27.4 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Somalia appoints high-profile envoy to strengthen diplomatic ties with Kenya

0

President Hassan Sheikh Mohamoud of Somalia has named Jabril Ibrahim Abdulle as his new ambassador to Kenya, marking a significant step toward promoting collaboration and mending diplomatic ties. This strategic decision signals a significant shift in the diplomatic landscape, aiming to reinvigorate the previously strained relations between the two East African nations. 

Under the previous presidency of Mohamed Abdullahi Farmajo, tensions between Kenya and Somalia escalated, leading to the expulsion of Kenya’s envoy from Mogadishu and a detrimental impact on bilateral trade and regional stability. The elections of Presidents Mohamoud and Ruto, however, have breathed new life into the diplomatic discourse between the two countries. 

Abdulle, a former presidential candidate, assumes his role at a critical juncture when Somalia and Kenya are jointly combating extremist groups such as Al-Shabab and Al-Qaida affiliates. His extensive experience in peace-building and state-building, particularly his instrumental role in the formation of Somalia’s current federal government, positions him as a seasoned diplomat capable of navigating complex geopolitical challenges. 

Abdulle’s appointment has received praise from regional analysts, including Abdullahi Mohamed, who lauds his understanding of the historical relationship between the two nations. “Jabril Abdulle understands the historical relationship between the two countries. He is familiar within Kenya’s establishment, positioning him to cultivate a strong strategic partnership,” stated Abdullahi.

What sets Abdulle apart is not only his diplomatic acumen but also his profound understanding of the historical ties between Kenya and Somalia. Having lived and worked in Kenya for several years, he appreciates Kenya’s significant contributions to Somali peace and reconciliation initiatives, as well as the formation of transitional and federal national governments.

The timing of Abdulle’s appointment is opportune as both countries look to enhance their partnership, collaboratively counter terrorism, strengthen regional stability, and build robust economic cooperation. President Mohamoud’s move underscores a commitment to forging a fresh, cooperative path and marks a departure from previous strained relations. 

As Somalia and Kenya embark on this promising journey of renewed friendship and collaboration, Mr. Abdulle’s appointment promises enhanced diplomatic engagement, stronger economic ties, and contributions to regional stability and prosperity. The international community watches with anticipation as the two nations set the stage for a Joint Commission for Co-operation (JCC) early next year in Nairobi, aiming to discuss and agree on matters of mutual interest, ranging from security activities and defense to agriculture, trade, intelligence exchange, health, education, and the continuous review of the visa regime. The potential reopening of borders between the two countries is also on the agenda, aiming to facilitate the movement of people and enhance the trade of goods and services. 

In a resounding show of approval, Somali business communities with substantial investments in Kenya’s economy are warmly welcoming the appointment of Mr. Jabril Ibrahim Abdulle as Somalia’s new ambassador to Kenya. These business leaders, who have poured billions of Shillings into various sectors of Kenya’s economy, see the appointment as a positive step towards fortifying the economic and diplomatic ties between the two neighboring nations. 

Abdulkadir Nur, a prominent businessman engaged in real estate business, expressed deep gratitude on behalf of the Somali business community, stating, “We’re deeply grateful for President Mahmoud’s choice to appoint an envoy who enjoys the support of both countries.” This sentiment is echoed by many others who view Abdulle’s appointment as a crucial catalyst for the improvement of bilateral relations.

Nur lamented the recent strained relations, emphasizing the enduring bond between Kenya and Somalia. “God made Kenya and Somalia neighbors for eternity; we share common values, culture, and our history is cemented by blood,” he stated passionately. He voiced confidence that the new envy will play a pivotal role in not only strengthening economic ties but also in providing essential embassy services for the Somali community residing in Kenya. 

The Somali business community sees this diplomatic move as an opportunity to mend relations and pave the way for increased collaboration, which could have a positive impact on regional stability and economic prosperity. As Ambassador Abdulle takes on his role, expectations are high among the business circles for a renewed era of cooperation and shared growth between Kenya and Somalia.

In the last year, President Mohamoud and President Ruto have engaged in over eight bilateral meetings, underscoring the establishment of a strong and close relationship between the two leaders and emphasizing their dedication to fostering a robust strategic partnership.

Madaxweyne Xasan oo safiir cusub u magacaabay Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Magacaabistan ayaa imaneysa kadib markii uu Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) soo afmeeray shaqadii diblumaasiyadeed ee Kenya, ahaana safiirkii Soomaaliya u fadhiya dalkaasi.

Danjiraha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu kamid ahaa siyaasiyiin dhowr ah oo mar isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu 10-kii sano ee la soo dhaafay ka shaqeeyay Kenya.

Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa tegi doona magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, xilli dowladda Kenya ay sidoo kale beddeshay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sagootisay danjire Tarsan, oo isagu soo gaba-gabeeyay mudadii uu ahaa safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isaga oo dib ugu laaban doona dalka.

Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu kaloo ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika.

Si kastaba, Safiirka cusub ayaa waxaa horyaalla howlo muhiim, oo ay ugu horeyso in uu fududeeyo in dib loo furo xuduudaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

DF oo WAR cusub ka soo saartay ka qeyb-galka SSC ee tartanka kubadda cagta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marka ka hadashay ka qeyb-galka SSC-Khaatumo ee tartanka kubadda cagta dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in SSC- Khaatumo ay ka qeyb-gali doonto tartanka kubadda cagta haddii ay buuxiso shuruudaha looga baahan yahay.

Shuruudahan ayuu wasiirka ku sheegay inay yihiin kuwa farsamo, ayna lagama maarman tahay in ay SSC-Khaatumo soo dhameystiro, si ay 15-ka bisha December ee sanadkaan uga qeyb galaan tartanka.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in SSS-Khaatumo looga baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan soo dhisaan xiriirka kubadda cagta SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in ay jiraan arrimo siyaasadeed oo SSC-Khaatumo looga reebay tartanka, isaga oo xusay inay dadaal xooggan ku bixiyeen sidii SSC uga qeyb noqon laheyd tartankan.

Waxaa xusid mudan in maalmo un kahor SSC-Khaatumo ay magacowday guddiga xiriirka kubadda cagta ee SSC, taasi oo uu sameeyay Xoghayaha dhallinyarada iyo cayaaraha SSC-Khaatumo, si ay usoo buuxiso shuruudaha.

Si kastaba, dhawaan ayay aheyd markii dowladda federaalka Soomaaliya ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u aqoontay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo oo fadhigiisu yahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mowqifka dowladda federaalka oo ahaa aqoonsiga maamulka KMG ah, ayaa dhabaha u xaareysa maamul rasmi ah, taasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.

Abiy Ahmed ‘oo weerar culus ku qaaday’ Isaias Afwerki

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu warramay inuu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ugu yeeray mid “neceb oo kasoo horjeeda” Itoobiya.

Warbaahinta YouTube-ka ee Anchor Media, oo si aad ah ugu dhow dowladda Itoobiya, ayaa ku warantay in Abiy uu arrintan soo hadal qaaday mar uu kulan la lahaa saraakiisha xisbigiisa Prosperity Party.

“Waxaa la ogyahay in Abiy Ahmed uu si ba’an u dhaleeceeyay Madaxweyne Isaias Afwerki intii lagu jiray shirkii madaxda sare ee Xisbiga Barwaaqo,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxaa intaas dheer, Abiy ayaa laga soo xigtay isagoo leh, “Waxaan muddo dheer ka warqabay in Isaias uu haysto dareen ka dhan ah Itoobiya. Waxa aan rajaynayey horumar, laakiin mowqifkiisii Itoobiya-diidka ah ayaa wali taagan.”

Intii uu socday dagaalkii dowladda federaalka Itoobiya iyo jabhadda TPLF, Abiy Ahmed ayaa sheegay in waxa Eritrea ay u sameysay Itoobiya markii taliska ciidankeeda waqooyi la weeraray, aaanu dal kale sameyn karin.

Hase yeeshee, ilo-wareedyo ayaa sheegay in xiriirka Abiy iyo Afwerki uu xumaaday markii dowladda Abiy ay magaalada Pretoria heshiis kula gashay TPLF, taasi oo soo afjartay dagaalkii labada sano socday.

Sida lagu heshiiyey, waxaa la filayey in kooxda TPLF ay hubka dhigto, balse taasi ma dhicin, iyadoo sida la sheegayo kooxda ay haysato cudud ka kooban ugu yaraan 200,000 oo askari oo hubaysan. Dowladda Eritrea ayaa kooxda TPLF u aragta halis.

Sida la tuhunsan yahay, khilaafka u dhexeeya Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki (iyo guud ahaan Eritrea) ayaa cirka isku shareeray kadib markii Abiy Ahmed uu sheegay bishii October ee sanadkan uu sheegay inay tahay inay dekad ka helaan Badda Cas, si kasta oo ay ku timaado.

Talaadadii toddobaadkii hore, Abiy Ahmed ayaa khudbad ka jeediyay baarlamaanka Itoobiya. Waxa uu sheegay in hadalkiisa uu ula jeeday inuu doonayo in laga wada xaajoodo arrimaha ku saabsan badda, islamarkaana aysan dowladdiisa damacsaneyn inay dagaal la gasho dal na.

Ka sokow Eritrea, hadalkiisa ayaa walaac ka abuuray dalalka kale ee deriska ah qaarkood, sida Jabuuti iyo Soomaaliya.

Waxaa hadda jirta cabsi la dareemi karo oo laga qabo in dagaal uu ka dhex-qarxo Itoobiya iyo Eritrea.

