25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Daawo: Hooyo Somali ah iyo labadeeda gabar oo iibinaya kilyahooda kadib markii…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hooyo Basro Haybe Xasan oo ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa maanta tegtay isbitaalka guud, si ayada iyo labadeeda gabdhood loogu sameeyo qaliin dhanka Kilyaha ah,kadibna usii iibsadaan.

Hooyadaan Soomaaliyeed ayaa soo bandhigtay dhibaato adag oo ay wajahayaan qoyskooda kadib markii wiil yar oo ay dhashay lagu xiray dalka Liibiya, isla markaana laga rabo lacag madax furasho ah oo aad u fara badan, taas oo ay sheegtay in qoys ahaan aysan awoodin.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in arrintaas darteed ay go’aansadeen inay iibiyaan Kilyahooda, balse uu ka diiday isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

“Saaka isbitaalka guud ee Hargeysa ayaan imid, waxaan ugu talagalay inaan labadeydaan hablood Kilyaha uga saaro inanka dabeedna aan ku furdaamiyo howshaas, laakiin isbitaalkii waa iga diiday, waxayna igu yiraahdeen howshaan lama geli karo” ayay tiri Hooyo Basro.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Labada gabdhood inaan qalo, xittaa aniga is qalo oo saddexdeena is qalno, kolba say u dhacdo ayaan diyaar u nahay, laakiin waa naga diideen”.

Hooyo Basro Haybe Xasan oo hadalkeeda sii wada ayaa ka hadashay xaaladda wiilkeeda, waxayna sheegtay in iyada oo muddo la’ayd uu dhowaan uu lasoo hadlay, isaga oo uu haysto Magafaha dalka Liibiya, isla markaana laga jabiyay labada lugood iyo gacmaha

“Inankaan muddo dheer ayuu iga maqnaa warkiisa waan la’aa, kii oo lugta laba meelood ka jaban, gacana ka jaban ayuu xero Liibiya jiifaa” ayay mar kale tiri Hooyo Basro Haybe.

Ugu dambeyn waxa farriin cod dheer ah u dirtay dadka Soomaaliyeed, ayadoo ka dalbatay inay soo caawiyaan, una gurmadaan wiilkeeda yar ee ku dhubaateysan dalka Liibiya.

“Islaamka Ilaahey waxaan ka codsanayaa inay isoo caawiyaan oo ilmahaas yar iigu soo naxariistaan” ayay Hooyo Basro Haybe Xasan kusoo gabagabeysa hadalkeeda.

Aqriso: DF oo soo saartay bayaan 26 qodob ah iyo arrimaha looga hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban 26 qoddob, kaasi oo lagu faah-faahiyay waxqabadka dowladda ee warbixinta toddobaadlaha ah.

Bayaankan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo qaatay howl-galladii u dambeeyay ee dagaalka Al-Shabaab iyo arrimo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka.

Hoos ka aqriso qoddobada ku jiray bayaanka dowladda;

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayey go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka uga qaadey Soomaaliya.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ku soo laabtey kadib markii uu dalka Isutagga Imaaraadka Carabta kaga soo qeybgaley shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28).

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka isbeddelka cimilada ee COP28 ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo roobabka El Nino.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan guusha qaadista cunaqabataynta hubka, waxaana uu sheegay in wax badani ka tari doonto ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga dalka.

5- Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, iyo madax kale ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ah ee dalka looga qaaday cunaqabteynta hubka

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la kulmay culimada Soomaaliyeed ee magaalada Kismaayo, ayaa kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin la dagaallanka iyo fikirka lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo dowlad wanaagga.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binni’aadamnimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Af Madow ee gobolka Jubbada Hoose.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ayaa ka hadley waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda Dan Qaran iyo halka la hiigsanayo.
9- Shacabka magaalada Muqdisho ayaa sameeyay banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo guusha qaranka ee qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Mudane Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa la kulmay guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) oo Muqdisho u yimid si ay ula kulmaan Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo ATMIS.

11- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo hay’addu ka nadiifisay Khawaarijta dilalka iyo dhaca ku heysay ganacsatada Soomaaliyeed.

12- Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar Dr Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa dalka Sacuudiga wadahadal kula yeeshay mas’uuliyiinta dalkaasi.

14- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah ganacsatada dhoofisa kalluunka.

15- Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga la Socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay dardar galinya hawlaha dib u eegista dastuurka ku meel gaarka ah.

16- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Khawaarij tiradooda gaareysa 60 ku dilay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

17- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ayaa laba doonyood waxa ay kala wareegtay Hey’adda Zamzam Foundation iyo Bankiga IBS ee Soomaaliya.

18- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka oo deeq raashin ah kala wareegtay Hay’adda Bisha Cas Turkiga.

19- Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka ee SODMA ayaa deeq gargaar ah gaarsiiyay qoysas ku sugan Lafoole oo ay soo barakiciyeen daadadka ka jira dalka.

20- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka qayb galay shirka Axdiga ka hortagga musiibooyinka kaas oo daba socday Shirka Isbedelka Cimillada ee ka socda dalka Isutagga Imaaradka Carabta.

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa degmada Ceeldheer ee gobolka Galguduud ku dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

22- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo xoogagga deegaanka ayaa hawlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa burburiyay xarunta diiwaan gelinta Khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah uga qaadi jireen oo ku yaallay gobolka Bay.

24- Ciidanka Xoogga Dalka ee fadhigoodu yahay magaalada Buurdhuubo ayaa howlo samata-bixin ah u sameeyay shacabka ay saameeyeen fatahaaduhu.

25- Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaano ka tirsan gobolka Baay ka sameeyey howgallo ka dhan ah Khawaarijta.

26- Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka deegaanka ayaa hawgalo lagu baacsanayo Khawaarijta ka fuliyay bariga Galgaduud.

Villa Somalia oo shaacisay natiijada safarkii Xasan Sheekh ee Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku gaaray dalka Isug Tegga Imaaraadka Carabta, kaas oo uu soo gabagabeeyay xalay oo uu kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Villada ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu kasoo qayb-galay shirkii caalamiga ahaa ee isbeddelka cimilada (COP28) oo lagu qabtay Abu Dubai, kaas oo ay Soomaaliya qayb ka ahayd, madaxweynahana uu ka jeediyay khudbad xasaasi ah.

Sidoo kale Viila Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka soo qeyb-galay shirkaas, kuwaas oo uu kala hadlay saameynta xooggan ee isbeddelka cimilada oo dalkeennu uu safka hore kaga jiro dalalka ay dhibaatada ugu badan ay ka soo gaartay.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale  inta uu ku sugnaa Dubai waxa uu dadaal ku bixiyey in taageero iyo garab istaag loo helo howlaha gurmadka iyo samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka ka dhashay fatahaadda El-nino.

Waxaa kale oo oo bandhigay baaxadda dhibaatada ka dhalatay iyo tallaabooyinka ay qaadday dowladdu, sida ay qoraalkeeda ku sheegtay Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan la filayaa inuu sii amba qaado howlaha shaqo ee horyaallo, waxaana ugu muhiimsan arrinta wax ka beddalka dastuurka oo uu hadda si weyn ugu howlan yahay, waxaana la filayaa in arrintaan uu go’aan ka gaaro baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Xasan Sheekh uu sii dardargeliyo wajiga labaad ee dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaano horleh.

