25.6 C
Mogadishu
Saturday, June 20, 2026

Baarlamaanada maamul goboleedyada oo war culus ka soo saaray wax ka bedelka dastuurka

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyeyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka oo Muqdisho ku shiray ayaa soo saaray bayaan ka kooban 10 qodob, kadib kulan u socday 3-dii ilaa 4-tii bishaan.

Markii laga reebo Puntland, Afhayeenada baarlamaanada 4-ta dowlad goboleed ee kale ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan wax ka bedelka lagu sameynayo dastuurka iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Xubnahaan ayaa sheegay inay horay u dalbadeen inay talo ku yeeshaan dib u eegista dastuurka dalka, balse aan laga talo gelin howlaha socda ee lagu dhameystirayo dastuurka dalka.

“Waxaba kama fulin heshiiskii ahaa in la is waafajiyo dastuurka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah iyo shuruucda kale oo ay soo saarayaan golayaasha dowladda dhexe,” ayaa lagu yiri war-xaafadeedka.

Guddoomiyeyaasha baarlamaanada afarta dowlad goboleed ayaa cadeeyey in laga reebay guddiyada wax ka bedelka iyo dib u eegista dastuurka, waxay sheegeen inuu ku daray baarlamaankii hore ee 10-aad, balse uu ka reebay baarlamaankaan 11-aad.

“Ma jiraan guddiyo ka wada shaqeeya shuruucda dalkaan, baarlamaanada dowlad goboleedyada wax talo wadaag ah kuma lahan shuruucda lasoo dhisayo ee dalka,” ayaa lahu yiri nuqul ka mid ah bayaanka.

Guddoomiyeyaasha baarlamaanada  dowlad goboleedyada ayaa diiday inay ka qeyb galaan shir uu ku casuumay guddoonka baarlamaanka federaalka, iyagoo ku xiray labo shuruud.

1- in la cadeeyo cidda lhe hoggaaminta golaha afhayeenada golayaasha xeer-dejinta dalka.

2- in la hirgeliyo qodobadii horay loogu heshiiyey, waxna laga bedelo sharciga socdaalka dalka, maadaama baaralamaanada dowlad goboleedyada loo diiday baasaboorka diblomaasiga.

Hoos ka akhrso baraanka oo dhameystiran:

Dhaqaale xumadii u darneyd oo soo wajahday Shabaab, qaadayna tallaabo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in kooxda Al-Shabaab ay wajaheyso dhaqaale xumadii ugu darneyd, kadib markii ay dowladda ku qaaday kooxda dagaal dhanka dhaqaalaha.

Dowladda ayaa ku guuleysatay in ay xirto in ka badan 350 akoon banki iyo sidoo kale 405 lambatp telefoono ay kooxda u isticmaali jirtay qaadista lacagaha ay ka qaado ganacsatada, kuwaasi oo xilligaan intood badan la joojiyay.

Sidoo kale waxay dowladda xirtay intuu socdo dagaalka dhaqaale ee ka dhanka kooxda Al-Shabaab ku dhowaad 20 xisaabo ganacsi oo ay dhex marsan jiraan lacagaha ay ka qaadan ganacsatada.

Warbixin ay baahisay warbaahinta dowladda, ayaa iyada oo soo xiganeysa illo sirdoon ay kooxda wajaheyso dhaqaale xumo, islamarkaana ay laba jirbaartay lacagaha ay ka qaadan dadka ku nool deegaanada ay hadda gacanta ku hayso kooxda.

“Waxaa gabaabsi kusii dhow keydkii yaraa ee fududeynta howlaha kharbudaada, waxayna dantu biday in ay ku dadaalan dhaqaalihii dhulka lala jaray,” ayaa lagu yiri warbixinta dowladda.

Warbixintan ayaa sidoo kale waxaa lagu shaaciyay in kooxda ay billowday dhaqaale abuur uu noociisa ku cusub yahay Soomaaliya, iyada oo deegaanada ay weli maamulaan ka bilaabeen inay canshuuraan xabaalaha lagu aaso dadka dhintay.

Warbixinta ay baahisay warbaahinta dowladda, ayada oo soo xiganeysa illo sirdoon ayaa waxa kale oo lagu shaaciyay in kooxda ay laba jibaartay lacagaha ay ka qaado gaadiidka, waraha biyaha iyo sayladaha xoolaha, iyaga oo cinwaan uga dhigay “xabsiga ama xoolaha bixi”.

“Illaha dhaqaale ee hadda u soo raacay Khawaarijta waa kontaroolada gaadiidka ay ku baartaan, meheradaha ganacsi, sayladaha xoolaha, guryaha iyo xabaalaha.”

Sawirro: Amiirka Qatar oo go’aan ka gaaray aqoonsiga safiirnimada Doodishe

0

Doha (Caasimada Online) – Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalkaasi Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), oo uu aqbalay safiirnimadiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Maxamed Doodishe oo ahaa wasiirka amniga gudaha Soomaaliya.

Fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 23-kii November 2023-ka ayay sagootin ugu sameeyeen Wasiir Doodishe oo xilligaas qeyb ka noqday shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada.

Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga gudaha ayaa hadda si rasmi ah u noqday Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska jooga sanad iyo 8 bilood ayaa bilaabay magacaabidda safiiradii bedeli lahaa kuwii uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, sidoo kale waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida.

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay go’aankii shalay lagu wareejiyey Cumar Cali Axmed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa shalay go’aan ka gaartay kiiska Cumar Cali Axmed, oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshada kadib markii ay isku qabsadeen laba reer.

Cumar ayaa kamid ahaa dhalinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista ciidanka qaranka.

Is qab-qabsi kadib baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda ciimada qalabka sida ayaa ugu dambeyn shalay si rasmi ah loo caddeeyay reerka wiilkaan.

Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar Cali Axmed ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Maxamuud Cali: “Wiilkaan dowladdiisu in ay u gurmato oo dadaal caafimaad oo dibadda u sameyso ayaan ku boorin lahaa.”

“Iimanka Ilaahay idinkama qaadee caafimad geeya wiilka reer beela idin Alle idinma dhahee,” ayey tiri Xafsa.