CC Shakuur oo si qayaxan u weeraray Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal ku dhaliilayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo sida uu sheegay in bedela markii ay xukunka qabsadaan.

Cabdiraxmaan oo u muuqda inuu ku dhegahadlayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa siyaasiyiinta si guud ugu dhaliilay in aysan cashar ka baran waayihii lasoo maray.

“Silsalada waayaha siyaasada Soomaalida waa kuwo isku eg, dhacdooyinkuna iyagoo isku mid ah ayey soo noqnqodaan, sababtuna waa in aan cashar laga baran waaya-aragnimada iyo tijaabooyinkii halista lahaa ee la soo maro,” ayuu yiri CC Shakuur.

Qoraalka xildhibaanka ayaa intaas ku sii daray, “Nin saaxiibkeey ah ayaa i waydiiyey, war ninyahow madaxda Soomaalidu maxay u miir la’yihiin markii ay xukunka hayaan, haddii ay xilka ka degaana dad macquul ah u noqdaan.”

“Waxaan ku iri, xukunku wuxuu leeyahay sarqaan ruuxa miyirka ka qaada, haddii ruuxa madaxda ahi dad karti, aqoon, iyo ku dhac leh xusho, gacanta ayey qabtaan, laakiin haddii uu arursado kuwo ka gabada ama sacab, iyo sax weeye ku yiraa, sarqaanka ayuu ku socdaa, ilaa uu ka gaaro halkii uu odaygii Soomaaliyeed ka yiri;-

“Markii aan tabar hayeyna talo ma hayn, maanta oon talo hayana tabar ma hayo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aad u diidan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka bedelka nidaamka hoggaaminta dalka, qorshahaas oo sababaya in wax laga bedelo dastuurka dalka.

Xasan Sheekh ayaa doonaya in dalka laga hir-geliyo nidaam madaxtooyo oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka ah, iyadoo meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha, qorshahaan ayaa diidmo adag kala kulmaya siyaasiyiinta ugu waaweyn dalka.

Dhawaan waxaa lagu wadaa in shir weyne ka dhan ah qorshaha uu damacsan yahay Xasan Sheekh ay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdulqaadir Cosoble iyo masuuliyiin kale.

Markii uu dhawaan furmo kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa ayaa qorsheynaya inay horgeeyaan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaas oo dhigaya in loo guuro nidaam madaxtooyo iyo qodobo kale oo wax badan ka bedelaya dastuurka dalka.

Soomaaliya iyo 5 waddan oo kale oo Azerbaijan ku saxiixay…

0

Baku (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo shan waddan kale ayaa magaalada Baku ee ee Jamhuuriyada Azerbaijan ku saxiixay xeer cusub.

Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan ayaa Baku ku saxeexey sharciga xarunta shaqada ee ururka Iskaashiga Islaamka.

Xaruntan ayaa wax badan ka qaban doonta arrimaha la xiriira shaqo abuurka iyo ilaalinta bulshada ee dowladaha ku bahoobay ururka Iskaashiga Islaamka.

Xaruntan ayaa ujeeddadeedu u weyni tahay in wax laga qabto caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada iyo sidii dhalinyarada loo siin lahaa tababaro la xiriira suuqa shaqada, si ay horumariyaan xirfadahooda shaqo.

Lix waddan oo xubin ka ah ururka oo ay ugu horreeyaan Jamhuuriyada Ciraaq, Falastiin, Burkino-Faso, Uzbekistan, Jabuuti iyo Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa saxeexay xeerka xarunta shaqada, intii uu socday kalfadhigani, taasi oo waddarta guud ee dalalka saxeexay ka dhigaysa 16 dal.

Dowlada Soomaaliya guul-weyn ayay u tahay in ay maanta saxeexdo xaruntan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay xaruntani qarankeena iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waqtiga uu Xasan Sheekh qabsaday oo lagu tilmaamay ‘mid aan macquul ahayn’

0

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay Machadka Royal United Services Institute ee London, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato hal sano si ay dalka uga saarto kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaab dalka laga saaro horraanta sannadka 2024. 

“Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Haddaba sidee ayay suurtgal u tahay in Al-Shabaab dalka hal san looga saaro.

Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faalloodda arrimaha amnig,a oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ay adag tahay in Al-Shabaab dalka looga saaro halka sano ee madaxweynaha uu qabtay hadii aan wax laga baddelin qaabka dagaalku uu hadda u socdo. 

“Ma aha wax macquul ila ah in Al-Shabaab dalka looga saaro hal sano waayo, waxaan oganahay in ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin roobabka dalka da’ay iyo daadadka xoogga leh, khilaafka siyaasiga ah iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada oo aan mideeysan hadii ay yihiin kuwa jooga Puntland, Jubaland iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri.