Si kastaba, Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya wuxuuna madaxweynuhu ku tegay dhowr safar oo kala duwan, kadib dib u doorashadiisii 15-kii bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2022-kii.

 

 

Xog: Kulankii Saciid Deni iyo Isimmada SSC-Khaatumo oo fashil kusoo dhamaadey

Garoowe (Caasimada Online) – Isimmada SSC-Khaatumo ee hormuudka ka ahaa xalinta khilaafka ka taagan doorashooyinka Puntland ayaa shalay kulan la qaatey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ee muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay maalmaha kooban.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Isimadda SSC-Khaatumo ayaa madaxweynaha u direy guddi kaas oo sidey hal fariin oo ah: haddii aan nahay isimmada, culimada iyo bulshada kale waxaan rabnaa in aan ku dhawaaqno xalka doorashada, sidaas darteed ka hor inta aanan ku dhawaaqin waxaan madaxweyne kaa codsaney in aad noo qoor-dhiibato, haddii aad noo qoor-dhiibato oo aad ku kalsoonaato go’aankayagu ma noqon doono mid kuu darnaan doona.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystey inta aanu qoor-diiban in loo sheego go’aanka lagu dhawaaqi doono, taas oo isimmadu madaxweynaha uga jawabeen in qoor-dhiibashadu aysan sidaas u shaqeyn, laakiin uu niyadda kheyr u sheego oggolaado in uu bixiyo kalsoonida.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diidey in uu qoor-dhiibto, waxaana uu ku yiri Isimmoow dhaqan ayaad tihiin, waxaan waa siyaasad waxay u baahan tahay shuruuc, sidaas darteed isaga baxa anniguna idinkuma kalsooni in aad taladeyda idinku wareejiyo. Isimmada ayaa xusuusiyey Madaxweynaha in wakhtigiisi dastuuriga ahaa dhamaad yahay, loona baahan yahay xal.

Waxaa hadda shir u socdaa Isimmada SSC-Khaatumo kaas oo ay isku wargelinayaan, waxaa la sugayaa 24 saac ee soo socota in ay ku dhawaaqaan go’aanka.

Horey waxaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ugu gacan sayrey Isimmada Puntland oo ugu horeeyo Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxa uu ka tala diidey Culimada Puntland oo uu hoggaaminaayo Sheekh Daahir Sheekh Cabdi, sidoo kale waxa uu diidey taladii ganacsatada Puntland ugu waaweyn oo ay hoggaamineysey Rugta Ganacsiga Puntland.

Kalfadhigii baarlamaanka waxaa ka dhiman afar maalmood oo keliya, Xeerkii doorashada qof-iyo-cod ma haysto madaxweynuhu oo banaanka baarlamaanka ayuu ku qoyey, ma jirto sifo sharci ah oo uu ku dhaafi karo 8 Janaayo ilaa hadda iyo nooc doorasho oo la isla oggol yahay, waxaana xaaladda Puntland uu ka dhigey hubanti la’aan aan jiho iyo jid lahayn.

Wararkii ugu dambeeyey ee dhallinyarada Soomaalida ee ku dhibaateysan Ruushka

Moscow (Caasimada Online) – Waxaa xarumo ku yaalla magaalooyin ka tirsan dalka Ruushka lagu hayaa dad Soomaali ah, kuwaas oo laga soo qabtay xadka ay wadaagan dalalka Ruushka iyo Finland, waxaana tiradooda lagu sheegay ilaa 62 qof oo siyaabo kala duwan ku galay dalkaas.

Sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo laga qabtay xudduudda dalalka Poland iyo Belarus oo ku jira xabsiyo ku yaal dalalkaasi.

Todobaadyadii lasoo dhaafay waxa aad u kordhay qulqulka tahriibayaash doonay in ay gaaran dalalka Yurub ayga oo ka talabaayo dalka Ruushka.

Hay’adda Midowga Yurub u qaabilsan xuduuda ayaa sheegtay in ay u diri doonto Finland saraakiil iyo qalab xoojin ah si ay uga caawiyaan booliska xuduudeeda ee dalkaasi qulqulka muhaajiriinta imanaya dalka oo ay ku eedayeen in uu ka danbeeyso Ruushka .

Ku dhawaad 600 oo muhaajiriin ah oo aan haysan fiisaha saxda ah iyo dukumentiga ayaa bishan oo kaliya gaaray dalka Finland kuwaas oo ka kala yimid dalalka Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq, Suuriya, Yemen, Kenya, iyo Marooko.

Dawladda Finland ayaa xirtay afar ka mid ah meel ugu mashquulka badan ee dadka soogalootiga magangalyo doonka ah ay ka gudbayeen ayada oo shaacisay in ay jiraan ilaa 400 oo qof oo kale kuwaas oo ku sugan xaduudka labada dal doonayana in ay soo galaan Finland .

Sii hayaha safaaradda Soomaliya ee dalka Ruushka, Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame oo BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay dhibaatada dadka Soomaliyeed ku haysata xadka dalalka Belarus iyo Poland ay ahayd mid in muddo ah jirtay, balse tan hadda ka taagan xadka Ruushka iyo Finland ay tahay mid dhawaan soo bilaabatay.

Wasarradda arrimaha gudaha Ruushka ayuu sheegtay inay kala shaqeynayso sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dadka Soomaliyeed ee lagu hayo xarumaha kala duwan ee ku yaal dalkaasi.

“Dadku labo qeyb ayay isugu jiraan, kuwa kusoo galay si sharci ah oo ku yimid fiisaha dalka Ruushka, balse la qabtay ayaga oo ka gudbay xadka Finland, iyo kuwa Belarus ka yimid oo sharci darro Ruushka ku joogay xadka laga qabtay kuwaas oo kale maxkamadda ayaa la saaraa, saddex bilood ilaa lix bilood ayaa lagu xukumaa, nasiib wanaag waxaan wasaarradda arrimaha gudaha Ruushka isku afgaranay in aan dadka danbiga loo ciqaabin” ayuu yir sii hayaha Safaarada Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka Soomaliyeed ay marka hore visa dalxiis ah ku imaadan dalka Ruushka kadibna ay bilaabaan in ay uga sii gudbaan dalalka kale Yurub .

“Bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa la bilaabay waddo cusub oo dadka ay maraan taas oo ah tan finland, dadka waxaa ay ka kala imaadan dalalka Soomalidu ay joogaan oo ay ka mid tahay Itoobiya, Kenya, dalalka Carabta iyo walba Soomaaliya “ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Cabdullaahi Xaaji Daa’uud Warsame, sii hayaha safaaradda Soomaaliya ee Ruushka waxaa kale oo uu  sheegay in ay jiraan qaar ka mid ah dhalinyaro oo ay ka sii daayeen xabsiyada dalkaasi .

“Sanadkaan waxaan kasoo daynaya xabsiyada iyo xarumo ciidan oo ku yaal xadduudaha u dhaxeeya Poland iyo Belarus dhalinayro Soomaliyeed oo gaaraya ilaa 28 kuwaas oo xataa baasboorradii ay wateen ay ka lumeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhalinayarada kale ee ku xiran Belarus

Mid ka mid ah dhalinyarada Soomaliyeed ee wax ka barta dalka Belarus oo magaciisa kusoo koobay Xirsi ayaa shaagay in xadduudka dalalka Ruushka iyo Belarus ay soo gaaran dhalinayaro Soomaliyeed oo isugu jira gabdho iyo wiilal kuwaas oo qaar ka mid ah dib loogu celiyay Soomaaliya halka kuwa kalna ay xabsiga ku jiraan .

