxda, ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay ayaa ku diyaarsan deegaanada Bacaadweyn, Camaara iyo buuraha ku teedsan deegaanka Shabeelow.

Sawirro: 6 ka mid ah 11 qof oo Shabaab ay ka afduubteen beesha Sacad oo xalay…

0

Wisil (Caasimada Online) – Deegaanka Bajeela ee gobolka Mudug waxaa xalay lagu soo bandhigay 6-qof oo ka mid ahaa 11 qof oo labo sano ka hor ay Shabaab ka afduubteen duleedka degmada Wisil ee gobolka Mudug.

11-kaan qof oo Shabaab ay afduubteen sanadkii 2021-kii, waxay u dhasheen beesha Sacad ee Habargidir, waxayna kooxdu dalbatay xiligaas in beeshu ay ka baxdo dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab.

Beesha Sacad ayaa iska diiday dalabkii Al-Shabaab, waxayna u cadeeyeen in dagaalka aysan ka bixi doonin, iyagoo ku yiri “Sidaa doontaan ka yeela dadka aad maxaabiis ahaanta nooga heysataan.”

Labo sano kadib, xalay waxaa timid lix qof, waxayna sheegeen in shantii kale ay kooxdu dishay, dadka qaar waxaa la sheegay inay toos u dileen, halka dadka qaar ay baahi ugu dhinteen xabsigii Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dadkaan uga carartay saldhigyadoodii deegaanada Dabagalo iyo Dumaaye, kadib markii ay u adkeysa waayeen culeyska kaga yimid ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka.

6-da qof ee maxaabiista ah oo labo sano kadib u yimid dadkoodii, waxay sheegeen in Shabaab ay soo wajahday cabsi aad u badan, isla markaana ay isaga carareen inta badan deegaanadii ay ka joogeen koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa gobolka Mudug isugu geysay cudud ciidan oo aad u badan, halkaas waxaa horay ugu diyaarsanaa daraawiishta Galmudug iyo ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah.

Koonfurta gobolka Mudug deegaano faro ku tiris ah oo ay ka mid yihiin, Caad, Dabagalo, Dumaaye, Miiroon iyo Jowle ayey ka joogtay kooxda Al-Shabaab, waxaana la soo werinayaa inay baneeyeen inta badan deegaanadaas oo ay isugu tageen Caad iyo aagga Shabeelow.

Maalmaha soo socda waxaa la sheegay in deegaanadaas ay ka bilaaba doonaan dagaallo cagta lagu marinayo kooxda, ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay ayaa ku diyaarsan deegaanada Bacaadweyn, Camaara iyo buuraha ku teedsan deegaanka Shabeelow.

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Xamza ayada oo ay goobjoog ahaayeen inta badan golaha.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay guushii taariikhiga ahayd ee qaadista cuna-qabateynta hubka oo 31 sano kadib laga qaaday Soomaaliya.

Ugu horreyn golaha wasiirada ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha ammaanka ee QM ay cuna-qabataynta hubka ee saarnayd muddo 31 sano ah uga qaadeen dalkeenna, taas oo fursad u siineysa Soomaaliya in ay xaqiijiso ammaankeeda, isla markaana la ciribtiro kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha golaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan heleyso fursad muhiim ah oo ay hub waa weyn kusoo iibsan karto, sidoo kalena lagu qalabeyn karo ciidanka Xoogga dalka.

Intaas kadib waxaa shirka lagu soo qaaday arrimaha amniga dalka, la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda iyo roobabka daadadka ka da’aya dalka.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Ugu dambeyn waxaa kulanka lagu soo bandhigay warbixinno dhowr ah oo ay kamid yihiin saameynta roobabka daadadka wata ay ku yeesheen dalka iyo qiimeynta Qaran ee u diyaarsanaanta iyo la-dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacag dhaqidda.

Soomaaliya ayaa waxaa todobaadkii ugu dambeeyay usoo hoyday guullo waa weyn, sida ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrka, qaadista cunaqabateynta hubka oo ay Golaha Ammaanka u codeeyeen, sidoo kale waxaa haatan la sugayaa dhameystirka deyn cafinta.