Ciidanka ATMIS ayuu sheegay haddii ay ka baxaan Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2024 -ka ayadoo aan Al-Shabaab laga saarin guud ahan waddanka ay dhici karto khatar weyn taas oo khasbi doonta in si kale loo wajaho Al-Shabaab.

“Haddii ay ciidanka ATMIS baxaan marka la gaaro 2024-ka hadii aan la sameey sadex arrin midkood waxaa dhici doon khatar weyn oo sida Afghanistan oo kale ay suurt gal tahay in ay dhacdo hadii aysan daka Soomaaliyeed isku imaan xilgaas ka hor oo aysan heshiis ka gaarin arimaha ay isku hayaan oo aan xooggana la saarin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Kaboole.

Madaxweynaha ayaa yiri “Diiradadu waxay ahayd ciribtirka haraadiga Al-Shabaab.” Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka.

Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010, laakiin Al-Shabaab ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka.

Xasan oo maanta xaqiijin kara guushiisii ugu weynayd ee muddo xilleedkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay maanta ku biiri kartaa dallada bulshada Bariga Afrika. Muqdisho ayaa sanado badan raadineysay xubinimada ururkan sababa isbeddelka dhaqaalaha iyo socdaalka gobolka.

Marka la eego xilliga la aqbalay in la dhageysto oo ficil ahaan loo qaatay codsiga Soomaaliya iyo xilliga uu soo baxayo go’aanka aqbalidu, waxay Soomaaliya noqon doonta dalkii ugu dhaqsiyaha iyo deg-degta badnaa ee gala ururkaan.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galaya madasha codka loogu qaadayo Soomaaliya, waxaana madaxweynuhu shalay galab gaaray magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania, si uu u xoojiyo ololaha dalkiisa.

Ururkaan waxaa hadda ku jira toddoba waddan, Soomaaliya waxay noqon doonta dalkii siddeedaad. Waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa kamid ah dalalka riixaya in Soomaaliya la siiyo fursad.

Cabdisalaan Hadliye Cumar, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo kooxdiisa kala shaqeynaysa mashruuca ku biirista dallada Bulshada Bariga Afrika ayaa dalka ku yeelan doonna diiwaan guul ku suntan, haddii codeyntani ay maanta “Haa” ku dhamaato.

Madaxda dalalka East African Community ayaa maanta ku kulmaya magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania. Shirkaan waa kii 23-aad ee heerka madaxda sare ee ururkaan.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad isbeddel amni ah iyada oo la dirireysa argagixiso caalami ah. Dalalka ururkaan ku jira waxay fahamsan yihiin baaxada kheyraadka aan weli la isticmaalin ee Soomaaliya iyo sida uu gobolka uga faa’iideysan karo qoddobka kheyraad waddaaga, xoriyadda ganacsiga iyo canshuuraha mideysan.

Dadka diidan ku biirista Soomaaliya ee ururkaan ayaa qaar waxay xujo ka dhigayaan in argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya ay weli tahay caqabad aan laga boodi karin oo ka faa’iideysan karta fursadaha socdaalka iyo ganacsiga ee laga faa’iidi doono ku biirista ururkaan iyo dhinaca kale dayacaada ka muuqata dhanka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya.

Balse dalalka u ololeynaya in Soomaaliya la aqbalo codsigeeda ayaa aqrinaya fursadaha dunida ku hardameyso ee dhex ceegaga Soomaaliya balse aan helin hal abuur uga faa’iideeya dalka iyo gobolkaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u socdaalay dhowr waddan oo ku jira dallada bulshada Bariga Afrika bilihii lasoo dhaafay. Villa Somalia waxay sheegtay in dhamaan dalalkaasi uu madaxweynaha kala hadlay ahmiyadda ay gobolka u leedahay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto ururkaan, xirfada ganacsi iyo howl-karnimada dadka Soomaalida ah iyo kheyraadka ceegaga dalkaan geeska Afrika ku yaalla oo u baahan maalgashi caalami ah iyo mid heer gobol ah.

Rejada Soomaaliya ee ah in maanta “Haa” loogu codeeyo waa mid aad u sarreysa. Haddii ay sidaas u dhacdo waxay noqon doonta guushii ugu weynayd ee nidaamka Xasan Sheekh soo hooyo tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay madaxweynahan 68 jirka ah.

Xasan Sheekh ayaa haddii uu maanta dalka ku daro dallada bulshada Bariga Afrika wuxuu dhameystiri doona mid kamid ah lixda qoddob ee laga sugayo inuu ku xaqiijiyo muddo xileedkiisan labaad.