“Waxaa jira dhalinayaro Soomaaliyeed oo halkaan ku dhibaateysan oo qaar xabsi ay ku jiraan kuwa kalna isbitallada jiifaan, xataa waxaa jirta gabar halkaan ku dhimatay aan ku aasnay “

Waxaa lagu jiraa xilliga qaboobaha dalalkaas waxaan dadka tarhiibayaash ah ay wajahayaan dhibaatooyin badan oo qaboowgu ka mid yahay .

“Dadka qaar aya gacamaha laga jaray markii qaboowga uu saameeyay ilaa sadex gabdhood ayaa isbitaalka jiifa, 16 wiilna xabsiga ayay ku jiraan” ayuu yir Xirsi.

Ardayda Soomaliyeed ee dalkaasi ayuu sheegay inay ka gacan siinayan ciidanka sidii dadka Soomaliyeed wata baasboorada dalka dib loogu celin lahaa, isaga oo xusay in ilaa 38 qof sanadkan dowladda Belarus ay dib ugu celisay Soomaaliya .

“Qofkii dukuminti wata dowladda waa ay celisaa oo Soomaliya ayaa loo celiyaa, laakiin waxaa jira kuwa u baahan in lasoo caddeeyo in Soomaali yihiin iyo in kale si dalka dib loogu celiyo,” ayuu yir Xirsi oo ah arday wax ka barta dalka Belarus.

Dadaallo ka socda Poland oo la doonayo in lagu sii daayo Soomaalida halkaasi ku xiran

Cilmi Axmed Cabdi oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Poland ayaa sheegay xeryo ku yaal dalkaas lagu hayo in ka badan 20 qof oo Soomali ah kuwaas oo doonayay in ay gaaran dalalka kale ee Yurub balse ay qabteen ciidanka waddankaas ayna hadda wadaan dadaallo lagu sii daynayo, waxaan uu xusay in dalka Poland uu dhawaan soo gaari doono Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub.

“Waxaa jira dhowr iyo labaatan qof oo Soomaali ah oo ku jira xeryo ku yaal dalka Poland,waxaan rabnaa in aan arrintooda galno Safiirka Soomaaliya ee Belgiumka” ayuu yir Cilmi.

Boqollaal qof oo muhajiriin ah aya sanad kast gala dalalka Yurub kuwaas oo cararay colaadaha ka jira dalalkooda ama baadi goobaya nolal ka wanagsan tii ay ku haysteen wadamadooda ayga oo wajaha dhibaatooyin badan inta ay ku jiraan safarka.

Wiil iyo Abtigiis oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

0

Rustenburg (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah lagu dilay gudaha magaalada Rustenburg ee gobolka North West, kuwaas oo kamid ahaa Soomaalida ganacsiga u tegay halkaasi.

Ragga la dilay oo labo ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Warsame iyo Cabdiraxiim Xasan Cali, kuwaas oo ay dileen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah.

Sidoo kale labada marxuum ayaa kala ahaa Wiil iyo Abtigiis sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Soomaalida ee ku baxay dilkooda.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumiinta oo ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla xaafad hoostagta magaalada Rustenburg ee dalka Koonfur Afrika ay rasaas ku fureen rag hubeysan oo burcad ah, kuwaas oo goobta ka baxsaday, kadib toogashada wiilashaasi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda gobolka waqooyi galbeed ee dalkaasi Mustafa Shirwac Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in marka hore ganacsatadaas Soomaaliyeed uu soo gaaray dhaawacy, balse ay mar dambe ku geeriyoodeen gudaha isbitaalkii loola cararay.

Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka.

Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda kasoo baxday baaritaanka la sameeyay ma jirto, sida ay sheegeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi.

Weerarkan lagu beegsaday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ayaa soo kordhiyay cabsida ay wajahayaan ganacsatada kale ee ku dhaqan magaalooyinka waa weyn ee waddankaasi.

Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhaya dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi.

Si kastaba, Ma jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

Dhageyso: Maxaa ka jira inay soo noolaanayaan kooxihii Burcad-badeeda Soomaalida?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Toddobaadkan waxaa soo korortay cabsi laga qabo inay dib u soo noolaadaan kooxihii burcad-badeedda Soomaaliya, kadib markii xeebaha Soomaaliya ay dhowaan ka dhaceen weerarro lagu beegsaday maraakiib iyo doomo marayey biyaha Soomaaliya.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegay inay soo furteen doon kalluumeysi oo dhawaan lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, doontaas waxaa laga lahaa dalka Iran.

Ciidamada Midowga Yurub eek a howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa 22-kii bishii hore sheegay in doontaas oo lagu afduubtay xeebta magaalada Eyl ee Puntland ay soo furteen kuna wareejiyeen ciidamada badda Soomaaliya.

Dhacdo labaad oo afduub ah ayaa laga soo weriyey xeebta degmada Qandala ee Puntland, sidoo kale Iran ayaa iska laheed doontaas kale ee la afduubtay, waxaana marki hore loo maleynayey inay afduubteen kooxo Xuutiyiin ah.

Ciidamada Mareykanka ayaa 26-kii bishii hore qabtay shan qof oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyey burcad badeednimo, kadib markii ay weerareen Markab marayey biyaha gacanka Cadan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in markii hore loo qaatay in raggaasi ay yihiin kooxda Xuutiyiiinta ah ee ka dagaalanta Yemen, balse dib laga ogaaday inay Soomaali yihiin.

Dhacdooyinkaan waxay dib u soo abaabuleen cabsi laga qabo inay soo noolaadaan kooxihii burcad-badeeda Soomaalida ee laga taqalusay, isla markaana ay ku baahaan xeebaha badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wasiirka dekedaha Puntland Axmed Yaasiin oo la hadlay barnaamijka Galka Baarista ee VOA ayaa sheegay in falalkaan ay dhacaan inta badan markii ay xeebaha Soomaaliya ku soo bataan doonyaha iyo maraakiibta sameynaya kalluumeysiga sharci darro ah.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintsan aysan dhayalsa doonin, maadaama ay jiraan dadka ku dhex dhuunta cabashada ka imaaneysa kalluumeysatada, kuwaas oo soo qabta ajaanibta, sida ay madax-furasho u helaan.

Hoos ka dhageyso barnaamijka Galka Baarista ee VOA oo ku saabsan arrintaan

Daawo: Askari Muqdisho ku toogtay haweeney da’ ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta la hor-geeyey askar ka kala tirsan NISA iyo Booliska oo loo heysto dil haweeney waayeel ah loogu geystay banaanka hore ee saldhigga booliska degmada Waaberi, halkaas oo dacwo ay u tagtay.

Axmed Maxamed Ibraahim oo ka tirsan dharcadda NISA ayey ka bilaabatay shaqaaqadaan oo 14-10-2023, Axmed ayaa tegay saldhigga, isagoo raadinaya wiil lagu soo xiray oo la dhashay gabar uu xiriir jaceyl kala dhexeeyey Axmed.

Intaas kadib Axmed oo doonayey inuu gudaha u galo saldhigga ayaa waxaa u diiday booliska, wuxuuna soo watay saaxiibadiis oo dharcad kale ahaa.

Intaas kadib booliska saldhigga iyo dharcadii NISA ayaa isku rasaaseeyey banaanka hore ee saldhigga, waxaana kaamirooyinka CCTV laga arkay Cabdulqaadir Maaday oo booliska ka tirsanaa oo toos u tooganaya haweeney da’ ah.