MASAR oo ku dhowaaqday taageero cusub oo Somalia ah kadib go’aankii QM

0

Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka taageerayso dhanka amniga kadib qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu meesha uga saaray cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd sanadaha badan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in arrintaan ay muujinayso horumar la taaban karo oo dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dagaalka argagixisada iyo raadinta xasilloonida.

Waxay ku dhowaaqday in ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay dadaallada dowladda federaalka ee ay ku dooneyso xaqiijinta amniga iyo dagaalka Al-Shabaab.

Taageeradan ayaa la filayaa in ay saameyn faa’iido leh ku yeelato ammaanka iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

“Masar waxay kamid aheyd waddamada ansixiyay qaraarka Golaha Ammaanka ee meesha looga saaray cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saarnayd tan iyo 1992-kii.”

Hadalka Masar ayaa imanaya xilli ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay jiraan dalal saaxiib la ah Soomaaliya, oo diyaar u ah inay dalkeenna ku taageeraan hub, kadib qaraarkii QM.

1-dii bishaan ayay aheyd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeeyay in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cuna-qabateyntaas.

Go’aankaan ayaa waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay barnaamijyada dowladda federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasillinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah.

Si kastaba, Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud ee dalka.

Maxaa ka jira in haweeney 75 jir ah aano qabiil loogu dilay magaalada Laascaanood?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Laascaanood ka dhacay dhacdo hadal hayn dhalisay oo ku saabsan dil loo geystay haweeney da’ ah oo la sheegay in loo adeegsaday Midi.

Dhacdadaan ayaa horseedday muran ku saabsan in haweeneyda loo dilay aano qabiil, sida dadka qaar ay ku qoreen baraha bulshada, halka kuwa kalena ay sheegayaan in dilkaas uusan salka ku heyn aano qabiil.

Qaar ka mid ah ehelka haweeneyda la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in ninka dilka geystay uu ka xanuunsanaa dhimirka, iyagoo beeniyey hadalladii lagu baahiyey baraha bulshada oo sheegayey in aano qabiil loo dilay haweeneydaas aheyd 75 sano jir.

Cilmi Baashe oo Ayeeyo ay u aheyd haweeneyda dhimatay ayaa BBC u sheegay inuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee ka soo gaaray markii ninka xanuunsan uu tooreyda ku dhuftay haweeneyda.

Waxa uu sheegay in dhacada xanuunka badan ay ka dhacday magaalada Laascaanood, gaar ahaan guri ku yaalla xaafad lagu magacaabo Daami, dilkana uu geystay walaalkii oo sannadkii 1998-dii ka xanuunsaday dhimirka.

“Wiil aniga ila dhaashay oo waalnaa muddana ku xirnaa xarun dadka aan miyirka qabin lagu hayo oo ku taalla Laascaanood oo la yirahdo Manhal ayaa mindi meel taalay soo qaatay oo uu ku dhuftay, Marka qadartan ayaa dhacay,” ayuu yiri Cilmi.

Wuxuu sheegay in tooreyda uu uga dhuftay garabka, kadibna ay ku dhimatay isla goobta, kadib markii ay dhiig baxday.

“Markii ay dhacday ayaanu ku soo orodnay goobta, kadib ninkii waalnaa ee walaalkay ahaa ayaanu gacanta ku dhignay oo xirnay. Hadda xabsiga ayuu ku jiraa. Waxaan qorsheyneynay in aan dib ugu celino xaruntii lagu heyn jiray,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cilmi.

Xarunta Manhal oo ahayd meel lagu dabiibo dadka dhimirka ka xanuunsan ayuu sheegay inay shaqadii joojisay markii ay bilowdeen dagaaladii Somaliland iyo dadka deegaanka Laascaanood, maadaama dhismihii xarunta uu ku burburay madaafiic ku soo dhacday.

Daawo: Deni oo si lama-filaan ah ugu dhawaaqay go’aan doorasho oo xasaasi ah

0

Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa caawa qaatay go’aan xasaasi ah, isagoo cadeeyey inuu ka laabtay go’aankiisii doorashada ee sida weyn loo diidanaa.

Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ku dhawaaqay inuu ogolaaday in dib loogu laabto hanaankii doorasho ee ka dhici jiray Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa cadeeyey in go’aankaan uu qaatay kadib markii dadka reer Puntland ay la qaada waayeen go’aankiisii ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu soo saaray hanaan doorasho oo kii mucaaradku uu rabay ah, isla markaana uu u gudbiyey baarlamaanka.

Sidoo kale Deni wuxuu sheegay inuu soo magacaabo guddigii qaban lahaa doorashada, si ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyey.

Madaxweyne Deni oo careysan ayaa sheegay in lala qaaday waayey nidaamkii dimoqraadiga ahaa ee Puntland uu ka hirgeli rabay, kaas oo sida uu sheegay uu ku bixiyey waqti iyo dhaqaale badan.

Mucaaradka Puntland ayaa la filayaa inay war ka soo saaraan go’aanka uu caawa ku dhawaaqay madaxweyne Deni, maadaama ay mudo dheer u soo dagaalamayeen hanaanka uu caawa ogolaaday in doorashada Puntland loo qabto.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay inuu u damqanayo jiritaanka Puntland, isla markaana uu doonayo in doorashada Puntland aysan ka dabo marin bisha Janaayo.

Hoos ka daawo

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo koox Al-Shabaab ah oo caawa lasoo afjaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax culus iyo is-rasaaseyn ka dambeysay oo sababtay in lasoo afjaro xubno Shabaab ah ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Al-barako ee degmada Hodan.

Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa qarxisay tukaan lagu iibiyo qalabka gaadiidka oo ku yaalla Isgoyska Al-barako, kadib markii ganacsatada iska leh tukaankaas ay xirteen kaamirooyinka CCTV oo dolwaddu ay ku amartay.

Qaraxa kadib, ciidamada ammaanka ayaa baacsaday kooxdii qarxisay tukaanka oo wadatay Mooto Bajaaj.

Waxay ahaayeen seddax nin, sidoo kale mootadu waxay siday qarax kale, kaas oo fududeeyey in lasoo afjaro kooxdaas, kadib markii uu ayaga ku qarxay.

Kooxda ayaa isku dayday inay iska difaacdo ciidamada, waxay wateen labo bistooladood, mid ayaa la toogtay, midna waxaa la qabtay isaga oo dhaawac ah, halka kii waday mootada uu isku dayey inuu baxsado.

Rasaas badan oo lagu furay kadib, waxaa qaraxday mootadii, waxaana ku gubtay ninkii waday.

Saraakiisha ciidamada amniga ee aaggaas ka howlgelaya ayaa sheegay inay ku raad joogeen kooxdaan oo maalmihii lasoo dhaafay qalqal gelin amni ka waday gudaha Muqdisho.

Dukaankii ay qarxisay kooxdaas oo lagu iibinayey qalabka lagu dayac-tiro gaadiidka ayaa gabi ahaantiis gubtay, waxaana la waayey dab-demis u soo gurmada.

Maalmihii lasoo dhaafay ganacsatada Muqdisho ayaa wajaheysay weerarro uga imaanayey Al-Shabaab, waxaana la qarxiyey dhowr tukaan oo lagu xiray kaamirooyinka CCTV-ga oo dowladdu ay ku amartay ganacsatada.

Waxaa la xaqiijiyey in wax khasaare nafeed ah uusan ka dhalan qaraxii lagu gubay dukaanka, sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in raggii geystay qaraxaas labo la dilay, halna nolosha lagu qabtay.

Daawo Xasan: Dunida si aysan uga qoomameyn go’ankii taariikhiga ahaa waa in…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho uga qeyb-galay munaasabadda guusha taariikhiga ah ee qaadista cuna-qabateynta hubka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in madaxda Soomaalida laga rabo in ay masuuliyad iska saaran sidii looga soo bixi lahaa masuuliyadaha ka dhalanaya qaadista cuna-qabateynta.

Waxa uu ka dhawaajiyay in uusan dooneyn in berri aduunyadda ay ka qoomameyso in cuna-qabateynta hubka laga qaado, islamarkaana dunida tusna in ay ku saxnaayeen go’aankii 1-da bishaan December 2023.