SOMALILAND oo jawaab ka bixisay sheegashadii dowlada Itoobiya ee dekada Berbera

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warka kasoo baxay dowladda Itoobiya ee ay ku sheegtay inay kula jirto wada-hadallo ku saabsan dekedda magaalada Berbera.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa wasiirka gaadiidka iyo saadka Dr. Alemu Sime kasoo xigatay in wada-hadalladaas ay marayaan meel wanaagsan.

Isaga oo xusaya in Itoobiya ay 95% badeecadaha ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofiso u isticmaasho dekedda Jabuuti, wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera, sida ay sheegtay EPA.

Isaga oo ka jawaabaya ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland Dr. Ciise Kayd wuxuu ku adkeystay in aysan waxaba ka jirin sheegashada Itoobiya.

“Arrintaan waxay ku saabsan tahay sheekadii hore ee 19%,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay in arrintani mar hore ahayd, warkeediina hadda dhamaaday.

Heshiiskaas ayuu sheegay in Itoobiya ay ka soo bixi waysay shardigii laga rabay ee ay qaybta uga noqon laheed dekadda Berbera ee ay haatan gacanta ku hayso DP World.

“Itoobiya waa ay bixin waysay lacagtii laga rabay, sidaas ayayna ku waysay qaybtii ay rabtay,” ayuu wasiir kayd sii raaciyay hadalkiisa.

Dad badan oo ku nool Geeska Afrika oo Soomaalidu ugu horeyso ayaa walwal ka muujiyay in Itoobiya ay si walba ku qaadan doonto badaha ku teedsan wadamada ay dariska yihiin.

Abiy ayaa horey uga digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Somaliland ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 30 sano kahor, balse ma haysato aqoonsi caalami ah, taasi oo adkeyneysa heshiis kasta oo Itoobiya ay ku dooneyso inay dekad uga hesho Soomaaliya, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay inay diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri. 

Xabbad-joojin afar maalin ah oo ka billaabatay Gaza

0

Gaza (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Xamaas ayaa billaabay xabbad-joojin afar maalmood ah saaka oo Jimce ah.

Sidoo kale wadaa lagu wadaa in Xamaas ay sii daayaan 13 haween iyo carruur Israa’iil ah oo la haystayaal ah isla maanta, iyo in ay gargaar bini’aadannimo uu soo gaaro marinka Gaza ee go’doonsan.

Xabbad-joogintan ayaa ah tii ugu horreeyay ee dagaalka socday toddobada toddobaad.

Xabbad-joojintu waxay bilaabatay 7-dii aroornimo ee xilliga Gaza, taas oo ka dhaqangashay waqooyiga iyo koonfurta Gaza, waxaana ku xigta sii-daynta qaar ka mid ah in ka badan 200 oo la-hayste oo Xamaas ay qafaasheen intii uu socday weerarkii Islaamiyiinta ee 7-dii bishii hore ee Oktoober, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyayaal ku sugan Qatar.

Tiro maxaabiis falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israa’iil lagu sii deyn doonaan is-weydaarsiga maxaabiista labada dhinac.

Gargaar dheeri ah ayaa loo qorsheeyay in uu ku qulqulo Gaza, waxaana la haystayaashii ugu horreeyay oo ay ku jiraan haween da’ ah la sii deyn doono 4-ta galabnimo, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majid Al-Ansari.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu intaas ku daray in tirada guud ee la sii deyn doono afta maalmood ee xabbad-joojinta ay gaari doonto 50 qof.

Masar ayaa sheegtay in 130,000 oo litir oo shidaal ah iyo afar baabuur oo gaas ah la geyn doono Gaza maalin kasta marka xabbad joojinta la bilaabo, waxaana maalin walba Gaza soo geli doona 200 oo baabuur oo gargaar ah.

Xamaas ayaa ku xaqiijisay khadleeda Telegram-ka in dhinacooda ay qaateen xabbad-joojinta.

KENYA oo weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha

0

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay shalay ciidamada Kenya ku qaadeen goob ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Dabalwein oo ku dhaw Ijara ee ismaamulka magaalada Garissa.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dileen ugu yaraan hal dagaalyahan, ayna ku dhaawaceen tiro kale.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay cagta mariyeen goobta ay ku sugnaayeen xubnaha, ayna ka heleen sadex qori oo AK47 ah, 90 xabo oo rasaas ah, dawooyin iyo waxyaabo kale.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay heleen sahay caafimaad iyo agabka laga sameeyo walxaha qarxa, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ka dhacda deegaankaas oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Kenya.

Muddooyinkii u dambeeyay ciidamada Booliska Kenay ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, ayada oo ujeedka uu yahay in la xaqiijiyo amniga, lagana hortago weerarada hubeysan ee kooxda.

Si kastaba, waxaa ka horreeyay weerar kale oo dhowaan lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana ahaan jiray dhaqaatiir, kadib weerar ay booliisku ku qaadeen xeruntooda oo ku taalla deegaanka Fafi oo isna hootsga ismaamulka Garissa.