Rasaasta waxaa la sheegay inay markii hore bilaabeen xubnaha NISA oo doonayey inay xoog saldhigga uga furtaan wiil lagu soo xiray oo ku eedeysnaa inuu yahay ciyaal-weero.

Hooyo Faadumo Cabdi Maxamed oo halkaas ku geeriyootay waxay ka mid aheyd xubnihii saldhigga ka soo doonay wiilka loo heystay inuu yahay ciyaal weero.

Dhamaan xubnihii ku lug yeeshay shaqaaqadaas eek a kala tirsanaa Booliska iyo NISA ayaa maanta la hor geeyey maxkamadda ciidamada, si loogu ciqaabo ninkii dilay haweeneydaas.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayaa soo bandhigtay eedeymaha raggaas oo wata cadeymaha wixii ka dhacay banaanka hore ee saldhigga degmada Waaberi, waxaana muuqaalka laga arki karaa askariga toogtay haweeneyda.

Maxkamadda ayaa maanta dhageysatay kiiskaan, xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay eedeymaha iyo dalabkooda la xiriira xukunada ay doonayaan in la marsiiyo askartii is rasaaseysay, waxayna maxkamadda dib u dhigtay ku dhawaaqidda xukunkaan.

Hoos ka daawo

Somaliland oo gaadiid dagaal iyo saanad ciidan geysay Sool

0

Hargeysa  (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Soomaaliya ayaaa sheegaya in weli Somaliland ay dhaq-dhaqaaqyo ka wado gobollada Sool iyo qaybo kamid ah Togdheer oo ay hadda joogaan ciidamadeeda milatariga ee la diriraya SSC.

Somaliland ayaa haatan ku jirta wax u muuqda diyaar garow dagaal oo horleh, si ay mar kale u wajahdo ciidamada SSC oo bilihii u dambeeyay ka qabsaday dhul aad u ballaaran.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in marba marka ka dambaysa ay saraakiisha Somaliland maleeshiyaad horleh ku biiranayaan ciidamada ku sugan Buq-dharkayn ilaa Qorilugud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa sidoo kale jira gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Somaliland loogu geeyay furimaha dagaalka, taas oo muujineysa inuu socdo dhaq-dhaqaaqyo ugu dambeeyay dagaal ay waddo Somaliland.

Ujeedka Somaliland ayaa ah inay dib usoo rogaal celiso, si ay u qabsato dhulkii horay looga saaray, kadib dagaallo culus oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Sool.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhankeeda difaac adag ku jirta SSC-Khaatuma oo ciidamadeeda ay ku sugan yihiin aagga Buq-dharkayn iyo Goojacadde.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujinaya dagaallo mar kale ka dhaca halkaasi, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara noloshooda iyo deganaashaba.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan abaabulkaas dagaal ee ka socda goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay hanjabaadyo hawada isku marinayeen labada dhinac, oo hoaray uga dhaga fureystay baaqyada loo dirayo.

Axmed Madoobe oo dalab culus kasoo saaray wax ka beddalka dastuurka + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta furay kafdhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dastuurka, qaadista cunaqabateynta hubka iyo arrimo kale.

Ugu horreyn Axmed Madoobe ayaa tilmaamay muhiimada uu kalfadhigan u leeyahay Jubaland iyo mudanayaasha Golaha Eakiilada oo ay horyaalan sharciyo ahmiyad weyn leh oo ay tahay in laga shaqeeyo Inta uu kalfadhigan socdo.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay fatahaadaha iyo daadadka ka jira Jubbaland isaga oo xusay in dad farabadan ay ku barakaceen fatahaadaha, burbur xooglehna uu soo gaaray kaabayaasha bulshada.

Intaas kadib Axmed Madoobe ayaa soo hadal qaaday doodda ka taagan wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah, wuxuuna  xusay in ahmiyad weyn ay leedahay in laga gudbo dastuurka qabyada ah, si loo dhammeystiro, Soomaaliya u yeelato shuruuc buuxda,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in  go’aamada ay gaareen madasha wadatashiga ay rajo weyn ka qabaan in labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyaan, isaga oo ka dalbaday inay u hiiliyaan isbeddal siyaasadeed oo ka dhaca guud ahaan dalka.

“Waxaan rajeynayaa baarlamaanka in sida ay tahay arintaas u qaadan doonaan, waddankana uu u baahan yahay sida uu ku jiro si ka beddalan inuu u dhaqmo ” ayuu yiri.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa dowladda dhexe  ku bogaadiyay guulaha ay ka gaartay in dalkeenna laga qaado cunaqabataynta hubka iyo ku biirista ururka bulshada bariga Afrika, wuxuuna tilmaamay in guulaha waa weyn ay ku yimaadeen dadaallo la sameeyay.

Hadalkan aya kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay wax ka beddalka dastuurka oo ay ka horyimaadeen xubnaha mucaaradka, waxaase la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan xubnaha laabada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xog: Kulan xasaasi ah oo u socda DENI iyo Isimada SSC

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in haatan kulan xasaasi ah uu madaxtooyada Puntland uga socdo madaxweynaha maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah Isimada Dhaqanka SSC-Khaatuma.

Kulankan oo uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland.

Inta badan waxaa kulankan looga arrinsanayaa xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan xal u helidda khilaafka weli ka taagan doorashada oo isku hayaan Deni iyo mucaaradka.

Isimada SSC ayaa ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac, waxaana la filayaa in shirka kadib ay war kasoo saaraan meesha ay marayaan dadaallada ay wadaan.

Sidoo kale Isimada ayaa horay ula kulmay Dalladda ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka ee ku sugan Garoowe, iyaga oo ka dhageystay rabitaankooda, kadibna waxa ay aadeen dhanka madaxweynaha oo ay haatan kala hadlayaan xiisadda ka jirta Garoowe.

Shirarkan siyaasadeed ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli aan la’isku fahmin nooca doorasho ee ka dhaceyso Puntland, waxaana sii dhammaanaya muddo xileedka dowladda.

Saciid Deni ayaa weli ku adkeysanaya qabashada doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay ka biyo diidan yihiin, maadaama lagu sii dhawaanayo siddeeda Janaayo oo ah maalinta ugu dambeysa muddo xileedka madaxweynaha & hay’adaha kale ee dowladda.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda wada-hadallada iyo dadaallada nabadeed ee haatan ka soconaya Garoowe.

Muxuu Sacuudiga ka yiri dagaalka socda Soomaaliya iyo qorshaha xiga? + Sawirro

0

Riyaad (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Axmed Macallin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan laba-geesood ah la qaatay dhiggiisa Sacuudiga Carabiya Amiir Cabdicasis Bin Sacuud Bin Naayif Bin Cabdicasis Aala Sacuud.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Riyaad ee caasimada Sacuudiga ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, kobcinta iskaashiga labada wasaaradood ee ku aaddan howlaha muhiimka ah, tayeynta amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sharci-darrada (Irregular migration).

Intii uu socday kulanka labada masuul ayaa si gaar ah diirada ugu saaray xasillinta goobaha laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, oo ah qorshaha xigga ee dagaalka iyo gaarsiinta adeegyada dowladeed, iyo sidoo kale dib-u-heshiisiinta iyo arrimo kale.