Haarun Cabdi Xasan: “Maadaama uu ku biiri rabat ciidanka qaranka, dhibaatada soo gaartay dawadiisa iyo xaaladiisa caafimaad dowladda ma kifaalo qaaday. Cumar Cali Axmed Allaha Caafiyo.”

Mowliid Cilmi Xasan ayuu yiri “Asagaba hadda dhibane ah oo la rabey wax loo qabto ma asagii bay isku sii qabsadeen Subxaanallah.”

“Wax walba waxaa ka muhiimsan caafimaadkiisa Allah caafiyo walaalkeen,” ayuu sidoo kale yiri Xarbi.

Xuseen ayaa isna yiri “Intaas ka badan baa dowladda laga rabay balse xaqa Allaha tusiyo dowladda ,wiilkaan Qaranka dartii ayuu saan u noqday sow maaha?.”

“Markii uu caafimaado asigaa garan doono cida uu yahay marka Allaha caafiyo. Guriga uu joogayna waa guri Soomaaliyeed kan hadda loo wareejinaane waa mid Soomaaliyeed marka Allaha caafiyo,” ayuu yiri Ibraahim Xaaji Cali.

Samsam Mire Cali ayaa sidoo kale waxay tiri “Tan reerka wan garanay ee dowladdu ma damaanad qaaday caafimadka wiilkan, dhibka waxaa uu soo garay si uu dalkiisa, dadkiisa iyo diintisa uu u difaaco madaxda waddanka waxaa laga rabaa in ay damaanad qaadan caafimadka wiilkani wixii ku bixi lahay oo dhan. Anagana aan u duceyno walaalkeen Allow caafimaad tamam ah sii.”

“Fadlan reerkii wiilkas gacanta ku haayay sanadka ee ku dadaalay ayaga oo u maleeyay wiilkoodii fadlan haloo abaal-gudo oo wixii dadaala ee wiilkaas ay u sameeyeen ha laga abaalmariyo,” ayuu yiri Mukhtaar Maxamed.

Cali Xaji Macow: “Aduunyo maxkamad haddii ay gaartay waa ila nasiib xumo in dowladdii uu darteed u dhaawacmay xitaa aysan dhaheyn dawo anaga u damaanad qaadnay.”

“Waxaa nasiib xumo ah in askari ku naafoobay jidkii uu qarankiisa ugu shaqayn lahaa in dowladdu ay dhawaaqiisa baraha bulshada ka soo raacdo, iyadoo reero isku haystaan halkii ay mar hore la rabay in ay iyadu daryeelkiisa xil iska saarto,” ayuu yiri Mahad Maxamuud Cabdiraxman.

Maktabkii diiwaan-gelinta kooxda Al-Shabab oo howlgal lagu burburiyay + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaas oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Howlglallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaanada kala ah Adeegoow, Garaar, Warta Doolar iyo Weeley oo ka wada tirsan gobolka Baay.

Ciidamada ayaa howgallada khasaare culus ku gaarsiiyay Al-Shabaab, waxayna sidoo kale ku burburiyeen xarumo ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Taliyaha Ururka 46-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka X/le Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi, wuxuuna sheegay inay jab xoogan ku gaarsiiyeen AlShabaab.

Xasan Aadan ayaa shaaca ka qaaday inay cagta mariyeen, ayna ku bur-buriyeen Maktabki diiwaangelinta Al-Shabaab iyo goob ay lacago baad ah uga qaadi jireen dadka shacabka ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay sii wadi doonaan howlgalladooda, ujeedkana uu yahay inay ku qabsadaan deegaanadaas, si looga sifeeyo kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka Shabaab oo lagu xoreyn doono gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool.

Xogta dhallinyaro Soomaali ah oo si qasab ah loogu daray ciidamada dalka Ruushka

0

Moscow (Caasimada Online) – Mid kamid ah ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belarus ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay xaaladda dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jiro rag iyo dumar, kuwaas oo haatan ku dhibaateysan dalalka Ruushka, Belarus iyo Poland.

Wiilkan Soomaaliyeed oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in dadkaas Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad adag, qaarkoodna lagu daray ciidanka Ruushka.

“Walaalow meeshaan waxaa ka jira dhibaatooyin fara badan, gaar ahaan dalalka Ruushka iyo Belarus waxaa jira dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo waddankii kasoo cararay oo nolol usoo raadsaday waddamada Yurub, waxaase ka haysta Problem badan, dadka ugu badan waxay ku dhiban yihiin xuduuda Belarus & Poland” ayuu yiri Ardayga Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa raaciyay “Dadkaas Soomaaliyeed waxaa ku jira dumar, carruur iyo dhalinyaro Soomaaliyeed, hadda isbitaallada Belarus waxaa yaalla dumar Soomaaliyeed oo inta qabowga ka batay lugihii laga jaray, waxaa jira kuw kale oo qaliimo hadda ku jira”.

Isaga oo ka warbixinayay dhalinyarada Soomaaliyeed ee sida qasabka ah loogu daray ciidamada dalka Ruushka ayaa waxa uu sheegay inay gaarayaan siddeed ruux, kuwaas oo uu tilmaamay in loo wado dhanka dalka Ukraine, si ay uga dagaalamaan halkaasi.

“Waxaa jira dhalinyaro siddeed qofood ah oo ciidanka Waddanka Ruushka lagu daray oo la rabo inay u dagaalamaan oo Ukraine loo gudbinaayo” ayuu mar kale yiri ardaygu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay jiraan dhalinyaro kale oo gaaraysa 60 ruux oo ku xiran caasimada Moscow, iyagana ay suuragal tahay in lagu daro ciidanka Ruushka.

“Dhalinyaradaan hadda, haddii aan laga soo gaarin kuwa xabsiyada ku xiran sida aan hadda xogta ku haayo xasbiga caasimada Ruushka waxaa ku xiran 60 dhalinyaro ah oo loo badinayo in ciidankaas lagu daro, haddii aysan soo gaarin dowladda Soomaaliya” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ku eedeeyay safaaradda Soomaaliyeed inay ka gaabisay wax u qabashada dadkaas Soomaaliyeed, wuxuuna farriin usoo diray dowladda federaalka oo uu ugu baaqay inay si deg-deg ah ugu soo gurmato dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ee dhibaatada wajahaya, kuwaas oo doonayay inay tahriib ku galaan dalalka qaaradda Yurub.