Daawo: Haweeney xaamilo ah oo 6 bilood Guriceel ugu xiran qaan 52 kun oo dollar ah

0

Guriceel (Caasimada Online) – Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa ka taagan kiiska Hooyo Xaamilo ah oo 6-bilood ku xiran saldhigga degmada, hooyadaas waxaa loo heystaa lacag dhan 52 kun oo dollar.

Hooyadaan oo lagu magacaabo Xaawo Cabdullahi Nuur, waxay dhashay sagaal carruur ah, hadda waxay leedahay uur bila dhamaystay, waxay ka shaqey jirtay dhoofinta Ariga jarka ah, waxayna khasaartay lacag dhan $52 kun.

Dadkii ku lahaa lacagta ayaa dacweeyey, waxaana lix bilood ka hor lagu xiray xabsiga Guriceel, ninkii ay u dhashay carruurta ayaa xabsiga ku dhex furay, isagoo ka cararaya qaanta lagu yeeshay gabadhaan, sid ay u sheegtay warbaahinta.

Weriyaal loo ogolaaday inay wareystay ayaa Hooyo Xaawo shalay ku booqday xabsiga, waxay sheegtay sababta loo xiray, waxay ka deyrisay xaaladeeda caafimaad, waxayna sheegtay in lagu xiray qol neef-diid ah oo ah kan ugu nolosha adag qolalka maxaabiista.

Baahintaas kadib, waxaa cirka isku shareeray kiiska Hooyo Xaawo, dad badan ayaa ka carooday sida loola dhaqmay haweeneydaan xaamilada ah, ayadu waxay ka soo jeedaa Dhuusamareeb, balse ninka furay ee 9-ka cunug ay u dhashay, hadana ay uurka u leedahay ayaa ka soo jeeda Guriceel.

Taliyaha booliska degmada Guriceel Cismaan Hudey ayaa caawa ka hadlay kiiskaan, wuxuu sheegay in isagu uu u yeeray warbaahinta, si dadka wax heysta loogu bandhigo qaanta loo heysto gabadhaan, sidoo kale wuxuu beeniyey in qol neefdiid ah lagu xiray gabadha.

Sidoo kale Xaawo oo mar kale maanta warbaahinta la hadashay waxay sheegtay in booliska ay ka heshay wixii ay gacan u awoodeen, balse iskeed ay isaga xanuunsaneed, ciqaab gaar ahna aan loogu geysan xabsiga.

Qaar ka mid ah ganacsatada degmada Guriceel oo is abaabulay ayaa Maamo Xaawo maanta ka soo damiintay xabsiga, sidaas ayey ku timid banaanka lic bilood kadib, waxaana lagu wadaa in dhawaan laga bixiyo lacagtii lagu lahaa oo hadda uruurinteedu ay socoto.

Hoos ka daawo

Sawirro: Xasan Sheekh oo Caruusha u tegay go’aanka laga gaarayo Soomaaliya ee…

0

Caruusha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha ayaa dalkaas uga qeyb-galaya Shirka Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo laga sugayo in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan.

Madaxweynaha ayaa xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faa’iidayaan dadkeenna iyo dalkeenuba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda ku biiridda dalastaas gudbisay sannadkii 2016-kii, Soomaaliya u aragta in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Sida ay horay muujiyeen wadamada ku bahoobay daladaas dowladda Soomaaliya ayaa loo ogolaa doonaa xubinimadeeda, waxaana la qiimeynayaa xog uruurin laga sameeyey dalka intii uu joogay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Puntland oo digniin culus ka soo saartay tallaabada uu BF damacsan yahay + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay moqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya oo ay ku howlan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa maanta lagu soo qaaday shirka golaha wasiirada ee Puntland, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Sacaiid Cabdullahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka oo todobaadle ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashada Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Soomaaliya ,kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha  iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo weli lagu mursanyahay, maadaama mucaaradka ay diideen.

Golaha ayaa  isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta.

Haddaba muxuu yahay go’aanka Puntland ee wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya?

Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ayaa ka horyimid qorshaha dowladda federaalka ee wax ka beddalka dastuurka, ayada oo sheegtay in laga leeyahay dano siyaasadeed.

“Dowladda Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay” ayaa lagu yiri go’aanka Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dastuurka kumeel gaarka ah ee federaalka uu yahay  heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii dowladdii dhexe ee Dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu yiri “Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah”.

Puntland ayaa sidoo kale soo saartay baaq culus, waxayna ka dalbatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan qayb ka noqon qorshaha wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah.

“Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah” ayaa lasii raaicyay bayaanka.

Ugu dambeyn waxa ay Puntland caddeysay in aysan raalli ka noqon doonin wax ka beddalka dastuurka, maadaama aan lagala sameyn wax wada tashi ah.