Wasiir Cabdicasis Aala Sacuud ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo hadda wejigiisa hore uu marayo heer geba-gebo ah.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudiga ay garab taagan tahay dadaallada xasillinta ee Soomaaliya iyo weliba xoojinta dowladnimada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Riyaad ee caasimada dalka Sacuudiga.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana qaybo badan oo ka mid ah dalka ka socdo howl-gallo ka dhan ah kooxda, ayada oo uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Somaliland ‘oo ka walaacsan’ halis kasoo korortay Badda Cas

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaalad amni darro oo kasoo korodhay Badda Cas.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay walaac ku abuurtay falal budhcad badeednimo oo dhawaan ka dhacay Badda Cas, iyada oo xustay in ay xoojisay amniga badeedda.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay isha ku haysaa xiisadda amni ee ka soo cusboonaatay marinka koonfureed ee badda cas iyo gacanka cadmeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Somaliland.

Somaliland ayaa sidoo kale ka dhawaajisay baahida loo qabo in si deg-deg ah loo qaado tallaabo is-kaashi oo wax lagaga qabanayo khatartan sii kordhaysa ee ka taagan Badda Cas.

“Weerarradii u danbeeyay ee lagu qaaday maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga iyo suurta-galnimada in budhcadeed halkaa ka dillaado. Somaliland oo leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 850km, oo ay xilli walba gaadh ka hayaan ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland waxa ay qaadday tallaabooyin dardar leh oo lagaga hortagayo falalka budhcad badeedda iyo tahriibka ee ka dhici kara baddeeda.”

Sidoo kale waxay walaac uga muujisay saamaynta dhaqaale iyo bulsho ee ka iman karta dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ku soo kordhaya badda cas iyo suurta-galnimada ah in ay kor u kacaan qiimaha badeecadaha iyada oo ka dhalanaya kor u kac ku iman kara qiimaha caymiska maraakiibta ee gobolka.

Somaliland waxa ay markale carrabka ku adkaynaysa sida ay uga ga go’an tahay in ay xoojiso badqabka iyo amniga baddeheeda aagagga dhaqaale, iyada oo ilaalinaysa mabaadii’da iyo shuruucda caalamiga ah.

Ugu dambeyntiina waxaa lagu qoraalka Somaliland kasoo baxay, “Waxa aanu diyaar u nahay in aanu iskaashi la samaynno saaxiibbadayada gobolka si aanu wax uga qabanno caqabadaha ay wada wajahayaan dalalka gobolku ee budhcadeednimad iyo ilaalinta amniga badda cas iyo gacanka cadmeed.”

Dadka degan Muqdisho oo maraya tijaabadii u cusleyd – Maxaa hadda soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Soomaaliya argagixisada ayaa isku dayeysa inay waxba kama jiraan kasoo qaado in ay ganacsiyadu xirtaan kaamirooyinka badqabka ka qeyb qaata ee CCTV Camera.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya ee la yiraahdo NISA ayaa dhawaan soo rogtay amar ay ganacsatadu banaanka ganacsiyadooda ugu sameynayaan kaamirooyin, si loo helo raad-raaca fal dambiyeedyada ka dhaca hareeraha goobahooda ganacsiga.

In badan oo kamid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa dabaqay amarkaan oo xirtay kaamirooyinka.

Argagixisada oo go’aankan uga dhex jeeda inuu lidi ku yahay dhibaatada ay la damacsan yihiin dadka reer Muqdisho ayaa ku dhaqaaqay inay beegsadaan qaar kamid ah ganacsatada xiratay kaamirooyinkan, iyaga oo goobaha qaar qaraxyo la beegsaday.

Waxay argagixisada ku leedahay dadka Muqdisho degan waxaa rabnaa in aan idin leyno haddana aan la helin wax cadeynaya dambigeena, sidaas darteed ma xiran kartaan kaamirooyinkan ka qeyb qaadanaya raad-raaca dambiga iyo dambiilaha. Micnuhu waa ma dooran kartaan in aad dhibaatada ka baxdaan.

Ganacsiyo badan ayaa weli dhag jalaq u siin isku deyga guracan ee argagixisada, laakiin arrintaan waa tijaabo culus.

Haddii argagixisada ku fashilanto inay ka hortagto xirashada kaamirooyinkan waxay noqon doonta tallaabo kale oo loo qaaday dhanka amniga caasimada.

Dowladda hadda xukunka haysa, gaar ahaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA, waxaa la gudboon in aysan ka laaban go’aankaan oo la hubo inuu caawinayo amniga reer Muqdisho iyo inay dhinaca kale keenaan aragti ay kaga hortagayaan kooxaha yaryar ee argagixisada ah ee magaalada weli ku dhuumaleysanaya ee raba inay amarkaan buriyaan.

Reer Muqdisho dhimasho iyo dhibaato uma yareen, balse waayihii dambe waxay ku jireen waayo xaalad ka wanaagsan tii hore.

Argagixisada waxay rabtaa inay halkeedii hore ku celiso magaalada xaaladda magaalada, waxaana dadka caasimada degan la gudboon inay si wadajir ah maya u yiraahdan oo ay dowladooda ku garab siyaan dhamaan fikradaha iyo awaamiirta caawinaysa ammaanka guud.

Ganacsi ku furan aqoonsi dowladeed uma bareeri karo inuu amarka dowladda tuuro oo uu midka argagixisada qaato, isaga oo u jeeda in hadafka argagixisada uu yahay mid badinaya geerida shacabka.

Xaaladdani waxay u baahan tahay isku duubnida dowladda, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka, si loo cadeeyo in la joogo bar dhamaadkii argagixisada.

Somalia oo QM hordhigtay 2 qodob oo muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. George Conway, oo sidoo kale ah uqeybsamaha isku-duwidda howlaha bani’aadannimo ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo kala ah taageerada hannaanka deyn cafinta kadib iyo gurmadka arrimaha fatahaadaha oo sanadkaan saameyn xoogan ku yeeshada bulshada gobollada qaar ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa dhawaan baarlamaanka ka hor sheegay in labada toddobaad ee ugu horeeya bisha December gudahood ay dhamaan doonto deyn cafinta Soomaaliya.

“Bisha December asbuuca ugu horreeya cuna-qabateynta hubka ayaa dhamaanaya Insha Allah. Bisha December 13-keeda deyn cafinta ayaa iyadna dhamaan doonta haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa hanaanka deyn-cafinta, ayada oo arrintaas ay dadaal badan ku bixiyeen xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka.

Si kastaba, Deyn cafinta kadib dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa laga rabaa inay isku filnaato, si taas loo gaarana waa in musuq-maasuqa laga adkaado, maamullada lagu qanciyo in canshuurta la mideeyo, islamarkaana la abuuro jawi nabadeed oo maalgashi keeni kara, kheyraadkana laga faa’iideysto oo suuq loo raadiyo.

Xog: Deni oo madaxtooyada ugu yeeray guddoonka baarlamaanka + Qorshaha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ugu yeeray guddoonka baarlamaanka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Deni ayaa guddoonka baarlamaanka ugu yeeray Madaxtooyada kulan wada-tashi, xilli ay taagan tahay xiisadda doorashooyinka maamulka.

Xogta ayaa sheegaysa in kulankaan uu Deni ugu yeeray guddoonka baarlamaanka looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Puntland, gaar ahaan ismari-waaga siyaasadeed ee Deni iyo mucaaridka.