Nooca hubka ay soo iibsan doonto DF Soomaaliya iyo dalalka ay ka heli doonto

0

New York (Caasimada Online) – Kowdii December, 2023 waxay Soomaaliya u ahayd maalin taariikhi ah ka dib markii laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano.

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa ka yeeshay kulan ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-dii. 

Go’aanka cunaqabateynta ee sanadkii 199-kii ayaa Goluhu ku saleeyay xilligaas si looga hortago qulqulka hubka ee dalka oo waqtigaas dagaallo sokeeye ka jireen, kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyda caalamka sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonayay inuu dalku u bahan yahay inuu helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay uga adkaadaan kooxda Al-Shabaab oo muddo 15 sano ka badan dagaal kala horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya. 

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cisman ‘Baalle’ ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay awood u siinayso Soomaaliya ka hortagga khataraha dhanka ammaanka sidoo kalana u oggolaanayso xoojinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya.

Soomaaliya hub noocee ayey u baahan tahay hadda?

Cuna qabataynta hubku waxay caqabad ku ahayd horumarka milatari ee dawladda Soomaaliya gaar ahaanna inay ka adkaato kooxda Al-Shabaab oo ay dagaal kula jirto, sida ay qabaan dad badan oo ka faalooda amniga Soomaaliya.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa,” waxaa sidaas yiri Xuseen Macallin oo ah la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya ay qabto baahi milatari oo guud iyo mid gaar ah. Tan guud waa inay awood ahaan dhisanto kuna fiilnaato amniga dalkeeda, balse baahi degdeg ah ayaa jirta sida ay dawladda Soomaaliya qabto.

Janaraal Cabdullaahi Cali Caanood oo darajada sarreeye guuto ka gaaray ciidamada Soomaaliya sidoo kalena soo maray abaanduulaha ciidamada dhulka, ayaa isaga oo khibradiisa kaa shaanaya ka hadlay nuuca hubka casriga ah ee Soomaaliya u baahan tahay iyo sidoo kale kuwa ay horay u haysan jirtay laakiin ka baxay gacanta dawladda.

Dhanka cirka

Dunida waxaa waayahaan dambe caan ka noqday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo kaalin aan la dafiri karin ka qaata furimaha dagaalka. Soomaaliya hadda waxaa ka caawiya isticmaalkooda wadamo uu kamid yahay Maraykanka, balse waxa uu sheegay Janaraalku in ay u baahan tahay Soomaaliya.

Dawladda dariska ah ee Itoobiya ayaa la soo wariyay inay isticmaashay diyaaradahaas intii uu socday dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray. 

Inkasta oo ay meesha ka saareen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, weli waxaa loo baahan yahay diyaaradaha guuxooda ka dheereeya ee loo yaqaano miigga, kuwaas oo ay kamid ah hubkii cirka ee Soomaaliya. Dabcan haatan waa la sii casriyeeyay sanadahaan dambe.

Dhulka

Sida uu qabo Janaraal Caanood, Soomaaliya hadda uma baahno hubka culus ee dhulka si ay uga adkaato Al-Shabaab, taas baddalkeedana kaliya waxay u baahan yihiin ciidanku hubka “fudud oo xoogaa ka casrisan kan ay Al-Shabaab ku dagaalamayaan” iyo gawarida gaashaaman ee daabula ciidanka.

Baabuurta qafilan ayaa ah kuwa kaalin xoogan ka agystay furimaha, maadaama ay adag tahay in rasaasta qaar ee ay isticmaalaan ururka al Shabaab ee laga dagalaama ciidanka dawladda ay ka gudubtay, sida uu sheegay Janaraalku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baahi gooni ah ay ka jirto dhanka sahanka. Diyaaradaha masaafada kooban duula ee ay adeegsadaan ciidamada dhulka si ay sahan ugu sameeyaan goobaha cadowga ayuu sheegay in loo baahan yahay.

Balse waxaa dad kale qabaan in taangiyada oo ah hub wali muhiim ka dhex ah furimaha ay u baahan tahay Soomaaliya.

Inta badan ciidamada wadamada Afrika ka socda ee caawiya Soomaaliya ayaa ah kuw kaliya ee Soomaaliya gudaheeda lagu arkay. Balse dowladdii Soomaaliya ayaa haysatay tiro badan oo taangiyadaas ah.

“Waxaan heli doonnaa taangiyo, diyaarado dagaal iyo maraakiibta dagaalka,” ayuu yiri Janaraal Caanood mar uu ka hadlayey yoolka durugsan ee horumarinta ciidanka Soomaaliya.

Inta badan hubka ay u baahan tahay Soomaaliya ayuu sheegay in lagu miisaamo, waxyaalaha aysan heli karin cadowga ay la dagalaayaan.

Xagay ka heli kartaa hubkan Soomaaliya

“Dawladda Soomaaliya waxay leedahay saaxiibo kala duwan oo hub ku caawin lahaa, haddii aysan saarnayn cuna qabataynta hubka, ama daynbaa lagu siin doonaa ama mucaamalaa lagusiin doonaa,” ayuu yiri Jenaraal Caanood mar uu ka hadlayey halka ay dawladda Soomaaliya ka heli karto hubka.

Soomaaliya ayaa horay waxa ay hubka uga heli jirtay wadamo uu kamid yaay Ruushka. Hubkaas oo caanka ahaa gudaha milatariga Soomaaliya ayuu qabaa Caanood in dunida haatan uu yaalo hubka kale oo casri ah loona baahan doono in lagu tababaro ciidanka.

Soomaaliya ayaa haatan taakulada hub ee ugu badan ka hesha wadamo ay kamid yihiin Turkiga, Imaaraatka iyo Maraykanka, balse haatan waxay awoodaa inay soo iibsato hub iyada u gooni ah.

Sidee loo kaydinayaa hubka?