“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aan maanta kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland.

ITOOBIYA oo u weecatay Somaliland kadib hanjabaaddii Abiy Ahmed ku dalbaday BAD

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa wada-hadallo la furtay maamulka Somaliland, ayada oo kala hadleysa isticmaalka dekedda Berbera, toddobaadyo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ku hanjabay inay qasab tahay inay helaan dekad.

Wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA ayaa wasiirka gaadiidka iyo saadka Dr. Alemu Sime kasoo xigatay in wada-hadalladaas ay marayaan meel wanaagsan.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bishii October sheegay in qeyb ka helitaanka Badda Cas “ay tahay arrin ku xiran jiritaanka Itoobiya”, hadalkaasi oo walaac ka abuuray dalalka deriska ah ee Eritrea, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ENA, wasiir Alemu Sime ayaa golaha wasiirada warbixin ka siiyey halka ay marayaan wada-hadallada Somaliland.

Isaga oo xusaya in Itoobiya ay 95% badeecadaha ay lasoo degto iyo kuwa ay dhoofiso u isticmaasho dekedda Jabuuti, wasiirka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu raadinayo dekedo kale, islamarkaana ay meel wanaagsan marayaan wada-hadallada ku aaddan isticmaalka dekedda Berbera, sida ay sheegtay EPA.

Waxa uu sidoo kale sheegay in wada-hadallo ay kula jiraan dowladda Kenya oo ku aaddan isticmaalka dekedda Lamu ay meel wanaagsan marayaan.

Abiy ayaa horey uga digay in deked la’aanta dalkiisa ay mustaqbalka noqon karto il colaadeed, wuxuuna ku baaqay dadaallo wax looga qabanayo arrintaas si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka.

Itoobiya ayaa albaabkii badda uu kasoo xirmay 1993-kii markii Eritrea ay heshay madax-banaani, kadib 30 sano oo dagaal ah.

Somaliland ayaa sheegatay inay ka go’day Soomaaliya 30 sano kahor, balse ma haysato aqoonsi caalami ah, taasi oo adkeyneysa heshiis kasta oo Itoobiya ay ku dooneyso inay dekad uga hesho Soomaaliya, ayada oo aan soo marin dowladda federaalka.

Dowladda federaalka ayaa horey u sheegtay inay diiday codsi uga yimid itoobiya oo ku saabsan inay la gasho wada-xaajood ku saabsan sidii ay uga heli laheyd deked ku taalla Badda Cas.

Inkasta oo Soomaaliya ay “si aad uga go’an tahay” horumarinta nabadda, amniga, ganacsiga iyo is-dhex-galka, haddana ma xiiseynayso bixinta helitaanka hanti istaraatiiji ah sida deked, waxaa sidaas warbaahinta Bloomberg u sheegay wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar (Cali Balcad).

“Madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya – berriga, badda iyo hawada – sida uu dhigayo dastuurkeena, waa muqaddas mana furan in laga doodo,” ayuu yiri.

Xog: Wasiir Doodishe oo loo magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya ee Qatar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa maanta loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee waddanka Qatar, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Doodishe oo muddo ku dhow laba sanno ahaa wasiirka amniga gudaha ayaa hadda noqon doono Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Qatar oo kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in Wasiir Doodishe uu maanta ka qayb-galay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo noqon doono kiisii ugu dambeeyey, wuxuuna sidoo kale macsalaameeyay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ee maanta ka qayb-galay shirka.

Sawirro la soo qaaday shira kadib oo ay wada galeen Doodishe iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in la macsalaameeyay, maadaama uu noqonayo safiir.

Sidoo kale magacaabista Doodishe ee Safiirka Qatar waxaa xaqiijisay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye oo qoraal soo dhigtay Fecebook-geeda.

“Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha XFS Safiirkeena Doha Qatar u fadhiisan doona dowladda Soomaaliya,” ayay qoraalkeeda ku tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.

Dhinaca kale lama oga cidda loo magacaabi doona booska uu banneeyay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, waxaana laga dhowr sugayaa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Si kastaba, maagacaabistan ayaa kusoo aaday xilli la filayo in uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  uu golahiisa Wasirrada ku sameeyo isku shaandheyn ballaaran, balse ma cadda xubnaha ay saameyn doonto, haddii la qaado tallaabadaasi.

Kulankii xildhibaanada Puntland oo ku dhamaaday buuq iyo gacan qaad + Video

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in dood xoogan ay haraysay kulan xasaasi ah oo ay maanta magaaladaas ku lahaayeen xildhibaanada Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Kulankan oo loo ballansanaa in looga hadlo xeerka doorashooyinka ee weli lagu murusan yanay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo gacaan qaad, ka dib markii xildhibaanadu ay si adag isugu khilaafeen meel-marinta xeerka wax ka beddelka doorashooyinka maamulkaas.