Habeen hore ayey aheyd markii madaxweyne Saciid Deni uu la kulmay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee Puntland, kuwaasi oo Deni kula socda in hannaanka qof iyo cod lagu galo doorashada Madaxtooyadda iyo midda Baarlamanka ee maamulkaasi.

“Wax aan doorasho qof iyo cod ahayn oo meeshaan (deegaanada Puntland) yaalla ma jiraan waana in shacabka Madaxdooda soo doortaan,” ayuu yiri madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni kadib markii uu soo idlaaday kulanka.

Maamulka Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu la fariisto siyaasiyiinta diidan hanaanka doorasho ee uu wato madaxweyne Deni, hase yeeshe mucaaradka ayaa u arka dhawaaqan mid afka baarkiisa ah oo waxba ka goyn karin xaaladda taagan.

Si kastaba, Dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka Puntland ayaa waxaa xilligaan lagu cadaadinaya inay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, ayada oo beesha caalamka ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, kuna baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan.

“Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadee,” ayaa lagu yiri farriinta xubnaha beesha caalamka.

“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.”

Noocyada diyaaradaha DAGAAL iyo taankiyada ay SOOMAALIYA iibsan karto

0

Muqdisho (Casimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa guul weyn ugu dambeyn ka gaartay dedaalka ay ku dooneysay in laga qaado xayiraada hubka oo ahayd tan ugu mudada dheer ee dal lagu soo rogay.

Xayiraada hubka ayaa lagu soo rogay Soomaaliya 1992dii si loo dhimo qulqulka hubka ku socda hoggaamiyeyaashii dagaalka ee xukunka ka tuuray dowladdii kacaanka.

Shan iyo tobanka dalka ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ayaa taageeray labo qaraar, oo midna xayiraada hubka looga qaadayay dowladda, halka kan kale na xayiraad hub lagu saarayay Al-Shabaab.

Qaraarkan waxaa golaha u gudbiyay dowladda Ingiriiska. Waxa uu yimid go’aankan toddobaad kadib markii la aqbalay codsiga xubinnimada Soomaaliya ee dalalka ku bahoobay Dalada Barriga Afrika.

Xubinnimada dalalka Barriga Afrika iyo qaadista xayiraada hubka waxay ahayd labo qorshe oo waa weyn oo ugu muhiimsanaa siyaasada dibeda ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qiimaha uu ugu kici karo Soomaaliya

Wax badan ayaa iska bedelay xeeladaha dagaalka iyo agabka la adeegsado mudadii uu saarnaa xayiraada hubka, xilligaas oo ay Soomaaliya ku tiirsaneyd hub fudud iyo kuwa yar yar oo ay ugu deeqaan dowladda kale.

Sanadihii dambe, furimaha dagaalka ee waddamada iyo kuwa lagula jiro kooxaha hubeysan ee aan dowlada ahayn ayaa waxay dunida caan ka noqday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan, kuwaas oo kaalin mug leh hawlgalada dhanka cirka.

Khuburada ayaa sheegaya in hadda maaddaama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ay diyaaradahan aan duuliyaha lahay. Diyaaradaha noocaan ah ee kaalinta ugu weyn ku leh furimaha dafgaalka waxaa ugu caansan kuwa ay sameeyaan Mareykanka, Turkiga iyo Iran.

Bayraktar TB2 ee Turkigu sameeyo

Diyaaradahan TB2 ayaa la sheegay inay yihiin diyaarado heerkoodu sareeyo ka taya wanaagsan kuwa laga soo saaro dalal badan.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Bairaktar, waxaana naqshadeeyay wiilka uu soddogga u yahay Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Shirkadda soo saartay diyaaradahan ayaa sheegtay in ilaa 160 diyaaradood oo ah nooca TB 2 ay hadda ka howlgalaan dalalka Turkiga, Qadar, Ukraine iyo Azerbaijan.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen kooxaha gooni-u-goosadka iyo ciidamada dowladda Armenia.

Diyaaradaha ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.

Maxay tahay diyaaraddan?

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada. Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150kg ayaa ka howlgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Drones-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxay ku safri kartaa xawaare ka badan 220 km. Diyaaradan ayaa siday ilaa 300 oo litir oo shidaal ah qaadi karta.

Qiimaha halka diyaarad ee Bayraktar TB2 ayaa ah ku dhawaad 5 Malyan oo doolar. Marka laga eego qandaraasyada Yukreen ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sidoo kale waxa uu muujinaya in qiime gaaraya ku dhawaad shan Malyan oo dolar.

Diyaaradaha dagaalka ee Helicopter-ka

Mid ka mid ah baahiyaha haysta ciidamada dowladda dhanka sahanka oo aysan u heysan diyaarado dagaal.

Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha kooxaha ay dagaalka kula jiraan, si ay xog uga helaan ula na socdaan dhaqdhaqaaqooda.

Diyaaradaha Helicopter-ka ee dagaalka waa kuwo hubaysan oo leh doorka ugu horreeya marka ay timaaddo weerarka dhanka cirka ah, iyada oo awood u leh weerarrada bartilmaameedyada dhulka sida ciidamada lugta ee cadowga, baabuurta dagaalka iyo dhufaysyada.

Tusaale ahaan nooca loo yaqaan UH-60 Black Hawk helicopter ayaa qiimaheedu yahay inta u dhaxeysa 5.9 malyan ilaa 10 malyan.

Diyaaradaha dagaalka ee Miigga

Miiga waxaa ugu caansan noocyada kala ah F-16, F-35, F-15 iyo F5. Tusaale ahaan diyaaradda F-15 halkii xabo ayaa waxay gaareysaa 93 malayan oo doolar.

Gawaarida gaashaaman

Baabuurta gaashaaman ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada militariga iyo fulinta sharciga iyo ilaalinta shaqaalaha. Qoryaha ku rakiban ayaa ah astaanta ugu muhiimka ee baabuurta gaashaaman.

Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka geysta furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al Shabaab ee la dagaalama ciidanka dawladda ay ka gudubto.

Gawaarida Gaashaaman ayaa sidoo kale waxay door muhiim ah ka qaataan qaadista ciidamada lugta iyagoo sidoo kalana bixinaya taageero xoog leh oo dhanka dab-damiska ah gaar ahaan goobta dagaalka iyagoo adeegsanaya hubkooda isku dhafan, oo ay ku jiraan gantaalada lidka taangiyada.

Gawaarida gaashaaman, waxay awood u leeyihiin inay iska difaacaan rasaasta, firirka miinooyinka, iyo madfacyada kale.

Gawaawrida gaashaaman ay isticmaalaan dalalka dariska iyo kuwa kale oo caalamkaba ayaa waxaa u badan kuwa Turkiga uu sameeyo.

Qiime ahaan halkii gaari ee gaashaaman ayaa ah ayaa ilaa sided boqol oo kun oo dollar.

Isha: BBC Somali

Qorshaha cusub ee UK ee Soomaaliya iyo saameynta Puntland iyo SSC-Khaatumo

0

Istraatiijiyada dalalka reer galbeedku ka lee yihiin dalalka kale ee danahoodu ku xidhan yihiin, waxay martaa maraaxiil kala duwan, waxayna leedahay khariidad   leh shaqooyin u qaabeysan hortebin, taas oo isku beddeli kartaa hadba xaaladda timaada. Istraatiijiyadda reer galbeedka ee ku aadan Soomaaliya ay si degdeg ah isu bedalaysey tan iyo duulaankii Ruushku ku qaadey dalka Ukraine.