Janaral Caanood wuxuu sheegay in qalabka ciidanku uusan u baahnayn meel lagu xareeyo marka hawl galka lagu jiro, “xilliyada tababarka oo kaliya ayuu hubku xeryaha yallaa,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa lahaan jirtay xeryo caan ahaa oo lagu kaydin jiray hubka ciidanka, laakiin janaraalka ayaa sheegay in waqtiyada dagaalka sida kan ay haatan ku jirto Soomaaliya.

Janaraalka ayaa sheegay in muddo hal sano ah oo uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee toddobatan iyo toddobadii aanu hubku u baahan meelo lagu kaydiyo maadaama si joogto ah loo isticmaalayey.

“Taankiyada iyo wixii roobku dhibayo jiingado ayaa loo samaynayaa ciidankuna teendhooyin ayuu u baahan yahay ee dabaqyo uma baahna,” ayuu yiri Caanood.

Hoos ‘u dhac weyn oo ku yimid’ dhaqaalaha Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa wuxuu saadaasha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya sanadkan 2023-ka ku sheegay in uu ku yimid hoos-u-dhac gaaraya ilaa 2.8 boqolkiiba, marka loo eego xagaagii hore oo uu ahaa 3.6 boqolkiiba.

Bankiga ayaa waxa uu caddeeyay in dhaqaalaha Soomaaliya uu wali u nugul yahay ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee ganacsiga iyo maalgelinta dibadda, kala duwanaanshaha dhaqaalaha oo xadidan, iyo u nuglaanta masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxaa la saadaalinayaa inuu kor u kaco bartamaha sanadkan iyadoo la filayo inuu si tartiib tartiib ah u kordho 3.7 boqolkiiba iyo 3.9 boqolkiiba 2024 iyo 2025, siday u kala horreeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, soo kabashada ayaa lagu waddaa in ay adkaato sababo ku aadan abaarta, khalkhalka sahayda badarka ee Ukraine, iyo masiibada caalamiga ah ee isbedelka caalamka,

Soomaaliya ayaa wali ku jirta dariiqa dib-u-habaynta dhaqaalaha in kasta oo ay jiraan dhibaatooyin kala duwan oo caalami ah iyo kuwo dibadda ka yimid kuwaas oo la odrasayo in ay sii wiiqaan dhaqaalaha dalka.

Kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay 2022 sababo lala xiriiriyay sicir bararka sare u kordhaya ee ka imaanaya dakhliga gudaha iyo baahida dalka wali u qabo kaalmadda dibadeed.

Intaas waxaa wehlisa, aaladaha maaliyadeed ee caalamiga ah kuwaas oo badankooda ka imaanaya colaadaha ka qarxay Bariga Dhexe ee u dhaxeeya Xamaas iyo Yahuuda iyo sare u kaca sicir bararka adduunka oo hakiyay isticmaalka iyo maalgashiga gaarka ah.

Somaliland oo soo qabatay raggii ka dambeeyay dilalkii ka dhacay HARGEYSA

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Hargeysa ayaa ugu dambeyntii gacanta kusoo dhigay koox rag ah oo maalmihii dambe dilal qorsheysan ka gaysanayay caasimada maamulkaasi.

Ciidanka amniga ayaa howlgal kusoo qabtay laba eedeysane oo loo haysto inay ka dambeeyeen dilal si abaabulan loogu gaysanayay darawallada ka shaqeeya Takaasida.

Labada eedeysane ayaa waxaa kala magacaabaa Xamse Cabdi Saleebaan oo 23 sano jir ah iyo Ayaanle Muxumed Xaashi oo isna ah 22 sano jir, waxaana loo haystaa inay dil iyo dhacba u gaysteen Marxuum Maxamuud Xasan Dacar  oo ahaa wadaad 46 sano jir ahaa.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha  kala ah 1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir 2- Ayaanle Muxumed Xaashi  ina Faadumo Maxamed  22jir oo ku eedaysan  inay  14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar  ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed  kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna    mobile-kiisii , waxaana loo hayaa markhaatiyaal cadcad inay  Marxuumka dileen, marxuumka ayaa ahaa darawal  ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan (Probox-ta), waxaanay  yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday taliska Booliska Somaliland.

Sidoo kale waxaa qoraalka la raaciyay “Dedaal dheer, hawlgallo iyo baadhid badan oo ay  sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanayashaa , waxaanna hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska”.

Eedeysanayaashan ayaa sidoo kale loo haystaa fal kale oo lagu dhaawacay muwaadin lagu magacaabo Mustafe Cali Cabdilaahi oo isna ah darawal, waxayna u gaysteen dhac.

“Dhanka kale eedaysanayaasha ayaa 3-11-2023kii  Sacaadadiin horteeda ka kiraystay gaadhi Vitz ah oo uu watay dhibane Mustafe Cali Cabdilaahi  kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar agtiisa kadibna ay dhaawacyo u gaystay , sidoo kalana ka  qaaday mobile uu sitay , kana tuuray gaadhigii. Waxaanay gaadhigii kaga tageen meel cidla ah inta ay  waxii ku jiray kala baxeen. Ciidanka Boolisku waxuu  degdeg u horgaynayaa Sharciga eedaysanayaashaasi” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska.

Ugu dambeyn Somaliland ayaa farriin u dirtay wadayaasha gaadiidka, waxayna ugu baaqday inay feejignaan sameeyaan, iskana fiiriyaan dadka ka kireysanaya baabuurta.

“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxuu darawallada  ku shaqaysta Gaaddiidka yaryar ee kala duwan u soo jeedinayaa inay  taxadar badan ka muujiyaan dadka ay qaadayaan , waxii ay ka shakiyaana  degdeg ula soo wadagaan Ciidanka Booliska . Ciidanka Boolisku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta  oo isku dayda khalkhal galinta nabadgalyada iyo waxyeellada shacabka ina uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Xasan: Inaan siyaasada soo galo waxaa igu dhiirageliyay AUN Cabdulqaadir Yaxye

Rotterdam (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen “Beesha Nabadda” oo ah Hay’ad loogu magac daray ALLAHA u naxariistee Cabdulqaadir Yaxye oo ahaa Agaasimihii CRD iyo shaqsi u ololeyn jiray nabadda Soomaaliya oo 2005-tii lagu dilay Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada Rotterdam ee dalka Netherlands.