“Qaadista cuna-qabateynta waxaa ka dhalatay masuuliyad cusub, dowladda Soomaaliya waxay yeelan doonta hay’addo cusub oo hadda dhalanaya oo waxay yeelan doonta madax cusub oo kale oo lakabyad dowladda kala duwan oo dhan, oo masuul ka noqon doon in maanta meesha ay joogaan kasii qurxiyaan habka maamulka hubka iyo rasaasta,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ma dooneyno in berri aduunyada ka qoomameyso oo nala yiraahdo maxaa kuwan cuna-qabateynta hubka looga qaaday, waxaa rabna aduunyada in berri tiraahdo in Soomaaliya cuna-qabateynta hubka laga qaado sax ayay aheyd.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ay qeyb ka tahay guusha maanta loo dabaal-degayo, ayna tahay in la sii xoojiyo dagaalkooda, maadaama uu yahay dagaalka dowladda iyo shacabka oo dhan.

“Dalka wuxuu u baahan dowlad mideysan oo leh awood, khibrad iyo waayo aragnimo ay wax ku qabato. Xukuumadda Dan-Qaran ee maanta dalka ka jirta waa xukuumad isku duuban oo wada socota,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Qof dhameystiran ma jiro meelo aan ka dhimanahay waan leenahay laakiin waxa qaba meelaha ducfiga ku leenahay waa meelo yar, oo waxa ka ballaaran meelaha xoogga, awooda iyo kartida ku leenahay.”

1-dii bishaan ayay aheyd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeeyay in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cuna-qabateyntaas.

Go’aankaan ayaa waxa uu muhiimad weyn u leeyahay barnaamijyada dowladda federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasillinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah.

Hoos ka daawo

Mareykanka oo lagu xukumay $50 bilyan oo ah magdhowga Qasem Soleimani

0

Tehran (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla Tehran ayaa ku xukuntay dowladda Mareykanka inay bixiso ku dhawaad $50 bilyan oo ah magdhowga dilka taliyihii ugu sarreeyay Iran ee ku dhawaad afar sano ka hor, waaxda garsoorka ayaa sidaas sheegtay maanta.

Madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump ayaa amar ku bixiyay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Baghdad, taasi oo lagu dilay Jeneraal Qasem Soleimani, oo 62 jir ahaa, iyo ku-xigeenkiisa Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis, 3-dii Janaayo 2020.

Maalmo kadib, Iran ayaa ku aargudatay inay gantaallo ku ridday saldhigyo ku yaalla Ciraaq oo xarun u ah ciidamada Mareykanka iyo xulufadooda. Ma jirin wax shaqaale Mareykan ah oo ku dhintay weerarada balse Washington ayaa sheegtay inay maskaxda ka gaareen dhaawac argagax.

Wakaaladda wararka waaxda cadaaladda Iran ee Mizan Online ayaa sheegtay in maxkamadda Tehran ay ku xukuntay dowladda Mareykanka $49.7 bilyan oo ah “magdhow maal, maskax iyo ciqaab” kadib markii ay dacwad gudbiyeen in ka badan 3,300 oo Iiraaniyiin ah.

Maxkamadda ayaa dambiyo ku heshay 42 qof oo ay ku jiraan Trump, xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, iyo xoghayihii hore ee gaashaandhigga Mark Esper, ayey tiri wakaaladda wararka Mizan.

Qasem Soleimani ayaa ahaa taliyaha guutada Qudus, oo ah garabka howlgallada arrimaha dibedda ee Ciidamada Kacaanka Islaamiga ah.

Waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu caansan dalka ee hormuudka ka ahaa hawlgallada Bariga Dhexe ee Iran, waxaana loo arkayay inuu ahaa geesi ka qayb qaatay dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-88.
Maxkamadaha Iran ayaa hadda riday xukuno dhowr ah oo ka dhan ah Mareykanka.