Labaatankii sano ee u danbeysey Istraatiijiyadda reer galbeedka  ee Soomaaliya waxay ahayd mid aan wax badan iska beddelin taas oo xoogga saareysey,  gargaarka cunnada ee dalka la siyo, la dagaalanka xag-jirnimada, ku lug-lahaanshaha dagaalada tooska ah ee al-Shabaab/Daacish. Marna ma  dhicin in si toos ah danaha la wadaago la is dhaafsado, iyada oo la arki karo  qorshaha fog ee reer galbeedku ka lahaayeen Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska oo ka mid ah dalalka sida weyn u daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in ay hoggaanka u qabatey  isbeddelkan cusub ee Soomaaliya, kadib markii ay  si buuxda uga baxdey Midowga Yurub.

Shirka Bedqabka Cunnada Adduunka ee ay sida wada jirka ah u wada guddoomiyeen Soomaaliya iyo Britain ee lagu qabtey London  dhamaadkii bishii hore ee Nofeembar 2023 waxa uu daaha ka rogey isbeddelka weyn ee ku imaanaya siyaasadda Geeska Afrika, marka la eego heshiiska Raysalwasaaraha Britain Mr Rishi Sunak iyo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ay wada saxiixdeen kaas oo ka baxsanaa cinwaankii shirka ee “Bed-qabka cunnada adduunka” waxaana uu la xiriirey saaxiibtinimada cusub ee Soomaaliya iyo UK.

Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Mr Michael Nithavrianakis  oo todobaadkan  yimid magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka dhacayaan/dhaceen isbeddelo waaweeyn kuwaas oo loo baahan yahay in Puntland ay qayb ka noqoto, isbeddalada waaweyn ayaa u gogol xaaraya Soomaaliya oo gasha weji cusub, waxaana ka mid ah isbeddalada Mr Nithavrianakis  sheegay.

  1. Qaadista xanibaada hubka ee Soomaaliya, taas oo UK ka soo shaqeysey.
  2. Barnaamijka DEYN CAFINTA oo isla  sanadkan ama bilowga 2024 la dhamaystiraay.
  3. Qabyo-tirka dastuurka cusub ee Soomaaliy, waxaa si weyn u taageersan dowladda UK oo dhaqaale ku bixisey
  4. Heshiiska SSC iyo Somaliland
  5. Dib u bilaabidda wadahadalka Dowladda Federaalka iyo Somaliland iyada oo lagu salaynaayo Istraatiijiyadda Koonfur iyo Waqooyi.
  6. Al-Shabaab oo lala furo wada hadal nabadeed galkaas oo mar dhaw loo gacan-geliyey dowlad carbeed.

QAADISTA XANIBAADA HUBKA

Kadib markii ay dhacdey dowalddii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxaa dalka ka curtey dagaalo sokeeye, taas oo keentey sanadkii 1992 Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay Soomaaliya ku soo rogaan qaraarka xanibaada hubka,  waxaa la dhisey guddiga la socodka cunno-qabateynta hubka. Marna laguma guuleysan in hubka iyo rasaasta Soomaaliya laga xanibo waxaana ay ku soo geli jireen waddooyin kala duwan.

Haddaba maxaa is bedalay hadda oo xanibaada loo qaadey? Dowaldda Soomaaliya miyaa yeelatey awood weyn oo ay dalka ku maamusho, ku sugto amniga xuduudkeeda Bad iyo Berri? Jawaabtu waa maya dowladda hadda jirta kama awood iyo itaal roona kuwii horey dalka u soo marey, sababta ugu weyn ee Soomaaliya hadda ku muteysatey ayaa ah in dalalka reer galbeedku  ka dhex arkeen danahooda  in Soomaalya laga qaado xanibaada hubka, gaar ahaan Dowladda Ingiriiska.  Qorshaha qaadista xanibaadda waxaa si weyn uga faa’ideysanaaya shirkaddo laga lee yahay dalka Ingiriiska taas oo hadda Ruushku uu dacwad iyo dood ka keenay.

HESHIISKA SSC IYO SOMALILAND

Xaaladda Somaliland waa mid cakiran. Doorashooyinkii Madaxweynaha Somaliland ma qabsoomin taas oo muddeysneyd 13 Nofeembar 2022, waxaa Madaxweynaha loogu daray muddo laba sano ah, ilaa hadda ma muuqato in doorasho la qaban doono. Ciidamada Somaliland oo muddo 7 bilood ah dagaalo ka wadey gobolka Sool waxaa looga guuleystey dagaalkii mudada dheer socdey. Dhanka kale inta badan degmoyinka gobolka Sanaag waxaa ka dhacay doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ee Puntland taas oo xaqiijisey ka mid ahaanshahooda Puntland meeshana ka saartey in uu yahay gobol lagu muran san yahay.

Laascaanood waxaa looga dhawaaqey bishii Agoosto 2023 maamulka SSC-Khaatumo, waxaana la dhamaystirey haykalkiisi dowladnimo. Dowladda federaalka ah waxay si taxadar leh u aqoonsatey maamulka uu hoggaamiyaha ka yahay Cabdulqaadir Firdhiye ee SSC-Khaatumo waxayna ballan qaadey in ay la shaqeyneyso. Dowaldda Puntland ayaa sidoo kale soo dhaweysey iyada oo  beelaha SSC ay horey wax uga dhisteen Puntland.

Istaraatiijiyadda cusub ee UK ayaa ah in la burburiyo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, marka hore lagu dayo heshiis nabadeed in ay la galaan Somaliland haddii taasi socon weydo in awood loo isticmaalo oo la gaarsiiyo heer ay heshiiska oggolaadaan, haddaba si loo burburiyo SSC-Khaatumo waa in la helo qorshe lagu qaybin karo beelaha Hartiga ah ee awooda u sheegtey ciidamada Somaliland . 

Safiirka UK ee Soomaaliya Mr Nithavrianakis, waxa uu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ku dhiiri geliyey ku adkeysiga iyo hirgelinta doorashada qof-iyo-cod, sidoo kale waxaa laga codsadey in uu gacan ka geysto heshiis dhexmarai Somaliland iyo SSC-Khaatumo si dadban ama si toos ah. Dadka arrimahan fahamsan ayaa sheegaya in qorshaha ugu weyn ee UK uu yahay in qalalaase ka dhaco Puntland oo dagaalo siyaasadeed ay ka bilowdaan, taasi waxay kenaysaa in beelaha Hartiga ah la kala jabiyo awoodooda, kuwaas oo badankood ku khasbanaada ama in ay qayb ka noqdaan colaada Puntland ama in ay difaac ka xirtaan gobolka Sanaag.

Dowladda Ingiriiska oo iska leh khibrad guumeysi waxay aaminsan tahay in Puntland leedahay nidaam dhaqan siyaasadeed oo ay ku maareyn karto xiisahada dagaal, taas oo ay horseed ka noqon karaan Isimmada PUntland ugu danbeyn Puntland ay aadi doonto doorashooyin iyada oo inta ka daciifsan oo aan awoodi karin in ay wax ka difaacdo SSC-Khaatumo, khariidaduna isbeddeli karto, sidoo kale ku khasabanaan doonto in nidaamka Muqdisho u hoggaansanto.