Cali Yaxye oo ay walaalo yihiin Cabdulqaadir ayaa dhowr sanno ka hor isaga oo kaashanaya qaar ka mid ah hormuudka jaaliyadaha Soomaalida Holland wuxuu hirgeliyay Hay’adda (Yahye Peace Foundation); hay’adaas oo iska xilsaartay in ay qarashaadka waxbarashada ka bixiso caruur danyar ah oo aysan waalidiintoodu awoodin in ay ka bixiyaan qarashaadkaas, lagana soo kala xulay Gobolada Soomaaliya iyo caasimada. 

Kulankan xalay ayaa ujeeddadiisu aheyd in xubnaha “Beesha Nabadda” ay la wadaagaan waxqabadka iyo howlaha hay’adu ka wado gobolo ka tirsan dalka iyo caasimada hormuudka Jaaliyadda.

Aasaasaha Hay’adda Cali Yaxye, Xuseen Khadhiib, Liibaan Honest, Zahra Ilkacas, Hodan Cumar Dhuule, iyo xubno kale oo laf-dhabar u ah waxqabadka iyo dedaalada ay Hay’adda Nabadda Cabdulqaadir Yaxye ayaa khudbado ka jeediyay kulanka.

Sidoo kale, dadkii ka soo qeybgalay ayaa daawaday muuqaal laga soo duubay shaqsiyaad ay ka mid yihiin Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay marxuumka ka soo wada shaqeeyeen hay’adii CRD, wuxuuna sheegay Xasan in Cabdulqaadir uu ahaa shaqsigii ka dambeeyay in Xassan Sheekh uu siyaasada soo galo, isaga oo ku tilmaamay tiir muhiim ahaa oo Soomaaliya ka baxay.

Jabriil Cabdulle oo dhowaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, isla markaana ahaa shaqsigii la wareegay hogaanka hay’adda CRD geeridii Cabdulqaadir kaddib ayaa khudbad ay qiiro ka muuqatay jeediyay, isaga oo ku tilmaamay Cabdulqaadir inuu u ahaa waalid iyo walaal.

Gabagabadii kulanka xubnihii hay’adda “Yahye peace foundation” iyo dhammaan dadkii ka soo qeybgalay waxeey isku afgarteen in halkaasi laga sii ambaqaado “Legacy” uu ka tegay Cabdulqaadir. 

“Mustaqbalka dhow waxaan rajeynayaan in Soomaaliya laga hirgeliyo machad loo gaar yeelatay waxqabadkii iyo hadafkii uu u taagnaa Cabdulqaadir Yaxye,” ayuu yiri aasaasaha hay’adda Nabadda Cabdulqaadir Yaxye.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA KULANKA  

 

Howl-gallo culus oo maalintii labaad ka socda HIIRAAN

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maalintii labaad howl-gallo culus ka wada deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howl-galka maanta oo ahaa sifeyn, ayaa waxaa la arkayay iyada oo meydad ay qaadan waayeen kooxda Al-Shabaab ay yaalaan waddooyinka.

Deegaannadii shalay jabka iyo duqeynta loogu geystay kooxda ayaa saaka loogu tagay meydad cadowgu ka cararay waxayna ciidanka sii baacsanayaan haraadiga cadowga, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta.

Howl-galka oo ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira magaalada Halgan ee Ggobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in ciidamada isgarabsanaya ay burburiyeen, islamarkaana ay cagta maryeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.

Ergeyga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macaawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa maanta tagay goobihii kooxda lagu jabiyey.

Masuuliyiintan ayaa waxay ku bogaadiyeen geesiyaasha qaranka beegsiga kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale ku booriyay dardar-gelinta howl-gallada kooxda looga xoreynayo deegaanada ay weli ku harsan yihiin.

Si kastaba, Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.

Ganacsade kasoo jeeda KOONFUR GALBEED oo lagu dilay magaalada Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay saaka kooxo hubeysan ka gaysteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay ganacsade kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, kaas oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka la toogtay, isaga oo kasoo baxay Masaajidka oo uu kusoo dukaday Salaaddii Subax, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.

Marxuum Ibraahim Cabdiraxmaan wuxuu sidoo kale ahaa madax iyo hogaan dhaqanba u ahaa bulshadda reer Koonfur Galbeed ee ku nool magaalada Boosaaso, halkaas oo uu joogay inuu ka shaqeysto, wuxuuna kamid ah ganacsatada laga yaqaano magaaladaasi.

Dilkiisa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland oo illaa iyo hadda baaritaano wada, si ay gacanta ugu soo dhigaan dambiilayaasha.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee loo dilay ninkan, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland oo ku aadan dhacdadaasi.

Boosaaso ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay falal ammaan darri, waxaana kamid ah dil Jimcihii magaaladaas loogu gaystay Marxuum Khadar Cabdi Cali oo ahaa guddoomiyihii dhalinyarada Soomaali Galbeed ee Puntland oo gurigiisa lagu dhex dilay.

Puntland ayaa hadda wajahaysa xaalad adag oo ka dhalatay doorashada, taas oo ay isku hayaan xubnaha mucaaradka ah iyo madaxweyne Saciid Deni, taas oo loo badinayo inay ka mashquulisay wax ka qabashada falalka ammaan darri ee ka dhacaya gudaha maamulkaas.

Soomaaliya: 110 qof oo la shaaciyey inay ku dhinteen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa warbixin cusub kasoo saartay xaaladda ka taagan gobollada dalka ee ka dhalatay saameynta roobabka iyo daadadka El-Niño.

Xafiiska isku-xirka arrimaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay (UN-OCHA) oo soo saartay warbixintan ayaa shaacisay in dadka ku dhintay fatahaadaha Soomaaliya ay kor u dhaaftay 110 qof.

UN-OCHA ayaa waxay sheegtay in sidoo kale ay in ka badan hal milyan oo qof ku barakaceen fatahaadada Soomaaliya iyo saameynta ka dhalatay.

Sidoo kale waxay shaacisay in kiisas looga shakisan yahay cudurka Daacuunka iyo Shuban-biyoodka laga soo sheegayo deegaannada dowlad-goboleedyada qaarkood, gaar ahaan HirShabeelle iyo Galmudug.