Hoolka baarlamaanka ayaa waxaa hal mar qabsaday sawaxan xoogan, waxaana la arkayay xildhibaano careysan oo isku fara baxsanaya, sida ay muujinayaan muuqaallo la helay.

Arrinta ay isku qabteen xildhibaanada ayaa timid ka dib markii xubnaha guddiga loo xil-saaray xeerka doorashooyinka ay soo jeediyeen in dib loo dhigo meel marintiisa, sababo la xiriira ammaanka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Garoowe.

Intaas kadib waxaa doodda soo farageliyay guddoomiyaha Golaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo shaaciyay in meel-marinta xeerkan dib loo dhigo illaa Axadda, waxaana kadib uu sidaas kusoo xiray kulankii ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland.

Dhinaca kale qaar kamid ah xildhibaanada oo kulanka kadib la hadlay Wariyeyaasha ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha inuu afduubtay baarlamaanka, sida ay hadalka u dhigay.

Xaaladdan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashooyinka Puntland oo xiisad xoogan ka dhex dhaliyay xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale madaxweyne Deni.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sii dhammaanaya waqtiga muddo xileedka hay’adaha dowladda, ayada oo lagu heshiin hannaanka doorashada.

Faahfaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo xalay ka dhacay gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo jugtiisa ay si xoogan u maqleen dadka deegaanka ayaa waxaa lagu xiray Farmashiye ku yaal qaybo kamid ah degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa sheegaya in Farmashiyaha uu lahaa qof shacab ah, isla-markaana miino lagu burburiyay, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo uu gaystay qaraxaan, marka laga reebo burburka soo gaaray dhismaha Farmashiyaha iyo Daawooyinka lagu iibinayay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in sababta loo beegsaday goobta caafimaad ay tahay in lagu xiray kaamirooyinka CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxaasi, bale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska oo baaritaano kooban ka sameeyay aagga ay wax ka dhaceen ee degmada Yaaqshiid.

Inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa beegsada xarumaha ganacsi ee ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ay isku qabtaan lacagaha baadda ah.

Weerarada noocaan oo kale ayaa maalmihii u dambeeyay kusoo kordhayay caasimada, waxaana horay sidaan oo kale loo beegsaday xarumo ay leedahay Shirkadda Hormuud.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa hadda ka deggan sidii hore, waxaana dhinaca kale howlgallo amni xaqiijin ka wada ciidamada Booliska iyo kuwa Xasilinta Caasimada.

DF Soomaaliya oo shaacisay in 96 QOF ay ku dhinteen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin cusub kasoo saartay xaaladda dalka, gaar ahaan dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo maanta warbixin u gudbisay golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay sii kordheyso dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, taas oo si weyn looga dareemay inta badan gobollada dalka.

SoDMA ayaa warbixinteeda ku sheegay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka haata  ka da’aya dalka.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin Soomaaliyeed ee gaaraya illaa 96 qof.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha.

Dhankiisa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Somaliland oo shaacisay inay weerar kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban 3 dhinac

0

Hargeysa (Caasimnada Online) – Dowladda Somaliland ayaa cambaareysay weerar ay sheegtay inay shalay kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban saddex dhinac, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn ee gobolka Sool, islamarkaana lagu waxyeeleeyey dad shacab ah. 

“Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ahaa fal wuxuushnimo ah iyo sidoo kale xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland. 

Weerarka ayey Somaliland sheegtay inay soo qaadeen isbaheysi ka kooban, Al-Shabaab, maamulka Puntland iyo wax ay ugu yeertay maleeshiyada Garaadada ee Laascaanood.

“Falkan foosha xun ayaa waxaa mas’uul ka ah maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Isbahaysigan oo taageero ka helaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa taariikh u leh xasillooni dareynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo marar badan colaad iyo rabshado ka abuurayay dhulka Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland ayaa sheegtay in weerarka uu sidoo kale yahay isku day uu maamulka Puntland dareenka uga weecinayo xasaradaha ka taagan gudaha maamulkaas.

“Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ma ogolaanayso inay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee loo adeegsanayo qalab siyaasadeed ahaan,” ayey tiri Somaliland. 

“Xukuumadda Somaliland waxaa ka go’an badbaadada iyo nabad-gelyada muwaadiniinteeda, waxaanay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda ku sugan gobolka Sool ee Somaliland.” 

Somaliland ayaa ugu dambeyn ku hanjabtay in aanay ka laba labeyn doonin inay dhulkeeda la aqoosan yahay ka difaacdo nooc kasta oo gardarro ah.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka aagga Buqdharkayn, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale, SSC-Khaatumo oo war kasoo saartay dagaalkaas ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen ciidamada Somaliland, balse ay iska difaaceen ciidamadeeda.

“Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.