Bishii la soo dhaafay, maxkamad Irani ah ayaa ku xukuntay dowladda Mareykanka inay bixiso $420 milyan oo ah magdhowka dhibanayaasha howlgalkii dhicisoobay ee 1980-kii la doonayey in lagu soo furto dad lagu haystay safaaradda Mareykanka ee Tehran.

Bishii Agoosto, maxkamadda Tehran ayaa ka dalbatay Washington inay bixiso $330 milyan oo ah magdhowka “qorsheynta afgambi” dhacay 1980-kii oo ka dhan ahaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Xukunadaas ayaa waxaa dhanka kale dhinac socda xukuno balaayiin dollar ah oo ka dhan ah Tehran oo ay ridaan maxkamadaha Mareykanka.

Sanadkii 2016, Maxakamdda Sare ee Mareykanka ayaa xukuntay in hantida la hakiyey ee Iran ee Mareykanka laga bixiyo magdhowga weerarada ay Washington ku eedeysay Tehran, oo ay ku jiraan qaraxii 1983-kii lagu qaaday xeendaabka ciidamada Marines-ka Mareykanka ee Beirut iyo qarax 1996-kii ka dhacay Sacuudi Carabiya.

Tehran ayaa beenisay dhammaan mas’uuliyadda weeraradaas.

Daawo: Muranka ka taagan BF oo xoogeystay iyo Jeesow oo shaaciyay khalad weyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka hadlay kulankii maanta ee Baarlamaanka ayaa sheegay in qaladaad badan uu ku jiro xisaab xirka miisaaniyada dalka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo muran xooggan uu kua taagan yahay.

Jeesow ayaa sheegay in qaladaadka ku jira xisaab xirka uu kow ka yahay in uusan ku cadeyn ama laheynba saxiixii hanti-dhowrka iyo lifaaqiisa, islamarkaana uusan u qorneyn buugga xisaab xirka hanaan qoraaladeed la fahmi karo, uuna qoray qof deg-degsan.

“Maanta haddaan guddoomiye Baarlamaan ahaan lahaa ma qabteen sharcigan, guddoomiyaheen isaga haddii warqad yar lasoo qoro waa iska qabanayaa, sharcigaan ma fur-furna lamana fahmayo,” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow.

Sidoo kale waxa uu xusay in xisaab xirka uusan si qayaxan u sheegayn faah-faahinada kharashaadka dhaqaale, “Wax lifaaq ah oo buugga xisaab xirka ah ku jira oo la tixraaci karo ma lahan.”

“Xataa magaca dowlad-goboleedka Puntland waa qaldeen oo si qaldan ayuu u qoran yahay, marka waxaa mooda in xisaab xirkaan qof deg-degsan inuu qoray ayaa mooda, in baarlamaanka golihiisa la keeno ma aheyn wax qof deg-degsan qoray.”

Xildhibaanka ayaa waxa uu dalbaday in dib loo celiyo xisaab xirka miisaaniyada, ayna wasaaradda dib usoo fur-furto oo kharashaadka ku qoran si la fahmi karo loo faah-faahiyo, oo ay duuduub u liqi karin.

“Waxaad mooda in duuduub u liqa nala leeyahay, uma liqi karno waa liqi weynay oo kuwii kaa horeeyay ayaa liqi weynay kuwaana ma liqi karno. Buugan ha la soo fur-furo wax walba.”

Hoos ka daawo muuqaalka

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay guddi caalami ah

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku biirtay guddiga fulinta cimiladda Maaliyadeed ee Adduunka. Guddigan ayaa waxaa Soomaaliya si diirran ugu soo dhaweeyay ku biiritaanka xubnaha guddiga oo ka kooban illaa lix xubnood.

Kamid noqoshada guddiga ayaa lagu shaaciyay munaasabad wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Makhzumi ay kaga qeyb gashay Imaaraadka Carabka, shir looga hadlaayay isbedelka cimilada iyo caqabadaha xilligaan ka jira dalka ee ku aadan helida dhaqaalaha cimilada.

Wasiiradda ayaa waxay iftiimisay caqabadaha adag ee ay Soomaaliya kala kulanto helista dhaqaale ku filan cimilada, waxa ayna la wadaagtay qorshayaasha hiigsiga leh qaranka ee ku wajahan tijaabooyinka isbedel doonka ah.