“30% ayaa gargaar helay dadka ay dhibaatadu saameyay,” ayay hay’adda ku sheegtay warbixinteeda, taasi oo muujinaysa baaxada saameynta ka dhalatay roobabka iyo fatahaadaha ee gudaha Soomaaliya.

Roobabka toddobaadyadii ugu dambeeyay ka da’ay Soomaaliya ayaa dhaliyay daadad xooggan, oo ay ka dhasheen khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhawaac iyo khasaare hantiyadeed, iyo weliba barakac horleh.

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in la caawiyo dadka ku dhex go’doonsan magaalooyinka ay biyuhu harqiyeen, waxaana laga deyrinayaa saameynta ballaaran ee ka dhalatay fatahaadaha, ayada oo deegaanada qaarkood ay biyaha ka sare mareen.

Madaxweyne Xasan iyo Deni midkee ayey u toosi doontaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa mid walba si gaar ah wuxuu u tijaabinaya aragti isbeddel ah.

Xasan Sheekh wuxuu rabaa isbeddel saameynaya guud ahaan Soomaaliya, halka uu Saciid Deni rabo isbeddel saameynaya Puntland. Labada isbeddelba waxay leeyihiin dad siyaasiyiin ah oo diidan.

Deni wuxuu tijaabinaya inuu Puntland ka hirgeliyo nidaamka asxaabta badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Halka uu Xasan Sheekh si heer federaal ah u tijaabinayo inuu beddelo haykalka dowladnimada isaga oo dalka siinaya ku dhaqanka hanaan madaxweyne iyo ku-xigeen, inuu taas meel-mariyo ayaa ku xiran inuu dastuurka dhameystiro oo baarlamaanka mariyo.

Labada tijaaba ma sahlana. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ololihiisi doorashada ku ballan-qaaday in uu dhameystiri doono dastuurka, haddii la doorto.

Madaxweyne walba oo tega Villa Somalia ayay taasi qorshaha ugu jirtaa laakiin inta badan waa laga baqaa markii doorashada dhacdo.

Farmaajo ayaa 2017-kii xukunka ku qaatay qoddobo ay kamid ahaayeen inuu dhameystiri doono dastuurka, laakiin waa ku dhici waayay intii uu xafiiska joogay. Dadka qaarkii waxay yiraahdan uma aheyn mudnaan ee waa uu awooday in uu dhameystiro.

Haddii uu madaxweyne Xasan Sheekh uu taas ku guuleysto waxay ka dhigan tahay inuu xirmay mashruucii ugu dheeraa ee lacag laga bixiyo marka laga hadlayo dowladnimada Soomaaliya.

Tijaabinta arrimo waaweyn sida dhameystirka dastuurka iyo isbeddelka hanana dhismeedka qaranka ayaa dhinaca kale lagu fasiri karaa inuu madaxweynaha ku tijaabinayo awooddiisa hoggaamineed.

Saciid Cabdullaahi Deni isna culeys badan ayaa ka haysta inuu beddelo habkii lagu imaan jiray xukunka maamulka Puntland. Maamulkaas ayaa tan iyo 1998-dii waxaa madaxda dooran jiray 66 Xildhibaan oo ay soo qoraan odayaasha qabaa’ilka.

Inuu Deni beddelo habkan oo uu qabto doorasho qof iyo cod waxay ku jirtay waxyaabihii loo doortay. Waqtiga u dhiman oo aad u yar ayay dadka qaarkii ku diidan yihiin dhaqan-gelinta qorshahaan iyaga oo uga dhex jeeda muddo kororsi.

Xasan Sheekh iyo Saciid Cabdullaahi Deni waxay u muuqdan inay ku adkeysanayaan isbeddelada ay damceen ama ay hore u ballan-qaadeen.

Waxa laga dhaxli doono haddii ay dhaqan-galaan isbeddeladani ma xuma, laakiin habka ay labadan rabaan inay u dhaqan-galiyaan isbeddeladan ayaa wata xooga cabsi federaal ah iyo mid heer maamul goboleed ah.

Isku xaalad kuma sugna madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni. Mid waxa uu haysta hal bil iyo dhowr cisho si uu isbeddelkiisa u dhaqan-geliyo, midna laba sano iyo bar, waana midda keenaysa in aan isku dhibco la siin marka laga doodayo kuma ayaa haysta fursad uu ku dhaqan-galin karo isbeddelka uu damacsan yahay.

Waxaase dhinaca kale jira farqi u dhaxeeya dhinacyada raba inay isku-dayadaan beeniyaan. Xasan Sheekh ayaa wajahaya koox culus laakiin wuxuu haysta waqti uu wax ku kala fur-furi karo.

Labadaan isbeddel waa kuwa ugu waaweyn ee maanta ka taagan Soomaaliya, waxaana la eegaya midka dhaqan-gal noqda waqtiyada soo aadan, ama haddii ay labadaba fashilmi karaan.

Faah-faahinta duqeyn ka dhacday guri ku yaalla JILIB

0

Jlib (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay ka dhacday qaybo kamid ah degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku xoogan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta oo aheyd bartilmaameed ayaa waxaa fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, taas oo abaare sideedii fiidnimo gantaallo ku garaacday guri ku yaalla halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo inay maqlayeen guuxa diyaarad, kadibna ay xigtay maqalka laba qarax oo ka dhashay gantaalada ay ku dhufatay gurigaasi.

Illaa hadda ma cadda cida lahayd diyaaradda weerarka gaysatay iyo goobta la duqeeyay, waxase magaalada ku xoog badan oo saldhigyo waaweyn ku leh kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa ka hadashay weerarkan, waxayna shaacisay in duqeynta ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Maraykanka laga leeyahay, ayna gantaal ku dhufatay guri dad rayid ah dagan yihiin, sida ay hadalka u dhigtay.