Iyada oo laga war sugaayo dhinacyada waan-waanta ku jirey ee ku sugan Garoowe isla maalintii Safiirka UK uu booqashada ku yimid Garoowe, kadib markii ay shir wadayeesheen waxaa Madaxweyne Deni oo ay garbihiisa taagan yihiin Xisbiyada siyaasadda ku dhawaaqey in doorasho loo dareeray, isaga oo og in xeerkii doorashada la soo diidey, heshiis uu ku dhaafo 8 janaayo aanu jirin, taasi waxay muujineysaa sida Madaxweynaha Puntland loo dhex marsiiyey qorshahan cusub ee qalalaase in laga rido Puntland si loo burburiyo SSC-Khaatumo.

Dadka fahamsan istaatiijiyadda cusub ee UK ee Soomaaliya ayaa sheegaya in qorshaha ugu weyn ee Ingiriisku ka lee yahay Soomaaliya ay tahay sidii Soomaaliya loo gelin lahaa deyn aad u fara badan oo isugu jirta lacag iyo hub. Shirkadaha hubka ka ganacsada ee Ingiriiska ayaa noqonaya cidda ugu weyn ee ka faa’ideysta deynta Ingiriisku la damacsan yahay in uu Soomaaliya ku harqiyo. 

KHEYRAADKA SHIDAALKA

Dowladda Ingiriisku waxay muddo dheer kala shaqeyneysey Somaliland sidii loo soo saari lahaa kheyraadka shidaalka oo ay ka lahayd qorshe fog, meelaha ay sida weyn u dooneyso waxaa ka mid ah ceelashada dooxada Nugaal gaar ahaan halka loo yaqaan Holhol.

DHAMAYSTIRKA DASTUURKA

Waxaa si xawli ah ku socda meel marinta dastuurka Soomaaliya kaas oo ay wadaa Xildhibaanada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka labadiisa aqal  iyada oo  si weyn la isugu hayo qodobo masiiri ah oo Golaha Wadatashiga Qaran ku heshiiyeen bishii May ee sanadkan 2023 iyada oo Puntland ka maqan tahay. Waxaana ka mid ah in dalka laga raro nidaamka baarlamaaniga ah loona raro nidaamka madaxtooyada,  si kale, in meesha laga saaro raysalwasaare madaxweyne magacaabo lagana dhigo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen, qodobka labaad ee muranka weyn ka taagan yahay ayaa ah in dalku yeesho laba Xisbi oo keliya.

Arrintan waxaa aad uga horyimid siyaasayiinta badankood kuwaas oo xilka kula tartamey Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud doorashadii ugu danbeysey. Madaxweynaha ayaa hadda iibinaya qorshe ah in Dastuurka la beddalaayo uu yahay mid Puntland samaysatey Garowe 1 iyo Garowe 2, sidaas darteed waxa uu ka shaqeynaayo ay dantu ugu jirto siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya. Isla qorshahan ayaa salka ku haya wax qaybsiga Koonfur iyo Waqooyi sida hadda dowladdu Ingiriisku ay wax u wado in labada Xisbi ay noqdaan kuwo laga soo kala doorto  Hargeysa iyo Muqdisho.

MAXAA DAN U AH PUNTLAND IYO SSC-KHAATUMO

SSC-Khaatumo

SSC-Khaatumo waxaa xil ka saaran yahay ka shaqeynta amniga iyo deganaanshaha Puntland, waxay wada saaran yihiin hal doon, waxaa lama huraan ah in siyaasad ahaan iyo awood ciidan ahaanba ay ku soo galaan xaaladda Puntland sidii loo dejin lahaa oo doorasho u dhici lahayd loona fulin lahaa guddoonkii isimmada Puntland.

SSC-Khaatumo waa in ay u diyaar garoobaan istraatiijiyadda burburinta ah ee UK ay gobolka ku soo wado,  xal loo helo in aan dagaalka siyaasadeed loo beddelin mid qabiil lagana shaqeeyo sidii difaaca loo adkeysan lahaa.

Puntland

Puntland waxay door muhim ah ka ciyaari jirtey geedi socodka dowladnimada  Soomaaliya muddo dheer saaxadda waa ka maqan tahay tan iyo markii madaxweynaha Puntland looga adkaadey doorashadii Madaxweynaha federaalka ah sanadkii 2022. Nuur & Naaleeye waxay isugu yimaadeen Garoowe sidii xal loo heli lahaa, dadka indhahooda waxaa ka muuqda cabsi, waxaa istaagey maalgashiga Puntland, waxaana cirka isku shareeray fakhriga.

Waxaa la fahamsan yahay qaar kamid ah dalalka reer galbeedku ay faa’ideysanayaan damaca weyn ee madaxweynaha Puntland in hadda la soo dhexmariyey qorshaha  khiyaamada ah ee ka dhanka SSC-Khaatumo oo dedaal naf-hurnimo ah ku bixiyey in ay aayahooda ka tashtaan.  Waxaa muuqata in beesha caalamku aysan kala jecleyn dagaal ka dhaca Puntland ee ay tahay mid lagu edbinaayo dantooduna sidaas ku jirto.

Xalka Puntland waa in doorashadu ku dhacdaa wakhtigeedi, taas oo ah mid la isla oggol yahay, nabadgelyo ku dhacda, kuna qotonta guddoonkii  inta badan isimmada Puntland ee 1da Nofeembar,  wixii intaas ka danbeeya waxay noqon taariikh laga sheekayn doono.

Xigasho: Horseed Media

Al-Shabab oo weeraro culus ka fulisay Koonfur Galbeed

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weeraro qorsheysan oo ay xalay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Weerarka 1-aad ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig ay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in laga hortegay weerarka Al-Shabaab, isla markaana haatan ay dagan tahay xaaladda degmada.

Al-Shabaab oo dhankeeda oo  qoraal soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay ka dambeeyeen dagaalyahanadeeda, ayna khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya.

Dhanka kale weeraro kale oo saf ballaaran ah ayaa ka dhacay degmada Qoryooley, deegaanada Buufow iyo Labmar Lixdan oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Weeraradaas mid kamid ah waxaa lagu beegsaday sladhig ay ciidamada Uganda ku leeyihiin aagga Qoryooley iyo xerooyin kale oo ay dagan yihiin ciidamada dowladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaasi, maadaama ay ahayd xilli habeen, goobaha la weerarayna ay yihiin xeryo ciidan oo laga heli karin xog badan

Deegaano ka tirsan dowlad-gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxa  haatan ka socdo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sawirro: Jeyte oo abaabulkii ugu xooggana wada iyo boqolaal Macawiisley ah oo…

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Cali Jeyte Cismaan oo haatan ah Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawiisleyda ayaa wada abaabulkii ugu xooggan oo lagu dardar-gelinayo dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Cali Jeyta ayaa maanta magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan kula hadlay boqolaal Macawiisley ah, kuwaasi oo loo diyaariyey inay qeyb ka noqdaan cirib-tirka Shabaabka ku dhuumaaleysaneysay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Waxa uu kula dardaarmay Macawiisleyda uu la hadlay inay u diyaar garoobaan howl-galka sifeynta cadowga, islamarkaana laga doonayo reer Hiiraan in ay u midoobaan in gobolkaas uu xor ka noqdo kooxdaAl-Shabaab.

Howl-gal dhawaan ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamku ka sameeyeen duleedka Halgan ayaa lagu dilay in ka badan 60 Shabaab ah, kuwaasi oo xogtooda la helay iyaga oo isku aruursanaya deegaan hoos taga magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay howl-galkaas ciidamadu ku burburiyeen, islamarkaana ay cagta mariyeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.