“Howl-wadeennada Maaliyadda Cimilada, oo ay Soomaaliya ku jirto, waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan tallaabooyin wadajir ah oo dib loogu qaabeynayo muuqaalka Maaliyadda cimilada adduunka.”

Wada-shaqeyntan ayaa waxay ujeedadeedu tahay in la jebiyo caqabadaha, in la kobciyo hal-abuurnimada iyo in la sameeyo xalal wax-qabad leh oo waddamada wajahaya caqabadaha cimilada u noqda samata-bixin.

Soomaaliya ayaa waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-Niño, waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka.

Xog: Ajaaniib ka tirsan Al-Shabaab oo lagu weeraray gobolka Jubbada Dhexe

0

Bu’aale (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay xalay diyaarado dagaal ka gaysteen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo xarumo ku yaalla gobolkaasi.

Duqeynta oo aheyd mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay magaalooyinka Bu’aale iyo Saakow oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lala eegtay saraakiil ajaaniib ah oo ka barbar dagaalameysa kooxda, kuwaas oo xogtooda la helay, kadibna la beegsaday.

Sidoo kale waxaa duqeynta lagu halakeeyay xarumo kale oo ku yaalla magaalooyinkaasi, isla markaana ay ku jiraan meelo ay qaraxyada ku kaydsadaan xubnaha Al-Shabaab.

Waxaa aad u adag in la helo khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah, maadaama aan xog badan laga heli karin dhulka Al-Shabaab oo ay cabsi badan ka qabaan shacabka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo dalalka kale ee ka taageera howlgallada dhanka cirka ah ee Soomaaliya.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii  diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn gantaallo ku garaacday guri ku yaalla degmada Jilib, ayna ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan Shabaab.

Si kastana, muddooyinkii dambe ciidamada huwanta oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Muqdisho: 450 qof oo lagu soo qabtay howlgal + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Hodan ee gobobolka Banaadir, kaas oo lagu soo qabtay illaa 450 qof, sida uu shaaciyay Taliska Qaybta Waliyow Cadde.

Howlgalkan oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xasilinta Caasimada, kuwa Haramcad iyo Booliska degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Waliyow Cadde Gaashaanle Daa’uud Axmed Caraale oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay howlgalkanm wuxuuna sheegay in ujeedka u ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, daroogada iyo ciyaal weerada dhibaatada ku heysa shacabka.

“Waxaan howlgal ballaaran oo wadajir ah ka sameynay Qaybta Waliyow Cadde, gaar ahaan degmada Hodan, waaxda Taleex howlgalkaas oo aan ula jeednay inaan ku xaqiijino amniga, lagu baaraayo guryaha, lagu raadinaayo Garan-waaga,lagu raadinaayo daroogada iyo dhammaan wixii dhibaayo Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in lasoo aruuriyay dad gaaraya illaa 450 ruux, isla-markaana laga soo dhex qabtay saddex qof oo uu sheegay inay ka shakiyeen, kuna haayaan baaris.

“Waxaan isku uruurinay dad gaaraya 450 qof waxaan ka dhex qabanay illaa saddex ruux oon ka shakinay. Iyagana aan sii baari doono, haddii uu Ilaah yiraahdo” ayuu yiri Gaashaanle Daa’uud Axmed Caraale.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu sugayo amniga ee haatan ka socda magaalada Muqdisho, si looga hortego weerarada Al-Shabaab.

Waxab rabnaa in howlgalkan uu noqon mid istaaga, waxaana ku dadaali doonaan inaan horay usii wadno” ayuu mar kale yiri Taliyuhu.

Maalmihii u dambeeyay waxaa gudaha caasimada ka dhacayay qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha ganacsiga, gaar ahaan kuwii u hoggaansamar amarka dowadda ee xarumhooda ku xiray kaamirada qarsoon ee loo yaqaano CCTV.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal dib uga qarxay Sh/Dhexe

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo gelinkii dambe Talaadadii ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa deegaanada Qailimow iyo Bacaadley oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu daba socdo muran ka dhashay dhul beereed ku yaalla halkaasi oo ay isku qabteen laba beelood oo kasoo kala jeeda deegaanadaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Bacaadley oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in boob lagu hayo beerahooda, lagana dhaawacay hal wiil.