Al-Shabaab ayaa intaasi kusii dartay in weerkan ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayid ah oo midkood ay ahayd gabadh yar oo 11 sano jir ah, sida ay ku sheegeen qoraalkooda

Ma jiro war ilo madax bannaan oo xaqiijin kara warka Al-Shabaab iyo khasaaraha ka dhashay duqeynta xalay ka dhacday degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada huwanta oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Daawo: Deegaano badan oo laga xoreeyey Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Howlgal uu hoggaaminayey Cali Jeyte hoggaamiyaha guud ee ciidamada Macawiisley ayaa shalay kooxda Al-Shabaab looga xoreeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib abaabul culus oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday gobolka.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in kooxda ay saareen deegaano badan oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Hiiraan, halkaas oo fariisimo waaweyn ay ku laheyd kooxdu.

“Dhowr cisho ayaan keyntaan ku jirnay oo isku diyaareynay baacsiga cadowga, shalay ilaa maanta ayaan ku jirnay howgalka ugu culus oo dhinacyo kala duwan ay iska kaashadeen, si gaar ah ciidanka Macawiisley oo duruuf adag ku shaqeynaya,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Cali Jeyte ayaa sheegay inay howgalkaan ka soo bilaabeen deegaan lagu magacaabo Miir-qooley, isla markaana ay kooxda uga sareen dhul howd ah oo aad u baaxad weyn.

“Cadowga uma suurtagelin inay iska kaana difaacaan, weli ciidankii ayaa sii baacsanaya, waa daciif Shabaab-ku, ma dagaalamaan ee markii ciidanka ay u jeedi waayaan waxay gowracaan dadka masaakiinta ah ee aan iska celi karin,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu tusaale u soo qaatay labo wiil oo shacab ahaa oo habeen ka hor ay dileen, kadib markii ay jidka u galeen, “War qof kasta oo Soomaali ah haku dhiiradu iska dhicinta cadowgaan,” ayuu yiri.

Cali Jeyte ayaa mar kale ku celiyey digniintii uu u diray shacabka ku nool deegaanada ay joogto kooxda Al-Shabaab, “Hadhow war ayaad sheegi doontaan, war hooy ka fogaada Shabaab, idinka iyo xoolihiina waa idin gubi doonaa, markii ay gacanteenu idin soo gaarto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte.

Howlgalkaan Hiiraan ka bilowday waxaa ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka, dowladda federaalka ayaa saakay waaberigii shaacisay in 60 dagaalame Al-Shabaab looga dilay duqeyn ka dhacda duleedka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Hoos ka daawo

20 sano kadib baarlamanka iyo xildhibaanada ma baaluqin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay kulankii shalay ee Xildhibaannada labada Aqal e Baarlamaanka ay ku lahaayeen, kaasi oo lagu kala kacay, kadib markii uu buuq xoogan uu hareeyay hoolka ay ku shiraayeen xildhibaannadu.

Cosoble ayaa qoraal uu soo saaray ku dhaliilay hab dhaqankii shalay ee Xildhibaannada Baarlamaanka, isaga oo su’aal galiyay isbeddelka hab dhaqan ee baarlamaanka 20 sanno kadib.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaad moodaa in xildhibaanaada la yiri waxaad xildhibaanno u tihiin inaad caqabad ku ahaataan dowladda. Yaa fikirkaa khaldan ka dhaadhiciyay xildhibaanada? Ayagaaba ka soo horreeya kuwa diidan inuu dalka hore u socdo.

Xildhibaanka wuxuu la mid yahay askariga taraafikada ah ee waddada taagan firimbigana sita.

Askariga taraafikada waxaa laga rabaa inuu gaadiidka kala socodsiiyo oo aaney waddooyinka jaam noqon. Balse hadduu inta adeegsado firimbiga oo uu isku xayiro gaadiidka, magaalada dhamaanteed ayaa isku xayirmeysa dadkana ma shaqeysan karaayaan.

Xildhibaannada baarlamaanka maanta wexey la mid ahaayeen taraafiko gaadiidka dhammaantii qoorta isu gelinaya.

Maxaa ku jaban in akhrinta 1aad la mariyo miisaaniyadda kadibna lagu xijiyo xisaab-xirka? Markey mid ka baxaan miyaaney midda xigta ka howl geli karin?

Dhanka kale, baarlamaanka iyo xildhibaannada 20 sano kaddib ma baaluqin miyaa?
Wexey aheyd sannadkii 2005 markii annagoo ah xildhibaanno aanu Nairobi hoteel gudihii kuraas isla dhacnay oo daqarro iyo dhaawac badan isu geysannay annagoo awoodna inaan cod ku kala baxno.

Maanta waxaan daawaday xildhibaanno ka soo istaagay fadhigoodii oo soo wada aaday shir guddoonkii.

Miyaaney ka xishooneyn ummadda ay wakiilka ka yihiin ee daawaneysa? Tilmaanta ay bixinayaan sow ma aha in markaad wax diidan tahay in fowdo la kiciyo? Miyaaney ilaalineyn shuruucda u qoran? Miyaaney cod laheyn? Baroorta orgiga ka weyn!

Ciidamada Beesha Waceysle oo la wareegay Ceeldheer iyo Mesagawaa, soona dilay…

0

Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda beesha Waceysle ayaa galabta weerarro culus ku qaaday magaalooyinka Ceeldheer iyo Mesagawaa ee bariga gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa dagaal kala kulmay Shabaab-kii joogay deegaanka Mesagawaa, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidanka Macawiisley ee beesha Waceysle ayaa hub ka furtay kooxda, waxayna kala wareegeen magaalada Mesagawaa, inkastoo Maqribkii ay dib u gurteen oo caawa ay joogaan deegaan lagu magacaabo Cige oo koonfur ka xiga Mesagawaa.

Ciidamadaan maanta waxay ku hormareen degmada Ceeldheer, iyagoo si nabad ah kula wareegay magaaladaas oo wax Shabaab ah oo ciidamadu ay iska caabin kala kulmeen aysan joogin.

Labo toddobaad gudahood waa markii labaad ee ciidanka Macawiisleyda Waceysle ay weerareen degmada Ceeldheer, iyagoo halkaas ku dilay madaxii Shabaab-ka ee degmada Ceeldheer, iyagoo horjooge kalena nolosha ku soo qabtay.

Wixii ka dambeeyey markii sida gaadmada ah ay ciidamadu u weerareen Ceeldheer maalmo ka hor, waxaa isaga cararay xubnihii ka joogay kooxda Al-Shabaab, waxayna Ceeldheer noqotay magaalo haawaneysa.