“Beeraha makiino ayay keenaayaan, waana xadaayaan habeenkii, aniga hal wiil ayaa iga dhaawacmay oo loo qaaday Jowhar” ayuu yiri guddoomiyaha deegaanka Bacaadley.

Sidoo kale Abuukar Maxamed oo kamid ah waxgaradka deegaanka Qalilmow oo isna la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in duulaanka lagu soo qaaday, loona adeegsaday hubka dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Abuukar ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dagaalkii shalay looga dhaawacay ugu yaraaan laba qof oo ay soo gaartay waxyeelo halis ah.

“Annaga maanta waa nalagu soo duulay, ciidan fara badan ayaa naloo adeegsaday laba qofood ayaa naga dhaawacantay oo dhaawac culus ah” ayuu yiri Abuukar Maxamed.

Waxaa kale oo uu farriin u diray maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka codsaday inay soo farageliyaan xiisadda dagaal ee ka taagan halkaasi.

“Waxaan dalbaneynaa in maamulka gobolka uu arrintaan soo farageliyo ama uu soo diro guddi xaqiiqo raadin ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyo, kuwaas oo dib u dhigay horumarkii gobolkaasi, waxaana loo waayay in loo helo xaal waara.

Maxaad kala socota guusha weyn ee SOOMAALIYA ay gaareyso 13-ka December?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Markale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiska jooga waxaana loo xisaabinaya waxyaabaha waari doona ee u qabsooma muddo xileedkan cusub.

24-kii bishii lasoo dhaafay ee November, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa nasiib u yeeshay inuu Soomaaliya ku biiriyo Dalladda Bulshada Bariga Afrika. Inkasta oo ay muddo soo jiitameysay isku-deyga Soomaaliya ee ku biirista ururkaan, haddana shaqadii uu ka qabtay madaxweyne Xasan Sheekh 18-kii billood u dambeysay iyo saaxiibtinimada uu siiyay dalalka Uganda, Kenya iyo Tanzania oo saameyn badan ku leh ururkaan ayaa wax badan caawisay.

Maadaama ay ku biiristan weligeed jireyso waa mid kamid ah guullaha waara ee loo diiwaan-geliyay muddo xileedkiisa cusub oo laba sano u dhamaanin.

1-dii bishan December oo Jimcihii lasoo dhaafay ku beegneyd wuxuu markale xaqiijiyay madaxweyne Xasan Sheekh natiijadii labaad ee waxqabadka waara, waana inuu dalka gaarsiiyay in laga qaado cuna-qabateyntii hubka ee saarneyd 31 sano.

Guushaas oo wax ka tari doonta dhismaha ciidan qaran, in laga adkaado argagixisada iyo in qarannimada dalka ay kaamil noqoto.

Arrinta saddexaad ee la sugayo dhawaan waa deyn cafinta, 13-ka bishan aynu ku jirno ee December shirka hay’adda lacagta adduunka ee IMF waxaa tagi doona madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqi doona in guud ahaan deyntii laga cafiyay Soomaaliya.

Waa guul kale oo waari doonta, waxay noqon doonta 20 cisho gudahood in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay xaqiijinayso saddex arrimood oo kabaya dhaqaalaha, amniga iyo cilaaqaadka dalka.

Arrimahan waxaa loo yaqaana guullaha waara, waa in dowladnimada meeshii ugu timid iyo meesha uga tageyso inuu farqi u dhaxeeyo waana inay jiraan waxyaabo la magacaabi karo oo hirgalay intii aad xilka joogtay, kuwaasi oo ah waxyaabaha aan adiga hore ku raaceyn ama nolol maalmeedka la xiriira.

13-ka bishaan madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhalinaya goolkiisa saddexaad ee guulaha waara, waana mid kamid ah sababaha Xasan Sheekh loogu yaqaano inuu yahay hoggaamiye ku fiican ka gun-gaarida arrimaha waaweyn ee dhabta ah.