Labo maalmood ka hor waxaa la sheegay in Shabaab ay degmada Ceeldheer ka afduubteen wiil iyo aabihiis, kuwaas oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada, waxaana la sheegay inay la aadeen dhanka deegaanka Cowsweyne.

Saraakiisha ciidamada deegaanka ee galabta gudaha u galay Ceeldheer iyo Mesagawaa ayaa warbaahinta u sheegay inay sii wadayaan howlgallada oo deegaano hor leh ay sii gaari doonaan.

Saraakiisha ayaa sheegay inay soo bandhigi doonaan hubka ay maanta ka furteen kooxda Al-Shabaab, sidoo kale waxay xog ka bixiyeen halka ay aadeen Shabaab-kii isaga cararay Ceeldheer iyo Mesagawaa, deegaanka Cowsweyne ayey sheegeen inay isugu tageen.

Qaadista cuna-qabateynta Somalia oo ka macno weyn sida la moodayo (Afar qodob)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa u dabaal-degaysa asbuuc kale oo laga mira-dhaliyay dadaalkii dalka looga qaadayay cuna-qabateynta hubka ee saarneyd tan iyo 1992-dii, markaas oo ay qarxeen dagaalo sokeeye oo ku lug lahaayeen jabhadihii riday dowladdii kacaanka ee xoogga ku haysatay xukunka dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa habeen hore si buuxda iskugu raacay in Soomaaliya laga wada qaado cuna-qabateynta hubka, waxaa kale oo la ansixiyay in argagixisada si gaar ah loo saaro cuna-qabateyn hubeyd, taasi oo macnaheedu tahay in cid walba oo argagixisada hub ka iibisa inay dabiile tahay.

Soo afjarida cuna-qabateynta 31 jirka ah ee xagga hubka ka saarneyd Soomaaliya ayaa ka dhigan Qarannimo, maadaama dal kasta oo go’aamadiisu weli ku jiraan gacanta QM waa dhan taalan tahay madax-banaanidiisu.

1. Qaranimo

Soomaaliya oo iyadu go’aan u leh nooca hub ee ay soo iibsaneyso iyo midka ay iska dhaafeyso, oo aan fasax weydiisaneyn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa arrin kabeysa qarannimada Soomaaliya.

2. Dhismaha ciidan xoog leh

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hadda haysan hub ku filan ciidankeeda. Waxaa inta badan caawiya dalal shisheeye oo iyagu gacana ku caawiya midna ku duuga.

Dowladda Soomaaliya gacanta kuma hayso xuduudaheeda, oo haddii xitaa ciidan u joogaan ma haystaan hub iyo saanad u dhigma kuwa dalalka kale ka jooga xuduudaha.

Dowladda waxay hadda dhisan kartaa ciidan badan oo hubeysan, oo ilaalin kara amniga gudaha iyo xuduudaha dalka.

3. Dagaalka argagixisada

15 sano ayaa laga adkaan waayay kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, inkasta oo sababuhu badan yihiin haddana mid kamid ah waa hubka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo midka argagixisada kalama hub cusleyn muddo aad u fog. Laakiin hadda dowladda waxay soo iibsan kartaa nooc walba oo hub ah, si ay ugu sahlanaanto inay burburiso argagixisada hortaagan nabadda iyo horumarka dalka.

4. In laga maarmo gacan shisheeye

Soomaaliya waxay si tartiib tartiib ah uga sii baxaysa gacanta iyo ku tiirsanaanta ajnabiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda nin soo hoynaaya dal 100% is wadi kara. Dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo cilaaqaad ahaanba Soomaaliya gacanta ayaa lagu hayay tan iyo markii Carta lagu soo unkay dowlad kumeel-gaar ah sanadkii 2000.

Laakiin hadda dalka wuxuu maalin walba usii dhawaanaya inuu ka maarmo gacanta shisheeyaha. Hadda dalku hub nooc walba ayuu soo iibsan karaa waana mid aan farxad galineyn cid walba oo diidan inay Soomaaliya gaarto isku filnaansho buuxa.

Kadib natiijadii 24-kii bishii dhamaatay ee ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cuna-qabateynta hubka ee habeen hore hirgashay, waxay sidoo kale ka dhigan tahay inuu Xasan Sheekh dhameystiray qodob labaad oo weyn toban cisho gudahood.

Wararkii ugu dambeeyey ee wax ka beddelka dastuurka iyo kulan maanta dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka JFS ayaa maanta kulan wada jira waxa uu uga furmay magalada Muqdisho.

Ujeedka kulankaan ayaa ahaa soo bandhigid iyo soo jeedinta cutubyo kamid dastuurka, kaasi oo uu diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka Soomaaliya.

Labada guddi ayaa isla eegi doona cutubyada 1-aad illaa 4-aad ee uu soo diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka, ayada oo markaas kadib loo gudbin doono labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Burhaan Aadan Cumar ayaa ugu horeyn xubnaha guddiga la-socodka u soo bandhigay soo jeedinta warbixinta cutubyadan.

“Guddiga madax-banaan wuxuu u maray diyaarinta cutubyada soo jeedinta iyo warbixintooda warbixinadii iyo soo jeedimihii dastuurka ee xilliyadii 1-aad iyo 2-aad ee baarlamaankii 9-aad, iyada oo ay jirtay in xilligaas la sameeyay la-tashiyo badan oo lala yeeshay hay’adaha kala duwan ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah,” ayuu yiri guddoomiye Burhaan.

Guddoomiyaha La-socodka Dastuurka Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Iidoow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guddiga madaxa-banaan ee dastuurka ku bogaadiyay shaqada uu qabtay, kana guddoomay warbixinta iyo soo-jeedimaha cutubyadaasi.

“Waan idinka guddoonay cuutbyada aad kasoo shaqeyseen iyo warbixinta la socota. Shan billood kadib waxaa runtii garowsanahay in shaqo wax ku ool ah oo macno leh soo qabateen.”

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyeyaasha labada guddi iyo xubnaha kale ee guddiyada dastuurka Soomaaliya.

Hoos ka daawo